Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,118
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Soomaalida iyo beesha caalamka ayaa isniintii ku heshiiyay war-muryeedka lagu xusay qorshe waqtiyeysan oo loogu talagay xilliga kala guur ah oo shuruudda ay tahay in loo diyaariyo ciidamada Soomaalida sidii ay mas’uuliyadda kala wareegi lahaayeen kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM. Shirka amniga ee Muqdisho ka dhacay waxaa isku soo hor-fariistay dowladda Soomaaliya iyo dalalka daneeya oo ay ku jiraan qaramada midoobey, midowga Afrika iyo hey’ado kale oo xagga amniga ka taageera Soomaaliya, iyada oo lagu hesheeyay Road-map cad oo ku xusan sida ay u dhaceyso mas’uuliyad wareejinta. War-murtiyeedka waxaa lagu heshiiyay in si degdeg ah loo horumariyo qorshe macquul ah oo la fulin karo kaas oo ku xusan sidii yool waqtiyeysan loo qaban lahaa in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada qalabka sida, iyaga oo kala wareegaya AMISOM. Qorshaha Soomaalida iyo beesha caalamka ku heshiiyeen waxaa ka mid ah: in la xurmeeyo sharciga, xuquuqul insaanka, la adkeeyo la dagaalanka afkaarta argigixisada iyo kor u qaadista arrimaha xasilinta iyo dowladnimada. Waxaa kale oo qorshaha ku qornaa war murtiyeedka ku jiray in xilliga xilka iyo mas’uuliyadda la wareejinayo oo ah bilaha iyo sanooyinka soo socda, la hubiyo strategyadda, arrimaha ahmiyadda la siinayo, hadafka la leeyahay iyo qaabka ay ku dhaceyso mas’uuliyad wareejinta oo ay ku jirto hubinta deganaashiyaha, dhismaha dowladnimada iyo qorshayaasha lagu dhisayo ciidanka qalbka sida, booliiska iyo cadaaladda si loo hubiyo nabad waarta oo ka hirgasha Soomaaliya. Tilaabada ugu horeysa, kooxaha daneeya arrimaha Soomaaliya waxaa ay dejinayaan qorshaha mas’uuliyad wareejinta oo bilaabaneysa 31 December 2017, si qorshahaasi loo dhameystiro ka hor shirka ay AMISOM codsatay ee golaha ammaanka oo dhacaya 2018-ka. Xilli illaa Kun askari oo AMISOM ay dalka ka baxayaa dhammaadka bishan, waxaa shirka looga hadlay sidii maal-gelin loogu heli lahaa AMISOM iyo ciidamada qalabka sida iyo in la dhaqan-geliyo heshiiskii ammaanka ee London lagu saxiixay May 2017-kii. Heshiiskaasi waxaa uu dhigayaa in la dhiso illaa 22,000 ciidan oo ay ku jiraan 4,000 oo gaar ah, waxaa kale oo lagu darayaa 32,000 oo booliis ah. Todobaadkan maamulka Puntland ayaa 2,400 oo Daraawiish ah ku wareejiyay dowladda federaalka ah, waxaana la filayaa in maamullada kale qaadaan tillaabo taasi la mid ah si loo helo ciidamo qaran oo hanta amniga dalka iyo dadka. Goobjoog News Source
  2. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay xukuno ku riddey Afar nin oo eedeysanayaal ah, waxaana qaarkood ay ku eedeysanaayeen iney kamid yihiin Al-shabaab, islamarkaana ay fududeeyeen qaraxyo ka dhacyo magaaladda muqdisho. Guddoomiyaha maxkamadda Dararajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhowaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay. Ragga la Xukumay ayaa kala ah. C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay PUNTLAND POST The post Maxkmada Ciidamada Qalabka Sida oo Xukuno ku Riday Shabaab appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan C/rashiid Xidig oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia, ayaa si adag uga hadlay mas’uuliya darida lagula dhaqmo Xubnaha kamid noqda baarlamaanka Somalia marka uu wakhtiga ka dhamaado kadib. Xildhibaan Xiddig waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada uu wakhtiga ka dhamaaday ay ka khibrad badan yihiin kuwa hadda ka tirsan baarlamaanka Somalia, hase ahaatee dowlada Federaalka ay u muuqato mid indhaha ka qabsaneysa mas’uuliyada ka saran Xubnaha dhameystay wakhtigooda baarlamaanka. ‘’Waa arrin dhacda in dowlada Somalia ay dayacdo mas’uuliyada ka saran Xildhibaanada xilkooda dhameystay cid waliba wey aragtaa waxa ka taagan dalka’’ Xildhibaan Xiddig wuxuu sheegay inay ahmiyad u arkaan in xildhibaanada wakhtigooda uu dhammaaday looga faa’ideysto howlaha kale ee dalka. Waxa uu cadeeyay in meelaha looga baahan yahay Xildhibaanada dhameystay wakhtigooda ay kamid yihiin sida Guddiyada Madaxa banaan, isaga oo sheegay in hada Guddiga loo saaray dib u eegista Dastuurka ee madaxa banaan badankood ay yihiin dad qurba joog ah oo aan waxba kala socon Dastuurkii ka horeeyay. Xiddig wuxuu intaa ku daray in xildhibaanadii ka mudnaa arrintan ay hada ku dayacan yihiin magaalada Muqdisho, taasina ay tahay sharaf dhac usoo hoyaneysa dowlada Somalia. Waxa uu Xildhibaan Xiddig sheegay inaan la garankarin halka ay dhibaatada ka heysato Soomaalida, waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay in laga run sheego mas’uuliyada ay qaadan Madaxda Qaranka ee la dhaariyay. Haddalka Xiddig ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan madaxda dowlada Federaalka ah ee Somalia ay yihiin kuwo aan khibrad shaqo u laheyn howlaha ay hayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xil. Xiddig oo shaaciyey hal arrin oo dhibaato ku ah mas’uuliyiin ka tirsan DF oo laga jiiftay xalinteeda appeared first on Caasimada Online.
