Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    199,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wafti uu hogaaminayo agaasimaha guud ee Wasaarada waxbarshada iyo tacliinta sare maxamed Cabdiqaadir Cismaan ayaa kormer ku tagay qayb ka mida degmada Dangorayo, Qardho, Haylaan, oo ah dhahar, barkadaha qol, xingalool. Iyo ceel buuh oo ah gobolka Sanaag. Agaasimaha ayaa dhaamaan la kulmay maamulada waxbarashada degaanada ka jira isagoo u guurgalay baahiyaha kajira deeganka waxbarashda iyo mashaariicda waxbarashada ka socota deeganada fog fog iyo hormarka laga sameyey. Agaasimaha guud ayaa wahelaya nuur ciiro oo ah madax manahijta wasaaarada waxbarashada iyo tacliinta sare. Wuxuu sheegay agaasimuhu guud ujeedada kormeerkan inuu yahay sidii loo ogaan lahaa baahida saxda ah ee waxbarashada ka jirta degaanada fog fog. Kormeerka degaanada fog fog ayaa ah kii ugu balaarana oo masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada kormeer ku tago xilligii ka dib Wasiirkii hore ee Waxbarashada puntland Cabdi faarax siciid juxaa 2013kii. Agaasimaha ayaa Waxbarashada puntland ayaa si dhiiran lagu soo dhaweyeey Qardho, dhahar, baragaha qol, xingalool, Ceel buuh. Puntlandi.com
  2. Hoggaamiyaha maamulka la magac baxay Khaatumo, Cali Khaliif Galeyr ayaa ka dalbaday hoggaanka cusub ee Somaliland, iney fuliyaan heshiiskii ay la galeen maamulkiisa. Wuxuu sheegay in shacabka Khaatumo ay doonayaan oo kaliya in la helo Somaliland oo loo wada dhan yahay, dhanka kalena wuxuu sheegay in Somaliland-ta hadda jirta aysan ahayn mid dadku u siman yahay. Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayuu ugu baaqay in la dardargeliyo fulinta qodobadii lagu heshiiyey. “Heshiiskii waan kala saxiixannay, yoolkana wuxuu yahay in la helo Somaliland loo wada dhan yahay, kolley annaga waxaan is dhahnaa Somaliland-ta hadda laga hadlayo looma dhama, Somaliland la wada leeyahay in la dhiso, heshiiskana sidaa buu ahaa, maamulkaan cusub waxaan uga fadhinaa iney fuliyaan heshiiskan” ayuu yiri Cali Khaliif. Inkastoo Cali Khaliif Galeyr uu heshiis la galay Somaliland, hadana waxaa jira garab kale oo Khaatumo ah, kana soo horjeeda heshiiskaasi. Goobjoog News Source
  3. Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha la doortay ee Somailand, Muuse Biixi Cabdi ayaa lgau wadaa in maanta loo dhaariyo, isagoo markaas kaddib xilka kala wareegi doona madaxweynaha hore ee Somaliland, Axmed Siilaanyo. Xafladdan dhaarinta iyo xil-wareejinta isugu jirta ayaa waxaa ka qayb-galaya wufuud kala duwan oo caalamka ka socda, waxaana wufuudda ka mid ah 38 xubnood oo ka socda dalka Jabuuti, kuwaasoo ah wafdig ugu ballaaran ee ka qaybgalaya munaasabadda, kuwaasoo uu hoggaaminaya wasiirka cadaalada, Muumin Axmed Sheekh. Sidoo kale, Munaasabadda waxaa ka qayb-galaya wafdi ka socda Itoobiya oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka dowlad-deegaanka Soomaalida itoobiya, C/raxiin Cigaale Cumar. Inkastoo Dowladda Federaalka ah iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira aanay wufuud u dirin munaasabaddan. Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale lala dhaarinayaa ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici oo horay u ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isgaoo mar labaad ku guuleystay in xilkaan loo soo doorto. Doorashadii madaxnimo ee Somailand ee dhacday 13-kii bishii Novmber ee la soo dhaafay, ayaa waxaa ku tartameen musharraxiinta saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADANI ayaa waxaa ku guuleystay Muuse Biixi oo ku tartamayay magaca xisbul-xaakimka maamulkaas ee KULMIYE, iyadoo ay ku qanceen natiijada musharraxiintii kale. Munaasabadan isugu jirta dhaarinta iyo xil-wareejin ayaa waxaa kaloo goob-joogayaal ka ah wufuud ka socda dalalka reer galbeedka, IGAD iyo xubno kale oo ka socda waddamada daneeya arrimaha Somaliland, waxaana lagu casuumay xafladdan in ka badan 1500 oo qof. Ugu dambeyn, Ciidammo fara badan oo ku ammaanka ah ayaa xiray jidadka soo gala xarunta dhaarinta iyo xil-wareejintu ay ka dhacayso waxaana baaris lagu sameynayaa dadka goobtaas galaya. Sida ay xafladdu u dhacdo waxaad kala socon doontaan Puntlandpost haddii Alle idmo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha cusub ee Somaliland Biixi oo Maanta la dharinayo xilkana la Wareegaya appeared first on Puntland Post.
