-
Content Count
205,927 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada London ku qulqulaaya Diblumaasiyiin heer caalami ah oo lagu marti galiyay shirka khuseeya Somalia ee ka furmaaya London. Shirkan ayaa ku saabsan arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, kaasoo lagu lafa gurayo dhibaato kusoo fool leh dad gaaraya 2.7 million oo Soomaali ah. Shirka ayaa waxaa marti ku ah dowlado kala duwan iyo Hay’adaha gargaarka, Soomaaliya waxaa ku metelaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan. Waxyaabaha looga gol leeyahay shirka ayaa waxaa kamid ah in laga hadlo Somalia oo weli abaaro daran ay ka jiraan iyo sidii Hay’adaha gargaarka ay diirada u saari lahaayeen in ay ka hortagaan. Shirkan oo ka furmaya xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda Ingiriiska ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo la xiriira sidii loo kordhin lahaa qeylo dhaanta loo sameynayo Soomaaliya iyo sidii loo qorsheyn lahaa deeqaha Soomaaliya ee 2018-ka. Hey’addaha gargaarka ayaa doonaya in looggu yabooho $1.5 billion lacag gaareysa, si ay u fidiyaan barnaamijyo muddo socda oo lagu kaalmaynayo bulshada, si looga hortago in dhibaatooyin kale dhacaan. Hay’adda arrimaha Qaxootiga ee laga leeyahay Norway ee NRC ayaa ka digtay in haddii aan gargaar deg deg lala soo gaarin dadkaasi ay horseedi karto xaalad macluul oo mar kale Soomaaliya ku habsata. Dhinaca kale, Magaalada London xalay waxaa ka dhacay kulan horudhac ah oo ay isku arkeen wafdiga Dowladda Soomaaliya shirkan ku metelaya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed Ingiriiska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shir ahmiyad gaara u leh Somalia oo lagu wado inuu ka furmo magaalada London (Maxaa diirada lagu saarayaa?) appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga La-socodka iyo Dib-u-Eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala laabtay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay ku eedeeyeen in uu curyaamiyay geeddi-socodkii dib-u-eegista Dastuurka dalka. Qoraal uu guddigu soo saaray oo lagu wargeliyay madaxda dalka,sidoo kalena lagu socodsiiyay guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xoosh marin-habaabiyay geedi-socodka dastuurka,sidaasi darteedna kalsoonidi wada-shaqeynta uu guddigu kala noqday. Halkaan ka akhriso qoraalka guddiga PUNTLAND POST The post Guddiga La-socodka iyo Dib-u-Eegista Dastuurka oo kalsoonida kala noqda Wasiir Xoosh appeared first on Puntland Post.
-
Dawladda Australiya ayaa ku dhawaaqday in ay gargaar bani’aadamnimo ufidinayso dadka ku nool Soomaaliya ee wajahaya colaadaha iyo abaaraha. Australia waxay horey u sheegtay inay 17 milyan oo dollar sannadkii 2017 ku caawisay Soomaaliya, si looga hortago macluushii baahsanayd ee waddanka ka jirtay, sannadkaan 2018 waxay kaloo sheegtay inay 6 milyan oo Soomaali ah u baahan yihiin gargaar bini’aadinimo, dadkaasina labo milyan oo kamid ah waa barakacayaal iyo carruur. Australia waxay bixinaysaa $5.5 milyan oo loogu talo galay, gargaarka cuntada, biyaha nadiifka ah iyo in hoy loogu dhiso dadka nugul. Dowladda Australia waxay sheegtay gargaarkaan inay usii marindoonto hay’addaha Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda ka shaqeeya arrimaha gargaarka. Kaalinta bani’aadamnimo ee Australia waxay gacan ka geysaneysaa caawinta bulshada si kor loogu qaado horumarinta beeraha iyo maareynta maaliyadeed si ay shacabku u noqon karaan kuwo u adkeysan kara abaarta. Puntlandi.com
-
