Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,940
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Somalia ay kasii baxeyso dhibaatooyinkii ay kusoo jirtay sanado badan kadib burburka dowladii uu Hoggaaminaayay Siyaad Barre. Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay inay u muuqato in shacabka Soomaaliyeed ay bislaadeen isla markaana xiligaan u baahan yihiin inay helaan Nabad iyo Nolol ku filan. Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee al-Shabaab dhibaato ku hayaan qaranimada Somalia loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka lagula jiro. ‘’Waxaan halkaan ka qirayaa in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo u jilicsan nabada, waxaa hortaagan keliya maleeshiyaadka nabadiidka ee u taagan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee sanadaha badan kusoo dhex jiray dagaalka’’ ‘’Waxaan qireynaa in al-Shabaab ay hortaagan tahay dowladnimada Somalia iyo nabad ka dhalata dalka oo dhan, sidaa aawgeed waxaan shacabka fareynaa inay iska qabtaan Shabaabka’’ Waxa uu Madaxweyne Farmaajo cod dheer ku sheegay in Nabada iyo Nolosha Umadda Soomaaliyeed aysan aheyn mid ku xiran shacabka Soomaaliyeed, balse waxa uu taa bedelkeeda sheegay inay ku xiran tahay al-Shabaab oo mar waliba u tagan daadinta dhiiga shacabka aan waxba galabsan. Waxa uu Farmaajo shacabka Soomaaliyeed xusuusiyay in adduunka ay ka hortageen maleeshiyaad ka meyl adag al-Shabaab sida Daacish, hase ahaatee adduunka ay u midoobeen ugu danbeyntiina laga tiray adduunka intooda badan. Waxa uu tilmaamay in al-Shabaabka looga hortagi karo keliya shacabka Soomaaliyeed oo bixiyaan canshuuraha Dalka si looga maarmo ku tiirsanaashaha kaalmada shisheeye dowladuna u bixiso qarashaadka Ciidamada Qaranka. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay khudbad taariiqi ah oo taabanaysa dhinacyo kala duwan kuna saabsan xaaladda guud ee Dalka ka hor jeediyay kalfadhigii sedexaad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaaso ahaa dastuuri. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo shaaciyay cida ay ku xirantahay Nabada iyo Dowladnimada Somalia appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka HirShabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in maamulka HirShabelle ay gacan ka taagteen difaaca maleeshiyaadka al-Shabaab. Guddoomiyaha waxa uu sheegay in maamulka ay ku adag tahay inuu iska difaaco maleeshiyaadka al-Shabaab, sababo la xiriira weerarada tooska oo sii kordhaaya. ‘’Waxaan halkaan ka xaqiijinayaa in maamulka uu gacan ka taagay xaalada amni ee deegaanada HirShabelle, waxaan dowlada Federaalka u sheegeynaa inaanu jirin jawaab aanu ka bixin karno weerar waliba oo nooga imaada dhanka al-shabaab’’ Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre, waxa uu hoosta ka xariiqay in maamulka Hirshabelle uusan wax awood ah u heynin xalinta dhibaatada amni ee deegaanada maamulka ka jirto isagoona madaxda dowladda Federaalka Somalia ugu baaqay in xili hore wax laga qabto dhibaatada jirta. Waxa uu sheegay in al-Shabaab mudooyinkii dambe ay dhibaatooyin ka geysanayeen inta u dhaxeysa wadooyinka Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar sidoo kale wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in wadooyinkaas bilooyin ka hor si amni ah ay Xildhibaanada iyo madaxda Hirshabeelle u isticmaalayeen balse hada ay ka jirto qataro amni iyo weeraro u badan qaraxyo oo al-Shabaab ay ka geystaan. Si kastaba ha ahaatee hadalka Guddoomiyaha waxaa uu imaanaya Xili