Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,118
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (Caasimadda Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa xalay Kormeer ku tagay Saldhigyo ciidan oo ku yaalla Magaalada Baydhabo. Kormeerka ayaa waxaa ku wehlinaayay xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiil ciidan. Nuuradiin Gacma, Afhayeenka maamulka K/galbeed ayaa sheegay in ulajeedka Roobow u joogo Baydhabo tahay sidii kaliya ugu kuurgeli lahaa xaaladda amni. Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in markii uu Roobow soo dhameeyo howlaha uu u joogo Baydhabo kadib ay saxaafadda si wadajir ah ula hadli doonaan isaga iyo madaxda K/galbeed. Sheekh Roobow ayaa mar kamid ahaa saraakiisha ugu sarreysa ee Al-shabaab, balse dhowaan ayuu dowladda isku soo dhiibay kadib markii uu sheegay in Fikirka Al-shabaab yahay mid qaldan. Haddaba halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Nuuradiin.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Roobow Abuu Mansuur oo hal arrin darteed u booqday saldhigyada Ciidamada ee Magaalada Baydhabo appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Nuur Baaruud Gurax oo ah guddoomiye ku xigeenla Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo xalay ka hadlayay madal uu Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ku soo bandhigayay waxqabadka Xukuumaddiisa ka sheegay in loo baahanyahay in laga hortago Xildhibaannada Mooshinka wada. Sheekh Baaruud ayaa sheegay Xildhibaannada Mooshinka wada ay yihiin cadow la mid ah Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay islamarkaana loo baahanyahay in laga hortago. “Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre waxaa leeyahay Mooshinka yaan lacag lagu bixinin,ilaa ay ka bakhtiyaan” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynaha ugu baaqay in aysan lacag siin Xildhibaannada. Waxaa kale oo uu sheegay Sheekh Nuur Baaruud in marka mooshinka iyo isdiidka siyaasadeed jiro uu amniga dalku qal qal galo,isaga oo taas ka duulayana waxaa uu ku baaqay in Xildhibaannadaas la iska dhiciyo. Mar hore ayuu sidan oo kale Sheekh Nuur soo jeediyay in Xildhibaannada mooshinka ka waday Xukuumadda Kheyre loogu galo guryahooda islamarkaana la iska dhiciyo. Arrintaas waxaa ka carooday XIldhibaannada qaar,waxaana Golaha shacabka la hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaas ah waxaana uu Xildhibaannada ka hor sheegay in hadalka Sheekh Baaruud uu iyaga gef ku yahay loona baahanyahay in haddii Xildhiabaannada wax gaaraan isaga wax laga weydiiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sh.Nuur Baaruud: “Xildhibaannada Mooshinka wada cunaha halla qabto, laaluushna yaan la siin” appeared first on Caasimada Online.
  3. Balcad (Caasimadda Online) – Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Gaari Cabdi Bille ah oo ay Saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Wadada loo galay halka loo yaqaano Kiliga Faarax Gololeey oo u dhow tuulada Isgoys ee duleedka degmada Balcad. Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in gaariga Cabdi Bilaha ah oo ka yimid Muqdisho kuna sii jeeday Jowhar lagu dhuftay Qoraga loo yaqaano baasukaha isla markaana haatan uu gubanayo. Gaadiidka dagaal oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha ayaa la sheegay in lagu dhiftay baasuuke, waxaa la sheegayaa in gaariga uu ku gubanayo goobta lagu weeraray oo lagu magacaabo Haan-Sheekh. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad muddo socday uu dhex maray ciidamada Milateriga iyo dagaalamayaasha Shabaab ee jidka galay. Weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas lama oga waxaana haatan ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda oo Gurmad halkaasi ku tegay iyo Al-Shabaab oo Wadada u galay halka loo yaqaano Kiliga Faarax Gololeey oo u dhow tuulada Isgoys. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa dagaalkaas ka dhashay,waxana hadda Gudaha degmada Balcad laga maqlayaa jugta Culus ee dagaalka la isku adeegsanayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dagaal ka socda duleedka Balcad kadib Ciidamo wadada loo galay appeared first on Caasimada Online.
  4. Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in Hay’adaha amniga Dowladda Soomaliya ay isku soo dhibeen 54 dagaalyahan kadib qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho. Islow oo hadal ka jeediyay kulan lagu soo bandhigay waxqabadka Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in ragga isa soo dhiibay ay ka Tirsanaayeen Ciidamadda Al-shabaab islamarkaana ay haatan ku jiraan gacanta Dowladda Soomaliya. “Kadib qaraxii Zoobe waxaa Dowladda Soomaliya isku soo dhiibay 54-dagaalyahan oo ka tirsanaa Ciidamadda Al-shabaab, sidoo kale Ciidamadda Dowladda Soomaliya waxa ay gacanta ku dhigeen 63-dagaalyahan oo ka Tirsanaa Shabaab, Sidoo kale hay’adaha amniga ayaa gacanta ku dhigay nin iska soo dhigay gabar oo soo xirtay dharka haweenka, waxaan u mahadcelinayaa Ciidamadda amniga oo har iyo habeen usoo jeeda sugida amniga Magaaldda Muqdisho”, ayuu yiri Wasiir Islow Ducaale. Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa mudooyinkii dambe waday howlgalo lagu xaqiijinayay amniga Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaliya,kadib qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe. Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Wasiirka-amniga.mp3PUNTLAND POST The post Islow:-“63-Shabaab ahaa ayaa La Qabtay Kadib Qaraxii Isgoyka Zoobe” appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay dhibaatooyinka ay dhinacyada mucaaradka ku hayaan dowlada Federaalka ah ee Somalia. Wasiir Khadiijo, ayaa sheegtay inay jiraan mucaarad badan oo doonaaya inay carqalad galiyaan dowlada oo ay sheegtay inaan la heleynin mid dhaanta marka loo eego nabada iyo nidaamka ay ka dhalisay Somalia. Waxa ay Khadiijo sheegtay in mucaaradka hadda jira ay yihiin kuwo keliya doonaaya inay cuuryaamiyaan rajada ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan dowladnimada, waxa ayna tilmaantay in ujeedkooda uu yahay inay arbushaan xasiloonida ka jirta dalka iyagoo adeegsanaaya waxyaabo aan salka ku heyn xaqiiqda. Khadiijo, waxa ay cadeysay in mucaaradka ugu badan ee dowlada ay iminka yihiin kuwo ku kala sugan dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta. Mucaaradka ayay sheegtay inay aaminsan yihiin in kuraas ay ka waayen dowlada hadda jirta, balse taasi ay tilmaameyso daciifnimo heysta kuwa xilalka ku raadinaaya inay mucaaradaan dowlad ay ku hoos noolyihiin malaayiin shacab ah. Waxa ay sheegtay in kuwa badan oo mucaarad ah ay lacago ku soo qaataan sida dowladda loo dumin lahaa isla markaana horay u hagar daameyn jiray dowladihii dalka soo maray. ‘’Kuwa mucaaradka ah waxa ay horay usoo dhabar jabiyeen dowladihii hore, waxaanba tusaale usoo qaadankaraa xitaa inay igu cadaadiyeen inaan iscasilo’’ Sidoo kale, waxa ay soo hadalqaaday wararka sheegaya in Mooshin laga wado Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna tilmaantay inay ka tabaabushteen Mooshin iyo wixii lamid ah, isla markaana ay dowladu tahay mid isku xiran oo aan lagu ridi Karin Mooshin. Haddalka Wasiir Khadiijo ayaa kusoo beegmaaya xili ay dowlada Somalia dhexda kaga jirto caqabado Siyaasadeed oo mar waliba saameyn ku yeelankara haddii aan loo helin xal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiir ka tirsan XFS oo shaaciyay halka ay ku kala noolyihiin Shaqsiyaadka Mucaaradka ku ah DFS (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  6. The spotlight is expected to temporarily swing from politics as the government focuses on two events regarding the International Criminal Court and the country’s maritime border dispute with Somalia at the International Court of Justice. From Monday, the Assembly of State Parties — the management oversight and legislative agency of the ICC — will be meeting at the UN headquarters in New York for the 16th session, which will end on December 14. As the session opens, two events will be of focus to Africa and Kenya in particular. ASSETS In the provisional work plan of the ASP, cooperation with ICC has been listed as an item for discussion on December 11. It is understood that the referral of Kenya to the ASP by ICC could come up at that point. In September 2016, trial judges Kuniko Ozaki, Robert Fremr and Geoffrey Henderson found Kenya to have breached the Rome Statute in the case of President Uhuru Kenyatta by failing to produce information requested by Ms Fatou Bensouda, the prosecutor. Failure to reveal Mr Kenyatta’s bank accounts, assets, ownership of companies and financial transactions in the lead-up to the 2007 elections and early 2008 was cited by Ms Bensouda as one of the reasons the crimes against humanity case flopped. “Noting that the case against Mr Kenyatta has already been terminated and considering the relevance of the materials sought in the prosecutor’s request to current or future investigations, Trial Chamber V considered a referral to the ASP appropriate for the purpose of fostering cooperation more broadly,” the court said. The subject of cooperation could also be interesting for other African countries, which have in the past accused ICC of targeting their leaders. NEW JUDGES Along with cooperation, the ASP will be electing six new judges to replace among others, Kenya’s Joyce Aluoch and Botswana’s Sanji Mmasenono Monageng. Both would have served their nine-year non-renewable terms on March 10, 2018. Since the positions are rotational, neither Kenya nor Botswana has candidates. African countries that have candidates are Benin, Ghana, Uganda and Lesotho. The election of judges will take place on December 5 and 6 while cooperation will be discussed at the plenary on December 11. Meanwhile, Kenya also has a date with the UN’s principal judicial organ, the ICJ, in the dispute between Nairobi and Somalia. After ruling on February 2 that it had jurisdiction to adjudicate the dispute between Somalia and Kenya concerning maritime delimitation in the Indian Ocean and that Somalia’s application was admissible, ICJ fixed December 18 as the time-limit for the filing of the counter-memorial of Kenya in the case. The counter memorial should have at least three parts namely statement of relevant facts, statement of law and submissions, and will be Kenya’s official response to the maritime dispute case filed by Somalia. “Kenya’s counter-memorial will be filed on or before December 18,” Attorney-General Githu Muigai told the Sunday Nation, adding that the response would be a “bulky document”. Somalia’s memorial, which is in four volumes, was filed on July 13, 2015. It sought the maritime boundary redrawn to extend diagonally to the south at Kiunga into the sea, and not eastwards as it is. “The court is asked to determine, on the basis of international law, the complete course of the boundary dividing the maritime areas appertaining to Somalia and to Kenya in the Indian Ocean, including the continental shelf beyond 200 nautical miles. Somalia also requests the court to determine the precise geographical co-ordinates of the single maritime boundary in the ocean,” Somalia said. If granted, Somalia’s prayers could also affect Kenya’s sea border with Tanzania. Source: – Daily Nation The post Spotlight shifts to ICC referral and Somalia border case appeared first on Caasimada Online.
  7. Pakistan Navy Ship (PNS) ZULFIQAR while on counter-piracy deployment, patrolling in the Gulf of Aden, rendered assistance to a stranded dhow/boat of Somalia. During voyage at sea, the dhow became non-operational due to malfunctioning of her propulsion system. The dhow had been waiting for rescue for many days and was left with no edibles and drinking water. PNS ZULFIQAR provided required assistance and conducted towing operation for 16 hours in rough sea conditions. Eventually, the dhow was handed over to the Somalian authorities Besides safeguarding maritime interests of Pakistan, Pakistan Navy has always been at the forefront with international community to conduct humanitarian assistance and disaster relief operations. This is the 2nd rescue operation by PNS during last couple of weeks. Source: – Pakistan Today The post Pakistan Navy provides assistance to Somalian cargo ship appeared first on Caasimada Online.
