Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,632
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka qeyb galay munaasabad ay xilka kula wareegayeen wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaradda Gar-gaarka iyo Maareynta musiibooyinka ayaa sheegay inay wasaaraddu muhiimad Ballaaran u leedahay Bulshada Soomaaliyeed, loogana baahanyahay wasiirka cusub, kuxigeenkiisa iyo dhamaan howl-wadeennada kale in ay u istaagaan sidii howlaha horyaalla ay guul uga gaari lahaayeen. Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in bulshadeenna ay heestaan dhibaatooyin xoog badan oo ay kamid yihiin abaaro iyo daadad oo mid waliba ay bulshada ku keento barakac, Qaxootinnimo iyo Xoola beel, waxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas wax badan laga qaban karo hadii lees kaashado wasaaradduna ay dawrkeeda qaadato maadaama loo dhisay in arimahaas ay la fal gasho una maareyso sida ugu haboon. “Dalkeenna waxaa dhibaata xooggan ku haya abaaro iyo daadad. Waxaa Muhiim u ah bulshadeenna in laga hor-tago Musiibooyinkaas. Waa in aan ka fakarnaa sidii biyo xireenno loo sameyn lahaa si biyaha dhibaatadooda looga badbaado loogana faa’iideesto,” ayuu yiri RW ku-xigeenka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Munaasabadda waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Xamza Siciid Xamza iyo kuxigeenkiisa, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xassan, waxa ayna ballan qaadeen in ay xoogga saarayaan sidii ay u gudan lahaayeen masuuliyadda weyn ee loo dhiibay si bulshada Soomaaliyeed looga bad-baadiyo Musiibooyinka soo noqnoqday. PUNTLAND POST The post DF oo sheegtay in ka hor-taga musiibooyinka ay muhiimad weyn u leedahay Bulshada appeared first on Puntland Post.
  2. Hargeysa (Caasimada Online)- Guddoomiye ku-xigeenka magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland, Cabdicasiis Cagaweyne ayaa xafiiska surtay calanka Itoobiya, falkaasoo ay si weyn ugu caroodeen bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha iyo gudaha ku nool. Tallaabadaasi uu qaaday Guddoomiye kuxigeenka Hargeysa ayaan la ogeyn sababta ku kaliftay iyo in ay aqoondaro u geysay in xafiiskiisa ku xardho calan aan aheyn midkii uu madalayay.Ficilkaasi ayaa dhabar jab ku ah qaranimada iyo jiritaanka ummada Soomaaliyeed oo ah dal madax-bannaan in maamuladii dalka qaarkood xafiisyadooda surtaan calamada dalalka shisheeye. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Mogadishu (HOL) - The 7th National Security Conference on Somalia between the Federal Government of Somalia, Federal Member States and security personnel met for the second day in Baidoa, the capital in the southwestern Bay region. The high-level meeting was chaired by President Farmajo and Prime Minister Khaire. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) –Sheikh Mukhtaar Roobow Cali oo lagu naaneeso “Abuu Mansuur” ayaa u ambabaxay boqortooyada Sacuudi Carabiya. Abuu Mansuur oo horay u soo noqday afhayeenkii kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa bilihii danbe ee sanadkii 2017 kasoo goostay Al-Shabaab, isagoo isku soo dhiibay dowladda federaalka. Safarka Abuu Mansuur ee Sacuudiga ayaa la sheegay inuu la xiriiro gudashada acmaasha Cumrada. Dowladda federaalka iyo Abuu Mansuur ayaa wadahadalo mudo socday kusoo afjarmay heshiis aan la shaacin, waxayna taasi keentay in dowladda Mareykanka ay xayiraada ka qaado kana saarto liiska xubnaha argagixisada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Baarlamanka dalka Ethiopia ayaa maanta ansixiyey go’aanka ay dowladda ku qaadday xaaladdii deg degga ahayd ee dalkaas saarneyd muddo lix bilood ah, laba ka hor xilligii la qorsheeyey, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana. Dowladda ayaa soo rogtay xaaladda deg degga ah bishii Febraayo, si ay wax uga qabato degenaansho la’aan ka dhalatay qorshe lagu ballaarinayey magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa, oo dadka qaar ay u akreen in lagu qabsanayo dhulka gobolka Oromiya. Xiisaddaas ayaa hogaamisay is-casilaaddii ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn. Sabtidii, ayaa golaha wasiirada Ethiopia waxa uu yeeshay kulan lagu qiimeynayo xaaladda amni ee dalka, waxaana uu sheegay “In sharcigii iyo kala dambeyntii lasoo celiyey”, taasi oo dhabbaha u xaartay codka ansixinta ee baarlamanka uu maanta sameeyey. Abiy Ahmed, oo ah sarkaal horey uga tirsanaa ciidamada, kaasi oo xilka ra’iisl wasaare ka beddelay Hailemariam, ayaa ku safray dalka oo idil, isaga oo ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono ashtakooyinka jira, islamarkaana xoojin doona xuquuqda rayidka iyo siyaasiyiinta. Mas’uuliyiinta ayaa ballan-qaaday inay sameyn doonaan isbeddelo dhowr ah, oo ay ku jirto in lasii daayo kumanaan maxaabiis ah. Xigasho: VOA Somali
