Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,678
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Nin meyd ah oo la garan waayay ayaa maanta lagu arkay Xaafada Maxfalka degmada Shibis ee gobolka Banaadir. Warar kala duwan ee soo baxaya ayaa sheegaya in Ninka meydka ah ee la garan waayay uu asaga is dilay, halka warar kalane ay tilmaamayaan in la dilay Ninkaas meydka ah. Dad deris la ah Odaygaas ayaa waxa ay sheegeen in saakay Waaberigii Odaygaas lagu dhex arkay gurigiisa isaga oo qoorta ugu jiro Xarig uu isku-daldalay,iyaga oo Magaciisa ku soo koobay Showki,kaas oo da’diisa lagu qiyaasay 50 jir Meydka marxuumka la garan waayay ayaa la geeyay xarunta laanta dambi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in arintaan ay ku abuurtay argagax iyo cabsi xoogan. Masuuliyiin ka tirisan Maamulka degmada Shibis ayaa waxa ay sheegeen in Ninkaas uu dhawaan ka yimid dalka Sweden, isla markaana sababta ugu weyn uu isku-daldalay ay tahay arrimo Qoys oo heystay. Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ah kuwo naadir ku ah dalka balse sanadihii u dambeeyey lagu arkay qeybo badan oo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Garoowe (Caasimadda Online) – War kasoo baxay taliska Ciidamada Amaanka Puntland (PSF) ayaa lagu soo bandhigay sawirada meydadka la sheegay inay yihiin maleeshiyaadkii Alshabaab ee weerarka gaadmada ah ku qaaday saldhig ciidanka badda Puntland (PMPF) ay ku leeyihiin deegaanka Bali Khadar ee buuraha Galgala. Saraakiisha ciidanka PSF ayaa hore u sheegay inay dilleen 41 ka mid ah kooxda Alshabab kadib markii dagaal dagaal rogaal celin ah uga daba tageen maleeshiyaadkii Alshabab ee habeen horre soo weerarey saldhigooda degaanka Bali Khadar. Meydadka sawirrada iyo muuqaallada ka muuqda ayaa ka yar tirada ay ciidamada Puntnad sheegeen inay ka dileen kooxda Alshabaab ee ka howlgasha buuraha Galgala, iyadoo aanay jirin cid dhexdhexaad ah oo xajiijisay arrintan.
  3. Hargeysa (Caasimada Online)- Qaar kamid ah Wargeysyada caanka ah ee kasoo baxa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa qoray in Dowlada Somalia ay Hub ka dajisay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Hubkaan ayaa la sheegay in Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho looga raray Diyaarad khaas ah isla markaana laga dajiyay Garoonka magaalada Garoowe toddobaadkii dhammaaday. Wargeyska Geeska Afrika oo kamid ah kuwa ugu afka dheer ee kasoo baxa deegaanada Somaliland, ayaa sheegay in Hubka markiisa hore ay Dowlada Somalia ka gudoontay Dowlada Sacuudiga oo bilihii ugu danbeeyay uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyay Somalia. Hubka oo noocyo badan ka koobnaa ayuu Wargeesku qoray in Garoonka Garoowe laga dajiyay toddobaadkii dhammaaday xili barqo aheyd, iyadoo mudada Hubkaasi uu dagaayay hakat la galiyay isku socodka Garoonka waxaana gabi ahaan diyaarada isku gadaamay ciidamo aad u hubeysnaa, sida uu qoray Geeska Afrika Diyaaradan oo laga ilaaliyay in dadka shacabka ahi u dhawaadan markii shixnada hubka ah laga dejinaayay ayaa waxa la sheegay in hubkaasi yahay hub uu Sucuudigu siiyay dawladda Soomaaliya, oo ay dawladda Soomaaliyana deeq u siisay maamulka Puntland. Ujeedka Hubka laguma sheegin mid loogu tallo galay in Puntland ay kula dagaalanto maamulka Somaliland iyo in lagu bixiyay taageero, hase ahaatee uu Hubkaasi gaaray Puntland. Dowladaha Somalia iyo Sacuudiga ayaa horay u wada galay Heshiis ah in Sucuudigu hub ku taageero Somalia si loola dagaalamo xagjiriinta al-Shabaab waxa uuna Heshiiskaasi dhexmaray Dowladii hore ee uu hogaaminaayay Xasan Sheekh iyo Dowlada Sacuudiga. Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa horaanta asbuuci tagay muddo dhowr jeer ku celcelshay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo taageero u muujiyay maamulka Puntland, hase ahaatee Dowlada Somalia ayaa iska fogeysay eedaasi. Dhinaca kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa dhankiisa marar kala duwan ku baaqay in si dhaqsi ah lagu joojiyo dagaalka Tukaraq ee u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Baydhabo (Caasimada Online)- Qaraxyo kala duwan ayaa bishii May 2018 ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Qaraxyadan oo khasaaro kala duwan geystay ayaa galaaftay nolosha muwaadiniin aan waxba galabsan. Qaraxyada Bishii May ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan ka yar Qaraxyadii dhacay bishii kasii horeysay, waxaana xusid mudan in Qaraxyada dhacay May ay yihiin 11 Qarax. Qaraxyada dhacay Bishii May 2018 ayaa u badnaa kuwa lagu xiro gaadiidka raaxada oo ay leeyihiin shaqaalaha iyo ciidamada dowlada. HOOS KA AKHRISO QARAXYADA BISHII MAY 2018 KA DHACAY MUQDISHO: 1-May 4, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-shabaab ayaa Bam gacmeedyo ku weeraray Saldhiga degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan. 2-May 6, 2018, Qarax Gaari lagu xiray ayaa waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Isgoyska Maana booliyo ee Gobolka Banaadir, waxaana loogu xiray Xubin ka tirsan Jaaliyada Yemeniinta ee jooga Muqdisho, kaa oo lagu magacaabi jiray Cabdala Axmed Cabdala Sheekh Nuur ‘’Codey’’oo geeriyooday. 3- May 8,2018, Maleeshiyada al-Shabaab ayaa Hoobiyayaal ku weeraray Xarunta Xisbiga ee Degmada Wardhiigley oo hadda Xarun ciidan u ah Ciidamada NISA iyo kuwa Xasilinta Caasimada. 4- May 12, 2018, Maleeshiyada Alshabaab ayaa weerar Hoobiyayaal ah ku qaaday Saldhiga uu Turkiga ku leeyahay duleedka magaalada Muqdisho. 5- May 16, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa Bamgacmeed ku weeraray Guriga Guddoomiyihii hore ee degmada Hawlwadaag Maxamed Abuukar Jacfar. 6- May 16, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa Bam gacmeed ku weeraray Xarunta Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan. 7- May 19, 2018, Qarax lagu xiray Gaari ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafada loo yaqaan Tarabuush, waxaana gaariga loogu xiray Sarkaal sare oo katirsan Ciidanka uu Tababaro Mareykanka ee loo yaqaano Bangraft, kaa oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cadoow (Cali Raage), oo u dhintay dhaawac soo gaaray. 