-
Content Count
205,916 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qardho ee xarunta gobolka kar kaar ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan ku wa Birmadka Puntland oo gadoodsan goor sii horaysay oo maanta ah ay lawareegeen xarumo muhiim ah oo ay dowladdu leedahay oo ku yaalay degmada Qardho . Xarumaha ay Ciidamadani lawareegeen ayaa waxaa ka mid ah Xaruntii Bangiga dhexe ee degmada Qardho, iyo Xafiiskii Wasaarada Maaliyada. Saraakiisha Ciidamadan horkacaysa ayaa sheegtay in sababta keentay Gadoodka Ciidamadan ay tahay Mushahar la,aan mudo dhowr bilood ah oo aysan helid Ciidamadan wax Musha haraad ah. Taliyihii Ciidamada Daraawiishta ee degmada Qardho oo aan isku dayau in Warsidaha Puntlandi uu la xiriiro si uu wax uga waydiiyo arintan ayaa noo suurata galin in aan Qadka ku helno. Halkan kala soco wixii ku soo kordha Warkan.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ayaa sheegaya in la qanciyay askar ka tirsan ciidanka Birmadka dowladda Puntland oo lawareegay xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Qardho,islamarkaana ay dib u fureen xarumihii ay saaka xireen. Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ayaa,sida wararku sheegayan askartaasi ugu yeeray xarunta gobolka ee magaalada Qardho,waxaana lagu wargeliyay in si dhakhso ah loo siinayo lacaga mushaharka ah ee ka maqan. Askarta ayaa ka cabanaya mushahar la’aan haysata in ka badan saddex bilood,waxayna shalay Wasaaradda ka diideen in ay ka qaataan qeyb kamid ah mushaharkooda,inta kalena ay sugaan ilaa laga helayo,sida uu xaqiiyay mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo diiday in magaciisa la xigto. PUNTLAND POST The post Askartii saaka la wareegay xarunta Maaliyadda Qardho oo la qanciyay. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Taliska AMISOM ayaa shaaciyay in ku-xigeenka Madaxa Hawl-galka Afrika ee Somalia (AMISOM), Simon Mulongo uu booqday askar dhaawac ka soo gaaray weerarkii argagixisada ahaa ee maalinta Jimcaha ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe, sida ay shaacisay AMISOM. Askar dhaawaca gaartay oo lagu dabiibay Isbitaalka Heerka 2-aad ee AMISOM, ayaa ka mid ahaa kolonyo gaadiid rayid ah oo gargaar bani’aaddinimo ka soo qaaday Muqdisho una waday Jowhar. Ciidamada ayaa iska caabbiyay argagixisay oo miinooyin ku aasay waddada, kuwaas oo waxyeeleeyay baabuurta gaashaaman iyo seddax baabuur oo rayid ah. Mudane Mulongo oo sidoo kale ah ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya oo ka hadlay isbitaalka ayaa askarta ku aammaanay geesinimada ay isaga celiyeen dadkii ku soo qaaday weerarka, asaga oo caafimaad degdeg ah u rajeeyay. “Waxaan u nimid in aan ogaanno xaaladda askarteenna ee ku dhaawacmay weerar gaadmo ah ay ku soo qaadeen argagixisada. Sidaad u jeeddaanba, seddax ka mid ah waxaa gaaray dhaawacyo, marka waxaa aan halkan u nimid in aan xaaladdooda la soconno,” ayuu yiri. Kaddib markii uu dhacay weerarka, waxaa isla markiiba goobta loo diray cutubka dib u soo kabsashada si ay u qaadaan howlgal nadiifin ah iyo soo celin. “Sidaad arkeysaanba, seddaxdaas (askar oo dhaawacmay) waa ay fiican yihiin. Dhaawacyo ayaa ka soo gaaray qaraxii miinooyinka lagu aasay waddada mar ay cunno u wadeen deegaannada HirShabeelle,” ayuu yiri Mulongo. Ku-xigeenka Wakiilka Midowga Afrika oo uu wehelinayey Ku Xigeenka Taliyaha Ciidamada AMISOM u qaabilsan Howlgallada iyo Qorshaha, Sarreeye Gaas Charles Tai Gituai, iyo Madaxa Shaqaalaha ee Militariga ee AMISOM, Sarreeye Guuto Kittila Bulti Tadesse, ayaa kulan la yeeshay maamulka isbitaalka, kaddibna waxaa ay booqdeen xarunta si ay ugu kuurgalaan xaaladdeeda. Mudane Mulongo ayaa sheegay in Howlgalka uu gacan ka geysan doono in uu wax ka qabto caqabadaha uu la kulmayo isbitaalka si sare loo qaado adeegyada loo fidiyo bukaannada. “Jeneraallada waa ay ogaadeen caqabadahan waxaa ayna ballanqaadeen in ay tallaabo qaadaan, anagana haddaan nahay Xarunta Dhexe ee Howlgalka waanu taageereynaa taasi, si aan isbeddel u aragno. Waa in aan dacaytir ku sameyno, aanna qalabeyne oo aan ka dhigno Isbitaal Heerka 2-aad oo si buuxa u shaqeynaya si ay uga baahan yihiin heerarka QM,” ayuu yiri. PUNTLAND POST The post Ku-xigeenka Hawl-galka AMISOM oo booqday Askar ku Dhaawacmay Weerarkii Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi ayaa kormeer ku tagay dusiyada waxbarasho ee Degmooyinka Galdagob iyo Buursalax iyo tuulooyinka. Waxay kala yihiin dugsiyada uu booqday guddoomiyuhu sida, dugsiga Xero Jaale, Imaam Shaafici, Imaamu Nawawi, Galdagob, Caynu Shamsi, Kulmiye, Cali Daahir, Al Nuur, Baxru Cuulim, Siraaju Muniira, Al Rawda, Jeexo, Qansaxle, Rigoomane, New Daarusalam, Daaru salaam, Kuweyt, Laanmadaw, Ciiro, Bursaalax Secondary, Bursaalax Primary, Rajo, Caynu Cilmi, Nuuryaqiin iyo Nuuradiin. Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka ayaa fasalada iyo safafka kala qayb galay ardayda, isaga oo si khaasa ula la kulmayey ardayda fasalada 8aad iyo Form Four rada, waxaa uu ka wacyigaliyey inay waxabarashada wataan oo aysan dayicin waqtiga ay siiyeen walidiintooda. Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi ayaa aad looga soo dhaweeyey Degaanada uu ku tagay kormeerka isagoo u kuur galay xaaladaha waxbarashada ka jira degaanka. waxa soo dhaweeyey oo kulamo gooni gooni ah la qaatay Maamulka, Macalimiinta, ardayda iyo waalidiinta ku nool degaankaas. Sidoo kale waxaa Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka Mudug la kulmay Ardayda dhigata Jaamacadaha Bariga Africa ee degmada Galdagob. Safarka ayaa sidoo kale Gudoomiyahu Diirada ku saarayey habsami u socodka waxbarashada iyo hubinta suurta galka shaqooyinka hay’adaha ka soo baxay shaqadii la wadageen Gobolka Waxbarashada. Gudoomiyaha ayaa ku baaqay in hay’adddaha shaqada ka wada deegaanada Mudug shaqooyinkooda la hubiyo, markuu arkay mashaariic badan oo soo laalaabtay iyo meela aan waxba laga fulin. DAAWO SAWIRRADA.