  4. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta codka u qaadayaan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018. Guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in miisaaniyadda 2018 ay maanta mari doonto akhrintii ugu dambeysay kadibna xildhibaannada ay go’aan ka gaari doonaan. Maalmihii ugu dambeeyay xildhibaannada golaha shacabka ayaa waday ka doodista miisaaniyadda dowladda ee 2018, waxaana jira dul duleello ay meelaha qaar ka muujiyeen, wallow wasaaradda maaliyadda iyo guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrintaasi laga doonayo iney daboolaan meelaha ay xildhibaannada daldalooda ka sheegeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  5. Madaxweynaha cusub ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhow waxaa lagu caleema saaray magaalada Haregeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed. Madaxweyne hore Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilkaan wareejiyey, waxaana munaasabaddan ka qeybgalay mas’uuliyiin dhowr ah oo uu kamid yahay Daahir Riyaale Kaahin oo isna madaxweyne soo noqday. Madaxweyne Biixi ayaa la dhaariyey, waxaana weli soconeysa munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Somaliland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  6. Wararka ka imaanaya deegaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab ay wiil 19 sano jir ah ku fuliyeen xukun gacan goyn ah. Maxkamad la sheegay iney leeyihiin Al-shabaab, kana howlgasha deegaankaasi ayaa la horkeenay C/fitaax Cismaan Axmed, waxaana lagu eedeeyay inuu xaday lacag 5 kun oo doolar, dhar, Kumbiyuutaro iyo agab kale. Dacwadan oo Hal dhinac ahayd, ayeey maxkamaddu ammartay in C/fitaax laga jaro gacanta midig, waana laga jaray, sidoo kale waxaa lagu amray C/fitaax inuu soo celiyo hantidii la sheegay inuu xaday. Goobta wiilkaan 19 sano jirka ah gacanta looga goynayey waxaa ku sugnaa shacab badan oo laga soo bixiyey guryahooda si ay u daawadaan xukunka dhacaya. Al-shabaab ayaa marar badan deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin waxay ka fuliyaan xukunno isugu jira gacan goyn, dilal iyo xabsiyo. Goobjoog News Source
  7. Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliilay hannaanka uu u shaqeynayo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Waxa uu tilmaamay Fiqi in madaxweyne Farmaajo aanu fulin ballanqaadyo badan oo uu sameeyay kahor inta aan xilka madaxweyne loo dooran iyo kadib. Xxildhibaan Fiqi ayaa tilmaamay in Soomaaliya taladeeda ay ku socoto meel xun, isaga dhanka kale iska fogeeyey in dowlado shisheeye lacag uga soo qaatay duminta iyo carqaladeynta dowladda Federaalka. “Runtii aniga hadallada marmarka qaarkood lama gambado marmarka qaarna waan ka xishoodaa laakiin Soomaaliya taladeeda meel xun bay ku socotaa marka caadifadda laga reebo, 27 sano kadib taladii Soomaaliya iney dad kooban ku uruursanaato ayaan darro waaye, marka wax la sheegayana wax toosin bay naga tahay, hub wax wata ma jiraan, aniga Farmaajo wasiir kama doonan, Ra’iisul wasaare kama doonan, agaasime kama doonan hadana kuma qanacsani qaabka uu wax ku wado, dowlad shisheeyana igu shaqeysan meyso, wixii uu balanqaaday dhan kama hayno ee uu dhahay waan la dirirayaa, waan keenayaa kama aanan arag, taas micnaheedu ma ahan dowlad shisheeye haddii la sheego inaad qabiil igu tuhuntid, Imaaraadna aniga lacag ima soo siin waad i taqaaniin, mooshin baan xitaa ka geeyay baarlamaanka Imaaraadka laftiisa sida uu ula dhaqmayo Soomaaliya” ayuu yiri xildhibaan Fiqi. Hadalka xildhibaan Fiqi ayaa imaanaya xilli sidoo kale ay jiraan xildhibaanno iyo sidoo kale siyaasiyiin aad u dhaliilsan hannaanka shaqo ee dowladda Federaalka. Goobjoog News Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in maamulka uu darees gaara siinaayo Xoogaga daacada u ah wadaadka dhawaan kasoo goostay al-Shabaab Mukhtaar Roobow ‘’Abuu Mansuur’’. Maamulka ayaa la xaqiijiyay inuu qorsheynaayo in Xoogaga Roobow uu si rasmi ah ula wareego kuwaa oo kor u dhaafaya 300 oo daacad u ah wadaadka. Dareeska cusub ayaa looga gol leeyahay in Xoogagaasi aysan uga soocnaan kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo iyagu darees ahaan ka duwan kuwa dowlada. Maamulka ayaa sidoo kale qabanqaabinaaya Guddi heer dowladeed oo gaara magaalada Xudur kuwaa oo la kulmi doona Saraakiisha hogaamineysa Xoogaga Mukhtaar Roobow si ay guddiga ula wadaagan macluumaadka iyo Hubka ay heystaan Xoogaga si loo kabo. Sidoo kale, darees bixinta kadib waxaa Xoogagaasi lagu biirin doonaa ciidamada Maamulka iyagoo lasiin doono qoondo iyo xerooyin gaara. Sidoo kale, Mukhtaar Roobow ayaa weli ku doodaaya in dowlada Somalia aysan faragalin Xoogagiisa, balse heshiiska ay la gashay DFS ayaa dhigaaya in la qarameeyo Xoogaga Daacada u ah Roobow iyo Gaadiidkooda. Si kastaba ha ahaatee, Mukhtaar Roobow iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa wadahadal kula jiraa Horjoogayaal dhowr ah oo la doonaayo inay isku soo dhiiban dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xoogaga Abuu Mansuur & Hubkooda oo lala damacsan yahay qorsho cusub (Muxuu yahay) appeared first on Caasimada Online.
