Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,055
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo shalay galab gaaray magaalada Kismaayo Kulankan ayaa ka dhacay Madaxtooyada Kismaayo, halkaasoo uu Axmed Madoobe ku soo dhoweeyay saaxibkiis hore Mukhtaar Roobow. Kulankaan ay wada qaateen Axmed Madoobe iyo Muqatar rooboow oo ahaa mid aan horay loosii shaacin ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu horay Maamulka Jubbaland u qorsheeyay. Muqtaar Rooboow iyo Axmed Madoobe oo ahaa Saaxiibo hore ayaa isla gorfeeyay qaabka loo wajihi karo dagaalka Al-Shabaab iyo fursadaha loo heysto waqtigaan. Mukhtar Roobow ayaa u bandhigay Axmed Madoobe qorshayaal ku saabsan qaabka loo wajihi karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sida xilligan looga faa’ideysan karo fursadaha la heysto. Waxaa lagu wadaa in maanta uu kormeero ku tago meelo ka mid ah magaalada Kismaayo, gaar ahaan xeryaha ciidamada, waxaana lagu wadaa inuu dib ugu laabto magaalada Muqdisho. Muqtaar Roobow ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay isaga oo marti u ahaa Madaxweyne Shariif Xasan waxa uuna kormeeray Xerooyin ciidan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Axmed Madoobe iyo Roobow oo ka wada hadlay tallaabooyin dhibaato ku noqon doono Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi, ayaa maanta ku dhowaaqay liiska xubnaha golihiisa wasiiradda. Halkaan hoose ka akhriso. 1. Sacad cali shire wasiirka arimaha dibada 2. Yaasiin faratoon waxbarashada 3. Xasan ismaaciil warsame wasiirka Qorshaynta iyo horu marinta 4. Maxamed kaahin arimaha gudaha 5. Ciise Axmed Yuusuf Cadale wasiirka Gaashaandhiga 6. Yuusuf Maxamed Cabdi wasiirka horu marinta maaliyada 7. Cabdiqani wasiirka cadaalada 8. Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed wasiirka diinta iyo awqaafta. 9. Axmed muumin seed wasiirka horu marinta beeraha 10. Cabdriashiid xaaji ducaale wasiirka hawlaha guud 11. Yuusuf maxamuud Nuur wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada 12. Dr Cabdi Wali Sheekh Cabdilaahi wasiirka Isgaadhsiinta iyo technology 13. Maxamuud xasan sacad wasaarada ganacsiga warshadaha 14. Hinda jaamac xirsi wasiirka arimaha bulshada iyo qoyska 15. Maxamed axmed maxamuud cawad wasiirka horu marinta maal gashiga. 16. Xasan maxamed cali gaafaadhi wasiirka xanaanada xoolaha 17. Cabdiraxmaan cabdilaahi faarax diiriye wasiirka warfaafinta wacyi geinta iyo dhaqanka 18. Shugri baandare wasiirka deegaanka iyo horu marinta reer miyiga. 19. Saleebaan koore Yuusuf Cali Koore horu marinta biyaha. 20. Jaamac maxamuud cigaal wasiirka macdanta iyo tamarta 21. Cabdilaahi abokor cismaan wasiirka gaaddidka iyo horu marinta jidadka 22. Maxamed xaaji cilmi wasiirka arimaha dastuurka 23. Maxamed muuse abees wasiir xigeenka warfaafinta 24. Yurub Abiib Cabdi Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha 25. Maxamed daahir wasiir ku xigeenka horu marinta maaliyada. 26. Cabdiqaadir maxamuud dhaga wayne wasiir xigeenka waxbarashada 27. Cabdinaasir cumar rooble wasiir xigeenka horu marinta caafimaadka. 28. Sahal maxamed jaamac faarax wasiir xigeeenka gaadiidka iyo horu marinta jidadka. Fiiro Gaar Ah:- Waxa Jira Masuuliyiin La Magacaabay Oo Ka Maqan Liiskan Kuwaas oo aanu goor dhaw idiin soo gudbin doono. Puntlandi.com
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – In ka badan 19 Askari oo ka mid ah Booliska Soomaaliya ayaa ku geeriyooday kaddib markii saaka uu Qof is miidaamiyay ku qarxay barxadda Dugsiga Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho. Ciidanka ayaa xilliga la weerarayay sameynayay Gaardis aroortii ah,waxaana sidoo kale ay isu diyaarinayeen Xuska Maalinta Booliska Soomaaliyeed ee 20ka Bisha December. Sidoo kale Askar ka badan inta dhimatay ayaa ku dhaawacntay weerarkaas waxaana loo qaaday Isbitaallada Ciidanka ee Magaalada Muqdisho. Qof ka isqarxiyay ayaa watay dharka Ciidanka waxaa kale oo uu xirnaa Jaakad ay ku xiranyihiin waxyaabaha Qarxa,waxaa uu ku qarxay barxadda dhexe ee Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye. Dhinaca kale Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas waxaana ay sheegeen in askar badan oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay ku dileen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Immise ayey gaartay tirada ciimdadii ku dhintay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee General Kaahiye? appeared first on Caasimada Online.
