-
Content Count
205,940 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weerar ku qaaden Saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Gobolka. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerarka kasoo qaaday dhowr jiho, waxaana la sheegay in weerarka uu isugu jiray Qaraxyo iyo mid fool-ka-fool ah. Maleeshiyada ayaa weerarka ku qaaday Saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, gaar ahaan deegaanka Golweyn. Weerarka ayaa dhacay saqdii dhexe ee Xalay xili ay ciidamada AMISOM ku guda jireen tamashleyn, waxaana lasoo sheegayaa in weerarka uu ka dhashay khasaaro xoogan oo labada dhinac ah. Maleeshiyada ayaa weerar kaa lamid ah ku qaaday Saldhiga ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ambareeso ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana sidoo kale la sheegayaa in weerarkaas uu ka dhashay khasaaro xoogan. Sidoo kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa Qarax miino ka geysatay Degmada Qoryooley, gaar ahaan goob ay isugu yimaadaan ciidamada, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare ugu yaraan, hal askari ayaa halkaasi ku dhintay. Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay weerarkaasi oo soo gaaray ciidamada AMISOM ee Saldhigaasi lagu weeraray. Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaan ka hadal khasaaraha ka dhashay weerarka waxaana lasoo warinayaa in saaka Saldhiga la weeraray diyaarado looga guraayo dhaawacyo iyo Meydad dhowr ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Weerar isugu jira Qaraxyo & mid toosa oo lagu qaaday Saldhig ay AMISOM ku leeyihiin G/Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.
-
Millennials of color are going to be a major force in shaping Columbus and other American cities over the next few decades. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo talaabo ah uu magaalada Muqdisho ka furmo Kalfadhiga 3aad kulankiisa koobaad ee Xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamanka Somalia. Kulanka maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa looga doodi doonaa dhowr ajande waxaana ugu weyn Xeerka dhowridda Gobonimada iyo Madaxbanaanida Geyiga Soomaaliya. Xildhibaanada baarlamaanka Aqalka sare ee Somalia ayaa doodooda xooga ku saari doona qodobka Gobonimada iyo Madaxbanaanida Somalia, waxa ayna go’aan ka gaari doonaan xeerkii dalka looga mamnuucayay DP World . Kaa oo shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka meel mariyeen islamarkana dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Dood badan ka dib ayaa mudanayaasha Aqalka sare laga sugaya in ay ansixiyaan si markaasi uu u saxixo Madxweyne Maxamed Cabdullahi farmaajo. Si kastaba ha ahaatee, Xubnaha Aqalka sare ayaa daba gal ku sameyndoona weerarkii bishii December ee sanadkii 2017-kii lagu qaaday guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaanada Aqalka Sare oo go’aan cad ka qaadan doona Shirkada DP Worlad & Farmaajo oo laga sugaayo inuu saxiixo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah Golaha Wakiilada maamulka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in Go’aanka kasoo baxay baarlamaanka Somalia uusan waxba u dhimi doonin Somaliland. Xildhibaan Axmed, waxa uu sheegay in baarlamaanka Somalia uu qaatay go’aan iyaga u gaar ah, waxa uuna tilmaamay inaanu waxba ka khuseyn go’aan waliba oo kasoo baxa dowlada Somalia. ‘’Go’aanka kasoo baxay baarlamaanka Somalia waxa uu lamid yahay go’aan uu gaaray shaqsi aan waxba kala socon adduunka, waxaan u sheegeynaa dowlada Somalia inay iska ilowdo waxa ay ku riyooneyso ee weli ku jira maankeeda’’ Xildhibaan Axmed, waxa uu sheegay in Somalia ay la yihiin dal dersi ah iyaguna ay yihiin kuwo ismaamula oo deris al ah Somalia isla markaana