Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somaliland minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Dr. Saad A. Shire, who is on an official tour of Africa arrived in Addis Ababa, Ethiopia. Dr. Saad met his Ethiopian counterpart Dr. Workneh Gebeyehu. Somaliland representative in Ethiopia Ambassador Ahmed Egal was in attendance as well. The meeting was specifically focused on the security in the region, trade, education and to bolster the bilateral relations. Latest developments of tripartite port deal agreement between Somaliland, Ethiopia and DP World was discussed as well. Dr. Shire’s visit in Ethiopia is part of his Four- nation tour; Ghana, Senegal, and Mauritania in which he attended AU summit. MOFA, Somaliland
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Kheyre oo hortaagan in sanadkan xajka la aado, sababo al xiriira dowladda Sacuudiga oo soo diiday shirkado diyaaradeed oo ay wataan shaqsiyaad ka tirsan dowladda. Xildhibaanka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in acmaashii waajibka ahayd ee xajka loo qal-qal geliyo raali gelinta shaqsiyaad iyo shirkado gaar ah. Hoos ka aqriso qoraal uu xildhibaanka soo dhigay facebook: Gudashada Acmaasha Xajka ee sanadkan oo u xiran sidii waddooyinka Xamar oo kale. Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo isu soo diyaariyay gudashada Acmaasha Xajka ee sanadkan, waxayna ka kala yimaadeen goballada dalka, balse waxaa nasiib darro ah inay Xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ummaddii gelisay jahawareer ah inay garan waayeen shacabka Soomaaliyeed meel ay u doontaan Visihi Xajka iyo cid ay kala macaamilaan, kaddib markii lagu dhex milay howlaha xajka dano shakhsiyaad/shirkado gaar ah howlihii Xajkana waxaa loo xanibay dano ganacsi iyo kuwa siyaasadeed, lamana siin wax tixgelin ah shacabka duruufaysan ee doonaya in ay soo gutaan acmaasha xajka sanadkan 2018/1439 Hijriyadda. Haddaba waxaan Madaxda Qaranka ugu baaqayaa inay ka tanaasulaan tixgelinta masaaliixda shakhsiyaadka gaarka ah lana tixgeliyo maslaxadda Xujayda Soomaaliyeed loona fududeeyo oo loo fasaxo shirkadaha ruqsada ka haysta labada dal in ay daabulaan xujayda maadaama waqtigi Visaha la dablbi jiray uu sii idlaanayo mudadii xajkana ay ka harsan tahay 1 bil oo kaliya, halka aan weli wax Visa ah la soo saarin, iyadooa Sanadkaan Soomaaliya loo qoondeeyay tiro ka badan 9 kun oo ruux inay soo xajiso, mana harin muddo lagu soo saaro 9 kun oo Viso, isla markaana lagu daabulo 9 kun oo ruux waxaan mar kale xusuusinayaa in ay madaxdu mas’uuliyad gaar ah iska saarto arrimaha xajka, halka ay ku mashquuleen in ay shaqada ka ceyriyaan kolba Wasiirka ama sarkaalka kale ee wax yar ka xishooda in ummadda la dhibo una fikira sidi loogu dhimri lahaa, waxaa kale oo aan mar walba aragnaa warqado is burinaya, kana soo baxaya xafiisyada laanta fulinta ee dalka oo aan ahayn kuwa ka turjumaya maslaxada dalka, welibana meel ka dhac ku ah sharafta iyo karaamada dowladnimo, loogna gol leeyahay dano gaar ah. Waxaan sidoo kale la soconnaa in Wasiirki labaad arrimahan dartood shaqada looga ceyriyay, sidoo kale saarkiil kale shaqada looga fadhiisiyay, waxaana layaab ah in markii u horeysay in Acmaashii Xajka ee sanadlaha ahaa uu qalqal u galo dano shakhsiyadeed iyo mid siyaasadeed oo laga wado Xafiisyada ugu sareeya dalkasa.
