-
Content Count
205,916 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Wasiirrada Difaaca ee ka socda waddamada ay ciidamadooda qaybta ka yihiin AMISOM ayaa ka digay in guulaha laga sameeyay Soomaaliya ay halis ugu jiraan in ay khasaaraan haddii aan wax laga qaban arrimaha taagan sida tirada ciidamada oo yar iyo dhaqaale aan la saadaalin karin. Wasiirrada oo magaalada Kampala ee dalka Uganda ka qaybgalayo kulanka waddamada ciidamadooda deeqay ayaa ku celceliyay mowqifka ay taliyeyaasha ciidamada dalalkooda qaateen maalin ka hor, in Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay u baahan tahay taageerro dheeraad ah si ay ugu suurtagasho in ay gudato waadjibaadkeeda ah nabadeynta Soomaaliya. Digniintan ayaa waxaa soo jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Uganda, Sam Kutesa, kaas oo sheegay in Howgalka uu sidoo kale u baahan yahay qalab lagu xoojiyo ciidamada kuwaas oo muhiim u ah si loo qaado howlgallo hufan. “Hadda kaddib, waxaa marka muhiim in beesha caalamka ay eegto arrinta muhiimka ka ah Soomaaliya, si aysan guulaha la gaaray sanadihii ugu dambeeyay oo loo maray juhdi badan iyo waxyaabaha ay hureen AMISOM iyo Ciidamada Xoogga Soomaaliya u noqon kuwo khasaaray,” ayuu yiri Mudane Kutesa. Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhimista ciidamada AMISOM loo baahan yahay in dhinaca kale lala wado xoojinta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo in aysan u soo bixin meel bannaan ah markii ay AMISOM dalka isaga baxdo. Sanadkii hore, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu ansixiyay qaraar oo meel-mariyay in tirada ciidamada AMISOM la dhimo, mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Smail Chergui, oo ah Guddoomiyaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo ka hadlay shir hor-dhac u ahaa kulanka ayaa ku baaqay kaalmo caalami ah oo dheeraad ah isla markana qorsheysan kaas oo loo fidinayo howlaha lagu taageerrayo qorshaha xil wareejinta si ay ugu suurtagasho ciidamada ammaanka ee Soomaaliya in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga ee dalkooda. Danjire Chergui ayaa ammaanay shaqaalaha naftooda ku waayay ayaga oo gudanaya waajibaadkooda Soomaaliya Danjire Chergui ayaa ammaanay shaqaalaha naftooda ku waayay Soomaaliya ayaga oo gudanaya waajibaadkooda, wuxuuna uga mahadceliyay madaxweyneyaasha waddamada ciidamadooda deeqay horumarinta dareenka Afrikaannimada. Waxaa uu xusay in Soomaaliya ay cagta saartay waddadii horumarka, asaga oo shaaciyay in guulaha dhinaca siyaasadda ee la gaaray sanadkii laga soo gudbay ay muhiim u yihiin xeeladda ka bixitaanka dalka ee AMISOM iyo sidoo kale xil wareejinta mas’uuliyadda amniga lagu wareejinayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Mas’uulkan ka socda Midowga Afrika ayaa ka hadlay qaar ka ah mid horumarka laga sameynayo Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin ansixinta Hab-dhismeedka Amniga Qaranka, kaas oo bixinayo qorshaha lagu dhisaso ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed, qorshaha siyaasadda loo dhan yahay iyo hannaanka dib u eegista dastuurka, iyo habka cusub ee doorashada qof iyo cod ee lagu wado in ay dhacdo 2020. Danjire Chergui ayaa xusay in xasilloonida siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya ay saamaxday in la bilaabo diyaarinta Qorshaha Xil-Wareejinta ee Soomaaliya, iyada oo la yagleelay guddi ka shaqeyn lahaa diyaarinta qayb-qoraalka xil-wareejinta ka hor dhammaadka bisha Maarso ee sanadkan. Waxaa uu xusay in qorshaha ay qayb muhiim ah ka noqon doonan qorsha AMISOM ee ku aaddan xil-wareejinta, oo ka mid yihiin in ay dib u eegis ku sameyso Qorshaha Howlaha, iyo horumarinta hufnaanta howlgallada AMISOM. “Meelaha uu Midowga Afrika xoogga saari doono wakhtiyada soo socda ayaa waxaa ay noqon doonaan in uu taageerro dardargelinta horumarinta qorshahan, in uu wado in si wanaagsan uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, iyo in si buuxa loo hirgeliyo Qorshaha Xil-Wareejinta ee Soomaaliya,” ayuu yiri Chergui. Waxaa uu sheegay in ahmiyadda siyaasadda si ay Soomaliya u hesho nabad iyo amni ay aragti cusub ku dhalisay Midowga Afrika, asaga oo raaciyay in dhacdooyinka sanadkii tagay ay si cad u muujiyeen in aanan horumar dheeraad ah laga sameynin karin dhinaca amniga iyada oo aan horumar laga sameynin dhinaca siyaasadda. Kulankan ka socdo Kampala ayaa waxaa uu daba socdaa kulan 21 bishii Sebteembar 2017 la qabtay intii uu socday Shirkii Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York. Kulanka ayaa waxaa qabtay Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, si la isku weydaarsado fikradaha ku aaddan xaaladda Soomaaliya, lagana wada hadlo mustaqbalka dalkan ku yaal Geeska Afrika. Madaxweyneyaasha iyo Xukuumadaha ka socdo shan waddan oo ciidamadooda deeqay ayaa berri kulan yeelan doonaa si ay uga wada xaajoodaan waxyaabaha ay soo jeediyeen madaxda militarigooda iyo wasiirradooda. Xigasho:AMISOM PUNTLAND POST The post AMISOM oo digniin cusub soo saartay. appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online)-Ciidamada Xoogga dalka Somalia ayaa dib u qabsaday magaalada Balcad ee Gobolka Shabellaha dhexe, kadib markii maanta barqadii ay la wareegeen ciidamo ka tirsan al-Qaacidada Somalia ee al-Shabaab. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah manta kula wareegat Degmada Balcad, waxaana lasoo sheegayaa in halkaa ay isaga baxeen kadib markii ay Qarxiyeen dhowr xarun oo ay ka carareen ciidamada iyo goobo kale. Maleeshiyada ayaa qabsashada Balcad ka hor marisay Qaraxyo jahwareer galiyay ciidamada iyo dadka shacabka ah, waxa ayna Qaraxyada ugu badan khasaaro kasoo gaareen Ciidamada AMISOM oo xiligaa ku sugnaa meel u dhaw deegaanka Gololeey oo dhinaca waqooyi kaga beegan Balcad. Ciidan aad u badan oo ka tirsan dowladda kana ambabaxay Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Jowhar ayaa suuragal ka dhigay inay la wareegaan gacan ku haynta Magaalada Balcad oo Shabaab ay ka baxeen. Sidoo kale, Muddadi koobneyd ee ay Al Shabaab heysteen magaalada Balcad ayay wararku sheegayaan in ay galeen xarumaha dowlada, sida Xaruunta Maamulka Degmada iyo Saldhiga Boliska oo ay kasii daayeen maxaabiis ku xirneyd. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa waxaa dagaalka looga dilay 13 Maleeshiyo, waxaana laga qabsaday 14 qori iyo gaadiid ay maleeshiyada kusoo galeen magaalada Balcad, kuwaa oo ay uga carareen dagaalka, halka qaarna ay la baxsadeen. Dhinaca kale, Maleeshiyada al-Shabaab ayaa Xarunta Degmada iyo Saldhiga Boliska kala baxay Kumbiyuutaro iyo Dukumiintiyo ay ka buuxsadeen Jawaano. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com The post Maxaa kala soctaa tirada al-Shabaab looga dilay dagaalka Balcad & Hubka looga qabsaday dagaalka ? (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Corruption is simply how government officials steal the public treasury and bribery is an extra government tax. Both of them are a burden to the poor consumer. It is known to us that businessmen pay the legal tax – customes duties, port dues, demmurage charges etc each year. Let us know also businessmen pay bribes to local givernment officials for operating smooth instant clearance permit. The tax plus the bribe raises the businessmen’s bottom line cost to a higher amount. The business has no problem to pay taxes and bribes simply because he considers the extra charges as additional costs. These additional costs (bribes) being paid to government officials at the gateways are what actually raise selling price for every imported consumable item, thus causing inflation. Who finally pays this high price? Will political corruption and bribery are part of inflantion? If the answer is literally yes, how Somalilsnd government will deal with corruption and bribery? In general, taxes and bribery discourage small business. When costs go up, the ability to start new business slows down. When costs go up, the purchasing power will deminish and small business will be closed, because overheads will increase and profit margins will fall. If small businesses disappear, many people will come out to the streets looking for sources of income. The more people lose sources of income, the more troubles of choas are likely to come out. Job creation can be the solution to this problem. But how jobs are to be created? Where is the ability to create jobs? Jobs creations need knowledge and know-hows. How Somaliland government can create jobs for the unemployment when there are no resources and know-hows? In simple terms corruption and bribery reduce the economic incentive to produce. This lowers a country’s output and drags down the entire nation’s standard of living. Corruption and bribery, however, have a more damaging impact than most regular government taxes. First, paying bribes to officials reduces people’s trust in government. Second, corruption is a plunder of public wealth and thereby hinders national economic growth, and bribes are more damaging than a government tax because the amount paid in bribes is often both unknown and highly variable. There is no week nor day nor hour when public property plunder tranny may not enter upon this country, and bribes are paid, because the people lost their decency and spirit of defiance. An official that is free to operate without limits – whether limits imposed by arrogance or ignorance or fear of the responses from those harmed by their behavior – is an official that will plunder, degrade, and cheat at will, and act endlessly to fortify his own power. The reason the officials are operating with no limits is just beacuse they are not accountable to anyone. When plunder becomes a way of life, government officials create for themselves a system that authorizes it and a loophole that glorifies it. The Somaliland local cost of corruption and bribes is, when statistically speaking, estimated at more than $1.85 billion a year. Imagine how things would look like if such amount as this is invested in the country. Somaliland businessmen only know how to buy and import commodities from the outside world and then sell the imports to local people, no more, no less. Whether this belief resembles the reality we all share is an issue that does not arise. But outright ignorance and negeligence by businessmen are not fairy tale. It is sad that Somaliland businessmen are willingly and unwitingly not ready to invest their monies in their own country. The fields of agriculture, livestock and fisheries are the opportunities awaiting for investment, should Somaliland rich citizens are ready. We must as Somaliland people recognize that corruption and bribes are integeral part of inflation. And if we don’t deal with corruption and bribery, they will deal with us? If Somaliland rich citizens would not invest their monies in the country, we Somaliland people must realize that we will only remain “consumers” for ever. The only way Somaliland can survive is if we can change the way we think act and live. If we don’t deal with corruption and bribery, they will deal with us. Plunder and bribery are besides other factors what always causes our inability to control inflation. By: Jama Falaag Hargeisa, Somaliland