aan uga sokeyn Ethiopia iyo Uganda. ‘’Waxaan dowlada Somalia ugu baaqi lahaa inay go’aankeeda uusan ka beerdaroobin oo ay qaado talaabada ay is leedahay waxbaad kusoo celinkartaan waayo waxaan ogahay inuu wakhti ka qasaari doono oo aanu waxba ka khuseyn go’aan waliba’’ Sidoo kale, waxa uu sheegay in shirkada DP World ay ku saxan tahay go’aanka ay ku laashay amarka dowlada Somalia, hase ahaatee waxa uu tilmaamay inay u harsan tahay kaalintooda. Haddalka Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, ayaa kusoo beegmaaya xili baarlamaanka Somalia uu shirkada DP World ka mamnuucay guud ahaan Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Somaliland oo ka hadashay go’aanka kasoo baxay baarlamaanka DF Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa beeniyay wararka sheegaya in gudaha Degmada lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab. Gudoomiyaha degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose Muxudiin Khaliif Caliyow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay been abuur tahay in gudaha degmada lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab. Waxa uu tilmaamay in wararkaasi been abuurka ah ay baahiyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta, hase ahaatee ka maamul ahaan aysan kawarqabin halka lagu dilay maleeshiyaadka al-Shabaab. ‘’Waa been abuur ma arag goob lagu dilay xubno ka tirsan al-Shabaab, Saraakiisha amaanka iyaga ayaa iska sheegtay dilka xubnahaasi, waxaanse cadeynayaa inaanu jirin xubno ka tirsan Shabaab oo lagu dhex dilay degmada’’ Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada waxa uu sheegay in liiska ay Saraakiisha ciidanka xoogga usoo gudbiyeen uu ka koobnaa Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur (Faruur) oo ay Saraakiishu dileen, hase ahaatee uu beeniyay Guddoomiyaha. Sidoo kale, Saraakiisha ciidamada xoogga ee ka howlgala Degmada ayaa sheegay in Guddoomiyaha Degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose, uu difaacayo maleeshiyaadka al-Shabaab. Saraakiishu waxa ay sheegen in Guddoomiyaha Degmada ay wada shaqeyn kala dhexeyso al-Shabaab, hase ahaatee maamulka laga doonaayo inay wax ka qabtaan xadgudubyada uu wado Guddoomiyaha. Dhankale Gudoomiyaha degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Sh/Hoose Muxudiin Khaliif Caliyow oo dibad joog ka ah degmada uu ku magacaaban yahay ayaa tilmaamay in uu wado qorshe uu ku gaaraayo degmada Kuntuwaarey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Guddoomiye Degmo oo si aan caadi aheyn u difaacay maleeshiyaadka al-Shabaab (Sidee ayuu u difaacay) appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Aqalka sare ee Muqdisho. kulankaan oo ah mid xasaasi ayaa waxa ay ka hadli doonaan arinta la xariirta go aankii shalay ee Baarlamaanka. Xubnaha aqalka sare ayaa lagu wadaa in ay ku raacaan islamarkaasina ay taageeraan go aankii shalay Baarlamaanka. Xubno katirsan Aqalka sare ee dalka ayaa u sheegay Warbaahinta Puntland Post xafiiskeeda warqabadka Muqdisho in ay Golaha uu taageersanyahay go’aankii shalay ee Xildhibaanada aqalka hoose. Markii iyana ay meel mariyaan Xildhibaanada aqalka sare qaraarka dalka lagaga mamnoocayo shirkada DP World ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo Madaxweyne Farmaajo si uu u saxiixo. Waxaa sii xoogeeystay qilaafka u dhaxeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya kaasi oo ku aadan heshiiskii shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka ay Soomaaliland la saxiixatay heshiis Dowlada Soomaaliyana ku tilmaamtay mid sharci daro ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada Aqalka sare oo ka doodaya Arinta Shirkada DP World appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa