Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,539
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. ANKARA, Turkey / TBILISI, Georgia – Turkey’s state aid agency distributed 40 tons of basic foodstuff to 1,000 flood victim families in Somalia. The Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) said in a written statement the agency and the Turkish Red Crescent helped people affected by the flood which had been caused by monsoon rains in the towns near Shebelle River. The statement also said around 200,000 people living in Beledweyne town and near residential areas, which is 360 kilometers (223 miles) away from capital Mogadishu, were forced to leave their homes due to heavy floods. Turkey’s Ambassador to Somalia Olgan Bekar, TIKA’s Mogadishu Program Coordinator Galip Yilmaz and Turkish Red Crescent’s Somali delegation members distributed the foodstuff, which included rice, sugar, flour, oil, pasta and milk powder via helicopter to inaccessible areas, the statement said. Hirshabelle Federal Region President Mohamed Ware said: “Turks have shown once again that they are our true brothers”. At least 427,000 people have been affected by flooding due to heavy rains across Somalia in April, according to the Norwegian Refugee Council (NRC). Separately, TIKA handed over technical equipment to the Georgian Green Crescent Community for its new office in Tbilisi. Speaking at the handing over ceremony, the community’s Honorary President Musa Haciyev said: “Our community was founded as being inspired by the Turkish Green Crescent, which has a 100-year experience.” Source: – Anadolu Agency
  2. Somalia’s choice of delegates for the upcoming International Labour Conference (ILO) have raised some eyebrows. The selective process that excluded legitimate representatives from Somalia’s labour unions and included just one federal member state has led many to question who is attending and in what capacity. The 107th International Labour Conference is scheduled to begin at the end of the month. The conference held in Geneva every June brings together delegates from 187 member states to craft conventions and recommendations that aim to protect the interests of workers around the world. The annual event is held by the International Labour Organization (ILO), a United Nations agency. As expressed by the ILO agency each member states sends four representatives to the conference: two government delegates and a single delegate for each of employers and workers. All of them have equal individual voting rights at the conference. The employer and worker delegates are chosen in agreement with the “most representative” national organizations of employers and workers. A leaked document from the Federal Ministry of Labour and Social Affairs and signed by Minister Salah Ahmed Jama was seen by Hiiraan Online. The document contains the names of Somalia’s tripartite delegation. The government delegation includes Mr. Abdirahman Ahmed Abdulle who is Puntland’s Minister of Labour who is listed as an advisor and substitute delegate. No other federal member state is included in the government delegation. There are concerns that some of the advisors included in the worker’s delegation have no experience in any labour union. A well-placed source in the government who has viewed the leaked delegation list expressed his dismay at the inclusion of some of the delegates who, in his opinion have never been active members in a trade union in Somalia. He insinuated that corruption may have played a hand in some of the ‘unqualified advisors’ making it on to the delegation list.” Representatives from other federal member states have also question in private how only Puntland came to be apart of the delegation. There are 15 people included in Somalia’s tripartite delegation. Just two of them, are representing Somalia’s employers. Seven are representing the government and the remaining six will be the voice of the workers. The only female in the entire delegation is Ms. Fadumo Abdullahi Mohamud, Somalia’s Ambassador and Permanent Representative to the United Nations Office at Geneva who is a government delegate. Somalia has no voting rights at ILO and therefore cannot effectively participate in the ILO deliberations. Source” Hol
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal lagu daabacay beejka wakaaladda wararka SPA ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay inuu soo dhacay mid ka mid ah Wiishashka Masjidka Xaramka ee Maka al-Mukarama. Wiishka oo aad u weynaa ayaan geysan wax khasaaro sidaa usii weyn, waxa uuna kusoo dhacay goob faaruq ah oo markaa ay mareen dad bada. Wiishkan ayaa ku dhacay meel ka durugsan Dhagaxa Madoow, waxaana xilligaas goobta Dhagaxa Madoow ku sugnaa dad aad u farabadan. Gudaha masjidka ayaa waxaa ka dhex socda dhismo ay wado Dowladda Sucuudiga kaa oo lagu casriyeynayo Masaajidka. Saraakiisha Masaajidka ayaa sheegay in sababta uu wiishka u soo dhacay ay ahayd Xamuul badan oo uu u waday qeybta sare oo uu dhisme ka socday. Waxa ay aheyd 2015-kii markii Wiish soo dumay waxaa ku dhintay 107 Xaaji,waxaana ku dhaawacmay 230 Xaaji,waxaana xilligaas Sharikadda Dhismaha ee Bin Laden joojisay dhismihii masaajidka muddo 2 Sao ah.
