Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,916
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shirka Madaxda Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay 2-da Maarso 2018 magaalada Kampala ee Uganda, waxaana martigeliyey Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni. Shirka waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, Wasiirka Difaaca Kenya Marwo Raychelle Omamo, Wasiirka Difaaca Jabuuti Mudane Ali Hassan Bahdon, Madaxa Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha guud ee IGAD Mudane Mahboub Maalin. Dalalka ku deeqay Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Federaalku waxay kulamo la qaateen xubno matalayey beesha caalamka oo ay kamid yihiin Algeria, China, France, Germany, Italy, Japan, Qatar, Russia, Saudi Arabia, South Korea, Sweden, Turkey, UAE, UK, USA, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub. Shirkan oo looga hadlay ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta Ciidamada Dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, ayaa madaxdii kasoo qeyb gashay waxay ku bogaadiyeen qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan kala guurka, iyadoo soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed. Madaxdu waxay isku raaceen in ay lama taabtaan tahay in la ixtiraamo Qarannimada, Madax-bannaanida, Xuduudaha dhuleed, Madax bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya. Madaxdu waxay caddeeyeen in lasii wado kaalmada ciidan ee la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo dadaala ay ku xasilinayso Soomaaliya. Shirku wuxuu bogaadiyey dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyadu ay wadaan si loogu hago Soomaaliya siyaasad degen iyo dimuqraadiyad, taas oo abuuraysa xasilooni iyo horumar. Waxay madaxdu isla qaateen in la taageero qorshaha ay Soomaaliya soo hordhigtay shirka, oo ahaa sidii loo taageeri lahaa istaraatiijiyadda lagu xoojinayo ciidamada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay dalkooda nabadeeyaan, isla markaana ay la wareegaan masuuliyadda ammaankiisa.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhawaan magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan Howlgallo culus oo lagu xaqiijin doono ammaanka. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in ciidamada Xasilinta ee u xilsaaran ammaanka magaalada Muqdisho ay udiyaariyeen ilaaa iyo kun Askari. Waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay isugu jiraan Millitari, Boolis, Nabadsugid, Asluub, iyo AMISOM, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay in mudada ay ciidamada ku guda jiraan howlgalada loo dhameystiri doono dhammaan wixii tashiilaad ah, si buu yiri ay uga dhabeeyaan hadafka howlgalka. Wuxuu tilmaamay in demgo walba oo ka tirsan Gobolka Banaadir laga hirgeliyay ciidamadaan, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada, taasi bedelkeeda Ciidamada ayuu ugu baaqay in ay Shacabka u naxaan. Nuqul kamid ah haddalka Kheyre ayaa ahaa ‘’Waxaa la isku soo dhaweeyay Guddoomiyeyaasha iyo Taliyeyaasha, si loo dardar geliyo sugidda howlaha ammaanka, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay Ciidamada la shaqeeyaan, si looga hortago falalka ka baxsan amniga.” ‘’Qorshaha aan degnay ayaa al-Shabaab u diidi doona inay kusii dhex noolaadan shacabka Muqdisho waa inoo dagaal’’ Dhinaca kale, Ciidamada ayaa kordhiyay Howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo ee ay ka sameynayaan gudaha iyo banaanka magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kheyre ‘’Qorshaha aan degnay ayaa al-Shabaab u diidi doona inay kusii dhex noolaadan shacabka Muqdisho waana inoo dagaal’’ appeared first on Caasimada Online.
  3. Not much has changed about Somalia’s prospects for long-term stability, says Sen. Jack Reed, since he first visited the streets of Mogadishu almost 25 years ago. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa in Magaalada Muqdisho laga soo dajiyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo ku xernaa xabsiyada ku yaala dalka India. Qaban qaabada lagu soo dhaweynaayo Maxaabiista ayaa xiligaan laga dareemayaa Garoonka Aadan Cadde, waxaana qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka. Maxaabiista lagu wado in maanta ay soo gaaran magaalada Muqdisho ayaa tiradooda waxay gaareysaa ku dhawaad 80 Maxbuus oo Soomaali ah. Maxaabiista oo muddo dheer ku jiray xabsiyada ku yaala dalka Hindiya, ayaa waxaa loo haystay eedeymo kala duwan, gaar ahaan inta badan waxay ku eedeysnaayen Burcad badeednimo. Sidoo kale, soo deynta Maxaabiistan ayaa timid ka dib markii dhawaan ay heshiisyo dhanka Maxaabiista ay wada gaareen dowladaha Hindiya iyo Somalia. Dhawaan ayey aheyd markii Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay dhalinyado Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Liibiya oo dhibaatooyin kala duwan ay ku haysatay dalkaasi Liibiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Diyaarad sida Maxaabiis badan oo kusoo wajahan Garoonka Aadan Cadde (Tirada Maxaabiista) appeared first on Caasimada Online.