-
Shirkadda DP World waxaa iska leh xukuumadda Dubia oo ah imaarad ka tirsan Imaaraadka Carabta, waxaa ay maalgeshi ku sameysataa dekado badan oo caalamka ah. Shirkadda DP World waxaa la aasaasay sanadkii 1999, waxaa ay ka shaqeysaa arrimaha isgaarsiinta iyo Lojistikada, waxaa kaloo 2006-dii ay la wareegtay shirkadda “P & O” oo ah shirkadda heshiiska la gashay dekadda Boosaaso. Shirkadda DP World waxaa ay maamushaa dekadaha illaa 40 dal oo caalamka ah, Mashaariicdeeda waxaa ay ka badan yihiin 77 xarumood oo badda ah, shaqaalaha shirkadda waa 37,000 oo ka soo kala jeeda 110 dal. Horudhacaas waa mid fiican, laakin shirkaddan waxaa jirta mashaariic badan oo ay xirtay ama ku guul-dareysatay, waxaan ka xusi karnaa: 2006: Shirkaddan Dp World waxaa ay shirkadda “P & O” ku iibsatay 6 Bilyan oo Dollar, waxaa kaloo ay dowladda Mareykanka heshiis kula gashay in ay maamulaan 6 dekad oo ay ku jiraan New York, Newark, Baltimore iyo Miami., xubno ka tirsan Labada aqal, madaxweynayaal hore, governotoorayaal iyo mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa iska diiday, heshiiskana sidaas ayuu ku burburay. 2006: DP World oo adeegsaneysa Cabdiraxmaan Boreh oo ah ganacsade saxiib la ah Imaaraadka ayaa 30 sano heshiis la gashay dalka Djibuti si ay u maamulaan Doraleh Container Terminal, (DCT) waxaa la furay 2008-dii, laakin dowladda Djibuuti waxaa ay dacwad ka furtay maxkamad ku taallo London, dacwada waxaa uu salkeedu ahaa in Imaaraadka ay laaluusheen Boreh si ay u helaan maamulka dekadda, 3 sano sano ka badan ayey dacwadda socotaa, in kasta oo eedeyntaas lagu waayey Bore hadana Djibouti waxaa ay shirkadan kala laabatay maamulka Doraleh Container Termina February 22, 2018-kii, waxaana halkaasi ku soo afjarmay is-qabqabsi labada dhinac ah oo sanado soo socday. 2010: Imaarada Abuu Dhabi Oo DP World u diiday heshiis cusub: Imaarada Abu dhabi oo caasimadda Imaaraadka ayaa iska diiday in ay heshiis-ka u cusbooneysiiso DP World, Abu Dhabi Terminals oo loo soo gaabiyo ADT ayaa sheegtay in ay iyada maamulan doonto dekadda. 2011: Shirkadda DP World, waxaa ay ceyriyeen shaqaalo badan sida ka dhacday dekadda Ceynu Sukhna ee dalka Masar. 2012: Sida ay qortay Financial Times shirkadda DP World waxaa lagala laabtay heshiis ay 30 sano kula gashay dekadda caanka ah ee Cadan, shirkadda DP World waxaa lagu eedeeyay musuq, waxaa kale oo la ogaaday in ay qalab ka xadeen dekadda, lacagtii lagu ballamay oo aaney bixin, dayactir la’aan. March 1, 2018: Heshiis ka dhacay Imaaraadka, waxaa lagu kala saxiixday Heshiis saddex geesood ah oo dhex maray maamulka Somaliland, shirkadda DP World iyo Itoobiya Heshiiska 51% saamiga horumarinta dekedda yeelanaya shirkadda DPW, 30% waxaa yeelaneysa Somaliland, halka 19% ay yeelaneyso dowladda Iboobyia. Sida uu sheegay madaxweynaha Djibouti oo wareysi siiyay Tesfa News heshiiska Berbera uu ku lug leh Cabdiraxmaan Boreh oo ah ganacsade Djibouti -yaan ah oo dibadda ku nool, waxaa uu horay Imaaraadka ugu wareejiyay dekadda Djibouti ah markii dacwad lagu furay ayuu ka shaqeeyay in Bebera uu ugu abaal-gudo. Hadaba, inkasta oo heshiiskan ay ka hortimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, hadana waxaa ay aheyd arrin aan diblomaasiyad ahaan fiicneyn in heshiiska uu dhacay xilli ra’isul wasaare Kheyre joogay Imaaraadka, sidoo kale lama oga tillaabada xogta ee hey’adaha dowladda uu ku jiro baarlamaanka ay arrintan ka qaadan-doonaan. Sida heshiiska saddex geesood-ku yahay, Itoobiya waxaa ay dhisi-doontaa waddo dhererkeedu yahay 280 KM taas oo dekadda ku xirta xadka Itoobiya, hal milyan iyo bar oo dollar ayaa ku baxaya halkii KM iyo in ka badan 400 Mliyan ayaa la rabaa in loo helo mashruucan, waxaa kale oo dhisme u baahan dekadda Berbera oo qalabka ay maraakiibta waaweyn ku soo xiran karaa waxaa ay Berbera u jirtaa 12 KM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post DP World: Mashaariic iyo heshiisyo caalamiga ah oo lagala laabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Xoghayaha Guddiga La-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamud ayaa cabasho ka muujiyay shaqada Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,taasoo uu ku eedeeyay in ay udub-dhexaad u tahay khilaafka ka dhashay dib-u-eegista Dastuurka dalka. Xoghaye, Xuseen Sheekh Maxamud oo cuskanaya qodobbo kamid ah Dastuurka,ayaa sheegay in shaqada Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay ku koobantahay, fududeynta howlaha labada guddi ee kala ah; Guddiga La-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamanka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista Dastuurka, isku xirka hay’adaha ka shaqeeya Dastuurka iyo in si gaar ah ay diiradda u saarto arimaha ay tahay inay kawada hadlaan xukuumadaha heer federal iyo heer dawlad goboleed. Laakiin wuxuu Wasaaradda ku eedeeyay in ay la wareegtay shaqadii, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista Dastuurka ee ahayd in la turxaan-bixiyo oo wax ka beddel lagu sameeyo qodobada dib-u-eegista u baahan ee Dastuurka Soomaaliya,isagoo xusay in arrintaasi ay dhalisay khilaaf hareeyay hawlihii socday,islamarkaana curyaamiyay shaqadii labada guddi ee arrimahan u xilsaarnaa. Dhinaca kale