8- May 21, 2018, Maleeshiyada al-Shabaab ayaa Qarax nooca dhulka lagu aaso waxa ay la eegteen gari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda xilli uu marayey meel u dhow Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho. 9- May 28, 2018, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah oo uu watay Askari ka tirsanaa dowlada ayaa waxa uu ka dhacay isgooska Maana booliyo degmada Shibis ee gobolkan Banaadir, waxaana ka badbaaday Askariga wadaha ahaa. 10- May 28, 2018, Maleeshiyaad ka tirsanaa al-Shabaab ayaa Bam gacmeedyo ku weeraray Xarunta Wasaarada Gaashandhiga xili halkaa ay ku sugnaayeen Saraakiil ciidan, waxaana Bambooyinka lagu dhuftay Koontaroolka laga galo Xarunta. 11- May 29, 2018, Maleeshiyaad ka tirsanaa al-Shabaab ayaa Bam gacmeedyo ku weeraray ciidamo ka tirsanaa Xasilinta oo ka howlgalaayay Carwo Iidka oo ku dhaw isgoyska Baar-ubax ee Gobolka Banaadir. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa intooda badan lala eegtaa Gaadiidka dowlada iyo kuwa shaqaalaha, waxa ayna u badan yihiin Bam gacmeedyo iyo kuwa lagu xiro gaadiidka. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  5. Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ay toogasho ku dileen Lix ruux oo ganacsato caana ay ku jiraan. Maleeshiyada ayaa dilka kadib gubay 11 gaadiid xamuul ah oo ka anbabaxay magalada Beledweyne kuna sii jeeday degmada Xudur ee gobolka Bakool. Gaadiidkan ayaa la gubay xili ay marayeen inta u dhaxeysa Xudur iyo deegaanka Qurac Joome, iyadoo maleeshiyadu ay ku qabsatay weerar la sheegay inuu ahaa dhabagal. Mid kamid ah Ganacsatada ay u rarnaayeen Gaadiidka ayaa xaqiijiyay in 2 kamid ah gadiidka waddada loo galay ay dib ugu soo laabteen magaalada Beledweyne, iyadoo sidoo kale dab la qabadsiiyay 11 kale oo ay wada socdeen kuwa ay dabka qabadsiiyeen al-Shabaabka. Lixda ruux ee la dilay marka laga soo tago dadkii kala ee la socday gadiidkan xamuulka ah ayaa la sheegay inay u firxadeen dhulka howdka ah ee ka agdhaw halka uu weerarku ka dhacay. Ganacsato caan ka ah deegaanka Xudur ayuu sheegay inay ku jireen kuwa furxaday iyo kuwa la dilay. Sidoo kale, Gaadiidka la gubay oo noocooda ahaa kuwa xamuulka ee waaweyn ayaa waday allaabo u rarnaa qaar kamid ah Ganacsatada Xudur. Dhinaca kale, Saraakiisha amaanka maamulka Hiiraan ayaa sheegay in la baadi-goobayo ragga ku firxaday Howdka ee la socday gaadiidka. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  6. Tunisia’s Defense Ministry says at least 46 migrants have died after their boat sank off the country’s southern coast and 67 others were rescued by the coast guard on Sunday. The rescue operation was ongoing, the ministry said in a statement. The migrants were of Tunisian and other nationalities. In a separate incident, nine people, including six children, died Sunday after a speedboat carrying 15 refugees sank off the coast of Turkey’s southern province of Antalya, the Turkish coast guard said in a statement. Reducing the flow of migrants into Italy is one of the aims of the anti-immigrant League party in Italy and its leader Matteo Salvini, who was sworn in as the country’s new interior minister on Friday. Salvini and his party have promised to block the arrival of boat migrants from Africa and to deport up to 100,000 illegal immigrants per year. “Italy and Sicily cannot be Europe’s refugee camp,” he told a crowd of supporters in the port town of Pozzallo, a migration hotspot. “Nobody will take away my certainty that illegal immigration is a business… and seeing people make money on children who go on to die makes me furious.” Meanwhile, Spain’s maritime rescue service said it rescued 240 people, with one person apparently drowning, while trying to cross the Mediterranean Sea from North Africa. The service said it rescued the migrants from 11 small boats attempting the perilous crossing from African shores to Spain between Saturday and Sunday. The International Organization for Migration, the U.N. agency for migration, reported last week that 30,300 migrants and refugees entered Europe via sea in the first 147 days of 2018. The arrivals are at this point in 2018 less than half those seen last year and less than 15 percent of those seen in 2016 at the same point. IOM had reported 69,219 refugees had arrived from January through May in 2017 and 198,346 during the same period in 2016. IOM said 655 people have lost their lives at sea since the beginning of 2018, at least 1,000 fewer than the recorded deaths in the same period last year. Source: – VOA
  7. The world should stand up to Washington’s bullying behavior, Iran’s foreign minister was quoted as saying on Sunday by state media in a letter to counterparts, as the top diplomat intensifies efforts to save a nuclear deal after a U.S. exit. U.S. President Donald Trump pulled out last month from the 2015 accord between Iran and world powers that lifted sanctions on Tehran in exchange for curbs to its nuclear program. The remaining signatories of the deal – France, Germany, Britain, Russia and China – still see the international accord as the best chance of stopping Tehran developing a nuclear weapon and are trying to salvage it. In a letter from Iranian Foreign Minister Mohammad Javad Zarif to his counterparts last week, he asked “the remaining signatories and other trade partners” to “make up for Iran’s losses” caused by the U.S. exit, if they sought to save the deal. “The JCPOA (nuclear deal) does not belong to its signatories, so one party can reject it based on domestic policies or political differences with a former ruling administration,” Zarif was quoted as saying in the letter, parts of which were published by the state news agency IRNA on Sunday. The nuclear deal was the result of “meticulous, sensitive and balanced multilateral talks”, Zarif said, and could not be renegotiated as the United States has demanded. He said U.S. “illegal withdrawal” from the deal and its “bullying methods to bring other governments in line” with that decision have discredited the rule of law in international arena. Iran’s top leader Ayatollah Ali Khamenei has set out a series of conditions on for European powers if they want Tehran to stay in the nuclear deal, including steps to safeguard trade with Tehran and guarantee Iranian oil sales. The remaining parties to the nuclear deal have warned the United States that its decision to withdraw from the pact jeopardizes efforts to limit Iran’s ability to develop atomic weapons. Trump abandoned the agreement on May 8, arguing that he wanted a bigger deal that not only limited Iran’s atomic work but also reined in its support for proxies in Syria, Iraq, Yemen and Lebanon and that curbed its ballistic missile program. Source: – Reuters
