-
Content Count
205,940 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Gambia and Somalia were up for praise during a recent address to the Human Rights Council delivered by the United Nation’s High Commissioner for Human Rights, Zei Ra’ad Al Hussein. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cusmaan Aaden Jawaari oo maanta ka hadlayay furitaanta kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Xukuumadda Somalia ka codsaday inay fuliso ballan-qaadyo dhawr ah oo ay soo jeediyeen kal-fadhigii hore. Jawaari, ayaa sheegay in muddada yar ee ay haystaan inta lagu gudo jira kal-fadhigan ay isku dayi doonaan – dib u dejinta Dastuurka, habaynta hay’adaha difaaca dalka, sal-u-dhigidda federaaleynta, dimuqraadiyadda, go’aan ka gaarista maqaamka Muqdisho. Sidoo kale, Afhayeenka baarlamaanka ayaa xusay in loo baahan yahay in siyaasadda difaaca dalka iyo hay’adaha ku shaqada leh wax laga beddelo, maaddaama aysan xilligani la jaan qaadi karin shuruucdii ka degsanayd muddadii u dhexeysay 1960-kii illaa 1972-kii. Guddoomiyaha ayaa ammaan u jeediyay baarlamankaan Tobanaad oo uu ku tilmaamay inay ka shaqa badan yihiin kii sagaalaad 42%, wuxuuna intaa ku daray inay meel-mariyeen muddadii yarayd ee ay shaqaynayeen 33 go’aan, halka baarlamankii kan ka horreeyayna ay meel mariyeen 14 keliya. Prof. Jawaari ayaa ka hadlay wax-qabadkii Xukuumadda oo ay ka mid yihiin; soo deynta maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnayd waddamo shisheeye, hir-gelinta xarumo dowladeed oo aad u fara badan, goobahaas oo ay booqasho ku tageen xubnaha labada aqal ee baarlamanka. Mar uu soo hadal-qaaday dhismaha garsoorka madax-bannaan ayuu xusay in loo baahan yahay in la helo garsoor ay shacabku ku kalsoonaan karaan kaas oo uu sheegay inuu udub dhexaad u noqon karo hanaanka dowladnimo ee dalka. Guddoomiye Jawaari ayaa dhanka kale tilmaamay in shuruucda haatan loo maro nabadaynta dadka loo baahan yahay in dib u sixid lagu sameeyo , maddaama uusan xilligan dalka ka shaqayn karin qodobka ka degsan dib u heshiisiinta wadciga jira awgii. Dhanka kale, Safarkii uu madaxweynaha ku tagay qaybo ka mid gobollada dalka ayuu Jawaari ku sheegay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay inuu safarkiisu qayb ka ahaa dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Guddoomiye Jawaari ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha iyo guddiyada u xil-saaran dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-eegida dastuurka Dalka ay dar-dar-geliyaan soo gudbinta ajandayaashaas, si baarlamanka Somalia uuu ugu doodo una meel mariyo, isagoo codsaday in lagu dhaqaaqo ballan-qaadyadii ay hore u samaysay xukuumadda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay Howlaha cusub ee Horyaalla Baarlamaanka Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wararka ka I maanaya deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor uu halkaasi ka dhacay qarax iyada oo warar kala duwani ay ka soo baxayaan qaraxaasi. qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka maqaayad la yiraahdo Aaran oo u dhaw laamiga deegaanka weydow ee duleedka Muqdisho. wararka ayaa sheegay in uu jiro dhaawac kadhashay qaraxa oo soo gaaray qaar kamid ah ciidamo saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay waxaa sidoo kale lasheegay in ay jiraan dhimasho soo gaartay askarta qaar balse aysan jirin tiro rasmiha . ma jirto mas’uuliyiin ka tirsan laamaha Amniga ee dowladda oo wali qaraxa goordhaw dhacay ka hadalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post faahfaahin qarax miino oo goordhaw ka dhacay duleedka Muqdisho iyo qasaarihiisa. appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho -(caasimadda online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaankii Kalfadhiggii saddexaad ee labada Aqal ee Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrimo dhowr ah, isaga oo digniin u diray dowladdaha iyo Shikaddaha Shisheeye. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin in dalka shirkado iska maamushaan ama ay ka fuliyaan mashaariic aysan ogeyn dowladda dhexe ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Shirkadaha shisheeye ee doonaya in ay maalgashadaan dalka in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka aqbaleyn in ay ku soo xadgudbaan Madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliya. “Soomaaliya waxey diyaar u tahay maal-gashi iyo ganacsi ay la wadaagto caalamka, cid kastoo dooneysa iney maal gashato Soomaaliya waa iney ogolasho ka hesho hey’adaha sharciga ah ee dowladda, waxaan uga digayaa wadamada iyo shirkadaha shisheeyey ineysan ku xadgudbi karin Qarannimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyey madaxweyne Farmaajo. Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo aadaya xili weli ay taagan yahay xiisada u dhaxeysa dowadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Shirkada DP World ee laga leeyahay Wadanka Imaaraadka Carabta taas oo ka dhalatay heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Dowladda Itoobiya,Shirkada DP World iyo Maamulka Soomaaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweyne Farmaajo oo digniin u diray dowladdaha iyo Shirkaddaha shisheeye appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Maamulka Hargeisa Gaashaanle Muse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb galay aaska Marxuum uu ka dhacay Beer weyn oo ahaa Korneyl Cusmaan Xaashi Cawad ( Cusmaan Dacas ) oo ka mid ahaa saraakiishii Jabhadii SNM. Marxuum Cusmaan Dacas ayaa mudo dheer dacwad dhul ahi ka dhaxeysay isaga iyo Madaxweynaha Maamaaulka Hargeisa Muuse Biixi. Marxuum Cusmaan Dacas oo ka soo jeeda Beesha Habar Jecelo ee degaanka Burco ayaa ku eedeyey Madaxweyne Muse Biixi inuu xoog uga dhacay Beer weyn oo uu ku lahaa duleedka Magaalada Hargeisa, oo degaan u ah Beesha Habara Awal ee Mudane Muuse Biixi. Allaah ha u naxariistee Marxuum Cusmaan Dacas ayaa habeenkii xalay ku geeriyooday magaalada Hargeisa iyaado ay weli socto dacwadii dhulka ee u dhaxeysay isaga iyo mudane Madaxweyne Muse Biixi. Daawo Muse Biixi oo ka qeyb galaya Jinaasada Marxuum Cusmaan Dacas Daawo Wareysi Marxuum Korneyl Cusmaan Dacas oo cadeynaayo boobka iyo awood sheekashada Qabiil ee uu u geeystay Madaxweyne Muse Biixi
-
Muqdisho (PP) ─ Duqii hore ee magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo xalay hadal u jeedinayay boqolaal Soomaali ah oo ku nool magaalada Gothenburg ee wadanka Sweden ayaa sheegay in shacabka Soomaalidu ay u baahan yihiin madax aan ka dhuuman oo toos ula falgasha. Taabit Cabdi ayaa toosh ku ifiyay in madaxda qaar ay doonayaan ineysan wajihin shacabka iyo waaqica jira intaba taas oo uu sheegay inaan lagu heli karin xasilooni iyo aaminaad shacab. Wuxuu soo qaatay qisooyin dhex maray intii uu xafiiska joogay isaga iyo mid ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada Somalia oo uusan magacaabin, Wuxuu kaloo ka sheekeeyay sida ay ilaaladiisu u arki jireen mar walba oo uu shacabka toos u dhex galo. “Mudanayaal iyo marwooyin ,xaqiiqdii waxaan rabaa inaad ogaataan shacabka Soomaaliyeed waa dad la maamuli karo ,waxey rabaan madax u diyaar ah iney wax maamulaan, waxey rabaan madax kalsooni galisa oo aan baabuur qafilan isku xirin oo aan hoteelada ku dhuuman, waxey rabaan madax ay ka muuqato iney diyaar u yihiin iney naftooda u huraan” “Waxaan xasuustaa intii aan xafiiska joogay Xamar waxyaabo badan ayaa ka dhacay oo ay qasab aheyd in shacabka la wajaho oo aan laga dhuuman , tusaale dhalinyarada ku shaqeysata gaadiidka Bajaajta ayaa waxaa dhibay ciidanka