Xisbiyada mucaaradka dalkaas ugu baaqday inay tixgaliyaan kulanka uu Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga todobaadkii la soo dhaafay la qaatay Madaxweynaha Kenya. Dowlada ayaa mas’uuliyiinta qeybta ka ah Xisbiyada ugu baaqday inay tashkiilinta iyo war xumada ka dhaafan Raila Odinga oo xor u ah la kulankiisa Madaxweyne Uhurro Kenyatta. Francis Atwoli oo ah Madaxa Shaqaalaha Dalka Kenya ayaa sheegay in Hoggaamiyayaasha iyo Xubnaha Xisbiyada ay durba faquuq iyo war xumo ku bilaabeen Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga. Waxa uu Francis Atwoli tilmaamay in Raila Odinga uu xor u yahay la kulanka Madaxweynaha dalka, sidaa aawgeedna mucaaradka kale laga doonaayo inay muujiyaan dulqaad. Waxa uu Mr Francis Atwoli cod dheer ku sheegay in kulanka Madxaweyne Kenyatta iyo Raila Odinga uusan aheyn mid lagu amaanaayo xaalada dalka, balse uu kulankooda uu yahay mid kala warqaadasho ah. Maalin un ka hor ayey aheyd markii Hogaamiyaha labaad ee Mucaaradka Kenya Mr Kilonzo Musyoka uu sheegay in Raila Odinga uusan Sharaaxaad uga bixin Hogaamiye yaasha kale kulanka uu la qaatay Madaxeynaha Kenya Mr Uhuru Kenyatta. Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Mr William Ruto ayaa dhankiisa ugu baaqay Hogaamiye yaasha Mucaaradka Kenya in ay Ka shaqeyaan Sidii La isugu Keeni Lahaa Muwadiiniinta Kenyanka ah ee ku Kala Qeybsamay Doorashadii Guud ee Sanadii La soo Dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mucaaradka Kenya oo war xumo u rogay kulanka Madaxweyne Kenyatta & Raila Odinga (Maxay yiraahdeen) appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ku hoyday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga oo ku taala Degmada Deyniile Nawaaxiga Washaradaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa si KMG ah uga soo guuray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo uu madaxweynaha ku shaqeeynayay. Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay kulamo saacado badan qaatay la yeeshay Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa dhiiragalin u sameeynaya Ciidamada xooga dalka si ay u qaadaan weeraro cuslus iyo hoowlgalo dalka Al-Shabaab looga saarayo. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ahna Taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa hoogaamin doono howlgal culus oo lagu qaado Al-Shabaab. Dalka Soomaaliya waxaa laga dareemayaa abaabul xoogan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Xalay ku hoyday Wasaarada Gaashaandhiga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan degdeg ah Xafiiskiisa kula qaatay dhammaan Hoggaamiyayaasha Xisbiyada mucaaradka maamulka Somaliland. Hoggaamiye Muuse Biixi, ayaa Mucaaradka usoo bandhigay latashiyo ku aadan heshiiska dekadda Berbera ee u dhexeeyay maamulka, Shirkada DP World iyo dowlada Ethiopia. Hoggaamiyayaasha uu la kulmay Muuse Biixi ayaa waxaa kamid ahaa Feysal Cali waraabe iyo C/raxmaan Maxamed Cirro waxaana uu kala hadlay sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen go’aan mideysana uga qaadan lahaayeen diidmada dowladda Soomaaliya ee heshiiska dekadda Berbera. Biixi, ayaa Hoggaamiyayaasha u sheegay inay muhiim tahay inay qaatan mowqif Mideysan oo lid ku ah dowlada Somalia, waxa uuna soo jeediyay in go’aanka la qaadanaayo uu yahay kan maamulka uu gaaray. Biixi, waxa uu Hoggaamiyayaasha u sheegay in Somaliland ay ka madaxbanaan tahay Somalia inteeda kale, sidaa aawgeed la doonaayo in la kala qaado Mucaaradnimada iyo qadiyada Qaranka. Biixi, waxa uu sidoo kale sheegay in xiisadaha ka soo cusboonaaday heshiiska dekadda Berbera ay tahay mid ay dowlada Somalia ku dooneyso inay kuwiiqdo awooda Somaliland. Sidoo kale, kulanka uu Muuse Biixi la qaatay madaxda xisbiyada ayaa imaanaya kadib markii 5-tii bishan aan ku jirno gudoomiyaha xisbiga wadani Cabdiraxmaan Cirro uu dhaliilay heshiiska Seddex geesoodka ah ee dekadda Berbara . Si kastaba ha ahaatee, Golaha shacabka baarlamaanka Somalia ayaa shalay xaarantimeeyay heshiiskasta oo gudaha dalka quseeya ee lala galay shirkadda DP world ee Imaaraadka laga leeyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muuse Biixi oo go’aanka BF kadib shir degdeg ah la qaatay hogaamiyayasha xisbiyada mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
