Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirka Amniga Qaranka oo uu furay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, kaa oo ahmiyad gaara u leh dalka. Shirka ayaa la filayaa in manta lasoo gabagabeynaayo waxaana wajiga koowaad ee shalay si hordhac ah looga soo saaray qodobo dhowr ah. Qodobada hordhaca ah ee laga soo saaray wajiga koowaa ee shirka shalay ayaa waxaa kamid ah in dib u habeeyn lagu sameeyo qaybaha Amniga ee DFS iyo Dowladaha shisheeye ee Somalia garabka kusiiya amniga. Dib u habeynta lagu sameynaayo amniga ayaa shirka lagu sheegay inay ahmiyad gaara u leedahay Somalia oo Horumar dhanka amniga ah gaartaa. Wakiilada qeybta ka ah shirka ayaa dowlada Somalia ku amaanay sida ay u hirgalisay qodobadii ugu Muhiimsanaa ee kasoo baxay shirkii London oo ay kamid ahayd isku dhafka Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyadda. Sidoo kale, waxa ay madaxda shirka qeybta ka ah si hordhac ah ugu heshiiyeen Illaa iyo 3 qodob oo la isku raacay in lasiin doono mudnaan gaara waxa ayna kala yihii: 1-In la fuliyo Istiraatiijiyadda Amniga Qaranka ee la isku afgartay. 2-In si deg deg ah loo horumariyo Qorshaha kala guurka oo kusaleysan waqti Cad si Mas’uuliyadda Amniga looga Wareejiyo Ciidamadda AMISOM looguna wareejiyo Ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed. 3-In lasii wado Taageeradda Beesha Caalamka si loo dhiso Awooda ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa la isla fahmay in shirka xiga ee amniga Qaranka lagu barbar qabto shirka Golaha iskaashiga Somalia ee la filaayo inuu dhaco bartamaha Sanadka soo socda ee 2018. Dhinaca kale, waxaa si wada jir ah leysugu raacay in deegaanada ku jira gacanta al-Shabaab dib loo xoreeyo isla markaana lagu wareejiyo ciidamada dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Qodobo hordhac ah oo laga soo saaray Shirka amniga ee ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  2. Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa waafaqday in si dhameystiran loo dhaqan geliyo wareegtadii uu soo saaray madaxweyne Trump oo aheyd in 6 wadan oo muslimiin u badan aysan soo gali Karin Mareykanka. Dowladaha lagu dhaqan galinayo sharcigaan ayaa waxay kala yihiin Chad, Iran, Somalia, Syria, Yeman iyo Libya, dowladahaan ayaa waxaa ay wajahayaan caqabado dhanka sharciga ah. Wareegtada uu soo saaray Turmp sidoo kale waxaa ku xusneyd in wadamada Kuuriyada waqooyi iyo Venezuela lagu daro liiska wadamada dadkooda laga mamnuucay inay soo galaan mareykanka. Maxkamadda sare ee dalkaasi oo ah maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka ayaa go’aansatay in la dhaqan galiyo wareegtada uu soo-saarey Trump. Goobjoog News Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ‘’Axmed Madoobe’’, ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka al-Shabaab ay Saldhigyo hor leh ka dhigteen deegaanada hoostaga Jubbaland. Axmed Madoobe oo qeyb ka ah shirka Amniga ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in deegaanada Jubbaland ay iminka ku sugan yihiin Horjoogayaasha ugu sareeya l-Shabaab. Waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka baxsadka ka ah duqeymaha Mareykanka ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan dadka ku nool deegaanada ay ku sugan yihiin. ‘’Waxaa dhankeena usoo jabay al-Shabaabkii ka cararay Gobolka Shabellaha Hoose, waxaan qireynaa inay ku jiraan Horjoogayaal caan ah, waxaana muhiim ah in laga hortago xili hore’’ Madoobe waxa uu tilmaamay in gacantiisa aysan ku jirin Xarunta maamulka, waxa uuna qiray in sidoo kale guud ahaan Gobolka Jubbada Dhexe ay ku jirto Gacanta al-Shabaab. Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in tani ay keentay in hoggaamiyayaasha Shabaab oo dhan ay ku soo dhuuntaan gobolka Jubbada dhexe sida uu hadalka u dhigay. ‘’Waa dareemi kartaan dhibta ay leedahay in xiligaan gacanta maamulka aysan ku jirin deegaano dhowr ah, waxa ay taa sababtay in Horjoogayaashii ugu sareeyay ay xiligaan deegaan ku noqdeen deegaanada maamulka’’ Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay marti galineyso shirar khuseeya amniga oo looga soo horjeedo al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Axmed Madoobe oo qeyla dhaan ka muujiyay qulqulka Horjoogayaasha al-Shabaab ee Jubbaland appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka xamaas ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aanka uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ku diiday la kulanka Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Xamaas, ayaa sheegtay inay aad usoo dhaweyneyso Mowqifka uu Farmaajo kaga hor imaaday qorshooyinka uu Netanyahu ka lahaa kulanka uu ka dalbaday Farmaajo. Mas’uul magaciisa lagu sheegay Musa Abu Marzuq oo xubin ka ah Xafiiska arrimaha siyaasada ee Xamaas ayaa sheegay inay soo dhawenayan Mowqifka Madaxweyne Farmaajo. Musa Abu Marzuq, waxa uu sheegay in Xamaas aysan dowlad u aqoonsaneyn dalka Yahuuda sidaa aawgeed go’aanka Madaxweynaha Somalia ay wado usii furi doonto dowlado dhowr ah oo baqdin ka qabay inay qaatan Mowqif lamid ah kan uu qaatay Farmaajo. Musa Abu Marzuq ayaa yiri ‘’Waa go’aan dhiirnaan leh oo dhabar jabinkara siyaasada fog ee Netnyahu’’ Waxa uu intaa kusii daray ‘’ Inkastoo aysan