Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,930
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay Puntland ka jirto abaar daran oo saamaysay 1.6 malyan oo reer guura ah,kuwaasoo ku nool 234 degaan oo ka tirsan 9 gobol ee Puntland,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiista maanta ah. Qoraalka ayaa lagu qeexay in 103.000 qoys oo kamid ah dadka ay abaartu saamaysay ay haatan ku jiraan xaalad adag,sidaasi darteedna loo baahanyahay in si wadajir ah loogu gurmado,haddii aan raxmad Alle shubin. Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo shirkan guddoominayey ayaa Golaha Wasiirada u sheegay in loo diyaar-garoobo,sidii wax looga qaban lahaa xaaladda abaarta ee ka sii daraysa,isagoo shacabka Puntland ee gudaha iyo debadda ugu baaqay in la mideeyo dadaalka loogu gurmanayo dadka ay abaartu saamaysay. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in 1.6 malyan oo reer guura ah ay abaartu saameysay guud ahaan degaannada Puntland. appeared first on Puntland Post.
  2. Beled Weyne (HOL) - The President of Hirshabelle state, Mohamed Abdi Waare has extended his condolences to the families of state government officials who were killed in explosions on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  3. Minneapolis (HOL) - Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire has held a meeting on Wednesday with the U.S. Deputy Secretary of State, John Sullivan in Washington D.C. Source: Hiiraan Online
  4. Magaalada Garoowe ayaa waxaa Maantay ka dhacday Munaasabad balaaran oo lagu xusayey Maalinta Haweenka Aduunka oo sanad kasta caalamka laga xuso 8-da Maarso,waxaana Munaasabadda soo qabanqaabisay Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska. Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxweyne kuxigeenka Puntland,Gudoomiyaha Baarlamaanka ,Qaar kamid ah Golaha Wasiiradda Puntland,Haween ka kala yimid dhamaan gobaladda Puntland,saraakiil ka socotay hay,adaha daneeya arimaha Haweenka,hobalada waabari iyo Marti sharaf kale oo lagu casumay xuska Maalinta Haweenka Aduunka. Kooxda Hobaladda waabari ayaa munaasabadda kasoo jeediyey Riwaayado kala duwan iyo Heeso ka turjumayey qiimaha ay leeyiin Haweenka Soomaaliyeed iyo Tacdiyada ay la kulmaan sida Kufsiga iyo gudniinka Fircooniga ah. Gudoomiyaha ururada Haweenka Puntland Khadro Warsame Jaamac oo kulan ka hadashay ayaa sheegtay in haweenka Puntland ay midaysan yihiin iyagoo xafladaan si wadajir ah uga soo qaybgalay. Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Maryan Axmed Cali ayaa hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka Puntland,waxaana ay tilmaantay in Wasaaradda Haweenku ku tilaabsatay horumar balaaran oo ay hormuud u yihiin Haweenka Puntland. Wasiirka Haweenka Puntland Maryan Axmed Cali ayaa kula dardaarantay Haweenka Puntland inay iskaashadaan oo ay mideeyaan dadaalkooda ku aadan sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda dastuuriga ah. Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa ku amaanay Wasaaradda Haweenka Puntland dadaalka dheer ee ay ku bixisay horumarinta Haweenka Puntland,waxaa sidookale uu ugu baaqay Haweenka Puntland in xuuquuqda ay ku leeyihiin Baarlamaanka 2019 ay ku si geesinimo leh ku raadsadaan. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay oo asna Ka Qeybgalay Munaasibadaasi waxaa uu ku tilmaamay inay tahay maalin qiimo weyn, islamarkaana la xusayo doorka muhiimka ah ee Hooyada Soomaaliyeed ku leedahay qoyska dhexdiisa. Maalinta haweenka ee 8 Maarso ayaa leh taariikh fog, oo ka soo bilaamata qarnigii 19-aad, waxaana maalintaan laga xusaa caalamka iyo gayiga Soomaalida iyadoona si weyn maantay looga xusay Magaalada Garoowe. Hoos Ka Daawo Sawiradda. Puntlandi.com
  5. Hodan “Esther” Bahir came to the United States as a Somali refugee. Because of the war in Somalia, she lived in Kenya for five years before coming to the United States with her family in 1999 when she was 15-years-old. Source: Hiiraan Online
  6. Seattle Mayor Jenny Durkan declared Feb. 9 “Baro Af-Soomaali Day” during a celebration at the New Holly Gathering Hall honoring the families who created a children’s book for the Somali community. The celebration was the culmination of two years’ work by local Somali families, Seattle Public Schools (SPS) and the Seattle Public Library (SPL). Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) - The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmaajo held a closed-door meeting last night with Benadir district commissioners, according to federal and regional government officials. Source: Hiiraan Online
  8. Garowe (Puntlandi) Wasaaraddaha waxbarashada, cadaalada iyo arrimaha Diinta, ee dowlada Puntland, ayaa Kutub axkaamta shareecada ah guddoonsiiyay jaaamacaddaha kuyaala Puntland, kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Garowe. Munaasabad lagusoo bandhigayay kutubtaan oo gaarayay boqolaal xabbo, ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiradda cadaaalada iyo arrimaha Diinta iyo waxbarashada Puntland, Waxaa kaloo madasha ku sugnaa ardayda jaamacadaha iyo bahda culimada. Kutubtaan waxaa ku deeqday dowladda Sacuudi Carabiya oo usoo wakiilatay safaaradeeda kutaala dalka Jibuuti, waxayna safaarada ay usii wakilatay uqeybsanaheeda arrimaha Diinta, kaasoo ku sugnaa munaasabadii lagu wareejinayay. Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa dowladda Sacuudiga uga mahad celiyay sida ay mar walba u garab taagan tahay waxbarashada Puntland. Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Pro:- Abshir Yuusuf Ciise, ayaa soo dhoweeyay deeqdaan Kutubka ah ee dowladda Sacuudigu ugu deeqday jaamcaddaha Puntland, si looga caawiyo arrimaha shareecada Islaamka iyo Axkaamtooda. Puntlandi.com
