Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tadesse Kersmo spent months at a terrorist training camp and possessed files useful for terrorism AN ETHIOPIAN asylum seeker flew to east Africa where he spent months at a terrorist training camp, a court heard yesterday. University lecturer Tadesse Kersmo, 51, was also caught with documents giving details about knife fighting techniques and US Navy Seal sniper training, it was claimed. He downloaded information on hitting moving targets, shooting at night and a manual described as “a modern day Terrorism for Dummies.” Kersmo lived in Ethiopia until 2009 when, as a critic of its government, he fled to the UK, Snaresbrook Crown Court in east London heard. He was a lecturer in business and economics at Greenwich University, south-east London, where he seemed to be a “peaceable academic” interested in Ethiopian politics. Mr Kersmo was a lecturer in business and economics at Greenwich University There was more than one side to this lecturer in economics Barnaby Jameson But Barnaby Jameson, prosecuting, said: “There was more than one side to this lecturer in economics.” Kersmo, of Finsbury Park, north London, made three trips to a training camp in Eritrea in 2015 and 2016, the court heard. He denies seven counts of possession of documents useful for terrorism and one count of attending a place used for terrorist training. The trial continues. Express
  2. Sharm El Sheikh (Caasimadda Online) – Warbaahinada qaar ee Soomaalida ayaa faafiyey warar been abuur ah oo sheegayey inuusan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wax khudbad ah ka jeedin doonin Shirka businessforafricaforum ee ka dhici doono Magaaladda Sharm El Sheikh ee dalka Masar. Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay Liiska Madaxda khudbadaha ka jeedin doono berri shirka Ganacsiga Africa ee ka furmayo dalka Masar. Madaxweynahayaasha khudbadaha ka jeedin doono ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliiya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo inuu halkaas ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneyso. Haddaba Halkaan hoose ka akhriso Liiska oo dhameystiran: Sidoo kale waxaa khudbado ka jeedin doono madax aad u badan oo aan inta lagu soo koobi karin. Hadaad u baahan tahay inaad arrintaan xaqiiqdeeda hesho fadlan Linkiga hoose ku dhufo kadibna waxaad tagi doontaa Website official-ka ah ee shirka Ganacsiga. 2017 Speakers The post Maxaa ka jiro inuusan Madaxweyne Farmaajo Berri khudbad ku laheyn shirka Ganacsiga Afrika? appeared first on Caasimada Online.
  3. Rarely a week goes by without more depressing news concerning the Middle East. This week has witnessed two especially dramatic events, the first the killing by Houthi rebels of the Former Yemeni President Ali Abdullah Saleh as he sought to flee Sana’a, and secondly President Trump’s announcement that the United States of America had decided to recognise Jerusalem as the capital of the State of Israel. Both events were greeted with alarm and outrage in many quarters. Clearly each event will have consequences, some of which will be far reaching. Those who are concerned with the causes of conflict will pour endlessly over the details and seek to draw conclusions much in the same way that those who engaged in haruspicy did in ancient times. For most there is little sign of hope in the region at present. Opinions are so polarised that rational discussion is rare, and signs of promise such that Classical scholars might recall the words – cum mula peperit – when a mule gives birth – a rare event indeed. Yet in all the apparent gloom there is a surprising light, albeit a small one, in the form of the Sultanate of Al Mahra and Socotra, a place that for many is a terra incognita. Though relatively poor and underdeveloped in economic terms , the local traditions and family ties have ensured a collective spirit of well-being and self-dependence that has helped the Sultanate survive against the odds. The Mahri people know something of what it is to be put upon, and yet have held fast to their identity. They are a proud and noble people, who whilst stoical in some respects, seek to protect all that they hold dear. Their indomitable spirit has helped them to survive whilst much of Yemen has imploded. Theirs is a small yet significant voice, one that deserves to be heard in a region where others only speak the language of revenge and destruction. In the quest for peace Sultan Abdullah Issa Al Afrar has been in London this last week working assiduously to articulate the concerns of the Sultanate and his people. Amongst others he met with representatives of the Foreign & Commonwealth Office, DFID, Royal United Services Institute, the Arab League, the Council for Arab-British Understanding and the House of Commons. For some this was the first time to hear about the Sultanate, its aspirations, hopes and fears. Others too need to hear this story, and ensure that lessons are learned, and every effort made to help the Sultanate maintain its remarkable, if fragile peace. Whilst terrorism and the much of the horrors of war have been kept at bay, life for local residents has become increasingly difficult, a matter made worse by the fact that the usual channels of possible international assistance have been closed due to the conflict in Yemen. The Sultanate has taken in many refugees, and is itself now in desperate need of aid. Gulf Cooperation Council countries need to be particularly sensitive of this delicate situation. It is imperative that the Emiratis and the Saudis do not seek to interfere with the veritable cordon sanitaire that is the Sultanate of Al Mahra and Socotra. Currently the Sultanate is a remarkable haven of peace, and should external forces seek a presence in this region they will almost certainly bring trouble in their wake. Thus far the Sultanate of Al Mahra and Socotra has proved an important buffer that has helped firewall Oman from the incendiary events taking place in much of Yemen. It is rightly anxious to preserve its integrity, cultural identity and its status as a haven for all those locally who seek peaceful coexistence. At least here in some respects is some positive news in an otherwise gloomy week. Mark T. Jones Consultant Futurist Twitter: @marktjones500
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa u kictamay dalka Masar oo ay kaga qeybgali doonaan shirka Ganacsiga Afrika oo lagu qabanayo magaaladda Sharm El Sheikh. Madaxweynaha ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaayey mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, waxaa shirkan uu socon doonaa muddo saddex casho ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Khudbad ka jeedin doona shirka waxa uuna diirada ku saari doonaa Ganacsiga Somalia. Shirkaan ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa horumarka ganacsiga qaaradda Afrika, waxaana la filayaa in fursad weyn ay u noqoto Somalia oo qani ku ah kheyraadka. Mudada uu Madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay Sharm El Sheikh, ayaa lagu wadaa in kulamo gaar gaar ahi uu kula yeesho Madaxda Afrika. Geesta kale, Safarkaan ayaa noqonaaya kii labaad oo Madaxweynaha JFS uu ku taggo dalkaasi. Bishii August ayayna ahayd markii ugu horeysay oo uu taggo Magaalada Qaahira. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweyne Farmaajo oo u kictamay magaalada Sharm El Sheikh appeared first on Caasimada Online.
