-
Content Count
213,511 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Waddani ee Somaliland Cabdiraxaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin xaalada Somaliland, shirkii ka dhacay Brussels iyo arrimo kale. Waxaa uu sheegay guddoomiye Ciro in shirkii ka dhacay magaalada Brussels ay ka qeyb galeyn mas’uuliyiin ka socotay Somaliland, islamarkaana sheegay in uu gaf ku dhacay Xisbiga Kulmiye ee haatan haya talada Somaliland. “Muuse waa naga qariyey inuu wafti u diray shirka Brussels, oo ay uga qeyb-galeen Faysal iyo Cali Khaliif” ayuu yiri Cirro. Dhinaca kale, waxaa uu dhaliil u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoona sheegay in Somaliland ay ku jirto marxalad dhaqaale iyo habacsanaan ah, balse sheegay in mas’uuliyadiisa ay qaadi doonaan Xisbiga Kulmiye . “Waxaa maanta meeshii ugu hooseesay maraya siyaasada arrimaha dibada Somaliland oo go’doon siyaasiyeed sii galaya maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo baxaya sawiro muujinaya in Somaliland maqaamkeedu hoos u sii socda” ayuu yiri Cirro. Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday arrimo ku aadan hawada Somaliland, isagoona sheegay in saraakiil ka socda dowlada ay ku sugan yihii magaalada Hargeysa. Hoos ka dhageyso Codka Cabdiraxaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/codka-galabta-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka, ayaa bayaan ay soo saartay shalay ayay ku sheegtay inay liiska Argagixisada ku dartay kooxda Jamaactu Al Hijra oo ay ku sheegtay inay ka hawlgasho Soomaaliya iyo Kenya, xiriirna la leh Shabaab. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa qoraalkaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in wax ka bedel ay ku sameysay qaanadii ay ku jirtay Al-shabaab oo Somalia ku metesha Al Qaacidda, iyada oo balaarisay ayay liiska Argagixisada ku soo biirisay liiska ururada Argagixisada ee shisheeyaha ah. Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay in kooxda Al Hijra oo 2008-kii lagu aas-saasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay tahay Laanta Al-shabaab u qaabilsan dagaalka gudaha dalka Kenya. Kooxda Al-Hijra waxay gacan ka geysataa askareynta xubnaha Al-shabaab ku biiraya, waxayna fududeysay inay xubnaheeda si caadi ah ugu socdaalaan Somalia, si ay uga qeyb qaataan falalka argagixisanimo. Tallaabadaan cusub ee Mareykanka uu Qatay ayaa ujeeddada ka dambeysa waxay tahay in la takooro ururadaasi iyo kuwa ku abtirsadaba, islamarkaana laga hor istaago inay soo gaaraan hanaanka Maaliyadeed ee Mareykanka, sida bayaanka lagu sheegay. Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa horay liiska kooxaha Argagaxisada ah ay ugu dartay kooxda Al-shabaab oo muddo sannado ah isugu dayaysay inay xukunka ka tuurto Dowladda Federaalka ah ee uu caalamku Taageero. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo Koox Xiriir la leh Al-shabaab ku dartay liiska Kooxaha Argagaxisada ah appeared first on Puntland Post.
-
Lusaka (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre uga qayb-galay kulan madaxeedka 20-aad ee Wadadmada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) Magaalada Lusaka ee wadanka Zambia ayaa saxiixay xubinnimada Soomaaliya ee suuqaasi. Madaxda ka qayb gashay kulan madaxeedka ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaare Khayre ku-biiridda Soomaaliya ee suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, iyaga oo u ballan qaaday in ay babar istaagayaan dadaallada Soomaaliya ay dib ugu soo ceshanayso maqaamkii ay ku lahayd adduunka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa u hambalyeeyay xoghahaya cusub ee loo doortay in ay hogaamiso COMESA, Ms. Chileshe Kapwepwe oo xilka kala wareegtay xoghayihii hore Mr. Sindiso Ngwenya. Suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika (COMESA) oo la’aasaasay December 8, 1994 ayaa dhiiirri geliya koboca dhaqaalaha gobalka iyada oo loo marayo ganacsi iyo maal gashi, waxa ayna ku biiritaanka Soomaaliya kaabaysaa qorshayaasha lagu dardargelinayo koboca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay ka qayb qaataan qorshaha horumarinta dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo markii ugu horreysay ku biirtay Suuq Caalami ah oo ka jira Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Stockholm (PP) ─ Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) ee ka dhacay Brussels ayaa gaaray Magaalada Stockholm ee Caasimadda dalka Sweden, kadib, Casuumaad ay u fidiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Stockholm ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo xusay inta uu joogo Sweden ay Jaaliyadaha iska wareysan doonaan horumarrada la gaaray iyo rejada wanaagsan ee laga qabo in Soomaaliya ay mar kale cagadeeda isku taago, gaar ahaan horumarrada ka jira Caasimadda dalka oo hadda dib-u-soo kabanaysa. “Waxaan idin kaga mahadcelinayaa soo dhaweynta wanaagsan ee aad noo sameyseen, inta aan halkaan joogno waan kala warqaadan doonnaa, maadaama aad tihiin bulsho laf-dhabar ah oo leh hal-abuur lagu horumarin karo dalka, magaalada Muqdisho-na ay ku jirto xilli soo kabasho ah fursaduhuna badan yihiin waa in dib loo soo laabtaa oo maalgashi laga sameeyaa Caasimadda, waana midda aan halkan u nimid sidii aan uga wada hadli lahayn.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho. Inj. Yariisow ayaa sheegay maadaama mas’uuliyiinta dawladda ay intooda badan ka yimaadaan qurbaha, isla markaana gurmadka dadka ay dhibaatadu gaarto had iyo jeer intiisa badan uu ku yimaado taageerrada qurbejoogta, sidaas daraadeedna ay muhiim u yihiin horu-socodka dalka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa waxaa safarka ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax). PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Dalka Sweden appeared first on Puntland Post.
-
Dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku biiray suuqa xorta ee Bariga iyo Bartamaha Africa ee COMESA, waxaana shalay heshiiskaas saxiixay Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre. Sida lagu soo daabacay bogga rasmiga ah ee Ra’isulwasaaraha, saxiixa waxa uu shalay ka dhacay magaalada Lusaka ee dalka Zambia halkaas oo uu ka socday shir madaxeedka COMESA. Bogga rasmiga ah ee COMESA ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay xubinimada rasmiga ah ee Soomaaliya. Soomaaliya ayaa markii hore xubin ka ahayd ururkii kan lagu baladay ee PTA ka hor intii aysan burburin dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Sida uu qorayo qodobka 4aad ee xeerka COMESA, dal ayaa kusoo biiri kara ururka haddii uu daris dhow la yahay dal ka mid ah ururka, islamarkaasna uu fuliyo dhammaan shuruudaha laga doonayo oo ay ka mid tahay aqbalaadda xeerarka iyo qawaaniinta uu ururka ku shaqeeyo. Sidaasi darteed Soomaaliya waxa ay daris dhow la tahay 3 dal oo ururka ku jira oo kala ah Jabuuti, Etoobiya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay horay arji ugu qoratay bahda Bariga Africa, balse weli lama aqbalin. Waa maxay