  8. North Korea’s top three military officials have been removed from their posts, a senior U.S. official said on Sunday, as U.S. President Donald Trump and North Korean leader Kim Jong Un prepare to meet on June 12 in Singapore. The U.S. official, who spoke on condition of anonymity, was commenting on a report by South Korea’s Yonhap news agency that all three of the North’s top military officials were believed to have been replaced. Trump on Friday revived the summit after cancelling it a week earlier. The United States is seeking a negotiated end to North Korea’s nuclear weapons program. U.S. officials believe there was some dissension in the military about Kim’s approaches to South Korea and the United States. The U.S. official did not identify the three military officials. Yonhap identified them as defence chief Pak Yong Sik; Ri Myong Su, chief of the Korean People’s Army’s (KPA) general staff; and Kim Jong Gak, director of the KPA’s General Political Bureau. Trump wants North Korea to “denuclearize,” meaning to get rid of its nuclear arsenal, in return for relief from economic sanctions. North Korea’s leadership is believed to regard nuclear weapons as crucial to its survival. Citing an unnamed intelligence official, Yonhap said No Kwang Chol, first vice minister of the Ministry of People’s Armed Forces, had replaced Pak Yong Sik as defence chief, while Ri Myong Su was replaced by his deputy, Ri Yong Gil. The White House, State Department, CIA and Office of the Director of National Intelligence did not immediately respond to requests for official comment. South Korea’s unification and defence ministries declined to confirm the report, while an official at the Unification Ministry said the government was watching the leadership situation in the North very closely. All of the newly promoted officials are younger than their predecessors, according to Yonhap, especially Ri Yong Gil, 63, who is 21 years younger than Ri Myong Su. “This points to two things: the consolidation of Kim Jong Un’s power as the sole leader of North Korea and strengthened cooperation between the North’s party and military as the country works towards further economic development,” said Yang Moo-jin, professor at the University of North Korean Studies in Seoul. “They’re all young but capable people,” Yang added. Army General Kim Su Gil’s replacement of Kim Jong Gak as director of the KPA’s General Political Bureau was confirmed in a North Korean state media report last month when Kim Su Gil accompanied North Korea’s Kim Jong Un on a field guidance trip to a beach tourist zone with other officials. Lower-level U.S.-North Korean talks to prepare for the summit are continuing but have made only “halting progress,” according to a second U.S. official briefed on the discussions. That official said U.S. negotiators’ efforts to press for definitions of immediate, comprehensive, verifiable and irreversible denuclearisation by North Korea had run into opposition from the White House. In a remarkable shift in tone eight days after cancelling the summit, citing Pyongyang’s “open hostility,” Trump welcomed North Korea’s former intelligence chief, Kim Yong Chol, to the White House on Friday, afterward exchanging smiles and handshakes. Source: – Reuters
  9. Relatives of people who have disappeared mysteriously in the border town of Liboi, Garissa, have asked the government to locate their whereabouts. The residents, who claimed their loved ones were picked by people identifying themselves as police officers, also accused the government of being involved in the disappearances. They said their loved ones are yet to be traced despite numerous attempt to locate them. At least 14 people have gone missing in a span of one year. Liboi is 18km from the Kenya- Somalia border. Residents at the porous border told Nation they are caught between a rock and a hard place since they are neither safe from terror groups nor security agencies. ROADSIDE ATTACKS The town has witnessed roadside attacks targeting security officers, with assailants escaping to the neighbouring Somalia. Some of the relatives said the government should release their loved ones or charge them in court if they are suspected to have committed any criminal offence. The following are the missing persons, according to relatives: Sheikh Abdullahi Mohamed Yussuf A prominent cleric and imam of a mosque in Liboi. He is also a head teacher of madrasa in the town. According to his wife Uwah Bundid, the cleric was picked up at the mosque while waiting for breakfast with two others in a Land Cruiser by people who identified themselves as police. The two were, however, released although their mobile phones were confiscated. “He was a religious man. He has never done anything that violates the laws of this land. He had not wronged anyone. We must be told where he is and whether he is safe,” she said on Sunday. Mohamed Salat Hassan According to his father, Mr Salat Hassan, masked men broke into his son’s house, beat up his wife and ordered him to board a Land Cruiser before vanishing in the dark on May 6. He said his son’s case was unique since he was earlier kidnapped by Al-Shabab militants, who accused him and seven others of being government informers. Four of his colleagues were killed while three of them escaped. “If Al-Shabab kidnapped him and nearly killed him, how can he again be accused of being one of them? It pains me seeing his children suffer as the whereabouts of their father remain unknown,” he said amid tears. Abdullahi Murshid Iman According to Mr Murshid Iman, his son, who was a conductor in Garissa, was picked at his work station. The father of three, he said, has been missing for a year. “We believe the security agencies are behind my son’s disappearance. I want to be told whether he is alive of dead,” he said on Sunday. Also missing is Farah Yussuf, Dekow Mohamed Khalif, Noor Abdullahi, Sahal, Hussein Jamaa among others. Local leaders said the cases of mysterious disappearances hinder the fight against terrorism due to mistrust between security agencies and locals. Source: Daily Nation
