Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hay´adda sirdoonka dalka Norway ayaa xabsiga dhigtay haweeney 30-sano jir Soomaali ah, taas oo ku eedeysan inay u socotay dalka Siiriya, si ay ugu biirto kooxda Daacish. Haweeneydan ayaa markii hore lagu qabtay dalka Italy, kahor inta aan loo soo gudbin Norway, sida laga soo xigtay wargeyska VG. Sirdoonka Norway ayaa haweeneydan xabsiga dhigay isla habeenimadii talaadada oo Norway laga soo dajiyay. Haweeneydan ayaa la sheegay inay u socotay dalka Siiriya, si ay ula kulanto nin ay xiriir lahaayeen, kaas oo katirsan kooxda Daacish, kuna sugan Siiiriya. Maxkamada Oslo ayaa ogolaatay in haweeneydan xabsiga la dhigo afar isbuuc oo kumeel gaar ah. Qeybo kamid ah warbaahinta dalkan Norway ayaa qorayay in haweeneydan ay heysato dhalashada Norway, balse waxaa gadaal kasoo baxday inay heysato magangalyo kumeel gaar ah, ayna dalkan Norway soo gashay sanadkii 2013-ka. Sida ay sheegtay haweeneydan soomaalida ah, waxaa jiro qalad iyo isfahan daro ku saabsan arintan. Balse hey´adda sirdoonka Norway ayaa sheegtay inay arinteeda la socdeen mudo dheer, ayna markii hore kasoo bilaabatay kiis kale oo laga soo gudbiyay dalka England. Hey´adda sirdoonka Norway ayaa ka gaabsatay inay faah-faahin ka bixiso kiiska haweeneydan Puntlandi.com
  2. Washington (Caasimadda Online) – Sheldon G. Adelson oo ah Ganacsade Yuhuud ah islamarkaana ah Bilyaneer ayaa $20 Milyan oo doollar ku bixiyay ololaha doorashadii Donald Trump ee 2016kii,waxaana uu uga beddeshay ballan qaad ahaa in uu Caasimadda Israel u aqoonsanayo Quddus haddii la doorto. Markii uu Donald Trump ku soo baxay doorashada,Ganacsadahan iyo Bulshada Yuhuudda ah ee ku nool Mareykanka ayaa billaabay in Trump ay ku cadaadiyaan in uu fuliyo. Waxaase dib u dhigaya Wiilka uu Soddogga u yahay ee Jared Kushner oo laftiisa Yuhuudi ah sidoo kalena ah lataliyaha Trump ee Bariga dhexe ayaa Donald Trump kula taliyay in marka hore uu dhiso xiriirka Waddamada Carabta iyo Mareykanka oo doorashadiisii ka diday. Markii uu Trump booqday Bariga dhexe ee uu la kulmay Madaxda Carabta ayuu intooda badan la galay heshiisyo waaweyn oo Balaayiin doollar ku kacaya. Waxaana Trump uu 6dii Bishan ku dhiiraday in Quddus tahay Caasimadda Israel,waxaana uu fuliyay ballankii uu la galay Ganacsatada taakuleeyay ololihiisii doorashada ee Sheldon G. Adelson . Ninkan Ganacsadaha ah waxaa uu xiriir dhow la leeyahay Ra’isalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah ee u ololeeyaha danaha Israel. Newyork Times oo warbixintan qortay ayaa sheegtay in go’aanka Trump uu yahay mid siyaasadeed ee uuusan ahayn mid diblomaasiyadeed. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Maxaad ka ogtahay Ganacsadaha Israa’iiliga ah ee Trump ku qasbay aqoonsiga Quddus? appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) –Maalintii labaad ayaa waxaa dagaal uu ku dhex maray Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunk ee degmad Hodan Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in hab beeleed ay u abaabulan yihiin. Ciidamadaan oo ka tirsan kuwa Miteriga ayaa la sheegayaa in ay isku heystaan dhul ku yaalla Nawaagiga Tarabuunka,iyada oo shalay gelinkii dambe uu halkaasi dagaal ku dhex maray. Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa waaxa uu Dalsan u sheegay in xaaladu ay iminka tahay mid degan balse ma shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray labada ciidan. Dagaalka ayaa la sheegay in uu socday Waqti kooban waxaana lagu murmay dhismaha Xaruntii hore ee Shirkadda Coca cola ee ku leedahay Xaafadda Taleex, gaar ahaan Nawaaxiga Carwadii hore ee qaranka oo ka tirsan degmada Hodan. Goob joogayaal ayaa sheegay in Ciidan qaab beeleed u abaabulan ay halkaasi saldhig ka dhigtayn Islamarkaana ay doonayaan in laga dhigo meel lagu iibiyo qaad balse ay diidayn Ciidan ka tirsan Dowlada Soomaaliya waxayna arintaasi ay sababtay in uu dagaal ka dhaco xaafadaasi. Lama ogo ilaa hadda inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in uu jiro Khasaaro uu geestay dagaalkaasi. Labada Ciidan ee dagaalamay ayaa hada ku kala sugan goobihii ay joogeyn waxaana wali taagan xiisad u dhaxeysa, Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga ayaa hakad la giliyay, waxaana laga Cabsi qabaa in halkaasi ay Howlgal mar kale ka sameeyaan Ciidanka Dowladda si loo soo qab qabto raga Ciidamo beeleedka ah ee halkaasi ku sugan. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku dagaalamay degmada Hodan ee G/Banaadir. appeared first on Caasimada Online.
