-
Content Count
205,916 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Xilli dhawaan dalka imaaraatka Carabta ay heshiis sadex geesood ah ku kala saxiixdeen Soomaliland , Ethopia iyo shirkadda DPWorld islamarkaana dowladda federalka Soomaaliya ku tilmaamtay sharci darro ayaa aay Soomaaliland ka hadashay warka ka soo yeeray dowladda dhexe. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa si kulul uga hadlay Go’aankii dowladda Soomaaliya ee ku aadanaa dekedda Berbera. Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka khuseyn dowladda Soomaaliya heshiiska Dekedda Berbera. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa in uu Sharci daro yahay heshiiska Berbera, isaga oo intaas ku daray in dalalka deriska ah iyo Caalamkaba ay ogyihiin in Somaliland ay ka go’day Somaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Soomaaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka gelin heshiiska dekadda Berbera. appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ay hoggaamiyaan Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa leh masuuliyada ugu weyn ee hantida iyo ilaalinta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed leeyihiin sida ku cad dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka. Somaliland waxay heshiis la gashey shirkada Dp World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta Bishii August 2016, Maamulkii markaasi xukumay hogaanka Dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar Cabdirashiid ayaa lagu eedeeyay inay heshiiskaasi qeyb ka ahaayeen, balse waxay sheegeen inay dacwado gudbin doonaan oo aanay shirkadaasi ka shaqeyn Karin Dhul Soomaali leedahay maaddaama aanay soo marin dowlada dhexe ee Federaalka iyo Baarlamaanka Shacabka. Go’aan rasmiya masuuliyiintaasi wakhtigaa kama qaadan, shacabka Soomaaliyeed-na waxay ka war sugayeen doorka ay ku joojinayso dowlada Soomaaliya hantida shacabka ee maamul ka mida federaalku shirkad dal shisheeye leeyahay lagu wareejiyay dekada Labaad ee ugu weyn Soomaaliya. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Xasan Cali Khayre Raysal wasaaraha Hadda talada dalka gacanta ku haya oo xilka la wareegay Bishii February ee sanadkii hore go’aan shacabka Soomaaliyeed mahadiyaan kama qaadan arrinta shirkada maaddaama laga hoos baxay oo shirkado lagu wareejiyay hantidii ay ugu dhaarteen bulshada Soomaaliyeed. Inkasta oo ay Somaliland sheegto inay ka madax banaantahay Soomaaliya Haddana waxaa marag madoon ah inay ka mid tahay Soomaaliya oo ay caalamku u aqoonsanyihiin maamul ka mida Soomaaliya. Madaxda dalka oo aan ka go’aan ka qaadan wareejinta hantida shacabka islamarkaana aan iyagoo waxba ka ogeyn cid kale lagu wareejiyay waxay fududeysay in Maamulka Puntland isna uu bixiyo dekadii saddexaad ee dalku lahaa kuwaasi oo iyaguna ku wareejiyay shirkada Dp World. Xukuumada Hadda jirtaa arrintaasi iyadna waxba kama qaban oo waxaa iska maamushay Madaxda maamulka Puntland oo hoggaaminayay Cabdiweli Cali Gaas Maxamed Puntland. Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa ay hantida shacabka ee la wareejinayo shirkadaha dalalka shisheeya ka socdana gacanta loo galinayo waxay kasoo saaraan warsaxaafadeed ay shacabka ku qaboojiyaan balse Ficil kuma daraan marka ay arrintaasi taagantahay. Dowlada dhexe ee Soomaaliya waa mida ay caalamku aqoonsanyihiin waxay sameyn karaysay dacwado ay maxkamado shisheeye ka furato si ay ugu doodo in dhulkeedii lagu soo duuley oo aanay raali uga ahayn, Haddii ay sidaasi sameyso waxaa dhici laheyd inay gorgortan sameyso oo maalgashi kasta oo dalka ka dhacaya iyada lasoo marayo, manay dhacdeen in maamul dowlado shisheeye heshiis la galaan iyadoon ogeyn amma war ka hayn dowlada dhexe ee federaalku. Nasiib daro go’aanada ay kaga horjoogsanayso hantida shacabka ee la bixiyay talaabo lagama qaadin, Shacabka Soomaaliyeedna waxaa lagu wargaliyay in laga xunyahay. Maalgashiga ay sameynayaan shirkadaha shisheeye waxaa kale oo ay keentay inay furto in dalka Saldhigyo Millateri laga bixiyo gudaha dalka iyadoon dowlada dhexe ka warqabin. Berbera ayaa Imaaraatka laga siiyay Saldhig milleter isla sanadkii 2017, baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumaddu midna go’aan ma qaadan, waxaa si fudud loo bixiyay hantidii shacabka ee ay u dhaarteen ilaalinteeda Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxwaynaha dowlada federaalka Soomaaliya iyo Xasan Cali Khayre raysal wasaaraha Xukuumaddu. Marka laga hadlayo hantida shacabka sida fudud uga baxday ee ay dalalka shisheeye maamulayaan, waxaa keenay hogaanka jilicsan ee shacabka. Haddii awoodaha ay leeyihiin baarlamaanka, madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha Soomaaliya siddii dastuurka waafaqsaneyd looga jawaabo hantida shacabku si fudud kuma baxdeen. Itoobiya iyo Imaaraat-ku waxay qol heshiis kula galeen Somaliland iyadoo magaalada Dubai uu joogo raysal wasaaruhu, ma uu sheegin inuu kala hadlay arrintaasi intii uu dalka Jooga, Marka ay sidaasi dhacayso ma Maamulka Somaliland ayaa ka weyn raysal wasaarihii dowlada Federaalka Soomaaliya? Jawaabtu waa maya laakiin hantida shacabka Soomaaliyeed ayaa dalalku ka faa’ideysanayaan siddii loo xadi lahaa iyadoo laga faa’ideysanayo awoodaha maamulka Goboleedyada dalka. Xukuumadda madaxwayne Farmaajo iyo Baarlamaanka Shacabka Soomaaliyeed ayaa leh masuuliyada ugu weyn ee ah in la dayacay hantidii shacabka. Maxay Qabatay Shirkada Dp World Oo sanadka xukumaysay Dekada Berbera? 