  3. NAIROBI, Kenya, Jul 12 – The Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS) is seeking an expanded mandate to tackle piracy-linked crimes such as terrorism. According to the Chairman of the Indian Ocean Commission, the existential threat posed by piracy could only be tackled effectively with a wider mandate. “We are making a formal proposal that the CGPCS becomes a permanent organization that would deal with piracy and many issues linked either directly or indirectly,” said Seetanah Lutchmeenaraidoo, the Chairman of the Indian Ocean Commission, who is also the Mauritious Foreign Affairs Minister. Speaking during a media briefing on the sidelines of the 21st Plenary Session of the CGPCS at the United Nations Complex in Gigiri, Nairobi, he singled out terrorism and cross-border crime as key drivers of piracy. “You cannot fight piracy if you forget the other connected issues. We’re going to suggest that we work on how to expand the piracy mission so that we integrate other connected issues,” Lutchmeenaraidoo said. The sentiments were backed by Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma and her Defence counterpart Raychelle Omamo. Omamo reiterated Kenya’s commitment to peace and stability in Somalia which she said was critical in the ongoing campaign to reduce the vulnerability of populations to being enlisted to terror cells. “It is our duty to reduce the vulnerabilities of our people, to empower them to take charge of their lives, to increase economic prosperity, and that can only come when there’s peace and stability,” she said. Omamo noted efforts being made by the Kenya Defence Forces in the war against piracy at the Indian Ocean saying the war on terrorism will be sustained. “We must fight these ills – piracy and terrorism – in tandem because in many ways terrorism extends into the waters through piracy and piracy extends to land through terrorism,” she observed. In her comments CS Juma emphasized the importance of enhanced maritime security saying piracy was a threat to Kenya’s ambition of harnessing the potential of the blue economy. “Maritime security becomes very important to foundation the blue economy discussions and strategies that will improve the prosperity of coastal communities, improving their livelihoods, growing our prosperity and improving humanity in general,” the Foreign Affairs CS stated. She said maritime security and blue economy were intertwined hence the government’s commitment to the war against piracy. According to Oceans Beyond Piracy’s (OBP) State of Maritime Piracy Report (2017), incidents of sea robbery in the East African coast alone doubled from 27 in 2016 to 54 in the year under review. OBP reported a similar trend for seafarers exposed to piracy threats from 545 in 2016, to 1,102 in 2017. Along the West African coast, there were 97 incidents in 2017 compared to 95 in 2016 according to OBP. The study reported a total of 21 kidnappings, thrice the number reported in 2016. According to the report, 100 seafarers were taken hostage among whom 90 were held for more than a day compared to only 56 in 2016. Two killings were reported. The ongoing session CGPCS has attracted delegates from 68 nations numbering over 200 is set to conclude on Friday with a common declaration on deterrence of piracy threats off the coast of Somalia. Mauritius currently chairs the CGPCS which was established by the United Nations on January 14, 2009 to facilitate the discussion of actions and policies among States working to suppress piracy on the Somali coast. The establishment of the Working Group was in response to the United Nations Security Council Resolution 1851 of 2008 which was later replaced with resolution 1918 of 2010. The Working Group comprises among others a virtual legal forum, Law Enforcement Task Force, and the United Nations Trust Fund. Capital FM
  4. Muqdisho (Caasimadda Oline) – Iyadoo Maalmo laga joogo Qaraxii ka dhacya Xarunta Oto Oto Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay Magaca mid ka mia raggi fuliyey weerarkii qaraxyada ku bilwoday ee lagu qaaday xaruntaas7-dii bishan oo ah xarun ay degan yihiin Wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo Amniga. Waxaa lasoo badhigay Wareysi ay baahisay Warbaahinta Al-shabaab oo lala yeeshay ninkan ayuu ku sheegay intii aanu gelin howlgalka inuu falkaasi yahay mid jihaad ah, waxaana lagu magacaabaa Cali Ibraahim Macalim Aadan (Cali Dheere) oo da’diisu ahayd 31 sano jir muddo ka tirsanaa ururka Al Shabaab. Cali Dheere oo la sheegay inuu ahaa raggii galay xarunta Otto Otto ayaa ka soo jeeday Beesha Hadame, ee degta degaanada Koonfur Galbeed, wuxuuna farriiin u diray waalidiintii dhalay, isagoo u sheegay inuu doortay fulnta howlgalkaasi. “Waa in gaalada dagaalka lagu laba jibaaro, haddii ay gaaladu ay dareemaan kala go’ ku yimaada dagaalka waxay dareemayaan kibir sidaas darteed maadama ay joogaan rag markasta diyaar u ah nafhurka waxaa la doonayaa in ragga la diyaariyo oo aysan gaaladu nasan” ayuu yiri. Kooxda Alshabaab ayaa dardaaran ka duubta dadka u diyaarsan inay fuliyaan is-miidaaminta, waxaana markaas kadib laga sii daayaa warbaahintooda.
  5. The UK government wants to see the ending in Tuke Raq hostilities in Sool region between Puntland and Somaliland to come to an end through negotiations. This was said by UK’s minister for Commonwealth Lord Ahmad who was questioned this week at the parliament of the efforts of UK govt to diffuse the growing tension in Tuke Raq and also to facilitate UN to find lasting peace in the region. Mr. Ahmed, UK Minister in charge of commonwealth said that his government is worried about the recent fighting between Somaliland and Puntland. He stated that the UK ambassador to Somalia Mr. David Concar is engaging with the leaders of Somaliland, Puntland and Somalia in order to encourage all sides to start fruitful dialogue and also urged them to refrain from any acts that will fuel the skirmishes. The minister said that they are in close contact with the UN to find a lasting solution to the recurring war in the region.
