-
Content Count
205,927 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(Muqdisho (Puntlandi) Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Sh Cusman Jawaari ayaa lugu waydiiyay barnaamij toos ah uga ka baxay telefishinka dowladda su’aal ku saabsaneyd sababta dib loogu dhisi la’yahay Aqalka Baarlamaanka oo ay Xildhibaannada ku shaqeeyaan isagoo burbursan. Guddoomiyaha barlamaanku wuxuu sheegay sababta dhismaha burburka xooggan uu ka muuqdo ay Baarlamaanka ugu shaqeynayaan inay tahay maadaama dadkii burburiyay oo fiiqday loo baahan yahay in ay ku waano qaataan, maalin kastana ay xusuus u noqoto marka ay burburkiisa arkaan, si aanan markale loo burburin, Jawaari ayaa xusay in sida gurigaas uu u burburay, dadkuna maskaxdooda u burburtay,isagoo hadalkiisa wata wuxuu yiri “Biloowga sanadka soo socda dumis ayaa lagu bilaabaa, lacag badan ayuu u baahanyahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $60 milyan oo doolar, 7 dabaq ayuu noqonayaa oo xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaarka ah leeyahay, oo labada aqalba ay galayaan, shirarka adduunkana lagu qabanayo, illaa 100 milyan waa gaaraa, hadda ma hayno lacag, balse alle mahadiis dowladda Turkiga ayaa oggolaatay in ay bixiso.” Puntlandi.com
-
Ethiopia, Kenya, Nigeria, Chad and Djibouti are on the itinerary of US Secretary of State Rex Tillerson's week-long trip to the African continent starting on Monday. It is his first official visit and the first where the US is expected to come out with a clearer policy toward Africa, despite two top US officials, Nikki Haley and Donald Yamamoto, having already visited the continent, Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) _ Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa kahadlay muranka dowladda Federaalka ah iyo sharikadda DPWorld u dhaxeeya. C/Raxmaan Qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa ku sheegay in dowladda ay ka gaabisay ka falcelinta arrintan,isaga oo dhinaca kale sheegay in horumarinta degaannada Somaliland heshiis horay loogu gaaray. Waxaa uu dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka ugu baaqay in ay xormeeyaan madaxbanaanida Soomaaliya,isaga oo dowladda Federaalka ahna u sheegay in iyada lagala xisaabtamayo waxa socda. Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha inuu arrintan ka hadlo oo uu mowqifkiisa caddeeyo, waxaa uu shaki geliyay sida ay isugu soo beegmeen maalintii heshiiska Dekeda Berbera la saxiixayay iyo kulankii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la qaatay Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed. Halkan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook:- Heshiiska sedex geesood ka ah ee DP world, Ethiopia iyo Somaliland wuxuu abuuray walwal iyo walaac xoog leh, wuxuuna dhaliyey dood culus. Dhowr qodob ayaa mudan in hoosta laga xariiqo 1- Dawlada Soomaaliyeed ayaa masuul ka ah Madaxbanaanida iyo ilaalinta midnimada dhulka Soomaaliya. Dawladu waa kafiilka xaga damaanadda, (collateral), iyo shakshiga qaanuuniga ah (Legal personality) ee heshiisyada caalamiga ah, taasoo macnaheedu yahay in ay tahay cida beri loo raacanayo gaabiska, fulin la’aanta, ka bixista iyo burinta heshiiska heer caalami, maadaama aan Somaliland dunidu aqoonsanayn. 2- Ma aha in la hor istaago horumarka Somaliland Dawlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa horay ugu heshiiye the Somali Combat oo New Deal kii lagu saxiixay Brussels 2013 in macaamil gaar ah la siiyo mashaariicda horumarinta Somaliland (The Somaliland Special Arrangement). 3- Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya waa in ay ilaaliyaan xeerarka Caalamiga iyo Axdiga Qaramada Midoobay u yaala ee dhigaya in la ixtiraamo madaxbanaanida Qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhulkiisa, mana jirto cid laga yeelayo ama looga haybaysanayo xadgudubka Qaranimada Soomaaliya. 4- Horay ayaa mashruuc kan la mid ah Gobolka hirgelintiisa looga bilaabay, The Lamu Port-South Sudan-Ethiopia-Transport (LAPSSET). Waxaa shirko ku ahaa Dawladaha Kenya, Suudaanta Koonfureed, Uganda, Iyo Itoobiya. Mashruuca ayaa isugu jiray Dekado, dhuumo shidaal, wadooyin, iyo jidad tareeno. Mashruucan oo balaayiin dollar ku kacaya ayey dawlada Kenya saamiyadiisa u furtay dawladaha ka qayb gelaya iyo shirkada gaarka loo leeyahay ee gudaha Kenya iyo Dibadiisaba. Sidaas daraadeed waa laga maarmaam in saamiga maalgashiga uu ku ekaado maamulka, koontaroolka iyo faa’iidada mashruuca, laakiin la xaqiijiyo milkiyada iyo lahaanshaha dadka Iyo dawlada Soomaaliya. 5- Dekedaha, Saldhigyada Milateri iyo Shidaal Raadinta ee Soomaaliya laga doonayo waxay qayb ka yihiin loolanka Joqraafi Siyaasadeed (Geopolitics) ee Gobolka ka socda. Dawlada Soomaaliya waxaa laga doonayaa in ay ilaaliso madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya, dhowrtana danta shacabka iyo maslaxada dalka, maareysana danaha is diidan ee shisheeyaha dalkeena ka leeyihiin. Waxaan ognahay in Gudoonka Baarlamaanka uu 10 bilood ka hor Madaxweynaha u qoray in uu cadayn ka bixiyo arrimahan iyo kuwo la mid ah, weli kama uu soo jawaabin, waxaa kaloo shaki abuuray isku soo beeganka maalintii uu Raysalwasaaruhu bartiisa Twitter ka soo dhigaygay in uu la kulmay dhaxal sugaha Wadanka Imaaraadka Sheekh Maxamad Bin Zayid oo ahayd 1da Maarso iyo maalinta la sii daayey warsaxaafadeedka saxiixa heshiiska. Hogaanka Dawlada gaar ahaan madaxweynaha waa in uu cadeeyaa mowqifkiisa arrimahan ku aadan. Aamusnaan xal maaha, xalaalna barqo ayaa la qashaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muxuu C/raxmaan C/shakuur ka yiri heshiiskii saddex geesoodka ee lagu qeybsaday Saamiga Dekeda Berbera ? appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The Speaker of the Federal Parliament, Mohamed Osman Jawari has announced plans to rebuild Somalia's Parliament building, a sign of recovery after decades of civil war. Source: Hiiraan Online
