Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shirweynaha Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq Maasuqa oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Astaynta Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq Maasuqa ee puntland,sidoo kalena ay gacansiisay hay’ada UNDP,ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyin ka socday dowlad goboleedyada dalka iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya,saraakiisha hay’adaha caalamiga ah ,ururrada bulshada rayidka ah,isimo culimaa’udiin iyo mart sharaf kale. shirka oo socon doona mudo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa cirib-tirka musuq maasuqa iyo dhismaha maamul wanaagga,waxaana ugu horaynba sharraxay muhiimadiisa madax hay’ada Astaynta Maamul Wanaaggaa iyo La-dagaallanka Musuq Maasuqa ee Puntland, Cabdiraxmaan Cali Guureeye,wuxuuna sheegay in la qaadayo dagaal saf ballaaran oo ka dhan ah musuq maasuqa. Gudoomiyaha Dallada ay ku midaysan yihiin Ururrada aan dowliga ahayn ee PUNSA Faysal Axmed Warsame ayaa munaasabada ka sheegay in shaqaalaha musuq maasuqa sameeya badankooda mashaar yari u gayso. Hanti dhowraha Guud ee Puntland Jaamac Bulqaas ayaa dhankiisa tilmaamay in musuq maasuqu aanu ka jirin hay’adaha dowladda oo keliyaha,balse u saameeyey guud ahaan bulshada. Axmed Cali Abakor,ku xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahanyahay”isla xisaabtan iyo daahfurnaan. Wasiir ku xigeenka Maaliyadda K/Galbeed cabdullaahi Cabdiladiif Maxammed oo kamid ahaa mas’uuliyiinta ka socda maamul goboleedyada kale ee ka soo qayb galay shirkaan ayaa musuq maasuqa ku tilmaamay sida Cancer-ka wadnaha ku dhaca oo kale,islamarkaana ay adagtahay haddii uu baaho in si yar looga takhaluso. wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Cabdulle oo munaasabadda ka hadlayey ayaa rajo ka muujiyey in laga guulaysto musuq maasuqa ragaadiyey guud ahaan Soomaaliya. maadxweyne ku xigeenka puntland cabdixakiin cabdulaahi xaaji cumar camey shirweynahaan daah-furay ayaa sheegay in hadii aan musuq maasuqa lala dagaallamin la heli doonin maamul caafimaad qaba. Halkaan ka daawo Muuqaalka. Sawirrada Shirka. PUNTLAND POST The post Daawo: Madaxweyne ku Xigeenka Puntland oo Garoowe ka daah-furay Shirweynaha Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq Maasuqa appeared first on Puntland Post.
  2. In Somaliland, corruption is found almost everywhere, and now is considered one of the highest corruption rates in Africa that increases the poverty rate of Somaliland people. Corruption has been an epidemic and daily practices during the outgoing administration of President Ahmed Mohamed Mohamoud (Silanyo) and his team. According to the Somaliland National Corruption Perception Survey in 2013, the perception of corruption, high number of the respondents 76.6% believed that corruption is common or popular in public institutions. However, the extensive corruption in Somaliland society has been institutionalized, become customary and accepted as an informal part of everyday life. Thus, I personally acknowledge that corruption is a systemic and endemic while government officials and the general public often do not view corruption as a crime and everyone is engaged in corrupt practices due to a culture of impunity, which is sustained by low pay for the civil service, minimal job training, lack of anti-corruption laws and lack of enforcement mechanisms for punishing corruption perpetrators. Following this situation, On April, 2017, the out-going president had a meeting with Anticorruption agencies of the National Good Governance and Anticorruption Commission (GGACC), the auditor General of the State and the attorney General ordering to start investigations about any government officer proved to be corrupt and embezzling the public properties. The president ordered these authorities to redouble work during the transitional period of his government whereby the most of the government officers particularly the ministers are gossiped to be looting the government assets since they are believed to be going out from the government if Muse Bihi Abdi is elected as the new president from Kulmiye in Somaliland. The former head of the anticorruption Tsar resigned after the president’s order for new investigations on corruption claiming that nothing could be done now as the time is very limited and his resignation from the office was hastened from the knowledge that his duties and responsibilities were untenable at that time since he has been lacking the political commitment from the office of the president since the commission has been established. However, many people believed that the presidential call for these agencies has nothing to contribute the fight against corruption since the term of the president was going to expire and evidences showed that corruption is remnant in the country. In a highly competitive contest between Waddani Main Opposition Party presidential candidate, Abdurrahman Mohamed Abdilahi (Irro) and the new presidential candidate for the ruling party- Kulmiye, Muse Bihi Abdi, the fight against corruption was one of their issues in their political party platforms. Mr. Bihi won over 55% of the national votes cast in Somaliland regions in November 2017. the citizens have given their votes to new president after he made clear that his new government will be fighting against corruption although, fighting corruption has been one of the words people liked to hear from their candidates during the election campaign. All candidates have been hitting the nail on the head that bringing