xasilooneyn Somalia hadana Madaxweynahooda waxa uu muujiyay sida ay u diidan yihiin ficilada Israel iyo gumaysiga ay ku heyso shacabka iyo dhulka falastiiniyiinta’’ Musa Abu Marzuq waxa uu intaa kusii daray haddalkiisa ‘’Waa hogamiye mudan ixtiraam iyo qadarin waxaa uu mujiyay xirirka walaltinimo ee Somalia kala dhexeeya falastiin’’ ayuu hadalkiisa ku daray Musa Marsuuq. Sidoo kale, Warbaahinta maxaliga ah ayaa dhawaan baahisay warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu laalay dalab uu Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ku dalbaday la kulanka Farmaajo, xili ay kawada qeybgalaayen caleemasaarka Madaxweynaha Kenya. Haddalka Musa Marsuuq ayaa kusoo beegmaaya xili wadamo dhowr ah ay aad ula yaaben Mowqifka Farmaajo uu ku diiday dalabka Netanyahu. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ururka Xamaas oo si cajiiba uga hadlay go’aanka uu Farmaajo ka qaatay la kulanka Benjamin Netanyahu (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqaday go’aan guul u ah madaxweyne Trump kadib markii lagu taageeray qaraar uu dhawaan soo saaray. Maxkamadda sare ayaa sheegtay inay taageersan tahay go’aankii xayiraada dhinaca socdaalka ee uu madaxweyne Trump soo saaray. Maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ayaa go’aamisay in si dhamaystiran loo hirgaliyo mamnuucitaankii uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal oo Muslimiin ah, waxa uuna go’aankaasi wajihi karaa caqabado dhanka sharciga ah. Waxa uu go’aankan xoojinayaa siyaasaddii madaxweyne Trump ee ka dhanka ahayd wadamada Chad, Iiraan, Liibiiya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen. Ammarka madaxweynaha Maraykanka ayaa saamaynaya dadka ka imanaya dalal 8 ah oo ay 6 ka mid ah muslimiintu u badanyihiin kuwaasi oo ay Soomaaliya ku jirto. Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Jeff Sessions ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay guul wayn oo u soo hoyatay ammaanka iyo badqabka dadka Maraykanka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka oo hir galisay riyada Trump ee lidka ku ah Somalia iyo Dowlado kale appeared first on Caasimada Online.
  6. Madaxa ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka tirsan ururka midowga Afrika ambassador, Franciso Madeira ayaa sheegay in qorshaha lagu dhimayo ciidamada AMISOM ay waxyeeleyneyso muhiimadda nabad ilaalinta, maadaama aan laheynin ciidamo dheeraad ah oo lagu badalo. Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa waxay gaarayaan tiradooda 22 kun oo askari waxayna dalka joogeen muddo toban sano ah, laakin waxaa laga jarayaa sanadkan cusub1000 askari, waana qorshe dheer oo ay ciidamada AMISOM ay uga baxayaan dalka, mas’uuliyadda amnigana ay kala wareegayaan ciidamada Soomaaliyeed. Xoogagga nabad-ilaalinta ee AMISOM ayaa waxaa ay kala kulmaan weeraro dhanka Al-shabaab kuwaasi oo ay ku xooganyihiin dagaalyahannada ururka Daacish ee looga soo adkaaday howlgalka milatari ay ka wadeen dalalka Liibiya iyo Siiriya. Francisco Maderira oo ah madaxa nabad-ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters “ Haddii aan la heynin ciidamo dheeraad ah oo lagu badalayo AMISOM ka bixitaankeenna waxaa uu saameyn ku yeelan doonaa muhiimaddeenna”. Maderira ayaa raacsiiyey hadalkiisa “ Waan aamisannahay in qaramada midoobay ay badal u sameyn karto kooxda koowaad ee ciidamada Amison ee ka baxaya dalka waxyaabaha ka dhasha arrinkaasi”. Maderira oo ka hadlayey shirka amniga muqdisho ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay inay aad u adagtahay in la qiyaaso inta ay yihiin dagaal-yahanada Al-shabaab. Goobjoog News Source
  7. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay oo Talaado ah waxay xukun ku riddey Afar nin oo eedeysanayaal ah, waxaana qaarkood ay ku eedeysanaayeen iney kamid yihiin Al-shabaab. Guddoomiyaha maxkamadda Dararajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhowaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay. Magacyada iyo Sida Loo Kala Xukumay: C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay Labo Sano oo Xabsi ciidan ah Ugu dambeyn maxkamadda ayaa sheegtay in cid walbo oo aan ku qanacsaneyn xukunka lagu ridey ay u furan tahay iney racfaan ka qaadato. Goobjoog News Halkaan hoose ka akhriso xukunka maxkamadda Source
  8. Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka heerkiisa sarreeya ee “Somali Partnership Forum” kaasi oo shalay furmay. Shirkaan waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo quseeya xaaladda dalka sida ammaanka iyo arrimo kale oo ciidamada la xiriira. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daah furay shirkan oo ay ka qeybgalayaan madaxda maamul goboleedyada, Midowga Yurub, IGAD, Midowga Africa, Jaamacadda Carabta iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Shirka ayaa daba socdo shirkii London bishii may 2016 kii ,iyadoo shirkaan ay goobjoog ka yihiin midowga yurub,IGAD ,jamacadda carabta iyo dowlado kale oo Soomaaliya taageero siiya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
