Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,077
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda hadda socda waxaa ay ansixiyeen miisaaniyadda 2018-ka. Kulanka waxaa soo xaadiray illaa 164 Xildhibaan, codeyntii la qaaday waxaa ogolaaday 162, 1 Xildhibaan ayaa diiday halka hal kale uu ka aamusay. Miisaaniyadda 2018-ka, guud ahaan waa : US$ 274,630,191 Wadarta miisaaniyadda ee loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah iyo tan rasumaalka wa sidan: (B) Kharash-ka joogtada ah: US$ 260,171,727 (T) Kharashka Raasumaalka: US$ 14,458,464 Wadarta Guud: US$ 274,630,191 Warkan oo Faaf-faahsan, La soco, wararka dambe The post Deg deg: Golaha Shacabka oo go’aan ka qaatay ansixinta miisaaniyadda 2018-ka appeared first on Caasimada Online.
  2. Siyaasada Somaaliya 17 sano mucaarad iyo muxaafid waxaa isku matali jiray Golaha Shacabka, Golaha Wasiirada iyo Madaxtooyada. Sanad kasta waxaa is bahaysan jiray laba oo la dagaali jiray midka kale sida; Madaxtooyada iyo Barlamaanka oo ridi jiray Xukuumada ama Madaxtooyada iyo Xukuumada oo iska difaaci jiray Barlamaanka. Siyaasiyiinta kale waxey imaan-jireen dhamaadka mudada xilka kadibna u tartami-jireen Xildhibaan, Madaxweyne ama Wasiir. Markii ugu horeysay sanad ka yar cumriga dawlada ayey soo baxeen Milkiile-yaal Cusub (Stakeholders) aan ka tirsaneyn golayaasha dawlada oo difaacaya jiritaanka Xukuumada iyo la dagaalanka Mooshinada Barlamaanka, waxaana ka mid ah; Xizbiyada cusub ee is diiwaan geliyey asbuucii hore ayaa cadeeyey in ay rabaan xasilooni siyaasadeed, kana soo horjeedaan isbedel cusub iyo Mooshin hadda lagu mashquulo. Salaad Cali Jeelle oo u hadlay Xizbiyada cusub VOA ayaa sheegay in aysan dhex-dhexaad ka noqoneyn Mooshinka ay wadaan Xildhibaanada qaar, kana hor tagi doonaan “dawladnimada Somaaliya oo ceel ku dhacday waxeyna u baahantahay in tartiib looga soo saaro, mana qaadi karto waqtigaan is bedel iyo buuq”. Hay’adda Culimada oo digniin cad u dirtay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka wada dawlada Mooshin, aysana aqbali-doonin, ugana digayaan cawaaqibta iyo saameynta uu ku yeelan doono hadii ay ka waantoobi waayaan. Mar culimadu ay la kulmeen qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta.waxey ka codsadeen in ay joojiyaan Mooshinka. Sheekh Nuur Baaruud oo ku tilmaamay in Mooshinku uu xiligaan yahay Khiyaano iyo dulmi laga gelayo Shacabka Somaaliyeed, Culimaduna aysan ka aamusi doonin. Madasha Talo-wadaag oo lagu daahfuray Muqdisho ayaa lagu xusay in Madashu dhex-dhexaad tahay, doodna ay ka fureyso waxa dawlada iyo mucaaradku ay isku haystaan, Talana ay siinayso dawlada iyo mucaaradka lkn aysan aqbali dooning Mooshin xiligaan, lagana wada shaqeeyo sidii lagu gaari lahaa; Xizbiyo qaran, Doorasho iyo Dastuur dhameys-tiran, Gudoomiyaha Madasha Talo-wadaag Ridwaan Xirsi Maxamed oo ahaa Raysal-wasaare ku xigeenkii hore ayaa xusay in loo baahanyahay is faham iyo is afgarad dhexmara dawlada iyo mucaaradka, horeyna loo socdo, lana xoojiyo midnimada iyo dawlad-nimada. Hadaba Xukuumada Khayre ayaa noqoneysa tii ugu nasiibka badneed 17 sano iyo 14 Xukuumadood oo la riday iyaga oo sanad ama ka yar jira, sababtuna waa; Xukuumada iyo Madaxtooyada oo sanad kadib aan weli kala caban isna qabsan. Siyaasiyiin, Xizbiyo iyo Culimo aan ku jirin Golaha Xukuumada oo difaacaya jiritaankeeda. Xukuumada oo u muuqata mid ka bad-baaday malagii dili-jiray Xukuumadaha sanadka hore iyo kalfadhiga labaad ee Barlamaanka. Xukuumada oo heshay mashaariicdii ugu badneed ee ay Xukuumadi hesho 17 sano. Mucaaradka oo ku kala qeybsan in Mooshin laga keeno Xukuumada iyo Madaxtooyada. Shacabka oo ka daalay xasilooni darada siyaasada, dhisma iyo dumin joogta ah. Rajo laga qabo in laga guuro 4.5 oo loo guuro axzaab iyo doorasho qof iyo cod ah. Mucaaradka Mooshinka wada oo u nuuqda kuwa qaarkood horey ugu fashilmay Xukuumadihii hore, lagana aaminsanyahay in aysan wax cusub soo kordhinayn. Fara-gelin shisheeye oo la aaminsan-yahay in ay qeyb ka tahay Mooshinka. Rajo laga qabo fursadaha iyo jaaniska ay heshay Xukuumadu awgeed in ay qiimayso dibna u saxdo khaladaadkii ay gashay sanadkaan, lana heshiiso mucaaradka, albaabadana u furto. Prof. Mohamed Gacal The post Milkiile-yaal cusub oo kusoo biiray Siyaasadda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  3. Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda hadda socda waxaa ay ansixiyeen miisaaniyadda 2018-ka. Kulanka waxaa soo xaadiray illaa 164 Xildhibaan, codeyntii la qaaday waxaa ogolaaday 162, 1 Xildhibaan ayaa diiday halka hal kale uu ka aamusay. Miisaaniyadda 2018-ka, guud ahaan waa : US$ 274,630,191 Wadarta miisaaniyadda ee loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah iyo tan rasumaalka wa sidan: (B) Kharash-ka joogtada ah: US$ 260,171,727 (T) Kharashka Raasumaalka: US$ 14,458,464 Wadarta Guud: US$ 274,630,191 Warkan oo Faaf-faahsan, La soco, wararka dambe Source
  4. Wafti uu hogaaminayo agaasimaha guud ee Wasaarada waxbarshada iyo tacliinta sare maxamed Cabdiqaadir Cismaan ayaa kormer ku tagay qayb ka mida degmada Dangorayo, Qardho, Haylaan, oo ah dhahar, barkadaha qol, xingalool. Iyo ceel buuh oo ah gobolka Sanaag. Agaasimaha ayaa dhaamaan la kulmay maamulada waxbarashada degaanada ka jira isagoo u guurgalay baahiyaha kajira deeganka waxbarashda iyo mashaariicda waxbarashada ka socota deeganada fog fog iyo hormarka laga sameyey. Agaasimaha guud ayaa wahelaya nuur ciiro oo ah madax manahijta wasaaarada waxbarashada iyo tacliinta sare. Wuxuu sheegay agaasimuhu guud ujeedada kormeerkan inuu yahay sidii loo ogaan lahaa baahida saxda ah ee waxbarashada ka jirta degaanada fog fog. Kormeerka degaanada fog fog ayaa ah kii ugu balaarana oo masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada kormeer ku tago xilligii ka dib Wasiirkii hore ee Waxbarashada puntland Cabdi faarax siciid juxaa 2013kii. Agaasimaha ayaa Waxbarashada puntland ayaa si dhiiran lagu soo dhaweyeey Qardho, dhahar, baragaha qol, xingalool, Ceel buuh. Puntlandi.com
  5. Hoggaamiyaha maamulka la magac baxay Khaatumo, Cali Khaliif Galeyr ayaa ka dalbaday hoggaanka cusub ee Somaliland, iney fuliyaan heshiiskii ay la galeen maamulkiisa. Wuxuu sheegay in shacabka Khaatumo ay doonayaan oo kaliya in la helo Somaliland oo loo wada dhan yahay, dhanka kalena wuxuu sheegay in Somaliland-ta hadda jirta aysan ahayn mid dadku u siman yahay. Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayuu ugu baaqay in la dardargeliyo fulinta qodobadii lagu heshiiyey. “Heshiiskii waan kala saxiixannay, yoolkana wuxuu yahay in la helo Somaliland loo wada dhan yahay, kolley annaga waxaan is dhahnaa Somaliland-ta hadda laga hadlayo looma dhama, Somaliland la wada leeyahay in la dhiso, heshiiskana sidaa buu ahaa, maamulkaan cusub waxaan uga fadhinaa iney fuliyaan heshiiskan” ayuu yiri Cali Khaliif. Inkastoo Cali Khaliif Galeyr uu heshiis la galay Somaliland, hadana waxaa jira garab kale oo Khaatumo ah, kana soo horjeeda heshiiskaasi. Goobjoog News Source
  6. Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha la doortay ee Somailand, Muuse Biixi Cabdi ayaa lgau wadaa in maanta loo dhaariyo, isagoo markaas kaddib xilka kala wareegi doona madaxweynaha hore ee Somaliland, Axmed Siilaanyo. Xafladdan dhaarinta iyo xil-wareejinta isugu jirta ayaa waxaa ka qayb-galaya wufuud kala duwan oo caalamka ka socda, waxaana wufuudda ka mid ah 38 xubnood oo ka socda dalka Jabuuti, kuwaasoo ah wafdig ugu ballaaran ee ka qaybgalaya munaasabadda, kuwaasoo uu hoggaaminaya wasiirka cadaalada, Muumin Axmed Sheekh. Sidoo kale, Munaasabadda waxaa ka qayb-galaya wafdi ka socda Itoobiya oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka dowlad-deegaanka Soomaalida itoobiya, C/raxiin Cigaale Cumar. Inkastoo Dowladda Federaalka ah iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira aanay wufuud u dirin munaasabaddan. Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale lala dhaarinayaa ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici oo horay u ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isgaoo mar labaad ku guuleystay in xilkaan loo soo doorto. Doorashadii madaxnimo ee Somailand ee dhacday 13-kii bishii Novmber ee la soo dhaafay, ayaa waxaa ku tartameen musharraxiinta saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADANI ayaa waxaa ku guuleystay Muuse Biixi oo ku tartamayay magaca xisbul-xaakimka maamulkaas ee KULMIYE, iyadoo ay ku qanceen natiijada musharraxiintii kale. Munaasabadan isugu jirta dhaarinta iyo xil-wareejin ayaa waxaa kaloo goob-joogayaal ka ah wufuud ka socda dalalka reer galbeedka, IGAD iyo xubno kale oo ka socda waddamada daneeya arrimaha Somaliland, waxaana lagu casuumay xafladdan in ka badan 1500 oo qof. Ugu dambeyn, Ciidammo fara badan oo ku ammaanka ah ayaa xiray jidadka soo gala xarunta dhaarinta iyo xil-wareejintu ay ka dhacayso waxaana baaris lagu sameynayaa dadka goobtaas galaya. Sida ay xafladdu u dhacdo waxaad kala socon doontaan Puntlandpost haddii Alle idmo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha cusub ee Somaliland Biixi oo Maanta la dharinayo xilkana la Wareegaya appeared first on Puntland Post.
  7. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta codka u qaadayaan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018. Guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in miisaaniyadda 2018 ay maanta mari doonto akhrintii ugu dambeysay kadibna xildhibaannada ay go’aan ka gaari doonaan. Maalmihii ugu dambeeyay xildhibaannada golaha shacabka ayaa waday ka doodista miisaaniyadda dowladda ee 2018, waxaana jira dul duleello ay meelaha qaar ka muujiyeen, wallow wasaaradda maaliyadda iyo guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrintaasi laga doonayo iney daboolaan meelaha ay xildhibaannada daldalooda ka sheegeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  8. Madaxweynaha cusub ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhow waxaa lagu caleema saaray magaalada Haregeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed. Madaxweyne hore Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilkaan wareejiyey, waxaana munaasabaddan ka qeybgalay mas’uuliyiin dhowr ah oo uu kamid yahay Daahir Riyaale Kaahin oo isna madaxweyne soo noqday. Madaxweyne Biixi ayaa la dhaariyey, waxaana weli soconeysa munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Somaliland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  9. Wararka ka imaanaya deegaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab ay wiil 19 sano jir ah ku fuliyeen xukun gacan goyn ah. Maxkamad la sheegay iney leeyihiin Al-shabaab, kana howlgasha deegaankaasi ayaa la horkeenay C/fitaax Cismaan Axmed, waxaana lagu eedeeyay inuu xaday lacag 5 kun oo doolar, dhar, Kumbiyuutaro iyo agab kale. Dacwadan oo Hal dhinac ahayd, ayeey maxkamaddu ammartay in C/fitaax laga jaro gacanta midig, waana laga jaray, sidoo kale waxaa lagu amray C/fitaax inuu soo celiyo hantidii la sheegay inuu xaday. Goobta wiilkaan 19 sano jirka ah gacanta looga goynayey waxaa ku sugnaa shacab badan oo laga soo bixiyey guryahooda si ay u daawadaan xukunka dhacaya. Al-shabaab ayaa marar badan deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin waxay ka fuliyaan xukunno isugu jira gacan goyn, dilal iyo xabsiyo. Goobjoog News Source
  10. Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliilay hannaanka uu u shaqeynayo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Waxa uu tilmaamay Fiqi in madaxweyne Farmaajo aanu fulin ballanqaadyo badan oo uu sameeyay kahor inta aan xilka madaxweyne loo dooran iyo kadib. Xxildhibaan Fiqi ayaa tilmaamay in Soomaaliya taladeeda ay ku socoto meel xun, isaga dhanka kale iska fogeeyey in dowlado shisheeye lacag uga soo qaatay duminta iyo carqaladeynta dowladda Federaalka. “Runtii aniga hadallada marmarka qaarkood lama gambado marmarka qaarna waan ka xishoodaa laakiin Soomaaliya taladeeda meel xun bay ku socotaa marka caadifadda laga reebo, 27 sano kadib taladii Soomaaliya iney dad kooban ku uruursanaato ayaan darro waaye, marka wax la sheegayana wax toosin bay naga tahay, hub wax wata ma jiraan, aniga Farmaajo wasiir kama doonan, Ra’iisul wasaare kama doonan, agaasime kama doonan hadana kuma qanacsani qaabka uu wax ku wado, dowlad shisheeyana igu shaqeysan meyso, wixii uu balanqaaday dhan kama hayno ee uu dhahay waan la dirirayaa, waan keenayaa kama aanan arag, taas micnaheedu ma ahan dowlad shisheeye haddii la sheego inaad qabiil igu tuhuntid, Imaaraadna aniga lacag ima soo siin waad i