-
Content Count
210,589 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dawlada yar ee Qadar ayaa gabi ahaanba dalkeeda ka mamnuucday in lagu iibiyo maciishada ay soo saaraan dalalkii xiriirka u jiray oo ay kamid yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar. War kasoo baxay Wasaarada ganacsiga wadanka Qadar ayaa dadka leh dukaamada ku yaal wadankaas lagu amray inay gabi ahaanba dukaamadooda ka saaraan maciishadaha ay soo saareen wadamadaas, saraakiil ka socota Dawlada ayaana booqan doona dukaamada si ay hubiyaan inay amarkan fuliyeen. Sidoo kale Dawlada Qadar waxay isku dayeysaa inay joojiso wax-soosaarka dalalkaas sida caanaha ka yimaada Sacuudiga ee soo mara dalal sadexaad, waxayna sheegeen inay arimahan uga gol leeyihiin bad-qabka maacaamiisha reer Qadar ee ku xiran maciishada dalalkaas ka timaada. Arintan ayaa qayb ka ah khilaafka ba’an ee tan iyo sanadkii hore ka dhex aloosnaa wadamo uu Sacuudigu hogaaminaayo iyo Dalka Qadar, markii ay Dalalkaas xiriirka u jareen isla markaana ay xayiraad kusoo rogeen Dalka Qadar. PUNTLAND POST The post Dawlada Qadar oo wadankeeda ka mamnuucday maciishada ay soo saaraan Dalalkii xiriirka u jaray appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasumada Dalka Itoobiya ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat. Khayre iyo Moussa ayaa si qoto dheer uga wada-hadlay nabad-galyada iyo xasilloonida guud ee Gobolka gaar ahaan Somalia oo sannado badan ay ka jireen colaado ragaadiyay horumarka dalka. Sidoo kale, Khayre ayaa uga mahad-celiyay taageerada midowga Afrika ay la garab taagan yihiin Somalia iyo shaqada ay ka hayaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gudaha Dalka. RW Khayre, ka hor inta uusan kasoo dhoofin Addis Ababa Waxaa kaloo uu la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Nabadda iyo Amaanka ee Midawga Afrika, waxayna ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo qorshaha ay ciidanka Somalia ugala wareegayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM guud ahaan Amniga Qaranka. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa wuxuu kulamo kula yeshay Wasiirka arimaha dibadda iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo ay ka wada hadleen arima badan oo labada dal dan u ah. Ugu dabmeyn, Booqashada RW Soomaaliya uu ku tagay Itoobiya oo salka ku haysay sidii uu u hor-joogsan lahaa taageerada ay Itoobiya siiso maamullada dalka ka jira ayaan wax badan laga ogeyn go’aannadii kasoo baxay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Addis Ababa kula kulmay Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Puntland ayaa ka jawaabtay hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ahaa in ay kawada hadleen Cabdiwali Gaas colaada Tukaraq. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyna Puntland Cabdiwali Cali Gaas uusan wax gorgortan ah ka galeyn deegaamada Dastuuriga ah ee Puntland, sidoo kalana aysan bixin karin Dowladda Federaalka Soomaaliya dhul Puntland ah. Sidoo kale War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in beesha caalamku Somaliland u sheegtay in ay dib uga baxaan deegaanka Tukaraq, balse Muuse Biixi ku dooday in uu tegayo xuduudkii Ingriisku siiyay. Puntland ayaa sheegtay in Muuse Biixi markii uu waji gabax kala kulmay ciidamada Puntland uu bilaabay in uu ku celceliyo waxaa na soo weerartay Dowladda federaalka Soomaaliya, nabada uu sheegayana ay tahay hadal meel waayay. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhameystiran PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in wax gorgortan ah ka galeyn deegaamadeeda Dastuuriga ah appeared first on Puntland Post.