  4. Every year on 9th December, the eve of the World Human Rights Day, Human Rights Centre publishes an annual report on the situation of human rights in Somaliland. The purpose is to give attention to the human rights issues Somaliland faces and to provide recommendations to improve the situation. This report is based on research conducted in Hargeisa, Burao, Borama, Berbera, Las Anod and Erigavo. Detainees, journalists, eye-witnesses, victims, family members, lawyers, internally displaced people and civil society members were interviewed for this report. Additionally, HRC has two databases to document human rights issues. One for the arrest, detention and prosecution of journalists and another which documents all human rights abuses. The Republic of Somaliland declared separation from Somalia on 18th May 1991. Somaliland, a former British Protectorate, won its independence on 26 June 1960 and united with Somalia, an Italian colony, to form Somali Republic. The Somali Republic was a democratic country from 1960 to 1969 when the military took over the power in a coup. The military regime led by General Mohamed Siad Barre committed serious human rights violations. In 1991 the government collapsed after a decade of a bloody war. Somaliland announced its separation when the government of Siad Barre collapsed. Somaliland has a working political system based on a multiparty system. The last presidential election took place on 13th November 2017 and was won by the ruling party candidate, Muse Behi Abdi. The election results declared on 21st November 2017 were disputed by Abdirahman Mohamed Abdilahi, an opposition contender who called it fraud. The international observers praised the election. Our research found that the police continue to work in a militarized way and do not follow the law in conducting arrests and detentions. Because of absence of a police law, the institutions work under very few legal constraints. The civilian courts have no jurisdiction to hear cases against police officers and as a result there is little accountability. In 2017, the Human Rights Centre recorded a number of incidents where the police overstepped their mandate and abused their power. Somaliland police do not have operating procedures on the rules of engagement on how and when to use their weapons. Inmates faced violence including beatings as well as verbal abuse during arrest. The police officers who conduct arrests use excessive force to apprehend suspects. HRC documented a number of injuries and deaths caused by the police in 2017. The incidents recorded by HRC include deaths caused by the police. The other problems with the police include: Alarming sanitation, food and health care conditions of the overcrowded police stations; Arrests without warrant are the norm in Somaliland and the judiciary does little to oversee this police power and ensure that constitutional rights are not violated; Prolonged remand periods; No access for lawyer to the police stations to meet clients and advise them of their legal rights; Insufficient time for detainees and lawyers to prepare defense; No disclosure of evidence before trial and as a result defense lawyers only learn what the state evidence is when it is presented to the court; A majority of detainees prosecuted without lawyers; The use of excessive force by the police and the military in post-election demonstrations that occurred on 15th November 2017. Four civilians died and at least 9 others were injured. All were hit by gun bullets fired by the police and the military, according to eyewitnesses and victims; Arrests and detentions of people for civil issues including failure to pay debts. The other human rights issues this report covers are: Violence against women and girls including rape, domestic violence, female genital mutilation; Rights of minority clans; Intimidation of human rights defenders; Arrest and prosecution of politicians; and Detentions and prosecutions of journalists, as well as shutting down of media houses. During 2017, 25 journalists were detained in Somaliland and two of them were prosecuted. In addition the government blocked 6 websites. In the previous year (2016), 28 journalists were detained and 2 newspapers were closed down. RECOMMENDATIONS Human Rights Centre recommends the government of Somaliland to: End the discrimination and stigmatization of the minority clans and provide services and affirmative actions; End violence against women in Somaliland, and approve laws that protect women and girls. The required laws include a family law and sexual offences act; Legislate law ending female genital mutilation; Stop applying the criminal law to the media and journalists. Criminalization of media contradicts the Constitution and the Press Law of Somaliland as well as international human rights law. Civil laws and the Press Law shall be applied on all cases on media related issues; Allow the opening of new media houses including radio stations. The government shall reinstate the registration process of new media houses and transfer of those owners who want to handover to new people. At the same time lift the suspension from banned newspapers of Haatuf, Somaliland Times, al Haatuf al Arabia, Hubsad and Codka Shacabka, as well as banned websites; Reform the police of Somaliland to subject the police to the jurisdiction of the civilian courts and pass laws and procedures making the police accountable. Stop the arrests and detentions of people for civil cases. Stop all arbitrary arrests and detentions. The arrest and detentions should be based on the Constitution and the other laws of the country. Improve the conditions of the police stations. —————————-
