Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa lafilayaa in uu dhowaan ku dhawaaqo aqoonsi buuxo oo uu siiyo waxa loogu yeero dowladda Yahuudda ee dhulalka Filasdiin heysata. Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa ilo wareedyo ayaa sheegtay in Arbacada soo socota uu Trump jeedin doono khudbo uu ku amrayo in safaaradda Mareykanka loo raro magaalada Alqudus taas oo noqonaysa dowladdii ugu horraysay ee caalamka Qudus u aqoonsata magaalo Yahuuddu leedahay. Hoggaamiya Mareykanka ayaa diblumaasiyiinta American-ka fari doona in ay uguuraan magaalada Alqudus ayna halkaas kasii wadaan shaqada diblumaasiyadeed ee Mareykanka ay ku metelayaan. Ictiraafkan Trump ayaa lafilayaa in uu burburiyo waxa loogu yeero wadahadalladii Nabadda ee udhaxeeyay Maamulka Filasdiin iyo Yahuudda, Trump ayaa sanaddii 2016 xilligii uu u tartamayay xilka madaxtinimada wuxuu ballan qaaday in uu safaaradda Mareykanka u rari doono magaalada Alqudus. Alqudus oo ay leeyihiin muslimiinta waxaa ku yaal masjidka Barakeysan ee Al-aqsaa oo ah goobta sedaxaad ee ugu kheyrka badan caalamka waana qibladii ugu horraysay ee muslimiinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Jidadka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo badan oo lasoo dhuubay kuwaas oo qeyb ka ah isbedel lagu sameeyay xaaladda amniga caasimadda iyadoo howolgallo baaritaan oo xoog leh ka socdaan magaalada. Ciidamada xasilinta iyo kuwa ammaanka ayaa Muqdisho ka wada howlgal xoog leh oo lag baarayo gaadiidka kal duwan, waxanaa ciidamada wadooyinka taagan ay muujinayaan feejignaan dheeraada ah. Baaritaanka ugu weyn ayaa ka socda wadadda Maka Al-Mukarama waxaana baaritaanka ka mida gaadiidka ay la socdaan ciidamada ilaalada u ah madaxda iyo xildhibaannada dowladda, kuwaasoo la hubinayo inay u hoggaansameen amarradii kasoo baxay wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya. Ciidamo fara badan oo dheeraad ah ayaa la dhigay wadadda Maka Almukarama, iyadoo howlgalka socda uu gaabis ka dhigay isu socodka gaadiidka, waxayna wadaddaasi tahay tan ugu mashquulka badan caasimadda. Ciidamo cusub oo Boolis ah ayaa Magaalada dhexdeeda lasoo dhoobay, waxayna si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa Magaalada, waxaana jidadka dhexdooda lagu arkayaa ciidamo bartamaha laamiyadaha iyo geesaha taagan. Maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda Amniga ayaa ku dhawaaqay inay Magaalada geli doonto xaalad amni oo middii hore ka duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa ku jira waqtigii ugu xumaa tan iyo markii Ururukaan la sameeyey kadib burburkii Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ka curtay Soomaaliya. Ururka Al-Shabaab ayaa bilooyinkii ugu dambeeyey la kulmayey ciqaabtii ugu adkeyd oo isugu jirtay duqeymo iyo dagaal toos ah oo dhanka Diyaaradaha ah. Diyaaradaha dowladda Mareykanka oo kaashanayo Ciidamo ka tirsan Kumaandooska dowladda Soomaaliya ayaa dhawr weerar ku qaaday saldhigyo ay lahaayeen Ururka Al-Shabaab, iyadoo Mayrekanka uu sheegay inuu ku guuleystay burburina dhawr saldhig oo ay lahaayeen Ururkaan xiriirka tooska ah la leh Al-Qaacidda. Ururka Al-Shabaab ayaa bilaabay inay isaga qaxaan meelihii ay ku sugnaayeen kadib markii la helay dhammaan aqbaaraadka ku saabsan meelaha ay ku dhuuntaan, waxayna hadda bilaabeen inay isticmaalaan xeelado cusub. Madaxda ugu sareyso Ururka Al-Shabaab ayaa amar ku bixiyey in la badalo dhammaan saldhigyadii ay hore ugu lahaayeen qeybo kamid ah deegaanada Koonfur Galbeed kadib markii ay ku badatay duqeymaha. Firxadka Ururka Al-Shabaab ayaa gaaray qeybo kamid ah Gobolada Dhexe kadib markii ay soo wajahday Cabsidii ugu weyned. Deegaan u dhow Guriceel ayaa lagu arkay ku dhawaad 100 ka tirsan Ciidamada Al-Shabaab oo halkaas ka dhiganayo gabaad, waxayna ilaalinayaan Saraakiil ka tirsan Kooxdaas oo kasoo baxsaday duqeymaha Mareykanka. Wararka naga soo gaarayo Gobalka Gedo gaar ahaan duleedka Garbahaarey ee xarunta Gobalka ayaa soo sheegaya maanta diyaaro dagaal lagu arkay Goobihii ay gaareyn Ciidamada Al-Shabaab iyo hogaamiyahooda Axmed Diiriye. Diyaaradahaan dagaalka ee maanta lagu arkay duleedka Garbahaarey ayaa la ogeyn dalka laga leeyahay waxaana saraakiisha Dowladda ee aan la xariirnay ay sheegeyn in ay faah faahin ka bixin doonaan markii ay helaan xog dhameestiran. Al-shabaab ayaa ku jira xaalad cabsi ah waxa ayna ka cararayaan duqeymaha dhinaca cirka ah oo ay ku waayeen Ciidan badan iyo saraakiil muhiim u ahaa kuwaas oo ku sugnaa Koonfurta Soomaaliya. Siyaasiyiinta Falanqeeyo Siyaasadda ayaa sheegayo inay Shabaab hadda ku jiraan xaaladdii ugu xumeyd tan iyo markii ururkaas la aasaasay, isla markaasna ay soo fuushay culeyskii ugu weynaa, waxayna sheegayaan inay fursadaan tahay middii ugu dambeysay oo Al-Shabaab lagu baabi’in lahaa haddii ay sii socoto duqeymaha iyo dagaalada lagu beegsanayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Taliyaha Saldhigga dhexe ee Caasumadda Garoowe, Dhamme.Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) oo duhurnimadii Maanta shir jaraa’id qabtay ayaa digniin cusub soo saaray. Halkaan ka daawo. PUNTLAN DPOST The post Daawo: Booliiska Garoowe oo digniin cusub soo saaray. appeared first on Puntland Post.