hay’adaha Qaramada Midoobay ayuu ku eedeeyay in ay faro-gelin xoggan ku hayaan arrimaha dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya,iyagoo sida uu sheegay doonaya in ay Soomaalida u yeeriyaan qodobada wax ka beddelka u baahan ee Dastuurka,taasoo ay uga faa’idaysanayan lacagaha ay ku bixiyaan hawlahaan. Xoghaye, Xuseen Sheekh Maxamud ayaa tilmaamay in mudadii ay socotay shaqada samaynta iyo dib-u-eegista Dastuurka ay ku baxday lacag gaaraysa $60 malyan oo Dollar-ka Maraykanka ah,taasoo uu sheegay in siyaabo qaldan loo isticmaaley oo ay cid gaar ah jeebka u gashay. Guddiga La-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo uu Xoghayaha ka yahay xildhibaanka ayaa shaqadoodu tahay,in ay la socdan oo ansixiyaan howlaha Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka. Halkaan ka akhriso qoraalka uu Facebook soo dhigay Soomaaliya waxaa ay soo martey taariikh Dastuur sameyn laga soo bilaabo xiligii xoriyadda. Waxaa jira ilaa afar Dastuur iyo laba Axdi oo la sameeyey tan iyo intii aan xoriyadda qaadanay. Waxaa ay kala ahaayeen sidatan; Dastuurkii 1960, Dastuurkii 1979, midkii 1990 la diyaariyey iyo kan hadda aan haysano ee 2012. Sidoo kale waxaa jirey laba Axdi KMG oo kala ahaa kii Carta 2000 iyo Axdigii Federaalka ee 2004. Dastuurka hadda inoo yaala una baahan dib u eegista waxaa uu marayaa sanadkii 6aad oo uu keliya u baahan yahay dib u eegis iyo dhameystir shaqadii la soo qabtey 2012. Sida aad ka arkeysaan farqiga u dhaxeeya Axdiga 2004 iyo ansixinta Kumeel gaarka ee 2012 la ansixiyey Dastuurkan, waxaa uu soo jiitamayey ilaa ilaa 8 sanno in la helo qabyo qoraalka Dastuurka aan hadda haysano. Balse waxaa la siimaraya in qabyada la dhameystiro 6 sano ayadoo aan weli la ogeyn goorta uu dhamaan doono. Sida uu qabo Dastuurka sida KMG loo ansixiyey 2012 gaar ahaan qodobada 63aad iyo 71aad, awoodda wax ka bedelka Dastuurkan waxaa iska leh Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal. Baarlamaanka Federaalka waxaa uu doortey Guddi ka kooban 10 xubnood sida uu qabo qodobka 133aad ee Dastuurka. Guddigan oo loo yaqaan Guddiga La-socodka Dib-u-eegitsa Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa la soconaya, tilmaamaya, islamarkaana ansixinaya howlaha Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, guddigaas oo uu dhisayo Qodobka 134 si uu u sameeyo wax-ka-beddelka Dastuurka iyo qoris shuruucda. Sidoo kale qodobada 133 iyo 134 ayaa qaba in Dawlad goboleed kasta oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka ay min hal ergey ku soo darsadaan labada Guddi (Guddiga Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbannaan). Wasaaradda arimaha Dastuurka dowrkeeda dib u eegista Dastuurka waxaa ugu muhiimsan fududeynta howlaha labada guddi, isku xirka hay’adaha ka shaqeeya Dastuurka iyo in si gaar ah ay diiradda u saarto arimaha ay tahay inay kawada hadlaan xukuumadaha heer federal iyo heer dawlad goboleed sida qodobada 44, 54 iyo 122. Waxaa intaas dheer in dawlad goboleed kasta ay leedahay wasaarad dastuur iyo guddiyo Baarlamaan oo si gaar ah ay tahay inay dowr ku yeeshaan dib u eegista Dastuurka. Qormadan gaaban waxaan u qorayaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago fahamkayga mudadii halka sano ku dhowaadka ahayd ee aan ka tirsanaa Guddiga La socodka dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si aan u ifiyo meesha ay wax marayaan iyo caqabadaha jira. Ilaa iyo inta uu dhisnaa Baarlamaanka 10aad iyo Xukuumadda hadda shaqeysa waxaa jirey dadaalo badan oo ah in howsha dib u eegista Dastuurka ay horey u socoto. Waxaa la dhameystirey labada guddi ee aan kor ku soo xusey, waxaa la diyaariyey Qorshaha Tubta dib u eegista Dastuurka iyo in la saxiixay Is-afgarad dhexmarey hay’adaha heer federal ee loo xilsaarey dib u eegista Dastuurka, inkastoo aaney weli jirin is-faham la taaban karo. Balse waxaa jira xaqiiqo aanan ka qarin karin Bulshada Soomaaliyeed oo ah in aan weli wax la taaban karo la qabanin dhowr caqabadood darteed. Caqabadahaas waxaa ka mid ah: Qaabdhismeedyo tiro badan: Sida aad ku aragteen horudhaca qoraalkayga, waxaa jira qaabdhismeedyo tira badan oo horseedaya inuu adkaado qaabka go’aan qaadashada islamarkaana keenaya khilaafaad joogto ah. Waxaa jira Baarlamaanka Federaalka (Guddiga La socodka), Wasaaradda Dastuurka ee Federaalka, Guddiga Madaxbannaan ee dib u eegista Dastuurka, wasaaradaha dastuurka ee dawlad goboleedyada, Baarlamaanada dawlad goboleedyada (guddiyada dastuurka), la taaliyaal xafiisyada Madaxweynaha iyo Raysulwasaaraha iyo sida laga yaabo kuwa lataliya dawlad goboleedyada. Tusaalooyinkaas waa hay’adaha Dawliga ee Soomaaliya oo keliya! Mudnaansiinta dib u eegista Dastuurka: Marka laga hadlayo in dawladi arin muhiimad siinayso waxaa lagu gartaa in miisaaniyad la siiyo, laga dhigo qorshayaasha ugu horeeya, ka hadalkeeda la badiyo islamarkaana ficil lala yimaado degdeg wax looga qabto. Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka labadaba waa ay gaabiyeen ayaan dhihi karaa inay dib u eegista Dastuurka ka dhigtaan ahmiyadda kowaad. Madaxweynahana waxay ahayd inuu kor kala socdo oo uu ku kontoroolo xukuumadda inay ka dhabeysey balan qaadkeedii ahaa inay ahmiyad siineyso Dastuurka. Miisaaniyadda dib u eegista Dastuurka: Waxaa ay xukuumaddu balan-qaadey Baarlamaankuna ansixiyey ilaa 3 million oo doolar oo lagu fuliyo qorshaha dib u eegista Dastuurka, balse weli wax fara ugu jira guddiyada dastuurka ma jiraan si ay howlihii u qorsheysnaa u fuliyaan. Arrintaas waxay keeneysaa in hay’adaha ajnabiga loo kala hormaro lagana sugo inay kuu maalgeliyaan Dastuur Soomaali leedahay! Dano Gaar ah: waxaa jira caqabado badan oo ka imaanaya shakhsiyaad kuna saleysan in natiijada dib u eegista Dastuurka ay noqoto mid ayaga farxad gelisa haddii kale ay is hor istaagaan inuu horey u socdo Dastuurka. Waxaa intaas dheer in kuwa kale ay ka leeyihiin dano dhaqaale oo ay rabaan inay mashruuc la maalo ka dhigtaan una irmaanaado sanado soo socda. Arrimaha heshiis siyaasadeed u baahan: waxaa ay Baarlamaankii 9aad ka sheegteen in arrimaha siyaasiyan la isku haysto ay caqabad yihiin. Arrimahaas oo weli taagan waxaa ka mid ah qodobada 8aad, 9aad, 44aad, 54aad, 122aad iyo guud ahaan cutubyada 5aad, 6aad, 7aad, 8aad iyo 9aad. Weli caqabadahan waa ay taagan yihiin waxaana laga yaabaa inay sii ragaadiyaan dib u eegista Dastuurka. Ajnabiga: Inkastoo ay Soomaali ahaan qalad nagu tahay in shaqada inoo taalo aan ku eedeyno in ajnabiga caqabad ku yihiin, hadana waxaa jira hay’ado caalami ah iyo kuwa UNka oo gacmaha kula jira arrimaha dib u eegista Dastuurka iskuna daya inay Soomaalida u yeeriyaan sida ay wax u qabsanayaan islamarkaana u kala warqaada. Muddadii 13ka sano ahayd ee Dastuurkan sameyntiisa iyo dib u eegistiisa soo socotey waxaa lagu qiyaasay ilaa $60 malyuun oo doolar inay ku baxdey laakiin siyaabo qaldan loo isticmaaley waxaase ka sii daran in weli ay socoto oo tobonaan malyuun oo doolar lagu gorgortamayo. Soo ma ahayn beesha caalamka inay iska joojiyaan lacagahaas haddii aaney natiijo soo saareynin Haddaba Dastuurka Soomaaliya iyo dib u eegistiisa waxaa loo baahan yahay in caqabadahan iyo kuwo kaleba looga gudbo mas’uuliyad wadareed iyo mid hay’adeed. Waxaana loo baahan yahay in hay’adaha Dastuuriga ah oo uu ugu horeeyo Baarlamaanka Federaalka, Madaxweynaha, xukuumadda, dawlad goboleedyada iyo guud ahaan dadweynaha uu mid walba qaato dowrka kaga aadan sidii lagu heli lahaa Dastuur dhameystiran oo ay raali isaga yihiin dhamaan Soomaalida. The post Khilaaf xooggan oo hareeyay arrimaha dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dr. Axmed Cali Khayre oo PhD ka diyaariyay qaanuunka caalamiga ah ayaa Idaacadda Goobjoog u sheegay in heshiiska Imaaraadka ay la galeen Somaliland aanu sharci aheyn, isla markaana ay adag tahay in uu dhaqan galo. Dr. Axmed waxaa uu qabaa in Imaaraadka ay meel uga dhaceen qawaaniinta caalamiga kadib markii ay heshiis la galeen gobol Soomaaliyeed isaga oo intaa raaciyay in federaalsim-ka Soomaaliya hadda u yaallo uu dhigayo in siyaasadda arrimaha dibadda ay ka mid tahay waxyaabaha ay xaqa u leedahay dowladda federaalka ah. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre oo heshiiskan ka hadlayey ayaa ku tilmaamay mid sharci-darro ah isaga oo shirkadaha caalamiga ee maal-geshiga rabo u sheegay in ay soo maraan hey’daha arrintaasi u xil-saaran. Hey’adaha Caalamiga Ah: Somaliland, weli waa dhul iyo shacabka ka tirsan Soomaaliya, sida sharciyada caalamiga ah dhigayaan waa in dalalka iyo hey’adaha caalamiga ah ay arrinkaasi tixgeliyaan. Heshiiska DP World iyo Itoobiya la galeen Somaliland, waxaa la iska indho-tiray dhammaan xeerarkaas ay meel-mariyeen hey’adaha caalamiga ah sida: Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta Qaramada Midoobey: Hey’addan maraka laga soo tago nabad ilaalinta iyo xallinta murannada waxaa ay ka hortagtaa wax walba oo keenni kara dagaal, waxaa kale oo xubnaha ururkan laga mamnuucay in ay ku xad-gudbaan dhulka dalalalka xubnaha ka ah Dastuurka Midowga Afrika: Hadafka Loo Aasaasay midowga Afrika marka laga soo tago midnimada Afrikaanka iyo iskaashiga guud waxaa ka mid ahaa: ilaalinta qarannimda, madaxbannaanida iyo dhulka dowladaha xubnaha ka ah, in la ixtiraammo xadka ay dowladda xuriyadda ka dhaxleen, in dal aanu faragelin arrimaha gudaha dal kale iyo in wada noolaashiyo laga shaqeeyo Dastuurka Jaamacadda: Mabaa’dida Jaamacadda carabta waxaa ugu muhiimsan in dalalka aaney faragelin isku sameyn, oo si ixtiraam iyo sinnaan ah ku wada shaqeeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Heshiiska DP World iyo Somaliland waa mid ka hor imaanaya xeerarka Caalamiga ah appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Wargeeyska Daily Nation ayaa daabacay Warbixin dheer oo muujineeysa in ay kordheen Tiradda Haweenka Kenyan ka ah ee ku Biiray Al-shabaab iyo kuwa Ciidamada Amaanku ay Xireen iyagoo Damacsan in ay ku Biiraan Dagaalamayaasha Al-shabaab. Haweenka warbixintaan lagu xusay Qaarkood waxaa ay ka mid ahaayeen Ardayda Jaamacadaha oo isaga tagay wax barashadda halka qaar kalena Markii ay Jaamacadaha dhameeyeen ay ku biireen Al-shabaaab. Khadija Abubakar oo jaamacadda Kenya ku taala ka baraneeysay Culuumta Daawooyinka ayaa 15 March 2017 Ciidamadda Amanku Xabsiga dhigeen kadib markii la qabtay iyadoo qorsheeyneeysa in ay Al-shabaab ku Biirto. Cilmi baaris uu sameeyay Machadka Daraasaadka