1: Dekada waxba laguma soo kordhin 2:Ganacsatada waxaa lagu kordhiyay cashuurta baddeecadaha muddada ay dekada dhex yaalaan. 3: Shacabka ku nool dekada waxaa la saaray culeys dhinaca shaqada ah si loo helo dhaqaale badan. 4: Waddada Berbera Coridor ee la balanqaaday wali lama dhisin 5:Dekada 400Mitir oo lagu kordhinayay wali lama fulin. 6: Qalab ay shirkadu balanqaaday wali lama keenin dekada. Dowlada Maxaa la gudboon? 1: In dowladaha Shisheeye ee maamul goboleedyada heshiiska la galaya ay kala hadasho, qorshaha leexsan ee ay ka waddaan dalka. 2: Dhamaan inay la joojiyo heshiisyada ay maamuladu la galeen dalalka shisheeye ee ay ku wareejiyeen hantidii shacabka Soomaaliyeed, amma ay dib u eegis ku sameyso dowlada dhexe oo ay iyadu saxeexdo heshiisyadaasi hore loo galay. 3: In faro galinta dowlada Itoobiya iyo Imaaraatka ee hantida shacabka meel adag la iska taago iyadoo loo marayo qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo Urur goboleedka IGAG. 4: Inaanay dalka Soo galin shirkad amma dalka shisheeye oo aan dowlada dhexe amar ka haysan, maaddaam ay adduunku aqoonsanyahay dowlada Federaalka. 5: In dastuurka Awoodaha uu siiyay dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada la kala saaro oo aanay shaqada dowlada dhexe ku shaqeysan madaxwaynayaasha maamul goboleedyadu. Maxaa ka dhalan kara heshiisyada Maamul goboleedyadu ay galaan? 1: In khayraadka dalka laga faa’ideyso iyadoo aanay raali ka ahayn bulshada Soomaaliyeed. 2: Inaanay dowlada Dhexe ee Federaalku ka hadli Karin haddii dhibaato ka timaado shirkadaha iyo dalalka maal gashiga ka sameynaya gudaha dalka, maaddaama aanay heshiisyada iyadu galin. 3: In shacabka Soomaaliyeed aanay ku qanci hab maamulka iyo awoodaha dowlada Federaalka Soomaaliya. 4: In Maamul goboleedyadu awood yeeshaan oo aan waxba lagala tashan dowlada Federaalka. 5: Dowlada Shisheeye iyo Maamul goboleedyada oo is gooniya u wada shaqeeya. 6: Taageero maamul goboleedyadu ka helaan dalalka shisheeye oo lagu wiiqo awoodaha dowlada dhexe. 7: Itoobiya oo ka faa’ideysata hantida shacabka Soomaaliyeed iyadoo la saaxiib ah maamulada, dowlada federaalka ahna ka horkeenaysa Xukuumadda iyo baarlamaanka Shacabka Soomaaliyeed waxay u dhaarteen ilaalinta hantida shacabka, haddii ay arrin maamul goboleedyadu sidan kusii socoto waxaa meesha ka baxay shaqada dowlada dhexe oo dalka waxaa awood badan ku yeelanaya maamul goboleedyada sida hadda muuqata. Heshiisyada ay galeen Maamulada Somaliland iyo Puntland ee hantida shacabka Soomaaliyeed lagu wareejiyay waa in lasoo celiyo gacanta shacabka Soomaaliyeed ee xaqa u leh inay maamuushaan si dowladnimadu meel kaliya u noqoto oo aan qolo kasta dhinaceeda u shaqeysan. W/Q Xuseen Cabdulle Maxamed. The post Falanqeyn: Berbera Dowladda Federaalka ayaa Dayacday. appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo shaqada ka joojiyey mid ka mid ah shaqaalaha Gobolka ayaa sheegay in sharciga la hor geyn doono qof kasta oo ku lug yeesha sameynta dukumiintiyada ganacsi ee been abuurka ah. Guddoomiyaha ayaa faray Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo qeybta Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka in ay soo xiraan xarumaha ganacsi ee lagu howl geliyey shatiyada been abuurka ah, iyadoo uu ku amray in ay la socdaan xarumahaas. Sidoo kale Madbacadii sameysey tiimbaraha been abuurka ah iyadana waxaa laga hakiyey shaqada inta baaristu ku socoto. “Waxaan kula dardaarmayaa ganacsatada Gobolka in ay hubiyaan sharciyada ganacsi ee ay heystaan, sababtoo ah shatiyada been abuurka ah waa dambi weyn qofkii lagu qabtana uu ku muteysanayo ciqaab iyo ganaax aad u adag.” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir. Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay ganacsatada aan heysan shatiyada in ay si deg deg u sameystaan, maadama Maamulka Gobolku ay si adag uga hortagi doonaan gobaha ganacsi ee sida sharci darrada ah loo furtay. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Maxkamadaha Garsoorka si deg deg ah loo herkeeno eedaysanaha shatiga been abuurka ah sameeyey iyo cid kasta oo kala qeyb qaadatay fal danbiyeedkaas, taas oo horseedaysa in guul laga gaaro qorshaha Maamulka Gobolka Benaadir ee ka dhanka ah musuq maasuqa iyo wax is dabamarinta. PUNTLAND POST The post Shaqaale la sheegay inay bixiyeen Shati Ganacsi oo been abuur ah oo Shaqooyinkii laga eryay appeared first on Puntland Post.
