Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,941
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya kana mid ah xildhibaanada gudbiyay mooshinka looga soo horjeedo gudoomiyaha Golaha shacabka Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu ka hadlay sababaha ay mooshinka uga keeneen Jawaari. Xildhibaan Jeesow ayaa tilmaamay in gudoomiye Jawaari uu ka gaabiyay waajibaadkiisa shaqo islamarkaana uu ula dhaqmay xildhibaanada sida inuu isaga leeyahay Baarlamaanka. Xildhibaan Jeesow oo ka mid ahaa Xildhibaano dhowr ah oo saaka qabtay shir jaraa’id oo lagu soo bandhigay Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in illaa 108 Xildhibaan ay saxiixeen Mooshinka, isla markaana isku qanciyeen in Jawaari uu wadi waayay Baarlamaanka “Waxaa maanta Mooshinka uga keenay Guddoomiye Jawaari waxaa sabab u ah inuu Baarlamaanka hagi waayay, labo jeer ayaa dooranay, Baarlamaankii 9aad ayuu hoggaaminayay, wuxuu ka dhigay Baarlamaanka mid uu qof leeyahay”ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay maamul xumo iyo tagri fal, isla markaana xaruntii Baarlamaanka Golaha shacabka ay muuqaal wanaagsan yeelan weyso, taasna uu sababteeda leeyahay sida uu yiri. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow”Jawaari uma dooran inuu Baarlamaanka leeyahay”. appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (PP) ─ Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madiera ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, kaasoo looga hadlay orshaha xil-wareejinta ee ciidamada nabad-ilaalinta ah ee gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhan kooxda Al-shabaab. Kulanka ayaa imanaya kaddib weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen kolonyo AMISOM oo wehlinaayay baabuur rayid ah oo gargaar bani’aadinimo ka siday Muqdisho una waday magaalada Jowhar horraantii bishan. Maleeshiyada ayaa sidoo kale burburiyay seddax baabuur oo rayid ah, ayaga oo adeegsanayo walxaha qarxa ka hor inta aanay iska caabbin ciidamada AMISOM. Isaga oo wadahalka kaddib hadal ka jeediyay magaalada Muqdisho, ayaa Danjire Madeira oo sidoo kale ah madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) sheegay in uu la socdo caqabadaha uu la tacaalayo maamulka HirShabeelle oo ah maamulka ugu dambeeyay ee shanta maamul goboleed ee ka aasaasan Soomaaliya. Caqabadaha qaar ayaa waxaa ka mid ah isku furka Waddooyinka Muhiimka ah (Muqdisho-Balcad-Jowhar-Beledweyne) iyo in gacan laga siiyo maamulka in uu hab-dhismeed maamul ka sameeyo dhulalka la xorreeyay. “Waxaanu ka wada hadalnay arrimaha la xiriira xil wareejinta, waxaana isla eegnay meelaha xil wareejinta ay u baahan tahay in laga xoojiyo, kaalinta aan isleennahay ciidamada maamul goboleedyada waa ay ka qaadan karaan iyo muhiimadda ay ciidamada maamul goboleedyada ku leeyihiin in ay sugaan amniga waddooyinka muhiimka ah ayaga oo barbar soconayaa AMISOM iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya,” ayuu yiri. Danjire Madeira oo ay wehlinayeen shaqaalaha sarsare ee Howlgalka oo uu ka mid yahay ku xigeenkiisa, Simon Mulongo, ayaa sheegay in ciidamada nabad-ilaalinta ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowlad goboleedka si loo hirgeliyo xasillooni, iyada laga dhisayo hab-dhismeed maamul meelaha ay AMISOM xorreysay. Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa sheegay in ay jirto “baahi loo qabo in la hirgeliyo waxyaabaha kale ee xasilloonida keeni lahaa sida hay’adaha dowladnimada, maamuleyaasha iyo saraakiisha arrimaha madaniga, hay’adaha bani’aaddinimada, iyo booliska iyo sidoo kale hay’adaha sharciga iyo kala dambeynta,” si xasillooni looga hirgeliyo maamulka. Madaxweyne Waare ayaa ammaanay doorka ay AMISOM ka ciyaarta xorreynta qaybo ka mid ah HirShabeelle, isaga oo ka xumaaday weerarka loo geystay askarta AMISOM. “AMISOM waxaa ay muhiim u tahay nolol-maalmeedkeenna, ayaga oo gacan inaga siiyaa in aan wax ka qabanno caqabadaha ay la tacaaleyso HirShabelle,” ayuu yiri Madaxweynaha asaga oo intaasi raaciyay; “Aniga oo ku hadlaya afka shacabka reer HirShabeelle, waxaan doonaya in aan idin ka tacsiyeeyo dhacdadii ka dhacday Balcad 2-dii Maarso, 2018-ka, taasi oo askar ka tirsan ciidamada Burundi oo sogootinaayay kolonyo siday saad weerar gaadmo ah lagu qaaday.” Madaxweynaha HirShabeelle ayaa kaddib xafiiskiisa ku booqday