-
Content Count
205,956 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xubno kamid ah dhallinyarada aqoonyahanka ah ee magaalada Boosaaso ayaa qado sharaf soo dhoweyn ah u sameeyay musharaxa duqa degmada Boosaaso Maxamed Faarax Xaaji Mire, waxaana kulankaasi uu ka qabsoomay beerta dalxiiska ee RAYS. Dhallinyarada soo agaasintay kulanka qado sharafta ah ayaa musharaxa kusoo dhoweeyay magaalada Boosaaso isla markaana ugu hambalyeeyay inuu isu soo sharaxo hogaaminta magaalada, iyagoo ka dhagaystay musharaxa warbixin kooban oo ku salaysan qorshaha uu doonayo inuu kusoo kordhiyo Boosaaso. Musharax Maxamed Xaaji ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dhallinyarada kulanka qado sharafta ah ee ay u sameeyeen wuxuuna si daah-furan uga xog waramay qorshaha uu ugu tala galay horumarinta Boosaaso, isagoo caddeeyay in horumarka magaalada Boosaaso uu gaabis noqon doono haddii aysan helin qorshe isbeddel u horseeda bulshada iyo magaaladaba. Is waraysi dheer kadib, dhallinyarada casumaadda u samaysay musharaxa ayaa garowsaday in qorshaha Maxamed Mire uu yahay mid la jaanqaadaya qorshayaasha lagu horumariyay magaalooyinka waaweyn ee dunida, waxayna ballan qaadeen inay ku garab siin doonaan sidii loogu dooran lahaa duqa Boosaaso. Puntlandpost – Boosaaso. The post WARBIXIN:- Dhallinyarada Aqoonyahanka ah ee Magaalada Boosaaso oo Qado Sharaf u Sameeyay Musharaxa Duqa Degmada Boosaaso. appeared first on Puntland Post.
-
Wafti uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh jibriil ayaa gaarya maanta Magaalada Baydho ee xarunta gobolka . Ujeedada ay u tageen Magaalada Baydhabo Wafdigan ayaa lagu sheegay in ay tahay ka qaybgalka kulan looga tashanayo dib u ee gista Dastuurka qabyada ah ee dalka Soomaaliya , kulan kaas oo ay ka soo qaybgali doonaa qaybaha kala duwan ee Bulshada, Aqoon yahanada, Ururada Haweenka, iyo maamulka gobolka. Wasaarada Dastuurka Soomaaliya ayaa maalmahan waxa ay Gobolada ka waday kulamo wada tashi ah oo ay layeelanaysay Bulshada qay baheeda kala duwan, si looga tala galiyo meel marinta Dastuurka qabyada ah.
-
Allaha unaxariistee waxaa goor dhawayd Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Duuliye sare Maxamuud Cabdullaahi Barre Faytaan oo kamid ahaa Ciidamadii Cirka ee dowladdi dhexe ee dalka soomaaliya . Maxamuud Cabdullaahi Barre Faytaan ayaa sanadkii 1954tii ka qaatay dowladii dhexe dlaka Soomaaliya laysinka duulimaadka diyaaradaha, wuxuuna ahaa Duuliyihii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo diyaarad hawada galiya. Geerida marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Madaxda ugu Saraysa dalka Soomaaliya iyo dhamaan dadkii aqoonta durugsan ulahaa Taariikhdiisa . Marxuumka ayaa la sheegay in uu maalmahanba ku xanuunsanaa Gudaha Magaada Muqdisho.
-
Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay Xildhibaanada Aqalka Sare ee soomaaliya , kuwaas oo ka dooday heshiiskii ay Aqalka hoose ee Soomalaiya ay kaga mamnuuceen dalka Soomaaliya Shirkada DP World. kulanka ayaa waxaa soo xaadiray inta badan Xildhibaanada Aqalka Sare ,waxayna dood dheer kadib ay ku kala aragti duwanaadeen in Shirkada DP World laga mamnuuco dalka. Xildhibanaada qaar ayaa soo jeediyay talooyin ku aadan in Goluhu aysan ansixin xeerkaas si waqti loosiiyo ayna uga soo talo bixiyaan,hala sidoo kale Xildhibaanada qaar ay sheegayaan in xeerkaan ay Goluhu meel marinayo. Dooda ayaa ah mid waili socota waxaana lafilayaa in ay Xildhibaanada dhan uu ay u bataan. Halkan kala soco warkan iyo wixii ku soo kordha .