taqaaniin, mooshin baan xitaa ka geeyay baarlamaanka Imaaraadka laftiisa sida uu ula dhaqmayo Soomaaliya” ayuu yiri xildhibaan Fiqi. Hadalka xildhibaan Fiqi ayaa imaanaya xilli sidoo kale ay jiraan xildhibaanno iyo sidoo kale siyaasiyiin aad u dhaliilsan hannaanka shaqo ee dowladda Federaalka. Goobjoog News Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in maamulka uu darees gaara siinaayo Xoogaga daacada u ah wadaadka dhawaan kasoo goostay al-Shabaab Mukhtaar Roobow ‘’Abuu Mansuur’’. Maamulka ayaa la xaqiijiyay inuu qorsheynaayo in Xoogaga Roobow uu si rasmi ah ula wareego kuwaa oo kor u dhaafaya 300 oo daacad u ah wadaadka. Dareeska cusub ayaa looga gol leeyahay in Xoogagaasi aysan uga soocnaan kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo iyagu darees ahaan ka duwan kuwa dowlada. Maamulka ayaa sidoo kale qabanqaabinaaya Guddi heer dowladeed oo gaara magaalada Xudur kuwaa oo la kulmi doona Saraakiisha hogaamineysa Xoogaga Mukhtaar Roobow si ay guddiga ula wadaagan macluumaadka iyo Hubka ay heystaan Xoogaga si loo kabo. Sidoo kale, darees bixinta kadib waxaa Xoogagaasi lagu biirin doonaa ciidamada Maamulka iyagoo lasiin doono qoondo iyo xerooyin gaara. Sidoo kale, Mukhtaar Roobow ayaa weli ku doodaaya in dowlada Somalia aysan faragalin Xoogagiisa, balse heshiiska ay la gashay DFS ayaa dhigaaya in la qarameeyo Xoogaga Daacada u ah Roobow iyo Gaadiidkooda. Si kastaba ha ahaatee, Mukhtaar Roobow iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa wadahadal kula jiraa Horjoogayaal dhowr ah oo la doonaayo inay isku soo dhiiban dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xoogaga Abuu Mansuur & Hubkooda oo lala damacsan yahay qorsho cusub (Muxuu yahay) appeared first on Caasimada Online.
  12. Agaasimaha Guud ee ciidanka PSF Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi, saraakiisha ciidanka PSF iyo dhammaan ciidanka PSF ayaa ka tacsiyeeyay geerida Cismaan Abshir Cumar (Kabayare) oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo shalay ku geeriyooday qarax miino kula kacday waddada u dhexaysa Galgala iyo Karin. Waxay Illaahay uga baryeen Marxuumka in uu janatul firadowsa ka waraabiyo ehelkiisii iyo qaraabadii, ciidankii, dawladda iyo shacbiga Puntland na sabir iyo iimaan ka siiyo. Ciidamada Puntland nasan maayaan ilaa ay dadkooda iyo dalkoodu helaan nabad buuxda, waxay na ballan ku qaadayaan in ay talaabo adag ka qaadi doonaan cadowga hagardaamada ula taagan ummada Soomaaliyeed. Puntlandi.com
  13. Former Zimbabwean president Robert Mugabe has left the country to Singapore. Reports indicate that the 93-year-old is taking his annual holidays. A section of the media also reports that he will have a routine medical checkup whiles away. It is the first time he has left the country since his resignation in November after being leader for 37 years. A media outfit reports that the entire Mugabe family including wife Grace and children Bona, Robert Junior and Chatunga are all part of the trip. The sons are said to have returned from South Africa to join the Singapore trip. The last public appearance of Mugabe was when the army allowed him to preside over a graduation ceremony in the capital Harare, days after the takeover. His wife has not made a public appearance since. The army took over the reigns of government in what it said was a bid to deal with criminals around Mugabe and persons who had brought economic hardship onto the citizens. Despite holding out for over a week of intense pressure to step down – a combination of mass protests supported by the army, a recall by the ruling party and parliamentary impeachment process meant Mugabe was left with the resignation option or being forced out. His resignation notice to parliament was met by cheers in the chamber as Zimbabweans at home and abroad celebrated. Mugabe during his time in office flew to Singapore to seek medical treatment for eye cataract, according to government. Opposition elements have, however, alleged that the leaders suffered from a more acute ailment. Source: – Africa News The post Mugabe flies to Singapore for annual holidays, first trip since ouster appeared first on Caasimada Online.