recognition, the fight against Corruption, unemployment, injustice, inequalities, wealth distribution and improving the poor infrastructures and security have been the most important issues that the candidates were focusing on. In several meetings, the new president has held with some of the social sectors including, lawyers, doctors and some of his party campaigners, vowed to combat corruption and bad administration in his new era. Somaliland people are expecting that the new government will be putting on the fight against corruption on his new government’s most important priorities in order to make the state affairs function and maintain the law and order to be respected during his term in office which will be instigating the country to recover from more economic losses. Since some days to go to the inauguration ceremony of the new president, I am here to propose that the National Good Governance and Anti-Corruption Commission to be present in all the ministerial handover ceremonies for out-going and incoming new ministers in order to safeguard on the assets and the properties to be transferred. The commission has collected a lot of important documents from the government ministries and agencies including all fixed and non-assets, however, if such proposal is made by the new president, it will be the first step taken towards the combat of corruption by the new president. In conclusion, the new government is expected to carry out Anti-Corruption policies by giving a political willingness, and energy to the supreme audit institutions including the Good Governance Commission, the Auditor General and attorney General because corruption in Somaliland has been further exacerbated by the absence of a strong political commitment from the last two government administrations led by president, Dahir Riyale Kahin and Ahmed Mohamed Mohamoud (Silanyo) respectively. Hence, I do believe that the country is going to a new era as the new president announced for the first time that fighting corruption is one of his top priorities knowing that it has also been a big pillar in Kulmiye political manifesto of 2017-2022. For this purpose, the president is anticipated to do changes in the anticorruption agencies by empowering them and nominating new blood of experienced personnel into the supreme audit institutions including the Good Governance Commission, Auditor General office and Attorney General and Accounting General of the states as well as strengthening the completion of the Public Financial Management reform (PFM) that has been ongoing for a long period without any achievement. Muse Jeeh Freelance writer Hargeisa, Somaliland
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Abdirahman Omar Osman ayaa sheegay inay Ahlu Sunna iyo Galmudug wada saxiixdeen heshiis rasmi ah. Waxaa hada Hoolka shirarka ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka socda Munaasabad lagu saxiixayo Dhameystirka Heshiiska Ahlsuna iyo Galmudug. Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada. Heshiiskaas oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo dhiniciisa ka saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa. Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa boggiisa Facebook kusoo qoray in Sheekh Maxamed Shaakir loo saxiixay inuu noqdo Wasiirka Koowaad ee Maamulka Galmudug taasoo ka dhigan inay Galmudug noqon doonto Maamul Goboleedkii ugu horreeyey ee yeesho Ra’isulwasaaraha ama Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada. Halkaan hoose ka akhriso heshiiska ay kala saxiixdeen oo dhameystiran The post Akhriso heshiiska ay kala Saxiixdeen Ahlu Sunna iyo Galmudug oo dhameystiran appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Abdirahman Omar Osman ayaa sheegay inay Ahlu Sunna iyo Galmudug wada saxiixdeen heshiis rasmi ah. Waxaa hada Hoolka shirarka ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka socda Munaasabad lagu saxiixayo Dhameystirka Heshiiska Ahlsuna iyo Galmudug. Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada. Heshiiskaas oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo dhiniciisa ka saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa. Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa boggiisa Facebook kusoo qoray in Sheekh Maxamed Shaakir loo saxiixay inuu noqdo Wasiirka Koowaad ee Maamulka Galmudug taasoo ka dhigan inay Galmudug noqon doonto Maamul Goboleedkii ugu horreeyey ee yeesho Ra’isulwasaaraha ama Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada. heshiiska ay kala saxiixdeen labada hoggaamiye oo dhameystiran waxaan idiin soo gudbin doonaa Daqiiqadaha soo socdo Inshaa Allah The post Sawiro: Sheekh Maxamed Shaakir oo loo saxiixay inuu noqdo Ra’isulwasaaraha Galmudug appeared first on Caasimada Online.
