Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,561
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somalia, Francisco Caetano Madeira, ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay halis ku yihiin diinta Islaamka. Francisco Caetano Madeira, waxa uu sheegay in Al-Shabaab intooda badan ay dadka dilaan xiliyada cibaadada waxa uuna tusaale usoo qaatay Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska Somalia oo dhawaan lagu dhex dilay Masjid ku yaalla agagaarka Barxada Biyaaso Liibaro ee degmada Xamar Jajab xili uu ku guda jiray salaada. Francisco Caetano Madeira, waxa uu Al-Shabaab ku eedeeyay inay u gaarsadan dadka waxgalka u ah dalka iyaga oo intooda badan beegsada xiliyada ay ku howlan yihiin gudashada waajibaadkooda diiniga ah. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxay marayaan Al Shabaab heerkii ugu hooseeyay, waa kuwo niyad jabsan waxayna raadinayaan inay sameeyaan fariimo ay ka mid yihiin ficilladaas oo kale, waxaan ka naxay falka dilka ah, weerarku wuxuu xaqiijinayaa in Al Shabaab aysan ixtiraameynin Diinta Islaamka, xitaa waxay dadka ku dilayaan goobaha cibaadada”. Mr. Madeira ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay howlgalka Midowga Afrika ee ah in uu la shaqeeyo ciidamada amniga Soomaaliya iyo la hawlgalayaasha kale, si loo dhammeeyo dilalka aan kala sooc lahayn iyo weerarada khasaaraha wata ee Masaajidda, Hoteelada iyo meelaha kale ee ay isugu timaado bulshada. Sidoo kale, Francisco Caetano Madeira, ayaa Shabaab ku eedeeyay inay kordhiyeen askareynta caruurta yar yar, wuxuuna tilmaamay inay ka hortagayaan falal uu ku sheegay kuwa guracan oo ay geystaan Al Shabaab. Haddalka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa u muuqda mid lagu muujinaayo ceebaha Al-Shabaab iyo danbiyada muuqda oo ay ka galayaan shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Hindiya ayaa ka qeybgalay kalfadhi uu lahaa baarlamaankaas isaga oo xiran dharkii iyo astaamihii lagu yaqiinay hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hitler. Naramalli Sivaprasad oo 67 jir ah ayaa sheegay in uu sidan u sameeyay si uu cabasho oga muujiyo balamo uu qaaday Ra’isulwasaare Narendra Modi oo uusan fulinin. Ma ahan markii koowaad oo uu xildhibaankan isticmaalo gashiyo kala duwan si uu u muujiyo cabasho. Mararka hore ayuu soo xirtay dharka Hindida wax ku caabudo iyo xitaa dhar dumar. “Waxa aan samaynayo waa in aan soo jiito dareenka dadka si sahlan, taasna ay dadka ku kalifto in ay fikiraan” ayuu xildhibaanka u sheegay wariyaha BBC-da Ravi Shankar. Ninkan oo horey u ahaan jirey atoore aflaamta jila ayaa kasoo galay gobolka Andhra Pradesh, wuxuuna ka tirsanyahay xisbiga gobolkaas maamula ee TDP. Xildhibaan Naramalli ayaa ka cabanayay arrin ku saabsan in gobolka Andhra Pradesh la siiyo meeqaam gaar ah, kaas oo kordhin lahaa dhaqaalaha dowladda dhexe ay siiso gobolkaas. Xisbiga uu ka tirsanyahay xildhibaankan ee TDP ayaa ku jiray isbahaysiga Mr Modi, balse sanadkan horaantiisii ayay isaga baxeen. Markii la weeydiiyay sababta uu usoo xirtay dharka Hitler ayuu ku jawaabay “Aniga wax kasta oon sameeyo ujeeddo ayaan ka leeyahay, Hitler wuxuu ahaa qof aan talo qaadanin, islamarkaasna aanan ka shaqaynin wanaagga dadka”, hadalkaas ayaa loo fasirtay in uu ula jeedo Ra’isulwaase Modi. Dharka Hitler waa mid caan ka ah dalka Hindiya, waxaana jecel dhalinyaro tiro badan, iyada oo xitaa buuggii uu qoray ee Mein Kampf si weyn loo iibsado. Sanadkan horaantiisii ayaa waxaaba soo baxay buug carruurta ah oo lagu soo sawiray Hitler, arrintaas oo ka caraysiisay Yuhuudda. Dadka ayaa siyaabo kala duwan oga falceliyay ficilada xildhibaanka, iyaga oo qaarkood ay dhaleeceeyeen, kuwa kalena ay ku maadsadeen. ISHA BBC