  5. Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirwynaha Culumada, ansixinta Istraatejiyada Amniga iyo arrimo kale. Ugu horreyn, Wasiiru Dowlaha Amniga Mudane Xasan Macalin ayaa ka warbixiyey xaalada amniga dalka, isagoo sheegay in howlgalada xasilinta ay si xowli ah u socdaan oo degmada Afgooye lagu soo qabtay labo maleeshiyada Al-Shabaab ka tirsan oo shacab dil u geystay. Sidoo kale degmada Diinsoor waxaa isu soo dhiibey gaari Cabdi Bile ah iyo maleeshiyadii la socotay iyagoo ka faa’iideysanya cafiskii Madaxweyne Farmaajo. Wasiir ku xigeenka Amniga Abdinasir ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyey Istraatejiyada Amniga Gudaha ee 2017 – 2022 tanoo ka tarjumeysa siyaasada amniga, saldhigna looga dhigay Qorshaha Horumarinta Qaranka. Ujeedada Istraatejiyada ayaa ah in muwaadin walba loo abuuro jawi amni ah oo la isku haleyn karo. Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadija Maxamed Diiriye ayaa golaha warbixin buuxa ka siisyey qorshaha hirgelinta tartanka cayaaraha kubadda cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo G/Benaadir oo maanta lagu daahfurayo Muqdisho. Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in hirgelinta tartankan uu ku yimid wadatashi muddo socday oo gobollada qaarkood ay booqdeen. Hirgelinta tartankan ayaa waxey dhiirigelineysaa is-dhexgalka bulshada. Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa iyo Wasiiru Dowlaha Weheliye ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta Heshiiskii taariikhiga ahaa ee 6dii December 2017 ay GalMudug iyo Ahlu Sunna ku heshiiyeeen inay dhistaan maamul loo dhanyahay. Wasiirada ayaa sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo markii la doortay Sheikh Shaakir ku casuumay Caleemasaarkii oo tan iyo markaas Dowlada Federaalka ay ku howlaneed sidii heshiiskan taariikhiga ah loo gaari lahaa. Heshiiskan ayaa dhigaya in Madaxda GalMudug ay sidooda ahaanayaan, hase yeeshee lagu soo kordhinayo jagada Madaxa Xukuumada oo Sheikh Shaakir uu noqonayo, waxuuna shir-guddoomin doonaa golaha wasiirada GalMudug. Heshiiska ayaa lagu sii dhameystiri doonaa Dhuusamareeb usbuucyada soo socda. Golaha ayaa waxaa looga warbixiyey shirarkii 3da, 4ta iyo 5ta December 2017 ka dhacay Muqdisho oo kala ahaa Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo ay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada qeyb ka ahaayeen, Shirkii Amniga ee 4ta December iyo kii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee 5tii December. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirarkaas ay muhiim u ahaayeen geedi socodka Soomaaliyada cusub iyadoo lagu soo bandhigay waxqabadkii Dowladda ee dhanka siyaasada, dib u eegista dastuurka, dib-u-heshiisiinta, federaaleynta, doorashooyinka, maamulka iyo maareynta maaliyada iyo sugida amniga. Golaha ayaa ammaanay doorka dadkii soo qabanqaabiyey ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sida Hay’ada isku-xirka Deeqaha (ACU). Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa ka warbixiyey maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Seychelles oo uu xabsiga ku booqday, isla markaasna Dowladda Seychelles la soo saxiixday heshiis maxaabiista loogu soo celinayo dalka. Sidoo kale Wasiirka ayaa ka warbixiyey shirkii Afrika iyo Yurub oo ka dhacan Abidjan oo diirada lagu saarayey xoojinta xiriirka Afrika iyo Yurub isla markaasna diirada lagu saaray shaqo abuurka dhalinyarada Afrika. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu kulan la soo qaatay Wasiirka Romania oo aad u daneynaya Soomaaliya iyo heshiis diblomaasiyadeed oo ay la soo saxiixday dalka Lithuania. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Diinta ayaa ka warbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmi doona 16ka December 2017, kaasoo looga dan leeyahay in la xoojiyo doorka culumada Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah bulshada iyo in Culumada ay hormuud ka noqdaan soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah. Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii Hooyada Fanka Soomaaliyeed Shamis Abokar Guduudo-Carwo oo arroortii maanta ku geeriyootay Hargeisa. Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Guduudo-Carwo ay door muhiim ah ka soo qaadatay Fanka & Suugaanta Soomaaliya, sheegeyna in shaqsi sumcad weyn ku dhex leh bulshada uu ka baxday bahda fanka iyo suugaanta. Golaha ayaa EEBBE uga baryey inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo, samir iyo Iimaan ka siiyo qoyskii iyo ehelkii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Amniga iyo arrimo kale appeared first on Puntland Post.