maalinba maalinta ka dambeysa ay ii kordhayaan weerarada Alshabaab ay ka geystaan deegaanada Maamulkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post HirShabelle oo noqoneysa maamulkii ugu horeeyay ee al-Shabaab u qiray awood ‘’Maxaa soo kordhay’’ appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa si KMG ah ugu dhawaaqay inay hakiyeen wadda hadaladii kala dhexeeyay dowlada Federaalka ah ee Somalia. Maamulka ayaa sheegay in wadahadalka uu yahay mid ku jira hakat inta ay dib uga laaban doonaan go’aanka lagu hakiyay. Sacad Cali Shire oo ah Wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland, oo ka hadlaayay hakinta wadahadalka ayaa sheegay inaanay jirin duruuftii saamaxaysay in dib loo furo wada hadalka. Waxa uu sheegay Wasiir Sacad inay mudo bil ah dib u dhigeen wada hadalkii ay la yeelan lahaayeen dowladda Soomaaliya. ‘’Waxaan halkaan ka sheegeynaa inaanu dib u dhignay wadahadalkii aan la gali laheynay dowlada Somalia, hakatka waxa uu socon doonaa muddo bil ah’’ ‘’Waxaan hakatka u galinay wadahadalka waa duruuftii keentay wadahadalka oo aan noo saamaxeynin,kamaynaan noqon balse wakhtigan waxaa naheysta duruufo kale’’ Wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland ayaa intaa ku daray in wadahadalka uu yahay mid xalaal ah oo uu ansixiyay baarlamaanka maamulka. Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in hakatka wadahadalka ay ku dhawaaqday Somaliland ay tahay mid dabasocta Khilaafka maamulka kala dhexeeya dowlada Somalia oo iyadu diiday Heshiiska Dekadda Berbera. Xiisada ka dhalatay Heshiiskii Dekedda Magaalada Berbera ee maamulka Somaliland ayaa iminka gaaray halkii ugu xumeyd, waxaana suuragal ah in gabi ahaan wadahadalka uu istaago. Dowlada Somalia ayaan weli ka hadal go’aanka ay Somaliland ku hakisay wadahadalka, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu Khudbadiisa shalay ku sheegay wadahadalka Somaliland kala dhexeeya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Somaliland oo shaacisay inay hakisay wadahadalkii kala dhexeeyay DFS Xili uu Farmaajo.. appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha dowladda federalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagaya dalka Qadar, horaanta todobaadka soo socda. Waxaa booqashadaan madaxweynaha ku wehlidoona lix wasiir oo kamid ah golihiisa xukuumada iyo ganacsato, sida uu warsidaha Puntlandi xogta ku helay. Socdaalka Doxa ayaa kusoo beegmidoona waqti uu sii xumaanayo xiriirka u dhexeeya dowladda federalka iyo Imaaraatka Carabta. Waa socdaalkii labaad oo uu ku tagidoono dalka Qadar, oo lagu tilmaamo saaxiibka dhow ee dowladda federalka Soomaaliya. Bishii May ee sannadki hore ayay ahayd markii ugu horeysay ee dalkaas booqdo isagoo madaxweyne ah, waxaana uu lasoo saxiixday heshiisyo horumarineed oo aan weli waxba ka fulin. Dalka Qadar oo cadaadis xoogan uu ka saaran yahay dhinaca Khaliijka ayaa doonaya inuu saaxiibo iyo xulufaysi ka dhigto waddamo badan oo Soomaaliya ay kamid tahay. Puntlandi.com
  5. Kampala, Uganda | THE INDEPENDENT | President Yoweri Museveni has called upon the United Nations Security Council not to repeat previous mistakes made in Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Abdi Mohamed is a Republican Trump voter with a red “Make America Great Again” hat to prove it, and he is a practicing Muslim. Born in a Kenyan refugee camp, he now considers himself an American... Source: Hiiraan Online