Amniga ee Qaaradda Africa ayaa muujineeysa in ay kordheen Haweenka ku biiraya Al-shabaab waxaana Daraasadaas ka soo muuqday in Haweenka ugu badan ay Kenya u dhasheen waxaa sido kale ku jira Haween u dhashay Tanzania. In tii daraasaddu ay socotay Machadku wuxuu la hadlay 108 Haween ah oo ku kala Sugnaa Magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Garissa, Diani, Kwale iyo Kisumu iyo Haween kale oo kasoo laabtay Al-shabaab oo ay Muddo ka mid ahaayeen. Daraasadda ayaa sidoo kale waxaa ay Muujisay in Haweenku ay Kaalin muhiim ah ku leeyihiin howlaha Al-shabaab, Shaqooyinka ay u qabtaana waxaa ugu Muhiimsan Sirdoonka oo ay kaalin Lixaad leh ka qaataan. Horay Booliiska Kenya ayaa xiray Haween lagu eedeeyay in ay ku howlanaayeen fal Basaas ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay tahay sababta keentay inay kordhaan Tiradda Haweenka Kenyan ka ah ee ku biiraya Al-shabaab? appeared first on Caasimada Online.
-
Askar ka tirsan Ciidanka Birmadka dowladda Puntland ayaa saaka gebi ahaanba la wareegay xaruntii Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga magaalada Qardho,sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha Wasaaraddaasi. Mid kamid ah shaqaalaha Wasaaraddaasi oo diiday in magaciisa la xigto ayaa PUNTLAND POST u sheegay in askar hubaysan ay saaka la wareeegtay xaruntii Wasaaradda iyo Bangigii,islamarkaana ay dhammaan shaqaalihii ku amreen in ay isaga baxaan xafiisyada,kadibna ay albaabada isugu laabeen. Dhinaca kale sarkaal ka tirsan askarta saaka la wareegay xarunta Wasaaradda iyo Bangiga ee magaaalada Qardho,ayaa PUNTLAND POST u sheegay in ay ka cabanayaan mushahar la’aan haysata in ka badan saddex bilood,taasoo ay Waaraddu ku fashilantay in ay siiiso,sida uu hadalka u dhigay. Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaan weli wax jawaab ah ka bixin cabashada askartaasi ee ku aaddan in ay mushar la’aan yihiin muddo saddex bilood,sidoo kalena ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Birmadka Puntland. Wararka qaar ayaa sheegaya The post Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo gebi ahaanba la wareegay xaruntii Wasaaradda Maaliyadda ee Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Armed Somali herders have invaded farms in Sosoma and Ukasi, Mwingi East subcounty, and threatened to kill whoever dares to resist. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga difaaca baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay la xisaabtamayaan taliska ciidamada AMISOM ee Somalia. Gudoomiyaha Guddiga difaaca baarlamaanka Xuseen Carab Ciise, oo la hadlay warbaahinta ayaa asheegay inaanu macquul aheyn in AMISOM ay ku kacdo wixii maskaxdeeda kasoo maaxa, waxa uuna tilmaamay inay diyaar u yihiin la xisaabtan. Waxa uu Xuseen Carab Ciise tilmaamay in la xisaabtankooda uu ka bilaaban doono dhanka Howlgalada ay AMISOM ku joogan Somalia iyo hanaanka aadka u liita oo ay ku shaqeeyan. Xuseen Carab Ciise waxaa uu sheegay in ciidanka AMISOM hawlgalkooda uu daba dheeraaday islamarkaana loo baahan yahay in lagala xisaabtamo waxyaabaha u qabsoomay. ‘’Haddii AMISOM ay moodo inay howl-wanaagsan ka heyso Somalia ha ogaadan maaha mid dhameystiran ee waa mid la daba dheereeyay’’ Sidoo kale, Xuseen Carab Ciise waxa uu carab ***** in shirkii AMISOM iyo Somalia ee lagu soo gaba gabeeyay Kampala ay la tageen qorshe ka hadlaya tayada Ciidamada dowladda Somalia oo aan sidii loo baahnaa aheyn. Xuseen Carab Ciise waxa uu sheegay in Ciidamada Somalia ay u diyaarsan yihiin dagaalka al-Shabaab hayeeshee aysan haysan qalab ku filan ,beddelkoodana Ciidanka Amisom ay shaqeeyaan. Dhianaca kale, waxa uu sheegay Xildhibaanka in ahmiyad gaara ay u arkaan in AMISOM lagu soo xiro go’aan leysla ogyahay isla markaana la helo meel loo raaco inta ay ku jiraan howlgalada ka socda Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Guddiga difaaca baarlamaanka oo AMISOM ugu baaqay u diyaar garowga la xisaabtan dhab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Warbixin lagusoo qoray bogga hay’adda biyaha iyo macluumaadka dhulka ee Swalim, ayaa looga halday xaalada Abaareed ee ka jirta Soomaaliya, kadib yaraanshihii xilli Roobaadkii hore ee Dayrta. Hay’adda Swalim waxay sheegtay xilli Roobaadka Guga ee fooda naguusoo in uu ahaandoono mid biyihiisu ku yaraandoonaan inta ugu badan Soomaaliya, marka laga reebo gobolada Puntland iyo Somaliland, kuwaas umuuqda inay helidoonaan Roobab fiican. Hay’addu waxay tilmaamtay gobolada ay kamid yihiin Koonfurta Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeelooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool iyo guud ahaan gobolada koonfureed inay helidoonaan roob aad uyar, waa sida saadaasha hawadu tilmaamayso. Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo meelo badan oo Soomaaliya katirsan ay ka jiraan Abaaro xoogan oo ka dhashay yaraanshaha xilli Roobaadkii Dayrta ee sannadkii tagay. Puntland iyo Somaliland ayaa horey ugu dhawaaqay xaalad abaareed oo ka jirta degaanadooda, iyagoo hoosya ka xariiqay in haddii Roobka Guga aanu si fiican loo gelin halis loogu jiro in dib loogu laabto Abaartii Sima ee sannadkii 2016 ku dhufatay Soomaaliya. Abaarta Sima ayaa geysatay khasaare lixaad leh oo Dad iyo Duunyo isugu jira, waxaana weli saameynteedii ay ka jirtaa dhul badan oo Soomaaliya katirsan, kuwaas oo dadkii ku noolaa ay xoolahoodii ku waayeen, barakacna ku noqdeen magaalooyinka. Puntlandi.com