  6. Somaliland’s newly elected president Muse Bihi Abdi accompanied by the vice President Abdurahman Abdullahi Ismail (Zayli) and somaliland’s foreign minister Dr. Sa’ad Ali Shire met with three different delegations from United nations led by Mr. Jeffrey Sims head of political office in somaliland and somalia, European union led by EU representative to somaliland Mr. Alberto Fiat and Turkey government led by Turkey representative to somaliland Mr. Ali Noyan Coskun The elected president had a meeting with the three delegations separately During the meeting the delegations congratulate the newly elected president Muse Bihi Abdi and point that elections held November 13 2017 were free and fair and will open somaliland a new gateway to the world and will positively add value to Somaliland’s future targets. MOFA
  7. Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Karkaar ee maamulka Puntlnd ayaa sheegaya in Taliyaha Saldhiga Degmada Xaafuun oo ka tirsan isla Gobolka uu toogasho ku dilay Gudoomiye ku-xigeenkii Degmadaas. Gudoomiye ku-xigeenkii degmada Xaafuun Maxamed Muuse Bahaleey, ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas uu ku furay Taliyaha Saldhiga Booliiska degmadaasi. Taliyaha dilka geystay iyo Gudoomiye ku-xigeenka la dilay ayaa waxaa ka dhexeeyay muran soo jiitamaayay muddo dheer, waxa uuna ugu danbeyntii Taliyaha dhowr xabadood ku dhuftay Gudoomiye ku-xigeenka. Gudoomiye ku-xigeenka la dilay Maxamed Muuse Bahaleey, ayaa u dhintay dhaawac uu la jiifay Isbitaalka Boosaaso, kadib markii uu darsaday. Sidoo kale, Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa saxaafada u xaqiijiyay geerida Gudoomiye ku-xigeenka la dilay, waxa uuna tilmaamay in dilkiisa uu yimid kadib markii uu soo kala dhex galay muran. Guddoomiyaha waxa uu intaa ku daray inay wadaan baaritaano lagu xaqiijinaayo qaabka uu u dhacay dilka, isagoo sheegay in wixii faahfaahin ah uu la wadaagi doono saxaafada. Dilka Gudoomiye ku-xigeenka ayaa kusoo beegmaaya xili muddo dhowr jeer ah muranka labada mas’uul loo gudbiyay maamulka Sare ee Puntland, hase ahaatee uusan wax u qaadan muranka sababay geerida Gudoomiye ku-xigeenka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Taliye Saldhig oo toogasho ku dilay Gudoomiye ku-xigeen xili uu muran adag dhexmaray (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  8. An air strike hit a village south of Somalia’s capital Mogadishu on Wednesday and a local official said the attack targeted Islamist al Shabaab militants fighting to topple the country’s central government. It was not immediately clear who had carried out the air strike but the United States frequently conducts such attacks to bolster Somalia’s army in its fight against al Shabaab. A local government official told Reuters the strike occurred in Ilimey village, about 130 km (80 miles) southwest of Mogadishu. The area is mostly controlled by al Shabaab. “The strike hit a makeshift tea shop and thus killed 7 civilians and injured three others” The target, he said, was a car used by the militants to transport supplies to a squad preparing bombs. “The strike hit the car … but we do not know details of casualties,” Ali Nur, deputy governor of Somalia’s lower Shabelle region told Reuters. But Mohamed Abu Usama, al Shabaab’s governor for the same region, denied that al Shabaab personnel had been attacked and instead said the strike had killed civilians. “The strike hit a makeshift tea shop and thus killed 7 civilians and injured three others,” he said. Somalia has been trapped in chaos and lawlessness since 1991 when dictator Siad Barre was toppled. Al Shabaab wants to topple the Western-backed central government and establish its own rule based on its strict interpretation of Islam’s sharia law. An African Union peace keeping force AMISOM pushed the group from Mogadishu and other former strongholds. But the Islamists remain a formidable force, carrying out frequent bombings and other assaults on AMISOM, Somali army and civilian targets. In October over 500 people died in one of Somalia’s deadliest bombings when a truck bomb exploded outside a busy hotel at Mogadishu’s K5 intersection lined with government offices, restaurants and kiosks. A second blast struck Medina district two hours later. Source: – Africa News The post Air strike targets Al Shaabab militants near Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
  9. Veteran Somali musician, Shamis Abokar Ismail on Thursday died in Hargeisa of the breakaway Somaliland. Ismail, aka “Gudodo Arwo” who was living in Hargeisa recent years, was among the few surviving musicians who joint the platform before Somalia’s independence. She was the first modern Somali musician heard on Radio Hargeisa in 1950s. The post BREAKING: Veteran singer dies in Hargeisa, northern Somali appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Sacuudiga ayaa DFS ku wareejisay dawo la sheegay in loogu tallo galay in gargaar caafimaad loogu fidiyo ciidamada dowlada iyo dadka shacabka ah ee u tabaaleysan helida gargaar caafimaad. Deeqdan dawo ayaa waxaa dowlada Somalia ku wareejiyay Saraakiil ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Sacuudiga, waxaana la sheegay in deeqdaasi ay daba socto dalab ay dhawaan dowlada Federaalka weydiisatay Sacuudiga. Diyaarada siday dawada ayaa waxaa saarnaa qaar kamid ah dhaawacyadii dhawaan loo qaaday dalka Sacuudiga ee ku waxyeeloobmay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Dhaawacyada la socday diyaarada siday deeqda Dawo ayaa waxaa sidoo kale saarnaa dhaawacyo ku waxyeeloobmay Qaraxyo dhowr bil ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho. Dowlada Somalia ayaa uga mahadcelisay dowladda Sucuudiga sida ay u garab taagan tahay Soomaaliya. The post Sawirro: Sacuudiga oo Muqdisho kasoo dajiyay diyaarad sida dhaawacyo & Dawo farabadan appeared first on Caasimada Online.