  5. Ciidamada Puntland ee xerada 54 ayaa la isla meel dhigay iney ku howl galaan Magaca Dowlada dhexe iyagoo qayb ka noqon doonaa Barnaamijkii ahaa in Maamul Goboleed walbaa uu diyaariyo 3000(Sadex kun) oo askari oo ku howlgali doona Magaca Dowlada dhexe(Federal Forces), Xafladii maalmo ka hor ka dhacdey Garowe ee loogu wanqalay Ciidanka Puntland ee ku howlgali doonamagaca Federaalka ayaa durba muran ka daba yimid. Warar ay Warbaahinta Puntlandi heleen ayaa waxay sheegayaan in Dowlada Federaalka ay muran galiyeen bixinta Musharradks Ciidanka 54aad, waxaana muran k taagan yahay in Ciidanka Puntland ee Xerada 54aad ay qayb ka helaan dhaqaalaha iyo Qalabka lagu helo Magaca Federaalka ee Beesha Caalamku bixiyeen. Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Wasaarada Gaashandhiga oo laga sugayay bixinta Mushaarka ay meermeerin bilaabeen, Saraakiil ka tirsan Wasaarada Amniga Puntland oo Howshaas ku jiray ayaa Pi waxay u sheegeen in khaati ay ka taagan yihiin Rag ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Federaalka oo isdaba maryennwada. Wararku waxay kaloo sheegayaan in Xerada 54aad ay ku jirto liiska Ciidanka Dowlada Federaalka ee loo gudbiyo Deeq bixiyaadha, waxaana muuqata in Magaca Ciidanka Puntland ee Xerada 54aad la doonayo in lagu cuno Dhaqaale badan iyadoo aan Waxba lasoo gaarsiin Ciidanka Amaba ladoonayo in xoogaa dufan ah afka loo mariyo. Sargaal ka tirsan Wasaarada Amniga Puntland ayaa Puntlandi u sheegay in Qorshahaan Qarameynta Ciidanka uu u muuqdo mid qaawan oo aan mira dhal aan ahayn ama daacad laga ahayn, mar aan waydiiney Sargaalka su’aashaan ” Dhinaca Dowlada Puntland Maxay ka qabatay kiiskaan, Wuxuu ku jawaabay ” WAXBA” Dhinaca kalena Miisaaniyada Dowlada Puntland ee sanadka soo socda 2018ka oo Baarlamaanku ansixiyey maalmo ka hor kama muuqata miisaaniyad loo qoondeeyey Ciidankaas. Ciidanku Ilaa hada Ma aysan helin Musharkii bishaan Decembar iyo bishii ka horeysayba. Dhinaca Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Federaalka oo aan la xiriirney Way ka meer meereen iney ka hadlaan kiiskaan. Hoos ka Daawo xafladii la sheegay in Ciidanka Puntland ee Xerada 54aad lagu Qarameeyey mise Arintu waxay qayb ka ahayd Riwaayadii caan baxday “IGU SAWIR” oo hada ka bilaabatay Shaleemooyinka Puntland Puntlandi.com Garowe
  6. Dowladda Uganda ayaa bilowday inay ciidamadeeda Milatariga kala baxdo Soomaaliya, tanina waxay bilow u tahay dhammaadka ciidanka Amisom ee Soomaaliya ku sugan. 281 askari oo katirsan ciidanka Amisom ayaa ka bixidoona Soomaaliya tan iyo inta laga gaarayo 31 december, sanadkaan 2017, sida uu sheegay ku xigeenka afhayeenka milatariga Uganda Lt. Col. Deo Akiiki. Ugand ayaa ah waddankii ugu horeeyay ee ciidamadiisa usoo dira Soomaaliya, sannadkii 2007, si ay u taageeraan dowladda federalka oo dagaal kula jirta kooxaha argigixisada. Sida uu qeexayo heshiiska midowga Afrika iyo golaha ammanka, tirada ciidamada Afrikaanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa hoos loo dhigidoonaa illaa kun askari, dhammaadka sannadkaan. Qorshaha Midowga Afrika ayaa ah inay ciidankooda oo gaaraya 22,000 askari kala baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadka 2020, laakiin waa marka ciidanka Soomaaliya loo diyaariyo inay la wareegi karaan masuuliyadda ammaanka Soomaaliya. Puntlandi.com
  7. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyey magaalada Muqdisho xulka kubadda cagta Puntland. Madaxweynaha ayaa waxaa kulankani casho sharafta ah ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan geleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland oo cashada kadib la dardaarmay dhallinyarada xullka kubadda cagta dawladda Puntland ayaa ku adkeeyey dhallinta inay illaashadaan sumcadooda, sharaftooda iyo karoomadoodaba, isla markaana waxaa uu Madaxweynuhu xusay in intaasi ku dhowrsoomayaan iyadoo ay hagaajiyaan akhalaaqdooda, dabeecaddooda iyo diintoodaba. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhallinta u sameeyey balanqaadyo uu ka mid ahaa dhismaha iyo casriyaynta garoomada kubadda cagta Puntland, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dhowaan la dhigidoono qaar kamidda garoomada Puntland roogga cagaaran lana samayndoono tartamo, tababaro iyo dhammaan ciyaaraha kala duwan ee jira. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa dhallinta ku booriyey inay sameeyaan Alle ku xidhnaansho iyo dedaal badan si ay uga gungaadhaan himiladooda ah hanashada horyaalka kubadda cagta Soomaaliya ee maanta 08 December 2017 ciyaartiisii ugu horaysey laciyaaray, waxaana uu Madaxweynuhu u cadeyey dhallinyarada in ka dawladda ahaan la garabtaagan tahay tageero buuxda. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle ‘SWC’ u waydiiyey dhallinta Soomaaliyeed ee ku hirdamaysa tartanka kubadda cagta Soomaaliya maxsuul wanaagsan oo ay dhammaantood ku qancaan, waxaana uu Madaxweynuhu si gaara Alle u waydiiyey xulka kubadda cagta Puntland guul ay ku hantaan marlabaad koobka kubbad cagta Soomaaliya.