-
Federal Government has declared that the Berbera Port deal inked between Somaliland and Dubai Ports World of the UAE is null and void and undermines the integrity of the sovereignty of Somalia. This was disclosed in a statement from the Ministry of Ports & Maritime Transport which said that the agreement which stipulates that DPW acquires 51%, Somaliland is to take 31% while Ethiopia acquires 19% is not binding. The Somali Govt was not part of the agreement and has not authorized any one to sign on its behalf the deal with the DPW. Not only the Mogadishu installed govt nullified the deal but also said that it was unconstitutional and posed a serious threat to the unity and the integrity of Somalia. The Govt calls on that all agreements must adhere to the rule of law and set by the government of Somalia and in conformity with the approval of the parliament said the ministry in its statement. Here Is the Speech of Somalia PM Khaire on DPW-Somaliland Port Deal
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmahan Safar shaqo ugu maqnaa dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ,ayaa waxa uu ka hadlay heshiiskii dekeda Berbera ee Soomaaliland aya la gashay Shirkada DP World. Xasan Cali khayre ayaa waxa uu soo dhaweeyay War saxafadeed kii maanta ay ka soo saartay Wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka bada ee Soomaaliya ee lagu qaadacay Heshiiskaasi. Waxa uu sheegay in heshiiskan ay san dowladda Soomaaliya qayb ka ahayn ,lagalana tashan, waxana aysan ka ogayn. Halkan ka dhagayso hadalka Ra’iisul Wasaaraha. Xasan Cali khayre nnnnnnn
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 20 kalena way ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah iyo miino waddada dhinaceeda la geliay oo maanta lagu weeraray ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose. Weerarka Ismiidaaminta ah oo ka dhacay saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sababay dhaawacyo iyo dhimasho fara badan, inkastoo saraakiisha ciidamadu ay ka gaabsadeen inay sheegaan tiradooda. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Hoose C/fataax Xaaji ayaa sheegay inay jiraan khasaarooyin badan balse aanay doonayn in saxaafada ay la wadaagaan wixii ka dhacay saldhigga. “Qaraxa lala beegsaday saldhigga waxaa ku dhaawacmay lix askari, kuwaas oo dhaawacyadooda loo qaaday Muqdisho, balse waxaan idiin xaqiijinayaa in qof shacab ah aysan khasaare kasoo gaarin qaraxaan,” ayuu yiri Cabdifataax Xaaji oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale, C/fataax Xaaji ayaa intaas ku daray in khasaare badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay Qarax miino oo lala beegsaday gaadiidkii dhaawacyada u qaaday Muqdisho, kuwaasoo lagu weeraray inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye. “Khasaare badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa wuxuu ka dhashay miino lagu weeraray gaadiidkii dhaawacyada u qaaday Muqdisho, waxaana dhintay tiro askar ah, kuwo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray,” ayuu hadalkiisa ku daray C/fataax Xaaji. Inkastoo uu ka meer-meeray inuu si dhab ah uga hadlo khasaaraha kasoo gaaray ciidamada dowladda Qaraxyadan, ayaa haddana ilo wareedyo kala duwan oo ka madax-bannaan kuwa maamulka waxay sheegeen inay arkeen dhimashada iyo dhaawac askar badan oo saldhigga ku sugnaa. Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, wuxuuna ka dhacay degmada Afgooye ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo weerar toos ah oo ay isla Al-shabaab ku qaadday maanta ciidammo ka tirsan AMISOM oo kusii jeeday Jowhar oo marayay dulleedka Balcad, isla markaana ay ku qabsadeen qaybo ka mid ah degmadaas. PUNTLAND POST The post Askar badan oo ay khasaare kasoo gaartay Qaraxyo kala duwan oo lala beegsaday appeared first on Puntland Post.
-
Beeralayda Puntland ayaa bilaabay Abuurista dalagyo ay kamid yihiin Galayda iyo Haruurka ,kaas oo uu Qor shihiisa uu soo bilowday dabayaaqadii Sanadkii tagay ee 2017 kii. Gobolada ay dalagyadan ka soo bixi doonaan laguna beeray ayaa waxaa ka mid ah Sanaag , Haylaan iyo Nugaal. Arintan ayaa ah mid ku cusub Beeralayda Puntland ,waxaana Beeraha Puntland ka Bixi Jiray dalagyo ay ka mid yihiin Timirta , Yaanyada, kaarotada Basbaaska , liin dhanaanta , Liin Macaanta , iyo dalagyo kale oo farabadan. Beeralayda ayaa sheegtay in arintan ay tahay waji cusub oo ay uga baxayaan faqriga ,korna ay ugu soo qaadayaan wax soo saarka Beeraha ku yaala Sagaalka Gobol ee Puntland . Beeralayda ayaa sheegtay in mashruucan aysan jirin cid ka taageeraysa oo ka tirsan dowaldda Puntland iyo Hay,adahaba. Halkan ka dhagayso Gudoomiyaha Beeralayda Puntland C/casiis Ismaaciil Garaad . Gudoomiyaha beelarayda Puntland Garaad