  4. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in roobabkii mahiigaanka ahaa ee Caasimadda ka da’ay 48-dii saac ee la soo dhaafay ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan oo gaaraya ugu yaraan $35 Million oo dollar. Duqa Caasimadda ayaa xusay khasaaraha ka sakow in ay jirto dhibaatooyin bini’aadanimo oo gurmad deg-deg ah u baahan, gaar ahaan cunno iyo agab caafimaad, si xaaladda wax looga qabto, isagoo xusay in maamulkiisu uu la tacaalayo xal-u-helidda dhibaatada roobabka ka dhashay iyo in goobihii ay biyuhu fariisteen laga wado olole ballaaran oo dib loogu soo celinayo bilicda. Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn ka warbixiyey baaxadda khasaare ee naf iyo maalba leh oo ka dhashay daadadka roobka, waxuna tilmaamay in tirakoobkii ugu danbeeyey ee la sameeyey uu xaqiijinayo dhimashada 6 qofood oo seddex kamid ah yihiin caruur da’doodu ka yar-tahay 12 sanno, burburka guryo gaaraya 301 iyo burburka qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda, sida, Laamiga shaqaalaha ee degmada Hodan, Laamiga Dabka iyo Bakaaraha isku xira, Laamiga Cabdalla iyo Cawareero ee Warta-Nabadda, Laamiga Janaraal Daa’uud iyo Jidad kale. Inj. Yarisow ayaa ka digay in roobabka xooggan ay sii xumeynayaan xaaladaha ka jira xerooyinka barakacayaasha oo ay ku nool yihiin barakacayaal xad-dhaaf ah, isla markaana ay barakacinayaan dad kale oo badan oo ku nool deegaannada u dhow biyo-dageenada iyo sidoo kale dad danyar ah oo ku noollaa guryo cooshado ka sameysan. Xerooyinka Barakacayaasha ee Caasimadda waxaa inta badan ka maqan xarumo fayo-dhowr ah, sidaasi darteedna waxaa ay taasi sare u qaadeysaa halista ay ugu jiraan cudurrada faafa. “Waxaan ugu baaqayaa Hay’adaha gargaar iyo guud ahaan cid walba oo wax haysata in cunno iyo agab caafimaad oo de-deg ah lala soo gaaro shacabka dhibaataysan, sida ay saadaashu tilmaamayso waxaa la filayaa roobab dheeri ah oo xaaladda kasii dari kara, sidaas daraadeed waa in loo diyaar garoobaa gurmadkuna noqdaa mid yimaada waqtiga ku habboon”.Ayuu yiri Eng. Yarisow. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga Mahad-celiyay shacabka Caasimadda iyo ciidamadda qaranka doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen gurmadkii la sameeyey, waxuna ka codsaday in ay sii xoojiyo gurmadka si dhibaatada looga saaro shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Maamulka Muqdisho oo shaaciyay Qasaarihii ka dhashay Roobabkii ka da’ay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  5. Afgooye (Caasimada Online)-Amar kasoo baxay Wasaarada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa la duldhigay dhammaan Ajaaniibta ka howlgasha deegaanada maamulka. Amarka kasoo baxay Wasaarada ayaa waxa uu si toosa ugu socdaa ajaanibta ka shaqeysa Hay`adaha ka howgalo deegaanada Koonfur Galbeed, kuwaas oo laga dalbaday in ay isdiiwaan geliyaan. Wasiirka Wasaarada amniga ee Koofur Galbeed oo soo saaray amarka ayaa sheegay inay muhiim tahay in lala socdo dhaqdhaqaaqa iyo shaqooyinka Ajaaniibta, sidaa aawgeed laga doonaayo inay isdiiwaan galiyaan. Waxa uu Wasiirka amarkiisa ku sheegay in diiwaan galinta ay kor u qaadeyso in lala socdo xaalada guud iyo tan amniyeen ee Ajaaniibta. Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay ka warqabaan ajaanibta ku sugan deegaanada maamulkaas maadaama ayuu yiri magaalada Muqdisho lagu afduubtay Haweeney u shaqeyneysay hay`adda Laan kheyrta Cas ee ICRC una dhalatay dalka Jarmalka. Amarka Wasiirka Wasaarada amniga ee Koofur Galbeed, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Gobolka Banaadir iyo gobolada kale ee dalka ay ku sugan yihiin ajaanib fara badan kuwaas oo aan la ogeyn inta ay la egyihiin tiradooda. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  6. ANKARA, Turkey / TBILISI, Georgia - Turkey’s state aid agency distributed 40 tons of basic foodstuff to 1,000 flood victim families in Somalia. The Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) said in a written statement the agency and the Turkish Red Crescent helped people affected by the flood which had been caused by monsoon rains in the towns near Shebelle River. The statement also said around 200,000 people living in Beledweyne town and near residential areas, which is 360 kilometers (223 miles) away from capital Mogadishu, were forced to leave their homes due to heavy floods. Turkey's Ambassador to Somalia Olgan Bekar, TIKA's Mogadishu Program Coordinator Galip Yilmaz and Turkish Red Crescent’s Somali delegation members distributed the foodstuff, which included rice, sugar, flour, oil, pasta and milk powder via helicopter to inaccessible areas, the statement said. Hirshabelle Federal Region President Mohamed Ware said: “Turks have shown once again that they are our true brothers”. At least 427,000 people have been affected by flooding due to heavy rains across Somalia in April, according to the Norwegian Refugee Council (NRC). Separately, TIKA handed over technical equipment to the Georgian Green Crescent Community for its new office in Tbilisi. Speaking at the handing over ceremony, the community's Honorary President Musa Haciyev said: “Our community was founded as being inspired by the Turkish Green Crescent, which has a 100-year experience.”
  7. Tukaraq (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Tukaraq ayaa sheegayo inay dagan tahay isla markaasna ay istaageen isku socodkii ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland kadib markii uu halkaas ka da’ay roob aad u wey. Roobabka ayaa keenay inay xirmaan dhammaan jidadka Magaaladaas, waxaana weli la dareemayaa inay Magaalada taha mid ku jirto xaalad colaadeed. Golaha Wasiirada ee Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay inay ku jiraan xaalad diyaar garow dagaal isla markaasna ay la wareegi doonaan magaaladaas iyo meelo kale oo ay sheegeen inay kamid yihiin Puntland. Sidoo kale Maamulka Somaliland ayaa iyadana ku dhawaaqday inay difaacan doonto xuduudaheeda, waxayna sheegeyn inay diyaar u yihiin dagaal kasta oo uga imaado Maamulka Puntland. Labada Maamul ayaa saxaafadda isku dhaafsanayey maalmihii ugu dambeeyey hadalo kulul, wuxuuna mid kale sheegayey in isaga lagu soo duulay isla markaasna ay magaaladaas hoos timaado Maamulkiisa. Waxaa Magaaladaas iyo meelaha u dhow dhow laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, waxaana daqiiqad kasta la filan karaa dagaal, maadaama ay weli is hor fadhiyaan labadii ciidan ee dagaalmay. Beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya ayaa labadaba ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan Tukaraq, waxayna dalbadeen in wax kasta lagu dhameeyo wadahadal iyo is faham. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. A “selfless and caring” family man who died in hospital after being stabbed was one of three young men to lose their lives to London’s knife-crime epidemic. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) – Somalia’s choice of delegates for the upcoming International Labour Conference have raised some eyebrows. The selective process that excluded legitimate representatives from Somalia’s labour unions..... Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Puntiland in ay joojiyaan dagaallada, wixii khilaaf ah ee u dhexeeyana ay ku dhammeeyaan wada hadal. “Looma baahna in dhiig dad Soomaaliyeed la daadiyo. Looma baahna in dhiig dad Muslim ah la daadiyo. Maanta waaya arag beynu dhowr iyo labaatan sano u nahay dhibaatada uu dagaal leeyahay. Dagaal waxaa la ogaaday in aan lagu kala adkaan karin. Walaalayaalow hala iska daayo in wax wanaag lagu heli karo lagu raadiyo dagaal iyo cunfi”, ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed. Mudane Mahdi ayaa Odayaasha iyo Salaadiinta ka codsaday in ay u istaagaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadeynta dhincayada dagaalku u dhexeeyo si looga baaqsado dhiig kale oo daata. Sidoo kale, Ra’iisul wasaare xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Somaliland iyo Puntilad ka codsaday in joojiyaan hadalada xanafta leh ee naceybka iyo cunfiga ku abuuraya shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah. Ugu dambeyn, Colaadda u dhexeysa maamullada Puntland iyo Somaliland ee ka taagan deegaanka Tuka-raq ayaa geysatay khasaarooyin nafeed oo aad u fara badan, iyadoo weli ay deegaankaas ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhexeysa labada maamul. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Somaliland oo lagu booriyay inay soo af-meeraan Colaadaha u dhexeeya appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kormeer ku tegay degmooyinka Xamarweyne, Boondheere, Warta-nabadda, Hodon iyo gooba kale oo roobabkii Muqdisho ka da’ay ay biya dhigeen, isaga oo sidoo kale tegay xarumaha la dejiyay dadka laga soo daad gureeyay goobaha ay biyuhu fariisteen. Ra’iisul wasaaraha oo ay la socdeen Wasiirka amniga, taliyaasha ciidanka iyo maamulka Gobalka Benadir, ayaa waxa uu xog wareestay qaar kamid ah dadkii laga soo badbaadiyay xaafadaha ay biyuhu ku rogmadeen, waxa uuna faray guddiga loo xil saaray gurmadka in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu badbaadinayo qoysaska Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay roobabka. Wasiirka amniga gudaha XFS, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), oo ka war bixiyay Kormeerka ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyay Qoysaska dadkii ku dhintay guud ahaan dhibaatada daadadka, waxa uuna sheegay in ujeeda kormeerka uu ahaa in loo gurmado qoysaska roobabku ay dhibaatada u geesteen. Wasiir Ducaale ayaa sheegay in la sameeyay guddi dhibaatada la tacaala oo saldhiggoodu yahay xarunta maamulka Gobalka Banaadir, waxa uuna ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan gurmadka. Ugu dambeyn, Wasiir Ducaale waxa uu sheegay in ciidanka qalabka sida ay ka qeyb qaateen badbaadinta Shacabka daadaku kusoo rogmadeen, waxa uuna caddeeyay in ay sii wadayaan howlaha badbaadinta. PUNTLAND POST The post R/W Khayre oo booqday dadkii ka badbaaday roobabkii iyo daadadkii ku dhuftay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. There’s a mom and pop grocery store in Willmar, Minnesota that carries a few items you won’t find in the freezer aisle at any Wal-Mart. Like cubed camel meat. Source: Hiiraan Online
  13. The streets of Mogadishu, Somalia, were under water on Sunday, May 20, after days of rainfall triggered severe flooding. The storm, a tropical cyclone, was forecasted to strike the arid region on May 16. Source: Hiiraan Online