  11. Shir looga hadlayey siyaasadda Tababarka iyo Hagidda shaqaalaha cusub ee khibradda u baahan Coaching and Mentoring ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha PUntland ee Garoowe. Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland mudane Cabdirisaaq Shire Ismaaciil, Madaxqaybyeedyada ka hawl-gala dhammaan Xarumaha dawladda iyo khuburo ka soconaysey Baanka adduunka, kuwaas oo dawladda kala shaqaynayey dejinta siyaasadaha. Shirka ayaa waxaa si qoto dheer loogu lafo guray sidii horumarin lahaa siyaasaddaan oo ay soo diyaariyeen khuburo caalami ah kuwaas oo kasoo ooh ore u soo dejiyey siyaasado badan oo la xiriira arrimahaan isla markaana lasoo shaqeeyey waddamo badan oo caalamka ah. Siyaasaddaan ayaa ujeedkeedu yahay sidii looga dhigi lahaa dhammaan shaqaalaha dawladda kuwp u diyaasan inay qaban karaan shaqooyinka ay hayaan masuuliyiinta xafiisyada ee iyaga ka sarraysa maadaama marka hore qof siyaasaddani ku khasbayso maamulayaasha xafiisyada inay tababaraan shaqaalaha iyaga ka hooseeya. Dhammaan qodobaddii laga dooday ayaa laysla afgartay iyadoona ugu dambayn si buuxda laysula qaatay loona faaf reebay kadibba la qorsheeyey in loo gudbiyo goleyaasha dawladda ee ay sida gaarka ah u khusayso arrintaasi si ay iyaguna u sii hubiyaan kadibna si kama dambays ah loogu dhaqan geliyo xarumaha dawladda. The post Shir lagu gorfaynayey siyaasado dhaxal-gal u ah shaqaalaha Puntland oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  12. Hey’adda Culmida Soomaaliyeed ayaa bayaan ay soo saareen ku cambaareeyay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’il. Hey’adda culimada Soomaaliyeed waxaa ay go’aanka Trump ku tilmaantay go’aan xad-gudub ah oo ka hor imaanaya qaraarada golaha ammaanka , waxaa kale oo ay sheegeen in go’aankan aanu aheyn mid wax ka badali kara taariikhda iyo Juquraafiga ah jira balse uu ugu darayo dhibaatada bariga dhexe. Hey’addan Soomaaliyeed waxaa soo jeedisay in loo midoobo jawaabta laga bixinaayo iyaga oo ugu baaqay madaxda dowladaha Islaamka in ay go’aan adag ka qaataan arrinta Trump. Goobjoog News Source
  13. Kadib go’aankii kasoo baxay Madaxweynaha Mareykanka Trump ee ku aadanaa inuu Mareykanka Qudus u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israa’iil ayaa waxaa Magaalada Beytul Laxam ee dalka Falstiin ka bilowday rabshado u dhaxeeyo Falstiiniyiinta iyo Ciidamada israa’iil ee xoogga ku heysto dhulalka Falastiin. Dadweyne careysan oo u dhashay Falastin ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee Magaalada Beytul Laxam waxaana la arkayey iyagoo dhagxaan ku tuurayo Ciidamada Yahuuda halka Ciidamada Israa’iil ay adeegsanayaan rasaas nool nool, kuwa dhemishka ah iyo Biyo Kuleyl ah. Dadweynaha isku soo baxay ayaa gubay Sawirada Madaxweyne Trump si ay u muujiyaan sida ay uga xun yihiin go’aanka aan laga fiirsan ee uu qaatay Madaxweyne Mareykanka. Sidoo kale waxaa la arkayey dadweynahaas oo jidadka ku gubayo taayaro, waxayna xaaladda u muuqataa inay tahay mid aad u qasan. Waxaa la filayaa in Maalinta Berri Salaad Khudbo kadib ay isku soo baxaan Kumanaan qof oo Falastiiniyiin ah iyagoo muujin doono dareenka xun oo ay ka qabaan aqoonsiga Qudus loo aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israa’iil. Haddaba halkaan hoose ka daawo Muuqaal ku saabsan Rabshada iyo Sawiro: The post Sawiro iyo Muuqaal: Rabshado u dhaxeeyo Israa’iil iyo Falastiin oo ka bilowday Magaalada Beytul Laxam appeared first on Caasimada Online.
  14. Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey Shirkii ugu dambeeyey madaxda Soomaalida iyo Beesha Caalamku ay Muqdisho ku yeesheen 4/5 bishaan dec,waxaana Goluhu madaxda Federaalka iyo maamul goboleedyada ugu baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo amniga, xasiloonida iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya. Xubnaha Golaha Amniga ee QM ayaa sidoo kale bogaadiyey dadaalka ay wadaan bah-wadaagta Caalamka ee Soomaaliya lagu nabadeynayo iyo doorka Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku aaddan xasilinta dalka,iyo dagaalka Al-shabaab ay uga sifaynayaan degaannada ay ku harsanyihiin,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Golaha Amniga ee QM. Golaha ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay in la fuliyo dhammaan qodobadii lagu heshiiyey shirka oo ay ku jiraan dhammaystirka Dastuurka,diyaarinta doorasho hal qof hal cod ah sannadka 2020/2021, iyo in si buuxda loo fuliyo qodobadii heshiiskii hore ee 5 Nov ee sannadkaan ay gaareen madaxda Soomaalida. Xubnaha Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa ku celiyey in mudnaanta la siiyo istiraatiijiyadda qaranka iyo qorshaha ka hortagga iyo la-dagaallanka argagixisada si loo xoojiyo awoodda Soomaaliya,waxayna soo dhoweeyeen aqoonsigii madaxda soomaalida ee kaalinta dhalinyarada,haweenka iyo ururada maxalliga ah ee ku aaddan dadaalka nabadda Soomaaliya. Golaha Amniga ayaa sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo in si deg deg ah looga jawaabo xaaladaha banii’aadantinimo ee Soomaaliya sannadka 