Taliyaha Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire. Waxaa ay ka wada hadleen dhowr arrimood oo la xiriira nabadgelyada gobolka iyo guud ahaan dalka. “Waxaan aad ugu faraxsanahay ina ah fursad qaali ah in aan imaado oo aan soo booqdo Taliyaha cusub ee ciidamada. Waa markii igu horreeysay oo aan soo booqdo islamarkaasina aan uga war bixiyo xaladda ay ku jiraan ciidamadeena ku sugan gudaha HirShabeelle” Madaxwayne Ware ayaa yiri. Ugu dambeyn, wuxuu Xusay in Wadahadalada diirada lagu saraayay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo in la furo wadooyinka muhiimka ah ee gudaha HirShabeelle. Waxaana kulanka goob-joog ka ahaa Mudane Mulongo iyo Wasiirka Amniga. PUNTLAND POST The post AMISOM oo Hir-shabeelle ka caawin doonto in ay ka gudubto Caqabadaha dhanka Amniga appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay inaysan waxba ka quseynin go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya kasoo saartay shirkadda DP World ee lagu mamnuucay inay dalka ka shaqeyso. Wasiirka Dekedaha Puntland ayaa sheegay inaysan Puntland waxba ka quseyn Qaraarka Baarlamanka Soomaaliya, isla markaana ay Maamulka Dekeda Boosaaso gacanta ku heyso Shirkadda P&O ee aysan maamulim DP-World. Wasiirka ayaa sheegay in Go’aanka Baarlamaanka uu kaliya quseeyo DP-World iyo dekadda Berbera. Wasiirka Siciid Maxamed Raage oo ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada Shirkadda Maamusha Dekeda Boosaaso ee P&O. “Xeerkaan ma saameynayo Puntland, waxa uu saameynayaa Maamulka Somaliland oo heshiis kula jirto DP-World, balse Puntland waxa ay heshiis kula jirtaa Shirkadda P&O oo laga leeyahay Imaaraatka Carabta” ayuu yiri Wasiirka Dekeda Puntland. Warka kasoo yaaray maamulka Puntland ayaa u muuqda mid xeeladeysi ah oo ay doonayaan inay uga baxsadeen go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo shirkadda P&O ay tahay shirkad DP World leedahay. waxaana heshiiska dhinaca DP World u saxiixay isla guddoomiyaha shirkadda ee aflagaadadda u jeediyay dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Puntland oo War yaab leh kasoo saartay Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya Dalka uga mamnuucay DP World appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Mooshin kalsooni kala noqosho ayaa laga gudbiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasoo Xukuumadda iyo Madaxtooyada ay gadaal ka riixayaan. Dhaq dhaqaaqyada Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari ayaa si rasmi ah u soo shaac baxay habeenkii xalay ahaa, iyadoo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka socdeen ololaha lagu saxiixayay Mooshinka. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ku dhow dhow Madaxtooyada iyo Wasiiro Xildhibaano ah ayaa la sheegay inay wax ka saxiixeen Mooshinkan. Guddoomiye Jawaari ayaa lagu soo eedeeyay in mudadii xilka uu hayay uu ku kacay falal liddi ku ah dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha shacabka, waxaana Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha shacabka loo gudbiyay mooshinkan, kaasoo uu si rasmi ah u qabtay. Mooshinkan laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari, isla markaana uu qabtay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Muudey ayaa ka dhigan in wixii hada ka dambeeya aanu shir guddoomin karin kulamada Baarlamaanka, inta uu Mooshinka ka yaallo sidaasna uu ku yahay Xildhibaan caadi ah. Sidee lagu ridi karaa Guddoomiye Baarlamaan ? Mooshinka Jawaari laga gudbiyay ayaa weji cusub gelinaya marxaladaha looga bartay Mooshinada oo markii hore looga bartay in Ra’iisul Wasaare laga keeno. Ma Sahlana in la rido Guddoomiye Baarlamaan, marka loo eego ridista Ra’iisul Wasaare. In Guddoomiye Baarlamaan Mooshin laga keeno waxay u baahan tahay saxiixa Xildhibaano gaaraya 94 Xildhibaan, waa saddex meel labo meel tirada looga baahan yahay in Mooshinka lagu aqbalo. Sidoo kale waxaa xilka looga qaadi karaa Guddoomiye Jawaari 184 cod oo qarsoodi ah, halka Ra’iisul Wasaarena ay kalsoonida kala noqon karaan 139 cod oo ah gacan taag. Sidaas oo ay tahay in la rido Guddoomiye Baarlamaan waxay u baahan tahay juhdi iyo dadaal badan, sida Olole Doorasho Madaxweyne oo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Sidee lagu ridi karaa Guddoomiye Baarlamaanka Prof. Jawaari? appeared first on Caasimada Online.
