Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha xukuumadda Puntland ayaa maanta dood dheer ka yeeshay xiisadda dagaal ee ka aloosan gobolka Sool iyo cabburinta Somaliland ku hayso dad weynaha degmada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi. War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha xukuumadda Puntland ee Khamiista maanta ah, ayaa markale lagu sheegay in Somaliland cabburin iyo xarig joogto ah ku hayso shacabka magaalada Laascaanood,islamarkaana ay qaadayso mas’uuliyadda dhibaatada loo geystay bulshada reer Laascaanood. Golaha Xukuumadda, ayaa sidoo kale dadweynaha reer Puntland u sheegay in lagu soo duulay dalkooda iyo jiritaankooda loona baahanyahay in ay is garab taagan dowladooda iyo ciidamadooda u diyaarsan difaaca dalka. Dhinaca kale shirka Golaha wasiirada Puntland ayaa looga hadlay,hannaanka caddaaladda dowladda Federaalka,waxaana qoraalka ka soo baxay lagu sheegay, in loo baahanyahay,hannaan garsoor Federaal ah oo abuuraya heerar maxkamado kala qeexaya,awoodaha Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland oo ku baaqday in la sameeyo hannaan garsoor oo Federaal ah appeared first on Puntland Post.
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii golaha wasiirada maamulka Puntland ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas, ayaa laga soo saaray qodobo kasii daraya xiisadda maamulkaas kala dhaxeya maamulka Somaliland. Hoos ka aqriso qoraalka shirka laga soo saaray:- Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay Duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday deegaamada Puntland iyo Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya. Duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday Deegaamada Puntland: Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ku dheeraaday duulaanka lagu soo qaaday Puntland iyo caburinta iyo xariga joogtada ah ee lagu hayo shacabka degmada Laasnaacood, sidoo kale waxay goluhu u sheegeen guud ahaan shacabweynaha Puntland in duulaan lagu hayo dalkooda iyo jiritaan-kooda loona baahan yahay inay garab istaagaan Dawladdooda iyo ciidamadooda u taagan difaaca dhulkooda. Sidoo kale goluhu wuxuu caddeeyay duulaanka lagu soo qaaday Puntland inaan laga faa’iidi-doonin, isla’ markaana Puntland ay soo celin-doonto dhammaan deegaamada ka maqan, wuxuuna goluhu ku celiyay dhibaatada loo geystey shacabka Laascaanood in uu mas’uuliyadeeda qaadi-doono Maamulka Hargeysa. Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya: Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaan garsoor oo Federaal ah oo abuuraya heerar maxkamado kala qeexaya awoodaha federaalka iyo mida Maamulada dalka ka jira, isla’ markaana ka madax-bannaan hay’addaha fulinta dalka, waxayna wasaaradda cadaaladdu u qeybisay golaha xukuumaddaqabyo qoraal ay goluhu ka doodi—doonaan todobaadka ka dambe.
  3. Madrid (PP) ─ Tababarihii kooxda Real Madrid oo ku guuleysatay koobka horyaallada Yurub ayaa isaga tagay shaqadii, isagoo sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu shaqada tababarrenimo sii wado sannadka soo socda. Zinadine Zidane oo ahaa tababare aad u wanaagsan ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay maanta garoonka kubadda cagta ee Kooxda Real Madrid ee Dalka Spain, ayaan hadalkan kasoo yeeray wuxuu layaab ku noqoday dhammaan taageerayaasha kooxda Real Madrid. Sidoo kale, Zidane oo noqday tababaraha keliya ee ku guuleystay Saddex jeer oo isku xigta koobka UEFA Champions League tan iyo markii magacaan loo bixiyay ayaa waxaa is-casilaaddiisan goobjoog ka ahaa Florentino Perez o ah guddoomiyaha kooxdan. Florentino Perez ayaa isagana dhankiisa warbaahinta u sheegay in ninka reer France [Zidane] isaga ayaa go’aansaday inuu isaga baxo Garoonka Santiago Bernabeu maalmo kaddib markii ay kooxdu ku guuleysatay koobkii 13-aad ee UEFA Champions League. “Waan jeclahay kooxda, waan jeclahay madaxweynaha, wuxuu i siiyay fursad aan kooxda ku dhiso oo aan uga dhigo koox awood leh, isla markaanka ku guuleysatay koobab badan,” ayuu Zidane ka sheegay shirkiisa jar’aaid. Dhanka kale, Florentino Perez ayaa saxaafadda horteeda ka qiray inuusan jecleysan go’aanka uu gaaray Zinadine Zidane oo 45-jir ah, balse ay ahayd go’aankiisii ugu dambeeyay. Ugu dambeyn, Kooxda Real Madrid ayaa shan maalmood ka hor waxay ku guuleysatay koobka horyaallada Yurub, iyadoo ka adkaatay kooxda Liverpool oo ay kama danbeysa (Final) isugu yimaadeen. PUNTLAND POST The post Tababarihii kooxdii ku guuleysatay Koobkii Horyaalka Yurub oo shaqadii ka tagay appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (PP) ─ Magaata oo Khamiis ah waxaa Muqdisho oo saaaray isla markaana lagu soo dhaweeyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Somalia, Danjire Daahir Maxamuud Geelle. Soo dhaweynta Wasiirka cusub ee Warfaafinta, ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo xubno kale. Daahir Maxamuud Geelle ayaa wuxuu ka mid ahaa tiro wasiirro ah oo uu dhawaan magaacabay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre oo isugu jiray kuwo horay uga dhinnaa golaha iyo kuwo isbedello kooban lagu sameeyay. Wasiirka Warfaafinta Geelle oo Warbaahinta la hadlay soo dhaweyntiisa kaddib ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay in dalka uu dib ugu soo laabto, soona dhaweynayo xilka cusub ee uu u magacaabay Ra’iisul Wasaare Khayre. Sidoo kale, Daahir Maxamuud Geelle ayaa soo noqday wasiirka warfaafinta Somalia intii ay jirtay dowladdii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xiligaasoo uu wax badan kasoo qabtay Wasaaradda. Dhanka kale, Wasiirka cusub ayaa wuxuu xilliyadii ugu dambeeyay ahaa danijraha Somalia u fadhiya dalka Sucuudiga, xilkaas oo loo magacaabay intii ay jirtay dowladdii uu hoggaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud. Ugu dambeyn, Maalmaha soo socda la filayaa in wasiirka cusub loo dhaariyo xilka isla markaana uu la wareego, iyadoo laga filayo inuu waxyaabo kale oo badan kusoo kordhiyo wasaaradda, sidii uu horayba u sameeyay. PUNTLAND POST The post Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Somalia oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay appeared first on Puntland Post.