  6. The President of the Republic of Somaliland, His Excellency Musa BIhi Abdi on Thursday presided over in Hargeisa a meeting of the Council of Ministers, with several items on the agenda. The ministers along with the president and vice president discussed various issues on the agenda of the government. The council of ministers stressed the importance of improving the quality of Somaliland education. They discussed that teaching training, educational kits, and encouraging vocational education are vital for the improvement in Somaliland education. The council of ministers have underscored that all private schools must use Somaliland syllabus for their schools. The creation of technical schools in Somaliland will spur job creation for the youth. Somaliland is said to be one of the nations on earth where unemployment is rampant.
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga dalka, hiigsiga dhaqaalaha 2040-ka, Sharciga hanti-dhawrka, siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta iyo Soo noolaynta barnaamijka waciyi-gelinta qaranka. Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Maxamuud Maxamed Boonow ayaa golohu ka dhagaystay warbixin la xariirta amniga dalka, meesha uu marayo baaritaanka weerarkii xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshisiinta iyo wasaaradda amniga, horumarrada la sameeyay, hawl-gallada ciidamada xoogga dalku ay ku xaqiijinayaan amniga iyo qorshaha lagu sii laba jibbaarayo dadaallada sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka. Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa golaha wasiirrada uga war bixiyay qorshaha soo nooleynta barnaamijka wacyi-gelinta qaranka, wuxuuna faah-faahiyay habka ugu haboon oo barnaamijkaas uu ku guulaysan karo, si Shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideestaan. Tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa golaha u soo bandhigtay qorshaha dhaqaalaha dalka ee 20-ka sano ee soo socda iyo heerka la doonayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu gaaro sannadka 2040-ka, sidoo kale tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa golaha wasiirrada usoo bandhigtay hal-beegyada la dhameestiray iyo hal-beegyada la doonayo in lagu guuleesto kahor 2020-ka si loo fuliyo ballan-qaadyadii xukuummadda federaalka Soomaaliya. Tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa dhankeeda golaha wasiirrada usoo bandhigtay hal-beegyada hor-tebinta leh ee ay ka midyihiin horumarinta waxbarashada, hir-gelinta cisbitaallo dawladdu maamusho oo bulshada loogu adeego iyo hirgelinta hey’ad ka jawaabta xaaladaha deg-degga ah. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Aadan Isaaq Cali oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in golaha wasiirradu xukuummadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen siyaasadda qaran ee Siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta oo lagula xisaabtamayo hey’adaha ka hawl gala Soomaaliya, laguna ogaanayo hawlaha ay qabtaan oo wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ay horay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada. Puntland Post The post Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Siyaasadda Kormeerka Iyo Qiimaynta appeared first on Puntland Post.
  8. On 7 July 2018, an amended electoral law that allocates 20 percent of parliamentary seats to women is expected to be presented and discussed at the Somaliland Parliament. This ceiling is short of the 30 percent female political participation rate advised by the Beijing Platform for Action. However, if approved, it would be a reasonably good starting point considering the Somaliland context. The proposed women’s quota is a contentious issue in the Parliament and other public circles but it is expected to be secondary to other agendas such as the debate on regional representation between regions in the center on the one hand, and the eastern and western regions on the other. Somaliland has separate parliamentary, presidential and local council election laws and some representatives from the eastern and western regions believe they need to be updated. It is not clear if only a revised parliamentary or a consolidated national electoral law incorporating the women’s quota will be presented. It is also not clear if a draft for discussion or finalized amendment will be presented to Parliament, however, it is important to ensure adequate participation and consultation of all stakeholders. Women’s groups were not specifically involved in the amendement process and since the implementation of electoral quota laws are tricky due to the existence of loopholes that can be exploited by political parties, it is advisable to involve experienced women in the process. If it comes up for discussion, the women’s quota clause will likely face