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa digniin xoogan ujeediyay maamulada degmooyinka uu ka socda mashruuca JPG, oo ah mashruuca Qaramada Midoobay ay maalgaliso oo lagu taageero degmooyinka leh golayaasha degaanka. Madaxweyne ku xigeenka Camey ayaa wacad ku maray inay dowladda Puntland ka wareejindoonto mashruucaan degmadii kasoo bixi weyda waajibaadkii looga baahnaa ee ay markii horeba ku mutaystay in mashruucaan lagu darro. Camey ayaa hadalkaan ka shegay kulan la isugu guddoomiyayaasha 11 degmo oo uu ka socdo mashruuca JPLG, kuwaas oo laga dhegaysanayay sida ay degmo kasta uga fa’idaysatay mashruucaan. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inay ilgooni ah ku hayaan mashruucaan, isagoo dhinaca kale xasuusiyay maamuladu inaysan mashruucaan ku tiirsanaan ee loo baaahan yahay inay canshuurta horumariyaan, si berrito looga maarmo kaalmada shisheeye ee JPLG. Dhawaan, Shax lasoo bandhigay ayaa muujinaysay in degmada Qardho ay noqotay degmadii kaalinta koowaad ka gashay ka faa’idaysiga mashruucaan sannadkii 2017, halka magaalooyinka Gaalkacyo iyo Bosaso ay galeen kaalimaha dambe. Kaalinta labaad waxaa gashay degmada Eyl, Garowena oo caasimada Puntland ahna waxay ka gashay kaalinta saddexaad. Puntlandi.com
-
Ciidamada amnaanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta fagaare kuyaala duleedka magaalada ku gubay Jawaano Qaad ah oo si sharci darro ah loosoo galiyay Puntland, kadib markii xogtiisa heleen. Saraakiisha ammanka ayaa Puntlandi u xaqijiyay Qaadkaan in Puntland lagasoo galiyay dhinaca gobolada waqooyi (Soomaaliland), kaasoo aan soo marin nidaamkii iyo sharuucdii dowladda udajisay, waxaana lagu sifeeyay inuu ahaa Maandooroye sifo sharci darro ah kusoo galay Puntland. Waxaa Qaadkaan uu u rarnaa ganacsato Puntland ah oo doonayay inay si qarsoodi ah kusoo galiyaan gudaha magaalada Bosaso, iyagoo ka cararay in la canshuuro. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Mooshin kalsooni kala noqosho ayaa laga gudbiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Dhaq dhaqaaqyada Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari ayaa si rasmi ah u soo shaac baxay habeenkii xalay ahaa. Mooshinkaan ayaa waxaa markii ugu horeysay saxiixay Xildhibaano gaarayo ilaa 107 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inay cirka isku sii shareereen xildhibaanada kasoo horjeedo Baarlamaanka Soomaaliya. Illo lagu kalsoonaan karo ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey inay xildhibaanada kasoo hor jeedo Jawaari ay tiro ahaan sii marayaan ilaa 156 Xildhibaan kuwaas oo Jawaari kusoo eedeeyey inay ku tuntay Dastuurka Dalka Soomaaliya u yaal isla markaasna uu ku takri falay. Guddoomiye Jawaari ayaa lagu soo eedeeyay in mudadii xilka uu hayay uu ku kacay falal liddi ku ah dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha shacabka, waxaana Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha shacabka loo gudbiyay mooshinkan, kaasoo uu si rasmi ah u qabtay. Mooshinka Jawaari laga gudbiyay ayaa weji cusub gelinaya marxaladaha looga bartay Mooshinada oo markii hore looga bartay in Ra’iisul Wasaare laga keeno. In Guddoomiye Baarlamaan Mooshin laga keeno waxay u baahan tahay saxiixa Xildhibaano gaaraya 94 Xildhibaan, waa saddex meel labo meel tirada looga baahan yahay in Mooshinka lagu aqbalo. Sidoo kale waxaa xilka looga qaadi karaa Guddoomiye Jawaari 184 cod oo qarsoodi ah, halka Ra’iisul Wasaarena ay kalsoonida kala noqon karaan 139 cod oo ah gacan taag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaanada kasoo horjeedo Jawaari oo cirka isku sii shareeray iyo Xaaladiisa oo meel xun mareyso appeared first on Caasimada Online.