  9. Maalintii Labaad waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, sababo la xiriira shirka heerkiisa sarreeya ee lagu qabanayo magaalada. Shacabka oo aad moodo in maanta ay kusii tashadeen waddooyinka xiran ayaa la arkayaa in meelaha qaar ay lugeynayaan. Gaadiidka dadweynaha waxay marayaan waddooyinka Wadnaha, Sodonka iyo Warshadaha, waxaa xiran wadada Makka Al-mukarrama iyo dhammaan jidadka iyo laamiyada soo gala wadadaasi. Dadka qaar oo aan la sheekeysanay ayaa sheegay iney la yaab ku noqotay in magaalada kala bar loo xiro shir ka dhacaya xarunta Xalane oo la ogyahay in amnigeeda si aad ah loo adkeeyay. Goobjoog News Source
  10. Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Dalka Jarmalka ee Soomaaliya oo Muqdisho Ku Kulmay. Mdaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 04 December 2017 kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Miss. Jutta Frasch. Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana kulanka looga wada hadlay xidhiidhka Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo dalka Jarmalka, mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka furliyo Puntland, fursado shaqo abuur oo loosameeyo dhallinyarada Puntland, tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn xaqiijiyey in dawladda Puntland ay diyaar u tahay xoojinta xidhiidhka Jarmalka iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in dawladda Puntland iyo dalka Jarmalku leeyihiin wadashaqayn balaadhan oo ku salaysan wax-qabad, siyaasad iyo saaxiibtinimo. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fuliyo Puntland gaar ahaan mashaariicda dhismaha waddada Garoowe – Gaalkacayo iyo mashruuca xoojinta caafimaadka Puntland ee 2017-2019, kaas oo uu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey daah-furay 30 August 2017 waxaana laga hirgelindoonaa mashruucaasi gobolada Nugaal iyo Mudug. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay danjiraha dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Jutta Frasch, tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland, isagoona tilmaamay Madaxweynuhu in Puntland ay joogaan dhakhaatiirta Soomaaliya ugu cilmiga badan, haseyeeshee ay tahay caqabadda hortaaqan tayada qalabka ay ku shaqeeyaan, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dalka Jarmalka iyo dawladda Puntland ay tahay lagama maarmaan inay iska kaashadaan arrintaasi. Ambassador Jutta Frasch ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u yihiin xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxaana ay xusay Miss. Jutta Frasch inay diyaar u yihiin wax kasta oo xoojinaya wada shaqaynta xafiiskeeda iyo hay’addaha dawladda Puntland. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ambassador Jutta Frasch ayaa ka wada hadlay sidii dhalin yarada Puntland loogu samayn lahaa shaqo abuur, gaar ahaan sidii loogu hirgelinlahaa dhalinta Puntland dugsiyada farsamada gacanta si ay u noqdaan dad aqoon leh kuna maareeya danahooda gaar ka ah iyo kan dalkooda iyo dadkoodaba.
  11. Mdaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 04 December 2017 kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Miss. Jutta Frasch. Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana kulanka looga wada hadlay xidhiidhka Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo dalka Jarmalka, mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka furliyo Puntland, fursado shaqo abuur oo loosameeyo dhallinyarada Puntland, tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn xaqiijiyey in dawladda Puntland ay diyaar u tahay xoojinta xidhiidhka Jarmalka iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in dawladda Puntland iyo dalka Jarmalku leeyihiin wadashaqayn balaadhan oo ku salaysan wax-qabad, siyaasad iyo saaxiibtinimo. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fuliyo Puntland gaar ahaan mashaariicda dhismaha waddada Garoowe – Gaalkacayo iyo mashruuca xoojinta caafimaadka Puntland ee 2017-2019, kaas oo uu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey daah-furay 30 August 2017 waxaana laga hirgelindoonaa mashruucaasi gobolada Nugaal iyo Mudug. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay danjiraha dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Jutta Frasch, tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland, isagoona tilmaamay Madaxweynuhu in Puntland ay joogaan dhakhaatiirta Soomaaliya ugu cilmiga badan, haseyeeshee ay tahay caqabadda hortaaqan tayada qalabka ay ku shaqeeyaan, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dalka Jarmalka iyo dawladda Puntland ay tahay lagama maarmaan inay iska kaashadaan arrintaasi. Ambassador Jutta Frasch ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u yihiin xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxaana ay xusay Miss. Jutta Frasch inay diyaar u yihiin wax kasta oo xoojinaya wada shaqaynta xafiiskeeda iyo hay’addaha dawladda Puntland. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ambassador Jutta Frasch ayaa ka wada hadlay sidii dhalin yarada Puntland loogu samayn lahaa shaqo abuur, gaar ahaan sidii loogu hirgelinlahaa dhalinta Puntland dugsiyada farsamada gacanta si ay u noqdaan dad aqoon leh kuna maareeya danahooda gaar ka ah iyo kan dalkooda iyo dadkoodaba. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Dalka Jarmalka ee Soomaaliya oo Muqdisho Ku Kulmay. appeared first on Puntland Post.