  8. Hawk-eyed guards at Mandera prison on September 14 spotted a man squeezing through a small opening at the perimeter wall then moved swiftly and arrested him. Two months later, after rigorous interrogation and an intense legal process, the court in the north eastern town established that he was an Al-Shabaab spy sent to survey the local police station, prison and military camp ahead of an impending terrorist attack. Abdirahman Abdi Takow was jailed for 30 years by the court on Wednesday last week. BIGGER PLOT Abdirahaman Abdi Takow who was on November 29, 2017 jailed for 30 years by a Mandera court after he was found guilty of sneaking into the Mandera GK Prison with the aim of spying for Al-Shabaab terror group. PHOTO | COURTESY In court, Takow remained defiant and refused to divulge the bigger plot by Al-Shabaab forcing Kenyan security agencies to be on high alert to protect citizens from the Somali-based terrorist organisation, a partner of Al-Qaeda. The terrorist, who travelled from Mogadishu for the espionage mission three days prior to his arrest, also refused to reveal the identity of an accomplice who outran the prison guards and disappeared into thickets while he was arrested. Mr Hussein Osman Mursal, a prison officer, was on the watchtower when he spotted two men moving close to the stone wall that secured the penal institution. One of the men squeezed through a small opening which had been drilled by masons contracted to carry out repairs at the facility while the other stayed outside, apparently to keep watch. The accomplice ran across a field in an adjacent school, disappeared in thickets and is still at large. Mr Mursal gave his account in court. PRISON CAMP Takow, upon arrest, claimed he was at the correctional facility to report that he had been conned Sh30,000 and needed help from authorities, a claim that the court quashed. “I find the evidence is not denied, rebutted or contravened in any manner. The same is overwhelming against the accused who has not given any reason why he came all the way from Mogadishu and entered the prison camp,” said Mandera senior resident magistrate Peter Areri. In court, Mt Mursal said: “I was at the watch tower when I saw the accused person enter the prison through an opening that construction workers were using while working on the perimeter wall.” He was the first prosecution witness. The prison officer also told the court that the accomplice escaped. “The second person who kept peeping in took off while I walked in his direction. He ran through Mandera DEB Primary School compound,” he said. Prison authorities handed over Takow to Anti-Terrorrist Police Unit (ATPU) after he failed to explain his presence in the facility. AL-SHABAAB CAPITAL A special interrogation team was formed and comprised ATPU, Directorate of Criminal Investigation (DCI) and the Directorate of Military Intelligence. It established that Takow was born in Mogadishu 22 years ago and worked as a mechanic at Yarshit, the current capital of Al-Shabaab in war-torn Somalia. The detectives also tracked his way from there to Kenya. He came through Bulahawa, a town near the Kenya – Somalia border that at the time was controlled by Somalia National Army, an ally of Kenya Defence Forces in Somalia. “He came to Bulahawa a few days before Somalia National Army camp at Bulahawa was overrun early morning of September 11, 2017,” according to a second witness in court. An anti-terror police officer told the court that the interrogation team concluded that the accused was an Shabaab spy sent to gather information on Prison, Police Stations and the Military Camp in Mandera town. Sunday Nation did not to name the ATPU officer due to the sensitivity of his duties and also because he is stationed in an area prone to attacks against government officials have taken place in recent past. The officer, as witness two, said in court: “A multi-agency interrogation team concluded that the accused was an Amniyat dispatched to Mandera to gather information.” Amniyat is Al-Shabaab’s intelligence wing. ATTACK The officer further told the court that the terrorist also planned attacks at county offices and the county referral hospital. Witness two also connected the foiled Al-Shabaab plan to another attack in Somalia. Three days before the arrest, Shabaab overran an Somali National Army camp in Bulahawa, not far from the border. “After a successful attack by Al-Shabaab on Somali National Army camp at Bulahawa on September 11, we received intelligence that their intelligence group members were in Mandera before the accused was arrested,” he said. In court, the officer said the accused spent the night in Bulahawa before crossing into Mandera. After crossing over, in the morning of September 14, the terrorist was spotted at Mandera Police Station before he was later apprehended at the prison. Takow was among groups of people who had converged at the station to escort relatives who were travelling. It is commonplace for travellers to be screened at the station since terrorists from Somalia pose as passengers travelling to Nairobi and other parts of Kenya. SENDS SPIES Magistrate Peter Areri wondered why the terrorist did not report the alleged conning of Sh30,000 to police when he was at the police station, but later sneaked into the prison which is kilometres way. Amniyat sends spies to gather information ahead of an attack. “We had intelligence that a Shabaab spy had been dispatched to Mandera immediately after the attack at Bulahawa. He was to collect information on police stations, military camp, prison, county offices and county referral hospital,” the ATPU officer said in court. In Bulahawa, 15 Somali National army soldiers and scores of civilians were killed and many others injured. “That attack was to clear the way for the planned attack on our side and this accused was to report back immediately for action within a week’s time,” the witness told the court. Several Mandera locals shown a picture of the accused denied knowing him but an elderly man identified the accused from the photograph as a descendant of interior Somalia from his physique. On defence at the law court, the accused maintained that he did not know Al-Shabaab. “I am not one of those people and I don’t associate with those people. I am a refugee,” said Takow in defence. But Mr Areri while sentencing him, said Takow did not deny evidence given in court. The magistrate said the fact that the accused had been at the police station and then went to the prison camp