-
Around 1,000 drought-hit families in three areas in northern Buhodle are facing water scarcity after water deliveries from aid agencies stopped last month. In Sool-joogto, where the wells have run dry after three years of drought, 600 families are now without water. The rest of the families left without water are in Maygagle and Go’ondale. The areas lie 30 to 50 km from Buhodle, in Somaliland. Water prices have soared with the scarcity and demand. Water trucks take three hours to deliver water from Buhodle. In Go’andale, a barrel of water has risen from 50,000 to 180,000 Somali shillings. The Somali Red Crescent had been delivering water to these area from last November. Officials said the programme had run out of funds for the deliveries. Omar Ahmed Abdullahi, 45, is living in Maygagle. He came to the area because of the water deliveries. He told Radio Ergo he is struggling financially and cannot shift with his family somewhere else to find water. Omar has already borrowed $80 to buy water and is worried that he will not be able to get any more credit or money from his relatives because he has no means to repay what he owes. In the past 24 hours, his family begged a little water from their neighbours, who had bought a container. The family’s entire herd of 280 goats and 15 camels died in the drought. He has seven children. Adan Warsame, 55, and his six children, the youngest aged two, have been using water they bought at the going rate of 180,000 shillings Ahmed and his family live in Go’ondale, 50 km north of Buhodle. He does not know how long he can sustain this. They had 170 goats and 16 camels but none survived the drought. Despite the lack of water, some families in the area received food distributions of rice, flour, sugar and cooking oil from the UN’s World Food Programme. Cooking without water has become a major challenge. RE
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa soo saaray amar ay qeyba ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir uga mamnuucayn Ciyaarsita kubadda Cagta. Milkiiliyaasha garoomada iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka ee xaafadaha waqooyi ee gobalka Banaadir ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in amar kaan lala wadaagay dadka iskaleh Garoomada Salaxa ee lagu Ciyaaro kubadda Cagta kuwaas oo dhaqan geliyay amarkii Al-Shabaab ee soo baxay maalmo ka hor. Dadka aan la hadalnay oo ka gaabsaday in aan adeegsano magacyadooda iyo Codkooda ayaa KNN u sheegay in degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa laga mamnuucay Ciyaarista Kubadda Cagta waxaana fariintaan lala wadaagay oo kaliya milkiiliyaasha Goormada Salaxa ee degmooyinka aan soo sheegnay. Faah faahinta la helayo ayaa sheegaysa in Garoomada Ciyaaraha laga joojiyay ee ku yalaan wixii ka dambeeya wadda 30-ka ee magaalada Muqdisho, waxaana milkiiliyaasha qaar looga yeeray gobalka Shabeelaha Hoose xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin. Al-Shabaab ayaa dadka iskaleh Goormada Kubadda laga joojiyay oo ay qaarkood la kulmayn ku qanciyay in aysan ka hor imaanin go’aanka ka soo baxay Al-Shabaab balse ay raadsadaan badalka oo ganacsi waxayna go’aankooda u cugsadayn in sharci darro tahay Ciyaaraha lagana keenay dhaqamo shi-sheeye. Kulanka Al-Shabaab iyo Qaar ka mid ah Ganacsatada garoomada ayaa ka dhacay Degmada Toora-toorow ee gobalka Shabeelaha Hoose sida ay sheegayn ilo lagu Kalsoon yahay. Amarka Al-Shabaab ayaa saameeyay wax ka badan ilaa 20 Garoon oo Fuustal ah kuwaas oo ku yaala Yaaqshiid, Kaaraan iyo degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir. Sidoo kale amarka ayaa saameeyay Boqolaal ka mid ah dhalinyarada Kubadda Cagta ee ku nool xaafadaha Garoomada laga mamnuucay waxaana sidoo kale dhalinyarada soo wajahay cabsi dhinaca amniga ah. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay degmada Heliwaa ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Garoomada la xiray mid ka mid ah uu leeyahay Mas’uuliyiinta degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir gaar ahaan xubnaha dhinaca Sports-ka ee degmadaasi. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugid Soomaaliya oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan amar-ka Al-Shabaab ee la dul-dhigay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho. Dhinaca Kale Xaafado ka mid ah degmada deyniile ee gobalka Banaadir ayaa laga mamnuucay Leerarka ama nalalka lagu dhajiyo banaanka Guryaha iyo waddooyinka mara xaafada ka mid ah degmadaasi. Goob joogayaal ayaa sheegay in dhalinyaro ka tirsan Al-Shabaab ay jebiyeen leerar badan oo ku yaaala degmada Deyniile ee gobalka Banaadir,milkiiliyaasha iyo dadka kireesta qaar ka mid ah Guryaha degmada Deyniile ayaa sheegay in ay lagu amray in ay jebiyaan ama ay furaan leerarka banaanka ee degmadaasi. Magaalada Muqdisho waxaa si buuxda gacanta ugu haayo Dowladda Soomaaliya balse dad badan ayaa aaminsan in Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin Xaafadaha waqooyi ee gobalka Banaadir, Dowladda Soomaaliya ayaa xil weyn iska saarin amaanka Guud ahaan magaalada Muqdisho. Dowladda ayaa la sheegay in ay kaliya xooga saarto amaanka xaafado gaar ah oo ay dagan yihiin mas’uuliyiinta Dowladda iyo goobaha ay ka agdhaw-yihiin Xarumaha Hayadaha Dowladda iyo Saldhigyada Ciidamada Soomaaliya kuwaas oo ku yaala degmooyin Kooban. Xigasho: Radio Kulmiye Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-Shabaab oo la sheegay in qeybo ka mid ah Muqdisho ay ka mamnuucayn Ciyaarista Kubadda Cagta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah barlamaanka Soomaaliya oo duullaan lagu soo qaaday midnimada Soomaaliya ku tilmaamay heshiiska dekadda Berbera ee Itoobiya iyo Imaaraadka kala qeybsadeen. Xildhibaanka ayaa sheegay in Dowlada Imaaraadka ay ku soo duushay Madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo ugu yeeray xukuumadda Soomaaliya ficil la timado, inay u yeerto labada safiir ee Itoobiya iyo Imaaraadka oo ay gaarsiiso mowqifkeeda, jawaab degdeg ahna ka bixiso duulaanka qaawan ee lagu hayo. Xildhibaanno dhowr ah ayaa fekerkooda ka muujiyey arrinta soo cusboonaatay ee dekadda Berbera iyadoo si kulul ugu hadlay faragelinta dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka. http://radiokulmiye.net/wp-content/uploads/2018/03/COD-Xildhibaan-Zakariye-Maxamamuud-Xaaji-Cabdi-Golaha-Shacabka-2.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhageyso: Xildhibaan Zakariye: “Imaaraadku duullaan ayuu ku soo qaaday madax bannaanida Soomaaliya, waana…” appeared first on Caasimada Online.
-
The signing of the tripartite agreement on Berbera Port made to coincide with the visit of the Prime Minister of the Federal Government of Somalia in UAE presents the Mogadishu-based government with the second sovereignty-diminishing problem. The first occurred several months after the inauguration of President Mohamed Abdullahi Farmaajo in February in 2017, when a Somali national was extradited to Ethiopia for allegedly being a member of ONLF. The Berbera Port Agreement will reduce the image of the Federal Government of Somalia as a key negotiator with Somaliland Government on the possibility of giving union a second chance or opting for amicable break up of Somalia into two sovereign states in the Northeast Africa. Controversial though the Port deal is the onus to prevent it from turning into a divisive issue among Somalis and Somalia’s international partners is, one hand, on Somali political leaders in Hargeisa and Mogadishu , and the International Community on the other. If, as Somaliland argues, the agreement was concluded between the Somaliland government and the former Federal Government under President Hassan Sheikh Mohamud, the federal government should share with the public the documentation on the agreement. The bone of contention in Berbera Port agreement pertains not to allowing Somaliland to sign an agreement with the DP World; it revolves around the share a foreign country, Ethiopia in this case, will have in the deal. The Prime Minister of Somalia, Hassan Khayre, stated that the Berbera Port agreement was in violation of the Draft Constitution of Somalia. It is understandable that an agreement signed by a predecessor government will be hard to rescind; it will put in the public sphere the capability and reliability of the federal government up for discussion. Somalilanders counter the federal government’s statement with a response that emphasises inability of the government to operate without reliance on AMISOM. If sovereignty of Somalia does not entitle a national government to the right to challenge external actions affecting territorial or political unity of Somalia, the double standard that is undermining the post-World War II Order will inescapably come to the fore. DP World, which is based in UAE, a county that contributes to the development of Somali security forces and the national army and where DP World is based , and Ethiopia whose troops are part of AMISOM, have now in their hands the powers to undo what the British Government has done to help Somalis to phase out the Transitional Federal Government and pave the way for a permanent federal government whose performance has lifted Somalia out of the failed state status and placed in a fragile state status. Interdependence among African countries is a worthy goal but it should not be realised at the expense of budding political institutions for a country recovering from a prolonged civil war and statelessness. The Federal Government of Somalia and Somaliland Government should explore ways to