-
Kathmandu (Caasimadda Online)– Ugu yaraan 49 qof ayaa ku dhintay diyaarad ku dhacday agagaarka garoonka diyaaraddaha caasimada Nepal ee Kathmandu, diyaarayadaasi oo ay saarnaayeen 67 qof. Burburka diyaaradda ayaa ka danbeeyay kadib markii sarkaalka duuliyaha diyaaradda uu warbixin qaldan ka helay kooxda kontoroolka oo warbixin qaldan siiyay duuliyaha diyaaradda sida uu eedeyntaan shaaciyay madaxa fulinta ee US-Bangla Airlines, Imran Asif oo ah diyaaradda burburtay. Wakaaladda wararka Reuters ayaa baahisay in agaasimaha guud ee garoonka diyaaradaha ee Raj Kumar Chettri oo sheegay in duuliyuhu uu diidday farriintiisa ugu timid jihada khaldan. Dadka diyaaradda saarnaa ayaa ahaa 33 rakaab ah oo u dhashay Nepali, 32 ka yimid Bangladesh, mid ka mid ah Shiinaha iyo mid u dhashay Maldives. Mas’uuliyiinta Napel ayaa aaminsan in shilka diyaaraddda shirkadda Us-Bangla Airlines ay tahay mid iyada ka dhalatay, iyadoo ay bilowdeen baaritaano arrintaasi la xiriira. The post Sawirro: Diyaarad shacab oo ku burburtay Nepal oo mas’uuliyadeeda lagu eedeeyay duuliyaha appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waa Qaybta ugu dambeysa ee Taxanaha Maxaabbiistii 77. Waxaan ku soo bandhigayaa tirkoob guud iyo macluumaad kooban. Ka dib markii 1988 ay labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia ku heshiiyeen in maxaabbiista la isu celiyo, waxay labaduba ay ka aqbaleen ICRC in ay fuliso howsha kala beddelaadda maxaabbiista. Talaado 23ka Agoosto 1988 ilaa iyo Kamiis 1da Sebtember 1988 ayay 10 dullimaad u kala gooshtay Muqdisho iyo Dire Dawa dayaarad ay soo kireysay ICRC. Tobankaas maalmood ayaa 3,543 maxbuus oo Ethiopian ah oo isugu jira ciidan iyo rayid oo 530 ka mid ahi ay yihiin carruur aan qaan gaar ahayn iyo hal duuliye oo Cuban ah waxaa laga qaaday Muqdisho waxaana la geeyay dalka Ethiopia. 246 askari oo Somali ah ayaa lagu soo celiyay dalkooda. Maxaabbiista badankood waxay xabsi ku jireen ku dhowaad 11 sano. Mid ka mid ah saraakiishii xabsiga Ethiopia laga soo daayay wuxuu ii sheegay in waraaqaha ICRC ee ka yimid qoysaska Maxaabbiista la keeni jiray xabsiga qiyaastii afrtii biloodba mar. Marka waraaqaha la qeybiyana uu xabsigu noqon jiray shanqar la’aan inta maxbuus waliba uu akhrisanayo xogta qoyskiisa kuna mashquulayo xusuustooda iyo malihiisa. Bilaha xigana ay maxaabbiistu iska wareysan jirtay qof walba warka loo soo sheegay. Inkasta oo aanan anigu xusuusan, sarkaalkaasi wuxuu ii sheegay in gabar Soomaaliyeed oo sarkaal ahi ay ka mid ahayd maxaabbiista la xirnayd ee dagaalka lagu qabtay, dalkana ay dib ugu soo wada laabteen. Ka dib dagaalkii 1977 labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia ma oggoleyn in ay dayaaradi isaga tallaabto hawadooda. Dayaaraddii ICRC ee 1988 maxaabbiista sidday, waxaan u maleynayaa in ay ahayd markii ugu horreysay ee dayaaradi ay u kala gooshto labada dal tan iyo dagaalkii 1977. Maxaabbiista labada dhinac intii ay socotay, waa sannadkii 1988 waxay wadashaqeyn dhow oo weliba xasaasi ahi ay na dhex martay Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Maax. Waxaan u aqaan mas’uul aan isla weyni aqoon, garyaqaan ah, isla markaana dareen u leh xuquuqda aadanaha. Maxaabbiis