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Heshiiska Saddex geesoodka ah ay kala saxiixdeen Shirkadda DP-World ee Imaaraatka laga leeyahay, Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Itoobiya oo ay ku qeyb sanayaan Saamiga kasoo baxa Dekeda Berbera. Kheyre ayaa sheegay in aanan Xukuumadda Soomaaliya raalli ka aheyn Heshiiskaasi, maadaama uu sheegay in aanan waafaqsaneen Dastuurka iyo Xeerarka dalka u yaalla. Waxa uu Meesha ka saaray Jiritaanka wararka la isla xiriirinaya ee ah Socdaalkiisii Imaaraatka iyo kala saxiixashada Heshiiskaan oo soo baxay Gaba-gabadii safarkii uu ku joogay Imaaraatka. “Mowqifka dowladda Soomaaliyeed waa midka ku cad, midka ay soo saartay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, heshiis walba la galayo oo masiiri ah, deked ha ahaato ama kheyraad dalka meel walba oo ay tahay waxaa u igman kaliya dowladda federaalka, ansixintiisa waxaa leh Baarlamaanka, waxaa mar labaad hoosta ka xariiqayaa in shirkad walba oo dunida ah oo raba in dalkeena maalgashadaan waa soo dhoweyneynaa, laakiin waa inay soo maraan daqriiqa dhabta hey’adaha dastuuriga”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo si geesinimo leh uga hadlay go’aanka dowladda ee ku aadan heshiiska Dekeda Berbera. Dowladda Federaalka oo kaliya ayuu sheegay in ay gali karto go’aamo la xiriira Deked, Kheyraat iyo arrimaha Masiiriga ah, waxa uuna sheegay in Hay’adaha Dastuuriga ah lakala tashto heshiisyada la galayo, balse aanan ka muuqan heshiiskii xalay sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muuqaal: Ra’iisul Wasaaraha oo si cad uga hor-yimid heshiiskii Dekeda Berbera appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre oo Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay heshiiskii Dekedda Berbera ee ay Saamiga ku kala saxiixdeen Shirkadda DP World, Somaliland iyo Dowladda Itoobiya, iyadoo heshiiskan la saxiixay xilli Ra’iisul wasaraaha ku sugnaa Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskaas aanay qeyb ka aheyn, lugna ku laheyn, isagoo xusay in mowqifka Dowladda Federaalka uu yahay midka ay soo saartay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ee ay heshiiskaas ku tilmaamay inuu ahaa mid sharci-darro ah. “Mowqifka Dowladda Somalia waa midka ku cad Warbixintii ay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Baddu soo saartay, heshiis walba masiiri ah oo la galayo, Deked ha ahaato ama Kheyraadka kale meel walba oo ay tahay waxaa u idman Dowladda Federaalka, Ansixintiisa waxaa leh Baarlamaanka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somalia. Sidoo kale, Wuxuu intaas ku daray. “Waxaa mar labaad hoosta ka xariiqayaa in shirkad walba oo dunida ah oo raba in dalkeena maal-gashadaan waa soo dhaweyneynaa, laakiinse waa in ay soo maraan daqriiqa dhabta hay’adaha Dastuuriga.” Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkad walba oo aan soo marin dariiqa sharciga ee ku soo Xad-gudba waddamada ay la Tiigsanayaan sharciga, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin. DHAGEYSO Shirkii Jaraa’id ee Ra’iisul Wasaaraha Somalia uu qabtay; http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/RW_Khayre_Heshisikii_Dekedda_Berbera_DP_World.mp3 PUNTLAND POST The post RW KHAYRE: Heshiis kasta oo la galayo waxaa Go’aankeeda iska leh Dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Taliska Ciidamada Booliska ee degmada Afgooye ayaa faah faahin ka bixiyay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Xero Ciidan oo Imaaraadku uu ku tababaro Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Taliyaha Saldhiga bartamaha ee degmada Afgooye C/qaadir Mursal Nuunow ayaa warbaahinta u sheegay in labo Asakri oo ka tirsan ciidama uu dhaawac ka soo gaaray , waxa uu Taliyuhu uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo khasaaraha soo gaaray Ciidamada inta uu laegyahay , waxaana uu haldalkiisa ku soo koobay in Qaraxa lafashiliyay . Sidoo kale Al-shabaab ayaa jidka ugalay dhaawacyadii Askarta ee lo soo qaaday Magaalada Muqdisho waxayna labeegsadeen kolonyadii lasocday Ciidamada Miino dhulka lagu Aasay. Xaalada degmada Afgooye ayaa haatan degan ,waxaana dib u soo laabtay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee degmada Afgooye. Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas,uuliyada Weerarkan . Dhanka kale Ciidamada Dowlada ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe, kadib markii maanta Al-shabaab ay saacado kooba gacanta ay ugashay horayna u sii qaatay markii ay ka baxeen magaalada Qalabkii yaalay Saldhiga Ciidamada Booliska iyo Dowladda Hoose . Halkan ka dhagayso . 140302_005 - My Recording
-
Maalmo kolkii ay uga hadhsanaayeen dhicitaankii dawladdii dhexe ee Soomaaliyeed 1990kii waxaa soo baxday hees tawaawac ah oo ay ku luuqeynayeen hobolada waaberi oo uu dhextaal u ahaa kana dhex muuqday abaawaankii Soomaaliyeed Cabdullaahi Qarshe (AUN). Heestaasi waxay kamid ahayd ruwaayad tusmo iyo tusaaleyn wadatay oo hobolada waaberi kusoo bandhigayeen siday talada wadanku u wabax-taraartay, dhaanka ummaddana loogu raray meel aan ceel lahayn. Waxay abwaanadu tilmaamayeen waxa dhacay waxaa kale oo ay ka digayeen cidhibta xun ee ay yeelan karto sida xilligaas talada ummadda loo maqooradayay. Heestan midhaha dhextaalka u ahaa waxay ahaayeen ”Maxaa Dambi layga galayeey……aah….Maxaa Dambi layga galayeey”. Abwaanka ayaa si hoose oo dareen ku gelinaysa ugu luuqeynaya erayadaas, adigoo maqlaya in erayadiisu aysan kasoo baxaynin afka baarkiisa qudha, ee uu sidii aar la ganay feedhaha kaga hiinraagayo. Waxaan shaki ku jirin qof walba oo ay ku hadhsantahay dareen Soomaalinimo inay qaman-dhaco iyo galiilyo qaadayso kolka uu dhageysto erayadaas, xusuustuna kula tegi hadii aad ahayd qof garanaya waxa gaba-warmay iyo guriga madhan ee