  14. Iyadoo maalmahaan Garowe ay socotay tababar looga hadlaayey dhibaatooyinka ay gudniinku u gaysto hablaha Soomaliyeed isla markaana la isaga kaashan lahaa sidii looga cirib tiri lahaa guud ahaan Soomaliya ayaa la isla gaaray in culumada iyo warbaahintu doorkooda ka ciyaaraan baahinta iyo gaarsiinta halku dhega ah jooji gudninka iyo jar jarida lagu hayo haweenka si looga baxo aafada ay keenta in gabadh jirkeeda la jar jaro. Dood culus oo laga yeeshay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Marwada Koowaad ee Puntland, Wasiirka Wasaaradda Haweenka, gudoonka xaquuqal aadaha Puntland, dhaqaatiir culamada, Weriyaal Hay’addaha Global Media, Ifraah Foundition oo iska kaashaday ollolahan la dagaalanka gudniinka. Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Marian Ahmed Ali ayaa cod dheer ku sheegtay danta laga lee yahay doodan oo ah in la hello hal cod oo lagu midaysan yahay joojinta gudniinka Haweenka halka gudoomiyaha xaquuqal insaanka Puntland Maxamed Yuusuf uu dul istaagay qodobka fariinta u ah xaquuqda haweenka iyadoo madax hay’adda Ifrah Foundition ay fariin fartay culamada iyo warbaahinta si loo gaarsiiyo wacyigelinta joojinta gudniinka haweenka. Marwada madaxweynaha Puntland Hodan Saciid oo ah safiir u qareenta joojinta tacadiga ka dhanka haweenka Soomalida ayaa xoojisay hadalka wasiirada, iyadoo bogaadisay doorka culmada iyo warbaahinta oo haatan xooga saaraya wacyigelinta gudniinka gabi ahaantiisa in la joojiyo.
  15. US President Donald Trump has lashed out at the women who have accused him of sexual harassment, denouncing their “false accusations and fabricated stories,” after several of them called for Congress to investigate him. Three women who claim they were sexually harassed by Trump before he ran for president urged lawmakers Monday to open an inquiry into his behaviour and allegations of misconduct. KISSES Rachel Crooks, who worked as a receptionist in Trump Tower in New York, says the Republican president forcibly kissed her on the mouth after she introduced herself to him in 2005. Jessica Leeds, who says she was groped and forcibly kissed by Trump on a commercial flight decades ago, said the president has not been held accountable for “what he is and who he is.” On Twitter, Trump struck back — and seemingly accused Democrats of egging on the women who addressed reporters about the alleged harassment. “Despite thousands of hours wasted and many millions of dollars spent, the Democrats have been unable to show any collusion with Russia – so now they are moving on to the false accusations and fabricated stories of women who I don’t know and/or have never met. FAKE NEWS!” he tweeted on Tuesday. SHAME A group of 54 Democratic women in Congress called for a probe on Monday, and Democratic Senator Kirsten Gillibrand called on Trump to resign. The president bashed her as a “lightweight” and said she “would come to my office ‘begging’ for campaign contributions not so long ago (and would do anything for them)” — a tweet that earned quick scorn from the senator. “You cannot silence me or the millions of women who have gotten off the sidelines to speak out about the unfitness and shame you have brought to the Oval Office,” Gillibrand fired back. Sixteen women have come forward with claims of misconduct by Trump, who boasted in a video tape that surfaced during the campaign that he could kiss and grope women with impunity, because of his celebrity. Three US lawmakers announced their resignations from Congress last week over sexual harassment allegations, including Democratic Senator Al Franken of Minnesota. Source: AFP The post Donald Trump slams ‘fabricated stories’ of his women accusers appeared first on Caasimada Online.
  16. Ethiopia has finalized construction of the Genale Dawa Hydro electric power dam as it is preparing to launch another power project on Omo River at a cost of $2.7 billion, an official said on Tuesday. In an exclusive interview with APA, Bizuneh Tolcha, Public Relations Director with the Ministry of Water, Irrigation and Electricity said the Genale Dawa Hydro power project on Dawa River in far south east of Ethiopia is expected to generate 54 mega watt of electricity this year. “The Genale Dawa hydro power project is almost completed except problems associated with filling the dam with water due to social problems.” Bizuneh said Ethiopia is undertaking a number of power projects the major one being the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) whose completion has reached 63 percent. Meanwhile, Africa’s first energy from waste in the outskirts of Addis Ababa, is close to completion. The so-called Reppie project is set to transform waste disposal for the rapidly expanding