Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaan Mustaf Shiikh Ali Dhuxuloow ayaa xalay Afur mahad celin ah u sameeyay guddigii CaawinQaran oo ahaa wariyaal is abaabulay oo lacago iyo abaalmarino kale u aruuriyay xulka 17 jirrada Somalia. Afurka oo ka dhacay Hotel-ka Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay wariyaashii guddiga CaawinQaran, duqa Muqdisho Eng Yariisow, xubno ka socday bulshada rayidka ah iyo qeybaha dhaqanka. Wariyaashu waxey bogaadiyeen cid walba oo gacan ka geysatay lacag aruurintaan oo xildhibaan Mustaf uu ka mid ahaa, waxeyna ka sheekeyeen caqbadihii ay la kulmeen intii ay howsha wadeen. “Waxaan la kulanay culeesyo badan, waxaan aragnay dad saacad walba naqdiya howshaan wanaagsan, laakiin mar walba waxaan noo muuqatay inaan ka dhabeyno arrintaan, waxeyna aheyd waajib nasaaran ayuu yiri Burhaan Diini Faarax agaasimaha Radio Kulmiye oo ka tirsanaa guddiga CaawinQaran. “Waxaa farxad ii ah inaan arko saxafiyiin ama dhallinyaro Soomaaliyeed oo dan guud isugu timid hadanna ka dhabeeyay, waxaan jecleystay inaan idin kaga mahad celiyo dadaalkiina iyo inaan idiin muujiyo kaalinta aad dalkaan ku lee dihiin, waxaan ku baaqaya in aadan kala tagin oo aad mar walba bulshada caawiseen ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow. Duqa Muqdisho Eng Yariisow oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wariyaashu ay is badal dhab ah muujiyeen uuna bogaadinaayo, isagoo ka codsaday saxafiyiinta iney ka qeyb qaataan howlaha kale ee dalka. Kulanka ayaa u badnaa isu mahad celin, is bogaadin iyo dar daaran.
  2. BOSTON—With another Game 7 victory at stake, LeBron James would not miss. He would not sit out. And he would not be denied an eighth straight trip to the NBA Final. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilka looga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Guddoomiyihii xilka laga qaaday. Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo wareysi siiyay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in qaab khaldan loo maray xil ka qaadista lagu sameeyay ee xilka loogu magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed. Waxa uu sheegay inuu kasoo horjeedo xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Somalia, isla markaana aysan sharciga waafaqsaneyn xil-ka qaadistiisa. Waxa uu Ibraahim Iidle sheegay in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, garsoorkana uu ka madax banaan yahay laamaha kale ee dowladda. Ibraahim waxa uu sidoo kale sheegay in xil ka qaadistiisa aanan loo marin sifo sharci ah, sidaasi darteedna uu wadan doono shaqadiisa, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa yiri ‘’Aniga oo ixtiraamaya Madaxweynaha, iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, waxaan halkan ka cadeynayaa in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, xilka qaadisteyda looma marin sifo sharci ah, sidaasi darteed shaqadeyda ayaan sii wadanayaa, Guddoomiyaha waxyaabaha uu xilkiisa kaga fariisan karo waxaa ka mid ah in da’diisa ay gaarto 65 sano.” Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in isaga iyo Madaxweynaha ay isugu dambeysay Khamiistii oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira garsoorka, wuxuuna tilmaamay in dhammaan laamaha garsoorka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ogeysiinayo in inuu shaqada ay sideeda ku socon doonto. ‘’Guddoomiyaha saxda ah waa aniga maadaama qaab khaldan loo maray xil ka qaadisteyda waxaan shacabka ugu baaqayaa inay sii wataan shaqooyinka uga xiran Xafiiskeyga’’ Sidoo kale, diidmada xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa muujin karta inuu dhici karo khilaaf xoogan oo dhexmara isaga iyo Madaxtooyada. Si kastaba ha ahaatee, xil ka qaadista Ibraahim Iidle ayaa timid kadib markii Madaxweynaha dalka uu raacay tallo soo jeedin iyo tixgalinta cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. He became a household name for his incisive battlefield dispatches and in-depth reports of global conflicts like the Iraq war. Source: Hiiraan Online