  4. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Somaliyed ee General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho. Ismiidaamintan oo uu fuliyay ruux xirnaa dharka ciidanka Booliska ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu halkaasi ku dilay tobanaan ka tirsan ciidamada Booliska Somaliyed. Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaasi iyaga ay fuliyeen, islamarkaana ay ku dileen askar badan oo Boolis ah, khasaaraha weerarka ka dhashayna dib ay ka soo sheegi doonaan. “Mujaahidiinta ayaa Qarax xooggan ku beegsaday Maleeshiyaad ah xilli ay safaf kujireen gudaha xarunta Tababarka Booliska Iskoola Boliisiyo khasaaraha ka dhashay weerarka dib ayaan kasoo sheegi doonnaa.” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab kasoo baxay. Saraakiisha ciidamada Booliska Somaliya weli kama aysan hadlin ismiidaamintaan ka dhacday Dugsiga Tababarka ciidanka Booliska Somaliyed ee Magaalada Muqdisho. Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Booliska Somaliya ayaa tagay goobta qaraxa ismiidaaminta ah uu ka dhacay, halkaasi oo ay ku qiimeynayaan khasaaraha ka dhashay qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shabaab oo warbixin xasaasi ah kasoo saaray ismiidaaminta ka dhacday General Kaahiye appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Aadan Shaacir oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka laabtay mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo uu saxiixay saddex Maalmood ka hor. Xildhibaanka ayaa sheegay in uu garowsaday ka laabashada mooshinkaas oo sida uu sheegay uu ku deg degay markii hore hayeeshee hadda gartay in uu ka laabto. Shaacir ayaa sheegay in uu la dhacsanyahay Dowladda Madaxweyne Farmaajo sida ay wax u waddo islamarkaana ay jirto sanad kaliya oo aan lagu deg degi karin mooshin hadda laga keeno. Xildhibaannada isaga la midka ahaa ee saxiixay Mooshinka ayuu sidoo kale ugu baaqay in ay ka laabtaan,islamarkaana dowladda ka joojiyaan mooshinnada. Xildhibaanku ma sheegin sababta uu mooshin uga laabtay marka laga reebo in uu sheegay in uu iskiis u go’aansaday,waxaana sidoo kale jira Xildhibaanno kale oo saxiixay mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Shaacir: “waan ka laabtay mooshinkii aan 3 maalin ka hor saxiixay” appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar Qarax ah oo lala beesaday maanta ciidamo ka tirsan Booliska Somalia oo isku diyaarinayay inay ku gaardiyaan gudaha dugsiga tababarka jeneraal Kaahiye ee Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir. Weerarkan ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 17-askari oo ka tirsan booliiska Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan; waxaana qaraxan uu noqonayaa mid ka mid ah qaraxyadii ugu khasaaraha badnaa ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii xilka loo doortay Madaxweyne Farmaajo. Afhayeen u hadlay Al-shabaab oo lagu magacaabo, C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in weerarkaas uu fuliyay qof xirnaa jaakadaha Qarxa, isla markaana uu khasaare ba’an u geystay ciidammo xerada la weeraray ku suganaa. Sidoo kale, Abuu-Muscab oo la hadlayay Reuters ayaa sheegay in weerarkan ay ku dileen 27 ruux oo isugu jiray askar iyo saraakiil ka tirsan booliiska Somalia, isla markaana uu weerarkan ka mid ahaa kuwa ay ku doonayaan inay dowladda hadda jirta ku curyaamiyaan. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in illaa 15 askari oo boolis ah ay ku dhimatay, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen. Ruuxa weerarkan fuliyay ayaa iska soo dhigay askari, isagoo xirnaa dareyska ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Waxaana ciidamada Qaraxa lala beegsaday ay ahaayeen kuwo loo diyaarinayay inay ka qayb-qaataan Munaasabadda Maalinta Booliiska Soomaaliyeed. Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in xilliga weerarkan uu dhacayay ay isku diyaarinayeen ciidamadan la weeraray inay gaardiyaan, balse taasi ma dhicin oo waa la weeraray, laakiinse waxaa khasaaraha inta uu ka badan lahaa haddii uu dhici lahaa qarxan xilliga gaardiska lagu jiro, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliiska Somalia. Ugu dabeyn, Weerarkan ay Al-shabaab sheegatay oo ka dhacay barxadda lagu tababarto ee Dugsiga Jeneraal Kaahiye, ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay isku diyaarinayeen ciidamada booliiska xuska maalintooda oo ku began 20-ka bishan December. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegay mas’uuliyada Qaraxii Maanta lala beegsaday Dugsiga Jen. Kaahiye appeared first on Puntland Post.
  7. Emir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani with the President of Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo. The meeting was held on the sidelines of the extraordinary summit of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held at the conference centre in Istanbul. The meeting reviewed the bilateral relations and the means to boost and develop them. In addition, the meeting discussed a number of topics of common interest. The President expressed his gratitude to H H the Emir for Qatar’s support to the Republic of Somalia and its government in order to establish a safe and stable state and its efforts to achieve sustainable development through supporting several developmental projects. The meeting was attended by Their Excellencies the delegation accompanying H H the Emir. From the Somali side, and the meeting was attended by a number of Their Excellencies the Ministers. Peninsula
  8. Barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya ayaa digniin xoogan kasoo shir magaalada Baydhabo lagu qabanayo oo lagu casuumay guddoomiyayaasha barlamaanada dowladdaha xubinta ka ah dowladda federalka ee Soomaaliya. Shirkaan oo uu qaban qaabinayo barlamaanka aqalka hoose ee Soomaaliya, ayuu aqalka sare ku tilmaamay mid halis ku ah nidaamka federalismka Soomaaliya islamarkaana aanu awood barlamaanka Soomaaliya u lahayn inay shirkaas iyagu qabtaan. Aqalka sare wuxuu ku eedeeyay barlamaanka Soomaaliya inuu isticmaalayo awoodihii aqalka sare islamarkaana ay u shaqeynayaan sidii inaanu jirin wax la yiraahdo aqala sare. Halkaan hoose ka akhriso war saxafaadeedka aqalka sare. Puntlandi.com
  9. A suicide bomber disguised as a policeman blew himself up inside a police training camp in Somalia’s capital Mogadishu this morning and killed at least 15 officers, officials said. Police spokesman Major Mohamed Hussein said the attacker had explosives strapped to his body and infiltrated the General Kahiye Police Training Academy during an early morning parade. “So far 15 have died and 17 others were injured,” Abdullahi Nur, another police official, told Reuters. Earlier, the head of a local ambulance service said they had moved the bodies of 13 victims as well as 15 injured people. The militant Islamist group Al-Shabaab claimed responsibility for the attack and gave a higher death toll. “We killed 27 police [officers] and injured more,” Abdiasis Abu Musab, the group’s military operations spokesman, told Reuters. Al-Shabaab carries out frequent bombings in Mogadishu and other towns. The group, which is allied to Al-Qaeda, is waging an insurgency against the UN-backed government and its African Union allies in a bid to topple the weak administration and impose its own strict interpretation of Islam. The militants were driven out of Mogadishu in 2011 and have since been steadily losing territory to the combined forces of African Union peacekeepers and Somali security forces.