  7. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa ka hadlay arinta maqaamka Magaaladda Muqdisho. Eng. Yariisow ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu u baahan yahay inuu helo xuquuq la mid ah tan Gobolada kale ee Wadanka, waxaana uu hoosta ka xariiqay inay lagama maarmaan tahay sidii uu Gobolka Banaadir matalaad ugu yeelan lahaa Aqalka Sare. “Shacabka reer Muqdisho waxay jecel yihiin inay arkaan sidii Jidadka loogu furi lahaa, sidoo kale waxay codsanayaan sidii loo da-dajin lahaa Maqaamkii ay yeeelan laheyd Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Duqa Muqdisho. hadalkaan ayuu gudoomiyuhu ka sheegay munaasabadii daah furka kalfadhigii 3-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay lagu qabtay Muqdisho. u xusul duubida Maqaamka Muqdisho ayaa sabab u aheyd in xilkii laga qaado Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed oo qilaaf ku saabsan Maqaamka Muqdisho soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxda Dalka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Yariisow”“ Shacabka Waxay Codsanayaan Sidii loo da-dajin Lahaa Maqaamkii ay Yeeelan Laheyd Muqdisho” appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa weli ku adkeysaneysa in waddo xalaal ah loo maray Heshiiska Dekadda Berbera ee u dhexeeyay Shirkada DP World iyo maamulka Somaliland oo xubin ka ah maamulada ka jira dalka. Dowlada Imaaraadka oo qorsho fog ka leh Heshiiskaas ayaa iminka bilowday isku day ay baarlamaanka Somalia uga hor istaageyso Mooshin laga wado Heshiiska. Imaaraadka ayaa isku daygaasi u adeegsaneysa tirro Xildhibaano ah oo ka tirsan isla baarlamaanka Somalia kuwaa oo la doonaayo inay kala dhantaalan Mooshinka iyo dadaalka lagu dardar galinaayo fashilinta Heshiiska Shirkada iyo maamulka. Illo ku dhow dhow Xildhibaanada loo adeegsanaayo burburinta Mooshinka iyo is hortaga qorshaha ay dowlada Somalia ku fashilineyso Heshiiska ayaa noo xaqiijiyay in abaabulka Xildhibaanadaas uu ka socdo Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho. Xildhibaanada ay dowlada Imaaraadka carabta u adeegsaneyso burburinta Mooshinka lidka ku ah Heshiiska Berbera iyo is hortaaga dadaalka Madaxdu ku dooneyso in lagu xaliyo ayaa tiiro ahaan gaaraya ilaa 21 Xildhibaan oo iminkaba wada abaabulka. Xildhibaanada ay dowlada Imaaraadka Carabta u adeegsaneyso is hortaaga Mooshinka ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo waayadan ahaa kuwo Saldhigtay magaalada Abuu Dabai,ee xarunta dalka isutaga Imaaraadka Carabta. Waxaa jiro Xildhibaano kale oo la sheegay inay kamid yihiin Faarax C/qaadir, Cabdiraxmaan Odawaa, Maxamuud Cilmi Abuukaate iyo Xildhibaano kale oo dhowr ah, kuwaa oo inta badan dhaqaale ku raacay is hortaaga qorshaha lagu badbaadinaayo Dekadda Berbera oo Hanti Qaran ah. Mashruuca ay dowlada Imaaraadka ku hor istaageyso qorshaha lagu laalaayo Heshiiska DP World iyo maamulka Somaliland, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay soo qaaten Xildhibaan Cumar C/rashiid oo adeegsanaaya Xildhibaanada mucaaradka iyo Xildhibaan Xiddig oo u dhexeeya dowladaha Imaaraadka iyo Ethiopia. Sidoo kale, dowlada Somalia ayaa dadaal dheer ku bixineysa badbaadinta Dekadda Berbera, waxaana jira Xildhibaano aad u badan oo dowlada Somalia garab kusiinaaya dadaalka lagu hor istaagaayo Heshiiskaasi, halka Xildhibaanada qaarna ay dhaqaale ku iibsanayaan dalka. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa lagu wadaa in gudaha asbuucaan ay go’aan cad ka qaadato faragalinta ay dowlada Imaaraadka ku heyso Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Imaaraadka oo fashilinta mooshinka Dekada Berbera u adeegsaneysa xildhibaano ka tirsan BF appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho loo magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa waxaa muuqaal mugdiya laga dareemayaa dhammaan laamiyada waaweyn ee magaalada Muqdisho. Muuqaalka laamiyada oo xiligii hore wanaagsanaa ayaa iminka u muuqda mid gabi ahaantiisa mugdi galay, kadib markii ay ciladoobeen dhammaan leyrarka ku shaqeeya cadceeda ee ku dhagan laamiyada. Laamiyada ay ka dameen leyrarka cadceeda ayaa waxaa kamid ah laamiga Makka al-Mukarama, Wadnaha, Tarabuunka iyo laamiga Cali kamiin oo gabi ahaantiisa aan heysan leyrar. Laamiyadan ayaa waxaa xiliyada habbeenkii ka jira cabsi dhanka isticmaalka ah, waxaana dhibaatada ugu badan ku qaba Gaadiidka iyo Mooto bajaajyada isticmaala. Laamiyada qaarkood ayaa waxaa ka muuqda dil dilaacyo ka dhashay Qaraxyada ka dhaca, waxaana dhibaato weyn ku qaba gaadiidka. Dhismaha laamiyada iyo ka shaqeysiinta leyrarka ayaa u muuqda mid uu ka gaabiyay maamulka cusub ee uu Hoggaamiyo Eng. Yariisow. Sidoo kale, laamiyada qaar ayaa waxaa qariyay caro tilmaameysa inaanu jirin mas’uuliyad muujineysa hagaajinta laamiyada ay ka sara mareen carada. Si kastaba ha ahaatee, maamulka cusub ee Gobolka banaadir ayaa u muuqda mid ka caajis badan maamuladii hore, waxaana xusid mudan in wakhtiga ay ku luminayaan kulamo aan mirro dhal laheyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Leyrarka laamiyada Muqdisho oo gabi ahaan u damay daryeel la’aan appeared first on Caasimada Online.
  10. Ethiopian security forces have mistakenly killed nine civilians in the town of Moyale located on the country’s border with Kenya, a pro-government blogger says citing the Command Post. Source: Hiiraan Online
  11. Dowladda Ethiopia ayaa sabtidii maanta ku dhawaaqday in 250 000 kun oo qof oo ku bara-baxday rabshadihii ka dhacay xuduudka u dhexeeya gobolka Oromada iyo kan dowlad-degaanka Soomaalida ee Ethiopia dib loogu celiyay degaannadoodii. Isagoo la hadlayey hay’adda Warbaahinta Ethiopia,Mitiku Kassa,guddoomiyaha guddiga maareynta Khatarta Musiibooyinka Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay in bara-kacayashu ay awoodeen in ay soo laabtan,kadib markii mas’uuliyiinta iyo odoyaasha labada gobol ay shir yeesheen bishii Febraayo. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay ka shaqeynayso in ay sida ugu dhakhasaha badan u soo celiso intii ka hartay 600 000 kun oo ka cararay rabshadihii dhacay bishii April ee sannadkii 2017. Kassa ayaa sidoo kale sheegay in 86 000 kun oo kamid ah kuwa soo laabtay loo sameeyey dhaqan-celin ,iyadoo la kaashanayo mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Ethiopia iyo dowlad-degaannada. Dowlad-degaannada Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia ayaa khilaaf ku saabsan xuduudka ay wadaagan ku soo jiray muddo ku dhow 20 sano. Bishii October ee sannadkii 2004,afti la qaaday ayaa lagu calaamadiyay soohdinta labada dhinac,hayeeshee fulinteedii ayaa la hakiyay,kadib markii labada dhinac midba midka kale ku eedeeyay in uusan u hoggaansamin natiijadii aftida. isku-dhacyo isir ku salaysan oo ka dhacay xuduudka dheer ee labada gobol tan iyo bishii September,ayaa sababay dhimashada tobanaan ruux iyo bara-kac kumanaan kale. Halkaan ka akhriso Warbixintan oo ay qortay Wakaaladda Wararka xinhua PUNTLAND POST The post 250 000 kun oo ku bara-baxay Colaaddi Oromada iyo Somalida oo degaannadoodi lagu celiyay. appeared first on Puntland Post.