  9. Agaasimaha Guud ee ciidanka PSF Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi, saraakiisha ciidanka PSF iyo dhammaan ciidanka PSF ayaa ka tacsiyeeyay geerida Cismaan Abshir Cumar (Kabayare) oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo shalay ku geeriyooday qarax miino kula kacday waddada u dhexaysa Galgala iyo Karin. Waxay Illaahay uga baryeen Marxuumka in uu janatul firadowsa ka waraabiyo ehelkiisii iyo qaraabadii, ciidankii, dawladda iyo shacbiga Puntland na sabir iyo iimaan ka siiyo. Ciidamada Puntland nasan maayaan ilaa ay dadkooda iyo dalkoodu helaan nabad buuxda, waxay na ballan ku qaadayaan in ay talaabo adag ka qaadi doonaan cadowga hagardaamada ula taagan ummada Soomaaliyeed. Puntlandi.com
  10. Former Zimbabwean president Robert Mugabe has left the country to Singapore. Reports indicate that the 93-year-old is taking his annual holidays. A section of the media also reports that he will have a routine medical checkup whiles away. It is the first time he has left the country since his resignation in November after being leader for 37 years. A media outfit reports that the entire Mugabe family including wife Grace and children Bona, Robert Junior and Chatunga are all part of the trip. The sons are said to have returned from South Africa to join the Singapore trip. The last public appearance of Mugabe was when the army allowed him to preside over a graduation ceremony in the capital Harare, days after the takeover. His wife has not made a public appearance since. The army took over the reigns of government in what it said was a bid to deal with criminals around Mugabe and persons who had brought economic hardship onto the citizens. Despite holding out for over a week of intense pressure to step down – a combination of mass protests supported by the army, a recall by the ruling party and parliamentary impeachment process meant Mugabe was left with the resignation option or being forced out. His resignation notice to parliament was met by cheers in the chamber as Zimbabweans at home and abroad celebrated. Mugabe during his time in office flew to Singapore to seek medical treatment for eye cataract, according to government. Opposition elements have, however, alleged that the leaders suffered from a more acute ailment. Source: – Africa News The post Mugabe flies to Singapore for annual holidays, first trip since ouster appeared first on Caasimada Online.
  11. Iyadoo maalmahaan Garowe ay socotay tababar looga hadlaayey dhibaatooyinka ay gudniinku u gaysto hablaha Soomaliyeed isla markaana la isaga kaashan lahaa sidii looga cirib tiri lahaa guud ahaan Soomaliya ayaa la isla gaaray in culumada iyo warbaahintu doorkooda ka ciyaaraan baahinta iyo gaarsiinta halku dhega ah jooji gudninka iyo jar jarida lagu hayo haweenka si looga baxo aafada ay keenta in gabadh jirkeeda la jar jaro. Dood culus oo laga yeeshay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Marwada Koowaad ee Puntland, Wasiirka Wasaaradda Haweenka, gudoonka xaquuqal aadaha Puntland, dhaqaatiir culamada, Weriyaal Hay’addaha Global Media, Ifraah Foundition oo iska kaashaday ollolahan la dagaalanka gudniinka. Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Marian Ahmed Ali ayaa cod dheer ku sheegtay danta laga lee yahay doodan oo ah in la hello hal cod oo lagu midaysan yahay joojinta gudniinka Haweenka halka gudoomiyaha xaquuqal insaanka Puntland Maxamed Yuusuf uu dul istaagay qodobka fariinta u ah xaquuqda haweenka iyadoo madax hay’adda Ifrah Foundition ay fariin fartay culamada iyo warbaahinta si loo gaarsiiyo wacyigelinta joojinta gudniinka haweenka. Marwada madaxweynaha Puntland Hodan Saciid oo ah safiir u qareenta joojinta tacadiga ka dhanka haweenka Soomalida ayaa xoojisay hadalka wasiirada, iyadoo bogaadisay doorka culmada iyo warbaahinta oo haatan xooga saaraya wacyigelinta gudniinka gabi ahaantiisa in la joojiyo.
  12. US President Donald Trump has lashed out at the women who have accused him of sexual harassment, denouncing their “false accusations and fabricated stories,” after several of them called for Congress to investigate him. Three women who claim they were sexually harassed by Trump before he ran for president urged lawmakers Monday to open an inquiry into his behaviour and allegations of misconduct. KISSES Rachel Crooks, who worked as a receptionist in Trump Tower in New York, says the Republican president forcibly kissed her on the mouth after she introduced herself to him in 2005. Jessica Leeds, who says she was groped and forcibly kissed by Trump on a commercial flight decades ago, said the president has not been held accountable for “what he is and who he is.” On Twitter, Trump struck back — and seemingly accused Democrats of egging on the women who addressed reporters about the alleged harassment. “Despite thousands of hours wasted and many millions of dollars spent, the Democrats have been unable to show any collusion with Russia – so now they are moving on to the false accusations and fabricated stories of women who I don’t know and/or have never met. FAKE NEWS!” he tweeted on Tuesday. SHAME A group of 54 Democratic women in Congress called for a probe on Monday, and Democratic Senator Kirsten Gillibrand called on Trump to resign. The president bashed her as a “lightweight” and said she “would come to my office ‘begging’ for campaign contributions not so long ago (and would do anything for them)” — a tweet that earned quick scorn from the senator. “You cannot silence me or the millions of women who have gotten off the sidelines to speak out about the unfitness and shame you have brought to the Oval Office,” Gillibrand fired back. Sixteen women have come forward with claims of misconduct by Trump, who boasted in a video tape that surfaced during the campaign that he could kiss and grope women with impunity, because of his celebrity. Three US lawmakers announced their resignations from Congress last week over sexual harassment allegations, including Democratic Senator Al Franken of Minnesota. Source: AFP The post Donald Trump slams ‘fabricated stories’ of his women accusers appeared first on Caasimada Online.