  4. Sanca (Puntlandi) Axmad Cali Cabdalla Saalix oo ah curadka madaxweynihii hore ee dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalix, ayaa wacad ku maray inuu u aargudidoono Aabihii oo shalay si fool xun loogu dilay magaalada Sanca ee dalkaasi. Axmad Cali Cabdalla Saalix oo taliye u ah 80,000 askari oo ah Unuga ilaalada Jamhuuriyadda, ayaa sheegay inuu isagu hogaamindoono dagaal kama dambays oo lagusoo afjaridoono Xuutiyiinta dalka Yemen, kuwaas oo haysta qeybo badan oo katirsan dalkaas. Dagaalka Aniga ayaa hogaaminaya ilaa Dalka laga saaro kan ugu dambeeya ee ka tirsan Jabhada Xuuthiyiinta. sidaas waxaa yiri, Axmad Cali Cabdalla Saalix oo ah Wiilkii uu dhalay Madaxwaynihii hore ee Dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax oo ay Xuuthiyuuntu dileen. Hogaamiyihii fallaagada Yemen ahna, madaxweynihii hore ee waddanka, Cali Cabdalla Saalax, ayaa inta aan la dilin ka hor wuxuu TV u sheegay inuu doonayo inuu wadahadal la yeesho xulafada uu Sacuudigu horseedka ka yahay ee taageeraya dawladda caalamku aqoonsan yahay. Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay ‘in bog cusub la furo’ haddii isbahaysiga uu Sacuudigu hogaaminayo ay xannibaadda ka qaadaan waqooyiga Yemen, ayna joojiyaan weerarrada. Puntlandi.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirka Amniga Qaranka oo uu furay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, kaa oo ahmiyad gaara u leh dalka. Shirka ayaa la filayaa in manta lasoo gabagabeynaayo waxaana wajiga koowaad ee shalay si hordhac ah looga soo saaray qodobo dhowr ah. Qodobada hordhaca ah ee laga soo saaray wajiga koowaa ee shirka shalay ayaa waxaa kamid ah in dib u habeeyn lagu sameeyo qaybaha Amniga ee DFS iyo Dowladaha shisheeye ee Somalia garabka kusiiya amniga. Dib u habeynta lagu sameynaayo amniga ayaa shirka lagu sheegay inay ahmiyad gaara u leedahay Somalia oo Horumar dhanka amniga ah gaartaa. Wakiilada qeybta ka ah shirka ayaa dowlada Somalia ku amaanay sida ay u hirgalisay qodobadii ugu Muhiimsanaa ee kasoo baxay shirkii London oo ay kamid ahayd isku dhafka Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyadda. Sidoo kale, waxa ay madaxda shirka qeybta ka ah si hordhac ah ugu heshiiyeen Illaa iyo 3 qodob oo la isku raacay in lasiin doono mudnaan gaara waxa ayna kala yihii: 1-In la fuliyo Istiraatiijiyadda Amniga Qaranka ee la isku afgartay. 2-In si deg deg ah loo horumariyo Qorshaha kala guurka oo kusaleysan waqti Cad si Mas’uuliyadda Amniga looga Wareejiyo Ciidamadda AMISOM looguna wareejiyo Ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed. 3-In lasii wado Taageeradda Beesha Caalamka si loo dhiso Awooda ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa la isla fahmay in shirka xiga ee amniga Qaranka lagu barbar qabto shirka Golaha iskaashiga Somalia ee la filaayo inuu dhaco bartamaha Sanadka soo socda ee 2018. Dhinaca kale, waxaa si wada jir ah leysugu raacay in deegaanada ku jira gacanta al-Shabaab dib loo xoreeyo isla markaana lagu wareejiyo ciidamada dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Qodobo hordhac ah oo laga soo saaray Shirka amniga ee ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa waafaqday in si dhameystiran loo dhaqan geliyo wareegtadii uu soo saaray madaxweyne Trump oo aheyd in 6 wadan oo muslimiin u badan aysan soo gali Karin Mareykanka. Dowladaha lagu dhaqan galinayo sharcigaan ayaa waxay kala yihiin Chad, Iran, Somalia, Syria, Yeman iyo Libya, dowladahaan ayaa waxaa ay wajahayaan caqabado dhanka sharciga ah. Wareegtada uu soo saaray Turmp sidoo kale waxaa ku xusneyd in wadamada Kuuriyada waqooyi iyo Venezuela lagu daro liiska wadamada dadkooda laga mamnuucay inay soo galaan mareykanka. Maxkamadda sare ee dalkaasi oo ah maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka ayaa go’aansatay in la dhaqan galiyo wareegtada uu soo-saarey Trump. Goobjoog News Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ‘’Axmed Madoobe’’, ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka al-Shabaab ay Saldhigyo hor leh ka dhigteen deegaanada hoostaga Jubbaland. Axmed Madoobe oo qeyb ka ah shirka Amniga ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in deegaanada Jubbaland ay iminka ku sugan yihiin Horjoogayaasha ugu sareeya l-Shabaab. Waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka baxsadka ka ah duqeymaha Mareykanka ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan dadka ku nool deegaanada ay ku sugan yihiin. ‘’Waxaa dhankeena usoo jabay al-Shabaabkii ka cararay Gobolka Shabellaha Hoose, waxaan qireynaa inay ku jiraan Horjoogayaal caan ah, waxaana muhiim ah in laga hortago xili hore’’ Madoobe waxa uu tilmaamay in gacantiisa aysan ku jirin Xarunta maamulka, waxa uuna qiray in sidoo kale guud ahaan Gobolka Jubbada Dhexe ay ku jirto Gacanta al-Shabaab. Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in tani ay keentay in hoggaamiyayaasha Shabaab oo dhan ay ku soo dhuuntaan gobolka Jubbada dhexe sida uu hadalka u dhigay. ‘’Waa dareemi kartaan dhibta ay leedahay in xiligaan gacanta maamulka aysan ku jirin deegaano dhowr ah, waxa ay taa sababtay in Horjoogayaashii ugu sareeyay ay xiligaan deegaan ku noqdeen deegaanada maamulka’’ Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay marti galineyso shirar khuseeya amniga oo looga soo horjeedo al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Axmed Madoobe oo qeyla dhaan ka muujiyay qulqulka Horjoogayaasha al-Shabaab ee Jubbaland appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka xamaas ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aanka uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ku diiday la kulanka Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Xamaas, ayaa sheegtay inay aad usoo dhaweyneyso Mowqifka uu Farmaajo kaga hor imaaday qorshooyinka uu Netanyahu ka lahaa kulanka uu ka dalbaday Farmaajo. Mas’uul magaciisa lagu sheegay Musa Abu Marzuq oo xubin ka ah Xafiiska arrimaha siyaasada ee Xamaas ayaa sheegay inay soo dhawenayan Mowqifka Madaxweyne Farmaajo. Musa Abu Marzuq, waxa uu sheegay in Xamaas aysan dowlad u aqoonsaneyn dalka Yahuuda sidaa aawgeed go’aanka Madaxweynaha Somalia ay wado usii furi doonto dowlado dhowr ah oo baqdin ka qabay inay qaatan Mowqif lamid ah kan uu qaatay Farmaajo. Musa Abu Marzuq ayaa yiri ‘’Waa go’aan dhiirnaan leh oo dhabar jabinkara siyaasada fog ee Netnyahu’’ Waxa uu intaa kusii daray ‘’ Inkastoo aysan xasilooneyn Somalia hadana Madaxweynahooda waxa uu muujiyay sida ay u diidan yihiin ficilada Israel iyo gumaysiga ay ku heyso shacabka iyo dhulka falastiiniyiinta’’ Musa Abu Marzuq waxa uu intaa kusii daray haddalkiisa ‘’Waa hogamiye mudan ixtiraam iyo qadarin waxaa uu mujiyay xirirka walaltinimo ee Somalia kala dhexeeya falastiin’’ ayuu hadalkiisa ku daray Musa Marsuuq. Sidoo kale, Warbaahinta maxaliga ah ayaa dhawaan baahisay warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu laalay dalab uu Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ku dalbaday la kulanka Farmaajo, xili ay kawada qeybgalaayen caleemasaarka Madaxweynaha Kenya. Haddalka Musa Marsuuq ayaa kusoo beegmaaya xili wadamo dhowr ah ay aad ula yaaben Mowqifka Farmaajo uu ku diiday dalabka Netanyahu. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ururka Xamaas oo si cajiiba uga hadlay go’aanka uu Farmaajo ka qaatay la kulanka Benjamin Netanyahu (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqaday go’aan guul u ah madaxweyne Trump kadib markii lagu taageeray qaraar uu dhawaan soo saaray. Maxkamadda sare ayaa sheegtay inay taageersan tahay go’aankii xayiraada dhinaca socdaalka ee uu madaxweyne Trump soo saaray. Maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ayaa go’aamisay in si dhamaystiran loo hirgaliyo mamnuucitaankii uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal oo Muslimiin ah, waxa uuna go’aankaasi wajihi karaa caqabado dhanka sharciga ah. Waxa uu go’aankan xoojinayaa siyaasaddii madaxweyne Trump ee ka dhanka ahayd wadamada Chad, Iiraan, Liibiiya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen. Ammarka madaxweynaha Maraykanka ayaa saamaynaya dadka ka imanaya dalal 8 ah oo ay 6 ka mid ah muslimiintu u badanyihiin kuwaasi oo ay Soomaaliya ku jirto. Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Jeff Sessions ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay guul wayn oo u soo hoyatay ammaanka iyo badqabka dadka Maraykanka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka oo hir galisay riyada Trump ee lidka ku ah Somalia iyo Dowlado kale appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxa ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka tirsan ururka midowga Afrika ambassador, Franciso Madeira ayaa sheegay in qorshaha lagu dhimayo ciidamada AMISOM ay waxyeeleyneyso muhiimadda nabad ilaalinta, maadaama aan laheynin ciidamo dheeraad ah oo lagu badalo. Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa waxay gaarayaan tiradooda 22 kun oo askari waxayna dalka joogeen muddo toban sano ah, laakin waxaa laga jarayaa sanadkan cusub1000 askari, waana qorshe dheer oo ay ciidamada AMISOM ay uga baxayaan dalka, mas’uuliyadda amnigana ay kala wareegayaan ciidamada Soomaaliyeed. Xoogagga nabad-ilaalinta ee AMISOM ayaa waxaa ay kala kulmaan weeraro dhanka Al-shabaab kuwaasi oo ay ku xooganyihiin dagaalyahannada ururka Daacish ee looga soo adkaaday howlgalka milatari ay ka wadeen dalalka Liibiya iyo Siiriya. Francisco Maderira oo ah madaxa nabad-ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters “ Haddii aan la heynin ciidamo dheeraad ah oo lagu badalayo AMISOM ka bixitaankeenna waxaa uu saameyn ku yeelan doonaa muhiimaddeenna”. Maderira ayaa raacsiiyey hadalkiisa “ Waan aamisannahay in qaramada midoobay ay badal u sameyn karto kooxda koowaad ee ciidamada Amison ee ka baxaya dalka waxyaabaha ka dhasha arrinkaasi”. Maderira oo ka hadlayey shirka amniga muqdisho ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay inay aad u adagtahay in la qiyaaso inta ay yihiin dagaal-yahanada Al-shabaab. Goobjoog News Source