-
Warbaahinta Puntlandi oo la hadlay xubno aad ugu dhow Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa noo sheegay sababaha Mooshinka looga keenay Gudoomiyaha. Gudoomiye Jawaari wuxuu bilahaanba waday Abaabul uu isha digayay Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Federaalka in ay la saftaan Dowlada Qadar Khilaafka Khaliijka, isagoo Madaxweynaha iyo Raysal wasaarahaba kula taliyey in waajibaadkoodu yahay inay rascasn dhinicii maslaxada Shacabka Soomaaliyeed ku jirto, Gudoomiye Jawaari wuxuu talo ahaan usoo jeedshay Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha in Ay taageereen Garabka Sacuudiga iyo Emaaraatka Hadii dhinac ay taageersyaan. Laakiin TaladiibJawaari Ma aysan qaadan Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha oo waxay hada si buuxda ula safteen Garabka Qatar, Mooshinka Laga keenay Gudoomiye Jawaari ayaa ah mid salka ku haya Arimaha Khaliijka, waxaana loo badinayaa in Dowlada Qadar ay Kharash badan ku bixisay in Booskiisa la keenin shaqsi kale oo u jan jeera dhanka Qadar. Xildhibaanada keenay Mooshinka ayaa maalmahaan ku mashquulsanaa qaabkii loo dhigi lahaa Mooshinka iyo waxa lagu sababeynayo eedeymaha Gudoomiyaha si ay u helaan qaab sharciyeed Xilka looga tuuro. Masuuliyiinta La hadlay Warbaahinta Puntlandi waxay si cad farta ugu fiiqayaan in Villa Soomaaliya ay ka dambeeyaan Mooshinka. Puntlandi Muqdisho
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Casumaad rasmi ah ka helay Dowladaha Itoobiya iyo Emaarastka Carabta, Wuxuuna Madaxweynuhu duulayaa Dabayaaqada Bishaan Maarso, waxaa sidaas warka ku helay Warbaahinta Puntlandi. Kulanka ay Madaxda Maamul Goboleedyada Dalku isugu imaanayaan Garowe 20 Maarso kadib ayaa la filayA inuu Madaxweyne Gaas u duulo Adis ababa iyo Emaraatka. Wararka ay Puntlandi helayaan waxay kaloo sheegayaan in Madaxweyne Gaas uu Adis Ababa kula kulmi doono Saraakii Ka socda Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka kulankasoo ka dhici doona Safaarada Maraykanka. Puntlandi.com
-
Muqdisho (PP) ─ Waxaa xalay mgaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee duuliye Maxamuud Cabdullaahi Barre (Faytaan) oo ka mid ahaa duuliyeyaashii uu caansanaa Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa duuliyeyashii fara-ku-tiriska ahaa ee duullimaadyada fog-fog geli jiray. Marxuum Feytaan, ayaa ka mid ahaa duuliyeyaashii shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines, isagoo u shaqeynayay mudadii u dhexeysay 1964-kii illaa 1990-kii markaasoo ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale, Marxuumka ayaa ka mid ahaa kooxdii lagu aasaasay ciidamadii cirka ee Soomaaliya, wuxuuna laysinka duulimaadka diyaaradaha qaatay sannadkii 1954-kii, isagoo intaas kaddib caan ku ahaa duulinta, Wuxuuna sameeyay duullimaadyo isugu jiray kuwo rayid ah iyo kuwo ciidan. Duuliye Faytaan, waa duuliyihii ugu horreeyay ee diyaarad dagaal oo Jet ah noocii ugu horreeyay ee ciidankeenna kasoo duuliyay dalka Masar sannadkii 1963-kii. Wuxuuna ka mid ahaa duuliyeyaashii lagu aasaasay shirakddii Somali Airlines. Marxuumka ayaa wixii ka dambeeyay burburkii Soomaaliya uu u weecday dhanka beeraha, isagoo beer ka sameysay dulleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa wuxuu ifka uga tagay carruur uu dhalay iyo kuwo ay sii dhaleen, wuxuuna ku geeriyooday da’da 90-naadka, sida ay noo sheegeen dad ay ehelo yihiin. PUNTLAND POST The post Mid Ka mid ah Duuliyeyaashii ugu caansanaa Somalia oo xalay ku geeriyooday Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya ay kulan deg deg ah ka yeeshaan xaalada dalka iyo Mooshinka Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay saakay ka gudbiyeen Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Gudiga joogtada ayaa waxa ay ka hadli doonaan waxa laga yeelayo mooshinkaas iyo dhankooda in ay u gudbiyaan Golaha Shacabka kadib markii la’isku raaco mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Dhinaca kale Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo looga arrinsanayo mooshinka ka socda dalka,kuwaas oo ay kala wadaan Gudoomiye Jawaari iyo Xubno ka socda Xafiiska madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre. Warar laga helayo Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari uu kulamo la leeyahay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, waxaana Jawaari uu wajahayaa xaalad go’doon ah marka loo eego mooshinka laga gudbiyo iyo eedeymaha loo jeediyay. Dadka odorasa siyaasada ayaa aaminsan in mooshinka laga keena Jawaari uu yahay midkii ugu halista badnaa ee soo wajahay tan iyo markii uu Xilkaas qabtay dhawr sano ka hor, waxaana laga cabsi qabaa inuu meesha ka baxo oo uu xilkiisa ku waayo mooshinkaan oo u muuqdo inuu yahay mid si weyn looga soo shaqeeyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wararkii ugu dambeeyay Mooshinka Jawaari laga keenay iyo Loolan adag oo ka taagan gudaha Xildhibaanada appeared first on Caasimada Online.
