Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,098
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mudane Maxamed C/llaahi farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyowafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shir uga qeybgalay magaalada Sharmal Sheekh ee Masar. Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,waxaana safarka madaxweynaha Soomaaliya ku wehliyay xubno katirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada. Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga. Khudbad uu shirkaasi ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ka hadlay baahida loo qabo in la abuuro jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso,Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.ayuu intaasi ku daray. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago. Dhanka kale waxaa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Shirkii Sharmal Sheekh appeared first on Puntland Post.
  2. Magaalada Bardaale ee gobolka Baay waxaa ka socda doorashooyinka dhismaha dowladaha Hoose ee maamulka K/galbeed ee Soomaaliya. Waxaa jira cabashooyin badan oo ay soo jeedinayaan bulshada halkaasi wada degta, guddoomiyaha guddiga baarlamaanka arrimaha gudaha iyo doorashooyinka dowladda hoose ee maamulka K/galbeed Cusmaan Macallin Cabdi ayaa sheegay waxa ka socda Bardaale inay tahay mid aan waafaqsaneyn sharciga. Cusmaan Macallin Cabdi ayaa baaq u diray dowladda Fedaraalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo fedaraalka inay soo faro galiso arrintaani. “Waxaan cadeynayaa in maamullada la dhisayo qodobka 9-aad iyo qodobka 10-aad in lagu tuntay ee kor joogteynta iyo xaqiijintii aan ku la heyn laga tagay umaddana si qalad ah wax loogu sheegay, maamul u sameynta degmada Bardaale waxay u socotaa si aan waafaqsaneyn sharciga”. Dhismaha dowladaha hoose ee K/galbeed Soomaaliya ayaa laga soo bilaabay degmada Xudur ee gobolka Bakool halkaasi oo ay ka dhacday doorasho dadka deegaanka ay soo doorteen guddoomiyaha degmada Xudur. Goobjoog News Source
  3. Xukuumada Puntland ayaa soo dhaweysay Dadaalka iyo doortay ay Isimadu ka qaateen Xalinta mushkiladaha khaasatan dadaalkii ay u galeen xalinta Khilaafkii dhex yiilay Ganacsatada wax kalasoo dega Bosaso iyo Xukuumada. Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Dadaalka Isimada wuxuu yiri” Waan soo dhaweynaynaa Dadaalka iyo go’aanka Isimada, Heshiisyada Dekada Bosaso Ma ahayn kuwo qarsoon oo isagoo Qoraal ah bay akhriyeen Golaha Wasiiradu”. Dhinaca kale Ganacsatada ayaa ka cabanaya lacago dheeraada oo lagu tilmaamey Canshuur kordhin kuwasoo looga dhalisay yahay in Shirkado gaar looleeyahay ay dul saarteen Canshuurtii rasmiga ahayd. Warkaan oo dhameystiran dhowaan naga filo Puntlandi Bosaso
  4. Kulan ay ku yeesheen saraakiisha kala duwan ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiran. Kulankaan ayaa u jeedkiisa waxaa uu ahaa mid isbarasho ee dhexmarayay maamulka cusub ee degmada Maxaas ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala magaalda Maxaas . Gaashaanle dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim oo ka mida saraakiisha ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u faahfaahiyey waxa ka soo baxay kulanka. “Kulankii dhacay waxaa uu u dhaxeeyay maamulka degmada Maxaas ee ciidanka AMISOM iyo saraakiisha xoogga dalka Soomaaliya, waxyaabaha looga hadlay ee muhiimadda lagu saaray marka koobaad waa amniga in laga howlgalo degaanno badan oo hoos yimaado degmadaani, waxaa si doo kale looga hadlay arrimo kale ee ku saabsan sidii dib looga xoreyn lahaa fariisimaha ay Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolka”. Goobjoog News Source
  5. Ururka Jaamacadda Carabta waxaa la asaasay 1945, bishii Maarso22: Waddanka Masar aya lagu Asaasay ilaa hadana xaruntiisu waa (Caasimadda Masar ee Qaahira) isbahaysiga Jamacadda Carabtu waa mid muddo dheer jiray waana mid aan Dunida waxba kusoo kordhin waana mid kala fogeeya Shacuubta Islaamka waa mid aad u tabar yar waana mid aan lahayn HADAF IYO HAN, waa mid Dalalkoodu cadow isu yihiin hadana bah wadaag ku ah Magaca Ururka Jamacadda Carabta, Akhri Tusaalooyinkan hoos aan ku sharrixi doono. Waxaa xubno ka ah 22, Dal iyo xubin sharafeed ah oo ah Dalka (Eritrea) Erratariya, Toddobaatan iyo labo (72) Sanno ayuu dhisan yahay Ururka Jammacada Carabtu. Malahan Ciidan Mideysan kana hortaga qalalsaha Waddamada Jamacadda Carabta. Isu socdka shacbiga Jaamacadda Carabtu waa Fiiso, micneheedu haddii aad tahay xubin kamida Ururka Jamacada Carabta laakiin aad doonayso inaad u safarto mid kamida Dalalka Jaamacadda Carabta Xitaa Xajika oo Sucuudiga ku yaal waa inaad Fiiso Qaatato xasusin tiro yar aya balaa fiiso isu ah. Ururka Jamacadda Carabta waxa ku bahoobay Dalal Muslimiina kuna yaal Qaaradda Afrika iyo Asiya 22kan Dal ee Jaammacada Carabtu intooda badan waa Dalal qaniya ama dhul wanaagsan leh. Waddamada Ururka Jammacada Carabtu waa Dalal dhammanatood kujira ciriiri siyaasaddeed iyo xukun aan shacabkoodu raali ka ahayn qeybtood hoggaamiyayaashoodu waa iska dhaxlan Kursiga ama xukunka Qeybtood xoog ayey isku xukuman qeybtoodna waxaa ku kala dhex jira Caalamka Soomaaliya ayaa tusaale u ah kuwa lagu kala dhex jiro. Ururka Midowga Yurub waxaa ku bahoobay 23, Dal oo ku yaal Qaaradda Yurub waxana la asaasay 1992, in kastoo uu horay u jiri jiray Heshiiska Rome (1958) kaasoo la oran jiray Ururka Dhaqaalaha Yurub (EEC). Midowga