discuss the legality of the agreement. If there is no clarity on how the Federal Government of Somalia will share revenues to be generated from the Berbera Port deal, Somaliland will face accusations that it is operating outside international norms. If, as Somaliland government argues, the former federal government leaders gave the greenlight to sign the tripartite agreement, it should not push the federal government into corner by making it look like powerless to challenge the Berbera Port agreement. There is short term damage to Somali Federal Government institutions if the incumbent government is not able to put the implementation of the agreement on hold; the longer term damage will affect Somaliland’s quest for statehood. It will have acted like a sovereign state when the question of union or secession remains unsettled. That is not a road to take to become a new sovereign state in Africa. Liban Ahmad libahm@icloud.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) _ Dowladda Maraykanka ayaa dhowaan liiska argagixisada ku dartay hoggamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgasha Gobolka Bari ee degaanada Puntland. Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu shaaciyey ku xigeenka hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Mahad Macallin lagu daray liiska shaqsiyaadka loo doonayo argagixisnimada ee nolol iyo geeri lagu raadinayo. Ninkan ayaa la sheegay inuu Daacishta Soomaaliya ee Puntland u qaabilsan yahay fududeynta Saanadda iyo Hubka kooxda uga yimaada dalka Yemen, sida lagu sheegay qoraalka ay soo saartay Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka. Daacishta Soomaaliya waxaa hoggaamiya Sheekh C/qaadir Muumin oo hore uga mid ahaa hogaamiyeyaasha Al-shabaab, isagoo October 2015 ku dhawaaqay inuu daacad ku biiray Daacish, waxaana Mareykanka uu liiska argagixisada ku daray isla bishi xigtay wadaadka Cabdulqaadir Mu’min. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray Guddoomiye ku-xigeenka Daacish ee Puntland ka howlgala appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari] oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono Aqalka Golaha Shacabka Soomaaliya. Mudane Jawaari, ayaa sheegay in xarunta golaha shacabka ay tahay madal sharafeed ay ku shaqeeyaan xubnaha Baarlamaanka Somaliya, iyadoo ay ka muuqato bur-bur xooggan. “Xarunta Baarlamaanka Federaalka waa guri sharaf leh, magaciisa waxaa la yiraahdaa Golaha Ummadda, wuxuuna mudan yahay inuu yeesho dhisme u dhigma maqaamkiisa oo magaalo-madaxda ka dhex-muuqda, lacag badan ayuu u baahan yahay, waxaa is weydiin leh sababta aan u dhex-fadhinno isaga oo jajaban,” ayuu yiri Jawaari. Sidoo kale, Jawaari ayaa intaasi ku daray in Xikmaddu tahay in maadaama ay dadka burburiyeen ay ku waano qaataan, maalin kastana ay xusuus u noqoto marka ay burburkiisa arkaan, si aanan mar kale loo bur-burin, isagoo xusay in sida gurigaas uu u burburay, dadkuna maskaxdooda u burburtay. Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in bilowga Sannadka soo socda ee 2019-ka dhisme lagu bilaabi doono xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed. “Billwga Sannadka soo socda dumis ayaa lagu bilaabaa, lacag badan ayuu u baahan yahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $60 milyan oo Doollar, todoba dabaq ayuu noqonayaa oo xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaar ah leeyahay, oo labada aqalba ay galayaan, shirarka adduunkana lagu qabanayo illaa 100 Milyan oo doollar waa gaarayaa, hadda ma hayno lacag, balse ALLE mahadiis Dowladda Turkiga ayaa ogolaatay in ay bixiso,” ayuu Jawaari hadalkiisa daba dhigay. Ugu dambeyn, Xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya – ayay horay u sheegtay dowladda Turkiga inay dhisme cusub ka dhigayso, iyadoo aan weli la ogeyn sababta dib u dhigtay dhismiisa. PUNTLAND POST The post Xarunta Baarlamaanka Federaalka Somalia oo lagu dhisayo lacag gaaraysa $100 Milyan appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Puntlandi) Ciidanka milatariga Gobolka Mudug ayaa booqasho ugu tagay Iiman Cabdiraxmaan oo ah dhibbane uu ku dhacay Kansarka raaca dhiiga iyo Dhuuxa, taasoo waayahaan dambe loo sameynayay dhaqaale ururin la doonayo in caafimaad dalka dibadiisa loogu qaado. Saraakiisha iyo ciidanka booqday Iiman Cabdiraxmaan ayaa waxay ugu deeqeen lacag ay Mushaarkooda kasoo jareen, 00 gaaraysa $1,010.00 (kun iyo Toban doolar. taasoo ay ku wareejiyeen guddiga gacanta dhaqaalaha gabadha loo aruurinayo. Gabadhaan Bukaanka ah oo haatan lagu baxnaaninayo isbitaalka Dhagacade halkaas ayaa gurmadkeeda so xoogan uga socda guud ahaan Puntland, waxaana rajo weyn lagu qabaa in maalmaha soo socda loo qaadidoono dalka dibadiisa. Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa kaalim muhiim ah ka qaadatay sidii gabadhaan xaaladeeda caafimaad loogu dabiibi lahaa dalka dibadiisa, maadaama aan dalka waxba looga qaban lahaa waxayna uqortay warqad caafimaad oo wasaaradda ka socota. Dr. Cabdiqaadir Dhagacade, oo ah maamulada iyo mulkilaha isbitaalka GMC , ayaa u mahad celiyay ciidamada milatariga gobolka Mudug, ee isku xilqaamay inay ka qeyb qaataan gurmadka lacageed ee loo sameynayo Iiman C/raxmaan. Puntlandi.com