amniga, waa dul qaadan waayeen kadib magaaladii oo dhanbey xireen aadbeyna u badan yihiin dadka bajaajta ku shaqeysta ,markii magaaladii kala xirantay oo qofna uu udhaqaqi waayay ayaan go’aansaday inaad u tago oo aan la hadlo, waa 3 kun ilaa 4 kun oo dhalinyaro ah ,waa isgoyska KM4 ,halmarbey soo yaaceen oo dhexda igaliyeen ,waxaan qaatay cod baahiye waxaan ku iri wax walba oo aad rabtaan wa la idiin sameynaya ee rabashada joojiyay ,ciidanka ayaan la hadlay waxaan ku iri haloo fasaxo wadooyinka ay mari jireen dhibkana halaga dhaafo Bajaajleyda, mudaharaadkii wuxuu isku badalay farxad iyo sawiro, habeenkii ayaa waxaa isoo wacay nin Wasiir ah oo aan saaxiib nahay wuxuu igu yiri maanta waxaad ku sigatay in laguu dilo sidii Benazir Bhutto Ra’iisul wasaarihii Pakistan oo 2007 –dii la toogtay iyadoo shacab ku dhex jirtay, wuxuu igu yiri tooreeyay ayaa laguugu dili karay ee mar dambe dadkaan ha isku aaminin, waxaan ku iri geeridu waqti ayey leedahay laakiin waxaa muhiim ah in dadku ay dareemaan iney heystaan madax rabta iney u dhimato, “Waxaan kaloo xasuustaa banaanbixii looga soo horjeeday Qaraxii Zoobe ee ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Koonis, Aniga iyo shacabku waxaan kasoo lugeynay Koonis oo waxaan socod ku nimid Zoobe , mararka qaar waxaa dhaceysay in dhalinyaradu garbaha igu qaataan, waa kumanaan dhalinyaro ah oo aaney wax ilaalo ah noo dhaxeyn, Markii uu banaanbixii soo dhamaaday ayaa habeenkii xili dambe waxaa ii yimid wiil ilaaladeyda ka mid ahaa wuxuu igu yiri gudoomiye waxaan ka baqaya inaan Amnigaada ku guul dareysano maxaa yeelay shacabka lagaama celin karo adna ma rabtid inaad ka dhuumato, waxaan ku iri aniga shacabka ayaa ileh amniguna wuxuu ku jiraa inaan ku dhowaado ee kuma jiro inaan ka dhuunto, madaxda hada xilalka heysa waxaan lee yahay shacabka ku dhowaada oo kalsooni galiya sidaas ayaa lagu heli karaa Amni iyo Wadashqeyn. Ugu dambeyn, Taabit ayaa sidoo kale ka hadlay jidadka maalmihii dambe ay Dowladdu xirtay bilaa qorshe oo ay hadana iska furtay bilaa cudur daar waxaana uu sheegay in muwaadiniinta Muqdisho aaney xaq u laheyn iney ku waabariistaan wado xiran oo sidii Webi la isaga kala gooshaayo. PUNTLAND POST The post THABID CABID: Danta Waddanku waxay ku jirtaa in Madaxdu aysan ka dhuuman Shacabka appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid(Juxaa) ayaa maantay lagu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Soomaaliya Juxa oo markii uu soo garay dadweynihii soo dhaweeyey hadal u jeediyey ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah. Juxaa ayaa ugu horrayn dadweynaha reer Puntland ugu baaqay in ay ilaashadan amniga,wadajirka iyo isku duubnidooda”Puntland waa geed la harsado oo caleen leh oo lagu nastay laguna baraaray”.ayuu yiri Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Puntland. Siyaasi Juxaa ayaa dhinaca kale soo dhoweeyay hadalkii madaxweyne Gaas ee ahaa in doorashada Puntland lagu qaban doono. Hoos Ka Daawo Muuqaalka. Puntlandi.com
-
Haregysa (Puntlandi) Maamulka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay inay hakiyeen wada hadaladii dalka Jibuuti ku dhexmari lahaa iyaga iyo dowladda federalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibada Sacad Cali Shirre. Wasiirka arrimaha dibada ayaa tilmaamay inay meesha ka baxday daruuftii saamixi lahayd in lawada hadlo, inkastoo uu cadeeyay in aysan go’aan kama dambeys ah ka qaadan wada xaajoodka. Sacad Cali Shirre, ayaa hadalkiisa kusii xoojiyay in muddo bil kadib la eegidoono in la wada hadli karo, haddii ay macquuql noqoto. Ma sheegin sababta ay u hakiyeen wada hadalada, hase yeeshee warsidaha Puntlandi ayaa fahamsan in Khilaafka ka dhashay heshiiska dekeda Berbera uu saameyn xoogan ku yeeshay wada hadalada Jibuuti loo ballansanaa.