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale maanta waxa uu dagaal qaraar ku dhex-maray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Dagaalkaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Waaxda Xalane ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Goobjoogayaal ayaa waxa ay idaacadda Dalsan ee Muqdisho ku taalla u sheegeen in dagaalka uu yimid kadib markii dhul dhismo uu ka socday leysku qabsaday, taas oo keentay in labada ciidan ay wada dagaalamaan. “Askar ka wada tirsan dowladda waaye waxa dagaalamay, guri dhsimo ka socday ayaa kuwo rabay in ay lacag ka qaataan joojiyeen, kuwo kale ayaa yimid oo difaacayey, saas ayuu dagaalka ku dhacay, waxaan arkay hal askari oo meydkiisa meesha laga qaadayey iyo haweeney meesha mareysay oo dhaawac ah” ayuu yiri qof ka mid ah dadka xaafada Xalane. Xaaladda goobtii uu dagaalka ka dhacay ayaa haatan ah mid degan. Dagaallada dhexmara ciidamada ka wada tirsan dowladda ayaa muddooyinkaan ku soo badanayey Muqdisho, waxaana shalay Waaxda saddexaad ee degmada Dharkenley ku dagaalamay ciidamada xasilinta iyo kuwa milateri ah. Inta badan dagaallada ayaa ka dhasha lacag baad ah oo laga qaadanayo guryo la dhisayo ama goobo ganacsi, oo ciidamada ay isku qabsadaan, waxaana yaab leh in ciidan dowladeed ku dagaalamaan baadda shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Yaya Toure has accused Manchester City manager Pep Guardiola of having "problems with African players," and questioned whether his limited playing time under the Catalan was because of his skin colour. Source: Hiiraan Online
  8. Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa maalintii 2aad magaalada Baydhabo ka socda shirka amniga qaranka, waxaana illaa iyo hadda aad la isugu hayaa oo la isku mari la’yahay saddex qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo xalay oo dhan laga doodayey. Arrinta Amniga: Shalay oo dhan shirka waxaa laga hadlayey oo weliba lagu heshiiyay arrimaha amniga qaranka iyada oo laga wada hadlay dhismaha iyo isku dhafka ciidamada, mushaarka, la dagaalanka kooxaha dowladda ka soo horjeeda, qoondada lacagaha miisaaniyadda iyo mushaaraadka, in maamul goboleedyada la xoojiyo, laguna taageero hub iyo tababar iyo arrimo kale. Ilo ku sugan shirka ayaa xaqiijiyay in xalay lagu dhafray 2da arrin oo kala ah: Kheyraadka iyo doorashooyinka. Kheyraadka: Inta badan arrimaha Kheyraadka waa lagu heshiiyay oo waxaa horay uga soo shaqeeyay guddi-hoosaadkii loo saaray, laakin waxaa saacado badan qaatay “Yaa bixinaya Licences-ka shirkadaha caalamiga ah”, dowladda federaalka ah waxaa ay qabtaa in looga dambeeyo halka maamul goboleedyada ay soo-jeediyeen in la dhiso guddiyo arrimahan Licences-ka ka shaqeeyo, sida guddiga shidaalka qaranka, oo uu ka koobnaado 2 xubnood oo dowladda ah iyo mid hal xubin oo maamul goboleedyada ah iyo xubin maamul ah, dood dheer kadib waxaa ay dowladda federaalka ah ku adkeysatay xataa haddii guddiga la dhiso in wasaaradda loo daayo saxiixa iyo go’aan ka gaarista kama dambeysta ah. Doorashada: Arrinta kale ee muddo dheer laga doodayey waa doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020-ka, madaxda dowladda federaalka ah waxaa ay ku adkeysteen sida ballanta aheyd in 4.5 laga baxo, oo ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo codkiisa ah, laakin 2 ka mid ah dowladaha maamul goboleedyada waxaa ay ku doodeen in aaney doorasho noocaas ah dhici Karin, oo uu amniga aad u liito, oo ergadii 2016kii weli la dilayo, oo aanay macquul aheyn in doorasho noocaas ah la galo. Shirka amniga qaranka waxaa la soo gebagabeyn-doonnaa maanta gelinka dambe, war murtiyeedka iyo wixii ku soo kordha, halkan nagala soco.