  10. Weerar Ismiidamin ah oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababbay ayaa saaka lagu qaaday Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho. 17 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarkaas, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 17 kale, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay inuu tagay goobta weerarku ka dhacay. Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa sheegay inay halkaasi ku dileen 27 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska, balse ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee halkaas ka dhacay. Dowladda Soomaaliya illaa hadda kama aysan hadlin khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkan la la beegtay Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee Muqdisho, marka laga reebo qoraalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Ciidamada weerarka la la beegsaday ayaa isu diyaarinayay xuska maalinta Booliska Soomaaliyeed ee 20 December. PUNTLAND POST The post 17 Askari oo ku dhintay weerar ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wafdiga Taliyaha ayaa socdaalkan ku weheliyaha Saraakiil sare sare oo ka tirsan Puntland kuwaas oo qayb ka ah Sagoontinta ciidamada Booliska ee dawlada Federalka Soomaaliya qayb uga noqonaya Isku dhafka ciidamada xooga dalka Soomaaliya. 2,400 Askari iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa maanta munaasibad lagu soo dhawaynayo ay ka socotaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Soo dhawaynta masuuliyiintan kadib ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan inta aysan ka bixin magaalada Gaalkacyo inay maamulada Puntland iyo Galmudug la qaataan kulamo Goos Goos ah kuwaas oo hordhac u ah Nabad Galyada gobolka Mudug. Puntlanddi.com
  12. Muqdisho (Puntlandi) Weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay nin ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda ayaa ka dhacayMuqdisho. waxaana la sheegayaa inay ku dhinteen 17 askar ah. Weerarkaan ayaa ka dhacay Akadamiyada ciidanka General Kahiye, halkaas oo uu ciidan katirsan kuwo booliiska tababar loogusoo xirayay. Afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Mohamed Hussein , ayaa sheegay ismiidaamiyuhu inay usoorto gashay inuu gudaha usoo galo xarunta tababarka ciidanka, waxaana uu sheegay dadka dhintay inay ku jiraan saraakiil ciidan. Askarta ku dhimatay falkaan ayaa la sheegayaa inay intaas kasii badan tahay, dhaawacuna wuxuuna marayaa 15 askari. Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan. Waa markii labaad oo Alshabaab isku qarxiyaan goob ciidan tababar loogu hayay. Puntlandi.com
  13. Afar iyo toban qof oo is kugu jira caruur iyo dad waayeello ah ayaa 24 saac ee ugu dambeysay ugu geeriyootay cudurka shuban biyoodka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Cudurkaan ayaa sidoo kale soo ritay ku dhawaad 80 kale oo qof kuwaasi oo ku nool magaalda Baledweyne iyo deegaannada hoos yimaada sida ay sheegeen maamulka Isbitaalka Baledweyne. Dadka uu soo ritay cudurkaani ayaa qaarkood waxaa la dhigay Isbitaalka,halka qaarka kalana ay yaallaa xaafadaha. Dr Axmed Khaliif oo ah agaasimaha Isbitaalka Baledweyn ayaa sheegay tirda dadka u dhintay cudurkaani . “Waxaan ku talo galnay maanta inaan soo aragno dhibaatooyin laga sheegayo degmada Baledweyne inta aan ognahay waxaa u dhimatay toban qof waxyaabaha keenay dhibaatada waxaa ugu wacan nadaafad xumida ka jirta deegaanka, waxaa kaloo u sabab ah nafaqo darro dadka u sii dheer”. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dilaacay gobolka Hiiraan cudurka shuban biyoodka waxaa uuna soo ritay dad badan oo is kugu jira caruur iyo da’ waxaana u dheer cudurka nafaqo darro baahsan oo ay dadkaani la il daranyihiin taasi oo sii xoojineyso inay kororto dhimashada. Goobjoog News Source