LONDON — The competing demands of numerous global crises mean some 2.7 million people in Somalia who need food are at risk of being ignored by donors, increasing the country's likelihood of famine, aid agencies said Monday. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga Dib u eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in ay oo kalsoonida kala noqdeen Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil. War saxaafadeed dhawaan guddigaan kasoo baxay islamarkaana aan warbaahinta lala wadaagin, ayaa lagu sheegay in Wasiir Xoosh Jibriil uu hortaagan yahay geedi-socodka dastuurka iyo nidaamka federalka ee uu dalku qaatay.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa dowlada Imaaraadka Carabta ugu baaqay inay faraha kala baxdo arrimaha dowlada Somalia. Xildhibaan Axmed Fiqi, ayaa sheegay in dowlada Imaaraadka Carabta ay ilowday madaxbanaanida Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somalia ay ka gudbi doonto halka ay iminka taagan tahay, isla markaana mar un ka jawaab celin doonto faragalinta ay kala kulmeyso Imaaraadka. Axmed Fiqi, waxa uu tilmaamay inuu garwaaqsan yahay in Imaaradaha Dubai iyo kuwa kale ee Imaaraadku leeyahay aysan ka raali noqon doonin faragalin ay ku sameyso Somalia, hase ahaatee aysan Somalia aqbali doonin in amuuraheeda ay soo faragaliso Imaaraadka. ‘’Waxaan leeyahay Imaaraadka idinma aan faragalin ee naga daaya faragalinta, waxaan taariikhda ku heysanaa in dowladeenii hore ay garab siin jirtay Imaaraadka xili ay heysatay dhibaato’’ ‘’Tallooyinkeena waxaa kamid ahaa in Wasaarada arrimaha dibadda Somalia ay u yeerto Safiirka Imaaraadka u fadhiya Xamar waxna ka weydiiso eedeymaha ay u jeediyeen si uu uga jawaabo’’ ‘’Waxaan ka dooneynaa inuu madax-baneeyo amadax-banaanida Somalia oo uu faraha kula jiro’’ Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Dowlad Goboleedyada ka jira dalka ay ka xishoodaan in laga horgeeyo dowlada Somalia, isla markaana ay ku dadaalan Qaranimada Somalia. Axmed Fiqi, waxa uu sheegay in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ku jiraan kuwo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowlada, wuxuuna cod dheer ku sheegay in arrin fool-xun ay tahay inay ka shaqeeyan howlo kale, isagoo ugu baaqay inay hoosyimaadan dowlada Dhexe. The post Daawo: Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday dowlada Imaaraadka iyo madaxda maamullada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Somalia Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa markii ugu horeysay ka soo horjeestay heshiiska dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Shirkadda DP World. Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah Dowladda Ethiopia oo saami laga siiyay maalgashiga Dekadda Berbera, waxa uuna Buubaa heshiiskaas ku sheegay mid aan suuragal aheyn. Waxa uu Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa cadeeyay in Maamulka Somaliland ay qalad ku tahay in 30% kaliya ay Somaliland qaadato halka 70% ay la wareegtay Dowladda Imaaraadka iyo Dowladda Ethiopia. Waxa uu carab ***** in saamiga ugu badan ay qaaten dowlado shisheeye, halka Somaliland ay ka qaadaneyso saami aad u hooseeya. Wuxuu Siyaasiga Buubaa farta ku goday in Somaliland laga doonaayay inay hesho Saami dhan 51% taas oo u suuragelin karta in marka la kulmayo ay go’aanka iyada yeelato. Sidoo kale, waxa uu Buubaa sheegay xitaa in Heshiiskaas uu qaadacay Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Waddani, waxa uuna sheegay in uu arrintan ka horyimid markii horena ay diideen,isaga oo sheegay in heshiiskii 1-aad ee 65% DP World uu markii horeba qalad ahaa. Buubaa, waxa uu carab ***** in ugu danbeyntii Heshiiska Somaliland, DP World iyo Ethiopia uu noqon doono mid wax kama jiraan ah. Docda kale, Ismaaciil Buubaa ayaa sheegay in go’aanka saamigaasi lagu siiyay Ethiopia iyo Imaaraadka ay tahay mid dhaawici karta dadaalka ay Somaliland ugu jirto