  3. The United Arab Emirates plans to build an oil pipeline connecting Eritrea and Ethiopia, the latest sign of the Gulf state’s increasing involvement in the Horn of Africa. The pipeline will run from Eritrea’s port city of Assab to Ethiopia’s capital Addis Ababa, an Ethiopian official said. Landlocked Ethiopia began extracting crude oil on a test basis from reserves in the country’s southeast in June and will need access through Eritrea in order to export it. Ethiopian broadcaster Fana first reported the pipeline plan earlier on Friday following a meeting in Addis Ababa between Ethiopia Prime Minister Abiy Ahmed and Reem Al Hashimy, the UAE’s minister of state for international cooperation. The UAE played a behind-the-scenes role in helping Ethiopia and Eritrea end a two-decade state of war last month, Reuters reported this week. Hashimy, who last month publicly referred to herself as the UAE’s policy lead on sub-Saharan Africa, said after meeting Abiy that the UAE is keen to exploit investment opportunities in Ethiopia, a country of 100 million people with the fastest growing economy in Africa, Fana reported. Abiy’s chief of staff, Fitsum Arega, told Reuters that the talks were largely on investment in “industries, agriculture, real estate, (the) oil pipeline, (and) resorts”. “Most are under study,” Fitsum said in a text message. REGIONAL RIVALRY The UAE is also driven by a fear that rivals such as Iran or Qatar could gain a foothold. Both Qatar and Turkey are strong supporters of Somalia’s government. Earlier this year ties frayed between Mogadishu and Abu Dhabi and the two countries ended a UAE military training programme in Somalia. Abu Dhabi has a military base in Assab which it uses in its military campaign in the war in Yemen, located just across the Red Sea. Saudi Arabia’s Foreign Minister Adel al-Jubeir arrived in Addis Ababa on Thursday and met with Abiy, although there were no detailed announcements from the meeting. Last month, Reuters reported that Ethiopia had asked Saudi Arabia for a year’s supply of fuel with payment delayed for 12 months to ease severe foreign currency shortages. Eritrea’s foreign minister and a close adviser to President Isaias Afkwerki arrived in Ethiopia on Friday to discuss progress on implementing the agreement they signed last month. The rapprochement ended Africa’s longest major military stalemate and holds great potential for both economies, which were held back by the “no war, no peace” status quo. Though the two countries have re-opened embassies in each other’s capital and resumed flights, details ranging from border demarcation to war reparations have not been worked out. Source Reuters Qaran News
  4. Wasiirka arimaha dibada ee Boqortooyada Sacuudiga Aljubair ayaa socdaal ku kala bixiyay Asmara Iyo Addisabbaba,Socdaalkani Wasiirka arimaha dibada ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay mid Sacuudigu ku xoojinayo adkaynta xidhiidhka labadaasi wadan ee Itoobiya Iyo Eritrea la leeyahay. Wasiirka oo ka hadlay caasimada Addisbababa oo uu kula kulmay Raysalwasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kulankaasi si wayna iskula meeldhigeen qodobada ay kawada hadleen ee xaalada ugu dambaysay ee Geeska Afrika.Jubair ayaa amaanay eritrea xidhiidhka kala dhexeeya sheegayna in Eritrea abaal ugu hayaan xidhiidhka ay u gooysay Iran Iyo Qatar oo uu ku sheegay argagixiso burburin kawada geeska Afrika.