  11. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay oo Talaado ah waxay xukun ku riddey Afar nin oo eedeysanayaal ah, waxaana qaarkood ay ku eedeysanaayeen iney kamid yihiin Al-shabaab. Guddoomiyaha maxkamadda Dararajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhowaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay. Magacyada iyo Sida Loo Kala Xukumay: C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay Labo Sano oo Xabsi ciidan ah Ugu dambeyn maxkamadda ayaa sheegtay in cid walbo oo aan ku qanacsaneyn xukunka lagu ridey ay u furan tahay iney racfaan ka qaadato. Goobjoog News Halkaan hoose ka akhriso xukunka maxkamadda Source
  12. Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka heerkiisa sarreeya ee “Somali Partnership Forum” kaasi oo shalay furmay. Shirkaan waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo quseeya xaaladda dalka sida ammaanka iyo arrimo kale oo ciidamada la xiriira. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daah furay shirkan oo ay ka qeybgalayaan madaxda maamul goboleedyada, Midowga Yurub, IGAD, Midowga Africa, Jaamacadda Carabta iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Shirka ayaa daba socdo shirkii London bishii may 2016 kii ,iyadoo shirkaan ay goobjoog ka yihiin midowga yurub,IGAD ,jamacadda carabta iyo dowlado kale oo Soomaaliya taageero siiya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
  13. Maalintii Labaad waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, sababo la xiriira shirka heerkiisa sarreeya ee lagu qabanayo magaalada. Shacabka oo aad moodo in maanta ay kusii tashadeen waddooyinka xiran ayaa la arkayaa in meelaha qaar ay lugeynayaan. Gaadiidka dadweynaha waxay marayaan waddooyinka Wadnaha, Sodonka iyo Warshadaha, waxaa xiran wadada Makka Al-mukarrama iyo dhammaan jidadka iyo laamiyada soo gala wadadaasi. Dadka qaar oo aan la sheekeysanay ayaa sheegay iney la yaab ku noqotay in magaalada kala bar loo xiro shir ka dhacaya xarunta Xalane oo la ogyahay in amnigeeda si aad ah loo adkeeyay. Goobjoog News Source
  14. Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Dalka Jarmalka ee Soomaaliya oo Muqdisho Ku Kulmay. Mdaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 04 December 2017 kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Miss. Jutta Frasch. Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana kulanka looga wada hadlay xidhiidhka Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo dalka Jarmalka, mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka furliyo Puntland, fursado shaqo abuur oo loosameeyo dhallinyarada Puntland, tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn xaqiijiyey in dawladda Puntland ay diyaar u tahay xoojinta xidhiidhka Jarmalka iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in dawladda Puntland iyo dalka Jarmalku leeyihiin wadashaqayn balaadhan oo ku salaysan wax-qabad, siyaasad iyo saaxiibtinimo. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fuliyo Puntland gaar ahaan mashaariicda dhismaha waddada Garoowe – Gaalkacayo iyo mashruuca xoojinta caafimaadka Puntland ee 2017-2019, kaas oo uu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey daah-furay 30 August 2017 waxaana laga hirgelindoonaa mashruucaasi gobolada Nugaal iyo Mudug. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay danjiraha dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Jutta Frasch, tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland, isagoona tilmaamay Madaxweynuhu in Puntland ay joogaan dhakhaatiirta Soomaaliya ugu cilmiga badan, haseyeeshee ay tahay caqabadda hortaaqan tayada qalabka ay ku shaqeeyaan, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dalka Jarmalka iyo dawladda Puntland ay tahay lagama maarmaan inay iska kaashadaan arrintaasi. Ambassador Jutta Frasch ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u yihiin xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxaana ay xusay Miss. Jutta Frasch inay diyaar u yihiin wax kasta oo xoojinaya wada shaqaynta xafiiskeeda iyo hay’addaha dawladda Puntland. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ambassador Jutta Frasch ayaa ka wada hadlay sidii dhalin yarada Puntland loogu samayn lahaa shaqo abuur, gaar ahaan sidii loogu hirgelinlahaa dhalinta Puntland dugsiyada farsamada gacanta si ay u noqdaan dad aqoon leh kuna maareeya danahooda gaar ka ah iyo kan dalkooda iyo dadkoodaba.