city’s population and also expected to serve as a waste management blueprint for the whole of sub-Saharan Africa. “The Reppie waste power project has been completed. The remaining works are commissioning and testing activities. Discussions are underway with the Addis Ababa City Administration and surrounding towns on ways of getting sustainable and good quality of wastes that can be used for power generation.” Bizuneh explained According to the director, the country is considering launching another power project in the near future, with installed generating capacity of 2100 mega watt of electricity on Omo River at a cost of $2.7 billion. Source: Journaldu Cameroun The post Ethiopia finalizes construction of Genale-Dawa Hydro electric power dam appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmaya shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadli doono Go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka Trump Qudus uga dhigay caasimada Israel. Shirkan oo ahmiyad gaara u leh wadamada Islaamka ayaa waxaa la filayaa in loogu hiilin doono magaalada Qudus oo ay duulaan ku yihiin dowladaha Mareykanka iyo Israel. Waxaa shirka ka qeybgalaya madaxda dunida muslimka, iyaga oo la filayo in ay ka jawaabaan go’aankii Trump uu ugu aqoonsaday Qudus Caasimadda Israel. Ururkan oo ka kooban 57 dal ayaa horay go’aanka Trump ugu yeeray mid sharci darro ah, waxaana shirka degdega ah marti galiyay Madaxweyne Erdogan oo ah Guddoomiyaha xilligan ee ururka. Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda shirka joogta, waana tilaabo la filayo in Soomaaliya ay ku cabirto carada ay ka qabto go’aankaas. Dhinaca kale, Farmaajo ayaa halkaa ka jeedin doona khudbad uu uga hadlaayo go’aanka Somalia uga aadan in Qudus laga dhigo caasimada Israel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shirka Hogaamiyayasha wadamada Islaamka oo furmaaya & Farmaajo oo ka jeedin doona khudbad xiisa leh appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraala oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM, ayaa waxaa looga hadlay weerar cirka ah oo habbeen hore ka dhacay Degaanka Mubaarak ee G/Sh/Hoose. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaa uu ahaa mid lagu fashilinaayay khatar ay maleeshiyaadka al-Shabaab u wadeen dadka magaalada Muqdisho. Waxaa qoraalka lagu cadeeyay in gaariga lagu duqeeyay Degaanka Mubaarak ee G/Sh/Hoose, uu ahaa mid lagu taageeraayay Ciidamada Isbahaysiga, loogana hortagey khatar ka dhan ah xasiloonida magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Qoraalka Taliska AFRICOM waxaa meesha looga saaray in weerarkaasi uu khasaaro u gaystay dadka rayidka ah, wuxuuna ku hanjabay in Ciidanka Mareykanka ay sii wadi doonaan tallaabooyinka ugu haboon ee lagu sugayo amniga. Nuqul kamid ah qoraalka ayaa ahaa “Ciidanka Mareykanka waxay sii wadi doonaan inay adeegsadaan tallaabooyinka ugu haboon ee lagu ilaalinayo ammaanka muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo xididada loo siibayo halista argagixisada.” Waxaa intaa lagu daray “Waxaa sidoo kale qayb ka ah iskaashiga Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya, kuwaa oo ku mideysan hawlgalada ka hortagga argagixisada, laguna beegsanayo goobaha ay argagixisada ku tababartaan, meelaha ay ku dhuumaaleystan ee Soomaaliya iyo guud ahaanba gobolka.” Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyada al-Shabaab ayaa beenisay in gaari caasi ah oo lagu duqeeyay Degaanka Mubaarak ee G/Sh/Hoose uu siday Qaraxyo, halka Taliska uu sheegay in la doonaayay in lagu fuliyo ismiidaamin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mareykanka oo Xog dheeraad ah ka bixiyay duqeyntii ka dhacday deegaanka Mubaarak appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ku yeeshan Xaruntooda magaalada Muqdisho. Xildhibaanada ayaa fadhigooda maanta cod ugu qaadi doona Miisaaniyadda dowladda ee sanada 2018 oo maalmihii dambe ay dood adag ka lahaayeen. Xildhibaanada ayaa codkooda ku meelmarin doona miisaaniyada, waxaana xusid mudan in Guddiga Maaliyadda iyo Wasaarada Maaliyadda ay dhabarka u dhigan doonaan cabashooyinka weli ka taagan miisaaniyada. Guddiga iyo Wasaarada Maaliyada ayaa ku qasbanaan doona inay qaatan cabashooyinka taagan iyagoo qaadan doona dhammaan dhaliilaha ay jeedinayaan Xildhibaanada. Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in maanta oo arbaca ah miisaaniyada 2018 ay mari doonto akhrinta ugu danbeysa. Dhinaca kale, Miisaaniyadan ayaa la filayaa in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ku shaqeyn doonto sanada soo socta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post BFS oo Go’aan kama danbeyn ah ka qaadan doona Miisaaniyada ay ku shaqeyn doonto DFS appeared first on Caasimada Online.