  10. North Korea’s top three military officials have been removed from their posts, a senior U.S. official said on Sunday, as U.S. President Donald Trump and North Korean leader Kim Jong Un prepare to meet on June 12 in Singapore. Source: Hiiraan Online
  11. Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed uu ka furmo shirka Golaha amniga Qaranka. Shirkaan oo ka duwan kuwii hore ayaa maalmihii ugu danbeysay waxa uu qaban qaabadiisa ka socday Madaxtooyada Baydhabo. Shirka ayaa waxaa maanta furaaya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), waxaana halkaa ku sugan Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre. Waxaa sidoo kale magaalada Baydhabo ku sugan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka sida Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo kan Koonfur Galbeed. Mas’uuliyiintaan ayaa khudbado ka jeedin doona shirka, waxaana sidoo kale qeyb ka noqon doona Wakiilada Beesha caalamka ka jooga Somalia Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia. Sidoo kale, waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ciidan badan oo xerooyinkooda ku jiray banaanka loo soo saaray, si ay ammaanka u xaqiijiyaan. Shirka Golaha Amniga Qaranka oo magaalada Baydhabo uu ku shir guddoomin doono Madaxweynaha Somaliya ayaa waxaa horyaalla arrimo muhiim ah oo la xiriira ammaanka dalka. Shirka goloha amniga qaranka ayaa looga hadlayaa qorshaha lagu soo badhigi doono kulan ka qabsoomaya magaladda Brussles ee dalka Belguim, kaas oo la doonayo in lagu dajiyo qorshaha siyasadeed iyo amni ee dalka. Shirka ayaa waxaa laga soo saari doonaa natiijooyin wanaagsan oo sii dardar gelinaya arrimaha amniga, federaaleynta dalka, khayraad wadaagga iyo in dalka lagu soo dabaalo siyaasad degan oo ku dhisan wadatashi. Docda kale, Shirkii midkan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ku jiraan dhismaha ciidanka iyo amniga, taasi oo qeyb weyn ka noqon doonto shirkan. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  12. Mulki Hagi traveled a long way – from Somalia, to Egypt, to Dubai, to Ohio – before her family settled in Portland. Source: Hiiraan Online
  13. The world should stand up to Washington’s bullying behavior, Iran’s foreign minister was quoted as saying on Sunday by state media in a letter to counterparts, as the top diplomat intensifies efforts to save a nuclear deal after a U.S. exit. Source: Hiiraan Online
  14. Relatives of people who have disappeared mysteriously in the border town of Liboi, Garissa, have asked the government to locate their whereabouts. Source: Hiiraan Online
  15. Tunisia's Defense Ministry says at least 46 migrants have died after their boat sank off the country's southern coast and 67 others were rescued by the coast guard on Sunday. Source: Hiiraan Online
  16. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shalay sheegay in dalkiisa uu dhisanayo ciidamada badda iyo maraakiib dagaal, inkasta oo ay jirto in Ethiopia aysan lahayn wax bad ah, oo ciidamadaas ay ka howl-galaan. Dad badan oo Soomaali ah ayaa durba billaabay inay is-weydiiyaan sida dal aan bad lahayn uu ciidan bad ku yeelan karo. Is-weydiin kaliya maahee, qaarkood ayaa billaabay inay ka wallaacaan hadalka Abiy Ahmed iyo saameynta uu ku yeelan karo Soomaaliya. Baraha bulshada ee Soomaalida ku sheekeystaan sida facebook, ayaa walaaca ugu weyn ee ka taagan, waxa uu yahay in Ethiopia ay isku haleeneyso badda Soomaaliya, oo ciidankeeda halkaas ay fariisin u noqon doonto. Sanadihii dhowaa Ethiopia waxa ay si muuqata u maamuleysay maamul goboleedyada Soomaaliya, waxaana dadka qaar walaaciyey in qorshahoodu yahay in ay Soomaaliya kusii hayso marxaladdan ah maamulo badan oo is-garab ordaya, si ay taas uga faa’iideysato, una maamusho xeebaha Soomaaliya. Heshiiska dhowaan ay shirkadda DP World la gashay Somaliland ee dekedda Berbera, oo Ethiopia laga siiyey 19%, inkasta oo aysan wax shaqo ah ku lahayn, ayaa dadka qaar tusaale usoo qaateen inuu muujinayo heerka uu gaarsiisan yahay damaca Ethiopia ee xeebaha Soomaaliya. Marka laga soo tago Somalia, afarta dal ee kale ee Ethiopia xuduudda la leh ee xeebaha leh, dhammaantood waa dalal leh dowladi dhisan oo shaqeynaya oo awood leh, waana Kenya, Sudan, Jabuuti iyo Eritrea. Sidaa darteed Ethiopia kuma gardarroon karto, waxaana dal kaliya ee baylahan uu u muuqdaa Soomaaliya. Waa wax laga dhursugayo, halka ay ciidamada badda Ethiopia ee la dhisayo ka howl-galaan, hase yeeshee Soomaalida xaq ayey u leeyihiin inay ka walaacaan qorshahan. Bal inoo sheeg, sida ay adiga kula tahay, adiga oo fikirkaaga kusoo diraya: caasimada@live.com
  17. Berbera (Caasimada Online) – Maamulka Shirkadda DP world ee dhawaan la wareegay dekedda Berbera, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay isbedelka laga dareemayo Dekkada Berbera. Maamulka oo isbedelka Dekadda la wadaagay Wargeyska World street journal, ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa dekedda uu iminka kordhay 20%, markii la barbar dhigo shaqooyinkii hore ee ka socday Dekadda. Maamulka Shirkada ayaa Wargeyska u sheegay in Dekadda Berbera ay ka howlgaliyeen Qalab casri ah oo laga keenay dalka Imaaraadka kuwaa oo qaabilsan dajinta iyo rarista Maraakiibta kusoo xirta Berbera. Agaasimaha fulinta ee dekedda Berbera ee shirkadda DP world Mr. Supachai Wattanaveerachai oo u waramaayay Wargeyska ayaa yiri ‘’Xaqiiqdii waxaan shaki noogu jirin inuu sii kordhaayo isbedelka ka socda Dekadda Berbera, qorshaheenu waa inaan la imaanaa isbedel cusub’’ Mr Supachai Wattanaveerachai ayaa intaa raaciyay in balaarinta iyo casriyaynta dekedda Berbera ay qayb ka tahay istaraatajiyad la doonayo in lagu hanto gobalka Geeska Afrika iyo meelo kaleba. Qorshaha ugu weyn ayuu sheegay inuu yahay si gacan looga geysan lahaa ganacsiga iyo kor u kaca dhaqaalaha dalalka deriska sida Ethiopia iyo guud ahaan wadamada kale ee bariga Afrika. Sidoo kale, Agaasimaha shirkada u qaabilsan Dekadda Berbera ayaa Wargeyska World street journal u sheegay in howlgalinta Dekadda laga dareemayo xitaa hoos u dhac ku imaaday qiimaha la kala iibsan jiray maciishada iyo Ganacsiyada kale. Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda DP world ayaan u joojin digniinada iyo Khilaafka Imaaraadka kala dhexeeya Somalia kaa oo ka dhashay Heshiiska Dekadda Berbera oo lagu tilmaamay mid aan xalaal aheyn. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay Hanjabaad uu sheegay inay kaga imaaday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Xildhibaankaasi uu ugu soo hanjabay inuu dilaayo meel waliba oo uu ku arko, hase ahaatee waxa uu dhankiisa ka sheegay inaanu u geysan Karin “Cijo foodeed”. Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in Xildhibaankaasi xitaa uu shacabka Puntland faray inay Khaarijiyaan halka ay ku arkaan, balse waxa uu Guddoomiye Faysal arrinkaasi ku tilmaamay mid aan laga fiirsan. Waxa uu yiri “Inankaas yari wuu iska hadlay, muxuu I yeeli karaa, waxba ima yeeli karo, waxbana igama qaadi karo, wuu iska hadlay, waxaanu muujiyey garadkiisa, ee aniga alle ayaa qoray wakhtiga aan dhimanayo, wakhtigaygana kama horeeynayo, kama dambaynayo,ee inankan yar ee aniga ii soo hanjabaya waxaan leeyahay adeer waxba ima yeeli kartid, ee naxliga iyo xumaanta iska daa” Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa raaciyay “Waxa uu isku khalday Somaliland iyo Puntland, waxaanu u sheegayaa inuu ka fiirsado hadalada khatarta u keeni kara ee uu ka sheegayo warbaahinta” “Adeer waxaa ku leeyahay halka aad dadka ku disho ayaa kaa luntay, anigu waxaan filayaa inaad igu khaldantay ee yuusan hadal kaa tagin’’ ayuu yiri Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, ayaa maamulka Puntland uga digay inay ku dhiiradaan ku nagaanshiyaha deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Dhinaca kale, hanjabaada loo jeediyay Faysal Cali Waraabe,ayaa kusoo beegmeysa xili maamulada Puntland iyo Somaliland ay hawada isu marinayaan Hanjabaado ka dhashay dagaalka ka taagan deegaanka Tukaraq. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. Berbera (Caasimada Online) – Maamulka Shirkadda DP world qeybta Dekadda Berbera ayaa shaaciyay inay sii kordhayaan shaqalaha ka howlgala Dekadda Berbera ee Somalia. Maamulka ayaa sheegay in shaqaalaha hadda ka howlgala Dekadda uu mid waliba ku qoran yahay qeyb aqoontiisa khuseysa, hase ahaatee la rajeynaayo inay sii kordhaan. Supachai Wattanaveerachai oo ah Agaasimaha fulinta dekedda Berbera ee shirkadda DP world, ayaa sheegay in shaqaalaha hadda u diiwaan gashan ay yihiin 2,200 Laba kun iyo laba boqol. Supachai oo u waramaayay warbaahinta ayaa sheegay in shaqaalaha uu cadadkooda ku kordhay muddo kooban iminkana ay isku diyaarinayaan qaadashada shaqaale cusub. Agaasimaha fulinta dekedda Berbera, ayaa intaa raaciyay in shirkadooda ay tahay tan ugu shaqaalaysiinta badan dhalinyarada kasoo jeeda Somaliland. Sidoo kale, DP world ayuu sheegay inay ka faa’iideysaneyso fursadeeda isla markaana ay diyaar u tahay inay u faa’iideyso Somaliland oo ay wada galeen heshiis. Si kastaba ha ahaatee, howlgalinta shaqaalaha aadka u badan ayaa cagsi ku ah amar ay dhawaan Dowlada Somalia ku mamnuucday shirkada DP world oo aan sifo sharci ah ku joogin Somalia. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Geedka Bardaha ah ee Taleex ku yaal, 2011 ayaa waxaa isugu yimid, 13 Isim, 64 cuqaal, Qurba jog, Guuto kobaad ( Haweenka) iyo Siyaasiyiinta (Group 6) ama G6 oo fakarka ama abaabulka shirkaan lahaa. Muddo dabadeed, ayaa waxaa lagu dhawaaqay Khatumo oo lagu heshiiyey inay yeelato sadex madaxweyne oo midkiiba lix bilood xukunka hayo. Labadii madaxweyne ee ugu horreeyey, mudane Biindhe iyo Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash) ayaa kasoo muuqday Garoowe ayagoo sheegay inay socon-weydey balantii ahayd xoraynta dhulka maqan iyo isku duubnida dadka, taasna ay ka doorbideen inay dib ula midoobaan Puntland, Khatumana aysan socon Karin waqtigaan, waa sida ay hadalka u dhigeene. Waqtigii loo balansanaa shirkii labaad ee Bardihii taleex, waxaa shir isugu yimid isimo, magaalada Boocame, kuwaas oo qaadacay Shirkii labaad ee Taleex, mid kalana iclaamiyey, taasoo tafaraaruqa meel dheer gaarsiisay, laakiin siyaasiyiintii G6 ayaa ku balamay mar labaad xuruntii Taleex inay madaxweyne cusub ku doortaan, waxaana u caleemo saarnaa Cali khaliif Galaydh;Siyaasiyiin kale oo badanna waa la dhacsanaayeen siyaasaddaan, waana taageersanayeen in Cali Khaliif Hogaanka qabto. Qalcaddii Taleex Nasiib darro dhiig sokeeye baa ku daatay Taleex, markay Somaliland weerar kusoo qaaday oo qabsatay qalcadda quruxda badan ee taariikhda dheerna leh ee Taleex, Cali Khaliif iyo raggiisiina waxay u carareen Saaxdheer, muddo yar dabadeedna Somaliland baa ka daba-tagtay, laakiin nasiib-wanaag waxaa u suura-gashay inay u gudbaan Baligii gabayga u ka tiriyey Sayid Maxamed ee EERAGOO, dabadeedna, waxay xorun ka samaysteen Bali-cad, muddana fariisin u noqotay, oo uu nasiino yar ka helay. Cali Khaliif Galeydh, oo siyaasadda ku cirraystay, waxa uu wasiir ka noqday dowladdii kacaanka 1980kii ilaa 1982, wasiirkii warshadaha; Waxaa loo magacaabay wassiirka kowaad dowladdii u hogaaminaayey Cabdi/qasim Salaad, 2012kiina wuxuu ka mid noqday Baarlamaankii dowladdii Xasan Shiikh madaxweynaha ka ahaa, 2014 kiina wuxuu kusoo biiray madaxweynayaashii Khaatumo soo maray. Hadda, cid walba arke meesha uu hayaanka u ahaa iyo halka uu rabo inuu reerka ku furo, oo ahayd inuu hoos geeyo Somaliland! Cali Khaliif Galaydh wuxuu maanta la mid yahay siyaasiyiinta faraha badan oo kasoo jeeda SSC oo caada-qaatayaalka noqday, culuq yar oo cunno gumeed ahna loo tuuray; wuxuuna noqday inan gumeed asagoo cimri ku jira, dadkiisana ku caasiyey, cadowgoodana hoos geeyey, waxuuna ku badashay magaciisii iyo taariikhdiisii wax yar oo qiima lahayn, una