  14. Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ismidaamin ah oo saakay ka dhacay Dugsiga tababarka ciidamada Jeneraal Kaahiya ee magaalada Muqdisho. Qoraal ay soo dhigeen baraha ay ku leeyihiin Internetka ayaa waxay ku sheegeen iney iyaga ka dambeeyeen weerarkaasi oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid ay muddo diyaarinayeen. Waxay sheegeen in ay dileen askar ka tirsan ciidanka Booliiska xilli ay safaf dhaadheer ku jireen barxadda Jeneraal Kaahiya. In ka badan 10 qof ayaa ku dhimatay qaraxii Ismiidaamin ahaa ee saakay ka dhacay dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source
  15. Madaxweynaha mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhowaan ku dhowaaqay inuusan ka tirsaneyn Xarakada Al-shabaab. Roobow ayaa shalay gaaray Kismaayo kadib sida la sheegay casumaad uu ka helay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Waxyaabaha ay ka wada hadleen Labadan mas’uul ayaa ugu badan sida loo wajihi karo dagaallada ka dhan ah Al-shabaab, maadaama Jubbaland ay qorsheyneyso iney duulaan ku qaaddo deegaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin Jubbooyinka iyo Gedo. Abuu Mansuur ayaa Axmed Madoobe siiyey macluumaad badan oo la xiriira sida loola dagaallami karo Al-shabaab iyo arrimo kale oo dhanka ciidanka ah. Mukhtaar Roobow ayaa dhowaan tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo uu kormeeray xeryaha ciidamada, waxaana xigay safarkiisan Kismaayo. Goobjoog News Source
  16. Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, balse u abaabulan qaab beeleed ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Dagaalkan ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Buulo-maaxaay, waxaana la sheegayaa in dhinacyadan isku hayaan lahaanshiyaha dhul halkaasi ku yaalla. Wararku ayaa intaasi ku daraya in dagaalkii xalay uu khasaare ka dhashay, balse lama oga inta khasaaraha la egyahay. Ciidamada xasilinta Muqdisho oo qudhooda doonayey iney xalliyaan dagaalkan soo noqnoqday ayaa la sheegay in garab kamid ah dhinacyada is haya ay rasaas kala kulmeen. Waa markii Sadexaad oo lagu dagaallamo xaafadda Buulo-maaxaay ee degmada Kaaraan, iyadoo ciidanka dagaallamaya yihiin kuwo dowladda ka wada tirsan balse qaab qabiil u kala abaabulan. Maamulka degmada Kaaraan weli wax war ah kama aanu soo saarin dagaalladan soo noqnoqday, iyadoo shacabkii deganaa xaafadda dagaalladan kusoo noqnoqdeen ay bilaabeen iney halkaasi isaga barakacaan. Degmada Kaaraan ayaa kamid ahayd degmooyinka ugu amniga badan ee magaalada Muqdisho, balse dagaalladan ayaa baqdin ku beeray dadka shacabka ah. Goobjoog News Source
  17. A suicide bomber in police uniform blew himself up inside a police training camp in Somalia’s capital Mogadishu on Thursday, killing at least 13 police officers, officials said. Police spokesman Major Mohamed Hussein said the attacker, with explosives strapped to his body, infiltrated the General Kahiye Police Training Academy and struck during a police parade. Abdikadir Abdirahman, the director of Amin Ambulances, told Reuters: “We have carried 13 dead people and fifteen others who were injured from the police academy.” The militant Islamist group al Shabaab claimed responsibility for the attack. “We will give details of casualties later,” said Abdiasis Abu Musab, the group’s military operations spokesman. Al Shabaab carries out frequent bombings in Mogadishu and other towns. It is waging an insurgency against the U.N.-backed government and its African Union allies in a bid to topple the weak administration and impose its own strict interpretation of Islam. The militants were driven out of Mogadishu in 2011 and have since been steadily losing territory to the combined forces of African Union peacekeepers and Somali security forces. Source: Reuters The post Suicide bomber kills at least 13 in police academy attack in Somali capital appeared first on Caasimada Online.
