Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    199,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Iyadoo muddooyinkii u dambeeyay magaalada Muqdisho uu ka socday ololaha saxiixa Mooshin laga waday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa uu iminka u muuqdaa mid hakaday, kaddib caqabado is biirsaday oo soo wajahay. Dhowr arrimood ayaa sabab u ah inuu mooshinkan hakado, kaddib markii caqabado ay soo wajaheen, waxaana ugu weyn xirnaanshaha kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka, iyadoo Kooxda waday Mooshinkan ay doonayaan inay geeyaan ka hor inta aanu xirmin kulamada Baarlamaanka. Arrinta koowaad ayaa lagu tilmaamay isku day Kooxda Mooshinka waday ku doonayeen inay kaga dhaadhiciyaan Guddoonka Golaha shacabka inuu dib u dhigo xilliga la soo xirayo kalfadhiga oo ku beegan maanta oo 16-ka bisha December tahay, isla markaana muddo 10 maalmood dib loo dhigo. si ay ugu suurta gasho in mooshinkooda oo diyaar ah ay u geeyaan. Tan labaad ayaa ah in kala fur-furid uu ku bilowday Xildhibaanada mooshinka saxiixay, kuwaasoo laga war helay tiradooda, waxaana maalmo ka hor ka laabtay mooshinkii uu saxiixay Xildhibaan C/llaahi Shaacir, taasoo keentay in kooxdii mooshinka waday ay dareemaan culeys ah inuu ku socdo kala fur-fur bilow ah. Arrinta kale ee caqabada keentay ayaa ah isku day xubnaha mucaaradka ku doonayeen in fikradahooda kaga gadaan Culimada oo xilligan difaac iyo gaashaan u ah dowladda, waxaana guuldareystay kulamo ay kaga dhaadhicinayeen qorshayaashooda. Ilo ku dhow dhow Xubnaha Mooshinka waday ayaa sheegaya inay go’aansadeen in mooshinkooda dib u dhigaan, illaa Baarlamaanka fasaxa ka soo laabanayo, waxaana wararka qaarka sheegayaan inay heystaan tiro ku filan oo gaarayay sagaashameeyo. Mooshinka la doonayo in laga keeno Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay midkii u horeeyay noociisa oo ka duwan mooshinadii horay dalka u soo maray, marka laga eego abaabulkiisa iyo diyaar garowgiisa, waxaana mooshinkan saxiixiisa kaliya uu gaarayay lacag dhan $10,000, isla markaana balan-qaadkiisa ahaa mid xooggan. Si kastaba ha ahaatee inta uu xiran yahay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa dareemi doonin wax culeys ah, waxaana la saadaalinayaa inta fasaxa lagu maqan yahay inay is bedelo dhici doonaan. Isha: Jowhar Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Saddex arrimood oo sabab u noqday inuu hakado Ololihii Mooshinka Madaxweyne Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Taliyaha Ciidamada Milatariga Dowlada Soomaaliya jenaraal Cabdi Weli Jaamac Gorod Ayaa ku guuleeystay in saaka ay furaan wadooyin ku xirmay Dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo. Labadaan Masuul Ayaa la arkayay iyaga oo qaadaya dhagxaanta iyo Ciida lagu xiray wadooyinka dhexmara gudaha Magaalada Gaal-kacyo kuwaasi oo sababay in ay xirmaan dagaalo halkaasi ka dhacay. Madaxweyne Xaaf iyo Taliye Gorod ayaa socod ku maraya magaalada Gaal-kacyo iyaga oo u gudbay dhanka Puntland iyaga oo hadda ku sugan woqooyiga magaalada Gaal-kacyo. Jenaraal Cabdi Weli Jaamac Gorod Taliyaha ciidamada Milatariga dowlada Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ku bixinayay sidii xal waaro loo kala dhex dhigi lahaa islamarkaasina loo joojoojin lahaa dagaalada soo laa laabta ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Hoos ka Daawo Sawiro hordhac ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Taliye Gorod iyo Madaxweyne Xaaf oo Furay Wadooyin ku Xirmay Dagaaladii Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  3. Dastuurka qabyo-qoraalka ah, waxaa ku xusan Awoodaha sharci-dejinta ee golaha shacabka iyo aqalka sare, awoodaha mid weliba uu gaar u leeyahay iyo qaar ay wadaagaan. Habraaca Sharci-dejinta Baarlamaanka Sida ku qoran dastuurka qabyo-qoraalka ah qodobada 79aad, 80aad iyo 81aad waxaa ku xusan habraaca sharci-dejinta labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Qodobka 79aad: (1): Si waafaqsan Dastuurka, habraaca sharci-dejintu waa hindise sharciyeed qabyo ah oo ku saabsan: (a) Dib-u-eegidda iyo soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurkan dib ugu