-
Caasimada Somalia ayaa haawaneysa maalintii labaad, ciidamada Dowladda ayaa kala xiray magaaladda oo malaha yeelatay muuqaal colaadeed, kooxdda Al Shabaab ayaa awood ahaan u muuqata mid soo xoogeystay labadii asbuuc ee lasoo dhaafay. Ciidamada Dowladda ayaa xooga saaraya Amniga wadada dheer ee Maka Al-Mukarama oo nolasha Dowladdu ay ku xirantahay, asbuucii lasoo dhaafay waxaa xoogeystay dilalka iyo qaraxyadda, Dowladdu ma muujin inuu jiro fashil Amni. Qarixii iyo weerarkii lagu qaaday asbuuc ka hor Hotel Doorbin iyo aaga madaxtooyada oo ay 45 ruux ku dhimatay ayaa fure u ahaa silsilado weeraro iyo qaraxyo ah oo ka yimid dhanka kooxda Al Shabaab, weerar ismiidamin ahaa ayaa lagu qaaday bar koontarool oo ay ciidanka Dowladdu ku lahaayeen Siinka Dheer kaas oo lagu dilay 20 askari ,ismiidaamin kale oo dhimasho sababtay ayaa ka dhacday Afgooye, ciidamo Dowlada ka tirsanaa oo siday Askar dhaawac ah ayaa lagu laayay aaga Carbiska, Alshabaab ayaa xoog kula wareegay degmada Balcad oo Xamar u jirta 30km, waxaa intaa dheeraa hoobiyaal lagu garaacay degmooyin ka tirsan Muqdisho, dad toogasho lagu dilay iyo digniino sheegaya in gaadiid qaraxyo sida ay kusoo xaroodeen Muqdisho, dhacdooyinkaan wali Dowladdu uma aragto fashil amni. Wasiirka Amniga ee Somalia waa ganacsade Maxamed Abuukar Isloow, sidoo kale rag ku yimid nidaamka saaxiibtinimada dadban ayaa la wareegay hogaanka ciidanka Somalia kuwaas oo ay dad badani aaminsanyihiin inuusan ku jirin qof lagu soo xulay waayo aragnimo ciidan. Dadka Muqdisho ku nool ayaa ku doodaya in Dowladdu ay mar walba xirto isku socodka magaalada hadana aysan awoodin iney ka hor tagto halista Al Shabaab, balan qaadyadii madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee xiligii ololaha doorashada waxaa ka mid aheyd in hadii uu amni keeni waayo uusan wadooyinka xiri doonin ee uu isagu fuuli doono gaadiidka Amisom dadkuna ay jidadka si xor ah ku mari doonaan. Qaabka cusub ee loo xiray jidadka Muqdisho ayaa dadka qaar soo xasuusisay xiligii ay magaaladu qadka cagaaran lahaan jirtay, ilaa 2 jeer oo wasiirka Amniga loo jeediyay inuu is casilo waxaa ka hor yimid Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo la sheego inuu xiriir ganacsi oo qoto dheer uu kala dhaxeeyo wasiir Isloow. Madaxda sare kama hadal halista amni ee soo korartay umana muuqdaan kuwa doonaya iney ka hadlaan, dad badan ayaa is weydiinaya ilaa mudada ay xukuumadu ka carari doonto iney ka run sheegto waxa socda. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com The post Muqdisho oo albaabada la isugu dhuftay xili Amnigu uu faraha kasii baxayo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Somalia uu heshiiskii Dekedda Berbera ee dhexmaray – Shirkadda DP World ee Imaaraadka, Somaliland iyo Itoobiya ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan la aqbali karin, ayaa waxaa hadalkaas ka jawaabtay Somaliland. Wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/llaahi Faarax [Guri Barwaaqo] oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa hadalladii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ku tilmaamay mid aanay aqbali Karin oo iska-horimaanaya. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay la gasho heshiis ciddii ay doonto, isla markaana uu dhigayo Dastuurkeeda, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’een sannadkii 1991-kii. “Heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhex-maray Somaliland, DP World iyo Dowladda Itoobiya ma ahayn mid cusub, balse uu ahaa heshiis dhameystir ah, waana in sidaas loo ogaado,” ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka. Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inuu mideeyo Degmooyinka Muqdisho oo aanu maamulin, intii uu ka hadli lahaa midnimada Soomaaliyeed.” Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Somalilland ayaa ku tilmamaay mid aan maquul ahayn hadallada RW Somalia ay ka mid ahaayeen in dastuurka dalka u yaalla aanu ogoleyn in heshiis ay gasho cid kale oo aan ahayn Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay inay ahayd inuu ogaado in Somalia iyo Somailland aanay isku dastuur ahayn. Ugu dambeyn, Dhawaan ayaa waxaa dalka Imaaraadka uu heshiis muran badan dhaliyay ku dhexmaray Somailland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraadka, kaasoo qeexaya in Somaliland ay saamiga Dekedda Berbera ka helayso 30%, halka DP World ay helayso 51%, sidoo kalena ay Itoobiya helay 19%. PUNTLAND POST The post Maamulka Somaliland oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Jidka iskuxira Magaalooyinka Bosaaso iyo Qardho oo tan iyo wixii ka dambeeyay dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya aan helin dib udayac tir ayaa yeeshay Godod iyo dil dilaacyo sababay in ay Shilal badani ay ka dhacaan wadadaasi u dhaxaysa Bosaaso iyo Qardho. Hay,ada NESHA ayaa wada dadaalo lagu buuxinayo meelaha Gododka ah ee wadadaasi xiriirisa Bosaaso iyo Qardho . Sababta keenta bur burka ku yimid wadadan laamiga ah ayaa lagu sheegay in ay tahay in mud badan oo uu jiray laamiga uu san helin wax dayac tir ah, iyo Culays farabadan oo aan loogu talagan oo ku dhaca laamiga , taas oo sababta mararka qaar in shilal sababa dhimasho iyo dhaawacba ay ka dhacaan wadadan . ilaa iyo hada waxaa la soo dayac tiray 140 kmtr oo isku xiriirisa Bosaaso iyo Qardho sida uu noo xaqiijiyay maanta Yuusuf Cabdi Aadan oo ah Agaasimka Hay,ada NESHA ee Bosaaso iyo Qardho . Halkan ka dhagayso. Yuusuf Cabdi Aadin