COMESA? Waxaa COMESA la asaasay sanadkii 1994-tii, waxaana xubno ka ah illaa 21 dal oo ay ugu dambeeyeen Soomaaliya iyo Tunisia . Waxaa ururkan lagu badalay urur ka horeeyay oo lagu magacaabi jiray PTA kaas oo soo dhisnaa illaa sanadkii 1981-dii. Ururada ganacsi ee dalalka ay ku bahoobaan waa fikrad ganacsi oo looga gol leeyahay in la fududeeyo isu gooshista badeecooyinka iyo dadka, lana yareeyo canshuuradaha tirada badan ee alaabaha laga qaado. Maxay oga dhigantahay Soomaaliya? Ra’isulwasaare Kheyre ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Madaxda ka qayb gashay kulan madaxeedka ayaa dawladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay ku-biiridda suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, iyaga oo u ballan qaaday in ay babar istaagayaan dadaallada Soomaaliya ay dib ugu soo ceshanayso maqaamkii ay ku lahayd adduunka”. Marka laga tago arrinta kusoo laabashada fagaarayaasha, dadka Soomaalida ah oo ah kuwa xagga gamacsiga caan ku ah, ayay arrintani u tahay war wanaagsan. Balse maadaamaa shuruudaha ganacsiga uu ka mid yahay in dalalka mid kasta ay caan ku noqdaan wax soo saar u gaar ah, Soomaaliyana aysan hadda jirin wax gaar ah oo ay soo saarto oo ay u suuqgeyn karto dalalka 21-ga ah, ayaanan la ogeyn faa’iidada waqtiga dhow eek u biirista COMESA ay keeni karto. Hase yeeshee qorshaha hadda socda ee ah in dalalka COMESA loo qaato hal dal-ku-gal ayaa waxa ay tani fududeyn kartaa safarada dadka Soomaalida ee baasaboorka Soomaaliga ah adeegsanaya. Cabdinaasir Saxansoxo BBC Somali, Nairobi
-
Tuulada Af-ururAl-shabaab ayaa la wareegay tuulada Af-rurur oo koonfur galbeed uga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Warbaahinta ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa shaacisay in saaka ay si nabad ah kula weegeen tuulada Af-urur ee gobolka Bari, oo horey fariin u ahayd ciidamo ka tirsan Puntland. Ciidamadii Puntland ee ku sugnaa tuulada Af-urur oo kaabiga ku haysa buuraleyda Galgala ayaa warar xog ogaal ah sheegayaan in ay shalay galinkii danbe halkaas ka baxeen, kadib gadood ka dhashay mushaar la’aan, oo mudooyinkiii dambe ay ciidamadu aad uga cabanayeen. Puntland ayaa ilaa hadda ka hadlin qabsashada A-shabaab ee tuulada Af-urur iyo ka bixitaanka ciidankooda. Al-shabaab ayaa sanadkii hore weerar gaadmo ah oo khasaare badan dhaliyay ku qaaday fariisin ciidamada Puntland ku la haayeen tuulada Af-urur ee gobolka Bari. Qabsashada Af-urur ee Al-shabaab ayaa ku soo aadaysa iyadoo Puntland dagaal kaga furan yahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. PHNTLAND POST The post Puntland:- Al-shabaab oo la wareegay tuulada Af-rurur appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo si buuxda ula wareegtay deegaanka Af Urur oo u dhow Buuraha Galgala. Wararku waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadka ay halkaa ku xirxireen qaar kamid ah dadka deegan oo la sheegay in markii hore ay caawin jireen ciidamad maamulka ee kabaxay deegaanka Af urur. Maleeshiyaadka oo wali ku sugan deegaanka ayaa lasoo sheegayaa in xoolo iyo gaadiid ay ka furteen dadka deegaan oo amaankooda ay gacanta ku hayeen ciidamada ka baxay deegaanka. Mid kamida dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka la wareegay deegaanka ay kor u dhaafayaan Sodon maleeshiyo, wallow markii danbe ay kusoo biiren maleeshiyaad gurmad ah. Waxa uu tilmaamay inay xireen dhalinyaro badan oo ay ku sheegen adeegayaal la shaqeeya maamulka iyo ciidamada ka baxay deegaanka, sida uu hadalka u dhigay. Ciidamada maamulka oo rogaal celis ah ayaa sidoo kale ku sugan deegaan aan sidaa uga sii fogeyn Af urur, waxa uuna qorshahoodu yahay in maleeshiyaadka ay mar kale kala wareegan deeganka. Sidoo kale, qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa isaga baxay Af urur kuwaa oo cabsi ka qaba in ciidamada maamulka iyo Al-Shabaab ku dagaalamaan deegaanka oo hadda ku jira gacanta Shabaab. Docda kale, waxaa aad looga cabsi qabaa in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhibaato weyn u geystaan dadka deegaanka oo aad u cabsi qabo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Washington (Caasimada Online) – Waaxda amniga gudaha dalka Mareykanka ee loo yaqaano Homeland Security ayaa mudo 18 bilood ah sharciga dal ku jooga ah u kordhisay 500 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo aad uga wal walsanaa waxa ay la kulmi doonaan. Dadka sharcigan loo yaqaano TPS-ka ee ku meel gaarka ah loo cusbooneysiiyay ayaa waxa ay intooda badan ku nool yihiin gobolka Minnesota oo ah gobolka ay Soomaalida ku badan yihiin. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Senataro Mareykan ah oo gaaraya 22 iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadaha ay barnaamijkan kala hadleen dowladda Mareykanka, sidaasina waqtiga sii joogitaankooda dalkaasi loogu kordhiyay. Boqolaal dad ah ayaa xalay farxad ku seexday, maadaama 18 bilood oo hor leh loo siiyay inay joogaan dalka Mareykanka, kana shaqeystaan gudaha Mareykanka. Waaxda amniga gudaha dalka Mareykanka ayaa diiday dadka dhawaan tagay Mareykanka ama kuwa hada galaya inay sharci siiso, balse keliya waxay cusbooneysiin u sameysay kuwa horey u heystay sharciga deganaanshaha. Tan iyo markii talada dalka Mareykanka uu la wareegay Madaxweyne Donald Trump, Soomaali badan ayaa dib looga soo celiyay dalkaasi, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dambiyo ka galeen Mareykanka iyo inay aysan heysan sharciga deganaanshaha. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Amniga Qaranka oo kulan ku yeeshay caawa magaalada Muqdisho ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho. Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka caasimadda, dood dheer oo ay yeesheen guddiga keddib waxa ay soo saareen qodobbada soo socda. Guddiga waxa uu falanqeyn iyo doodo keddib boggaadiyey ciidammada amniga sida ay uga jawaabbeen ficillada argagixisada, isla markaana ay u hor joogsadeen nabad-diidka oo doonayey in ay shacabka masaakiinta ah u geystaan khasaare xooggan Guddiga waxa uu tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobey falalkii u dambeeyey ee Argagixisada Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho. Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka Guddiga Amniga Qaranka ayaa go’aamiyey in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sida Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda. Guddigu waxa ay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka, iyo maamulka gobolka Benaadir in ay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, macdamaa ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa gobolka Benaadir. Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadeen qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu go’aamiyay in liiska argagixisada lagu daro kooxda Jamaactu Al Hijra oo la sheegay inay ka howlgalaan wadamada Somalia iyo Kenya. Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in Kooxdani ay xiriir toosa la leeyihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in kooxda Al Hijra oo sanadii 2008 lagu aasaasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay tahay laanta Al Shabaab ee Kenya. Sida bayaanka lagu sheegay Kooxda Jamaactu Al Hijra waxa ay gacan ka geystaan askareynta Maleeshiyaadka Al Shabaab ku biiraya,waxaana ay fududeysay in xubnaheedu ay si sahlan ugu socdalaan Somalia si ay ugu qeyb qaatan falal argogixisanimo. Sidoo kale, talaabadan cusub ee Mareykanku qatay ayaa ujeedka ka dambeysa waxa ay tahay in la takooro ururadaasi iyo kuwa ku abtirsadaba, islamarkaana laga hor istaago inay soo gaaraan hanaanka Maaliyadeed ee Mareykanka, sida bayaanka lagu sheegay. Geesta kale, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa wixii ka danbeysay 2016 ku dhiiraday inay sameeyan qeybo badan oo kamid ah Ururka balse ku shaqeeya qaabab qarsoon. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland ay faarujiyeen dhufeysyada ay ku lahaayen deeganka Af urur ee dhanka Koofureed kaga toosan magaalada Boosaaso ee gobalka Bari. Ciidamada ayaa la xaqiijiyay in deegaankaasi ay ka gurteen dhamaan wixii agabkooda ah, iyaga oo aan la ogeyn sababta rasmiga ah oo ay uga baxeen dhufeysyada. Bixitaanka ciidamada kadib waxaa si buuxda deegaanka ula wareegay maleeshiyada Al-Shabaab oo markii hore ku dhuumaaleysanaayay deegaano ku dhawaa af urur. Maleeshiyada oo watay Hub iyo gaadiid dagaal ayaa iminka degay deegaanka waxa ayna halkaa ka sameysteen fariisimo hor leh oo ay ka difaacdan deegaanka. Maleeshiyada ayaa deegaanka kula wareegtay dagaal la’aan waxaana iminka halkaa ka socda barakaca dadka deegaanka oo iyagu ka cabsi qaba in ciidamada maamulka ay soo qaadan dagaal. Geesta kale, maamulka Puntland ayaan wali ka hadal sababta ay ciidamadooda uga baxeen deegaanka, waxaana xusid mudan in maleeshiyadu ay wadaan baaritan. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
The Latest on the Trump administration's decision to extend protected status for Somalis (all times local): Source: Hiiraan Online
-
Al-Shabaab jihadists in Somalia’s Middle Shabelle region have ramped up “aggressive” child recruitment efforts, forcing outgunned residents who refused to surrender their kids to ultimately flee after fighting the heavily armed al-Qaeda affiliate, Kenya’s Standard newspaper reports Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda oo uu hogaaminayay kusimaha taliyaha NISA Cabdullaahi Adan Kulane Ayaa maanta Jabsaday xafiiska taliye ku xigeenka nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Cabdalla Cabdalla. Ciidamada NISA ayaa la sheegay in ay jabiyeen albaabada xafiiska taliye kuxigeenka NISA Cabdalla Cabdalla oo ku dhex yaala xarunta taliska NISA ee Habar Khadiijo Saraakiil ka tirsan hay’adda Nabadsugidda ayaa Jamhuuriyada Online u xaqiijiyay in ciidamada ay sidoo kale burburiyeen qalabkii xafiiska oo ay kujireen Kumbiyuutarro ay ku keedsanaayeen xogo muhiim ah. Kusimaha taliyaha NISA Cabdullahi Kulane oo ay qaraabo dhowyihiin madaxweynaha Somalia Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa la xaqiijiyay in xafiiska uu kala baxay dukumintiyo muhiim ah oo ay ku jireen xogaha kooxda Al-Shabaab kuwaas oo uu si qaas ah u haayay taliye kuxigeenka NISA Cabdalla Cabdalla. Tallabada uu qaaday Kulane ayaa imaaneysa xilli shalay uun loo magacaabay xilka kusimaha taliyaha NISA oo uusan aqoon u lahayn balse uu ka dambeeyay in xilkaas loo magacaabo madaxweyne Farmaajo oo ay qaraabo dhow yihiin sida ay sheegeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka. Qaar kamid ah saraakiisha NISA ayaaa aad u dhaliilay qaabka kusimaha taliyaha loogu magacaabay shaqsi aanan lahayn wax aqoon ciidan ah kana yimaaday qurbaha xilli ay joogaan saraakiil waayo arag ah aqoon buuxdana u leh shaqadaas muddo dheerna usoo halgamay. Maalmo kahor ayay ahayd markii uu taliyaha NISA warqad uusoo saaray shaqada uga joojiyay taliye kuxigeenadii hay’adda ee kala ahaa Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Cabdalla Cabdalla.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu safar ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha socdaalka madaxweyne Biixi, laakiin warar ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu Addis Ababa ku tagi doono martiqaad uu ka helay raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed. Madaxweyne Biixi ayaa wuxuu Addis Ababa markii u horaysay kula kulmi doonaa Raysal wasaaraha Itoobiya, oo la filayo inay ka wada hadlaan xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Madaxweyne Biixi ayaa hore u tagay Addis Ababa markii la doortay, waxaanu halkaas kula soo kulmay raysal wasaarihii hore ee is casilay, waxaanu kulanka haddu noqonayaa kii u horeeyay ee dhex mara madaxda Somaliland iyo Raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa toddobaadkii hore Addis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, waxaana la aaminsanyahay inay labada wasiir markaas isla qorsheeyeen socdaalka Madaxwene Biixi ee Addis Ababa. Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya xidhiidh dhinacyo badan, waxaana xidhiidhadaas hadda ku soo biiray saamiga 19% ee Itoobiya laga siiyay maalgelinta dekedda Berbera. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Isniintii iyo Talaadadii waxaa magaalada Brussels isugu tegey madaxda Soomaalida (Madaxweynaha iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada) iyo wakiillo ka socday dalalka deeqaha bixiya. Wuxuu daba socday shirar dhowrkii sano ee u dambeeyey ka dhacay magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Yurub, sida London, Brussels (shir midkan ka horreeyey) Copenhagen iyo Istanbul. Waxay ujeedadoodu ahayd in dawladda Soomaaliya lagula xisaabtamo hadba wixii ka hirgala barnaamijyada lagu taageerayo dawladda ee uu dhaqaalaha ku bixiyo midowga Yurub. Shirka waxaa markii hore lagu tala galay inuu dhaco qaybihii dambe ee bishii Juun, hase yeeshee codsi sida la sheegay ka yimid dhinaca Soomaalida ayaa dib loogu dhigay, ayagoo ujeedada ku sheegay in loo dabaaldegayo maalmaha qarannimada. Dib u dhacaas wuxuu keenay in wasiirro badan oo shirka u meteli lahaa dalalka deeqaha bixiya aysan ka soo qayb galin shirka dhacay 16-17 Luulyo, taa beddelkeedana ay dalal badan soo direen agaasimeyaal iyo safiirro. Shirka waxaa loogu tala galay in lagu gorfeeyo sidii hore loogu sii socon lahaa ayadoo la eegayo wixii soo qabsoomay. Haddii si kale loo dhigo, deeq bixiyeyaashu waxay doonayeen in ay ogaadaan sida iyo halka ay martay lacagtoodii, iyo in ay ku baxday si waafaqsan barnaamijyadii lagu ballamay shirarkii midkan ka horreeyey. Soomaalidana waxaa looga fadhiyey inay tafaasiil ka bixiyaan sidii ay uga soo baxeen ballamihii ay qaadeen. Labadiiba midna ma dhicin sida ay sheegayaan dadkii shirka ka qayb galay ee ka socday bulshada rayidka. “Dawladda Soomaliya waxaa la soo siiyey su’aalo ay u badan yihiin in aysan wakhtigeeda waxba ku darsan karin, inay arrinta amniga xoogga saaraan, inay dedejiyaan nidaamka hay’adaha sharci dejinta, inay hagaajiyaan wada shaqaynta maamul