  5. Dhacdo aysan cid rajo ka qabin, sheeko ay tahay inuu aamino qof la socday xaaladaha ugu dambeeya ee kubadda cagta ayaa xaqiiqo noqotay iyadoo Zinedine Zidane uu gabi ahaanba go’aansaday inuu isaga tago Real Madrid. Zidane oo noqday macalinka kaliya ee ku guuleystay saddex jeer oo xiriir ah koobka UEFA CHampions League tan iyo markii magacaan loo bixiyay ayaa subaxnimadii arbacada aheyd gaaray go’aankaan isagoo ku wargaliyay Florentino Perez. Sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha kooxda Florentino Perez, ninka reer France isaga ayaa go’aansaday inuu isaga baxo garoonka Santiago Bernabeu maalmo kadib markii uu kooxda u qaaday koobkii1 3-aad ee Champions League. “Waan jeclahay kooxda, waan jeclahay madaxweynaha, wuxuu i siiyay fursad ka ciyaartoy ahaan iyo ka maamul ahaan aad baan ugu mahadinayaa” ayuu yiri Zidane oo ka hadlay shirka jaraa’id ee maanta. “Balse waa inaan badalnaa” ayuu yiri Zizou. Dhanka kale Florentino Perez wuxuu saxaafadda horteeda ka qiray inuusan jecleysan go’aanka uu gaaray Zidane balse ay aheyd go’aankiisii ugu dambeeyay. Zidane waa iska casilay xilka tababaranimo ee Madrid.
  6. Waxaa hoos u dhac weyn ku yimid tirada dadka cabba sigaarka maalintii, iyadoo hal milyan ay hoos uga dhacday tirada dadka isticmaala sigaarka marka la is barbar dhigo sanadihii 2016-kii iyo 2017-kii. Hase yeeshe ,iyadoo muddo tobannan sano ah ay jirtay dadaallo lagu xadidayey cabidda sigaarka ayey tirada dadka caba sigaarka ay kor u kacday, sida daraasad la sameeyey sanadkii la soo dhaafay lagu sheegay. Iyadoo la xusaya maalinta ka hortagga sigaar cabbidda , waa kuwan liiska wadamada ugu sigaar cabbidda badan iyo kuwa ugu sigaar cabidda yar. 1) Kiribati Jasiiradda Kiribati ayaa ah dalka ugu sigaar cabidda badan aduunka, saddex jibaar ragga dalkaas ayaa sigaarka caba,iyo haween ka badan saddex jibaar dumarka ku nool Jasiiraddaas. Dadka ku nool jasiiraddan ayaa gaaraya 103,000 oo qof , sigaarka ayaan laga canshuurin jasiiraddan taasi oo u fududaysay dadka inay si sahlan ku heli karaan. 2) Montenegro Waddankan oo ku yaalla Bariga Yurub ayey ku noolyihiin tirada dadka ugu badan ee Yurub cabba sigaarka taasi oo dhan 46%. Dadka ku nool dalkan ayaa gaaraya 633,000 oo qof ,4124 xabo oo sigaar ah ayuu qofkiiba cabaa sanadkii. Iyadoo laga mamnuucay inay dadka sigaarka ku caban goobaha ay dadka isugu yimaadaan ayey weli si xor ah ugu cabbaan goobaha shaqada,maqaayadaha iyo xarumaha gaadiidka laga raaca. 3) Gariiga Gariiga ayaa ah dalka saddexaad ee ugu sigaar cabidda badan adduunka, kala bar dadka ku nool Gariiga ayaa caba sigaar ,35% ka mid ah dumarka dalkaas ayaa caba sigaarka. Iyadoo la meel mariyey sharci lagu joojinaya sigaar cabidda 2008-dii ayaa waxaa weli jira dad badan oo sigaarka cabba. Waxaa si sharci darro ah badanaa waddanka lagu soo geliyaa sigaarka . Bariga Timor ayaa ka mid ah meelaha ugu sigaar cabka badan dunida, 80% raga ku nool dalkaas ayaa caba sigaarka taasi oo noqonaysa tirada ragga ugu sigaar cabka badan adduunka. 6% dumarka dalkaas ayaa sidoo kale cabba sigaarka. Waxa goobaha la isugu yimaado iyo meelo badan lagu shaaciyey digniino looga hadlayo dhibaatada sigaarka ,balse kala bar dadka waaweyn ayaan aqrin karin qoraaladaasi. 5) Ruushka Ruuska ayaa ah waddanka shanaad ee ugu sigaar cabidda badan adduunka , ku dhawaad 60% raga ku nool dalkaas ee ka weyn 15 sano ayaa caba sigaarka, 23% haweenka ku nool Ruushka ayaa sidoo kale caba sigaarka. Waxaa horay loo mamnuucay in sigaarka lagu cabo goobaha shaqada iyo xarumaha ay dadka ku kulmaan , balse waxa si weyn dalkaas looga xayeysiiyaa ka ganacsiga sigaarka taasi oo qeyb ka geysatay in dadka ay si aad ah u cabbaan. Suuqyada lagu iibiyo sigaarka ee ka jira gudaha Ruushka ayaa lagu qiyaasaa qiimo dhan 22 milyan oo doolar. Wadamada ugu sigaar cabidda yar. Wadamada ugu sigaar cabidda yar ayaa waxaa ka mid ah Ghana, Ethiopia, Nigeria, Eritrea iyo Panama. Sida ay hay’adda caafimaadka adduunka sheegtay 14% ee dadka ku nool Afrika ayaa caba sigaarka taasi oo ka yar tirada celceliska guud ee adduunka oo ah 22%. Tirada ragga sigaarka caba ee ku nool Afrika ayaa lagu qiyaasaa 70% ilaa 85% . Haweenka sigaarka cabba ayaa badanaa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa aan akhlaaq lahayn. Ghana, Ethiopia iyo Nigeria ayaa sidoo ku biiray hay’adda WHO oo wadday dadaal ay ku joojinayso cabidda sigaarka si looga qaado tallaabooyiin adag dadka isticmaala sigaarka. WHO ayaa ku qiyaastay 10 milyan dadka Jaadka cuna adduunka oo dhan. Sigaar cabidda ayaa hoos ugu dhacday ka dib markii la hor mariyey nidaam cusub oo dhanka canshuurta ah , iyadoo warshadaha soo saara sigaarka ay ku sii badanayaan