  12. Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu dib u dhigay go’aankiisii ku aadanaa ku dhawaaqista Qudus inay tahay caasimadda Isra’iil. Afhayeen u hadlay aqalka cad ayaa waxaa uu tilmaamay in Trump laga sugaayo maalmaha soo aadan in Qudus ay noqon doonto caasimadda Isra’iil iyo in kale. Jimcadii la soo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxaa uu ku dhawaaqay in Arbacada uu Qudus u aqoonsan doono magaalo madaxda Isra’iil ama uu safaaradda Mareykanka uu u rari doono. Bishii June ee tagtay ayaa Trump waxaa uu saxiixay in 6 bil ka dib uu safaaradda u rari doono qudus uuna u aqoonsan doono caasimadda Isra’iil balse mudadii 6 bilood aheyd waxay ku eked shalay isniintii. Go’aanka Trump ayaa waxaa ka dhashay fal-celin badan, xoghaya guud ee ururka jaamacadda Carabta Axmed Abuu Qeyd ayaa ku tilmaamay hadalka Trump mid dhiiro galinayo inay sii socoto xagjirnimada iyo deganaasho la’aanta qudus. Goobjoog News Source
  13. A rebel who has ousted the military régime of Siyad Barre, a strategist who has appeared as the second best within his own ranks, a vertebral politician who supported his predecessor in shaping the reign of his political dynasty (Kulmiye Party) over decades since the rebirth of Somaliland in 1991. An aspirant and president-elect who has jumped the wagon bravely behind the ballots of the 13th of Nov 2017 presidential election, a history in the making and what was going to be the world’s first country to ever have voted electronically with the use of iris recognition and biometrics, a technologically sophisticated voter registrar system which embraces electoral practices that are in line with international standards that obviate voter ragging, fraudulent casting, and irregularities of skewing the results of the election outcome. OPPORTUNITY OR CURSE! Mr. Bihi will be the president for a country of approximately 4 million inhabitants, a country with five major economic sectors including fisheries, agriculture, livestock, renewal energy, and possibly Oil which hasn’t yet been explored. A country that has the potentials of becoming a catalyst for stabilizing the region’s economy and political upheaval given that a proper leadership, management and policies are put in place. A country that is located at the intersection of Africa and Asia, a significant strategic location for global trade, a country that has the potentials of becoming a booming center for commerce which dominates the regional trade markets within very short span of time. A country that’s privileged with rich fertile agricultural land that has the potential to feed its own people and all neighboring countries, as studies suggest that 2/3 of the food produced in Somaliland can be easily exported to other countries if properly harnessed and utilized. A country with a territory of 68,000 square miles, and over 860 KM of coastline and abundant natural resources that harbors Africa longest coastline with more than 70% of the population under the age of 30yr’s. A country with an abundant livestock which contributes to more than 50% of its GDP and brings millions dollars as revenue annually. A country with fisheries sector with over 100.000 tons per year and with a projected estimated annual revenue of more than 100 million dollars. CORRUPTION After 27 years in the making, institutional corruption is rampant and has destructed the basic tenets of Somaliland, an enclave that’s still struggling with the epidemic of bribery, a disease that has rifled within all spheres of governmental institutions which has paralyzed every function and facility. Infect, it’s obvious that Mr. Bihi will be inheriting a system that’s tainted with allegation of embezzlement of public properties, funds and resources, a system that has enriched itself through bribery and corruption. The ruling party has been known for its policies of personal enrichment by both politicians and bureaucrats and other corrupt private agents including individuals, groups, and businesses. The million dollar question will be, is Mr. Bihi going to be different? Can he regulate and restore the relationships between citizens and the state. Can he put together a system that is free from this cancer, as system that’s based on merit, expertise, skill and talent without appointing rogue political clannish figures backed by their rotten leniency towards corruption. It’s easier said than done, and obviously it will come down to whether Mr. Bihi will be man of his word, one that’s able to restore the principle of equality and accountability from judicial and criminal justice, public services, land administration, taxation, customs administration, public procurement and legislations which has either been lost or virtually doesn’t exist in Somaliland? THE CAPTAIN! Does democracy foster conducting of free, fair, credible and just elections and what does it take to pull out of current economic and political predicaments in Somaliland. The captain, Mr. Bihi, a man who has brawled against all odds even within his own party and clan, catalyst for hope who seems to have deep understanding of what it takes to steer a country to a new direction is going to be in charge of this ship for the coming five year, as of this stage no body project the regiments of political plan , but one thing is certainly obvious, and that is he’s whether he is going to be the captain for an abandoned and stranded vessel that’s in the middle of high seas or that’s going to be a ship that’s destined for the road less travelled. THE POLITICAL REALM After the election was announced by the National Electoral Commission, Mr. Bihi was too quick to pledge the need for creating an enabling environment for effective governance, the need for fighting against organized corruption, countering of tribalism, nepotism, infiltration of political, legal and economic systems, and bad governance. During his first speech Mr. Bihi was quoted saying “Regardless of which side we were on during the campaign of the election, we all have single, and common denominator, and that’s Somaliland which we hold dear and strong, a government that is free from corruption, tribalism, nepotism, a one country that unites us all, a system that delivers, and exceeds the aspiration of those who have given us their consent, and a responsibility on my behalf for paving the way as an example, one that doesn’t favor personal interest, one that restores integrity and accountability within all institutions across government sectors both at society and state levels. The public will be awaiting and closely watching! Written by: Abdullah Ahmed