  5. Soomaalida waxay Tiraahdaa “Ruux aad Barashadiisa Rabtid Jabad la Xaaro, Jadiin la Cun ama Jid la mar” sida darteed murtidaan waxay Tilmaameysa sida baniaadamka lagu ogaan karo Dabeecadihiisa Xumaan iyo Samaan markaad la Daristo, Safar wada gashaan, ama Cunto Wadaagtaan sida darteed Maalin uun la wadaag in aad Wada shaqeysaan Fahad Yaasiin markaas baa wax badan ogaan doontaa. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo aan soo wada shaqeyney Xiligii uu Warbaahinta ka tirsanaa muddo dheer ayuu wax ka qorayey Xaaladda Soomaaliya weliba Qoraaladiisa waxaa hadda laga helaa Baraha Bulshada, Akhrintoodana kama dhergeysid qaarkood sidii uu u saadaaliyey ayeynoqdeen haddii aad Dib u Milicsatid Dhamaatood waxay Tilmaamayaan Qormooyinkiisa kuwa u adeegaya Bulshada Soomaaliyeed waxaan aad ugu xasuustaa Qormadii laga daba dhacay ee uu qorey Sannadkii 2004 ee Cinwaankeedu ahaa “I DOORO AAN KU DILEE” waa Xiligii Doorashadii Madaxweyne ee ka dhacadey dalka Kenya, Qoraalkaas saadaashiisii waa ay soo baxdey. Qoraalada kale ee aan ku Xasuusto Fahad Yaasiin waxaa ka mid ahaa Qoraaladii uu ku taageerayey Samzam Axmed Ducaale oo ah Gabar Soomaaliyeed oo lagu xirey Somaliland wuxuuna Qoramadii uu ka qorey ugu magacdarey “ XAALADDA SAMSAM IYO DAMIIRKA SHACABKA SOOMAALILAND” Qoraalada kale ee aan Xasuusteyda ka go’in ee aadka ii soo jiitey waxaa ka mid ahaa mid uu ugu magacdarey “SHACABKA SOOMAALIYEED: RABBI AYAA U MAQAN EE RAG UMA MAQNA” Waxaa kaloo ka mid ah Qoraalada Fahad Yaasiin ee uu qorey mid uu ku amaanayey Madaxweynaha jabuuti oo uu ugu Magacdarey mar uu la dardaarmayey Shacabka Jabuuti “REER JABUUTI: SHANTAAN QODOB HAKU DOORTEEN GEELLE” Isago Tilmaamayey Wanaaga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Ma yara Qaraalada ee uu qorey Qoraaga Fahad Yaasiin haatana ah Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya waxaa iyana aan dhowr jeer ku noq noqdey Akhrinteeda Qormo uu ugu Magacdarey “BEENTU TABAR DARANAA QOFKEEDUNA TAYO XUMAA. Waa Qormo markaad akhriso aad dareemeyso sida ay ay u gaabiso Beenta iyo sida ay u Xun yihiin kuwa mar waliba ku dhaqma waxayna ka Tarjumeysa xaalada maanta ka jirta Baraha Bulshada. Qormooyinka kale ee aan aad u Jecleystey ee uu qorey Fahad Yaasiin waxaa ka mid ah Qormo uu Cinwaan uga dhigey “ AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA” waxay ka Turjumeysa sida ay u dhibeyso Dhibaatada Ummada Soomaaliyeed oo muddo dheer ku soo jirey Dagaalo iyo Dhibaatooyinka kale waana qormo uu Bulshada wax uga sheegayo. Fahad Yaasiin oo dhawaan Siyaasada ku soo biirey markaad Akhriso Qoraaladiisa Faraha badan waxaa kuu soo baxaya sida uu yahay, isla markaana uu Miisaan Culus u Leeyahay sidaa darteed waxaan aad uga amaanayaa Siyaasada Degen ee Qunyar Socodnimada ee aan Qofna ka Xanaajineyn, Xilkasnimada, Degenaanta, Aaamusnaanta,Gacan siinta Bulshada Soomaaliyeed waxaana leeyahay Dadka Aflagaadeed Fahad Yaasiin in ay ka waantoobaan maadaama uu leeyahay dabeecadahaas aan kor ku soo sheegney Soomaalida waxay Tiraahdaa “BARASHO HORTEED HA I NICIN” W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk Tel 00252615532494 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Fahad Yaasiin: Barashaa kuugu dhiman! appeared first on Caasimada Online.
  6. Bosaso-[Puntland Post]-Isimada Puntland,oo manta kulan ku qabtay Magaalada Bosaso ayaa Ganacsatada iyo dawlada dhex dhigay heshiis, ka dib markii Ganacsatadu ay Muran ka keeneen shirkada lagu wareejiyey Dekada Bosaso. Kulanka lagu soo bandhigau heshiiska la gaaray ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ganacsatada Puntland, Isimo Miisaan ku leh Puntland, Mas’uuliyiin ka socday dawlada iyo dadweyne kale oo goob jog ka aaha go,aanka ay soo saareen Isimada Puntland. Qodobada ay dawlada iyo Ganacsatadu ay ku heshiiyeen ayaa kala ahaa; -In laga wada shaqeeyo Nabadgelyada -Dawladdu inay soo bandhigto Hashiiska Balaarinta Dekedda Boosaaso -In la taageero Mashaariicda Horumarineed -In tariifada ay soo saareen Isimada ee ku meel gaarka ah lagu dhaqmo Ganacsatada ayaa soo dhoweeyay qodobada lagu heshiiyay, waxaana ay dalbadeen in la dhaqan geliyo, isla markaana guddi ay Isimadu u sameeyen ay daba galaan. Dhinaca kale Masuuliyinta Dawlada ayaa iyana soo dhoweeyay heshiiska, waxaana ay sheegen inay hirgalin doonaan qodobada lagu heshiiyay dhinacooda. Heshiiskan ayaa soo afmeeraya murankii mudada soo taagnaa oo u dhexeeyay Ganacsatada iyo dawlada waxana ha kada ku jiray in mudo ah shaqada Dekada Bosaso. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Akhriso ”Isimada Puntland oo Xaliyey Murankii Dekada Bosaso appeared first on Puntland Post.
  7. Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Qudus u aqoonsan doono in ay tahay caasimadda Israa’iil, sida ay ku warrameen saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Trump. Arrintan uu khilaafka ka taagan yahay ayaa la filayaa in Trump uu ka sheego hadal uu jeedin doono gelinka dambe. Sidoo kale waxaa la filayaa in Trump uu shaaciyo in safaaradda Mareykanka ee ku taalla Tel Aviv loo raro Qudus, balse waxay taasi qaadan kartaa sannado. Israa’iil waxay soo dhoweysay isbedelka laakiin Falastiiniyiinta iyo hoggaamiyayaasha Carabta ayaa ka digay khatarta arrintan ay u keeni karto hannaanada nabadda ee Bariga Dhexe. Sacuudiga oo saaxiib dhow la ah Mareykanka ayaa tallaabadan cusub ku tilmaamay “daandaansi qayaxan oo ku wajahan Muslimiinta”. Israa’iil waxay Qudus u aragtaa caasimaddeeda, halka Falastiiniyiinta ay doonayaan in Bariga magaalada Barakeysan ay noqoto caasimaddooda mustqabalka. Haddii Trump uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil, Mareykanka wuxuu noqonayaa dalkii ugu horeeyay ee sadaasi sameeya, tan iyo aasaaskii Israa’iil sannadkii 1948. Haddaba Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Deyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay in 13ka Bishan Dcember uu dalkiisa marti gelinayo shir weyne Caalami ah oo Waddamada Dunida Muslmka ay ka qeybgelayaan. Shirkan ayuu sheegay in looga hadlayo go’aanka Mareykanka ee Magaalada Quddus oo uu Trump shaaciyay in uu u aqoonsanayo caasimadda Israel. Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga Ibrahim Kalin ayaa Maagalada Ankara maanta ka sheegay in Shirkaas lagu mideynayo mowqifka Waddamada Muslimiinta ah si ay uga hortagaan go’aanka Trump laga filayo. Madaxweyne Erdigan ayaa horay u sii sheegay in haddii Mareykanka Magaalada Barakeysan ee Quddus u aqoonsado caasimadda Israel uu xiriirka u jarayo Israel laftirkeeda. Inta badan Caalamka ayaa Mareykanka uga digay in uu ku fududaado go’aanka Safaaraddiisa Israel uu ku geynayo Quddus caasimadda Israelna ugu aqoonsanayo magaalada Barakeysan. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Turkiga oo ku dhawaaqay shir deg deg ah oo looga hadlayo arrinta Quddus appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in heshiisyada horumarineed ee Soomaaliya ay la saxiixatay dowladaha Maraykanka iyo Qatar ay yihiin kuwa ka tarjumaya horumarka ay dowladdu ka samaysay dhanka xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah. Madaxweynaha ayaa yiri “Heshiisyada horumarineed ee aan la galnay Mareykanka iyo Qatar waxay si xoojinayaan xiriirka haatan naga dhaxeeya dowladahaas, waxa ayna caddayn muuqata u tahay sida uu u sii xoogaysanayo iskaashiga iyo xirriirka aan caalamka la leenahay iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.” Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey heshiisyada horumarineed ee dhawaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Dowladda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) oo lacag dhan $300 milyan ku bixineysa arrimaha maamul wanaagga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka. Sidoo kale, Sanduuqa Horumarinta iyo Hay’adda Gargaarka ee Dowladda Qatar ayaa iyagana sameynaya maalgelin ay ku kaceyso lacag dhan $200 milyan oo loo qorsheeyay dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, xarumaha dowladda iyo shaqo abuurka dhallinyarada. “Maal-gelinta iyo taageerada horumarineed ee intaa le eg ma ahan mid ku kooban dib-u-dhiska dalka oo kaliya ee waa mid kor u qaadaysa kaabayaasha dhaqaalaheenna, taas oo dhabaha u xaareysa in nolol wanaagsan ay helaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay markhaati u tahay dadaalka aan ku bixineyno in ay Soomaaliya ka hana qaado nabad iyo barwaaqo la isku halleyn karo.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Xukuumadda uu hogaamiyo Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre dadaalka ay ku bixinayso dhammaysitrka heshiisyadan isagoona guul weyn ku tilmaamay in muddo hal toddobaad gudihiis ah ay Soomaaliya la saxiixato dowladaha Mareykanka iyo Qatar maalgelinta mashaariic horumarineed oo isku darkoodu ay ku baxaysa lacag dhan 500 oo milyan oo Doolar. -DHAMMAAD Source
  9. Maamulka Dowladda hoose ee Garowe ayaa maanta gaarsiiyay gurmad isugu jira raashin iyo dhar qoysaska guryahoodu ku basbeeleen xalay dab ka kacay magaalada Garowe gaar ahaan dhabarka dambe ee dhismaha Xalwo Kismaayo jidka Soddonka. Duqa magaalada Garowe iyo Xoghayaha Dowladda hoose ayaa gaarsiiyay 15 qoys oo ka mid ah barakacayaasha ku nool magaalada Garowe raashin iyo dhar maamulka degmadu ugu deeqay. Xoghayaha Dowladda hoose ee Garowe Maxamuud Cali Gurey ayaa sheegay inay la qeybsanayaan dhibtii kasoo gaartey qoysaskaan danyarta dabkii xalay baabi,iyay hantidooda iyo hoygoodii. Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) oo ka hadlay goobta ayaa u mahadceliyay shirkaddo ka qeybqaatey damista dabka, Isagoona sheegay inaanu jirin khasaare nafeed oo uu geystay dabkaan. Isku soo wada duuboo waxaa ka qeybqaatey daminta dabka xalay qabsadey guryaha qaar ka mid ah barakacayaasha booyadaha shirkaddaha Alnaciim iyo Farjano,wallow aanu jirin dab damis ay leedahay dowladda hoose oo ka qeybqaatey daminta dabkaan. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Qoysaska ku guryo beelay dab xalay ka kacay Garowe oo loo gurmaday appeared first on Puntland Post.
  10. Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya waxaa maanta lagu wadaa in lagu saxiixo dhameystirka heshiiska ay dhawaan gaareen maamuladda Ahlusuna iyo Galmudug. Munaabasadda ayaa lagu wadaa in lagu soo bandhigo heshiiska ay gaareen Ahlusuna iyo Galmudug. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wali labada dhinac ka wada hadlayaan heshiiska ay gaareen, waxaana la sheegayaa inuu jiro qodobo aan wali la isku afgaran, balse la filayo in saacadaha soo socda laga heshiiyo. Magaaladda Djabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti waxa axadii aynu soo dhaafnay lagu soo gaba-gabeeyay wada-hadalo u socday Mas’uuliyiinta maamuladda Galmudug iyo Ahlusuna, iyadoo kulankaas uu qaban-qaabiyay urur Goboleedka IGAD. Madaxda sare ee dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay goobjoog ka noqdaan munaasabada lagu wado in gelinka dambe ee maanta ka dhacdo Madaxtooyada Villa Somalia. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in hal maamul ku midoobaan kaasi oo ah Galmudug, iyadoo qodobada qaar ee lagu heshiiyay ay ku jirto awood qeybsi ay Ahlusuna ku yeelan doono Maamulka Galmudug. PUNTLAND POST The post Heshiiskii Gal-Mudug iyo Ahlusunno oo Muqdisho lagu Sixiixayo appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay daah furtay mashruuca biyo siinta reer Miyiga. Munaasabadda mashruucan lagu daah furayey oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaaradda Tamarta iyo sidoo kale xubno ka socda IOM. Mashruucan ayaa cosonaya 3 sano, waxaana ku baxaya lacag dhan 11 Milyan oo doolarka Maraykanka. Sidoo kale waxaa laga shaqeyn doonaa dayactirka 70 ceel biyood iyo sidoo kale nadiidinta ceelasha biyaha ee magaalooyinka iyo sidoo kale Wabiyada. Qarashkan oo aad u badan ayaa waxaa bixin doonta African Development, iyadoo la filayo in dad badan ay ka faa’ideystaan. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Dowladda Farmaajo oo tallaabo muhiim ah qaaddey, dadkana soo xusuusisay bari-samaadkii appeared first on Caasimada Online.