goboleedyada in la dhowro xuquuqda dumarka, in banaanka la keeno dhibaatada musuqmaasuqa iyo dadka samaynaya. Markaa warmurtiyeedka shirka ka soo baxay waa su’aalo la soo weydiiyey dawladda Soomaaliya, waana isla intii lagu weydiiyey shirkii London”, Sidaa waxaa yiri Maxamed Caalin oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya, kana mid ahaa dadkii shirka ka qayb galay. Arrimaha ay la yaabeen dadkii shirka la socday waxaa ka mid ahaa in madaxda Soomaalidu aysan la tegin wax qorshe ah oo la taaban karo, marka laga reebo warbixinno ay siinayeen deeq bixiyeyaasha. “Shir noocaas ah inuu dalka dibaddiisa ka dhaco khalad ayey ahayd, hadduu ka dhacaayana waxay ahayd inuu ka dhaco dal Soomaaliya saaxib la ah. Maamul goboleedyadana iimaan kuma qabaan oo markii dibadda la isugu tago hal qorshe oo Soomaalida ay wadato ma laha. Soomaalida qudheedana caqabadda haysata waa iyaga oo aan heshiis ahayn oo aysan jirin cid go’aanka looga dambeeyo” Sidaa waxaa yiri Dr Ibraahim faarax Bursaliid oo ka faallooda arrimaha gobolka. Sidaasoo ay tahay waxaa shirka lagu kordhiyey Soomaaliya 200 oo Malyan oo Doollar oo dheeraad ah mashaariicda midowga Yurub uu ka wado Soomaaliya, laakinse lacagtaas ma aha sida la sheegayo mid geli doonta gacanta dawladda Soomaaliya. Waxaa loo soo marin doonaa Qaramada Midoobay. “Mushaaraadka shaqaalaha dawladda iyo kan ciidanka ayaa toos ugu soo dhici doona akoonka dawladda” ayuu yiri Caalin oo intaa ku daray in dhaqaalaha mashaariicda horumarinta loogu talay iyagana la soo marin doono NGO-yo reer Yurub ah. Laakin Dr Bursaliid ayaa qaba feker ah in deeq bixiyeyaashu ay marka horeba abuurayaan qaab ay hay’adahooda NGO-yada ah ku hawlgalaan ee aysan si dhab ah ugu danaynayn in mashaariic horumarineed laga fuliyo Soomaaliya. Arrimaha aan lagala gabban ee la hordhigay madaxda Soomaalida waxaa ka mid ah in “aysan wakhti dheereysi ku fekerin”, oo doorashooyinkana “la qabto xilligii loogu tala galay”. Gunaanadkii shirka waxaa ka soo baxay warmurtiyeed ka koobnaa 81 qodob, kaasoo markiisii horeba uu suuqa ku sii jiray mid u dhow oo la sii qoray shirka oo aan la isugu imaan ka hor. Qodobbada qaarkood ayaa u muuqday kuwo wax laga beddelay, ama la kala hor mariyey. “Tan iyo markii la bilaabay nidaamka geeddi socodka siyaasadda Soomaliya (Roadmap) xilligii dawladdii Sheekh Shariif ilaa maanta beesha caalamka waxay waddaa isla farriimihii ay soo siinaysay Soomaalida, Soomaaliduna isla ka go’naantii ayey muujinayaan, arrintuna halkeedii ayey taagan tahay waana Shimbirayahow heesa, ilaa la helo xukuumad Soomaaliyeed oo ay ka go’an tahay horumarinta dalka, iyo ka go’naan Soomaalida dhinaceeda laga helo oo ay siyaasad ahaan ka heshiiyaanna, waddo iyo wadiiqo kale oo loo baxayo iima muuqato” ayuu mar kale yiri Dr Bursaliid. Shirkan oo ah mid sannadle ah, ayaa kan la qaban doono sannadka dambe waxaa ka soo horrayn doona mid kale oo dabayaaqada sannadkan ama horraanta sannadka soosocda dhici doona. Isha: BBC SOMALI
-
Cadalle (Caasimada Online) – Sida laga soo xiganayo Halbeeg News oo ay sameyso waaxda saxaafadda Amison u qaabilsan ayaa lagu sheegay dagaalyahanno Al-Shabab aad u hubeysan in ay dagaal la galee dadka deegaanka kuwaas oo dhawaan gaashaanka u duruuray amar ay kooxdu carruur uga qoraneysay degmada Cadalle. Waxaa lagu soo warramayaa in Al-Shabab ay ku amartay dadka waa weyn, waalida iyo bulshada kale ee baadiyaha in ay boqaal carruur ah oo ay askar u qortaan keenaan. Arintaas waxa ay dhalisay iska horimaad u dhexeeya maaleeshiyada Al-Shabaab iyo dadka deegaanka Guulanne iyo Kadare. Qof ka tirsan deegaanka oo ku hadlay xaalad colaadeed ayaa sheegay in Al-Shabaab barakiciyeen boqolaal deegaanka kuwaas oo ka dhaga adeegay in ay is dhiiban oo ay carruurtooda u dagaalamaan kooxda. “Dad badan ayaa ka qaxay guryohooda kaddib markii ay Al-shabaab ol’ole xoog ah ku bilowday qorashada carruurta. Waxaan ugu baaqeynaa dowladda in ay soo faragaliso,” ayuu yiri isaga oo ku daray in waalid badan iyo carruur lagu soo warramay inay ka qaxeen guryohoda iyaga oo ka cabsanayo in xoog lagu askariyeeyo. Tallaabadan ayaa imaneysa bilo kaddib markii ay hay’adda Human Rights Watch ay warisay in kooxdu ay bartilmaameysanneyso carruurta. “Ol’oalaha aan jixin jixaha lahayn ayey Al-shabaab carruurta kaga qaadaneysaa baadiyaha iyaga oo la jooga waalidkood si ay ugu shaqeeyaan mileshiyaadka hubeysan,” waxaa sidaas yiri Laetitia Bader, oo ah cilmaare xeeldheer ka tirsan Human Rights Watch sida lagu siidaayey warbixin la daabacay bishii Janaayo. “Si ay xaaladdas waxashnimo uga cararaan, carruur badan ayaa ka qaxay dusiyada iyo guryagooda, ayey ku dartay. Tobankii sano ee u dambeeyey Al-Shabaab waxa ay qoratay kumanaan carruur ah kuwaas oo la tababaray laguna biiriyey jiido kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), ayaa tilmaamay in Madaxweyne kasta oo Somaliya soo maraa inuu weji fiican tuso Somaliland, marka uu Kursiga ku fadhiistana uu nacayb u muujiyo. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Shirka ka furmay Ceel-afweyn, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Somaliya marka ay wax ka dhacaan, bay naxdinta ina soo eegaan, inta kale inama soo xasuustaane, inaguna mar kasta weynu u ducayn jirnay, colaada Dawladda Xamar inoo haysana maaha wax imika inagu cusub, waa wax waligeedba soo jiray, Madaxweyne kasta oo Xamar soo mara marka hore wax buu ina tusaa, marka uu kursiga ku fadhistana nacayb buu inoo muujiyaa, laakiin awalba waxba inamay jeeli jirin, imikana waxba inama yeelayaan, teena ayey noqonaysaa oo loo soo noqonayaa, Madaxda Xamarna waxaan leeyahay aynu ahaano laba dal oo jaar ah”. Wasiirkii hore ee Qorsheyntu mar uu ka hadlaayey Shirkan ka furmay Ceel-afweyn ayaa yidhi “Shirkan looma kala hadhin,Culimadii dalka, Salaadiintii kala duwanayd ee dalka, Madaxweyne ku xigeenkii iyo Siyaasiyiintii ugu cuslaa ee dalka ayaa ka qayb galay, waxaana ILLAAHAY ka baryayaa in khilaaf dambe iyo dagaal dambe aanu dhexmarin, labadan beelood ee walaalaha ah, waxaana labada beelood ee leeyahay waad aragtaan culayska iyo lexe-jeclada la idinka qabo, oo aanay cidina hadhin, oo intii mudnayd ee wadankan magac ku lahayd, siday idinku soo gurmadeen, markaas qiimaha aad leedihiin halkaas baad ka arkaysaan, waxaan idinkula talinayaa in taladdaas ugu dambeeya aad qaadatan, gacmaha isa saartaan oo aad isa saamaxdaan”. Mar uu baaq u diraayey Shacabka reer Somaliland ayaa wuxuu yidhi “Shacabka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa midnimo, walaalnimo, iyo inaynu la shaqeeyno oo aynu is garab taagno Dawladda iyo Ciidankeena Qaranka, oo difaacana aynu ka wada qayb qaadano, waxaana si aad ah u amaanaya cid kasta oo Ciidankeena Qaranka is garab taagtay, una caawiyeen” W/Q: Maxamed Ibraahim Qabo
-