-
HELSINKI — Fans of skiing, saunas and Santa Claus won’t be surprised to hear Finland is the happiest place to live. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya kana mid ah xildhibaanada gudbiyay mooshinka looga soo horjeedo gudoomiyaha Golaha shacabka Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu ka hadlay sababaha ay mooshinka uga keeneen Jawaari. Xildhibaan Jeesow ayaa tilmaamay in gudoomiye Jawaari uu ka gaabiyay waajibaadkiisa shaqo islamarkaana uu ula dhaqmay xildhibaanada sida inuu isaga leeyahay Baarlamaanka. Xildhibaan Jeesow oo ka mid ahaa Xildhibaano dhowr ah oo saaka qabtay shir jaraa’id oo lagu soo bandhigay Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in illaa 108 Xildhibaan ay saxiixeen Mooshinka, isla markaana isku qanciyeen in Jawaari uu wadi waayay Baarlamaanka “Waxaa maanta Mooshinka uga keenay Guddoomiye Jawaari waxaa sabab u ah inuu Baarlamaanka hagi waayay, labo jeer ayaa dooranay, Baarlamaankii 9aad ayuu hoggaaminayay, wuxuu ka dhigay Baarlamaanka mid uu qof leeyahay”ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay maamul xumo iyo tagri fal, isla markaana xaruntii Baarlamaanka Golaha shacabka ay muuqaal wanaagsan yeelan weyso, taasna uu sababteeda leeyahay sida uu yiri. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow”Jawaari uma dooran inuu Baarlamaanka leeyahay”. appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madiera ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, kaasoo looga hadlay orshaha xil-wareejinta ee ciidamada nabad-ilaalinta ah ee gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhan kooxda Al-shabaab. Kulanka ayaa imanaya kaddib weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen kolonyo AMISOM oo wehlinaayay baabuur rayid ah oo gargaar bani’aadinimo ka siday Muqdisho una waday magaalada Jowhar horraantii bishan. Maleeshiyada ayaa sidoo kale burburiyay seddax baabuur oo rayid ah, ayaga oo adeegsanayo walxaha qarxa ka hor inta aanay iska caabbin ciidamada AMISOM. Isaga oo wadahalka kaddib hadal ka jeediyay magaalada Muqdisho, ayaa Danjire Madeira oo sidoo kale ah madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) sheegay in uu la socdo caqabadaha uu la tacaalayo maamulka HirShabeelle oo ah maamulka ugu dambeeyay ee shanta maamul goboleed ee ka aasaasan Soomaaliya. Caqabadaha qaar ayaa waxaa ka mid ah isku furka Waddooyinka Muhiimka ah (Muqdisho-Balcad-Jowhar-Beledweyne) iyo in gacan laga siiyo maamulka in uu hab-dhismeed maamul ka sameeyo dhulalka la xorreeyay. “Waxaanu ka wada hadalnay arrimaha la xiriira xil wareejinta, waxaana isla eegnay meelaha xil wareejinta ay u baahan tahay in laga xoojiyo, kaalinta aan isleennahay ciidamada maamul goboleedyada waa ay ka qaadan karaan iyo muhiimadda ay ciidamada maamul goboleedyada ku leeyihiin in ay sugaan amniga waddooyinka muhiimka ah ayaga oo barbar soconayaa AMISOM iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya,” ayuu yiri. Danjire Madeira oo ay wehlinayeen shaqaalaha sarsare ee Howlgalka oo uu ka mid yahay ku xigeenkiisa, Simon Mulongo, ayaa sheegay in ciidamada nabad-ilaalinta ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowlad goboleedka si loo hirgeliyo xasillooni, iyada laga dhisayo hab-dhismeed maamul meelaha ay AMISOM xorreysay. Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa sheegay in ay jirto “baahi loo qabo in la hirgeliyo waxyaabaha kale ee xasilloonida keeni lahaa sida hay’adaha dowladnimada, maamuleyaasha iyo saraakiisha arrimaha madaniga, hay’adaha bani’aaddinimada, iyo booliska iyo sidoo kale hay’adaha sharciga iyo kala dambeynta,” si xasillooni looga hirgeliyo maamulka. Madaxweyne Waare ayaa ammaanay doorka ay AMISOM ka ciyaarta xorreynta qaybo ka mid ah HirShabeelle, isaga oo ka xumaaday weerarka loo geystay askarta AMISOM. “AMISOM waxaa ay muhiim u tahay nolol-maalmeedkeenna, ayaga oo gacan inaga siiyaa in aan wax ka qabanno caqabadaha ay la tacaaleyso HirShabelle,” ayuu yiri Madaxweynaha asaga oo intaasi raaciyay; “Aniga oo ku hadlaya afka shacabka reer HirShabeelle, waxaan doonaya in aan idin ka tacsiyeeyo dhacdadii ka dhacday Balcad 2-dii Maarso, 2018-ka, taasi oo askar ka tirsan ciidamada Burundi oo sogootinaayay kolonyo siday saad weerar gaadmo ah lagu qaaday.” Madaxweynaha HirShabeelle ayaa kaddib xafiiskiisa ku booqday Taliyaha Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire. Waxaa ay ka wada hadleen dhowr