  14. On December 4, Acting Assistant Secretary of State for African Affairs Donald Yamamoto attended the Somalia Security Pact Review in Mogadishu. The meeting was chaired by President Farmaajo and provided the opportunity for stakeholders invested in Somalia’s security and stability to discuss the development of Somali security institutions. Following the Somalia Security Pact Review, the Acting Assistant Secretary will travel to Nairobi, Kenya from December 4-6, where he will meet with representatives of the Kenyan government, as well as with Kenyan civil society. The visit will encourage all sides in Kenya to participate in a national dialogue following the presidential election. In Addis Ababa, Ethiopia, the Acting Assistant Secretary will meet with senior leaders of the Ethiopian government and of the African Union from December 7-9. In addition to continuing discussions on bilateral issues between the two countries, he will talk with both Ethiopian government and AU officials about regional concerns, including food security, peacekeeping and refugee matters. In London, Ambassador Yamamoto will participate in the twice yearly gathering of P3 Africa Directors meeting on December 11-12 to discuss current policy issues with defense and development colleagues from France and the UK. Ambassador Yamamoto will then travel to Kigali, Rwanda on December 13-14, where he will meet with President Kagame ahead of his term as President of the African Union. State Department
  15. Somalia has become the 14th signatory to the Jeddah Amendment to the Djibouti Code of Conduct – the instrument developed and adopted by countries in the Western Indian Ocean and Gulf of Aden that has been a key factor in repressing piracy and armed robbery against ships operating in that region. The Amendment significantly broadened the scope of the Djibouti Code when it was adopted at a high-level meeting in Jeddah, Saudi Arabia in January 2017. It covers measures for suppressing a range of illicit activities, including piracy, arms trafficking, trafficking in narcotics, illegal trade in wildlife, illegal oil bunkering, crude oil theft, human trafficking, human smuggling and illegal dumping of toxic waste. H.E. Mariam Aweis, Minister of Marine Transport and Ports, Federal Government of Somalia, deposited the instrument with IMO Secretary-General Kitack Lim at IMO Headquarters in London on December 1. In a resolution adopted last month, the 15-member U.N. Security Council urged Somali authorities to continue passing comprehensive anti-piracy laws, to establish security forces with clear roles and jurisdictions to enforce the laws and to strengthen the capacity of Somali courts to investigate and prosecute pirates. The Security Council also called on U.N. member states to adopt legislation to facilitate prosecution of suspected pirates off the coast of Somalia. Many development and security experts agree that until the underlying issues wracking Somalia, such as poverty, instability, drought and famine are solved, piracy may continue. The nation’s current humanitarian crisis, which was triggered by the failure of consecutive rainy seasons, has led to massive displacement, disease outbreaks and malnutrition, with 6.2 million people – half of the country’s population – now in need of humanitarian assistance. Some four million of them are children. UNICEF estimates that 232,000 children have or will suffer life threatening severe acute malnutrition over the next year. UNICEF, with funding from the governments of China, Japan and Sweden, has been helping to secure clean water supplies and is also helping with education initiatives for children. Puntland State education statistics show that approximately 19.5 percent primary school children in Puntland have dropped out of school due to drought, with the Bari District where the hijacked Aris 13 oil tanker was directed earlier this year, showing particularly high dropped out rates (30.1 percent for both boys and girls). Other signatories to the Jeddah Amendment are Comoros, Djibouti, Ethiopia, Jordan, Kenya, Madagascar, Maldives, Mozambique, Saudi Arabia, Seychelles, Somalia, United Arab Emirates, Tanzania and Yemen. Maritime
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan dhowr duqeyn ay ka dhacday degaanada maamulka Jubbaland, ayaa waxaa qeylo dhaan ka muujiyay duqeyntaasi baarlamaanka maamulka. Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa ka digay in diyaaradaha Mareykanka duqeymo kale ka geystaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka. Xildhibaanada qaar ayaa duqeymaha ku micneeyay kuwo lagu dhabar jabinaayo dadka kasoo jeeda maamulka ee ku nool deegaanada ay ka dhacayaan duqeymaha. Waxa ay sheegeen in ay jiraan dad Shacab ah oo ku dhintay duqeymihii ugu dambeeyay ee dowlada Mareykanka ay ka fuliso jubbooyinka, taa oo sabab looga dhigay inaan la sahmin goobaha rasmiga ah oo ay ku noolyihiin maleeshiyaadka bartilmaameedka ah. Xildhibaanada waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan duqeymaha lagu beegsanaayo Al-Shabaab balse ay codsanayaan in la dhowro dadka Shacabka. Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa cod dheer ku sheegay in ahmiyada koowaad ay tahay in lasiiyo goobaha bartilmaameedka ka hor inta aan la ridin gantaalada wax gumaada. Haddalka Xildhibaanada ayaa kusoo beegmaaya xili diyaaradaha Mareykanka ay si xad dhaaf ah u dul heehaabayaan si ay u duqeeyan Saldhigyada Al-shabaabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Jubbaland oo digniin kasoo saartay arrin uu Mareykanka ka wado Somalia appeared first on Caasimada Online.