Waxaa marag ma doonto ah in Soomaaliya waxbadan looga dayan doono ama lagula yaabi doono. Caasimadda dalka Belgium, magaalada xarunta u ah midowga yurub ee Brussels oo uu ka furmay kulan lagu lafa gurayey arimaha Soomaaliya kaasoo daba socday kuwii horay uga dhacay London iyo Muqdisho sanadkii tegay ee 2017-ka ayaa waxaa la yaab noqotay in ay soo gaaraan todoba madaxweyne oo ka socota hal dal. Soomaaliya waxay waddo cusub u furtay dowladdaha caalamka iyadoo arintani noqon karta hab dastuureed iyo nidaamka federal ah dunida ku soo kordhay qarnigan. Si kastaba ha ahaatee, shirkan oo ay dad badani rejo fiican ka qabeen ayaa muujinaya kala fogaansho dhinaca fikirka ah oo u dhaxeeya madaxda sarsare ee hogaamiya dowlad goboleedyada dalka. Shirka waxaa lagu diirad saarayey habsami u socodka adeegyada dowladdu shacabka u heyso, kobcinta dhaqaalaha, kasoo kabsashada dhibaatooyinkii lixaadka lahaa ee dalku soo maray iyo arimaha “bini-aadanimadda, ha ahaatee, madax badan ayaa u aragtay gorgortan iyo tartan loogu jiro awood qeybsiga dalka gaar ahaan kaalmadda dhaqaale ee ay bixinayaan midowga yurub. Dhalinyarada qurba joogta ah ee ku lugta leh saxaafadda soomaaliya iyo kuwa caadeystay inay dowladda dhaleeceeyaan ayaa u arkay fursad ay kula kulmi karaan mas’uuliyiinta dowladda taasi oo muujineysa in ay rejo ka leeyihiin in dalku u talaabsado dhanka horumarka. Mid ka mid ah dhalinyaradaasi oo aan magaciisa rabin in la shaaciyo ayaan weydiiyay sababta keentay in dad badani dacaayadeeyaan dowladda ayaa ii sheegay in uu weligii ka gadoodsanaa horusocod la’aanta dowladda iyo ballanqaadyada oo aan la fulin, dhalleeceyntiisuna ay marwalba salka ku heysay qaladaad badan oo aannu ka aamusi Karin. Dhinaca kale waxaan shaki ku jirin qilaafka weyn iyo mugdiga soo kala dhex galay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweyne goboleedka Jubba land, Axmed Madoobe. Siyaasadda Soomaaliya ayaa dhowaantan noqotay mid suuqa yaacsan oo ay shacabku kasii warqabaan tilaab walba oo ay madaxda sare qaadayaan, dadka ay la tashtaan iyo qorshooyinkooda gaarka ah ka hor inta aan go’aanada qaarkood loogu dhawaaqin si rasmi ah. Lacagaha loogu talo galo in lagu garab qabto dowladda taagta daran ayaa ku luma soo marista gacmo badan iyadoo marka dambena inta soo harta ay jeebka ku ritaan masuuliyiinta sar sare. Madaxweyne Farmaajo ayaa marki qudbadiisa la dhuuxo laga dareemi karay in uu hada u bilaabanayo halgan siyaaseed oo “u” baahan olole cusub si uu ugu sii nagaado kursiga “kadib” muddada afarta sano ah. Kulankii uu la qaatay jaaliyadda Soomaalida, halkii laga filayey in uu ka hadlo waxqabadka dowladda iyo siyaasad cad oo uu kula dagaalamayo argagixisada oo ay wehliso qodobo dhab ah oo ku wajahan hiigsiga mustaqablka dhow ayuu bedelkeedii doortay in uu ka sheekeeyo taariikho la wada ogsoon yahay. Madaxweynuhu wuxuu ku jiraa riyadii doorashada, isagoo mooda in weli shacabku xiiso u qabaan in been cusub lagu madadaaliyo. W/Q:: Abdul Aziiz Mohmoud Kulmiye Brussels Belgium
-
Gogol-Dhigga Qoraalka Sanadkii 2017 wuxuu ahaa sanad aan la ilaawi Karin, oo xanuun & wal-wal badan ku abuuray kuna reebay dadka Geeska Afrika & dunida xorta ahbaa, gaar ahaan shucuubta dalka Ethiopia, Musiliinta & Somalida. Waxaa deegaanka Hararghe (gaar ahaan Hawadaay & Balbaleyti) ka dhacay xasuuq & isir-sifeynaan loo aabayeelin loogeystay shacab Somaliyed oo qabiil walba leh, waxa kaliya ee loo xasuuqayna waa “waxaad tihiin Somali”. Laba maalmood gudahood (12.09.2017 & 15.12.2017) waxaa Bariga iyo Galbeedka Harar ama Hararghe (Hawaday & Balbaleyti) ee Gobolka Oromada lagu qowracay shacab oo ka badan 600 Somali Muslim. muddo bilohood ah waxaa la xasuuqay shacab Somaliyed, boqolaal ayaa la laayay ama la qowracay, halka kumanaan la barakiciyay, hanta & xoolo waxay lahaayeenna la boobay ama gubay. Waxaa xasuuqaa ka dambeeyay ama fuliyay madaxda & ciidamada dowladda Ethiopia & maamulka Oromada ooy hormuud ka yihiin dad sheeganaya magaca Oromo oo waliba Muslim ah. Arinkaa ayaa fajac iyo argagax ku noqday dadka Ethiopia, shucuubta Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamka. Kadib dhacdooyinkaa foosha xun, waxaan iksu dayay inaan wax ka ogaado taariikhda dadka & dhulka ama deegaanka uu xauuqu ka dhacay ee Deegaanka Harar; (i) dadka kunool dhulkaa, siday ku yimaadeen, qolada joogtay ama loogu yimid dhulkaa, (ii) siduu ahaan jiray xidhiidhka ka dhaxeeya labada shacab ee Oromada & Somalida guud ahaan, gaar ahaan Hararghe, (iii) Xasuuqa & mashaqada dhacday & cidda ka dambeysa & ujeedka ka dambeeyay, (vi) dhibka & qalalaasaha uu u keeni karo nadda aan cago ku taagneyn ee geeska Afrika. Hadaba, waxaan fursad u helay inaan la sheekeysto dad badan oo Oromo & Somali ah, waxaa kale oon akhriyay qoraalada & dukumiintyada dowlada Ethiopia, gaar ahaan tirakoobka dadweynaha ee 1994, & qoraalo ay sameeyeenashkhaas & hay’ado caalami ah. Dhibaatada ugu weyn ayaa ah ayada ooyna jirin qoraalo ama raad-raac ay sameeyeen aqoon-yahanka Oromada & Somalida. dhammaan tix-raacyadaa ahaa ah kuwo ay qoreen dad aan Somali ahayn (sida ahaan tirakoobka dadweynaha ee 1994 oo ay qoreen shaqaale Xabashi & Oromo ah oo ka socday dowladda dhexe), halka qoraalada qaar ay qoreenha’ado caalami ah & shakhsiyaad Xabashi ah. Dhanka kale markaan ka eegno waxaan helay suugaan aad u badan ooy Somalidii hore ka tagtay, waxaana ugu muhiimsan gabayada oo ahaa xiliyadii hore waxa kaliya ee isku xidhi jiray shucuubta, deegaanka & taariikhda. Qoraalkani ma aha mid dhamays tiran, wuxuuse noqon karaa mid laga amba qaado oo lagu raadin karo xogta dhabta ama daahsan ee dadka iyo deegaanka Harar (Hararghe) guud ahaan, gaar ahaan aagga Balbaleyti oo ah halka ay mashaqada ugu ka dhacday. Hadaba, waxaan isku mashquuliyay inaan helo taariikhda shacabka Somalida iyo Oromada ee deegaanka Harar (Hararghe), gaar ahaan Balbaleyti, wakhtiga ay yimaadeen ama tageen halkaa, iyo macnaha “magaca Balbaleyti”, waxaan helay ama ururiyay xogo macquul ah, wallow ay iga maqan yihiin waxyaabo badan, waxaana jeclaan lahaa in qofkii haya xog ama macluumaad arinka Harar (Hararghe) ama Balbaleyti iyo dadka daga ama dagi jiray inay sheer-gareeyso ama qoraal ku sameeyaan, lana wadaagaan bulshada Somaliyed. Xidhiidhka Soomaalida iyo Oromada Somalida & Oromadu (gaar ahaan Oromada Harar, Caruuso iyo Boran) waxaa ka dhaxeeya xidhiidh soojireen ah. Labada shacab waxay wadaagaan waxyaabo badan; waxaana ka mid ah deegaanka, dhaqanka iyo hayb-raaca (isirka) & diinta. Taariikhdu waxay qortay in Oromadu (gaar ahaan kuwa Harar iyo Caruuso) tahay kuwii soo dhoweeyay Sayid Maxamad iyo Daraawiish oo ka soo qaxay colaaddii Somalida & Gumaystihii Yurub (Engiriis), halka Somalidu ahayd walina tahay saanad & cudud, iyo halka kaliya ee Oromado muciin u ah ama aadaan mar walba ooy dhibaato la soo daristo. Dadka Kushitiga (Cushitics) ama dadka ku hadla Afka Kushitik-ga (Cushitic-speaking people) waxay ku nool yihiin wadamada Geeska / Bariga Afrika, sida Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somaliya & Sudan, waxaana ka mid ah dadka Agaw, Alaba, Arbore, Beja, Boni, Burji, Daasanech, Canfar, Gedeo (Darasa), Hadiya, Kambaata, Konso, Libido (Maraqo), Maraago, Oromo (Borana, Guji, Gabra, Ittu (Qotu), Macha, Wellaga, Tulema, etc), Qebena, Qimant, Qwara (Falasha), Raya, Rendile, Sakuya, Saho, Sidamo, Somali, Timbaro (Timbara), Warji & kuwo kaleba. Canfarta, Oromada & Somalida waxay wadaagaan xuduud dhulka, halka Agow ay dagaan dhulka u dhaxeeya Ethiopia & Eritrea. Dad badan ayaa aaminsan in Xadaaradii & Boqortooyadii Aksum (Aksumite civilization & Axum Kingdom) & Afka Ge’ez-ka ay sameeyeen Xabashidu (Amhara & Tigray), waxaase la ogaaday inay qowmiyada Agow ay xadaarad ka sameeyeen dhulka Buuraleyda Xabashida kahor intayna Xabashidu imaanin dhulkaa. Magaalada Harar waxa ahayd magaalada ugu caansan Geeska Afrika qarnigii 11aad, waxayna noqotay Caasimadii Muslimiinta Geeska Afrika. Sida laga dareemayo raadadkii culimada Somaliyed, waxaad arkeysaa in badankood sheegtaan inay wax ku barteen deegaanka & magaalada Harar. Hadaba su’asha ayaa ah yaa deegaan ahaan iska leh ama dagi jiray ama ku soo horeeyay deegaanka & magaalada Harar; Somaali mise Oromo? Taariikhda Soomaalida iyo Oromada Deegaanka Harar? Xogaha aan helay waxaa kamid ah inay Somalida iyo Oromadu yimaadeen dhulka ama deegaanka Harar oo uu ka mid yahay deegaanka Balbaleyti wakhti hore iyo xilliyo kala duwan. Lama xaqiijin karo qolada ugu hortimid ama ku horeysay deegaankaa, waxaase jira qoraalo cadaynaya inay labaduba yimaadeen xilliyo isku dhow (qarniyadii 14aad – 16aad). Waxaa la sheegaa in marka jabeen Muslimiintu wakhtigii Axamad Guray ay Oromadu soo gashay dhulkii ay Somalidu banaysay ee Harar, iyo in markay jabtay Daraawiish inay Oromada Hararghe iyo Caruuso (Caruuso ama Arsi) soo dhoweeyeen Somalidii. Xogaha qaar ayaa sheegaya inay Somalidu timid dhulka ama deegaanka Balbaleyti wakhtiyo hore iyo xiliyo kala duwan. Maadama Balbaleyti ay hoos tagto Harar oo ahayd caasimadii Muslimiinta, gaar ahaan Somalida waxaa hubaal ah inay Somalidu joogtay dhulkaa wakhti aan ka yarayn shan-lix qarni. Waxaase jira qayb kamid ah Somalida oo deegaanka Balbaleyti timid wakhtigii Daraawiishta, waxayna isugu jireen dad culima ah oo qolo walba leh, kana fikir duwanaa daraawiish iyo Sayid Maxamad. Dadkaa ama Culimadaa waxaa hormuud u ahaa culimada, waxaana ka mid ahaa Sheekh Yuusuf Dubad (Cagayare) oo udhashay Ogaden (Ree Warfaa, Ree Cabdile (Cabdulaahi), Maxamad Zubeer). Arinkan wuxuu ku tusinayaa inay Somalidu dhulkaa ama deegaankaa ugu timid Oromo ama Oromadu dagi jirtay dhulka Harar (Balbaleyti) iyo Caruuso (Carsi ama Arsi). The Joshua Project: waxaase jira xogo ama darasado ay qoreen hay’adaha Ree Galbeedka gaar ahaan kuwa faafiya diinta kiristaanka (The Joshua Project) oo sheegay arinkaa wax ka duwan. Mashruuca Yashuuca (the Joshua Project) oo ah hay’ad raadisa taariikhda shucuubta dunida gaar ahaan kuwa ay ku yarhiin dadka aaminsan diinta kiristaanka wuxuu sheegay in Oromada Hararghe (Ittu, Ania, Ala, Nole, Jarso & Babile) ay qarnigii 16aad yimaadeen dhanka ama deegaanka Harar, ayagoo noqday beeralay-xoolo dhaqato ayagoo sameeyay wada-nool ayaga iyo Soomaalida. Carra-Weelo: Haweeneyda lagu magacaabo Carra-Weelo (ama Carraweela) waxaa laga sheegaa inay ahayd hogaamiye soo xukuntay dhulka Geeska Afrika gaar ahaan deegaanada Somalida, qaar kamid ah Oromada & Xabashida. Arinkaa wuxuu arinkaa ku tusayaa isdhax-galka labada umadood ee Somalida iyo Oromada & inay Somalidu hogaanka u haysay shucuubta Geeska Afrika ooy ku jiraan Oromadu. Dadka qaar ayaa sheega in Carra-Weelo xukuntay dhulka Somalida ilaa Agow ee xadka Ethiopia & Eritrea. Nasiib darro lama hayo wax sheegaya wakhtiga ay Carra-Weelo xukumi jirtay dhulkaa iyo qabiilka ay ku hayb tahay ama ka dhalatay. Carra-Weelo lama oga inay tahay wax jira ama khuraafaad Somalidu samaysatay. Sheekada Carra-Weelo waa sheeko ku xoog badan taariikh-afeedka Soomaalida, waxaana looga sheekeeyaa siyaabo kala duwan. Dadka qaar waxay ku sheegaan inay ahayd boqorad Soomaaliyeed oo waayo hore ka talin jirtay qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya. Waxay caan ku noqotay ciqaabta Ragga (xaniinyaha ka bixin jirtay) iyo dumarka oo ay xuquuqdooda difaaci jirtay una dagaallami jirtay. Raggu markay ag-maraayaan xabaasheeda waxay ku tuuraan dhagax ay u la jeedaan kohasho iyo neceyb, dumarkuna waxay ku tuuraan laamo qoyan ama ubax ay uga gol leeyihiin bogaadin iyo uriyaaqidda wanaagii ay dumarka taaran jirtay. Axmad-Gurey qarnigii 16aad: Axmad-Gurey wuxuu ahaa hogaamiyihii horseedka u ahaa fidinta diinta Islaamka ee Geeska Afrika, asagoo gaadhay xadka Ethiopia & Sudan. Wakhtigii Imaam Axmad-Gurey Muslimiinta Geeska Afrika waxay ahaayeen dad isku duuban oo isku hadaf ah, sidaa ayayna ku gaadheen guulo lama filaan ah. Jabka Muslimiinta ee wakhtigaa waxaa sabab u ahaa laba arimood; ayagoo dhexdood khilaaf ku yimid iyo Gumeystihii Bortuqiiska oo hub iyo saanad iyo ciidan ku taageeray Boqortooyadii Xabashida. Waxaa la sheegaa in 21 Feb 1543 Imaam Axmad-Gurey lagu dilay dagaalkii Weyna Dhaga (Battle of Wayna Daga) kaas oo ka dhacay Bariga Harada Taana (Lake Tana) ama magaalada Baxar-daar (Bahirdar) ee caasimada Gobolka Axmaarada. Waxaa kale oo la sheegaa in Imaam Axmad-Gurey lagu xabaalay magaalada “Shire” ooy Tigraygu u yaqaanaan “Inda Selassi” oo macnuhu yahay “sadexda ilaah ee ay caabudaan”. Shire waxay ku taalaa cidhifka waqooyi ee Ethiopia ama gobolka Waqooyi-Galbeed ee MaamulkaTigray, waxayna u dhowdahay xadka Ethiopia, Eritrea & Sudan. Saldanadii Ajuuraanka qarniyadii 12aad-18aad: waxaa la sheegaa in Saldanadii Ajuuraanka (Ajuuraan Sultanate) ay ka talin jirtay Geeska Afrika oo lagu sheego inay ahayd boqortooyadii Somali ugu horreysay ayadoo markii danbee ku fidday dhulka Somaliyed iyo Afrikada Barri, illaa xeebaha Konfur Afrika iyadoo addegsaneysay ciidan, gacansi iyo xidhiidh caalami ahba. Saldanada Ajuuraanka waxay dagaal la gashay sadex quwadood oo damaaci kaga jiray dhulka somalida iyo Afrika kuwaas oo ahaa Boqortooyadii Xabashida, Gumeysigiiy Bortuqiiska iyo duullaankii Gaal Madow (Oromo), weyna ka guuleysatay dhamaan xoogagaa shisheeye eek u soo duulay dhulka Somalida. Harar waxay ka mid ahayd dhulka ay xukunto Saldanada Ajuuraanka, lamase hayo wax cadaynaya in shacabka deegaankaa deganaa ahaayeen Somali ama Oromo ama qowmiyado kale. Raahibki Xabashida (the Abysinian Monk) qarnigii 16aad: Raahibkii Xabashida (the Abysinian Monk) ee Abba Bahrey oo u dhashay Tigray wuxuu ku sheegay buug uu qoray qarnigii 16aad waxyaabahan: “Oromada ayaa duulaan soo qaaday, ayadoo qabsatay deegaanka Koonfur-Bari oo daris la ah Baali (xarunta Gobolka Caruusada ee maanta) ka hor dagaalkii Axmad-Gurey (qarnigii 16aad). Dagaalada Oromada waxay ahaayeen kuwo xadidan, waxayna mar walba ku soo laaban jireen xaruntooda oo u dhoweyd Wabiga Shabeele. Sanadadii 1551-1567 waxay jabiyeen ciidamdii Amiir Nuur Bin Mujaahid oo ahaa Amiirkii Harar”. Hadaba xogta uu qoray Raahib Abba Bahrey wuxuu ku tusayaa imaanshaha Oromada ee deegaanka Harar oo ahaa qarnigii 16aad ama wakhtigii ay Muslimiintu jabeen, wuxuuna ka dhigan yahay Somalida ayaa ku horeysay ama daganeyd dhulka ama deegaanka Harar kahor inatyna Oromo