Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhex galay madaxda ugu sareeya kooxda Al-Shabaab, taasoo sababtay in amiirka kooxda Axmed Diiriye uu u baxsado Gobalka Gedo, ilo-wareedyo ayaa sidaas sheegay. Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in Axmed Diiriye oo ugu sareeya Al-Shabaab ay isku dhaceen Horjooge la yiraahdo Fiidow oo inta badan Shabaab u qaabilsan Koonfurta Soomaaliya. Fiidow ayaa ka mid ah kuwa ugu sareeya Al-Shabaab, waana shaqsiyada ay ka go’do talada kooxda marka laga soo tago Axmed Diiriye. Fiidow waa shaqsi Galaagal xoog badan ku dhex leh Al-Shabaab, taasoo keentay inuu Axmed Diiriye Gobalka uu muddooyin badan ku noolaa ka cararo. Taliyaha ayaa sheegay in ay heleen xogo ku aadan sababaha keenay Khilaafka madaxda Al-Shabaab, waxaana ka mid ah, ka dib markii ay kordheen Hawgalada Dhulka iyo Cirka oo ciidamada xoogga dalka iyo Beesha Caalamka ay ku ciribtirayaan Maleeshiyada Al shabaab. taasi oo kala dhex gelisay kala shaki dhexdooda ah. Ka dib markii uu dhacay Qaraxii Isgoyska Soobe 14-kii bishii Octoober ee sanadkan, waxaa dagaalka guud ahaan dalka looga saarayo Al-Shabaab ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, walwal iyo cabsi xoogan oo soo wajahday Maleeshiyada ayaa sidoo kale sababay Khilaafkooda oo gaaray heerkii ugu xumaa, waxaana ay isku mari la’yihiin deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan oo qaarkood ay cabsi ka qabaan in ay is shirqoolaan waana wax lagu yaqaano Maleeshiyada inay is dilaan. Taliye ayaa dhinaca kale sheegay in waayihii ugu dambeeyay uu jiray khilaafkan wuxuuna kaliya ku koobnaa Awooda iyo Dhaqaalaha, iyadoo madaxda Al shabaab ay isku fahmi waayeen sida loo maareynayo dhaqaalaha baada ah oo shacabka ay ka qaadaan iyo cida looga dambeynayo Talada, waxaana Fiidow iyo Rag kale oo Maleeshiyada galaangal ku leh ku jira damac ah inay talada kala wareegaan Axmed Diiriye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Amiirka Al-Shabaab oo baxsaday iyo khilaaf soo kala dhex galay kooxda appeared first on Caasimada Online.
  2. Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa qaadacay heshiiska Villa Somalia ku dhexmaray Hogaamiyaha maamulka Galmudug Xaafa iyo kan Ahlusunna Sheekh Shaakir. Xildhibaanada oo heshiiska dhexmaray labada dhinac kadib shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in Heshiiska Xaaf iyo Shaakir uu yahay mid lagu burburinaayo Galmudug. Xildhibaanadu waxa ay sheegen inaanu waxba ka jirin Heshiiskaasi isla markaana Xaaf uu yahay Hogaamiye aan xiligaani gali Karin Heshiis lagu matalaayo maamulka, sida ay hadalka u dhigeen. Xildhibaanadu waxa ay cadeeyen in burburka Galmudug ay mas’uul ka noqon doonto Villa Somalia, oo ay ku eedeeyen inay durbaanka u tumeyso dhabihii lagu burburin lahaa maamulka, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa ay Xildhibaanadu cudur daar ka dhigteen inay aheyd in Heshiiska ka hor inta aan la saxiixin la horkeeno baarlamaanka, hase yeeshee uu noqday mid u dhexeeyay laba shaqsi oo keliya. Waxa ay sheegeen in heshiiskaan ay galeen Koox yar oo mucaarad ku ah Maamulka Galmuudg sida ay hadalka u dhigeen iyo Xaaf oo baxsad u ah Ahlusunna. Sidoo kale, waxa ay sheegeen in Galmudug ay galeyso doorasho lagu dooran doono Hogaamiye Cusub oo bedeli doona Xaaf, sida ay haddalka u dhigeen taa oo dhici doonta 15 bishaan. Talaabadan ayaa imaaneysa xili Hogaamiyaha Galmudug iyo Sheekh Shaakir ay wada galeen Heshiis dhigaaya in hogaamiyaha Ahlu Sunna uu noqonayo Madaxa Xukuumada Maamul goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Heshiiska Xaaf iyo Shaakir oo la diiday (War culus oo kasoo baxay Cadaado) appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad “Indho Cadde” uu ku hingoobay rajadiisii ku aadaneyd xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugida ee Somalia. Ilo ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaan kasoo xiganay in dowladu ay Indha Cadde raali galin ka siisay in loo magacaabo xilkaasi sababo la xiriira awood qeybsiga iyo heerka uu gaarsiisan yahay Khibrada shaqsiga loo magacaabayo xilka. Codsiyada Indha Cadde oo muddo laba asbuuc ka badan yaala Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa raali galin ka bixiyay Ra’isul wasaare Kheyre oo isagu kaalin weyn ku leh xulista Taliyayaasha Hay’adaha amaanka miiska u saran Farmaajo. Xilkan oo iminka banaana ayaa waxaa ku loolamaaya ilaa Siddeed Musharax oo ay ku jiraan kuwo horay usoo fashilmay iyo kuwo soo hayay Garsoorka dalka oo xilalkoodii hore ku waayay Musuq, wallow ay iminka isku soo hareen ilaa laba musharax oo mid ay wadato Villa Somalia, sida aan xogta ku helnay. Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha ayaa ka fiirsanaaya shaqsiga ay u magacaabi doonaan xilka Taliyayaasha NISA iyo Booliska oo iminka la shaqeyn la’ Taliyayaal la’aan. Ma cadda sida uu arrinku noqon doono waxaase soo baxaaya in shaqsiyaadka loo magacaabayo xilalkaasi ay baaritaano badan mari doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Indha Cadde oo ku hungoobay xil uu muddo ka raadinayey dowladda Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  4. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay ka baxday heshiis ay Sanadkii 2015kii kala saxiixdeen dowladda Jabuuti kaas oo qorayay in Itoobiya ay dhisto dhuun shidaalka qaadda oo Dalka Itoobiya geysa noocyada kala duwan ee shidaalka. Masaafada Dhuunta shidaalka ayaa lagu sheegay in ay gaareyso 550KM, waxaana dowladda Itoobiya sheegeysaa in ay u joojisay dhaqaale xumo darteed. the Reporter. oo ka soo baxa Dalka Itoobiya ayaa sheegay in uu wareystay sarkaal ka tirsan Dowladda Itoobiya una sheegay in dowladda aysan bixin karin lacag ka badan $1.5 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah. Sarkaalkaas oo aan maaciisa la shaacin ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay dhameystirtay dhismaha Waddada Tareenka ee Jabuuti iyo Itoobiya,waxaana ay sheegtay in beddelka kaalinka shidaalka ay Tareenka adeegsan doonto. Dhismaha Waddada Tareenka ayuu sheegay in ay ku baxday $4 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah,kaas oo badeecadaha kala duwan ka soo qaadaya dekadaha dalka Jabuuti geynayana Itoobiya. Tareenkan ayaa waxaa uu qaadi doonaa shidaalka kala duwan sida diesel, gasoline iyo shidaalka diyaaradaha,waxaana uu xusay in dowladda Itoobiya go’aansatay kordhinta adeegsiga Tareenka. Shidaalka Itoobiya ay dibadda ka dhoofsato ayaa gaaraya 3.8 Milyan Mitirik tan,waxaana uu sanad kasta sare u kacayaa 10%,sida ay sheegtay warbixinta The Reporter. Xilligan ka hor Itoobiya Shidaalka ay adeegsato waxaa ay Jabuuti kaga soo qaadanjirtay Gawaarida waaweyn,ilaa bartamaha Itoobiya waxaana ku bixi jiray qarash aad u farabadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ethiopia oo heshiis muhiim ahaa uga baxday Jabuuti iyo xaalka oo ku xun appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Militeriga dalka Ugandha ayaa digniin culus kasoo saaray khatarta ay maleeshiyaadka al-Shabaab la damacsan yihiin goobaha ay ka taliso dowlada Federaalka ah ee Somalia. Taliska waxa uu sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay maleegayaan khataro hor leh oo ay ku aar-goosanayaan maleeshiyaadka looga dilay duqeymaha ka socda Gobolada Somalia. Major Gen. Peter Elwelu oo ka tirsan mas’uuliyiinta ugu sareysa Taliska qeybta ciidamada lugta ayaa cadeeyay inay jiraan macluumaad rasmi ah oo muujinaaya in al-Shabaab ay ku howlan yihiin weeraro argagixiso oo ay ka geysan doonaan goobo muhiim ah. Major Gen. Peter Elwelu, waxa uu carab dhabay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weli khatar weyn ku yihiin ammaanka Somalia oo ay ka wadaan weerar khasaaro geysta. Isagoo ka hadlaayey xero ciidan oo ku taala Uganda laguna kala badalayay ciidamo ka tirsan Uganda oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ciidamada cusub ee la geynayo Somalia ay ka feejignaadaan halista al-Shabaab. Waxa uu intaa ku daray in ciidamada Uganda ay u diyaarsanyihiin ka hortagista iyo howlgalada ka dhanka ah al-Shabaab. Sidoo kale, ciidamada Ugandha uga sugan jiida dagaalka ee Somalia ayuu ugu baaqay inay ka feejignaadan weeraro kaga imaada al-Shabaab. Haddalka Major Gen. Peter Elwelu ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyaadka al-Shabaab ay dhabar jab xoogan kala kulmeen weerarada ay diyaaradaha Mareykanka ka geysanayaan Gobolada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ugandha oo digniin kasoo saartay arrin khatar ah oo Shabaab ay soo waddo appeared first on Caasimada Online.