arrimood oo la xiriira nabadgelyada gobolka iyo guud ahaan dalka. “Waxaan aad ugu faraxsanahay ina ah fursad qaali ah in aan imaado oo aan soo booqdo Taliyaha cusub ee ciidamada. Waa markii igu horreeysay oo aan soo booqdo islamarkaasina aan uga war bixiyo xaladda ay ku jiraan ciidamadeena ku sugan gudaha HirShabeelle” Madaxwayne Ware ayaa yiri. Ugu dambeyn, wuxuu Xusay in Wadahadalada diirada lagu saraayay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo in la furo wadooyinka muhiimka ah ee gudaha HirShabeelle. Waxaana kulanka goob-joog ka ahaa Mudane Mulongo iyo Wasiirka Amniga. PUNTLAND POST The post AMISOM oo Hir-shabeelle ka caawin doonto in ay ka gudubto Caqabadaha dhanka Amniga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay inaysan waxba ka quseynin go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya kasoo saartay shirkadda DP World ee lagu mamnuucay inay dalka ka shaqeyso. Wasiirka Dekedaha Puntland ayaa sheegay inaysan Puntland waxba ka quseyn Qaraarka Baarlamanka Soomaaliya, isla markaana ay Maamulka Dekeda Boosaaso gacanta ku heyso Shirkadda P&O ee aysan maamulim DP-World. Wasiirka ayaa sheegay in Go’aanka Baarlamaanka uu kaliya quseeyo DP-World iyo dekadda Berbera. Wasiirka Siciid Maxamed Raage oo ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada Shirkadda Maamusha Dekeda Boosaaso ee P&O. “Xeerkaan ma saameynayo Puntland, waxa uu saameynayaa Maamulka Somaliland oo heshiis kula jirto DP-World, balse Puntland waxa ay heshiis kula jirtaa Shirkadda P&O oo laga leeyahay Imaaraatka Carabta” ayuu yiri Wasiirka Dekeda Puntland. Warka kasoo yaaray maamulka Puntland ayaa u muuqda mid xeeladeysi ah oo ay doonayaan inay uga baxsadeen go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo shirkadda P&O ay tahay shirkad DP World leedahay. waxaana heshiiska dhinaca DP World u saxiixay isla guddoomiyaha shirkadda ee aflagaadadda u jeediyay dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Puntland oo War yaab leh kasoo saartay Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya Dalka uga mamnuucay DP World appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Mooshin kalsooni kala noqosho ayaa laga gudbiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasoo Xukuumadda iyo Madaxtooyada ay gadaal ka riixayaan. Dhaq dhaqaaqyada Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari ayaa si rasmi ah u soo shaac baxay habeenkii xalay ahaa, iyadoo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka socdeen ololaha lagu saxiixayay Mooshinka. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ku dhow dhow Madaxtooyada iyo Wasiiro Xildhibaano ah ayaa la sheegay inay wax ka saxiixeen Mooshinkan. Guddoomiye Jawaari ayaa lagu soo eedeeyay in mudadii xilka uu hayay uu ku kacay falal liddi ku ah dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha shacabka, waxaana Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha shacabka loo gudbiyay mooshinkan, kaasoo uu si rasmi ah u qabtay. Mooshinkan laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari, isla markaana uu qabtay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Muudey ayaa ka dhigan in wixii hada ka dambeeya aanu shir guddoomin karin kulamada Baarlamaanka, inta uu Mooshinka ka yaallo sidaasna uu ku yahay Xildhibaan caadi ah. Sidee lagu ridi karaa Guddoomiye Baarlamaan ? Mooshinka Jawaari laga gudbiyay ayaa weji cusub gelinaya marxaladaha looga bartay Mooshinada oo markii hore looga bartay in Ra’iisul Wasaare laga keeno. Ma Sahlana in la rido Guddoomiye Baarlamaan, marka loo eego ridista Ra’iisul Wasaare. In Guddoomiye Baarlamaan Mooshin laga keeno waxay u baahan tahay saxiixa Xildhibaano gaaraya 94 Xildhibaan, waa saddex meel labo meel tirada looga baahan yahay in Mooshinka lagu aqbalo. Sidoo kale waxaa xilka looga qaadi karaa Guddoomiye Jawaari 184 cod oo qarsoodi ah, halka Ra’iisul Wasaarena ay kalsoonida kala noqon karaan 139 cod oo ah gacan taag. Sidaas oo ay tahay in la rido Guddoomiye Baarlamaan waxay u baahan tahay juhdi iyo dadaal badan, sida Olole Doorasho Madaxweyne oo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Sidee lagu ridi karaa Guddoomiye Baarlamaanka Prof. Jawaari? appeared first on Caasimada Online.
-