  20. Hargeysa (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa maanta oo arbaco ah in magaalada Hargeysa lagu caleema-saaro Hogaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa maamulka Somaliland ee la doortay 13 kii November. Munaasabada ayaa ka qabsoomi doonta xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeisa, waxaana la filayaa inay ka qayb galayaan wufuud kala duwan oo ka kala imanaysa dhowr dal. Mas’uuliyiinta maamulka u qaabilsan qaban qaabada munaasabada caleema-saarka ayaa xaqiijiyay in shaqsiyaadka ku casuuman ay ku jiraan Safiiro adduunka u fadhiya Somaliland. Munaasabada ayaa waxaa laga jeedin doonaa Khudbado kooban oo looga hadli doono isbedelada ka dhacay deegaanada maamulka, iyadoo lasoo qaadanaayo taariikho kooban. Hogaamiyaha cusub ee maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya Hogaamiyihii 5aad oo ay yeelato Somaliland tan iyo markii sanada 1991-kii ay ku dhawaaqday gooni isku taaga. Sidoo kale, Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa isna noqonaaya ku-xigeenkii 4-aad ee Somaliland kadib markii isaga mar labaad dib loo soo doortay. Dhinaca kale, dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa maamulka Somaliland ku boorisay inay hore usii wadaan doorashooyinka dimuquraadiga ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com The post Maxaadan Ogeyn oo maanta ka socda magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  21. Ururka caalamiga ah ee midowga culimada muslimiinta ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha dowladaha Islaamka kuwaasi oo maanta shir madaxeed degdeg ah ku yeelanayo magaalada Istanbul inay dajiyaan qorshe mideysan oo lagu xoreynayo magaalada Barakeysan ee Qudus. Midowga hogaamiyeyaasha wadamada Islaamka ayaa waxay qabanayaan shir madaxeed looga arrinsanayo Qudus, waxaana laga sugayaa inay dejiyaan Istiraatiijiyad si ay umadda Islaamka ay uga baxaan dhibaatooyinka ay la noolyihiin, waxaana laga sugayaan hogaamiyeyaashaan qorshe lagu badbaadinayo laguna xoreynayo Qudus iyo Falastiin. Shir madaxdeedka ka dhacaya Istanbul oo ah mid degdeg ah, waxaa ku baaqay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Goobjoog News Source
  22. Tan iyo markii Isra’il ay Qudus ku qabsatay dagaalkii 6da maalmood ee 1967-dii, waxaa golaha ammaanka ka soo baxay qaraaro aad u badan, oo lagu diidan yahay qabsashada, isballaarinta, Yuhuudeynta iyo duminta ay gumeystaha ka wadaan magaalada barakeysan iyo masjidka Al-aqsa. Hadaba, Akhriso, Qaraarada Golaha Ammaanka QM: Qaar Lr .242: 22 November Resolution 1967 Golaha ammanku wuxuu qaraarkan wadar oggol ku go’aamiyey in Israa’iil ciidamadeeda Qalabka sida kala baxdo dhulka Falastiin ay xoogga ku qabsatay dagaalkii 1967. Qaraar Lr. 250 Abriil 1968, wuxuu Golaha ammaanka ku go’aamiyey in Israa’iil aanay dhoollatus ku qaban magaalada Jerusalem, Qaraar Lr: 2 Maajo 1968 golaha wuxuu Israa’iil ku cambaareeyay dhoolatuska ay ku qabatay magaalada Jerusalem, taas oo ay ku xadgudubtay qaraarka golaha ammaanka. Qaraar Lr. 252: Maajo 1968 goluhu wuxuu Israa’iil ka codsaday in ay joojiso hawlgallada ay ka wado Jerusalem,, wuxuu kaloo Goluhu cambaareeyay kana soo horjeedaa dhulka kasta oo ay xoog hubeysan iyo gadgudub ku beeleysato, Goluhu wuxuu Israa’iil faray in ay ka joogsato oo aanay qaadin taallabo dambe oo wax ka bedel kara maqaamka magaalada. Qaraar Lr. 267: Luulyo 1969, wuxuu Goluhu dib u ayiday qaraarka Lr 252, wuxuuna ku adkeystay in aan marna la oggolaan Karin in la yeesho dhul lagu qabsaday xoog milatari. Qaraar Lr 271 : Seteember 1969, golaha wuxuu Israa’iil ku cambaareeyay dabkii qabsaday masjidka aqsa as-shariifka khasaarooyinka geystay , dhismahaas oo ay israa’iil xoog ku haysato . waxaa la faray in israa’iil ay ilaaliso axkaamta ku xusan cahdigii Geneva oo aysan horistaagin gacan ku haynta iyo hawlahood dayacatiridda. golaha sare ee muslimiinta Jerusalem, oo qorshooyinka hawlahooda ka mid yihiin gacan ku haynta iyo dayactiridda dhismooyinka muqaddaska u ah magaalada ku yaal. Qaraar Lr. 298: Semtember 1971, wuxuu si cad oo aan caad saaraneyn u qeexay in uu sharcidarro yahay wax ka badelka milkiilayadeed kasta oo ay ku sameeyso