noqoshada Dastuurkan; (b) Qoridda iyo diyaarinta sharci qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda; (c) Soo-jeedinta sharci-qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda; (d) Dib-u-eegid sharci hore u jirey. (2) Ka doodidda sharci qabyo ah oo la xariira wax-ka-beddelka Dastuurkan waxay ka billabanayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. (3) Ka-doodidda sharci kasta oo qabyo ah wuxuu ka bilaaban karaa mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Qodobka 80aad: Curinta sharciyada: (1) Sharci qabyo ah oo heer qaran ah, waxaa curin kara: (a) Golaha Xukuumadda; (b) Ugu yaraan 10 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, marka laga reebo sharci qabyo ah oo la xiriira arrimaha miisaaniyadda sanadlaha ah oo Golaha Xukuumadda oo keliyihi curin karo. (2) Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah u soo bandhigi kara: (1) Ugu yaraan hal wakiil oo ka socda Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka; ama (2) Guddi kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah. Qodobka 81aad: Go’aammo Siyaasadeed (1) Labada Aqal ee Baarlamaankuba way curin karaan Sharci. (2) Aqalka Shacabka oo keliya ayaa leh awoodda diidmada sharci qabyo ah. (3) Haddii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu dhex yimaado khilaaf ku saabsan sharci qabyo ah, mid kasta oo ka mid ah labada Aqal ayaa Guddi wadajir ah oo ka kooban labada Aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka iyo in uu labada Aqal u soo jeediyo sharci qabyo ah oo la is-waafajiyey iyada oo laga duulayo iskaashiga dowladaha ee ay dhigayaan Qodobbada 51aad iyo 52aad. (4) Golaha Shacabka oo keliya ayaa sharci qabyo ah u diri kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, una faafiyo si rasmi ah. Hadaba, Waa Maxay Awoodaha Uu Aqal Weliba Gaar U Leeyahay? Sida ku qoran qodobka 63aad, Golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matilaa dhammaan shacabka Soomaaliya, Awoodda sharci-dejinta ee Golaha shacabku keligii leeyahay waxaa ka mid ah: (a) Ka-qaybgalka wax-ka-beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad; (b) Ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada la horgeeyo, si waafaqsan Cutubkan iyo Cutubka15aad; (c) Ka-baaraandegidda sharciyada uu ansixiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka; (d) U-igmashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka awoodaha sharci-dejinta marka laga reebo wax-ka-beddelidda Dastuurka. Qodobka 69aad. Awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah (1) Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu leeyahay awood sharci-dejin oo ah: (a) Inuu ansixiyo, wax-ka-beddelo ama diido sharciyada la horkeeno; (b) Inu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka ahayn kan la xiriira miisaaniyadda sanadlaha ah, kaas oo uu diyaarinayo Golaha Wasiirrada. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaa kale oo uu leeyahay awoodahan dheeriga ah ee soo socda: (a) Inuu oggolaado ama diido guddiyada madaxa bannaan ee Ra’iisul-Wasaaruhu hor-keeno Golaha Shacabka; (b) Awoodda la-xisaabtaanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha Dawladda ee Heerka Qaranka, gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqangelinta sharciyada dalka; (c) U-yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu Golaha Shacabku awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa; (d) Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1; (e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku-xigeenka/kuxigeennada Ra’iisul-Wasaaraha; (f) Doorashada iyo xil-ka-qaadidda Madaxweynaha sida ku cad Dastuurka; (g) Hirgelinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaadey Dastuurku, si loo hubiyo dhaqan-gelin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka. Dhinaca kale, sida ku qoran qodobka 71aad, Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah: (a) Ka-qayb-qaadashada wax-ka-beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad; (b) Ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobbada 82-83; (c) Eegidda sharciyada loo igmadey si waafaqsan Qodobbada 