-
Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo wajahan 13 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo cilinayo dalka Liibaya. Muwaadiniintaan ayaa Goordhow ka soo Amba baxay Magaalada Tripoli ee caasimada dalka Liibiya iyaga oo soo mari doono Dallka Tunisia iyo Turkey . Muwaadiniintaan ayaa kamid ahaa kuwa Tahriib ahaan ku galay dalkaasi islamarkaasina ay ku xirnaayeen xabsi ku yaala dalkaasi Liibiya. Muwaadiniintaasi ayaa waxaa ay doonayeen in ay tahriib ahaan ku galaan wadamada Reer Yurup kadib Markii ay ka farxadeen dhibaatada Amni daro iyo shaqo la aan ee ka jira Soomaaliya . Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ku bixisay sidii muwaadiniintaasi dib loogu soo cilin lahaa Dalkooda hooyo ee Soomaaliya. Sida ay sheegtay wasaarada Arimaha dibada xukuumada Soomaaliya Danjire Dr. Cali Siciid Faqi oo ah Danjiraha Midowga Yurup u qaabilsan Soomaaliya ayaa dadaal ku bixiyay sidii dib Dhalinyaradaan loogu soo cilin lahaa dhulkooda Hooyo. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Soomaali dib looga soo ciliyay Liibiya oo Muqdisho ku soo wajahan appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - The joint Parliamentary Constitutional Review Committee (CRC) have said they have no confidence in Somalia's Minister of Constitutional Affairs, Abdi Jibril Hosh, according to a statement released by the group on Monday evening. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay kulanka Bangiga Adduunka ee ka furmay magaalada Washington D.C ee dalka Maraykanka, loona yaqaano (Fragility Forum 2018) . Waxuuna ku baaqay in la helo hab cusub oo xoojinaya xal u helida, dhibaatooyinka bani’aadanimadda ee ka yimaada musiibooyinka ka dhasha saamaynta falalka dadka iyo kuwa dabiiciga ah. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheere oo ka hadlay goloha ayaa sheegay in dariiqooyinkii hore ee wax looga qaban jiray dhibaatooyinku ay dadka badbaadin jireen xilli gaaban, laakiin ay waayo-aragnimadu ina tustay in aanan keenin xal waaara oo joojin kara masiibooyinka imaan kara mustaqbalka. Ra’iisul Wasaare Khayre isagoo ugu baaqaya Beesha Caalamka in ay diirada saaraan horumarinta iyo xal u helida dhibaatooyinka bani’aadanimo ayuu yiri “Waayo aragnimadeena waxay si cad u muujineysaa baahida loo qabo in la isku xiro lana horumariyo nabadda, iyo amniga,”. “Waxaynu ka baranay dhibaatooyinkaasi sida looga jawaabo oo kaliya, marka ay musiibo dhacdo, taasina waxay keentaa in dad badan ay ku dhintaaan, arintani waxay ka hor imaanaysaa xeerarka bini’aadanimadda. Hab dhaqankani waxaa uu na galiyay qasaarooyin fara badan oo naf iyo maalba leh marka la eego nolosha dadka iyo ilaha loo adeegsaday. Waxuu kaloo sheegay in Soomaaliya ay raadinayso hab ay ku maalgeliso barnaamijyada horumarinta mustaqbalka dheer iyo siyaabaha cusub ee loogu shaqeynayo, isagoo hoosta ka xariiqaya baahida loo qabo in la helo isbedel deg-deg ah oo ku wajahan xal waara oo rasmi ah. Sidoo kale waxuu ugu baaqay saaxiibada Soomaaliya in ay is waafajiyaan taageeradooda qorshaha cusub ee ku wajahan nabadda, xasilloonidda iyo barwaaqaynta Soomaaliya, isla markaana ay ka fogaadaan habkii hore loogu dhaqmi jiray. Madashani waxay 2018 kulmisay dadka iska leh ka go’aan qaadashada arrimaha bini’aadanimada, horumarinta, iyo nabadgelyada bulshooyinka caalamka, si loo wadaago xal wax ku ool ah lana sahmiyo siyaabo cusub oo lagu wanaajiyo hababka horumarinta si loo dhiiri-galiyo nabadda iyo xasilloonida. PUNTLAND POST The post Khayre “Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in xal waara loo helo dhibaatooyinka Aadanaha” appeared first on Puntland Post.
-
Berbera (Caasimadda Online) – Waxaa socday beryihii lasoo dhaafay hadal heynta heshiis saddex geesood ahaa oo lagu qeybsanayay saamiga dekedda berbara ee Wuqooyi Galbeed Jamhuuriyaddii Soomaaliya la isku oran jiray, haddana ay ka taliso Soomaaliland. Haddaba anagoo ka duuleynna middaas, waxa aan idin soo gudbin doonnaa xog badan oo ku saabsan arrintaas, dad badan ayaa iswayddiinaya sidee buu heshiiskan ku yimid? yaa mas’uul ka ahaa hinddisaheeda? sidee bay ku fududaatay? iyo su’aallo kale, kuwaas oo aan wayddiin tooda qoraallada soo aaddan jawaab ugu heli doonno. Sultan Ahmed Bin Sulayem, waa mid kamid ah ganacsatada ugu caansan Imaaraadka, dhammaadkii 1970-naadkii, ayuu ka baxay waxbarashadiisa, waa wiilka Ahmed bin Sulayem, oo caan ku ah ganacsiga iyo siyaasadda. Wuxuu kasoo jeedaa qoys ganacsiga iyo siyaasadda, markii uu soo hanaqaaday mudane Sultan wuxuu bilaabay in uu ganacsi u hanqal taago, ugu dambeyn wuxuu noqday qof caan ah oo shaqooyin badan kasoo qabtay shirkadaha ugu caansan isku tagga imaaraadka carabta. “Maalgashiga biyo guntiisa ay sidan oo kale u fogtahay waa wax soo jiidasho u leh qadadka Maraakiibta bariga Afrika, dib u cusbooneysiinteedana waxa ay noqon doontaa mid sara u qaadda hormarka dalka iyo dhaqaallaha gobolka” ayuu Sultan Ahmed Bin Suleyam u sheegay saxaafadda xilli uu ka hadlayay heshiiska Berbera. Maalqabeenka ayaa la soo xiriirray wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliland mudane Dr Sa’ad Ali Shire kaas oo ay kawada hadleen