  5. Garbahaarey (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Gobalka Gedo gaar ahaan duleedka Garbahaarey ee xarunta Gobalka ayaa soo sheegaya maanta diyaaro dagaal lagu arkay Goobihii ay gaareyn Ciidamada Al-Shabaab iyo hogaamiyahooda Axmed Diiriye. Diyaaradahaan dagaalka ee maanta lagu arkay duleedka Garbahaarey ayaa la ogeyn dalka laga leeyahay waxaana saraakiisha Dowladda ee aan la xariirnay ay sheegeyn in ay faah faahin ka bixin doonaan markii ay helaan xog dhameestiran. Al-shabaab ayaa ku jira xaalad cabsi ah waxa ayna ka cararayaan duqeymaha dhinaca cirka ah oo ay ku waayeen Ciidan badan iyo saraakiil muhiim u ahaa kuwaas oo ku sugnaa Koonfurta Soomaaliya. Weli lama shaacin duqeymo ay diyaaradahaas fuliyeen basle dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in ay casbi soo wajahday maadaama Diyaaraduhu laga yaabo in ay duqeyn geystaan. Xaalada tuulooyin hoostaga degmada Garbahaareey ayaa Maanta ah mid kacsan,iyada oo dhaq dhaqaqyo ciidan laga dareemayo halkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Iyadoo shalay la xusay maalinta caalamiga ah ee cudurka AIDS-ka oo ku beegan 1 Dec sannadkasta,ayaa xalay magaalada Garoowe lagu qabtay kulan isugu jiray casho sharaf iyo ka wacyi-gelinta bulshada ee halista cudurkaan. Munaasabad ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen madaxweyne ku-xigeenka Puntland,guddoomiyaha Baarlamanka, xubno ka socday golaha wasiirada,madaxda hay’adda la-dagaallanka AIDS-ka Puntland ee PAC iyo marti sharaf kale,ayaa sidoo diiradda lagu saarayey sida loo yareyn karo takoorka ay la kulmaan dadka la’nool cudurka. Maxamuud Warsame Maxamuud oo ku hadlayey afka dadka la nool cudurka ayaa sheegay in uu jiro faquuq iyo takoor ay kala kulmaan bulshada,isagoo tusaale u soo qaatay in shaqadiisi uu waayey,kadib markii laga helay AIDS-ka. Agaasimaha hay’adda la-dagaallanka AIDS-ka Puntland ee PAC Cabdulqaadir Maxamed Burburshe oo ka warbixiyey heerka cudurkaan ee guud ahaan degaannada Puntland ayaa soo bandhigay shaxan muujinaya in sannadba sannadka ka dambeeya uu siyaadayo cudurkaan. Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi xaaji Cumar(Camey) oo kulanka soo xiray ayaa ku dhawaaqay in aan cid dambe shaqo looga cayrin doonin cudur ku dhacay awgiis,wuxuuna bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in ay joojiyaan takoorka lagu hayo dadka la’nool AIDS-ka. Intii munaasabaddu socotay ayaa lagu soo bandhigay buug ka hadlaya dhibaatada ay la kulmaan dadka qaba cudurka HIV/AIDS,sidoo kale waxaa la magacaabay u heellanaha ka hortagga dhaleecaynta iyo faquuqa loo geysto dadka la nool cudurka. Muuqaal sawirro. PUNTLAND POST The post Daawo+sawirro: Hay’adda la dagaalanka AIDska Puntland ( PAC) oo Garowe ku qabatay kulan ku saabsan wacyi-gelinta bulshada ee halista cudurka AIDs-ka appeared first on Puntland Post.