Abdoul Kadir Abdi is facing deportation from Canada to Somalia. As migration scholars and detention experts, we will show that while perhaps lawful, this deportation is the accumulation of governmental historical, social and moral failures. Abdoul arrived in Canada as a six-year-old child, and is a product of this country. His deportation should be halted. Abdoul was born in Saudi Arabia to a Somali mother, and spent four years in a Djibouti refugee camp. Eighteen years ago, he was only six years old when he claimed asylum in Nova Scotia. With his mother deceased, Abdoul arrived in the care of his sister and aunts. The province intervened to remove Abdoul from his aunts’ care. The Nova Scotia Department of Community Services then placed him in foster care until he aged out of the system. Abdoul was in 31 different “care” arrangements: Permanent and temporary foster homes, halfway houses, hospitals, wards and so on. Not one addressed his struggles, and some were abusive. The government did not apply for citizenship for Abdoul despite pressure from the Abdi family. When Abdoul was about 18 years old, he was convicted on criminal charges. He served four-and-a-half years in prison and was released to a halfway house. It was at the gates of this house that the Canada Border Services Agency arrested him, took him to an immigration detention facility and began deportation proceedings to send him to Somalia. Abdoul has never lived in Somalia, a country under an extreme travel advisory alert. Until they apply for and are granted citizenship, asylum-seekers are only granted permanent residence in Canada. Canadian law stipulates that asylum-seekers or permanent residents who receive criminal convictions carrying custodial sentences exceeding six months may be deported. Abdi’s conviction falls under this category. This deportation order is wrong. With the support of his sister Fatuma Abdi, the Toronto chapter of Black Lives Matter has begun an anti-deportation campaign called All Out 4 Abdoul. His removal is being legally contested by his lawyer, Benjamin Perryman, with the support of the International Human Rights Program at the University of Toronto. Through news conferences, social media and mainstream and prominent media coverage, Abdoul and his supporters have called on Prime Minister Justin Trudeau and Ahmed Hussen, the minister of immigration, refugees and citizenship, to use their discretionary powers to stop the deportation. The Federal Court is now hearing the case. Why has Abdoul’s plight struck such a visceral chord? ‘Scapegoats’ for poor policy We argue that Abdoul Abdi’s case illuminates how Canada is failing asylum-seekers, criminalized people and visible minorities. The federal government’s ongoing and persistent efforts to banish Abdoul to Somalia indicate how asylum-seekers have once again become the scapegoats for poor policy. We find local and federal government failures at various points culminating in this deportation order. On these grounds, we argue it’s the government’s responsibility to stop the deportation. Firstly, Nova Scotia failed to provide Abdoul’s aunts, themselves newcomers, with the full support they needed to raise the child and to keep him safe. The decision to remove the child from his aunts contradicts the evidence that the best outcomes for children occur when they remain with their families. Nova Scotia is grappling with a disturbing history of abuses at the now-shuttered Nova Scotia Home for Colored Children in Dartmouth, where a provincial inquiry is entering its third phase. The decision to remove Abdoul should be situated within a system plagued by institutional racism. What’s more, as a Crown ward, the state shuttled Abdoul among 31 different living arrangements in 12 years — on average, this is a new home every four-and-a-half months. Abdoul has alleged that some of these homes were abusive. Clearly, the state failed to provide him with sufficient care and support to assist him to make good life choices. Crown wards at greater risk of committing crimes Governments cannot control an individual’s actions, but we know that people from disadvantaged backgrounds commit crimes at a higher rate than the overall population. As a Crown ward, this child would have been at greater risk of offending. The community is right to expect that the support provided to Abdoul should have been commensurate to the risk. The Nova Scotia Department of Community Services also failed to execute its duty to assist Abdoul in becoming a citizen. Given the logistical and other barriers hindering Crown wards