  15. Mdaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 04 December 2017 kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Miss. Jutta Frasch. Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana kulanka looga wada hadlay xidhiidhka Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo dalka Jarmalka, mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka furliyo Puntland, fursado shaqo abuur oo loosameeyo dhallinyarada Puntland, tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn xaqiijiyey in dawladda Puntland ay diyaar u tahay xoojinta xidhiidhka Jarmalka iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in dawladda Puntland iyo dalka Jarmalku leeyihiin wadashaqayn balaadhan oo ku salaysan wax-qabad, siyaasad iyo saaxiibtinimo. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fuliyo Puntland gaar ahaan mashaariicda dhismaha waddada Garoowe – Gaalkacayo iyo mashruuca xoojinta caafimaadka Puntland ee 2017-2019, kaas oo uu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey daah-furay 30 August 2017 waxaana laga hirgelindoonaa mashruucaasi gobolada Nugaal iyo Mudug. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay danjiraha dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Jutta Frasch, tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland, isagoona tilmaamay Madaxweynuhu in Puntland ay joogaan dhakhaatiirta Soomaaliya ugu cilmiga badan, haseyeeshee ay tahay caqabadda hortaaqan tayada qalabka ay ku shaqeeyaan, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dalka Jarmalka iyo dawladda Puntland ay tahay lagama maarmaan inay iska kaashadaan arrintaasi. Ambassador Jutta Frasch ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u yihiin xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxaana ay xusay Miss. Jutta Frasch inay diyaar u yihiin wax kasta oo xoojinaya wada shaqaynta xafiiskeeda iyo hay’addaha dawladda Puntland. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ambassador Jutta Frasch ayaa ka wada hadlay sidii dhalin yarada Puntland loogu samayn lahaa shaqo abuur, gaar ahaan sidii loogu hirgelinlahaa dhalinta Puntland dugsiyada farsamada gacanta si ay u noqdaan dad aqoon leh kuna maareeya danahooda gaar ka ah iyo kan dalkooda iyo dadkoodaba. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Dalka Jarmalka ee Soomaaliya oo Muqdisho Ku Kulmay. appeared first on Puntland Post.
  16. Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu dib u dhigay go’aankiisii ku aadanaa ku dhawaaqista Qudus inay tahay caasimadda Isra’iil. Afhayeen u hadlay aqalka cad ayaa waxaa uu tilmaamay in Trump laga sugaayo maalmaha soo aadan in Qudus ay noqon doonto caasimadda Isra’iil iyo in kale. Jimcadii la soo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxaa uu ku dhawaaqay in Arbacada uu Qudus u aqoonsan doono magaalo madaxda Isra’iil ama uu safaaradda Mareykanka uu u rari doono. Bishii June ee tagtay ayaa Trump waxaa uu saxiixay in 6 bil ka dib uu safaaradda u rari doono qudus uuna u aqoonsan doono caasimadda Isra’iil balse mudadii 6 bilood aheyd waxay ku eked shalay isniintii. Go’aanka Trump ayaa waxaa ka dhashay fal-celin badan, xoghaya guud ee ururka jaamacadda Carabta Axmed Abuu Qeyd ayaa ku tilmaamay hadalka Trump mid dhiiro galinayo inay sii socoto xagjirnimada iyo deganaasho la’aanta qudus. Goobjoog News Source
  17. A rebel who has ousted the military régime of Siyad Barre, a strategist who has appeared as the second best within his own ranks, a vertebral politician who supported his predecessor in shaping the reign of his political dynasty (Kulmiye Party) over decades since the rebirth of Somaliland in 1991. An aspirant and president-elect who has jumped the wagon bravely behind the ballots of the 13th of Nov 2017 presidential election, a history in the making and what was going to be the world’s first country to ever have voted electronically with the use of iris recognition and biometrics, a technologically sophisticated voter registrar system which embraces electoral practices that are in line with international standards that obviate voter ragging, fraudulent casting, and irregularities of skewing the results of the election outcome. OPPORTUNITY OR CURSE! Mr. Bihi will be the president for a country of approximately 4 million inhabitants, a country with five major economic sectors including fisheries, agriculture, livestock, renewal energy, and possibly Oil which hasn’t yet been explored. A country that has the potentials of becoming a catalyst for stabilizing the region’s economy and political upheaval given that a proper leadership, management and policies are put in place. A country that is located at the intersection of Africa and Asia, a significant strategic location for global trade, a country that has the potentials of becoming a booming center for commerce which dominates the regional trade markets within very short span of time. A country that’s privileged with rich fertile agricultural land that has the potential to feed its own people and all neighboring countries, as studies suggest that 2/3 of the food produced in Somaliland can be easily exported to other countries if properly harnessed and utilized. A country with a territory of 68,000 square miles, and over 860 KM of coastline and abundant natural resources that harbors Africa longest coastline with more than 70% of the population under the age of 30yr’s. A country with an abundant livestock which contributes to more than 50% of its GDP and brings millions dollars as revenue annually. A country with fisheries sector with over 100.000 tons per year and with a projected estimated annual revenue of more than 100 million dollars. CORRUPTION After 27 years in the making, institutional corruption is rampant and has destructed the basic tenets of Somaliland, an enclave that’s still struggling with the epidemic of bribery, a disease that has rifled within all spheres of governmental institutions which has paralyzed every function and facility. Infect, it’s obvious that Mr. Bihi