  5. Abdoul Kadir Abdi is facing deportation from Canada to Somalia. As migration scholars and detention experts, we will show that while perhaps lawful, this deportation is the accumulation of governmental historical, social and moral failures. Abdoul arrived in Canada as a six-year-old child, and is a product of this country. His deportation should be halted. Abdoul was born in Saudi Arabia to a Somali mother, and spent four years in a Djibouti refugee camp. Eighteen years ago, he was only six years old when he claimed asylum in Nova Scotia. With his mother deceased, Abdoul arrived in the care of his sister and aunts. The province intervened to remove Abdoul from his aunts’ care. The Nova Scotia Department of Community Services then placed him in foster care until he aged out of the system. Abdoul was in 31 different “care” arrangements: Permanent and temporary foster homes, halfway houses, hospitals, wards and so on. Not one addressed his struggles, and some were abusive. The government did not apply for citizenship for Abdoul despite pressure from the Abdi family. When Abdoul was about 18 years old, he was convicted on criminal charges. He served four-and-a-half years in prison and was released to a halfway house. It was at the gates of this house that the Canada Border Services Agency arrested him, took him to an immigration detention facility and began deportation proceedings to send him to Somalia. Abdoul has never lived in Somalia, a country under an extreme travel advisory alert. Until they apply for and are granted citizenship, asylum-seekers are only granted permanent residence in Canada. Canadian law stipulates that asylum-seekers or permanent residents who receive criminal convictions carrying custodial sentences exceeding six months may be deported. Abdi’s conviction falls under this category. This deportation order is wrong. With the support of his sister Fatuma Abdi, the Toronto chapter of Black Lives Matter has begun an anti-deportation campaign called All Out 4 Abdoul. His removal is being legally contested by his lawyer, Benjamin Perryman, with the support of the International Human Rights Program at the University of Toronto. Through news conferences, social media and mainstream and prominent media coverage, Abdoul and his supporters have called on Prime Minister Justin Trudeau and Ahmed Hussen, the minister of immigration, refugees and citizenship, to use their discretionary powers to stop the deportation. The Federal Court is now hearing the case. Why has Abdoul’s plight struck such a visceral chord? ‘Scapegoats’ for poor policy We argue that Abdoul Abdi’s case illuminates how Canada is failing asylum-seekers, criminalized people and visible minorities. The federal government’s ongoing and persistent efforts to banish Abdoul to Somalia indicate how asylum-seekers have once again become the scapegoats for poor policy. We find local and federal government failures at various points culminating in this deportation order. On these grounds, we argue it’s the government’s responsibility to stop the deportation. Firstly, Nova Scotia failed to provide Abdoul’s aunts, themselves newcomers, with the full support they needed to raise the child and to keep him safe. The decision to remove the child from his aunts contradicts the evidence that the best outcomes for children occur when they remain with their families. Nova Scotia is grappling with a disturbing history of abuses at the now-shuttered Nova Scotia Home for Colored Children in Dartmouth, where a provincial inquiry is entering its third phase. The decision to remove Abdoul should be situated within a system plagued by institutional racism. What’s more, as a Crown ward, the state shuttled Abdoul among 31 different living arrangements in 12 years — on average, this is a new home every four-and-a-half months. Abdoul has alleged that some of these homes were abusive. Clearly, the state failed to provide him with sufficient care and support to assist him to make good life choices. Crown wards at greater risk of committing crimes Governments cannot control an individual’s actions, but we know that people from disadvantaged backgrounds commit crimes at a higher rate than the overall population. As a Crown ward, this child would have been at greater risk of offending. The community is right to expect that the support provided to Abdoul should have been commensurate to the risk. The Nova Scotia Department of Community Services also failed to execute its duty to