  8. Beeraleyda ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa dalbaday in laga caawiyo wax soo saarkooda, maadaama hadda ay aad ula tacaalayaan qashin badan oo beeraha ka buuxsamay, islamarkaana aanay awood badan u lahayn iney iska saaraan. Maxamed Cabdiraxmaan Matow waa gudoomiyaha iskaashatooyinka beeraleyda degmada baardheere, waxa uu u sheegay Goobjoog News in la joogo waqtigii la dhiirogelin lahaa, dhankoodana ay diyaar u yihiin iney wax soo saaraan. Biyo badan iyo sidoo kale qashin ayuu sheegay in beeraha ay galeen, taasina ay keentay in khasaare badan ay la kulmaan. “Beerihii waxaa haligay biyo iyo qashin, hadda waa aaran, laakiinse wixii aan soo saareynay waxaa qabsanaya qashin oo hadane lala dagaalaa oo laga ciribtiraa oo haddii loo helayo cagaf iyo wixii lamid ah, fasalkii hore wuu khasaaray oo biyaha xareedda iyo Wabiga ayaa baabi’iyay, beeraha waa is dhexyaal wixii ka fakadayna ma badna oo intii taagga saarnaa waaye” ayuu yiri guddoomiyaha. Ugu dambeyn, Maxamed C/raxmaan ayaa ku baaqay in sidoo kale laga caawiyo dhanka abuurka iyo helista cagafyo lagula dagaallamo qashinka. Goobjoog News Source
  9. Dhallinyarada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa bilaabay qorshe ballaaran oo ay ku doonayaan iney ku hormarinayaan magaaladaasi iyo sidoo kale guud ahaan gobolka Mudug. Dhallinyaradan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay iney qaban doonaan shaqooyin badan oo ku aadan bilic soo celinta oo ay ugu horreyso magaalada Gaalkacyo. Waxay dhallinyaradan ku mideysan yihiin magaca Horseedka Horumarka Mudug, waxaana ay doonayaan in si iskaa wax u qabso ah ay kusoo celiyaan bilicda Gaalkacyo. Dhallinyaradan ayaa isku daray qarashaad, waxaana ay ku qabanayaan howlaha ay dib ugu soo celinayaan bilicda Gaalkacyo. Duqa Magaalada Gaalkacyo, Xirsi Yuusuf Barre oo ka qeybgalay furitaanka ololahan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhallinyaradan is xilqaamay, wuxuuna tilmaamay iney qabanayaan dhallinyaradan shaqooyin ay garan waayeen dad kale oo badan. Guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayuu ugu baaqay iney ka shaqeeyaan horumarka iyo sidoo kale nabadda. Goobjoog News Source
  10. Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka UDAD ee Puntland Saciid Faarax Maxamed ayaa hoggaanka Puntland oo ugu horreeyo madaxweyne Gaas ku dhaliilay inuu hortaagan yahay hirgalinta nidaamka xisbiyada. Siyaasi Saciid oo wareysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay in Puntland aan loo diyaarinin nidaamka xisbiyada si looga gudbo in baarlamaanka ay madaxweynaha soo doortaan. Wuxuu sheegay in dimuqraadiyadda oo shaqeysa uu diidan yahay madaxweynaha Puntland islamarkaana uu jiro musuq badan. “Kolleyu waad ujeeddaan in madaxweynaha Puntland iyo xubnaha kale ee maamulka u sarreeya ay diiddan yihiin in nidaamka xisbiyada wax lagu soo doorto, sababtuna waxay tahay waxay waayi doonaan qaabka ay hadda wax ku helaan” ayuu yiri Saciid Faarax. Dhanka kale, Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka Puntland UDAD Saciid Faarax ayaan wax ka weydiinnay qorshe baarlamaanka Puntland ay dhowaan wadeen oo ku aaddan in baarlamaanku uu soo magacaabo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada. Waxa uu sheegay in taasi aysan wax isbedal ah ku keeni doonin murannadii siyaasadeed ee soo kala dhexgali jiray madaxweynaha maamulka iyo musharrixiinta oo ku aaddan in guddigaasi uu madaxweynaha magacaabo rag isaga u janjeera. Goobjoog News Source