  5. The poll number smacks you right in the face: 57% of Americans believe President Donald Trump is a racist, according to new data from a national AP-NORC poll. Source: Hiiraan Online
  6. The Somali National Army (SNA) on Friday recaptured Balad town north of Mogadishu after a brief takeover by the militant group, Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  7. Dhamase (Caasimadda Online) – Ciidamada Kenya ayaa gebi ahaan Burburiyey Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee deegaanka Dhamase kaas oo qiyaastii 60 Km u jira degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegay in dhismaha Shirkadda Hormuud ee deegaankaasi Dhamase ay Ciidamada Kenya qarax xoogan ku xireen ayna dhulka la simeen sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Col Aadan Xirsi Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Xoogga dalka Soomaaliyeed. “ Waxaa Bur buray Dhismihii Isgaarsiintii dhexe ee Dhamase oo xiriirineysay degmooyinka Baladxaawo iyo Ceelwaaq, sidoo kale waxa ay amar ku bixiyeen in la damiyo Xaruntii Isgaarsiinta Hormuud ee Buusaar oo xiriirineysay degmooyinka Ceelwaaq iyo Baardheere, waxaa kaloo la damiyay Isgaarsiintii Ceelcade oo isku xireysay degmooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq” sidaas waxaa yiri Col Aadan Xirsi Rufle. Isagoo sii wata hadalkiisa Col Rufle ayaa intaas ku daray in ay go’doonsan yihiin Malaayiin qof oo Soomaaliyeed oo ku nool Gobolka Gedo kuwaas Noloshooda ay ku tiirsaneed Isticmaalka Adeega EVC Plus-ka ee ay bixiso Shirkadda Hormuud Telecom. Ugu dambeyn ayuu sheegay Col Aadan Xirsi Rufle in tallaabadaan ay u muuqato in lagu soo duulay Nolosha shacabka Soomaaliyeed islamarkaana Ciidamada falalkaan geysanaya aysan qeyb ka ahayn howlgalka AMISOM ayna yihiin Ciidamo ka soo kicitimay gudaha Kenya si ay u baabi’iyaan Hantida Umadda Soomaaliyeed sidaas daraadeed loo baahan yahay in dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay Jawaab ku haboon ka bixiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Horay ayey Ciidamada Kenya sidaan oo kale waxa ay u bur buriyeen Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecomay ku leedahay deegaanada Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhegalaab oo dhammaan ka wada tirsan Gobolka Gedo. Ciidanaka Kenya ayaan weli ka hadlin sababta ay u bartilmaameedsanayaan Isgaarsiinta Gobolka Gedo, waxayse arrintani jab ku ah shuruucda caalamiga ah maadaama ay tahay Hay’ad shibil ah oo ka shaqeysa adeeg Bulsho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidanka Kenya oo burburiyey Xaruntii Hormuud Dhamase Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo appeared first on Caasimada Online.
  8. Kampala (Caasimada Online)-Shirkii Kampala ee madaxda dalalka ciidamada ka jooga Somalia ee AMISOM iyo dowladda federaalka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed iyadoo shirkaasi ay ka qeyb galeen dalalka caalamka ee daneeya arrimaha Somalia. Shirkaan oo uu martigeliyey Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, Wasiirka Difaaca Kenya Marwo Raychelle Omamo, Wasiirka Difaaca Jabuuti Mudane Ali Hassan Bahdon, Madaxa Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha guud ee IGAD Mudane Mahboub Maalin. Dalalka ku deeqay Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Federaalku waxay kulamo la qaateen xubno matalayey beesha caalamka oo ay kamid yihiin Algeria, China, France, Germany, Italy, Japan, Qatar, Russia, Saudi Arabia, South Korea, Sweden, Turkey, UAE, UK, USA, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub. Shirkan oo looga hadlay ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta Ciidamada Dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, ayaa madaxdii kasoo qeyb gashay waxay ku bogaadiyeen qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan kala guurka, iyadoo soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed. Madaxdu waxay isku raaceen in ay lama taabtaan tahay in la ixtiraamo Qarannimada, Madax-bannaanida, Xuduudaha dhuleed, Madax bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya. Madaxdu waxay caddeeyeen in lasii wado kaalmada ciidan ee la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo dadaala ay ku xasilinayso Soomaaliya. Shirku wuxuu bogaadiyey dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyadu ay wadaan si loogu hago Soomaaliya siyaasad degen iyo dimuqraadiyad, taas oo abuuraysa xasilooni iyo horumar. Waxay madaxdu isla qaateen in la taageero qorshaha ay Soomaaliya soo hordhigtay shirka, oo ahaa sidii loo taageeri lahaa istaraatiijiyadda lagu xoojinayo ciidamada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay dalkooda nabadeeyaan, isla markaana ay la wareegaan masuuliyadda ammaankiisa. The post Sawirro: Shirka Kampala oo lagu taageeray dowladda iyo war murtiyeed laga soo saaray appeared first on Caasimada Online.