significant opposition. In 2010 President Ahmed Mohamoud Silanyo campaigned on a platform of greater women’s political participation, assuring the female electorate that he would sign into law political quotas for women. He did not fulfil this pledge after his election, citing Parliament as the bottleneck. Moreover, it is a lost opportunity that the educated women around him, be it in his family or cabinet did not pursue the issue any further. In 2017, President Muse Bihi also campaigned on a similar platform and he is to be commended for initiating tomorrow’s motion which proposes to establish women’s quota on the electoral lists at the political party level. Women expect that he will succeed in passing and enforcing the law since his party has a majority in Parliament, though it is unlikely the issue will be subject to the usual political party divisions. Quite the contrary the women’s political quota may unite men across party lines and their arguments will be on different levels. While the women’s empowerment discussion has evolved in Somaliland over the past two decades, there still remain poweful groups opposed to having more women in decision- making. They continue to cite religious and cultural factors as barriers, and are either unaware of or ignoring the sea-change in other conservative Muslim countries amending their legislation to ensure women’s greater participation in public life. More than any other factor, such changes are necessitated by economic pressures that are beginning to be felt or expected to be felt in the near future. No country will achieve sustainable human development without educating and involving women who represent half the population, in the economy. Countries that have realized this are amending their legislation. We can also expect opposition from men who believe that allocating a share of the seats will reduce their chances of becoming MPs by allocating 18 out of 82 seats to women. But rather than stating their unwillingness to share the pie, this group will likely cite opposition on religious and cultural barriers. It would be difficult for women to win any debate with this group of men. Other men have recently advanced arguments that question women’s quotas on technical grounds but Somaliland should learn from the experiences of other countries. Affirmative action and quotas have played a signficant role in increasing women’s political participation in countries where women face discrimination in elections. Deqa Musa deqamusa@outlook.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Garsoorka, Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa qoraal dheer oo ay u gudbiyeen guddoomiyaha golahan waxay kusoo bandhigeen baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen muranka ka jira aadista Xajka sanadkan 2018 ee dhanka Soomaaliya. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in halis weyn ay Xujeyda Soomaaliyeed ugu jiraan in sanadkaan aanay bixin sababo la xiriira muranno jira. Qoraalka ayaa waxaa si aad ah loogu ceebeeyey xukuumadda Kheyre oo goluhu sheegay in shirkado aan awood u lahayn inay xajka u qaadaan dadka, oo aan ogolaansho ka haysan dowladda Sacuudiga qeyb laga siiyey daabulista dadka aadaya xajka. Shirkadaha cusub, ee raba xajka waxaa ka mid ah Freedom, African iyo Ocean, waxaana wata oo lacag ka qaata xildhibaano uu ka mid yahay Cabdishakuur Cali Mire iyo agaasime ku xigeenka madaxtooyada Cabdirisaaq Shoole, oo sidoo kale qabiil aanu ka marneyn Gudiga ayaa sheegay in shirkadaha Jubba iyo Daalo kaliya laga ogolyahay Sacuudiga, sidaas darteedna ay qasab tahay in dowladdu fasaxdo, oo aan xayirin haddii shirkadihii kale la diiday. Guddiga ayaa ku eedeeyey xukuumadda musuq maasuq iyo in ayada oo aan qaban wax tartan ah ay shirkado cusub siisay awood ay dadka xajka ugu qaadaan. Hoos ka aqri warbixinta guddiga
  10. Addis Ababa— Ethiopian Foreign Minister, Dr. Workeneh Gebeyehu on Thursday received the delegation headed by his Somaliland counterpart, Dr. Sa’ad Ali Shire who is on official visit to Ethiopia. Somaliland’s FM was flanked by Ethiopian head of mission, Hon. Ahmed Egal and and attache on trade to diplomatic office in Ethiopia, Mr. Abdirahman Abdi. Both ministers have stressed the need to enhance existing bilateral ties on the areas of security, trade and education. They also exchanged views on the general situation of the Horn of Africa and the unfolding political changes to the region. It is agreed during the one hour talks that Ethiopia, Somaliland must boost the cooperation and the realization of the Berbera port agreement where Ethiopia is part and parcel of the deal since the takeover of the port by Dubai ports world. The FM of Somaliland is on working tour to certain African countries including Ghana, Senegal and Mauritania and attended the African Union Summit. Somaliland is a broke away from Somalia in 1991 but it has not been official recognized as an independent country by the int’l community.