Jerusalem, oo ka mid yihiin dhulka boob lagu milkiyad guuristo. Qaraar Lr 465 maarso 1980, wuxuu goluhu faray Israa’iil inay joojiso qorshah ay ku wado dhismooyinka beeleysiga ah ay ku degaameyneyso dhulkii ay xoogga ku qabsatay dagaalkii 1967 oo magaalada Jerusalem, ka mid tahay, goluhu wuxuu kaloo ka codsaday in ay dhismooyinka ay deegaamadaas ka dhistayna ka dudumiso. Qaraar Lr 30 juun 1980, Golaha ammaanka QM wuxuu dib u ayiday in loo baahanyahay in waxa laga qabto joojinta beeleysiga dheeraaday oo ay Israa’iil xoogga ku haysato dhululka carabta tan iyo 1967 wuxuuna goluhu dib ugu adkaysatay fal kasta oo wax ka bedel milkiyadeeda lagu sameeyay magaalada Juresalem waa wax kama –jiraan waana in dib loogu noqdaa. Qaraar Lr478: Agoosto 1980, Golaha Amniga wuxuu si adag u cambaareeyay sharciga Israa’iil anisixisatay kaas oo wax ka bedel ku sameeyay maqaamka Jerusalem. Qaraarka wuxuu dhammaan dowladaha Safaarado ama xarumo diblomaasi ku leh Juresalem uu ugu baaqay in ay safaaradahooda kala baxaan magaaladaas. Qaraar 672 : October 1990, Goluhu wuxuu cod dheer u sheegay dareenkiisa ku saabsan adeegisga cunfiga ah gacan ka hadalka ee sababay in ay ku geeriyoodaan in ka badan 20 qof oo falastiiniyiin ah. Qaraarka waxaa kaloo lagu cambaareeyay falal dambiyeedka cunfiga ah ee ay ku kacaan ciidamada amniga israa’iil wuxuuna Israa’iil ku tilmaamay in ay tahay mid dhulka xoog sharcidarro ah ku haysato. Qaraar Lr 1073 Semtember 1996, golahu wuxuu welwel ka muujiyey arrimaha la xiira israa’iil oo furtay xaluulad dhulka hoostiisa ah ee u dhow masjidul Aqsa oo dad badan oo rayid ah ku dhinteen, wuxuuna ku baaqay in la xaqiijiyo ilaalinta amniga badbaadinta muwaadiniinta falastiiniga ah rayidk ah. Qaraar Lr 1322 7 October 2000, wuxuu si xoog le u cambaareeyay booqashada hoggaaamiyaha mucaaradka Ariel Sharon ku tagay masjidul Aqsa iyo qalalaasihii cunfiga wehliyey ee halkaas iyo meelo kaloo muqaddas ah ka dhacay sababayna dhimasho in ka badan 80 qof oo falastiini ah. Qaraar Lr2334: December 2006, wuxuu goluhu cambaareeyay dhismooyinka beeleedka israa’iil ku deegaameysaneyso dhulalkii ay xoogga ku qabsatay 1967 oo ay bariga Jerusalem ka lid tahay. Golaha amniga QM waxay hoosta ka xariiqday in aysan aqoonsanayn wax ka bedel kastoo lagu sameeyo jiidamihii sooh-dimadii hore oo jiray dagaalkii 1967 ka hor, wuxuuna si cad u sheegay in joojinta dhammaan hawlgalka Israa’iil ka waddo dhismooyinka deegaameysiga waxay dan lagama maarmaan u tahay badbaadinta jirsiinta xalka dhismaha dowladdooda. Qaraarkii 1397: Goluhu wuxuu Hogaamiyeyaasha Falastiin iyo Israa’iil ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan geedisocodka nabadda iyo ka wada xaajoodka xal raadin siyaasadeed. Goobjoog News Source
  23. Waxaa magaalada magaalada Istanbul ka furmaya shirka Ururka Iskaashiga Islaamka kaas oo loogu hiilinayo magaalada barakeysan ee Qudus. Shirka waxaa ka qeyb-galaya madaxda dunida muslimka, iyaga oo la filayo in ay ka jawaabaan go’aankii Trump uu ugu aqoonsaday Qudus Caasimadda Isra’il. Ururkan oo ka kooban 57 dal ayaa horay go’aanka Trump ugu yeeray mid sharci-darro ah, waxaana shir degdeg ah isugu wacay guddoomiyaha xilligan ee ururka Recep Tayyip Erdogan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda shirka joogta, waana tilaabo la filayo in Soomaaliya ay ku cabirto carada ay ka qabto go’aankaas. Goobjoog News Source
  24. Dowladda Mereykanka ayaa sheegtay in ay ka hortagtay gaari qarax lagu soo raray oo kusoo wajahnaa Magaaladda Muqdisho. Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika war uu soo saaray ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeelaha Hoose, lagu gubay gaari Homey ahaa oo lasoo saaray waxyaabaha qarxa islamarkaana kusoo wajahnaa magaaladda Muqdisho. Taliska ayaa sheegay in qof rayid ah aanay wax ku noqon duqeynta, iyadoo aan faahfaahin laga bixin cidda Al-shabaab wax uga noqotay. Dhanka kale dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Gaari homey ahaa oo moos saarnaa, kaasoo la sheegay in diyaaradaha Dowladda Mareykanka ay PUNTLAND POST The post Mareykanka oo Sheegay in uu Ka Hortagay Qaraxyo Kusoo Wajahnaa Magaaladda Muqdisho appeared first on Puntland Post.