  17. Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiil iyo dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo baxsad ah, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay gaareen Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari, iyagoo ku tagey doomaha nooca dheereeya. Saraakiishan iyo dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ka tirsan, ayaa ka soo baxsaday duqaymaha diyaaradaha dagaalka Mareykanku, ay ka wadaan Gobolada Koonfurta Somaliya. Xubnahan oo toddobaadkii hore soo gaaray Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, ayaa uga sii gudbay Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, iyadoo ayna kaga sii tallaabeen Galgala. Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in Saraakiisha Shabaabka ee gaaray Buuraleyda Galgala ay u badan yihiin Saraakiisha Shabaabka ee maleeshiyadooda dagaalka gelisa, kuwaa oo dadka qaarkii ay u garanayan (Madaxda Jabhadaha). Khubarada, ayaa waxay Dowladda Somaliya ugu baaqayan inay guluf dhanka dhulka ah ku qaado deegaanada, ay ka baxsanayan inta badan maleeshiyada Al Shabaab, ee duqaymuhu ku socdaan. Mareykanka oo ballaariyay duqaymaha ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, ayaa keentay in Shabaabku isu kala qaybiyan magaalooyinka iyo deegaanada kale ee dalka, iyagoo yareeyay tirada askartooda ku sugan deegaanada ay ka arrimiyan. Toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa waxaa Koonfurta Somaliya ka dhacay duqaymo is xig xigay, oo diyaaradaha dagaalka Mareykanku ay la beegsadeen saldhigyo ay Shabaabku leeyihiin. Axmed Macalin Fiqi, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ahna Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan, ayaa tallaabada uu Mareykanka ku ballaariyay duqaymihiisa ka dhanka ah Al Shabaab ku macneeyay fursad loo baahan yahay inay ka faa’iideysato Dowladda Somaliya. Bishii hore ee November oo ay dalka ka dhaceen duqaymihii ugu badnaa ee ay gaysteen diyaaradaha Mareykanka, ayaa waxay Shabaabku khasbeen in ay cagaha wax ka dayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shabaab baxsad ah oo gaaray gobolka Bari (Xagee tageen?) appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalintii labaad xiray qeybo ka mid ah jidadka ugu muhiisan ee magaalada Muqdisho. Ciidamada oo weli tuban waddooyinka ayaa xanibay dhammaan isku socodka gaadiidka noocyadooda kala duwan waxaana xusid mudan in waddooyinka qaar laga mamnuucay xitaa gaadiidka ciidanka. Xirnaanshiyaha waddooyinka ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana maalintii labaad la arkayaa, iyagoo dadka lugeynaya. Sababaha loo xiray jidadka Muqdisho ayaa lagu sheegay shirar muhiim ah oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Shirka galay maalinta labaad ayaa looga hadlayaa guud ahaanba Amniga dalka iyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab. Sidoo kale, Waddooyinka maalintii labaad xiran ayaa halbowle u ah isku socodka degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana lagu arkayay ciidamo fara badan. Waddooyinka ayaa xirnaan doona muddo Seddex maalin ah oo ku ekaan doonta maalinta Arbaca xiliga habbeenimo oo uu soo xirmi doono shirka. Geesta kale, waxaa xiran wadada Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo laga joojiyay gadiidka koontaroolka Siinka Dheer. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho oo xiran maalintii labaad appeared first on Caasimada Online.
  19. Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhamaan ilma Axmed Cali Sharmaake geeridii ku timid Hooyadood Caasho Guuleed oo shalay 3 Dec.2017 ku geeriyootay Magaalada Muqdisho. Waxaa Tacsi taas la mida loo dirayaa Qoyska Reer Guuleed Maxamed Islaan iyo Asxaabtaba Waxaan Illaahay uga baryeynaa Marxuumada Jano waarta iyo Dambi dhaaf iyo in Illaahay samir kasiiyo Caruurteedii iyo guud ahaan Ehelka. Aaaamiin Aaaaaamiiiin Aaaamiiiiiin Waxaa tacsida diraya Ilma Farax Xayir oo kala jooga Denmark, Canada, USA iyo Australia
  20. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka shirka amniga ee u dhexeeyey Madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay in si wada jira oo adag loosugo amaanka iyadoo la xoojinayo hay’addaha amaanka si Soomaaliya looga cidhib-tiro kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab, Daacish iyo cid kasta oo gacan saar-laleh. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay si loosugo amaanka Soomaaliya in loo baahan yahay sharci iyo kala danbayn, sugidda xaquuqda hay’addaha garsoorka, shaqo abuurka dhalinyarada, la dagaalanka fekerada taban, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu in intaasi ay buldhig u tahay in la helo sugidda amiga iyo siyaasad ku salaysan nabad iyo xasilooni. Madaxweynaha Puntland oo kahadlaya marxaladdihii kala duwanaa ee Soomaaliya Soo martay ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya maanta marayso meel wanaagsan oo ay dib uga wanaajin karto ugana yagleeli karto waxkasta oo ka xumaaday, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS isla meel dhigeen qorshaha dib u dhiska dawladd-nimada Soomaaliya. Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa cadeeyey in dawladda Puntland gaadhey 20kii sano ee ugu danbeeyey horumar lixaad leh, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dawladda Puntland tahay curadkii dawladdaha xubnaha ka ah DFS, isla markaana waxa uu u tusmeeyey Madaxweynuhu Madaxda kasoo qayb gashay shirka in Puntland 4tii sano ee ugu danbaysay wax qabad la taaban karo ka samaysay, Amaanka, cadaaladda, qaabaynta iyo tayaynta shaqaalaha dawladda, isla mar’ahaantaana waxa uu Madaxweynuhu sheegay haddi ay hagaagaan hay’addaha dawladdu in la helayo dawladdnimo wanaagsan [we believe if we have good intuitions be get god Government]. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in dawladda Puntland ku deeqaday 2400 oo askari kuwaas oo ka qayb noqondoona ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ka qayb qaadan doona xasilinta, nabadda, guud ahaan Soomaaliya iyo ka xoraynta dalka kooxaha xagjirriinta ah, waxaana uu Madaxweynuhu Qaranka Soomaaliyeed u rajeeyey guul, horumar, nabad iyo himilo wanaagsan.