dhigma dhowr majood oo qaad ah oo uusan qaadan qof gob ah. Maanta, Caade-qaate Cali Khaliif waxuu ka mid yahay hogaamiyayaasha ama horgalada dagaalka kusoo qaaday dhulkii inuu xoreeyo laga sugaayey, caqligii miyuu ka lumay, mise waligiisba sidaas buu ahaa?. Dadka Sool, Sanaag iyo Cayn, maanta waa midaysan yihiin, waana xoraynayaan dhulka ka maqan, magacooda iyo sharaftoodana waa difaacanayaan, cidn u baahan Galaydhna ma jidho maanta ee cimrigiisii buu ceeb ku sogootiyey. Mahamud J. Farah Mahamudjfarah@gmail.com Fort McMurray, AB Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. “Death is certain. Life is uncertain.” Dhawaanahan waxa sida dhibcaha roobka oo kale ugu soo daadanayay marinka fariimaha khaaska ah la isugu diro Facebook ee Maseenjarka fariin muuqaaleed cinwaan looga dhigay “Xamar ma saanaa u dambeysay.” Fariintu ayaa muujineysay dilal qiyaastii toboneeyo ka yar oo laga fuliyay Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Muuqaalkan, kaliya ula jeedada ugu weyn ee laga lahaa waxay u muuqaneysay cabsi-gelin iyo barabogaan loo sameynayo qolyaha kasoo horjeeda nolosha iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Lama yaabin cidda muuqaalkaas sameysay iyo ula jeedka ay ka lahayd, balse weli waxaaan la fajac sanahay qaar badan oo dadkeena kamid ah oo muuqaal ahaan u eg akhyaar waxbartay (Diini & Maaddi), markay fariimaha noocaasa oo kale luuqa kuugu soo diraan mar iyo labo jeer ka badan si ay adigoo isgoyska Carwa’idka, Cali kamiin Bakaaraha lugeynaya kuu cabsi geliyaan, si toosana ay uga qeyb qaataan dacaayadda iyo cabsi-gelinta ka dhanka ah nolosha shacbiga Muqdisho. Xikmad baa oraneysa “Death is certain. Life is uncertain” oo micnaheedu yahay “Geeridu waa mid la hubo. Noloshuse wa mid aan la hubin” waa meesha aynu ka niraahno geeridu waa lama huraan. Waxaa hubaal ah in caalamka uusan ka jirin dal aan lagu dhiman ama aan dad lagu khaarajin. Tusaale ahaan, Mareykanka oo lagu sheego quwadda 1-aad ee caalamka milateri ahaan, dhaqaale ahaan iyo wax soo saar ahaanba, bal aynu hoos ka eegno waxa sanad walba ka dhaca: Sida ku cad “Gun Violence Archive” oo ah jamciyad madaxbanaan oo diiwaan-gelisa qalalaasaha ka dhasha hubka gudaha Mareykanka waxa uu tibaaxayaa in cel-celis ahaan bil walba Mareykanka lagu toogto 1,200-1,500 ruux. 2017 waxa lagu dilay 15,619; 2016 waxa lagu dilay 15,098, halka sanadkan 2018 ee shanta bilood kaliya ayna dhaaftay dhimashadu ay caga-cageynayso 13,532 ruux. Labo sano iyo shanti bilood ee na dhaaftay waxa Mareykanka toogasho lagu khaarajiyay dad gaaraya 44,300 ruux (Afartan iyo Afar kun iyo saddex boqol oo ruux). Sidoo kale, arinta uurku taalada weyn leh ayaa ah in dadka la laayo tiro badan oo kamid ah ay caruur ama dhalinyaro yihiin. Sanadkan 2018 kaliya waxa toogasho lagu dilay 695 caruur ah oo da’doodu u dhaxeyso (0-11) iyo sidoo kale dhalinyaro gaaraysa 2,695 oo ay da’doodu u dhaxeyso (12-17) sano. Dhinaca kale, Gobolka Minnesota oo ah gobolka ay nool yihiin Soomaalida ugu badan ee joogta Mareykanka waxaa intii u dhaxeysay 2014-2018 ka dhacay ku dhawaad 3,000 oo dhacdo oo lagu khaarajiyay dad gaaraya 2,782 ruux oo ay 19 kamida yihiin caruur, halka 92 kalena ay ahaayeen dhalinyaro da’doodu u dhaxeyso (12-17) sano. Dabcan dadka ugu badan ee fariimahan ii soo diray aniga khaasatan waxay u badnaayeen qurba-joog dalka dibadda uga maqan ama joogta oo cabsi ku nool. Inkastoo aan aamminsanahay in taxaddarka iyo ilaalinta naftu ay tahay masuuliyad weyn oo ruuxa muslimka ah saaran, haddana waa in qof walba oo inaga mid ah uu qalbigiisa ku qoraa in naftan uu Allaah ina geliyay, wakhtiga u naga qaadayo iyo qaabka uu nooga qaadayana Ilaahay kaliya unbaa og; “Naf waliba wey dhadhamin geerida, Quraan 3:185.” Inaad ka cabsato geerida waxay ka dhigan tahay dabacsanaanta Iimaanka. Haka cabsan geerida ee ka cabso inuusan Allaah kulmin gefkaaga iyo geeridaada. Ugu dambeyntii Soomaaliya waa halka uu ilaahay caalamkan nooga beeray, waana dhulka ay 85-90% weli dadkeenu ay ku nool yihiin ama ay xiriir nololeed oo toosa la leeyihiin, intaad faafin lahayd xummaanta dalkaaga ama aad far ku godi lahayd amnigiisa, noloshiisa, horumarkiisa iyo mustaqbalkiisa, fadlan wanaagiisa iyo quruxdiisa ka shaqee. Xasuusnoow in Xamar 30kii sano ee lasoo dhaafay dagaal fool-ka-fool ah, qarax, dilal-qorsheysan, iyo shirqoollo kaleba loogu dhimanayay ama loogu barakacayay welina khatartii iyo cabsidii soo jireenka ahayd shacbigu wey la nool yihiin. Siyaasiyiinta iyo madaxda wey yimaadaan, weyna baxaan, balse Soomaaliya wey jiraysaa oo iyadaa na hurran. W/Q Abdiqafaar Shire
  22. Warbixin kasoo baxdey taliska Bosaso Ciidamada Amaanka Puntland (PSF) ayaa lagu soo bandhigay muuqaalka iyo sawirada meydadka 41 ka mid ah maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabab oo habeen ka hor weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen mid ka mid ah saldhigyadda ciidanka PMPF Puntland ku leeyihiin deegaanka Bali Khadar. Saraakiisha ciidanka PSF ayaa shalay warbaahinta u sheegay inay dilleen 41 ka mid ah koox ka tirsan Alshabab oo habeen hore soo weerartay mid ka mid ah saldhigyadda ciidanka Puntland ay ku leeyihiin buuraha Galgala ka dib markey sheegeen inay uga daba tageen togga Majare oo ay sheegeen inay dagaal kula galeen galinkii dambe ee shalay. Dagaalka dhexmarey cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland iyo Maleeshiyadda shabab ee ku dhuumalaysta buuraha Galgala ayaa imaanaya xilli maalintii shalay si weyn looga hadal hayay deegaanada Puntland iska hor imaadkii habeen ka hor ka dhacay deegaanka Bali Khadar oo ay saldhig ku lahaayeen ciidanka badda Puntland. Ciidamada Puntland ayaa muddo ku dhaw 9 sano dagaal kula jira deegaano ka tirsan buuraha Silsiladda Golis kooxo ku dhuumalaysta oo ah maleeshiyo ah ka kala tirsan ururada islaamiga ee Daacish iyo Alshabab. Daawo muuqaalladda. Bosaso PUNTLAND POST The post Puntland oo soo bandhigtay meydadka tiro ka mid ah Alshababta buuraha Galgala. appeared first on Puntland Post.