  13. Ethiopia has finalized construction of the Genale Dawa Hydro electric power dam as it is preparing to launch another power project on Omo River at a cost of $2.7 billion, an official said on Tuesday. In an exclusive interview with APA, Bizuneh Tolcha, Public Relations Director with the Ministry of Water, Irrigation and Electricity said the Genale Dawa Hydro power project on Dawa River in far south east of Ethiopia is expected to generate 54 mega watt of electricity this year. “The Genale Dawa hydro power project is almost completed except problems associated with filling the dam with water due to social problems.” Bizuneh said Ethiopia is undertaking a number of power projects the major one being the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) whose completion has reached 63 percent. Meanwhile, Africa’s first energy from waste in the outskirts of Addis Ababa, is close to completion. The so-called Reppie project is set to transform waste disposal for the rapidly expanding city’s population and also expected to serve as a waste management blueprint for the whole of sub-Saharan Africa. “The Reppie waste power project has been completed. The remaining works are commissioning and testing activities. Discussions are underway with the Addis Ababa City Administration and surrounding towns on ways of getting sustainable and good quality of wastes that can be used for power generation.” Bizuneh explained According to the director, the country is considering launching another power project in the near future, with installed generating capacity of 2100 mega watt of electricity on Omo River at a cost of $2.7 billion. Source: Journaldu Cameroun The post Ethiopia finalizes construction of Genale-Dawa Hydro electric power dam appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmaya shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadli doono Go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka Trump Qudus uga dhigay caasimada Israel. Shirkan oo ahmiyad gaara u leh wadamada Islaamka ayaa waxaa la filayaa in loogu hiilin doono magaalada Qudus oo ay duulaan ku yihiin dowladaha Mareykanka iyo Israel. Waxaa shirka ka qeybgalaya madaxda dunida muslimka, iyaga oo la filayo in ay ka jawaabaan go’aankii Trump uu ugu aqoonsaday Qudus Caasimadda Israel. Ururkan oo ka kooban 57 dal ayaa horay go’aanka Trump ugu yeeray mid sharci darro ah, waxaana shirka degdega ah marti galiyay Madaxweyne Erdogan oo ah Guddoomiyaha xilligan ee ururka. Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda shirka joogta, waana tilaabo la filayo in Soomaaliya ay ku cabirto carada ay ka qabto go’aankaas. Dhinaca kale, Farmaajo ayaa halkaa ka jeedin doona khudbad uu uga hadlaayo go’aanka Somalia uga aadan in Qudus laga dhigo caasimada Israel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shirka Hogaamiyayasha wadamada Islaamka oo furmaaya & Farmaajo oo ka jeedin doona khudbad xiisa leh appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraala oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM, ayaa waxaa looga hadlay weerar cirka ah oo habbeen hore ka dhacay Degaanka Mubaarak ee G/Sh/Hoose. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaa uu ahaa mid lagu fashilinaayay khatar ay maleeshiyaadka al-Shabaab u wadeen dadka magaalada Muqdisho. Waxaa qoraalka lagu cadeeyay in gaariga lagu duqeeyay Degaanka Mubaarak ee G/Sh/Hoose, uu ahaa mid lagu taageeraayay Ciidamada Isbahaysiga, loogana hortagey khatar ka dhan ah xasiloonida magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Qoraalka Taliska AFRICOM waxaa meesha looga saaray in weerarkaasi uu khasaaro u gaystay dadka rayidka ah, wuxuuna ku hanjabay in Ciidanka Mareykanka ay sii wadi doonaan tallaabooyinka ugu haboon ee lagu sugayo amniga. Nuqul kamid ah qoraalka ayaa ahaa “Ciidanka Mareykanka waxay sii wadi doonaan inay adeegsadaan tallaabooyinka ugu haboon ee lagu ilaalinayo ammaanka muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo xididada loo siibayo halista argagixisada.” Waxaa intaa lagu daray “Waxaa sidoo kale qayb ka ah iskaashiga Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya, kuwaa oo ku mideysan hawlgalada ka hortagga argagixisada, laguna beegsanayo goobaha ay argagixisada ku tababartaan, meelaha ay ku dhuumaaleystan ee Soomaaliya iyo guud ahaanba gobolka.” Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyada al-Shabaab ayaa beenisay in gaari caasi ah oo lagu duqeeyay Degaanka Mubaarak ee G/Sh/Hoose uu siday Qaraxyo, halka Taliska uu sheegay in la doonaayay in lagu fuliyo ismiidaamin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mareykanka oo Xog dheeraad ah ka bixiyay duqeyntii ka dhacday deegaanka Mubaarak appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ku yeeshan Xaruntooda magaalada Muqdisho. Xildhibaanada ayaa fadhigooda maanta cod ugu qaadi doona Miisaaniyadda dowladda ee sanada 2018 oo maalmihii dambe ay dood adag ka lahaayeen. Xildhibaanada ayaa codkooda ku meelmarin doona miisaaniyada, waxaana xusid mudan in Guddiga Maaliyadda iyo Wasaarada Maaliyadda ay dhabarka u dhigan doonaan cabashooyinka weli ka taagan miisaaniyada. Guddiga iyo Wasaarada Maaliyada ayaa ku qasbanaan doona inay qaatan cabashooyinka taagan iyagoo qaadan doona dhammaan dhaliilaha ay jeedinayaan Xildhibaanada. Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in maanta oo arbaca ah miisaaniyada 2018 ay mari doonto akhrinta ugu danbeysa. Dhinaca kale, Miisaaniyadan ayaa la filayaa in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ku shaqeyn doonto sanada soo socta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post BFS oo Go’aan kama danbeyn ah ka qaadan doona Miisaaniyada ay ku shaqeyn doonto DFS appeared first on Caasimada Online.