  11. The Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS) is seeking an expanded mandate to tackle piracy-linked crimes such as terrorism. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Duulista iyo Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Diyaaradaha aan buuxin sharuudaha looga baahan yahay aysan ka shaqo geli garin Garoonka Diyaaraha Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Wasiirka oo maanta booqasho ku tegay Garoonka Muqdisho ayaa la sheegay inuu kormeerkiisy ahaa si loo hubiyo adeegyada ay u baahan yihin diyaaradaha kasoo dega iyo kuwa ka duula Garoonka Aadan cadde iyo bedqabka isticmaalka hawada dalka, isagoo amarkan siiyay maamulka Garoonka. Maareeye ku-xigeenka Amniga iyo Maamulka Garoonka Duuliye Ceyndaruus Axmed Kaahiye ayaa wasiirka uu sheegay in shaqada diyaaradaha ka soo dego oo kor u kacay, islamarkaan ay jiraan shirkado soo codsaday in ka Howlgalaan Gudaha Dalka. Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ayaa Faray Shirkadah Diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka Howlgalin karin Garoonka. ’’maalintii diyaarahada kasoo dego karoonka waxay ay gaareen in kabadan 50 islamarkaana shaqada Garoonka ay Sii balaaratay haatan waxaa jira codsiyo farabadan shirkado diyaarado oo rabo in ay ka howlgalaan gudaha dalka ’’’ Ayuu yiri Duuliye Ceyndaruus Axmed Kaahiye. Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ayaa Faray Shirkadah Diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka Howlgalin Karin Garoonka. “Laga bilaabo maanta ay tariiqdu tahay 12- 07-2018 waxaa la farayaa in shirkadaha diyaaradaha ee ka Howlgala Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqisho looga baahan yahay sharuudaha in ay shaqeeyaan bedqabka rakaabka cidii dhammeystiri weysana aysan ka shaqeyn karin Garoonka Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ’’’ Ayuu yiri Wasiirka. Amarka Wasiirka ayaan la ogeyn shirkadaha loola jeedo iyadoo ay socoto xiisad ka dhalatau arrinta xajka, isla markaana qorshe ay xukuumadda Soomaaliya u dhigtay xajkana sanadkan uu ku dhow yahay inuu fashilmo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa waxaa goordhow qarax lagula eegtay Xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hurwaa. Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada AMISOM lagula eegtay Xaaafda suuqa xoolaha gaar ahaan halka loo yaqaano buurka oo ah Goob aad u masqhuul badan. Qof ka mid ah dadka Suuqa Xoolaha ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay fureyn rasaas farabadan,isla markaana ay ku geeriyoodeen saddex ruux oo shacab ah. Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay in kabadan 10 kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray shaqaaqo maanta ka jirta Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa iyadoo markii dambe ay isku badashay Banaanbax fowda wata. Shaqaaqada ayaa ku bilaabatay rasaas ay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ku fureen Dad Shacab ah oo ku sugnaa suuq aad u mashquul badan oo ku yaala meel u dhaw Bosteejada Suuqa Xoolaha taas oo sababtay dhimashada 2 qof iyo dhaawac 4 kale. Intaasi kadib ayaa dadweyne careysan waxay bilaabeyn Banaanbax fowda wata, waxaana daqiiqado kadib la maqlay Dhawaaqa ugu yaraan 3 qarax oo ah Nuuca dhulka la geliyo kuwaas oo la sheegay in lala damacsanaa Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada AMISOM. Qaraxyada ayaa mid ka mid ah waxa uu haleelay Gaari Booyad ah oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo ilaa hadda halkaasi ku gubanya sida ay sheegeen dadka deegaanka. Sidoo kale Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee dadka shacabka ah rasaaseeyay ayaa la sheegay inuu Gaari ka gubtay kadib markii ay Qore Saban ah ku dhuftayn Ciidamo nabad Sugid ah. Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya iyo Shacabka Banaanbaxya oo dhinac ah iyo Milatariga Soomaaliya ee rasaasta furay ayaa la sheegay iney shaqaaqada u dhaxeyso halka Ciidamada AMISMO uu haleelay Qaraxyo dhulka ku aasnaa xili ay marayeen meel u dhaw halka ay shaqaaqada ka socoto. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hadda Banaanbaxa istaagay balse ay jirto xiisad u dhaxeysa Milatariga iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo isku khilaafsan dadkii shacabka ahaa ee Milatarigu ku dileen Suuqa Xoolaha, falkaan ayaa la sheegay inuu yahay markii Labaad oo ay sameeyaan Ciidamada Milatariga Soomaaliya Bishaan Gadaheed. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbineynaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qorshihii xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in Xajka sanadkan ay xujeyda Soomaalida helaan qiime jaban iyo shirkado kala duwan oo laga baxo shirkadii keligeed heysatay leynkaasi ayaa qarka u saaran inuu fashilmo ama ugu yaraan dib u dhac ku yimaado sanad kale. Qorshaha Xukuumadda ayaa ahaa in saddex shirkadood oo kale ay qeyb ka noqdaan daabulka xujeyda sanadkan, qiimahana xajkana uu noqdo $3300 aya waxaa ka hor yimid shuruudaha u yaalla qeybta xajka ee Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan lacago dabaaji ah oo laga doonayo diyaaradaha xujeyda qaada. Shirkadda Jubba oo heysatay leynka Xajka iyo Daallo oo ku shirko kula ah ayaa wada qabashada iyo soo saarida dokukentiga Xajka, waxayna dadka ka qaadayaan qiimihii hore oo ah $3800, iyadoo faracyada shirkadaha ku leeyihiin magaalada Muqdisho qiimaha gaarsiiyeen $3900 iyo lacag ka badan mararka qaarkood. Shirkadaha kale ee xukuumaddu siisay inay dhinacooda ka qaadaan xujeyda (Freedom Airlines, Ocean iyo African) ayaan heysan fasax ay ku tagaan Sacuudiga, waxayna la yimaadeen qorshe kale oo ah inay diyaarado kale adeegsadaan, taasoo shaki weyn gelisay xujeyda u xilan lahaa qiimaha $3300 ee ay shirkadadahaasi qaadayaan. Xukuumadda Soomaaliya ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin go’aankii hore iyo isbedelka ku yimid, waxaana sidoo kale xiisadan ay galaafatay wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xasan Macalin Xuseen oo xilka looga qaaday muranka ka taagan arrimaha xajka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Reforms have so far been the foundation of Abiy’s government since taking office on April 2. But analysts say Abiy is facing stiff opposition within his ruling coalition. Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed marks 100 days in office. Since taking office on April 2, he’s been pushing quickly for political reforms. Ahmed’s plans appear to be popular but not without criticism from some from the ruling party. TRT
  16. Addis Ababa (Caasimada Online)-Jabhada Xoreynta Gobalka Ogaden ee ONLF ayaa dadaal ugu jirta sidii ay kaalin hormuud uga qaadan la heed isbedelada cusub ee ka socda dalka Ethiopia kadib markii laga qaaday Sumadii Arga-gaxisada lana sii daayay Maxaabiistii ku xirneed magaca ONLF, lagana dalbay in ay hubka dhigaan kana qeyb-qaataan Siyaasada cusub ee Ethiopia. Hadaba waxaa is waydiin mudan Su’aalahaan: 1-ONLF Siyaasada ma ku matali-doontaa Magaca Somaaliya iyo Halgankii dheeraa ee soo dhex maray Somaaliya iyo Ethiopia! Mise waxa ay ku matali-doonaan Gobal gaar ah iyo Beel gaar ah? 2-Magaca ONLF oo beddelay Jabhadii Xoreynta Somaali Galbeed WSLF Siyaasada ma ku matali-doonan dhamaan Beelaha wada dega Gobalka Somaali Galbeed? 3-ONLF maxey kaga duwantahay Jabhaddii SNM ee ku bilaabatay Wadaniyad iyo Somaalinimo kuna dhamaatay Gobalaysi iyo Beelaysi 1991?. 4-Mirihii halgankii Taariikhda dheer socday ma ku dhamaanayaa jagooyin la siiyo Madaxda ONLF mise waa sii soconayaa? 5-Kaalintee ayey ka qaadan-doontaa ONLF xiriirka dawladda Somaaliya iyo Ethiopia kaalin Posative ah mise mid Negative ah?. 6-ONLF ma gudi-doontaa abaalkii Somaaliya u gashay mise waxa ay ka mid noqon-doontaa Siyaasada Ethiopia ee ku aadan Somaaliya? 7-Qalbi-dhagax oo helay taageerada Somaali badan ahna Muwaadin labada dal ee Somaaliya iyo Ethiopia kee baa kaw u ah? Waxna ma ka bedeli-doonaa xiriirka labada dal? Mise waxa uu la safan-doonaa Ethiopia kaliya? Waxaan wada ognahay markii la sii daayey Qalbi-dhagax ONLF waxa ay Libinta sii daynta siisay Ethiopia mana xusin dadaalkii iyo qayla-dhaantii dadka Somaaliyeed iyo Barlamaanka labada Aqal! Bedel-keedana waxa ay eed u jeediyeen dawladda Somaaliya! Halka Qalbi-dhagax iyo dadkii Somaaliyeed ee soo dhaweeyay ay aad u amaaneen una bogaadiyeen RW Abiy Ahmed iyo Beeshiisa Oromada! Halka ay ka eedeeyeen Booqashadiisii uu Muqdisho tegay iyo Is fahamkii labada dawladood! Hadaba waxaa suurta gal ah in ONLF bedesho maamulkii ka haray Tegreega ee Gobalka Somaalida Zoonka 5 aad! Waxaana dhici kara in Madaxweyne Cabdi M. Cumar lagu bedelo Mujaahid Qalbi-dhagax ama Admiral Maxamed Cumar Cusmaan kadibna ay noqdaan buundada isku xirta Somaaliya iyo Ethiopia ee Somaaliya maxay ka filan kartaa????. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)
  17. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa Goordhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe oo Xarun u ah Maamulka Hir Shabeelle. Gudoomiye Mursal ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay madaxda maamulka Hir Shabelle kuwaasi oo wafdiga gudoomiyaha garoonka kaga hortagay wafdiga gudoomiyaha Baarlamaanka. Gudoomiyaha ayaa ka qeeybgalaya maanta furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Hir Shabelle. Amaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa magaaladaasi ciidamo badan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Gaaray Jowhar appeared first on Puntland Post.