  14. Riyadh (Caasimadda Online) – Ciidamada difaaca Cirka ee Sacuudiga ayaa Isniinta Maanta ah ka hor tagay Gentaal nooca Balaatigga ah oo ay ku weerareen dagaal yahannada Xuutiyiinta ee Dalka Yemen, sida laga soo xigtay Ilo ku dhow isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo. Gentaalkan oo laga tuuray Waqooyiga Gobolka Sacda ayaa waxaa Hawada ku bur-buriyay Ciidamada difaaca Cirka ee ku sugan Gobolka Jizaan ee Koofurta Dalka Sacuudi Carabiya. Telefishinka ku hadla Afka Xuutiyiinta Yemen ee Al-Masira ,ayaa xaqiijiyay in Gentaal ay ku tuureen Garoonka Diyaaradaha Jizan ee koonfurta Sacuudi Carabiya uu halkaasi ku dhacay, waloow anan la sheegin wax khasaara ah oo ka dhashay. Gentaalkan ay Sacuudiga ku weerareen Xuutiyiinta ka dagaallama Dalka Yemen ayaa noqonaya kii Saddexaad ee ay ku tuuraan inta lagu gudo jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Lone Park Barracks (Caasimadda Online) – Dowladda Australia ayaa u dabaaldagtay sanadguuradii 25-aad ee kasoo wareegatay howgalkii UNISOM ee laga fuliyey dalka Soomaaliya. Xafladda ka dhacday duleedka Magaalada Lone Park Barracks dalka Australia ayaa lagu xusay sanadguuradii kasoo wareegtay howgalkaas oo ay qeyb ka aheyd wadamadii ka qeybgalay. WO1 Hodges oo ahaa afhayeenkii ciidamadii ay Australia u dirtay howgalkii UNISOM ayaa sheegay inay howlgalkaas uga qeybgaleen ilaa 990 qof, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya gaareen May 13, 1993.. Afhayeenka ayaa tibaaxay inay Soomaaliya xilligaas ka jirtay abaar iyo gaajo aad u daran oo keentay inay dhintaan ilaa 300,000 qof oo Soomaali ah. Wuxuu tilmaamay inay shaqo fiican kasoo qabteen Soomaaliya isla markaasna ay badbaadiyeen dad badan oo gaajo u dhiman lahaa sidau u hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay inay ciidamadooda ka qeyb qaateen sidii hey’adaha gargaarka loogu ogolaan lahaa inay dadka dhibaateysan gaarsiiyaan gargaarka bini’aadanimo oo dhinac walba ah. ” Soomaaliya waxaa u tagnay sidii aan u badbaadin laheyn dad badan oo dhibaateysnaa, Inkastoo ay dad badan gaajo u dhinteen, haddana khibrad badan ayaan kasoo helnay howlgalkaas” ayuu yiri afhayeenka.
  16. Cabdalle Cagalule 21 May 2018 shir jaraa’id Garoowe Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) haatanna sheegtay in uu yahay madaxweynaha Khaatumo oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa si buuxda u taageeray dagaalka ay Puntland ku soo celinayso xuduudaha maqan ee gobolka Sool. Mudane Cagalule ayaa shirkiisa jaraa’id ku dhaleeceeyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay gacan-ku-dhiigle ku caan baxay gumaadka bulshada reer Khaatumo iyo boobka dhulkooda,isagoo ku hanjabay in Somaliland aysan sii haysan doonin degaannada ay kaga sugantahay gobolka Sool. Dhinaca kale Cagalule ayaa si kulul u canaantay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee xilalka ka haya maamulka Somaliland,isagoo si gaar ah carrabka ugu dhuftay in ay jiraan rag aqoonyahanno loo qabay oo Somaliland been ku qancisay,islamarkaana dhuuni dartiisa u taageersan kala go’ynta umadda Soomaaliyeed iyo burburinta jiritaanka iyo qarannimadeeda. Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in siyaasiyiinta reer Khaatumo ee Somaliland xilalka ka haya ay lamid yihiin awr raray ah oo koromo ah (dhufaanan),wuxuuna caddeeyay in aysan matalin bulshada ay magaceeda sheeganayaan,sida uu hadalka u dhigay. Halkaan ka dhegayso dhammaan arrimaha uu ka hadlay. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/Cagalule-Khaatumo.mp3 PUNTLAND POST The post Garab kamid ah Khaatumo oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaanka kooxda ayaa aad uga walaacsan xaaladda amiirkooda Axmed Cumar Abu Cubeydah, oo laba killi aad uga xanuunsanaa muddo lix bilood ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo sirdoon. Halkan ka aqri warkaas. Ilo-wareedyada ayaa sheegay in xaaladdiisa ay aad u liidato, ayna mareyso heer ay ku xigeenadiisa iyo golaha shuurada kooxda ka doodaan cidda beddeli doonta, taasina ay hoggaamisay muran xooggan iyo loolan adag. Golaha shuurada oo qaabilsan go’aan ka gaarista cidda qabaneysa hoggaanka kooxda ayaa ka kooban sideed xubnood, waxaana ku jira rag ay ka mid yihiin; Mahad Karate oo hoggaamiya qeybta sirdoonka kooxda ee Amniyat loo yaqaan, Macallin Cusman oo hoggaamiyaha ciidamada lugta ee kooxda, iyo Cali Dheere oo ah afhayeenka kooxda. Saddexdan nin ayaa la sheegaya in hadda uusan wax hadal ah dhex marin, oo ay ad u kala carreysan yihiin. Musharaxiinta xilka u taagan waxaa ka mid ah: Mahad Karate: Waa madaxa qeybta sirdoonka ama Amniyaatka kooxda, waxa uuna kasoo jeedaa beesha Ceyr ee Habar-gidir. Markii uu dhintay Axmed Godane, ayuu xilkan aad u doonayey, hase yeeshee golaha shuurada kooxda ayaa dhinac maray, una doortay hoggaanka Axmed Cumar Abu-Cubeydah. Cali Dheere: Waa afhayeenka kooxda, waxana uu kasoo jeeda beesha Murusade, gaar ahaan Sabti, Abakar. Cali Dheere markii hore ma lahayn han hoggaan, hase yeeshee kooxda oo sii daciifeysa, islamarkaana lumisay rag badan oo caan ah kana miisaan cuslaa darteed, ayaa ay u muuqata inaysan hotaagneyn dad badan oo la loolami kara. Xuseen Cali Fiidow: Waa madaxa wilaayaadka ama madax maamul goboleedyada kooxda. Waxa uu sidoo kale qaabilsan yahay qeybta maaliyadda kooxda. Waxa uu kasoo jeeda beesha Murusade, gaar ahaan Fool-culus, Habar Maxamed, Hillibi. Wararka ayaa sheegaya inuu isku dayey inuu afgambi ku sameeyo Abu Cubeydah, islamarkaana uu dil u qorsheeyey, hase yeeshee Abu Cubeydah uu dirqi uga baxsaday kana fakaday. Dadka fallanqeeya arrimaha argagixisada ayaa xanuunka Abu Cubeydah iyo khilaafka ku saabsan cidda beddeli lahayd, u arka fursad ay ka faa’iideysan karto dowladda Soomaaliya, oo weeraro iyo dagaal culus ay kooxdan ugu qaadi karto. Warbixintan waxaa dabaacday hay’adda Terrorism Monitor Caasimada Online Xafiiska Naiorobi Caasimada@live.com
  18. Wasiirka arimaha dibada ee Saacid Cali Shire ayaa warqad sir ah u diray Raysal wasaaraha cusub ee itoobiya isaga oo ka dalbay in ciidamo gurmad ah loo soo diro, isaga oo sheegay in dagaalkii u danbeeyay ay jab wayn uu ka raacay.
  19. Biyaha Fataahada Gobolka Hiiraan ayaa xiray Buundada isaga kala gooshta Magaalada Buulo Barde ee xarunta labaad ee Gobolka Hiiraan. Biyaha Wabiga ayaa Buundada Gudaha u soo galay iyaga oo dadkana ay cabsi ka muujinayaan iyaga oo sheegay in ay Ka Cabsanayaan bahalo laga yaabo in ay biyaha soo raacaan. Dhanka kale shacabkii magaalada Buulo Barde ayaa qaarkood ka barakacay guryihii ay ku sugnaayeen kadib markii wabiga uu fatahaad sameeyay. Shacabka ayaa codsanaya in la la soo gaaro gurmad deg deg ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Buundadii Buulo Barde oo Fahaatada Biyaha ay Xireen appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda samafalka ee Hormuud Foundation ayaa Raashin iyo lacago caddaan ah waxay ay gaarsiisay Isbitaalada Danta guud (Dowliga ah) ee ku yaala Magaalada Muqdisho. Hormuud Foundation ayaa Isbitaalka Hooyada iyo Dallaanka ee Banaadir gaarsiisay deeqo isugu jirto Shidaal iyo Raashin taasoo lagu wareejiyey Maamulka Isbitaalka. Sidoo kale Hormuud Foundation ayaa deeqo lacageed gaarsiisay Isbitaallada Madiino, Dayniile, Keysaney iyo Laasareeti waxaana bukaan kasta oo Isbitaaladaas ku jiro la siiyey lacag dhan $100 (Boqol Dollar) sida uu saxaafadda u xaqiijiyey Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ah madaxa Hormuud Foundation. ” Sida aad ka arkeysaan gadaasheeda, waxaan