2018,wuxuuna hoosta ka xarriiqay in kordhiyo dhismaha adkeysiga Soomaaliya u yeelanayso abaaraha soo noqnoqda. Cabdiraxmaan Ciise Cumar PUNTLAND POST The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo war cusub ka soo saaray Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  15. Mogadishu, Rabi’I 19, 1439, December 07, 2017, — In implementation of the directives of the Custodian of the Two Holy Mosques King Salman bin Abdulaziz Al Saud and the Crown Prince on providing medical aid for the Somali government, two Saudi Royal Air Force aircraft carrying more than 20 tons of medical aid arrived in Mogadishu yesterday and today supervised by King Salman Humanitarian Aid and Relief Center and accompanied by a representative from Saudi Ministry of Health. The two Aircraft were received by a number of Saudi and Somali officials. –SPA
  16. Prague (Caasimadda Online) – Wargeyska (Israa’iul Yoom) ayaa ka dhawaajiyey inay Wasaaradda Arrimaha Debadda ee dalka Czech u aqoonsatay magaalada Qudus inay tahay Caasimadda Israa’iil taasoo ay ku sheegtay inay tahay xuduudii la sameeyey sanadkii 1967. Go’aanka kasoo yeeray dalka Czech ayaa Israa’iil uga dhigan guul weyn maadaama ay sugeyso wadamo badan oo raaco jidka Mareykanka uu bilaabay oo ah inay Qudus tahay Caasimadda Dalka Israa’iil. “Jamhuuriyadda Czech waxay Qudus u aragtaa inay mustaqbalka noqon doonto Caasimad ka dhaxeyso Israa’iil iyo Falastiin” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Czech. Sidoo kale Wargeyska ayaa sheegay in wadamada Filibiin iyo Hungary ay shalay ku dhawaaqeen rabitaankooda in ay soo saaraan labo qoraal oo aad isugu dhow kana turjumayo inay Qudus tahay Caasimadda Israa’iil. Idaacadda Israa’iil ee ku hadasho Luuqadda Cibraani ayaa sheegtay in Shalay Galab uu Madaxweynaha dalka Falabiin Rodrigo Duterte uu waraaq usoo diray Israa’iil midaas oo uu ku sheegay in Safaaradooda ay kasoo rari doonaan Talabib isla markasna loosoo guurin doono Magaalada Qudus. Gideon Sa’ar oo xubin ka ah Xisbiga Likud ee dalka Israa’iil ayaa sheegay inay filayaan in dhawaan ay jidka Mareykanka soo raaci doonaan wadamo badan oo Qudus u aqoonsan doono inay tahay Caasimadda Israa’iil. Gideon Sa’ar oo la hadlay Idaacadda israa’iil ee ku hadasho afka Cibraani ayaa sheegay inuu aqoonsiga Mareykanka ee Caasimadda Qudus uu yahay Hadiyad qaali ah oo Benjamin Netanyahu looga baahan yahay inuu uga mahadceliyo Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Dowlado kale oo Qudus u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israa’iil appeared first on Caasimada Online.
  17. Maxamed Shaakir Cali Xasan oo matalaya Ahlu-sunna waxaa uu arbacadii heshiis la galay maamul goboleedka Galmudug. Maamulkiisa oo hadda heysta caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb waxaa lagula heshiiyay in ay qeyb ka noqdaan maamulka Galmudug, baarlamaannada isku biiraan, taliyeyaasha iyo wasiiradana loo qeysado qaabka matalaadda beelaha. Hadaba, waa Kuma Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan: Waxaa uu ku dhashay Dhuusamareeb 1974-tii, waxbarashada aasaasiga ah waxaa uu ku qaatay dugsiga Ma’muun, waxaa uu heystaa Shahaadooyinka kala duwan waxaa ka mid ah: Diploma oo ka qaatay Culuum Xadiis ee Sanca, Jaamacadda Axqaaf oo uu ka qaatay shahaadada Jaamacadda heer koowaad iyo labaad, isagoo bartay Shareecada iyo Qaanuunka iyo cilmiga Siyaasadda, waxaa uu hadda wadaa shahaadada Dektoorada uu ka diyaarinayo cilmiga siyaasadda isla Jaamacadda Axqaaf. Horay waxaa uu Ahlu-sunna u ahaa wasiir ku xigeenka waxbarashada, ku simaha guddoomiyaha golaha fulinta, muddo hadda 2 sano ah waxaa uu madax ka yahay maamulka la magacbaxay gobollada dhexe. Goobjoog News Source
  18. By: Ms. Farrah Mohumed HARGEISA— The former President of Somaliland, His Excellency Dahir Rayale Kahin paid a courtesy call to President-Elect and met him at the presidential mansion today. In his remarks, Rayale congratulated President-elect Bihi on his landslide victory and further has given him tips. He said the people of Somaliland are behind President-elect Musa Bihi, and would continue to pray for him and the country for peace, prosperity and a smooth transfer of power, come Dec. 15th. Ex-President Riyale has urged the President-Elect to take the path to lead the nation to progress. In his remarks, President-elect Musa Bihi thanked the former President for coming all the way to congratulate him, for which he was very happy. He will look for his advice and consult in overcoming whenever he is faced with local political challenges. The two used to great rivals in Somaliland politics when the former president was in power, the president-elect used to fiercely attack his administration. The people forget about the past and move forward for a better Somaliland, because in the end they are all the same people and Somaliland belongs to all. Having put the past behind us as election was over, now that Somaliland is one country of one family, and that they should all come together as one people to build a better Somaliland.