  9. MOGADISHU (HOL) - The Federal Government of Somalia has asked the Arab League to step in and mediate in the Berbera port agreement after a week of back and forths between Somalia, Somaliland and Dubai-operated DP World have led to a deterioration in relations. Source: Hiiraan Online
  10. Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in maamulkiisu ay aqbaleen dagaal uu sheegay in ay ku baaqday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Muuse Biixi Cabdi ayaa Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ku tilmaamay wiil yar oo ka taliya Xamar,waxaana uu sheegay in Somaliland ay aqbashay sida uu yiri dagalka ay ku baaqday Dowladda Soomaaliya. Waxaa uu aad u dhaliilay gp’aanka dowladda Federaalka ah ee ka dhanka ahaa heshiiska Dekadda Berbera ay kula wareegtay DPWorld iyo saamiga laga siiyay Itoobiya. Waxaa uu difaacay heshiiska Berbera isaga oo sheegay in uu jirayo sidoo kalena aysan Somaliland marti ku ahayn Berbera ee ay iyada leedahay. Somaliland ayuu sheegay in ay dhab u qaadaneyso hadalka ra’isalwasaare kheyre ee ah heshiiska berbera in uusan sharci ahayn,islamarkaana ay Somaliland diyaar u tahay dagaal ay la gasho dowladda Federaalka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muuse Biixi: “ Soomaaliya waxaa ka taliyo wiil yar waana aqbalnay dagaalka uu ku baaqay” appeared first on Caasimada Online.
  11. Somaliland’s Head of State, Musa Bihi Abdi has categorically rebuffed the rejection of Somalia concerning the agreement signed between Ethiopia, Somaliland and United Arab Emirates (UAE) logistics company DP World. Somaliland President made the remarks in a speech made during the commemoration of int’l women’s day in Hargeisa on Thursday. The president has talked about the long standing conspiracies that Somalia leaders staged against the republic of Somaliland which has already set its house in order despite lacking int’l recognition. Hon. Musa has said that the recent statement from Somalia’s PM is a clear indication of the hatred and animosity that Somalia politicians are setting traps for Somaliland which is seeking investment for its territory. Mr. Muse has spoken of the injustice subjected to his people starting from day one when the union of Somalia (South) merged with Somaliland (North) in the 1960’s which the unity govt was not formed on fair basis. The president clearly stated that the capital, the PM post, the army, the police commissioner, the house parliament speaker, and two cabinet ministers were appointed hailing from Somaliland. The president reminded the Somali-Norwegian PM that he does not know the history of Somalia and Somaliland and is emulating his predecessors on Somaliland’s subjugation. He talked about the carnage of the 1988 emancipation war were 50, 000 of innocent civilians from Somaliland were killed by the military junta led by the former deceased president of Somalia Siad Bare. Mr. Musa has made clear that Somaliland gained its freedom and Independence by shedding blood and further reminded that the speech is clear sign that Somalia has declared war with Somaliland from now on.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo dhawaan Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyey ilmaha Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf guri uu lahaa aabahood oo ku yaalo Magaalada Muqdisho kaasoo xoog looga heystay ayaa waxaa haddana soo baxayo inay socdaan qorshooyin lagu doonayo in mar kale gacantooda looga bixiyo. Waxaa lasoo sheegayaa in dacwad been abuur ah laga furayo Maxkamadda Gobolka Banaadir isla markaasna lagu doonayo in lagu xalaaleysto guriga uu lahaa Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Nabadoon Xaad oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in xog farabadan oo ay soo aruuriyeen kadib ay ogaadeen inuu gurigaas lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna ku baaqay in hantidaas ay leeyihiin agoonta loo dhaafo oo aan si xoog ah looga qaadan. ” Dad xog ogaal ah oo aan wareysanay ayaa noo xaqiijiyey inuu dhulkaan lahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed” ayuu yiri Nabadoon Xaad oo saxaafadda kula hadlay gudaha booska ay leeyihiin ilmaha Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Xildhibaan Duniyo Maxamed Cali ayaa sheegtay inay tahay arrintaas mid laga xumaado madaxweyne xilli uu dalka xaalad xun ku jiray soo hoggaamiyey in lagu qabsaday halkii boos oo uu dalka ku lahaa. ” Adduunka qofka haddii uu xil kasoo qabto waxaa loo baahan yahay in la karaameeyo, dadka dariska iyo kuwa deegaanka ayaa caddeeyey inuu dhulkaan lahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna dalka ka dagi la’yahay waa hantida ma guurtada ah ee la kala heysto Afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay xaqiijinayaan inuu dhulkaan leeyahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulalahi Yuusuf Axmed, wuxuuna sheegay inuusan sheegan karin qof kale. ” Cabdullaahi Yuusuf Axmed 10 guri xamar kuma laheyn, gurigaan kaliya ayuu Xamar ku lahaa, haddii isaga lagu qabsado waa doqonimo waa garaad yari, waana wax laga xishoodo, qoyska iyo ehelada dhaxalka u leh gurigaan waxaan cod dheer ku dhahayaa gurigaan adinkaa iska leh” ayuu yiri Xalane. The post Muuqaal: Gurigii uu lahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo mar kale la doonayo in xoog lagu qaato iyo Xildhibaano kusoo baxay appeared first on Caasimada Online.