  12. A diplomatic row is looming between Somalia and the United Arab Emirates over last week’s controversial sale of a minority stake in Somaliland’s Port of Berbera to Ethiopia, by UAE-owned Dubai ports operator DP World. According to the deal which was signed last week and whose value was not disclosed, Ethiopia acquired a 19 per cent stake in in the port, while DP World and the republic of Somaliland retained 51 per cent and 30 per cent stakes, respectively, in the project. However, the Federal Government Somalia has the declared the deal defective, and sought the intervention of the Arab League. In a letter seen by The EastAfrican, Somalia sought the attention of the council of ministers over the deal, which it says was signed by “an official with no authority” and was reversing gains on the unity of Somalia. However Somaliland refuted this opposition to the deal arguing that the agreement was nothing new but an extension of an earlier agreement. In 2016, DP World took a 65 per cent stake in Berbera as part of a joint venture with Republic of Somaliland to invest up to $442 million in the development and management of a multi-purpose port project at Berbera, in a 30-year concession. The deal with DP World and the planned development of Berbera would help landlocked Ethiopia secure an additional logistical gateway for its expanding import and export trade. Ethiopia is however yet to comment on the ongoing dispute. Somaliland declared itself an autonomous region since 1991, after the collapse of Somalia’s central government but the two have always has always clashed mainly over the use of resources, and governance and territorial areas. East African
  13. By Ahmed Abdi Oromia—Ethiopian army killed a dozen of civilians in the Oromia town of Moyale, near the border of Kenya on Saturday, Oromo activists say. “At least 13 civilians have been killed around the Kenya-Ethiopia border in Moyale-Borona area, and scores of others wounded by the Agazi forces,” said Jawar Mohammed, referring TPLF forces mostly of Tigre origin. He said the wounded civilians were transferred to the neighboring regional state of the Southern Nations, Nationalities, and Peoples’ Region. The Online activist accused the government of planning to execute more other people after the people of the area experienced a night power cut. “After massacring over 13 people, the regime has cut off electricity to Moyale town. They might be planning further atrocity, said Mr. Mohammed. Ethiopian and Oromo Officials in Finfinee (Addis Ababa) were unavailable for comment. Oromia is one of two regional states the regime imposed a state of emergency (SOE) and the Ethiopian authorities ordered late last month the country’s security forces to “take all the necessary measures” to deal with anti-government agents in the restive Oromia region. UN says the peoples in Oromia, Ogaden and Afar-land are “facing a complex humanitarian crisis” due to recurrent droughts and ethnic violence.
  14. Somaliland signed a tripartite agreement with DP world and the Ethiopian government. This tripartite agreement allows DP world and the Ethiopian government to operate and invest on Berbera port and corridor. The Berbera port and corridor are expected to boost the economy of the greater Horn of Africa region and beyond. Landlocked East African countries like Ethiopia, South Sudan and Uganda are expected to benefit enormously from the development of Berbera port. This project will encourage international investment, create much needed jobs and enhance the socioeconomic development of the whole region. Additionally, the development of this mega project will very much contribute to the larger political and socioeconomic integration of the African continent. The primitive clan-based and selected Somalia government in Mogadishu has a different short-sighted take on the tripartite agreement. Since the so-called Somalia leaders were neither consulted nor a signatory to the tripartite agreement, do they believe that they can render Berbera port and corridor agreement null and void. Somalia leaders are blinded by their ignorant super egos and corrupt minds; they only measure things on their own personal bribery gains, which are usually achieved through intimidation, falsehood and coercion. This besmirched mind is what makes them statesmen during the day and Al-Shabaab cohorts during the fall of the night. Somalia fallaciously claims that its jurisdiction falls over the Republic of Somaliland. Since the signing and sealing of the Berbera agreement, Somalia’s prime minister and president began throwing televised tantrums. They have issued televised sadistic legal and military terrorization threats against Somaliland, UAE and the Federal Republic of Ethiopia. In contrast to its claim, Mogadishu government does not have legal jurisdiction over the Republic of Somaliland. To begin with, Somaliland and Somalia were not legally united in 1960. There was no legally binding Act of Union that was agreed upon and signed with Somalia. Suffice to say, there wasn’t even an official celebratory signing event that took place to triumphantly commemorate the alleged union of the two states. On June 1960 the Somaliland council of ministers prepared an Act of Union for the merger of the two