  17. Hargeysa (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa maanta oo arbaco ah in magaalada Hargeysa lagu caleema-saaro Hogaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa maamulka Somaliland ee la doortay 13 kii November. Munaasabada ayaa ka qabsoomi doonta xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeisa, waxaana la filayaa inay ka qayb galayaan wufuud kala duwan oo ka kala imanaysa dhowr dal. Mas’uuliyiinta maamulka u qaabilsan qaban qaabada munaasabada caleema-saarka ayaa xaqiijiyay in shaqsiyaadka ku casuuman ay ku jiraan Safiiro adduunka u fadhiya Somaliland. Munaasabada ayaa waxaa laga jeedin doonaa Khudbado kooban oo looga hadli doono isbedelada ka dhacay deegaanada maamulka, iyadoo lasoo qaadanaayo taariikho kooban. Hogaamiyaha cusub ee maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya Hogaamiyihii 5aad oo ay yeelato Somaliland tan iyo markii sanada 1991-kii ay ku dhawaaqday gooni isku taaga. Sidoo kale, Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa isna noqonaaya ku-xigeenkii 4-aad ee Somaliland kadib markii isaga mar labaad dib loo soo doortay. Dhinaca kale, dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa maamulka Somaliland ku boorisay inay hore usii wadaan doorashooyinka dimuquraadiga ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com The post Maxaadan Ogeyn oo maanta ka socda magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  18. Ururka caalamiga ah ee midowga culimada muslimiinta ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha dowladaha Islaamka kuwaasi oo maanta shir madaxeed degdeg ah ku yeelanayo magaalada Istanbul inay dajiyaan qorshe mideysan oo lagu xoreynayo magaalada Barakeysan ee Qudus. Midowga hogaamiyeyaasha wadamada Islaamka ayaa waxay qabanayaan shir madaxeed looga arrinsanayo Qudus, waxaana laga sugayaa inay dejiyaan Istiraatiijiyad si ay umadda Islaamka ay uga baxaan dhibaatooyinka ay la noolyihiin, waxaana laga sugayaan hogaamiyeyaashaan qorshe lagu badbaadinayo laguna xoreynayo Qudus iyo Falastiin. Shir madaxdeedka ka dhacaya Istanbul oo ah mid degdeg ah, waxaa ku baaqay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Goobjoog News Source
  19. Tan iyo markii Isra’il ay Qudus ku qabsatay dagaalkii 6da maalmood ee 1967-dii, waxaa golaha ammaanka ka soo baxay qaraaro aad u badan, oo lagu diidan yahay qabsashada, isballaarinta, Yuhuudeynta iyo duminta ay gumeystaha ka wadaan magaalada barakeysan iyo masjidka Al-aqsa. Hadaba, Akhriso, Qaraarada Golaha Ammaanka QM: Qaar Lr .242: 22 November Resolution 1967 Golaha ammanku wuxuu qaraarkan wadar oggol ku go’aamiyey in Israa’iil ciidamadeeda Qalabka sida kala baxdo dhulka Falastiin ay xoogga ku qabsatay dagaalkii 1967. Qaraar Lr. 250 Abriil 1968, wuxuu Golaha ammaanka ku go’aamiyey in Israa’iil aanay dhoollatus ku qaban magaalada Jerusalem, Qaraar Lr: 2 Maajo 1968 golaha wuxuu Israa’iil ku cambaareeyay dhoolatuska ay ku qabatay magaalada Jerusalem, taas oo ay ku xadgudubtay qaraarka golaha ammaanka. Qaraar Lr. 252: Maajo 1968 goluhu wuxuu Israa’iil ka codsaday in ay joojiso hawlgallada ay ka wado Jerusalem,, wuxuu kaloo Goluhu cambaareeyay kana soo horjeedaa dhulka kasta oo ay xoog hubeysan iyo gadgudub ku beeleysato, Goluhu wuxuu Israa’iil faray in ay ka joogsato oo aanay qaadin taallabo dambe oo wax ka bedel kara maqaamka magaalada. Qaraar Lr. 267: Luulyo 1969, wuxuu Goluhu dib u ayiday qaraarka Lr 252, wuxuuna ku adkeystay in aan marna la oggolaan Karin in la yeesho dhul lagu qabsaday xoog milatari. Qaraar Lr 271 : Seteember 1969, golaha wuxuu Israa’iil ku cambaareeyay dabkii qabsaday masjidka aqsa as-shariifka khasaarooyinka geystay , dhismahaas oo ay israa’iil xoog ku haysato . waxaa la faray in israa’iil ay ilaaliso axkaamta ku xusan cahdigii Geneva oo aysan horistaagin gacan ku haynta iyo hawlahood dayacatiridda. golaha sare ee muslimiinta Jerusalem, oo qorshooyinka hawlahooda ka mid yihiin gacan ku haynta iyo dayactiridda dhismooyinka muqaddaska u ah magaalada ku yaal. Qaraar Lr. 298: Semtember 1971, wuxuu si cad oo aan caad saaraneyn u qeexay in uu sharcidarro yahay wax ka badelka milkiilayadeed kasta oo ay ku sameeyso Jerusalem, oo ka mid yihiin dhulka boob lagu milkiyad guuristo. Qaraar Lr 465 maarso 1980, wuxuu goluhu faray Israa’iil inay joojiso qorshah ay ku wado dhismooyinka beeleysiga ah ay ku degaameyneyso dhulkii ay xoogga ku qabsatay dagaalkii 1967 