Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,933
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Laba shir oo isku xigay ayaa galabta iyo caawo ku soo xirmay xarunta wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ee magaalada Garoowe. Shirka koowaad oo u dhexeeyay Golaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha xukuumadda Puntland ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac,iyadoo maalin ka hor uu soo ifbaxay khilaaf ka dhex qarxay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xassan Cali Kheyre iyo madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas). Khilaafka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii ra’iisul wasaare Kheyre uu diiday dhagax-dhiga deked cusub oo laga hirgelinayo degaanka Garacad ee gobolka Mudug,taasoo ka caraysiisay madaxweyne Gaas,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan madaxtooyada Garoowe. Khilaafkaas ayaa sidoo kale sababay in dib loo dhigo musaasabadda xuska 1-da August oo ku beegan as’aaskii Puntland. Khilaafka labada mas’uul ayaa la sheegay in xataa uu saameeyay hay’adaha heer Federaal iyo heer Puntland,waxaana xalay soo baxay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku saabsan in shirkii Golaha wasiirada Soomaaliya ee Garoowe lagu qaban lahaa uu khilaafkaas u baaqday,balse dadaal badan oo la sameeyay markii dambe shirku waa qabsoomay. Haddaba si loo xalliyo khilaafkaas ayaa galabta waxaa shir wadajir ah yeeshay Golaha xukuumadda heer Federaal iyo heer Puntland,waxaana kulanka oo uu shir-guddoomiyay ra’iisul wasaare Kheyre lagu xalliyay murankii taagnaa,sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin goob-joog aha shirka labada dhinac. Wararku waxay intaas ku darayaan in madaxweyne Gaas uu ra’iisul wasaaraha oo jimcaha bixi’lahaa uu ka dalbaday in uu kala qeyb galo xuska as’aaskii Puntland ee 1-da August xalay dib loo dhigay,islamarkaana habeen dambe 3 bisha la qaban doono. Shirka lagu xalliyay khilaafka heer Federaal iyo heer Puntland markii uu dhammaaday ayaa waxa sidoo kale bilowday shirkii khamiislaha Golaha wasiirada Soomaaliya oo lagu qabtay isla hoolkii shirkii hore ka dhacay,inkastoo uu gaar u ahaa wasiirada Federaalka Soomaaliya. Markii shirkaasi soo xirmay ayaa waxaa saxaafadda uga warbixiyay Wasiirka warfaafinta Soomaaliya,Daahir Maxamuud Geelle. Wasiir Geelle ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay shirka ka cambaaraysay qaraxii xalay mas’uuliyiinta lagu dilay ee Buuhoodle ka dhacay iyo dil la sheegay in saaka Muqdisho loogu geystay nin ganacsade ah. Wasiirka ayaa intaas ku daray in sidoo kale shirka looga hadlay tacaddiyo ka dhacay gobolka Gedo oo ay geysteen dad ka yimid dhinaca dalka Kenya,waxaana sida wasiirku sheegay ra’iisul wasaruhu amray guddi baaritaan ku sameeya tacaddiyadaas. Guddiga waxaa madax looga dhigay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamuud Guuleed(Khadar). Shirka Golaha wasiirada Federaalka waxaa kale oo lagu meel-mariyay barnaamij lagu magacaabay is-xilqaan oo dadweynuhu ay wakhtigooda qayb kamid ah ku bixinayaan arrimaha danta guud,sida uu sheegay Wasiir Geelle. Shirka waxaa sidoo kale laga shaaciyay in lacag cusub oo dalku yeelanayo dhowaan la soo daabacayo,loona qeybin doono dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka,sida uu Mr.Geelle ku warbixiyay. Colaadda u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ee ka aloosan degaanka Tukaraq ayaa iyana lagu soo qaaday shirka Golaha xukuumadda Soomaaliya,waxaana goluhu ku baaqay in la joojiyo colaadda Tukaraq oo xukuumadda Soomaaliya ku tilmaantay mid liddi’ ku ah xasiloonida guud ahaan dalka Soomaaliya iyo geeska Afrika. “Runtii, dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa arrinkaan in uu oposite ku yahay,la jaan-qaadka dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliyeed la rabo in ay la jaan-qaadan dabaysha nabadda ee geeska Afrika iyo bariga Afrika ka dillaacday” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka warbixinayay shirka. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in iyada oo kaashanaysa beesha Caalamka ay diyaar u taahy wax ka qabashada dhibaatada ayb reebeen dagaalladii ka dhacay Tukaraq oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay iyo hantidii ku burburtay colaaddaas,sida lagu sheegay qodobada uu wasiirku akhriyay ee ka soo baxay shirka Wasiirada Soomaaliya. Ugu dambeyntii,maxaabiista ku eedaysan burcad-badeedda oo laga soo wareejiyay dalalka debadda ee ku xiran xabsiyada Puntland,islamarkaana arrintooda looga wada-hadlay shirkii wadajirka ahaa ee Puntland iyo federaalka ayaashirka dambe ee Golaha xukuuamadda Soomaaliya,ra’iisul wasaaruhu amar ku bixiyay in la marsiiyo sharciga dalka,si loogu fududeeyo xukunnada adag ee horay dalalka debedda loogu xukumay. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Warbixin:- Maxaa ka soo baxay shirarkii maanta lagu qabtay Garoowe? appeared first on Puntland Post.