neighboring Somali states, that act consisted of 23 articles and it was also endorsed by the Somaliland parliament. The Somaliland Act of Union was thrown to the dustpan by the Somalia legislators and it was replaced with a two- article act of union solely drafted, and retroactively endorsed by the Somalia parliament. From then on, Somaliland was considered as Somalia colonial territory and not a partner in a two state union. Regrettably after that bogus union, Somalilanders were treated worst than second class citizens. Somaliland was in the receiving end of inhuman political and socioeconomic alienation, which finally culminated to genocide. At the end, Somaliland defeated Somalia’s atrocious war machine and reclaimed its independence. Subsequent to the re-proclamation of Somaliland’s independence on May 18th, 1991, Somaliland has become an oasis of peace and democracy in the troubled Horn of Africa. It made great effort to become a reliable international partner in the war against terrorism, piracy and human-trafficking. The geographic location and its political stability make Somaliland a very suitable center for international trade. Somaliland aims to become a magnet for a worldwide investment. For that reason, Somaliland is trying its best to get integrated into the geopolitical, financial and the international economic systems. On the other hand, Somalia does not have plans for its future and it uses all its energy to bring Somaliland down to its miserable levels. One must ignore Somalia’s delusional and spurious claims and must effortlessly read the International law to discover that Somaliland meets all the conditions to qualify as an independent state. Article 1 of Montevideo accord defines the state as a person of international law should possess the following qualifications: a. a permanent population; b. a defined territory; c. government; and d. Capacity to enter into relations with the other states. Again, Article 3 of Montevideo convention states: “The political existence of the state is independent of recognition by the other states. Even before recognition the state has the right to defend its integrity and independence, to provide for its conservation and prosperity, and consequently to organize itself as it sees fit, to legislate upon its interests, administer its services, and to define the jurisdiction and competence of its courts. The exercise of these rights has no other limitation than the exercise of the rights of other states according to international law.” Despite all these legal, historic and moral facts on the ground, Somalia absurdly insists that it has jurisdiction over Somaliland. Somalia is not only flexing its atrophic military muscle and boorishly threatens to wage a war against Somaliland, but it also an unrealistically threatens Ethiopia and UAE, who are both major contributors to Somalia’s defense against Al-Shabaab and to Somalia’s economy respectively. Somalia has already filed a complaint against the UAE with the Arab League secretariat, the Islamic congress and the United Nations. Somalia is also preparing to forward a similar complaint against the Federal Republic of Ethiopia to the African Union. Somalia leaders have perfectly fallen to believe the generation to generation inherited mendacity. They think, if they close their eyes then the International Community will see nothing and that they will be able to get away with their distortions of facts. It is widely believed that Somaliland-Somalia talks are fruitless and waste of time. Somalia did not honor any of its previous agreement with Somaliland. There is no hope for an amicably aligning the political divergence of the two neighboring countries. Therefore, a Somaliland-Somalia dialogue is only a hindrance to the international recognition of Somaliland’s sovereignty. Somaliland must quit the talks with Somalia unless Somalia acknowledges its past wrong doings and agrees to all Somaliland’s preconditions. Dr. Yusuf Dirir Ali, MD Burao, Republic of Somaliland E-mai: drdirir@gmail.com
  15. Dalladaha Ururadda aan dowliga ahayn ee PUNSAA iyo SOSCENSA oo ay ku mideysan yihiin inta badan ururada ka jira dalka Soomaaliya ayaa si wada jir ah warsaxaafadeed ka kooban 6 qodob uga soo saarey kulamo aqoon isweydaarsi ah oo loo qabtey ururada bulshada rayidka kuwaas oo hawshoodu tahay dardargelinta geedi socodka dib u eegista dastuurka, waxayna kulansiiyeen guddiga la socodka dib u eegista dastuurka ee labada aqal iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Federalka iyo Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta qabyo qoraalka dastuurka. Warsaxaafadeedka dalladaha ayaa loogu baaqay hay,addaha ku shaqada leh dib u eegista dastuurka yareynta khilaafka dhexdooda ah kaas oo ay sheegeen inuu niyad jab u noqon karo shacabka Soomaaliyeed. Waxay taageereen go,aankii maxkamadda qaranka ee ku taarikheysnaa 15 November kaas oo ugu baaqay Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah inay dhamaystiraan qabyo qoraalka dib u eegista dastuurka sanadka 2018-ka. Akhriso Warsaxaafadeedka Dalladaha PUNSAA iyo SOSCENSA. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Dalladaha PUNSAA iyo SOSCENSA oo warsaxaafadeed kasoo saarey arrimaha dib u eegista dastuurka. appeared first on Puntland Post.