Yurub wuxuu yeeshay talo mideysan dhaqaale mideysan iyo siyaasad ballaaran oo ay ku Najaxeen Dalalkoodu iyo Bulshada Qaaradda Yurub wax qabadkooduna wuxuu gaara Qaaraddaha ka baxsan Yurub. Laakiin taas bedelkeed Ururka Islaamka ee Jammacada Carabtu waxay ku guul daraysteen inay Mideeyan Taladooda, dhaqaalahooda iyo siyaasaddooda, Ceebaha dul saaran Jamacada Carabta waxaa kamida Xaalka Suuriya Yemen, Soomaaliya iyo Liibiya oo dhammanatood xubin ka ah Jamacadda Carabta, Saadam Xusen waa la dilay weliba waa la daldalay, Qadaafi iyo Cali Cabdalle Saalax, Qadiyadda Qudus ama Masjidu AlAQSA oo maanta xalkiisu tagan yahay waxna aysan ka qaban karin, fool xumo weyna. Abwan Soomaaliyeed soo tuu lahaa Noloshu marbay Geerida dhanta. Ururka Jamacadda Carabtu intooda badan waxaa ka dhexeya muran siyaasadded iyo mid dhuleed Tusaale Waddamada Suudan iyo Masar dhul ayey ku muran san yihiin, Waddamada Muritaaniya Marooko , Aljeeriya iyo Liibiya waxa ka dhexeya muran Dhuleed, Masar iyo Liibiya ayaa Muran Dhuleed ka dhexeya, Sucuudiga iyo Yemen waa lamid Kuwayd iyo Ciraaq waa lamid tani waa Tusaale yar sida xitaa Ururka ay ku mideysan yihiin waa awoodi waayey inuu xaliyo xudduudaha Dalalka ay ka kooban yihiin Ururka Jamacadda Carabta. Ururka Midowga Yurub wuxuu leeyahay Hal Lacag sidookale waxay ku mideysan yihiin Canshuurta, Midowga Yurub Baasaboorkooda dhexdooda wa bilaa Fiise oo haddii aad Mawaadin Yurubiyana tahay Dalalka Midowga Yurub uma qaadanaysid Fiiso Dal ku gala. Taas bedelkeed Ururka Jamacadda Carabtu waxaa la isku qaata Fiiso Dal ku gala xitaa Dhalasho kama qaadan kartid mid kamida Ururka ku mideysan Jamacadda Carabta tusaale Adiga oo Soomaaliya kana tirsan Jamacadda Carabta, haddii aad Sucuudiga tagto waa laga masaafurinaya ama Inta aad jogto waxaa laga qaadaya Lacag. Xasuusnow Diin, ayaa innaga dhaxaysa Salaadeennu waa mid Qilbadeennu waa mid Dastuurkeennu waa Mi doo ah Kitaabka Alle. Waddamada Jaammacada Carabta ku mideebay ma lahan hannan Dimuqraadiyadeed oo xor Ummaddahoodu ay ku doortan madaxdooda. Waddamada Jammacada Carabta intooda badan waxaa u taliya keligi taliyayaal ilaa la gaaray heer Shacabkoodu xukunka uga riden kadibna si fool xun loo dilo. Jamacadda Carabtu waa waddamada ugu Khayraadka badan Dunida waxana ku jira Dhulal Barakeysan Rabbina ku sheegay Qur,aankiisa laakiin intooda badan waa faqiir, waxana sas ka dhigay Ex iyo Musuqmasuq iyo caddaalad xumo ka jirta dhexdooda. Ugu dambeyntiina wax tar xumada iyo ceebta ku gadaaman Ururka Jamacadda Carabta wuxuu keenay in hoggaamiyayaashooda sidii ladoono laga yeelo ilaa la garsiiyey heer Iyagoo arkaaya la Daldalo, iyagoo arkaaya la burburiyo Waddamadooda iyagoo arkaayana maanta laga qato Masaajidka Alqsa Ama Qudus. Taariikhdu uma dambi dhaafi doonto Dhalinyarada maanta inay Xallada Ummadda Carbeed ku eegtan sida ay tahay. waxaa sidas yiri Aqoonyahan carbeed Axmad Sol. Xaywaanka ladhaho Bahal Higlo waa tiro badan tahay waana tabar yar tahay waxana lamida Ururka Jamacadda Carabta Waxa Qoray Cabdinuur Faarax Maxamuud Falanqeeye arrimaha bulshada.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaa ay ka jirto cabsi weyn oo laga qabo in maleeshiyaadka al-Shabaab ay la wareegan Gobolka. Wararku waxa ay tibaaxayaan in maleeshiyaadka ay ku sugan yihiin inta badan hareeraha Gobolka, waxaana soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gedo ay gaaren magaalada Kismaayo. Deegaano dhowrah oo hoostaga Gobolka Gedo ayaa waxaa hadda ku sugan maleeshiyaad kor u dhaafaya 500 kuwaa oo wehlinaaya Horjoogaha ugu sareeya al-Shabaab Axmed Diiriye oo ku magic dheer ‘’Abu Cubeyda’’. Qeybo kamid ah isla Gobolka ayaa waxaa la soo warinayaa inuu ku sugan yahay Horjoogaha al-Shabaab ee Jubbooyinka Abu Cubeyda, halka qaar kale ay ku sugan yihiin deegaano ay kamid yihiin Ceel-Cadde oo ay isku hor fadhiyaan maleeshiyaad ka tirsan isla Shabaab. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa raja badan ka qabta inay gacanta ku dhigto Gobolka Gedo oo ay ku yar yihiin ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. Sidoo kale, waxa ay cabsi xoogan soo foodsaartay tirada mas’uuliyiin eek u harsan Gobolka Gedo oo ay suuragal tahay inay ku xirmaan waddooyinka ay isticmaali lahaayen haddii ay suuragasho in al-Shabaab u awood sheegtan ciidamada maamulka. Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaase muuqaneysa in xaalka uu yahay mid dhabaqsan isla markaana laga deyrinaayo haddii aan la helin cudud ciidan oo ka hortaga dhaqdhaqaaqa ay maleeshiyada ku doonayaan inay ku qabsadaan Gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog cusub: Mas’uuliyiinta G/Gedo oo qax u ah Kismaayo & Al-shabaab oo ku xisaabtameysa Gedo appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-War kasoo baxay Xukumada Falastiin ayaa waxaa lagu sheegay inaanu magaalada Qudus kasoo caga dhigan doonin diyaarad sida wafdi ka socda dowlada Mareykanka. Xukuumada Falastiin ayaa sheegtay inaysan weli ka jawaab celin dalab kaga imaaday dowlada Mareykanka oo muujinaaya in wafdi ka socda Mareykanka ay booqan doonaan magaalada Qudus. Qoraalka Xukuumada ayaa waxaa lagu sheegay in Falastiin aysan deegaanadooda kusoo dhaweyn doonin wafdiga uu hogaamin doono Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence oo la sheegay in dhamaadka bishan ku wajahan yahay bariga dhexe. Nuqul kamid ah qoraalka xukuumada Falastiin ayaa waxaa kamid ahaa ‘’Ma dhici doonto in xukuumada