Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,098
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waa qoraal CIA ay qortay 4 Maajo 1960-kii oo faahfaahinaya sida ay Itoobiya uga dagaalantay, ugana soo horjeedday midnimadii Koonfur iyo Waqooyi ee 1960. Waxay ku eedaysay Ingiriis iyo Talyaani in ay qorshahaasi ka dambeeyeen si ay u sii joogaan Bariga Afrika ayadoo inkirsan rabitaanka Somaaliweyn. Luulyo 1, 1960 waa maalin ku weyn quluubta Soomaalida. Waa maalin laga madax bannaanaaday gumeysiga, sidoo kale ay xaqiiq dhab ah noqotay qeyb ka mid himilada mideynta Soomaaliweyn, waxaa midoobay laba gobol, halka saddexda kale ay riyo yihiin illaa iyo maanta. Maalintaas waa maalin heeso, mashxarado, farxad, salaamo iyo hambalyo la is dhaafsado. Itoobiya maxay ka aaminsanayd maalintaas? Dad baa ka xajiimooda marka la yiraahdo dalka Itoobiya waa cadaw soo jireen ah. Qoraalkaan oo ay qortay CIA laba billood ka hor xuriyaddii iyo midnimmadii Koonfur iyo Waqooyi, wuxuu ka hadlayaa xaalka deegaanada kala duwan ee geyiga Soomaaliyeed; dareenka Soomaaliyeed iyo welwelka Itoobiya ay ka qabto xurnimada Soomaalida gaari doonto iyo tallaabooyin ay waddaniyiinta Soomaaliyeed qaadi doonnaan xurriyadda kaddib si himilada Soomaaliweyn ay u xaqiijiyaan: 1- Baarlamaanka Koonfur oo dadaal ugu jira sidii afti midnimo Soomaali weyn oo UN-ka hoggaamiyo looga qaadi lahaa dhammaan dhulka Soomaaliya. 2- Waqooyi oo u heelan xurriyaddooda maalmo ka hor Luulyo, ayagoo hoggaamiyayaashoodu ay booqdeen koonfur kuna heshiiyay in ay midoobaan 1 Luulyo. 3- Itoobiya oo ka baqaysa Muslimiin xooggan oo la deris ah, iyo in Ogaden laga rito, waxay hammiga midnimada kula jirtaa dagaal xoog leh. 4- Itoobiya waxay cambaaraysay midnimada Waqooyi iyo Koonfur ayadoo ku eedaysay Ingiriiska iyo Talyaaniga in ay qorshahaasi ka dambeeyaan si ay u sii joogaan Bariga Afrika, ayadoo inkirsan in Soomaalida ay sidaasi go’aansadeen. Qoraalka qeybka dambe wuxuu saadaaliyay in gaajada iyo dhaqaala darada Soomaaliya ka jirtay xilligaas dartiis, ay is khilaafi doonnaan Talyaaniga, Ingiriiska iyo Maraykanka oo isku dhinac ah iyo Soomaalida, taas oo marka dambe keenni doonta in Carab iyo Shuuciyiinta ay saameyn xoog leh ku yeelan doonnaan Soomaaliya. Waa dhacday, Soomaaliya waxay ku biirtay ugu dambeyn Jaamacadda Carabta, waxayna xiriir la yeelatay midowgii Soviet, Hantiwadaagna waan qaadannay. Dowladda aan walaalaha iyo deriska nahay! W/Q: Hassan Adam Hosow The post Dokumenti ay baahisay CIA oo shaaca ka qaaday Ethiopia iyo qorshihii jiritaanka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  2. Waxaa saaka si rasmi ah Dekadda magaalada Boosaaso uga dhaqan galay go’aamadii ay Isimada Puntland ka soo saareen murankii u dhexeeyay Dowladda iyo ganacsatada. Shirkadda P&O Ports ee maamusha Dekadda Boosaaso oo la gaarsiiyay go’aanadaas maalintii Khamiis ayaa qaadatay Tariifadii kumeel gaarka ahayd ee ay Isimada Puntland soo saareen, waxaana hadda si habsami leh u socda shaqada Dekadda oo muddo hakad ku jirtay. Arbacadii la soo dhaafay Isimada Puntland ayaa soo bandhigay go’aano ay ka gaareen muranka Dekadda Boosaaso ee u dhexeeya Dawladda iyo ganacsatadu, kuwaas oo kala ahaa. In laga wada shaqeeyo nabadgelyada. Dawladdu inay soo bandhigto hashiiska balaarinta Dekedda Boosaaso In la taageero Mashaariicda horumarineed ee Puntland In Tariifada ay soo saareen Isimada ee ku meel gaarka ah lagu dhaqmo. Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa ogaatay in Tariifada kumeel gaar ah ee ay Isimadu soo saareen isbedel weyn lagu sameeyay Tariifadii hore ee dowladu soo saartay, waxaana u dhexeeya farqi kala bar ah. Dawladda Puntland iyo shirkadda DP World ee Wadanka Isutaga Imaraadka Carabta ayaa 6 April 2017 magaaladda Abu-dubai ku kala saxiixday heshiis 30 sanno ah oo lagu ballaarinayo laguna casriyaynayo Dekadda magaalada Boasaaso. Heshiiska waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Dekadaha Siciid Maxamed Raage halka dhinaca DP World uu usaxiixay Maamulaha shirkada DP World Sultaan Ahmed Bin Suleyman. Lacagta lagu maalgalinayo Mashruucan ayaa qiimo ahaa dhan $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo Sodon iyo Lix Milyan), iyadoo Shirkadda DP world ay wajiga kowaad ee mashruuca ku bixinayso 200 milyan oo dollar, wajiga labaadna 136 milyan oo Doolar. Heshiiska ayaa sidoo kale wuxuu dhigayaa in dhismaha Dekadda lagu dhamays tiri doonaa mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay, wuxuuna socon lahaa mudo 30 sanadood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda heshiiska la saxiixay, sidoo kale DP World ayaa bixisay lacag dhan 15 Milyan oo hormarin ah, taas oo Puntland qaar kamid ah ku kabtay Kaabayaasha dhaqaalaha sida Garoonka Diyaaradah Garowe iyo Wadda Ceel