-
Guddiga doorashada Puntland ee TPEC, ayaa maanta iska fogeeyay inay masuul ka yihiin doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019, kadib markii dhawaanahaan uu muran ka dhashay hadal uu siidaayay afhayeenka xukuumada, Cabdulaahi Quraanjecel, kaasoo sheegay in guddiga TPEC uu dowladda mas’uul uga yahay arrimaha doorashada. Hadalka afhayeenka kasoo yeeray oo ku jiray wareysi uu siiyay BBC Somali, ayay dad badani u fasirteen inuu ula jeeday in guddiga TPEC uu masuul dowladda uga yahay doorashada madaxtinimada ee sannadka 2019. Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdiraxmaan Diiriye ayaa madal ay maanta isugu yimaadeen guddiga doorashdam xubno ka socday ururada siyaasada iyo wasiirro dowladda ka socday wuxuu sheegay guddigoodu inuu waqtigoodu ku eg yahay marka ay soo dhisaan saddex xisbi siyaasadeed ee ku tartamidoono doorashooyinka golayaasha degaanka. Guddoomiyaha TPEC waxaa uu muujinayay culayskii ka dhashay qaabkii loo fasirtay hadalkii afhayeenka xukuumada Puntland, isagoo sheegay inuusan guddigoodu masuul ahayn wax doorasho ah, shaqadooduna aysan dhaafsiisnayn soo dhisida xisbiyadii ka qeyb gali lahaa doorashada. Puntlandi.com
-
Degmada Bareed ee gobolka Garda Fuu oo ay hoos yimaadaan 17 Tuulo ayaa laga soo sheegayaa Abaar baah san iyo biyo yari ka jirta Ceelashii ay dadka iyo duunyaduba ka cabi jireen . Arintan ayaa sababtay in Qiimihii biyaha lagu kala iibsan jiray Degmada uu sare ukac ku yimaado, taas oo dadka xoolo dhaqatada ah in tooda badan aysan awoodin in Qiimahaasi ay ku iibsadaan biyaha maadaama mudo 7 sano ahna degmada iyo Tuulooyinka hoos yimaada aysan helin wax rob ah. Dadka Degmada Bareeda ayaa biyaha waxa ay uga iman jireen Ceel Biyood ilaa Sagaal boqol oo sano jiray, kaas oo mudo qarniyo ah ay dadku ka cabi jireen hadana biyo yareeyay. ilaa iyo 800 oo Qoys ayaa ku nool Degmada Bareeda kuwaas oo aan haatan haysan Ceel biyood ay kacabaan . Dowladda Puntland iyo Hay,adaha Caalamiga ah ayay dadka Degmada iyo Maamulkaba ugu baaqeen in xaalada biyo laanta ah ee haysata dadkan wax laga qabto. Gudoomiyaha Degmada Bareeda Abshir Maxamed Axmed ayaa ka waramaya Baxaada biyo la,aanta ka jirta Degmada iyo Tuulooyinka hoos yimaada. Halkan ka dhagayso . Gudoomiyaha bareeda
-
Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti sare oo ka socday dawlada Masar oo uu hogaaminayey Qunsulka safaarada Masar ee Somaaliya Mr. Taamir Safwat wafdigaas waxaa kale oo kamid ahaa Madaxa mashaariicda beeraha ee wadamada Afrika Dr. Maahir Abdulmuncim, Axmed Qunaim-Madaxa xiriirka Dibada Wasaaradda Beeraha Masar, Dr. Attiya Mansuur oo ah Khabiir Biyaha iyo Deegaanka ah. Wasaarada Deegaanka ee Puntland ayaa dawlada Masar u soo bandhigtay warbixin dheer oo kusaabsan xaalada Deegaanka ee Puntland, shaqooyinka ay wasaaradu hayso, Istaraatijiyadaha iyo qorshayaasha u dagan Wasaarada Deegaanka iyo sidii loo samayn lahaa iskaashi ay Masar iyo Puntland ka yeeshaan arimaha Deegaanka iyadoo laga duukayo baahiyaha bulshada Puntland kuwaas oo ku salaysan helista daaq wanaagsan iyo ka hortaga abaaraha iyo dhibaatooyinka ku dhaca deegaanka. Qunsulka dawlada Masar ee Soomaaliya iyo waftigii la socday ayaa wasaarada Deegaanka ee Puntland uga mahadceliyey soo dhawaynta ay u samaysay waftigooda iyagoona sheegay inay qorshaynayaan inay Puntland ka caawiyaan dhibaatooyinka abaaraha, Xaalufka iyo Nabaad guurka, Qunuslku wuxuu dhanka kale sheegey in dawlada Masar ay danaynayso inay Puntland maalgashato islamarkaasna ay arimaha deegaanka,beeraha iyo hormarinta Xoolaha Puntland ka caawin doonaan. Wasiirka Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Puntland ayaa dhankiisa u mahadceliyey booqashada ay waftigu kuyimaadeen Puntland waxaana uu sheegey in ay soodhawaynayaan waftiga Masar ee Puntland yimid ayna ka caawin doonaan dhanka Maalgashiga ay danaynayaan islamarkaasna wuxuu wasiirku madaxdii ka socotay dawlada Masar ugu baaqay inay dhankooda ka qaataan la tacaalida Abaaraha ay ku howlantahay Wasaaradiisu iyo ilaalinta daaqa oo uu sheegey inay waxwayn ka tari karto maalgashiga Puntland iyo hormarinta Xanaanaynta Xoolaha Puntland si loogu helo suuqyo caalami ah.