  7. Iyadoo shalay la xusay maalinta caalamiga ah ee cudurka AIDS-ka oo ku beegan 1 Dec sannadkasta, ayaa xalay magaalada Garoowe lagu qabtay kulan isugu jiray casho sharaf iyo ka wacyi-gelinta bulshada ee halista cudurkaan. Munaasabad ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen madaxweyne ku-xigeenka Puntland,guddoomiyaha Baarlamanka, xubno ka socday golaha wasiirada,madaxda hay’adda la-dagaallanka AIDS-ka Puntland ee PAC iyo marti sharaf kale,ayaa sidoo diiradda lagu saarayey sida loo yareyn karo takoorka ay la kulmaan dadka la’nool cudurka. Maxamuud Warsame Maxamuud oo ku hadlayey afka dadka la nool cudurka ayaa sheegay in uu jiro faquuq iyo takoor ay kala kulmaan bulshada,isagoo tusaale u soo qaatay in shaqadiisi uu waayey,kadib markii laga helay AIDS-ka. Agaasimaha hay’adda la-dagaallanka AIDS-ka Puntland ee PAC Cabdulqaadir Maxamed Burburshe oo ka warbixiyey heerka cudurkaan ee guud ahaan degaannada Puntland ayaa soo bandhigay shaxan muujinaya in sannadba sannadka ka dambeeya uu siyaadayo cudurkaan. Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi xaaji Cumar(Camey) oo kulanka soo xiray ayaa ku dhawaaqay in aan cid dambe shaqo looga cayrin doonin cudur ku dhacay awgiis,wuxuuna bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in ay joojiyaan takoorka lagu hayo dadka la’nool AIDS-ka. Intii munaasabaddu socotay ayaa lagu soo bandhigay buug ka hadlaya dhibaatada ay la kulmaan dadka qaba cudurka HIV/AIDS,sidoo kale waxaa la magacaabay u heellanaha ka hortagga dhaleecaynta iyo faquuqa loo geysto dadka la nool cudurka. Puntlandi.com
  8. Maxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 02 December 2017 safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dawladda Federaalka ah Soomaaliya. Madaxwaynaha iyo weftgiisa ayaa kahor intaanay ka anbabixin garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Kanooko ayaa waxaa kusii sagootiyay madaxwayne kuxigeenka dawladda Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay iyo madax katirsan golayaasha dawladda Puntland, saraakiiisha ciidamada iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dawladda Puntland. Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa magaalada Muqdisho waxa uu kaga qaybgelidoonaa shirka amniga qaranka, kaas oo ka furmidoona magaalada Muqdisho, shirkaas oo ay kasoo qayb geli doonaan madaxda dawladda xubanaha ah Dawladda federaalka Soomaaliya. Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed ali Gaas ayaa kahor inta aanu ka anbabixin garoonka diyaarahada magaalada Garoowe ee kanooko, ayaa waxaa uu lahadlay warbaahinta isaga oo kawarbixinaya safarkiisa maanta uu ugu anbabaxay Muqdisho waxaana uu yiri madaxweynuhu ”waxaan kusocdaa Muqdisho oo aan kaga qaybgalayo shir ay isugu imanayaan beesha caalamka iyo madaxda soomaalida, iyo sidoo kale shirkii amniga qaranka oo arimaha ugu muhiimsan oo looga hadlayo ay noqon doonto nabdgelyada dalka, xasilinta iyo geedi socodka dawladnimadda soomaaliya, shirkaas oo labada maalmood ah, kabacdinawaxaa dhici doona shirkii beesha caalamka iyo madaxda soomaalida oo dhammaandoona bisha 5teeda ah, kabacdina inshaa allaahu waxaan rajaynayaa in aan si nabad gelya ah usoo laabano, waxaan idinkula dardaarmayaa in laga shaqeeyo lana taageero nabadgelyada iyo horumar, guul baan diin rajaynayaa” Ugu danbayn, Madaxwaynaha Dawladda Puntland DR. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiha balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa maalmaaha fooda inaku soo haya ku sugnaan doona magaalada Muqdisho, kadibna dalka dib ugu soo laaban doona. –DHAMMAAD– XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND. Maxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 02 December 2017 safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dawladda Federaalka ah Soomaaliya. Madaxwaynaha iyo weftgiisa ayaa kahor intaanay ka anbabixin garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Kanooko ayaa waxaa kusii sagootiyay madaxwayne kuxigeenka dawladda Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay iyo madax katirsan golayaasha dawladda Puntland, saraakiiisha ciidamada iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dawladda Puntland. Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa magaalada Muqdisho waxa uu kaga qaybgelidoonaa shirka amniga qaranka, kaas oo ka furmidoona magaalada Muqdisho, shirkaas oo ay kasoo qayb geli doonaan madaxda dawladda xubanaha ah Dawladda federaalka Soomaaliya. Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed ali Gaas ayaa kahor inta aanu ka anbabixin garoonka diyaarahada magaalada Garoowe ee kanooko, ayaa waxaa uu lahadlay warbaahinta isaga oo kawarbixinaya safarkiisa maanta uu ugu anbabaxay Muqdisho waxaana uu yiri madaxweynuhu ”waxaan kusocdaa Muqdisho oo aan kaga qaybgalayo shir ay isugu imanayaan beesha caalamka iyo madaxda soomaalida, iyo sidoo kale shirkii amniga qaranka oo arimaha ugu muhiimsan oo looga hadlayo ay noqon doonto nabdgelyada dalka, xasilinta iyo geedi socodka dawladnimadda soomaaliya, shirkaas oo labada maalmood ah, kabacdinawaxaa dhici doona shirkii beesha caalamka iyo madaxda soomaalida oo dhammaandoona bisha 5teeda ah, kabacdina inshaa allaahu waxaan rajaynayaa in aan si nabad gelya ah usoo laabano, waxaan idinkula dardaarmayaa in laga shaqeeyo lana taageero nabadgelyada iyo horumar, guul baan diin rajaynayaa” Ugu danbayn, Madaxwaynaha Dawladda Puntland DR. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiha balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa maalmaaha fooda inaku soo haya ku sugnaan doona magaalada Muqdisho, kadibna dalka dib ugu soo laaban doona. –DHAMMAAD– XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Ambabaxay Magaalada Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Hargeisa Munaasibad Casho Sharaf ah loogu sameeyay Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Xubno ka tirsan maamulkii Khaatumo ee Heshiiska la galay Somaliland, Kuwaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Hargeisa. Madasha ayaa waxaa la isku dhaafsaday Kaftan iyo Sheekooyin kala duwan, Waxaana Halkaasi ka hadlay Dr. Cali Khaliif iyo Masuulka Casuumada ugu sameeyay Hargeisa. Dhinaca kale waxaa kulanka ka hadlay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo sheegay inuu Cali khaliif yahay nin usoo noqday Somaliland, Hadana la dhamaystiri doono waxa qabyada ah ” Cali Waanu soo dhowaynayaa inuu Noqday Oday Soomaliland, oo laga shaqeeyo Soomaaliland mid ah oo walaal ah ” ayuu yidhi Saylici.