  2. Dowladda Hindiya oo kamid ah dowladaha xeriirka dhaw la leh Soomaaliya ayaa deeq kala duwan ku wareejisay Xukuumadda Federalka Soomaaliya waxaana deeqda ay isugu jirtay daawo iyo lacag. Safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya Ms. Suchitra Durai oo booqasho ku timid Magaalada Muqdisho ayaa deeqdaasi oo ka koobneyd daaawo dhan 70 Ton iyo hal Million oo doller waxa ay gudoonsiisay wasiirka wasaaarda Caafimaadka Xukuumada Federalka Soomaaliya Drs Fowsi Abikar Nuur 18 Julay 2018. Safiirka India u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyadoo xustay in deeqday ay ka timid Ra’isul wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi Mss Sushma Swaraj si Soomaaliya loo caawiyo. Goobta deeqda dowladda india ay ugu wareejineysay Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa xubno iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Federalka Soomaaliya gaar ahaan Mas’uuliyiin ka socotay wasaarada Caafimaadka waxaana kamid ahaa Agaasimaha wasaaradda Dr. Abdullahi Haashi iyo wasiirad Fowsiyo Abiikar Nuur. Dowladda Soomaaliya ayaa ka mahadcelisay deeqdan ay soo gaar siiyeen dowladda India oo gacan weyn ka geesaneysa in wax loogu qabto bulshada Soomaaliyeed ee u baahan daryeel iyo dabiib Caafimaad.
  3. Muqdisho (PP) ─ Shirka todobaadlaha ah ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay qorshe howleedka Gobolka ee uu kaga qeyb qaadanayo barnaamijka Is-xilqaan oo dhawaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shirkan oo uu guddoomiyey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa lagu go’aamiyey in maalinta barri ah laga fuliyo degmooyinka Wardhiigleey, Hodan iyo Howlwadaag qeyb ka mid ah olalaha isxilqaan, iyadoona shacabka iyo maamulkuba ay iska kaashan doonaan bilicda iyo nadaafadda degmooyinkas. Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyey mideynta howgallada ammaanka caasimadda iyo in masuuliyaddaas lagu wareejiyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoona Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ay soo bandhigeen sida ay uga go’antahay xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka iyo dardar gelinta doorka shacabku ay ku leeyihiin. Duqa Caasimadda Mudan Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga warbixiyey masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee uu kaga qeyb galay Brussels, isagoona faah-faahiyey qaar ka mid ah qorsheyaasha ay ku soo bandhigeen shikaas ee la xiriira horumarinta iyo baahiyaha bulshada Gobolka Banaadir. “Beesha caalamku waxa ay aad u soo dhaweeyeen guulaha dhanka dawladnimada ee dalku gaaray, waxaana la isku raacay in si xoog leh loo taageero Soomaaliya, arrinkan oo fursad maalgashi ay ka heli doonaan bulshada Caasimadda, isla markaana deeqaha lagu saleyn doonno baahiyaha jira.” Ugu dambeyn, Kulankan waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Xuuseen Maxamed Nuur, Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo, Agaasimeyaasha guud ee Gobolka iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Mideynta Hawl-gallada lagu sugayo Amniga Magaalada Muqdisho oo lasoo Dhaweeyay appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan looga tashanayay sidii xal-waara loogu heli lahaa nadaafad xumida ka dhalata gowraca Xoolaha Caasimadda, waxuu la qaatay qaar kamid ah Ganacsatada gowraca Xoolaha. Duqa Muqdisho Yarisow ayaa sheegay in kulankani uu yahay mid lagu kala war-qaadanayo si xal loogu helo nadaafad xumida ka dhalata gowraca xoolaha nool, isagoo Guddoomiyuhu xusay in maamulkiisa ay qorshaha dhow ugu jirto sameynta Kawaanno casri ah oo lagu hubinayo caafimaadka neefka, nadaafadiisa iyo fayodhawrka deegaanka, iyadoo loo marayo nidaam casri ah. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in qeybo badan oo kamid ah dhaqaalaha Soomaalidu uu ku tiirsan yahay xoolaha oo kamid ah nimcooyinka ALLAH dalkeenna ku maneystay loona baahan yahay in laga faa’iideysto, isla markaana loo iib-geeyo dalalka Caalamka si dhaqaalaha ka soo xaroodo u noqdo mid wax ka badala nolosha bulshadeena. Kulanka madaxda Dawladda Hoose iyo Ganacsatada Gowraca Xoolaha ayaa lagu dhegaystay cabashooyinkii ay qabeen, iyadoo la isku raacay in si dhow loo wada shaqeeyo, si loo ilaaliyo danaha guud, gaar ahaan arrimaha fayodhowrka Caasimadda oo maalmahaan uu Maamulka Gobolka Banaadir wado qorshe dib loogu nidaaminayo bilicda Caasimadda. Qaar ka mid ah Ganacsatada ka shaqeysta Kawaannada Xoolaha lagu qalo ayaa uga mahadceliyey Duqa Muqdisho soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa, waxayna balan-qaadeen in si dhow ay ugala shaqeynayaan maamulka Fayodhowrka Xoolaha iyo Nadaafaddooda. Ugu dambeyn, Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Agaasimaha Waaxda Caafimaad iyo masuuliyiin ka tirsan M/mulka Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Dowladda Hoose ee Xamar oo Ganacsatada Gowraca Xoolaha kala Hadashay Arrimo la… appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay qaraxii xalay fiidkii ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer kaa oo lagu dilay Siyaasiyiin caan ahaa. Qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa waxaa ku dhintay Wasiirki hore ee arrimaha gudaha maamulka khaatuma Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Maxamed Cali oo la taliye u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. Waxa uu Hoggaamiye Muuse Biixi sheegay inay muhiim tahay in la sameeyo baaritaano lana ogaado cidii ka danbeysay Qaraxa maadaama ay ku dhinteen mas’uuliyiin. Muuse Biixi, waxa uu laamaha amniga faray inay baaritaan buuxa ku sameeyan sida wax u dhaceen, islamarkaana gacanta ku soo dhigaan cidii ka dambeysay falkaas argagagax ku abuuray bulshada Buuhoodle. Waxa uu Biixi sheegay in laamaha amniga ay kula xisaabtami doonaan Qaraxa, waxa uuna tuhun ka muujiyay Qaraxa iyo cida ka danbeysa. Somaliland ayaa war saxaafadeedka ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Xukuumadda Somaliland aanay marnaba u dulqaadan doonin cida ka danbeysa Qaraxa, dhibaato iyo falal amni daro ku qaado shacabka Somaliland. Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas oo isna ka hadlay Qaraxa ayaa amar ku bixiyay in saacado kooban lagu soo qabto shaqsiyaadka ka danbeeyay Qaraxa. C/wali Gaas waxa uu sheegay in Puntland aysan indhaha ka qabsan doonin Qaraxyada loo maleegayo mas’uuliyiinta soo qabtay xilalka. Gaas, waxa uu sheegay in Puntland ay banaanka soo dhigi doonto cida ka mas’uulka ah Qaraxa lagu dilay mas’uuliyiinta, waxaana haddalka C/weli Gaas ka muuqday tuhun aan cadeyn halka uu ku wajahan yahay. Sidoo kale, Puntland waxa ay qoraal ku sheegtay in dadkii ku geeriyooday qaraxaas ay ka mid ahaayeen Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Maamulka Puntland, balse aan laga aamusi doonin. Si kastaba ha ahaatee, labada maamul ayaa mid waliba sheeganaaya in Siyaasiyiinta lagu dilay Qaraxa ay ahaayen kuwo taabacsan maamulkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Dubai’s government said on Thursday the London Court of International Arbitration (LCIA) has ruled DP World’s port container terminal contract in Djibouti was valid and binding. The government of Djibouti seized the Doraleh Container Terminal from DP World in February over a dispute dating back to at least 2012. Dubai government-controlled DP World has called the seizure illegal. “The LCIA Tribunal has ruled that Doraleh Container Terminal’s Concession Agreement ‘remains valid and binding …’” Dubai’s government media office said in a statement, which did not state when the ruling was made. “DP World will now reflect on the ruling and review its options.” A DP World spokesman referred to the Dubai government statement when contacted by Reuters for comment. Djibouti officials could not be immediately reached for a comment. Djibouti Ports and Free Zone Authority (DPFZA) said in March it was willing to buy out DP World’s 33 percent stake in the container terminal to end the row with one of the world’s largest port operators. DP World denied that such an offer had been made. In 2017, the LCIA cleared DP World of allegations of misconduct associated with the terminal concession awarded in 2000.
  7. Djibouti, an increasingly strategic nation in the Horn of Africa, has condemned last week’s call by Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed for the lifting of U.N. sanctions against Eritrea. During his three-day visit to Eritrea’s capital last week, the Somali president urged an end to the economic sanctions and arms embargo that the U.N. Security Council imposed on Eritrea in 2009 for its alleged support of Islamist militant forces in Somalia. Mohamed said lifting the sanctions would promote the “economic integration of the Horn of Africa region.” Mohamed’s statement angered Djibouti, which says Eritrea is occupying the disputed Doumeira islands and is holding more than 10 Djiboutian prisoners. In an interview with VOA’s Somali service, Djibouti’s ambassador to Somalia, Aden Hassan Aden, described the Somali president’s statement as “deeply shocking.” “As a sovereign state, there is no doubt that Somalia has the right to establish diplomatic relations with the countries in the region. However, it is unacceptable to see our brotherly Somalia supporting Eritrea, which is occupying part of our territory and still denying having Djiboutian prisoners,” Aden said. Djibouti hosts military bases for five countries: the United States, France, China, Japan and Italy. The tiny nation is also one of five African countries with troops in AMISOM, the African Union peacekeeping mission in Somalia. The mission has protected Somali governments from attempted takeovers by Islamist militant forces for more than a decade. “Our boys in uniform who sacrifice their blood and life for peace in Somalia, whose brothers are held prisoners in Asmara, would not be happy to hear such a miscalculated statement from a Somali president,” Aden said. As part of a flurry of reforms and peacemaking efforts, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed visited Eritrea last month to end a 20-year state of war between the countries. Last week, Somalia’s president became the second head of state in the region to visit Eritrea. Aden, the Djiboutian ambassador, said his country welcomed the diplomatic movements and talks in the Horn of Africa. But he emphasized that Djibouti’s conflict with Eritrea was unresolved. “Our president has no plans to visit Asmara unless Eritrea releases the Djiboutians it detains and withdraws from the territory it occupied,” Aden said. Source: VOA