  6. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qado sharaf Magaalada Muqdisho ugu sameeyay Ciyaartooyda Xulka kubada Cagta Jubbaland ee ka qayb galaya Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo lagu qabanayo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Xildhibaanada labada Aqal iyo masuuliyiin kale ayaa munaasabadan ka qayb galay. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu rajaynayo in Xulka kubada Cagta Jubbaland ay ku guulaystaan koobka Dowlad Goboleedyada dalka isla markana ay muujiyaan niyad wanaag iyo habdhaqan wanaagsan marka ay garoonka ku jiraan. Madaxweynahu wuxuu Ciyaartooyda ku booriyay in ay soo celiyaan tariikhdii Jubbaland ay caanka ku ahayd isla markana ay koobka keenan Caasimada KMG ah ee Kismaayo. Isagoo ka hadlayay sida ay uga go’an tahay in Ciyaaraha la hormariyo ayuu Madaxweynahu sheegay in ay sababta ugu weyn ee Kismaayo loogu qaban waayay Ciyaaraha ay tahay in la doonayo in qaab casri ah oo Ciyaaraha waa weyn lagu qaban karo loo habeeyo garoonka kubada Cagta Waamo ee Magaalada Kismaayo isla markana la hormarin doono xirfadaha kala duwan ee Ciyaaraha Madaxweynahu waxaa kale oo uu balan qaaday in la abaal marin doono Ciyaartooyada Jubbaland isla markana iyaga laga bilaabayo hanaanka shaqo abuurka dhalinyarada oo ay dhawaan meel marinayaan golaha Wasirada Jubbaland. Xildhibaano Wasiiro iyo masuuliyiin kala duwan oo deegaan doorashadoodu ay tahay Jubbaland ayaa balan qaaday in si wanaagsan uga qayb qaadan doonaan muuraal siinta Xulka kubada Cagta Jubbaland. Puntlandi.com
  7. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 December 2017 cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday qaar kamid ah ciidanka Madaxtooyada oo dhaawac soo gaadhay dhowaan iyagoo ku guda jira difaaca dalkooda. Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ciidanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshayta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Madaxtooyada dawladda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa kulan laqaatay maamulka cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho suu uga warayso xaaladda caafimaad ee saraakiisha, waxaana ay u xaqiijiyeen Madaxweynaha in guud ahaan ciidanka ay xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay, isla markaana ay maalinba maalinta ka danbaysa kasoo raynayaan. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mid mid u qooqday saraakiisha dhowaan dhaawacu ka soo gaadhay qarax ay labeegsadeen sharwada yaasha tamarta yar, iyagoo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu si naxaariis iyo masuuliyadu ku jirto ula-dareemay xaaladda ay ku jiraan, isla markaana waxa uu Alle uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaantood. Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka ay waxyeeladani soo gaadhay iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkoodaba, waxaana ay kamid ahaayeen saraakiishani illaalada khaaska ah ee Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Puntlandi.com
  8. Madaxweynaha maraykanka Donald Trump oo hadal ka jeediyey Aqalka Cad ayaa ku dhawaaaqay in uu magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil,sidaasi darteedna uu waaxda Arrimaha debadda dalkiisa amar ku siiyey in Safaaradda Maraykanka loo raro halkaasi. Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in uusan ka laaban hadafkii ahaa nabad ka dhalata Israa’iil iyo Falastiin oo ku salaysnaa xal laba dowladood,si looga gudbo khilaafka mudada dheer ee dhulka ay ku muransan yihiin. Trump oo go’aankaan shaacinaya ayaa yiri“waxaan go’aansaday in ay tahay wakhtigii si rasmi ah Qudus loogu aqoonsan lahaa caasimadda Israa’iil”,wuxuuna raaciyey”iyadoo maadxdii hore ee Maraykanku ay ol-olahooda ugu weyn ee doorashada ku geli jireen ballanqaadkaan ayna ku fashilmeen ayaan maanta ka dhabeeyey”. Wuxuu sheegay in tallaabadaan ay marar badan daahday,islamarkaana Israa’iil tahay dowlad madax-bannaan oo xaq u leh in ay”go’aamiso caasimadeeda“,isagoo caddeeyey in uu amar siiyey Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka in safaaradda dalka loo raro maagaalada Qudus”hawshu si deg deg ah ayey u bilaaaban doontaa,enjineerada ayaa ka shaqeyn doona dhismaha safaaradda cusub”. Trump ayaa hadalkiisa raaciyey in madaxweyne ku xigeenkiisa Mike Pence uu maalmaha soo socda safar ku tegi doono gobolka Bariga dhexe si uu bah-wadaagta Maraykanka ugu xaqiijiyo”in Maraykanka ay ka go’antahay dagaalka xagjirka halista ku ah jiilasha mustaqbalka”. Go’aanka Trump ayaa ku soo beegmay xilli dunida muslimka iyo caalamkaba si weyn looga horjeestay in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil,islamarkaana baaqyo loo jeediyey in uu go’aankaas ka laabto. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa go’aankaan ku tilmaamay“mid taariikh ah oo caddaalad ah“,laakiin inta badan dunida ayaa laga cambaareeyey qararka Trump. Sidoo kale gudaha Falastiin ayaa waxaa ka bilowaday kacdoon xooggan iyo rabshado. Madaxweynaha falastiniyiinta Mahmud Abbas ayaa sheegay in go’aanka Trum soo xiray xalkii nabadda labada dhinac(Israa’il iyo falastiin),halka Ururka Hamas uu tilmaamay in qaraarka” uu albaabada jaxiima ku furayo danihii Maraykanka ee gobolka Bariga dhexe”. Dhammaan dhinacyada Falasiiniyiinta ayaa maalinta berri ah ku dhawaaqay kacdoon weyn oo looga horjeedo Israa’iil iyo Maraykanka,iyadoo caawo dadka reer Falastiin ay u tahay habeen murugo badan oo ay waddooyinka safan yihiin,iyagoo sita boorar ay ku xardhan yihiin ereyo ka dhan ah Trump. ,Qaramada Midoobay, Midowga Yurub,iyo Jaamacadda Carabta,ayaa durbadiiba ka hadlay go’aankan waxayna sheegeen in ay si weyn uga walaacsan yihiin. Dalka Turkiga ayaa mas’uuliyadda darro ku tilmaamay qaraarkaas,sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha debadda waddankaas. Madaxweynaha Faransiiska oo shir jaraa’id qabtay wax yar kadib go’aanka Trump ayaa yiri”ma taageersanin qaraarkan aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah,waana mid laga qoomameeyo”. Dhinaca kale Idaacadaha Israa’iil ayaa sheegay in goor horeba dowladda Philippine ay ku dhawaaqday in ay safaaraddeeda u wareejinayso magaalada Qudus,inkasto aan weli la xaqiijin karin warkaasi. Ammaanka Safaaradaha Maraykanka ee dalalka debadda ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoo laga cabsi qabo weerarro in lagu qaado sida ay soo werisay warbaahinta Maraykanka. Cabdiraxmaan Ciise Cumar PUNTLAND POST The post Trump oo Qudus u aqoonsaday Caasimadda Israa’iil iyo Caalamka oo ka falceliyey. appeared first on Puntland Post.