  5. The economic numbers say Turkey is booming. The financial markets seem to think it’s on the verge of a crash. Source: Hiiraan Online
  6. Ethiopia's state-affiliated broadcaster reports that a landslide triggered by heavy rains has killed 23 people in the country's Oromia region. Source: Hiiraan Online
  7. The chairperson of the African Union (AU) Commission, Moussa Faki Mahamat, expressed concern on Sunday over increasing instances of external interference by non-African actors in Somalia's internal affairs. Source: Hiiraan Online
  8. China will host Iranian President Hassan Rouhani next month at a regional summit aimed at avoiding disruption of joint projects, its foreign ministry said on Monday, as major powers scramble to save Iran’s nuclear deal after the United States pulled out. Source: Hiiraan Online
  9. Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa shalay mar kale u dhaqaaqday inay beeniso wararka sheegaya in dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salaman la dilay, xilli muddo ka badan bil aan lagu arag goobaha dadweynaha iyo warbaahinta. Wargeyska Arab News ayaa shalay daabacay sawirka cayaartoyda xulka Sacuudiga ee koobka adduunka, oo uu kasoo dhex muuqday Bin Salman, inkasta oo aan la xaqiijin karin xilliga sawirkaas la qaaday, balse la sheegay inuu isla shalay ahaa. Tallaabadan ayaa loo arkay mid lagu leeyahay “Dhaxal-sugaha ma dhiman” Markii ugu dambeysay ee la arko Maxamed Bin Salman ayaa ahayd 12-kii April, markaasi oo uu la kulmay qosyka boqortooyada dalka Spain. 21-kii April ayaa rasaas culus laga maqlay aqalka boqortooyada dalka Sacuudiga ee magaalada Riyadh. Inkasta oo Sacuudiga sheegeen in lasoo riday diyaarad Drone oo dul mareysay aqalka. Si kastaba warbaahinta qaarkeed iyo dadka Sacuudiga ayaa is-weydiiyey haddii rasaastu ahayd isku day afgambi oo la doonayo in xukunka looga tuuro boqor Salman, oo ay fuliyeen qaar ka mid isla boqortooyada Sacuudiga. Toddobaadkii tagey, wargeyska Iran ee Kayhan ayaa ku warramay in Maxamed Bin Salman ay ku dhaceen laba xabbad intii uu weerarka socday, lagana yaabo inuu dhintay. Waxay soo xigteen sirdoonka dal kale oo Carbeed, oo arrintan loo sheegay, sida ay yiraahdeen. Shakigan ayaa taagnaan doonta, inta Maxamed Bin Salman si rasmi ah looga arki doono goobaha dadweynaha, ama uu kasoo muuqdo muuqaal taleefishin. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida maamulka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay weli dhowreyso baaqyada kasoo baxaaya Beesha Caalamka. Xildhibaan Indho-Indho oo weriyayaasha la hadlay ayaa sheegay in Somaliland aysan ku adkeen in saacado kooban ay kula wareegto magaalada Garoowe, balse aysan qabin degdegtaasi. Xildhibaanka waxa uu tilmaamay inay aad u dhibsanayaan dhiiga ku qubanaaya deegaanka Tukaraq, balse ay muhiim yahay in dhinaca ay la dagaalamayaan ay garwaaqsadaan dhibta dagaalka. ‘’Dadka deeganka ayaa cadeynaaya cida laga jooji la’ yahay ee soo qaada duulaanka, balse waxaan dooneynaa inaan leesa soo fagin’’ Xildhibaanka oo laga diyaariyay Muuqaal ayaa sheegay in xiisada noocai ah ay sababi karto xitaa in Qabiilka Daarood qabsadaan Ethiopia, waxa uuna uga digay Dowlada Ethiopia. ‘’Dowladaha Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti waxaan uga baaqeynaa ka fiirsasho haddii Majeerteen uu leeyahay dhul-bahanto iyo warsangali waa qaba’iil, barina waxa ay Daaroodka qabsan doonaan Ethiopia’’ HOOS KA DAAWO WARBIXINTA OO DHAMEYSTIRAN