maanta. Abwaanka ayaa u muuqda inuu bixinayay sawirka maanta ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan magaaladii muqdisho ahayd haysta. Sidaa awgeed ayaynu odhan karnaa xamar ayaa maanta ku tiraabaysa eraydaas ka xoogga badan magliga xawda kaa jara. Waa dhab in maanta Xamar dambi laga galay. Waa dhab inay garnaqsi maanta la taagan tahay. waa dhab in Xamar nimaan geyin gole usoo fadhiistay. Waa dhab in gamaarey iyo gafane gollanka loo geliyay. Waa dhab Alleylahee in gocor xun iyo gujo-kumaale Ilaahay ku salliday Xamar. Su’aasha taagan ayaa ah meeye gabanadeedii iyo wixii gacal ay lahayd, mise xero-guul bay ahayd iyadaan garawsane? Jawaabta su’aashaas waxaa iska leh intay u gardhiganayso, waxaase maanta lama huraan ah inaan cod dheer ku sheegno in lasoo gaadhay xilligii si dhab ah loo tilmaami lahaa gacanta madow ee Xamar u geysanaysa waxan oo gumaad iyo guryo ba’ay leh. Waxaa lama huraan ah inaan shaashka ka feydnaa shaydaan maroolaha iyo shisheeye u adeegaha ummadda dhex shaanbinaya. Waxaa iyaduna qumman inaan garwaaqsannaa in gacanta madow aysan ahayn oo qudha nimanka dhallinyarada ah. Waxaan maanta muran ku jirin in dhibaatada ugu weyn ay Xamar ku hayaan xoogag kale oo ilaashanaya danahooda gaarka ah iyagoo si dhab ah u og in haddii nabadda Xamar si qumman u hanaqaado ay baylahayso dantoodu. Waxaa intaas dheer in Xamar-ta maanta ay ku tallaabsanayso horumar dhinaca qalfoofka ah (dhismayaasha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga guud), ruuxdii oo ah dadkeediina ay sidii (1990-yadii) wali meydkoodu u saaran yahay gaadhi-gacankii. Maxaa xal ah? Hooyo Soomaaliyeed ayaa laga hayaa murti odhanaysay ”Wallee ninkani gabadhayda kama dhali-waayine hagrashaa jirta” Midaa mid lamid ah ayaa haysata Muqdisho, taas oo macnaheedu yahay xal looma waayin dhiig-baxa Xamar-e’ xaqiraad ayaa jirta. Bal saddexdan qaybood milicso waxay u yihiin xamar iyo siday u hagradeen. Dadweynaha Xamar: Shacabka xamar waxaa galay cudur ah ”Maxaa iga galay kol haddii aan aniga la igu socon”. Taasi waxay suulisay xaqii daris dariskiisa kale ku lahaa. Waxayse maanka ka saareen inay yihiin saddexdii dibi ee libaaxu cunay kolba mid, illaa shacabku si dhab ah u garto in dabka dariskiisa uu kusoo hulaaqi doono xilli xilliyada kamid ah,ayna adkaan doonto in nabadda Xamar ay sal-dhigato. Bal ila dheeho abwaankii Soomaaliyeed Cabdullahi Macallin Dhoodaan (AUN) oo ina hogatusaaleynaya arintaas. Haddii nacab walaalkaa qabtoo qaylo kaga yeedhsho Qool weyn haddii lala dhacoo qaarta lagu boobo Qablankiyo catowgiyo haddaad qawda sii maqasho War quud raadso mooyee haddaad qamandhacoon weydo Markii ay qudh-goyso ee dishee qawrac ugu jiiddo Qormadii uu taagnaa hadday bawd qalaal noqoto Qudhaadu kolkii ay soo hadhoo madiya oo qaawan Qunyar buu awoodaa inuu qoorta kaa jaro’e Odayaasha Beelaha Muqdisho: Tan iyo maalintii loo hadhuub qaaday in lasoo yagleelo dawlad Soomaaliyeed waxaa dhinac socday madal ay lahaayeen odayaal yidhi waxaan matalnaa beelaha Muqdisho degaan ahaan kasoo jeeda. Odayaashaasi waxay geed walba oo Soomaali ku tashanaysay kaga tiraabayeen waa in meel la saaro meeqaamkii siyaasadeed ee Muqdisho. Waxaase ayaan-daro ah in maalin qudh ah aanan laga maqal madfaca joogtada ah iyo maydka gaadhi-gacanka saaran iyagoo ka hadlaya. Sidaa awgeed ayay tahay inay odayaashu aragti u celiyaan baadi-goobkooda. Magaalada meeqaanka aad u raadinaysaan waxaa ka horeeya inaad dadkii idiinku noolaan lahaa nabad u keentaan. Dawladda Soomaaliyeed: Waxay taagan tahay ”Hebeloow wax ma kuu sheegaa oo waxaad ogtahay makuu sheegaa”. Xamar waxay dawladda Soomaaliyeed uga fadhidaa dib-u-heshiisiin ka guda-ballaadhan waxa maanta la arkayo. Murugo & Xanuun Baa Muwaadiniinti Ku Raagay, ee Muqdishooy maxaad Mudan? Axmed Maxamed Xasan Copenhagen Denmark 5/8-2017 The post Muqdisho Murugo Joogto ah iyo Meyd Gaadhi-gacan Saaran. appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kadib safar uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu Daqiiqadaha soo socdo saxaafadda uga warbixiyey heshiiska Dakadda Berbera. Sida ay Caasimadda Online xogta ku heleyso Ra’isulwasaare Kheyre ayaa sharci darro ku tilmaami doono heshiiskaas dowladda Imaaraadka loogu wareejiyey Dakadda Berbera iyo Saamiga dowladda Itoobiya laga siiyey. Ra’isulwasaaraha ayaa la filayaa inuu heshiiskaas wax kama jiraan kasoo qaado isla markaasna aysan Xukuumadiisa raali ka aheyn sidoo kalana uusan isaga waxba kala socon. Heshiiskan oo Shalay ka dhacay magaalada Abu Dhabi ayaa DP World waxa ay yeelaneysaa maalgashiga dekedda Berbera saami dhan 51%, halka ay Somaliland yeelaneyso 30%; Itoobiya ayaa oo DP World u aqoonsatay heshiiska ka noqoto dhinac Istiraatiijia ah, iyadoo la siiyay saami gaaraya 19%; iyada oo Itoobiya maalgashan doonto dhismaha muhiimka u ah dekedda Berbera. Guddoomiyha Shirkadda DP-World Axmed Bin Suleymaan ayaa ku sheegay heshiiska u dhexeeya shirkaddiisa DP-Worl, Somaliland iyo Itoobiya mid waxtar leh, isaga oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay hirgelinta fursad ay kuwada shaqeeyaan Itoobiya oo ku sheegay in ay tahay waddanka 110; milyan oo dad ah. Shirkiisa Jaraa’id iyo waxyaabaha uu kaga hadlo oo dhameystiran waan idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kheyre soo daqiiqado ka dib shir Jaraa’id ku qaban doono Muqdisho iyo Xukuumadiisa oo heshiiska Berbera u aqoonsatay inuu.. appeared first on Caasimada Online.