from applying, this assistance was its policy-mandated responsibility. Surely, it’s logical to have more long-term residents as citizens, and fewer people here as asylum-seekers, permanent residents, or other less-than-full statuses. At least 15 cases of former child refugees facing deportation are surfacing; of these, at least three have been deported to a country they have no connection to because of criminal activity after they turned 18. Morality aside, this practice breaches international law: Article 15 of the Universal Declaration of Human Rights and Article 7 of the UN Convention on the Rights of the Childstate that everyone has the right to nationality and citizenship. Finally, and most fundamentally, the government of Canada is failing to recognize that Abdoul Abdi, who arrived in Canada as a six-year-old child, is the product of their state. Indeed it could be argued that, as a Crown ward, Abdoul is even more a product of the Canadian system than others who were raised within a nuclear family unit. By attempting to deport Abdoul, the Canadian government has indicated an adherence to biological determinism: The view that Abdoul’s “nurture” — his social ties, relationships and mutually reinforcing personal and community histories — matters less than his “nature” as a perpetual foreigner. The Somali Canadian community already faces significant challenges from “systematic, institutional racism on the part of schools, police and intelligence agencies and the media.”It would be a shame if the federal government fed in to false — not to mention racist — perceptions by continuing its efforts to deport Abdoul Abdi. Source: – The Conversation The post The shameful attempt to deport a man who’s been in Canada since childhood appeared first on Caasimada Online.
-
DUBAI: Air Djibouti began its first flight to Aden International Airport on Wednesday after a three-year hiatus due to the war against pro-Iranian Houthi militia in the province of Aden, Saudi state-news channel Al-Ekhbariya reported. The airline launched the trip on Wednesday in the presence of Djibouti’s ambassador to Yemen Mohammed Ali Issa and Yemen’s ambassador to Djibouti Abdullah Musallam Al-Sakhtari, according to the official Yemeni news agency. Aden’s Undersecretary for Transportation Khalid Al-Jahlmani welcomed the delegation from Djibouti, and expressed appreciation for the efforts to facilitate trade between the two countries. For his part, the Djiboutian ambassador said that the inauguration of his country’s flights to Aden were the signals of the development of relations between the two nations. The Yemeni ambassador said that the resumption of flights between the two countries will also facilitate humanitarian organizations’ work in Yemen. Source: – Arab News The post Air Djibouti begins first flight to Aden after three-year hiatus appeared first on Caasimada Online.
-
ADDIS ABABA – Nearly 5,000 people have fled to Kenya from the Ethiopian border town of Moyale after the weekend shooting of nine civilians by troops, the Kenyan Red Cross said Tuesday. Ethiopian state media said soldiers on Saturday shot nine civilians near the town after mistaking them for members of the banned Oromo Liberation Front (OLF) who were trying to sneak into the country. “Approximately 5,000 refugees have arrived in Moyale, the majority being women and children,” a Red Cross statement said. “These include pregnant and lactating mothers, chronically ill persons, those abled differently and the elderly.” A Moyale resident said Ethiopian soldiers were trying to seek out Oromo activists. The border town is sliced in two with one side in Ethiopia and the other in Kenya. Related Content Ethiopian refugees speak of horror and agony “There is continued aggression and harassment which creates fear and forces people to flee,” the local resident told AFP. Oromia was the epicentre of a protest movement against Ethiopia’s one-party rule that started in late 2015 and spread to the neighbouring Amhara region, leaving hundreds dead and resulting in tens of thousands of arrests. A 10-month state of emergency imposed in October 2016 quelled much of that violence, but the government remains unpopular among the Oromo, Ethiopia’s largest ethnicity who inhabit Oromia. Source: – AFP The post 5,000 Ethiopians flee to Kenya after weekend shooting: Red Cross appeared first on Caasimada Online.