  11. Barlamaanka Puntland Waxaa horyaal qorshe xeer loogu samaynayo guddiga xalinta khilaafka ee soo xulista Barlamaanka oo uu horay u soo xuli jiray Madaxwaynaha maamulkaasi mudadii Puntland ay jirtay islamarkaana musharraxiinta madaxtinimada Puntland u tartamaya ay dood iyo diidmo ka keeni jireen, iyagoo u arki jiray kuwo u xagliya Madaxwaynaha soo magacaabay islamarkaana ka reeba qof walba oo uu diidanyahay in uu ka mid noqdo barlamaanka Puntland waxaana murankaasi oo mararka qaarkood sababi jiray in musharaxiintu gudi kale magacaabaan, walow ugu dambayn uu guddiga rasmiga ah noqon jiray midka madaxwaynuhu soo magacaabo. Qorshahan cusub ee barlamaanku wado ayaa ilo xog-ogaal ah sheegayaan in uu sababay markii golaha wakiiladu ogaadeen in doorashadii oo sanad ka dhimantahay uu madaxwayne Gaas sii qorsheeyey ragga noqonaya 7-da xubnood ee uu ka kooban yahay Guddiga xalinta khilaafaadka ee soo xulidda barlamaanka soo socda. Xubno ka mid ah bulshada iyo Aqoonyahanka Puntland oo aan kala sheekesannay arrintaan ayaa soo dhoweeyey in la sameeyo xeer lagu soo xulo guddiga xalinta khilaafkaadka baarlamaanka si uu u noqdo mid sharci ah oo aan dood iyo saluugmo ka dhalan sidii horay u dhici jirtay marka xiliga doorashada la gaaro. Goobjoog News Source
  12. SAINT PAUL, MINN – On Sunday, U.S. Secretary of State Rex Tillerson announced the withdrawal of the United States from the United Nations-led Global Compact on Migration (GCM), claiming it would undermine the ability of the United States to enforce immigration laws at home. Minnesota State Representative Ilhan Omar (DFL-Minneapolis), the first Somali-American to be elected to a state legislature in the United States, released the following statement: “The United States of America was a beacon of hope and freedom to my family when we were seeking refuge, and it continues to be a beacon of hope and freedom to people around the globe who are living in extraordinary conditions without rights and surviving attacks by their own governments. These governments openly trample on the rule of law and the cause of fully equal human rights. This extreme action by the President, the Secretary of State, and their advisors is tarnishing generations of US leadership toward full human equality. It undermines decades of work, and it saddens me to say that I’m no longer surprised. We cannot say we are global leaders if we cannot find the moral courage to lead on behalf of the most vulnerable men, women and children on our planet.” Source: House.Leg.State.Mn.Us The post Rep. Ilhan Omar Statement on US Exit from Global Compact on Migration appeared first on Caasimada Online.
  13. Seven years ago, Ismail Ahmed set out to build a startup that could send cash electronically from the U.K. to Africa. He had $200,000 and a lot of experience in the money transfer business in his native Somalia. Today, London-based WorldRemit Ltd. sends money to 148 nations and has just raised $40 million in a deal led by LeapFrog Investments, an investment firm in London, the company said in a statement on Thursday. The Series C funding round values the fintech firm at more than $670 million, according to a person familiar with the transaction, who asked not to be identified because the matter is private. WorldRemit’s longtime backers, Accel Partners and Technology Crossover Ventures, invested in the deal. WorldRemit, which specializes in sending money via mobile phones, will use the cash to try to grow its customer accounts globally to 10 million from 2 million by 2020. The company is making a big push in transfers between the U.S., Asia, and Latin America. “The U.S. will grow our revenues as much as 40 percent over the next few years,” Ahmed, WorldRemit’s chief executive officer, said in an interview. But the company faces stiff competition from The Western Union Co., the longtime powerhouse in the $444 billion global remittance business, as well as other fintech firms such as Remitly Inc., a Seattle-based company that raised $115 million in a private fundraising deal in October. WorldRemit is on course to record 60 million pounds ($81 million) in net revenue this year, a 46 percent jump from 2016, according to Ahmed. The company is looking at a potential initial public offering in two to three years, he said. Source: Bloomberg The post How to Turn $200,000 Into a $670 Million Business appeared first on Caasimada Online.