-
Balcad (PP) ─ Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Xaaladda Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo inteed badan ay la Wareegeen xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab. Kooxdan ayaa la sheegay in intii aysan gudaha u gelin degmadaas weerarro ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay dulleedka degmadaas, iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah gaadiidkii ciidamadaas ay wateen la gubay. Sdoo kale, waxaa la sheegay in kooxdu ay u suuro-gashay inay gacanta ku dhigaan gaadiid saad u waday ciidammo ka tisran kuwa Midowga Afrika oo ku sugan dulleedka degmada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-shabeelle oo Muqdisho 90-km kaga beegan dhanka Waqooyi. Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaas lala beegsaday ciidamada AMISOM, ayaa haddana wararka hoose ee la helayo waxay sheegayaan inay la dilay ciidammo ka tirsan AMISOM kuwo kalena la geeyay iyagoo dhaawac ah deegaanka Qalimoow oo u dhexeeya Balcad iyo Jowhar. Xoogagga Al-shababa ee la wareegay qaybo ka mid ah Balcad ayaa waxay qaateen wixii agab ah oo yaallay xarunta maamulka Degmadaas, waxayna ka sii daayeen xabsiga degmadaas maxaabiis ku xirnaa. Dhanka kale, Waxaa la sheegayaa in Al-shabaab ay qaateen qalabkii ay ku howlgali jirtay Idaacad Maxalli ah oo ka hawl-galaysay Degmada, taasoo lagu magacaabo Radio Balcad. Wararka ayaa intaas ku daraya inuu go’an yahay isku socodka waddamada dheer ee xiriirsa Muqdisho iyo Jowhar, iyadoo gaadiidkii Muqdiso ka tagay ay ku xanniban yihiin dulleedka degmadaas, halka kuwii ka yimid Jowhar ay ku xayiran yihiin iyaguna dulleedka fog ee degmadaas. Ugu dambeyn, Maamulka Hir-shabelle ayaan weli ka hadlin weerarkaan, iyadoo weerarkan uu kusoo beegmayo xilli Waddamada ay ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ku shirsan yihiin Uganda, kana hadlaya sidii loo xoojin lahaa hawlgalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Qabsatay Xaafado ka tirsan Deg. Balcad iyo Gaadiid laga gubay AMISOM appeared first on Puntland Post.
-
Two government soldiers were killed and six others injured on Friday after a suicide bomber attacked a military near Afgoye, a police offical confirmed. “Yes, one of our bases was just hit by a suicide attacker. He was not able to penetrate the compound,” Major Mohamed Ahmed, a police officer told HOL by phone. The officer added that that Toyota Noah – a conspicious seven or eight-seater MPV that is frequently converted by Al-Shabaab to a VBIED – was used in the attack. The military base is located near Afogye, just 30km (20 miles) northwest of Mogadishu. The troops stationed there are trained by the United Arab Emirates. While declining to give any details, Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack. The group’s military spokesman, Abdiasis Abu Musab said “There are many casualties. We shall give details later”. In a separate incident, the group killed five Kenyan police officers and injured three others during a raid on two security camps in Northeastern Kenya. There are also unconfirmed reports that Al-Shabaab has retaken control of Balad, a strategic town about 37 km north of Mogadishu that borders Afgoye, after overpowering the local police station. Al-Qaeda backed Al-Shabaab has been waging a ‘holy war’ against Somalia’s internationally-backed government for over a decade. The attack comes when the nation’s president, Mohamed Abdullahi Farmajo is in Kampala attending a high-level security meeting with AMISOM’s troop-contributing countries to discuss how to defeat the militant insurgency group. Source: Hol The post BREAKING: Two dead after suicide car bomb hits military base appeared first on Caasimada Online.
-
A Kenya police officer stops a car at Garissa University College in Garissa, northeast Kenya, January 11, 2016. Kenyan police clashed with protesting students at the University of Nairobi over the weekend. Thomas Mukoya/Reuters MANDERA, Kenya, March 2 (Xinhua) — Five Kenyan police officers were killed early Friday after suspected Al-Shabaab militants attacked two camps in Mandera County, northeast Kenya. Northeastern Regional Commissioner Mohamud Saleh confirmed to Xinhua by phone that the two attacks targeted administration police and Kenya police camps in Lafey town. Saleh said the dead included four administration police officers and a national police reservist. He said the terrorists are suspected to have crossed the border from neighboring Somalia, destroyed a telecommunication mast in the area to cut off communication and later stormed the two police camps. According to security sources, the heavily armed militia numbered about 100. Three other police officers were injured in the confrontation. Lafey Deputy County Commissioner Erick Oronyi said the injured are receiving treatment at a local health facility and awaiting to be airlifted to capital Nairobi for specialized treatment. He said the incident happened five km away from the border with Somali and the militants crossed on foot through the porous border. The area has faced a series of attacks in the past two months that saw many communication masts destroyed. This is the third time Somali extremists attacked a security installation in Lafey region. Attacks believed to be carried out by Al-Shabaab have occurred in Mandera, Wajir and Garissa counties of eastern Kenya since Kenyan soldiers crossed into Somalia in 2011. The attacks have occured despite efforts by the Kenyan military to flush out the extremist group by capturing their military bases and killing scores of them. Source: – Xinhua The post 5 police officers killed by suspected Al-Shabaab militants in northeast Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Arab health ministers decided to provide healthcare sectors in the war-torn Yemen and Somalia with urgent financial aid. The decision was taken at the conclusion of the 49th session of the Arab Health Ministers Council in Cairo Thursday. It council announced that it would allocate USD 100,000 for health ministers in each of the two countries to help them purchase the desperately needed medicine and medical supplies. It also approved Egypt’s proposal to establish the Arab Health Training Institute and entrusted the Technical Secretariat to coordinate with Egypt to put this proposal into effect. It instructed the technical advisory committee on health legislation to prepare an Arab health insurance draft law. It decided to ban smoking in public and closed places areas as well as to ban promotion of any tobacco product. This resolution would referred to the next Arab summit in Riyadh for final approval. It called for holding a joint meeting of Arab Ministers of Health and Social Affairs to finalize the elderly people care strategy at the end of 2018. The council discussed two other proposals submitted by Kuwait on upgrading adolescent healthcare services and expanding online health services. It asked the Kuwaiti delegation to prepare the necessary studies on these two proposals for deliberation in the next session. (pickup previous) mfm.hdr.ibi Source: KUNA The post Arab ministers okay urgent aid to Yemeni, Somali health sectors appeared first on Caasimada Online.