  8. By floating the idea of Turkey joining BRICS, Turkish President Recep Tayyip Erdogan seeks to diversify Ankara’s foreign policy, with its EU membership bid long stalled and relations with the US on the rocks, analysts told RT. The Turkish President has suggested that the leaders of the five-member BRICS bloc (Brazil, Russia, India, China and South Africa) should add “T” to the acronym. Erdogan was invited to the group’s latest forum and told Hurriyet Daily News on its sidelines that current members welcomed the idea of Turkey’s accession. Evgeniy Bakhrevskiy, deputy director of the Russian Research Institute of Cultural and Natural Heritage, told RT that this apparent pivot by Erdogan is rooted in Turkey’s mounting frustration with the West. Erdogan “believes there is a need to diversify Turkey’s foreign policy, because he is seriously disappointed with western structures, with the EU; he has rather strained relations with the US,” Bakhrevskiy noted. Stevan Gajic, researcher at the Institute for European Studies in Belgrade, argued that it hasn’t been geopolitical considerations, but “something very personal” that has prompted Erdogan to strive for new allegiances. Gajic believes that the foiled military coup attempt in 2016 and Syrian President Bashar Assad winning in Syria with Russia’s help, are two main factors that made Erdogan’s outlook change. It also comes at a moment when Turkey’s long-standing dream of joining the EU is in limbo, with the accession process effectively frozen. Although the EU is Turkey’s top trading partner, Turkey is still stuck in the bloc’s “waiting room,” a situation that in itself is an insult to Ankara, Bakhrevskiy pointed out. Ankara’s relations with Washington are also going through a rough patch, with “anti-American sentiment very strong in almost all layers of Turkish society,” Bakhrevskiy said, because of America’s support for Kurdish militias fighting Islamic State (IS, formerly ISIS). Turkey views the backbone of the US-backed Syrian Democratic Forces (SDF), the People’s Protection Units (PYD), as an extension of the Kurdistan Workers’ Party (PKK), recognized as terrorists by Turkey. By refusing to cut its support for the Kurdish-led forces, the US is seen by many in Turkey as “directly threatening” their country, Bakhrevskiy said. Erdogan doesn’t hesitate to capitalize on the sentiment. “Anti-Americanism is popular, he is a politician, he will do what people like.” At the same time, Turkey’s relations with Russia, having hit their lowest point when Turkey downed a Russian attack jet above Syria in November 2015, have recovered swiftly and are gaining momentum. The speed of this rapprochement is evidence that “two parties really need each other,” according to Bakhrevskiy. “The main change from 2015 is that then Turkey and Russia were on the brink of war,” Gajic noted. Russia expressed its support for Erdogan following the 2016 coup attempt, which the Turkish authorities blamed on the US-based exiled cleric Fethullah Gülen and his associates in Turkey. The two Turkish pilots accused of downing the Russian plane were later arrested in a post-coup crackdown. Supposing the pilots were indeed part of Gulen’s network, “that was actually a plot to make a conflict between Russia and Turkey,” Gajic said. While Turkey doesn’t look likely to ditch NATO for good just yet, Bakhrevskiy points out that BRICS is “a very democratic bloc” which does not require any special “sacrifices” like leaving the EU or NATO in order to join. Gajic, meanwhile, believes Ankara could leverage the threat of leaving NATO as a “big bargaining chip.” Its potential departure would “deal a big blow” to an alliance already shaken by US President Donald Trump’s constant demands that European members pay more for the bloc’s costly maintenance. This ambiguous position “is best for Turkey,” Gajic believes, as both Russia and the US are eventually interested in winning Ankara over. Source: – RT
  9. Zimbabwe’s first elections since the removal of long-standing president Robert Mugabe turned violent when troops opened fire on protests against alleged voting fraud, killing at least three people. Here is a timeline of events leading up to Monday’s landmark vote and its bloody aftermath. MUGABE HOUSE ARREST Tension builds following Mugabe’s sacking of Emmerson Mnangagwa as his vice president in early November 2017, a move seen as positioning the veteran president’s wife to become his successor. Army tanks take up positions around the capital overnight November 14-15 and Mugabe is put under house arrest. Four days later the ruling ZANU-PF party sacks him as leader and expels his wife. On November 21, the 93-year-old Mugabe bows to pressure to quit and ends his 37-year grip on power. TRANSPARENT POLL On November 24 Mnangagwa is sworn in as president, promising that elections due in 2018 will go ahead. In February 2018 veteran opposition leader Morgan Tsvangirai dies of cancer; his Movement for Democratic Change (MDC) picks former youth activist Nelson Chamisa to lead it into the election set for July 30. A record 23 presidential candidates are in June cleared to stand. On June 23 a bomb explodes as Mnangagwa leaves the podium at a ZANU-PF campaign rally in the opposition stronghold city of Bulawayo. He escapes unharmed but dozens of people are injured and two of his bodyguards are killed. REJECT ZANU-PF On the eve of the vote, Mugabe holds a surprise press conference at his home at which he stuns observers and calls for voters to reject the ZANU-PF, his former party. He even hints that he could vote for Chamisa. Voting on July 30 takes place in a peaceful atmosphere. Long lines form from the early morning outside polling stations and turnout is estimated at around 75 per cent. The next day, as vote counting is under way, Chamisa