  13. Somalia’s president is trying to force Al-Shabaab to negotiate a political settlement with his government, the commander of US forces in Africa said on Tuesday. “Somalis are going to need to decide for themselves what the arrangement will be at the end of the day,” Gen Thomas Waldhauser, head of the US Africa Command (Africom), told members of Congress. He said Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed, popularly known as Farmajo, is aiming to “beat back Al-Shabaab to the point where defections, especially of leadership, become the order of the day and some type of negotiated settlement with the federal government probably takes place.” Most insurgencies end in such a manner, Gen Walhauser noted in an exchange with the US House of Representatives Armed Services Committee. But an Africom “posture statement” submitted to the US Congress on Tuesday notes in regard to Somalia that “while some high-profile defections have occurred, only a small number of fighters have actually defected.” Gen Waldhauser counselled patience as intensified US firepower is combined with gradually heightened effectiveness on the part of Somalia’s federal government. President Farmajo has made progress in governance during his year in office, Gen Waldhauser observed, but added: “It’s going to be slow, no doubt about it. You measure progress in Somalia by eighths of an inch, not by yardsticks.” As a result of the Trump administration’s broadening of authority for air strikes in Somalia, “we have turned up the heat in the past few months,” Gen Waldhauser said. “That is not to say al-Shabaab is on the ropes,” he added. The Africom chief further cautioned that the US is not formally at war in Somalia. The mission there is specifically designed to avoid that designation, he said. The US has provided Kenyan forces inside Somalia with drones that are being used to “identify ambushes ahead of their patrols,” the Africom posture statement indicates. “Kenya is now investing their own money in additional platforms,” the statement notes. Kenya is also hosting a significant number of US troops, Gen Waldhauser told the US congressional committee. He did not specify the size of that US deployment, but he said East Africa accounts for most of the roughly 7,500 US troops deployed on the continent. East Africa
  14. Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland iyo Xaaladda Abaaraha Puntland. Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa caddeeyay in amniga Puntland uu wacan yahay guud ahaan marka laga reebo dhibaateynta joogtada ah ee ay ku hayaan kooxaha argagixisadu umadda Soomaaliyeed guud ahaan. Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa maanta si dheer uga dooday xaaladda Abaaraha ee kusoo jawahan Puntland, waxayna goluhu caddeeyeen in Puntland ay kusii siqeyso waqtiyadii adkaa ee Abaaraha, waxaana hadda ay saameyn ku samaysay Abaartu dad gaaraya 1.6 milyan oo reer Puntland ah iyo 234 deegaan oo ka kala tirsan 9 gobol ee Puntland, waxaana hadda gaaray xaalad adga 103.000 qoys, sidaa darteed loo bahan yahay in si wadajir ah loogu istaago xaaladaas haddii uusan allaah raxmadiisa shubin Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa golaha u sheegay in loo diyaar-garoobo xaaladda Abaarta, isla markaana la jiheeyo dhammaan qorsheyaasha wax looga qabanayo Abaarta, wuxuuna Madaxweynuhu u sheegay shacab­ weynaha Puntland gudo iyo dibed-ba in loo diyaar-garoobo xaaladda Abaarta haddii uu yaraado ama la waayo Roobka gugga ee la filayo haddii Allaah idmo, wuxuuna Madaxweynuhu iskugu yeeray wasaaradaha u qaabilsan Dawladda arrimahaan iyo hay’adaha ka shaqeeya xaalada Bini’aadantinimadda Soomaaliya. Puntlandi.com
  15. By Ahmed Abdi Somaliland— A tribal fighting killed two people on Wednesday in the Northern Somali city of Bohodle, a source of the negotiators told Somaliland Informer on Thursday. “Two people were killed and another wounded as a result of reprisals between two Sool clan clans, which added more troublesome to a region its population is already suffering from the recurrent droughts,” the source said. Elders trying to de-escalate the tension asked the warring tribes to withdrew their militias from the positions in the village of Go’ondale. Somaliland expressed concern over Wednesday’s confrontation between two brotherly sub-clans of Sool clan tribe and called for an immediate cease-fire. Northern Somali regions have been plagued by insecurity and a political chaos since the overthrow of Mohamed Siad Barre’s government in 1991.