doohir iyo Ceerigaabo. Baarlamaanka Puntland ayaa 27 July 2017 Kal fadhigoodii 39-aad ku ansixiyey heshiiska Shirgadda DP World ay ku dhisayso Dekadda Boosaaso, iyagoo ka dooday heshiiskaas su’aalana ka weydiiyey Wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage. 56 Mudane oo k aka tirsan Baarlamaan Puntland ayaa cod gacantaaga ugu codeeyey heshiiska shirkadda DP World iyo Puntland ee ballaarinta iyo casriyeynta Dekada magaaalada Boosaaso. Shirkadda P&O Ports oo qeyb ka ah DP World ayaa 12 October 2017 si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka Dekadda Boosaaso, waxaana munaasabadii wareejinta goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Puntland, Maamulka Goboka Bari, Nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka iyo wakiilo ka socday shirkadd. Intaas kadib ganacsatada ayaa muranka ka keenay kordhin lagu sameeyay khidmadaha laga qaado badeecooyinka ka soo dega Dekadda, kaas oo hakad galiyay howlihii Dekadda iyo guud ahaan ganacsiga Puntland, waxaana dhowr jeer Boosaaso ka dhacey mudararaadyo looga soo horjeedo arintaas. Ugu danbeytii waxaa muranka Dowladda iyo ganacsatada soo kala dhexgalay Isimadda Puntland oo ka soo saaray go’aamadii aan kor ku soo sheegnay. PUNTLAND POST The post Go’aanadii Isimada Puntland oo ka dhaqan galay Dekadda Bososo appeared first on Puntland Post.
  3. Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa-bannaan ee Somaliland (Human Rights Centre) ayaa soo bandhigtay warbixin sadeedka 2017 ee xaaladda xuquuqda Aadamaha ee Somaliland iyo gabood-fallada ay diiwaangaliyeen ee sanadkan sii dhamaanaya ee 2017-ka. Munaasibadda lagu soo bandhigayay warbixin sanadeedka xaaladda xuquuqda aadamaha ayaana waxa kasoo qayb-galay, madaxda ururada maxalliga ah ee Somaliland, weriyeyaal, qareenno iyo qaar kamid ah difaacayaasha xuquuqda aadamaha. Tacaddiyada ka dhanka xuquuqda aadamaha ee sanadkii 2017ka ka dhacay Somaliland ee ay diiwaangalisay xarunta xuquuqul insaanka Somaliland isla markaana lagu soo bandhigay wabrixin sanadeedkan 2017ka ayaa waxa kamid ah tacaddiyo ay ciidamada boolisku u gaysteen dad shacab ah oo mudaharaaday muddadii lagu gudo jiray doorashada, iyadoo tacaddiyadaasi ay ku geeriyoodeen dad shacab ah. Sidoo kale, xarunta xuququl insaanka madaxa bannaan ee Somaliland waxay soo bandhigtay tacadiyada ka dhanka ah; Dumarka, beelaha la hayb sooco, difaacayaasha xuquuqda aadamaha, Xadhiga ka dhanka siyaasiyiinta Mucaaridka ah iyo tacaddiyada ka dhanka saxaafadda oo qaar kamid ah hay’adaha warbaahinta Somaliland ay xidhan yihiin muddo sanado ah. Guuleed Axmed Jaamac, Guddoomiyaha xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ayaa ka warbixiyay tacaddiyada sanadkan ee ay soo bandhigtay xaruntoodu ayaa waxa uu rajo ka muujiyay in tacaddiyada ka dhanka xuquuqda aadamaha ay dawladda cusub ee madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi ay wax badan ka qaban doonto, isagoona ka codsaday in warbaahinta xayiran laga qaado xariyaaradda isla markaana la joojiyo cabudhinta iyo tacaddiyada ka dhanka ah saxaafadda. Goobjoog News Source
  4. Muqdisho, December 9, 2017–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey maalinta caalamiga ah ee ku astaysan la dagaalanka musuqmaasuqa, ayaa hadal adag ku yiri “Xukuumadaydu haba yaraatee wax dulqaad ah u yeelan doonto musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta, isla markaana waxaan dadaal badan ku bixin doonaa sidii loo ciribtiri lahaa musuqa”. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in dawladdu ay dedejisay ansixinta sharciga dhismaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa, oo baarlamaanku meelmariyey bishii hore, isagoo caddeeyey in ay qaadeen tallaabooyin dheeri ah oo ay ka mid tahay magcaabista Hanti-dhawre Guud iyo Xisaabiye Guud oo shaqo-yaqaanno ah. Waxuna raaciyey in bilaha soo socda la qaadi doono tallaabooyinka iyo hanaanka hay’adeed ee ku xusan xeerka la-dagaalanka musuqmaasuqa oo ka mid tahay magcaabista guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo hay’adaha kale ee hufnaanta. “Hambalyo maalinta la-dagaalanka musuq-maasuqa, Xukuumadeyda waxaa ka go’an la dagalanka musuqa iyo dib-u-soo celinta dawlad wanaagga, waxaan horumar gaari karnaa markii aan ka guuleysano musuqa”ayuu yiri R/W Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay haystaan caqabado badan oo uu ka mid yahay musuqmaasuqa oo ka dhashay tobanaan sano oo sharci-darro ay ka jirtay dalka, tanina ay curyaaminayso hiigsiga horumarineed iyo koboca dhaqaalaha. Waxana uu intaa ku daray in iyadoo la garawsan yahay xajmiga dhibaatadan, ay xukuumaddu mudnaan weyn siisay xakamaynta musuqmaasuqa iyo meelmarinta maamul wanaagga. Puntlandi.com