-
Iska horimaadkaasi oo dhacay bilowgii isbuucan ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 4 qof, halka 5 kalena lagu dhaawacay, iyadoo 250-guri la gubay. Laanta Afka Oromadda ee Idaacadda VOA-da ayaa sheegtay in Ciiddanka Dowladda Deegaanka Soomaalida deggan Ethiopia ee Liyuu Police la sheegay inay weerar ku qaadeen magaalladda Harargeh, sida ay baahiyeen Warbaahinta Gudaha ee Ethiopia. Boqolaal qof oo rayid ah ayaa la sheegay inay ku barakaceen Iska horimaadyadaasi. Ku-dhawaad 30 Dugsi ayaa la sheegay inay weli xiran yihiin, tan iyo markii ay dagaalladda bilowdeen bishan May 23-dii. Ma aha Iska horimaadkii ugu horreeyey ee Soomaalida iyo Oramadda Ethiopia ku dhex mara, iyadoo sannadkii hore uu dhex maray dagaal lagu hoobtay, kuna barakaceen boqolal kun oo qoys. Dowlad-deegaameedyada Soomaalida iyo Oromadda waxay wadaagaan dhul-xudduudeed dhererkiisu ku dhow yahay 900 oo mayl.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa iska fogeysay in saldhigga milateri ee ay ku leedahay Soomaaliya iyo howlaha gargaar ee ay dalkaasi ka wado ay ka leedahay ujeedooyin dano gaara ku saleysan ama ay kula tartameyso quwado kale. Agaasimaga guud ee laanta xiriirka Afrika ee Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Turkiga Ahmet Riza Demirer, oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Anadolu Agency ayaa kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo siyaasadda Trukiga ee Afrika. Isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd sida dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale ay u arki karaan Saldhigga Turkiga ee Muqdisho ayuu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal 30-kii sano ee la soo dhaafay ay dhibaato ka jirtay Turkigana uu u tagay in uu kaalmeeyo Dadka Soomaalida ah oo uu sheegay in ay yihiin kuwo tayo badan oo aan isdhiibin. Ahmet Riza Demirer, waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan ahayn meel uu caalamka ku tartamo Turkigana uusan tartan u joogin. Waxaa uu ka jawaabayay su’aal ahayd sida dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale ay u arki karaan Saldhigga Turkiga ee Muqdisho. Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal 30kii sano ee la soo dhaafay ay dhibaato ka jirtay Turkigana uu u tagay in uu kaalmeeyo Dadka Soomaalida ah oo uu sheegay in ay yihiin kuwo tayo badan oo aan isdhiibin. Ahmet Riza Demirer ayaa caddeeyay in dalalka Imaaraadka, Mareykanka, Ingiriiska iyo kuwo kaleba ay tababaraan Ciidamada Soomaaliya, laakiin tababarka Turkiga uu ka duwanyahay tababarrada ay bixiyaan dalalka kale. Waxaa uu ku tilmaamay in ujeedada tababarka Turkiga tahay in xal kama dambeys ah loo helo amni xumada Soomaaliya ka jirta,waxaana uu intaas raaciyay in ujeedada saldhigga uusan ahayn mid qorshe gaaban ku dhisan. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Qatar has ordered shops to remove goods originating from a group of Saudi Arabian-led countries. Source: Hiiraan Online
-
Dhuuso-mareeb (PP) ─ Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa uga digay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay fara-geliso Arrimaha maamulka Galmudug. Xaaf ayaa sheegay in Galmudug iyo Ahlu-sunna ay mideysan yihiin, isagoo ka saxay hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee ahaa inay wada arkeen Ahlu-sunna iyo Galmudug “Arrinta uu ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Waxaa jeclahay inaan u toosiyo, Ahlu-sunna iyo Galmudug waa mideysan yihiin, waana run oo waan wada-aragnay wasiirka, waa balannay, Wuxuuna noo qabtay labo maalin kaddib inuu war ku keenayo, balse aanu dib dambe ugu soo celin, sidaasna ay keentay inay isaga soo tagaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug. Sidoo kale, Xaaf ayaa uga digay dowladda Federaalka Somalia inay sameyso fara-gelin la mid ah tii dhacday sideed bilood ka hor, isagoo