  9. HARGEISA— The Somaliland currency, the Shilling, has slid to all time low against the dollar on Wednesday traders said. Some currency dealers in the street of Hargeisa have said that there is a need to introduce measures aimed at halting the decline of Somaliland currency and the country’s economy is at low ebb. Some financial institutions exchange a dollar for 1 million Shillings while other business people exchange at the rate of over 1 million Shilings for a dollar.The chairman of currency dealers in Hargeisa has given an interview to Somali Channel and said that tackling inflation and exchange rate hike is for the President elect to deal with urgently. The chairman has called on President-Elect to hold an emergency meeting with them so that they will discuss the best remedy on this economical crisis. The currency dealers have blamed for the outgoing Silanyo’s administration which failed to implement the measures which were agreed to solve the current problem. They have said that the president elect must come up swift decisions aimed at tackling the skyrocketing and high stand of living in Somaliland. The current economic dilemma poses a real risk to poor families in Somaliland. Somaliland’s currency has declined over the years. Somaliland is a broke away state that unilaterally seceded from Somalia in 1991 but it has not been recognized.
  10. Somalia’s President Mohamed Abdullahi Farmajo in Moghadishu, Somalia on 16 February 2017 [Sadak Mohamed/Anadolu] December 5, 2017 at 10:48 am Somali President Mohamed Abdullahi “Farmajo” Mohamed has refused to meet Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu during a visit to Kenya. Farmajo was in Kenya to attend an African Heads of State meeting in Nairobi. Hamas praised the leader’s move in standing in the face of the oppressor and refusing to meet him. Senior Hamas member, Mousa Abu Marzouq, said: “With the example of these leaders, attitudes have value and meaning, and their country has respect and appreciation, and their people have dignity.” Hamas’ Izzat Al-Rishq also thanked the Somali president’s position which he said “reflects the authenticity of the brotherly Republic of Somalia in standing with Palestine and rejecting any normalisation with an entity which occupies land and holy places.”
  11. Surveillance software from Israeli defence contractor Elbit Systems Ltd was used in an espionage campaign targeting Ethiopian dissidents living outside the East African nation, a Canadian research institute said today. Citizen Lab, at the University of Toronto’s Munk School of Global Affairs, said it found evidence Ethiopian dissidents in Britain, the United States and other nations were targeted with emails seeking to infect their computers with surveillance tools that Elbit sells to law enforcement and intelligence agencies. Citizen Lab, which helps human rights activists defend themselves against spy software, has previously reported on Israel malware being used against activists in the UAE. An Elbit representative had no immediate comment on the group’s latest report. Ethiopian Communications Minister Negeri Lencho declined comment on the report. Citizen Lab said the attacks, which began in 2016 and continued through this year, sought to infect computers of Ethiopian dissidents with the PC Surveillance System, or PSS, made by Elbit’s Cyberbit unit. The system can extract a wide variety of information from computers, including emails, passwords, audio conversations, and screenshots. The campaign focused on individuals linked to Oromiya, Ethiopia’s largest region by size and population, which has been the subject of a crackdown by the national government since late 2015, according to Citizen Lab. Tainted emails targeted individuals associated with the US-based Oromia Media Network and a Citizen Lab researcher, Bill Marczak, who has been corresponding by email with one of the targets whose Gmail account had been compromised, according to the report. The emails included a link to a malicious website impersonating an Eritrean video portal, which asked targets to download an Adobe Flash software update bundled with Cyberbit’s spyware, according to Citizen Lab. Researchers analysed logs on servers used to control the operation, which indicate its operators are inside Ethiopia and identified targets as Oromo activists along with Eritrean companies and government agencies, the report said. Citizen Lab was unable to determine what data, if any, was obtained from individuals targeted in the operation, Marczak said. Citizen Lab Director Ronald Diebert said in a letter to Cyberbit that the findings raised questions about the company’s human rights due-diligence practices and processes for preventing misuse of its software. “Companies have an independent responsibility to respect human rights – to avoid causing or contributing to adverse human rights impacts, and to address such impacts when they occur,” Diebert said. Middle East Monitor