Isbitaalka Banaadir soo gaarsiinay raashin isugu jiro Bariis, Bur, Sonkor, Saliid, Caleen Shaah iyo Timir, sidoo kale waxaan soo gaarsiinay Shidaal booyad ah” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur Cismaan. Sidoo kale Cabdullaahi Nuur ayaa ka dhawaajiyey in Isbitaalada kala ah Madiino, Dayniile, Keysaney iyo Laasareeti la gaarsiisay gargaar lacageed. ” Waxaan dhammaan bukaanada ku jiro Isbitaaladaan Alle uga baryayaa inuu Caafiyo isla markaasna uu u barakeeyo deeqda aan soo gaarsiinay, waxaana Madaxda Isbitaalada ka rajeeneynaa inay sii laba jibaaraan adeegga ay Bulshada u hayaan” ayuu sii raaciyey Cabdullaahi Nuur. Agaasimaha Isbitaalada Madiino Dr. Maxamed Yuusuf ayaa ka mahad celiyey deeqdaan la gaarsiiyey Bukaannada ku jira Isbitaalka wuxuuna yiri; ” Hormuud waligeed ay sameyn jirtay sidaan, abaal weyna waan u heynaa, Jazaakal Allah, waan idinka guddoonay, mar kasta ayey caawisaa dadka dhibaateysan ee isbitaalada ku jira weliba marka lagu jiro xaaladahaan oo kale” . Deeqdaan ay Hormuud gaarsiisay Isbitaalada Danta Guud ee Magaalada Muqdisho ku yaal ayaa kusoo aadeyso xilli ay asbuucii hore deeq isugu jirta Raashin iyo xoolo nool ay gaarsiisay Xabsiga dhexe iyo isbitaalka Martiini oo ay ku jiraan Naafada ciidamada Xoogga ee dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya. Shirkadda Hormuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed mar kasta garab taagan, waxayna kala qeyb qaadataa xaalad kasta oo soo kororto, waxayna aheyd maalmo ka hor markii ay 100 Kun oo Dollar ay ugu deeqday dadka ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha Magaalada Beled Weyne.
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida lagu soo daabacay Shabakadda wararka ee Xarunta QM ee UN News Center waxay QM iyo DFS si wadajir ah u soo saareen Codsigaasi, iyagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo gaarsiiyo Kharajkaasi oo wax loogu qabanayo dadka Soomaalida ee ku barakacay Daadadkii dhawaan ka dhacay qeybo ka mid ah Bartamaha iyo Koonfurta Somalia. Qaramada Midoobey iyo dowladda Soomaaliya ayaa qeylo-dhaan u diray beesha caalamka, iyaga oo codsaday lacag dhan $80 million oo deg-deg ah, si wax looga qabto fatahaadda ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. OCHA waxaa ay sheegeysaa in roobab da’ay in ay sababeen fatahaadahii ugu badneyd muddo 30 sano ah. Fatahaadaha waxaa ay geysteen khasaare naf iyo maal leh, barakac, burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaale taas oo la sheegayo inay uga sii darday dhibaatada ka jirta Soomaaliya. Dadka wax ku noqday waxaa ay heys’adda OCHA ku qiyaastay 750,000 halka dadka barakacaaysha ay gaarayaan ilaa 229,000 oo qof. Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha banii’aadnimada waxaa ay sheegayaan in aaney isku halleyn karin lacagtii $1.5 billion ee laga sugayey beesha caalamka sanadkan. Peter de Clercq, oo UNka u qaabilsan arrimaha banii’aadnimada waxaa uu sheegayaa in loo baahanyahay xal waara iyo u adkeysi la xiriira arrimaha isbadalka hawada iyo cimillada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. At least 15 people have died in Somaliland after heavy rains caused by tropical cyclone Sagar which landed in the Horn of Africa over the weekend. Source: Hiiraan Online
  23. Jassim and Hamad Bin Jassim Charitable Foundation (HBJ Foundation) will implement charity projects worth over QR15.7m in Qatar and other 16 countries worldwide during holy month of Ramadan. Source: Hiiraan Online