will be inheriting a system that’s tainted with allegation of embezzlement of public properties, funds and resources, a system that has enriched itself through bribery and corruption. The ruling party has been known for its policies of personal enrichment by both politicians and bureaucrats and other corrupt private agents including individuals, groups, and businesses. The million dollar question will be, is Mr. Bihi going to be different? Can he regulate and restore the relationships between citizens and the state. Can he put together a system that is free from this cancer, as system that’s based on merit, expertise, skill and talent without appointing rogue political clannish figures backed by their rotten leniency towards corruption. It’s easier said than done, and obviously it will come down to whether Mr. Bihi will be man of his word, one that’s able to restore the principle of equality and accountability from judicial and criminal justice, public services, land administration, taxation, customs administration, public procurement and legislations which has either been lost or virtually doesn’t exist in Somaliland? THE CAPTAIN! Does democracy foster conducting of free, fair, credible and just elections and what does it take to pull out of current economic and political predicaments in Somaliland. The captain, Mr. Bihi, a man who has brawled against all odds even within his own party and clan, catalyst for hope who seems to have deep understanding of what it takes to steer a country to a new direction is going to be in charge of this ship for the coming five year, as of this stage no body project the regiments of political plan , but one thing is certainly obvious, and that is he’s whether he is going to be the captain for an abandoned and stranded vessel that’s in the middle of high seas or that’s going to be a ship that’s destined for the road less travelled. THE POLITICAL REALM After the election was announced by the National Electoral Commission, Mr. Bihi was too quick to pledge the need for creating an enabling environment for effective governance, the need for fighting against organized corruption, countering of tribalism, nepotism, infiltration of political, legal and economic systems, and bad governance. During his first speech Mr. Bihi was quoted saying “Regardless of which side we were on during the campaign of the election, we all have single, and common denominator, and that’s Somaliland which we hold dear and strong, a government that is free from corruption, tribalism, nepotism, a one country that unites us all, a system that delivers, and exceeds the aspiration of those who have given us their consent, and a responsibility on my behalf for paving the way as an example, one that doesn’t favor personal interest, one that restores integrity and accountability within all institutions across government sectors both at society and state levels. The public will be awaiting and closely watching! Written by: Abdullah Ahmed
  18. On December 4, Acting Assistant Secretary of State for African Affairs Donald Yamamoto attended the Somalia Security Pact Review in Mogadishu. The meeting was chaired by President Farmaajo and provided the opportunity for stakeholders invested in Somalia’s security and stability to discuss the development of Somali security institutions. Following the Somalia Security Pact Review, the Acting Assistant Secretary will travel to Nairobi, Kenya from December 4-6, where he will meet with representatives of the Kenyan government, as well as with Kenyan civil society. The visit will encourage all sides in Kenya to participate in a national dialogue following the presidential election. In Addis Ababa, Ethiopia, the Acting Assistant Secretary will meet with senior leaders of the Ethiopian government and of the African Union from December 7-9. In addition to continuing discussions on bilateral issues between the two countries, he will talk with both Ethiopian government and AU officials about regional concerns, including food security, peacekeeping and refugee matters. In London, Ambassador Yamamoto will participate in the twice yearly gathering of P3 Africa Directors meeting on December 11-12 to discuss current policy issues with defense and development colleagues from France and the UK. Ambassador Yamamoto will then travel to Kigali, Rwanda on December 13-14, where he will meet with President Kagame ahead of his term as President of the African Union. State Department
  19. Somalia has become the 14th signatory to the Jeddah Amendment to the Djibouti Code of Conduct – the instrument developed and adopted by countries in the Western Indian Ocean and Gulf of Aden that has been a key factor in repressing piracy and armed robbery against ships operating in that region. The Amendment significantly broadened the scope of the Djibouti Code when it was adopted at a high-level meeting in Jeddah, Saudi Arabia in January 2017. It covers measures for suppressing a range of illicit activities, including piracy, arms trafficking, trafficking in narcotics, illegal trade in wildlife, illegal oil bunkering, crude oil theft, human trafficking, human smuggling and illegal dumping of toxic waste. H.E. Mariam Aweis, Minister of Marine Transport and Ports, Federal Government of Somalia, deposited the instrument with IMO Secretary-General Kitack Lim at IMO Headquarters in London on December 1. In a resolution adopted last month, the 15-member U.N. Security Council urged Somali authorities to continue passing comprehensive anti-piracy laws, to establish security forces with clear roles and jurisdictions to enforce the laws and to strengthen the capacity of Somali courts to investigate and prosecute pirates. The Security Council also called on U.N. member states to adopt legislation to facilitate prosecution of suspected pirates off the coast of Somalia. Many development and security experts agree that until the underlying issues wracking Somalia, such as poverty, instability, drought and