suurta galnimada in Imaaraadka uu maalgashado Soomaaliland, durba Sa’ad ayaa u xaqiijiyay isagoo la tashanaya madaxwaynihii hore ee maamulkaas Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in ay saldhig militeri ay ka furan karaan gudaha Soomaaliland. Sultan ayaa ku noqday dalkiisa, isagoo dawladdiisa tusay ahmiyadda dekedda Berbera ay u lahaan karto siyaasadda gobolka iyo middooda ku aaddan gacanka Cadmeed. Imaaraadka ayaa si deg deg ah uga jawaabtay aragtida iyo qorshaha Sulayem, waxaana ay bilaabeen in ay sii indha indheystaan goobo kale oo suurta gal ah kana sii istaraatiijiyeysan Berbera. Waxaa xigtay in Boosaaso soo arkoodaan, ka dib na iyana ay kala xaajoodaan dhanka maamulka Puntland, taas oo iyana lagu guuleystay. Soomaaliland ayaa oggolaatay in Imaaraadka laga kireeyo Berbera sidoo kalena ay saldhigyo ciidan ay ku yeeshaan gudaha Soomaaliya, maaddaama siyaasad ahaan ay is waafaqsan yihiin dowladda Ethiopia oo xiriir kaalmo wadaag uu kala dhexeeyo maamulka Hargeysa. Si kasta ha ahaatee dalaalka ugu wayn ee heshiiska Berbera wuxuu ahaa guddoomiyaha shirkadda DP World mudane Sultan Ahmed Bin Sulayem, oo kamid ah dadka ugu caansan siyaasadda iyo dhaqaallaha dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Waa kuma dallaalka rasmiga ee ka dambeeyay heshiiska Dekedaha Boosaaso iyo Berbera appeared first on Caasimada Online.
-
Kaddib heshiis aan Soomaaliya lagu marti soorin oo ay la gaareen qaar kamid ah maamullada dalka dowladda Imaaraadka ayaan isku dayi doonnaa in aan ugu yaraan ka hadalno saameynta uu yeelan karo heshiiskaas Soomaaliya:- Ra’iisul wasaarraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyrre ayaa gaashaanka u daruurray heshiiskaas, wuxuuna sheegay in uu yahay baaddil aysan dowladda waxba ka war qabin; waa saameyn inteeda la eg in Soomaaliya oo ka go’da talada dhulkeeda in marti ay ka noqoto heshiis noocaas ah, dhacdadan waxa ay yeelaneysaa saameyn dhinacyo badan taaban karta oo hoos u dhigi karta xiriirka labada dal oo beryihii lasoo dhaafay aad u dabacsanaa. Soomaaliland:- Tani waxa ay xumeyn kartaa xiriirka u dhaxeeya maamulka Soomaaliland iyo Jabbuuti, safarkii ugu horreyay ee madaxwaynaha dhowaan loo doortay Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu ku aaday Jabbuuti, waxaana loo maleeyaa in ay ka wada xaajoodeen sidii xal suurta gal ah looga heli lahaa heshiiska ay iska gaareen laba dhinac, ama ugu yaraan Jabbuuti looga qeyb gelin lahaa. JABBUUTI:- heshiis wanaagsan oo ay Jabbuuti kula jirtay dowladaha Imaaraadka, Ethiopia iyo maamulka Soomaaliland ayaa hal mar dabci kara, maaddaama mid kasta oo kamid ah dalalkaas ay isticmaalayeen dekedaha dalkaas, waxaana ay keeni kartaa in xiriirka imaaraadka iyo Jabbuuti ee sii xumaanaya uu meeshii ugu darneyd gaaro, maaddaama suuq xaammi u ahaa uu hadda in uu xirmo qarka u saaran yahay; waa dowladda ugu badan ee uu saameynta Taban ku yaallan doono heshiiska dekedaha Soomaaliya ee uu Imaaraadka ka wado gudaha Soomaaliya. Eriteria:- waxa aad Is wayddiineysaa sababta uu Eriteria u saameyn karo khilaafka Jabbuuti kala dhexeeya Imaaraadka? Ha yeeshee Isbaheysiga Khaliijku horkacayo ayaa aad uga wel welsan is balaariska Iiraan ee gobolka, maaddaama kal hore ay la wareegeen dekedda Assab ee dalka Eriteria, taas baddalkeeda UEA waxa ay doonayaan meel ugu yaraan laga difaaco Yeman, maaddaama gobolka uu yahay meel istaraatiiji ah oo isku xiri kara gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika. Is balaarrinta Iiraan waxa ay soo dedejinaysaa in Imaaraadka ay ugu yaraan hal ama laba deked ka helaan gobolka, si loollanka Khaliijka iyo iiraan weji cusub u yeesho. Ethiopia:- Saameyn wayn ayeey ku yeelaneysaa khilaafka Jabbuuti iyo Imaaraadka, ha yeeshee waxaa is wayddiin mudan saameyn caynkee ah? Ethiopia oo kamid ah dowladaha ay ka go’do siyaasadda gobolka ayaa laalluush ahaan u heshay 19%-kiiba saamiga Dekedda Barbara, taas waxa ay keeneysaa in ay saameyso canshuurta laga qaadi karo shixnaddooda isticmaala Dekedaha Jabbuuti, haddii uu cadaadiska ku batana waxa ay markaas awoodaan in ay ka diga rogtaan maaddaama ay heleen Deked ay lahaansho u dareemayaan. YEMAN:- Iyadoo xaaladda dalkaas ay tahay mid aad u cakiran, haddana saldhigga Imaaraadka ee Soomaaliya ay ka sameysaneyso iyo khilaafka Jabbuuti kala dhexeeya waxa ay xaaladda ku kordhineysaa karaarka, oo UEA waxa ay markaas awooddaa in si fudud diyaaradaheeda ay u duqeeyaan Yeman, taas oo laftigeeda xiisad kale abuuri karta. Iiraan:- Siyaasadda gobolka ayaa yeelaneysa loollan aan ahayn, Galbeedka iyo China u dhaxeysa ee Jabbuuti ay marti soortay, waxa ay noqon doontaa Iiraan Vs Khaliijka; taas oo cusbo ku dareysa dhadhanka siyaasadda gobolka oo in dhowaallaba aan wax xifaaltan iyo loollan aan lahayn. Saameynta ay Iiraan ku yeelaneyso waa in Khaliijka ay heli karaan meelo ay u adeegsadaan duqeymaha ay ka geysanayaan dalka Yeman, kalka ay la dagaallamayaan Xuutiyiinta Shiicada ah ee Iiraan garabka ka hela. W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali E-mail:- C.wahaabyare@gmail.com The post 7 dhinac oo uu saameyn ku yeellan karo heshiiska Dekedaha ee Imaaraadka!! appeared first on Caasimada Online.