  19. Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in ay u baahan tahay illaa $3 billion oo Dollar 4ta sano ee soo socota si ay barnaamijyo uga fuliso gudaha Soomaaliya. Hadalka waxaa uu imaanayaa kadib heshiis dhanka horumarka ku saabsan oo talaadadii ay kala saxiixdeen, heshiiska waxaa uu socon-doonaa 4ta sano ee soo socota. Ergeyga xogheyaha guud ee Soomaaliya Michael Keating waxaa uu sheegay in lacagtaas lagu qarash-gareyn-doono barnaamijyada ay wadaan 23 hey’adood oo Q.M mudada 4ta sano ee soo socota. Michael Keating waxaa uu sidoo kale intaasi ku daray in tani ay keeneyso in la mideeyo dadaallada iyo istaraatiijiyadda lagu xoojinayo sharciga, arrimaha doorashooyinka iyo hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in hey’addan ay u baahan tahay $2.88 billion inta u dhaxeysa 2017-2020, taas oo la soo marsiinayo sanduuqa mashaariicda ee UNSF. Lacagta waxaa hadda la hayaa 40% halka ay 60% raadin u baahan tahay. Heshiiskan dhanka dowladda waxaa u saxiixay ra’siul wasaare Xasan Kheyre iyo wasiirkiisa qorsheyna Jamaal Xasan, waxaana la sheegay in wax looga qaban-doono 5 meel sida: Fedelism-ka, nabadda, cadaaladda iyo amniga, xoojinta hey’adaha madaniga ah iyo bulshada rayidka ah iyo in kor loo qaado heerka dhaqaale iyo fursadaha qofka. Goobjoog News Source
  20. Maamulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan , Ciidamada kala duwan , nabadoonada , guurtida , haweenka iyo dhallinyarada ayaa maalmahan ka bilaabay magaalada Badhan bannaynta dhulkii danaha guud u xidhnaa oo dad calaamad sadeen. Aagga Saylada Xoolaha , Xarunta Wasaarada Xannaanada Xoolaha , Qubuuraha , Ceelka iyo dhulkii xarumaha dawlada u astaysnaa ayaa beryahan la calaamadsaday taas ayaa keentay in si wada jir ah looga hawl galo . Waxa la filayaa iney ku xigi doonto wadada halbowlaha ee ay mari doonto wadadii laamiga ah oo masaafo 20km ka yar usoo jirta magaalada Badhan.
  21. Kulankaan maanta lagu qabtay magaalada Cadaado waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda amniga Galmudug, waxaana ka qeybgalay wasiirro iyo mas’uliyiin kale oo ka tirsan Galmudug, saraakiil Boolis iyo qeybo ka mida bulshada rayidka. Waxa looga hadlayaa kulankaan oo socon doona muddo Labo maalin ah, dhismaha iyo tayeenta ciidamada amniga Galmudug gaar ahaan kuwa booliiska. Ka qeybgalayaasha kulankan oo bulshada rayidku ay qeyb ka yihiin ayaaa mudada Labada maalin uu socdo ka doodi doona hanaanka dhismaha ciidamo booliska oo Galmudug yeelato lagana fikiro tiro iyo tayo intaba. Taliye ku xigeenka ciidamada booliska Galmudug Cabdi Jamac Cabdulle Xabeeb oo kulankaan ka hadlay ayaa sheegay inaysan xilligaan awood badan u laheyn gudashada waajibaadkooda shaqo taasina looga baahanyahay inay bulshadu ka gacan siiyaan si looga shaqeeyo amniga iyo kala dambeynta. “Hadda caqabad badan ayaa laga heysata inaan waajibaadka shaqo gudano dadka geysta dambiyada inta badan masoo qaban karno waxa ay helaan garab iyo dad difaac u noqda shacabka waxaanu uga baahannahay inay nala shaqeeyaan si amniga deegaanka loo sugo” Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Galmudug, Cumar Maxamed Diiriye ayaa ka qeyb galayaasha kulanka usoo jeediyay inay aragti wanaagsan ku yeeshaan qorshaha diyaarinta ciidamo boolisa tayo leh. “Dadka halkaan iskugu yimid waxaa la idin ka doonayaa inaad inta uu socdo kulankani aragti fiican ku biirisaan sida aan booliskeena u tayeen karno” C/laahi Axmed Calasow Shiine, wasiiru dowlaha amniga Galmudug ayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan wadaan dedaallo lagu sugayo amniga Galmudug ciidamada booliskuna ay hormuud u noqon doonaan isagoo bulshada ka codsaday iney la shaqeeyaan. “Waxaan wadnaa ka wasaarad ahaan qorshe aan dooneyno in amniga Galmudug lagu sugo, booliisku saldhig ayeey u yihiin marka waa inaan wada shaqeyno si aan amniga iyo kala dambey u gaarno. Source
  22. Dawladda Puntland iyo shacabkeeda waxay har iyo habeenba uheelanyihiin,sidii dalka Soomaaliyeed uga bixilahaa MAQNAANSHA DAWLADEED. Waxay aamin san yihiin shacabka iyo dawladda Puntland oo isku duuban in aan aadamuhu noolaan karayn dawlad la aan.dad aan aad ufakarayn oo aragti gaaban ayaa u haysta in soomaaliya ay noo shahay. dhanka kale diinteena islaamka iyo bani aadamka leh aqliga saliimka ah waxay ina tusayaan in dawlad laantu tahay halaag aduunka korkiisa ah oo ka soo horjeeda sharafka iyo qiimaha qofka bini aadamka ah. waa laysku waafaqsan yahay gaalo iyo islaam in aan nolol jirin dawlad la aan. Cidii kolkaa iyadu aan garanayn macnaha dawladnimada waxaaba suuro gal ah in ay u haystaan sifahaas soomaaliya ku sugan tahay 30 ka sanadood inayba tahay nolol!! hadaba shacabka puntland iyo maamuladooda dhismay burburkii kadib,waxay naftooda iyo maal kooda u hureen in lahelo nidaam iyo kala danbayn dawladnimo oo soomaaliyeed. waxaa