wadama hormaraya ayna doonayaan inay soo jiitaan dhalinyarada. Waddanka ugu sigaar cabidda badan adduunka. Shiinaha ayaa ah waddanka ugu soo saarka badan sigaarka uguna cabidda badan , sida ay hay’adda caafimaadka adduunka sheegtay. Waxaa lagu qiyaasaa dadka caba sigaarka ee ku nool dalka Shiinaha inay ka badanyihiin 300 milyan oo qof . Hase yeeshe daraasad ay sameeyeen koox caalami ah ee lagu magacaabo Euromonitor 2016-dii , ayaa sheegtay in tirada dadka sigaarka caba ee dalkaas ay hoos u dhacday markii ugu horreysay muddo laga jooga 20 sano. Haweenka Waddanka kaliye ee ay tirada dumarka sigaarka ay ka badanyihiin raga ayaa ah Denmark, 19.3% dumarka sigaarka caba , halka tirada ragga sigaarka cabba ay dhan tahay 18.9. Sigaarka ayaa dila dad ka badan 7 milyan sanad kasta , marka lagu daro dadka lagu cabo agaarkooda oo ay sameyn gaarto.Sida ay hay’adda caafimaadka adduunka sheegtay ,ku dhawaad 1.1 bilyan ee dadka sigaarka caba ayaa ah dad sabool ah.Sigaarka laga soo saaro Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa lagu qiyaasaa inuu qiimahiisa gaaraya 770 bilyan ee doolar.
  7. Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya wali ku sugan wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaasi oo booqasho rasmi ah ku joogo Kenya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kullan la qaatay dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana mas’uuliyiinta labada dal ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan. Madaxweynaha Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ururka Al Shabaab ay sheegtaan Islaannimo balse ay magaca ka dilaan Islaamka. Wuxuu intaas ku daray in Al Shabaab ay layso dad aan waxba galabsanin. Madaxweynaha, ayaa sidoo kale ka qeyb-galay, ooka hadlayay kulan duco ah oo Kenya ay qabsato sannad walba, wuxuuna sheegay in ay tahay maalin wayn oo lawada ducaysto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyada oo uu weli jiro khilaafka soo kala dhex galay Madaxda Galmudug ayaa dhawaan dowladda soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in 30-ka Bishaan Muqdisho loogu qabto shir lagu dhex dhexaadinayo labada garab ee iskhilaafsan. Muhiimada shirkaas ayaa ahaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka soo dhex cusboonaaday Madaxda Galmudug,balse shirkaas oo balantu aheyd Arbacadii shalay uu baaqday. Hayeeshee markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye u ku dhawaaqay shirkaas ayaa waxaa jawaab ka bixiyey,isla markaana gaashaanka u daruuray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Sahakir Cali xasan. Dhinaca kale 29-kii Bishaan War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayuu ku sheegay in shirkaas ay aqbaleyn isaga iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,isla markaana ay ka qeyb galayaan. Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin baaqashada shirkaas maadaama dhinacyadii loogu baaqay dhinac ka mid ah ay shirkaasi qaadaceen,waxaana uu u muuqdaa shirkaas mid aan qabsoomi doonin. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maalma ka hor sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin ku heyso arrimaha galmudug,isaga oo ugu baaqay in ay faraha kala baxdo halka madaxweyne ku xigeenka uu isna sheegay in dowladda Soomaaliya aysan fagelin ku heyn Maamulka Galmudug. Madaxweyne xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa iminka waxa ay ku wada sugan yihiin Magalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug halka Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay iyana fariisin ka dhigteen Magalada Cadaado,welina ma muuqato arrin xal looga gaarayo khilaafka Galmudug. Maamulka Galmudug ayaa intii uu jiray waxa uu ahaa mid uu hareeyey khilaaf joogta ah waxaan horay u fashilmay iskuday ku aadanaa in xilka looga tuuro Madaxweyne Xaaf,laakin waxaa lagu guuleystay in ay midoobaan Galmudug iyo Ahlusunna oo waligood uu khilaaf xooggan ka dhaxeeyey. Gaba gabadii Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa laga warsugayaa jawaabta xigta maadaama shirkii lagu dhex dhexaadin lahaa madaxda Galmudug uu baaqday,isla markaana khilaafka uu weli yahay mid taagan. Xigasho: Radio Dalsan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. The African Development Bank has participated in a signing ceremony that occasioned Italy’s contribution of €1 million to the Somalia Infrastructure Fund (SIF). Source: Hiiraan Online