  16. TORONTO -- A former Somali child refugee will have to wait two weeks to find out whether his deportation hearing will proceed, an adjudicator ruled Wednesday. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Barnaamijka Maa waraa’al khabar ee kabaxa tvga afka dheer ee Aljazeera ayaa lagu soo qaatay go’aankii dhawaan dowladda federaalka ay ku sheegtay inuu sharci darro yahay heshiiska saddex geesoodka ee dowladaha Imaaraatka Carabta, Itoobiya iyo maamulka Soomaali-land ay ka gaareen dekadda Barbara. Barnaamijka oo ay ka qeygalayeen Falanqeeyayaal wax badan kala socoda xaaladda Soomaaliya iyo tan Imaaraatka ayaa hoosta ka xariiqey in dowladda Imaaraatka uu wado damac dhul ballaarsi ah, islamarkaana ay dooneyso iney gacanta ku dhigto mandiqadda istiraatiijiga ah ee geeska Africa. Anwar Axmed Mayow oo ah wariye qoraa ah, kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa isagoo ka qeybgalayay barnaamijka Maa Waraa’al khabar ee Aljazeera waxa uu sheegay in heshiiska saddex geesoodka ah ee ku saabsan Barbara uu ka gudbay qadadka cagaaran, islamarkaana aad loo bahdiley dowladda, maadaama heshiiska la saxiixay iyadoo ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre uu ku sugnaa Imaaraatka, laguna wargelin heshiiska. Waxa uu intaa ku daray Mayow in markii la saxiixayay qodobada heshiiska goobta lasoo dhigay oo keliya calamada Itoobiya, Imaaraatka iyo kan Soomaali-land, taasina ay muujineyso inaaney aqoonsaneyn dhamaan dowladahaas jiritaanka dowladda federaalka ee Farmaajo uu hogaamiyo. Raami Al-khaliifa oo ah baare ku sugan Faransiiska, barnaamijka Aljazeerana ka qeybgalay ayaa dhankiisa sheegay in heshiiska Soomaali-land ay la gaartay shirkadda DP World aanu ahayn heshiiskii ugu horeeyey ee maamulkaas saxiixo, iyadoo aaney waxba ka ogeyn dowladda dhexe ee federaalka. Wuxuu sheegay in Soomaali-land ay heshiisyo dhowr ah la gaartay dowladaha Norway, Turkiga, Bankiga Caalamiga, iyo shirkado badan oo ka howlgala qaaradda Yurub, isagoona intaa ku daray in beesha caalamka ay naas nuujiso maamulkaas, una aragto inuu yahay mid danaheeda ka shaqeeya. Mar la waydiiyay Anwar Axmed Mayow oo Muqdisho jooga tallaabada ay qaadi karto dowladda federaalka haddii shirkadda DP World kusii socoto heshiiska ay la gaartay Soomali-land ayuu sheegay in Imaaraatka markii ay heshiiska kusoo darayeen Itoobiya ay dareemayeen in dowladan ay dowr weyn ka cayaareyso Soomaaliya, taas bedelkeedana ay dowladda Federaalka isku dayi doonto in dowladda Itoobiya ku qanciso oo keliya inaney qeyb ka noqon heshiiska, waxaana haddii taas ay dhici weyso ay ka dhigantahay in heshiisku sidaas ku hirgalay. Arintan ayaa muujineysa awood darida dowladda Federaalka iyo inaaney ahayn dowlad madax banaan oo awood u leh maamulida dalkeeda, waxana muuqato inay Imaaraadka si cad ugu xad gudubtay dalka Soomaaliya iyo jiritaankiisa.  The post Muuqaal : Falanqeeyayaal carbeed oo sheegay in Dowladda Federaalka awood u lahayn is hortaaga heshiiska Dekedda Berber. appeared first on Caasimada Online.
  18. The Somali community in Mombasa is preparing to front a governor candidate in 2022 who will “protect the President’s legacy”. Source: Hiiraan Online
  19. Every morning at 8:00 a.m. Fatuma Ibrahim prepares for her usual rounds of trekking from house to house selling Baati and Garbasaar – a traditional Somali cotton dress and head scarf. This has been her daily routine since she first set foot in Kalkal displacement camp in the capital of Somalia, Mogadishu, more than two years ago. Source: Hiiraan Online
  20. Secretary of State Rex Tillerson's five-nation itinerary told African leaders everything they needed to know about the Trump administration's approach to the continent: Counter-terrorism is in. Human rights and democracy, not so much. Source: Hiiraan Online
  21. Desert sand is slowly taking over Somalia. Just six years after the last major drought emergency, the rains have failed again -- a devastating trend in a country where around 80 percent of people make their living on the land. Special correspondent Jane Ferguson and videographer Alessandro Pavone report on how climate change is threatening a way of life that has sustained Somalia for millennia. Source: Hiiraan Online