in ay madaxbanaani ku gaarto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Buubaa oo si caro leh uga hor imaaday heshiiska saami qeybsiga DP World, Somaliland iyo Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Xafiiska Xeer-ilaalinta ee Somaliland wuxuu dacwad ku soo oogay Naciima Axmed Ibraahim oo laga xiray 27kii January 2018 gegida diyaaradaha ee Cigaaal iyada oo u sii socotay magaalada Muqdisho. Naciima waxay Xeer-ilaalintu ku eedaysay “hawlo qaranka ka dhan ah oo muwaadin ka sameeyo dalka debediisa (Qodobka 212 ee Xeerka Ciqaabta) iyo Ceebayn Qaran (qodobka 219 ee Xeerka Ciqaabta). Sida ku qoran eedda, eedda hore waxaay la xidhiidhaa qoraal la sheegay in Naciima soo dhigtay barteeda Facebook ga. Xeer Ilaalintu waxaay sheegtay in qoraalkaasi “wiiqayo jirtaanka Qaranka JSL, midnimadiisa iyo wada jirkiisa.” Eedda labaad waxaay ku saabsan tahay “cay iyo ceebayn ay u gaysatay Qaranka JSL,” sida ku qaran xaashida eedda. Hadii lagu helo Naciima qodobadaas, waxaay wajihi kartaa in ka badan sideed sanadood oo xadhig ah. Maxamed Kayse Maxamuud oo la xidhay 7dii February 2018 ayaa isna weli u xidhan qoraalo la sheegay inuu Facebook ga soo dhigay. Ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha guud oo hore ula hadlay VOASomali wuxuu sheegay in loo haysto dacaayad ka dhan ah qaranka Somaliland. Somaliland waxaay ku dhawaaqday 18 May 1991 inay dib uga la soo noqotay Somalia madax-banaanideedii. Dastuurka Somaliland, Mucaahadada Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaana iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku waxaay damaanad qaadeen xorriyadda cabiraadda aragtida. Xarunta Xuquqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland inay la noqoto eedaha ay ku soo oogtay Naciima islamarkaana ay xoriyeedooda u soo celis Naciima Axmed iyo Maxamed Kayse Maxamuud. Guleid Ahmed Jama Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Hargeysa Somaliland The post Gabadhii Hargeysa ugu xirneyd Soomaalinimada oo xeer ilaalinta Somaliland kusoo oogay danbi 8 sano xabsi ah ku mudeysan karto appeared first on Caasimada Online.
-
Warsaxaafadeed ay baahisay madaxtooyada Soomaaliland ayaa looga hadlay hadallo ay warbaahinta mariyeen mas’uuliyiinta asxaabta mucaaradka ah , madaxtooyadda waxaa ay beenisay in madaxweyne Biixi uu qoraal raalligalin ah u direy, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe. Madaxtooyada Soomaaliland, waxaa kalo ay ka jawaabtay shir saxaafadeed uu maanta qabtey guddoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo xukuumadda ku dhaliilay heshiiska dekedda Berbera oo u sheegay inuu ka soo horjeedo. “Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxaanu xasuusinaynnaa in Heshiiska DP World yahay heshiiskii isaga oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, uu Golahaasi si buuxda u ansixiyey… waxa uu caddeeyey maanta in Dastuurka JSL siiyey xukuumadda awoodda ay heshiisyo kula gali karto dawladdo, shirkaddo ama ururro caalami ah. Isla hadalkiisa dhexdiisana wuxuu ka hor-yimid qodobkaa Dastuuriga ah, isaga oo sheegay in uu diiddan yahay heshiiska Xukuumaddu la gashay DP World iyo Itoobiya -Guddoomiye Cabdiraxmaan ummadda ha u sharraxo nuxurka sharci ee uu ku diiddan yahay heshiiskan.Sida uu dhigayo Dastuurka JSL, isla markaana Guddoomiyaha Xisbiga Waddani uu qiray maanta, Xukuumadda JSL waxa ay awood u leedahay wax-ka-beddelka iyo kaabista heshiisyada, haddii ay u aragto in ay ku jirto dan Qaran. Intaas kaddib ayay marisaa Xukuumaddu Golayaasha Xeer-dajinta Qaranka. “Guddoomiye Cabdiraxmaan waxaanu leennahay, (Baroortu orgiga ka weyn) ee onkodoow, xeeshaa dhac.”ayaa lugu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliland.