  18. The General Director of Ministry of Foreign Affairs and international cooperation, Mr. Abdinasir Ahmed Hersi has received a delegation led by deputy chairman of CMA CGM, Mr. Stephen CourQuin, a French container transportation and shipping company, a leading worldwide shipping group. Somaliland representative in Djibouti, Ambassador Abdifatah was in attendance as well. During their visit, the delegation will explore investment opportunities in the country. The Director General, Mr. Abdinasir A. Hersi, thanked the delegation for their visit. And stated that Somaliland is ready and open for business.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa soo magacaabay Danjiraha dalkaasi u fadhin doona Somalia. Madaxweyne Trump ayaa Danjire u magacaabay Donald Yukio Yamamoto oo horay uga soo shaqeeyay dalal dhowr ah. Danjiraha cusub ee uu soo magacaabay Trump laguna magacaabo Donald Yukio Yamamoto ayaa da’diisa lagu sheegay 65-jir waxa uuna Hawlaha Diplomaasiyadda ku soo biiray sannadkii 1980-kii. Waxa uu danjirahaani mar soo noqday Madaxa Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika. Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo noqonaya Danjirihii 14-aad ee Maraykanka u jooga Somalia waxa uu horey u soo ahaa Danjirihii Maraykanka u joogay dalka Jabuuti sannadihii 2000 ilaa 2003-dii. Waxa kale oo uu Danjire ka soo noqday dalka Ethiopia muddadii u dhexeysay 2006-dii ilaa 2007-dii. Ambassador Donald Yukio Yamamoto waxa kale oo uu Danjire KMG ah ka soo noqday dalka Eritrea sannadihii 1997-dii ilaa 1998-dii. Ambassador-ka waxa uu Sanadkii 2016-kii ahaa howl fuliyaha Xafiiska ergada Dublumaasiyiinta Mareykanka u jooga Soomaaliya. Sidoo kale Magacaabida danjirahaani ayaa timid iyadoo uu Danjirihii hore ee Maraykanka u joogay Somalia, Stephen Schwartz iska casilay Xilkaasi bishii September 29-dii ee sannadkii hore sababo isaga u khaas ahayd. Dhinaca kale, Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo lagu wado inuu ka shaqo galo magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa khibrad fog u leh danaha Mareykanka ee Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. BERBERA–The Somaliland agency in charge of quality control uncovered faulty wheat flour which was imported from overseas. This was disclosed by Mr. Muse Yusuf, head of quality control and said that his agency has intercepted a vessel which docked at Berbera port carrying expired wheat. The agency chairman said that once investigations were done it became quite clear that it was unsuitable for human consumption as far as our safety d health food standards are concerned. The chairman said that they gave the firm two choices either to hand over the faulty floor so that it will be burnt or to load it back to vessel and they chose the second. Mr. Musa has said that his authority sent the vessel back and they wrote an official letter to the company that imported the faulty flour reprimanding that they have to comply with food safety standards and must refrain from bringing expired food items in Somaliland.
  21. Muqdisho (PP) ─ Dowladaha Mareynkanka iyo Kenya, ayaa Arbaco shalay ku baaqay in la kordhiyo dadaalka lagu doonayo in lagu xasiliyo Somalia iyo South Sudan, iyagoona sheegay in amnigu uu muhiim u yahay horumarinta dhaqaalaha. Labadan xukuumadood, ayaa si gaar ah u sheegeen inay muhiim tahay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah ee ka dagaallama Soomaaliya. Madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenya iyo Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan [AFRICOM], Thomas Waldhauser ayaa dib u cusbooneysiiyay dadaalkooda nabadda ee labada waddan. Uhuru Kenyatta oo kulan la yeeshay Waldhauser ayaa sheegay in xasarad siyaasadeed oo ka jirta Koonfurta Suudaan ay ka sii dartay cabsida aan loo baahnayn iyo is-aaminaad la’aanta taageerayaasha Madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar. “Waxaan ka taageeraynaa wax walba oo aan awoodno, laakiin ma ahan wax sahlan,” ayuu ka yiri Kenyatta xaaladda South Sudan, sida lagu sheegay bayaan la soo saaray kaddib kullan labada Mas’uul ku dhexmaray magaalada Nairobi. Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in Kenya ay si buuxda uga go’an tahay in la helo nabad ka dhalata Somalia, taasoo uu ku xusay iay ahmiyad weyn u leedahay nabadeynta Soomaaliya. Kenyatta ayaa hadalkiisa ku daray in Somalia ay hadda ka soo kabaneyso colaad sokeeye iyo caqabado siyaasadeed oo ka jiray labaatan sannadood ka badan. Dhanka kale, Thomas Waldhauser ayaa isna hoosta-ka-xariiqay baahida loo qabo in Somalia ay xoojiso dhismayaasha hoggaanka, isagoo intaa ku daray in xasillooni la’aanta ay qayb ahaan sabab u tahay fara-gelinta aan tooska ahayn ee ka imaanaya wadamada kale, sida lagu sheegay bayaanka. “Waxaan diyaar u nahay inaan sii wadno caawinta aan siinayno Somalia, tan iyo inta xukuumadda federaalka ahi ay diyaar–garoobayso inay awooddeeda xoojiso,” ayuu Waldhauser. Ugu dambeyn, Dowladaha Kenya iyo Mareynkanka waxay qayb ka yihiin dalalka sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya kana taageera la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish. PUNTLAND POST The post Mareykanka iyo Kenya oo ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  22. Donald Trump on Wednesday announced his ambassador picks for Somalia and Nicaragua, aiming