  11. Dhowr baare oo u dhashay dalka Masar ayaa soo saaray baaritaan cusub oo ay ku doodayaan in “Puntland” oo ah dhul uu xiriir ganacsi kala dhaxeyn jiray dalka Masar xilligii hore ee Faraaciinta aanay ku oolin Soomaaliya ee ay ku taallo dhulka Itoobiya. Baare xagga raad-raaca shucuubta ah oo u dhalatay dalka Masar, laguna magacaabo Inaas Al-shaafici kuna fiican sida loo akhriyo fartii hore ee Masaariga qadiimta ah ee Hieroglyphics-ka iyo afafka kale carabiga iyo Talyaaniga ayaa arrintan ka sheegtay xarunta “Jimciyadda Taariikhda Masar” oo ah jimciyad la aasaasay 1945tii, shaqadeedana tahay inay baarto taariikhdii hore ee Masar. Qoraaga maqaalkan shalay uun ku soo baxay wargeyska maalinlaha ah El Masri El Youm ee Wasiim Al-sisi oo doodda gabadha soo qaatay, waxaa uu leeyahay sheekadan markii ugu horreysay waxaa soo shaac-bixiyay Dr. Cabdi Caziz Saalax, oo ku sheegay dhawaaqeeda saxda ah “Bo-Win-t”, xarfaheedana Hieroglyphics ahaan waxaa loo qoraa “B square ah” oo ujeedka yahay “xarun” iyo Weyn” oo micnaheedu yahay” xaalad ahaansho” iyo “T”-da oo ah shaqal wax suga marka la fiiriyo luqada ay isticmaali jireen Masaaridii hore ee Hieroglyphics-ka. Marka erayga sida ay qoreen waa labo kelimad oo kala ah ‘Goob’ iyo fasiraad ah“3 buur”, aragtidan waxaa Dr. Cabdi Caziz Saalax la qabto gabadha Inaas Al-shaafici , waxaa ay ku doodayaan in Soomaaliya aaney buuro laheyn ee buuraha laga hadlayo ay ku yaalaan Itoobiya gaar ahaan ’ Lake Tana” oo ah badyarta ay ka yimaadaan 80% biyaha Nile-ka ee Masar laga cabo. Baaritaankan cusub waxaa ay culimada soo qaadanayaan in mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii boqor Psamtik oo isaga oo jooga “Puntland” u diray fariin boqorkiisa, sheegana in roobab badan ay ka da’ayaan buuraleyda “Punt”, oo daadad ka geysan kara gudaha Masar. Qoraaga maqaalka wargeyska El Masri El Youm waxaa uu isweydiinaa haddii Soomaaliya ay ku yaallaan buuro daadadka ka baxa ay waxyeello u geysan karaan Masar? Sidaa darteed daraasaddan waxaa ay ku talineysaa in ergadii boqoradda Hatshepsut oo ka tirsaneed boqoraddii Faraaciinta aaney tagin Soomaaliya ee ay tageen dhulka Itoobiya halkaasna ay tahay Puntland. Inta badan, qoraallada iyo baaritaannada arrintan la xiriira ee horay loo sameeyay waxaa ay lahaayeen Puntland waa dhul Soomaaliyeed, waxaana loo cuskan jiray xiriirka qotto dheraa ee Faraacina gaar ahaan boqoradda Hatshepsut oo ergo iyo ganacsi u soo diri jirtay kala dhxaeeyay geeska Afrika gaar ahaan Puntland. Lama oga waxa hadda ku soo beegay baaritaankan cusub, laakin waxaa muuqata in taariikhyannada Masar ay doonayaan isu soo dhowaanshiyo iyaga iyo Itoobiya ah, xataa haddii laga dib loo qoro taariikhda ama laga been sheego. Akhriso: Maqaalka Oo Carabi Ah
  12. Asalaamu calaykum, Aqriste waa ku mahadsantahay aqrinta aad aqrinaysid Qormadaan marka xigta waxaan ku rajo weynahay inuu ku soo jiitay Cinwaanka laakiin waa arrin aad ila garwaaqsan doonto markaad wada qriso Qormada. Marka hore, sug bal! Inta aadan bilaabin aqrinta qoraalkaan /maqaalkaan, ka warran hadduu qoraalkaan si toos ah ama aan toos ahayn kuu saameeyo? Haddana intaad aqriso aadan dan ka galin waliba adoo awooda inaad ficil u badasho. Gar waaqsiga aad ila garwaaqsan doonto qoraalkaan. Waxaan hubaa in arrinta aan ka hadlaayo ay tahay mid adiga ku saameyn doonta, ama inta ku gu xeeran ee xigto iyo xigaal leh ay saameyn doonto. Haddii ay ku samaayso oo aad tahay qof ku sugan Dagaalka maskaxaysan ee Kenya ku hayso Soomaaliya bal dib u fakar, waayo Dagaal-kaan wuxuu kaa saameyn doonaa 3-dex meelood oo ah, saddexda ugu muhiimsan noolaha Bani-Aadamka ah, waxayna kala yihiin: 1 Caafimaadka, 2 Waqtiga, 3 Dhaqaalaha. Marka Saddexdaa lagaa weeraray waxaan hubaa inaan Dagaal kuu laaban uu san jirin ee bal dib u fakar, oo ka bilaw Naftaada, Xaafaddaada, Ehelkaaga iyo Asxaabtaada, waa hubaal Warbixin muhiim ah ayaa kuu soo bixi doonta markaad dib u xisaabiso Caafimaadka, lacagta iyo waqtiga lagaaga lumiyay inta ay le’egyihiin. Haddii aad sameyn weydo intaas aan kor ku soo xusay aadna tahay dhibbanaha Dagaal kaan lagu haayo haddana Jecel inuusan xisaabtamin oo ka fal celin, waxaan ku