  12. ome interesting observations here about recent findings from the good people at Pew, via Sandro Magister: With respect to Catholicism and Protestantism, which over the past century have expanded from Europe to the other continents and above all in Latin America and Africa where they now count the bulk of their faithful, Orthodox Christianity has remained concentrated with more than three fourths of its members in Europe, with the only big exception being none other than Ethiopia. An exception that is not only geographical. In Russia and in all the other countries with a predominantly Orthodox population, in fact, religious practice everywhere is very low, in spite of the fact that almost all of the faithful keep sacred icons in their homes. In Russia, only 6 percent of the Orthodox go to church once a week, in Ukraine 12 percent, in Romania 21 percent, the European record. But if one looks at Ethiopia, weekly church attendance characterizes 78 percent of the faithful. In Ethiopia, the Orthodox faith has a particular profile. It accepted only the first three ecumenical councils, before that of Chalcedon in 451, like the Orthodox communities of Egypt, Syria, Armenia, India. But it is also distinguished by its Jewish features. It observes the sabbath rest, circumcises boys, and follows the dietary rules of the Jews. It recounts that three thousand years ago its emperor Menelik I, son of King Solomon and the Queen of Sheba, brought the Ark of the Covenant to Ethiopia, where it is still venerated. With respect to the Orthodox faithful of Europe, Ethiopia also distinguishes itself by its levels of certainty of faith in God. While in Russia only 26 percent of the Orthodox say they are certain of his existence, in Ethiopia the level rises to 89 percent. The observance of fasting during Lent and on other days also registers a divergence. While in Russia this is practiced by 27 percent of the faithful, in Ethiopia it is 87 percent. And then, in Russia 60 percent of the Orthodox believe in heaven and hell. In Ethiopia, 97 percent. On the other hand, while in Russia 61 percent of the Orthodox believe in the evil eye, in Ethiopia it is much lower: 35 percent. Circumscribing the survey to European Orthodoxy alone, the Pew Research Center has also ascertained that the inclination toward an ecumenical reconciliation with the Catholic Church is rather limited. aleteia.org
  13. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 December 2017 cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday qaar kamid ah ciidanka Madaxtooyada oo dhaawac soo gaadhay dhowaan iyagoo ku guda jira difaaca dalkooda. Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ciidanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshayta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Madaxtooyada dawladda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa kulan laqaatay maamulka cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho suu uga warayso xaaladda caafimaad ee saraakiisha, waxaana ay u xaqiijiyeen Madaxweynaha in guud ahaan ciidanka ay xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay, isla markaana ay maalinba maalinta ka danbaysa kasoo raynayaan. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mid mid u qooqday saraakiisha dhowaan dhaawacu ka soo gaadhay qarax ay labeegsadeen sharwada yaasha tamarta yar, iyagoo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu si naxaariis iyo masuuliyadu ku jirto ula-dareemay xaaladda ay ku jiraan, isla markaana waxa uu Alle uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaantood. Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka ay waxyeeladani soo gaadhay iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkoodaba, waxaana ay kamid ahaayeen saraakiishani illaalada khaaska ah ee Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo Cisbitaal Digfeer Ku Booqday Qaar Kamid ah Ciidanka Madaxtooyada oo Dhaawac Soo Gaadhey. appeared first on Puntland Post.
  14. Sidii la filayey Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay magaalada Barakeysan ee Qudus ay tahay Caasimadda rasmiga ah ee dalka Israa’iil. Go’aankaan oo ahaa mid la filayey ayuu Turmp si rasmi ah ugu dhawaaqay isagoo ay dhagihiisa kusoo dhacayeen digniin ku aadan arrintaan oo ka kala imaanayey Madaxda Wadamada Islaamka. Ka hor inta uusan Trump ku dhawaaqin go’aankaan waxaa arrintaas ka digay Maxamuud Abbas oo sheegay in haddii Qudud loo aqoonsado inay tahay Caasimadda Israa’iil ay ka dhallan doonto cawaaqib xumo soo wajahdo Gobolka. Sidoo kale madaxweynaha dalka Turky ayaa isna sheegay inuu xiriirka u jari doono Israa’iil haddii Qudud loo aqoonsado inay tahay Caasimadda Yahuuda. Wuxuu ku dhawaaqay kulan deg deg ah oo 18 Bishaan ka dhici doono dalka Turky kaasoo looga arrinsanayo Kiiska Qudud. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah. The post Deg deg: Trump oo ku dhawaaqay inay Qudus tahay Caasimadda Israa’iil appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleemaan ayaa si kulul uga hadlay xaquuq la’aan ay dowlada Federaalka ku fiirsatay xubnaha ka tirsan Garsoorka dalka, gaar ahaan kuwa ka howlgala xarumaha maamul goboleedyada ka jira dalka. Guddoomiyaha Maxkamada ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ka doonayaan inay xal u hesho xuquuq la’aanta heysa xubnaha Garsoorka dalka ee ka howlgala Gobolada, waxa uuna tilmaamay in wax ka qabashada arrintaas laga doonaayo Wasaarada Cadaalada XFS. Guddoomiyaha waxa uu su’aal ka keenay sababta xubnaha Garsoorka loogu sameyn la’ yahay miisaaniyad, waxa uuna ku baaqay in wax muuqda laga qabto tabashooyinka ay gudbineyso Garsoorka. Waxa uu sheegay in aysan ka qadaan wax mushaar ama guno ah dowlada iyo maamulada ay la shaqeyaan, waxa uuna taa ku tilmaamay meel ka dhac loo geysanaayo xubnaha Garsoorka. Guddoomiyaha waxa uu ka cadosaday Wasiirka Cadaaladda XFS in cabashadaan uu horgeeyo shirka Golaha wasiiradda ee Khamiislaha ah Arintaasi si Garsoorka maamul gobaleedyadda ay xuquuq u yeeshaan. Sidoo kale, waxa uu Wasaarada ugu baaqay inay ka dhabeyso mas’uuliyada ay u heyso Xukuumada isla markaana ay baadi-goobto dhammaan dhinacyada cadaalad xumida ka tabanaaya. Haddalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya xili Garsoorayaasha lagu dhaliilo inay ka hantiyeen dacwadaha oo ay u kala qaadan qaabab khaldan oo cadaalada ka fog, taa oo ay uga maarmaan xuquuq joogta ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo shaaciyay Cadaalad darro soo foodsaartay Garsoorayaasha qaar appeared first on Caasimada Online.