says that he is “winning resoundingly”. “We are ready to form the next (government),” he says. The government warns candidates they face prosecution and jail for prematurely announcing results. The much-criticised election authority meanwhile declares there has been no rigging, after the opposition repeatedly alleges the vote process was flawed. VIOLENCE ERUPTS On August 1 the election commission announces that ZANU-PF has won most of the seats in parliament. It does not give the results for the presidential vote. The opposition cries foul, alleging fraud, and EU observers say the elections were held on an “un-level playing field”. Opposition protestors take to the streets of Harare, burning tyres and pulling down street signs. Soldiers arrive and fire live rounds on opposition activists. At least three people are killed. As international condemnation pours in, the government warns it will “not tolerate” further unrest. On August 2 soldiers and police clear the streets of Harare as tensions mount ahead of the release of the results of the presidential ballot, the election authority asking the public “to be patient”. Source: – AFP
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu khaarijiyay Madixii Shirkadda Startup Grind oo dilkiisa ka dhacay inta u dhaxeysa Banaadir iyo Digfeer. Dilka oo ahaa mid ku dhacay qaab qorsheysnaa ayaa waxaa si carol eh dilalka kusii kordhaaya magaalada Muqdisho uga hadlay Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali kheyre. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo weli ku sugan Magalada Garoowe, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dilalka sii kordhaaya ee kadhaca magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Gobolada dalka. Waxa uu sheegay in dilka maanta kadhacay magaalada Muqdisho ee loo geystay Madixii Shirkadda Startup Grind iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada oo kadhacay duleedka iyo gudaha Muqdisho. Nuqul kamid ah haddalka Kheyre ayaa ahaa “Ilaahay ha u naxariisto wiilkii dhallinyarada ahaa ee Maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.Haddii maalin walba qof qiimo leh la innaga dilo oo aan u aragno wax caadi ah waxaa dhammaanaya ubixii dalka” Ra’isul wasaare Kheyre oo ay ka muuqatay caro uu ka qaaday dilalka sii kordhaaya ayaa shacabka Somaliyeed iyo Laamaha amniga ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan sida loo badbaadin lahaa ubaxa iyo Mustaqbalka Ummada Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, Madixii Shirkadda Startup Grind Maxamed Maxamuud Sheekh Cali, ayaa la sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro lahaa mustaqbal fog, waxaana la cadeeyay inuu dhalay Taliyaha Ciidanka cirka Somalia S/Guuto Maxamuud Sh Cali Dable Pilot. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaa ayaa hadda ku soo xirmay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaalada Garowe. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya,Daahir Maxamuud Geelle oo ka warbixiyay shirka ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ay cambaaraysay falkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn. Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay in Ra’iisul wasaare,Xassan Cali Khayre uu amray in sharciga la mariyo maxaabiista ku eedayaysan burcad-badeednimada ee ku jira xabsiyada Puntland. Dhinaca kale wasiirka Warfaafinta Soomaaliya wuxuu ka hadlay colaadda ka taagan degaanka Tukaraq,isagoo sheegay in dagaallada halkaasi ka dhacay ay dhibaato weyn ku yihiin xasiloonadi iyo nabadda guud ahaan dalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay labada maamul u usoo jeedaysay in dagaalka si dhakhso ah loo joojiiyo,islamarkaana wax laga qabto dhibaatada ka dhalatay oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kaalinteeda ka qaadanayso. PUNTLAND POST The post Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo soo xirmay appeared first on Puntland Post.
  12. Waxaaa xalay magaalada Buuhoodle qarax ismiidaamin ah lagu dilay masuuliyiin uu ka mid ahaa Aqoonyahan Cabdifataax Maxamed Cali oo 29 June, 2018 wafti uu hogaaminayo oo ka yimid Muqdisho ay soo gaareen magaalada Buuhoodle islamarkaana sida la sheegay maalmo ka hor ka tagey magaalada Garoowe. Marxuum Cabdifataax ayaa hadal uu jeediyay bilo ka hor 29 June,2018 ku sheegay qorshaha ay u tageen Buuhoodle inuu la xiriiro siday ugu baraarujin lahaayeen bulshada Gobolladda Sool iyo Cayn inay kaalintooda ka qaataan dagaalka Puntland ay kula jirto maamulka Somaliland. Dilka marxuumkan oo dhaliyay shaki xoogan oo ku saabsan cidda ka dambeysay waxaa geystey qof ismiidaamiyay xilli uu kusoo tukadey salaaddii cishe masaajid ku yaala magaallada Buuhoodle. Hogaamiyihii horre ee Khaatumo Maxamed Yuusuf Indho-sheel oo hadda Garoowe ku sugan ayaa ku eedeyay maamulka Somaliland inuu ka dambeeyay falkii xalay lagu dilay masuuliyiin uu sheegay Hormuud inay u ahaayeen Halgan looga saarayo Somaliland gobolka Sool, wuxuuna sheegay sababta loo beegsadey inay tahay mab,da iyo dadaaladda ay ugu jireen qadiyaddaan. Indhosheel ayaa intaas ku darey inay hayaan cadaymo la xiriira qorshe Somaliland laga soo abaabulay oo lagu doonayay in lagu dilo isaga iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay marxuumkii lagu dilay qaraxii ugu horeeyay oo xalay ka dhacay Buuhoodle. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post “Somaliland ayaa fulisay qaraxii xalay ka dhacay Buuhoodle” Daawo Indho-sheel appeared first on Puntland Post.