  16. Maamulka Soomaaliland ayaa ku dhawaaqay in muddo bil ah ay hakiyeen wada hadalo lagu waday in ay yeeshaan Maamulka Soomaaliland iyo Dowlada Dhexe ee Soomaaliya. Dr Sacad Cali Shire wasiirka arimaha dibada ee maamulka Soomaaliland oo wariyaasha Hargeysa kula hadlay ayaa sheegay in Soomaaliland ay hakisay muddo bil ah in qabsoomida wada hadaladii labada dhinac. Wasiir Sacad ayaa sheegay in wada hadalada guud ahaan aanay hakin Soomaaliland hayeeshee daruufo jiro aawgeed wada hadaladaasi loo hakiyay muddo bil ah. “Wadda hadalada inaynu la galno waa arinkii baarlamaanku ansixiyey ee dawlad ahaan aynu qaadanay kamaynaan noqon balse wakhtigan xaadirka ah duruuftii saamaxaysay in la wada hadlaa ma jirto markaa mudo bil ah ayaanu dibu dhignay wada hadaladii” Ayuu yiri Wasiir Sacad. Go’aankaan ay qaadatay Soomaaliland ee lagu hakiyay wada hadalo lagu waday in ay yeeshaan labada dhinac ayaa sabab u ah kadib markii dowlada Soomaaliya ay sharci daro ku tilmaamtay heshiiskii DP World iyo maamulka Soomaaliland waxaana xiisadaasi u dhaxeeysa Soomaaliland iyo Soomaaliya ee dhinaca warbaahinta ay cirka isku sii shareertay todobaadyadii la soo dhaafay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Soomaaliland oo Hakisay Wada hadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland appeared first on Puntland Post.
  17. On the days before and after US secretary of State Rex Tillerson embarked on his first official trip to Africa, one issue has risen as the main concern among American officials: China’s ascendant role in the African continent. Source: Hiiraan Online
  18. ADDIS ABABA, March 10 (Xinhua) -- Ethiopia announced on Saturday that 250,000 people displaced by conflict along the boundary of the Oromia and Somali regional states have been repatriated. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay si wada jir ah uga soo qeyb galeen xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Madaxwaynaha oo khudbad u jeediyey xubnaha labada Gole ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixinayaan ka mari dhalinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin iyo sida ay uga go’antaahy in ay kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya. “Waxaa Ilaah Mahaddiisa ah, in goleyaasha baarlamaanka iyo laamaha kale duwan ee dowladda ay gacmaha is heystaan oo wada shaqeyn buuxda leeyihiin, taas oo keentay in wax badani ay inoo qabsoomaan, wax bandanna aan gacanta ku hayno, iyadoona in kale inoo qorsheeysantahay.”Ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyey mudanayaasha Baarlamaanka siyaasadda dalka,amniga, dhaqaalaha, xiriirka caalamiga ah, dib u heshiisiinta iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah oo la shaqeynaysa Dowlad Goboleedyada dalka ay dhammeystirtay qorshaha abaabulka iyo howl gelinta ciidanka, si dalka looga xoreeyo cadawga Alshabaab. “Dowladdu waxa ay dejisay istaraatiijiyadda difaaca dalka, waxaan bilownay isku-dhafka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo fududeynaysa in aan mideyno awooddeenna iyo cududdeenna si aan dalka u xoreyno.” Madaxweynaha ayaa mar kale cusbooneysiiyey cafiskii uu u fidiyey dhallinyarada la marin habaabiyey ee ka tirsan Alshabaab, waxa uuna tilmaamay sida ay uga dhabeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ballan-qaadkii ku aadanaa dadka ka waantooba falalka argagixisanimo. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dowladda Federaalka kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq maasuqa, dib u eegista Dastuurka, dib u soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jiray qaar ka mid ah xabsiyada dalalka shisheeye, la soo wareegidda maamulka hawada iyo dib u soo nooleynta kaalinta hoggaamineed ee Soomaaliya ay ku lahayd dunida. “Waxaan dadaal adag ugu jirnaa in aan markii ugu horreysay hoggaaminno Urur Goboleedka IGAD oo aan ka mid nahay dowladihii asaasay. Waxaan haysannaa fursad aad u wanaagsan in naloo doorto jagadaas. Sidoo kale waxaan dadaal ugu jirnaa sidii Soomaaliya ay uga mid noqon lahayd ururka ganacsiga mideysan ee waddamada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA.”Ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in xiriirka ka dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada dalka uu gaarsiisanyahay heerkii ugu sarreyey, iyadoona Isfahan iyo wada tashi uu asaas u yahay. Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan wada hadalladii ay Dowladda Federaalku la wadday Soomaaliland, ujeedkuna uu yahay in la gaaro mustaqbal wanaagsan iyo qarannimo ay ku faani karaan shacab Soomaaliyeed. “Dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin, wixii khilaaf ahna waxaan ku dhammeyn doonnaa miiska wada hadallada insha Allahu.” Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyey sida ay uga go’antahay ilaalinta iyo dhowrista Soohdimaha, xornimada iyo midnimada dalka Soomaaliyeed, xiriirkasta oo heer caalami ahna ay asaas u tahay danaha iyo sharciyada dalka. Ugu dambeyn, Madaxaweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay labada Gole ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda in ay xoojiyaan xiriirkooda, ayna adkeeyaan wada shaqaynta ka dhexeeysa. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha DF oo khudbo dhinacyo badan leh u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  20. US Secretary of State Rex Tillerson will resume his normal schedule on Sunday after canceling his Saturday schedule of events due to illness. Source: Hiiraan Online
  21. Duqa cusub ee degmada Bosaaso C/salaan Bashiir C/salaan Ahna Wasiir kuxigeenka Wasaarada Maaliya Puntland , dhawaana lawaregay xilka Duqa degmada Bosaaso , ayaa maanta waxa uu Tirakoob balaaran uu ku sameeyay shaqaalaha dowladda hoose ee ee degmada Bosaaso , si loo ogaado tirada shaqaalaha shaqaysa iyo Shaqaalaha aan soo xaadirin shaqada. Agaasime waaxeed yada ee dowladda hoose ayaa lagu Amray in ay soo diiwaan galiyaan guud ahaan shaqaalaha ka howlgala dowladda hoose ee degmada Bosaaso . Duqa cusub ayaa shaaqala ku amray in ay dar dar galiyaan Shaqadooda qofkii ka soo bixi waaya waajibkiisana shaqada si toos ah looga ceerin doono. Tira koobkan lagu samaeeyay maanta shaqaalaha dowladda hoose ee Magaalada Bosaaso ayaa waxa uu lahaa labo aragti oo kala ah isabarasho iyo in la ogaado Shaqaalaha rasmiga ah ee ka howlgala dowladda hoose ee Bosaaso. Halkan ka dhagayso . Codka duqa iyo xog hayaha Sawirro.
  22. NAIROBI, KENYA — U.S. Secretary of State Rex Tillerson cancelled events in Kenya Saturday to seek respite from what has been an extraordinarily busy schedule, according to the State Department. Source: Hiiraan Online