  16. Peter de Clercq (left), UN Deputy Special Representative for Somalia who is also the UN Resident Humanitarian Coordinator, speaks during the Somalia Partnership Forum in Mogadishu. UN Photo/Omar Abdisalan A gathering of senior representatives of the Somali Government, the United Nations and the international community concluded in Mogadishu today with a call for greater investment in the country’s economic development to create more job opportunities, rehabilitate essential infrastructure, and improve the living conditions of the Somali people. For the second consecutive day, the Federal and state-level leaders of the country met with senior representatives of the international community in the so-called Somalia Partnership Forum to assess the various challenges facing Somalia, with today’s high-level conference focusing on humanitarian and development issues. Participants commended the Government of Federal President Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” for its leadership in the country’s drought response effort that averted a devastating famine in 2017. But several speakers also warned that the threat of a major humanitarian disaster still loomed over millions of Somalis, and continued support from international partners would be needed for the foreseeable future. “Unfortunately, we cannot declare victory, and we have to exercise extreme caution because the situation remains the worst we have faced in recent living memory after four failed rainy seasons,” said Peter de Clercq, the UN Humanitarian Coordinator and the Secretary-General’s Deputy Special Representative for Somalia. “We continue to need deliveries of humanitarian assistance to the tune of $100 million per month,” he explained. Mr. de Clercq noted that international partners have provided over $1.2 billion in assistance to support the Federal Government’s drought response effort this year, adding that a humanitarian response plan for Somalia in 2018 will seek to raise another $1.5 billion. “Without the support of the international community, we could not have averted this famine,” Somalia’s Prime Minister Hassan Ali Khaire said in his remarks at the event. According to the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA), poverty, marginalization, armed violence, insecurity, political instability, natural disasters and a lack of economic development have driven up humanitarian needs for decades in the east African country. Also, a lack of access to basic services, especially in the areas of education and livelihoods opportunities, can easily tip residents into the vulnerable category in terms of relief needs, as well as encouraging outward migration in search of employment and increased susceptibility to recruitment by militant groups. In his keynote address, President Farmaajo said his Government intends to reduce poverty by two per cent each year and had created jobs for thousands of Somali youth since taking office earlier this year with assistance from the international community. “We must still do more to retain our young people,” he added. “That is a must, not only to grow our country but also for preventing radicalization. We are fully aware that socio-economic improvements to the quality of our people’s lives…will undoubtedly help bring about political stability.” President Farmaajo also reiterated his long-standing call for debt relief that would provide Somalia with access to loans from international financial institutions to pay for urgently needed infrastructure improvements. “If we are not able to build roads required by our small businesses to bring their produce to market, it would be difficult to meet our stated goal of reducing poverty,” the President said. A communiqué issued at the end of the meeting welcomed the Federal Government’s pledge to hold one-person, one-vote elections in 2021. The document also stated that the next Somalia Partnership Forum would be held in the middle of 2018. Source: – UN News Center The post Somalia Partnership Forum stresses job creation and poverty reduction to promote stability appeared first on Caasimada Online.
  17. A Police Commissioner of the semi-autonomous regional state of Puntland was killed on Wednesday in car bomb explosion. Ali Ibrahim Ali, the head of Galkayo police commission has succumbed to serious injuries he sustained after an improvsed device (IED) fitted to his car went off. The commissioner was on his way to work when the explosion happened, according to Puntland Administration. No group has yet claimed the responsibility for the assassination, normally Alshabaab carried out similar attack in Galkacyo. Puntland forces have been carrying out security operations to find out those who are behind this attack. The post Breaking: Police commissioner killed in bomb blast in Galkayo appeared first on Caasimada Online.