-
Somaliland authority has said that it is seriously thinking of suspending the stalled talks with Somalia amid strained relations over the tripartite agreement signed with Somaliland, Ethiopia and DPW. The Foreign Minister of Somaliland has talked about Kenya’s intention to bring Miraa Khat to Somaliland markets. Dr. Sa’ad Ali Shire has said that Miraa Khat from Kenya is consumed in Lasanod, Sool’s provincial capital. He added that Somaliland is welcoming to have good trade ties particularly with its neighbor and further said that there are many Kenyan nationals living in the country at the moment. Once asked about if DPW and Somaliland could not sell share of the agreement for five years, the FM has rebuffed saying that it untrue and that both can sell their share whoever they want. The minister has responded in a question saying that having the terms of agreement was modified in the inclusion of Ethiopia, Is it compulsory for the govt to table the agreement before the parliament. The FM said that they will apply the laws of the land. Dr. Sa’ad has thanked Turkey for its mediation role in regard to the talks between Somaliland and Somaliland and further said that they will welcome another country to assume the duty. The FM said that Somaliland is seriously thinking on the suspension of the stalled talks with Somalia indefinitely due to Somalia’s rejection of the tripartite pact. The FM has stated that due to the tension which is rising and Somalia has hatred against the deal then there is favorable environment that we can come to the negotiation table. The minister is hoping a peaceful and prosperous future for Somaliland people all cross the country.
-
Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Puntland ayaa maantay furtay shir looga hadlayo doorashadda gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka dalladda dhalinyaradda Puntland ee PYAN. Shirka ayaa looga hadlayaa ansixinta iyo wax ka badalka xeer hoosaadka dalladda dhalinyaradda puntland iyadoona sidookale la lagu shaaciiyey shuruudaha laga doonayo musharaxiinta iyo qaabka ay doorashadu u dhacayso. shirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay boorka dalladda dhalinyada puntland,gudoomiyayaasha dhalinyarada gobaladda Puntland,Daladda Punsa,Hay,adda Care iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyaradda iyo ciyaaraha Puntland. Gudoomiyaha guddiga doorashadda dallada dhalinyaradda Puntland Cabdikariin Maxamuud Axmed ayaa u jeedada shirka faaffaahin ka bixiyey,waxaana uu sheegay in loogu diyaar garoobayo doorashada Gudoomiyaha iyo kuxigeenka dalladda dhalinyaradda Puntland. Kuxigeenka Madaxa hay,adda Care intional ee Puntland Asli Axmed Maxamed ayaa ku boorisay guddiga doorashada inay u xaq sooraan musharaxiinta tartamaya,waxaana ay intaa ku dartay in dhalinyaradda Puntland ay tusaale u yihiin dhalinta Soomaaliyeed. Agaasimaha Waaxda dhalinyaradda iyo ciyaaraha wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland Deeqo Jaamac Ciise ayaa bogaadisay dhalinyaradda Puntland sida ay ugu howlan yihiin qabashadda doorashada Gudoonka iyo Ku xigeenkiisa. Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa soo qabanqaabisay shirkaan waxaana Wasaaradu ay dadaal ku bixisay sidii dhalinyaradda Puntland ay u gaarsiin lahayd horumar. Daawo Sawirro. P Puntlandi.com
-
Madaxweynaha Dpwlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka khudbeeyey Furitaankii Golayaasha Shacabka ayaa fariin Adag wuxuu u direy Dowlada Soomaaliland. Madaaxweynaha ayaa markii u horeysay ka hadlay Heshiisyada Maamulada kale ee Soomaaliya ay la galaan wadama Caalamka. Madaxweyne Farmaajo wuxuu yiri ‘Cid aysan Hay’adahayaga Federaalku ogayn Heshiis lama gali karaan Deegaan Soomaaliyeed”. Faahfaahinta warkaan goordhow naga filo Puntlandi Muqdisho
-