  18. The overall head of Al-Shabaab in Somalia has moved with his troops to Gedo, a region in the war-torn country bordering Kenya’s Mandera County. Security sources said Ahmed Diriye aka Ahmed Umar fled the Shabaab-controlled district of Jilib in Lower Jubba region after intensified aerial strikes by international forces. Somalia National Army General Ismail Sahardiid, the commander of Sector 43 in Gedo, was quoted as saying that captured Al-Shabaab militants had confessed that their leader had fled. “The displacement of the leadership is among many other strains facing the group,” reads a security dispatch to Kenyan security agencies. “The increase in precise air strikes against their hideouts is increasing fear and suspicion among the group’s top leadership. “This situation has led to some officials and militants defecting to the Federal Government of Somalia.” AFRICOM STRIKE The latest strike against the militant group was carried out on Tuesday by United States Africa Command (Africom). “In coordination with the Federal Government of Somalia, US forces conducted an airstrike against an al-Shabaab vehicle-borne improvised explosive device in the early morning hours, about 65 kilometres southwest of the capital, Mogadishu,” said Africom in a statement. It added: “US forces will continue to use all authorised and appropriate measures to disable terrorist threats. This includes partnering with Amisom and Somali National Security Forces (SNSF) in combined counter-terrorism operations and targeting terrorists, their training camps and their safe havens throughout Somalia and the region.” Kenyan troops fighting there are part of Amisom (African Union Mission in Somalia). Kenya Defence Forces (KDF) are deployed in Sector 2 of Lower Jubba. Of late, more than 100 al-Shabaab militants have been killed in US-led airstrikes. On December 11, some 23 of them surrendered to the federal government-friendly administration of Bay. The region’s internal security minister, Mr Abdikadir Abdirahman, confirmed the surrender. Reports say al-Shabaab is also faced with a power struggle between Diriye and one of his deputies called Fidow, the lieutenant in charge of finance and administration, who is thought to be plotting a coup. Source: – Daily Nation The post Shabaab head flees Jilib in Lower Jubba as US drops bombs appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee Saaka ka dhacay dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho. Maleeshiyada ayaa sheegtay in weerarkaasi ismiidaaminta ah uu fuliyay xubin iyaga ka tirsan, waxa ayna sheegyeen inay ku dileen Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska. Maleeshiyada ayaa tiri ‘’Waxaan saaka ku kalahnay xerada Booliska Jeneraal Kaahiye,waxaan ku dilnay weerarkaas Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska oo ku jiray safaf’’ Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa waxaa saaka aroortii hore fuliyay ruux xirnaa dharka ciidanka Booliska, kaa la xaqiijiyay inuu galaaftay ciidamo farabadan. Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inuu jiro khasaare xoogan oo ka dhashay qaraxa, warar madax banaan ayaa sheegaya Qaraxan in ay ku dhinteen in ka badan 8 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale. Geesta kale, Taliska Booliska ayaan weli xaqiijin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay Qaraxa, wallow uu yahay mid aad u badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Yaa ka danbeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Saaka ka dhacay magaalada Muqdisho (Khasaaraha) appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa si rasmi ah usoo ifbaxay khilaaf siyaasadeedka iyo midka awood qeybsi oo u dhexeeya Guddoonka Labada Gole ee Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia. Khilaafka taagan ee soo ifbaxay ayaa waxaa markii ugu horeeyay daboolka ka qaaday Guddoonka Aqalka Sare oo tilmaamay inuu jiro is fahan daro ka taagan qaabka ay u wada shaqeyn lahaayen labada gole ee Aqalka Sare iyo kan hoose. Khilaafka labada Gole ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay waxa uuna Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi si rasmi ah u joojiyay shir la filaayay inuu ka qabsoomo magaalada Baydhabo kaa oo u furmi lahaa Guddoomiyeyaasha Golayaasha sharci dejinta ee maamul goboleedyada, isla markaana uu qaban qaabinayo Guddoomiyaha Golaha shacabka. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka duulaaya isku dhex yaaca awoodaha shaqo ee labada Gole ayaa qoray Warqad uu ku hakinaayay shirka ka furmaaya magaalada Baydhabo, taa oo look ala diray dhammaan Hogaamiyayaasha Maamul goboleedyada, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada, iyadoo la wargaliyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa uu Warqada ku dalbaday in la joojiyo shirka lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxa uuna shirkaasi ku sheegay mid lagu burburinaayo Nidaamka Federaalka. Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, ayaa aaminay in Baarlamanaka hadda jira uusan garaneynin shaqooyinkiisa, isagoo u shaqeynaaya qaabkii uu u shaqeynaayay baarlamaanka 9aad ee wakhtigiisa dhamaaday. The post Arrin cusub: Khilaafka Guddoonka Aqalka Sare & Aqalka Hoose oo gaaray heerkii ugu sareeyay (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  21. Saraakiisha caafimaadka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in 13 qof ku dhinteen halka 15 kale ku dhaawacmeen qarax ka dhacay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye . Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in qofka is-qarxiyay oo labisnaa dareeska ciidanka, xilli ay ciidamada ku jireen tababarkooda caadiga ahaa ee subaxnimo. Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda u dabaal-degi-doona maalinta la aasaasay oo ku began December 20, 1943 Hey’adaha ammaanka ayaa wado baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen, waxaana lagu wadaa in ay war ka soo saaraan. Goobjoog News Source
  22. Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu doonayo in la joojiyo ka qeyb-galka shir ay yeelan lahaayeen golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada. Shirkan oo qorshuhu yahay in uu ka dhaco Baydhabo ayaa qoraal-kan ka soo baxay Aqalka sare kaas oo ku socday madaxweyneyaasha iyo guddoomiyeyaasha golayaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada lagu dalbaday in la joojiyo shirkaasi. Aqalka sare, waxaa qoraalkiisa ugu muhiimsanaa: Shirka waxaa uu aqalka sare ku sheegay mid bur-burinaya oo aan la jaan-qaadi karin ku dhaqanka nidaamka federaalka ah. Waxaa kale oo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada lagu wargeliyay in ay fiiri-gaar ah u yeeshaan saameynta uu shirkaasi ku yeelan karo nidaamka federaalka ah iyo xil gudashada aqalka sare. Akhriso Qoraalka: Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday ismiidaamin uu saaka aroortii ka dhacay barxada iskool buluusiya ‘’ General Kaahiye’’ ee magaalada Muqdisho. Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay ruux ku labisnaa Jaakada Qaraxa, waxa uuna is Qarxiyay xili uu dhexda kaga jiray ciidamo ka tirsan Booliska oo goobta ku sugnaa. Ciidamada uu naftii haligaha isku miidaamiyay ayaa xiligaa ku guda jiray diyaar garowga dabaaldaga 20 -ka December oo ku beegan Aas Aaska Ciidanka Boliska, waxa ayna ciidamadaasi ahaayen kuwo lasii baraayay gaada ka cayaarka ka hor inta aan la gaarin maalinta dabaaldaga. Askari kamid ah kuwa Booliska ee ku sugan goobta oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu arkay dhimashada 7 Askari oo Booliis ah iyo dhaawaca in kabadan 10 askari. Sidoo kale, waxa uu sheegay in naftii haligaha uu ku labisnaa dareeska ciidamada Booliska, waxa uuna dhax galay Ciidan Boolis ah oo feesto ka dhigayay Barxadda hore ee Iskuul Buluusiya. Saraakiil iyo Ciidamo farabadan ayaa hadda ku sugan goobta waxaana sidoo kale xiran dhammaan jihooyinka laga galo barxada iskool buluusiya. Geesta kale, Saraakiisha Booliska ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay Qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Weerar ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Xero ciidan oo ku taal magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  24. sida ay ku waramayaan warar hadda soo gaaray Goobjoog News, qof ismiidaamiyay ayaa qarax ka geystay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye . Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in qofka is-qarxiyay oo labisnaa dareeska ciidanka, halkaasina khasaare ka dhashay, tiradana ay ka badan karto 10 qof. Gaadiidka gargaarka ayaa hadda goobta gaaray, lamana sida qofkaasi uu meesha ku tagay. Wararka kala soco, Goobjoog News Source
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Federaalka ah ayaa waxa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa ay labada dhinac isku adeegsadeen Hubka kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay laba ciidan oo la kala saftay laba qoos oo isku hayay dhul ciidankaan ayaa hore sidaan oo kale shan maalmood oo is xig xigta ku dagaalamay Xaafadda Jamhuuriya. Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalka ayaa la xaqiijiyay inuu yahay Seddex, halka dhaawacana uu yahay mid kor u dhaafay afar. Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Odayaal kala matalaya labada dhinac ee is haya ayaa wada dadaalo lagu dhameynayo colaada soo laab laabatay. Maleeshiyada dagaalamaya oo ka tirsan Ciidanka Dowlada ayaa hada u abaabulan hab qaabiil waxayna isku heestaan dhul banaan oo halkaasi ku yaala, Dowladda soomaaliya ayaa ku guul dareestay in ay wax ka qabato dagaalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dagaal culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay appeared first on Caasimada Online.