  23. Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaali Farmaajo iyo Wafdi uu haggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu wado in uu ka furmo shirka Golaha Amniga. Farmaajo waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Cali kheyre ,Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Mas’uuliyiin kale iyo Shacabka Magaaladaasi. Shirka Golaha Amniga oo uu shir guddiimin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaana looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Amniga iyo Siyaasadda. Sidoo kale shirka goloha amniga qaranka ayaa looga hadlayaa qorshaha lagu soo badhigi doono kulan ka qabsoomaya magaladda Brussles ee dalka Belguim, kaas oo la doonayo in lagu dajiyo qorshaha siyasadeed iyo amni ee dalka. Waxaana qayb ka ah shirkan madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo guddoomiyha gobolka Benaadir. Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya maanta uu ku tagay Magaalada Baydhabo waxaa ku wehliyay Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga, Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho. Sidoo kale waxaa Baydhabo ku sugan dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya, waxaana la filayaa in meesha laga saaro mugdiga soo kala dhex galay dowladda dhexe iyo Maamulada dalka ka jiro. Shirkan Golaha Amniga kii kahoreeyay ee bishii Febaraayo 2018-ka ka dhacay Muqdisho waxaa la isla meel-dhigay Arrimo dhor ah oo ay ku jireen dhismaha Ciidanka iyo Amniga taasoo qeyb weyna ka noqon doonto shirakan ka furmaya Baydhaba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Cabo Delgado province, which is expected to become the center of the country's nascent natural gas industry after several promising discoveries, has seen a number of deadly attacks by suspected radical Islamists since October. Source: Hiiraan Online
  25. Saad Ali Shire (PhD) was appointed as Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of Somaliland in October 2015. Prior to his appointment he was the Minister of National Planning and Development for five years from 2012 to 2015. During his tenure as minister of national planning, he served in many committees including the National Planning Commission, the Somaliland Development Fund Joint Steering Committee, Somaliland Business Fund Grant Advisory Panel, Civil Service Reform Committee, Public Finance Reform Committee, Budget Policy Committee, Private Sector Reform Committee, Land Policy Reform Committee, Berbera Port/Corridor Development Committee. Prior to joining the public sector, Shire was the Managing Director of UK and Europe Dahabshiil Transfer Services Limited, a money transfer service company. Before that, he held senior positions in the community development sector, lectured at the college of Agriculture of Somali National University and worked for the UN Food and Agricultural Organization (FAO) and the World Bank. Shire is an economist and an agronomist. He studied agriculture at both Havana University, Cuba, and Somali National University where he earned his bachelor’s degree. He subsequently went to Pennsylvania State University in the US, where he did his master’s and PhD degrees in Agricultural Economics. He also has a post graduate diploma in Islamic Banking, and is an IMC member of the Chartered Financial Analysts (CFA) Society of UK. On the 27th anniversary of Somaliland’s reclaimed independence from Somalia, Birhanu Fikade of The Reporter sat down with Shire for a brief interview in Hargeisa. Excerpts: The Reporter: On Somaliland’s 27th year Independence Day celebrations, what are the milestones that you can say were achieved since reclaiming your autonomy? Saad Ali Shire (PhD): It feels great to celebrate the 27th anniversary of Somaliland’s independence from Somalia. By the way, Somalia and Somaliland were two different sovereign countries [even before the British and Italians]. Somaliland was under the British protectorate while Somalia was under the Italian trusteeship. In 1960, at the time when there were a lot of anti-colonial sentiment and movements across Africa, the dream of bringing the Somali inhabited regions in the Horn of Africa together was born. By the time, we wanted to unite the French Somaliland, now Djibouti, the Ogaden Region in Ethiopia and part of the North Distance Frontier (NFD) in Kenya. In that emotion, we rushed into realizing a unity with Somalia. Unfortunately, right from the start, the union didn’t work as expected. So was it a voluntary union? Yes, it was a voluntary unity. We had our people votes on the matter and drafted a union constitution in 1961. The process was organized by then young military officers of Somaliland. But, it was not successful either; and hence a movement or a process of reclaiming our independence was started. Early in the 1980s, there was a resistance movement to liberate Somaliland from the tyranny of the Siad Barre and his regime. That went on for ten years, from 1981 to 1991, during which time Somaliland has faced great destructions. The capital Hargeisa was destroyed and leveled to the ground. So since 1991, we have been rebuilding; and everything you could see in Hargeisa today is an outcome of this reconstruction. Over the years, we were not only able to rebuild the physical assets of our country but also developed our social services. For instance, in 1991, there were no schools in Somaliland but today we have 1000 schools across the country. We hardly have any clinic 27 years ago, but today we have health posts almost in every district. We also have 10 universities at moment but we didn’t have one at that time. Every year, we have close to 6000 students graduating from universities. I think we came a long way since 1991 and it feels great to celebrate our independence day with such outcomes. Apart from democracy, stability and peace what most people talk about in Somaliland is international recognition. But why did the international community fail to recognize your country for 27 years? I think we have historical, legal, political and humanitarian rights to be recognized. Somaliland is not the first country that dissolved a union. Many African countries have done it before. For instance, Senegal and Gambia were together at one point. The Fresh Sudan and Senegal were in union before. You