imaanin. Qoraalka Raahibku wuxuu isku xidhayaa duulaanka Gaal-Madow, dagaaladii Garaad Wiil-Waal (Garaad Xirsi Faarax Xirsi) iyo jabkii Saldanadii Ajuuraanka (Ajuuraan Sultanate) iyo ciidamdii Axmad-Gurey. Raahibku waxaa kale oo uu sheegay in dagaalka ama weeraka Oromadu uusan ahayn dhanka Bariga ama Somalida oo kaliye ee ay duulaanno ku qaadeen dhulkii wakhtigaa la odhan jiran Xabashida ama Abysinia (Amhara & Tigray). Qoraalka Raahibka ayaa waafaqsan warbixinta Mashruuca Yashuuca (the Joshua Project) ee sheegay in Oromada Harar (Ittu, Ania, Ala, Nole, Jarso iyo Babile) ay yimaadeen dhulkaa qarnigii 16aad, kadibna noqday beeralay-xoolo dhaqato ayagoo sameeyay wada-noolaansho ayaga iyo Soomaalida. Garaad Wiil-Waal Qarnigii 16aad: Garaad Wiil-Waal oo ka soo jeeda dhulka Harar gaar ahaan Jig-Jiga wuxuu talinayey xilli lagu qiyaasay qarnigii 16aad wuxuuna xukunkiisu ku koobnaa dhulka Soamlidy. Dagaal khadhaadhayaa ayaa wuxuu ku dhexmaray Somalida iyo Gaal-Madow (Oromo) aagga Jig-Jiga waxaana kala hogaaminayay Garaad Wiil-Waal (Somalida) iyo Gaal-Gureey (Oromada) waxaana dagaalkaa lagu jabiyay Gaal Madow (Oromada). Garaad Wiil-Waal oo markuu jabiyay Gaal Madow (Oromo) iyo Boqorkeedi (Gaal-Gureey) ayuu mariyay gabaygan oo ah maansada kaliya ee laga hayo Garaad Wiil-Waal: Xalay gallin dhaxaadkii, miyaan gogosha soo laabay Gurxanka iyo gooraanka, iyo goohi iga yeedhay Hanqadh geeda laaya ah, miyaa laabta iga guuxay Ogaadeen Galduur iyo, haduu, Webi [Wabi Shabeele] kasoo gaasay Meeshiyo Garlawgubay haduu, Galowgu eedaamay Guntadayeey hadaan khayligii, labada naas geeyay Asaan wayrax nadigii gashay, u’u gucumo aar yeeshay Gaaladii [Oromo] ka goor iyo ka goor, riibi nagu goysay Gurey [Gaal-Gureey] maalintaan dilay, colkeed inuu go’aan sheegtay Golyaay maalintaan idhi darkii, inay gashaan sheegtay Meeshaan ka geylamay, dadkii inuu go’aan sheegtay Garbidaan ku tiirsaday, rag inuu garab maraan sheegay Geeraarshe-dheer iyo dagaal, waran galaan sheegtay Gacaniyo in geed laga hadliyo, gobonimaan sheegtay Hayaankii Harar (Balbaleyti) & Daraawiish 2.1. Soomaalida iyo Harar Deegaanka Balbaleyti wuxuu hoos tagaa Harar oo ahayd caasimadii Muslimiinta laga soo bilaabo qarnigii 14aad. Muslimiinta Harar waxaa hormuud u ahaa Somalida iyo Canfarta. Maadama Balbaleyti ay hoos imaato Harar oo ahayd caasimadii Muslimiinta gaar ahaan Somalida waxaa hubaal ah inay Somalidu joogtay deegaanka Balbaleyti wakhti aan ka yarayn afar-shan qarni (ama 400-600 sano). Somalidu waxay timid dhulka ama deegaanka Balbaleyti wakhtiyo kala duwan inkastoo kuwii ugu dambeeyay ay yimaadeen wakhtigii Daraawiish. Wakhtigaa waxaa jiray Culimo badan oo fikirkoodu ka duwanaa firirka Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulaahi Xasan. Kadib markay culimadaa dareemeen inayna ku noolaan karin Daraawiish dhul ay joogto ayaa waxay go’aansadeen inay u haajiraan (u guuraan) dhankaa iyo Galbeed gaar ahaan dhulka Oromada waxayna la dageen qabiilada Oromada sida Caruuso, Noola, Oboro iyo Ituu. Hadaba qabiilada Oromada ee Noola, Oboro iyo Ituu way soo dhoweeyeen culimadaa, halka ay Caruusadu weerar & dhac kala hor tagtay culimadaa ka soo baxsatay Daraawiish. Wakhtigaa waxaa la sheegaa inuu Sayid Maxamad Cabdulaahi Xasan amar ku bixiyay in la dilo culimada ka soo horjeeday, sidaa ayayna culimo badan iyo reerahoodu kaga soo guureen dhul Soomaali iyo carro Daraawiish. Somalida waxay dhulkaa ay yimaadeen dhulkaa ay yimaadeen ku heleen Amni iyo Amaan, waxayna ka bilaabeen fidinta iyo baritaanka Quraanka iyo diinta Islaamka, ayagoo dhulkaa ka dhigay meel ama hooy ay ku soo hirtaan Xer-Cilmiga (Dhaalib Cilmi) Somali ama Oromo ha ahaadaanee. Gabaygii Sayid Maxamad ee ahaa “Ba’ a ee yow sheega” ee uu u tiriyay niman Sool clan ah la isku yidhaahdo Bah-Ararsame waxaa ku jiray todoc uu kaga hadlay culimada Soomaaliyeed ee u guuray Galbeed. Sayidku isagoo u digaya sheegayana mar haddii uu gacanta u qaado waxa ku dhici doona culimadaa oo uu hormuud u ahaa Sheekh Yuusuf Dubad (Cagayare) ayuu tiriyay gabay dheer waxaana ka mid ahaa: Culimada sidii Baaniyaal[1], baladka gaal joogta Baabkii Allaa laga akhriyey, inay beloobeene Inay belalka naartii ku dhici, ba’a ee yow sheega Ninkii balada laguu yeeriyee, bayraq lagu duubay Marna haddaanu bara aaminiyo, baahi geys noqonin Inaan boqorka loo deynahayn, ba’a ee yow sheega Haddaysan sidii beelo raran, Xarunta soo buuxin Ama aanay Bangaal iyo Hindiya, beled kale u dhoofin Baaruud la fuuliyo intaan, bulay taxaabaayo Barakada Illaahay haddaan, badi u noolaado Inaan baarax nabadeed jireyn, ba’a ee yow sheega Hadaba waxaa dhacday in dagaal dhex maray Oromo (Caruuso) & Soomaali. Caruusada ayaa weerar ku soo qaadday Somalidii daganayd deegaanka Qarri-Juqood (Qarri-Jiqood) oo ku yaala aagga Nobob ee Gobolka Somalida waxayna halkaa ku laayeen dad badan ayagoon u aabayeelin caruur iyo ciroole, rag iyo dumar, waxaana halkaa lagu dilay Sheekh Yuusuf Dubad (Cagayare) oo ahaa hormuudka culimada iyo reeraha ka soo guuray Daraawiish iyo Sayid Maxamad Cabdulaahi Xasan. Soomaalida waxaa la soo darstay xaalad kale oo cakiran iyo inay mar labaad qaxaan goob ay ku helaan amaan iyo amni. Soomaalidii ayaa ka soo qaxday dagaalkaa, waxayna la dageen oo soo dhoweeyay Oromo Ittu, dhulkii ayay camirteen. waxaa dhulkaa iman jiray Xer-Cilmi (Dhaalib Cilmi), waxayna zakada ka qaadi jireen reeraha ama shacabka halkaa dagan, gaar ahaa shacabka Oromada ee Ittu. Oromo Ittu waxay ahaayeen shacab aad u wanaagsan, oo Islaamnimo, soo dhoweyn & wanaag lagu yaqaanay, wanaad weyna u galay Somalida, maantase waa la iksu diray labadii shacab ee walaalaha ahaa, waana siyaasad ay dowlada Ethiopia ka dambeyso (gardaro garab og). Xasuuqa Harar (Hawadaay & Balbaleyti) ee 2017! Xidhiidhka Soomaalida iyo Oromadu Harar Somalida & Oromadu waa dad wadaaga waxyaabo badan, waxayna leeyhiihiin xidhiidh soojireen ah. Labada shacab ee Somalida & Oromadu (Oromada Harar, Caruuso iyo Boran) waxay wadaagaan waxyaabo badan waxaana ka mid ah deegaanka, dhaqanka iyo hayb-raaca (isirka) & diintaba. Oromadu gaar ahaan kuwa Harar iyo Caruuso waxay ahaayeen kuwii soo dhoweeyay Sayid Maxamad iyo Daraawiish oo ka soo qaxay colaadda Somalida iyo Gumaystihii Yurub (Engiriis). Dhanka kale Somalida ayaa abaal weyn ku leh Oromada; mar walba oo dhibaato ku dhacdo Oromo, ama Oromo aqoon, cilmi & shaqo u baahato, meesha kaliya ee eey aadaan waa Somalida & dhulka Somalida. Oromadu waxay dhahdaa “Qofka Oramada ah (Oromo Muslims) waxbartaa wuxuu noqdaa Somali (Somali ayaa halkaa gaadhsiisay), halka kooda aan Muslim ahayn (Oromo Chrisitians) uu ka noqdo Xabashi (ileen Axmaaro ayaa wax soo bartayee). Hadaba hadalkaa wuxuu ku tusinayaa qiimaha & wanaaga Oromo u hayso Somalida & xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada qowmiyadood. Oromada (gaar ahaan Oromada Harar & Caruuso) waa shacab aad u wanaagsan, aaminsan in ayaga & Somalidu yihiin walaalo, waxyaabo bandanna wadaagaan. Oromada Harar & Caruuso waa shacab lagu yaqaanay