xusid iyo xasuus mudan in shacabka iyo dawladda puntland ay naftooda ku waayeen iyo wiilashoodii qaaliga ahaa nabadaynta caasimada MOGDISHO oo ah magaalo Soomaaliya u simantahay, waxay u dhinteena waa u gargaarka dadkooda iyo dalkooda iyo diintooda.waxay u dhinteen in dadkooda soomaaliyeed helo dawlad iyo nabad iyo nolol. Shacabka iyo dawladda puntland oo isku duuban waxay aragtidoodu ka wayntahay in ay ku qancaan oo kaliya in ay dagaanadooda kasamaysteen amaan iyo kala danbayn iyo hormar,taa badalkeedana waxay arkaan aragti ka balaaran oo ah aragti qaran oo ah in dadka soomaaliyeed guud ahaan helo midnimo dawladnimo iyo kala danbayn.qofkastoo wadani ah waxaa laga raabaa waajibna ah in uu qaato aragtidaas. Waxay puntland ku faraxsan tahay maanta in dadkii Soomaaliyeed u kaceen in ay iska tuuraan heeryada gumaysiga iyo dawlad la aanta,in dawlada hada jirtaa u istaagtay in naf iyo maalba loo huro sidii dalka looga sifahayn lahaa dawladiidka iyo cadawga soomaaliyeed. Si hadaba taa loo helo waa in la helaa ciidan qaran oo isku dhaf ah oo ka kooban guud ahaan soomaali taasoo dawladani ku guulaysatay. Puntland waxay ku biiraysay 2400 oo ah daraawiish si ba an u tababaran oo ah naftood hurayaal. Puntland waxay diyaar u tahay kuman yaalo dhalin yaro ah oo diyaar u ah inay u dhintaa soomaaliya inay hesho dawlad shaqaysa. kuma imaanayso dawlad nimadu waxaan ahayn dagaal lagu riiqmo oo lagu kala baxo. Dawlad nimadu maha wax laga helo daleedaha iyadoon loo dhiman. Puntland waxay ku faraxsan tahay oo ay garab taagan tahay ciidamada xasilinta caasimada iyo shacabka ku nool halkaa inay iska xoreeyaan dawlad diidka waana garabtaagan tahay hiil iyo hooba.waxay ku faraxsan tahay sida jubaland iyo hirshabeele iyo galmudug iyo koonfur galbeed uugu istaageen inay ladagaalamaan cadawga soomaali u diidan dawladnimada.Waxaan maanta aragnaa soomaaliya oo dal iyo dibadba u istaagtay inay dalkeeda iyo dadkeeda iyo diinteeda difaacato oo yeelato dawlad shaqaysa. Dawlada soomaaliyeed ee fadaraalka ah waxaa laga rabaa in ay sii laban laabto hanaankaa wanaagsan ee ay u maaraysay dhaqaalaha dalka oo la dagaalantay musuqmaasuqii iyo inay amaankii u istaagtay oo dalku ku jira dagaal culus oo lagu kala adkaanayo.midaynta ciidamada waa tiirka koobaad tiirka labaadna waxaa weeye in dawlada fadaraalka ahi aduunyada ka codsato in mashaariicda dalka lagaarsiiyo dawlad goboleedyada sida dhimayaasha hormarinta xaga kaluumaysiga iyo beeraha,hada dawlada nina kuma haysto dhaqaale ay hayso oo ah canshuurta dalka gudihiisa laga qaado iyo waxaynu dhoofino dakhli inaga soogala midna,ee waxaa weeye wixii uun kaalmo shisheeye ah sisiman haloo gaarsiiyo dawlad goboleedyada dalkeenuna waa isku mid inaga sugaya in aan hormarino meel walba. Puntland iyo dawlad goboleedyada oo dhami waxay garabtaagin yihiin dawlada fadaralka ah si dalkeenu uga baxo MAQNAANSHAHA DAWLADEED,oo halis ku ah jiritaanka umada soomaaliyeed.puntland waxay ka digaysaa in mashaariicda hormarineed aysan wax magarato ku xanibin mogdisho halka loo baahan yahay in lagaarsiiyo gobolada dalka oo dhan wixii tabiri tahay iyo siday ukala gaari kartaba waxaan lahayna cid cid u haysataan jirin wax waxaa kabadalan ma aqbalayso puntland oo ah in umada soomaaliyeed la majaro habaabiyo.waanag iyo cadaalad ayaa dalka laga rabaa. Puntlandi.com
  23. Qudus shalay lalama wareegine waxaa lala wareegay 1967-dii markii lagu dhawaaqay in Israel la dajiyo dhulkaas , isla markaana Muslimiinta awoodooda la wiiqay halyay-yadii u kacayna midba maalin tiisa horteena lagu dubtay AUN. Maanta Muslimiintu waxa ay sameyn karaan waa Cambaareyn iyo Calacal, mana muuqato awood ay kaga hortagi karaan hagar daamada Yuhuuda iyo xulufa dooda. balse shalay hadii ay u fikiri lahaa yeen sida ay Yuhuud iyo xulufa doodu u fikarayeen maanta laguma soo dhiiradeen beytii Rasuul keena Muxamed CSW Hadaba Soomaalidu waxa ay tiraahdaa “NINKII QEYRKI LOO XIIRA YOW ADNA SOO QOYSO ” Hada Soomaali maryooleey, waxa ay ku socotaa wadadaas,ismana oga, waxaad na arki doontaan hadii la nool yahay Soomaali oo dhagax tuuraysa sida Reer Falastiin qoom kala wareegay dalkooda, waayo;;;;;;; =Waxaa la qaran jabiyay 1979-kii, =Waxaa la burburiyay 1991-dii’ =Waxaa loo kala qeyb qeybi yay Qabaa’ilo., =Waxaa laga dhex abuuray dagaal Diimeedyo. = Waxaa loo dhisay Dowlado KMG ah oo tabar yar, =Dowladoodii xooga lahayd waxaa loo qeybiay Dowlado yar yar, =Calan koodii waxaa loo sarifay callalo midabo jaan leh, =Halkoodii Madaxweyne waxaa laga dhigay 6 Madaxweyne oo siman, = Ciidan koodii XDS ,waxaa loo qeybiyay, Onkod,Hilaac,Gaashaan,Birjeex, Danab, Nisa, Ciidanka Imaaraadka, Ciidanka,Masaarida, Ciidanka Turkiga, Ciidanka Mareykanka,{Alfa Group} iyo qaar kaloo badan, = Dhaqaalahoodii waxaa gurta Shirkado shisheeye, = Dakadahoodii waxaa qeybsaday Turki iyo Emarat , =Waxaa lala shir gudoomiyaa sheeko walba oo soomaalida quseyso,xataa hadii ay ka hadlayaan Ajeendaha Qudbada Salaada Jumcaha ay Culumadu ku soo qaadaneyso 7aadkan =ma jiro wax u gaar ah oo Soomaalidu ka arinsan karto iyadoo aaney Ajaanibi la ogeyn. =3-dii Bilood ba marbaa fayl Ducoments ah oo qorsha howleedka Xukuumada ah oo laga soo qoro xalane ayaa waxaa loo keenaa Xaafiisyada Dowladeena, waxna kuma dari karaan waxna kama dhimi karaan waxaana kula xisaab tama Wiilal cadaan ah oo fadhiya Xalane, =waa war huban.