  5. Muqdisho, Disembar 9, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey fagaare ay ka soo qeyb galeen Madaxda Afrika ee shirkan qeybta ka ah, maamulayaal bangiyo caalami ah, ganacsato, khubaro dhaqaale iyo maal-qabeenno ayaa yiri “kulamadani waxa ay muujinayan baahida aan u qabno in aan abuurno jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso. Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.“ Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago. “Soomaaliya waa dal hodan ku ah macdanta noocyadeeda kala duwan, gaaska dabiiciga ah iyo saliidda kuwaas oo dhammaantood soo jiidanaya indhaha maalgashade-yaasha Afrika iyo caalamkaba, waxaan kale oo leennahay xeebta ugu dheer Afrika iyo dhul aad u ballaaran oo ku habboon beeraha iyo wax soo saarka taas oo suurta gelineysa in Soomaaliya ay hormuud u noqoto haqab-tirka baahiyaha cunto ee Qaaradda Afrika.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka. Puntlandi.com
  6. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta 09 December 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah shacabka magaalada Garoowe. Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii amniga qaranka Soomaaliya iyo kii beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dhammaan shirarkaasi kala duwan ay kusoo dhammaadeen guul, maxsuul wanaagsanina kasoo baxay. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka amniga qaranka Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhiyey geedi socodka dawladdnimada qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu in shirkani lagu dhisidoono ciidan Soomaaliyeed oo Soomaali oo dhan ka dhexeeya, astaan qaranle, ka qayb-qaata amniga iyo xasilinta dalka. Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa xusay in 2400 oo cidanka dawladda Puntland ahi ay qayb-noqon doonaan ciidanka qaranka Soomaaliyeed ee hadda layagleelayo dhisitaankiisa iyo isku dhafkiisa. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirka madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka looga hadlay arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in labada ajandeba ay muhiim u ahaayeen qaranka Soomaaliyeed. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland ” Shirka Amniga Qaranka Soomaaliya Wuxuu kusoo Dhammaaday Guul iyo Maxsuul Wanaagsan”. appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey fagaare ay ka soo qeyb galeen Madaxda Afrika ee shirkan qeybta ka ah, maamulayaal bangiyo caalami ah, ganacsato, khubaro dhaqaale iyo maal-qabeenno ayaa yiri “kulamadani waxa ay muujinayan baahida aan u qabno in aan abuurno jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso. Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.“ Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago. “Soomaaliya waa dal hodan ku ah macdanta noocyadeeda kala duwan, gaaska dabiiciga ah iyo saliidda kuwaas oo dhammaantood soo jiidanaya indhaha maalgashade-yaasha Afrika iyo caalamkaba, waxaan kale oo leennahay xeebta ugu dheer Afrika iyo dhul aad u ballaaran oo ku habboon beeraha iyo wax soo saarka taas oo suurta gelineysa in Soomaaliya ay hormuud u noqoto haqab-tirka baahiyaha cunto ee Qaaradda Afrika.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka. Gooboog News Source
  8. Sharma Sheekh (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey fagaare ay ka soo qeyb galeen Madaxda Afrika ee shirkan qeybta ka ah, maamulayaal bangiyo caalami ah, ganacsato, khubaro dhaqaale iyo maal-qabeenno ayaa yiri “kulamadani waxa ay muujinayan baahida aan u qabno in aan abuurno jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso. Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.“ Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago. “Soomaaliya waa dal hodan ku ah macdanta noocyadeeda kala duwan, gaaska dabiiciga ah iyo saliidda kuwaas oo dhammaantood soo jiidanaya indhaha maalgashade-yaasha Afrika iyo caalamkaba, waxaan kale oo leennahay xeebta ugu dheer Afrika iyo dhul aad u ballaaran oo ku habboon beeraha iyo wax soo saarka taas oo suurta gelineysa in Soomaaliya ay hormuud u noqoto haqab-tirka baahiyaha cunto ee Qaaradda Afrika.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Madaxweynaha oo ugu baaqay Madaxda Afrika in la iska kaashado abuurista jawi maalgashi. appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xiriirka kubada Cagta jubbland ayaa Soo saaray Dacwad ka dhan ah xulka kubada Cagta Gobolka Benaadir kadib Markii shalay Benaadir uu u Ciyaaray Ciyaaryahan Ajanabi ah oo u dhashay Kenya una Ciyaara mid kamida kooxaha Heerka kowaad ee Caasimada. Dacwadaan ayaa timid kadib markii shalay muran la geliyay Jinsiyada Ciyaar yahan u Ciyaarayay xulka gobolka Banaadir tartanka Maamul Goboleedyada ee ka furmay Magaalada Muqdisho. Ciyaaryahaanka u Ciyaarayay Xulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu Magacaabaa Abdimajid Cusmaan Ibraahim “Xusni” waxaana baraha Bulshada dadka qaarkood ay ku shaacinayeen in uu yahay Kenyati. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Jubbaland oo soo saartay Dacwad ka dhan ah gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