-
Waxan u qaatay qalinka in an si kooban u dul_ istaago dalkeena iyo doorashooyinkii xoriyadii kedib ama kuwa la filayo 2020 ahmiyada at shacabka ugu fadhiyaan,caqabadaha jiri karo ,talooyin isugu Jira gogol_xaar,cadeymo iyo talaabooyin Source: Hiiraan Online
-
The traditional maslaha system of dispute resolution has been blamed for increased rapes because it calls for informal payment instead of trials and imprisonment. Source: Hiiraan Online
-
The desert country boasts some of the world’s most religious sites including the Masjid al-Haram in Mecca and Medina’s Masjid an-Nabawi, burial site of the prophet Muhammad. With plans to create a new tourist hotspot twice the size of Wales, Saudi Arabia has miles of unspoilt coastline on both the Red Sea and Gulf Peninsula. There are even plans to build an entertainment capital to rival that of Las Vegas. This deeply conservative nation is hoping to welcome 30 million visitors annually by 2030. To meet this target, the first tourism visas will be issued to travellers from 1 April 2018, alongside business travellers, pilgrims making religious journeys and people visiting relatives. For the first time, women aged 25 and above will be issued a 30-day single-entry tourist visa without a male chaperone. This is a substantial shift from 2006-2010, when the Kingdom largely closed the country to leisure tourists. The plan to issue new tourist visas was revealed in a new report ahead of the Arabian Travel Market (ATM) 2018 which takes place at the Dubai World Trade Centre from April 22-25. The change in attitude comes after Crown Prince Mohammad bin Salman’s promises of a “moderate, open Islam.” Softening the nation’s strictest rules, the Crown Prince was responsible for the recent lifting of the infamous driving ban for women. In an interview with the Associated Press, the Saudi prince unveiled his plans to welcome tourists as part of the Vision 2030 plan. He said: “It is open for people that are doing business, for people working in Saudi Arabia, investing in Saudi Arabia and people who are visiting for special purposes. And now it will be open for tourism again on a selected basis.” In the 2016 interview, Prince Sultan bin Salman made it clear that the country will not be “totally open for everybody to just show up and come in.” The new plans to attract tourism are surprisingly grand, with big UK investors such as Virgin’s Sir Richard Branson rumoured to be investing in the country’s tourism industry. There’s also plans to turn 50 Red Sea islands into luxury beach resorts which will not be subject to the conservative kingdom’s rules. Reforms and investment are set to drive the tourism and hospitality sector over the next five years, with an expectant growth of 13.5 per cent year-on-year by 2022. Simon Press, Senior Exhibition Director of ATM commented: “Following recent reforms and the relaxation of visa regulations, Saudi Arabia is posted to capitalise on these factors as it nurtures a vibrant leisure and entertainment sector, supported by a new generation of hotels.” At present, Saudi Arabia welcomes only a handful of Britons every year, mostly for religious tourism. The Kingdom is known for its strict enforcement of Sharia (Islamic) law including tough laws on drinking alcohol and women interacting with men without a guardian. Express.co.uk has contacted the Saudi Arabian Embassy for a comment. Source: – Express The post Saudi Arabia issues tourist visas for the first time – including for lone women appeared first on Caasimada Online.