  21. Michael Keating, the Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia shakes hands with Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, the President of the Federal Government of Somalia, during Somalia Security Conference held in Mogadishu, Somalia, on December 4, 2017. UN Photo / Omar Abdisalan 4 December 2017 – At Somalia’s first-ever security conference, hosted by the country’s Federal President Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” in the capital, Mogadishu, participants agreed to speed up security sector reform and develop a plan to transfer primary responsibility for the country’s security from the United Nations-backed African Union Mission in Somalia (AMISOM) to its own security forces. “Security is our greatest requirement if this country is to realize its full potential,” President Farmaajo said in his keynote address. “As a Government, we are absolutely determined to win the war against al-Shabaab and (Islamic State) with the full support of our international partners. Without security and counter-terrorism, there cannot be a peaceful, prosperous and progressive Somalia to which we all aspire.” The conference was jointly convened with the UN and the African Union (AU) and featured the participation of Prime Minister Hassan Ali Khaire, the presidents of Somalia’s five federal member states, cabinet ministers and a host of ambassadors and other senior representatives of the international community. The top UN official attending was the Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Michael Keating. In his remarks, Mr. Keatinig voiced support for the Federal Government’s commitment to pursue a comprehensive approach to security in the country. “Defeating al-Shabaab cannot be done exclusively by military means,” he said. “Rule of law and policing are essential, stabilization activities [in recaptured areas] are essential. Countering and preventing violent extremism are also essential as well as addressing and solving the many conflicts around the country on which al-Shabaab and other extremists thrive.” The conference was organized as a follow-up to last May’s London Conference on Somalia, which endorsed a landmark political agreement on a new national security architecture reached by federal and state leaders earlier this year and formally adopted a security pact for the country. A communiqué issued at the end of the meeting identified three priority areas that require immediate action by Somali authorities with the support of the international community. These include the implementation of the approved national security architecture, the urgent development of a realistic, conditions-based transition plan to enable Somali security forces to take over primary responsibility from AMISOM for protecting the people and Government of Somalia, and continued international support to build the capacity of the country’s security forces and institutions. Security has been a major issue for the east African country, which has suffered a range of violent attacks linked to extremists. In mid-October, hundreds of civilians were killed and injured in a massive car bomb blast outside the entrance to a hotel in Mogadishu’s K5 junction, which is home to government offices, hotels and restaurants. Senior Somali Government officials and leading representatives of the international community will reconvene on Tuesday for a so-called Somalia Partnership Forum that will address the pressing humanitarian and development issues facing the country. UN
  22. Oyster Oil & Gas Ltd (CVE:OY) president and chief executive Michael Wood updates investors at the World Oil & Gas Week in London. He talks to Proactive’s Andrew Scott about the “huge potential” of its two assets in Djibouti and Madagascar. “Both assets have the potential to make new world-class discoveries.” Wood adds: “Arguably why I started Oyster was to get back into that block in Madagascar [where] we saw huge potential with map structures that are measuring potentially into tens of billions of barrels.” Proactiveinvestment
  23. Baydhabo (PP) ─ Afhayeenkii hore ee Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abu-Mansuur], ayaa sheegay inuusan Dowladda federalka Somalia isku soo dhiiibin, laakiinse uu ku yimid wadahadal yeesheen. Abu-Mansuur oo maanta kula kulmay Baydhabo Qaar ka mid ah Weriyaasha ayaa ka codsaday inaysan ugu yeerin Sheekh Mukhtaar Roobow oo isku soo dhiibay Dowladda Federalka Soomaaliya. “Aniga dagaal ayaan la galay Al-shababa, kadib markii ay isku dayeen inay i dilaan, balse u tegistayda Dowladda Somalia waxay ku timid wadahadal aan la galay, heshiis ayaana ku imid Magaalada Xudur, kaddibna waxaan tagay Muqdisho,” ayuu yiri Sheekh Roobow oo ay ka muuqatay kalsooni markii uu maanta warfidiyeenka kula hadlayay Baydhabo. Balse, Sheekh Mukhtaar ayaa Weriyaasha u sheegay inuusan maanta diyaar u ahayn inay cod ama sawirro ka qaadaan laakiinse uu ugu yeeray oo kaliya inay is-bartaan. “Fagaare ayaan bulshada kula hadli doonaa maalmaha soo socda markaasna waxaan bal-balaarin doonaa qorshahayga,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali. Sidoo kale, Wadaadkan ayaa Waddooyinka Baydhabo lagu arkayay dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay isagoo dhex lugeynaya, isla markaana dadka la sheekeysanaya. Ugu dambeyn, Sh. Roobow ayaa maalmihii lasoo dhaafay wuxuu ku sugnaa Baydhabo, isagoo hore u soo maray degmada Xudur halkaa oo ahayd halka oo uu tuulooyin ku dhow dhow muddo sanado ah ku noolaa. PUNTLAND POST The post ABU-MANSUR: Anigu isma dhiibin ee Wadahadal ayaan Dowladda Federaalka kula joogaa appeared first on Puntland Post.