82-83; (d) Ka-qayb-qaadashada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 89aad; (e) Xil ka qaadida Madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92aad; (f) Ka-qayb-qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan; (g) Hirgalinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka; (h) Ka-qayb-qaadashada habraaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan dastuurkan; (i) Ka-qayb-qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan: Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka; Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah; Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka; Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta; Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka. Waxaa sidoo kale jira labo qodob oo ku jira dastuurka loo aqalka siinaya awood gaar ah sida lagu sheegay qodobka 71aad, faqradda(b), Labadaasi qodob waxaa ay kala yihiin: Qodobbada 82-83; Qodobka 82aad. Hindise sharci qabyo ah oo ka bilawday Golaha Shacabka (1) Golaha Shacabka marka la horkeeno handise sharci qabyo ah waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah sida soo socota: (a) Inuu u ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama inuu ansixiyo isagoo wax ka beddelay, markaa loo diro Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka si uu u ansaxiyo; (b) In uu diido, kuna wargeliyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo raacinaya sababaha loo diidey. (2) Marka Aqalka Sare uu soo gaaro sharci qabyo ah oo uu soo ansixiyay Golaha Shacabka, waxaa u furan mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) Inuu u ansaxiyo sida Golaha Shacabku ugu soo gudbiyay sharcigaas ka dibna dib ugu diro Golaha Shacabka; (b) In ay ku sameeyaan wax-ka-beddel iyagoo sababeynaya isbeddeladaa, dibna ugu diraan Golaha Shacabka; (c) In ay diidaan una gudbiyaan Golaha Shacabka iyagoo raacinaya sababaha ay u diideen. (3) Marka Golaha Shacabka uu soo gaaro hindise sharci qabyo ah oo u soo ansixiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi, waxay u dirayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, uguna soo saaro faafinta rasmiga ah. (4) Marka Golaha Shacabka uu soo gaaro hindise sharci qabyo ah kaasoo uu soo beddelay Aqalka Sare waxaa u furan inuu sameeyo arrimaha soo socda middood. (a) Inuu oggolaado wax-ka-beddelkaa lagu sameeyay hindisaha sharciga qabyada ah, ka dibna u gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu Saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah; (b) Inuu diido isbeddelada la sameeyay uuna ku baal maro go’aanka Aqalka Sare aqlabiyad 2/3 ah marka la eego tirade guud ee xubnaha aqalka, ka dibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah. (5) Marka Golaha shacabka uu soo gaaro sharci qabyo ah oo uu soo diiday Aqalka Sare, Aqalkaasi wuxu samyn karaa arrimahan midkood: (a) Inuu uu aqbalo diidmada, sharcigaana uu faraha ka qaado; (b) In uu ku baal maro diidmaddii Aqalka Sare aqlabiya 2/3 ah marka la eego tirade guud ee xubnihiisa, ka dibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, uguna soo saaro faafinta rasmiga ah. Qodobka 83aad. Hindise Sharci oo Qabyo ah oo ka bilowday Aqalka Sare. (1) Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci oo qabyo ah, waxaa u furan inuu sameeyo mid kamid ah, arimaha soo socda: (a) Inuu ku ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama isagoo wax-ka-beddel ay kaddibna u gudbiyo Golaha Shacabka si uu u oggolaado; (b) Inuu diido sharcigaas kuna wargaliyo Golaha Shacabka isagoo raacinaya sababaha uu ku diiday. (2) Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalku marka uu helo hindise sharci oo qabyo ah, kaas oo Aqalka Sare oggolaadey, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) In uu u oggolaado sharcigaas sida uu ugu soo gudbiyey Aqalka Sare, ka dibna uu u gudbiyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka si uu ugu ogolaado, u saxiixo looguna soo saaro faafinta rasmiga; (b) Inuu wax kabeddelo sharcigaas dibna ugu celiyo Aqalka Sare isagoo raacinaya sababaha uu wax ugu beddeley; (c) Inuu diido, dibna uga celiyo Aqalka Sare, isagoo raacinaya sababaha uu u