have Ethiopia and Eretria, Egypt and Syria, the Sudan and South Sudan were also together as one country. There are so many examples that we could cite which dissolved their unities voluntarily. It’s nothing new what Somaliland is trying to do. We have fulfilled all the conditions of a sovereign state; we fit all the criteria. But, it is a valid question to ask why the international community is not recognizing Somaliland. That is in fact a question for the international community. I think there are two reasons for not recognizing us as a nation. One is fear and the other one is ignorance. When we say fear, I think there are a lot people who fear that this process might create what they call a Pandora’s Box. It is a fear that other countries in the region or beyond might emulate and this might lead to more countries spliting. I think that has been proven not to be the case. The AU Commission which came to Somalia in 2005, said in its reports that the case of Somaliland is unique and that “there is nothing like it”. Hence, there is no reason to fear that this will create a Pandora’s Box. There is no country with the same history as ours. The other reason that hindered our recognition is ignorance to the situation we are in and our historical background. Many people try to mix-up Somaliland and Somalia. They just think that Somaliland is a relegated region that wants to secede from a country: Somalia. That is not the case. Is it because Somalia is claiming Somaliland to be part of its territory? Are they saying that? At any rate, it is a misleading claim because we were two nations that had voluntarily joined and now trying to voluntarily dissolve the union on equal settings. There is no reason they should claim that. The people of Somaliland have made up their minds. They have said enough is enough. We don’t want to be part of Somalia because we had suffered a lot. Hence, why do we want to tolerate and prolong our suffering anymore when we can have our own independence? It is feared that your bid to be recognized as an independent nation might be at stake following the recent Berbera Port development project to which the UAE and Ethiopia are stakeholders. We have heard objections from Somalia. They called for the annulment of the port agreement. What is the reaction of your government to that position? Is that going to put Somaliland in a more precarious situation? I think, this claim is wrong in two ways. Back in 2014, at a meeting held in Djibouti, between then Presidents of Somaliland and Somalia, the two nations has agreed not to politicize development projects in the two countries. The port development project is a development project. It’s also wrong because Somalia has no business in Somaliland; just as we have no business running in Somalia. We are two different separate countries. By the way, this is not the first economic accord that the two nations have signed. We have signed many business deals in the past. We have entered into treaties. We have agreed and signed Memorandum of Understandings (MoUs) with many countries and companies before. There’s really nothing new. They have never made a fuse about agreements we made with any other country before. We understand why they are making such claims regarding the deal we have sealed with Ethiopia and the UAE. We believe they are making such claims because of Ethiopia. They might not be comfortable with the inclusion of Ethiopia in the project. That is the same reason why Somaliland wants to be recognized because it is the guarantor of peace. We don’t want to go back to the crisis we had in 1964 or in 1977. The government of Somalia might still be clinging to the idea of creating the Greater Somalia. So, we say, the only guarantor of peace and stability in the region is the recognition of Somaliland. Was there any discussion among Somaliland, Somalia, UAE and Ethiopia following the statements made by Somalia regarding the port development project? The agreement among UAE, Ethiopia and Somaliland remains intact. It is not affected by the position taken by the government of Somalia. They can say whatever they wanted to say; but we remain committed and make progress on our agreement. It is unlikely to remain at peace and stability for 27 years in a region that is hostile and fragile. But, you have done that; so how did you manage to be at peace when other neighbors aren’t? The difference between Somaliland and Somalia begins with the routes we took soon after the collapse of the government of Somalia. We have taken two divergent routes. Our route started with reconciliation. We had a serious of seven meetings on reconciliation process. After we had the reconciliation we started building a transitional government which then transformed into a democratic state through inclusive democratic systems of governance which is in place today. We had demobilized the militias. I think these are the main differences between Somalia and Somaliland. They haven’t had any reconciliation yet. There are a lot of people who are aggrieved and they still feel that justice hasn’t been done there. They haven’t demobilized the militia. They don’t have an inclusive government yet. We have conducted six elections all monitored by the international community. We have been able to stage “free and fair elections” as observers have declared. But, Somalia didn’t have one like that. I think Somaliland is a product of the people of Somaliland. There are no foreign troops here. We don’t have AMISOM and the reconciliation process was successfully held without the interventions of foreign parties. The UN was not involved. It was in indigenous process. As a matter of fact, I think that has saved us. It is said that the UN has offered to help. But, the elders had refused to accept. They said once you have accepted some sort of help or money, then someone will start to dictate your destiny. Hence, to be free and do what you wish to do right, you don’t have to be bound by someone else’s favor. That’s the philosophy they have back then; and that is how it worked to build democracy in our country. The Reporter