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid(Juxaa) oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah. Mudane. Juxaa ayaa ugu horrayn dadweynaha reer Puntland ugu baaqay in ay ilaashadan amniga,wadajirka iyo isku duubnidooda,isagoo xasusiyay dhibaatada umadda reer Puntland soo martay ka hor intaan dhidibada loo taagin dowladda Puntland oo uu ku tilmaamay”geed la harsado oo caleen leh oo lagu nastay laguna baraaray”. Sidoo kale wuxuu sheegay in dadkii as-aasay dowladda Puntland ee ka koobnaa hoggaanka dhaqan iyo kan siyaasadeed ay horseedeen iftiin qurux badan oo u soo baxay dadweynah reer Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed. Siyaasi Juxaa ayaa dhinaca kale soo dhoweeyay hadalkii madaxweyne Gaas ee ahaa in doorashada madaxtinimada Puntland lagu qaban doono xilligeeda. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran. PUNTLAND POST The post Daawo:Juxaa oo umadda reer Puntland ugu baaqay in ay midnimadooda iyo amnigooda ilaashadan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor-dhaw billaabay khudbad uu u jeedinayo xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Somalia, taasoo ku aadan furitaanka kal-fdhiyada aqallada baarlamaanka Somalia. Farmaajo ayaa hadalkiisa ku billaabay inay u taagan yihiin mar walba sidii ay dalka iyo dadka ay uga difaaci lahaayeen Al-shabaab oo uu ku sheegay inay yihiin cadow dhibaato ku haya Soomaaliya oo dhan. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisa ku sheegay inay ka go’an tahay inay difaaca dalka iyo dib u dhiskiisaba ku bixiyaan dhaqaale aad u badan, isla markaana ay ka hortagayaan wax walba oo dalka dhibaato u ah. Dhanka kale, Wuxuu xusay inay soo dhaweynayaan cid walba oo Al-shabaab kasoo baxda, isagoo xusay in saraakiil badan oo kooxda Al-shabaab ka mid ah ay isku soo dhiibeen dowladda ayna haatan gacanta ku hayaan, cid walba oo isi soo dhiibtana ay daryeel u fidinayaan. Wuxuu kaloo ka hadlay waxqabadka dowladda tan iyo markii la doortay, kuwasoo uu ka xusay dhimsaha ciidamada, soo wareejinta hawada Somalia iyo kuwo kale, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay ilaali doonaan hawada, badda iyo barriga Sooomalayeed. PUNTLAND POST The post TOOS U DAAWO: Khudbadda Madaxweynaha Somalia ee Furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Duqii hore ee magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo xalay hadal u jeedinayay boqolaal Soomaali ah oo ku nool magaalada Gothenburg ee wadanka Sweden ayaa sheegay in shacabka Soomaalidu ay u baahan yihiin madax aan ka dhuuman oo toos ula falgasha. Taabit Cabdi ayaa toosh ku ifiyay in madaxda qaar ay doonayaan ineysan wajihin shacabka iyo waaqica jira intaba taas oo uu sheegay inaan lagu heli karin xasilooni iyo aaminaad shacab. Wuxuu soo qaatay qisooyin dhex maray intii uu xafiiska joogay isaga iyo mid ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada Somalia oo uusan magacaabin, Wuxuu kaloo ka sheekeeyay sida ay ilaaladiisu u arki jireen mar walba oo uu shacabka toos u dhex galo. “Mudanayaal iyo marwooyin ,xaqiiqdii waxaan rabaa inaad ogaataan shacabka Soomaaliyeed waa dad la maamuli karo ,waxey rabaan madax u diyaar ah iney wax maamulaan, waxey rabaan madax kalsooni galisa oo aan baabuur qafilan isku xirin oo aan hoteelada ku dhuuman, waxey rabaan madax ay ka muuqato iney diyaar u yihiin iney naftooda u huraan” “Waxaan xasuustaa intii aan xafiiska joogay Xamar waxyaabo badan ayaa ka dhacay oo ay qasab aheyd in shacabka la wajaho oo aan laga dhuuman , tusaale dhalinyarada ku shaqeysata gaadiidka Bajaajta ayaa waxaa dhibay ciidanka amniga, waa dul qaadan waayeen kadib magaaladii oo dhanbey xireen aadbeyna u badan yihiin dadka bajaajta ku shaqeysta ,markii magaaladii kala xirantay oo qofna uu udhaqaqi waayay ayaan go’aansaday inaad u tago oo aan la hadlo, waa 3 kun ilaa 4 kun oo dhalinyaro ah ,waa isgoyska KM4 ,halmarbey soo yaaceen oo dhexda igaliyeen ,waxaan