diidey. (3) Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaas oo uu wax ka beddeley Golaha Shacabku, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) Inuu aqbalo wax-ka-beddelidda sharciga qabyada ah, isagoon codayn una gudbiyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka si uu u oggolaado, u saxiixo, looguna soo saaro faafinta rasmiga ah; (b) Inuu diido wax kabeddelka sharcigaas, kagana gudbo/ku baalmaro go’aanka Golaha Shacabka cod aqlabiyad ah oo 2/3 tirada xubnihiisa ah, dibna ugu celiyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah. (4) Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaasoo uu diiday Golaha Shacabku, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) Inuu aqbalo diidmada sharcigaas isagoon u codeyn, joojiyana hindaha sharciga qabyada ah; (b) Inuu kaga gudbo/ku-baalmaro diidmada Golaha Shacabka cod aqlabiyad 2/3 tirada xubnaha Aqalka ah, dibna ugu celiyo Golaha Shacabka Federaalka ah. (5) Haddii uu Golaha Shacabka soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaasoo uu horay wax uga beddelay, isbeddeladdii uu hore u sameeyayna uu Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku aqbalay, waa in uu Hindisahaa Sharci Qabyada ah u diraa Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, faafinta rasmiga ahna ugu soo saaro. (6) Haddii Golaha shacabka uu soo gaaro Hindise Sharci qabyo ah, kaasoo ay hore wax uga beddeleen ama ay hore u diideen, go’aankooda horena uu baal maray Aqalka Sare, Golaha Shacabku wuxuu sameyn karaa arrimahan midkood: (a) In ay ku baal maraan go’aanka Aqalka Sare cod aqlabiyad 2/3 tirada xubnahooda ah, halkaa ayeeyna ku joojin karaan hindisahaa sharci ee qabyada ah; (b) In ay aqbalaan go’aanka Aqalka Sare, ka dibna Hindisahaa Sharci ee qabyada ah u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, faafinta rasmiga ahna ugu soo saaro. (7) Haddii ay ku kala aragti duwanaadaan Hindise Sharci qabyo ah Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah marka uu marayo Hindisahaa Sharci heerka lagu qeexay Qaybta 4aad ama 6aad ee qodobkan, Labada Aqal midkood ayaa dalban karaa in la saaro Guddi wadajir ah oo labada aqalba ka kooban si la isugu dayo in la xalliyo khilaafkaa, loona helo Hindise Sharci qabyo ah oo labada aqalba isla waafaqsan yihiin, iyadoo laga duulayo iskaashiga Dawladaha ka dhexeeya sida ku cad Qodobbada 51aad iyo 52aad ee Dastuurkan. Goobjoog News Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Booliska waxaa weli magaalada Muqdisho laga baadi-goobayaa Gaari nooca xamuulka ah oo la sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay la damacsan yihiin inay ku fuliyaan weerar ismiidaamin ah. Sarkaalkan oo ka tirsan Saraakiisha amniga Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Cabdi Yare ayaa sheegay in xogta gaarigaas ay ka heleen maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo dhawaan lagu qabtay howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in maleeshiyaadka la qabtay iyagoo gacanta kula jira falal amni darro, waxa ayna xaqiijiyeen in gaarigaas uu ku dhex jiro magaalada Muqdisho, isla markaana Booliska uu gudanaayo waajibaadka ka saran amniga Gobolka Banaadir. Waxa uu tilmaamay in Gaarigaas uu ku dhex jiro mid kamid ah Degmooyinka Dharkiinley, Wadajir, Kaaran iyo Cabdi-Caziiz, hase ahaatee ay ciidamadu yihiin kuwo feejigan. Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in dhagarta maleeshiyaadka al-Shabaab ay tahay mid joogta ah, balse ay dhankooda ka bixin doonaan dadaal dheeri ah oo lagu kala badbaadinaayo shacabka iyo waxa uu ugu yeeray dhagar-qabayaasha Shabaab. Asbuucyadii tagay waxaa magaalada Muqdisho ka socday howlgal ay wadeen ciidamada AMISOM oo lagu baadi-goobaayay Gaadiid kuwooda oo maleeshiyaadka al-Shabaab u adeegsan doonaan falal amni darro. Si kastaba ha ahaatee, cabsidan jirta ayaa kusoo beegmeysa xili dhabar jab xoogan ay la kulmayaan maleeshiyaadka al-Shabaab taa oo sababtay inay isaga baxaan Saldhigyadooda waaweyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muqdisho oo weli laga cabsi qabo Gaari xamuula oo Qaraxyo sida & Ciidamada DF oo ku jira heegan appeared first on Caasimada Online.