-
On 4th March 2018, the Office of the Attorney General charged Neama Ahmed Ibrahim who was arrested on 27th January 2018 from Hargeisa Egal International Airport while she was traveling to Mogadishu, the capital of Somalia. The prosecution charged Naema of two accounts: Anti-national Activity of a citizen abroad (article 212 of the Penal Code) and Bringing the Nation or the State into Contempt (article 219(2) of the Penal Code). As stated in the charge sheet dated on 4th March, the first charge relates to a Facebook post allegedly written by Naema in her Facebook account. The prosecution says the post “weakens the existence, unity, and solidarity of the State.” The second charge is about “insult and defamation against the state circulated in the media,” by Naema, the charge sheet says. If found guilty, Naema could face more than eight years of imprisonment. Mohamed Kayse Mohamoud who was arrested on 7th February 2018 for Facebook posts, is also in detention. Mohamed was arrested for comments posted on his Facebook account. The Deputy Attorney General who in earlier spoke to VOASomali, called these Facebook posts as a “propaganda against the statehood of Somaliland”. Somaliland declared restoration of independence from Somalia on 18th May 1991. The Constitution of Somaliland, the International Covenant on Civil and Political Rights and the Universal Declaration of Human Rights guarantee freedom of expression. Human Rights Centre requests the government of Somaliland to drop all charges against Naema, and to release both Naema Ahmed and Mohamed Kayse Mohamoud. Guleid Ahmed Jama Director of Human Rights Centre Hargeysa Somaliland
-
The signing of the tripartite agreement on Berbera Port made to coincide with the visit of the Prime Minister of the Federal Government of Somalia in UAE presents the Mogadishu-based government with the second sovereignty-diminishing problem. The first occurred several months after the inauguration of President Mohamed Abdullahi Farmaajo in February in 2017, when a Somali national was extradited to Ethiopia for allegedly being a member of ONLF. The Berbera Port Agreement will reduce the image of the Federal Government of Somalia as a key negotiator with Somaliland Government on the possibility of giving union a second chance or opting for amicable break up of Somalia into two sovereign states in the Northeast Africa. Controversial though the Port deal is the onus to prevent it from turning into a divisive issue among Somalis and Somalia's international partners is, one hand, on Somali political leaders in Hargeisa and Mogadishu , and the International Community on the other. If, as Somaliland argues, the agreement was concluded between the Somaliland government and the former Federal Government under President Hassan Sheikh Mohamud, the federal government should share with the public the documentation on the agreement. The bone of contention in Berbera Port agreement pertains not to allowing Somaliland to sign an agreement with the DP World; it revolves around the share a foreign country, Ethiopia in this case, will have in the deal. The Prime Minister of Somalia, Hassan Khayre, stated that the Berbera Port agreement was in violation of the Draft Constitution of Somalia. It is understandable that an agreement signed by a predecessor government will be hard to rescind; it will put in the public sphere the capability and reliability of the federal government up for discussion. Somalilanders counter the federal government’s statement with a response that emphasises inability of the government to operate without reliance on AMISOM. If sovereignty of Somalia does not entitle a national government to the right to challenge external actions affecting territorial or political unity of Somalia, the double standard that is undermining the post-World War II Order will inescapably come to the fore. DP World, which is based in UAE, a county that contributes to the development of Somali security forces and the national army and where DP World is based , and Ethiopia whose troops are part of AMISOM, have now in their hands the powers to undo what the British Government has done to help Somalis to phase out the Transitional Federal Government and pave the way for a permanent federal government whose performance has lifted Somalia out of the failed state status and placed in a fragile state status. Interdependence among African countries is a worthy goal but it should not be realised at the expense of budding political institutions for a country recovering from a prolonged civil war and statelessness. The Federal Government of Somalia and Somaliland Government should explore ways to discuss the legality of the agreement. If there is no clarity on how the Federal Government of Somalia will share revenues to be generated from the Berbera Port deal, Somaliland will face accusations that it is operating outside international norms. If, as Somaliland government argues, the former federal government leaders gave the greenlight to sign the tripartite agreement, it should not push the federal government into corner by making it look like powerless to challenge the Berbera Port agreement. There is short term damage to Somali Federal Government institutions if the incumbent government is not able to put the implementation of the agreement on hold; the longer term damage will affect Somaliland's quest for statehood. It will have acted like a sovereign state when the question of union or secession remains unsettled. That is not a road to take to become a new sovereign state in Africa. Liban Ahmad libahm@icloud.com
-