leads to a conclusion that he was surveying the camps for an intended terrorism attack. “He was collecting information to facilitate the terrorist attacks. I find him guilty as charged and sentence the accused to 30 years imprisonment,” ruled Mr Areri. Source:Daily Nation The post How lethal Al-Shabaab spy was caught appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo ka hadlayay Munaasabad Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre uu ku soo bandhigayay waxqabadka Xukumadiisa ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adaha amaanka ay gacanta ku dhigeen al-Shabaab farabadan. Wasiirka Amniga ayaa sheegay in al-Shabaabkaasi gacanta lagu dhigay wixii ka danbeeyay Qaraxii cuslaa ee ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Wasiirka waxa uu tilmaamay in markii laga soot ago al-Shabaabka gacanta lagu dhigay ay jiraan kuwo kale oo iskooda isugu soo dhiibay Hay’adaha amaanka si ay u helaan magangalyo. Wuxuu sheegay in 54 maleeshiyo ka tirsanaa Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Hay’adaha amaanka tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu dhacay Qaraxii musiibadda ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho 14-kii Bishii October ee la soo dhaafay. Waxa uu sidoo kale Wasiirku tilmaamay in 63 kamida Al-shabaab lagu qabtay howlgalo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Degmooyin ka tirsan Gobollada Dalka. Sidoo kale, waxa uu carab dhabay inay jiraan wadahadalo kale oo lagu doonaayo in lagu soo xiro galiyo Alshabaab kale, waxa uuna cod dheer ku sheegay in mowqifka dowlada uu yahay in tixgalin lasiiyo Al-shabaabka isa soo dhiibay. Haddalka Wasiir Islow ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay soo buux dhaafiyeen Al-shabaab farabadan oo kasoo baxsaday duqeymaha ka socda Gobolka Shabellaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiirka Amniga oo shaaciyay tirada Al-shabaabkii isku soo dhiibay DF Qaraxii Zoobe kadib (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadlaayo xaaladda adag oo ay dhex maquureyso Somalia. Qorshaha shirka ayaa ah inuu ka dhaco xarunta weyn ciidamada AMISOM ee Xalane, waxaana ka qeybgali doona qaar kamid ah wakiilada ka howlgala Somalia. Shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doona amniga Muqdisho, waxaana qeyb ka noqon doona Madaxda ugu sareysa Qaranka, Xildhibaano, Wasiiro iyo Madaxda maamul Goboleedyada oo qaarkood iminka soo gaaray Muqdisho. Shirka ayaa waxaa khudbado ku leh dhinacyada DFS u matali doona iyo Wakiilada lagu marti galiyay, waxaana bogaadiyay Madaxda Midowga Afrika. Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in shirkan laga soo saari doono go’aamo dhanka amaanka ah oo ay isla gaari doonaan Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulada ka jira dalka, kuwaa oo ku saleysnaan doona kuwo xal loogu raadinaayo magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa diirada lagu saari doonaa shirka adag ee la filaayo inuu ka furmo Xarunta Xalane ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  11. Sida uu qorshaya yahay, maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ballaaran oo looga hadli doono amniga guud ee Qaranka. Shirkan waxaa yeelanaya golaha amniga qaranka oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne Maxamd C/laahi Maxamed Farmaajo, waxaana looga hadli doonaa dardargelinta howlaha amniga guud ee Soomaaliya. November 5, 2017 shirkii magaalada Muqdisho ugu soo dhammaaday golaha amniga ayaa la isku raacay in maanta oo ah 03/12/2017 magaalada Muqdisho lagu qabto shirkan. Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeybgali doona shirkaan, iyadoo qaarkood ay magaalada Muqdisho soo gaareen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ku labisnaa dharka Haweenka xili eeryada lagu qabtay uu ka socday howlgal. Ninkaani oo da’diisa lagu sheegay 20 ilaa 30 Jir ayaa waxaa la sheegay inuu damacsanaa in magaalada Muqdisho uu ka geysto falal amni darro. Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Somalia Maxamed Abuukar Islow ‘’Ducaale’’, ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay wargalin ka heleen dad shacab ah oo ka dhawaa goobta waxa uuna tilmaamay in shaqsigaasi oo watay Indha sharer iyo xijaab la horgeyn doono sharciga. Wasiir Ducaale, waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay gaareen heer ay ku dhex noolaan waayen bulshada, balse ay uga dabatagi doonaan goob waliba oo ay kaga dhuumaaleystaan magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Wasiir Ducaale ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay inay la shaqeeyan Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka si magaalada looga saaro waxa uu ugu yeeray argagixisada. Dhinaca kale, Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo uu qabsaday Ra’isul wasaare Kheyre, taa oo loogu dabaal-dagaayay waxqabadka Xukuumadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muqdisho oo lagu qabtay ruux ku labisnaa dharka Haweenka oo ku howlanaa damcsanaa qorsho halis ku ah amniga (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  13. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo dhowaan gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa 24-kii saac ee ugu dambeysay wuxuu kormeer ku tagay xarumo ciidan oo ku yaalla magaaladaasi. Roobow ayaa kormeeray saldhiyada ay ciidamada dowladda iyo kuwa K/galbeed ka degan yihiin Baydhabo iyo duleedkeeda. Nuuradiin Gacma, Afhayeenka maamulka K/galbeed ayaa sheegay in ulajeedka Roobow u joogo Baydhabo tahay sidii kaliya ugu kuurgeli lahaa xaaladda amni. Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in markii uu Roobow soo dhameeyo howlaha uu u joogo Baydhabo kadib ay saxaafadda si wadajir ah ula hadli doonaan isaga iyo madaxda K/galbeed. Sheekh Roobow ayaa mar kamid ahaa saraakiisha ugu sarreysa ee Al-shabaab, balse dhowaan ayuu dowladda isku soo dhiibay kadib markii uu sheegay in Fikirka Al-shabaab yahay mid qaldan. Goobjoog News Source
  14. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adda USAID ay la saxiixan doonto dhowaan heshiiska mashaariic ku baxaysa lacag dhan $300 Milyan. Wasiirka wasaaradda Qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in heshiiskan la saxiixi doono maalmaha soo socda. Waxa uu tilmaamay in lacagtaasi ay noqon doonto middii ugu horreysay muddo 30 sano ah kadib dalka gudahiisa lagu saxiixo. Sidoo kale, wasiir Jamaal ayaa sheegay in tani ay siin doonto awoodda in go’aan ay dowladda ka gaarto mashaariicda, sidey u fulayaan iyo meelaha ay ka fulayaan. Halkaan hoose ka dhageyso: http://goobjoog.com/wp-content/uploads/2017/12/Wasiirka-Qorsheynta-Jamaal-Maxamed-Xasan.mp3Goobjoog News Source