oo magaalada Jerusalem, ka mid tahay, goluhu wuxuu kaloo ka codsaday in ay dhismooyinka ay deegaamadaas ka dhistayna ka dudumiso. Qaraar Lr 30 juun 1980, Golaha ammaanka QM wuxuu dib u ayiday in loo baahanyahay in waxa laga qabto joojinta beeleysiga dheeraaday oo ay Israa’iil xoogga ku haysato dhululka carabta tan iyo 1967 wuxuuna goluhu dib ugu adkaysatay fal kasta oo wax ka bedel milkiyadeeda lagu sameeyay magaalada Juresalem waa wax kama –jiraan waana in dib loogu noqdaa. Qaraar Lr478: Agoosto 1980, Golaha Amniga wuxuu si adag u cambaareeyay sharciga Israa’iil anisixisatay kaas oo wax ka bedel ku sameeyay maqaamka Jerusalem. Qaraarka wuxuu dhammaan dowladaha Safaarado ama xarumo diblomaasi ku leh Juresalem uu ugu baaqay in ay safaaradahooda kala baxaan magaaladaas. Qaraar 672 : October 1990, Goluhu wuxuu cod dheer u sheegay dareenkiisa ku saabsan adeegisga cunfiga ah gacan ka hadalka ee sababay in ay ku geeriyoodaan in ka badan 20 qof oo falastiiniyiin ah. Qaraarka waxaa kaloo lagu cambaareeyay falal dambiyeedka cunfiga ah ee ay ku kacaan ciidamada amniga israa’iil wuxuuna Israa’iil ku tilmaamay in ay tahay mid dhulka xoog sharcidarro ah ku haysato. Qaraar Lr 1073 Semtember 1996, golahu wuxuu welwel ka muujiyey arrimaha la xiira israa’iil oo furtay xaluulad dhulka hoostiisa ah ee u dhow masjidul Aqsa oo dad badan oo rayid ah ku dhinteen, wuxuuna ku baaqay in la xaqiijiyo ilaalinta amniga badbaadinta muwaadiniinta falastiiniga ah rayidk ah. Qaraar Lr 1322 7 October 2000, wuxuu si xoog le u cambaareeyay booqashada hoggaaamiyaha mucaaradka Ariel Sharon ku tagay masjidul Aqsa iyo qalalaasihii cunfiga wehliyey ee halkaas iyo meelo kaloo muqaddas ah ka dhacay sababayna dhimasho in ka badan 80 qof oo falastiini ah. Qaraar Lr2334: December 2006, wuxuu goluhu cambaareeyay dhismooyinka beeleedka israa’iil ku deegaameysaneyso dhulalkii ay xoogga ku qabsatay 1967 oo ay bariga Jerusalem ka lid tahay. Golaha amniga QM waxay hoosta ka xariiqday in aysan aqoonsanayn wax ka bedel kastoo lagu sameeyo jiidamihii sooh-dimadii hore oo jiray dagaalkii 1967 ka hor, wuxuuna si cad u sheegay in joojinta dhammaan hawlgalka Israa’iil ka waddo dhismooyinka deegaameysiga waxay dan lagama maarmaan u tahay badbaadinta jirsiinta xalka dhismaha dowladdooda. Qaraarkii 1397: Goluhu wuxuu Hogaamiyeyaasha Falastiin iyo Israa’iil ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan geedisocodka nabadda iyo ka wada xaajoodka xal raadin siyaasadeed. Goobjoog News Source
  20. Waxaa magaalada magaalada Istanbul ka furmaya shirka Ururka Iskaashiga Islaamka kaas oo loogu hiilinayo magaalada barakeysan ee Qudus. Shirka waxaa ka qeyb-galaya madaxda dunida muslimka, iyaga oo la filayo in ay ka jawaabaan go’aankii Trump uu ugu aqoonsaday Qudus Caasimadda Isra’il. Ururkan oo ka kooban 57 dal ayaa horay go’aanka Trump ugu yeeray mid sharci-darro ah, waxaana shir degdeg ah isugu wacay guddoomiyaha xilligan ee ururka Recep Tayyip Erdogan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda shirka joogta, waana tilaabo la filayo in Soomaaliya ay ku cabirto carada ay ka qabto go’aankaas. Goobjoog News Source
  21. Dowladda Mereykanka ayaa sheegtay in ay ka hortagtay gaari qarax lagu soo raray oo kusoo wajahnaa Magaaladda Muqdisho. Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika war uu soo saaray ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeelaha Hoose, lagu gubay gaari Homey ahaa oo lasoo saaray waxyaabaha qarxa islamarkaana kusoo wajahnaa magaaladda Muqdisho. Taliska ayaa sheegay in qof rayid ah aanay wax ku noqon duqeynta, iyadoo aan faahfaahin laga bixin cidda Al-shabaab wax uga noqotay. Dhanka kale dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Gaari homey ahaa oo moos saarnaa, kaasoo la sheegay in diyaaradaha Dowladda Mareykanka ay PUNTLAND POST The post Mareykanka oo Sheegay in uu Ka Hortagay Qaraxyo Kusoo Wajahnaa Magaaladda Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Haweeney kasoo baxsatay Al-Shabaab ayaa ka sheekeysay sida loogu qasbay inay isticmaasho dawooyin daroogo ah isla markaana loogu galmood si adoonsi ah keynta Boni ee dalka Kenya. Faduma “ma ahan ma ahan mageceeda saxda ah” waxa ay sheegtay iyada iyo haween kale oo la heystay in marar badan ay kufsadeen ugu yaraan 6 nin shantii sano ay heysteen Al-Shabaab. Waxa ay sheegtay in si joogto ah loo goodi jiray in la dilayo gaar ahaan markii dagaalyahanada Shabaabka