-
Facing the abyss of interethnic civil war, Ethiopia today is on the brink of state failure. Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn shocked the country with his abrupt resignation as head of the ruling Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) coalition last month, designed to subdue simmering unrest. While the government scrambles to figure out who will succeed him, this East African country has levied a state of emergency for the next six months, amid a wave of anti-government protests that have rocked it on and off for the past three years. This is the second time in just two years that Ethiopia has declared a state of emergency, which prohibits protests and restricts publications that could be deemed to incite violence. Ethiopia is the second most populous country in the African continent after Nigeria, and has around 105 million people and more than 80 ethnic groups, the two largest of which are the Oromo and the Amhara. While these two groups make up around two-thirds of all Ethiopians, it is the Tigrayans, who account for a meager 6% of the population, that dictate politics and the security forces. For years Hailemariam Desalegn has grappled with a tide of dissatisfaction from the Oromos and the Amharas, who have felt economically sidelined and politically persecuted by the government. Earlier this year, in a desperate attempt to relieve the unfolding pressure on the regime and create a sense of “national reconciliation,” the government rushed to free over 6,000 prisoners, mostly incarcerated on political grounds, including the Oromo opposition leader Merera Gudina. In light of mounting upheaval and with political tensions at a knife-edge, it has also shut down a jail accused of torturing its prisoners. International efforts to quell the latest surge in violence has bordered on the negligent but, amidst growing concern over human rights abuses, pressure has mounted on Ethiopia’s central government. Desalegn’s departure marks the first change in leadership in Ethiopia that hasn’t been triggered by revolution or death of a leader, suggesting the government is making concessions after wrestling with deep wounds among some of the nation’s biggest ethnic groups. As the biggest troop contributor in the fight against terrorist group al Shabaab in Somalia, the United States considers Ethiopia a crucial ally in the fight against Islamist militancy. Fearing that draconian anti-protest bans will cripple the public sphere, it has condemned the decision to enforce a state of emergency. The EPRDF has been in power for nearly three decades, prior to which Ethiopia was ruled by the ruthless military leader Mengistu Haile Mariam, and during which time the country faced civil war, famine, and a series of unsuccessful socialist development policies. Since 1991, Ethiopia’s political situation has been somewhat stable, and rising living standards have followed. Ethiopia’s economic growth has been largely due to the government’s laser-like attention on sectors such as energy, infrastructure, and manufacturing, striving to become a regional manufacturing base, unlike other fellow resource dependent economies such as Nigeria. While over 70% of Ethiopians remain employed in the agricultural sector, services have eclipsed agriculture as the chief source of GDP. The 2014 crash in commodity prices, for example, had a trivial impact on Ethiopia’s growth path. The IMF predicts that, from 2000 to 2016, Ethiopia was the third-fastest growing country (of 10 million or more people) in the world, as measured by GDP per capita. Since 2005, this African powerhouse has consistently registered double digit GDP growth, boasting an annual growth of 10.5%. However, while its far-reaching economic reforms aimed to transform this often famine-stricken nation into a “developmental state” have clearly materialized, the price has been high for Ethiopians, forced to live under EPRDF’s stern grip on power. A lack of effective checks and balances has enabled a crackdown on free speech and civil society, all under the mask of “national security.” The paradox of this Machiavellian compromise has not been lost on bystanders that expected a better future in exchange for their tactic obedience. Since 2015, the Oromo have been orchestrating mass protests denouncing, among other things, what they claim are land grabs from farmers for an authoritarian government’s planned factories. In the years of turmoil, hundreds of Oromo have been killed, factories have been burned, and many hecklers have been incarcerated. With an invigorated opposition and schisms within the ruling party, Ethiopia’s ability to maintain consistent economic growth will be linked to its ability to integrate forsaken communities who need to be convinced that they too have a stake in Ethiopia’s new future. Source: – IPD The post Is Ethiopia headed towards a civil war? appeared first on Caasimada Online.