  9. The post Itoobiya oo shahaadada dhaqtarnimada u diiday arday Soomaaliyeed ka qalin jabiyay jaamacad ku taal Addis Ababa appeared first on Caasimada Online.
  10. Dowladda Kenya ayaa dhowaan uga digtay Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay Soomaaliya in gudaha dalkeeda aan lagu mucaaradi karin dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyagoo haatan wararka aan helayno sheegayaan in garoomada dalkaas la dhigay liis ay ku jiraan Xildhibaano iyo siyaasiyiin caan ah, kuwaas oo ku lug leh qorshaha looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya. Madaxda Kenya ayaa xiriir dhow la leh dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, waxayna dalkeeda ka mamnuucday tiro Xildhibaan, Ganacsato dhaqaale ku leh dalkaas oo digniin loo diray iyo siyaasiyiin caan ah oo dhammaantood rabay in ay ka bilaabaan Kenya mucaaradnimo. Sida aan xogta ku helayno liis dheer oo khamiistii shalay la dhigay garoomada ayaa waxaa ku qoran magacyada shaqsiyaadka aan soo geli karin Kenya , waxana tani ay dhabar jab weyn ku tahay ololihii ay wadeen Xildhibaanada qaar ee la rabay in lagu rido Xukuumadda R/Wasaare Khayre laguna carqaladeeyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka. Guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Xil. Aadan Barre Ducaale oo todobaadkii hore warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in dowladda Kenya ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta aysan marnaba ogoleyn in laga mucaarado dowladda Soomaaliya magaalada Nairobi. “Dowladda Kenya xiriir weyn ayaa kala dhaxeeyo dowladda Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre waa ka dambeeynaa, ninkii raba inuu meelaha ka mucaarado dowladda Kenya ma ogolo, fursad hala siiyo ayaa leenahay yaan kabaha lala korin”ayuu yiri Aadan Barre Ducaale. Tallaabadan ay qaaday dowladda Kenya ayaa u muuqata mid sii xoojinaysa xiriirka adag ee ay wadaagaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyadoo meesha ka saaraysa kooxo badan oo dalkaas ka wadi jiray falal liddi ku ah dowladnimada oo ay adeegsanayeen dalal shisheeyo oo kamid yahay Imaaraadka Carabtu. The post Dowladda Kenya oo Garoomada Diyaarada dhigtay liis ay ku qoran yihiin Xildhibaano iyo Siyaasiyiin appeared first on Caasimada Online.
  11. Kampala (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir gaar ah la yeeshay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM). Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii adkeyn lahaa, iyadoo weliba xoogga la saarayo dhanka ciidamada iyo iskaashiga dhaqaalaha. ” waxaan uga mahadcelinayaa ciidanka Burundi in ay naftooda noo huraan si ay uga qeyb qaataan xasilinta Soomaaliya, taasina maahan mid aan ilaawi doonno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya wada shaqaynta saaxiibtinimada ku dhisan ee ay wadaagaan labada dal. ” Waxaan sii xoojinaynaa taageerada ciidamada, tababarada iyo in aan garab istaagno ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay u hantaan masuuliyadda ammaanka ee Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi . Mudane Gaston Sindimwo ayaa sheegay in ay Soomaaliya u arkaan dal ay Walaalo yihiin, ayna u hayaan abaal ay Soomaaliya horay ugu gashay hadda kahor, mar uu dalkiisa Burundi ku jiray xaalado adag.Madaxweyne Kuxigeenka Burundi ayaa casumaad booqasho rasmi ah u fidiyey Madaxweyne Farmaajo inuu ku yimaado dalka Burundi, si ay uga wada hadlaan danaha labada wadan. Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay casumaadda booqashada rasmiga ah ee uu u fidiyey Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi, sidoo kalena wuxuu Madaxweynuhu sheegay in dalka Burundi uu yahay dal waxbadan garab istaagay Soomaaliya dalkiisana uusan ilaawi doonin abaalkaas. The post Sawirro: Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne kuxigeenka Burundi oo shir gooni ah ku yeeshay Kampala appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaradda howlaha Guud iyo dib u dhiska xukumadda Somalia, ayaa amar kusoo rogtay dhammaan shirkadaha dhismooyinka ee ka howlgala gudaha iyo gobolada dalka. Wasiirka wasaradda howlaha Guud iyo dib u dhiska xukumadda Somalia Eng Saadiq Abdulaahi Cabdi, ayaa sheegay in dhammaan Shirkadaha dhismooyinka laga doonaayo inay hoos imaadan Wasaarada oo ay maraan dhammaan sharciyada Wasaarada. Waxa uu Wasiirku sheegay in Madaxda shirkadahaasi ay ku amrayaan inay isa soo diiwaan galiyaan si loola socdo tayadda shaqooyinka dhismaha ay ka fulinayaan dalka. Wasiir Saadiq Abdulaahi Cabdi, ayaa intaa ku daray hadalkiisa xili uu marti ku ahaa kulaanka todobadka ee warbaaahinta qaranka in talaabo sharci ah laga qaadi doono cidi uu hogaansami weydo awaamiirta wasaradda. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in iminka ay meel wanaagsan marayaan dadaalada loogu jiro sidii loo fulin lahaa balan qadkii dowlada Turkiga ee ku Aadana dhismaha 10kun oo guri oo qeyb ka ah masharciida horumariineed ay dowlada turkiga ka fulineyso dalka. Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya xili Wasaaradiisa ay kaalmaha koowaad kaga jirto Wasaaradaha aan u jilicsaneyn shaqooyinka loo igmaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maamulada shirkadaha dhismooyinka dalka oo lagu soo rogay amar adag appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa ka hadlay arrimaha looga hadlayo shirka ka socda magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shirkaasi uu ahmiyad gaara u leeyahay dowlada Somalia, waxa uuna farta ku goday in xooga lagu saarayo arrimaha amaanka. Waxa uu madaxweynuhu sheegay in shirka si guud looga hadli doono arrimaha argagixisada, waxa uuna tilmaamay inay fursad u tahay Somalia. Madaxweynuhu waxa uu intaa raaciyay Somalia in waxyaabaha uu shirka ka caawin doono Somalia ay kamid tahay sida looga gaashaman lahaa awoodo ay sheegaan waxa loogu yeero argagixisada, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay dowladaha ay ciidamada ka joogan Somalia xooga ku saari doonto si loosoo afjaro Shabaabka. ‘’Ahmiyadeenu waxaa inaan dowladaha martida ku ah u sheegnaa in Somalia ay diyaar u tahay in lagu garabsiiyo sida al-Shabaab looga saari lahaa Somalia’’ Waxa uu Madaxweynuhu sheegay inay rajeynayaan in shirka oo hadda socda kusoo dhammaan doono guul la taabankaro waxa uuna cod dheer ku sheegay inay ka shaqeyn doonaan sida ay Somalia uga xoroobi laheyd argagixisada. Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka ka sheegay in al-Shabaab aysan khatar ku aheyn Somalia oo qura, balse ay khatar ku yihiin dhammaan dowladaha Africa loona baahan yahay in laga gaashaanto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo arrin muhiima ku sheegay qodobada kasoo bixi doona shirka Kampala appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waa Talaado. Taariikhdu waa 23 August sannadka 1988. Waxaa maanta billaabanaya isu celinta maxaabbiista dagaalka ee Soomaaliya iyo Ethiopa. Waa maalin-shaqo tii abid iigu farxad badnayd. Waa maalintii ay xorriyaddooda dib u heli doonaan dad looga talo galay in ay dagaal ku dhinteen toban sano ka hor. Dad aan inta badan ehelkoodii aniga oo ICRC ka socda aan soo wargeliyay in ay nool yihiin. Dadkaas ayaa maanta dalkooda ku soo laabanaya. Waa maalinta iigu horreysa ee aan arki doono rag aan magacyadooda hayo. Xaasaskooda iyo carruurtooda aan aqaan. Qaar aan hooyinkood ama aabbayaashood aan la kulmay. Qaar aan Muqdisho kula kulmay qaarna safarkii dheeraa ee aan ku maray dalka intiisa badan. Laakiin aan iyagu, waa maxaabbiistee, jiritaankeygaba