  22. Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo udiray haweenka Somaaliyeed gaar ahaan haweenka Puntland, kuwaas oo maanta udabaal dagaya maalinta caalamiga ah ee haweenka aduunka e 8 Maarso. Madaxweyne Gaas ayaa haweenka ku ammaanay inay kaalin muhiim ah kaga jiraan horumarinta bulshada, wuxuuna sheegay inay dowladdiisa door wanaagsan kaga jiraan ,marka loo eeego tirada Dumar ee ku jira xukuumadiisa ama hay’addaha dowladda. Waxaa uu madaxweynuhu beeniyay baaritaan BBC-du sameysay oo ku saabsan in Puntland kamid tahay degaanada lagu dulmiyo dumarka inay kaalin wanaagsan ka ciyaaraan arrimaha siyaasada, isagoo tusaale ahaan usoo qaatay inay yihiin maamulka kaliya ee soo dirsaday tirada ugu badan dumarka u matala labada aqal ee barlamaamka. Hadalkaan ayuu madaxweynuhu ku sheegay wareysi uu siiyay BBC-Soomaali. Piuntlandi.com
  23. A roadside bomb struck a car Wednesday southwest of the Somali capital Mogadishu, killing two government officials and two of their bodyguards, regional officials said. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaano ayaa xlay kulan gaar ah la qaatay maamulka gobolka Banaadir oo ay ku jiraan guddoomyeyaasha degmooyinka iyo wasiirka arrimaha gudaha DF. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray ammaanka Mudisho, iyadoo sidoo kale looga hadlay hawlaha maamulka gobolka Banaadir uu qabto, waxaana lagu tir-tirsiiyay maamulka gobolka Banaadir inay hawlahooda xoojiyaan. Inkastoo aan saxaafadda lala wadaagin qodobbadii looga hadlay kulankaan ayaa haddana waxay wararka hoose sheegayaan in guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir lagu war-geliyay inaan xilalka laga qaadayn, taas badalkeedana looga baahan yahay inay xoojiyaan shaqooyinkooda. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan ka dhacay Qaraxyo khasaarooyin kala duwan geystay, kuwaasoo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab oo dagaal kula jirtay Dowladda Somalia muddo sannado ah. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia Farmaajo ayaa dhawaanahan wuxuu la lahaa kulammo kala duwan mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka Soomaaliya kulammadaasoo looga hadlay sidii amniga caasimadda Somalia loo adkeyn lahaa. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku boorriyay guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir in ay xoojiyaan amniga degmooyinka, taasoo uu sheegay inay kaalin weyn ku leedahay adkeynta amniga guud ee Muqdisho. Ugu dambeyn, Shacabka Muqdisho ayaa ka cabanayay dhawaanahan jidadka Muqdisho oo intooda muhiimka ah la xiray, inkastoo maalmo kaddib dib loo furay waddooyinka Muqdisho, iyadoo aan la sheegin sababihii waddooyinka loo xiray. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  25. Suldhaan Axmed Bin Saliim Midowga Immaaradaha Carabta (MIC), waxaan shaki ku jirin inay fulinayso adeeg loo soo dhiibay looguna danayniyo dalka Itoobiya, yaa u soo dhiibay?…jawaabtaas ma aha mid la moogyahay, hasa yeeshee Midowga Imaaradah Carabta , shaki la’aan xisaabta ka khaldantay, PD World waa shirkad ay leedahay dowladda MIC ee ma aha shirkad shakhsi gaar ah leeyahay….waa dhab marar badan baa la kala garan waayaa shirkadda shakhsiga gaarka ah leeyahay iyo midda ay dowladdu leedahay marka laga hadlayo dalalka KHaliijka Carabta, maxaa yeelay mar waa Amiir oo maamulka dowladda ayuu xil ka hayaa, marna wuxuu leeyahay shirkad gaar ah oo uu isagu si shakhsi ah u leeyahay laakiin markii loo baahdo ama ay dan keenatana noqota shirkad dowladeed!…. Si kastaba ha ahaatee DP World siyaabaha ay u dhaqmayso waxaa ka muuqda calaammado cadaynaya inaysan ahayn shirkad gaar loo leeyahay, waliba marka aad fiiriso qaabka uu u hadlay ninka la yiraahdo Suldhaan Axmed Bin Saliim, oo isagu ah madaxa maamulka Dubai Ports World waxaa kuu muuqanaya waxa ka dambeeya inay tahay dowladda MIC, laakiin Soomaaliya arrintan maxkamad geyn mayso maxaa yeelay mid maxkamad u baahan ma aha ee waa mid u baahan halgankii ay markii horaba Berbera ku ahayd waxa ay ahayd, waxaana taas cadayn u ah kaalinta Itoobiya!…..Kenya maxkammad baan la aadnay si khaldan, maxaa yeelay Kenya iyo Itoobiya waligoodba waxaa inoo soo adeegsan jiray dalal iyaga u balan qaaday in iyaga la siinayo Soomaaliya, ama wixii laga helo wax laga siinayo…… Itoobiyana wali kaalintii ay waligeed ciyaaraysay ayeey mantana rabtaa inay ka ciyaarto damaca waalida ah ee Midowga Immaarradaha Carabta!