iyo shacabka Falastiin ay deegaanadooda kusoo dhaweeyan Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence’’ Sidoo kale, Mas’uul ka tirsan Xafiiska Donald Trump ayaa sheegay in Mike Pence ay ka go’an tahay in magaalada Qudus uu kula kulmo Madaxda ugu sareysa Falastiin oo uu horboodayo Cabbaas, waxa uuna mas’uulkaas ka digay baajinta kulanka. Si kastaba ha ahaatee, Madaxda Falastiniyiinta ayaa aad uga carootay go’aankii ka soo yeeray Donald Trump ee magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel, waxa ayna fal celinta Falastiin noqoneysaa mid ololisa deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Falastiin oo fariin geesinimo leh uga hortagtay wafdi ka socda Trump oo ku wajahan Qudus appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in xero duleedka ka ah Degmada ay ku xaniban yihiin ciidamo ka tirsan dowlada oo dhawaan halkaa loo dajiyay inay weerar ku qaadan Saldhigyada ay al-Shabaabka ka degan yihiin Gobolka Shabellaha Hoose. Ciidamadan oo dhowr kun dhan ayaa lasoo sheegayaa inay ku xaniban yihiin Xerada lagu diyaariyay isla markaana aysan weli qaadin sahmin ay ku ogaankaraan halka ay ka xigaan Saldhigyada Shabaabka. Mid kamid ah Saraakiisha hogaamineysa ciidamada oo lagu magacaabo C/lahi Cali ayaa sheegay in ciidamadu ay yihiin kuwo ku jira heegan isla markaana aan weli la galin duulaankii loo waday. Waxa uu sheegay in dowlada laga doonaayo inay ka dhabeyso qaadista dagaalka maadaama ay maleeshiyaadka al-Shabaab Gobolka ka sameysanayaan dhufeysyo hor leh. Waxa uu tilmaamay in xogo ay helayaan ay muujineyso in maleeshiyaadka ay qodeen wadooyin dhowr ah si aan loogu gudbin isla markaana qaarkood ay dhigeen maleeshiyaad farabadan. Waxa uu dowlada ku dhaliilay inay ka hordhacday duulaanka ay ku qaadeyso Saldhigyada al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose, balse ay ku fashilantay inay ka miro dhaliso. Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in cilada ay tahay mid ka socta dhanka Madaxda iyo Taliyayaasha maadaama ay ka hordhaceen duulaanka isla markaana maleeshiyada fursad u siiyeen inay isku faafiyaan Gobolka. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Federaalka ayaa loogu baaqay in ciidamada ay kasoo saarto xerooyinka ku yaala duleedka Degmada Afgooye ama ay isticmaasho awood ciidan oo ay qaado duulaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Halkee ayey ku danbeeyen ciidamadii farahabadnaa ee DFS u diyaarisay duulanka ka dhanka ah al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  9. Ururka jaamacadda Carabta ayaa ku booriyay Mareykanka in dib u eegis lagu sameeyo go’aankii madaxweynaha Mareykanka Trump ee ahaa in Qudus oo u aqoonsaday magaalo madaxda maamulka Israel. Wasiirada arrimaha dibadda ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxay ka digeen tallaabo kasta oo keeni karta in gobolka ay ka huraan xad-gudubyo. War-saxaafadeed ay si wada jir ah ay u soo saareen ka dib kulan degdeg ah oo ay qabteen wasiirada arrimaha dibadda ee ururka jaamacadda carabta kana dhacay magaalada Qaahira ayna ka soo qeybgaleen dhammaan xubnaha ururka ayaa waxay ku tilmaameen go’aankii Trump inuu ahaa mid halis ku ah kuna tumanayo sharciga caalamiga ah. Ahmed Abuu Gheit oo ah xoghayaha ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay bulshada Caalamka in ay diidaan go’aanka Trump ee ku saabsan arrinta Qudus, sidoo kale waxaa uu dunida uu ugu baaqay inay aqoonsadaan dowladda Falastiin. Goobjoog News Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa habbeenimadii xalay magaalada Qahira ee dalka Masar ka dhacay shirka Wasiirradda Arrimaha dibadda dalalka ku jira Jaamacadda Carabta. Shirka ayaa waxaa ku dhamaa Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka ku jira Jaamacada Carabta waxaana diirada lagu saaray go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka Trump Qudus ugu gacan galiyay Israel. Wasiiradu waxa ay sheegen inaan la aqbali karin in Israel ay caasimada u noqoto magaalada Qudus, waxa ayna Trump ku eedeeyen inuu ka shaqeynaayo colaado dhexmara dunida muslimka iyo wadamada kale ee aan islaamka aheyn. Waxa ay Wasiiradu tilmaamen in Trump uu inta badan wakhtigiisa ku bixiyay abuurista Jawi colaadeed oo dhexmara dunida muslimka iyo kuwa heysta diimaha kale, waxa ayna ku baaqeen in si wada jira loo qaado talaabooyin aan ka ganbasho laheyn. Wasiiradu waxa ay sheegen in ay soo saari doonaan go’aan mid ah oo ay kaga jawaabayaan hadalkii Trump ee Qudus oo lagu sifeeyay mid islaam naceyb ah. Gebran Bassil, oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan ayaa sidoo kale shirka ka sheegay in dowladaha Carabta ay tahay inay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka si looga hortago inay u raraan safaaradda Israaa’iil magaalada Qudus. Gebran Bassil, waxa uu soo jeediyay inaan lagu kala jabin go’aan ka qaadashada qadiyada Trump ee Qudus waxa uuna arrin aad u fool xun ku tilmaamay in laga aamuso Qudus oo hortaal dalalka muslimka ah. Geesta kale, Bassil ayaa sheegay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed Mareykanka. Dowladaha carabta ayaa aad uga careysan go’aanka Trump ee Qudus waxaana arrin aad looga naxo lagu sheegay haddii ay dhacdo in dalalka khaliijka ay siyaasadeeyan Qudus. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiirada A/dibada dalalka ku jira Jaamacada Carabta oo mowqif cad ka istaagay Go’aanka Trump ee Qudus appeared first on Caasimada Online.