  12. On 13 November, people across Somaliland took part in elections to choose a new President. The UK played an active role as part of a group of international donors in supporting the Somaliland National Election Commission in planning, preparing and delivering these elections. On 16 November, the international election observation mission stated in their initial findings that they had not witnessed irregularities on a scale which would undermine the integrity of the result. The UK joined international partners in expressing our deepest regrets for the loss of life caused by violent protests in some locations in the days which followed the voting. On 21 November, the National Election Commission announced that Mr Musa Bihi Abdi had been chosen by the people of Somaliland as their next President. The UK Ambassador in Somalia has extended the UK’s warm congratulations to Mr Musa Bihi Abdi on his election and has commended the commitment and responsibility of opposition candidates, Somaliland’s people, and its institutions to the electoral process and strengthening democracy. The UK remains committed to helping people from across the Somali region to reach their fullest potential. We now look forward to deepening our partnership with Somaliland as we support Mr Bihi in fulfilling his aspiration to govern for the benefit of all Somalilanders.
  13. Washington (Caasimadda Online) – Wasaaradda arimaha dibada ee Mareykanka ayaa safaaradaha iyo Shaqaalahaba uga digtay jawaab celin careysan oo ka imaan karta goaanka Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump maanta laga sugayo kaas oo ah in Maraykanku Qudus uu u aqoonsado Caasimada Israa’iil isla markaana safaarada Mareykanka uu u raro Qudus. Sidoo kale Wasaarada Arimaha Dibadu waxay ugu baaqdey safaaradaha inay galaan xaalad foojignaan ah amnigana adkeeyaan. Sida ay kasoo xigatey Jariidada Politico oo kasoo baxda wadanka Maraykanka Wasaarada arimaha dibada ayaa cadaysey suura galnimda ah in rabshado ka qarxaan wadamada islaamka iyo carabta ku dhawaaqista Trump kadib. Digniinta ayaa si qarsoodi ah oo loogu diray Safaaradaha Mareykanka iyo Qunsuliyadaha si loogu diyaariyo khatarta ka imaan karta weeraro lala beegsado safaarada Mareykanka iyo in la xoojiyo talaabooyinka ammaanka, sida uu Wargeysku sheegay. Wargayska ayaa soo xigtay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo sheegay inuu aad uga warwarsan yahay weerar balaaran oo lagu soo qaado iyo aargoosi loo geysto muwaadiniintooda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Mareykanka oo ay soo wajahday Cabsidii ugu weyned kadib go’aanka Qudus ee la filayo inuu qaato Trump appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa galabta lagu wadaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya Maamullada Ahlu Sunna iyo Galmudug,kuwaas oo dhawaan heshiis horudhac ah ku yeeshay Dalka Jabuuti. Sarkaal ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna ayaa u xaqiijiyay Caasimadda Online in shirkan galabta lagu wado in uu furmo ay ka qeybgelayaa madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Galmudug,Kuxigeenkiisa,Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Xubno isugu jira Wasiirro iyon Xildhibaanno Galmudug ah ayaa la sheegay in ay ka qeyb galayaan Xafladda lagu dhameystirayo Heshiiskii hor-dhaca ahaa ee Dalka Jabuuti ay ku gaareen Ahlusunna iyo Galmudug. Dhanka Ahlusunna ayaa la sheegay in Munaasabaddaas ay uga qeyb geli doonaan Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna iyo Hogaamiyaha Guud ee Maamulkaasi Macalin Maxamuud Sheekh Xasan. Wararka ayaa intaas ku daraya in Xafladda ka dhici doonta Galabta Madaxtooyada Soomaaliya ay Goobjoog ka noqon doonaan Madaxweynaha Soomaaliya,Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa KNN u sheegay in Xafladda lagu qabanayo Madaxtooyada Soomaaliya ay tahay mid lagu dhameystirayo Heshiiskii hor-dhaca ahaa ee Galmudug iyo Ahlusunna ay ku soo kala Saxiixdeen Wadanka Jabuuti. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hadal kooban ka jeediyay Heshiiskii ka dhacay Dalka Jabuuti ayaa sheegay in Heshiiska inta dhiman ay ku dhameystiran doonaan Caasimadda Maamulka Galmudug oo ah Dhuusamareeb,balse hadda ay Maamusho Ahlusunna. Shirka galabta ka furmaya Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgelaya ka qeybgalayashii shirkii April ee bishii April Muqdisho ku fashilmay. Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa dhawaan heshiis ku saxiixday Jabuuti,waxaana ay inta ka dhiman wadahadalkooda sheegeen in ay ku dhameysanayaan shir ka dhacaya Magaalada Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Madaxda Dowladda oo ka qeyb galaya heshiis Madaxtooyada ku dhexmari doona Galmudug iyo Ahlusunna appeared first on Caasimada Online.