tilmamaay in go’aannadii kasoo baxay shirkii Madaxda Iskaashiga Dowlad-goboleedyada dalka uu ka mid ahaa in Dowladda Federaalka Somalia ay joojiso fara-gelinta maamul goboleedyada. “Dowladda Federaalka waxaa uga digayaa in aysan sameyn fara-gelin, Galmudug waa xor, baarlamaan ayay leedahay, wixii go’aano ah iyadaa gaaraysa, ciddii banaanka istaageysa iyaga ayay u taallaa, annaga cidna ma fogeynayno, waa soo dhaweyneynaa cid walba,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Xaaf. Madaxweynaha Galmudug ayaa farriin u diray Madaxweynaha DF, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, isagoo kaga digay inay joojiyaan faragelinta dhinacooda ka jirto. Dhanka kale, Xaaf ayaa u muuqday mid ka biya diidanaa shirka loogu yeeray Muqdisho ee 30-ka bishan, kaasoo ah shir ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha isugu keeneyso dhammaan Madaxda Galmudug ee uu khilaafka u dhaxeeyo. Ugu dambeyn, Maammulka Galmudug oo markii horeba uu dhismaheeda hareeyeen khilaafaadyo, ayaa weli u muuqata inay mar kale ay lugaha la galeyso khilaaf hor leh, iyadoo Madaxdii maamulkaas ay u kala jabeen Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb oo kawada tirsan Gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo Digniin culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo Shalay dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay inuusan aqoonsaneyn Baarlamaanka Ahlu Sunna ee lagu soo daray Maamulk Galmudug. Casir oo uu garabkiisa taagnaa madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabey ayaa sheegay inaan Baarlamaankaas lagu soo dhisin sida uu qabo Dastuurka Galmudug. Waxa uu sheegay in waqtigaan la hareer maray Dastuurkii u yaallay Galmudug,isla markaana Baarlamaanka Galmudug sidii uu horay u iclaamiyey Madaxweyne Farmaajo uu ku Shaqeyn doono Magalada Cadaado. “Waxaan idiin cadeyneynaa in aanan aqoonsaneyn Baarlamaan aan aheyn kii Galmudug ee Cadaado lagu dhisay” ayuu yiri Casir. Wuxuu sidoo kale sii raaciyey inuu Dastuurkaas ahaa midkii ay ansixiyeen ergadii soo dhistay Maamulka Galmudug ee laga soo kala xulay beelaha daga deegaanadaas. ” Dastuurkaasna waa kii in ka badan 800 oo Ergo ay ansixisay, iyo Dastuurka rasmiga ah ee dowlad Goboleedka Galmudug, Anagana ma ogolaan doono Dastuurka khilaafsan Dastuurka dowladda Soomaaliya ayuu yiri Casir. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka shaqeeyey in Maamulka Ahlu Sunna lagu soo daro Galmudug, waxayna arrintaas keentay inay ka xumaadaan ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka kuwaas oo la safan beesha dagto Cadaado oo dooneysay inay halkaas sii ahaato Caasimadda Galmudug. Baarlamaanada Galmudug iyo midka Ahlu Sunna ayaa la mideeyey 26-kii Maarso markaas oo xaflad weyn lagu qabtay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, waxayna noqotay tirada guud ee Xildhibaanada ilaa 178 Xildbhibaan. waxaa xusid mudan inay xafladdaas qeyb ka ahaayeen Guddoomiye Casir iyo Carabey oo labaduba hadda kasoo horjeestay baarlamaanka ay dhismihiisa marqaati ka ahaayeen. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Casir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/05/Cali-Gacal-Casir.mp3 Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Galmudug tan iyo heshiiskii lala galey Ahlusuna iyo qaabkii heshiiskaa loo dhameystirey waxaa ka yimid cabashooyin ay qabaan beello dega Galmudug oo aamminsan in lagu tuntey Dastuurkii Galmudug beelluhu ku heshiiyeen iyo awood qaybsiga beellaha dega Galmudug. Arrimaha ugu weyn ee laysku hayo ayaa waxaa ka mid ah: Ahlusuna oo diidan in tirada Xildhibaanada ka imaanaya Galmudug lagu qaybsado qaabkii hore ee lagu soo xuley xildhibaanada Galmudug in beel walba la siiyo tiradii Xildhibaanada ay hore u haysatey. Taa bedelkeeda Ahlusuna waxey la soo shir tagtey Xildhibaano ka tira badan kuwii hore ee Baarlamaanka Galmudug ka