  10. Hay´adda sirdoonka dalka Norway ayaa xabsiga dhigtay haweeney 30-sano jir Soomaali ah, taas oo ku eedeysan inay u socotay dalka Siiriya, si ay ugu biirto kooxda Daacish. Haweeneydan ayaa markii hore lagu qabtay dalka Italy, kahor inta aan loo soo gudbin Norway, sida laga soo xigtay wargeyska VG. Sirdoonka Norway ayaa haweeneydan xabsiga dhigay isla habeenimadii talaadada oo Norway laga soo dajiyay. Haweeneydan ayaa la sheegay inay u socotay dalka Siiriya, si ay ula kulanto nin ay xiriir lahaayeen, kaas oo katirsan kooxda Daacish, kuna sugan Siiiriya. Maxkamada Oslo ayaa ogolaatay in haweeneydan xabsiga la dhigo afar isbuuc oo kumeel gaar ah. Qeybo kamid ah warbaahinta dalkan Norway ayaa qorayay in haweeneydan ay heysato dhalashada Norway, balse waxaa gadaal kasoo baxday inay heysato magangalyo kumeel gaar ah, ayna dalkan Norway soo gashay sanadkii 2013-ka. Sida ay sheegtay haweeneydan soomaalida ah, waxaa jiro qalad iyo isfahan daro ku saabsan arintan. Balse hey´adda sirdoonka Norway ayaa sheegtay inay arinteeda la socdeen mudo dheer, ayna markii hore kasoo bilaabatay kiis kale oo laga soo gudbiyay dalka England. Hey´adda sirdoonka Norway ayaa ka gaabsatay inay faah-faahin ka bixiso kiiska haweeneydan Puntlandi.com
  11. Washington (Caasimadda Online) – Sheldon G. Adelson oo ah Ganacsade Yuhuud ah islamarkaana ah Bilyaneer ayaa $20 Milyan oo doollar ku bixiyay ololaha doorashadii Donald Trump ee 2016kii,waxaana uu uga beddeshay ballan qaad ahaa in uu Caasimadda Israel u aqoonsanayo Quddus haddii la doorto. Markii uu Donald Trump ku soo baxay doorashada,Ganacsadahan iyo Bulshada Yuhuudda ah ee ku nool Mareykanka ayaa billaabay in Trump ay ku cadaadiyaan in uu fuliyo. Waxaase dib u dhigaya Wiilka uu Soddogga u yahay ee Jared Kushner oo laftiisa Yuhuudi ah sidoo kalena ah lataliyaha Trump ee Bariga dhexe ayaa Donald Trump kula taliyay in marka hore uu dhiso xiriirka Waddamada Carabta iyo Mareykanka oo doorashadiisii ka diday. Markii uu Trump booqday Bariga dhexe ee uu la kulmay Madaxda Carabta ayuu intooda badan la galay heshiisyo waaweyn oo Balaayiin doollar ku kacaya. Waxaana Trump uu 6dii Bishan ku dhiiraday in Quddus tahay Caasimadda Israel,waxaana uu fuliyay ballankii uu la galay Ganacsatada taakuleeyay ololihiisii doorashada ee Sheldon G. Adelson . Ninkan Ganacsadaha ah waxaa uu xiriir dhow la leeyahay Ra’isalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah ee u ololeeyaha danaha Israel. Newyork Times oo warbixintan qortay ayaa sheegtay in go’aanka Trump uu yahay mid siyaasadeed ee uuusan ahayn mid diblomaasiyadeed. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Maxaad ka ogtahay Ganacsadaha Israa’iiliga ah ee Trump ku qasbay aqoonsiga Quddus? appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) –Maalintii labaad ayaa waxaa dagaal uu ku dhex maray Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunk ee degmad Hodan Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in hab beeleed ay u abaabulan yihiin. Ciidamadaan oo ka tirsan kuwa Miteriga ayaa la sheegayaa in ay isku heystaan dhul ku yaalla Nawaagiga Tarabuunka,iyada oo shalay gelinkii dambe uu halkaasi dagaal ku dhex maray. Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa waaxa uu Dalsan u sheegay in xaaladu ay iminka tahay mid degan balse ma shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray labada ciidan. Dagaalka ayaa la sheegay in uu socday Waqti kooban waxaana lagu murmay dhismaha Xaruntii hore ee Shirkadda Coca cola ee ku leedahay Xaafadda Taleex, gaar ahaan Nawaaxiga Carwadii hore ee qaranka oo ka tirsan degmada Hodan. Goob joogayaal ayaa sheegay in Ciidan qaab beeleed u abaabulan ay halkaasi saldhig ka dhigtayn Islamarkaana ay doonayaan in laga dhigo meel lagu iibiyo qaad balse ay diidayn Ciidan ka tirsan Dowlada Soomaaliya waxayna arintaasi ay sababtay in uu dagaal ka dhaco xaafadaasi. Lama ogo ilaa hadda inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in uu jiro Khasaaro uu geestay dagaalkaasi. Labada Ciidan ee dagaalamay ayaa hada ku kala sugan goobihii ay joogeyn waxaana wali taagan xiisad u dhaxeysa, Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga ayaa hakad la giliyay, waxaana laga Cabsi qabaa in halkaasi ay Howlgal mar kale ka sameeyaan Ciidanka Dowladda si loo soo qab qabto raga Ciidamo beeleedka ah ee halkaasi ku sugan. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku dagaalamay degmada Hodan ee G/Banaadir. appeared first on Caasimada Online.