Ajnebi ah Maxaabbiista Ethiopian-ka ah intii laga daad gureynayay xabsiga dhexe ee Muqdisho, waxaa soo baxday in maxaabbiis ajnebi ah oo dhowr ahi ay ku xiran yihiin xabsiga. Maxaabiistan ajnebiga ah, waxaa lagu haystay eedeymo aan wax xiriir ah la lahayn dagaalka marka laga reebo nin u dhashay Senegal. Kiisaskooda markii dib loo eegay waxay isugu jireen arrimo u badan xadgudub xeerarka socdaalka oo ah in ay dalka visa la’aan soo galeen. Maxaabbiista qaarkood waxay ku doodayeen in markab laga soo tuuray iyo waxyaabo la mid ah. Waxaan ka xusuustaa nin u dhashay dalka Jamhuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo oo markaas loo yiqiin Zaire, nin Morocco u dhashay iyo nin dhalashadiisa la garan waayay oo marba dal sheegtay Safaaradaha dalalkaasina ay sheegeen in aanuu u dhalan dalkooda. Dalalka uu sheegtay waxaa ka mid ahaa Indonesia iyo Singapore. Waxaa kale oo jiray nin u dhashay Senegal oo sheegay in uu yahay weriye oo Ciidanka Xooggu ay ka soo qabteen aagga Jigjiga. Wuxuu sheegay in uu yahay weriye aan doonaya in uu labada dhinac ee dagaalka ka warrmo laakiin lagu eedeeyay in uu ahaa basaas. Maxaabbiistaas waxay qaarkood xirnaayeen sannado badan. Waxaan u amleynayaa in uu ugu wakhti dheeraa weriyaha reer Senegal oo xirnaa in ka badan 10 sano. Dowladda Soomaaliya waxay ICRC ka codsatay in maxaabbiistaas ay ku celiso dalalkoodii. Midba mar ayaan ka dhoofinnay maxaabbiistaas marka laga reebo ninka dalkiisa la aqoon waayay kaas oo dib u dejin loo weydiiyay dal saddexaad. Weriyaha Senegal u dhashay waxaan xusuustaa in khadka duullimaadkiisu uu ahaa mid sii maraya Paris. Ma ahayn keliya in aanuu visa Faransiis ah haysan oo ma haysan, ee xataa waxaa dhacsanaa Baasabboorkiisa. Waxaan xusuustaa in aan Safaaradda Faransiiska ee Muqdisho ka helnay oggolaasho ah in uu sii mari karo Paris si uu u qaato dayaarad geysa Dakar. Mxaabbuus kasta inta aan dalka laga dhoofin waxaa la diyaarinayay waraaqo looga baahan yahay hey’ado kala duwan sida Isbitaal, booliiska, Laanta Socdaalka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo qaar kale. Hey’adaha qaar waxay ahayd in la horgeeyo maxbuuska taas oo kalliftay in aan xabsiga ka soo saarno oo aan ku hayno Saldhigga Booliiska ee Wardhiigleey. Marka aan u tago Saldhigga aniga oo doonaya in aan Maxbuus geeyo hey’ad ama laba, mararka qaar waxay igu dari jireen askari booliis ah. Maxaabbiis Ajnebi ah waa qormo aan daabacay 2016 oo aan ku yara faahfaahiyay howlgalkaas kooban. Qaybtan 25aad ayaa ugu dambeysa Taxanaha maxaabbiistii 77 oo soo billowday Isniin 5ta Febraayo 2018. Mahadcelin Waxaan u mahadcelinayaa akhrisatayaasha bloggan siiba inta akhrisatay Taxanahan. Waxaan aad ugu mahad celinayaa inta akhrisay, la wadaagtay saaxiibbadood isla markaasna ka dhiibtay ra’yigooda, ii kordhisay macluumaad, maskaxdeyda ku dhaliyay su’aalo, ama weydiimo ii soo bandhigay aan uga jawaabay. Waan ku cudur daaranayaa inta aan ka jawaabi kari waayay, aan ka ilduufay ama aan ka gaabsaday. Waxay ii bidhaamisay fahamka, dareenka, rabitaanka iyo weliba xiiseynta akhrisataha. Waxaan si gooniya ugu mahadcelinayaa saaxiibbada ii duceyay. Waxaan oo aan leeyahay ducada aammiin, intaas oo kale iyo ka bandanna Allah ha idiin kaso. Waxaan akhristayaasha ka raalli-gelinayaa maalmaha qaar aan ka mashquulay, ka nastay ama xaaladda magaalada Muqdisho ee aan deggan ahay ay iila muuqan weyday munaasab in aan Taxanaha si joogta ah u daabaco. Rabbi ka sokow waxaan mahadda ugu ballaaran u jeedinayaa ragga ka tirsanaa Maxaabbiista ee gacanta igu siiyay macluumaadka qaarkiis. DH A M M A A D W/Q. Yuusuf Garaad The post Gunaanad – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Shan iyo Labaatanaad appeared first on Caasimada Online.