qaatay cod baahiye waxaan ku iri wax walba oo aad rabtaan wa la idiin sameynaya ee rabashada joojiyay ,ciidanka ayaan la hadlay waxaan ku iri haloo fasaxo wadooyinka ay mari jireen dhibkana halaga dhaafo Bajaajleyda, mudaharaadkii wuxuu isku badalay farxad iyo sawiro, habeenkii ayaa waxaa isoo wacay nin Wasiir ah oo aan saaxiib nahay wuxuu igu yiri maanta waxaad ku sigatay in laguu dilo sidii Benazir Bhutto Ra’iisul wasaarihii Pakistan oo 2007 –dii la toogtay iyadoo shacab ku dhex jirtay, wuxuu igu yiri tooreeyay ayaa laguugu dili karay ee mar dambe dadkaan ha isku aaminin, waxaan ku iri geeridu waqti ayey leedahay laakiin waxaa muhiim ah in dadku ay dareemaan iney heystaan madax rabta iney u dhimato, “Waxaan kaloo xasuustaa banaanbixii looga soo horjeeday Qaraxii Zoobe ee ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Koonis, Aniga iyo shacabku waxaan kasoo lugeynay Koonis oo waxaan socod ku nimid Zoobe , mararka qaar waxaa dhaceysay in dhalinyaradu garbaha igu qaataan, waa kumanaan dhalinyaro ah oo aaney wax ilaalo ah noo dhaxeyn, Markii uu banaanbixii soo dhamaaday ayaa habeenkii xili dambe waxaa ii yimid wiil ilaaladeyda ka mid ahaa wuxuu igu yiri gudoomiye waxaan ka baqaya inaan Amnigaada ku guul dareysano maxaa yeelay shacabka lagaama celin karo adna ma rabtid inaad ka dhuumato, waxaan ku iri aniga shacabka ayaa ileh amniguna wuxuu ku jiraa inaan ku dhowaado ee kuma jiro inaan ka dhuunto, madaxda hada xilalka heysa waxaan lee yahay shacabka ku dhowaada oo kalsooni galiya sidaas ayaa lagu heli karaa Amni iyo Wadashqeyn. Taabit ayaa sidoo kale ka hadlay jidadka maalmihii dambe ay Dowladdu xirtay bilaa qorshe oo ay hadana iska furtay bilaa cudur daar waxaana uu sheegay in muwaadiniinta Muqdisho aaney xaq u laheyn iney ku waabariistaan wado xiran oo sidii Webi la isaga kala gooshaayo. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com The post Maxaa kala qabsaday duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi iyo mid ka mid ah Golaha Wasiirada ? appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali xaashi oo Qudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay maanta kalfadhigii 3 aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu halkaasi xaalada siyaasadeed ee Gobolada Sool iyo Sanaag. Gudoomiyaha ayaa Yiri” Puntland waa meel kamid ah Soomaaliya waxayna soo dhawaynaysaa wado kasta oo loomarayso midnimada iyo dib uheshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, hasa yeeshee Puntland waxa ay leedahay Dastuur dhamaystiran oo kucad gobolada ay Puntland ka koo bantahay iyo xuduudaheeda sida uuqabo qodobka 7 aad ee Dastuurka Puntland ,sidaasi awgeed waxaan soo jeedinaynaa in aysan dhicin wax wadahadal ah oo ay Puntland ka maqatahay oo quseeyaya gobolada Puntland ee Sool iyo sanaag ,waxaan ucadeenaynaa dowladda fadaraalka Soomaaliya Beesha caalamka iyo cidkasta oo danaysa xasiloonida Soomaaliya in gobolada Sool iyo Sanaag ay ka tirsan yihiin Dowladda Puntland ee soomaaliya qaybna ay kayihiin dowladda Fadaraalka Soomaaliya Wakiilada laga soo doorto goboladaasina ay fadhiyaan labada Aqal ee Soomaaliya waxaan cambaareenaynaa sheegashada iyo xadgudubka aan caqliga ku dhisnayn ee ay wadaan kuwa lidiga ku ah Qaranimada iyo Midnimada umada Soomaaliyeed . Gudoomiyaha ayaa ugu dambayntii waxa uu Baarlamaanka Soomalaiya ugu baaqay in ay yareeyaan, amaba ay joojiyaan Mooshinada laga keen Xukuumada .
-
The President of the republic HE Musa Bihi Abdi on Saturday launched nationwide measles vaccination campaign in Hargeisa, as part of efforts to eradicate the disease from Somaliland. The nationwide exercise, which is scheduled for March 10th is aimed at reaching all children across Somaliland. In a speech the president made during the function held at the presidential palace appealed to parents to send their children for vaccination. The President has urged rural community particularly those living in remote areas to send their kids to have the inoculations. Mr. Musa Bihi has praised the health ministry and other agencies which are collaborating to make the project successful. In a well organized ceremony held the presidency saw the attendance of the president, health ministry officials led by the minister of health and health supporting agencies locally and internationally.