  15. Wasiirka amniga Gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa sheegay in dowladda ay isku soo dhiibeen 54 kamid ahaa dagaalyahannada Al-shabaab qaraxii Zoobe kadib, sidoo kalena ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen 63 kale. Waxa uu sheegay wasiirka in mudadii uu xilkaasi hayey ay waxbadan isbedaleen, islamarkaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen wax ka qabashada amniga guud ee magaalada Muqdisho. Wasiir Islow ayaa sheegay in Muqdisho ay ka yareeyeen hubkii badnaa ee lagu dhex qaadanayey iyo sidoo kale ciidamada badan ee sugayey amniga mas’uuliyiinta. Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay Wasiirka amniga iney kaalin wanaagsan ka qaataan sugista amniga magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka wasiirka http://goobjoog.com/wp-content/uploads/2017/12/Wasiirka-Amniga-Maxamed-Abuukar-Isloow-Ducaale.mp3Goobjoog News Source
  16. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in mudadii ay jirtay xukuumaddiisa ay qabatay howlo badan oo aad u muhiim ah. Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaraha sheegay in markii ugu horreysay dalka uu yeelan doono guddi madaxbanaan oo la dagaallama Musuqa, xaqna u yeelan doona iney soo xeraan cid walbo oo qiyaameysa hantida qaranka. Sidoo kale wuxuu sheegay in baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay u gudbiyeen Hindise sharciyeedyo muhiim ah, islamarkaana qaarkood la meelmariyey. Mar uu ka hadlay Ra’iisul wasaaraha arrimaha amniga ayuu sheegay in markii ugu horreysay magaalada Muyqdisho amnigeeda lagu sugo awood, maskax iyo dhaqaale Soomaaliyeed. Waxa uu Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayey miisaaniyadda 2018 ayuu sheegay iney ka duwan tahay kuwii hore ee la gudbin jiray, ayna ku jirto in la kordhiyey lacagtii amniga ayna qoondeeyaan lacag looga shaqeeyo sirdoonka dalka oo kaliya. Dhanka horumarinta bulshada ayuu sheegay in miisaaniyadda lagu daray dhaqaale lagu dhisayo Iskuullo iyo waxbarasho kuwaasi oo laga soo qaaday shacabka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Ra’iisul wasaare kheyre http://goobjoog.com/wp-content/uploads/2017/12/Raisul-Wasaare-Kheyre.mp3Goobjoog News Source
  17. Xoghaya guud ee ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheit ayaa sheegay in haddii uu mareykanka uu ku adkeysto Qudus in loo magacaabo caasimadda Isra’iil ama loo guuriyo safaaraddiisa Tel Aviv ku taalo in arrinkaasi ay ka dhalan doonto sii xoojineyso xagjirnimada bariga dhexe. Ahmed Aboul Gheit oo war-saxaafadeed ku baahiyey barta ay Internetka ay ku leedahay ururka Jaamacadda Carabta ayaa yiri “ waxaan si cad u leenahay dhaqamadaan oo kale ma ahan kuwo marmarsiyo ah… Mana u adeegayaan xasiloonida iyo nabadgalyada balse waxay sii dhiiro galinayaan xadgudubyada iyo xagjrnimada waxayna dani ugu jirtaa hal dhinac oo kaliya waana Israa’iil oo ka soo horjeeda nabadgalyada”. Ahmed Aboul Gheit waxaa uu tilmaamay in la sameeyo xiriir ka dhaxeeya Falasttin iyo dowladaha Carbeed si looga hortago horumar kasta oo laga sameeyo arrintaani. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in magaalda Qudus uu u aqoonsan doono caasimadda Isra’iil taasi oo ah ballamihii uu qaaday intii uu ku jiray ololaha doorashada. Source
  18. By M.A. Egge The President-elected H.E. Musa Bihi Abdi described the late Abdirizak Mohammed Iyaale as being a philanthropist and a people’s man in an long eulogy he gave at the state burial of just fallen chairman of the political parties registration and verification committee. The newly elected Head of State gave a long biography of the late Abdirizak whom he described as a friend, neighbor and fellow SNM revolutionary struggle veteran. He said that the deceased was a businessman who gave alms and handouts to the needy. Noting he was privy to the late Abdirizak’s fight against ailment, he described him as a religiously learned man and a person who liked researching works of notable educationist like the late icon Musa Galan. Generally pointing out various goodness of the late man the President-elect prayed to God to rest the departed soul in eternal peace and for his family, friends and relatives to have stronger faith in the trying moment of the passing away of the late Abdirizak Mohammed. The state burial was attended by, apart from family members, relatives and friends, several high ranking party officials, senior government officials and politicians
  19. By M.A. Egge The President-elect H.E Musa Bihi Abdi received over the week a high profile delegation from the Djibouti government that consisted of diplomats, members of parliament and senior administrative officers. The newly elected Head of State was flanked by his running mate who has been elected for the second time H.E. Abdirahamn Abdillahi Ismael, the first and second KULMIYE party chairmen Messres Mohammed Kahin Ahmed and Ahmed Abdi Deere and other senior ruling party officials. The Djibouti delegates who paid the President-elect a courtesy call at his private residence comprised amongst other the advisor to Djibouti PM Mr. Nagib Kamil Abdillahi, MP Ai Abdi Farah and the Djbiouti representative in Somaliland Ambassador Hussein Omar Kawaliye. MP Farah pointed out that their visit was one that was meant to fortify SL-Djibouti relations hence was depicted to magnify the brethren-ship and close social, economical and bilateral relations between the two countries that has been in place and ran for ages. He said that their trip preceded a larger official visit that his country would undertake for the forthcoming inauguration ceremony of the SL President-elect. The Djiboutians hailed the newly elected president for his victory and praised the people of Somaliland for successfully holding such a peaceful and ultra-modern presidential election that was applauded universally. MP Farah noted that the country has triumphed in a grey area surpassing all African countries in the biometric identification system hence solely footed the national electoral bills without tangible foreign help. The SL representative to Djibouti Ambassador Abdifatah Said Ahmed echoed the words of the Djibouti parliamentarian citing the reasons for the visit as one to be succeeded by an official Djibouti trip for the swearing-in ceremony of the president-elected, cementing the bond of brotherhood between the two countries and congratulating their host for being triumphant in the presidential race.