  11. A member of the US Congress has urged the Defence Department to launch a new investigation into reports of a civilian massacre carried out in Somalia by US Special Forces. Congressman Ted Lieu pressed a senior Defence Department official to review recent media reports that the US troops had shot dead 10 unarmed Somalis on a farm in the town of Bariire in August. David Trachtenberg, acting under-secretary of defence for policy, responded that he would relay to his department the congressman’s call for a new investigation. CIVILIAN CASUALTIES Mr Trachtenberg also pointed out that the US Africa Command (Africom) had already investigated the operation and found that “the only casualties suffered were of armed combatants who fired on US Special Forces.” “We in the Department of Defence take any accusation of civilian casualties very seriously and we work to avoid them at all cost,” Mr Trachtenberg said. The exchange took place at a House of Representatives hearing in Washington on US “Counterterrorism Efforts in Africa.” Congressman Lieu, a California Democrat, had called attention to a pair of news stories reporting that the Special Forces’ ground attack in Bariire was based on intelligence from local rivals of those killed on the farm. The US raid, carried out in conjunction with Somali government troops, was also reportedly conducted against the advice of Ugandan Brig Gen Kayanja Muhanga, the commander of the African Union military contingent in that region of Somalia. In stories published on November 29 and December 6, reporter Christina Goldbaum relied on the accounts of several unnamed Somali National Army members and local clan elders. The reports appeared in the Daily Beast, a New York-based online news publication. One of the Somali soldiers said he saw the US commandos firing on unarmed victims, Ms Goldbaum reported. Eight US soldiers leading the attack shot at two unarmed people who were preparing tea, according to the anonymous Somali army source. Immediately following those shootings, “Somali National Army soldiers rushed forward and fired on three farmers in a nearby shed,” Ms Goldbaum wrote. “The US soldiers began firing at others in the farming village who came out of their homes.” The Somalia federal movement has conducted its own investigation of the attack in Bariire but has not released its findings. “According to multiple sources familiar with the Somali government inquiry, it determined the farmers were civilians who were wrongly killed, but it was buried as the result of U.S. pressure,” Ms Goldbaum reported. In the days following the August 25 attack, Somali government officials charged that the 10 slain men and boys were all civilians. Bariire, situated 45 kilometres west of Mogadishu, has been the focus of battles between Al-Shabaab militants and forces under the command of the African Union and Somali government. Reuters reported in September — one month after the joint US-Somali attack — that Shabaab had overrun a Somali army base near Bariire, killing 15 soldiers and taking control of the town itself. President Donald Trump earlier this year loosened rules for US attacks on suspected Shabaab targets, giving greater authority to field commanders. African Command leaders have repeatedly said since then that efforts to protect Somali civilians would not diminish. As another indication of the expanding US military role in Somalia, more than 500 US troops are now based in the country. Source: – Daily Nation The post US lawmaker presses Pentagon on reports of civilian massacre in Somalia – Daily Nation appeared first on Caasimada Online.
  12. Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shir 3 maalmood ah oo looga hadlo sidii dib loogu soo celin lahaa shirkadii Somali Airline. Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen, wasiirka wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda C/raxmaan Xersi Kulmiye, xubno kasocday Guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka iyo qaar kamid ah shaqaalihii shirkadda Diyaaradaha Somali Airline ayaa waxaa la is dhaafsadey fikrado ku aadan qaabka ugu fadud ee loo howgalin karo Shirkadda Somali Airline oo baahi weyna ay u qabaan bulshada in la helo adeegyadii ay qaban jirtey. Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada Mudane C/Raxmaan oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in wasaaraddu ay waqti badan gelineyso in dib loo soo celiyo shirkadda Diyaaradaha Soomaali Airline oo ahmiyad weyn u leh bulshada Soomaaliyeed. Mudane C/raxmaan Xirsi Kulmiye ayaa tilmaamay in kulankaan oo socon doona muddo sadex maalin ah ay ku wareysan doonaan shaqaalihii hore ee Shirkaddaasi, islamarkaana fikrado iyo talooyin ay ka qaadan doonaan. Goobjoog News Source
  13. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shir uga qeybgalay magaalada Sharmal Sheekh ee Masar. Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,waxaana safarka madaxweynaha Soomaaliya ku wehliyay xubno katirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada. Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga. Khudbad uu shirkaasi ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ka hadlay baahida loo qabo in la abuuro jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso,Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.ayuu intaasi ku daray. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago. Dhanka kale waxaa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka. Goobjoog News Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa ka hadlay shirkii amniga Qaranka Somalia, kan beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in shirarkaas kala duwan ay kusoo dhammaadeen guul, iyadoo ay dowlada Somalia ku gaartay guulihii ay hiigsan laheyd. Cabdiweli Gaas, ayaa sheegay in shirka amniga Qaranka Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhiyey geedi socodka dawladnimada Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu xusay in shirkani lagu dhisi doono ciidan Soomaaliyeed oo Soomaali oo dhan ka dhexeeya, kana qaybqaata amniga iyo xasilinta dalka, sida uu hadalka u dhigay. Cabdiweli Gaas, ayaa xusay in 2,400 oo cidanka maamulka Puntland ahi ay qayb ka noqon doonaan ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee hadda layagleelayo isku dhafkiisa. Cabdiweli Gaas, ayaa sidoo kale sheegay in shirka madaxda Qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka looga hadlay arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu tilmaamay in labada ajandeba ay muhiim u ahaayeen Qaranka Soomaaliyeed. Waxa uu carab dhabay inay badan tahay rajada uu ka qabo in la dhaqan galiyo Heshiiska lagu gaaray shirarka soo dhammaaday, haddii aanu dhici doonin baalmarka waxa lagu heshiiyay. Docda kale, waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia laga doonaayo inay dhaqan galiso dhammaan waxyaabaha kasoo baxay shirka si horay looga sii socdo hadlka iminka la taagan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay tahay rajada uu C/weli Gaas ka qabi karo natiijada kasoo baxday shirarkii is xigxigay ee kusoo dhammaaday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in 3; Wasiir oo kamid ahaa xukuumaddii Raisalwasaare Cumar Cabdirashiid; ay kamid noqon doonaan xukuumadda Raisalwasaare Kheyre; kaddib wadahadal dheer oo u dhexeeyey todobaadyadii tegey madax katirsan Xukuumadda Raisalwasaare Kheyre. Maxamed Aadan Fargeeti, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed; ayaa kamid ah wejiyada la filayo in ay soo galaan golaha xukuumadda. Waxa lagayaabaa in Cabdirisaaq Cumar Maxamed; loo dhiibo wasaaradda Waxbarashada, halka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), lagayaabo in uu ku soo baxo Wasaaradda Ganacsiga. Maxamed Aadan Fargeeti; waxa suuragal ah in caado siyaasadeedka 4.5; ay si weyn u saameyso, balse si walba waxa uu kamid noqon doonaa golaha wasiirada. Sababaha Dadaal badan iyo abaabul ay sameeyeen siyaasiyiintan qaarkood oo kaashanaya madaxda maamulada ay ka soo jeedaan,xildhibaanada ku metela Baarlamaanka iyo daacadnimo ay qaarkood u muujiyeen madaxda xukuumadda ayaa lagayaaba in ay sabab u tahay in ay soo gaalaan golaha xukuumadda. Haddii ay tani dhacdo sida la filayo waxa xilalkoda waayi doona wasiirada ganacsiga iyo Waxbarashada, kuwaas oo lagayaabo in ay xilka u weynayaan xiriirka ay la leeyihiin madaxda xukuumadda, iyada oo ay suuragal tahay in wasiirka waxbarashadu uusan xiriir fiican la lahayn tusaale ahaan madaxtooyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Qaar ka mid ah wejiyada cusub ee kasoo muuqan doona golaha wasiirada cusub appeared first on Caasimada Online.
  16. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre wuxuu si sharci darro ah u magacaabay guddi dib-u-habeyn iyo shaqaaleyn cusub ku sameeynaya Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. R a’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu guddigaas ka dhex sameeyey Golihiisa Wasiirada iyo Xafiiskiisa, taas oo ka baxsan Dastuurka, sharciga iyo nidaamka shaqaalaha rayidka lagu maamulo. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu soo saaray go’aan sharci darro ah 14kii Oktoober 2017, go’aankaas oo uu ku abuuray labo guddi oo ujeedadoodu tahay iney soo xulaan si ka baxsan sharciga saaxiibo siyaasadeed oo lagu badalayo Agaasimayaasha Guud oo hadda shaqeeya. Xubno ka tirsan Guddiga Shaqaalaha Rayidka waxay sheegeen in sharci darro uu yahay filicka Ra’iisul Wasaaraha kana hor imaanayo Dastuurka, Sharciyada iyo Nidaamyada dawladda loona baahan yahay in Guddiyada Baarlamaanka ay khuseyso iyo Maxkamadaha dalku wax ka qabtaan. Qeyb ka mid ah Go’aanka Golaha Wasiirada – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddiga dib-u-habeynta Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Guddigan ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare k/xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxana ay isugu jiraan shan (5) Wasiir iyo shan (5) xubnood oo ka imaanaya ururada bulshada rayidka ah. Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ee kor ku xusani wuxuu ka hor imaanayaa Dastuurka, Sharciga iyo Nidaamka Dawliga. Sarkaal dawladda ayaa noo xaqiijiyey in la xayaysiiyey jagooyinkii Agaasimayaasha Guud ayadoo aan la magacaabin xubnaha ka imaanaya ururada bulshada rayidka ah sida ku cad Go’aanka Golaha Wasiirada ama guddi farsamo in kastoo labaduba sharci darro yihiin, lana ogeyn cidda shaqada wadda iyo sharciga ay ku saleysan yihiin. QODOBKA 13AAD – SHARCIGA SHAQAALAHA RAYIDKA, IMTIXAANAADKA IYO QORISTA SHAQAALAHA RAYIDKA EE DAWLADDA. Imtixaan kasta ama shaqosiin kasta oo ku saabsan shaqaale loo qorayo Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda, waxaa maamulaya Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ah. WAXAA QODOBKAN KU CAD IN XAFIISKA KALIYA OO SI SHARCI AH SHAQAALE DAWLADEED U QORI KARA UU YAHAY GUDDIGA SHAQAALAHA RAYIDKA. QODOBKA 16AAD – SHARCIGA SHAQAALAHA RAYIDKA, ANSIXINTA QORITAANKA SHAQAALAHA. (1) Qoridda Shaqaalaha Dawladda ee Darajooyinka (A) iyo (AY) waxay ku ansaxeysaa ama ku dhaqan galaysaa Xeer uu soo saaro Madaxweynuha Jamhuuriyadda Soomaaliya kadib marka uu helo Go’aanka Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka WAXAA KU CAD QODOBKAN IN GO’AANKA SHAQO QORIDDA UU LEEYAHAY GUDDIGA