-
KAMPALA — Officials from countries that contribute to AMISOM, the African Union force in Somalia, are meeting this week in Uganda to discuss a transitional security plan for the troubled country. While AMISOM has made gains in Somalia, the risks still presented by militant group al-Shabab remain vivid due to inadequate funding and troop numbers. Over the past few years, AMISOM has pushed al-Shabab away from major cities, and the federal government of Somalia has taken steps toward stability. With foreign help, the Somali security forces have grown stronger, and political leaders are aiming to hold nationwide elections in 2020. These gains, however, are being undermined by inadequate troop numbers and lack of predictable and sustainable funding to fight al-Shabab and a small faction of Islamic State fighters in the north. The five AMISOM countries are planning to start a drawdown of their troops in Somalia this year, and withdraw all of them by the end of 2020. Ugandan Foreign Affairs Minister Sam Kutesa says it is essential that the Somali government intensify its effort to provide security for its people. “It is crucial that the drawdown of AMISOM is synchronized with a corresponding strengthening of Somali security forces,” said Kutesa. “The failure to carefully manage this process could imperil the political and security gains already made.” The ministers and defense officials meeting in Kampala say Somalis also have to make progress in settling internal political disputes, including tensions among clans and the periodic clashes between the forces of Puntland and Somaliland. These are political issues that AMISOM has no mandate to handle yet they stand to undermine the little peace and stability already gained. The troop contributing countries are also seeking support from key financial institutions such as the World Bank and African Development Bank. Smail Chergui, the African Union commissioner for peace and security, notes that resource concerns could sink the fight against al-Shabab. “More broadly, AMISOM will need to continue to enhance its operational effectiveness,” said Chergui. “Our operational imperative of degrading al-Shabab requires that we maintain an offensive and not defensive posture, and the requisite configuration to allow for that.” The AMISOM talks open Friday in Kampala. Source: VOA The post AMISOM Heads Meet Amid Security Concerns About Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay heshiiskii Dekedda Berbera ee ay wada-galeen Shirkadda DP World ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta, Somaliland iyo dowladda Itoobiya. Shirkadda DP World, ayaa shalay ku dhawaaqday in heshiiska Dekedda Berbera saami dhan 19% ay ku yeelaneyso Dowladda Itoobiya, halka ay Somaliland ku yeelanayso 30%, Shirkadda DP World ay iyaduna helayso saami dhan 51%. Bayaankan ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka ayaa hoosta looga xariiqay in heshiiskan uu yahay mid lagu wiiqayo midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. Waxayna intaas ku dartay in heshiiskan uu yahay mid waxba kama jiraan ah oo aan loo marin Dastuurka KMG ah ee Somalia. Ugu dambeyn, Qoraalkaka Wasaarada ayaa lagu xusay in dowladda Somalia aanay qayb ka ahayn, cidna wakiil uga aheyn heshiiskaas in lala saxiixdo DP World. Haddaba AKHRISO War-saxaafadda kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka DFS; PUNTLAND POST The post Xukuumadda Somalia oo sharci-darro ku Tilmaantay Heshiiskii DP World ee Dekedda Berbera appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay xaalada degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe iyadoo inta badan degmada Balcad ay la wareegeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in kahor inta aysan gudaha u soo galin degmada Balcad ay dagaalyahano ka tiran Alshabaab ay weerareen kolonyo gaadiid ah oo marayay duleedka degmada Balcad iyadoo la gubay qaar ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada AMISOM, sidoo kale waxaa ay qabsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab halka gaadiid kuwa xamuulka qaada ah oo saad u sidey saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka magaalada Jowhar. Warbaahinta ku hadasho afka Shabaab ayaa sheegay inay Kooxda Shabaab cagta mariyeen kolonyadii ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi, iyadoo ay sheegayaan in la gubay illaa 13 Baabuurta Gaashaaman oo ay lahaayeen Ciidamadaas kadib dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay Duleedka Magaalada Balcad. Sidoo kale warbaahinadaas ayaa soo gudbinayo in ay Ciidamada Shabaab la wareegeen jidka isku xiro Balcad iyo Afgooye. Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka dhex maraya Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM hase yeeshee waxaa la geeyay deegaanka Qalimow qaar ka mid ah ciidamada AMISOM oo dhaawac ah. Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Al-Shabaab ay qaateen dhammaan qalabkii ay ku howlgali jirtey idaacad maxali ah oo ka howlgalaysay degmada taasoo la yiraahdo Radio Balcad. Waxaana go’an isu socodka gaadiidka magaalada Muqdisho iyo magaalada Jowhar iyadoo gaadiid badan oo saaka ka soo tegey magaalada Muqdisho ay ku xayiran yihiin duleedka degmada Balcad halka gaadiid kale oo dad rakaab ah saaran yihiina ay ku xayiran yihiin duleedka Waqooyi ee degmada Balcad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Warbaahinada Shabaab oo qoraya in 13 Baabuur laga gubay Ciidamada AMISOM kadib dagaal ka dhacay Duleedka Balcad appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah goordhow lagu qaaday xarun ay ciidamada uu tababaray Imaaraadka ku leeyihiin degmadaas. Weerarka Ismiidaaminta ah ayaa la xaqiijiyay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo uu waday ruux naftii halige ah, kaa oo ku Qarxay Xarunta ciidanka. Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlaayay qeybo badan ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari nooca loo yaqaan NOAH oo uu waday naftii halige. Ciidamada ku sugnaa xerada ayaa ahaa ciidamo uu tababaray Imaaraadka Carabta oo saldhig ku lahaa degmada Afgooye. Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas fara badan oo ay rideen Ciidanka Dowladda oo ay tababartay Imaaraadka. Goobta uu ku Qarxay gaariga ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ku dhow Toban iyo afar, waxaana Qaraxa kadib ay ciidamadu isku gadaameen goobta uu Qaraxa ka dhacay si ay u fidiyaan gurmad. C/fitaax Xaaji Cabdulle, oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa qiray in Qaraxa uu ka dhashay Qasaaro xoogan. Goobjooge ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay Meydadka 11 ruux, oo ay ku jiraan ciidamo dhowr ah, waxa uuna tilmaamay in goobta uu ku Qarxay gaariga xiligaa ay taagnaayen dad farabadan oo qaarkood aan lagu heyn nolol iyo geeri, sida uu hadalka u dhigay. Goobjoogaha ayaa sidoo kale sheegay in dhaawacyada ay kor u dhaafayaan Toban ruux oo ay ku jiraan Ciidamo. Geesta kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka waxa ayna tilmaameen inay u adeegsadeen Gaari Qarax,ku dileen Ciidamo, kuna burburiyeen dhismaha saldhigga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Xerada ay degan yihiin ciidamada DF ee uu Tababaray Imaaraadka (Yaa ka danbeeyay) appeared first on Caasimada Online.
-
Four Kenyan medics at been suspended after cutting open the skull of the wrong patient at a hospital in Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
Weerar ismiidamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhawayd waxa uu ka dhacay irida laga galo Xarun Imaaraadka Carabta uu ku taba baro Ciidamada dowladda Soomaaliya. Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari noociisa uu yahay NOAH oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ka dibna lala beegsaday halkii uu bar tilmaa meedkiisa uu ahaa. Xaalada degmada Afhooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa kacsan, waxaana hakad galay isusocdii gaadiidka iyo dad weynaha . Mid kamid ah dadka deegaanka oo uu la xiriiray Warsidaha Puntlandi oo sababo Amni magaciisa uqariyay ayaa noo xaqiijiyay in Qaraxan uu ahaa Qarax wayn oo jugtiisa laga maqaly Magaalada oo dhan ,uuna jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacleh oo so gaaray Ciidamadii Xeradaasi lagu tababari jiray. Al-shabaab ayaa innta badan lagu yaqaan in ay sheegtaan Qaraxyada noocaan oo kale ah , kana fuliyaan Degmada iyo Magaalooyinka waaweyn ee dalka soomaaliya .
-
Jowhar (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal qaraaran uu iminka ka socdo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaalka oo goordhow bilowday ayaa waxaa uu u dhexeeya ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka al-Shabaab, waxa uuna dagaalka ka danbeeyay kadib markii maleeshiyada ay weerar abaabulan ku qaadeen xarumo ku yaalla gudaha degmadaasi. Maleeshiyada al-Shabaab oo wata gaadiid dagaal ayaa degmada kasoo weeraray jihooyin kala duwan, waxaana hada la soo warinayaa in halkaasi uu ka socdo dagaal culus. Maleeshiyada ayaa dagaalka hadda socda kula wareegtay gacan ku heynta meelo ka mid ah degmada, sida xarunta degmada iyo saldhiga Ciidanka Booliska, kadib markii ay ka baxeen Ciidamada Dowladda. Maleeshiyaad iyo Gaadiid dagaal ayaa lasoo sheegayaa in lagu arkaayo qeybo kamid ah Degmada, waxa ayna ciidamada dowlada faarujiyeen qeybo kamid ah Degmada oo iminka ay maamulayaan al-Shabaabka. Sidoo kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa Qarxisay qaar kamid ah Xarumaha maamulka Degmada Balcad, waxa ayna khudbad u jeediyeen dadka deegaanka. Waxaa cakiran xaalada Degmada Balcad waxaana ka socda dagaal leysu adeegsanaayo Hubka qeybahooda kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com The post Dagaal qaraar oo ka socda Balcad & Al-Shabaab oo qarxisay qeybo kamid ah Xarumaha maamulka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa waxaa looga hadlay heshiiska Dekedda Berbera. Heshiiska oo ahaa mid saddex geesood ah ayaa waxaa wada galay DP World, Somaliland iyo Ethiopia, waxa ayna Wasaaradda ku tilmaantay heshiiskaas mid lagu wiiqayo midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliya. Heshiiska oo Seddex geesood ah, ayaa waxa saamigiisa loo qeybsaday DP World maalgashiga Dekedda weyn ee Berbera saami dhan 51%, halka ay Somaliland yeelaneyso 30%, Ethiopia oo DP World u aqoonsatay saaxiib dhinaca Istiraatiijiyadda ah ay siisay 19%, iyada oo Ethiopia maalgashan doonto dhismaha muhiimka u ah Dekedda Berbera. The post Akhriso: DFS oo qoraal ku cadeysay mowqifkeeda ku aadan Heshiiska Seddex geesoodka ee Dekedda Berbera appeared first on Caasimada Online.