  20. I want to take this opportunity to congratulate the president-elect, H.E. Muse Bihi, and the vice president-elect of Somaliland, H.E. Abdirahman Saylici, on the momentous victory. The victory came about because people saw that within your campaign are solutions to Somaliland’s economic and social problems. Now is the time that you implement those solutions and I pray for your success! I have been getting many phone calls and emails about my campaign video for Kulmiye that was widely watched on you tube and on the Somaliland TV. Most Waddani supports were wondering why I campaigned for Kulmiye. And, therefore, in this article, I would like to take a moment to elucidate the reasons I did not choose Waddani. Bear with me as I begin with the latest events – the defeat of Waddani – and go back in time to shed some light on the fact that the same reasons that I did not choose Waddani are also what caused Waddani’s defeat on November 13, 2017. An opposition party crying foul after an election is not exclusively an African phenomenon. It is common around the world; from Africa to Europe and the US throughout Asia and Latin America, opposition leaders tend to be acrimonious after a loss. For them, an election is only free and fair if they win. Somaliland’s recent successful presidential election is the latest example with Waddani’s presidential candidate declining a graceful acknowledgement of defeat. It is noteworthy that Waddani lost by 80,000 votes. In contrast, the presidential election of 2003, where Kulmiye lost to Udub by a mere 80 votes, draws a curious comparison to this election. The dignified manner that then presidential candidate and current president of Somaliland, Siilaanyo, acknowledged defeat is in diametrical opposition, both patriotically and morally, to how the Waddani presidential candidate reacted to the loss. Waddani’s candidate, in an apparent letdown, said that he is not conceding to “his opponent but to the people of Somaliland”. It seems patriotic and beautiful, however, exposes a policy recital prepared well in advance of that day. There is a world of difference in the above numbers and in the reactions of the two candidates involved. But it also gives you a vista into the inner thinking of each candidate and how much each cares about the nation they wanted to lead. I beg you to close your eyes and Imagine what would have happened in Somaliland if Waddani had lost by 80 votes? Bearing the foregoing in mind, why did Waddani lose? To put it bluntly, Waddani never expected to lose. Yes, as ludicrous as that sounds, they really believed they will win and their wishful thinking will miraculously transform into a self-fulfilling prophecy. Personally, I believe there are four reasons for that derisory assumption the first being the confounding belief by most opposition parties that a country needs change – a famous and aptly correct slogan that gestated Obama’s first term as the first black president in the White House. Opposition parties fail to recognize what change entails and thus usually neglect to give careful consideration to the country-specific factors the can make change possible. This is where Waddani assumed that the average Somaliland citizen would buy into their controversial “change” slogan without providing a better, realistic and practical option to the voters. The second reason has a causal connection to the first in that they also assumed the average Somalilander is ignorant of their country’s status quo and its practical developmental needs given Somaliland’s limited resources. Thus, Waddani campaigned on a platform of rigorous misinformation and disinformation that amount to abuse of social intelligence. Their campaign initiatives such as overseeing the “coast with drones”, increasing the budget from $362 million to “$5 billion dollars within five years”, “providing clean drinking water in every corner of the country” and instituting an “E-government” to combat corruption and so forth presented a side of Waddani that people rightfully categorized as incompatible with what is possible in Somaliland. These quixotically abstract and unrealistic initiatives are a manifestation of the absence of political propinquity between Waddani and the society of Somaliland. But above all, it is a measure of how removed Waddani is from actual conditions of the country whose government it wanted to form. The third reason is probably why they still cling to the notion that they were robbed. Waddani believes that virtue is vice and vice is virtue. Dwight Eisenhower said that “If a political party does not have its foundation in the determination to advance a cause that is right and that is moral, then it is not a political party; it is merely a conspiracy to seize power”. This is absolutely the case with Waddani. The failure to show concrete policies to advance nation and state building, ameliorate social welfare and cater to the realistic needs of Somaliland can be gleaned from the above impractical examples of Waddani’s platform; which in turn confirms its conspiratorial strategy to seize power. For Waddani and its future success as a political party, the elephant in the room is not losing this time around, it is the unflinching lack of self reflection within the party ranks and its impenitent failure to associate this lose and their own mistakes. Waddani would be well served to have a sense of introspection to recognize that fairness is a universal attribute. It is not a trait that absolves you at your convenience and incriminates your opponents at your invocation. It cannot be morally binding upon everyone but exempt you. It