assist Abdoul in becoming a citizen. Given the logistical and other barriers hindering Crown wards from applying, this assistance was its policy-mandated responsibility. Surely, it’s logical to have more long-term residents as citizens, and fewer people here as asylum-seekers, permanent residents, or other less-than-full statuses. At least 15 cases of former child refugees facing deportation are surfacing; of these, at least three have been deported to a country they have no connection to because of criminal activity after they turned 18. Morality aside, this practice breaches international law: Article 15 of the Universal Declaration of Human Rights and Article 7 of the UN Convention on the Rights of the Childstate that everyone has the right to nationality and citizenship. Finally, and most fundamentally, the government of Canada is failing to recognize that Abdoul Abdi, who arrived in Canada as a six-year-old child, is the product of their state. Indeed it could be argued that, as a Crown ward, Abdoul is even more a product of the Canadian system than others who were raised within a nuclear family unit. By attempting to deport Abdoul, the Canadian government has indicated an adherence to biological determinism: The view that Abdoul’s “nurture” — his social ties, relationships and mutually reinforcing personal and community histories — matters less than his “nature” as a perpetual foreigner. The Somali Canadian community already faces significant challenges from “systematic, institutional racism on the part of schools, police and intelligence agencies and the media.”It would be a shame if the federal government fed in to false — not to mention racist — perceptions by continuing its efforts to deport Abdoul Abdi. Source: – The Conversation The post The shameful attempt to deport a man who’s been in Canada since childhood appeared first on Caasimada Online.
  6. DUBAI: Air Djibouti began its first flight to Aden International Airport on Wednesday after a three-year hiatus due to the war against pro-Iranian Houthi militia in the province of Aden, Saudi state-news channel Al-Ekhbariya reported. The airline launched the trip on Wednesday in the presence of Djibouti’s ambassador to Yemen Mohammed Ali Issa and Yemen’s ambassador to Djibouti Abdullah Musallam Al-Sakhtari, according to the official Yemeni news agency. Aden’s Undersecretary for Transportation Khalid Al-Jahlmani welcomed the delegation from Djibouti, and expressed appreciation for the efforts to facilitate trade between the two countries. For his part, the Djiboutian ambassador said that the inauguration of his country’s flights to Aden were the signals of the development of relations between the two nations. The Yemeni ambassador said that the resumption of flights between the two countries will also facilitate humanitarian organizations’ work in Yemen. Source: – Arab News The post Air Djibouti begins first flight to Aden after three-year hiatus appeared first on Caasimada Online.
  7. ADDIS ABABA – Nearly 5,000 people have fled to Kenya from the Ethiopian border town of Moyale after the weekend shooting of nine civilians by troops, the Kenyan Red Cross said Tuesday. Ethiopian state media said soldiers on Saturday shot nine civilians near the town after mistaking them for members of the banned Oromo Liberation Front (OLF) who were trying to sneak into the country. “Approximately 5,000 refugees have arrived in Moyale, the majority being women and children,” a Red Cross statement said. “These include pregnant and lactating mothers, chronically ill persons, those abled differently and the elderly.” A Moyale resident said Ethiopian soldiers were trying to seek out Oromo activists. The border town is sliced in two with one side in Ethiopia and the other in Kenya. Related Content Ethiopian refugees speak of horror and agony “There is continued aggression and harassment which creates fear and forces people to flee,” the local resident told AFP. Oromia was the epicentre of a protest movement against Ethiopia’s one-party rule that started in late 2015 and spread to the neighbouring Amhara region, leaving hundreds dead and resulting in tens of thousands of arrests. A 10-month state of emergency imposed in October 2016 quelled much of that violence, but the government remains unpopular among the Oromo, Ethiopia’s largest ethnicity who inhabit Oromia. Source: – AFP The post 5,000 Ethiopians flee to Kenya after weekend shooting: Red Cross appeared first on Caasimada Online.