  5. Mid ka mida Askarta Somaliland ee ku sugan deegaanka Tukaraq ee dagaalka kula jira Ciidamada Puntland ayaa Boramanews uga waramay isbadal ku yimiday hawlihii milateriga ee Tukaraq Somaliland kawaday. Askarigani oo xalay soo gaadhay Hargeysa isla markaana kasoo laabtay Tukaraq a warbaahinta uga waramay ciidamo iyo baabuurta Tiknikada oo deegaankaasi laga soo saaray.Askarigani ayaa sheegay in ciidanka Somaliland lagu amray inay kasoo gurtaan soona faaruqiyaan deegaanka Tukaraq Tikniko badana lagu soo celiyay saldhigii hore ee Gambadha oo isaga laf ahaantiisu ka midyahay askarta lasoo celiyay Hargeysana soo gaadhay. Askarigani ayaa sheegay in ciidanka halkaasi ka joogay Somaliland badnayn marka loo eego kuwa Puntland oo lagu soo tuulay jabhado qabaa,ilka laga soo ururiyay waa sida uu hadalka u dhagaye balse Ciidanka Somaliland Tikniko farobadan ku hubaysnaayeen difaac adag oo dhufaysyo ka samaysana ay qoteen adkaydna weerarkasta oo lagu soo qaado lagu jabiyo,inkastoo dagaalkii ugu dambeeyay 153 askari oo saraakiil ku jirto looga dilay Somaliland waa sida askarigaasi sheegaye. Askarigani ayaa Taliyaha ciidaamada Somaliland Nuux Taani ku eedeeyay nin qabyaaladu madaxmartay ciidamada dhulkana kusoo ururiyay beelaha aan jeegaanta ahayn,wuxuuna sheegay askarigani inuu go,aansaday inuu iskaga tago ciidamada oo uu shaqo uu raadsanayo Jabuuti askarinimo dambena nolol ka raadianaynin. Askarigani oo diiday inaanu magaciisa iyo muuqaalkiisa baahino oo kasoo jeeda beelaha Awdal ayaa ka waramay cadaalad daro baahsan oo ka jirta ciidamada Somaliland oo taliyayaashu qabylaad qaawan ku dhaqmaan. Warkani oo aan iskudaynay inaan wax ka waydiino masuuliyiinta Gaashaandhiga Somaliland ayaa noo suurto galin inaanu ka xaqiijino dib u gurashada ciidanka Somaliland inuu u yahay bilow Somaliland ku aqbashay dadaalkii beesha caalamka ee lagu xalinayay dagaalka ka dhex aloosan Puntland iyo Somaliland.
  6. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey) oo wareysi siinayey telefishinka RTN ayaa meel adag ka istaagay wada-hadalka ay IGAD dhexdhexaadinayso ee la sheegay in lagu xallinayo colaadda Tukaraq. Cabdixakiin Camey wuxuu sheegay in aan dagaalka Tukaraq istaagi doonin inta ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin taako kamid ah xuduudaha Puntland,isagoo caddeeyay in aysan waxba iska beddelin mowqifkoodii ku aaddanaa xoraynta degaannada ay Somaliland ka haysato Puntland. “Dagaalkani isma taagayo, sidaan horeba u sheegay,maba qarsadaba dee anigu,Ibraahim inta taako dhulkaas ah lagu jiro dagaalkan ma istaagayo”ayuu yiri Camey isagoo raaciyay”Muuse iyadoo dhulkii laga qabsaday iyo dadkii oo ka dhintay iyo in uu guuro oo dhulkii banneeyo wax ka dhexeeya ma jiraan”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa madaxweyne ku xigeenku sheegay in nabadda laga raadinayo colaadda Tukaraq ay tahay mid qoor-qabasho ah ee aysan ku imaan hannaankii loo baahnaa,sidaasi darteedna marnaba aan la aqbali karin. “Dabeecadeyada Puntland maaha marnaba in aan nabad diidno,laakiin waxan kuu sheegayaa nabadgelyo qoor-qabasho ah,dadkaan asalna uma laha,dhaqanna uma laha,weligeedna ma dhicin horena uma dhicin gadaalna uma dhici doonto”ayuu yiri Camey. Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka ayaa ku jees-jeesay xubnaha Beesha caalamka ee dhexdhexaadinta ka wada colaadda Puntland iyo Somaliland,isagoo yiri”waxaan kuu hubaa wax badan oo la soo kordhiyay in aanay jirin. Hawshu waa soconaysaa,iyana habeen-dhaxooda ha iska qaateen”. Hadalka Camey ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Beesha caalamku ay dhexdhexaadinayso colaadda Puntland iyo Somaliland ee degaaanka Tukaraq,si aan mar kale dagaallo halkaasi uga dhicin. PUNTLAND POST The post Puntland oo meel adag ka istaagtay wada-hadalka Somaliland appeared first on Puntland Post.