leeyahay Allaha ku fahansiiyo goor ay ahaataba, waayo intaas aan kuu soo sheegay haddaad Dagaalka maskaxaysan ee lagula jiro aad ka badbaadin weydo, Soomaalida kalana Dagaalka lagu haayo ee maskaxaysan waxba ugama awoodid. Waxaa lagayaabaa in badan marka ay arkaan cinwaanka oo uu ku jiro DAGAAL inay u qaataan Dagaalkii rasmiga ahaa oo madaafiicda inta la isku rakibto la isku dagaali jiray, kooxna guushu raaci jirtay, laakiin kani waa ka dugan yahay aan rabaa inaan ka hadlo, waa mid aan qarsan waayay markaan arkay sida Dalkaygi iyo dadkaygi loo dhagraayo/khayaanayo. Bal aan tusaale u soo qaato Waddanka Shiinaha iyo Ingiriiska oo uu dhex maray dagaalkaan oo kale. Waxaa jirtay xilli uu Shiinuhu isku filnaan ka gaaray Dunidda inteeda kale, inuusan waxba uga baahan, laakiin Dunidda inteeda kale ay u baahnaayeen Shiinaha gaar ahaan reer Yurub. Dhawr waddan oo ka mid ah Yurub iyo Aasiya, ayaa go’aan ku gaaray inay Shiine qeybsadaan waxaana ka mid ahaa waddamadaa Ingiriiska, Jarmalka iyo Jabbaan. Ugu danbayntii Ingiriisku wuxuu la galay dagaal maskaxaysan Shiinaha, haddaba muxuu ahaa?? Ingiriis wuxuu go’aan saday inuu Shiine la dagaalamo kalana dagaalo dhinaca maskaxda wuxuuna ka iibiyay Daroogo loo yaqaan ”Opium.” Opium waa daawo loo yaqaan ”Afyuum” oo dajisa dadka kuna dajisa daroogo ahaan, una keenta qofka dhibaato aan baaxaddeeda 10-Qormo lagu soo koobi karin. Ingiriisku wuxuu ka dal dashay wax Allaale iyo wixii uu ka rabay Dalka Shiinaha, wuxuuna ka gaaray dan kasta oo uu ka lahaa Shiinaha. Dadkii udhashay dalka Shiinaha waxa ay noqdeen darbiyo jiifyo, Guryo la’aan, hoy la’aan iyo dad ma shaqeystayaal ah, wax kastana ku badasha Opium. Aan u soo dago dulucda Qormada! Kenya waxay ka iibisaa Soomaaliya Qaad/Jaad. Aqristow adiga nafsad ahaantaada macuntaa Qaad? Ehelkaaga ma cunaan, tusaale-ahaan: carruurtaada, walaalahaaga iyo waalidkaaga? Saaxiibbadaa ama dadka aad macrifada tihiin ma cunaan? Waa hubaal qaar un kamid ah dadkaan kore inay cunaan Qaad!! Intaas ka dib bal xisaabi ama qiyaasba tallaabooyin kaan :- 1- Caafimaad darrida uu u keeno 2- Qarashka uga baxa 3- Waqtiga uga baxa!! Waxaa kuu soo bixi doona Dagaalka maskaxeysan ee Kenya ay ku heyso Soomaaliya. Ma doonaayo inaan ka hadlo Qaad iyo dhibaatada uu leeyahay waxaana ka hadlay dad iiga cilmi badan oo Abwaanno leh, Waxgarad leh, Aqoonyahanno iyo bulsho kale oo badan. Waxaana Qaadka lagu daray Daraagiska ugu dhibka badan Caalamka oo halligay Naf, Waqti iyo Maalba. Bal kharashka uga baxa Soomaaliya ee Kenya ku dhaca, aan ka soo qaado xasuusin yar. Kharashka ka soo baxa Qaadka nuuca loo yaqaan Miirow-ga waxa uu si toos ah ugu xaroodaa dalka Kenya, Wasaarada Beeraha Kenya waxa ay caddaysay in wax-soo-saarka ugu badan ee dhinaca Beeraha uu ka soo galo Qaadka Mirrowga. 2011 waxaa la diyaariyay Warbixin lamagac baxday Untold Stories waxaana laga diyaariyay Qaadka loo yaqaan Mirrowga cadadka loo kala dhofiyaa waa sidaan:- 16 Tan! Garoonka loo yaqaan Wilson Airport iyo 4 Tan oo laga dhoofiyo Jomo Kenyata. 20-kaan Ton iyo ka badan oo si qal-qallooc ah lagu dhoofiyo waxay aadaan Soomaaliya, Qarashka maalin kasta Soomaaliya ka aada Kenya waxay warbixintu ku sheegaysaa 30 milyan oo lacagta Kenya ah, oo u dhiganta in ka badan $315,000 Doolar maalin kasta. Taa soo noqonaysa Bishii $9.450.000/Month (Sagaal milyan afar boqol iyo konton kun oo doolar) bil kasta! Sannadkii ma is weydiisay aqristow? Waa $113.400.000! (boqol, saddex iyo toban milyan iyo afar boqol oo kun, oo doolar.) Haddaba markaan Sannakiiba $113.400.000 aan siinno Kenya oo aan ku badalano Caafimaad darro, Mustaqabal La’aan iyo Waqti lumin. Waa sidee Dadkeenni, Dalkeenni iyo Damiirkeenni? Waad mahadsantihiin isku daya in fikir laga dhiibto Su’aalahaan Hoose. Sidee looga hor tagi karaa Dagaalkaan Maskaxeysan? Oo lagu joojin karaa Qaadka? Maxaa lagu xallin karaa dhibaatada intaa le’eg? Sideese loo xallin karaa dhibkaan ka yimaada Qaadka? Oo looga maaran siin karaa Hooyooyinka ilmaha ka biisha, ayadoo qasaaradiisu ka baaxad weyntahay, sida uu u la muuqdo, Hooyooyinka ilamaha ka biisha. Ku soo Hagaaji Fikirkaaga: caasimada@live.com F.G: Qormadaan waxaa la qoray 2012-kii sarrifku hadda intaas wuu ka sii badanyahay. W/Q: Cabdirashid Shiikh Cali Cilmi Yare