  9. Police have seized over 2,000 bags of contraband sugar in a warehouse in Eastleigh, Nairobi. Source: Hiiraan Online
  10. A group of East African workers at Amazon's warehouse in Eagan, Minn., demanded safer work conditions from the online retail behemoth Monday at a news conference outside the facility. Source: Hiiraan Online
  11. Ethiopia’s parliament approved on Tuesday the government’s decision to lift a six-month state of emergency two months earlier than planned, state-affiliated Fana Broadcasting reported. Source: Hiiraan Online
  12. The government imposed emergency rule in February to clamp down on unrest sparked by a planned development scheme for the capital Addis Ababa which some fear will lead to land seizures in the nearby Oromiya region. The matter led to Prime Minister Hailemariam Desalegn to step down. Source: Hiiraan Online
  13. Hong Kong–based American business developer Robby Zirkelbach has set up small firms in South Sudan, Iran and North Korea. But Somalia was too risky even for the former U.S. Marine sniper with a stomach for adventurous investments, until he stumbled upon the country’s north, the self-declared Republic of Somaliland. There, he sees promise in a land shattered by war. Source: Hiiraan Online
  14. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ayada oo la shaqeyneysa dowladda federaalka Soomaaliya ay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fulisay meel 26 mile u jirta Koonfurta Galbeed ee magaalada Boosaaso. Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka oo dhacay labadii June lagu dilay 27 argagixiso. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dad shacab ah. AFRICOM waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay qaadaan tallaabooyinka ku habboon ee saxda ah, si loo ilaaliyo danaha dadka Mareykanka, loona baabi’iyo argagixsada. Tani waxaa qeyb ka ah, ayaa lagu yiri qoraalka, in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom lagula midoobo howlgallada ka hortagga argagixisada, lana beegsado goobaha ay ku tababartaan ee Soomaliya iyo gobolkaba. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo Duqeeyn ka Fuliyay Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  15. Baardheere (PP) ─ Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerarkaas ayna gacanta ku dhigeen dagaallame ka tirsan kooxda Al-shabaab. Dagaalka ayaa bilowday 3:00 habeenimo ee xalay, waxaana xoogagga Al-shabaab ay dhowr jiho ka weerareen degmada, sida Saldhig ciidanka DF ku leeyihiin Buundada iyo saldhig ay leeyihiin ciidamada Itoobiya. Saraakiil ka tirsan Ciidamada DF ayaa sheegaya in weerarkii xalay ay kooxda Al-shabaabsoo qaadeen lagu gaarsiiyay khasaare weyn, isla markaana ay ku dhigeen gacanta hal dagaalame oo kooxdaas ka tirsan. Dhanka kale, Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay Al-shabaab ka dileen Tobaneeyo ruux, qoryo fudud looga furtay, isagoo intaas ku daray in Ciidammada Dowladda Soomaaliya laga dilay Hal Askari, lagana dhaawacay saddex kale. Ciidamada Dowladda ee ku sugan Baardheere ayaa soo bandhigay ninka ay sheegeen inay Al-shabaab ka qabteen, kaasoo xirnaa dharka millateriga DF wuxuuna u muuqday ruux argagaxsan. Kooxda Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay dagaal culus xalay ku qaadeen degmada Baardheere ayna khasaare gaarsiiyeen ciidamada DF iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka tisran ee degmadaas ku sugan, inkastoo aysan sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay weerarkooda. Ugu dambeyn, Ururka Al-Shabaab ayaa xoojiyay Weerarada ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaqa ah oo ay la beegsanayaan saldhigyada ciidamada DF iyo kuwa kale ee Midowga Afrika ka socda, Waxayna bishaan Ramadaan Weerarro ka geysatay qeybo ka mid ah gobolada dalka. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Xalay Weerartay Baardheere iyo mid ka mid ah Xoogaggooda oo la Qabtay appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia oo Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shir Guddoominaayo shirka Golaha amniga Qaranka ee ka socda magaalada Baydhabo ayaa ka digay in madaxda maamul Goboleedyada ka jira dalka ay horseedan caqabado hor leh uu cagaha la galo dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in heshiiska Dowlada iyo Maamul Goboleedyada uu adduunka u muujinaayo in Somalia ay u hogaansan tahay inay ka shaqeyso aayaheeda, hase ahaatee aanu faa’iido laheyn in adduunka uu kusoo baxo khilaafka madaxda. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ka Madaxweyne ahaan uusan kasoo horjeedin in lawada tashto isla markaana laga gudbo khilaafyada soo laalaabta, balse uusan munaasib u arkin in lagu dhaqaaqo is barbaryaac. Madaxweynaha oo kulamo khaas khaas ah magaalada Baydhabo kula qaatay dhammaan madaxd maamul Goboleedyada ka jira dalka ayaa u sheegay inay muhiim tahay in si wada jira loogu adeego dalka. Waxa uu Madaxda maamulada uga digay inay ku dhiiradaan 3 arrin oo uu sheegay inay halis galinkarto dalka waxaana kamid ah: 1-In laga fogaado in Khilaafka Madaxda iyo maamulada la gaarsiiyo heer ay soo faragaliyaan saaxiibada caalamka. 2-In laga weecdo heshiisyada ay wada galeen madaxda iyo maamulada, taa oo aasaas u noqonkarta dhibaatooyin hor leh. 3-In maamulada ka jira dalka ay adeecan dowlada Somalia, isla markaana laga fogaado is garabyaac iyo in khaladaadka jira la tuso shacabka. Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxda u sheegay in Dowladiisa ay ahmiyad gaara siin doonto in wixii jira lagu xaliyo miiska dushiisa, taa oo uu cadeeyay in looga gudbi karo dhibaatooyinka heysta dalka. Sidoo kale, Farmaajo ayaa madaxda maamulada ugu baaqay ineysan dhaawicin qalbiga shacabka oo uu sheegay inay ku rajo weyn yihiin dowladnimo. Dhinaca kale, waxaa weli qabyo ah kulanka Madaxweynaha iyo madaxda maamulada, waxaana lagu wadaa in maanta lasoo afmeero xitaa khilaaf hooseedyada dowlada kala dhexeeya maamulada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Ururka xasaradaha adduunka ee (ICG) ayaa dhinacyada Soomaalida uga digay in ay ku milmaan muranka adag ee u dhexeeya dalalka Gacanka Carabta,taasoo ay ku tilmaameen mid wiiqaysa xasiloonida iyo degga’anaanshahaSoomaaliya. ICG ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya,maamul goboleedyada dalka,iyo siyaasiyiinta Soomaaliyda Ugu baaqay in ay joojiyaan in la kala safashada dhinancyada iskuhaya muranka khaliijka ka aloosan,waxaana ururku sheegay in haddii taasi dhacdo ay khatar weyn gelinayso xasiloonida waddanka,islamarkaana ay fursad ka helayaan kooxaha argagixisada ah ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya. Warbixin dheer oo International Crisis Group ay ka qortay, saaamaynta khilaafka Gacanka Carabtu ku yeelan karo siyaasadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay,in dalka Imaaraadka Carabta oo kamid ah dalalkii go’doomiyay Qadar uu xiriir hoose la leeyahay maamul goboleedyada dalka,halka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay xiriir dhow la leedahay dhinacyada Qadar iyo Turkiga. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in loollanka u dhexeeya Qadar iyo dalalka kale ee Khaliijka u si toos ah u saameynayo xasiloonida Soomaaliya,maadaama labada dhinac ee is-hayaa mid walba xulafa gaar ah ku leeyahay siyaasiyiinta Soomaaliya. ICG ayaa sidoo kale ku baaqday in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Imaaraadka Carabta ay wada-hadal ka yeeshaan,si loo xalliyo xurgufta siyaasadeed ee dhowaan soo kala dhexgashay labada dhinac. Wada-hadal ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo UAE ayaa ICG ku tilmaantay mid Soomaaliya ka badbaadin kara,qalalaase siyaasadeed oo ka dhex qarxa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka. The post ICG oo dhinacyada Soomaalida uga digtay in ay ku milmaan muranka Khaliijka. appeared first on Puntland Post.