  24. Ankara (Caasimadda Online) – Warar soo baxay ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda Turkiga uu ka badbaaday isku day dil xilli uu socdaal ku marayay wadanka Boosnia ee dhaca Mandiqadda Albulqaad qaaradda Yurub. Sirdoonka guud ee dowladda Turkiga ayaa sheegay in ay baarayaan wararka laysla dhaxmarayo ee sheegaya in sirdoonno caalami ah ay qorsheeyeen dilka Erdogaan. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kooxo katirsan Mucaaradka Turkiga oo kaashanaya sirdoonka Yahuudda ay maleegeen qorshe lagu khaarijin lahaa Rajeb Erdogaan xilli uu ku sugnaa magaalada Sarajevo oo ah caasimadda wadanka Bosnia. Jaaliyadda Turkiga ee wadanka Maqdooniya ayaa sirdoonka Turkiga gaarsiisay in lamaleegayo isku day dil oo ka dhan ah Erdogaan, war kasoo baxay sirdoonka Turkiga ayaa lagu sheegay in sirdoonno reergalbeedka ay soo gaarsiiyeen in kooxo Turki ah isku diyaariyeen fulinta isku day dil oo ka dhan ah madaxweynaha Turkiga. illaa iyo hadda wardoonka dowladda Turkiga uma suurtagelin in ay xadidaan heybta iyo halka ay ku suganyihiin kooxaha dilka geysan rabay oo katirsan Jamaacada Fataxullaah Gooleyn sida uu faafiyay wargeyska Bin Shafiiq ee kasoo baxa magaalada Ankara. Warbaahinta taageerta xisbiga talada haya ee Turkiga ayaa maamulka Yahuudda (Israa’iil) ku eedeeyay in uu gacan ka geystay qorshaha lagu dili lahaa Erdogaan. Bartamihii sanaddii 2016 wadanka Turkiga waxaa ka dhacay inqilaab melleteri oo ladoonayay in lagu maja xaabiyo Erdogaan oo xilligaas ahaa R/wasaare balse isku daygaas ayaa si lamafilaan ah u fashilmay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa la sheegay inay dayaceen howlahooda shaqo ee ku aadanaa gudashada waa jibaadka ka saran xilalka ay Qaranka u hayaan. Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Golaha ku dhaliilay inay meel cidla ah ku tuureen shaqooyinkii laga sugaayay, kadib markii ay gudan waayen waajibaadka loo xushay, sida ay dhaliishooda ku sheegen. Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa sheegay in howlaha gudoonka sare ay isku rogtay nasiino iyo in si ku tallo gal ah loo dayaco shaqooyinkii horyaalay baarlamaanka, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Cabdi, ayaa tilmaamay in dayacaada ugu weyn ay heysato xeer hoosaadka Baarlamaanka oo meel cidlo ah looga tegay, isla markaana ajandihii ay isla gartaan la iska tuuro. ‘’Shaqooyinkii laga sugaayay oo la qabto iska daaye waxa ay howshu mareysaa in meel cidla ah lagu tuuro xitaa ajandihii la isla garto in lasii wado, taasi waxaa u sabab ah guddoonka oo u muuqda mid cuuryaaminaaya shaqada’’ Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Xaqiiqdii baarlamaanka waxaa heysato ayaandarro,waxan u imaanaa in aan xeer hoosaadka aan u codeyno si ajandaha maalintaas aan u codeyno balse shaqo kadib meel cidlo ah lagu tuuro oo waxba kama jiraan lagasoo qaado’’ ‘’Ka Xildhibaano ahaan subax waliba wax aanan aqoon ayaa nalagu soo qaadaa, kuwii aan garaneynay waxaa la tuuraa iyadoo aan loo codeyn amaba laga doodin’’ Xildhibaan Cabdi Cali, ayaa sidoo kale, eedeyn u jeediyey guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya,oo uu sheegay in aysan awood u laheyn in ay farageliyaan Shaqooyinka mudanayaasha Baarlamaanka. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa cadeeyay in Xarunta Golaha Shacabka maalin walba lala yimaado in qof walba wixii uu doono uu sameeyo, waxa uuna taa ku tilmaamay ayaandaro dhibteeda usoo hoyaneyso Guddoonka sare. Haddalka Xildhibaanka ayaa u muuqanaaya mid lagu ifinaayo ciladaha ka dhex jira Baarlamaanka Somalia, wallow Xildhibaanadu ay badi yihiin kuwo dagaal kula jira maamulka hadda shaqeeya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com