  13. Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay kulan gaara oo u dhexeeyay Hogaamiyaha maamulka iyo qaar kamid ah Odayaasha. Shirkaan ayaa la soo sheegayaa inuu ahaa mid uu dacwad ku gudbinaayay Hogaamiye Shariif Xasan oo dacwad ka ah tirro Xildhibaano ka tirsan baarlamaaka Somalia. Shariif Xasan ayaa Odayaasha u sheegay in laga doonaayo inay ka adkaadan Xildhibaanada ku matasha baarlamaanka oo uu sheegay in loo adeegsanaayo carqaladeynta maamulka Koonfur Galbeed. Waxa uu Shariif Xasan u sheegay Odayaasha beelaha Koonfur Galbeed in Xildhibaanadii ay soo saaren ay ka weecdeen axdigii lagu soo doortay, sidaa aawgeeda loo baahan yahay in la xusuusiyo ballamihii lagu soo xulay. Shariif Xasan waxa uu Odayaasha beelaha u sheegay inuusan aqbali doonin in burburka Koonfur Galbeed loo adeegsado Xildhibaanada ay usoo xusheen inay ku matalaan Dowlada. Shariif Xasan waxa uu sidoo kale Odayaasha u sheegay inay muhiim tahay in Xildhibaanadaasi ay si hufan u gutaan howlahooda, isla markaana ay ka fogaadan inay hormuud u noqdaan kuwa doonaaya inay gacantooda ku burburiyaan maamulka. Sidoo kale, waxa uu aad uga digay in Odayaasha dhaqanka ay garab u noqdaan Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada maamulka ee u tafa-xeydaneysa burburinta maamulka. Si kastaba ha ahaatee, shirka Shariif Xasan iyo Odayaasha beelaha Koonfur Galbeed, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo uu mugdi soo kala dhexgalay Hogaamiye Shariif iyo Xildhibaanada BF ee laga soo doortay deegaanada maamulka. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Deyniile ee Gobolka Baanaadir ayaa sheegaya in caawa weerar lagu qaaday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga. Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa la xaqiijiyay in loo adeegsaday Qaraxyo ka dhashay Bamgacmeedyo dhowr ah kuwaa oo inta badan ku qarxay Kontoroolka laga galo irida Koowaad ee Wasaarada Gaashaandhiga. Qaraxyada Bambaano kadib ayaa waxaa Wasaarada laga maqlaayay rasaas xoogan oo ay is weedarsanayeen ciidamada iyo Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday. Goobjoogayaal ayaa qiray in Qaraxyada kadib ay xigeen rasaas ay isweydaarsadeen Ciidankii ku sugnaa Goobta iyo dableydii weerarka soo qaaday. Sidoo kale, weerarka Qaraxyada iyo rasaasta ayaa waxaa ka dhashay Khasaare kala duwan inkastoo aan la xaqiijin heerka uu gaarayo khasaaraha. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waayadaani degnaa Xarunta la weeraray ee Wasaarada Gaashaandhiga, inkastoo uu isaga soo guuray. Geesta kale, Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa ah meel amnigeeda aad loo ilaaliyo, hase yeeshee waxaa ku badan weerarada lagu qaado xiliyada Habbeenkii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Koox Bastoolado ku hubeeysan ayaa Goordhow oo Caawa ah Degmada Dharkiinleey ee Muqdisho ku dilay mid kamid ah Nabadoonadii caanka ahaa ee soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya. Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Dabaqiinka Ayaa lagu dilay Allaha u naxariistee Nabadoon Sheekh Saleebaan Abiikar Fooldheere. Kooxihii dilka geeystay ayaa isaga baxsaday goobta dilka uu ka dhacay waxaana goobtaasi soo gaaray Ciidamo katirsan kuwa dowlada oo howlgal halkaasi ka wada. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca Dilal Qorsheeysan oo Masuuliyadeeda ay Sheegtaan Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Mid kamid ah Ergadii Soo Xulay Baarlmaanka oo Muqdisho lagu Dilay appeared first on Puntland Post.