  13. Every year on 9th December, the eve of the World Human Rights Day, Human Rights Centre publishes an annual report on the situation of human rights in Somaliland. The purpose is to give attention to the human rights issues Somaliland faces and to provide recommendations to improve the situation. This report is based on research conducted in Hargeisa, Burao, Borama, Berbera, Las Anod and Erigavo. Detainees, journalists, eye-witnesses, victims, family members, lawyers, internally displaced people and civil society members were interviewed for this report. Additionally, HRC has two databases to document human rights issues. One for the arrest, detention and prosecution of journalists and another which documents all human rights abuses. The Republic of Somaliland declared separation from Somalia on 18th May 1991. Somaliland, a former British Protectorate, won its independence on 26 June 1960 and united with Somalia, an Italian colony, to form Somali Republic. The Somali Republic was a democratic country from 1960 to 1969 when the military took over the power in a coup. The military regime led by General Mohamed Siad Barre committed serious human rights violations. In 1991 the government collapsed after a decade of a bloody war. Somaliland announced its separation when the government of Siad Barre collapsed. Somaliland has a working political system based on a multiparty system. The last presidential election took place on 13th November 2017 and was won by the ruling party candidate, Muse Behi Abdi. The election results declared on 21st November 2017 were disputed by Abdirahman Mohamed Abdilahi, an opposition contender who called it fraud. The international observers praised the election. Our research found that the police continue to work in a militarized way and do not follow the law in conducting arrests and detentions. Because of absence of a police law, the institutions work under very few legal constraints. The civilian courts have no jurisdiction to hear cases against police officers and as a result there is little accountability. In 2017, the Human Rights Centre recorded a number of incidents where the police overstepped their mandate and abused their power. Somaliland police do not have operating procedures on the rules of engagement on how and when to use their weapons. Inmates faced violence including beatings as well as verbal abuse during arrest. The police officers who conduct arrests use excessive force to apprehend suspects. HRC documented a number of injuries and deaths caused by the police in 2017. The incidents recorded by HRC include deaths caused by the police. The other problems with the police include: Alarming sanitation, food and health care conditions of the overcrowded police stations; Arrests without warrant are the norm in Somaliland and the judiciary does little to oversee this police power and ensure that constitutional rights are not violated; Prolonged remand periods; No access for lawyer to the police stations to meet clients and advise them of their legal rights; Insufficient time for detainees and lawyers to prepare defense; No disclosure of evidence before trial and as a result defense lawyers only learn what the state evidence is when it is presented to the court; A majority of detainees prosecuted without lawyers; The use of excessive force by the police and the military in post-election demonstrations that occurred on 15th November 2017. Four civilians died and at least 9 others were injured. All were hit by gun bullets fired by the police and the military, according to eyewitnesses and victims; Arrests and detentions of people for civil issues including failure to pay debts. The other human rights issues this report covers are: Violence against women and girls including rape, domestic violence, female genital mutilation; Rights of minority clans; Intimidation of human rights defenders; Arrest and prosecution of politicians; and Detentions and prosecutions of journalists, as well as shutting down of media houses. During 2017, 25 journalists were detained in Somaliland and two of them were prosecuted. In addition the government blocked 6 websites. In the previous year (2016), 28 journalists were detained and 2 newspapers were closed down. RECOMMENDATIONS Human Rights Centre recommends the government of Somaliland to: End the discrimination and stigmatization of the minority clans and provide services and affirmative actions; End violence against women in Somaliland, and approve laws that protect women and girls. The required laws include a family law and sexual offences act; Legislate law ending female genital mutilation; Stop applying the criminal law to the media and journalists. Criminalization of media contradicts the Constitution and the Press Law of Somaliland as well as international human rights law. Civil laws and the Press Law shall be applied on all cases on media related issues; Allow the opening of new media houses including radio stations. The government shall reinstate the registration process of new media houses and transfer of those owners who want to handover to new people. At the same time lift the suspension from banned newspapers of Haatuf, Somaliland Times, al Haatuf al Arabia, Hubsad and Codka Shacabka, as well as banned websites; Reform the police of Somaliland to subject the police to the jurisdiction of the civilian courts and pass laws and procedures making the police accountable. Stop the arrests and detentions of people for civil cases. Stop all arbitrary arrests and detentions. The arrest and detentions should be based on the Constitution and the other laws of the country. Improve the conditions of the police stations. —————————-