= =Wasiir walba sida in la koontaroolayo waxa uu Facebooka nagula soo wadaagaa Maanta waxaan aniga iyo david concar, ama Bel reged son !WM wada shir gudoominay shir ku saabsan =Arimaha Dhaqaalaha Soomaaliya, =Arimaha Diinta, =Arimaha wax soo saarka dalka, =Arimaha Tamarta, arimaha =Amniga, Arimaha Dib u dhiska dalka,= Arimaha Dib u dhiska Ciidamada, iyo qaar kaloo badan , War maxaan anagu gaar u leenahay weli la isma waydiin “SAADAMBE AYAY GARAN”=tan ugu darani waa Dastuur keena waxaa ku qoran Soomaaliya hadii dalalka dariska ah soo weera raan kama jawaabi karto ilaa ay kala soo hadahso wakiilka UN-ka ee Soomaaliya,,taasina waa calaamad muujineysa in aan ku jirno Gumaysi dadban.kaaga darane wali ma aragteen hal Xildhibaan oo ka hadlaya waxaas iyo wax ka daran baa ku qoran dastuurka naloo soo qoraye, WAA MAYA, …..DUN BAA MEEL KA XIRAN WELI . Wali waa soo taagan yihiin Soomaalidu oo waxa ay leeyihiin Beesha caalamka ha noo soo gurmato si dib ay noogu dhisaan qaranimadii Soomaaliya, Cowra waa ayagee caqli xumaa. =WAXAAD MAANTA BI’ISAAN BIRI HA U SHALAAYINA”, W/D: Abdulkadir Farah Dulyar The post Shalay waa Qudus berrina waa Soomaaliya (Warbixin wax badan banaanka soo dhigtay) appeared first on Caasimada Online.
  24. Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkey Recep Tayyip Erdoğan ayaa weerar toos ah ku qaaday dhigiisa dalka Mareykanka Trump isagoo go’aankiisa ku aadan in safaaradda Mareykanka loo raro Qudus ay ka dhigan tahay isagoo Mandiqada Bariga dhexe ku riday Naar. Erdogan oo Maanta oo Khamiis ah la hadlayey dad isugu soo baxay Caasimadda Ankara ee Turkiga isagoo kasoo laabtay safar uu ku aaday dalka Japan ayaa sheegay inay waajib tahay inay hoggamiyaasha ka Shaqeeyaan Islaaxa balse aysan aheyn inay kiciyaan foodo. Madaxweynaha Turkiga ayaa yiri “Waa qaldamay haddii uu Trump u maleenayo inuu saxan yahay maadaama uu awood leeyahay, waa inuu fahamsan yahay in xoogga aaney had iyo jeer sax ahayn, laakiin qofka saxda ah uu yahay kan xooggan” ” Waan sii wadi doonaan wadahadalada aan taleefoonada ka wado, kaliya maahan dadka aan la hadlayo kuwa dowladaha Islaamka, xataa waxaan codsi u diray Pop-ka Vaticaanka, Galabta ama Berri subax waan wada hadli doonaa, sababatoo ah Qudus xataa waa meel ay ixtiraamaan dadka Masiixiyiinta ah, arrintaana waan ka wada hadli doonaa” ayuu sii raaciyey Erdogan. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu arrintaan kala hadli doono dhigiisa dalka Ruushka vladimir putin iyo Hogaamiyayaasha dalalka reer Galbeedka sida Jarmalka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Spain, isagoo ka dhawaajiyey inaysan arrintaan kaliya taabaneyn Muslimiinta balse ay kulmineyso dhammaan Aadanaha. Erdoğan ayaa ka dhawaajiyey in Mareykanka iyo Israa’iil ay yihiin labada dowladood ee ilaa hadda ku xad gudbay go’aanada Qaramada Midoobay ee Magaalada Qudus. Erdoğan ayaa go’aanka Trump ka hor soo gudbinayey digniino isdaba joog ah wuxuuna go’aanka Qudus loogu aqoonsaday Caasimadda Israa’iil ku sheegay inuu keenayo inuu Turkiga xiriirka u jaro Israa’iil maadaama uu sheegay inay Qudus tahay qadka Cagaaran ee Muslimiinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Erdoğan ” Madaxweyne Trump Mandiqadda Bariga dhexe wuxuu ku riday Naar” appeared first on Caasimada Online.
  25. Maamulka degmada Diinsor ee gobolka Baay ayaa sheegay iney isku soo dhiibeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab kuwaasi oo watay gaari nooca dagaalka ah. Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Nuur Shikshigow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyey iney isku soo dhiibeen 6 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, mid uu yahay Darwal wadey gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay raggan wateen. Wuxuu tilmaamay guddoomiyaha in raggan is soo dhiibay ay ka yimaadeen deegaanka Carabow oo qiyaastii 154 u jira degmada Diinsoor. “Waxaa is soo dhiibay maleeshiyaad katirsan Shabaab,waxaa ay wataan gaari Cabdi bile ah iyo hubkooda,waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof,waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor,way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka Al-shabaab weli wax war ah kama aanay soo saarin raggan la sheegay in dhankooda ay kasoo baxsadeen. Goobjoog News Source