  10. In 2017, Somalia held parliamentary and presidential elections in a relatively stable atmosphere. The African Union Mission to Somalia (AMISOM), which has been deployed to Somalia since 2007, has been a key factor in realizing this milestone. Nonetheless, al Shabaab, the militant Islamist group that has been destabilizing Somalia, remains a serious threat. The Africa Center for Strategic Studies spoke to Simon Mulongo, the Deputy Special Representative of the Commission Chairperson to Somalia (D/SRCC) at the African Union Commission based in Mogadishu to gain a perspective on the state of the mission. Source: Hiiraan Online
  11. Kenyan police said there are rising numbers of Islamist fighters gathering on the country’s border with war-torn Somalia and some are planning attacks during the Muslim holy month of Ramadan. Some of the militants belonging to the al-Shabaab group have tried to cross into the northeastern Kenyan counties of Wajir, Mandera and Garissa, the National Police Service said Wednesday on Twitter. One group has been hiding in Somalia’s mountainous Gedo region and may be planning attacks on the Kenyan side, it said. Al-Shabaab, an affiliate of al-Qaeda, has staged attacks that have killed more than 200 people in Kenya since the East African nation sent troops into Somalia in 2011 to prop up the government. Al-Shabaab has waged a more than decade-long insurgency in a bid to impose its version of Islamic law in Somalia. Source: – Bloomberg
  12. GENEVA, May 31 (Xinhua) -- Chinese people can look forward to a longer healthy life than Americans for the first time since records began, according to the World Health Organization (WHO) data. Source: Hiiraan Online
  13. Kenyan President Uhuru Kenyatta held talks on Wednesday with visiting Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo focusing on security issues, the presidency said. Kenyatta’s office said the two leaders discussed bilateral issues and security matters including the continued support for African Mission in Somalia (AMISOM) in which Kenyan forces play a big role. “The two leaders updated each other on shared security concerns as well as progress in regional efforts to bring peace and stability back to Somalia with the help of Kenya and other nations,” it said. President Mohamed arrived in the country early Wednesday accompanied by a high-level delegation of ministers and senior government officials. State House said Kenyatta and Farmajo also discussed multilateral issues including Kenya’s push for a non-permanent seat on the United Nations Security Council. Source: Xinhua Net
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Omar Geelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Mushaarka uu ku shaqeeyo iyo kan ay qaatan Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa Djibouti. Ismaaciil Omar Geelle oo u waramaayay Wargeyska Jeune Afrique ee kasoo baxa dalka Farance, ayaa sheegay in mushaarka uu ku shaqeeyo uu yahay mid aad u yar marka loo eego Mushaaraadka ay qaatan Madaxda kale ee Afrikaanka ah. Madaxweyne Ismaaciil Omar Geelle, waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay tahay inuu u adeego dalkiisa, halka ahmiyada labaat ay tahay in Shacabka dalkiisa uu la meel-dhigo ama ka sareysiiyo shucuubta kale ee adduunka. Isagoo u waramaayay Wargeyska Jeune Afrique, ayaa waxaa la weydiiyay heerka uu la’eg yahay Mushaarkiisa waxa uuna ku jawaabay ‘’Anigu mushaar ahaan waxaan u qaataa 359,000 Seddex boqol sagaal iyo konton kun oo faranka Djiouti ah oo u dhiganta 2017.58 US Dollar’’. Madaxweyne Geelle waxa uu Wargeyska Jeune Afrique u sheegay kuna dooday inuu ka mushaar yar yahay Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa, hase ahaatee taa uusan waxba u arag. Ismaaciil Geelle, ayaa waxaa sidoo kale la weydiiyay Mushaarka ay qaatan Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa, waxa uuna cadeeyay inay qaatan xuquuq ku filan. Isagoo ka hadlaayay mushaarka Wasiirada ayuu yiri ‘’Waxa ay qaataan 400,000 Afar boqol oo kun oo faranka Djibouti ah una dhiganta 2,248.00 US Dollar’’ ayuu yiri Sidoo kale, Madaxweyne Geelle ayaa cadeeyay in Mushaarka Wasiirada uu yahay mid xiligaan u qalma shaqooyinka ay u hayaan Qaranka Djibouti. Si kastaba ha ahaatee, Geelle ayaa markii ugu horeysay saxaafada adduunka la wadaagay Mushaarkiisa iyo kan ay qaatan Wasiirada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Nairobi (Caasimada Online)-Sida ay warar hoose nagu soo gaarayaan Dowlada Kenya ayaa lagu wadaa inay go’aan ka qaadato xiriirka Siyaasadeed ee kala dhexeeya maamul Goboleedyada ka jira Somalia. Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ay si qoto dheer uga wada hadleen qodobkaan, iyadoo Uhuru Kenyatta uu dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo u ballanqaaday in xiriirka maamulada Somalia ka qaadan doonaan go’aan. Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa dhigiisa Farmaajo u sheegay in Kenya aysan ka raali noqon doonin Xubno weliba oo caqabad ku ah Somalia ama kasoo horjeeda Siyaasada lagu dhisaayo Somalia oo kasii baxeysa burburka. Uhuru Kenyatta, waxa uu tilmaamay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhexeeya Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada, waxa uuna cadeeyay in Kenya ay mar waliba is garabtaagi doonto Dowlada Somalia. Madaxweynaha Somalia ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka dhigiisa Kenyaatta, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inaanu Somalia taageeri doonin wixii dhibaaya Qaranimada Kenya. Dowlada Kenya ayaa qaabab hoose u naas-nuujisa Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada Somalia, waxaana xusid mudan in Hoteelo badan oo ku yaalla magaalada Nairobi lagu diyaariyo Siyaasado ay gadaal ka riixayaan maamul Goboleedyada oo lagu carqaladeynaayo Qaranimada Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Kenya ayaa hadii ay ka dhabewyso go’aanka ay ku jareyso xiriirka kala dhexeeya maamul Goboleedyada caqabad iyo dhabar jab ku noqon doonta maamulada oo aan ku kulmin meel ka baxsan Kenya, marka laga soo tago Somalia. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Jabuuti waxaa Heshiis kala saxiixday Dowladaha Somalia iyo Jabuuti kaa oo la sheegay in lagu xoojinaayo xiriirka iyo iskaashiga ballaaran ee iminka ka dhexeeya laba dal. Heshiiskan ayaa waxaa Dowlada Somalia u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo booqasho laba cisho ah ku joogay dalka Jabuuti. Heshiiska ayaa waxaa dhanka Jabuuti u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxa ayna isla fahmeen inay muhiim tahay in la xoojiyo xiriirka labada dal ee gaamuray. Wasiir Ahmed Awad iyo dhigiisa Jabuuti ayaa kala saxiixay heshiisyo seddex ah oo uu ku jiro mid ku qotoma iskaashiga ammaanka. Waxa ay si wada jira u sheegen in Somalia iyo Jabuuti ay yihiin wadamo walaalo ah oo aan kala maarmin, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in la helo is garab istaag iyo in Jabuuti ay ka dhabeyso xal u helida Himilooyinka Somalia ee dhanka Hormarka iyo Amniga. Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia ayaa booqasho sharafeed ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo sidoo kale booqdey xarunta Golaha Baarlamaanka iyo Machadka Diblomaasiyadda dalkaasi. Waxa ay halkaa kula shireen mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay u cadeeyeen Mowqifkooda ku aadan in Somalia ay ka kacdo halka ay iminka taagan tahay. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa aad usoo dhaweeyay Heshiiska ay wada galeen labada dal, waxa uuna cadeeyay in Jabuuti ay is garabtaagi doonto Somalia.
  17. Iran, the arch-rival of Saudi Arabia, has a history of being difficult at OPEC meetings including in 2015 when the country refused to sign up to OPEC policies, saying it needed to raise output due to the easing of sanctions following Tehran’s accord with major world powers. Source: Hiiraan Online
  18. Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)ayaa casho sharaf u sameeyey Gudiga madaxa banaan ee Dastuurka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Gudiga la socodka dib u eegista Dastuurka ee labada aqal ee golaha shacabka Soomaaliyeed oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Axmed Madoobe Madaxweyne, ayaa labada gudi kula dardaarmey in la dardar galiyo dhameystirka Dastuurka sidoo kalena laga feejignaado in Dastuurka la xado ama dano gaar ah lagu saleeyo dhameystirkiisa. Sida Caasimadda online ay u xaqiijiyeen ka qeeybgalayaal kullankaasi Waxaa uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ku wargliyay masuuliyiinta uu la kulmay in Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaarahu wadaan Burburin Maamul Goboleedyada waxuuna ugu baaqay in ay Go’aan ka gaaraan. Xalay ayay aheyd Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu sidoo kale la kulmay Xildhibaanada Soomaalida ah ee ka tirsan Baarlamaanka Kenya. Waxaa hadda Abaabulka ugu weeyn ee ka dhanka ah dowladda Farmaajo uu ka socdaa Magaalada Nairobi, waxaana xoogiia wado Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dareemayo ciriiri siyaasadeed iyo inuu halis ku jiro Xilkiisa Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa waxaa ku kacsan qaar badan ka tirsan siyaasiyiinta kasoo jeedo deegaanadaas, waxaana dhawaan la abuuray gole lagus sheegay inuu xoreyn doono Maamulka Jubblanad oo la sheegay inuu gumeysi ku jiro. Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyey inuu yahay kaligii taliye xoog ku heysto Maamulkaas, isagoona dhawr jeer cadaadis saaray xildhibaano ka hor yimid qorshaha maamul ee uu ku wado Maamulka Jubbalanad.