  18. Somalia President Mohamed Abdullahi Farmajo hopes to deliver a new constitution by the end of this year, but this could prove a major undertaking. Source: Hiiraan Online
  19. Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa weli magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ka socda shirka Golaha amniga Qaranka oo la filaayo in laga soo saaro qodobo muhiim ah. Shirka Golaha amniga Qaranka ayaa waxaa shir guddoominayo Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, waxa uuna ujeedka ugu weyn yahay in xal loo helo qodobada looga doodayo shirka. Shirka Golaha amniga ayaa waxaa barbar socda shirar gaar gaar ah oo Madaxweynaha dalka la qaadanaayo mas’uuliyiinta maamul goboleedyada gaar ahaan madaxda maamulka Galmudug oo uu khilaaf ka dhexeeyo. Madaxweynaha ayaa kulamada ugu badan la qaadanaayo Madaxda Galmudug, gaar ahaan Madaxa xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir kaa oo xal loogu raadinaayo Khilaafka Galmudug. Illo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa sheegaya in shirka kala dhexeeya Shaakir aad looga hadlay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka Galmudug, oo hada kala jooga magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb. Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakiri Cali Xasan ayaa si aad uga wada hadlay sida ugu macquulsan ee xal loogu gaari karo khilaafka hareeyay Madaxda Galmudug iyo doorka dowladda dhexe. Sidoo kale, Sheekh Shaakir ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhaga adeegayo qaar kamid ah talooyinka uu jeedinaayo Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee waxaa jirta rajo laga qabo in xal loo helo Khilaafka. Dhinaca kale, Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa gelinka dambe ee maanta in lagu soo gaba gabeeyo magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  20. Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay duqeyn ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan buuraha Galgala. War-saxaafadeed shalay ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta laga fuliyay meel 26 mile koonfur galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,labadii bishaan June,islamarkaana lagu dilay 27 argagixiso ah. Sidoo kale War-murtiyeedka ayaa lagu xaqiijiyay in aan weerarka wax khasaare ah ka soo gaarin dad shacab ah. Dhinaca kale dowladda Puntland ayaa sheegtay in weerarka halkaasi laga fuliyay uu jawaab celin u ahaa,weerar habeenkii sabtida ee labadii bishaan June ay Al-shabaab ku qaadday xero ay ku sugan yihiin ciidamada Badda Puntland oo ku taalla degaanka Balli-khadar ee Calmadow. Dowladda Puntland waxay sidoo kale xaqiijisay in weerarka ay ku dhinteen 50 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab,lagana furtay hub iyo saanad. Warar madax-bannaan ayaa sheegaya in dhimashada Al-shabaab ay gaarayso ilaa 80 ruux,kuwaasoo ku dhintay dagaalka ay ku qaadeen ciidamada Puntland oo kaashanaya duqeynta cirka ee Maraykanka. PUNTLAND POST The post In ka badan 80 xubnood oo Al-shabaab looga dilay gobolka Bari. appeared first on Puntland Post.