  14. Maamulka degaanka Lafoole ee Shabeellaha Hoose ayaa cabasho ka muujiyay isbaaro ay sheegeen in ay dhigteen ciidanka Millateriga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Guddoomiye xigeenkii arrimaha bulshada degaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose Mukhtaar Nuur Geeseey oo lasoo xiriiray Goobjoog News, ayaa sheegay in baabuur badan oo isugu jira BL-ka iyo kuwa xamuulka ay ku xaniban yihiin inta u dhaxaysa Xaawa Cabdi iyo Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye. Waxaa uu ugu baaqay wasaaradaha gaashaandhigga iyo tan arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya in arrintaasi ay soo farogeliyaan, islamarkaana taliyaha ciidanka xoogga iyo abaanduulahaba uu ugu baaqayo in ciidanka milateriga ee isbaarada dhigtay Xaawa Cabdi tallaabo laga qaado. “Waxay dhaheen ciidankaan maamulka ayaan la macaamilnay, marka waa been taas, ciidamadan Milatari waaye, waxay lacag ka qaadayaan gaadiidka, waxaan ugu baaqayaa wasaaradda gaashaandhigga in sida ugu dhaqsiyaha badan isbaaradan lagu qaado” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka. Dhanka kale, taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolk Shabellaha Hoose weli kama aanay hadal arrinkaan. Goobjoog News Source
  15. Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in dib u heshiisiin ka dhex bilaabayaa beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay deegaanno hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe. Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa sheegay in maamulkooda diyaar u yahay inuu dhameeyo wax walbo oo ku aadan dagaal beeleedyadan. Dowladda Federaalka ayuu ka codsaday mudane Guudlaawe iney ka qeybqaataan dib u dejinta dadkii kasoo barakacay deegaannadii lagu dagaallamay. “Annaga aad ayaan uga xunnahay wixii dhacay, waxaan diyaar u nahay inaan bilowno wadahadalka Labadan beel, dowladda Federaalkana waxaan ka dalabneynaa iney ka qeybqaataan dib u dejinta shacabkii soo barakacay iyo dhismaha guryahii la gubay” ayuu yiri Guudlaawe. In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, welina xal kama dambeys ah lama gaarin. Goobjoog News Source
  16. Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaaden Xerro ay degnaayen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland. Weerarka oo ku bilowday Hubka culus ayaa ka dhacay Af-urur ee Gobolka Bari, waxaana la weeraray Xerada ay ciidamada Daraawiishta Maamulka ku leeyihiin Af-urur. Maleeshiyaadka weeraray xerada ayaa watay Gaadiid dagaal waxaana lasoo sheegayaa in halkaa ay ciidamada maamulka kula dagaalamayeen ku dhawaad Saacad xiriir ah, wallow Saraakiisha maamulka ay sheegen inay iska caawiyeen. Inta uu dagaalka socday labada dhinac ay isku adeegsanaayay Hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka lagu kala furtay Gaadiid iyo Hub oo ay lahaayen labada dhinac. Saraakiisha maamulka ayaa sheegtay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay ka dileen dhowr maleeshiyo, halka sidoo kale ay ka furteen gaadiid ay kusoo duulaan tageen. Waxa ay intaa ku dareen Saraakiisha in maleeshiyada weerarka kusoo qaaday Xerada aysan awoon halka ay xerada ku tiilay balse ay ahaayen kuwo weerarkooda uu ahaa mid difaac ah, maadaama ay kusoo dhex dhumeen ciidamada, isla markaana kasoo habaabeen wadadii ay u socdeen. Sidoo kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay Puntland uga dileen Saraakiil iyo Askar, isla markaana ay ku furteen Hub kala duwan, sida ay warbaahinta u sheegen. Saraakiisha ay weerarka ku dileen ayay sheegen inay gaarayaan ilaa laba Sarkaal, halka tirade kale ay ahaayen Askar ka tirsan Daraawiishta Puntland. Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyaad baxsad ka ah duqeymaha ay gudaha u galeen deegaanada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Xero ay degnaayen ciidamada Puntland & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay weerarka appeared first on Caasimada Online.