-
She could have used her academic credentials and rich family background to land a job and advance her career as a leading pharmacist in Kenya. However, Ms Khadija Abubakar’s dream of becoming a pharmacist was cut short when she was arrested on March 27, 2015. Khadija, then 19, was studying Pharmacy at Mount Kenya University when she got arrested on accusations of attempting to sneak to Somalia and join Al-Shabaab fighters together with three other women. Her arrest and subsequent prosecution effectively ended her dream of becoming a pharmacist. “The case is moving slowly but I am hopeful that it will end well. It is set for hearing this month,” Ms Khadija told the Sunday Nation last week. She is out on a Sh500,000 bond. Ms Khadija is among the young, educated Kenyan women, many of them from affluent families who have been linked to terrorist groups. STUDENTS Also facing terrorism related charges are Ms Maryam Said Aboud and Ms Halima Adan, both Kenyans, and Ms Ummul-Kheir Sadri Abdalla, a Tanzanian. All the four were university students at the time of their arrest. Ms Ummul-kheir was studying medicine at the International University of Africa in Khartoum, Sudan, while Ms Maryam was a Bachelor of Commerce student at Kenyatta University. A study Violent Extremism in Kenya: Why women are a priority, conducted by the Institute for Security Studies in Africa, shows that at least 58 students abandoned universities to join terrorist groups in Somalia, Libya and Syria in the last three years. The report says 14 were recruited to the terrorist organisations last year while the rest joined earlier. The figure could be higher because authorities have not established the fate of others who have been reported missing. Others who left the country to join the terrorist groups were students from top schools in the Coast region. POLICE ATTACK Once recruited, the women play various roles in the group as recruiters, spies, cooks and cleaners, according to the study. Researchers interviewed 108 women from communities in Nairobi, Mombasa, Garissa, Diani, Kwale and Kisumu. They also spoke to women who had returned from Shabaab camps, civil society and community leaders and organisers, as well as government officials and donors. On September 11, 2016, police foiled an attack at Mombasa’s Central Police station. It later emerged that the raid was executed by three young women from an affluent Mombasa family and were among the best performing learners in their school. They were identified as Ms Tasnim Yakub, the suspected mastermind, Maimuna Abdirahman and Ms Ramla Abdirahman. WOMEN Sisters Maimuna and Ramla were brought up in a strict setting, and were not allowed to socialise or step out of the house without the consent of their parents or older siblings. The family even installed Wi-Fi in their home so that the girls could not go out looking for internet services. Maimuna had been admitted to the Technical University of Mombasa for a diploma in pharmaceutical technology and was to report before she met her death. She attended Alfarsy Girls Secondary School in Mombasa and scored grade B in 2013. On September 2016, two interns at Malindi Hospital, Mohamed Shukri and Abdulrazak Abdinuur, were arrested on suspicion of having links to Al-Shabaab. Both were studying medicine at Saratov State Medical University in Russia. RADICALISED In the probably the most prominent case, Abdirahim Abdullahi abandoned the University of Nairobi’s Law School to join Al-Shabaab. He was killed at Garissa University College after he led three other terrorists in gunning down 147 students on April 2, 2015 in one of the worst terrorist attacks in Kenya. On February 2016, police arrested Hassanaen Ahmed, a University of Nairobi biochemistry student, as he was reportedly leaving the country to travel to Libya to join the Islamic State group. Later in May that year, Gloria Kavaya, a microbiology student at Kenyatta University was also arrested after she disappeared from school, changed her name and embarked on what police said were plans to travel to Syria. A study by Prof Kimani Njogu of Twaweza Communications on why cases of well-educated youth, especially women, from wealthy backgrounds left the comfort of their homes to join terrorist groups revealed that a majority were driven by “anger” directed at those they viewed as oppressors of their “brothers and sisters” in the Middle East. OPPRESSION He said many of them were influenced by, among other issues, a strong faith of revenge on what they believe is an oppression and injustice meted on fellow Muslims. “It is important to note that these young men and women go against their education and wealth because they believe their brothers and sisters in the Middle East deserve assistance because they are under oppression from western nations,” Prof Njogu said. “They also believe the world is unequal and it favours other religions and oppresses Muslims. They will go to the extent of targeting Western installations.” Prof Njogu added that new converts were easily attracted into terror cells because of their limited understanding of the Quran and other religious ethics. “They later on engage in terrorist activities as a compensatory move after joining the religion,” he said. RESEARCH United Nations Women Peace and Security Consultant Fatuma Mohamed called on the government to conduct more research on why wealthy, young educated women join terrorist groups. Ms Mohammed said if no research was done, such cases would be hard to contain. “What we need to ask is why they are joining these groups?” she said at Sarova Whitesands in Mombasa. In 2016, the Commission for University Education raised alarm at the surge in the number of students being arrested on suspicion of joining IS. The Commission reported that at least 44 students had abandoned studies to become fighters. Concern was especially growing over the number of students studying medicine who were detained on suspicion of belonging to such groups. Source: – Daily Nation The post Experts dig into growing recruitment of women into terror cells appeared first on Caasimada Online.
-
The Somaliland Government has refuted claims by Somalia nullifying an agreement signed between the UAE ports operator DP World and the Ethiopian Government to acquire a 19 percent stake in Berbera Port.The Somaliland Minister of Information, Abdirahman Abdillahi Farah, said in a statement that the government of President Musa Behi Abdi worked to conclude the agreement with DP World and the Government of Ethiopia. and added that the Republic of Somaliland is a “sovereign and independent and does not allow others to prejudice its sovereignty”. On Friday, Somalia denounced the port deal, terming the agreement unconstitutional. The Somali Ministry of Ports and Marine Transport said in a statement that the government was not party to the agreement which it termed as defective. “This so-called agreement is both defective and detrimental to the sovereignty of the Federal Republic of Somalia and the unity of the country,” the Ministry said. Abdillahi Farah said that Somaliland has been independent and sovereign for 28 years and does not allow anyone to infringe on its sovereignty. DP World’s sale would provide Ethiopia with a 19 percent stake in Somaliland’s Port of Berbera while the port operator said it would retain a 51 percent stake and Somaliland would retain 30 percent. Financial details were not disclosed but the statement said the Ethiopian government would invest to develop the Berbera Corridor, a road from the border with Ethiopia to Berbera. “Having the government of Ethiopia as a partner will enable DP World to support the government in achieving