  13. Garoowe (Caasimadda Online) – Muddo laba maalin ah ayaa waxaa taagnaa muran ku aadan in Shirka Golaha Wasiirada lagu qabto Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland. Safarka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee Garoowe ayaa muhiimadiisa koowaad waxay aheyd inuu ka qeybgalo xafladda loogu dabaaldagayo sanadguuradii 20-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay Maamulka puntland. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa sidoo kale waxaa jadwalkiisa ku jiray inuu dhagax dhigo Dekad la doonayo in laga sameeyo deegaanka Garacad balse waxaa la sheegay inuu xilli dambe go’aansaday inuu ka baaqdo kadib markii uu cadaadis siyaasadeed arrintaas kala kulmay. Baaqashada Kheyre ee dhagax dhigga Dekadda Garacad ayaa sababtay inuu khilaaf xoog leh soo kala galo Kheyre oo dhinac ah iyo Madaxweynaha Puntland oo ay la safnaayeen qeybo ka tirsan Isimada deegaanadaas. Khilaafka ayaa gaaray meel sare ilaa heer ay isamada Puntland iyo Gaas isku raaceyn inaan shirka Golaha Wasiirada lagu qaban Magaalada Garoowe. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa garab weyn ka helay Isimada Gobolka Nugaal sida Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Saciid Garaase kuwaas oo u dhaartay Cabdiweli Gaas. Sidoo kale waxaa si isku imid ah arintaas uga hor imaaday Xalay Dhamaan Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Nugaal oo Gaas u sheegay inuusan Magalada Garowe ka sheegan karin Somali Wayn. Madaxweynaha Puntland ayaa loolan adag kala kulmay Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Cawad, Wasiir Xuseen Ciid iyo Xildhibaan Cali Yusuf Cali Xoosh kuwaas oo ka shaqeeyey qorshayaal lagu fashiliyey go’aankii Kheyre ee ahaa inuusan dhicin Shirka Golaha Wasiirada Sidoo kale Xildhibaano iyo Wasiiro Kasoo Jeeda Gobolka Nugaal oo Ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland Ayaa Iyaguna Sheegay iney is Casilayaan haddii Shirka Golaha Wasiiradda aan lagu qaban Magaalada Garoowe. Madaxda Reer Nugaaleed ama ha u shaqeeyeen Federaal ama Puntland iygaoo Kaashanaya Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase ayaa Xalay Waxay Galeyn Shir, waxayna Gaas u sheegeen in Garoowe tahay Magaalo Soomaaliyeed, cid laga sheegan karana aysan Jirin, haddii magaalooyin la kala Sheeganayana Gaas uu aadayo Gaalkacyo. Ugu Danbayn Shirka Golaha Wasiiradda ayaa ka qabsoomay Xarunta Wasaradda Maaliyadda DPL , sidoo kalana waxaa socdo Shir Wadajir ah oo ay yeelanayaan Golayaasha Wasiirada Soomaaliya iyo Puntland . Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  14. Dubai’s government said on Thursday the London Court of International Arbitration (LCIA) has ruled DP World’s port container terminal contract in Djibouti was valid and binding. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa maanta ku xukuntay xabsi min 15-sano ah laba ruux oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish ee Somalia ka dagalaama. Guddoomiyaha Makamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka, Col. Xasan Cali Nuur [Shuute] oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay maxkamaddu ku heshay labadan eedeysane dacwooyinkii lagu soo oogay. Eedeysanayaasha la xukumay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin: Mahad Maxamuud Cabdi [Abuu Yaasiin] oo la sheegay inuu doonayay inuu Muqdisho ka abuuro koox Daacish oo ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya iyo Maxamed Daa’uud Daahir [Dr. Raage] oo la sheegay inuu ahaa ruuxii u qaabisanaa dhanka ururinta dhaqaalaha iyo caafimaadka. Sidoo kale, Labadan eedeysane ayaa la sheegay in midkood uu haysto dhalashada dalka Ruushka, uuna qabay haweeney u dhalatay Jeejniya oo u dhashay gabar, uuna muddo dheer ku noolaa Suuriya, ka hor intii uusan u soo wareegin Soomaaliya. “Dhammaan eedeymihii lagu soo oogay labadan eedeysane maxkamada way u caddaadeen, waxaana ku xukunnay min 15-sano oo xabsi ciidan ah, ciddii cabasho ka qabta xukunnana rafcaan way qaadan kartaa,” ayuu yiri Shuute oo ku dhawaaqayay xukunka lagu riday eedeysanayaashan. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo xubno ka tirsan Ururada ka dagaalama Somalia iyo Daacish, waxaana toddobaadkii hore ay maxkamada ciidamadu ku ridday xukun xabsi daa’in ah xubni la sheegay inuu filimmada u duubi jiray Ururka Daacish. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee DF oo Xukuno ku riday Eedeysanayaal la Horkeenay appeared first on Puntland Post.