  14. Ciidamada Puntland ee xerada 54 ayaa la isla meel dhigay iney ku howl galaan Magaca Dowlada dhexe iyagoo qayb ka noqon doonaa Barnaamijkii ahaa in Maamul Goboleed walbaa uu diyaariyo 3000(Sadex kun) oo askari oo ku howlgali doona Magaca Dowlada dhexe(Federal Forces), Xafladii maalmo ka hor ka dhacdey Garowe ee loogu wanqalay Ciidanka Puntland ee ku howlgali doonamagaca Federaalka ayaa durba muran ka daba yimid. Warar ay Warbaahinta Puntlandi heleen ayaa waxay sheegayaan in Dowlada Federaalka ay muran galiyeen bixinta Musharradks Ciidanka 54aad, waxaana muran k taagan yahay in Ciidanka Puntland ee Xerada 54aad ay qayb ka helaan dhaqaalaha iyo Qalabka lagu helo Magaca Federaalka ee Beesha Caalamku bixiyeen. Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Wasaarada Gaashandhiga oo laga sugayay bixinta Mushaarka ay meermeerin bilaabeen, Saraakiil ka tirsan Wasaarada Amniga Puntland oo Howshaas ku jiray ayaa Pi waxay u sheegeen in khaati ay ka taagan yihiin Rag ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Federaalka oo isdaba maryennwada. Wararku waxay kaloo sheegayaan in Xerada 54aad ay ku jirto liiska Ciidanka Dowlada Federaalka ee loo gudbiyo Deeq bixiyaadha, waxaana muuqata in Magaca Ciidanka Puntland ee Xerada 54aad la doonayo in lagu cuno Dhaqaale badan iyadoo aan Waxba lasoo gaarsiin Ciidanka Amaba ladoonayo in xoogaa dufan ah afka loo mariyo. Sargaal ka tirsan Wasaarada Amniga Puntland ayaa Puntlandi u sheegay in Qorshahaan Qarameynta Ciidanka uu u muuqdo mid qaawan oo aan mira dhal aan ahayn ama daacad laga ahayn, mar aan waydiiney Sargaalka su’aashaan ” Dhinaca Dowlada Puntland Maxay ka qabatay kiiskaan, Wuxuu ku jawaabay ” WAXBA” Dhinaca kalena Miisaaniyada Dowlada Puntland ee sanadka soo socda 2018ka oo Baarlamaanku ansixiyey maalmo ka hor kama muuqata miisaaniyad loo qoondeeyey Ciidankaas. Ciidanku Ilaa hada Ma aysan helin Musharkii bishaan Decembar iyo bishii ka horeysayba. Dhinaca Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Federaalka oo aan la xiriirney Way ka meer meereen iney ka hadlaan kiiskaan. Hoos ka Daawo xafladii la sheegay in Ciidanka Puntland ee Xerada 54aad lagu Qarameeyey mise Arintu waxay qayb ka ahayd Riwaayadii caan baxday “IGU SAWIR” oo hada ka bilaabatay Shaleemooyinka Puntland Puntlandi.com Garowe
  15. Dowladda Uganda ayaa bilowday inay ciidamadeeda Milatariga kala baxdo Soomaaliya, tanina waxay bilow u tahay dhammaadka ciidanka Amisom ee Soomaaliya ku sugan. 281 askari oo katirsan ciidanka Amisom ayaa ka bixidoona Soomaaliya tan iyo inta laga gaarayo 31 december, sanadkaan 2017, sida uu sheegay ku xigeenka afhayeenka milatariga Uganda Lt. Col. Deo Akiiki. Ugand ayaa ah waddankii ugu horeeyay ee ciidamadiisa usoo dira Soomaaliya, sannadkii 2007, si ay u taageeraan dowladda federalka oo dagaal kula jirta kooxaha argigixisada. Sida uu qeexayo heshiiska midowga Afrika iyo golaha ammanka, tirada ciidamada Afrikaanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa hoos loo dhigidoonaa illaa kun askari, dhammaadka sannadkaan. Qorshaha Midowga Afrika ayaa ah inay ciidankooda oo gaaraya 22,000 askari kala baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadka 2020, laakiin waa marka ciidanka Soomaaliya loo diyaariyo inay la wareegi karaan masuuliyadda ammaanka Soomaaliya. Puntlandi.com
  16. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyey magaalada Muqdisho xulka kubadda cagta Puntland. Madaxweynaha ayaa waxaa kulankani casho sharafta ah ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan geleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland oo cashada kadib la dardaarmay dhallinyarada xullka kubadda cagta dawladda Puntland ayaa ku adkeeyey dhallinta inay illaashadaan sumcadooda, sharaftooda iyo karoomadoodaba, isla markaana waxaa uu Madaxweynuhu xusay in intaasi ku dhowrsoomayaan iyadoo ay hagaajiyaan akhalaaqdooda, dabeecaddooda iyo diintoodaba. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhallinta u sameeyey balanqaadyo uu ka mid ahaa dhismaha iyo casriyaynta garoomada kubadda cagta Puntland, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dhowaan la dhigidoono qaar kamidda garoomada Puntland roogga cagaaran lana samayndoono tartamo, tababaro iyo dhammaan ciyaaraha kala duwan ee jira. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa dhallinta ku booriyey inay sameeyaan Alle ku xidhnaansho iyo dedaal badan si ay uga gungaadhaan himiladooda ah hanashada horyaalka kubadda cagta Soomaaliya ee maanta 08 December 2017 ciyaartiisii ugu horaysey laciyaaray, waxaana uu Madaxweynuhu u cadeyey dhallinyarada in ka dawladda ahaan la garabtaagan tahay tageero buuxda. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle ‘SWC’ u waydiiyey dhallinta Soomaaliyeed ee ku hirdamaysa tartanka kubadda cagta Soomaaliya maxsuul wanaagsan oo ay dhammaantood ku qancaan, waxaana uu Madaxweynuhu si gaara Alle u waydiiyey xulka kubadda cagta Puntland guul ay ku hantaan marlabaad koobka kubbad cagta Soomaaliya.