SHAQAALAHA RAYIDKA, MADAXWEYNUHUNA UU KU LEEYAHAY ANSIXIN SHAQAALAHA (A) IYO (AY). QODOBKA 7AAD – SHARCIGA SHAQAALAHA RAYIDKA, WEYDIIN QORIS SHAQAALE Hay’adaha Dowladdu marka ay u baahdaan shaqaale, waxay waydiisanayaan Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda ayagoo dalabkooda nuqul ka siinaaya Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha Guudigu wuxuu jiritaanka baahida shaqaale ee loo soo bandhigay kala tashanayaa Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha, wuxuuna sida ugu dhaqsaha badan ugu dhaqaaqayaa labadaan talaabo midkood: b) wuxuu hay’adda dalabka u soo gudbisay u dirayaa tartamayaal shuruudaha shaqaalaha la doonayo leh oo horay imtixaan uga soo gudbay liiska kaydkana ugu soo jiray muddo aan ka badnayn laba bilood t) Wuxuu dalabka shaqaale iyo shuruudaha looga baahan yahayba ku faafinaysaa wargeysyada, raadiyayaasha iyo website-yada Qoridda Shaqaalaha waxay noqonaysaa tartan furan oo loo siman yahay Shaqaalaha qoriddooda waxaa loo raacayaa habka shaqo-qorista shaqaalaha ee sharcigani tilmaamayo iyo wixii habraac kale ah ee uu Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladdu u dajiyo. Hadaba, waa maxay xilka iyo awoodda Ra’iisul Wasaaraha ee Dastuuriga ah: QODOBKA 100AAD – XILKA IYO AWOODDA RA’IISUL-WASAARAHA Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa: (a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah; (b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada; (c) Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni. (d) In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray Dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan Dastuurkan iyo qiyamkiisa. XUQUUDDA SHAQAALAHA EE DASTUURKA KU QEEXAN: QODOBKA 116AAD – ILAALINTA XUQUUQDA SHAQAALAHA DAWLADDA EE RAYIDKA AH Shaqaalaha rayidka ah lagulama kici karo: (a) Bahdilid waajibaadkooda shaqo ay gudanayaan awgood. (b) Laguma sameyn karo xilkaqaadid, lagama wareejin karo xafiiska, darajadooda hoos looma dhihi karo, inay jirto sabab maangal ah oo sharci ku dhisan. Ugu dambeyn, waxaa kaloo xusid mudan in xubno badan oo ka mid ah Agaasimayaasha Guud oo shaqada laga qaaday in ay ku magacaaban yihiin Dikereto Madaxweyne, saa daraadeedna uusan shaqada ka qaadi karin Ra’iisul Wasaaruhu. Source: caasimada.net
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muran xoogan uu weli ka taagan yahay xukunka dilka ah ee lagu fulin lahaa dablihii dilay allaha unaxariiste Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji, oo la dilay xili uu maraayay afafka hore ee Xarunta Villa Somalia. Askariga dablaha ah ee geystay dilka Wasiirka oo dhowr jeer uu ku dhacay xukun dil ah, ayaa waxaa xukunkaas loo fulin la’ yahay muran ka taagan kiiska dilkiisa. Warqada lagu toogan lahaa Askarigaas oo lagu magacaabo Axmed Cabdulaahi Cabdi Caydiid, ayaa hortaal Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, hase ahaatee weli ma uusan saxiixin, iyadoo aan la ogeyn sababta. Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida oo riday Xukunka ayaa ilaa Seddex jeer Madaxweynaha ka dalbatay saxiixa warqada lagu fulin lahaa dilka. Saxiixa Madaxweynaha ugu sareeya dalka ayaa lagu fuliyaa kiisaska dilalka ay fulineyso Maxkamada Sare ee dalka, waxaana iminka muuqaneysa in saxiixa Madaxweynaha uu hakat ugu jiro caqabado jira oo aan weli la shaacin. Ilo ku dhow dhow qoyska askariga lagu magacaabo Axmed Cabdulaahi Cabdi Caydiid, ayaa xaqiijiyay in weli ay wadahadal kula jiraan qoyska uu kasoo jeedo Marxuum Siraaji oo iyaguna muddo dhowr jeer ah dalbaday in loo toogto dilaa Ceydiid. Sidoo kale, sababta loo dib dhigaayo fulinta xukunka dhacay waxaa qeyla dhaan ka muujiyay Xildhibaanada Beesha uu kasoo jeeday Wasiirka oo muddo laba Asbuuc laga joogo ka hor DFS ku dhaliilay fulin la’aanta xukunka ku dhacay dilaa Caydiid oo arrintiisa ay noqotay mid aad loo hadal hayo. Xildhibaanada waxa ay DFS ugu baaqen inay waddo u bixiyaan kiiskooda ay ku doonayaan in loogu xukumo dablaha ka danbeeyay dilka Wasiir Siraaji oo noqonaaya mid taariikhi ah oo lagu soo dhaweeyay dowlada Farmaajo. Si kastaba ha ahaatee, kiiskan ayaa waxaa kasoo baxaaya warar kala duwan waxaana jira macluumaad sheegaya in caqabad lama gudbaan ah ay noqdeen beesha uu kasoo jeedo askariga uu xukunka ku dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa hortaagan fulinta xukunka ku dhacay askarigii dilay wasiir Siraaji? appeared first on Caasimada Online.
  18. Sanca (Caasimada Online) – Warbaahinta Al-Carabiya ayaa baahisay Warqad Gacan qoraal ah oo uu qoray Cali Cabdallah Saalax maalin ka hor inta uusan ku dhiman dagaalkii uu kula jiray Xuutiyiinta Dalka Yemen. Warqaddan ayuu Cali Cabdallah Saalax qoray 3dii December 2017 oo ku beegan maalin ka hor dhimashadiisii oo ahayd 4tii December 2017. Waxaa uu baaq u dirayaa dadka Yemen isaga oo u sheegaya in Xuutiyiinta ay yihiin Malleeshiyo aan meel wanaagsan geyneyn Jamhuuriyadda Yemen. Waxaana ay u qorneyd sidan: “Haddii aad aragto Warqaddan, waa inaad ogaataa in dalkeenna yahay mid qiimo leh, mana oggolaaneyno in uu noqdo qasnadda qolo gaar ah”. “Filashadeydu waxaa ay la jirtaa Carruurteyda, iyo Dadkeyga, waana in aysan isu dhiibin Malleeshiyada Dambiilayasha ah (Xuutiyiinta), sidoo kalena aysan Jamhuuriyadda Yemen ku wareejin Xuutiyiintan, waxaana idinka rajeynayaa in aad hurdada u diiddaan iyaga”. “xilligan waxaan u arkaa nafteyda in ay ka mid tahay kuwa Yemen ku iibiyay qiimo hoose oo aysan u qalmin, waan idin salaamayaa Dadka wanaagsan ee Yemen, waxaana inoo ballan ah Jannada”. The post Aqriso: warqaddii uu Cali Cabdalla Saalax qoray maalin ka hor dhimashadiisii appeared first on Caasimada Online.