famine are solved, piracy may continue. The nation’s current humanitarian crisis, which was triggered by the failure of consecutive rainy seasons, has led to massive displacement, disease outbreaks and malnutrition, with 6.2 million people – half of the country’s population – now in need of humanitarian assistance. Some four million of them are children. UNICEF estimates that 232,000 children have or will suffer life threatening severe acute malnutrition over the next year. UNICEF, with funding from the governments of China, Japan and Sweden, has been helping to secure clean water supplies and is also helping with education initiatives for children. Puntland State education statistics show that approximately 19.5 percent primary school children in Puntland have dropped out of school due to drought, with the Bari District where the hijacked Aris 13 oil tanker was directed earlier this year, showing particularly high dropped out rates (30.1 percent for both boys and girls). Other signatories to the Jeddah Amendment are Comoros, Djibouti, Ethiopia, Jordan, Kenya, Madagascar, Maldives, Mozambique, Saudi Arabia, Seychelles, Somalia, United Arab Emirates, Tanzania and Yemen. Maritime
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan dhowr duqeyn ay ka dhacday degaanada maamulka Jubbaland, ayaa waxaa qeylo dhaan ka muujiyay duqeyntaasi baarlamaanka maamulka. Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa ka digay in diyaaradaha Mareykanka duqeymo kale ka geystaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka. Xildhibaanada qaar ayaa duqeymaha ku micneeyay kuwo lagu dhabar jabinaayo dadka kasoo jeeda maamulka ee ku nool deegaanada ay ka dhacayaan duqeymaha. Waxa ay sheegeen in ay jiraan dad Shacab ah oo ku dhintay duqeymihii ugu dambeeyay ee dowlada Mareykanka ay ka fuliso jubbooyinka, taa oo sabab looga dhigay inaan la sahmin goobaha rasmiga ah oo ay ku noolyihiin maleeshiyaadka bartilmaameedka ah. Xildhibaanada waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan duqeymaha lagu beegsanaayo Al-Shabaab balse ay codsanayaan in la dhowro dadka Shacabka. Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa cod dheer ku sheegay in ahmiyada koowaad ay tahay in lasiiyo goobaha bartilmaameedka ka hor inta aan la ridin gantaalada wax gumaada. Haddalka Xildhibaanada ayaa kusoo beegmaaya xili diyaaradaha Mareykanka ay si xad dhaaf ah u dul heehaabayaan si ay u duqeeyan Saldhigyada Al-shabaabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Jubbaland oo digniin kasoo saartay arrin uu Mareykanka ka wado Somalia appeared first on Caasimada Online.
  21. Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiil iyo dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo baxsad ah, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay gaareen Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari, iyagoo ku tagey doomaha nooca dheereeya. Saraakiishan iyo dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ka tirsan, ayaa ka soo baxsaday duqaymaha diyaaradaha dagaalka Mareykanku, ay ka wadaan Gobolada Koonfurta Somaliya. Xubnahan oo toddobaadkii hore soo gaaray Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, ayaa uga sii gudbay Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, iyadoo ayna kaga sii tallaabeen Galgala. Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in Saraakiisha Shabaabka ee gaaray Buuraleyda Galgala ay u badan yihiin Saraakiisha Shabaabka ee maleeshiyadooda dagaalka gelisa, kuwaa oo dadka qaarkii ay u garanayan (Madaxda Jabhadaha). Khubarada, ayaa waxay Dowladda Somaliya ugu baaqayan inay guluf dhanka dhulka ah ku qaado deegaanada, ay ka baxsanayan inta badan maleeshiyada Al Shabaab, ee duqaymuhu ku socdaan. Mareykanka oo ballaariyay duqaymaha ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, ayaa keentay in Shabaabku isu kala qaybiyan magaalooyinka iyo deegaanada kale ee dalka, iyagoo yareeyay tirada askartooda ku sugan deegaanada ay ka arrimiyan. Toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa waxaa Koonfurta Somaliya ka dhacay duqaymo is xig xigay, oo diyaaradaha dagaalka Mareykanku ay la beegsadeen saldhigyo ay Shabaabku leeyihiin. Axmed Macalin Fiqi, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ahna Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan, ayaa tallaabada uu Mareykanka ku ballaariyay duqaymihiisa ka dhanka ah Al Shabaab ku macneeyay fursad loo baahan yahay inay ka faa’iideysato Dowladda Somaliya. Bishii hore ee November oo ay dalka ka dhaceen duqaymihii ugu badnaa ee ay gaysteen diyaaradaha Mareykanka, ayaa waxay Shabaabku khasbeen in ay cagaha wax ka dayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shabaab baxsad ah oo gaaray gobolka Bari (Xagee tageen?) appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalintii labaad xiray qeybo ka mid ah jidadka ugu muhiisan ee magaalada Muqdisho. Ciidamada oo weli tuban waddooyinka ayaa xanibay dhammaan isku socodka gaadiidka noocyadooda kala duwan waxaana xusid mudan in waddooyinka qaar laga mamnuucay xitaa gaadiidka ciidanka. Xirnaanshiyaha waddooyinka ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana maalintii labaad la arkayaa, iyagoo dadka lugeynaya. Sababaha loo xiray jidadka Muqdisho ayaa lagu sheegay shirar muhiim ah oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Shirka galay maalinta labaad ayaa looga hadlayaa guud ahaanba Amniga dalka iyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab. Sidoo kale, Waddooyinka maalintii labaad xiran ayaa halbowle u ah isku socodka degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana lagu arkayay ciidamo fara badan. Waddooyinka ayaa xirnaan doona muddo Seddex maalin ah oo ku ekaan doonta maalinta Arbaca xiliga habbeenimo oo uu soo xirmi doono shirka. Geesta kale, waxaa xiran wadada Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo laga joojiyay gadiidka koontaroolka Siinka Dheer. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho oo xiran maalintii labaad appeared first on Caasimada Online.