…..Kenya Badda Soomaaliya Norway iyo Israaiil baa u soo dirsaday waxayna rabtaa in wax laga siiyo wixii laga helo, waa dabeecadda waligeed uu ku salaysnaa khilaafka annaga iyo dalalka deriskeena ah inoo dhexeeya!….. Dowlad Soomaaliyeed inay cagaheeda isku taagto dagaal badan baa ka sokeeya, waxaana jira dibindaabyooyin faro badan oo ay ka tageen ama ay wali hadda wadaan niman xil siyaasadeed dalka haya, waxaana dhibaatada ugu weyn ay tahay in nimanka xilka laynoogu dhiibay aysan badankood rumaysnayn inay mas’uul yihiin u yihiin ummad, waxayna siyaasadda dalka ugu dhex jiraan inay noqdaan Jannaalayaashii Siyaasadda!…mid kasta oo iyaga ka mid ah markaad caqligiisa iyo sida uu u fekerayo aad fiiriso waxaa ka dhaadhacsan inuusan dowlad ahayn, hammigiisana waxaa ku jira intaysan dowladii runta ahayd kugu imaan adigu iska sii shaqayso waxaad boobi karaysana sii boob!…Kaaf iyo kala dheeri!…..Siyaasiyiintii hore dhaliil kastaba ha lagu sheego dalka iyo hantida dalka shisheeye kama gadi jirin ama waji ugama samaysan jirin!….dekedda Berbera waxaa sida laga war-qabo oggolaaday oo saxiixay madaxweynihii hore Xasan SHiikh Max’ud iyo Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo, waxayna ahayd sababta ugu weyneyd ee ay dowladda Itoobiya ugu ololeynaysay xilligii doorashada in mar labaad Xasan SHiikh Max’ud la soo doorto iyadoo ka baqaysa haddii la soo dooran waayo in dowladda kale ee la soo doorto ay heshiiskaas dhagarta ah ka hor timaado…..Waxaa isagana wax ka ogaa heshiiskaas Max’ed Cusmaan Jawaari Af-hayeenka Golaha SHacabka waana sababta uu mar kasta uga leex-leexanayay ilaa iyo hadana u hor taaganyahay in mooshin laga keeno!….Waxaase intaas oo dhan ka sii daran oo waali casar ah sida CumarCabdirashiid Cali Sharmaarke uu xubin uga yahay Aqalka Sare iyadoo la ogyahay in dowladda Midowga Immaarradaha Carabta uu u shaqeeyo?!….Sidee mudane ku yahay Cumar Cabdirashiid?….Balse ka waran Xasan Shiikh Max’uud baa waxaa lagu abaal mariyay Xil-dhibaanimo joogta ah!…Xasan ma abaal marin buu mudnaa mase in la soo eedeeyo oo la baaro?!….Tan kale sharci ma noqon karayso in codka dad-weynaha uu ka mid noqdo waxyaabaha laysku abaal marinayo, xubinimmada baarlamanka waxaa lagu heli karaa oo keliya coda dad-weynaha mana noqon karayso abaal marain ay isku hadiyeeyaan labo mas’uul ama gole!.. Waxaa loo baahanyahay in la fahmo 4.5! dhibaato kasta oo maanta aan ka kici la’nahayna iyadaa u hooyo ah….Nidaamkaan afarta iyo barka ah waa tab laynoo helay, waxana shaki la’aan ah in la doonayo in dalka lagu hayo ilaa inta waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay ka fushanayso danaha guracan ee ay dalka ka leedahay! Danahaas haddaadan garan waa midka AMISOM loo keenay inay ilaaliso!….Danahaas haddadan garan waa mida Michael Kitting uu u joogo dalka kuna maamulayo, waana qayb muhiim ah oo shaqadiisa ka mid ah inuu dalka ku hayo nidaamkaas 4.5-ka ah waana sababtuu ugu dagaalamayay in dalku uu nidaamkaas ku jiro….marka aad fiiriso wax kasta oo khalad ama gef ah oo ummadda Soomaaliyeed laga galay ama nin Soomaali ah oo xil siyaasadeed sheeganaya ha ka galo ama Mafia shisheeye ah ha ka gasho ama dal shisheeye ah ha ka galo, intaba waxaa difaaca oo gabbood u ah nidaamka 4.5!….Tusaale waxaa kugu filan dowladdii dhamayd ee Soomaaliyeed inaysan Muuse Biixi la hadli karin, Cabdiraxmaan Cabdishakuur sidii loo sii daayay, maxkamaddii kuraasta iyo shaaha la soo wada dhigtay ee lagu sheekeysanayay ee habluhu u alalaasayeen….waxaas oo dhan waa nidaamka 4.5!….waana sababta keentay in Suldhaan Axmed Bin Saliim uu yiraahdo 28 sano ayeey Somaliland xor ahayd!….ma isagaa haystay oo ay ka xorowday?!…..Ha dhowaato ama ha dheeraatee waxaan shaki ku jirin jawaab waafi inay dowladda Midowga Immaarradaha Carrabta arrintaas ka helayso. {Iran horayba colaad inoogama dhexeyn, kaalin baana ugu bannaan arrimaha ay MIC iyo Itoobiya ka wadaan Soomaaliya!