ogeyn, maadaama aynaan weligeen is arag, ismaqal, macaammil toos ahina aanuu na dhex marin. Ma ahan maxaabbiista keliya in aan kulmi doono. Waxaa kale oo aan la kulmi doonoaa ehelkoodii aan u kala warqaadi jiray oo qaarkood ay ka yimaadeen gobollada si ay u soo dhoweeyaan aabbahood, walaalkood, wiilkooda, adeer ama abtigood. Laakiin gelinka hore ee maalintaas Arbacada ah waxaan dirqi uga baxsaday in aan anigu xabsi galo. In howshaas oo shaqaale fara badani ku jirayna, aanay aniga iyo mas’uuliyiin kale oo la isla keen xiri lahaa aanay darteen u baaqateen. Sidii darteedna waxaan halis u galnay in aan maalintaas gefno. Xabsiga Dhanaane Gelinka hore ayaan shaqo u baxnay aniga, laba Swiss ah oo ICRC ah, nin filim-soo-saare ah oo la doonayo in uu barnaamij ka sameeyo howlgalka, waxaan u maleynayaa in dhalashadiisu ay ahayd Nigerian. Waxaa na wehliya sarkaal ka socda Hey’adaha amniga Soomaaliya. Waxaan isu raacnay xabsiga Dhanaane. Waxaan wadannaa saddex gaari – laba Landcruiser oo ICRC ah iyo baabuur jeep ah oo uu wato mas’uulka amnigu. Sarkaalka amnigu dhar rayid ah ayuu qabaa, laakiin gaariga uu wato waxaa marsan midabka Xoogga Dalka. Markii aan tagnay, ayuu ninkii filim qaadaha ahaa waxaa uu billaabay in uu video ka duubo maxaabbiista Ethiopian-ka ah. Waxay ahayd arrin la isla wada ogaa. Laakiin waxaan arkay Sarkaalkii Amniga ka socday oo gariiraya caro darteed. Wuxuu si kulul amar ku siiyay Sarkaal Ciidanka Asluubta ah in uu kaamerada ka qaado ninkan ajnebiga ah. Sarkaalkiina askari ayuu ku amray fulinta amarka. Anigu markaas maskaxdeydu waxay gashay xaalad is-difaac ah. Sideen uga badbaadaa in aan xabsi ku galo murankan billowga ah? Waa dhaqan aan illoobi doono marka aan sannad kale howsha ku jiray oo aan Berbera ka howlgalay. Labada Sarkaal ee ICRC midka aniga madaxda ii ahaa ayaan u tegey oo aan iri meeshaan jawigeeda uma bogin ee aan ka laabanno. Waxay i weydiisay maxaa dhacay? Ma ahayn meel wax la isugu fasiri karo oo waa la is wada ag taagan yahay. Wakhtiguna wuu socdaa oo askarigii amarka la siiyay wuxuu ku sii socdaa ninkii filimka qaadayay. Sarkaalka amnigu ma faraxsana, ayaan ku soo koobay hadalka. Waxay tiri arrintan waa lagu heshiiyay oo waan u fasireynaa. Waxaan ku iri joogi maayo ee xafiiska ayaan tegayaa ee waa inoo hadhow. Aniga oo aan oggolaasho sugin ayaan gaarigeyga qaatay. Dhanaane marka aan joogay Radiyaha baabuurka iigu xiran iyo gacanka aan sitay midna ma lahayn signal. Marka aan Xalane ku soo dhowahay ayaan la hadlay Madaxa Ergada ICRC. Waxaan u fasiray xaaladda. Aniga oo waddada Maka al Mukarrama ku jira ayaa Xafiisku i soo wacay oo la ii sheegay in aan ku laabto Dhanaane oo xaaladda aan ka soo bixiyo warbixin buuxda. Waxaan u sheegay in aanan Dhanaane tegi karin, laakiin aan falayo wixii aan karo. Dib ayaan u laabtay. Waxaan u tegey askari waardiye ah oo hor taagan Xerada Militeriga Xalane. Wixii aan ka baqayay ayuu ii xaqiijiyay. Baabuur astaanta ICRC ee keyga ku xardhan oo kale ay ku dhegsan tahay in uu goor dhoweyd maray halkan oo dhinaca magaalada u gudbay. Maaddaama aan daqiiqadahaas kooban aan howshii xabsiga lagu soo dhammeyn, isla markaana aanay saraakiisha ICRC ku laaban xafiiskii, Radiyana kula hadal waxaa noo soo baxday in aanay xor ahayn. In yar ka dib waxaa la ii diray in aan soo ogaado hey’adda xirtay iyo meesha lagu xiray. Dalabkaas inkasta oo uu xafiisku ii soo gudbiyay waxaa uu ka yimid dhinaca Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha. Xuuraansi ka dib waxaan ka warhelay in ay ku xanniban yihiin xarunta Dhexe ee Nabadsugidda ee FIAT agteeda ah. Wasiir ku Xigeenka ayaa markaa in aan tago xarunta NSS, wuxuuna ii tilmaamay sakraakla aan la xiriirayo. Intii markii aan yeelay, waa la soo fasaxay saddexdii ruux ee