  10. Wasiirka cusub ee wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Federaalka Soomaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi ah xilkaasi ula wareegay, kadib munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda difaca ee magaalada Muqdisho. Munaasabadan waxaa ka qeybgalay wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi, guddiga difaaca baarlamaanka, xildhibaanno, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Wasiir Maxamed oo hadal ka jeediyey munaasabaddaasi ayaa sheegay in uu qorsheynayo xoojinta iyo tayeenta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay wasiirka si loo adkeeyo difaaca dalka iney muhiim tahay in la dhiso ciidamo xooggan oo xoogga dalka ah. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhowaan xilka wasiirka difaaca usoo magacaabay Maxamed Sheekh Mursal, kadib markii uu is casilay C/rashiid C/llaahi Maxamed oo xilkaasi hayey. Goobjoog News Source
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Inta lagu guda jiray howlgallada AFIRCOM ee Soomaaliya, oo taageera Ciidamada Wadajirka ah ee Geeska Afrika, Kordhinta weerarrada Maraykanka ee ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab ayaa qayb ka ah dadaalka lagu doonayo in loogu diyaar garoobo waqtigii dalka lagu wareejin lahaa ciidammada Somaliya. Xukuumadda cusub ee Soomaaliya waxay dalka ugu deeqday fursaddeedii ugu fiicneyd “nabadda joogtada ah ee jiilka,” sidoo kale ciidamada Mareykanka waxay sii wadi doonaan in ay dhisaan ciidamada maxalliga ah si ay ula dagaallamaan xagjiriinta islaamiyiinta ah” Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sidaas sheegay Arbacadii. “Siyaasadeena waa inaan taageerno dadaallada ay hoggaaminayaan Soomaalida ee ku dhiirri-galinaya xubnaha Al-Shabaab iyo dowladda Islaamka inay joojiyaan carqaladeynta xukuumadda Soomaaliya iyo inay taageeraan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AFRICOM. “Marka aysan tani suurtagal ahayn, siyaasadeena milatari ee beegsaneysa kooxahani waxay la socdaan sharciyada khilaafaadka hubeysan iyo in ay taageeraan hadafyadeenna ballaaran ee lagu doonayo xasilloonida.” ayaa lasii raaciyey. AFRICOM ayaa bishii soo dhammaatay Soomaaliya ka fulisay ilaa 9 Duqeyn oo luu geystay bartilmaameedyo Al-Shabaab leeyihiin, waxayna guud ahaan Sanadkaan fuliyeen ilaa 30 Duqeyn oo dhanka Cirka ah sida ay war saxaafadeedkeedak u sheegtay. Ujeedada Maraykanku waa inay dejiso “jawi ammaan ah oo loogu talagalay dadaallada dibloomaasiyadeed ee ballaaran ee la xidhiidha dib-u-heshiisiinta qaran iyo dhismaha dawlad karti leh, wakiil buuxdana ka ah Soomaaliya” ayuu War Saxaafadeedka ku sheegay taliyaha AFRICOM Gen. Thomas Waldhauser . AFRICOM ayaa sheegtay in waxyaabaha Mareykanka ku riixayo dadaaladaan ay qeyb ka tahay dareen ku aadan in dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay gacan ka geysan karto mideynta dalka Soomaaliya oo xaalad dagaal ku jiray muddo 30 sano ah. Farmaajo oo dalka Soomaaliya Madaxweyne ka noqday Bishii February ayaa ah shaqsi heysato Dhalshada dalka Mareykanka, wuxuuna ka shaqeyn jiray Magaalada New York gaar ahaan qeybta Gaadiidka ka hor inta uusan noqon Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna xafiiskiisa ka bilaabay la dagaalanka Musuq Maasuqa. Ololaha Maraykanku wuxuu sidoo kale qayb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu doonayo in millatariga Soomaaliya uu helo awood sida lagu sheegay war Saxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. On 24th November 2017, Hadhwanaagnews website was blocked on the order of Hargeisa Regional Court, according to the management of the website and court officials. The website has been inaccessible to the users of the local internet providers. The court issued its order without informing the management of the website the contents of allegations. The management of the website learnt the blockage after customers informed them that they could not access the website, Abdirisak Good, the Director of Hadhwanaagnews told Human Rights Centre (HRC). A court official told HRC that there is a case filled by the police against Hadhwanaagnews. The case is related to news articles published by the website after the 13th November presidential election. The articles were allegedly critical to the way the election was handled. On 13th November 2017 Somaliland held a presidential election won by the ruling party candidate, Muse Behi Abdi. Blocking of online media is increasing. On July this year five websites were blocked by a court in Hargeisa on the basis that they were “disseminating false news against the clans that live together in the Republic of Somaliland {and} propaganda against the officials of the State of the Republic of Somaliland.” The social media were also blocked on the Election Day, 13th November, until 17th November on the order of the National Electoral Commission. The Commission said the shutdown was necessary to avoid rumours and spread of fake news “The blockage of Hadhwanaagnews is unacceptable and is threat to the freedom of media. We condemn the attempts aimed to control the independent media coverage,” says Guleid Ahmed Jama, the chairperson of Human Rights Centre. Somaliland constitution upholds freedom of press and prohibits any act that subjugates the media, as stipulated in article 32 of Somaliland constitution. Human Rights Center calls on the government of Somaliland to lift the blockage from Hadhwanaagnews website.