…} Dubai Ports World waa shirkad gaar loo leeyahay hadana dowladu leedahay, taasi ulama jeedno inay dowladdu saami ku leedahay ee iyadaa iska leh, sida ay sheegayaan warar ku dhow-dhow heshiiska Somaliland iyo MIC, waxaa dowladda Itoobiya heshiiska ku marti qaaday dowladda MIC si ay u xaqiijiso ammaanka shirkadda iyo danaheeda, waana arrin macnaha ka dambeeya oo dhan si dhib yar ugu muuqda dadka Soomaaliyeed, mana aha wax cabsi gelinaya. Heshiiskan MIC iyo Itoobiya wuxuu soo socday sanadihii 2015kii, 2016kii, ilaa ugu dambayntii 2017kii markaas oo wufuud isugu jira madaxda DP World iyo MIC ay Itoobiya wada gaareen heshiis dhamays tiran oo ah in Itoobiya ay MIC ay sugto ammaankiisa taas bedelkeedana la siiyo sami gaaraya 19% lacagaha laga helo dekedda. Waxaa iyadan xusid mudan in Itoobiya ay hadda danaynayso heshiiskaan inuu siduu yahay u dhaqan galo in ka badan Midowga Immaarada ha Carabta iyo DP World, waxayna u aragtaa inuu heshiiskaan horseedi karaayo hab la mid ah habkii ay dowladda Ingiriiska 1944kii ugu wareejisay gobolka Ogaden (Hawd and Reserved Area). DHinaca kale Itoobiya, waxay Soomaaliya u soo haliilayso waxay la tahay inay iyada gacanta ku hayso xogta Soomaaliya xaaladaheeda guud ahaan, waxayna rumaysantahay in Soommaaliya ay 4.5 u kala fadhido sidaas daraadeedna aysan jirin cudud Soomaaliyeed oo soo wajahaysa, waxaa kaloo arrin muhiima ah oo aan shaki ku jirin in ciidmmada AMISOM ay ugu yaraan qayb ahaan isku haleyniyaan, iyadoo ay taasi dheertahay askarta Soomaaliyeed ee Midowga Immaaradaha Carabta ka amar qaata ee gobollada Puntland iyo Muqdisho jooga kuwaasoo siyaabo badan looga dhaadhiciyay inay Midowga Immaaradaha Carabta ay ciidan u yihiin oo aan inta hadda la ogyahay cid kale ka amar qaadan!….Waxaana Itoobiya iyo Midowga Immaaradaha Carabta iyo DP World markay xisaabta isku celceliyeen u soo baxday inay Somaliland iyaga u dagantahay!…..waxaase muuqda inay tirooyinka qaar il-duufeen!….Waxaa iyadana suuro gal ah Itoobiya in xiisad iyada iyo Soomaaliya dhex marta xilligan ay u aragto mid wax ka tari karaysa xiisadaha siyaasadeed ee gudaheeda ka taagan!….Balse ka waran oo is weyddii maxaad ku aaminaysaa Qarrammada Midoobay, Dowladaha Maraykanka, Talyaaniga, Ingiriiska….adigu magacow, dal dhan oo xor ah baa la leeyahay waan qabsanaynaa oo ay daawanayaan oo xataa aysan ka hadlayn, kalluumaysatadii Soomaaliyeedna ee doonyaha yar-yar watayn waxay ku magacaabeen Burcad-Badeed waxayna u samaysteen xabsi gaar ah!…waa haddad rumaysantahay Maxkamadda Aduunka, waa haddii laguu sheegay dowladaa Soomaaliya saaxiib la ah!….Aawaye?!….Ingiriiska Malaayiin dollar buu sanad kasta geshaa Somaliland!….Midowga Yurub?!… Xudduudeenii baa habeen iyo maalin waxaa iska cabiranaya Kenya walina hal qof oo mas’uul xataa indho-indheyn uma tegin!….Yaa?!….. Ninkii Qayrkiisa loo Xiirayow Soo Qoyso Adiguna!….. Midowga Immaaradaha Carabta haddii uu ka qayb qaatay duulaan xagga cirka ah oo ay dowladda Israa’iil ka geysatay magaallada GHazah ee dalka Falasdhiin, ma kula tahay inay Somaliland ama guud ahaanba Soomaaliya ay waji u hayso?!…..Midowga Immaardaha Carabta, inta aan xasuusnahay xiriir wanaagsan baan lahayn, waxaana arrin ay Soomaaliya ku faani karayso ah inta laga war qabo inay ilaaliso xiriir-wanaagga iyo saaxiibnimada dhex marta iyaga iyo dalalka kale ee dunida, laakiin taas macnaheed ma aha sida dadka wax ma garatada ah u qaateen in Soomaaliya ay dulli qaadanayso ama ay waligeedba qaadatay, mana dhicin mana dhici doonto hadduu Alle yiraahdo!….Waxaa kaloo arrin ay Soomaaliya ku fani karayso sida ay u sharafto martideeda, taasoo waliba ah caalamad gaar ah oo ay dunida inteeda kale kaga duwantahay, waxaana Af-gooye ku yaalay beer lagu sharfay oo la siiyay Alle ha u naxariistee Shiikh Zaa’id Bin Suldhaan Aalaa- Nahyaan!…DHaqanka wanaagsan ee ummadda Soomaaliyeed leedahay wuxuu mararka qaarkood keenaa in madaxda dalalka shisheeyaha ah intooda aan xil-kas ahayn ay ku khaldamaan mudnaanta ay leedahay Soomaaliya!…. Sida Al-SHarq ay ka soo xigatay Channel-ka France24, ee laga leeyahay dalka Faransiiska diyaardaha dagaalka ee Midowga Immaardaha Carabta waxaa ay ka qayb qaateen dullaan xagga cirka ah oo ay diyaaradaha Israel ka fuliyeen magaallada GHaza ee dalka Falasdhiin, waxaana duulaankaas ujeeddadiisu ahayd in lagu burburiyo baro ururka Islaamiga ah ee Xammaas ku leeyahay magaalladaas (warkaas oo faahfaahsan halkan riix oo ka aqri)……Midowga Immaardaha Carabta waxaa raacday Israel oo duulaan ku ah Falasdhiin, maantana waxay Itoobiya u soo wadatay Soomaaliya!