-
-
Jaaliyada Soomaaliyeed ee Seattle Washington iyo Minnesota ayaa tacsi u diraya dhamaan Caruurtii iyo Ehelkii ay ka geeriyootay Alla ha u naxariistee Marxuumad Khadiijo Xasan Bare oo ku geeriyootay MagaaladaMuqdisho. Marxuumada waxaa Illaahay looga abaryayaa jano waarta iyo dambi dhaaf iyo ainuu illaahay samir ka siiyo caruurtii ay ka tagtay iyo guud ahaan Ehelka. Aaaamiiiin Aaaaamiiinw Jaaliyada Soomaaliyeed ee Seattle iyo Minnesota ayaa si gaara ugu tacsiyeynaya caruurtii Marxuumadu ka baxday.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ilaa 11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa codsaday dib-u-dhigista arrinta DP World iyo in xukuumadda looga dambeeyo. Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi oo ka hor hadlay Golaha Shacabka ayaa sheegay in warbaahinta caalamka, tan gudaha iyo baraha bulshada intaba qabsadeen heshiiska DP World ee la xiriira heshiiska ay la galayaan dekadaha Soomaalida. Xildhibaannadan mooshinka saxiixay waxaa ay codsadeen in dib-u- dhig lagu sameeyo, lagana saaro ajendaha Golaha Shacabka si loo helo war sugan oo ku saabsan arrintan oo laga wareysanayo xukuumadda iyo ra’isulwasaaraha kadib marka ay keenaan kana doodaan natiijada wixii ka soo baxa. Magacyada Xildhibaannada Saxiixay Mooshinka Dib Loogu Dhigayo Arrinta DP World: Maxamed Cumar Carte Qaalib Cabdi raxmaan Ibbi Axmed Maxamud Sheekh(Dhagaweyne) Maxamed Ibraahi Cabdi (Diyeeshe) Cali Maxamed Muuse Aamino Cumar Jaamac Huda Axmed Cali Axmed Maxamed Jaamac Faadumo Ismaaciil Xuseen Aamino Sheekh Cusmaan’ Faadumo Xasan Cali Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Magacyada 11 Xildhibaan Oo Codsaday Dib-u-dhigista Arrinta DP World appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku hoyday caawa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waana markii ugu horreysay burburkii kaddib uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku hoydo xaruntaas. Sababta uu Madaxweynuhu ugu hoyday Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa wararku sheegayaan inuu kulamo joogto ah la yeesho Saraakiisha iyo Hoggaamada Ciidanka Xoogga si la iskugu dubba rido Ciidanka Qaranka oo u diyaar garoobay inay Alshabaab dalka ka xoreeyaan. Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyayaasha Booliska iyo Nabadsugidda, Abaanduulaha Ciidamada Xoogga iyo Hoggaamida Ciidanka Xoogga ayuu Madaxweyne Farmaajo kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah la lahaa maanta ilaa caawa, si loo dhammeystiro abaabulka dagaalka ay ciidamada Qaranku kaga sifeyn doonaan Alshabaab. Waa markii shanaad uu Madaxweyne Farmaajo ku shaqeeyo Wasaaradda Gaashaandhigga, waana markii u horreysay uu u hoydo, taasina waxay tilmaamaysaa in ay Madaxweynaha ka go’antahay inuu dalka ka xoreeyo aragagaxisada Alshabaab iyo in Soomaaliya laga dhaliyo nabad iyo xasillooni. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay tahay sababta Madaxweyne Farmaajo ugu hoyday Wasaaradda Gaashaandhigga? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Fadaraalka soomaaliya mudane Maxamed C/laahi farmaajo ayaa maanta shaqo maal meedkiisa waxa uu u wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya . Waxaa warkan lagu sheegay sidookale in Madaxweynaha Todobaadkiiba mar uu tagi doono Wasaarada Gaashaan dhiga Soomaaliya si uu ugu kuur galo Madaxweynaha ,howlaha Wasaaradda iyo arrimaha ciidamada oo dib u habeyn ay ku wado dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay maalmahaasi Wasaaradda Gaashaandhigga waxa uu Madaxda ugu saraysa Wasaarada uu la meel dhigi doonaa dib u habaynta Ciidamada Qaranka si loo wajaho dagaalka Al-shabaab lagula jiro helista Xuquuqda Ciidamada sida Mushaharaad kooda iyo sidii ay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ay Awooda dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada Amisom . Puntlandi.com
-
When Djibouti makes international headlines, it is usually in connection with the many superpowers that have built military bases on its shore. France, the United States, China, Italy and Japan all have a major military presence in the tiny East African nation. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga jawaabay hadal kasoo yeeray maamulka Somaliland. Qoraalka ayaa waxaa looga jawaabay haddal shalay kasoo baxay maamulka oo salka ku hayay in dhammaan deegaanada maamulka laga mamnuucay isticmaalka furaha Astaanta Qaran ee Internetka (dotSO). HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA Guul weyn oo taariikhi ah ayay inoo tahay in maamulka astaanta internetka ee Soomaaliya ay la wareegto Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, oo sidoo kale maamuli doonta isticmaalka furaha taleefoonka (252), oo labaduba ah hanti qaran. Soomaali kasta oo ku nool Jamhuuriyadda wuxuu xaq u leeyahay inuu adeegsado furaha taleefoonka (252) iyo kan internet-ka (.so). Waxaa sidoo kale xaq u leh qof, shirkad, ama hay’ad kasta oo dalka ka hawl gasha. Waa calaamad muujineysa juquraafi ahaan iyo aqoonsi ahaanba halka aad ku nooshahay, ka diiwaan gashan tahay ama ka shaqeyso. Astaanta interntka waxaa si gaar ah ugu baahan shirkadaha, jaamacadaha iyo ururrada waddaniga ah, si ay u muujiyaan inay ka dhisan yihiin Soomaaliya iyo xaaladda diiwaangelin ee ay dalkaasi ka haystaan haddii ay tahay .edu.so, org.so, iwm. DotSO waxaa maanta laga isticmaalaa adduunka oo dhan, in laga hor istaago qeybo ka mid ah dadkii Soomaaliyeed ee xaqa u lahaana waa go’aan aan u adeegeynin danaha dadka, shirkadaha, hay’adaha iyo jaamacadaha Soomaaliyeed, waayo waxay halkaas ku weynayaan in la aamino iyo in ay wax la qabsan karaan shirkadaha, hay’adaha iyo jaamacadaha kale ee dhiggooda ah. DotSO waa hanti qaran oo uu wax ku leeyahay Soomaali kasta, inuu fa’iideystana waa mid ka mid ah xuquuqaha muwaadinka. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaan diyaar u nahay inaan fududeyso sidii dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ay uga faa’ideysan lahaayeen adeeggan, waxaana dhowaan soo bandhigi doonna qorshe ballaaran oo la xiriira ka faa’iideysiga Astaanta dotSO. WABILAAHI TOWFIIQ Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: DFS oo jawaab adag ka bixisay haddal kasoo yeeray maamulka Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Cracks in the National Super Alliance widened on Sunday following revelations that opposition leader Raila Odinga will not attend a meeting of co-principals on Monday. The turn of events tests the strength of a coalition battered by head winds and storms since Mr Odinga took a controversial ‘oath’ at the end of January, and there are fears that the ODM leader’s sudden about-turn to parley with President Uhuru Kenyatta on Friday, without the knowledge or approval of other principals, could have dealt the death blow on Nasa. Monday’s meeting’s schedule was finalised last week, and now questions are being raised on why Mr Odinga played along if he did not plan to attend. It will be in Athi River, on the outskirts of Nairobi. MEETING Ford-Kenya Party leader Moses Wetang’ula on Sunday said the meeting, which they hope will shed light on what transpired before and on Friday, is still on. During the burial of Ms Wavinya Ndeti’s father-in-law on Saturday, Wiper party leader Kalonzo Musyoka also said the meeting is on. “We have agreed to meet on Monday to know what happened on Friday…but my heart is at peace. I feel vindicated,” Mr Musyoka said, without giving details. “What I have been preaching will happen.” But as Mr Musyoka and Mr Wetang’ula rolled up their sleeves for the meeting, Mr Odinga’s spokesman Dennis Onyango was telling the Nation that he was not aware of any plans for Nasa to meet. JUSTICE A source close to the opposition leaders, who sought anonymity because of the sensitivity of the matter, said Mr Musyoka, Mr Wetang’ula and Amani National Congress leader Musalia Mudavadi had formed a penchant for taking sides and opposing every opinion that Mr Odinga presented during meetings, much to the chagrin of the ODM leader. “A man can only take blackmail for so long,” the source said. “They opposed the People’s Assemblies and went for the quest for electoral justice, then asked Mr Odinga to help them focus on the 2022 elections. “It is as if only they know where the door to Jubilee house is. All the three care about is 2022 just because of an agreement that bars Mr Odinga from contesting the presidency.” ELECTION These comments have cast a dark cloud over Monday’s meeting. Most importantly, they point to the heavy matter of contention within Nasa that the four leaders keep brushing aside; a coalition agreement that bars Mr Odinga from vying for president again. Exasperated by Mr Odinga’s lone ranger antics, the co-principals met for the first time late on Sunday to review the events of the week and plot a response. ANC Secretary-General Barrack Muluka said the decision by Mr Odinga to close ranks with Mr Kenyatta was not a surprise “as that has been his style of politics, and Nasa must now come to terms with the fact that it has lost one of its kingpins to Jubilee”. “Odinga’s unilateral flight into the Jubilee Party corner is true to his surprise-and-attack style of politics,” Mr Muluka said, adding