its impressive development plans,” said DP World Chairman Sultan Ahmed bin Sulayem. Source: Al-arabiya news The post Somaliland refutes claims by Somalia on port deal with DP World appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda wado qorsho ay mooshin kaga gudbinayaan heshiiskii dhexmaray Maamulka Soomaaliland iyo Shirkada DP-World. Xildhibaan Aadan Isaaq Cali oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan heshiiskaasi iyo qaabka loo qeeybsaday Saamiga. Xildhibaanka ayaa sheegay in Kalfadhiga 3-aad oo furmi doono maalmaha soo socdo ay Baarlamaanka horgeeyn doonaan mooshin arintaasi ay kaga soo horjeedaan. Waxa uu sheegay in heshiiskaasi dhexmaray Soomaaliland iyo DP World uu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn Baarlamaanka uu matalaya shacabka Soomaaliyeedna ay ka hor imaan doonaan. Dhowaan ayeey aheyd markii Ra’isilwasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka soo laabtay safar uu ku tagay Imaaraadka uu sheegay in ay ka soo horjeedaan heshiiskii Soomaaliland iyo Imaaraadka. Soomaaliland ayaa ka jawaabtay arintaan iyada oo sheegtay in Soomaaliland ay u madax banaantahay heshiisyada ay galeeyso. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada Baarlamaanka DFS oo Qorsheeynaya Mooshin ka dhan Heshiiskii Ber Bera appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumada Somalia ay kula xisaabtamayaan xirnaanshiyaha waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho. Xildhibaanadan oo taabacsan garabyada mucaaradka ayaa sheegay in la xisaabtanka Xukuumada uu ku xiran yahay keliya furnaanshiyaha kalfadhiga baarlamaanka. Xildhibaanada ayaa sheegay in Xukuumada Somalia ay ku dheeraatay ka raali ahaanshiyaha waddooyinka xiran, waxa ayna ku goodiyeen inay kala xisaabtami doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ee kasoo horjeeda hanaanka loo xaqiijinaayo amniga magaalada ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay xukuumadda kula xisaabta midoonaan dhibaatooyinka heysta Shacabka Soomaaliyeed ee ah xirnaanshaha Wadooyinka. Sidoo kale, Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Somalia uu shacabka Soomaaliyeed uu kaga baxay balankii uu qaaday ee ahaa in wadooyinka la xiri doonin. Haddalkaan ayaa kusoo beegmaaya xili maanta dib loo furay waddooyinka magaalada Muqdisho oo xirnaa ku dhawaad afar maalin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaano ka soo horjeeda sugida amniga Muqdisho oo la xisaabtan ugu goodiyay XFS appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo muddo Seddex cisho ah ay xirnaayeen waddooyinka magaalada Muqdisho, ayaa waxaa saaka dib loo furay dhammaan waddooyinkii xirnaa. Waddooyinka saaka la furay ayaa ah kuwa ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, kadib markii ay Hay’adaha amaanka u xireen sababo la xiriira amaanka. Waddooyinka saaka dib loo furay ayaa waxaa ku go’naa gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan Cabdi-bilaha, halka qaarna ay ku xirnaayen dhagxaan waaweyn iyadoona Saakay dib loo furay. Qaar ka mid ah wadayaasha Gaadiidka ayaa xaqiijiyay in saakay loo ogolaaday in ay maraan wadooyinka, islamarkaana la qaaday qadkii cagaarnaa ee maalmahaan lagu shaqeynaayay. Gaadiidleyda ayaa sheegay in mudada ay xirnaayen waddooyinka Muqdisho ay ahaayen shaqo la’aan kaga imaaday waddooyinka xiran, waxa ayna sheegeen in Magaalada Muqdisho loo kala qeybiyay labo qeybooda, islamarkaana ay ku qabaan dhibaato culus. Dhainaca kale, Ciidamada Ammaanka ayaa si weyn u adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho ka dib markii ay qaraxyo iyo Weerro toos ah ay ku qaadeen al-Shabaab xarumo ku yaalla Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa iska bedelay xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho & Ciidamadii la dhigay (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (PP) ─ Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ogolaaday xaaladii deg-degga ahayd ee lagu soo rogay dalkaas, kaddib markii uu xilkii iska casilay Ra’iisul wasaarihii hore, dalkaasna uu lugta la galay dibadbaxyo rabshado wata. Xildhibaannada baarlamaanka Itoobiya ayaa la sheegay in saddex meelood laba meel ay cod ku ogolaadeen in waddankooda uu ku jiro xaaladda lagu soo rogay ee deg-degga ah, inta amniga dib u soo laabanayo. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in weli ay rabashado ka jiraan qaybo ka mid ah Itoobiya, waxaana lagu wadaa in xisbiga talada dalkaas haya uu soo magacaabo mas’uulkii bedeli lahaa Hailemariam Desalegn oo 15-kii bishii la soo dhaafay is-casilay. Mudanayaasha taageeray xaaladda deg-degga ah ayaa waxay tiradoodu ahayd 395-xildhibaan, halka ay kasoo horjeesteen tallaabadan 80 mudane waxaana ka aamusay toddobana xildhibaan oo keliya. Codeyntan oo dhacday Jimcihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay inay dhaqan-gashay, balse mucaaradka dalkaas iyo xubno madasha joogay ayaa soo werinaya in xaaladdii deg-degga ah aanay sharci ahaan ansixmin, isla markaana aanay waxba ka jirin natiijada laga sii daayay warbaahinta. Xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in 98-xildhibaan ay maqnaayeen, kuwaas oo ay sheegeen in lagu darsaday tirada, iyagoo xusay in tani ay ka mid tahay khiyaanooyinka ay waddo xukuumadda Itoobiya oo ay sheegeen inay tahay mid awoodda maroorsatay. Dhanka kale, Xildhibaannada kasoo jeeda Qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada ayaa la sheegay inay si weyn uga soo horjeesteen xaaladda deg-degga ah ee lagu soo rogay dalkaas, iyagoo ku andacoonaya in tallaabadan ay keeni karto dhiig badan oo daata iyo tacaddiyo dhan ka ah Xuquuqda aadanaha. Ugu danbayntii, Dalka Itoobiya waxaa xilliyadii ugu dambeeyay ka taagnaa Qalalaase siyaasadeed oo mugdi galiyay Mustaqbalka Waddankaas; kaddib is-casilaaddii Ra’iisul Wasaarihii Itoobiya, waxaa dad badan saadaalinayaan in Ra’iisul Wasaare Qowmiyadda Oromada kasoo loo dhiibi talada Itoobiya. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Itoobiya oo Meel-mariyay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lasoo Rogay appeared first on Puntland Post.
-
Four more families of refugees and a cohort of single men have left immigration camps on Nauru to start new lives in the United States. Source: Hiiraan Online
-
Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa waxa ay kulan la qaateen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) oo ay wehliyeen Ku-Xigeenadiisa. Kulanka oo ka dhacay xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa waxa ay masuuliyiinta kaga hadleen hannaanka dhameeystirka Dastuurka. Wasiir Cabdi Xoosh oo Guddoonka cusub ee Gobolka Banaadir u sheegayay sida ay uga go’antahay in wadashaqeyn ballaaran ay dhexmarto Wasaaradda iyo Gobolka ayaa yiri “Waxaa naga go’an sidii wadatashiga Dastuurka hoos loogu daadajin lahaa loona gaarsiin lahaa ilaa heer degmo si ay uga qeybqaataan shacabka Gobolka Banaadir, taasina waxay ku imaan kartaa marka inaga iyo Gobolka aanu wadashaqeyn dhaw yeellanno Wasaarad ahaanna waa ay naga go’antahay in aan si wanaagsan u la shaqeeyno Maamulka Gobolka Banaadir”. Dhanka kale, Gudoomiye Eng. Yariisoow ayaa Wasiir Xoosh iyo masuuliyiintii la socotay uga mahadceliyay booqashada ay ku soo booqdeen xarunta Gobolka waxa uuna dhankiisa ballanqaaday in ay Wasaaradda kala shaqeeyn doonaan hawlaha baaxadda leh ee ay Qaranka u heyso. Ugu dambayn, kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara Wasaaradda iyo Guddoonka Gobolka Banaadir ee dhawaan la wareegay maamulka Gobolka waxa ayna billaw u ahayd kulamo wadatashi ah oo ay Wasaaradda ku qaban doonto dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Wasiir Xoosh iyo Gudoomiye Eng. Yariisow oo Kawada Hadlay Arrimaha Dastuurka appeared first on Puntland Post.