…. Caqli?!…. waa mid ka mid ah dabeecadaha dhaqanka wanaagsan khilaafsan ee ay adeegsadaan qaar ka mid ah qoysaska xukuma wadammada ku hodmay ceelasha saliidda ah ee u baqaya xukunkooda!… waana hab ay ugu dhwaadaan dalalka ay uga baqayaan inay xukunkooda wax yeeleeyaan!.. { Gaas Isku tashiga Puntland ma wuxuu ku macneeyay doonida ay DP World u diiday dekedda ?!} Sida ka muuqatay hadalka ninka madaxda ka ah PD World Suldhaan Axmed Bin Saliim, waxay isaga iyo Itoobiya u soo qalab qaateen inaysan Berbera si kale uga baxayn dagaal mooyee, waa hadal cad!…waxaa kaloo muuqda in DP World ama Midowga Immaarradaha Carabta ay ku soo talo galeen dagaal ka dhan ah dowladda Soomaaliyeed isla markaasna ay bixiniyaan kharashka iyo wax kasta oo dagaalkaas looga baahdo, iyagoo sida layska wada garan karo dhinaca kalana ku talo galkoodu yahay caqli ahaan u badinaya inaysan Soomaaliya maanta dagaal taag u hayn!….laakiin waa fikrad aan meesheedii dhicin!….aqoon la’aan baa rag isku hoday!…. Haddii ku talo galku yahay Soomaaliya maanta waxba iskama celin karto, jawaabtu waxay tahay Soomaaliya waxaa jirtay mar ay intaan ka taag yarayd waligeedna lama qabsan!….Waxaana haboon dowladdu inay irridaha u furto dalal badan oo doonaya inay Soomaaliya dano badan is dhaafsadaan waxaana ugu horeysa dowladda Iran….Iran waxay diyaar u tahay si aan madmadow lahayn inay is kaashi dhan kasta ah Soomaaliya la yeelato, waxaana wali ay ummadda Soomaaliyeed xasuusantahay gacantii iyo hiilkii Iran!…..waxayna tan jawaab waafi ah u noqon kartaa duulaanka ay isu soo gaashaan buuraysteen Midowga Immaarradaha Carabta iyo Itoobiya!… Waxaa iyadana is-weydiin mudan maamulka Puntland ee Cabdiwali Max’ed Cali Gaas sababta uu ugu dheggenyahay heshiiska DP World ay doonayso inay kula wareegto dekedda Boosaaso?! Waxaa sidoo kale is madaxweynaha Puntland wali laga sugayaa heshiiskii ay wada saxiixdeen DP World iyo Puntland!….maxaa qarsoon?!…way muuqataa saansaanta DP World iyo siyaasadddeeda ku aaddan guud ahaan dekedaha Soomaaliya….waxaan tusaale innoogu fillan doonidii u rarnayd ganacsatada reer Puntland ee bishii la soo dhaafay ay shirkadda DP World ka hor istaagtay inay ku soo xirato dekedda Bosaaso in kastoo ay Puntland taas beenisay hadana waxaan shaki ku jirin in arrin noocaan oo kale ah uusan DP World ka hor ka dhici jirin dekedda Boosaaso…..sidaas si la mid ah bishii November 2017-kii muddo toddobaad ku dhow ayeey dekeddu u xirnayd khilaaf soo kala dhex galay ganacsatada Puntland iyo DP World….waxaana arrin nasiib daro ah in maamulka Puntland uu iska indho-tiro xaqiiqooyinka hor yaala oo ay ugu horeyso waxa ay DP World iyo Midowga Immaaradaha Carabta ka wadaan dekedda Berbera in shaqaale Hindi iyo Bakistaaniyiin ah ay keensatay shaqaalihii Soomaaliyeedna ka eriday dekeddii! (Halkan riix oo ka daawo) Heshiiska Puntland ay la gashay DP World wax kasta uu ahaan lahaaba wuxuu burburay markii ninka madaxda ka ah DP World Suldhaan Axmed Bin Saliim uu cadeeyay inuusan gobolka Somaliland u aqoonsanayn dal Soomaaliyeed, sidaas daraadeedna heshiiskaas wax ka jira ma jiraan! madaxweynaha Puntland Cabdi Max’ed Cali Gaas waxaa waajib ku ah inuu si rasmi ah u taageero go’aanka dowladda uuna cambaareeyo hadalka DP world ka soo yeeray heshiiskaasna uu si degdeg ah uga noqdo. Reer Somaliland xil baa ka saaran Qaranimmada, Ummadnimmada, iyo Qoomiyadnimmada shacabka Soomaaliyeed, waan xil saaran qof kasta oo Soomaali ah waana waajib diini ah oo qofka ilaaliyaa uu runtii ilaaliyay midnimmadii uu Alle faray dadka muslimiinta ah!….waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay feejignaadaan si dhaqso ahna u fahmaan inaysan arrintu ahayn mid la dhayalsan karo, waxaana xil gaar ah saaranyahay dhallin-yarrada meel kasta oo ay joogaanba!….ballantuna waa Qaranimmada, Ummadnimmada, Qoomiyadnimmada iyo Midnimmada Soomaaliyeed in maalka iyo nafta loo huro!…. Suldhaan Axmed bin Saliim ha la baro Somaliland waa Soomaaliya, Berberana waa degmo Soomaaliyeed! W/Q:- Axmed-Yaasiin Maxed Sooyaan. The post Faallo: PD World: Dekedda Berbera iyo Soomaaliya ma waxay la tahay inay labo kala yihiin?! appeared first on Puntland Post.