-
Kenyan police have stepped up search for the Somali extremists who attacked two camps in northeast Mandera county and stole a huge cache of arms after the two raids in which five police officers were killed. A police report released on Sunday said the terrorists blamed for sporadic attacks along Somalia border also looted the armory during the attacks, escaping with 16 G3 rifles, 26 AK47 rifles, 5 FN rifles, one F3 rifle, one M60 machine gun, one commando mortar 60mm and one base plate mortar 60mm. The police report which was released two days after the raid by the Al-Shabaab militants says unknown number of ammunitions were also looted in the incident that left 12 police officers injured. The police said on Friday they have launched a major manhunt for Al-Shabaab group leader that attacked two police camps in Mandera County. Police spokesman Charles Owino said Jamaa Nuh Abdille, who fled to Somalia with others after the Friday dawn attack in Fino, was behind the killing of five police officers. “We have since identified the leader of the group that carried out the attack as Jamaa Nuh Abdille who fled with others after the attack to Somalia and we are hot on their trail,” Owino said. According to police report, the terrorists also destroyed a communication mast in the area affecting communication in general. Preliminary findings show the terrorists used Improvised Explosive Devises and other forms of explosives in the attack. Northeastern Regional Coordinator Mohamud Saleh said they are pursuing various leads into the attack in efforts to recover the stolen ammunition. “We have mobilized to ensure the area is safe,” Saleh said on Sunday. On Wednesday, security agents repulsed Al-Shabaab terrorists who tried to attack two police stations in Wajir. Three suspects were arrested after they were chased by security forces from Ijara camps in the failed incident. Police on the ground said the group had fired into the camps before officers there fired back in an exchange that lasted almost 20 minutes. The area has been experiencing a rise of terror related attacks in the past months in which almost a dozen communication masts. Xinhua Source: – The New Times The post Kenyan police seek to recover cache of arms after Al-Shabaab attack appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ka socda shirka Forum Fragility 2018, oo looga hadlayo Maareynta Dhibaatooyinka ka dhasha Nabadgalyo xumida iyo Xasilooni darada. Shirkaan oo ahmiyad gaara u leh Somalia ayaa waxaa qaban qaabadiisa leh Bankiga Adduunka, waxaana diirada lagu saarayaa dejinta siyaasad la xiriirta horumarinta Nabadgelyada Somalia. Ujeedka shirkaan ayaa la sheegay inuu yahay si loo helo xal wax ku ool ah oo lagu kobcinayo nabadda iyo xasilloonida caalamka. Shirkaan oo socda ayaa waxaa Su’aalo dhanka xaalada Somalia lagu weydiiyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa la weydiiyay suuragalnimada mudada ay Somalia ku gaari karto xalka laga sugaayo, waxa uuna tilmaamay inay ku xirantahay daacadnimada adduunka. Madaxa Bankiga Adduunka ayaa Ra’isul wasaare Kheyre weydiiyay waxa ugu wacan in Somalia ay ka gudbi la’ dahay dhibta heysata, waxa uuna farta ku goday inay tahay Saboolnimo iyo adduunka aysan ka dhabeyn ballanqadyada ay Somalia u sameeyan. Kheyre ayaa waxaa sidoo kale Su’aalo laga weydiiyay qorshooyinka sanadkan horyaal Xukuumadiisa, waxa uuna cadeeyay inay qeyb ka tahay tayeynta arrimaha Garsoorka, Nabadeynta dalka iyo in xal waara loo helo abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee weli ka jira dalka. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa difaacay talaabooyinka ay Xukuumada Somalia ku dooneyso inay ku gaarto Nabada iyo Xasilooni waarta oo ka dhalata Somalia. Sidoo kale, shirkan marka uu soo idlaado ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaare Khayre uu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda ka qeyb galeysa shirkan. Geesta kale, waxa uu sidoo kale,kulamo la yeelan doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka oo uu ka wareysan doono xaaalada dhabta ah oo ay ku sugan yihiin iyo sida ay uga qeybqaadan lahaayen is garabtaaga dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post RW Kheyre oo si cajiiba uga jawaabay su’aalo laga weydiiyay Nabadgelyada Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay dib usoo xoogeysanayaan muddooyinkaan dambe, ayaa waxaa arrintaas ka hadashay Senoter Nuura Faarax Jaamac oo ka tirsan aqalka sare. Senoter Nuura Faarax Jaamac, oo u warameysay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay qabaan walwal badan oo ka dhashay dhaqdhaqaaqyada ay wadaan maleeshiyaadka al-Shabaab. Senoter Nuura Faarax Jaamac, waxa ay tilmaantay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay dib usii qabsanayaan deegaano laga saaray 6sano ka hor, waxa ayna taa ku tilmaantay nasiib darro muuqata. ‘’Waxaa noo muuqda inay jirto rajo xumi iyo habacsanaan dhanka amaanka ah, waxaan aad uga walwal sanahay in maleeshiyadu ay muddo lix sano kadib dib u qabsanayaan deegaano horay looga saaray’’ Waxa ay sheegtay in wakhtigaan deegaano ay dowladdu Gacanta ku heysay muddo ka badan 6sano in xiligaan Gacanta dowladda ay ka baxayaan, waxa ayna taa ku sheegtay nasiib darro usoo hoyaneysa dowlada. Senoter Nuura Faarax, ayaa talaabooyinkaas oo idil ku sheegtay mid ay ugu wacan tahay dowlada Somalia oo ay ku sheegtay mid ka gaabisay duulaankii laga filaayay inay qaado. Sidoo kale, waxa ay intaa raacisay in wax aad looga xumoodo ay tahay in dowlada Somalia aysan weli tayeen ciidamada Qaranka isla markaana la’isku haleeyay ciidamada AMISOM. Senoter Nuura Faarax, waxa ay dowlada Somalia ugu baaqday inay la imaado rajo ka duwan kan ay afka un ka muujineyso, si meesha looga saaro awoodaha ay sheeganayaan Shabaabka. Haddalka Senoter Nuura Faarax, ayaa kusoo beegmaaya xili ay maleeshiyaadka al-Shabaab dib ula wareegayaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post ‘’Al-Shabaabkii dhowr sano ka hor cashirka loo dhigay ayaa xiligaan qabsanaaya deegaano laga saaray’’ appeared first on Caasimada Online.