is every body’s responsibility; a responsibility that Waddani has proven to intentionally squander multiple times in its very short history. Beginning with the immoral and fudged selection – not election – of its vice-president and the debauched process through which it was conducted, to the heinous and divisive clan politics it played throughout the campaign, Waddani has been a skipper for unmitigated corruption and moral degeneracy. And when it suited them, they blamed it on everyone else but themselves. Those of you who followed the campaigns can remember the multitudes of people who abandoned the party because of corruption perpetrated by the leadership. Notwithstanding the corruption within the party, these members also recognized the inherent sanctimonious attitude in the party leadership. A momentous example of this at a national level is when Waddani’s presidential candidate held a press conference to show case what he called “absolute tangible proof of corruption” and produced a supposedly forged ballot book. Upon closer examination, it turned out, and Abdirahman Irro willingly acknowledged, that the book was not a forgery, rather, and more importantly, it was stolen by a Waddani observer from a ballot station in Berbera. Unfortunately, it did not do anything to change Waddani’s perception nor their daft belief in a rigged election. In today’s Somaliland and its growing young population equipped with zealous national ambitions and political zeal, winning elections has proven to be a function of trust and campaign ingenuity. It means that parties must, above all, earn trust but also build discipline and train members showing that the party is entrenched in the values and principles that it wants to implement in the nation it bids to become its government. And so, to answer the question: why did I did I note choose Waddani? The answer is that for me it was enough to see the incongruencies in their platform, their behavior in the campaign trail and became convinced that the party has to learn that politics too has an element of trust and requires a mastery of the rough and tumble of politics. Nur Bahal Toronto, Canada hildiid@gmail.com
  21. Muqdisho (Caasimada Onlie) – Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu qabtay Munaasabad loogu magac daray Geediga Dowladnimada iyo Waxqabadka Xukuumada oo uu soo agaasimay Xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumada Somaliya. Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiiradiisa, Xildhibaano katirsan labada gole ee Baarlamaanka Somaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka. Kheyre oo hadal dheer ka jeediyay madasha ayaa ku dheeraaday ka hadal waxqabadka xukuumada oo haatan jirsatay ku dhawaad 10 Bil iyo waxa uqorsheysan mudooyinka soo socda. Kheyre ayaa sheegay inuu dalka yimid iyadoon aaney wax lacago ah kujirin Accounka dowladda balse uu rajeynayo inuu xilka isaga tago iyadoo ay lacago badan kujirto qasnada Dowladda, waxa uu sidoo kale ka hadlay dhismaha Golaha adeega garsoorka iyo Maxkamada Dastuuriga ah. Waxa uu soo qaatay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, dadaalada ay ugu jiraan in la ciribtiro musuq maasuqa dalka hareeyay, waxa soo qaatay sidoo kale dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab isagoo muujiyay yidadiilo ku aadan in laga guuleysto. Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta Ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo Markii la magacaabay iyo howlaha u qorshayeysan waqtiyada soo socda Wuxuuna Raiisul Wasaaruhu sheegay in Kulanka Bisha soo socda ay Qayb kale oo ka mida Wasiiradda hor imaan doonaan sidan oo kale Shacabka. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah culimada Somaliyed oo hadlay, ayaa mar isdul taagay Mooshinka suuqa kujiro ee laga wado Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, Waxa uu Shiikha usoo jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ineysan wax lacag ah siin Xildhibaano uu ku sheegay iney xaaraan qaadanayaan hadii lacagahaas la siiyo. Gurxan ayaa sidoo kale sheegay in Shacabka oo mideysan ay ceejinayaan Xildhibaanada wada mooshinada ka dhanka ah Madaxda Dowladda Somaliya. Sidoo kale Munaasibadda waxaa lagu soo bandhigay Heeso ka dhan ah Xildhibaanadda iyo Siyaasiyiinta ka soo horjeeda Madaxwaynaha iyo Raiisul Wasaaraha, Waxaana laga jeediyey hanjabaad ka dhan ah Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ku kacsan dowladda. Munaasibadan ayaa waxaa ku baxay Qarash farabadan oo Dowladdu ay ku abuuri kartay Fursado kale oo wax loogu qaban karo Shacabka, iyadoo ay si toos ah Munaasibaddu uga baxaysay Telefeshinadda UNIVERSAL iyo SNTV, iyadoona ay tabinaysay Shirkad qaabilsan Sattelite-ka oo lacag badan ku qaadatay tabintaas tooska ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay maxkamadaha Mareykanka inaysan awood u lahayn inay maxkamadeeyaan dalka Turkiga, xilli kiis xasaasi ah uu ka socdo New York. Xiriirka Mareykanka iyo Turkiga ayaa sii xumaanaya, waxaana ugu dambeysay markii nin Turkish oo ka ganacsada dahabka laguna magacaabo Reza Zarrab uu soo horistaagay maxkamadda New York, isaga oo Turkiga ku eedeeyey iay jebiyeen cunaqabateynta Mareykanka ee Iran. Zerrab ayaa sheegay in Erdogan uu laba Banki oo Turkish ah ku amray inay ka qeyb galaan qorshe si sharci darro ah la isku dhaafiyey lacago la xiriira saliidda Iran. Erdogan ayaa kiiskan ku qeexay shirqool ka dhan ah dhaqaalaha Turkiga oo lagu wiiqayo, uuna qeyb ka yahay wadaadka baxsadka ah ee Fethullah Gulen. “Mareykanka ha ogaadaan inaysan marnaba dalkeyga maxkamadeyn karin” ayuu yiri Erdogan. Waxa uu sheegay in kiiskan uu yahay mid siyaasadeysan oo ka dhan ah dowladda Turkiga, waxaya Turkiga la wareegeen hantida ninka Turkishka ah ee ka hor marqaati furaya maxkamadda New York.’ Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Howlgalka Mareykanka ee Africa Gen. Thomas Waldhauser ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Mareykanka ay beegsan doonaan Gobolada ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku leeyihiin saldhigyada. Gen. Thomas Waldhauser, waxa uu sheegay in mudada ka harsan sanadka cusub ay fulin doonaan dhowr weerar oo lagu beegsan doono Saldhigyo kooban oo muhiim ah, kuwaa oo ay degan yihiin Horjoogayaal sarsare oo ka tirsan Shabaab. Waxa uu Gen. Thomas Waldhauser, farta ku goday inay xooga saari doonaan goobo cayiman oo ku yaalla Gobolada Shabellaha Hoose, Bari iyo Shabellaha Dhexe oo ay ku yaalan Saldhigyada ugu waaweyn. Waxa uu cadeeyay inay ahmiyad gaara u arkaan in Somalia laga dhaliyo xasilooni maadaama la dhaafay xiligii laga saari lahaa dhibaatada, si shacabka Soomaaliyeed ay dib ugu midoobi lahaayen. Wuxuu carab dhabay inay ka go’an tahay in Somalia laga tirtiro Xagjiriinta Al-Shabaab iyo Daacish, si dowlada Somalia ay u hesho nafis ay ku qabsan karto howlaheeda Qaran ee horyaal. Gen. Thomas Waldhauser, ayaa sheegay in dowlada Mareykanku doonayso in dib u heshiisiin Qaran laga sameeyo Somalia si dowlada Somalia ay taageero buuxda uga hesho dhamaan dowladaha kale ee fursada u la’. Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay duqeynaha cirka oo ay la beegsanayso fariisimaha iyo Xeryaha Al shabaab ay ku leeyihiin deeganada ay ka arrimiyaan tan iyo markii Madaxweyne Donal Trump uu amray in la kordhiyo duqeymaha ka dhanka Al shabaab Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Dowlada Somalia ayaa weli ku howlan baadi-goobka Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Booliska iyo Nabadsugida Qaranka oo la rumeysan yahay inay halboole u yihiin xasiloonida. Hay’adaha amaanka Booliska iyo Nabadsugida ayaan laheyn Taliyayaal markii laga sootago kuwa KMG ah oo durbaba laga tabanaayo dhaliilo kala duwan. Taliyayaashii hore ayaa xilkooda ku waayay fashil dhanka amaanka oo ay u horseeden magaalada Muqdisho, xili labadaasi Hay’adood ay ku baxaan dhaqaale xoogan oo aan ku bixin Hay’adaha kale ee dowlada. Itaal darada heysata Hay’adaha aan ilaa iyo hadda laheyn Taliyayaasha ayaa la rumeysan yahay inay tahay xuquuq la’aan heysata ciidamada ka hoos shaqeeya, waxaana xusid mudan ‘’in Askari aan xuquuq laheyn uusan cadow kaa celin’’. Taliyayaasha hadda ku magacaaban labada Hay’adood ee KMG ah, ayaa waxaa looga khibrad badan yahay dhanka amniga waxaana suuragal ah in qudhooda ay ka jiiftaan xaqiijinta amniga maadaama mas’uuliyada saran ay tahay mid KMG ah oo aan sidaa usii fogeyn mudada ay heyn doonaan. Taliyayaasha Hay’adahan ayaa waxa ay shaqadoodii aheyd isku xirka Hay’adooda iyo kuwa caalamka iyo inay nidaamiyaan sharciyada ay ku shaqeyneyso Hay’ada. Maqnaanshiyaha Taliyayaasha labadaasi Hay’adood ayaa hoos u dhac ku keeni karta amniga iyo in Somalia ay adduunka la qeybsato shirarka amniga. Sidoo kale, waxaa adduunka ka mamnuuc ah in dal uu saacad qura noqdo Taliye la’aan, halka Somalia muddo ku dhow bil iyo bar ay dhex maquureyso Taliye la’aan soo waafaqday Hay’adaha amaanka Booliska iyo Nabadsugida. Dowlada Somalia ayaa waxaa la gudbooneyd inay sii diyaariso Taliye cusub ka hor inta aysan xilka ka qaadis Taliyayaasha ku magacaaban Hay’adaha amaanka maadaama aysan lamid aheyn Wasaaradaha oo sii shaqeynkara Wasiir la’aan. Sidoo kale, fashilada ugu badan ee dowlada Somalia ka heysta dhanka amaanka ayaa ah isbedelka joogtada ah ee lagu sameynaayo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka taa oo xitaa qalqal dhaqaale galinkarta Hay’adaha. Isbedelada joogtada ah ee lagu sameynaayo Taliyayaasha ayaa xitaa saameyn ku yeelaneysa mooraalka Saraakiisha iyo Ciidamada, waxa ayna taa qeyb weyn ka tahay waxyaabaha soo dadajiya amni darada, iyadoo sababta ugu weyn ay tahay in Taliye waliba uu hamigiisa kusoo koobo boobka mushaaraadka ciidamada maadaama uusan kusii raagi doonin xilka. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay su’aashu tahay Dal aan Taliyayaal Hay’ado amaan laheyn maxaa u dawo ah? oo badbaado u noqonkara shacabka ku hoos nool amniga iyo dadaalka ay wadaan Hay’adahaasi. W/Q: Xasan Axmed C/Qaadir Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii ugu badnaa ee ka tirsan al-Shabaab ay gudaha u galeen Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo. Deegaanada ay maleeshiyada ilaa iyo hadda ku sugan tahay ayaa waxaa kamid Deegaanka Ceelcade ee Gobalkaasi waxa ayna markoodii hore ay kasoo baqooleen Saldhigyo ay ku lahaayen Jubbada Dhexe, sida aan ku sheegnay wararkeenii hore. Maleeshiyaadkan ayaa la sheegay inay la socdaan ilaa Seddex Horjooge oo ka tirsan al-Shabaab oo uu ugu horeeyo Horjoogaha ugu sareeya argagixisada Somalia ee al-Shabaab Abuu Cubeyda oo baxsad ka ah diyaaradaha al-Shabaab. Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada dowlada ee Gedo ayaa xaqiijiyay in qorshaha maleeshiyaadkaasi uu yahay inay ka talaaban xadka ay Somalia la wadaagto Kenya. Wuxuu intaa ku daray in maciin bidayaan duqeymaha Kenya ee aan khasaaraha geysan marka loo eego kuwa Mareykanka ee aan laga baxsan. Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowlada Kenya ay ciidamadii ugu badnaa soo tubtay xadka ay la wadaagto Somalia, waxaana xusid mudan in halkaa ay kasoo dageen ilaa 5 diyaarad nooca dagaalka ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga cabsi qabaa in maleeshiyaadkan ay awood ku maquuniyaan ciidamada Kenya ee ku sugan xadka ay la wadaagan Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com