  17. Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dalka Maraykanka dib loogu celiyey 92 Soomaali ah, kuwaasi oo dalkaasi si musaafurin ah looga soo waday. Diyaaraddii sidday dadkaan ayaa la xaqiijiyey in ay ka degtay magaalada Dakar ee caasimadda dalka Senegal, balse hadane dib ay ugu laabatay dalka Maraykanka. Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Maraykana ayaa sheegtay iney jirto sabab dadkaasi loo celiyey balse si cad uma aanay faah faahin. Warar kale oo soo baxaya waxay sheegayaan in ay jirto cillad soo wajahday diyaaraddan, balse warkaasi si cad looma hubo. Maraykanka ayaa dhowr jeer waxay dalka keeneen Soomaali badan oo lasoo musaafuriyey. Goobjoog News Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in dhawaan dib loo hoolgaliyo Dekadda Hobyo, kadib markii qalabka loo isticmaalaayay Maraakiibta iyo howlaha kale ay bilaawdeen in la dhigo Dekadda. Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf, ayaa sheegay in dadka Galmudug ay dhawaan ka hanta dhoonaan Dekadda isla markaana Ganacsatadu ay kala soo dagi doonaan badeecooyinkooda. Xaaf waxa uu sheegay in iminka ay soo iibiyeen qaar kamid ah qalabka lagu howlgalin lahaa Dekadda waxa uuna tilmaamay inay harsan yihiin keliya howlo fudud oo dhawaan lasoo gabagabeyn doono. Waxa uu tilmaamay in iminka ay iibiyeen shactar casri ah kaas oo maalmahan nagu soo aadan gaari doono xeebta magaalada Hobyo. Shactarkan ayaa dhawaan kusoo xirtay Dekadda weyn ee Xamar waxaana gudaha asbuucan loo gudbin doonaa magaalada Hobyo. Sidoo kale, Ganacsatada maamulka ayuu u sheegay inay u furan tahay Dekadda isla markaana laga sugaayo inay ka gaabiyaan Dekadaha kale si ay u shaqo galiyaan Dekadooda. Muuqaalka guud ee Dekadda ayaa ah mid ay ka muuqdan duruufo kala duwan waxaana jira qeybo dhowr ah oo uu maamulka ka gaari wayay dayactirkiisa. The post Sawirro: Dekkada Hobyo oo shaqa bilaabeysa & Qeyb kamid ah Qalabka oo ku xaniban Dekadda Xamar appeared first on Caasimada Online.
  19. Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in qeybo kamid ah deegaanada hoostaga maamulka ay galeen maleeshiyaad hor leh oo ka tirsan al-Shabaab. Maleeshiyaadkan ayaa lasoo warinayaa inay wateen gaadiid dagaal, halka qaarna ay fara marnaayen, kuwaa oo baxsad ka ahaa diyaaradaha dagaalka ee duqeymaha geysta. Maleeshiyaadka ugu badan ayaa la xaqiijiyay inay gudaha u galeen Magaalada Caabudwaaq kuwaa oo isku muuqaal ekeysiiyay qaabab cusub sida musaafuriin iyo kuwo faramaran. Maleeshiyaadka hubeysan ee wata gaadiidka ayaa iyaguna la sheegay inay ku sugan yihiin deegaano duleedka ka ah Magaalada Caabudwaaq. Dadka deegaanka oo arrintaan ka hadlaayay ayaa sheegay inaysan u dulqaadan doonin qulqulka maleeshiyaadka al-Shabaab isla markaana ay qaadi doonaan talaabo ay uga hortagayaan. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale maamulka ugu baaqay inay ka hortagaan al-Shabaabka baxsadka ah ee deegaanka ka dhiganaaya Magaalada Caabudwaaq iyo deegaanada hoostaga. Arrintan ayaa imaaneysa xili boqolaal maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ay isaga baxeen Saldhigyo badan oo ay ku lahaayen Gobolada dalka sababo la xiriira walaaca duqeymaha. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Al-Shabaab hor leh oo gudaha u galay deegaano nabdoonaa oo hoostaga Galmudug (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Mareykanka ayaa shaaciyay inay cilad ku imaaday diyaarad rakaab oo ay la socdeen Soomaali laga soo tarxiilay dalka Mareykanka. Diyaaradan oo siday Soomaali dhan 92 ruux, ayaa si kedis ah uga degtay dalka Senegal, sababo la xiriira cilad keentay qalqal waxa ayna dib ugu laabatay dalka Mareykanka. Dadkan Soomaalida ah ayaa intooda badan laga soo kala qabtay gobolada dalka Mareykanka, kadib markii lagu eedeeyay inaysan heysan sharciga dal ku jooga. Sarkaal u hadlay Waaxda Socdaalka Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday in dhammaan dadkii saarnaa diyaarada dib loogu celshay dalka Mareykanka inta ay ka helayaan diyaarad wanaagsan oo kasoo dajisa magaalada Muqdisho. Sarkaalka waxa uu tilmaamay in diyaarada ay cilada ku timid xili ay ku jirtay hawada, taana ay ugu wacneyd in la dajiyo. Talaabadan ayaa imaaneysa xili Madaxweynaha Mareykanka uu adkeeyay sharciyada lagu galo iyo kan lagu joogo dalka Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Diyaarad siday Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka oo hawada ku ciladowday appeared first on Caasimada Online.