ah ay dagaal kala kulmaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia. “Haweenka xerada jooga cunada ayay kariyaan dharkana wey u dhaqaan mitidiinta iyo howlaha kale ee ah waajibaadka guriga, dagaalyahanada had iyo jeer jir ahaan iyo galmo ahaan weyna fara xumeeyaan, qaar kamid ah mitidiinta weyna garaacaan hadii aysan jecleysan waxyaabaha aan u karino taas oo intabadan aniga igu dhacday iyadoo aanan aqoon karinta Canjeerada Somalida taasoo ay door bidi jireen mitidiinta” ayay tiri. Faaduma oo kasoo baxsatay Mitidiinta sanad kahor ayaa saraakiisha ammaanka uga sheekeysay sida loogu qasbay inay isticmaalaan daawooyinka uurka looga hortago ama ay ilmaha iskaga soo ridaan marka ay uurka yeeshaan. “Galmada iyo dhibaatooyinka jirka ayaa aad u darnaa markii maleeshiyaadka ay kasoo laabtaan dagaalada ay la galaan ciidamada AMISOM. “Wey cabayaan waxana ay qaadanayaan dawooyin habeen iyo maalin, hadii ay u dabaal degayaan ama dilka ciidamo Somali ah ama AMISOM ama ay u baroor diiqayaan kuwo iyaga ka dhintay, waa markaas marka ay dhacaan kufsiyada” ayay tiri Faaduma iyadoo ilmeyneysa. Kahortaga Uurka Waxa ay shegtay inaysan xisaab lahayn inta mar ee la kufsaday laguna qasbay inay isticmaasho daawooyinka kahor taga uurka balse waxay Faaduma intaas ku dartay in haweenka la heysto ee guursaday taliyayaasha loo ogolaaday inay heystaan caruurta, waxaa jiray ku dhawaad 15 caruur ah oo ku sugnaa xerada ku taal keynta Boni” ayay tiri Faaduma. Waxay ku dhalatay Xaafada Majengo ee magaalada Nairobi, Faaduma oo ah hooyo heysata laba caruur ah ayaa sheegtay in arrintaan ay biloowday 7 sano kahor kadib markii ay kala tageen seygeedii ay isqabeen laba sano. Rajo la’aan ah noloshana kali ku ah, Faaduma oo heerka 9-deedaad uga tagtay waxbarashada isla markaana leh 9 walaalo ah, waxay u baahneyd inay xanaaneyso labadeeda wiil, waxay ka shaqeyn jirtay dhaqidda dharka iyo howlaha kale ee guryaha ay dadka u qaban jirtay si ay u helaan nolol. Wiil ay dhinaca hooyada dhalshada ku wadagaan oo magiciisa lagu soo gaabiyay Dogo kana soo jeeda Lamu ayaa ku dhiiri galiyay inay ku biirto Al-Shabaab isagoo u balan qaaday inay sameyneyso lacag fiican. Si fudud ayay ku aqbashay qorshaha uu u soo bandhigay waxayna kula biirtay Lamu kadib markii ay labadeeda wiil ay kaga tagtay hooyadeed. Balse tagitaankeeda xerada Al-Shabaab ee Somalia, wexey aad ula yaabtay in shaqadooyinkeedii ay ka fogyihiin waxa uu Dogo ku wargaliyay inay ahaanayaan. Waxay ku sifeeysay nolol faraxumeyn ah maalin walbo iyo jirdil maskaxeed oo ka jira xerada Al-Shabaab. Waxay tilmaamtay inay ahayd maxbuus intabadana lagu qasbi jiray inay isticmaasho Daroogo gaar ahaan nooca halista badan ee heroin, Marijuana iyo Rohypnol oo si guud ay sheegtay inay u isticmaalaan Al-Shabaab iyo sidoo kale Jaad. “Haddii aad nasiib leedahay, taliye ayaa xaas kaa dhigan lahaa taasina waxay ka hortagi lahayd in maleeshiyaadka kale ay ku xoogaan, balse kuwa xaasaska laga dhigto waa Somali kaliya,” ayay tiri Faaduma. Faaduma ayaa ka baxsatay xerada Al-Shabaab iyadoo caawin ka heleysa nin oday ah kadib markii dagaalyahanadii heystay ay dagaal la galeen ciidamada AMISOM. Sadex kale oo saaxiibadeed ah oo lagu heystay xerada ayaa sidoo kale ka cabsaday inay baxsadaan. Kadib maalmo ay isku qarineysay Duurka waxay doonyo usocday Kenya ka hor inta aysan xirin laamaha ammaanka Kenya kuwaas oo dib usii daayay kadib markii ay su’aalo weydiiyeen baaritaan caafimaadna marsiiyeen. Sanad kadib laabashadeeda Faduma ayaa si murugo loo ogaaday inay qabto HIV iminkana qaadaneysa daawooyin kahortag ah iyadoo sidoo kale laga dabiibayo cudurka Tiibishada. Caafimaadkeeda ayaa ka dhigay xaalada dhaqaaleheeda mid xun. Waxaa laga mamnuucay lagana dhex saaray bulshadeeda sababtana ma, ahan oo kaliya inay ku biirtay Al-Shabaab balse sidoo kale inay qabto cudurka HIV-ga. Sida lagasoo xigtay saraakiisha laamaha ammaanka ee wax ka qabanaya shaqsiyaadka kasoo laabta Al-Shabaab, ayaa Bulshada intabadan kuwargaliyay inay iska ilaaliyaan xaasaska Al-Shabaab Carmalooyinka ama caruurta raga lagu tuhunsanyahay inay ku lug leeyihiin falal aragagixiso iyo sidoo kale haweenka u shaqeeya Al-Shabaab. Halkaan ka aqriso warbixinta oo English ah oo uu qoray wargeys the Standar Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faduma oo ka shekeysay arrin fool xun ay kula keceen Shabaab iyo HIV laga helay appeared first on Caasimada Online.