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qeybgalkii caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Shir-madaxeedkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast. Shirkan oo muddo labo cisho ah socday ayaa waxyaabihii madaxdii halkaas isugu timid ay isku afgarteen waxaa kamid ahaa in labada qaaradood ee dariska ah ay yeeshaan mustaqbal wadaag dhabaha u xaaraya iskaashi buuxa oo dhex mara dalalka Afrika iyo Yurub. Mawduuca shirka ee sanadkan ayaa waxaa loo doortay arrimaha dhallinyarada iyada oo ay kasoo qeyb-galeen dhallinyaro ka socota labada qaaradood si ay uga warbixiyaan xaaladahooda iyo himilooyinkooda mustaqbalka. Arrimaha Madaxda Afrika iyo Yurub ay isla qaateen ayaa waxaa ka mid ah in si deg deg ah looga jawaab celiyo dhibaatooyinka isa soo taraya ee dalka Liibiya ku haysta kumannaanka Muhaajiriinta Afrikaanka ah, iyadoona loo xil saaray arrinkan in ay warbixin iyo baaritaan ka soo sameeyaan diblumaasiyiin uu hoggaaminayo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Mudane Maxamed Cali-Nur Xaaji. Sidoo kale, Madaxdii halkaas isugu timid waxa ay isku afgarteen in la ixtiraamo madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka labada qaaradood, isla markaasna laga hortago in dowlado sharci ah lagu rido nidaam aan dastuurka dalalkaas waafaqsaneyn, lagana fogaado faragelinta arrimaha gudaha ee dal kamid ah dalalkan bah-wadaagta ah. Dhanke kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf-Garaad Cumar ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Lithuania Mudane Linas Linkevičius, iyaga oo kala saxiixday heshiis lagu abuurayo xiriir diblomaasiyadeed oo dhex mara labada dowladood. Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay Wasiir Ku Xigeen Arrimaha Dibadda ee Romania oo ay isku afgartay in dib loo yagleelo xirriirkii ka dhaxeeyay labada dowladood, iyadoona sido kale la isla meel dhigay in ay iska kaashadaan dhinacyada wax soosaarka, tayeynta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Madaxweynaha ayaa intii uu socday Shir-Madaxeedka labada qaaradood ee Afrika iyo Yurub waxa uu kulamo gaar ah la yeeshay Madaxwyenaha Ivory Coast Alassane Ouattara, Rai’iisul Wasaaraha Sweden Stefan Löfven, Ra’iisul Wasaaraha Finland Juha Sipilä, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Boris Johnson, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres iyo Madaxweynaha Baanka Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina. Madaxda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika iyo Yurub ay yeeshaan kulan sanadle ah si loo xoojiyo xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsi ee labada qaaradood. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeybgalay shirkan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf-Garaad Cumar, Dajiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya Mudane Maxamed Calinuur Xaaji, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Siciid Faqi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Barlamaanka. -DHAMMAAD- Source
  14. Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda ay dul heehaabayaan deegaanno kamid ah gobolkaasi, iyadoo dadka ku dhaqan deegaannadaasina ay cabsi weyn soo wajahday. Wararka ay helayso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in deegaanno badan oo hoosyimaada degmada Garbahaarey ay dul socdaan diyaaradahan oo aan la ogeyn dalka laga leeyahay, iyadoo la sheegay in halkaasi ay soo gareen dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ah. Dad ku sugan halka diyaaradahan lagu arkay ayaa inoo sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ee hadda soo gaaray Gedo ay la socdaan saraakiil, waxaana ay kasoo talaabeen dhanka gobolka Jubada Dhexe. Ma jirto wax duqeyn ah oo ay diyaaradahan fuliyeen, walow shacab ay ka baqayaan in duqeyn ay dhacdo. Warkaan wixii kusoo kordha waxaan idiin kugu soo gudbin doonnaa wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
  15. Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Wafdigan waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan Labada gole ee dowladda Federaalka. Axmed Madoobe oo si kooban saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay in Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka golaha amniga oo magaalada ka dhici doona. Dhanka Kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho uu aad usoo hagaagayo marka loo eego sanadihii u dambeeyay isaga oo ra jeeyay in la gaaro isku filnaansho dhanka ammaanka ah. Madaxda mamul goboleedyada kale ee dalka ayaa iyaguna lagu wadaa iney soo garaan magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan shirka golaha amniga qaranka ee 4-ta bishan ka furmi doona magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source
  16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qeybgalkii caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Shir-madaxeedkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast. Shirkan oo muddo labo cisho ah socday ayaa waxyaabihii madaxdii halkaas isugu timid ay isku afgarteen waxaa kamid ahaa in labada qaaradood ee dariska ah ay yeeshaan mustaqbal wadaag dhabaha u xaaraya iskaashi buuxa oo dhex mara dalalka Afrika iyo Yurub. Mawduuca shirka ee sanadkan ayaa waxaa loo doortay arrimaha dhallinyarada iyada oo ay kasoo qeyb-galeen dhallinyaro ka socota labada qaaradood si ay uga warbixiyaan xaaladahooda iyo himilooyinkooda mustaqbalka. Arrimaha Madaxda Afrika iyo Yurub ay isla qaateen ayaa waxaa ka mid ah in si deg deg ah looga jawaab celiyo dhibaatooyinka isa soo taraya ee dalka Liibiya ku haysta kumannaanka Muhaajiriinta Afrikaanka ah, iyadoona loo xil saaray arrinkan in ay warbixin iyo baaritaan ka soo sameeyaan diblumaasiyiin uu hoggaaminayo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Mudane Maxamed Cali-Nur Xaaji. Sidoo kale, Madaxdii halkaas isugu timid waxa ay isku afgarteen in la ixtiraamo madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka labada qaaradood, isla markaasna laga hortago in dowlado sharci ah lagu rido nidaam aan dastuurka dalalkaas waafaqsaneyn, lagana fogaado faragelinta arrimaha gudaha ee dal kamid ah dalalkan bah-wadaagta ah. Dhanke kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf-Garaad Cumar ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Lithuania Mudane Linas Linkevičius, iyaga oo kala saxiixday heshiis lagu abuurayo xiriir diblomaasiyadeed oo dhex mara labada dowladood. Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay Wasiir Ku Xigeen Arrimaha Dibadda ee Romania oo ay isku afgartay in dib loo yagleelo xirriirkii ka dhaxeeyay labada dowladood, iyadoona sido kale la isla meel dhigay in ay iska kaashadaan dhinacyada wax soosaarka, tayeynta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Madaxweynaha ayaa intii uu socday Shir-Madaxeedka labada qaaradood ee Afrika iyo Yurub waxa uu kulamo gaar ah la yeeshay Madaxwyenaha Ivory Coast Alassane Ouattara, Rai’iisul Wasaaraha Sweden Stefan Löfven, Ra’iisul Wasaaraha Finland Juha Sipilä, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Boris Johnson, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres iyo Madaxweynaha Baanka Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina. Madaxda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika iyo Yurub ay yeeshaan kulan sanadle ah si loo xoojiyo xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsi ee labada qaaradood. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeybgalay shirkan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf-Garaad Cumar, Dajiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya Mudane Maxamed Calinuur Xaaji, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Siciid Faqi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Barlamaanka. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxwyenaha Ivory Coast Alassane OuattaraMadaxweyne Farmaajo iyo Madaxwyenaha Ivory Coast Alassane OuattaraMadaxweyne Farmaajo iyo Rai’iisul Wasaaraha Sweden Stefan LöfvenMadaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Finland Juha SipiläMadaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxa Baanka Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Dalka Dib ugu Soo laabtay kadib Safar Dhowr Cisho Qaatay appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qeybgalkii caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Shir-madaxeedkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast. Shirkan oo muddo labo cisho ah socday ayaa waxyaabihii madaxdii halkaas isugu timid ay isku afgarteen waxaa kamid ahaa in labada qaaradood ee dariska ah ay yeeshaan mustaqbal wadaag dhabaha u xaaraya iskaashi buuxa oo dhex mara dalalka Afrika iyo Yurub. Mawduuca shirka ee sanadkan ayaa waxaa loo doortay arrimaha dhallinyarada iyada oo ay kasoo qeyb-galeen dhallinyaro ka socota labada qaaradood si ay uga warbixiyaan xaaladahooda iyo himilooyinkooda mustaqbalka. Arrimaha Madaxda Afrika iyo Yurub ay isla qaateen ayaa waxaa ka mid ah in si deg deg ah looga jawaab celiyo dhibaatooyinka isa soo taraya ee dalka Liibiya ku haysta kumannaanka Muhaajiriinta Afrikaanka ah, iyadoona loo xil saaray arrinkan in ay warbixin iyo baaritaan ka soo sameeyaan diblumaasiyiin uu hoggaaminayo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Mudane Maxamed Cali-Nur Xaaji. Sidoo kale, Madaxdii halkaas isugu timid waxa ay isku afgarteen in la ixtiraamo madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka labada qaaradood, isla markaasna laga hortago in dowlado sharci ah lagu rido nidaam aan dastuurka dalalkaas waafaqsaneyn, lagana fogaado faragelinta arrimaha gudaha ee dal kamid ah dalalkan bah-wadaagta ah. Dhanke kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf-Garaad Cumar ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Lithuania Mudane Linas Linkevičius, iyaga oo kala saxiixday heshiis lagu abuurayo xiriir diblomaasiyadeed oo dhex mara labada dowladood. Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay Wasiir Ku Xigeen Arrimaha Dibadda ee Romania oo ay isku afgartay in dib loo yagleelo xirriirkii ka dhaxeeyay labada dowladood, iyadoona sido kale la isla meel dhigay in ay iska kaashadaan dhinacyada wax soosaarka, tayeynta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Madaxweynaha ayaa intii uu socday Shir-Madaxeedka labada qaaradood ee Afrika iyo Yurub waxa uu kulamo gaar ah la yeeshay Madaxwyenaha Ivory Coast Alassane Ouattara, Rai’iisul Wasaaraha Sweden Stefan Löfven, Ra’iisul Wasaaraha Finland Juha Sipilä, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Boris Johnson, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres iyo Madaxweynaha Baanka Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina. Madaxda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika iyo Yurub ay yeeshaan kulan sanadle ah si loo xoojiyo xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsi ee labada qaaradood. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeybgalay shirkan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf-Garaad Cumar, Dajiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya Mudane Maxamed Calinuur Xaaji, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Siciid Faqi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Barlamaanka.