  8. Shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgalla Somaliland ayaa xalay dhaqan galiyay amar lagusoo rogay oo ku saabsanaa inaan lacag ka yar $10o la isugu diri karin taleefoonada gacanta, iyadoo tilaabadaan ay qeyb ka tahay qorshe wax looga qabanayo sicir bararka xoogan ee ka jira Hargeysa. Amarkaan ayaa ujeedada laga leeyahay waxay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa isticmaalka lacagta gobolada waqooyi (Somaliland) kadib markii ay soo wajahday hoos udhac weyn, taasoo keentay sicir barar saameyn ku yeeshay nolasha dadka. Adeegga moobelayada lacagta loogu shubto ee Zaad ee shirkada Talesom iyo adeegga E-dahab ee shirkada Somtel, waxaaana ay xalay dhaqan galiyeen in lacag kayar 100 dollar aanan la isku dirin, waxaana dadka horey loo faray in lacagtaas kala baxaan taleefoonadooda, Islamarkaana u badeshaan lacagta maxaliga ah ama Dollar. Halkaan hoose ka akhriso amarkii lagusoo rogay. Puntlandi.com
  9. African Union (AU) on Tuesday pledged to help Somalia’s youngest state, Hirshabelle in its fight to reopen and secure main supply routes of the state. Al-Shabaab militants have set up roadblocks on roads linking towns of Hirshabelle state where the group carries attacks against Somali National Army and AMISOM forces. Following discussions between Hirshabelle state President, Mohamed Abdi Waare and AU Special Envoy to Somalia, Francisco Madeira, AU said its troops will intensity the war against Al-Shabaab terroist group in Middle and Lower Shabelle regions. Madeira said he talked with President Waare on challenges that faced Hirshabelle state and means to help the state to set up adminsttrative structure in liberated areas. ” We discussed the details of the transition and saw the transition needs to be strengthened, what we think regional forces can contribute,” Madeira noted, Adding ” And the importance of regional forces to secure MSRs (Main Supply Routes) side-by-side with African Union Union Misssion in Somalia ( AMISOM) and Somali National Security Forces.” For his part, Waare commended AMISOM’s role in liberating Hirshabelle areas from Al-Shabaab militants. “AMISOM is important to us in our daily lives, helping us to tackle these challenges in Hirshabelle,” said Waare. The leaders jointly agreed to accelarate the process to secure Mogadishu-Beledweyne roads. The discussions comes inbthe wake of a deadly attackby Al-Shabaab fighters on AMISOM convoy escorting trucks carrying supplies from Mogadishu early this month. Al-Shabaab killed several AMISOM soldiers and destroyed vehicles in the attack in Balad, 30 km north of Mogadishu The post AU pledges to help Hirshabelle reopen roads in its state appeared first on Caasimada Online.
  10. Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ka yeeshaan xeerka Dowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed. Xubnaha Aqalka sare oo kulankii ugu horeeyay Kalfadhigooda Sedexaad shalay ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo qeybiyay Xeerkan oo dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World. Xildhibaan Maxamed Aamiin oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka sare ee Dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Xildhibaanada Aqalka sare ay guryahooda kusoo aqristeen Xeerka oo shalay loo qeybiyay sidoo kale ay ka hadli doono arimo ku saabsan amniga “Aqalka sare Baarlamaanka ayaa maanta kulmaya waxayna ka doodayaan xeerka Dowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed, xeerka waa loo qeybiyay way soo aqriyeen maanta markuu furmana waa laga doodi doonaa, hadii ay dooda maanta ku filnaato waxaa macquul inay soo gaba gabowdo, hadii waqti loo baahdana waxay ku xiran tahay dooda iyo sida ay noqoto iyo waxaa sidoo kale laga hadli doonaa amniga, arimo badan oo amniga ayaa taagan, iyana dood ayaa laga furi doonaa insha alaah”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Aamiin Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa shalay soo bandhigay Warbixin uu kaga hadlayo Waxyaabihii u qabsoomay Kalfadhigii hore iyo Arimaha horyaala Kalfadhigan. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalin ka hor ansixiyay xeerka Dowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed,kaasi oo guud ahaan Dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World. Xigasho: Somali National News Agency(SONNA). PUNTLAND POST The post Xubnaha Aqalka sare oo Maanta ka Doodaya Xeerka Dalka ka Mamnuucaya Shirkada DP World appeared first on Puntland Post.