  7. The United Arab Emirates will build an oil pipeline connecting Eritrea’s port city of Assab with Ethiopia’s capital Addis Ababa, an Ethiopian state-affiliated broadcaster said on Friday. Source: Hiiraan Online
  8. Kismaayo (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegen deegaanka Geedweeyne oo hoos taga degmada Dooloow ee gobolka Gedo. Maleeshiyada la wareegtay deegaanka ayaa watay gaadiid iyo hub culus, waxaana lasoo sheegayaa in halkaa ay kawadan baaritaano xoogan. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen boqolaal ka tirsan dagaalayahanada Al Shabaab oo ku hubeysan hubka fudud iyo garneelada garbaha laga tuuro, kuwaas oo ku roondeynayey gudaha iyo hareeraha degaanka. Wararka aan ka heleeyno deegaanka ayaa sheegaya in maleeshiyada ay halkaasi ku xirxireen dad badan oo shacab ah oo si dhow ula shaqeynaayay ciidamada Jubbaland. Maleeshiyada ayaa gubtay xarumo iyo dukumiintiyo uu lahaa maamulka Jubbaland, kadib markii ay galeen xarumaha maamulka ee ku yaala deegaanka, sida laga soo xigtay mid kamid ah ciidamada maamulka. Sidoo kale, deegaanka lala wareegay ayaa ku dhow xuduudda Somalia iyo Kenya, waxaana jira warar sheegaya in ciidamada Kenya ay hubka culus ku garaaceen deegaanka ay Shabaabka la wareegen. Dhinaca kale, waxaan arrintaani wali ka hadal Taliska ciidanka Jubbaland oo saldhigyo ku leh deegaanka la qabsaday. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  9. St. Paul Mayor Melvin Carter proposed a budget for next year that includes no new cops but hefty investment in affordable housing, new streets, and legal help for immigrants — and a 11.5 percent property tax increase. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo wareegto shalay kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo xilka looga qaaday Shan ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamada Sare ee dalka, ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaday Garsoorayaasha. Garsoorayaasha waayay xilkooda ayaa sheegay in wareegtada Madaxweyne Farmaajo ay tahay mid aan loo marin sharcida. Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamada Sare kana mid ahaa Garsooreyaashii xilka laga qaaday Maxamed Maxamuud (Dr luu), ayaa sheegay in xil ka qaadistooda aan loo cuskan qodobada sharciga waxa uuna tilmaamay in dhaliisha ugu badan ay tahay mid ay dusha ka saarayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare. Dr luu waxa uu arrin sharci daro ah ku tilmaamey xilka qaadista uu ku sameeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uuna tilmaamay in xil ka qaadistooda ay ku qanci lahaayen waa haddii loo mari lahaa sharciga. Dr luu, waxa uu sheegay in sababta xilka looga qaadi karo ay tahay in marka hore hadii ay dembi galeen ay baaritaano ku sameeyaan Guddiga Golaha Adeega balse xilligaan dalka uusan ka jirin guddigaas. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Anaga waxaa xilka ku weyn karnaa in Golaha Adeega Garsoorka ay baaritaano nagu sameeyaan hadii aan qalad galnay,markaas ayaa go’aan nagala gaari karaa laakin golahaas mar hore ayaa la baabi’iyey marka wax sharciyad ah kuma dhisna xilka nagala qaaday” Sidoo kale, waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Maxkamada ay ka doonayaan inay cadeyn u keenaan sharciga ay u cuskadeen xil ka qaadistooda. Si kastaba ha ahaate, Dr luu ayaa cadeeyay inaysan aqoon saneen go’aanka loo cuskaday xil ka qaadistooda, waxa uuna tilmaamay keliya inay ku qanci doonaan bayaaninta waxa loo cuskaday.