  16. Zimbabwe's first elections since the removal of long-standing president Robert Mugabe turned violent when troops opened fire on protests against alleged voting fraud, killing at least three people. Source: Hiiraan Online
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland goor dhoweyd ka furmay shir wadajir ah oo ay leeyihiin golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada maamulka Puntland. Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaa ku sugan madaxweynaha Puntland Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiim Camey, waxaana ka qeyb galaya xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka iyo kuwa Puntland. Ajendaha shirka ayaan la shaacin waxaana lagu wadaa in looga hadlo arrimo badan oo ay ugu horeeyaan xiriirka labada dhinac, waxaana lagu wadaa inay shir jaraa’id qabtaan gabagabada shirka kadib. Khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Puntland ayaa hareeyay shirkan iyo xaflad lagu xusi lahaa sanadguurada 20aad ee Puntland, taasoo markii danbe si hoose heshiis looga gaaray.
  18. Buuhoodle (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa baaritaan dheer ku sameysay ciddii loola dan lahaa qaraxii xoogaanaa ee Xalay ka dhacay Magaalada Buuhoodle. Qaraxaan ayaa la doonayey in lagu dilo Cabdifataax Axmed Cali (Cabdifataax Reegal) oo ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab. Sarkaalkaan ayaa Shabaab kasoo goostay isagoo ku biiray Xisbigii burburay ee Xisbul Islaam oo uu hoggaamin jiray Xasan Daahir Aweys oo hadda ku jiro xabsi guri ay gelisay dowladda Federaalka Soomaaliya. Cabdifataax ayaa xisbigaas kadib la shaqeyn jiray Cumar Cabdirashiid oo dalka mar kasoo noqday Ra’isul wasaare sidoo kalana isku soo taagay xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya inkastoo markii dambe laga guuleystay. Sidoo kale Cabdifitaax ayaa markii dambe la shaqeenayey sirdoonka Soomaaliya waxaana muddo badan dabagal ku hayey Xarakada Al-Shabaab. Kooxda AL-Shabaab ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay dilaan Cabdifataax kadib markii loo soo diray nin naftii halige ah oo Xalay isku qarxiyey Cabdifaraax iyo dad kale oo ku sugnaa Buuhoodle, wuxuuna qaraxaas keenay inuu dhinto ninkii ay Al-Shabaab muddo badan raadinayey. Qaraxaan ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay Axmed Maxamuud Doolaal oo ahaa wasiirkii amniga Khaatumo. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ilaa seddex qof oo hadda la jiifiyey Isbitaal kuwaas oo lasoo sheegayo inay ku jiraan xaalad fiican oo aan qatar aheyn. Caasimada Online Xafiiska Buuhoodle Caasimada@live.com
  19. London (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa go’aan ka gaartay kiiskii ka dhaxeeyay dowladda Jabuuti iyo shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta. Maxkamadda ayaa sheegtay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan” Dowladda Jabuuti ayaa maamulka Doraleh kala wareegtay DP World bishii Febraayo, kadib muran soo socday illaa sanaddii 2012. DP World ayaa arrintaas ku tilmaamtay mid sharci-darro ah. “Maxkamadda LCIA waxa ay xukuntay in heshiiska Doraleh uu yahay mid sharci ah oo taagan” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay qeybta warbaahinta ee dowladda Dubai, oo aan sheegin goorta go’aanka la gaaray. “DP World waxaay ka jawaabi doontaa xukunkan, waxayna eegi doontaa waxyaabaha u furan” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Jabuuti weli ma aysan ka hadlin xukunka la sheegay inuu dhacay. Jabuuti ayaa bishii March sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha. Sidoo kale, 17-kii July, shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  20. Mogadishu ( Caasimadda Online) – Dhowr fadhi ayay soo martay heerarka maxkamadeynta labadan horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish kuwooda dhibka ka wado Soomaaliya. Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin oo ah eedeysanaha 1-aad ayaa loo heystaa in uu ku mashquulsanaa aas-aasidda koox daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeyo daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee Cabduqaadir Muumin. Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ayaa loo heystay in uu ahaa Horjoogaha Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan, waxaa si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday Suuqa Bakaaraha. Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish. Dood dheer ka dib,Maxkamada Ciidamada Qalabka sida markii ay aragtay dambi muujinta iyo cadeymaha la horkeenay waxay eedeysanayaasha kala ah Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ku xukuntay mid 15-sano oo xabsi ciidan ah,waxayna Maxkamaddu intaasi raacisay in ciddii ku qanacsaneyn xukunka u furan tahay racfaan. Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka, magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb kamid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Afrika iyo ka mid ahaanshiyaha lleeshiyada Al-Shabaab