  5. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiweli Gorod, ayaa ku sugan magaalada Gaalkacyo wuxuuna halkaas u tagay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa nabadaynta Gaalkacyo. Taliyaha oo dhinaca Galmudug la hadlayay ayaa sheegay inay jirto is aaminaad la’aan ka dhex taagan bulshada magaalada Gaalkacyo, taasoo soo celcelisa colaadaha gobolka. Wuxuu sidoo kale sheegay ina jirto wax kala tabasho in dhinac dhinaca kale uu wax ka tabanayom arrintaasna loo baahan yahay in meesha laga saaro. Halkaan ka dhegayso codkiisa. Taliyaha-Ciidanka-Xooga-Dalka-sax Puntlandi.com
  6. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay culummada Soomaaliyeed inay wacyi-geliyaan dhallinyarada, si aysan ugu dhicin afkaaraha qaldan ee lagu luminayo dhallinyarada Soomaaliyeed. Thaabit ayaa hadalka sheegay mar uu la hadlayay culummada degmooyinka gobolka Banaadir, imaamyada masaajidyada iyo Macalimiinta dugsiyada lagu barto Qur’aanka Karmiimka ee Muqdisho ku yaalla, isagoo ka dalbaday inay u istaagaan ka hor-tagga fikradaha diimeed ee aan saxsanayn. “Waxaan filayaa in dhibaatooyinka ay kooxaha argagaxsida ah wadaan ay ku yeelatay saameyn xooggan guri walba oo Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Muqdisho ku nool. Sidaa daraadeed waxaa la idinka doonayaa inaad ka hor-tagaan kooxaha dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed iyo fikradaha ay faafinayaan,” ayuu hadalkiisa ku yiri Duqa Muqdisho. Sidoo kale, Guddoomiye Thaabit ayaa sheegay in dhibaatooyinka ay wadaan kooxaha xag-jiriinta ah ay saameysay Somali oo dhan, isagoo tusaale u soo qaatay weerarkii bahalnimada ahaa ee 14-kii Oktoobar ka dhacay Zope oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Culumadda Soomaaliyeed, Macalimiinta Dugsiyada Qur’anka iyo Imaamyada Masaajidda inay u diyaar-garoobaan dagaal lala gelo Al-shabaab, Maadaama ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed oo dhan. DHAGEYSO CODKA DUQA MUQDISHO THAABIT CABDI MAXAMED; http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Duqa_Muqdisho_Culummada_Soomaaliyeed.mp3PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo ku baaqay in Dhalinyarada laga Wacyi-geliyo Afkaaraha Gurracan appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (PP) ─ Tiro lagu sheegay 65 qof oo Somalia ah, ayaa lagu dilay deegaano ka tirsan ismaamulka Oromada Waddanka Itoobiya, iyadoo ay sii xoogeysanayaan rabshadaha iyo isku dhacyada u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Tuulada Gadule oo hoos tagta Degmada Darulow ee Gobolka Oromada ayaa lagu dilay 65 ruux oo Somalia ah, kaddib markii ay soo Weerareen ciidammo ka tirsan kuwa Qowmiyadda Oromada-Itoobiya. Sidoo kale, Weerarkan ayaa ka dhashay markii ciidamada Liyuu Booliska ee deegaanka Soomaalida-Itoobiya ay Weerareen deegaan ku dhaw Gadule, waxaa halkaas ku dileen labo askari. Reerkii Askariga laga dilay ee Oromada ahaa ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Soomaalidii ku sugneyd deegaanka Gadule, kaddibna ay halkaas ku dileen lixdameeyo Soomaali ah oo isugu jira dad waaweyn iyo caruuur. Dhanka kale, Maamulka deegaanka Oromada-Itoobiya ayaa sheegay in 14-qof oo Soomaali ah la dilay, iyagoo meesha ka saaray sheegashada tirada 65 ruux ee la dilay. Colaadaha u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada oo sanadkan bilowday ayaa aad u sii kordhay, waxaana ku barakacay kumannaan qof oo Soomaali iyo Oromo isugu jira. Ugu dambeyn, Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dadkii ka dambeeyay rabshadaha, isla markaana ay xabsiga dhigtay, laakiin waxaa muuqda in ay dib u bilowdeen dagaallada. PUNTLAND POST The post Soomaali fara badan lagu laayay Gobolka Oromiya ee Dalka Itoobiya iyo xiisad ka dhalatay appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-War kasoo baxay Dowlada Sacuudiga, ayaa waxaa lagu mamnuucay in sawirro lagu dhex galo Xaramka iyo Masaajidka Nabiga NNKH inta lagu guda jiro howlaha cibaadada. Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in la mamnuucay in xaramka lagu dhexgalo sawir, ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay sawirada nin Israeli ah, oo isku soo dhex sawiray Xaramka iyo Masaajidka Nabiga. Ninkaan Israelka ah ayaa xiliga uu sawirka ku galaayay Xaramka gacanta ku watay Kutubka Yahuudda taa oo dhalisay hadal heyn badan. Wargeysyada kasoo baxa magaalada Riyadh ayaa lagu qoray in dowlada Sacuudiga ay qaadi doonto talaabo adag, haddii ay dhacdo in waxkama jiraan laga dhigo amarka lagu mamnuucay sawirka. Habdhaqanka Yahuudigan ayaa waxa ay ka careysiisay Muslimiinta ku dhaqan magaalada barakeysan ee Maka, iyagoona si kulul u cambaareeyay falkaasi. Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo Mareykanka uu Caasimadda Israel u aqoonsaday Magaalada Qudus, ee dhulka la haysto ee Falastiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ficil fool xun oo uu sameeyay Nin Yahuudi ah oo sababay in la mamnuuco Sawiradii lagu dhex gali jiray Masaajidka NNKH appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen warbaahinta maxaliga waxaa Soomaali badan lagu xasuuqay dhulka ay Ethiopia ka degaan Qowmiyada Oramada. Xasuuqa ayaa ka dhacay tuullada Gadule ee hoostagta degmada Darullow ee dhulka Oromada, waxaana la xaqiijiyay in Soomaalida la xasuuqay ay tirro ahaan gaarayaan ilaa 65 Soomaali ah. Cabdirisaaq Maxamed oo ah madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, ayaa xaqiijiyay inuu jiro xasuuqa waxa uuna tilmaamay inuu ka danbeeyay kadib markii ay ciidamada Liyuu Booliska Soomaalida duullaan ku qaadeen deegaan aan Gadule ka dheerayn. Ciidamad Liyuu Boolis ayaa weerarka ku dilay ilaa Laba qof oo midi uu ahaa askari, waxaana intaa kadib weerar qaaday qoyska Askariga la dilay. Qoyska Askariga ayaa weerarka culeyskiisa ku qaaday Soomaalida degta deegaanka Gadule waxa ayna sidaa ku laayen Soomaali badan, iyadoo duulaan ballaartay kadib uu xasuuqa gaaray ilaa 65 Soomaali ah. Dhulka ay wada dagaan Oromada iyo Soomaalida Wadanka Ethiopia ayaa dhowr jeer waxaaa ka dhacay Dagaal dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale, horay Dowladda Federaalka Ethiopia waxaa ay u sheegtay in ay xakameysay isku dhacyadii dhexmaray Qomiyadda Oromada iyo Soomaalida Ethiopia oo dhowr jeer wada dagaalamay. Si kastaba ha ahaatee, isku dhacaan soo cusboonaaday ayaa dadka Soomaalida ee ku nool Ethiopia waxaa ay sheegeen in ay qabaan wal wal ah in la beegsado, Maadaama Rabshaduhu ay hadda Xoogeysteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ethiopia oo lagu xasuuqay Soomaalidii ugu badneyd & Xaalada oo dhabaqsan appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ayaa manta oo Sabti ah lagu wadaa inay yeelan doonaan kulanka lagu soo xiraayo kalfadhiga labaad. Xiritaanka kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa inay ka qeybgali doonaan Madaxda ugu sareysa dalka. Madaxda la filaayo inay ka qeybgalayaan xiritaanka kalfadhiga ayaa waxaa kamid noqon doona Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre oo halkaa khudbad ka jeedin doona, waa haddii aanu isbedelin qorshaha. Waxaa xiritaanka kalfadhiga sidoo kale khudbad ka jeedin doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan ‘’Jawaari’’ oo la dardaarmi doona Xildhibaanada BFS. Labadii kalfadhi ee baarlamaanka Tobnaad ay yeesheen ayaa lagu meelmariyay sharciyo muhiim ah oo la horkeenay Xildhibaanada Golaha Shacabka. Geesta kale, waxaa saakay aad loo adkeeyay ammaanka wadooyinka gala xarunta Golaha Shacabka oo lagu qabanayo munaasabada xiritaanka kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kalfadhiga 2aad ee Xildhibaanada BFS oo lasoo xiraayo & Madaxda ugu sareya oo Khudbado ka jeedin doona xarunta appeared first on Caasimada Online.