-
Garowe, -A veteran politician who run for Somalia’s presidential elections in 2017 and served as the Somali Federal Minister of Planning, Dr. Said Abdullahi Mohamed better known as Said Abdullahi Dani has an edge in the race to become the next leader of the Somalia’s semi-autonomous region of Puntland, according to opinion polls and people familiar with Puntland voting system. Dr. Saed Abdilahi Dani is favourite to become Puntland’s fifth president since it’s inception in 1998 by replacing the incumbent president Abdiwali Gas during Puntland’s upcoming presidential elections planned to be held in January 8, 2019. Dogged by corruption and nepotism scandals, incumbent president Abdiwali Gas has lost supporters inside and outside Puntland and has put the veteran and well known politician Dr. Saed Abdilahi Dani in a comfortable position in Puntland’s upcoming presidential elections next year. Born in 1967, Dr. Said Abdullahi Mohamed better known as Said Abdullahi Dani was educated in Somalia and Malaysia. During the collapse of Siyad Barre regime’s government in 1991, Dr. Saed returned to Somalia where he started to revive the country’s education sector by establishing a chain of primary and secondary schools known as Nawawi. Also, Dr. Saed was also one of the founding members of Puntland state in 1998. Mr. Dani is also one the leading businessmen in the country, where has a large companies. Dr. Said Abdullahi Mohamed was elected member of Somalia’s upper House of parliament in 2012 and served as Somali Federal government’s planning minister from 2014 to 2016 where he succeeded to implement the country’s first population census preliminary population census in over two decades. Also during his tenure as the Somalia’s minister of planning, Dr. Saed Abdilahi Dani succeeded to establish Somalia-Japan bilateral cooperation where Japanese government put forth a $40 million funding package for the rehabilitation of Somalia’s police forces, relief services, and job creation opportunities. Eventually, Dr. Said Abdullahi Mohamed was one of the leading contesters of Somalia’s presidential election race in 2017 where he narrowly lost to the current president Mohamed Abdilahi Farmajo. The author, Abdirisak Itaqile
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta Ciidamada dowladda Fadaraalka soomaaliya ay la wareeheen degmada Gamboole oo qiyaastii 50KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Jowhar . Al-shabaab oo horay gacanta ugu hayay degmada Gambeele ayaa isga baxay degmada kadib markii ay ogaadeen in Ciidamada Danab ay ku soo wajahan yihiin degmada Gamboole. Majirin wax dagaal ah oo halkaasi ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka Gamboole , waxayna Al-shabaab degmadaasi u ahayd xarun ay dadka kukala xukumaan oo ay ku qaadi jireen waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka. Al-shabaab ayaa Ganacsatada Jowhar dhawaan ku balamiyay degmadan in ay isugu yimaadaan si ay iskula meel dhigaan bixinta waxa ay ugu yeereen Zakawaadka. Dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka qaba in ay Al-shabaab soo qaadaan duulaan xoogan oo ay markale gacanta u gasho degmada Gamboole ,taas oo markale dadka degmadaasi caqabad ku noqon doonta . Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa horay loogu bartay in marka ay meel la wareegaan in ay dubadiiba ay isaga baxaan ,oo ay dib ugu soo laabtaan kooxda Al-shaabaab.