  15. Bosaso (Puntlandi) Shir Isimada Puntland ay ku qabteen Hotel Gacayte ee Boosaaso ayaa maanta lagasoo saaray Go’aanno ku saabsan arrimaha nabad gelyada iyo muranka dekeda Bosaso. Go’aanadaan oo ka koobnaa afar qodob, ayaa saxaafada loo akhriyay.. -In laga wada shaqeeyo Nabadgelyada -Dawladdu inay soo bandhigto Hashiiska Balaarinta Dekedda Boosaaso -In la taageero Mashaariicda Horumarineed, -In tariifada ay soo saareen Isimada ee ku meel gaarka ah lagu dhaqmo Kullanka ay isimadu kaga dhawaaqeen go’aanadaan waxaa goob joog ahaa Ganacsato, xubno xukuumadda Puntland katirsan , waxgarad, haween iyo dadweyne kale. Puntlandi.com
  16. Cali Ibraahim Cali (Cali Magafe) oo ahaa taliyahii saldhigga suuqa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ku dhintey qarax ka dhacay magaaladaasi. Wararka waxay sheegayaan gaariga taliyaha uu ku qarxay dhabarka dambe ee madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland. Qarax kadib waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka, iyadoo markii hore dhaawac ahaan halkaasi looga qaaday taliyaha, balse markii dambe uu dhintay. Waxaa qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo ka socda howlgallo ballaaran oo ay wadaan ciidamada ammaanka. Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii ugu dambeeyay ahaa mid kasii darayey, iyadoo dilalka iyo falalka kale ee amniga ka dhanka ah ay soo kordheen. Goobjoog News Source
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa mar kale ku baaqay in Gobolka Banaadir uu yeesho ciidamo u gaara oo amniga suga. Isagoo ka hadlayey shirkii amniga ee magaalada Muqdisho ka dhacay ayuu guddoomiye si cad u sheegay in magaalada Muqdisho ay ka howl galaan ciidamo fara badan oo kala duwan taasoo keentay in sugidda ammaanka ay dhibaato noqoto, loona baahdo hal ciidan hoos taga maamulka Gobolka banaadir oo hal talis ah. “Gobolka Banaadir waxay leedahay tirada ugu badan ciidamo amni oo kala duwan, marka loo eego khataraha amni ee jira. Waan taas sababta aan uugu baahanahay inuu Gobolka Banaadir helo cidiamo uu isagu leeyahay oo isku xiran hal talisna leh si ay amniga xilkiisa u qaataan….” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo doonaya in maamulkiisa la wareego amniga caasimadda halkii lagu haleyn lahaa taliyada kala duwan ee dowladda Federaalka hoos taga. Guddoomiye Taabit ayaa horey si toos ah uga dalbaday madaxda sare ee dowladda inay ammaanka G/Banaadir ku wareejiyaan Gobolka. Waxaa kaloo Maamulka G/Banaadir loo ansixiyey qoodse miisaaniyadeed oo dhan 10%, taasoo aan weli fulin. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Guddoomiye Taabit oo dalbaday in ciidamo hoostaga G/Banaadir lagu wareejiyo Ammaanka Magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  18. Kulanka golaha shacabka ee maanta waxaa uu ajendihiisa ahaa qeybinta iyo akhrinta Qorshe howleedka guddiyada Golaha Shacabka. Guddi walba waxaa uu golaha ka hor jeediyay qorshe hawleedka golaha loo qeybiyay iyo qeybta guddigiisa ka quseysa. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari, ayaa sheegay in maadaamaa kalfadhigii koowaad Mudanayaasha golaha shacabka uu uga dhammaaday dhisida hay’addaha dowladda ay guddiyada joogtada ah kalfadhigan dadaal geliyeen sameynta qorshayaashii ay ku howlgeli lahaayeen. Dhinaca kale, Jawaari ayaa ka hadlay dhibaatooyinka dhalinyaradda Soomaaliyeed ku heysato dalka Liibiya oo ah marinka dhalinyaro badan oo tahriibayaal ah ka dib soo jeedin ay guddoonka golaha u soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ,wuxuuna sheegay in guddiga arrimaha dibada ee Golaha Shacabka looga fadhiyo in ay keenaan qorshe dhalinyarada Soomaaliyeed dhibaatada dalalka dibada ku heysto looga soo badbaadinayo. Goobjoog News Source
  19. Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay daah furtay mashruuca biyo siinta reer Miyiga. Munaasabadda mashruucan lagu daah furayey oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaaradda Tamarta iyo sidoo kale xubno ka socda IOM. Mashruucan ayaa cosonaya 3 sano, waxaana ku baxaya lacag dhan 11 Milyan oo doolarka Maraykanka. Sidoo kale waxaa laga shaqeyn doonaa dayactirka 70 ceel biyood iyo sidoo kale nadiidinta ceelasha biyaha ee magaalooyinka iyo sidoo kale Wabiyada. Qarashkan oo aad u badan ayaa waxaa bixin doonta African Development, iyadoo la filayo in dad badan ay ka faa’ideystaan. Goobjoog News Source
  20. Garowe (Puntlandi) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng, Cabdixakiin Camey ayaa maanta beeniyay im musuq maasuqa ka jira Puntland uu ka dhashay mushaar la’aanta shaqaalaha dowladda, kadib markii sidaasi uu sheegay hanti dhowraha Puntland Hadalkaan ayaa madaxweyne ku xigeenka ka sheegay shirka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Soomaaliya, shirkaas oo maanta Garowe lagu qabtay. Madaxweyne ku xigeenka ayaa qiray in shaqaaluhu mushaarka ka daaho balse wuxuu kasoo horjeestay hadalka hanti dhowraha ee ku saabsan inaanu shaqaaluhu mushaar helin. Dhinaca kale, madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku baaqay in kor loo qaado maamul wanaaga, si musuq maasuqa loola dagaalamayo. Halkaan dhegayso codka Camey. Camey 6 Puntlandi.com