  16. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Oromada ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in mar kale uu dib u qarxay dagaalkii u dhexeeyay Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Ethiopia ee deriska la ah. Maamulka Oromada ayaa xaqiijiyay inuu soo rogaal celiyay dagaalka Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida, kadib markii ay sheegen inuu kasoo bilowday dhanka Soomaalida. Maamulka Oromada ayaa intaa ku daray in dilka soo rogaal celiyay ay bilaabeen shaqsiyaad Soomaali ah oo gudaha bishaan dilay ilaa iyo afar qof, sida ay hadalka u dhigeen. Oromada la laayey ayuu maamulka sheegay inay deegaan ku ahaayen Sohdinta labada Maamul, iyadoo ay jiraan dad kale oo dhaawac loo dhigay goobaha caafimaadka. Maamulka Oromada ayaa sheegay in sidoo kale Soomaalida ay dab qabadsiiyeen in kabadan 250 Guri oo ay lahaayeen dadka Oromada ah,waxaana ismaamulka arrintaas ku eedeeyeen Ciidanka Liyuu Boolis loo yaqaan ee hoostaga dowlad Degaanka Soomalida Ethiopia. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada maamulk Oromada. Dagaalka soo rogaal celiyay ayaa sabab u noqday in al-baabada loo laabo ku dhawaad 30 Iskuul kaddib markii dadkii wax ka baranayay ay ka mid noqdeen Barakacayasha Oromada ee degaannadooda sohdina dhaca uga cararay colaadda Labada maamul u dhaxeysa. Sidoo kale, Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ayaan dhankooda weli ka hadal eedeymaha uga imaanaya maamulka Oromada, waxaana lasoo sheegayaa inay qafaal u heystaan Oromo badan. Dagaalkaan oo horay Dhiig uu ugu daatay ayaa qaboobay labadii bil ee ugu danbeysay, kdib markii Dowlada Ethiopia ay la imaaday isbedel xal u noqday colaada. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  17. Qatar has ordered shops to remove goods originating from a group of Saudi Arabian-led countries. A directive from the economy ministry ordered shops to immediately strip shelves of products from Saudi Arabia, the UAE, Bahrain and Egypt. Inspectors will visit stores to ensure they comply with the order. The government will also try and stop products such as Saudi dairy goods from entering Qatar via a third country. Qatar’s Government Communications Office said it was trying to “protect the safety of consumers”. “Products originating from blockading states, which as a result of the blockade cannot pass the GCC customs territory, has to undergo proper import inspections and customs procedures,” GCO said in a statement. Source: – Al Jazeera
  18. President Mohamed Abdullahi Farmajo has dismissed the country’s Chief Justice on Sunday, according to a statement from the Office of the President. Hassan Ibrahim Idle Suleiman, who served as the Chief Justice for two years, was dismissed as a part of Farmajo’s plan for judicial reform. Farmajo named Bashe Yusuf Ahmed as his replacement. “In response to our pledge provide transparent and equitable justice system, I have appointed Bashe Yusuf Ahmed as the Chief Justice of Somalia’s High Court,” said the President in a written Statement. “I hope the new justice will faithfully fulfill his duties, ” added the President. President Farmaajo called on the House of the People and the Somali government to complete the Judicial Service Commission and to adopt the provisional constitution and the legal framework for the judicial services to reform the country’s judicial system. Suleiman was appointed the chief justice in May 2016 by former president Hassan Sheikh Mohamud replacing Aided Ilkahanaf who served as chief justice since 2011. Since taking office last February, President Farmajo has promised to initiate drastic changes to many of Somalia’s vital institutions. Source: Hol