-
Qaahira (Caasimadda Online) – Mid ka mid ah dalalka Carbeed oo xubin firfircoon ku leh Jaamacadda Carabta ayaa dhex dhexaadin doona dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo markii u horeysay muddo rubuc qarni uu mad-madow soo kala dhex galay xiriirka labada dal u dhaxeeya. Wararka laga helayo magaalada Qaahira ayaa sheegaya in dowladda Sacuudi Carabiya ay dadaal ugu jirto sidii ay u kala dhex geli laheyd Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in dowladda Sacuudiga ay labada dhinac dalab u dirtay, si wada hadal uga dhex furto. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan walaac ka muujisay faragelinta shisheeye ee Imaaraadka Carabta iyo heshiiskii Shirkadda DP World la gashay Somaliland ee ku saabsanaa Dekeda Berbera. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa hor-geeyay fadhigii Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carbta ay ku yeesheen magaalada Qaahira qaraar ku saabsan walaaca ay ka qabaan heshiiska DP World iyo faragelinta lagu haayo Qaranimada Soomaaliya. Wasiir Cawad ayaa sheegay in sidoo kale ay dowladda Itoobiya arrinta heshiiska Dekeda Berbera kala hadleen, ayna ku wargeliyeen in aanay raalli ka aheyn in meel looga dhaco Qaranimada Soomaaliya, isla markaana ay garawsadeen warkooda, dibna u eegi doonaan. Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo ifbaxay xiisada siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ka dhashay heshiiskii Saddex geesoodka ee Dekeda Berbera. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sacuudiga oo lagu wado inuu dhex-dhexaadiyo Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.
-
Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Belad-xaawo ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in maanta gabi ahaanba la xiray xadduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ee degmada Belad-xaawo. Wararka ayaa sheegaya in arintaan ay ka dambeysay kadib markii ay maamulada Belad-xaawo iyo Mandheera ay isku fahmayn in la xiro xadduuda Labada dal, waxaana ganacsatada la siiyay fursad muddo 3 maalmood ah si ay u kala rartaan ganacsigooda Gudaha Soomaaliya iyo Gobalka NFD ee Kenya haysato. Guud ahaan ma jirto saakay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee Labada Dal, sidoo kale waxbarashadii ayaa hakad ku jirta waxaana wararka ay sheegayaan in aan qaadkii ka imaan jiray Kenya uusan soo gelin gobalka Gedo ee Soomaaliya. Arintaan ayaa ka dambeysay muran dhina Xadduuda oo wali ka taagan gobalkaasi Gedo, Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay wado dhul balaarsi waxaana ka soo horjeestay shacabka Belad-xaawo ee gobalka Gedo. Kenya ayaa dooneysa in ay darbi ka dhisto Xadduuda ay la wadaagto Soomaaliya, madaama ay u xaal weysay weerarada Al-Shabaab ee lagu qaadayo gudaha kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Deg deg: Soomaaliya oo xirtay xadduuda ay Kenya kala wadaagto gobalka Gedo. appeared first on Caasimada Online.