koobnaa waxey kaloo jibisey awoodii qaybsigii beellaha dega Galmudug wax ku soo qaybsadeen xilligii la dhisayey Galmudug iyaga oo u kala sad badiyey tirada beellaha. Dooda Ahlusuna ayaa ah in iyagu qabiil ahayn balse urur yihiin. Dastuurka cusub ee Galmudug waxaa mudo kororsi loogu sameeyey Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmudug waxeyna xilligooda ka bilaabmayaa 26.03.2018 mudada lagu kordhiyeyna waa 4 sano taas oo macnaceeda in Xaaf madaxweyne ka sii ahaanayo Galmudug ilaa iyo 25.03.2022-da waxaana arrintaa khilaafeysaa heshiiskii Galmudug lagu dhisey ee ahaa in Baarlamaanka Galmudug xilligiisu yahay 4 sano laga bilaabo May 2015 kuna dhamaanayo bisha May 2019-ka, mudadaas ka hor in Xildhibaanno cusub lagu soo xulo kadibna doorashada madaxweynaha cusub ee Galmudug ay dhacdo ugu danbeyn July 2019. Madaxweyne Xaaf iyo madaxda Ahlusuna waxey qabaan in Galmudug 4 sano cusub u bilaabantey, Xildhibaanada dheeriga ah ee Ahlusuna keensateyna oo 20 gaaraya in sidooda Xildhibaanno ku ahaadaan awood qaybsiga beellaha Galmudug degta in la eegin madaama Ahlusuna urur diimeed yihiin. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo beellaha wax ka dhistey Galmudug qaar kamid ah waxey qabaan in Dastuurka Galmudug hore la dhowro oo doorasho madaxwynaha Galmudug la aado 2019 iyo in la dhowro awood qaybsiga beellaha dega Galmudug habkii hore ee Xildhibaanada u qaybsadeen iyo in Ahlusuna tiro dheeri ah Xildhibaanno ah loogu darin lana siiyo tiro la eg tiradii hore ee ka koobnaayeen Xildhibaanada Baarlamaankii hore ee Galmudug. Reer Cadaado waxey qabaan in Baarlamaanka Galmudug ku shaqeeyo magaalada Cadaado sida uu hore Dikreeto ugu soo saarey madaxweyne Xaaf asaga oo raacayey talo soo jeedintii madaxweyne Formaajo xilligii uu safarka ku marayey Galmudug. Arrintan ayaan lagu xusin Dastuurka cusub ee Galmudug ee lagu diyaariyey Dhuusomareeb. Dowlada Federaalka waxey qabtaa in Galmudug xilligeeda ku eg yahay 2019 bartamaheeda ka horna la soo xulo Xildhibaanno cusub lana dhowro awood qaybsiga beellaha Galmudug degta nidaamkii ay hore wax ugu qaybsan jireyn. Waxaa kaloo jiri kara cabashooyin ay beello qaar ay qabaan oo aniga la socon. W/Qorey: Ilyaas Maxamuud Xuseen Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Galmudug
-
The aviation industry regulator has declined to allow an airline fly its aircraft in Kenya. JetBlack Airways Corporation had made its application to the Kenya Civil Aviation Authority last year. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed kusii kordhaaya shaqsiyaadka sida tooska ah ula shaqeeya Wardoonka Ethiopia ka jooga magaalada Baydhabo. Shaqsiyaadkan oo dhawaan laga diiwaan galiyay xarunta weyn ee ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa ka howlgala dhammaan deegaanada maamulka. Wardoonkan cusub ayaa xogaha si toosa ugu shuba xarunta laga maamulo ciidamada Ethiopia ee magaalada Baydhabo, waxaana xusid mudan inay ku jiraan ciidamo ka tirsan maamulka oo qaabab khaldan loo adeegsado. Wardoonka ugu badan ee sida tooska ah ula shaqeeya Saraakiisha Ethiopia ka jooga magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku jira Shaqaale ka howlgala xarumaha maamulka iyo Macalimiin Oromo ah oo ka howlgala iskuulada iyo dugsiyada Baydhabo. Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in wardoonka ay qeyb ka yihiin shaqsiyaad ku shaqeeya qaab Tabliiqa kuwaa oo gaara dhamaan deegaanada maamulka, si ay u helaan macluumaad xaqiiq ah. Saraakiisha iyo ciidamada Ethiopia ayaa awood ku dhex leh deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, taa oo gaarsiisan heer ay wada shaqeyn wadaagan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka. Dowlada Ethiopia ayaa xooga saareysa hanashada dhulka maamulka Koonfur Galbeed oo la rumeysan yahya inay ku dhex leeyihiin awooda ugu sareysa. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaan waxba u arag howlaha ay Somalia ka dhexwadaan Saraakiisha iyo Ciidamada shisheeye ee sida tooska ah u adeegsada muwaadiniinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live..com