  19. Garoowe waxaa lagu qabtey xil wareejinta mashruuc lagu qoday ceelka biyaha kaamka barakacayaasha ee Jilab oo ay qodey shirkaddaha biyaha ee NUWACO, waxaana kasoo qeybgalay xafladda loo sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland, Safiirka Dowladda Bostwana ee bariga Africa, Madax ka socota EU, Madax ka socota xafiiska Nayroobi ee Hay,adda Unicef, Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Puntland ee PSAWEN iyo Shirkadda NUWACO. Gudoomiyaha Shirkadda NUWACO Cabdisamad Islaan Maxamed oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhamaystirka ceelka shirkaddu ka qodey kaamka Jilab ee duleedka Koonfurta bariga magaalada Garoowe. Wuxuu u mahadceliyay masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha PSAWEN, Hay,adda Unicef iyo Deeq bixiyaashii ka qeybgalay qodista ceelkaan, Isagoona intaas ka dib ka gudoomay shahaado sharaf Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland iyo Safiirka Bariga Afrika ee Dowladda Bostwana. Agaasimaha Hay,adda Psawen oo ka hadlay goobta ayaa si weyn ugu mahadceliyay Shirkadda biyaha NUWACO iyo Dowladda Bostwana oo uu sheegay inay tahay dowladdii ugu horeysay oo Afrikaan ah oo mashruuc ka hirgalisay meel ka mid ah gudaha dalka Soomaaliya. Safiirka ka socday Dowladda Bostwana oo isna ka hadlay xafladda ayaa yiri “ Waxaan dareemayaa farxad weyn madaama calankii dalkeygu ka dul babanayo goobta mashruucaan laga hirgaliyay oo ku taala Garoowe iyo Meel walba oo ka mid ah Caalamka,Sidaas darteed waxaan u bandhigi doonaa safaaradaha dowladaha Afrika si aan ugu dhiirigaliyo inay arkaan miro dhalka wixii aanu ku deeqnay”. Ugu dambeyntii Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay ayaa uga mahadceliyay Shirkadda qodey ceelkan, Dowladda Bostwana, iyo Hay,adda Unicef dadaalka ay ku bixiyeen balaarinta mashruuca biyaha ee kaamamka barakacayaasha magaalada Garoowe. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Shirkadda NUWACO oo Garowe ka hirgalisay ceel biyood ay ku deeqday Dowlada Bostwana appeared first on Puntland Post.
  20. A disabled Yemeni girl who had been denied entry into the US as a result of US President Donald Trump's travel ban arrived in New York for resettlement after a reversal by the government. Source: Hiiraan Online
  21. In 2005 when Somaliland and Puntland governments exchanged prisoners in the then Adhicaddeeye frontline, General Abdullahi Arays said both administration were wrongheaded " to fight over a piece of barren land". This shows that Puntland never considered the conflict as one based on a territory. It is Somaliland government that views a territory as the source of the conflict. What Somaliland political leaders have failed to understand is that territories now designated as "disputed territories" lie within the ex-British Somaliland, the territory Somaliland claims to have a legally binding jurisdiction based on sovereignty. Somaliand's understanding of the sovereignty runs counter to the UN Security Council Resolutions that reiterate the territorial and political unity of Somalia. In essence, Somaliland government's stance is more self-defeating than the position of successive post-independence former civilian Somali governments that never claimed jurisdiction over territories in Ethiopia and Kenya in which Somalis live. Source: Hiiraan Online
  22. MOGADISHU, May 27 (Xinhua) -- At least 21 people have been killed and thousand others affected by floods and storm due to heavy rains pounding parts of the Horn of Africa nation, the UN relief agency has said. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) - Prime Minister Hassan Ali Khaire has met with his Ethiopian counterpart Abiy Ahmed on Saturday in Addis Ababa on Sunday. Source: Hiiraan Online