  18. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland oo ka koobna labada gole iyo Masuuliyiin kale ayaa waxaa garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyaya Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JSF iyo Masuuliyiin kala duwan. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhici doona Caasimada Muqdisho. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in amaanka wadanku uu aad uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa Sanado kahor isla markana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaaro isku filnaansho dhinaca amniga ah. Ciidamada Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in duruufo adag ay ku shaqaynayaan taas oo jirtana ay wax badan oo juhdi ah galiyeen nabadgalyada wadanka. Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay kasoo baxaan go’aamo horay usii dhaqaajiya rajada laga qabo in Soomaaliya ay amaankeeda hanato isla markana la isku duba rido Ciidamada Qaranka. PUNTLAND POST The post Madaxeynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  19. Kismaayo, December, 2, 2017 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka koobna labada gole iyo Masuuliyiin kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JSF iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhici doona Caasimada. Madaxweynahu wuxuu sheegay in amaanka wadanku uu aad uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa Sanado kahor isla markana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaaro isku filnaansho dhinaca amniga ah. Ciidamada Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in duruufo adag ay ku shaqaynayaan taas oo jirtana ay wax badan oo juhdi ah galiyeen nabadgalyada wadanka. Madaxweynahu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay kasoo baxaan go’aamo horay usii dhaqaajiya rajada laga qabo in Soomaaliya ay amaankeeda hanato isla markana la isku duba rido Ciidamada Qaranka. Puntlandi.com
  20. Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saakay u safray magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir. Madaxweyne Gaas ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo maalinta berrito la filayo inuu ka furmo Muqdisho, maadaama horey heshiiskii ugu dambeeyay uu ahaa in saddexda Decmebre la isugusoo laabto Muqdisho. Faahfaahin dheeri ah goor dhow la socda Puntlandi.co m Garowe.
  21. Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo u waramay Idaacada BBC laanteeda afka Soomaaliga ayaa markii ugu horaysay qiray in la kor dhiyey khidmada laga qaado doonyaha iyo maciishada kasoo dega dekada magaalada Bosaaso. Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in sababta loo kordhiyey khidmada dekadda ay tahay lagama maarmaan maadama mashaariic muhiima ka socoto, cida mashaariicdaas wadana ay doonayso in wixii ay geliyeen uga soo laabtaan, wuxuuna hakadka ku yimi shaqada dekadda ku eedeyey dad aan ganacsato ahayn oo aan u turayn Dalka. Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay la hadli doonaan ganacsatada wax tabanaysa, wuxuuse intaa ku daray inaysan marna la gorgortami doonin dad uu ku tilmaamay sharwadayaal aan ganacsato rasmiya ahayn oo arimahani siyaabo kale uga faaidaysanaaya. Hadalka madaxweyne Gaas ayaa kusoo aadaaya xili ku dhawaad todobaad ay haawanayso dekadda magaalada Bosaaso kadib markii ganacsatada isticmaasha dekadaas ay diideen inay doonyahooda kusoo xiraan inta laga xalinaayo tabashada ay ka qabaan khidmada lagu kor dhiyey maciishada iyo doonyaha. Waxaa xusid mudan in qaar kamida madaxda Dawlada Puntland ay maalmahan dafiraayeen in la kordhiyey khidmadii laga qaadi jirey ganacsiga dekada Bosaaso. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo markii ugu horaysay qiray in la kordhiyey khidmada dekadda Bosaso appeared first on Puntland Post.
  22. Nairobi (Caasimadda Online) – Saraakiisha amaanka dalka Kenya ayaa sameeyay istiraatiijiyadda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee degaannada Bariga dalka Kenya. Saraakiisha ayaa qorshahoodan ku calaamadeeyay degaannada qaar in ay yihiin kuwo halis ah (Red Spots),waxaana ay sheegeen in Dowladda iyo shacabkaba aysan tagi karin degaannadaas marka laga reebo dagaal ku talagal ah. Hay’adaha amaanka ayaa shaaciyay in degaannada kala ah; Lamu,Witu,Garsen,Nyongoro, Maisha, Lango la Simba, iyo Milihoi ay yihiin meelaha ugu halista badan dhinaca amaanka dalka Kenya AL-shabaabna ku xoogganyihiin. Waxaa ay sidoo kale ku dhawaaqeen in Saraakiil Ciidan loo dirayo degaannadaas si ay qiimeyn ugu sameeyaan habka loo wajahayo dagaalka ka dhanka Al-shabaab ee degaannadaas. Taliyaha Booliska Lamu, Gilbert Kitiyo ayaa sheegay in degaannada qaar bil gudaheed ay ka dhaceen shan weerar kuwaas oo lala beegsaday saraakiisha Ciidamada iyo Gaadiidka dadweynaha ee maraya waddooyinka isku xira Gobolka Bariga Kenya. Bishii July 13keedii Al-shabaab ayaa afduubtay Mariam El-Maawy, oo ka mid ahayd Xukuumaddii hore ee Uhuru Kenyatta,waxaa badbaadiyay Ciidanka Kenya hayeeshee intii uu howlgalka socday ayuu dhaawac gaaray waxaana ay ku geeriyootay Isbitaal ku yaalla Dalka Koofur Afrika. Weerarkaas waxaa kale oo ku dhintay Wiil ay habaryar u ahayd iyo shan ilaaladeeda ahaa,waxaana lagu weeraray degaanka Milihoi oo hadda ka mid ah degaannada la geliyay goobaha halista ah. Todobaadkii la soo dhaafay ayey Al-shabab weerareen Gaadiidka dadweynaha iyo saraakiil galbineysay oo marayay Waddada Lamu iyo Mombasa,waxaa ay dileen qaar ka mid ah Askartii,waxaana dadweynihii ay u qeybiyeen Cajalado jihaadka faraya,warqadaha digniinta ah iyo hanjabaad afka ah. Kulanka Saraakiisha Amaanka Kenya ayaa lagu soo qaaday in la dhiso Waddada Lamo iyo Garsen,taas oo ay sheegeen in ay dhimi karto qatarta amaanka ah ee ka jirta Gobolka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland ayaa Maanta yimid Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya,waxaana lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde. Madaxweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho u yimid inuu ka qeyb galo Shirka Golaha Amniga Qaranka oo 4-December ka furmi doona Madaxtooyada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Muqdisho imaan doona Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada oo iyaguna ka qeyb geli doona Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmi doona 4-December sida uu Qorshuhu yahay. Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe ayaa dhawaan Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo lagu soo afjarayey khilaafkii weynaa ee ka dhex jiray, waxaana lagu heshiiyey qodobo dhawr ah. Madaxweynayaasha kale ayaa la filayaa inay Berri iyo Maalinta xigta imaadaan Magaalada Muqdisho, waxaana kulankaas looga hadli doonaa waxyaabo badan oo ku aadan Amniga Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Warbixin cusub oo uu soo saartay joornaalka caanka ah ee “Bloomberg” ayaa lagu sheegay iney suurtogal tahay in 800 milyan oo shaqaale oo dunida daafaheeda ka shaqeeyaa ay weyn doonaan shaqadooda sababta robot iyo aalado smarts ah oo shaqada kala wareegaya marka la gaaro sanadka 2030, waana shan meelood oo meel 1/5 dadka hadda shaqeeya ee adduunka. Daraasad ay dhawaan sameysay qeybta cilmibaarista ee shirkada McKinsey & Co oo Arbacadii shalay la faafiyay ayaa lagu sheegay in dowladaha horumaray iyo kuwa soo koraya ay si weyn u saamayn doonto shaqo la’aantu, gaar ahaan shaqaalaha warshadaham, kuwa raashinka fudud diyaariya iyo shaqaalaha maktabadaha ayaa ah dadka ugu badan ee dhibaatadan ay saameyn doonto si dhakhsiyo ah goobaha shaqada. Daraasad mac’hadka Mckinsey ee caalamiga ah ayaa tilmaantay iyadoo ay jirto in si gaabis ah robot-ka ay u faafayaan; ayaa hadana la filayaa in 400 milyan oo shaqaale ah ay is arkaan iyagoo baagamuundo ah waxayna u baahan doonaan in shaqooyin cusu oo ka duwan xirfadooda ay raadsadaan 13sano ee soo aaddan. Shaqaalahaasi ayaa ay lagama maarmaan tahay iney bartaan xirfado la jaanqaadi kara dabeecadda nolosha iyo xirfadaha suuqa shaqada sida aadka ah loogu baahan yahay. Michael Shwe oo ka mid ah dadkii daraasaddan sameeyay ayaa yiri: “Waxaa lagu khasbanaan doonaa in xirfado cusub la barto xilliga soo aaddan.” Goobjoog News Source
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyo kala duwan ayaa bishii November ee 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kuwaa oo galaaftay nolosha muwaadiniin aan waxba galabsan. Qaraxyada Bishii November ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan ka yar Qaraxyadii dhacay bishii October ee kasii horeysay, waxaana xusid mudan in Qaraxyada dhacay November ay yihiin 8 Qarax oo intooda badan lagu xiray gaadiid raaxo. Bishii November Qaraxyada ugu badan ayaa ka dhacay Degmada Hodan, oo kaalmaha koowaad kaga jirta Degmooyinka ugu amniga xun. Haddaba Qaraxyada bishii November ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kala ahaa: 1-November 2, 2017, Qarax lagu xiray gaari raaxo ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgooys Banaadir iyo Isbitaal Digfeer ee Degmada Hodan, waxaana xiligaa gaariga ka maqnaa ruuxii loogu tallo galay Qaraxa. 2-November 08 2017, Qarax gaari lagu xiray ayaa waxa uu ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Imigration-ka oo ku taala wadada Shaqaalaha Degmada Hodan, waxaana gaarigaasi lahaa Dr Xirsi Dhiblaawe oo ahaa Dhaqtar dhanka Cudurada Wadnaha, kana howlgali jiray Xarun Cafimaad oo ku taalla agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim Salaad. 3-November,9, 2017, Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa wadada Warshadaha lagula eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidan katirsan Milatariga Somalia oo kusii jeeday Wasaarada Gaashandhiga waxaana ku dhaawacmay Seddex ruux oo shacab ah. 4-November,9, 2017, Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari raaxo ayaa duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Waydoow lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM. 5-November 22, 2017, Ciidamo ka tirsan Xasilinta ayaa Qarax miino lagula eegtay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Isgoyska Tarabuunka, waxaana ku dhintay Hal Askari, halka midka kale uu dhaawac soo gaaray. 6-November 24, 2017, Qarax lagu xiray gaari nooca Raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Hoteel Amiira Degmada Hodan ee Gobolka Banadir. 7-November 24, 2017, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa Bam gacmeed ku tuuray afafka hore ee Amiira Degmada Hodan. 8- November 30, 2017, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Boondheere, gaar ahaan meel ku dhow Isbitaalka Somali Jarmal, waxaana Qaraxa gaariga loogu xiray Laba Wariye oo ka howlgalaayay Xarunta TV-ga Qaranka ee Muqdisho, kuwaa oo lagu kala magacaabo Cabdullaahi Maxamed Weli iyo Daahir Cabdiweli, waxaana Qarxay keliya gaariga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa bilihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho kusii kordhaayay Qaraxyada lagu xiro gaadiidka Raaxada, xili Somalia aysan laheyn Taliyayaasha Hay’adaha amaanka NISA iyo Booliska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com