  21. By floating the idea of Turkey joining BRICS, Turkish President Recep Tayyip Erdogan seeks to diversify Ankara's foreign policy, with its EU membership bid long stalled and relations with the US on the rocks, analysts told RT. Source: Hiiraan Online
  22. Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmada Afgooye iyo tuullooyin hoos yimaada ay ku soo qabtaan xubno ka tirsan Alshabaab oo ay ka mid yihiin nin qaraxyada u sameeya iyo sarkaal qaabilsan qorista caruurrta ku biireysa Alshabaab. Howgalka Ciidamada Xoogga ka sameeyen Deeganno hoos taga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa imaanaya iyadoo ay Afgooye gaareen ciidamada madaxtooyada Soomaaliya oo hordhac u ah madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay inu tegi doono halkaasi. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howolgal dhacay Saaka waabarigii hore ay kusoo qabteen Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo gaaraya 32 dagaalame oo ay ku jiraan Saraakiil sare oo Shabaabka ka tirsan. Saraakiisha lasoo qabtay waxaa ka mida nin Magaciisa lagu sheegay Cumar Dheere oo Al-shabaab u qori jiray Caruurta u dagaalanta. Cumar dheere ayaa saraakiisha Amaanka u sheegay in 300 oo Dhalinyaro ah uu sanadkan qoray Al-shabaab. Sidoo kale waxaa lasoo qabtay Madaxii Qaraxyada oo Magaciisa lagu soo gaabshay Iidoow. Howlgalada ciidamada Milateriga ka wadaan degmada Afgooye iyo deegaanada hoos yimaada ayaa la sheegay inuu horudhac u yahay sugida amniga degmadaas oo lagu wado inuu booqdo Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ka mid ah mucaaradka Soomaaliya ayaa dhaliilay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku dalbatay in xayiraadda hubka laga qaado dalka Eritrea oo haysta dhul ka mid ah dalka Jabuuti. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in “magacii qaranka Soomaaliyeed dhabarka looga wareenay” Jabuuti oo ay Soomaaliya walaalo yihiin. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Wuxuu muwaadin kasta oo Soomaali ah filayey in Madaxweyne Farmaajo uu la tashi kala sameeyey Dawlada Jabuuti go’aankii ku aadanaa in Eritrea laga qaado cunuqabayta. Ilaa iyo hada sharaxaad lagama bixin sababta ka danbaysa booqashada degdega ah ee Eritrea iyo codsi jeedinta la xariirta cunaqabatayn qaadista. Waan ka xunahay in walaalaheen Jabuuti oo naf iyo maal huris badan u sameeyey dhismaha nabada iyo dawladnimada Soomaaliya magacii qaranka Soomaaliyeed dhabarka looga wareeno. Horay ayaan u sheegay in Gobolka uu loolan geopolitics ku soo socda, loona baahan yahay hoggaan feejigan oo maarayn kara danaha is diidan ee awoodaha Gobolka iyo kuwa dawliga ah ee ku loolamaya Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa sheegtay inay si xooggan uga soo horjeedo go’aanka dowladda Mareykanka ay cunaqabateynta ku saartay laba sarkaal oo dowladda Turkiga ka tirsan, sababo la xiriira wadaad diinta kirishtanka faafiya oo Mareykan ah, kaasi oo laba sano ku dhow ku xiran Turkiga. Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa sheegtay in go’aanka Mareykanka uusan waafaqsaneyn habka dowladeed iyo xeerarka sharciga iyo caddaaladda midna. Wasaaradda ayaa ku boorisay dowladda Mareykanka inay ka laabato go’aankeeda, waxayna ballan-qaaday inay qaadi doonta tallaabo tan la mid ah oo looga jawaabayo “gardarrada Mareykanka, ayada oo aan dib loo dhigin” Arbacadii, ayaa wasaaradda maaliyadda Mareykanka waxay ku dhawaaqday xayiraaado ka dhan ah wasiirka caddaaladda Turkiga Abdulhamit Gul, iyo wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu. Labadan mas’uul ayaa waxaa la xayiri doonaa dhammaan hantiada ka taal Mareykanka, waxaana dadka Mareykanka laga mamnuucay inay la sameeyaan wax xiriir maaliyadeed ah. Gul ayaa kadib go’aanka Mareykanka qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Geed igagama baxo Mareykanka, hal shilinna igama yaalo Mareykanka ama meel ka baxsan Turkiga”. 19-kii July aya a maxkamad ku taalla dalka Turkiga ay amartay in xabsiga lagu sii hayo Andrew Brunson oo ah ninka Mareykanka ah, oo ay dowladda Turkiga ku eedeysay argagixisanimo. Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka ayaa aad u liitay labadi sano ee lasoo dhaafay. Xariga ninkani ayaa qeyb ka ah mugdiga soo kala dhexgalay cilaaqaadka siyaasadeed ee labadani wadan oo ka wada tirsan NATO. Xaakimka Maxkamadda ayaa armay in dhageysiga dacwadda Andrew Brunson dib loo sii amba-qaadi doono 12-ka bisha October ee sannadkaan. VOA
  25. War goordhow nagasoo gaaray gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus uu qabsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Melleteriga Kenya. Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay ciidamo saad melleteri u siday deegaanka Faxfaxdhuun, dagaal culus ayaa lasoo sheegayaa in uu hadda ka socdo wada xiriirisa Girileey iyo Fax Faxdhuun. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayaan jugta madaafiic lays dhaafsanayo oo aad u culus. Wixii warar ah ee soo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.