-
Garowe (Puntlandi) Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland, Dr, Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa maanta magaalada Garowe ku daahfuray mashruuc lagu magacaabo Marwo Caafimaad, oo ah mashruuc kor loogu qaadidoono caafimaadka hooyada iyo ubadka. Mashruucaan ayaa lagu caawindoonaa hooyada iyo dhallaanka ku dhaqan Puntland, iyadoo diirada la saarayo waxbaridda iyo kaalmeynta hooyada uurka leh iyo horumarinta caafimaadka aasaasiga ah ee ay hooyada iyo ubadka da´dooda ka hooseyso 5 sano u baahan yihiin. Muhiimada laga leeyahay Mashruucaan ayaa ah, hakinta umul-raaca tirada badan ee ragaadiyey bulshada Soomaaliyeed iyo in la helo tirakoobka ubadka dhashay bil- ama sanad walba. Munaasabadii mashruucaan lagu daahfurayay waxaa ka qeyb galay madax kala duwan oo ka socotay dowladda Puntland, ururada mashruucaan ka wada shaqeynaya ee kala ah Somali Swedish Research Association SSRA, Poeh, HEG, ForumSyd iyo jaamacadda bariga Afrika. Wajiga ugu horeeya ee mashruucaan ayaa sida uu qorshuhu wuxuu ahaandoona mid lagu tababaridoono haweenka ka shaqeeya caafimaadka, kuwaas oo dhawaan tababar caafimaad loogu furidoono xarunta jaamacadda bariga ee Garowe. Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr, Cabdinaasir Cuuke ayaa soo dhoweeyay mashruucaan Marwada caafimaadka, isagoo sheegay inuu rajeynayo in dadka reer Puntland si weyn uga faa’idaysandoonaan. Waxaa kale oo wasiirku sheegay inuu qeyb ka ahaandoono dadaalada wasaaraddu ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha caafimaad ee bulshada. Puntlandi.com
-
Hadal haynta ugu badan beryahaan geyiga Somaaliyeed ayaa aheed muranka Shirkada Dekedaha Dubai DP World iyo Dawladaha DJibouti, Somaliya, Ethiopia iyo Maamulka Somaliland. Murunkaas oo sababay in uu mugdi galo xiriirka dawladaha Emaraat iyo Geeska Afrika. Waxaan xasuusanaa Qarnigii 19 aad markii gumeystihii reer galbeedku qorsheystay gumeysiga Qaaradaha Afrika iyo India ayey soo hor mariyeen shirkado Ganacsi oo Ciidamada ka hor ku soo gala heshiisyo Maalgashi iyo Horomarineed una gogol-xaara soo gelitaanka ciidamada gumeysiga sida; Shirkadii lagu magacaabi jiray British East India Company, kuwii Talyaaniga ee heshiiska la galay Odayaasha dhaqanka, Ciidamadii Masar ee Ingiriisku usoo diray Zaylac iyo Berbera ka hor intii uusan soo gelin Calankiisana ka taagan. Hadaba su’aashu waxa ay tahay maxaa soo cusbooneysiiyey murunkaan Dubai Port? Iyada oo la ogyahay: in murunka Djibouti iyo Dubai Port uu jiray soona bilawday 2013, markii dawladda DJibouti go’aansatay in Shirkadaan aysan waxba u qabaneyn ayna bilawday heshiisyo ay la gasho shirkado Chine ah oo u dhisa Dekedo kale iyo Tareeno isku xira DJibouti iyo Ethiopia. Waxaan xasuustaa aniga oo ka mid ahaa wafdi uu hogaaminayey R/wasaare Saacid 2013, ayaan ka qeybgalnay dhagaxdhigii Dekedaha Damerjoog iyo laba kale oo sanadkii hore la furay, xilligaas waa jiray murunka Dubai Port iyo dawladda DJibouti, Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle ayaa nagu yiri “Ma rabaan in aan gaarno horumar dhanka Badda ah, annaguna waxaan u jihaysanahay dhanka Badda”. Arinta Dekedaha Berbera iyo Bosaaso iyo Saldhiga Ciidan ee Berbera waxaa la saxiixay sanad ka hor xilligii M. Xasan, RW Cumar iyo M. Siilaanyo! Maxaa xilligaan soo kiciyey? Maxaa dawladda DJibouti u ereday shaqaalihii u joogay Dubai Port Dekeda Dooraale? Maxaa heshiiskii Berbera dib loogu saxiixay maanta? Maxaa dawladda federaalka loo maldahay? Su’aalahaas ayaa is weydiin mudan? Jawaabtuna waxey yeelan kartaa laba dhinac oo kala ah: Muranka Siyaasadeed iyo Xulafada cusub ee Gobalka soona shaac baxay kadib khilaafkii Khaliijka sida; xulafada Turkey, Qatar, Sudan, Ethiopia iyo DJibouti. Dhinaca kale xulafada; Emaraat, Sacuudi, Masar iyo Eritrea. Murankaas oo salka ku haya biya xireenka Ethiopia ee webiga Niilka iyo Saldhiga Ciidan ee Emaraat iyo Masar ay ka fureen Eritrea. Arimaha gudaha waxaa ka mid ah: Emaraat oo dareentay in DJibouti ka maarmi karto kadib markii ay heshiisyo la gashay Chine iyo Turkey. Ethiopia oo dareentay in Emaraat u xaglinayso cadawgeeda Masar iyo Eritrea, gacana siinayso. Ethiopia oo maalgashigii ugu badnaa ka heshay Turkey iyo Emaraat oo rabta in ay gunna ka siiyo Dekedaha Somaliya. Xukuumadda Kulmiye ee Somaliland oo saxiixii hore ee Feberuar 2017 ka baqday in ay shaaciso Share ka 19% ee Ethiopia iyada oo xilligaas ku jirtay doorasho kana baqday shacabka Somaliland lkn hadda ku dhiiratay markii la doortay ka dib. Dawlada Emaraat oo dareynsan in aysan sharci aheyn heshiisyada ay la gashay maamul-gobaleedyada una hawlgasha mar kasta in ay ka ansixiso dawladda federaalka, cadaadisna ku saarta. Dawlada Emaraat oo hab-dhankeedu uu u muuqdo in ay ka quustay in ay wax ka saxiixato M. Farmaajo iyo RW Khayre, kuna tala gashay in ay kaararka Siyaada iyo taageerada bulshada ka gubto. Dadka Somaaliyeed oo maanta soo jeeda dhib kasta oo haystana aan aqbali karin in loo gashado mar kale shaati maalgashi ama gargaar sidii loogu gashaday aabayaashood iyo Siyaasiyiin been u sheegta oo iibsata dhaxalkooda, hadana ay ku doortaan, kana qariya wixii ay saxiixeen iyo cida ay wax siiyeen. Hadaba heshiisyada taabanaya Masiirka iyo Mustaqbalka jiilka danbe sida: Dekedaha, Badda, Hawada, Xuduudaha dhulka, Khayraadka Dhulka iyo Badda, Saldhigyada Ciidan iwm, kuma filna War-saxaafadeed ay soo saartay Xukuumadda fedaraalka iyo hadalka R/wasaaraha ee waxey u baahantahay Sharciyo, Qaraaro iyo Go’aanno adag oo ay soo saaraan Golayaasha Federaalka ee Wasiirada iyo Barlamaanka, Ashtako iyo Sharcina lala tiigsado Dawladaha ku xad-gudbaya iyo Madaxda ku takri-faleysa dhaxalka sooyaalka!!. 