to reduce the number of vacant ambassador positions. Trump nominated Donald Yamamoto to be the ambassador to Somalia and Kevin Sullivan to be the ambassador to Nicaragua. Yamamoto heads the Bureau of African Affairs within the State Department. He served as the U.S. ambassador to Ethiopia from 2006-2009 and Djibouti from 2000-2003. Sullivan represents the U.S. in the Organization of American States (OAS), the body that promotes solidarity among the 35 independent states of the Americas. Both countries have seen recent U.S. political action. The Trump administration this year stepped up ongoing American military intervention in Somalia. The move follows violent clashes between the government and Al Shabaab, an Al Qaeda-aligned Islamist group. Meanwhile, the State Department last week sanctioned three Nicaraguan individuals whom officials accused of human rights abuses. State Department officials threatened to take further action as long as government-sanctioned violence against protesters continues in the region. Trump has left a notable number of ambassador positions open since taking office. More than half of foreign posts remain vacant. The Hill
  23. Lasanod–Khatumo yesterday held the 9th conference in Lasanod, Sool’s provincial capital. The delegates and Khatumo leaders were in attendance. Hon. Ali Khalif Galeyr, Khatumo leader was chairing the meeting and was flanked by parliament speaker, Mohamud Omar and other leaders. Delegates from at home and abroad where also participating the gathering. Mr. Galeyr has spoken of the ongoing dialogue that Khatumo engaged with Somaliland and said that the talks are bearing fruit. He reiterated that Puntland has nothing to offer to residents in Sanaag, Sool and Ayn and added that a common mutual understanding will be reached between Somaliland and Khatumo to have their share in government representation which is based on justice and equality for all citizens. He has asserted that Puntland is not in control Sool, Sanaag and Ayn which he said is unacceptable in the short and long run. He said that it is a wishful thinking that politics and clan affiliation can go together which he meant to send a clear message that the dream of ruling Sool, Sanaag and Ayn regions under Puntland’s control is out of the question which is impossible to happen. Finally, Mr. Galeyr called on clans fighting in El Afwein and its outskirts to stop the killings and observe peace and security. This is the first time that Khatumo held its meeting in Lasanod since its inception in Taleh in 2013.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno illo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya in dhibaato ay soo food saartay ciidamadii ay horay u tababari jirtay dowlada Imaaraadka ee ka howlgali jiray magaalada Muqdisho. Illo wareedka aan xogtaani la wadaagnay ayaa sheegaya in ciidamada ka haray kuwa shaqada ka tagay eryinta Imaaraadka kadib ay iminka iibinayaan Hubkooda. Ciidamadan oo aan qaadan mushaar ku filan ayaa waxaa lagu arkayaa suuqyada lagu kala iibsado Hubka kuwaa oo suuq geynaaya qoryihii ay siisay dowlda Imaaraadka. Mid kamid ah Saraakiisha Booliska ayaa xaqiijiyay in iibinta Hubka loo xiray ku dhawaad Sagaal askari, oo ku andacoonaya in dowlada Somalia ay kala kulmeen mushaar aan joogto aheyn iyo lacag yari, maadaama ay mushaar fiican qaadan jireen. Sarkaalkan ayaa sheegay in askartaasi ay caan ku ahaayen qoriga nooca loo yaqaan “Cali shucaac” ay iminka isaga iibinayaan dhaqaale xumid soo foodsaartay. Askartaan ayaa buux dhaafiyay suuqyada Hubka ee Cirtoogte, Zoobe iyo dhabarka danbe ee dhismihii ay ka guurtay Wasaarada Amniga kuna dhow taalada daljirka daahsoon. Hubka ay iib geynayaan askartan ayaa qalqal amni ku haya magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa in lagu kala iibsanaayo dhaqaale aad u yar, maadaama dowlada Imaaraadka ay u fasaxday qoryaha. Sidoo kale, dowlada Imaaraadka ayaa horay suuqyada magaalada ugu fasaxday ku dhawaad laba kunteenar oo ay ku jiraan hubka noocyadooda kala duwan. Geesta kale, dowlada Somalia gaar ahaan Hay’adaha amniga ayaan ka feejigneyn halista ka dhalankarta Hubka ay iibinayaan ciidamada uu kala diray imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa soo saartay digniino dhanka amaanka ah oo ku socda muwaadiniinteeda u socdaala Somalia. Qoraal kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa waxaa muwaadiniinta Mareykanka looga digay inay u dalxiis tagaan Somalia sababo la xiriira dhanka ammaanka. Waxaa qoraalka lagu sheegay in socdaalkooda Somalia ay suuragal tahay inay la kawsadaan dhibaato amni darro sida weeraro, dilal iyo afduub. Digniinta loo diray muwaadiniinta ayaa ah mid ku socta guud ahaan Gobolada Somalia oo ay ka mid yihiin deegaanada Somaliland iyo Puntland. Sidoo kale, waxaa looga digay in ay ka agdhawaadaan goobaha ay dadka ku badan yihiin, halkaasi oo ay sheegeen in ay ka dhici karaan weeraro Argagixiso ah, sida hadalka loo dhigay. Qoraalka waxaa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka kuwooda ku sugan Somalia loogu baaqay inay ka baxaan oo ay aadan wadamada nabdoon. Dhinaca kale, digniintan ayaa imaaneysa, xilli Al Shabaab Sabtidii ay weerar ku qaaden xarunta Otto Otto oo ay dagan yihiin Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga ee Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com