  11. ADDIS ABABA - Nearly 5,000 people have fled to Kenya from the Ethiopian border town of Moyale after the weekend shooting of nine civilians by troops, the Kenyan Red Cross said Tuesday. Source: Hiiraan Online
  12. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo maalmo ka hor ka guurtay xarun ay kiro ahaan ugu jirtay ayaa haatan ka shaqo bilowday xarun cusub oo ay ka dhisatay dhinaca galbeed ee magaalada Garoowe. Muddo saddex maalmood ah oo ay socotay hawsha guuritaanka hay’adda,ayaa gebi ahaanba waxaa istaagay shaqadii ay Baasaboor-bixinta,waxaana dhibaato kala kulmay dhacabka Soomaaliyeed ee adeeggan loo qaban jiray,kuwaasoo warbaahinta ka jeediyay cabashooyin ku aaddan arrintaas. Dadka baasaboorka soo doontay qaarkood oo meelo fog ka yimid ayaa wararku sheegayan in ay magaalada Garoowe ku xayirmeen,kadib markii uu ka go’ay Kharashkii ay ku soo tala-galeen,halka qaar kalena ay dib ugu laabteen degaannadii ay ka yimaadeen,iyagoo aan wax shaqo ah loo qaban. Haddaba shaqadii Hay’adda ayaa maalintii shalay si rasmi ah dib uga bilaabatay xarunteeda cusub ee ay haatan u guurtay,waxayna shacabka ka raalli-gelisay dhibaatada ay kala kulmeen baasboor-bixinta saddexdii maalmood ee hay’addu soo guuraysay. Agaasimaha Laanta Puntland ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Maxammed Faarax Qanbi ayaan saaka wax ka weydiiyay cabashadada dadweynaha ee ka dhalatay hakadkii ku yimid shaqada? Halkaan ka daawo jawaabta Qanbi. PUNTLAND POST The post Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo raalli-gelin bixisay. appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa bilowday in dalkeeda ay ka erido Muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Jabouti, kadib go’aankii ay dowlada Jabouti dalkeeda uga ceyrisay Shirkada DP World. Dowlada Imaaraadka, gaar ahaan Wasaarada arrimaha Gudaha ayaa muwaadiniinta Jabouti ku wargalisay inay isaga baxaan dalka marka ay dhameystaan wakhtiga uga harsan sharciga dal ku jooga. Qeybta dowlada Imaaraadka Carabta u qaabilsan ajaaniibta ayaa boqolaal muwaadiniin Jabuutiyaan ah ka eriday dalka, kuwaa oo ceyrintooda ay kusoo beegmatay xili ay dowlada Jabouti ku dhawaaqday go’aanka ay dalkeeda uga erida DP World. Dowlada Jabouti ayaa arrin sahlan ku sheegtay in Imaaraadka uu qaado talaabo ceynkaasi ah, maadaama ay diidmo ka muujiyeen howlaha shirkada DP World. Madaxweynaha dalka Jabouti Ismaaciil Cumar Geele oo la gaarsiiyay Jawaabta ka dhalatay eryinta DP World ayaa soo dhaweeyay ficilka dowlada Imaaraadka Carabta, waxa uuna tilmaamay in dadka la eryinaayo aysan heyn dal la’aan. Dhammaadka bishii tagtay dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday iney ka laabatay heshiiskii ay kula jirtay Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta Carabta. Dowlada Jabuuti waxa ay ku eedeysay maamulka Shirkada DP World amar ku taagleyn iyo inay garan weyday in dhulka lagu heshiiyay uu yahay dhul Jabouti. Sidoo kale, waxaa lagu Wareejiyay Maamulka Dekeda Dooraale Shirkad Cusub oo leedahay Dowladda Jabuuti taasoo dakhliga ay soo xareyso ay isticmaaleyso Dowladda Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dhammaan howlwadeenada shirkada DP World u isticmaasha qaab Sirdoon, waana tan soo dadajisay in dowlada Jabouti ay erido shirkada, marka laga soo tago khilaafka jira. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dowlada Imaaraadka oo bilowday inay soo musaafuriso Muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Jabouti appeared first on Caasimada Online.