  19. Nairobi (Caasimada Online)-Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa isla fahmay inay muhiim tahay in lagu shaqeeyo guddi ay si wada jira u magacaaben, kuwaa oo warbixin ka keeni doona xaalada Balad Xaawo. Talaabada lagu magacaabay Guddigani ayaa waxaa lahaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu dhigiisa Kenya u gudbiyay cabashooyin ka jira Balad Xaawo, waxa ayna timid kadib markii Madaxweynaha Somalia iyo Kenya ay kulan ku yeesheen Magalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweyne Kenyaatta iyo Farmaajo ayaa waxa ay isla garteen in la sugo ammaanka xudduudaha labada dal si looga hortago in waxa loogu yeero argagixisada ay isaga gudbaan. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo u kuur gala xaaladda degmada Balad Xaawo, isla markaasna soo diyaariya warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ka jirta xuduudda u dhaxeysa labada dal. Sidoo kale, Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya ayaa tilmaamay in Dowladda Kenya ay taageero joogta ah siineyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Kenyaatta waxa uu intaas ku daray in dowladdiisu ay aaminsan tahay in midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan. Si kastaba ha ahaatee, Gudigaani aasaaskiisa oo ay wada saxiixeen labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in si wada jira ay u daraaseeyan xaalada amni ee Balad Xaawo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  20. Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaa ayaa si kulul loogu weeraray xildhibaanada Federaalka ku matala Galmudug. War-Saxaafadeed Warqadda lagu baahiyey baraha bulshada oo ku taariikhaysan 28 May 2018, ujeedadeeduna ahayd caddayn mawqifka aqlabiyadda xildhibaanada iyo senotorada qaranka ee laga soo doorto Dowlad Goboleedka Galmudug ee ku aadan xaaladda khilaafka Galmudug taas oo u muuqata mid ay sameeyeen koox danleey ah oo isku dhexqarinaya magaca xildhibaanada iyo senetorada laga soo doorto Galmudug loogana danleeyahay in jahawareer siyaasadeed laga dhex abuuro Galmudug, waxaana taa caddayn u ah, warqaddu malahan wax saxiix ah ee waxaa ka muuqda magacyada xildhibaanada iyo senetorada, taas oo ay qaarbadan sheegeen in arrintaas ay wax ka ogyihiin. Maaha markii ugu horaysay oo mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaarkood ee laga soo doorto Dowlada Goboleedka Galmudug ay qas iyo jahawareer siyaasadeed geliyaan deganaashaha iyo talaabo hore uqaadidda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaan u aragnaa in ay yihiin kuwo ka xun heshiiska dhexmaray Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulkii ASWJ ee isku biiray iyadoo ay caddahay dhamaan qodobadii ay ku heshiiyeen iyo hanaankii loo maray dhaqangelinta qodobadii heshiiska taas oo ay xafladaynteedii ay goobjoog ka ahaayeen Madaxda Sare ee dalka, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, beesha caalamka iyo dowladaha daneeyo arrimaha Soomaaliya. Waxaa nasiib-darro ah in kuwa gebay howshoodii loo igmaday ee ku milmay aragtiyo kale oo dano kale xambaarsan ay weli doonayaan in ay dib u dhigaan horumarka la taabankaro ee Galmudug ay ku talaabsanayso iyagoo gabbaad ka dhiganaya cabashaa beelo ka timid iyo hanaaki waxqaybsiga ayaa meel looga dhacay taas oo ay madaxda Galmudug horay u caddeeyeen in cid kasta oo tabasho qabta lagala fadhiisanayo xalna laga gaarayo, mana ahan arrintaasi mid gaarsiisan in ay u gudubto masuuliyiin heer federal ah ama heer caalami ah ee waa arrin xalkeedu yaallo Galmudug dhexdeeda. Talo Jeedin: Waxaan kula talinaynaa mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Dowlad Goboleedka Galmudug in aanay ku mashquulin sidii Galmudug dhibaato hor leh looga abuuri lahaa ee ay ku mashquulaan howsha dhabta ee loo igmaday oo ah in ay kala shaqeeyaan Dowlad Goboleedka dhinaca horumarinta iyo xoraynta degaanada cadawgu haysto, sidoo kale ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hay’adeheeda kala duwan ugala xisaabtamaan xallinta baahiyaha ka jira degaanada Galmudug. Baaq Dowlad Goboleedka Galmudug waxay baaq u diraysaa dhammaan Dowladda Federaalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Beesha Caalamka iyo Dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya in ay fiiro gaar ah u yeeshaan dhawaqyada ka yeeraya danleyda kala duwan oo lagu wax yeelaynayo horumarka loo qaaday dhinaca nabadaynta iyo xasilinta siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Dhammaad Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Hanuunita Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Galmudug Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Waxaa mar kale meeshii ugu sareysay gaaray Khilaafka u dhaxeeyo madaxda Maamul Galmudug kaasoo keenay inay istaagto shaqadii maamulkaas oo markii horeba aheyd mid aad u liidato. Khilaafka cusub ayaa ka dhashay heshiiskii lala galay Ahlu Sunna ee loogu soo daray maamulka Galmudug iyo sida loo fidiyey, waxaana mar kale dhinac isku raacay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Casir. Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay xog ku aadan inuu jiro dadaal ku aadan sidii loo heshiisiin lahaa Madaxda uu khilaafka ka dhaxeeyo. Dadaalkaan lagu heshiisiinayo madaxda Galmudug ayaa waxaa wado Gollaha Iskaashiga maamulada dalka oo uu hoggaamiye u yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas. Sida xogta sheegeyso hogaanka Gollaha Iskaashiga Dowlad goboleedyadda ay xiriiro la sameeyeen dhinacyadda isku haya Galmudug, islamarkaana ay u sheegeen inay doonayaan inay soo kala dhex-galaan. maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxda is khilaafsan la isugu keeno midkood Magaalooyinka Kismaayo ama Garoowe si khilaafkooda loogu dhameeyo miiska korkiisa isla markaasna ay koox kasta sheegato waxa ay tabaneyso. Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa lasoo sheegaa inuu diidan yahay ka qeybgalka kulankaas isagoo horeyna ugu digay Maamul Goboleedyada inay soo farageliyaan Khilaafka ka dhaxeeyo Madaxda Galmudug. madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa aqbalay waanwaanta ay wadaan madaxda maamul Goboleedyada sida ay illo wareedyo ku dhow Xaaf u xaqiijiyeen Caasimadda Online. Sababta uu Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabey u diidan yahay wadahadalkaan ayaa ah inuusan ku qanacsaneyn dhex dhexaadinta madaxda Maamul Goboleedyada maadaama uu u arko inay yihiin kuwa la safan madaxweyne Xaaf. Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ic-laamisay dhawaan shir ay ku dhex-dhexaadinayso Xaaf iyo dhinaca kasoo horjeeda, kaasi oo lagu wadey inuu Shalay ka furmo Muqdisho. Maamulka Galmudg ayaa tan iyo markii la abuuray wuxuu ka shaqeyn waayey khilaaf soo kala dhexgalo madaxda Maamulkaas, wuxuuna noqday Maamulka shaqo ahaan ugu liito Maamul Goboleedyada ka jiro dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Washington (Caasimadda Online) – Wadanka Mareykanka waxaa laga hadal hayaa qisada Baadari tuug ah oo lacag malaayiin dollar ah ka dalbaday taageerayaashiisa. Gibsi Doblantis oo ah Baadari Mareykan ah ayaa dadka isaga raacsan ka codsaday in ay u iibiyaan diyaarad afaraad si uu ugu adeegsado safarrada gaarka ah balse wuxuu helidda lacagta lagu iibinayo diyaaradda u adeegsaday dhagar ka yaabisay kumanaan qof Kirishtaan ah oo Kaniisaddiisa ku xiran isagoo hadlayay ayuu yiri “Alle ayaa igu armray in aad ii iibisaan diyaarad nuuceedu yahay Falcon7X”. Ninkan beenaalaha ah oo iska dhigayay in uu yahay Nabi ayaa isagoo qiil uraadsanaya in loo iibiyo diyaaradda wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “alle wuxuu ifaray in aad iga bixisaan lacag 54 Milyan oo dollar ah markii hore waan ka labalabeynayay in aan diyaarad iibsado balse amarka alle ayaa ii yimid”! Dad badan oo American ah ayaa durbadiiba bilaabay in ay lacago iska aruuriyaan balse qaar kamid ah taageerayaasha Baadari Gibsi Doblantis ayaa baraha bulshada ku faafiyay jawaab celinno jees jees ah oo ay ku sheegayaan in Ninkan uu yahay tuug doonaya in uu hanti badan ka dhurto dadka isaga indha la’aanta ah u taageersan. Baadarigan ayaa sanaddii 2015 Baraha bulshada ku faafiyay Video isagoo hareer taagan mid kamida diyaaradahiisa oo gaboowday wuxuuna ku safridda gawaarida,tareennada iyo diyaaradaha ganacsiga ku sifeeyay “Tubbooyinka sheydaanka”. Baadariyaal badan oo Mareykanka kunool ayaa dadka iyaga raacsan qaab indha sarcaad ah lacago uga qaata balse tani waxay noqotay beentii ugu yaabka badneed waayahan ee gudaha dalka Mareykanka laga hadal haayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – In ka badan 150 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ku xayirnaa gudaha dalka Liibiya ayaa waxaa dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho. Dadka Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa dhammaantood ah dhallinyaro waxaana ka muuqanayay diif iyo daal badan. Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Hay’adda Caalamiga ah ee Sodcaalka ayey u suuragashay inay dalka dib ugu soo celiso boqolaal qof oo ka mid ah Soomaalida ku go’doomay dalka Liibiya, kuwaasi oo qaar ka mid ah sidii adoontii la kala iibsaday. Dadkan Soomaaliyeed ee lagu soo celiyay magalaada Muqdisho ayaa ah dhalinyaro in mudo ah ku dhibaateesnaa gudaha Liibiya, Iyagoona wajiyadooda ay ka muuqdeen duruuftii adkeyd oo ay kala soo kulmeen Liibiya, sida uu ku soo warramay weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho. Dadkan ayaa waxaa la geeyay xarun si gaar ah loo dejiyo dadka dib ugu soo laabanaya dalka oo ay maamusho dowladda Soomaaliya. Weriye ka tirsan BBC oo booqday xaruntaasi ayaa sheegaya in saaka keliya xaruntaasi la geeyay 157 qof oo dhammaantood ay rag yihiin. ” Waxaan ka tahribay magaalada Boosaaso safar dheer kaddibna waxaan gaaray Liibiya, balse dhibaatooyin badan ayaan kala kulmay dalkaasi, waxaana ka mid ah jirdil, in koronto lagu qabto dadka iyo in la kala iibsado dadka kaddib marka laga qaato lacagaha madaxfurashada ah”, ayuu yiri cabdullaahi Iidile oo ka mid ah dhallinyarada dib ugu laabtay Muqdisho. Tahriibayaal badan ayaa la kulma tacaddiyo jir ahaan iyo maskax ahaanba loogu geysto Liibiya inta ay ku jiraan safarkooda. Dadaaalka dowladda Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf, oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha kana mid ah mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay u xilsaartay dib u soo celinta dhalinyarada ku xiran xabsiyada Liibiya, ayaa sheegtay inay jiraan dhallinyaro badan oo wali ku harsan liibiya. ”Waxaan baaq u dirayaa dhalinyarada Soomaaliyeed tahriibka halistiisa aad ayuu u badan yahay, marka intii Magafe iyo dhibaato kale waddan kale kugu qabsan lahaayeen, dalkaada hooyo inaa joogto ayaa roon” ayay tiri Maryam. Dowladda Soomaaliya ayaa waddo dadaalada ay ku dooneyso inay dalka dib ugu soo celiso dhalinyarada ku xiran xabsiyada dalal badan oo caalamka ah gaar ahaan kuwa ku dhibaateysan xabsiyada Liibiya. Safarka Yurub Haseyeeshee, boqolaal Soomaali ah ayaa weli ku xirxiran dalka Libya, oo qaarkood ku jira xabsiyo kala duwan oo ku yaalla magaalooyinka dalkaasi oo ay gacanta ku hayaan qaarkood kooxo hubeysan oo maleeshiyaad ah. Soomaali badan oo tahriibayaal ah ayaa sanad walba uga sii gudba Liibiya Talyaaniga iyo dalalka Yurub, kuwaasi oo laga buuxiyo doomo jileec ah aadna u qafiif ah. Tahriibka sharci darrada ah ee dhalinyarada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee galbeedka Afrika ka yimaada ee dhanka badda Liibiya laga soo galayo ayaa caqabad ku noqday Talyaaniga. Wuxuu dalkaasi qaabbilay in ka badan lixdan iyo shan kun oo muhaajiriin ah lix bil oo kaliya sanadkii 2017, tiradaas oo boqolkiiba siddeed iyo toban ka badan tirada ay qaabbishay muddadan oo kale sanadkii hore. Dadaallo lagu doonayo in wax looga qabto qulqulka dadka muhaajiriinta ah ayay dowladdu Talyaanigu amartay balse si weyn uma aysan mirro dhalin, oo wali muhaajiriinta Soomaalidu ka mid tahay ayaa kusii qulqulaya dalkaasi. Dhanka kale, Dowlada Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay dalka Liibiya kuwaasi oo ka shaqeenayay qaabkii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa dalkooda, waxaana la filayaa in dhalinyarro kale oo badan laga soo cein doono Liibiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Wajeer (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada niman ay ku sheegtay inay yihiin Al-shabaab oo qorsheynaya in ay weerar ka geystaan gudaha dalkaasi, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari. War-saxaafadeed ay maanta soo saareen Booliska ayaa waxa ay ku sharaxeen raggan iyo halka ay asal ahaan ka soo jeedaan, iyaga oo ku daray faah faahinta qabiilada iyo jilibka hoose ee qoyskooda. Booliska ayaa sheegay in Ibraahim Maxamuud uu yahay hoggaamiyaha kooxda ay ka tirsan yihiin Saddexda nin, waxaana ka mid ah Shariif Kulul, C/wahaab Cusmaan Axmed, iyo Axmed Dabar. Shariif ayay Boolisku sheegeen inuu ku dhuumaaleysanayo buuraleyda gobolka Gedo oo ah halka ay qorshaha ka soo maleegayaan. Qorshaha raggan ka tirsan Al-shabaab ayaa wuxuu ku wajahan yahay degaanada Wajer iyo Mandhera, sida ay war-saxaafadeedka ku sheegeen. Axmed Dacar ayaa sahan u tagay degaanadaasi si uu u soo indha indheeyo goobaha ay weerari lahaayeen oo ay ka mid yihiin xarumaha dowladda, wuxuuna ugu dambeyn qoraalkan ku taliyay in dadweynuhu ka feejignaadan goobaha ay tagayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu cirka isku sii shareeray Khilaafka u dhaxeeyo madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa waxaa la filayaa inuu asbuuca soo socdo dhaco kulan xasaasi ah oo ku dhex mari doono Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Madaxweyne Farmaajo uu hoggaamiyo. Shirkaan ayaa ah shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada kaasoo uu wajiyadiisii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho laguna balamay inuu ka dhaco Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed. Shirkaan oo la filayey inuu mar hore ka dhaco Magaalada Baydhabo ayaa u baaqday Khilaafka xogga leh ee ka dhex bilowday mar labaad dowladda iyo Maamul Goboleedyada. Dowladda Soomaaliya ayaa waday qorsho ku aadan sidii shirkaan loogu soo weecin lahaa Magaalada Muqdisho balse waxay mucaaradnimo kala kulantay madaxda Maamul Goboleedyada oo iyagu ku adkeystay inuu shirkaas ka dhici doono Baydhabo sidii markii horeba loo qorsheeyey. Shirkaan ayaa la filaa in looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan siyaasadda, ammaanka, nooca doorasho ee dalka ka dhici doona sanadka 2020 iyo sidoo kale khilaafka soo cusboonaaday ee ka dhaxeeyo dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka dhashay sida laga yeelayo xiriirka dowladda Imaaraadka Carabta. Shirka Golaha Amniga Qaranka ee lagu wado in todobaadka soo socda uu ka furmo Baydhabo ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu jiro mad madow siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. Dhawaan ayey aheyd markii Madaxda Maamul Goboleedyada ay shir ku yeeshay baydhabo, kaasoo ay ka soo saareen war murtiyeed ay dhaliilo badan ugu jeediyeen dowladda Federaalka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo kulanka Baydhabo ka dhici doono haddii aysan wax iska badalin jadwalka loo qorsheeyey. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda ku sugan dalka Kenya, waxaana la filayaa inuu Maanta gelinka dambe dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, sidoo kalana qaar ka tirsan madaxda maamul Goboleedyada ayaa ku sugan Magaalada Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com