WE are disappointed by the shifting of Talks between Somalia and Somaliland from Turkey to Switzerland.” This was stated by the Turkey’s deputy prime minister Hakan Cavusglu during a meeting with Somalia president Mohamed Abdilahi Farmajo in Mogadishu. According to Geeska Afrika sources close to Villa Somalia, the Turkish official was emphatic that authorities in Ankara view the talk’s development as spite in the face Turkey has been hosting the international sanctioned talks for a number of years but its partiality towards the position of Somalia led Somaliland to seek alternate venues. The source within villa Somalia further informs that President Farmajo was at pains in soothing the Turks telling them that “The changes were occasioned by Somaliland president Musa Behi Abdi.” President Farmajo also took the opportunity to thank the people and government of Turkey for continued support, our source reports. Following agreement between the two countries Presidents Behi and Farmajo shall meet in Djibouti this month of March to set the stage for talk’s resumption. Horn
-
The filth caused by the overflowing toilets, unbearable for anyone, poses a special problem for the Somali men, most of whom are Muslim, noted Lehner, the attorney from Americans for Immigrant Justice. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Bangala iyo xarunta tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo kormeerkiisa ka bilaabay xerada Bangala ayaa warbixinno ka dhageystay ciidamada iyo Saraakiisha Xoogga ee halkaas ku sugan, iyada oo sidoo kale uu kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha xerada. “Halkaan waxaan maanta idin kugu imid in aan idin soo kormeero oo aan arko Ciidamada iyo Saraakiisha loo diyaarinaayo in ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba difaacaan. Maanta sida qof walba ogyahay dalku waxa uu ku jiraa xaalad adag oo dagaal, xaaladda dagaalna waxaa loo baahan yahay in guud ahaan loo wada istaago difaaca qarannimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeedinayey ciidamada. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarunta ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo tababar uu uga socdo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Soomaaliyeed dhabar adeyga iyo kartida ay ku tilmaamanyihiin, isagoona sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan ciidankooda sidii ay uga dulqaadi lahayeen dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab. Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaad kahor waxa uu kormeeray Talisyada Ciidamada Milateriga, Nabad sugidda iyo Dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/DHAGEYSO_Farmaajo_Xeryo_Ciidan.mp3 PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Maant Kormeeray Xeryo Ciidan oo ku yaalla Dulleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Somalia would benefit substantially from police reform, especially one that adopts a civil policing system where officers work for the people rather than the state, and perform their job duties in an impartial, ethical, and professional manner. Source: Hiiraan Online
-
The signing of the tripartite agreement on Berbera Port made to coincide with the visit of the Prime Minister of the Federal Government of Somalia in UAE presents the Mogadishu-based government with the second sovereignty-diminishing problem. The first occurred several months after the inauguration of President Mohamed Abdullahi Farmaajo in February in 2017, when a Somali national was extradited to Ethiopia for allegedly being a member of ONLF. The Berbera Port Agreement will reduce the image of the Federal Government of Somalia as a key negotiator with Somaliland Government on the possibility of giving union a second chance or opting for amicable break up of Somalia into two sovereign states in the Northeast Africa. Controversial though the Port deal is the onus to prevent it from turning into a divisive issue among Somalis and Somalia's international partners is, one hand, on Somali political leaders in Hargeisa and Mogadishu , and the International Community on the other. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - A Somali Committee investigating the toll of the devastating truck bombing in Mogadishu on Oct 14 has released new figures which raises the number of dead to 587. Source: Hiiraan Online
-
The change in leadership follows the surprise resignation of Prime Minister Hailemariam Desalegn last month. He is the first ruler in modern Ethiopian history to step down; previous leaders have died in office or been overthrown. He said he wanted to clear the way for reforms. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, soona noqday Wasiir ka tirsan xukuumadii hore ee Soomaaliya ayaa soo jeediyey in dowladda Soomaaliya ay tallaabo ka qaado xadgudubka ay shirkadda DP World ku sameysay madax bannaanida Soomaaliya. “Warka kasoo yeeray Maareeyaha Shirkadda DP World Suldan binu Saxiim ma aha wax loo dulqaadan karo, waana wax taabanaya midnimada iyo madaxbanaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed..” ayuu yiri C/kariin Guuleed oo dowladda Soomaaliya u soo jiiday inay qaado tallaabooyin adag oo loogu jawaabayo Imaaraadka. Wuxuu soo jeediyay in si degdeg ah loogu yeero safiirka UAE u fadhiya Soomaaliya si wax looga waydiiyo arinkaan cabasho rasmi ah loogu gudbiyo, iyo in rasmi ah loo joojiyo hawlaha shirkadda DP World ay ka wado Barbera iyo Boosaso ilaa cudurdaar rasmi ah laga bixiyo xadgudubka lana marsiiyo heshiisyada shirkadda habraaca sharciyeed ah ee dalka u yaala. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post C/kariin Guuleed: “Waa in si degdeg ah loogu yeero safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, si..” appeared first on Caasimada Online.