  14. DUBAI: Air Djibouti began its first flight to Aden International Airport on Wednesday after a three-year hiatus due to the war against pro-Iranian Houthi militia in the province of Aden, Saudi state-news channel Al-Ekhbariya reported. Source: Hiiraan Online
  15. Abdoul Kadir Abdi is facing deportation from Canada to Somalia. As migration scholars and detention experts, we will show that while perhaps lawful, this deportation ... Source: Hiiraan Online
  16. Three Illinois men have been arrested and charged in connection with the August bombing of a mosque in a Minneapolis suburb, federal officials said Tuesday. Source: Hiiraan Online
  17. MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union top envy in Somalia on Tuesday called on regional states in Somalia to intensify the war against terrorist group al-Shabab. Source: Hiiraan Online
  18. African Union (AU) on Tuesday pledged to help Somalia's youngest state, Hirshabelle in its fight to reopen and secure main supply routes of the state. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Sacuudiga ayaa bilowday dadaalada ay ku dhex dhexaadineyso dowladaha Somalia iyo Imaaraadka oo isku haya Heshiiska Dekadda Berbera iyo faragalinta sii kordheysa ee uu Imaaraadka ku hayo Somalia. Dowlada Sacuudiga ayaa wafdi hordhac ah u dirtay magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka isutaga Imaaraadka Carabta kuwaa oo hordhac u noqon doona wafdi heer sare ah oo ku baxay dhex dhexaadinta labada dal. Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan qoyska boqortooyada waxaana lagu wadaa in la kulanka madaxda Imaaraadka kadib ay magaalada Riyadh uga yeeri doonaan Madaxweyne Farmaajo ama Ra’isul wasaare Kheyre oo ay la furi doonaan kulamo lagu dhex dhexaadinaayo labada dal. Dowlada Somalia iyo Imaaraadka ayaa Khilaafkooda ugu xoogan ka bilowday heshiiskii 3 geesoodka ahaa ee ay wada galeen Somaliland, Ethiopia iyo Shirkadda DP-world oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, waxaana Heshiiskaasi waxkama jiraan ka dhigay Somalia. Dowlada Sacuudiga ayaa Siyaasad ahaan u janjeerta dhanka Imaaraadka carabta, waxaana aad looga cabsi qabaa in Sacuudiga uu Somalia ku qanciyo in shirkada DP World ay dhameysato Heshiiskeeda ama loo ogolaado kala bar. Baarlamaanka Somalia ayaa Shirkada DP World ku amartay in laga eryo dhammaan dalka, isla markaana Heshiiskaasi uu yahay mid sharci daro ah, waxayna dalka ka mamnuuceen shirkadda DP-World. Dhex dhexaadinta Sacuudiga ayaa kusoo beegmeysa xili Dowladda Soomaaliya ay todobaadkii tagay u gudbisay fadhiga Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta warqad ay dacwo uga tahay Imaaraadka Carabta oo shirkad laga leeyahay heshiis Saddex geesood ah uga gashay Dekeda Berbera. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sacuudiga oo durba bilaabay dhex dhexaadinta dowladaha Somalia & Imaaraadka Carabta (Sidee ayuu u socdaa?) appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa shalay loo qeybiyay Xeerkii ay maalin kahor soo meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadanaa in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World. Xildhibaanada BFS ayaa talaabo sharci darro ah ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ku gashay Somalia, sidaa aawgeedna waxa ay Xildhibaanadu shirkada ka mamnuuceen inay ka dhex shaqeyso Somalia. Xildhibaanada BFS ayaa sheegay in DP World guud ahaan laga mamnuucay Somalia, isla markaana wixii khuseeya Hanti Qaran aysan bixinkarin maamulo iyo shaqsiyaad gaara. Xildhibaanada Aqalka Sare oo shalay laga sugaayay inay go’aan ka gaara Heshiiska Dekadda Berbera iyo Shirkada DP World ayaan u suurtagelin in ay ka doodaan Xeerka Shirkadda DP World, maadaama ay ka hadleen weerarkii lagu qaaday Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), balse maanta ayay mar kale ka doodayaan arrinta DP World. Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa xaqiijiyay in maanta ay xildhibaanada ka hadlayaan heshiiska DP World, go’aan mideysan ay ka qaadan doonaan. Geesta kale, Hadii maanta xildhibaanada Aqalka Sare u codeeyaan xeerkii Baarlamaanka Golaha Shacabka, waxa uu xeerkan u gudbi doonaa Madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo intaasi kadibna lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Golaha Aqalka Sare ee BF oo go’aan ka gaaraya Heshiisyada Shirkadda DP World. appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka Soomaliya ayaa saakay moosin k dhan ah guddoomiyaha aqalka hoose ee baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari u gudbiyay gudoonka golaha. Diyaarinta Mooshinkan ka dhanka ah Jawaari ayaa maalmahaan Muqdisho ka socday, inkastoo uu si rasmi ah u soo shaac–baxay xalay, markaasoo ay ka socdeen Muqdisho kulamadii ugu dambeeyay ee lagu gudbinayay mooshinka ka dhan ah Jawaari. Xildhibaanada mooshikan saxiixay ayaa tiradooda lagu sheegay inay 100 ka badan tahay , iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in mooshinkaan ay dabada ka riixayso madaxtooyada Soomaaliya. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu eedeeyay in mudadii xilka uu hayay uu ku kacay falal liddi ku ah dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha shacabka, waxaana mooshinkan gacanta loo geliyay saakay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka. Ugu dameyn, Mooshinkan ayaa kusoo beegmaya maalmo uun ka hor markii uu furmay Kal-fadhiga saddexaad ee baarlamaanka Somalia, kaasoo horay loo sheegay inay horyaallaan sharciyo fara badan oo la doonayo in inta uu socdo la meel-mariyo. HADDABA, AKHRISO MOOSHINKA LAGA GUDBIYAY JAWAARI IYO WAXA LAGU EEDEEYAY; PUNTLAND POST The post Xildhibaanno Guddoonka Baarlamaanka u Gudbiyay Mooshin ka dhan ah Prof. Jawaari appeared first on Puntland Post.