  24. Cabdi Maxamad Sabriye, markii loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta, waxaa la is lahaa, waa oday waayo’arag ah, dalkana wax badan ka og, maadaama uu ganacsi xooggan ka sameeyey intii burburka lagu jiray. waxaa la is lahaa, waa nin ugu yaraan yaqaan dhexdhexaadinta iyo xeerjajabka. Waxaa la is lahaa, ma noqon doono adeege kaboqaad ah, maxaa yeelay, siyaasi xil madax maray ma ahayn, xoolodoonna ma ahan, oo maal cindak waaye. Maxaa dhacay?. Sidii xilka loogu dhiibay, Sabriye, waxaa la arkay, markii uu Gobollada Dhexe iyo Galmudug ku soo dhaweyny Formaajo, ka dib raadkiis iyo raqdiis cid sheegta waa la waayey, heer aan halkan dadka ku weydiiyey, in dalku leeyahay wasiir Ariimo Gudaheed. Waxa la yaabka leh, ee ninkaa ku dhacay aan tusaalaha ugu weyn idin sheego; shir dastuurka/DALTUURKA looga hadlayo, ayaa Xamar lagu qabtay. Dastuur waa unug u ah dib u heshiisiin, xilkaana waxaa ku magacaaban Sabriye, madasha goobjoog ayuu ka ahaa, hadal jeedinna la ma siin, halka QAAQLAYAAL iyo IS KA MA SIIBAYAAL laga soo aruurshay GALBEED ay ka qayliyeen. Ninka asoo joogo wasiirna ah, xiriirna la leh waxa meesha lagu hayo, aan laga tixgelin, muraadna laga yeelayn, waxa uu wasiir ka yahay anigu ma garan, ee qofkii wax igu dhaama ha ii soo sheego. Tallaabooyinka saddax xagalka SHARTU (Fahad, Formaajo iyo Kheyrre) ay rabaan, in ay hirgalshaan waxaa ka mid ah; duminta maamul goboleedyada, oo ay horana isugu dayeen. Hadda waxaa miiska saaran labada maamul; Galmudug iyo Jubbaland. Galmudug waxaa loo helay Casir iyo Carrabeey, oo Formaajo iyo Khayrre ku qabiil ah, shalayna Cadaado ka dagay, ka dibna shaqadii ay soo qabteen, ee lixda bil la waday yiri; WAXBA KA MA JIRAAN! Sabriye wuxuu xilka ku metelaa maamulka Galmudug, halkii ay eheed, in uu is ku duubnidooda iyo midnimada ay gaareen u sii adkeeyo, wixii aragti ka la duwanaasho iyo is diiddooyin ah ee jirana, uu turxaan bixiyo, waa kaas afkii Formaajo iyo Kheyrre ku hadlay, ee la hadal noqday Casir iyo Carrabeey. MAGAG! Ar Sabriyow, Galmudug iyo Ahlsunno waa heshiiyeen, oo heshiisiin u ma baahnee, nin weyn baad tahaye, karaamadaada iyo magacaaga dhawro, oo saddax xagalka SHARTU yey kuu adeegsan fulinta danahooda gurracan, eedan waxba ka faa’iideyn. Suldaan Xaaf shalay wuxuu sheegay, in Sabriye ballan u dhigay, oo uu labo maalin is ka dabawareejinayey, markii ay jiho ka waayeenna ay isaga soo tageen Xamar, ee Sabriyow, haddaad been sheegee, waxaad sheegtaa been dheeraysa, oo aan la gaari karin, maxaa yeelay, shalay waxaad u ekeed, nin la soo qasbay, oo hadal yar loo soo meeriyey, lana yiri; sidan dheh! Marka la aqriyo waji dareenkaaga, raalli ku ma ahayn, oo si baad u didsaneed, in kasta oo aysan cudurdaar kuu noqonayn, haddana, haddii masuuliyaddaadu tahay, in xasaradaha maamullada la xalliyo, fadlan, Puntland iyo Somaliland aa qoryo iyo tikniko is la horfadhiyee, bal iyaga u yeer ka hor Galmudug, oo aragti uun is ku diiddane! Qofku marka uu is moodo wax uusan ahayn ama isa siiyo xil uusan hayn dhibkaan ayey leedahay. Galmudug waad u soo fara baxsanee, dagaallada dalka dhacay intii aad xilka haysana hal eray ka ma dhihin, oo qaarkood dadka aad metesho ay ku dhinteen! AMAKAAG! In Juxa loo darsan waa hubaye, waxaan is lahaa, ugu yaraan si gaar ah ayaan loogu darsandoonin, haddase, cidda u horrraysa, ee u darsanaysa waa Galmudug, oo Juxa duminteeda hor istaagay markii uu ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha. AR JUXA NOO JERSHA! Yuusuf Garaad markii uu wasiirka Arrimaha Dibadda ahaa, waxna kugu darsan mayn, waxna kugu dari man, halkanse DIRANE aas u dareen egyahay, ee kolleey ma dammanee, dib ha isugu laabto, duni waa dambaysaa, danna ugu ma jirto DOC ka yeernimee! Wax la arag, waxna laaban! Bashir M. Xirsi
  25. Mogadishu (HOL) - President Mohamed Abdullahi Farmajo has dismissed the country’s Chief Justice on Sunday, according to a statement from the Office of the President. Source: Hiiraan Online