2:09 PM W/Q: Prof Maxamed Nuur Gacal The post Xiriirka ka dhexeeya Shirkadaha maalgashiga & Faragelinta shisheeye ee Dalalka soo koraya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa ku dhintay iska hor imaad ka dhacay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir. Saraakiisha ammaanka Degmada Dharkiinley, ayaa xaqiijiyay geerida Sarkaalkaan oo lagu magacaabi jiray Mingiste, waxayna ka dambeysay geeridiisa arrimo ku aadan isqabsi dhuleed. Iyadoo uu taagan yahay muran guri ku yaallo Degmada Dharkiinley, gaar ahaan dhanka Xaafada Kaawo Godey, ayaa Sarkaalkaan oo watay ciidamo wuxuu tagay guriga muranka uu ka taagnaa, iyadoo halkaasi ay joogeen ciidamo kale oo ka tirsan dowladda. Labada ciidan ayaa la sheegay inuu dhexmaray muran, kadibna taasi ay sababtay in iska hor imaad dhexmaray labada ciidan, iyadoo ugu dambeyn halkaasi uu ku dhintay Sarkaalkaasi ka tirsanaa ciidamada Militariga. Sarkaalka dhintay ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Saraakiisha ciidamada Militariga ee ku sugan Warshada Nacnaca. Maamulka Degmada Dharkiinley ayaanan wali ka hadlin iska hor imaadkaan dhexmaray ciidamada ka wada tirsan Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan dagaal Muqdisho ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda iyo sarkaal lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadweyne Soomaaliyeed oo u badan maati ayaa bannaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho, iyadoo ka cabanaya dhul ay sharci ahaan u leeyihiin oo guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu la wareegay, kana dhigay dhul milateri. Dadkan oo uu ka dhex muuqdeen Sheekh Maxamed Kulmiye Axmed ayaa Guddoomiyaha G/banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan ku eedeeyay in dhul ay sharci u heystaan uu sheegay inuu kala wareegay isagoo aan haba yaraatee kala tashan, markii ay xafiiska ugu tageenna uu diiday inuu qaabilo. Wuxuu ku eedeeyey inuu Guddoomiyaha u adeegsaday awood isla markaasna uu u geystay boob Sharc darro taasiina aysan aheyn dowladnimada. The post Daawo: Dadweyne ka bannaanbaxay Dhul ay lahaayeen oo uu kala wareegay Guddoomiyaha G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa–At least 17 doctors that have completed medical courses are stranded in Ethiopia. The doctors are Somalilanders by birth but having graduated from Hayat University & Bathel Medical College were refused to be granted their medical licenses in order to practice after graduation. Medical universities in Ethiopia have put in place a law requiring all nationals to do 2 years national service or either pay 80, 000 Ethiopian Birr in order to receive their medical licenses. The rule was also applied to Somaliland medical graduates from Ethiopian medical universities and now are languishing in Ethiopia unless Somaliland authority engage with Ethiopian officials so as to let the students receive their licenses and return home. Former minister of health Dr. Suleiman Isse under president Silanyo’s administration spoke with Ethiopian officials who withhold their certificates and licenses to Somaliland students but after Somaliland held presidential election the students are now facing a similar scenario. The parents of the graduate doctors from Somaliland are calling on President Bihi to urgent address their concern amid Ethiopia’s in a state of emergency.
-
“Taliye Tikidkaan waa kuu ku dhoofayaa ee Fadlan safarka ha iga baajin ee i siidaa” sidaa waxaa ku Cataabey Hooyo Soomaaliyeed oo dooneysa in ay Dhoofto oo saakey Taagneyd Agagaarka isbitaal Banaadir ka dib markii ay ku timid Wadada oo Xiran hadaba maxaa loogu jawaabey. “ Islaan yahay Tikidka inta Jeex Jeexdid oo biya ku darsatid Liq oo Caloosha geey “ inta gaarigii ka deg degtey iyada iyo Boorsadii ay wadatey ayey Lugta Furtey Boorshadiina Dhabarka u riday waxayna Habaar ku Tuurtey Ciidankii sidaan u galey. Waxaa iyana Goobta soo istaagey Hooyo Xaamilo ah oo uu muuqdo Uurkeeda waxay damacdey in ay Gudubto si ay u gaarto Isbitaalkii ay u socotey hadaba maxaa loogu jawaabey iyadana “ Hooyo Amar uma qabo in aan ku sii daayo ee iska lugeey” Markiiba inta la garab galey ayey loo dhaqaajiyey Isbitaalkii ay u socotey waxayna Tiri “Danyar iyo Dacasley Allaa u maqan” waayo qofkii Gaari Bullet-Proof wata waa la sii deynayaa. Waxaan soo xasuustey Qisadii Xujaaj Bin Yusuf oo dadka aad u dhibi jirey , maalinkii uu dhintey ayaa Waxaa Xukunkii qabsadey Wiilkiisa , dadka waxay islahaayeen waa ka reysan doontaan hase yeeshee maxaa Dhacay,Wiilkii Aabhii waa uu ka Darnaadey waxayna Dadkii yiraahdeen “ Salaamulaahi Xujaaj” Sow Sheekada uma eka “Salaamulaahi Sanbaloolshe” Dadka waxay filayey in uu isbedel la yimaadaan Taliyayaasha magacaabey ee Nabad Sugid iyo Boolis “ Ka Daroo Dibi Dhal” hase yeeshee sow ma aha mid Bulshada looga sii darey. Dadka qaar ayaa waxay leeyiin arintaan Jidadka Xiran in ay tahay mid lagu Xumeynayo Madaxda Qaran waayo muddo Sadex Maalin ah ayaa Jidadka Xiran yihiin weliba iyadoo Xiligu Kuleyl yahay. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk Tel 00252615532494 A general view shows a street which was blocked to control motor vehicle traffic, during a security lock down in Somalia’s capital Mogadishu, February 7, 2017. REUTERS/Feisal Omar The post Salaamu Laahi Sanbaloolshe “Danyar iyo Dacasley Allaa u Maqan” appeared first on Caasimada Online.