  21. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Cali Ibraahim Cali oo kumagaca dheeraa (Cali Magafe)ayaa u geeriyooday dhaawac saaka ka soo gaaray Qarax loogu xiray Gaari uu watay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Cali ayaa xilliga uu Qaraxa dhacayay marayay Duleedka Madaxtooyada Gaalkacyo qeybta Puntland,waxaana uu ku sii jeeday shaqada. Xilliga uu Qaraxa qabsanayay uu ku soo jeeday xafiiska shaqada isaga oo ka soo baxay Gurigiisa,waxaana uu ku qabsaday agagaarka Madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland. Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Puntland Aadan Nuur Qaal oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ciidamadu wadaan baaritaano la xiriira sidii lagu ogaan lahaa halka qaraxa looga soo xiray Gaariga taliyaha. Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegen in qaraxaasi ay iyagu ka dambeeyeen isla markaana ay ku dileen taliye ka tirsan Ciidamada Booliiska Puntland. Geeridaha taliyihii qeybta Gaalkacyo ee Puntland ayaa ku soo aadday iyada oo Magaalada amnigeeda ay la wareegeen Ciidamo isku dhaf ah oo Puntland iyo Galmudug ka kala scoda. Ciidamada Puntland ayaa degaankaas ka billaabay howlgal ay ku raadinayaan ciddii ka dambeysay qaraxa lagu xiray Gaariga Taliyihii hore ee Saldhigga Gaalkacyo. Xarakada Al-shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Taliyihii qeybta Booliska ee Saldhigga Gaalkacyo Cali Magafe. The post Sawiro: Sarkaal Boolis Oo Qarax Lagu Dilay Gaalkacyo Iyo Shabaab Oo Sheegtay appeared first on Caasimada Online.
  22. Waxaa Jimcaha Muqdisho ka furmi-doona tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada, kaasi oo laga soo wareejiyay Jubbaland. Tartanka waxaa ka qeyb-galaya maamullada Jubbalad, Koonfur galbeed, Banaadir, Hirshabeelle, Galmaudug Iyo Puntland. Hadaba Halkan ka Akhris Sida Horay Loogu Kala Guuleystay: Tartankan xilligii burburka ka hor waxaa loo tartami jiray 18 gobol oo dalka ah, waxaa gobollada isku reereebi-jireen sida ay daris u yihiin, si ugu dambeyntii tii awood badan koobka u ciyaarto. Taariikh ahaan, gobollo waxaa jirta koobka qaadistiisa ku caan baxay, kuwoo aan weligood qaadin iyo gobollo aanba weligood iman koobka. Burburkii ka Hor: Gobolka Jubbada hoose waxaa uu qaaday 8 jeer, Shabeellada hoose 3 jeer, Shabeellada dhexe 3 jeer, Waqooyi beri iyo Banaadir mid ha jeer. Burburkii Kadib: 2010-kii markii dib loo bilaabay, tartan lagu qabtay Garoowe waxaa ku guuleystay gobolka Banaadir halka tartankii kale ee July sanadkii hore dhacay ay ku guuleysteen ciyaar-toydii ka socotay Puntland. Haddii marka aan qaab maamul goboleed u qorno waxaa ay noqoneysaa sidan: Jubbaland: 8 Jeer Koonfur Galbeed: 3 Jeer Banaadir: 2 Jeer Hirshabeelle: 3 Jeer Galmudug: Eber Puntland: 1 Jeer Natiijada iyo ciyaaraha, kala soco, Goobjoog News Source
  23. The role of a good leader is not to have all the ideas; it’s to create a culture where everyone can have ideas and feel that they’re valued. When a leader leads the state according to his own outlook, people lose faith in the state. When a leader plays the tribal card and smears his political rivals, people lose faith in their government. When a leader brings people of his own tribe into government – and more important into the army, people lose faith in the government. When the national treasury becomes the leader’s private bank account, people lose faith in the state. When a leader secures the rights of some people by the denial of the rights to others, peope lose trust in the state. When people lose faith in the state, they take solace in the tribe, and the tribe is the natural enemy of the nation. When people lose their jobs for reasons of tribalism and nepotism, they lose faith in the state, and take refuge in the tribe, and as more people lose faith in the state, they begin to trouble the peace of the nation. Faith is a fickle custodian of unity in an era of megalomania. Its absence increases the tention between the tribal factions that engage in control of power. Both are held together by trust. If a faction feels a threat to its position of strength by the other faction, conflicts arise and peace becomes untenable. Conflicts and clashes arise when a political tribal marriage is breached and broken.This is true of all tribal politics where tribal states become necessary. A state built by tribes could only be flourished when confidence-building measures between the tribes have a strong foundation. Politics and power are facts of life. No society can run its affairs without politics and power. People argue and disagree, about how they should live, who should govern over whom and how power is distributed or monopolised. In Somsliland, some people (tribes) rejoice in this, seeing in political participation and government the possibility of building power, wealth, and authority. It is then this that the ghost of megalomania has become the real driving force of Somaliland tribes. The first sin of bad government is arrogance coupled with ignorance. Putting loyalty to the the immediate family ahead of loyalty to the state is undoubtedly among the policies that bad leaderships bring into force. And when loyalty to the nation is limited to a narrow circle of trust around the immediate family; the state turns to be an object of suspicion. Most of Somaliland problems in the last seven years have risen from the inability to complete the process of a file that converts intention into reality. What was largely lacked was honesty, competency, proper decision making, national vision and justices. As we head