  19. Hargeisa waa caasimada Somaliland tan iyo markii ay iskeed ugu dhawaaqday in ay ka goday Jamhuuriyada Soomaliya ,wallow aysan helin wax ictiraaf ah hadana Somaliland waxa ay sameysatay nidaam maamul oo u gaar ah. Burco 1991 waxaa isugu yimid ergo ka kala timid beelaha Somaliland waxeyna doorteen madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland waxaana loo doortay cabdiraxman tuur oo ahaa gudoomiyihii jabhada SNM in uu mudo laba sano ah hayo xilka una diyaariyo doorasho reer Somaliland. Burco waxaa ka dhacay 1992- dagaal u dhexeeya beelaha dhexdooda kaasoo ku fiday deegaamada kale ee Somaliland. 1993- waxaa ergo reer Somaliland ah ay doorasho ka dhacday Boorame ugu doorteen madaxweynaha Somaliland Maxamed Ibrahim Cigaal. Somaliland 1994 waxaa ka bilowday dagaal aad u qaraar kaasoo loogu magac daray dagaalkii mashruuca wuxuuna ka bilowday Hargeisa airport isagoo ku fiday deegaanada kale ee Somaliland sida burco . 1997-Waxaa mar labaad ergo reer Somaliland ah ay madaxweyne ugu doorteen Cigaal mudo xileed labaad in uu sii hayo xilka madaxweynenimo. Geeridii Ciyaal ka dib 2002 waxaa loo dhaariyay madaxweynaha Somaliland mudana Daahir Rayaale oo ahaa madaxweyne ku xigeen in uu ahaado madaxweynaha inta laga gaarayo mudada ka hartay doorashada. Somaliland waxaa ka dhacay doorashadii dadweyne markii ugu horeysay 2003 waxaana marlabaad dib loo doortay Daahir Rayaale, inkastoo natiijadii doorashada buuq badan ka dhashay hadana waa laga heshiiyay. 2010-waxaa Somaliland ka dhacay marlabaad doorshasho dadweyne oo toos ah waxaana ku guuleystay madaxweyne Axmed Maxamad Siilaanyo. 2017-Somaliland waxaa ka dhacay doorasho madaxweyne oo si toos ah ay mar sedaxaad shacabka codkooda u dhiibteen, waxaana ku tartamay sedaxda musharax ee kala ah Muuse Biixi, Cabdiraxman ciro iyo Feysal cali warabe, waxaana ku soo baxay Muuse Biixi oo noqday madaxweynaha Somaliland, wallow natiijadii ay aqbaleen labadii musharax ee laga guuleystay hadana waxa ay sheegeen in doorashada uu ku jiray mad madow badan sida ay sheegeen musharixiintii laga guuleystay, sida feysal oo sheegay in doorashadii la qabyaaladeeyay halka cabdiraxman ciro uu sheegay in doorashadii lagu shubtay. Somaliland waxa ay in mudo ah la daalaadhaceysay marxalado kala duwan haba u horeyso waqti dhaafka madaxda la doorto iyagoon doorashada ku qaban waqtigii loogu talo galay. Madaxweynaha cusub ee la doortay wax yaabaha horyaal waxaa ka mid ah sooyaalka fadhi ee aan isbedelka laheyn dhaxal mooyaane ee golaha guurtida sida uu ka yeeli lahaa , iyo qabashada mudooyinka loo asteeyo in ay qabsoomaan doorashooyinka golayaasha Somaliland sida wakiilada iyo madaxtooyada. Qore. Salaad Daameey Email. daameey@hotmail.com The post Xog-warran: Sooyaalka Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  20. Waxaa shalay magaalada Ludvika ee dalka Sweden lagu qabtay ixtifaalkii mawliidka Nebbigeena Muhammad scw. Xafladaani oo ay ka soo qeybgaleena culummo waa weyn oo ka kala yimaaday gobolladda Sweden, ayaa waxaa soo buux dhaafshay hoolka masjidka muslimiin fara badan oo isugu, dhalinyarada, caruur, ragg iyo dumarba. Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay xafladaani dadweyne fara badan oo kala yimid magaalooyinka ku teetsan Ludvika. Culumadda ka soo qeybgashay xafladaani waxaa ka mid ah, Sheikh Yaxye oo ka yimid xarunta Daro Fatwa ee magalaadada Malmö, Macalin Mahamuud Macalin oo ka yimid magaalada Örebro, Sheikh Abdixakiin Mire, Sheikh Abubakar Ibrahim iyo Sheikh Mohamed Isxaaq oo kala yimid magalooyinka Köping iyo Borlänge. Waxaa xafladaani si wada jira ah usoo qaban qaabiyey bulsho weynta Soomaaliyeed ee Ludvika iyo Smedjebacken oo aadna ugu Mahadsan, sida weyn ay uga soo qeybqaataan, ayaa waxaa ku soo afmeeray Sheikh Yasin Abdi oo ka mid ahaa Guddiga Mowlidka ee Ludvika. Waa markii ugu horeysay ee magalada Ludvika lagu qabto Mawliidka Nabbiga scw tan iyo markii ay ku soo haajireen muhaajiriin fara badan. The post Ixtifaalka mowliidka oo lagu qabtay magalada Ludvika, Sweden + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  21. Departure of foreign service officer from East Africa reflects wider exodus of mid-level diplomats as morale continues to deteriorate under Tillerson and Trump. An award-winning U.S. diplomat who was seen as a rising star at the State Department has issued a scathing resignation letter, accusing Secretary of State Rex Tillerson and the Trump administration of undercutting the State Department and damaging America’s influence in the world. Elizabeth Shackelford, who most recently served as a political officer based in Nairobi for the U.S. mission to Somalia, wrote to Tillerson that she reluctantly had decided to quit because the administration had abandoned human rights as a priority and shown disdain for the State Department’s diplomatic work, according to her letter, obtained by Foreign Policy.