that even though Monday’s meeting had been prearranged, only three of the principals would attend, suggesting that Mr Odinga was not welcome. “It is the three principals who will have to sit and decide whether to incorporate Mr Odinga,” he said. “Even if they incorporate him, they will be stretching it because he is already an outsider.” BETRAYED The fall of Nasa is a culmination of a series of events that have rocked the coalition since January 30, when Mr Odinga was “sworn in” as the people’s president in a ceremony skipped by the other principals. During an ODM national governing council meeting early this month, the party told its allies in the coalition that it was ready to go it alone if pushed. The threat came days after Mr Odinga said he had been betrayed. “I will not be surprised if some people abandoned the journey. Even Jesus was betrayed by one of his closest disciple, Judas. Some people may want to betray us,” he said during the burial of Siaya Senator James Orengo’s uncle but did not elaborate. But Mr Odinga’s economy with words did little to hide the source of his agony, for just days earlier Wiper had employed the support of Jubilee to force through Borabu MP Ben Momanyi as member of the Parliamentary Service Commission. Source: – Daily Nation The post Kenya: Fall of Nasa looms as Raila ‘snubs’ meeting appeared first on Caasimada Online.
-
iyadoo maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay Ansaxiyeen xeer mamnuucaya heshiisyadii lala galay Shirkada DP World ayaa Xildhibaan C/laahi Goodax Bare oo kamid ah Xildhibanaada Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu Golaha wakiilada maanta ka hor jeediyay in Xeerkan lagu daro qodob dhigaya in Mas,uulkii ku kaca fal laxiriira heshis noocan oo kale ah in uu la galo Shirkad shi sheeye lagu xukumo xabsi 30 sano ah iyo Ciqaab. Halkan ka dhagayso hadalka Xildhibaanka godax
-
Somali parliament on Monday banned the DP World from Somalia barely two weeks after Emirati ports operator unveiled its agreement with Ethiopia and Somaliland. In a hotly debated session, Somali lawmakers jointly declared the company a threat to the country’s sovereignty, independence and unity. “DP World had deliberately infringed on the country’s sovereignty there for it has been banned from operating in the country,” reads resolution issued after the session. The resolution said the agreement between Ethiopia, Somaliland and DP World was against the country’s Provisional Constitution . “Any agreement engaged in a country or organization which is not based on the provisional constitution of Somalia is null and void, therefore all the deals signed with Dubai Port World are invalid as they are against the country’s constitution, foreign investment regulations and other regulations of the country,” the resolution ruled. The move comes barely a day after Somali president warned the foreign countries and companies against breaching the country’s sovereignty. “Whoever wishes to engage investment in Somalia should seek the permission from the legal institutions of the government. Somalia’s foreign policy is based on neutralism and mutual respect,” he told the opening session of parliament. The ban will also affect the agreement between Puntland state and DP World’s P&O ports which was granting the company to manage the port for 30 years. “I am warning companies and countries not to cross the line and put to question the sovereignty of Somalia”. Early this month, Dubai announced a tripartite agreement dividing the Berbera port between DP World (51%), the Ethiopian government (19%), and Somaliland (30%). The Somali government‘s ministry ports had previous termed the deal as null and void. The post Somali parliament bans DP World world from Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay ciidamada Booliska ee ku sugan meel ku dhaw Koontaroolka Sayidka ee Magaalada Muqdisho, ayaa rasaaseeyay gaari noociisa uu yahay kuwa aan xabada Karin. Gaarigaan oo madow ahaa ayaa waxaa loo yaqaanaa Proof, waxaana la sheegay inuu lahaa Hanti dhowraha Qaranka. Gaariga ayaa la sheegay inuu waday darawalka oo kaliya kaa oo ka dhaga adeegay inuu joojiyo, xili goobta lagu rasaaseeyay ay u xirneyd ilaalada Madaxtooyada Somalia. Gaariga ayaa rasaasta looga dhuftay taagerada sida aan wararkeena hore ku sheegnay, waxaana halkaa ka dhaqaaqi waayay gaariga, iyadoo wadaha gaariga markii la rasaaseeyay xittaa uu ka biyo diiday inuu soo dago. The post Sawirro: Nooca gaariga Hanti dhowraha qaranka ee maanta la rasaaseeyay oo lasoo bandhigay appeared first on Caasimada Online.