-
Shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgalla Somaliland ayaa xalay dhaqan galiyay amar lagusoo rogay oo ku saabsanaa inaan lacag ka yar $10o la isugu diri karin taleefoonada gacanta, iyadoo tilaabadaan ay qeyb ka tahay qorshe wax looga qabanayo sicir bararka xoogan ee ka jira Hargeysa. Amarkaan ayaa ujeedada laga leeyahay waxay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa isticmaalka lacagta gobolada waqooyi (Somaliland) kadib markii ay soo wajahday hoos udhac weyn, taasoo keentay sicir barar saameyn ku yeeshay nolasha dadka. Adeegga moobelayada lacagta loogu shubto ee Zaad ee shirkada Talesom iyo adeegga E-dahab ee shirkada Somtel, waxaaana ay xalay dhaqan galiyeen in lacag kayar 100 dollar aanan la isku dirin, waxaana dadka horey loo faray in lacagtaas kala baxaan taleefoonadooda, Islamarkaana u badeshaan lacagta maxaliga ah ama Dollar. Halkaan hoose ka akhriso amarkii lagusoo rogay. Puntlandi.com
-
African Union (AU) on Tuesday pledged to help Somalia’s youngest state, Hirshabelle in its fight to reopen and secure main supply routes of the state. Al-Shabaab militants have set up roadblocks on roads linking towns of Hirshabelle state where the group carries attacks against Somali National Army and AMISOM forces. Following discussions between Hirshabelle state President, Mohamed Abdi Waare and AU Special Envoy to Somalia, Francisco Madeira, AU said its troops will intensity the war against Al-Shabaab terroist group in Middle and Lower Shabelle regions. Madeira said he talked with President Waare on challenges that faced Hirshabelle state and means to help the state to set up adminsttrative structure in liberated areas. ” We discussed the details of the transition and saw the transition needs to be strengthened, what we think regional forces can contribute,” Madeira noted, Adding ” And the importance of regional forces to secure MSRs (Main Supply Routes) side-by-side with African Union Union Misssion in Somalia ( AMISOM) and Somali National Security Forces.” For his part, Waare commended AMISOM’s role in liberating Hirshabelle areas from Al-Shabaab militants. “AMISOM is important to us in our daily lives, helping us to tackle these challenges in Hirshabelle,” said Waare. The leaders jointly agreed to accelarate the process to secure Mogadishu-Beledweyne roads. The discussions comes inbthe wake of a deadly attackby Al-Shabaab fighters on AMISOM convoy escorting trucks carrying supplies from Mogadishu early this month. Al-Shabaab killed several AMISOM soldiers and destroyed vehicles in the attack in Balad, 30 km north of Mogadishu The post AU pledges to help Hirshabelle reopen roads in its state appeared first on Caasimada Online.
-
Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ka yeeshaan xeerka Dowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed. Xubnaha Aqalka sare oo kulankii ugu horeeyay Kalfadhigooda Sedexaad shalay ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo qeybiyay Xeerkan oo dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World. Xildhibaan Maxamed Aamiin oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka sare ee Dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Xildhibaanada Aqalka sare ay guryahooda kusoo aqristeen Xeerka oo shalay loo qeybiyay sidoo kale ay ka hadli doono arimo ku saabsan amniga “Aqalka sare Baarlamaanka ayaa maanta kulmaya waxayna ka doodayaan xeerka Dowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed, xeerka waa loo qeybiyay way soo aqriyeen maanta markuu furmana waa laga doodi doonaa, hadii ay dooda maanta ku filnaato waxaa macquul inay soo gaba gabowdo, hadii waqti loo baahdana waxay ku xiran tahay dooda iyo sida ay noqoto iyo waxaa sidoo kale laga hadli doonaa amniga, arimo badan oo amniga ayaa taagan, iyana dood ayaa laga furi doonaa insha alaah”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Aamiin Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa shalay soo bandhigay Warbixin uu kaga hadlayo Waxyaabihii u qabsoomay Kalfadhigii hore iyo Arimaha horyaala Kalfadhigan. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalin ka hor ansixiyay xeerka Dowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed,kaasi oo guud ahaan Dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World. Xigasho: Somali National News Agency(SONNA). PUNTLAND POST The post Xubnaha Aqalka sare oo Maanta ka Doodaya Xeerka Dalka ka Mamnuucaya Shirkada DP World appeared first on Puntland Post.