  23. Warbixin ay soo saareen cilimi-baarayaal waaxda (Citizen Lab) ee ka tirsan Jaamacada Toronto ee dalka Canada ayaa lagu soo bandhigay barnaamijyada Internetka oo ay dowlada Itoobiya kasoo iibsatay shirkad laga leeyahay Israel oo ka ganacsata barnaamijyada dadka, shirkadaha iyo dowladaha lagu basaaso. Barnaamijkan ayaa la sheegay in dowlada Itoobiya ay kasoo gadatay shirkada CyberBit Solutions Ltd ee laga leeyahay Israel kana mid ah shirkadaha qandaraaska ka heysta militariga Israel. Waxaana barnaamijkan oo la yiraaho [PC Surveillance System (PSS)] loo adeegsadaa in lala socdo dhaq dhaqaaqa iyo xogta ku jira computerada in badan oo kamid ah shacabka iyo qurbo joogta itoobiya. Dowlada itoobiya ayaa sidoo kale la sheegay in barnaamijkan u adeegsato basaasida shirkado iyo dowlado kale, waxaana warbixintan lagu soo bandhigay cadeynamaha dalalka ay Itoobiya weerarka dhanka internetka ku qaaday sanadkii lasoo dhaafay 2016 illaa iyo sanadkan aanu ku jirno. Qurbo joogta shacabka Oromada ayaa la sheegay inay ugu badan yihiin dadka sida gaarka ah ay u basaasaan sirdoonka Itoobiya oo doonaya inay ogaadaan dhaq dhaqaaqa iyo xogta internetka isku dhaafsadaan dadka ay u arkaan mucaaridka dowlada iyo waliba suxufiyiinta madaxa banaan. Israel ayaa sanadihii lasoo dhaafay dadaal weyn ugu jirtay inay Qaarada Afrika ku yeelato ganacsi xoogleh oo dhanka tiknolijiyada ah iyadoo barnaamijyoo badan oo wax lagu basaaso ka gaday dalal badan. Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Kenya xiligii caleemo saarka Madaxweynaha dalkaasi ee Uhuru Kenyatta ayaa khudbadii uu kasoo jeediyey Nairobi ku sheegay inay doonayaan in dalalka Afrika ka caawiyaan dhinaca tiknolijiyada iyo waliba la dagaalanka argagaxisada sida Daachis, Al Shabaab iyo Boko Xaram. Shirkadaha Israel ayaa loolan xoogan kula jiray Shirkadaha laga leeyahay Yurub oo iyagu horey u heystay suuqyada Afrika ee dhanka qandaraasyada militairga iyo tiknolijiyada. Maxamed Cismaan Horseed Media The post Itoobiya oo Israel ka iibsatay barnaamij halis ah oo ay ku basaasto dalalka kale appeared first on Caasimada Online.
  24. Hargeysa (Caasimada Online_ – Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ayaa sheegay inuu Rabo Somaliland loo dhan yahay, Isagoona sheegay in loo baahan yahay in la Fuliyo Heshiiskii uu dhowaan la Saxeexday Somailand. “Heshiiskii aanu galnay wuxuu u baahan yahay Fulintii, Waxaanu daacad ka nahay Somaliland loo wada dhan yahay, oo Cidna aysan Cid kale Marti u Noqon, maamulka Cusub ee Muuse Biixi Waxaanu uga Fadhinaa inuu Fuliyo Heshiiska “ ayuu yidhi Dr. Cali khaliif. Dad badan ayaa horey ugu dhaliilay Cali Khaliif inuu u socdo Somaliland, Taasi oo markasta uu Beenin jiray, Waxayse hada u muuqataa inuu Saldhigtay Hargeisa. The post Daawo: Cali Khaliif Galaydh oo sheegay waxa uu ka rabo Muuse Biixi iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay shaqaale ka howlgala Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay Gaadiid u socday maleeshiyaadka al-Shabaab. Xogtaan ayaa tibaaxeysa in Gaadiidkaas ay ahaayen ilaa Seddex gaari nooca aanu xabada Karin oo ay isticmaalan Madaxda DFS. Gaadiidkan ayaa la xaqiijiyay inay usoo dageen maleeshiyada al-Shabaab, balse laga warhelay, sida aan kasoo xiganay mid kamid ah shaqaalaha Dekadda. Xogta aan helnay ayaa intaa kusii dareysan in mid kmaid ah Gaadiidkas ay ciidamada dowlada ku qabteen Suuqa Bakaaraha xili leysku dayay in lala baxsado. Dowlada Somalia ayaa ku howlan baaritaanka kiiskan oo la sheegay inay ku lug leeyihiin Ganacsato si dhow ula shaqeysa al-Shabaab. Sidoo kale, Dowlada Federaalka ayaa aad u adkeysay ganacsiga soo gala magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa laga soo dajiyo Dekadda. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa horay ugu guuleysatay qabashada Hub u socday maleeshiyaadka al-Shabaab oo lagu qabtay Dekadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Gaadiid u socday al-Shabaab oo lagu qabtay dekadda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.