  18. Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa si rasmi ah maanta oo Arbaco ah waxay si rasmi ah ugu heshiiyeen 14 qodob oo lagu soo afjaray khilaafkii dhanka siyaasadeed. Munaasabadda lagu soo bandhigayey heshiiskan waxaa goob joog ka ahaa madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo hoggaamiyaha Ahlu-sunna Sheekh Maxamed Shaakir. Qodobada lagu heshiiyey hoos ka akhriso: Goobjoog News Source
  19. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), iyo hoggaamiyaha Ahlusunna Maxamed Cabdi Shaakir ayaa heshiiska wada saxiixday, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu la saxiixay. Heshiiskan ayaa qeexaya in hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir uu noqonayo Madaxa Xukuumada dowlad goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka. Puntlandi.com
  20. In this extended interview by Edward Paice, Director of Africa Research Institute, Michael Walls reflects on IOEM’s mandate, the performance of the National Election Commission, the positives and negatives of the election, campaigning, voter registration and the increasing monetisation of politics in Somaliland. He also looks ahead to parliamentary and local council elections in 2019. LISTEN TO THE INTERVIEW HERE
  21. Look at all these camels. (Reuters/Thomas Mukoya) Somalia is a global leader in the export of goats and sheep, and livestock trade generates about 40% of the country’s gross domestic product. Yet almost every other year, recurring droughts and water scarcity take a toll on local pastoralists’ ability to keep their animals live and healthy. In 2017 alone, livestock loss has ranged from 20%-40% in the southern regions and 40%-60% in the north, according to the Food and Agriculture Organization. This threatens the livelihood of the animal farmers and hinders their ability to regularly trade in markets. But a Sweden-based startup wants to change this by creating a tech-powered livestock market that is open all year round. The goal of Ari.Farm (“Ari” means “goat” in Somali) is to get investors to purchase livestock from locals, injecting much-needed cash into the market and potentially making a profit. Once a purchase is made, an investor is able to name his animals, follow their progress online, and even gift or donate them. Ari.Farm takes care of the animals in two farms, one located outside Galkayo town in south-central Somalia and the other outside the capital Mogadishu. As the number of animals one owns grow from breeding, they can decide to sell them at the local market price. That amount could then be used to re-invest in more livestock or be withdrawn by the financier. Ari.Farm founder Mohamed Jimale says since beginning operations in 2016, people from 26 countries across the world have bought almost 1,000 goats, sheep, and camels through Ari.Farm. “The Somali livestock owners are not poor, they have wealth,” Jimale told Quartz. But if they are to survive “they need to find a market for their livestock.” Across Africa, Ari.Farm is hardly the only start-up committed to crowdfarming as an avenue for investment, tackling unemployment, increasing social impact, and unlocking multi-million-dollar markets. Livestock Wealth in South Africa, Mifugo Trade in Kenya, and AniTrack in Ghana are but some of the applications bringing livestock trade into the digital economy. In Nigeria, agro-tech start-ups like FarmCrowdy and ThriveAgric have also enabled middle-class Nigerians to fund existing farms for between $200 and $750 for a harvest cycle. Ari.Farm has now gone a step further and introduced cryptocurrencies as a payment method. Jimale says this was necessitated because customers and financial institutions kept asking about the risks of investing in Somalia. For decades, Somalia has had a freewheeling economy with the majority of the currency in circulation considered fake. But as the price gain for Bitcoin surges past $11,000 and also gains ground in the developing world, Jimale says it allows them to attract more customers and sidestep some of the conventional central banking requirements. So far, about 10% of Ari.Farm’s transactions are traded through bitcoin, and the company hopes to integrate Blockchain technology for a trading platform in the future. Part of that might come as Ari.Farm looks to close seed funding of up to 2 million Swedish Krona ($237,000) in the coming months. Quartz
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Galabta Hoolka shirarka ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka dhacay Munaasabad lagu saxiixay Dhameystirka Heshiiska Ahlsuna iyo Galmudug. Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada. Heshiiskaas oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo dhiniciisa ka saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa loo saxiixay inuu noqdo Wasiirka Koowaad ee Maamulka Galmudug taasoo ka dhigan inay Galmudug noqon doonto Maamul Goboleedkii ugu horreeyey ee yeesho Ra’isulwasaaraha ama Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada. Haddaba waxaa is waydiin mudan Awoodaha ay kala leeyihiin Ra’isulwasaaraha dadban ee Galmudug iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Awoodaha Kheyre ee Dastuuriga ah Awoodaha loo saxiixay Sheekh Maxamed Shaakir Waxaa halkaas ka muuqato in awoodda Ra’isulwasaare Kheyre ay tahay mid guud ahaan dalka ah halka Sh. Maxamed Shaakir uu ku egyahay Galmudug. Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir awood uma lahan inuu Magacaabo Wasiirada iyo inuu xil ka qaado, waana awood kale oo uu Kheyre kaga hooseeyo. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Ra’iisul wasaare dadban vs ra’iisul wasaraha Somalia: Akhriso awoodaha Shaakir iyo Kheyre appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (PP) ─ Ururka Ahlusunna iyo maamulka Galmudug ayaa maanta ku kala saxiixday Muqdisho heshiis ka kooban 14-qodob, kaasoo uu qayb ka yahay awood-qaybsiga maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca. Maamulladan ayaa kusoo heshiiyay wadahadallo ku dhexmaray dalka Jabuuti kaasoo lagu dhameymayay muranka muddada soo jiray ee dhinacyadaan u dhexeeyay, iyagoo go’aansaday inay heshiiskooda ku saxiixaan Muqdisho. Saxiixa heshiiskan oo ka dhacay Madaxtooyada Somalia waxaa goob-joog ka ahaa oo dhiniciisa ka saxiixay heshiiska, madaxweynaha Somalia, Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdi Faarax Saciid Juxa. Dhanka kale, Qodobbada heshiiskan ayaa waxaa ka mid ahaa in Sh. Shaakir oo ka socda Ahlusunna ayaa noqonaya Wasiirka Koowaad ee Galmudug, taas oo ka dhigan inay Galmudug noqonayso maamulkii ugu horreeyay ee yeesha Ra’iisul wasaare. Haddaba, Halkaan hoose ka AKHRISO Qodobbada lagu Heshiiyay; PUNTLAND POST The post AKHRISO: Qodobbada Heshisikii ay Ahlusunna iyo Galmudug ku kala Saxiixdeen Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in heshiisyada horumarineed ee Soomaaliya ay la saxiixatay dowladaha Maraykanka iyo Qatar ay yihiin kuwa ka tarjumaya horumarka ay dowladdu ka samaysay dhanka xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah. Madaxweynaha ayaa yiri. “Heshiisyada horumarineed ee aan la galnay Mareykanka iyo Qatar waxay si xoojinayaan xiriirka haatan naga dhaxeeya dowladahaas, waxa ayna caddayn muuqata u tahay sida uu u sii xoogaysanayo iskaashiga iyo xirriirka aan caalamka la leenahay iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaha Dowladda.” Farmaajo ayaa bogaadiyey heshiisyada horumarineed ee dhawaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) oo lacag dhan $300 milyan ku bixineysa arrimaha maamul wanaagga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka. Sidoo kale, Sanduuqa Horumarinta iyo Hay’adda Gargaarka ee Dowladda Qatar ayaa iyagana sameynaya maalgelin ay ku kaceyso lacag dhan $200 milyan oo loo qorsheeyay dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, xarumaha dowladda iyo shaqo abuurka dhallinyarada. “Maal-gelinta iyo taageerada horumarineed ee intaa le’eg ma ahan mid ku kooban dib-u-dhiska dalka oo kaliya ee waa mid kor u qaadaysa kaabayaasha dhaqaalaheenna, taas oo dhabaha u xaareysa in nolol wanaagsan ay helaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay markhaati u tahay dadaalka aan ku bixineyno in ay Soomaaliya ka hana qaado nabad iyo barwaaqo la isku halleyn karo,” ayuu mar kale yiri Farmaajo. Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku Ammaanay Xukuumadda uu hogaamiyo Raiisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre Dadaallada ay ku bixinayso dhammaysitrka heshiisyadan isagoona guul weyn ku tilmaamay in muddo hal toddobaad gudihiis ah ay Soomaaliya la saxiixato Mareykanka iyo Qatar maalgelinta mashaariic horumarineed oo isku darkoodu ay ku baxaysa lacag dhan 500 oo milyan oo Doolar. PUNTLAND POST The post FARMAAJO: Heshiisyada aan la galnay Qatar iyo Mareykanka Waxay xoojinayaan xiriirka… appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in heshiisyada horumarineed ee Soomaaliya ay la saxiixatay dowladaha Maraykanka iyo Qatar ay yihiin kuwa ka tarjumaya horumarka ay dowladdu ka samaysay dhanka xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah. Madaxweynaha ayaa yiri “Heshiisyada horumarineed ee aan la galnay Mareykanka iyo Qatar waxay si xoojinayaan xiriirka haatan naga dhaxeeya dowladahaas, waxa ayna caddayn muuqata u tahay sida uu u sii xoogaysanayo iskaashiga iyo xirriirka aan caalamka la leenahay iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.” Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey heshiisyada horumarineed ee dhawaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Dowladda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) oo lacag dhan $300 milyan ku bixineysa arrimaha maamul wanaagga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka. Sidoo kale, Sanduuqa Horumarinta iyo Hay’adda Gargaarka ee Dowladda Qatar ayaa iyagana sameynaya maalgelin ay ku kaceyso lacag dhan $200 milyan oo loo qorsheeyay dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, xarumaha dowladda iyo shaqo abuurka dhallinyarada. “Maal-gelinta iyo taageerada horumarineed ee intaa le eg ma ahan mid ku kooban dib-u-dhiska dalka oo kaliya ee waa mid kor u qaadaysa kaabayaasha dhaqaalaheenna, taas oo dhabaha u xaareysa in nolol wanaagsan ay helaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay markhaati u tahay dadaalka aan ku bixineyno in ay Soomaaliya ka hana qaado nabad iyo barwaaqo la isku halleyn karo.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Xukuumadda uu hogaamiyo Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre dadaalka ay ku bixinayso dhammaysitrka heshiisyadan isagoona guul weyn ku tilmaamay in muddo hal toddobaad gudihiis ah ay Soomaaliya la saxiixato dowladaha Mareykanka iyo Qatar maalgelinta mashaariic horumarineed oo isku darkoodu ay ku baxaysa lacag dhan 500 oo milyan oo Doolar. -Dhammaad- Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo war ka soo saaray heshiisyada ay la galeen Qadar iyo Mareykanka appeared first on Caasimada Online.