  11. Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaasi uga yeertay xubnaha ugu sareeya Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Ethiopia. Dowlada ayaa la sheegay in u yeerida ay ula gol leedahay talo jeedin maadaama Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Cumar uu ku jiro xabsi guri ku yaalla magaalada Addis Ababa. Xubnahaani oo la sheegay in tirro ahaan ay iminka gaarayan ilaa Sodon xubnood ayaa waxaan kamid aheyn 3 Xubnood oo iyagu aan looga maari Karin ku sugnaanshaha magaalada Jigjiga kuwaa oo si KMG ah usii haya maamulka. Xisbigan oo ah midka ka arrimiya deegaanka Soomaalida ayaa maalmihii u dambeeyay ka biyo diidanaa aadista magaalada Addis Ababa oo looga yeeray asbuuci tagay. Uyeerista xubnahaani timid ka dib markii Militeriga Ethiopia ay la tageen Madaxweynihii hore ee deegaanka oo ilaa hadda lagu hayo magaalada Addis Ababa. Qorshaha u yeerida xubnaha ayaa waxaa leh Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia oo hirgalinaaya amarka kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed oo isagu lahaa fekerka loogu yeeray xubnaha. Warar hoose ayaa sheegaya in xubnahaasi la faray inay tallo siiyaan Madaxweynihii xilka laga tuuray Cabdi Cumar, iyadoo tallo diidmo kadib la filaayo in laga gaaro go’aan. Sidoo kale, xaaladda magaalada Jigjiga ayaa iminka ah mid dagan waxaana la filayaa in ay noloshu si deedii tartiib tartiib ugu soo noqoto maadaama la dajiyay shacabkii kacdoonka sameynaayay. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la saadaalin Karin waxa kasoo bixi doona kulanka magaalada Addis Ababa uga socda dowlada Federaalka iyo xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Ethiopia ee hadda ku sugan Addis. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  12. Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya,Cabdi Faarax Siciid(Juxaa) ayaa xalay hadal uu ka jeediyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa si adag ugu dhaliilay siyaasadda xukuumadda haatan ka dhisan magaalada Muqdisho. Mudane. Juxaa ayaa sheegay in siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya ay xilligaan dheelliday,kadib markii ay isku-milmeen awoodihii saddexda gole ee dowladda(Garsoorka,Baarlaamanka & Xukuumadda),islamarkaana ay xukuumaddu af-duubtay dhammaan awoodihii dalka. “Dheelli baa ii muqda,dheelliga ii muqdaana waxa weeye isku-milan awoodeed,waxaa isku-milan awooddii xukuumadda,iyo tii Garsoorka iyo tii Baarlamanka. Waxaa adag hadda tiraahdid waxaa shiraya golihii wasiirada iyo golihii Baarlamanka,maadaama golaha wasiiradu uu intiisa badan hadda sii noqonayo gole Baarlamanka” ayuu yiri Juxaa. Sigaasigan ayaa sheegay in isku-milanka golayaashaasi uu halis gelinayo, nidaamkii dowladnimo ee dalka,sidoo kalena meesha ka saarayo isla-xisaabtankii iyo tala-wadaagii golayaasha kala duwan ee dowladda Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay ay xukuumaddu maroorsatay. “taasi waxay khatar ku tahay, in dooodi dhacdo oo dood isu miisaaman dhacdo, oo aan qolo la saqlayn talada,waxayna khatar ku tahay dowladnimadii Soomaaliyeed ee tala wadaaga ahayd ee la dhiraan-dhirinayey” ayuu raaciyay Cabdi Faarax Juxaa. Siyaasigan ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso dowlad goboleedyada dalka,isagoo sheegay in ay ridday madaxweynayaal maamul goboleed,kuwa kalena ay hadda isku-dayeyso in ay xilka ka tuurto. Juxaa wuxuu xukuumadda Xamar ka dhisan uga digay in ay soo fara-geliso doorashada madaxtinimada dowladda Puntland ee sannadka 2019 “Puntland doorashay gelaysaaa,doorashada ay gelaysa wa arrin iyada gaar u ah,waa arrin taabanaysa masiirkooda,rabitankooda iyo mustaqbalkooda,waxaan dowladda Federaalka ah iyo cid kasta oo keliba ka codsanaynaa ugana digaynaa in aysan arrintaa faraha la soo gelin” ayuu yiri Juxaa. Dhinaca kale wuxuu si kulul u dhaliilay siyaasadda arrimaha debadda xukuumadda Soomaaliya oo ku tilmaamay mid”qarda-jeex ah“wuxuuna ku eedeeyay in ay xasaradaha caalamka dhex yaacayso arrimo aan loo dirsan af-hayeen ka noqotay,islamarkaana aan xukuumadda Xamar lagu aamini karin siyaasadda arrimaha debadda ee dalka. PUNTLAND POST The post Juxaa oo sheegay in ay isku-milmeen golayaashii dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. Wasiirkiih hore ee Wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xalay ku dhawaaqay ololihiisa doorashada Puntland 2019,islamarkaana cadeeyey inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland 2019. Musharax Juxa oo ololihiisa ku shaaciyey xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxaa kasoo qaybgalay marti sharaf ka socotay qaybaha kala duwan ee bulshada,ardaydii uu deeqaha waxbarasho u diray xiligii uu ahaa wasiirka waxbarashada Puntland iyo musharaxiin kale. Musharax Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sababta uu isku sharaxay ku saleeyey labo arimood oo kala ah aragti iyo fikir ku wajihi karo caqabadaha horyaala Puntland oo uu tilmaamay hadii u furadda helo uu wajihi karo iyo mid labaad oo ah inuu saldhig iyo hormuud u yahay dhaqdhaqaaqa jiil cusub kaas oo ay aragti dheer hogaaminayso. Juxa hadii la doorto waxaa uu sheegay in wax weyn ka qaban doono amaanla,Kobcinta dhaqaalaha,Saldhiga Barnaamijka wadajir ah bulsho kaaso ah oo uu doonayo inuu horseed u noqdo Puntland oo heshiis ah oo isku calool fiyow iyadoo ay dhaqanku ugu horeeyaan,waxaa kale oo uu sheegay inuu xooga saari doono halitaanka adeega bulshada oo dhamaystiran sida Caafimaadka,Waxbarashda,Biyaha iyo wixii lamid ah. Musharaxiintii kala qaybgalay xaflada oo ay kamid ahaayeen Cali Xaaji Warsame,Khaliif Ciise Mudan,iyo Jamiilo Siciid Muuse ayaa ku amaanay Juxa inuu yahay siyaasi aragti fog leh kuna amaanan inuu hogaamiyo Puntland. Xafladda waxaa sidookale ka hadlay dadkii u soo joogay waxqabadkiisii uu ka gasytaya dhanka waxbarashada xiligii uu ahaan wasiirka waxbarashada Puntland iyo ardaydii uu deeqaha waxbarasho ugu diray dalka dibadiisa waxaana ay ku amaaneen inuu ahaa shaqsi ku sugnaa u cadaalad samaynta dadka Puntland islamarkaana mirihii uu soo saaray ay hada ka muuqdaan waxbarashada Puntland. Juxa oo ah shaqsi inta badan aan ka bixin dalka shaqooyin tiro badana kasoo qabtay ayaa noqonaya Musharaxii ugu horeeyey Puntland gudeheeda uga dhawaaqay musharaxnimadiisa. PUNTLANDPOST.NET The post MUSHARAX CABDI FAARAX JUXA OO KU DHAWAAQAY INUU U TAAGAN YAHAY XILKA MADAXWEYNAHA PUNTLAND 2019. appeared first on Puntland Post.