-
Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed has revealed that the country will “very soon” follow Rwanda’s example allowing all Africans to travel to the country without visas. The policy will open up the east African country to African visitors, and it will undoubtedly ease the free movement of African nationals and boost tourism. Source: Hiiraan Online
-
German authorities have charged a Somali man who allegedly was a member of the foreign extremist group al-Shabab and is accused of attempted murder and assistance to murder. Federal prosecutors said Monday that 20-year-old, identified only as Abduqaadir A., joined the group in 2012 in Mogadishu, and was trained to use pistols and hand grenades. During his training, he accompanied other al-Shabab members to a mosque where they assassinated a person with three shots to the head. He was later assigned to kill a Somali government employee with the help of another group member at a restaurant. There, he shot several times at the man, wounding but not killing him. He was therefore arrested by al-Shabab until he managed to flee in October 2012. Prosecutors say the accused came to Germany in June 2014, and was arrested in February. Source: AP
-
Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa mar kale ku celiyay in Puntland ay mas’uuliyad ka saran tahay maamulida deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Cabdiweli Gaas oo ka hadlaayay arrinta dagaalka ayaa sheegay in Puntland ay mar waliba ku taagan tahay wadada difaaca, hase ahaatee aysan diyaar u aheyn inay ku xadgudubto maamul jaar la’ah. Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in dagaalka ay kula jiraan Somaliland micnuhu uusan ka turjumeynin inay diidan yihiin nabadda, waxa uuna cadeeyay in Puntland ay waligeeda ka shaqeyn jirtay sida ay nabad ugu wada noolaan lahaayen Somaliland. Gaas, ayaa tilmaamay in Puntland ay soo dhaweyneyso nabadda iyo baaqyada kaga imaanaya saaxiibada caalamka hase ahaatee ay munaasib tahay in Somaliland laga helo fulinta Seddex shuuruud oo kala ah: 1-In ciidamada Somaliland laga saaro aaga Tukaraq isla markaana la geeyo halka xadka u ah. 2-In gacanta Puntland dib loogu soo celsho Maxaabiista iyo hantida lagu furtay dagaalka Tukaraq. 3-In Somaliland aysan rasaas dhankeeda uga imaan doonin Puntland inta ay waan waantu socto, isla markaana la durjiyo ciidamada Somaliland ee soo galay Tukaraq. Gaas, ayaa ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating oo ay kuwada hadleen qadka Teleefanka u sheegay in Puntland aysan diyaar u aheyn dagaal dhiig ku data. Gaas waxa uu mar kale Michael Keating u ballanqaaday in Puntland aysan horboodi doonin dagaalka, hase ahaatee ay dooneyso in dagaalkaasi lagu joojiyo shuruudo cad oo aan xadgudub laheyn, iyadoo la raacaayo Seddexda shuruud ee kor ku xusan. Sidoo kale, Gaas, Waxgaradka iyo Michael Keating oo saacadihii ugu danbeeyay ay kuwada hadleen qadka Teleefanka ayaa isku waafaqay in xal degdeg ah laga gaari doono dagaalka, balse inta uu xalka socdo ay Puntland joojiso dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Somaliland ayaa dhankiisa kala imaaday shuruudo adag oo lagu doonaayo in lagu joojiyo dagaalka kala dhexeeya Puntland ee ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Cadaado (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf oo saxaafada kula hadlayey Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmuug ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay ku heyso faragalin xad dhaaf ah. Xaaf waxa uu sheegay in Khilaafyada ka dhex jira Madaxda maamulka ay kaalin weyn ka qaadaneyso Dowlada Somalia oo uu tilmaamay inay