  21. Baydhabo (Caasimada Online)-Sida aan horay u sheegnay waxaa maalinimadii shalay magaalada Baydhabo ka furmay shirka amniga qaranka Soomaaliya, waxaana ka qaybgalay madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. Shirka oo lagu dhan yahay ayaa maanta galay maalinkii labaad, waxa ayna madaxdu inta bad jeediyeen Khudbadahooda ku saabsan Amniga. Khudbadaha shirka harsan ayaa waxaan weli jeedin mas’uuliyiin la doonaayo inay jeediyaan wakhtiga danbe, halka hadda lagu guda jiro Khudbadaha madaxda Qaranka iyo maamul Goboleedyada. Madaxda iyo Maamulada ayaan weli isla fahmin qodobada qaar marka laga soo gudbo ajandayaasha miiska saaran ee shirka iyo heshiisyada qoran ee horay loo gaaray, waxaa jira waxyaabo quluubta ku kaydsan oo ay tahay in is afgarad laga gaaro sidii loo wajihi lahaa. Qodobada lagu lifaaqay magaca shirka ee ah ‘Shirka Amniga Qaranka’ ka sokoow waxaa shirka looga hadlayaa arrimo aanan amni ahayn, sida qeybsiga kheyraadka iyo waliba in lagu heshiiyo hannaanka doorasho ee uu dalka qaadanayo marka la gaaro sanadka 2020-ka. Shirka ayaa lagu wadaa inuu soo idlaado maanta waxaana suuragal ah inuu gaaro maalinta beri, waa haddii aan lagu heshiin qodobada qaar ee dooduhu ay ka taagan yihiin. Sidoo kale, heshiiska lagu wado inuu ka soo baxo shirka ayaa waxaa laga soo saari doonaa war-murtiyeedka, waxaana la sheegayaa in ay aad u taaban doonaan siyaasadda kheyraad wadaagga, arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka ururka Al-shabaab. Shaki ayaa laga qabaa nooca uu noqon doono heshiiska la filaayo inuu kasoo baxo shirka Amniga Qaranka ee magaalada Baydhabo, waxaana suuragal ah in qodobada qaar aysan u cuntamin dowlada. Ma cadda in shirka uu gaari doono maalinta beri iyo inkale, waxaana xusid mudan inay jiraan qodobo badan oo leysku hayo, maadaama inta badan Madaxda maamul Goboleedyada uu kasii dhamaanayo wakhtiga. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  22. For nearly 30 years, Somalia has been a weak, divided state threatening the stability of the Horn of Africa and the key international waterway leading to the Suez Canal. Source: Hiiraan Online
  23. Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in muranka kharaar ee u dhexeeya dawladaha khaliijka carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Somalia. Ururku wuxuu siyaasiyiinta Somalida Ugu baaqay in ay joojiyaan in ay laka jirsadaan dhinancyada iskuhaya muranka khaliijka ka taagan sabatoo ah taasi waxay khatar galin kartaa qalalsasaha isa soo taraya ee Somalia gudaheeda iyo sidoo kale Caasimadda Muqdisho iyo Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Kolkii sacuudiga iyo imaaraadka Carabtu ay xiriirka diblumaasiyadeed ujareen Qatar sanadkii hore ayaa arrintani waxay dhibaato u keentay Somalia taas oo xiriir laleh labada dhinacba. Ururka xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wadahadal dhexmara dawladaha Somalia iyo Imaaraadka asagoo intaas ku daray xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacday Somalia in ay ka faaidi karaan Kooxaha Jihaad doonka ah. Isha BBC
  24. Saudi Arabia has begun issuing its first driving licenses to women as it prepares to lift the world's only ban on women driving later this month. Source: Hiiraan Online
  25. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo degmada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weerar culus ku qaaden qeybo kamid ah Degmada. Weerarka oo xalay xiliga saxuurta dhacay ayaa waxaa kasoo baxaaya warar kala duwan, waxa uuna xoogiisa ka dhacay Saldhig ay ku sugnaayen Ciidamada dowlada oo ku yaala agagaarka Buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo. Cusmaan Sheekh Cabdi (Qorax) oo ah Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Guutada 10-aad oo la hadlay Idaacada VOA-da ayaa waxa uu sheegay raggii weerarka soo qaaday in ay iska difaaceen, oo halkaasi ay ku jabeen. Wuxuu sheegay dagaalkaasi in uu kaga dhintay Hal askari, halka ay kaga dhaawacmeen ilaa Saddex askari oo kale, wuxuu tilmaamay Shabaab dagaalkaasi in ay kaga dileen in ka badan 10 dagaalame. Abaanduulaha oo arrintaan ka hadlaayay ayaa yiri ‘’Nimankii cadowga ahaa ayaa weerar nagu soo qaaday xilligiii saxuurta, waxayna weerar ku soo qaadeen aagga Buundada, nimanka halkaasi way ku jabeen, anaga khasaaraha na soo gaaray wuu kooban yahay Hal askari oo dhimasho ah iyo Saddex dhaawac ah, dhankooda Toban Argagixiso ka badan ayaan ka dilnay.” Sidoo kale, Qorax ayaa sheegay in dagaalkan ay ku qabteen nin nool oo Shabaab ka tirsan iyo hub fara badan, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale, weerarkaan ayaa kusoo beegmaaya xili degmooyinka hoostaga Gobolada Gedo iyo Jubboyinka ay muddooyinkan dambe ka soconayay howlgalo ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com