into the year 2018, this is a good time to come to terms with the truth of the matter. As a people, and as a democracy, we have not matured to the point where we can self-govern. What we need is a government that can discipline itself. Somaliland is a country that demands strong leadership, the kind that can make tough decisions and take responsibility when things don’t go as planned. The kind of leadership that is willing to be accountable to the people. At this point in our history, just 25 years after seccesion, we are in a political space where true leadership cannot start with the government. We are still bickering like two kids squabbling in the backseat on a car, while we are yet unable to know exactly where we are right, where we are wrong and are not able to create the ideas and the vision that reflect the sense of what Somaliland will look like tomorrow. The structure of government does not change, whether it is brilliant or awful. A president presides. A Cabinet sits in attendance. What we need to change is our attitude of how we do things and govern ourselves. Every government collapses when common purpose is lost, when every minister becomes his own master and people become servants. We are in the age of challenges and change. The challenges Somaliland faces are many. Poverty across the board and poor leadershhip are our own basic challenges. Culture deficiency is another major problem. Corruption is a cancer that killed and still continues to kill us. The ghost of negative tribslism is what makes us chained to the ground and keeps us in kraals. Leadership is constantly measured by utility. Loyalty is a variable virtue qualified by beehive ambitions. Clanish rainbow is no guarantee of peace, nor a good gesture for making Somaliland great. Megalomania is just a useless quarrel through intense and immoral politics. No battle is lost until it is fought. The tribal camps are finally in place, the coalition is glued to the task, and the commanders are named. He who will look at the past will recognise the reality. A government of inclusion, whose motto is unity, faith, peace and progress, cannot abandon what is right and hope to retain its credibility. God bless Somaliland. By:Jama Falaag Hargeisa, Somaliland.
  24. Garowe (Puntandi) Xaflad lagu maamuusayay maalinta farshaxanka Puntland oo sannad walba loo qorsheeyay shantsha bia December ayaa lagu qabtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, iyadoo ay tahay markii saddexaad oo la xuso. Waxaa xafladaan kasoo qeyb galay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng Camey, xubno katirsan golaha xukuumada, aqoonyahano iyo bahda warbaahinta gaar ahaan sawir qaadayaaasha oo xuskaan iyaga loo sameeyay. Waxaa goobta xaflada lagusoo bandhigay sawirro isugu jira kuwa Kaamero lagu qaaday iyo kuwa gacanta lagu sawirray oo ka tarjumayay bilicda iyo kheyraadka Puntland, sidoo kale waxaa ku jiray kuwa gacanta lagu sawirray oo si gaar ah u taabanayay dhaqanka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa shahadooyin guddoonsiiyay sawir qaadayaashii madasha kusoo bandhigay xirfadooda, isagoo ku dhiiri galiyay howsha ay hayaan. Waxaa madaxweyne Camey u sheegay inay ahmiyad weyn dowladdu ugu jirto inweriyayaashu mar walba soo bandhigaan kheyraadka iyo quruxda waddankeeda taala, si caalamka loo tuso Puntland inay tahay dhul ilaaheey ku manaystay nabbad iyo barwaaqo. DAAWO SAWIRRADA. Farshaxaniiste Abshir oo sawiraya wajiga madaxweyne Camey. Sawirka Camey oo goobta uu ku sawirray Abshir Taatiko Puntlandi.com
  25. Bosaso-[Puntland Post]-Waxaa gabi ahaanba goor dhaw lagu wadaa in laso afmeeray waada hadaladii ay garwadeenka ka ahaayen isimada Puntland ee lagu wada hadal siinayay Puntland iyo Ganacsatada Cabashada ka keenay shirkada lagu wareejiyey Dekada Bosaso. waxana hada munaasabadii lagu shaacinayey go,aanada ka soo baxay shirka uu ka socdaa hoolka shirarka ee Hotel Gacayte ee Magaalada Bosaso. Warbaahinta Puntland Post xog ay heshay ayaa sheegaysa in xal laga gaaray Murankii ka taagnaa Dekeda, isla markaana maanta lagu dhawaaqi doono natiijada kaso baxay wada hadalka. Warar horu-dhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Ganacsatadu ay ogolaadeen Khimadaha ay dawladu kordhisay, hasa yeeshe waxaa qodobada heshiiska ka mid ah innaan dib loo kordhin karin sida uu xogta ku helayo Puntland Post Xafiiskiisa Bosaso. Ganacsatada ayaa sheegay in marka Dekeda la dhiso ay si buuxda u ogolaanayaan Sharci kasta oo Shirkadda Dekeda maamusha ay keento, hasa yeeshe inta ka horaysa loo baahan yahay in heshiiska la gaaray lagu dhaqmo, arrintaas oo la isku raacay. Dekeda magaalada Boosaaso ayaa waxaa maamula shirkad laga leeyahay wadanka Imaaraatka carabta, taasi oo lagu magacaabo P&0 PORTS, waxayna hoostagtaa Shirkadda DP WORLD. Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo uu ka ha hadlayey munasabad ee ay arday ku qalin jabinaysay oo ka dhacaday Bosaso waxa uu sheegay in Ganacsatada Puntland ujeedada ay u qaylinayaan ay tahay inay wax ka helaan Qandaraasyo toban kor u dhaafaya oo dawladu ay gacanta ku hayso, kuwaas oo uu sheegay in loo tartami doono. Wxii soo kordha la soco Insha Allah Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Isimada Puntland oo goor dhaw ku dhawaaqi doona natiijada kaso baxday wada hadaladii Ganacasatada iyo Dawladda appeared first on Puntland Post.