kala kulmayaan caqabado badan. Xaaf, waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay ku dhaliilayaan hanaanka ay u wajaheyso Khilaafka, waxa uuna meesha ka saaray inay ka maarmikaraan dhex dhexaadin Dowladeed. Maamulka Galmudug ayuu sheegay inaanu xiligaan qabin dhibaato buuran, hase ahaatee uu dalbanaayo in dowlada ay ka joojiso faragalinta, sida uu hadalka u dhigay. Mar uu ka hadlaayay bilowga Khilaafka ayuu cadeeyay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia uu ka meermeeray inuu kusoo baxo Khilaafka hase ahaatee ay garteen inay ka maarmaan xalinta Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia. Xaaf, waxa uu sheegay inuu isku dayay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia uu kala hadlayo khilaafka yar yare ee soo kala dhexgalay balse uu ku soo laaban waayay sidaasna ay xamar uga soo tageen. ‘’Waxaa arrintaan u sabab ah dowlada Somalia oo aan iska xilsaarin bilowga Khilaafka, waxaan cadeyneynaa in dowladu ay nagu heyso faragalin Wasiirka arrimaha gudahana waxaan uga digeynaa inuu nagu sii hayo faragalinta’’ “Galmudug weli waa sideedii oo wax dhibaato ah kama dhex jiraan laakin hadalka Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia uu yiri waa mid faragelin toos ah ee haka daayo’’ ‘’Ka maamul ahaan horay ayaan dowladda uga dalbanay in maamul goboleedayda ay ka deyso faragelinta, balse wey iska indha tireysaa dowlada’’ayuu yiri Xaaf Sidoo kale, Xaaf ayaa sheegay in faragalin kaga imaadaa Dowlada Somalia ay uga dhigan tahay in dowladu ay sii kala fogeyneyso madaxda maamulka. Si kastaba ha ahatee, Xaaf waxa uu ugu baaqay ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug ee Cadaado ku sugan in ay soo dhaweeynayaan,isla markaana ay ka xalinayaan waxwalba oo ay ka tabanayaan. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Last week, the Mayor of the Vale, Cllr Leighton Rowlands, paid tribute to Barry-born Somali diplomat Abdulrahim Abby Farah who died at his home in New York on May 14. Source: Hiiraan Online
-
German authorities have charged a Somali man who allegedly was a member of the foreign extremist group al-Shabab and is accused of attempted murder and assistance to murder. Source: Hiiraan Online
-
At least 21 people have been killed and thousand others affected by floods and storm due to heavy rains pounding parts of the Horn of Africa nation, the UN relief agency said on Friday night. Source: Hiiraan Online
-
At least four people were killed and five others wounded in renewed cross-border attacks this week by the Ethiopian Somali State Liyu Police in Oromia’s East Hararghe zone. More than 250 houses were razed to the ground and hundreds of civilians are internally displaced, according to locals and media reports. Source: Hiiraan Online
-
Diplomatic tensions between countries in the Gulf are threatening peace efforts in East Africa, particularly in the Horn of Africa, the EU's special envoy has warned. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online)– Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo maalintii labaad booqashi ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la kulmay dhigiisa Abiye Ahmed. waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo xiriirka labada dal quseeya. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa si qoto dheer ugu hadlay xaalada labada, isbadalada siyaasadeed iyo xiriirka Somalia iyo Itoobiya, gaar ahaan arrimaha amaanka, dhaqaalaha iyo isu socodka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa waxaa kulanka ku wehliyay wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda iyo Safiirka Somalia ee Addis Ababa. Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro qodobo kale oo ay labada dhinac ka wada hadleen balse uusan shaacin Xafiiska Kheyre, Qodobadaas waxaa kamid ah; heshiska DP World ay la gashay Somaliland oo 19% ay ku leedahay Itoobiya, Arinta Imaaraatka iyo Xiriirka Itoobiya ee maamul Goboleedyada iyagoon soo marin Dowladda Dhexe.Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in kulankii uu la yeeasay Abiye Ahmed uu ahaa mid jawi wanaagsan ku dhacay oo ay uga hadleen xiriirka labada dal iyo danaha ka dhaxeeya. “Waxay labada dhinac isla qireen sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo labada shacab” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo farriin soo dhigay baraha bulshada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhowr jeer tagay Itoobiya, balse safarkan waa markiisii u horeeyay tan iyo markii bishii April la magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr. Abiye Ahmed .Kheyre, waxaa Itoobiya uga sii horeeyay Agaasimaha Madaxtooyada Somaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo gogol xaar u ahaa socdaalka Xasan Cali Kheyre, Itoobiya ayaa galaangal soo jireen ah ku leh xaalada guud ee dalka, waxeyna ciidmaadeeda oo ka tirsan Amisom ku sugan yihiin magaalooyinka Baydhabo, Baardheere Baladweyn iyo Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ee xiriirka Afrika, Ahmet Riza Demirer ayaa ka hadlay joogitaanka dalkiisa ee Soomaaliya, iyo loolanka culus ee la sheego inay dalal kale kula jiraan, isaga oo si dadban u duray Imaaraadka Carabta. Ahmet Riza Demirer ayaa sheegay in Soomaaliya aysan Turkiga u ahayn mid ay dalal kale kula loolamayaan, hase yeeshee ay tahay dal muhiim u ah. “Mustaqbalka Soomaaliya anaga ayaan beddelnay. Kuwa noo arka inaan Soomaaliya kula loolameyno waxaan ka rabnaa inay ka shaqeeyaan horumarka iyo fayo-qabka dalka Soomaaliya” ayuu yiri Ahmet Riza Demirer. Ahmet Riza Demirer ayaa sheegay in saldhigga Turkiga ee Muqdisho loo sameeyey inay dalka ka taageeraan xagga amniga, gargaarka bani aadannimo iyo hadafyada horumarineed. “Soomaaliya waxaa muddo 30 sano ah haysay maamul xumo, waase dal leh dad wanaagsan iyo taariikh weyn, dadka Soomaaliyeed-na waa ay ogyihiin wax aan dalkooda ka wadno” ayuu yiri. Ahmet Riza Demirer ayaa sheegay in tababarka ciidamada Soomaaliya aysan wax ujeedo kale ah ka lahayn, oo aan ahayn in dalka Soomaaliya wax u taraan, islamarkaana qorshahoodu ahayn in ciidamada ay tababaraan ay ayaga hoos-yimaadaan, balse ay qeyb ka yihiin ciidamada Soomaaliya. Imaaraadka Carabta ayaa ah dalka kaliya ee Soomaaliya ciidamo u tababaray, balse ay noqdeen ciidamo ayaga hoos-yimaada, inkasta oo markii dambe ay kala wareegtay dowladda federaalka. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Kampala (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ka digay in xiisadda dibloomaasiyeed ee dallka Khaliijka ay carqald ku tahay dadaallada nabadeed ee dalka Soomaaliya. Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Alexander Rondos ayaa sheegay in xiisaddaasd ay cawaaqib xun oo toos ah ku yeelatay dalka Soomaaliya iyo dalal kale oo ku yaalla Bariga Afrika, ayna kasii dartay xiisad markii horeba dalka ka jirtay. Xiisaddan ayaa sii xumaatay markii ay iska horyimaadeen dalalka Soomaliya iyo Imaaraadka Carabta, oo ah dal yar oo isku dayaya inuu saameyntiisa geeyo meelo ka baxsan dalka Yemen, oo ay ku lug leeyihiin dagaallada ka socda. “Mid ka mid ah hadafyada ugu muhiimsan ee Midowga Yurub ayaa ah in la xaqiijiyo in Bariga Afrika laga ilaaliyo xiisad goboleedka siyaasadeed ee Khaliijka” ayuu yiri Alexander Rondos. “Xiisadda dalalka gacanka iyo isbaheysiga ay la sameysteen madaxda Bariga Afrika, waxay qaribi kartaa dhammaan dadaalladii laga waday Soomaaliya” ayuu yiri Rondos. “Ma dooneyno wax sii xumeeya dadaallada aan ka wadno Soomaaliya” ayuu sii raaciyey Rondos. Dalka Soomaaliya, Imaaraadka Carabta ayaa ku guuleystay inuu iska horkeeno dowladda dhexe iyo maamullada dalka, kuwaas oo Imaaraadka taageeraya, kana helaya dhaqaale badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com