ajnebiga ahaa ee xannibnaa. Gegida Dayaaradaha Galabtaas waxaan aadnay airporka. Halkaas oo ay ka soo degeysay dayaarad ICRC u kireysan oo sidda kooxdii ugu horreysay ee Maxaabbiis Soomaali ah oo xabsiga laga soo daayay. Dad badan oo soo dhoweynaya maxaabbiista ayaa gegida tuban. Waxaa dhoobaan ehelka maxaabbiista oo qaarkood gobollada ka yimideen. Ugu yaraan maxabuus kasta hal qof ayaan ehelkiisa ka aqaan oo ah midka aan waraaqaha u geyn jiray kana soo qaadi jiray ama iyagu xafiiska noogu keeni jiray. Markii aan gaariga ka soo degay ee aan qaarkood isa salaannay si aan farxadda ula wadaago, waxay ahayd shucuur aanan tilmaami karin. Qaarkood xabadka ayaan isa saarnay ka dibna way i sii deyn waayeen. Muddo dhan ayaan isku dhegganeyn. Ehelka waxaa wehliyay, dad badan oo daawasho u yimid. Madax badan oo uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre ayaa goobta jooga. Waxaa wehliya Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa mas’uulka saddexaad ee dalka ugu sarreeya, Wasiirka Gaashaandhiigga iyo madax kale oo badan. Waxaa kale oo jooga cutubyo ka tirsan salaan-sharafta Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Labada barxadood ee gegida dayaaradaha, waa midda gudaha iyo tan dibadda wuxuu jawigoodu ahaa mid farxad filan waa’ ku ah inta badan dadka goobta jooga. Wuxuu ahaa jawi farxad ay muujiyaaan waalid dib u helay wiilkoodii, marwo ay toban sano ama ka badan ka dib ay is arkayaan saygoodii, iyo carruur dib u helay aabbayaashood. Labada sawir ee aan qormadaan ku soo qaatay, waxaa qaadday Wakaaladda Filimmada Soomaaliyeed, waxaana Arbaco 24 Agoosto 1988 daabacay wargeyska Xiddigta Oktoobar. Wargeyska Xiddigta Oktoobar iyo Najmatu Oktoobbar oo ahayd af Soomaali waxay ka mid ahaayeen Wargeysyo hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha. Sidoo kale, Wakaaladda Filimmada Soomaaliyeed oo ahayd Wakaaladda keliya ee qaadda sawirrada rasmiga ah ee Dowladda iyo dhacdooyinka dalku waxay hoos imaaneysay Wasaaradda Warfaafinta. Sarkaalka Amniga Muddo ka dib markii aan shaqo kale isugu nimid Sarkaalkii amniga ee aan subaxaas ka yata fashiliyay isku daygiisii xarigga, wuxuu igu yiri, ma ogid howsha aad ku jirtaa waxa ay dalka u dhimeyso. Anigu ugama jawaabin. Sababta oo ah waxaan u arkay marka ay ugu sahlan tahay in weedhaasi ay tahay daandaansi, haddii kalena uu hanjabaad ula jeedo. Waxaan goostay in aanan cayaarta uu billaabay aanan kala qeyb qaadan. Wuxuu ahaa nin aad iiga weyn, iigana khibrad badan runtiina aan tixgelin u hayay. Waxaanse u arkayay howsha aan wadaa in ay ahayd mid samafal ah oo weliba u gargaareysa Askar iyo Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo xabsi shisheeye ku jira. Waxaa kale oo aan u arkayay in aan Wasiir ku Xigeenka u fududeeyay xallinta wixii caqabad ku ah howlgalka uu isagu mas’uulka ka yahay, caalamkuna uu indhaha ku hayo. F.G. Taxanuhu wuxuu u gudbi doonaa, soo dhoweyntii maxaabbiista Soomaaliya oo badankood saddex duullimaad ku yimid dalka. Iyo maxaabbiistii Ethiopia oo ciidan iyo shacab leh oo 10 maalmood la daad gureynaya, jawiga gegida dayaaradaha ee Dire Dawa waxay ahayd. Waxaa kale oo aan taaban doonaa maxaabbistii Soomaaliya markii ay ku soo laabteen sida loola dhaqmay iyo inta aan ka warqabo waxa ay maanta, 2018, ku sugan yihiin. W/Q. Yuusuf Garaad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaabbiista dagaalka oo Soomaaliya ku soo laabtay – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Sagaal iyo Tobnaad appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dalka Masar Abdel Fattah al-sisi ayaa ku goodiyay inuu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doona cidii ku xadgudubtaa sharafka ciidamada qalabka sida. Al-sisi, ayaa sheegay inay sii kordhayaan dhinacyada sida