  22. Munaasabad ballaaran oo lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee la-dagaallanka Musuq maasuqa oo ay soo agaasintay hay’adda Astaynta Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuq Puntland,sidoo kalena ay gacansiisay hay’adda UNDP ayaa Maanta lagu qabtay xarunta Cilmi Baarista, Nabadda iyo Horumarinta Puntland(PDRC) ee magaalada Garoowe. Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Sii hayaha Wasiirka caddaaladda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya,qaar kamid ah wasiirada caddaaladda dowlad goboleedyada dalka,Saraakiil ka socotay hay’adda UNDP,taliyaha ciidanka Asluubta Puntland,ururada bulshada rayidka ah ,ganacsato,isimo,culimo iyo marti sharaf kale. Agaasimaha hay’adda Astaynta Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuq Puntland,Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo ka warbixiyey dadaalka hay’addiisu ugu jirto cirib-tirka Musuq maasuqa ayaa sheegay in ay ku jiraan halgan lagu dabar-goynayo Musuqa,wuxuuna codsaday in lagu gacansiiyo ol-olahooda,si gebi ahaanba loogu guulayso arrintaan. Wasiirka Caddaaladda Dastuurka iyo Arrimaha Diinta Jubaland Aaden Ibraahim Aw-xueen oo ku hadlayey magaca dowlad goboleedyada dalka,ayaa sheegay in mas’uul kasta oo ku tegri-fala hantida umadda uu Musuq maasuq ku kacay,siadaasi darteedna ay waajib tahay in laa kashifo,islamarkaana dadweynaha hortooda lagu ceebeeyo. Sii hayaha Wasiirka caddaaladda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Abuukaate Xassan Xuseen xaaji oo munaasabadda soo xiray ayaa dhankiisa sheegay in Musuq maasuqa laga bixi karo,haddii la tayeeyo hay’adaha garsoorka dalka,isagoo tilmaamay in haddii caddaalad la helo aan musuq maasuq jirayn. Halkaan ka daawo Muuqaalka. Sawirrada Munaasabadda. PUNTLAND POST The post Daawo: Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq maasuqa oo Maanta Garoowe laga xusay. appeared first on Puntland Post.
  23. Scores of trucks have been whipping up the dust in the northern Somali town of Kalabaydh, (meaning ‘crossroads’), as the blessing of rain has attracted an influx of pastoralists and their animals from drought-stricken areas. Mahad Ali Samatar, the chief of Kalabaydh, told Radio Ergo that people have been arriving from Sanag, Bari, Nugal and other parts of Sool region since early November. “We have advised our people here to maintain peace and harmony and to share the limited resources equitably,” the chief said. “Between 12 and 15 trucks are arriving daily carrying families. One truck carries five to seven families, so there have been maybe 50 families arriving in Kalabaydh each day. They are settling down right in the places where the trucks dropped them.” Kalabayd lies around 32 km south of Lasanod in Sool region, which is territory disputed by Somaliland and Puntland. The current rain is the first it has had in two years. Orshe Osman Farah was displaced from Qardho, in Bari region, with his last 100 goats. He came to Kalabaydh 10 days ago. “Lack of fodder as a result of recurring droughts has hard the nomadic families hard,” Orshe said. “The land is parched and the grazing grounds have disappeared. We have water but nothing else. The drought has brought us to the edge, and we could not resist any more and so we decided to migrate.” He and four other families boarded a truck, promising to pay back the $300 transport fare after reaching their destination. Orshe said the vehicles only have room for the people and their livestock so they had to leave their traditional shelter materials behind. They are sleeping in the open, burned by the sun in the day and shivering at night. The situation is similar across a roughly 100 square km area, where rainfall has brought migrating herders, including Karin-dabayl wayn, Karin Garfoog, Saaxdheer, Dabataag, and a stretch of the Somali-Ethiopian border. Omar Hassan Ahmed came to Kalabaydh from Kulaal, some 240 km away in Sanag region. He left behind most of his family, including 15 children and grandchildren and two wives, in an IDP camp, where they could access some food and water. He and five of his children trekked for 10 days with their remaining 40 goats. Over the recent droughty, they already lost 750 goats and 15 camels. They undertook the arduous journey on foot as Omar had no money for transport. As soon as they arrived in Kalabayd, Omar loaded some plastic containers onto his two donkeys and set off in search of water for the thirsty goats. “We came along with about 20 families from Kulaal. We walked our livestock all this way through the parched lands,” he said. “It is much better here and more people are on their way. We did not receive enough rain in the Gu season and we have suffered drought during the past two years.”
  24. WorldRemit_CEO Seven years ago, Ismail Ahmed set out to build a startup that could send cash electronically from the U.K. to Africa. He had $200,000 and a lot of experience in the money transfer business in his native Somalia. Today, London-based WorldRemit Ltd. sends money to 148 nations and has just raised $40 million in a deal led by LeapFrog Investments, an investment firm in London, the company said in a statement on Thursday. The Series C funding round values the fintech firm at more than $670 million, according to a person familiar with the transaction, who asked not to be identified because the matter is private. WorldRemit’s longtime backers, Accel Partners and Technology Crossover Ventures, invested in the deal. WorldRemit, which specializes in sending money via mobile phones, will use the cash to try to grow its customer accounts globally to 10 million from 2 million by 2020. The company is making a big push in transfers between the U.S., Asia, and Latin America. “The U.S. will grow our revenues as much as 40 percent over the next few years,” Ahmed, WorldRemit’s chief executive officer, said in an interview. But the company faces stiff competition from The Western Union Co., the longtime powerhouse in the $444 billion global remittance business, as well as other fintech firms such as Remitly Inc., a Seattle-based company that raised $115 million in a private fundraising deal in October. WorldRemit is on course to record 60 million pounds ($81 million) in net revenue this year, a 46 percent jump from 2016, according to Ahmed. The company is looking at a potential initial public offering in two to three years, he said. Source: Bloomberg
  25. By: M. A. Egge The President-elect H. E. Muse Bihi Abdi met on Friday with the so called National Consultative Forum. In a terse statement reported in the media given by Mr. Jamal Ali Hussein, the President elect met the group and parleyed with them for several hours. The report say that the talks focused on wide range of issues that was described as important which concerned the national economy, laws and general governance. The forum whose official status is still ambiguous boasts of notable politicians and elite academics as members of its caucus