Islaamnimo & soo dhoweyn & wanaag, ayagoo wanaag weyna u galay Somalida markay halganka kula jirtay Istcicmaarkii Ree Yurub & Xabashida. Maantase waa la iksu diray labada shacab ee walaalaha ahaa, wanaagu ka dhaxeeyay, waxaana la dhax dhigay colaad siyaasadeed oo ay dowlada Ethiopia (Ururka OPDO/ EPRDF) ka dambeyso (gardaro garab og). Xasuuqa Harar (Hawadaay & Balbaleyti) ee 2017 Sanadkii 2017 wuxuu ahaa sanad aan la ilaawi Karin. Laba maalmood gudahood (12.09.2017 & 15.12.2017) waxaa Bariga iyo Galbeedka Hararghe (Hawaday & Balbaleyti) ee Gobolka Oromada lagu qowracay shacab ka badan 600 Somali Muslim ah oo ka soo jeeda Kililka 5aad, & wadamada Djibuti & Somaliya. Waxaa xasuuqaa ka dambeeyay ama fuliyay madaxda & ciidamada maamulka Oromada ooy hormuud ka yihiin dad sheeganaya magaca Oromo oo waliba Muslim ah. Arinkaa ayaa fajac iyo argagax ku noqday dadka Ethiopia, shucuubta Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamka. Dadka lagu xasuuqay Hawaday (12.09.2017) & agagaarkeeda waxay gaadhayaan 100 Qof oo iskugu jiray ganacsatada, wakiilada shikadaha Qaadka & shacab caadi ah, halka dadka lagu xasuuqay Balbaleyti (15.12.2017) ay kor u dhaafayaan 300 Qof, waxaana badankood lagu xasuuqay xarumaha dowladda gaar ahaan saldhigyada ciidanka Booliska ee maamulka Oromada. Dadka lagu xasuuqay Hawaday (12.09.2017) waxay gaadhayaan 100 Qof oo iskugu jiray ganacsatada & wakiilada shikadaha Qaadka & shacab caadi ah, meesha dadka lagu xasuuqay Balbaleyti (15.12.2017) ay kor u dhaafayaan 300 Qof waxaana badankood lagu xasuuqay xarumaha dowladda gaar ahaan saldhigyada ciidanka Booliska ee Oromada. Dadka Somalida & Oromadu waxay aaminsan yihiin in madaxda & ciidamada dowladda Ethiopia (Ururka OPDO/ EPRDF) gaar ahaan maamulka & ciidamada Oromadu ooy hormuud ka yihiin madax sheeganeysa magaca Oromo oo waliba Muslim ah ay fuliyeen xasuuqaa waxshino ayagoo halkaa ku xasuuqay boqolaal shacab Somali ah. Arinkaa foosha xun ayaa fajac iyo argagax ku noqday dadka Ethiopia & shucuubta Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamka waxaana la waayay wax lagu macneeyo dhacdadaa foosha xun. Hadaba hadduu dadka Somalida & Oromadu aaminsan yihiin inay dowladda Ethiopia (Ururka OPDO/ EPRDF) ka dambeysa ooy fulisay xasuuqaa waxaa lagama maar maan ah inay ka wadas shaqeeyaan nabadeynta labada shacab, kahortaga xasuuqa lagu hayo shacabka Somalida, dambiilayaasha in la hor keeno cadaalada, iyo kahortaga dacaayada & magic-bi’inta lagu hayo shacabka Oromada. Gabo-Gabo & Talo-Bixin Labada shacab ee Somalida & Oromadu waa dad walaalo ah, waxayna wadaagaan xuduud dheer, waxaana dhici jiray isku dhac qabiilo kamid ah labada shacab iyo qaab lagu xaliyo isku-dhacyadaas ooy sabab u ahaayeen arimaha daaqa & xoolaha. Ma jiraan wax khilaaf ah oo u dhexeeyay Soomaalida & Oromada Hararghe. Mashaqada ka dhacday Bariga & Galbeeedka Hararghe (Hawadaay & Balbaleyti) ma aha wax horay loo arkay, Somalida & Oromaduna way ogyihiin cidda abaabushay ee fulisay xasuuqaa foosha xun. Shacabka waxaa xasuuqay ciidamada Dawladda Ethiopia, waxaana hormuud ka ahaa Oromo OPDO, ciidamada maamulka Oromo, Oromo Liyu Hial & malayshiyada QEERROO oo ah ciidan dowlad oo adeegsanaya dharka, hantida & gaadiidka dawladda. Waxaa xasuuqa amarka bixiyay madaxda ugu sareysa Ethiopia sida oAfhayeenkii Baarlamaanka (Abadula Gemeda), Madaxweynaha maamulka Oromo (Lemma Megersa), Madaxii OPDO/EPRDF (Abiy Ahmed), Afhayeenka dowladda dhexe (Negeri Lencho) & madaxda Qurbajoogta Oromada, madaxda amaanka & ciidamada dowlada dhexe & maamulka Oromada. Dowladda Federaalka waxay abuurtay jawi & waxyaabo u sahlay maamulka Oromo inuu geysto xasuuq waxshinimo oo aan loo aabo yeelin. Ree Galbeedku & UN-tuna way ka aamuseen xasuuqaa. Xasuuqu wuxuu keenay in Abi Axmad uu ku fadhiisto kursiga ugu sareeya dalka (Raisal Wasaare) waxa kaliya ee lagu doortay ama lagu abaal mariyay ayaana ah xasuuqa uu ku xasuuqay shacabka aan Oromo ahayn eek u dhe nool Oromada, gaar ahaan Somalida oo isu heystay inay Oromo yihiin, marka laga soo tagana rumaysnaa inay walaladooda Muslimka ah ee Oromo wax la qabaan. Nasiib darro waxaa dhacday in loo xasuuqay kabadn 1000 shakhsi shacab Somali ah ayadoon loo aaba yeelin hooyo & aabe, ilmo yar & waayeel, naafo & bukaan & wax xidhiidh la leh dhaqanka suuban, diinta Islaamka & dastuurka dalka ama kuwa caalamiga ah. Xasuuqii Hawadaay & Balbaleyti waxaa xigay kuwo kale oo ka dhacay Lagahida, Tuli-Guuleed, Ma’eyso, Moyale, Babile, Ceel-Kari & meelo kale. Ujeedka xasuuqa noocaas ah ayaa ah in colaad laga dhax abuuro Somali & Oromo oo ah dad walaala ah, ujeedka xiga ayaana ah in Oromo la xasuuqo ooy waayaan meel eey u cararaan ama muciin & walaalo caawiya. Oromadu hadday kuwii dad ugu xigay (Somalida) sidaa xun u xausuuqen way adag tahay inay taagero helaan waana ujeedka EPRDF Ethiopia. Dowladda Federaalka waa inay abuurtaa jawi sahlaya geeddi-socodka nabadda & wada noolaanshaha ladan shacab, waana inay joojiso ay danaha garaka ah & gorgortanka siyaasada. Waa in la sameeyo baadhitaan madax banana oo maxkamad la geeyo dembiilayaasha shacabka xasuuqday. Khilaafka siyaasadeed ma aha in uu abuuro iska horimaad & xasuuq qowmiyad. Maamulada & madaxda labada shacab & maamul waa in ay abuuraan xaalad ama jawi keeni kara dulqaad, caddaalad iyo xushmeyn xuquuqda muwaadiniinta labada shacab. UN & Ururada Xuquuq Insaanka waa inay sameeyaan baadhitaan madaxbannaan oo dhexdhexaad ah oo lagu sameeyo xasuuqa & xadgudubyada & barakicinta lagu sameeyay dadka shacabka ah ee Hararghe & qaybaha kale ee dalka. W/Q: Axmad Rooble roblehzy@gmail.com
-
Xafiiska Taliye ku-xigeenka koowaad ee Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Gen. Cabdalla Cabdalla Max’ed ayaa la sheegay in la jabsaday, iyadoo arrintana ay ku soo beegantay xili khilaaf ba’an uu ka dhex aloosan yahay masuuliyiinta heyaddaas. Wararka ayaa sheegaya in la burburiyey qalabkii Xafiiska iyo aqabkii yiilay, iyadoo dokumentiyadii ku jiray qaarkood la qaatay kuwo kalena xafiiskiisa dhexdiisa lagu daadiyey. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in falkan ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan NISA oo ka amar qaata Agaasimaha Hay’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus) oo dalka ka maqan. Xafiiska Taliye ku-xigeenka NISA Cabdalla Cabdalla oo ku dhex yaalla xarunta NISA ee Habar Khadiija loo yaqaan ayaa waxaa loo geystay fal ay saraakiisha NISA ku tilmaameen mid taariikhda Hay’adda ku cusub. Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili Agaasimaha Guud ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen uu maalmo ka hor shaqo joojin ku sameeyay labadiisa ku-xigeen ka dib khilaaf la sheegay inuu soo kala dhax galay. Qoraal uu Isniintii ah soo soo saaray Xafiiska agaasimaha Hay’ada Nabad Sugida ayaa lagu cadeeyay in shaqada laga joojiyay ku-xigeenadiisa kala ah, Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Col. C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano Jaamac.
-
Popular Contributors