  22. Mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah Guddoomiye Jawaari ayaa saaka loo gudbiyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudeey. Mooshinkaan ayaa sida uu xogta ku helayo warsidaha Puntlandi waxaa gadaal ka riixaya Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Halkaan hoose ka akhriso.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u qabtay mooshin laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari). Guddoomiye ku xigeenka C/weli Ibraahim Muudey ayaa saaka aroortii lagu wareejiyey mooshinka oo ay saxiixeen 107 xildhibaan, waxaana uu saxiixay qabashada mooshinka, iyadoo ay taasi ay keeni karto arrimo dhowr ah iyo xiisad siyaasadeed oo ka dhex qaraxday madaxda sare ee dalka. Go’aanka ugu horeeya ee qabashada Mooshinka Jawaari keenayo ayaa ah inuusan Jawaari guddoomin karin fadhiyada golaha shacabka, iyadoo uu noqonayo xildhibaan caadi ah inta mooshinka ka yaalla meel laga saarayo. Xiisada siyaasadeed iyo mooshinka Jawaari ayaa si lama filaan ah u soo shaac baxday xalay iyadoo mooshinkan oo ay hore u wadeen xildhibaanno aan badneyn ay taageereen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha. Akhriso Mooshinka laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Qodobo xasaasi ah oo lagu soo eedeeyay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Cabdweli Muudey oo qabtay Mooshinkii Guddoomiye Jawaari iyo Xaaladda Jawaari oo meel xun mareyso appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd gudbiyey Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). Mooshinka oo ay saxiixeen 107 xildhibaan ayaa qodobo dhowr ah lagu soo eedeeyay Guddoomiye Jawaari, waxaana goor dhow xildhibaanada wada mooshinka ay shir jaraa’id ku qabanayaan hotel u dhow xarunta Madaxtooyada. Xiisadaan siyaasadeed ee soo wajahday Prof. Jawaari ayaa muran iyo buuq badan ka dhex abuuri doonto Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Jawaari lagu yaqaan inuu yahay nin inta badan dhankiisa holac ka shido siyaasadda. Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay nuqul kamid ah qodobadii lagu soo eedeeyey Guddoomiye Jawaari, waxaana dhawaan diinla wadaagi doonaa cidda gadaal ka riixeyso mooshinka Jawaari laga diyaariyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Mooshinka laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Qodobo xasaasi ah oo lagu soo eedeeyay appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanno gaaraya 107 xildhibaan ayaa saxiixay mooshin laga diyaariyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Mooshinkan oo muddo soo socday ayaa mar kale xalay qarxay markii ay ku soo biireen xildhibaannada taageersan xukuumadda iyo Madaxweynaha oo dhinacooda ka war helay in mooshin kale laga wado Ra’iisal wasaare Kheyre. Xaalad kacsan oo siyaasadeed iyo qoraalka mooshinno iska horjeeda ayaa xalay oo dhan ka socday magaalada Muqdisho iyadoo xildhibaannadu waagu u baryey, waxaana xafiisyada guddoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha ka socday qorista mooshinnada. Guddoomiye Jawaari ayaa hore waxaa ugu dheganaa xildhibaanno arrimo kala duwan ku soo eedeeyay oo u badan kuwo shaqsi ah, laakiin waxay xaaladu mar qura is bedeshay markii mooshinkiisu xoogeystay oo uu ku soo biiray madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kadibna, taageerayaasha Jawaari ay bilaabeen Mooshin ka dhan ah xukuumada iyo Ra’iisal wasaare kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post In ka badan 100 xildhibaan oo saxiixay Mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiye Jawaari iyo xiisad siyaasadeed oo.. appeared first on Caasimada Online.