  21. Sida uu Gooboog News u sheegay sarkaal ka tirsan maamulka Koonfur galbeed waxaa galabnimadii jimcaha weerar ay ku qaadeen deegaanno ay ku sugnaayeen xarakada Al-shabaab oo ku dhaw Buur-hakaba. “Weerarka waxaa uu dhacay galabta, 2 qof ayaan ka dilnay, waxaan sidoo kale ka soo qaadanay qoryo, gaari iyo qalab kale” sidaasi waxaa Goobjoog News sarkaal ka tirsan madaxtooyada Koonfur Galbeed oo diiday in magaciisa la xuso. Madaxweynaha Koonfur galbeed Sharif Xasan oo todobaadkii hore ka hadlay shirka amniga ee Muqdisho ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhibaato ku heyso deegaannadiisa isaga oo codsaday in dib loo dhigo bixitaan AMISOM. Goobjoog News Source
  22. Diyaaradd Siday ku dhawaad 92-qof ayaa ku laabatay jimcihii dalka Mareykanka kadib markii ay ku timid cilad. War kasoo baxay Waaxda Socdaalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay cilad soo wajahday inta aysan ka daganin Garoonka diyaaradaha magaaladda Deka ee Caasimadda dalka Senegal ee qaaradda Afrika. Dadka diyaaradda sarnaa waxaa ku jiray 4- reer Minnesota ah oo aan haysanin sharciga lagu joogo dalka Mareykanka,waxaa gacanta ku dhigay waqtiyo kala duwan Ciidamadda Booliska dalkaas. Dhanka kale war kasoo baxay Waaxda Socdaalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dadkaan ay haatan ku laabteen dalkaas,islamarkaana qorshaha uu yahay in mar kale ay safar soo noqdaan. Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Trump Boqolaal Soomaali ah oo Sharci daro ku jooggay dalka Mareykanka ayaa dib loogu soo celiyay Soomaaliya. Horey waxaa Soomaliya usoo gaaray diyaarad sidday in ka badan 50 qof oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka. Mas’uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa sheegay in dadkan ay ku jireen xabsiyo ku yaalla Maraykanka, halka qaar kalena ay ku guuldarraysteen inay magangelyo helaan. PUNTLAND POST The post Cilad Ku Timid Diyaarad Sidday Soomaali Laga Soo Masaafuriyay Mareykanka appeared first on Puntland Post.
  23. Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in diyaarad siday ku dhawaad 92 qof oo Soomaali ah oo laga masaafuriyay dalka Mareykanka in diyaaradii siday ay cilad ku timid. Dadkaan ayaa heysan sharciga lagu jooggo dalka Mareykanka, waxaana dhawaan laga soo qabtay qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka. Diyaaradda siday dadkaan ayaa ka degtay Magaalada Deka ee Caasimadda dalka Senegal, waxaana intaasi ka dib ay dib ugu laabatay dalka Mareykanka. Waaxda Socdaalka Mareykanka ayaa xaqiijisay in dadkaasi hadda lagu soo celiyay Mareykanka. Waaxda ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda siday dadkaasi ay cilado ku timid xilli ay hawadda ku jirtay , islamarkaana ay go’aansadeen in dadkaasi dib loogu soo celiyo Gudaha Mareykanka oo markii hore laga tarxiilay. Cumar Jamaal oo ka mid ah Sharci yaqaana Soomaalida ee kunool Mareykanka ayaa VOA u sheegay in arintaasi ay walwal ku abuurtay. Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Trump Boqolaal Soomaali ah oo Sharci daro ku jooggay dalka Mareykanka ayaa dib loogu soo celiyay Soomaaliya. The post Diyaarad ay la socdeen Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka oo cilad ay ku timid appeared first on Caasimada Online.
  24. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya. Mudane Mahdi Ayaa maanta ka qeybgalaya munaasabada xuska 12aad ee 29ka Hidhaar maalinta Qowmiyadaha dalkaas Itoobiya oo ka qabsoomi doonta xarunta dawlad deegaanka canfarta ee magaalada samara. Raiisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) ayaa halkaasi ka jeedin doono Qudbad isaga oo ku hadli doono afka Dowlada Soomaaliya. Dhanka kale Mudane Mahdi ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dalkaas, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka, iskaashiga iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dawladood. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ra’isilwasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo Maanta ka Qeeybgalaya Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  25. Diyaaradaha maamulka Israel ayaa waxaa ay duqeyn ka geysteen dhowr goobood oo ay ku sheegeen in ururka Xamas ku sugnaayeen. Maamulka Israel ayaa waxaa ay intaasi ku dareen in goobaha ay la beegsadeen duqeynta ay ka mid yihiin meel lagu sameeyo hubka, laguna keydiyo rasaasta kadib markii ay ku soo weerareen falastiiniyiin hubeysan gantaallo. Ugu yaraan 2 qof oo Falastiin ah ayaa ku dhimatay halka tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen duqeyntaas ay Israel geysatay. Tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Donald Turmp uu ku dhawaaqay in Qudus ay caasimad u tahay Maamulka Israel ayaa waxaa dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeya Irael iyo Falastiin kuwaasi oo keenay in waxyeello ay soo gaarto qaar ka mida dadka reer falastiin. Sidoo kale dibabaxyo lagu diidanyahay hadalkii Trump ayaa waxay ka dhaceen magaalooyin badan oo dunida ka mida kuwaas oo lagu cambaareynayo in Israel ay caasimad ka dhigato Qudus. Goobjoog News Source