xadgudubka leh ugu gafaayo ciidamada Qalabka sida, waxa uuna ku goodiyay in cidii ku xadgudubtaa ciidamada ay marin doonaan waddo cad. Al-sisi, ayaa ka digay in laga been abuurto ciidamada qalabka sida ee dalka iyo bilayska taas oo uu ku sheegay inay tahay fal Qiyaano qaran oo aan loo dulqaadan doonin. Al-sisi oo haddalkaan ka jeediyay shir ka dhacay magaalada xeebta ah ee Alamiin, waxa uuna aflagaadada ugu badan ku eedeeyay shaqsiyaadka kula loolamaaya doorashada. Nuqul kamid ah haddalka Al-sisi ayaa ahaa “Haddii uu qof aflagaadeeyo ama ka been abuurto ciidamadeena., wuxuu meel uga dhacayaa sumcada wanaagsan ee dhamaan Masriyiintii, taasna ma noqon doonto su’aal ah xorriyadda hadalka,” Isagoo haddalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray “Qofna uma ogolaan doono inuu si khaldan wax uga sheego ciidanka iyo booliska inta aan halkaan joogo ayuu raaciyay hadalkiisa.” Dhianaca kale, al-sisi ayaa dhinacyada kasoo horjeeda Siyaasadiisa ugu baaqay inay kala saran arrimaha khaaska iyo tan Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-sisi oo fariin goodin ah u diray dhinacyada aadka uga soo horjeeda appeared first on Caasimada Online.
  16. A man has been convicted of attempted murder after running over a Muslim woman and trying to hit a 12-year-old girl with his car in Leicester as “revenge” for terrorist attacks in London. Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) - The Somali government blasted the tripartite agreement between Somaliland, Ethiopia and DP world to manage Berbera Port, calling the deal illegal and declaring it "null and void" Source: Hiiraan Online
  18. Shirka Madaxda Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay 2-da Maarso 2018 magaalada Kampala ee Uganda, waxaana martigeliyey Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni. Shirka waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, Wasiirka Difaaca Kenya Marwo Raychelle Omamo, Wasiirka Difaaca Jabuuti Mudane Ali Hassan Bahdon, Madaxa Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha guud ee IGAD Mudane Mahboub Maalin. Dalalka ku deeqay Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Federaalku waxay kulamo la qaateen xubno matalayey beesha caalamka oo ay kamid yihiin Algeria, China, France, Germany, Italy, Japan, Qatar, Russia, Saudi Arabia, South Korea, Sweden, Turkey, UAE, UK, USA, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub. Shirkan oo looga hadlay ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta Ciidamada Dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, ayaa madaxdii kasoo qeyb gashay waxay ku bogaadiyeen qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan kala guurka, iyadoo soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed. Madaxdu waxay isku raaceen in ay lama taabtaan tahay in la ixtiraamo Qarannimada, Madax-bannaanida, Xuduudaha dhuleed, Madax bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya. Madaxdu waxay caddeeyeen in lasii wado kaalmada ciidan ee la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo dadaala ay ku xasilinayso Soomaaliya. Shirku wuxuu bogaadiyey dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyadu ay wadaan si loogu hago Soomaaliya siyaasad degen iyo dimuqraadiyad, taas oo abuuraysa xasilooni iyo horumar. Waxay madaxdu isla qaateen in la taageero qorshaha ay Soomaaliya soo hordhigtay shirka, oo ahaa sidii loo taageeri lahaa istaraatiijiyadda lagu xoojinayo ciidamada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay dalkooda nabadeeyaan, isla markaana ay la wareegaan masuuliyadda ammaankiisa. -DHAMMAAD- The post War Murtiyeed: Shirkii Dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya oo Kampala lagu soo Gaba Gabeeyay appeared first on Puntland Post.