  17. Beeraleyda ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa dalbaday in laga caawiyo wax soo saarkooda, maadaama hadda ay aad ula tacaalayaan qashin badan oo beeraha ka buuxsamay, islamarkaana aanay awood badan u lahayn iney iska saaraan. Maxamed Cabdiraxmaan Matow waa gudoomiyaha iskaashatooyinka beeraleyda degmada baardheere, waxa uu u sheegay Goobjoog News in la joogo waqtigii la dhiirogelin lahaa, dhankoodana ay diyaar u yihiin iney wax soo saaraan. Biyo badan iyo sidoo kale qashin ayuu sheegay in beeraha ay galeen, taasina ay keentay in khasaare badan ay la kulmaan. “Beerihii waxaa haligay biyo iyo qashin, hadda waa aaran, laakiinse wixii aan soo saareynay waxaa qabsanaya qashin oo hadane lala dagaalaa oo laga ciribtiraa oo haddii loo helayo cagaf iyo wixii lamid ah, fasalkii hore wuu khasaaray oo biyaha xareedda iyo Wabiga ayaa baabi’iyay, beeraha waa is dhexyaal wixii ka fakadayna ma badna oo intii taagga saarnaa waaye” ayuu yiri guddoomiyaha. Ugu dambeyn, Maxamed C/raxmaan ayaa ku baaqay in sidoo kale laga caawiyo dhanka abuurka iyo helista cagafyo lagula dagaallamo qashinka. Goobjoog News Source
  18. Dhallinyarada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa bilaabay qorshe ballaaran oo ay ku doonayaan iney ku hormarinayaan magaaladaasi iyo sidoo kale guud ahaan gobolka Mudug. Dhallinyaradan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay iney qaban doonaan shaqooyin badan oo ku aadan bilic soo celinta oo ay ugu horreyso magaalada Gaalkacyo. Waxay dhallinyaradan ku mideysan yihiin magaca Horseedka Horumarka Mudug, waxaana ay doonayaan in si iskaa wax u qabso ah ay kusoo celiyaan bilicda Gaalkacyo. Dhallinyaradan ayaa isku daray qarashaad, waxaana ay ku qabanayaan howlaha ay dib ugu soo celinayaan bilicda Gaalkacyo. Duqa Magaalada Gaalkacyo, Xirsi Yuusuf Barre oo ka qeybgalay furitaanka ololahan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhallinyaradan is xilqaamay, wuxuuna tilmaamay iney qabanayaan dhallinyaradan shaqooyin ay garan waayeen dad kale oo badan. Guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayuu ugu baaqay iney ka shaqeeyaan horumarka iyo sidoo kale nabadda. Goobjoog News Source
  19. Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka UDAD ee Puntland Saciid Faarax Maxamed ayaa hoggaanka Puntland oo ugu horreeyo madaxweyne Gaas ku dhaliilay inuu hortaagan yahay hirgalinta nidaamka xisbiyada. Siyaasi Saciid oo wareysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay in Puntland aan loo diyaarinin nidaamka xisbiyada si looga gudbo in baarlamaanka ay madaxweynaha soo doortaan. Wuxuu sheegay in dimuqraadiyadda oo shaqeysa uu diidan yahay madaxweynaha Puntland islamarkaana uu jiro musuq badan. “Kolleyu waad ujeeddaan in madaxweynaha Puntland iyo xubnaha kale ee maamulka u sarreeya ay diiddan yihiin in nidaamka xisbiyada wax lagu soo doorto, sababtuna waxay tahay waxay waayi doonaan qaabka ay hadda wax ku helaan” ayuu yiri Saciid Faarax. Dhanka kale, Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka Puntland UDAD Saciid Faarax ayaan wax ka weydiinnay qorshe baarlamaanka Puntland ay dhowaan wadeen oo ku aaddan in baarlamaanku uu soo magacaabo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada. Waxa uu sheegay in taasi aysan wax isbedal ah ku keeni doonin murannadii siyaasadeed ee soo kala dhexgali jiray madaxweynaha maamulka iyo musharrixiinta oo ku aaddan in guddigaasi uu madaxweynaha magacaabo rag isaga u janjeera. Goobjoog News Source
  20. Barlamaanka Puntland Waxaa horyaal qorshe xeer loogu samaynayo guddiga xalinta khilaafka ee soo xulista Barlamaanka oo uu horay u soo xuli jiray Madaxwaynaha maamulkaasi mudadii Puntland ay jirtay islamarkaana musharraxiinta madaxtinimada Puntland u tartamaya ay dood iyo diidmo ka keeni jireen, iyagoo u arki jiray kuwo u xagliya Madaxwaynaha soo magacaabay islamarkaana ka reeba qof walba oo uu diidanyahay in uu ka mid noqdo barlamaanka Puntland waxaana murankaasi oo mararka qaarkood sababi jiray in musharaxiintu gudi kale magacaabaan, walow ugu dambayn uu guddiga rasmiga ah noqon jiray midka madaxwaynuhu soo magacaabo. Qorshahan cusub ee barlamaanku wado ayaa ilo xog-ogaal ah sheegayaan in uu sababay markii golaha wakiiladu ogaadeen in doorashadii oo sanad ka dhimantahay uu madaxwayne Gaas sii qorsheeyey ragga noqonaya 7-da xubnood ee uu ka kooban yahay Guddiga xalinta khilaafaadka ee soo xulidda barlamaanka soo socda. Xubno ka mid ah bulshada iyo Aqoonyahanka Puntland oo aan kala sheekesannay arrintaan ayaa soo dhoweeyey in la sameeyo xeer lagu soo xulo guddiga xalinta khilaafkaadka baarlamaanka si uu u noqdo mid sharci ah oo aan dood iyo saluugmo ka dhalan sidii horay u dhici jirtay marka xiliga doorashada la gaaro. Goobjoog News Source
  21. SAINT PAUL, MINN – On Sunday, U.S. Secretary of State Rex Tillerson announced the withdrawal of the United States from the United Nations-led Global Compact on Migration (GCM), claiming it would undermine the ability of the United States to enforce immigration laws at home. Minnesota State Representative Ilhan Omar (DFL-Minneapolis), the first Somali-American to be elected to a state legislature in the United States, released the following statement: “The United States of America was a beacon of hope and freedom to my family when we were seeking refuge, and it continues to be a beacon of hope and freedom to people around the globe who are living in extraordinary conditions without rights and surviving attacks by their own governments. These governments openly trample on the rule of law and the cause of fully equal human rights. This extreme action by the President, the Secretary of State, and their advisors is tarnishing generations of US leadership toward full human equality. It undermines decades of work, and it saddens me to say that I’m no longer surprised. We cannot say we are global leaders if we cannot find the moral courage to lead on behalf of the most vulnerable men, women and children on our planet.” Source: House.Leg.State.Mn.Us The post Rep. Ilhan Omar Statement on US Exit from Global Compact on Migration appeared first on Caasimada Online.