  14. African Union has strongly condemned Al-Shabaab's barbaric attack on a mosque in Somalia's capital. Source: Hiiraan Online
  15. NEW YORK (AP) — First lady Melania Trump’s parents were sworn in as U.S. citizens on Thursday, completing a legal path to citizenship that their son-in-law has suggested eliminating. Source: Hiiraan Online
  16. Jacqueline Parlevliet, Head of United Nations High Commissioner for Refugees, UNHCR, Sub Office in Yemen, has extended deep thanks to the Emirates Red Crescent, ERC, for supporting its commissioners. Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hassan Ali Kheire has suspended Deputy Foreign Minister, Mukhtar Mahad Daud over misuse of public funds, stepping up his fight against corruption amongst his cabinet. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) - President Mohamed Abdullahi Farmajo has issued a series of amendments to the Supreme Court judges, following the recommendation from the Chairman of the Supreme Court Mr. Baashe Yusuf Ahmed. Source: Hiiraan Online
  19. MINNEAPOLIS – When a Minneapolis nurse needed a kidney transplant, he didn’t have to look far. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU, (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Thursday condemned recent attack on a mosque in Mogadishu's Hamar Jajab district in which one person was killed. Source: Hiiraan Online
  21. The AMISOM Force Commander Lt. General Jim Beesige Owoyesigire has tasked his forces in Hirshabelle region to intensify joint operations with the Somali National Army against Al Shabaab for improved peace and security. Source: Hiiraan Online
  22. MOGADISHU, Somalia - Five Red Crescent aid workers were kidnapped by suspected al-Shabaab militants in southwestern Somalia on Thursday, officials said. Source: Hiiraan Online
  23. Authorities in northwestern China were poised to begin demolition of a mosque Friday despite protests by hundreds of members of the country's Muslim Hui ethnic minority determined to preserve the newly built structure. Source: Hiiraan Online
  24. On Thursday, Saudi Energy Minister Khalid al-Falih said the current diplomatic spat between the Kingdom of Saudi Arabia (KSA) and Ottawa would not affect Saudi oil sales to Canada. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaasha Ciidamada Soomaaliuya ayaa shalay magaalada Muqdisho waxa ay uga qeyb galeen Munaasabad lagu midaynayay ciidamada NISA iyo booliska, oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiishiiiyo Ciidankii hubaysnaa ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sir doonka qaranka. Ciidamadaan ayaa haa kuwii sugi jiray amaanka magaalada Muqdisho ee laga soo kala xulay qaybaha kala duwan ee ciidamada looguna magac daray ciidanka Xasilintaoo si weyn loogu xasuusto howlgaladii Bishii ramadaan ka dhacayey Gudaha Magalada Muqdisho. Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Asluubta oo si wadajir ah u la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay si weyn ugu mahadcelinyaan Ciidamadaan oo lagu xasuusto dardar gelinta howlaha amniga Caasimada. Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay Ciidankaan in aanay ahayn kuwa la dhaqan celinayo lakiin si toos ah u bilaabi doonaan ugana qayb qaadan doonaan xaqiijinta amniga marka ay bartaan shuruucda Booliiska Soomaaliyeed. Hoos ka Dhageyso Codadka Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/08/Taliyeyaasha-Ciidamada.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com