  11. Wasiirka Gashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa jimcihii waxaa uu aqalka cad ka sheegay yididiiladiisa ku aadan isla xisaabtan-ka ka jiro hey’adaha dowliga ee Soomaaliya. Jim Mattis ayaa intaasi ku daray in Soomaaliya ka soo reyneyso qaabka loo qeybiyo gagaarka ku aadan Raashinka iyo Shidaalka ee la siiyo ciidamada Soomaalida. “ Waxaan hubaa in aan awoodno xakameynta waxa kana, xitaa haddii aanan dhammaan xakameyn Karin, qeyb ka mid ah”. Mattis waxaa uu qabaa in isbadalka ku saabsan dhaqanka musuqa uu qaadan-doono muddo isaga oo intaasi raaciyay in madaxda cusub mudan yihiin in la taageero. Hadalka wasiirka gashaandhigga Mareykanka Jim Mattis waxaa uu imaanayaa kadib markii dowladda Mareykanka ay joojisay saadkii ay sii jirtay ciidamada xoogga dalka sida raashiin, shidaal iyo hub. Goobjoog News Source
  12. Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey oo dib u helay xorriyadiisa, kadib Afar Sano oo uu ku xirnaa dalka Belgium ayaa gaaray dalka Maraykanka. Tiicey ayaa sheegay in lagu waayay wax dambi ah, maadaama si qaldan loo xiray iyadoo lala xiriirinayo falal la xiriira Burcadbadeednimo. Mudadii uu xirnaa ayuu sheegay iney socotay oo kaliya maxkamadda, islamarkaana ugu dambeyn markii wax dambi ah lagu waayey lasii daayey. Waxa uu sidoo kale sheegay Maxamed Aadan Tiicey, in hadda ay socoto dacwad ku aadan sidii uu magdhow uga heli lahaa dowladda Belgium, maadaama uu si sharci darro ah ugu xirnaa muddo Afar Sano ah, sidoo kalena lagu sameeyay magac dil. “Hadda waxaa furan dacwo aan ku dacwoonayo intii aan xirnaa dhibkii, magac haleyntii iyo sumcad qaadistii magdhowgeeda in xal loo helo” ayuu yiri Tiicey. Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey ayaa dalka Belgium waxaa loo geeyay iyadoo loo sheegayo inuu kaalin ka qaadan doono Filim laga sameynayo Burcadbadeedda Soomaalida. Goobjoog News Source
  13. Maamulka degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto degmadaasi iyo sidoo kale deegaannada hoos yimaada. Guddoomiyaha degmadaasi C/risaaq Abeer Cumar oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in degmadaasi uu ku yaallay oo kaliya Hal ceel biyood, haatanna uu jaban yahay, taasi ay keentay in dadka ay biyo u raadsadaan deegaanno aad uga fog. Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in dadka ku dhaqan Ceelbarde ay aad u saameysay abaartii Sima ee dalka ku dhufatay, wuxuuna meesha ka saaray iney heleen gurmadyo ku filan. “Hadda aan idin la hadlayo wax biyo ah ma haystaan shacabka ku dhaqan degmada Ceelbarde, waxaan idiin sheegayaa in xaaladda dadka ay liitaan, hay’adihii waa ay ku fashilmeen iney wax u qabtaan dadkaasi, baahida ka jirta Ceelbarde aad ayeey u badan tahay” ayuu yiri guddoomiyaha. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha C/risaaq ayaa ugu baaqay hay’adaha Samofalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya iney gurmad dhan walbo ah la gaaraan shacabka ku dhaqan degmadaasi. Goobjoog News Source
  14. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney howlgal ka wadaan degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe. Howlgalkaan ayaa la sheegay inuu daba socdo dil shalay degmadaasi loogu geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa suuqa xoolaha ee Mahadaay. Guddoomiyaha degmadaasi Cabdullaahi Maxamed Xuseen Geeldoox oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dilka askarigaasi ay ka dambeeyeen rag watay gaari NOHA ah, islamarkaana hadda ay ku raadjoogaan raggii falkaasi ka dambeeyay. “Howlgalka waa uu socdaa, waxaana dilkaasi ka dambeeyay Maleeshiyada Al-shabaab, waxay galeen dhulka keynta ah, annagane waan ka dabagalnay” ayuu yiri guddoomiyaha. Ugu dambeyn, guddoomiye Geeldoox ayaa sheegay in hadda xaaladda guud ee amniga degmada Mahadaay ay tahay mid hagaagsan, islamarkaana aysan jirin dad loo soo qabtay howlgallada socda. Goobjoog News Source