  19. On his first official trip to Africa, Secretary Rex Tillerson will travel to N’Djamena, Chad; Djibouti, Djibouti; Addis Ababa, Ethiopia; Nairobi, Kenya; and Abuja, Nigeria, March 6-13, 2018. Secretary Tillerson will meet with leadership in each country, as well as the leadership of the African Union Commission based in Addis Ababa, to further our partnerships with the governments and people of Africa. In particular, he plans to discuss ways we can work with our partners to counter terrorism, advance peace and security, promote good governance, and spur mutually beneficial trade and investment. During his trip, he will also meet with U.S. Embassy personnel and participate in events related to U.S. government-supported activities. State Department
  20. A suicide bomber rammed a car into a Somali military base about 30km Northwest of the capital Mogadishu on Friday, a police official said. Captain Hassan Nur, an officer from Afgoye district, said the base was not far from his police station and it was too early to give details, RT reported. The Al-Shabaab militant group conducts frequent bombings and gun attacks in a campaign to topple Somalia’s Western-backed federal government. The militants also want to drive out the African Union-backed peacekeeping force AMISOM which helps defend the government. Abdiasis Abu Musab, Al-Shabaab’s military operations spokesman, said the group was responsible for the attack. FARS
  21. Khartoum– The Foreign Ministers of Somalia and Sudanese counterpart signed a Memorandum of Understanding (MOU) on Collaboration deal in Khartoum today. Somalia, Sudan agreed to benefit from a cooperation on investing opportunity of both nations. The two foreign ministers have agreed the formation of commission tasked to improve the bilateral cooperation between Sudan and Somalia. Somalia’s FM Mr. Ahmed Ise Awad has paid a visit to the Somali embassy in Khartoum and met with Somali students studying at Horn of Africa varsity in Sudan.
  22. Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe oo ay maanta la wareegeen Muddo kooban Kooxda Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegayaan in howlgalo culus ay ka socdaan. Ciidamadii Al-Shabaab ayaa galinkii dambe ee maanta isaga baxay Magaaldaasi Balcad oo ay saaka la wareegeen kadib markii ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen. Goobjoogayaal ku sugan Balcad oo aan la hadalnay ayaa u sheegay warbaahinta Puntland Post in caawa xiisado kacsanaan ah laga dareemayo magaaldaasi. Waxaa goor hore oo caawa ah istaagay isku socdoka dadka iyo gaadiidka ee magaalda Balcad ciidamada Dowlada ayaa lagu arkayaa gudaha Magaalada iyaga oo howlgalo wada. Dadka deegaanka ayaa filanwaa la noqotay markii maanta ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen magaaladaasi islamarkaasina Al-Shabaab ay u la wareegeen degmadaasi inkastoo muddo kooban kadib ay isaga baxeen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wararkii ugu dambeeyay ee Degmada Balcad oo Al-Shabaab ay la wareegeen Maanta appeared first on Puntland Post.
  23. KAMPALA, UGANDA — The five East African nations contributing troops to the AMISOM peacekeeping mission in Somalia have called on the U.N. Security Council to keep troops slated for removal by 2020. Source: Hiiraan Online
  24. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir gaar ah la yeeshay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM). Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii adkeyn lahaa, iyadoo weliba xoogga la saarayo dhanka ciidamada iyo iskaashiga dhaqaalaha. ” waxaan uga mahadcelinayaa ciidanka Burundi in ay naftooda noo huraan si ay uga qeyb qaataan xasilinta Soomaaliya, taasina maahan mid aan ilaawi doonno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya wada shaqaynta saaxiibtinimada ku dhisan ee ay wadaagaan labada dal. ” Waxaan sii xoojinaynaa taageerada ciidamada, tababarada iyo in aan garab istaagno ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay u hantaan masuuliyadda ammaanka ee Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi . Mudane Gaston Sindimwo ayaa sheegay in ay Soomaaliya u arkaan dal ay Walaalo yihiin, ayna u hayaan abaal ay Soomaaliya horay ugu gashay hadda kahor, mar uu dalkiisa Burundi ku jiray xaalado adag. Madaxweyne Kuxigeenka Burundi ayaa casumaad booqasho rasmi ah u fidiyey Madaxweyne Farmaajo inuu ku yimaado dalka Burundi, si ay uga wada hadlaan danaha labada wadan. Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay casumaadda booqashada rasmiga ah ee uu u fidiyey Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi, sidoo kalena wuxuu Madaxweynuhu sheegay in dalka Burundi uu yahay dal waxbadan garab istaagay Soomaaliya dalkiisana uusan ilaawi doonin abaalkaas. DHAMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Kampala kula kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Burundi appeared first on Puntland Post.
  25. Naadiga Caalamiga ee Islaamka oo ka tirsan Ururka OIC ayaa abaalmarinta sanadlaha ah ee hogaanka guddoonsiiyay sanadkan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faramajo. Madaxweyne Farmaajo oo lagu casuumay abaalmarinta ayaa u wakiishay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo guddoomay abaalmarinta qaaliga ah ee sanadkan hay’adu ugu talagashay Madaxweynaha Soomaaliya. Danjire Ceydiid ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in abaalmarinta ay tahay mid sanadle ah oo sanadkiiba la guddoonsiiyo Madaxda dalalka Islaamka, sanadkana ay Naadiga ugu talagashay Madaxweynaha . The post Madaxweynaha Soomaaliya oo la guddoonsiiyay abaalmarin caalami ah. appeared first on Puntland Post.