  24. Somaliland’s ruling party candidate and newly elected president Musa Bihi Abdi. Stringer/Reuters The Republic of Somaliland is recognised as an autonomous region in Somalia’s northwestern region. Since it broke away from Somalia in 1991, it has held five successful elections. Such an electoral record, despite extensions and delays in almost every case, is enviable by regional standards. And as a result, Somaliland has garnered significant donor support. The November 13 polls followed the same script. Although they were twice delayed, only minor irregularities were reported by the international observer mission. These included vote buying and lack of secrecy during voting. Unlike previous elections, however, the 2017 presidential contest marked the highest stakes yet, that revealed deep cracks in the country’s revered consensus politics. Election day itself proceeded peacefully. 78.85% of the 704,089 registered voters who had collected their cards participated in the election. And for the first time elections were held in parts of Sool and Togdheer. These are the insecure border regions that are disputed between Somaliland and Puntland (now a member state of the Federal Government of Somalia). Yet, the process was marred by incendiary party rhetoric and violent protests before and after the elections. The protests were largely youth-led, with a number of casualties reported. Both parties seemed unable to contain their supporters, or instil popular confidence in the process. Voters were deeply divided along clan and party lines. The electoral commission’s four-day social media ban and delay in releasing provisional results (nearly a week after the polls) provided ample room for rumour mongering and confusion. By election night both the main opposition party – Waddani – and the ruling Kulmiye party were celebrating a win. False results circulated on Whatsapp the next day suggesting a win for Kulmiye. Waddani reacted quickly by challenging the impartiality of the process. Seemingly emboldened by the Kenya example, the opposition party claimed that Kulmiye had circulated fake ballot papers. It threatened to suspend cooperation with the election commission. No formal complaint was filed at the Supreme Court but Waddani had succeeded in bringing opposition supporters to the streets in unprecedented numbers. The final announcement of results on November 21 confirmed that Kulmiye’s Muse Bihi Abdi had won by a margin of nearly 80,000 votes. Back in 2003, the incumbent Ahmed ‘Silanyo’ Mohamoud had conceded defeat to a much smaller margin of 83 votes. As such, it looked like Waddani’s hands were tied. Behind-the-scenes, former statesmen and other impartial stakeholdersstepped in to calm the storm and convince Waddani to concede defeatquietly. The concession speech came on November 22, a day after the announcement of results. Opposition candidate Abdirahman Cirro called for national unity, but Somaliland’s fragile political fabric had already been put through the wringer. Election tension Heightened election tensions were made worse by the political inexperience of the two presidential candidates who both employed deeply polarising rhetoric. This was an unprecedented and risky combination for the country’s conservative political system. The personal attacks between Kulmiye’s Muse Bihi Abdi and Waddani’s Abdirahman Cirro hinged both campaigns on their personalities, Somaliland’s civil war grievances, and clan divisions. Muse Bihi harped on his war record, at one time saying We won’t accept a candidate who has never fired a gun, and is afraid to hold one. This suggested that the political transition could turn violent. Widespread concerns were vocalised by locals and Somalilanders in the diaspora alike. Fierce competition was also fuelled by large amounts of money. Both parties pushed ahead with early campaigns despite the threat of hefty fines from the election commission. Payouts to constituencies, including money for drought relief, contributed to what many estimate may be the costliest election since the local council elections in 2012. Geo-strategic weight Somaliland’s enhanced regional standing certainly heightened the ambitions of both presidential candidates, and contributed to the high costs of the elections. Its strategic positioning in the Gulf of Aden, where Saudi Arabia is leading an offensive against Yemen, secured Somaliland massive port investment. The USD$442 million deal signed with UAE company, DP World, in September 2017 came with additional commitments to development in Somaliland, as well as plans for a military base at Somaliland’s Berbera port. The deal, however, is also highly politicised and dogged by corruption allegations. It closely aligns Somaliland with the UAE in the unfolding Gulf crisis and disrupts other regional alliances with Djibouti and Ethiopia. It also places Somaliland at odds with Somalia which is maintaining a neutral stance in the conflict. Challenges that lie ahead Musa Bihi may be the leader best-placed to steer the country away from further fragmentation and political instability. But his ability to do so will depend, in part, on his regional tenacity and commitment to conciliatory politics at home. During the electoral process, and laudably so, the opposition galvanised momentum around righting Somaliland’s political imbalances. These include widespread corruption and nepotism that is aided by weak institutions and a political environment that stifles criticism. Tackling these issues head on will require appointing a new cabinet void of corrupt state officials, but also a strong commitment to reforming Somaliland’s outdated political system. This means prepping legislation for holding parliamentary elections in 2019, but also opening up the political space and pursuing genuine power-sharing. Cementing regional trade links and pursuing talks with Somalia will no doubt keep the new president busy. But these elections have revealed the desperate need to look inward, heal the nation and foster national cohesion. The Conversation
  25. Delhi (PP) ─ Shashi Kapoor oo ahaa jilaa iyo soo saare ka tirsanaa Bollywood ayaa ku dhintay hindiya wuxuuna ahaa 79 sano jir. Kapoor, oo jilay aflaan badan oo meel sare gaaray sida Deewar iyo Kabhie Kabhie, wuxuu xanuunsanaa muddo oo uu ku jiray cisbitaal. Jilaagan geeriyooday wuxuu xubin ka ahaa qoysaska Kapoor, kuwaas oo tobannaan sanno aad ugu badnaa jilidda aflaanta Hindiga. Wuxuu dhowr goor ku guuleystay abaalmarinno qaran, waxaa sidoo kale dowladda Hindiya ay siiyay abaalmarinta sharfidda shacabka ee Padma Bhushan, sannadkii 2011-kii. Sidoo kale wuxuu ka qeybgalay jilliinka aflaan British iyo American ah. Kapoor wuxuu aflaanta ku soo biiray isagoo aad u yar, wuxuuna jilay illaa 150 filim oo ay ka mid yihiin tobannaan ah aflaanta Britain. Aflaantiisa qaar waxaa loo turjumay Afsoomaali waxaa daawado dad badan oo Soomaali ah oo taageera jilaagan. Wuxuu aflaan badan la jilay jilaaga caanka ah Amitabh Bachchan (oo Soomaalida qaar ay u garanayaan Cali Dheere), kaas oo ahaa ragga ugu aflaanta fiican Bollywood. Sannadihii 1970-maadkii illaa 18-meeyadii, waxay labada jilaa sameeyeen aflaan ay walaalo wanaagsan yihiin ama saaxiibo aad isugu fiican. Hadalkiisii ahaa “Mere paas maa hai” (Laakiin waxaan haystaa taageerada hooyo) – xilli ay murmeen Cachchan oo walaalo ay ku jilayeen Deewar, wuxuu haqday middkii ugu sareeyay ee malaayiin tqof oo caalamka ku kala sugan ay taageereen. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Jilaagii caanka ahaa ee Reer Hindiya Shashi Kapoor oo u Dhintay Xanuun muddo hayay appeared first on Puntland Post.