  23. Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhamaan ilma Axmed Cali Sharmaake geeridii ku timid Hooyadood Caasho Guuleed oo shalay 3 Dec.2017 ku geeriyootay Magaalada Muqdisho. Waxaa Tacsi taas la mida loo dirayaa Qoyska Reer Guuleed Maxamed Islaan iyo Asxaabtaba Waxaan Illaahay uga baryeynaa Marxuumada Jano waarta iyo Dambi dhaaf iyo in Illaahay samir kasiiyo Caruurteedii iyo guud ahaan Ehelka. Aaaamiin Aaaaaamiiiin Aaaamiiiiiin Waxaa tacsida diraya Ilma Farax Xayir oo kala jooga Denmark, Canada, USA iyo Australia
  24. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka shirka amniga ee u dhexeeyey Madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay in si wada jira oo adag loosugo amaanka iyadoo la xoojinayo hay’addaha amaanka si Soomaaliya looga cidhib-tiro kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab, Daacish iyo cid kasta oo gacan saar-laleh. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay si loosugo amaanka Soomaaliya in loo baahan yahay sharci iyo kala danbayn, sugidda xaquuqda hay’addaha garsoorka, shaqo abuurka dhalinyarada, la dagaalanka fekerada taban, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu in intaasi ay buldhig u tahay in la helo sugidda amiga iyo siyaasad ku salaysan nabad iyo xasilooni. Madaxweynaha Puntland oo kahadlaya marxaladdihii kala duwanaa ee Soomaaliya Soo martay ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya maanta marayso meel wanaagsan oo ay dib uga wanaajin karto ugana yagleeli karto waxkasta oo ka xumaaday, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS isla meel dhigeen qorshaha dib u dhiska dawladd-nimada Soomaaliya. Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa cadeeyey in dawladda Puntland gaadhey 20kii sano ee ugu danbeeyey horumar lixaad leh, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dawladda Puntland tahay curadkii dawladdaha xubnaha ka ah DFS, isla markaana waxa uu u tusmeeyey Madaxweynuhu Madaxda kasoo qayb gashay shirka in Puntland 4tii sano ee ugu danbaysay wax qabad la taaban karo ka samaysay, Amaanka, cadaaladda, qaabaynta iyo tayaynta shaqaalaha dawladda, isla mar’ahaantaana waxa uu Madaxweynuhu sheegay haddi ay hagaagaan hay’addaha dawladdu in la helayo dawladdnimo wanaagsan [we believe if we have good intuitions be get god Government]. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in dawladda Puntland ku deeqaday 2400 oo askari kuwaas oo ka qayb noqondoona ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ka qayb qaadan doona xasilinta, nabadda, guud ahaan Soomaaliya iyo ka xoraynta dalka kooxaha xagjirriinta ah, waxaana uu Madaxweynuhu Qaranka Soomaaliyeed u rajeeyey guul, horumar, nabad iyo himilo wanaagsan.
  25. Michael Keating, the Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia shakes hands with Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, the President of the Federal Government of Somalia, during Somalia Security Conference held in Mogadishu, Somalia, on December 4, 2017. UN Photo / Omar Abdisalan 4 December 2017 – At Somalia’s first-ever security conference, hosted by the country’s Federal President Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” in the capital, Mogadishu, participants agreed to speed up security sector reform and develop a plan to transfer primary responsibility for the country’s security from the United Nations-backed African Union Mission in Somalia (AMISOM) to its own security forces. “Security is our greatest requirement if this country is to realize its full potential,” President Farmaajo said in his keynote address. “As a Government, we are absolutely determined to win the war against al-Shabaab and (Islamic State) with the full support of our international partners. Without security and counter-terrorism, there cannot be a peaceful, prosperous and progressive Somalia to which we all aspire.” The conference was jointly convened with the UN and the African Union (AU) and featured the participation of Prime Minister Hassan Ali Khaire, the presidents of Somalia’s five federal member states, cabinet ministers and a host of ambassadors and other senior representatives of the international community. The top UN official attending was the Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Michael Keating. In his remarks, Mr. Keatinig voiced support for the Federal Government’s commitment to pursue a comprehensive approach to security in the country. “Defeating al-Shabaab cannot be done exclusively by military means,” he said. “Rule of law and policing are essential, stabilization activities [in recaptured areas] are essential. Countering and preventing violent extremism are also essential as well as addressing and solving the many conflicts around the country on which al-Shabaab and other extremists thrive.” The conference was organized as a follow-up to last May’s London Conference on Somalia, which endorsed a landmark political agreement on a new national security architecture reached by federal and state leaders earlier this year and formally adopted a security pact for the country. A communiqué issued at the end of the meeting identified three priority areas that require immediate action by Somali authorities with the support of the international community. These include the implementation of the approved national security architecture, the urgent development of a realistic, conditions-based transition plan to enable Somali security forces to take over primary responsibility from AMISOM for protecting the people and Government of Somalia, and continued international support to build the capacity of the country’s security forces and institutions. Security has been a major issue for the east African country, which has suffered a range of violent attacks linked to extremists. In mid-October, hundreds of civilians were killed and injured in a massive car bomb blast outside the entrance to a hotel in Mogadishu’s K5 junction, which is home to government offices, hotels and restaurants. Senior Somali Government officials and leading representatives of the international community will reconvene on Tuesday for a so-called Somalia Partnership Forum that will address the pressing humanitarian and development issues facing the country. UN