  22. Seven years ago, Ismail Ahmed set out to build a startup that could send cash electronically from the U.K. to Africa. He had $200,000 and a lot of experience in the money transfer business in his native Somalia. Today, London-based WorldRemit Ltd. sends money to 148 nations and has just raised $40 million in a deal led by LeapFrog Investments, an investment firm in London, the company said in a statement on Thursday. The Series C funding round values the fintech firm at more than $670 million, according to a person familiar with the transaction, who asked not to be identified because the matter is private. WorldRemit’s longtime backers, Accel Partners and Technology Crossover Ventures, invested in the deal. WorldRemit, which specializes in sending money via mobile phones, will use the cash to try to grow its customer accounts globally to 10 million from 2 million by 2020. The company is making a big push in transfers between the U.S., Asia, and Latin America. “The U.S. will grow our revenues as much as 40 percent over the next few years,” Ahmed, WorldRemit’s chief executive officer, said in an interview. But the company faces stiff competition from The Western Union Co., the longtime powerhouse in the $444 billion global remittance business, as well as other fintech firms such as Remitly Inc., a Seattle-based company that raised $115 million in a private fundraising deal in October. WorldRemit is on course to record 60 million pounds ($81 million) in net revenue this year, a 46 percent jump from 2016, according to Ahmed. The company is looking at a potential initial public offering in two to three years, he said. Source: Bloomberg The post How to Turn $200,000 Into a $670 Million Business appeared first on Caasimada Online.
  23. Maamulka degaanka Lafoole ee Shabeellaha Hoose ayaa cabasho ka muujiyay isbaaro ay sheegeen in ay dhigteen ciidanka Millateriga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Guddoomiye xigeenkii arrimaha bulshada degaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose Mukhtaar Nuur Geeseey oo lasoo xiriiray Goobjoog News, ayaa sheegay in baabuur badan oo isugu jira BL-ka iyo kuwa xamuulka ay ku xaniban yihiin inta u dhaxaysa Xaawa Cabdi iyo Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye. Waxaa uu ugu baaqay wasaaradaha gaashaandhigga iyo tan arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya in arrintaasi ay soo farogeliyaan, islamarkaana taliyaha ciidanka xoogga iyo abaanduulahaba uu ugu baaqayo in ciidanka milateriga ee isbaarada dhigtay Xaawa Cabdi tallaabo laga qaado. “Waxay dhaheen ciidankaan maamulka ayaan la macaamilnay, marka waa been taas, ciidamadan Milatari waaye, waxay lacag ka qaadayaan gaadiidka, waxaan ugu baaqayaa wasaaradda gaashaandhigga in sida ugu dhaqsiyaha badan isbaaradan lagu qaado” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka. Dhanka kale, taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolk Shabellaha Hoose weli kama aanay hadal arrinkaan. Goobjoog News Source
  24. Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in dib u heshiisiin ka dhex bilaabayaa beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay deegaanno hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe. Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa sheegay in maamulkooda diyaar u yahay inuu dhameeyo wax walbo oo ku aadan dagaal beeleedyadan. Dowladda Federaalka ayuu ka codsaday mudane Guudlaawe iney ka qeybqaataan dib u dejinta dadkii kasoo barakacay deegaannadii lagu dagaallamay. “Annaga aad ayaan uga xunnahay wixii dhacay, waxaan diyaar u nahay inaan bilowno wadahadalka Labadan beel, dowladda Federaalkana waxaan ka dalabneynaa iney ka qeybqaataan dib u dejinta shacabkii soo barakacay iyo dhismaha guryahii la gubay” ayuu yiri Guudlaawe. In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, welina xal kama dambeys ah lama gaarin. Goobjoog News Source
  25. Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaaden Xerro ay degnaayen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland. Weerarka oo ku bilowday Hubka culus ayaa ka dhacay Af-urur ee Gobolka Bari, waxaana la weeraray Xerada ay ciidamada Daraawiishta Maamulka ku leeyihiin Af-urur. Maleeshiyaadka weeraray xerada ayaa watay Gaadiid dagaal waxaana lasoo sheegayaa in halkaa ay ciidamada maamulka kula dagaalamayeen ku dhawaad Saacad xiriir ah, wallow Saraakiisha maamulka ay sheegen inay iska caawiyeen. Inta uu dagaalka socday labada dhinac ay isku adeegsanaayay Hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka lagu kala furtay Gaadiid iyo Hub oo ay lahaayen labada dhinac. Saraakiisha maamulka ayaa sheegtay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay ka dileen dhowr maleeshiyo, halka sidoo kale ay ka furteen gaadiid ay kusoo duulaan tageen. Waxa ay intaa ku dareen Saraakiisha in maleeshiyada weerarka kusoo qaaday Xerada aysan awoon halka ay xerada ku tiilay balse ay ahaayen kuwo weerarkooda uu ahaa mid difaac ah, maadaama ay kusoo dhex dhumeen ciidamada, isla markaana kasoo habaabeen wadadii ay u socdeen. Sidoo kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay Puntland uga dileen Saraakiil iyo Askar, isla markaana ay ku furteen Hub kala duwan, sida ay warbaahinta u sheegen. Saraakiisha ay weerarka ku dileen ayay sheegen inay gaarayaan ilaa laba Sarkaal, halka tirade kale ay ahaayen Askar ka tirsan Daraawiishta Puntland. Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyaad baxsad ka ah duqeymaha ay gudaha u galeen deegaanada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Xero ay degnaayen ciidamada Puntland & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay weerarka appeared first on Caasimada Online.