-
Balcad (Caasimadda Online) – Kooxda Alshabaab ayaa weerar culus ku qaaday shalay kolonyo ka tirsan AMISOM oo ku sii jeeday magaalada Jowhar. War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Burundi ayaa lagu sheegay in ciidamadooda khasaara xooggan uu kasoo gaaray weerar shalay ku qabsaday duleedka degmada Balcad ee Shabeelaha dhexe. Madaxweyne ku xigeenka Burundi Gaston Sindimwo ayaa warbaahinta u sheegay in kolonyo katirsan ciidamadooda lagu weeraray waqooyiga magaalada Muqdisho wuxuuna qiray in askar iyo saraakiil looga dilay. Dowladda Burundi waxay sheegtay in askari looga dilay weerarkii dhabbagalka ahaa ee lagu weeraray kolonyo saad ciidan sidday oo ku socdaalayay deegaanka Gololeey ee duleedka Balcad. Burundi Gaston Sindimwo madaxweyne ku xigeenka Burundi ayaa beeniyay wararka sheegaya in dhimashada ciidamada laga dilay ay gaartay tobanaan. The post Sawiro: Kolonyadii AMISOM Al-shabaab ku gubeen duleedka Balcad & Qasaaraha gaaray appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa isu bedeshay magaalo kala xiran oo si weyn ay u adkaatay in dadka iyo gaadiidka ay isu socdaan kadib markii jidgooyo fara badan lagu soo kordhoyey. Qaar ka mid ah Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa wali xiran, iyadoona dadka Shacabka ay lugeynayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa keentay in dad badan ay dhibaato ku noqoto inay gaaraan goobahooda shaqada iyo wxaxbarashada. Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa xiran maalintii Saddexaad, waxaana ciidamada ammaanka ay dadka shacabka u sheegayaan in aan la ogoleyn in wadooyinka la marsiiyo gaadiidka. Dad badan ayaa habeennadii ku xaryirma qeybaha loo kala xiray magaalada oo ay ku adkaatay inay guryahooda gaaraan, taasoo dhalisay inay hoteello seexdaan ama guryo raadsadaan. Isgoysyadda xiran ayaa waxaa ka mid ah Tarabuunka, Banaadir, Hawlwadaag, Geedjaceyl, Sanca, Afarta Jartiin iyo dhawr kale oo ka mid ah Isgoysyada ka yimaado dhanka wadada wadnaha. Dadka qaar ayaa ku doodaya in dowladda Soomaaliya ay khad cagaaran u sameysay caasimadda. Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa cabasho xooggan ka muujiyay xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo xaalada amni ee ay gashay caasimadda oo ah tii ugu xumeyd in muddo ah. The post Sawiro: Muqdisho oo isu bedeshay Magaalo kala xiran & isu socodkii Dadka iyo Gaadiidka oo sii adkaanaya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qaybta ka ah Halwgalka AMISOM ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ayAl-shabaab ku qaaday Jimcihii shalay, iyagoo marayay dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, sida laga soo xigtay saraakiil amni iyo xubno ka tirsan AMISOM. Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ciidammo ka tirsan AMISOM, waxaana sidoo kale lagu dilay darwallo waday gaadiid u kireysnaa AMISOM oo Soomaali ah. Ciidamadan la dilay iyo kuwa la dhaawacay ayaa waxay wadeen sahay ay u sideen ciidammo ka tirsan AMISOM oo ku sugnaa waqooyiga degmada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeellada Dhexe. Inkastoo Al-shabaab ay sheegtay inay ku dileen weerarkaan labaatameeyo ka tirsan ciidamada AMISOM, ayaa haddana saraakiil amni oo xukuumadda Somalia ka tirsan waxay sheegeen in dhimashada askarta AMISOM ay tahay shan askari oo u dhashay dalka Burundi. Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka dalka Burundi, Gaston Sindimwo oo la hadlay isaguna idaacadda VOA-da ayaa sheegay in tiro askarta Burundi ee qaybta ka ah AMISOM lagu dilay weerarkaas gaadmada ah. Dhanka kale, goobjoogayaal shacab ah oo ku nool agagaarka deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeellada Hoose oo ka mid ah halka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay inay arkeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo jiidaya askar ka tirsan AMISOM oo mayd ah. Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga Dowladda Somalia ayaa iyaguna u sheegay warbaahinta qaarkeed in xoogagga Al-shabaab ee weeraray ciidanka AMISOM ay ahaayeen kuwo si aad ah u hubeysan. Ugu dambeyn, Taliska AMSOM ayaan weli ka hadlin weerarkaan iyo sidoo kale khasaaraha kasoo gaaray, balse xaaladda degmada Balcad oo ay la wareegtay kooxdu shalay ayay dib uga baxeen, waxaana daggan xaalada degmada Balcad oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan xarunta Soomaaliya ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Burundi oo sheegtay in tiro ciidamadeeda ah lagu dilay weerar gaadmo ah appeared first on Puntland Post.
-
Sida uu sheegay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya wadanka Cumaan Ambasador Cabdirisaaq Faarax Cali diyaarad sida 77 maxaabiis Soomaali ah kuna xirnaa dalka Hindiya ayaa maanta kusoo wajahan Magaaladda Muqdisho. Danjiraha ayaa sheegay maxaabiistaan lagu soo wareejiyay Dowladda Soomaaliya inay qeyb ka tahay heshiiskii maxaabiis isweedaarsiga dalalka Soomaaliya iyo Hindiya oo ay horay u wada gaareen labada dowladood, wuxuuna sheegay Safiir C/risaaq in qeybtii labaad ay tahay maxaabiistan maanta soo gaareysa Muqdisho oo laga keeno Hindiya. 19 –kii bishii Janaayo isla sanadkaan ayeey aheyd markii garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho laga soo dejiyay ilaa 40 maxaabiis ah oo laga keenay dalka Hindiya, kuwaasi oo dhameystay xukun ay horey ugu riday maxakamadda ku taala dalkaasi. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalintas warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in maxaabiistan ay qeyb ka yihiin maxaabiis horey looga soo daayay ilaa saddex dal, wuxuuna intaasi ku daray in 70 kale oo ku jira xabsiyada dalka Hindiya dhawaan la keeni doono Soomaaliya. PUNTLAND POST The post 77 Maxaabiis oo laga soo ciliyay dalka Hindiya oo ku soo wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
A man has been convicted of attempted murder after running over a Muslim woman and trying to hit a 12-year-old girl with his car in Leicester as “revenge” for terrorist attacks in London. Paul Moore, 21, struck Zaynab Hussein with his Volkswagen Up on 20 September last year after a night of heavy drinking. She was thrown into the air. He then turned his car around and drove over her. Hussein, 47, was left with severe fractures to her pelvis and spine, and a broken leg. She was in hospital for almost three months and remains confined to a bed. Minutes after his attack on the mother of nine, Moore attempted to hit a girl walking to school, but only managed to clip her bag. She was left unhurt but shaken. The court heard he had identified the girl as Muslim because she was wearing a headscarf. On Friday, a jury at Nottingham crown court took two hours to convict Moore of attempted murder, attempted grievous bodily harm with intent and dangerous driving. Mr Justice Soole remanded him in custody and adjourned sentencing. Following the incident, which took place five days after the Parsons Green bombing in London, Moore told his half-brother he had attacked a “Paki” and was “proud of himself”. The court heard he had said he was “doing the country a favour” after terrorist attacks in London. In a statement released after the verdict, Barre Duale, Hussein’s husband, said: “When Paul Moore said he attacked a Paki for Britain and that he was proud of it, he was actually attacking Britain. “He was attacking a British mother, a British wife, a productive British worker and charity volunteer. He wasn’t attacking terrorists; he was joining their ranks by doing what they do and attacking an innocent woman. “Our family has been heartbroken by the attack. Whatever sentence Paul Moore receives will be less than the life sentence that my wife will have to live with.” DCI Rob Widdowson of Leicestershire police said: “These incidents caused understandable concern and anxiety among the local community, particularly as we believe this was an act of hate. “The force takes any incident of hate crime incredibly seriously and a significant number of resources were involved in the investigation and subsequent conviction of this individual, who does not reflect the people who live in our diverse and cohesive communities here in Leicester.” Dr Shazad Amin, the chief executive of Muslim Engagement and Development, said: “Mend have been supporting the family since this horrific incident happened and we would like to thank the community and the police for all their hard work in bringing this case to court. “It is important that something positive comes out of this tragic case. It is high time Islamophobic hate crime is treated with the same degree of seriousness that racism and antisemitism is treated in this country.” The organisation pointed to figures that showed a 45% increase in race and religious hate crime in Leicestershire in 2016-17, compared with the previous year, with 1,010 separate incidents. Source: – The Guardian The post UK: Man convicted after running over Somali woman in Leicester appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online)- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxyo iyo dagaal fool-ka-fool ah oo ay maleeshiyada al-Shabaab ku qaaden ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Ciidamadan ayaa xiligii la weeraraayay waday saanad iyo Raashiin, waxaana ay maleeshiyada ku bilaabeen Qaraxyo iyo weerar toosa oo markii danbe sababay in laga gubo ku dhawaad 12 Gaari nooca gaashaaman ee dagaalka. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in goobihii lagu Qarxiyay ciidamada Burundi ay weli yaalan hilbaha qeybo kamid ah ciidamada AMISOM ee shalay la weeraray. Waxa ay dadku sheegeen in xaafadaha iyo hareeraha waddooyinka qaarkood laga helaayo Meydad ka tirsan ciidamada AMISOM kuwaa oo la sheegay in maleeshiyada ay uga daba tageen meelaha ay ku baxsadeen. Waxa ay sidoo kale sheegayaan inay jiraan ciidamo farabadan oo ku cararay hoodka xiliga uu weerarka dhacay kuwaa oo lagu baadi-goobaayo diyaarado Helikobter ah. Sidoo kale, waxaa goobta lagu galay ciidamada ku sugan ciidamo ka tirsan dowlada iyo kuwa AMISOM, kuwaa oo halkaa ka qaadaya hilbaha ciidamada iyo Gaadiidka la gubay. Geesta kale, ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa la dilay iyo kuwa baxsaday ayaa waxaa laga qaatay qoryo ku dhow 27 oo ah nooca meelaha fog wax ka toogta. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com The post Diyaarado lagu baadi-goobayo Meydadka & Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka baxsaday weerarkii Balcad appeared first on Caasimada Online.