  15. Maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hoos u dhac aan horey loo arag ku yimid qiimaha la kala siisto xoolaha nool ee suuqayada degmadaasi. Guddoomiyaha Maxaas, Maxamed Cabdi Cawaale oo wareysii siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in shilin Soomaaligii la waayay uu sabab u noqday in dadka xoolaleyda ah aysan suuq wanaagsan u helin xoolahooda. Wuxuu sheegay in neefkii Ariga ee la iibin jiray 100 doolarka Maraykanka aan hadda lagu heleyn 20 doolar. “Xoolo dhaqatadii hadda suuq wanaagsan ma helaan, ninka xoolaha ku nool wuxuu heli jiray lacag uu raashiinka uu rabo ku iibsado, laakiinse hadda waxaa muuqda in aysanba jirin dhaqaalahaasi, neefkii ariga 100-ka doolar joogay hadda laguma helayo 20 doolar xitaa, sababtuna waa lacagta shilin Soomaaliga ah oo aan ka shaqeyneyn degmada” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Maxaas. Suuqyada degmada Maxaas ayaan wax lagu kala iibsan lacagta shilin Soomaaliga ah, waxaana la adeegsadaa oo kaliya lacagta doolarka, waana midda keentay in qiimo dhac ku yimaado xoolaha nool ee degmadaasi. Goobjoog News Source
  16. Dalka Rwanda ayaa mamnuucay cabista shiishada laga bilaabo jimce December 15, 2017, kadib markii lagu arkay khatar caafimaad. Wasiirka caafimaadka ee dalkaasi oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in Shishada ay khatar u leedahay noloshada aadanaha, waxaana ka mid ah cancerka sambabada, cudurada wadnaha iyo qaar kale oo badan. Rwanda waa dalkii 2aad ee Shiishada mamnuuca, kadib markii madaxweynaha Tanzania John Pombe uu dalkiisa ka xanibay July 2016-kii. Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka la cabo shiishada, weliba guryaha qaar caruurta dhex-dooda, mana jirto wacyi-gelin arrintaasi laga heysto. Goobjoog News Source
  17. Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hadda ay u baahan yihiin ingacanweyn laga siiyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Jalalaqsi, kaasi oo hadda meel dhexe maraya. Afhayeenka maamulkaasi Maxamed Nuur Cagajoof oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in garoonkan dhismihiisa ay bilaabeen qaar kamid ah ganacsatada gobolka Hiiraan, hadana uu galay dhismihiisa wejigii Labaad, balse loo baahan yahay in dhameystirkiisa gacan weyn laga geysto. Sidoo kale Afhayeenka ayaa xaqiijiyey in garoonkaan uu yahay mid cusub, maadaama degmada Jalalaqsi aanay horey u lahayd garoon diyaaradeed. “Garoonkaan wuu cusub yahay, waxaa bilaabay ganacsato Soomaaaliyeed gaar ahaan kuwo u dhashay Hirshabelle, hadda wejiga Labaad ayuu galay, waxaana loo baahan yahay in gacan weyn laga geysto” ayuu yiri Afhayeenka. Ugu Dambeyn, Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo dowladda Federaalka Soomaaliya iney gacan ka geystaan dhismaha garoonka degmada Jalalaqsi. Goobjoog News Source
  18. Maamulka gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegay iney soo afjari doonaan xiisadaha colaadeed ee ka jira qaar kamid ah deegaannada gobolkaasi, gaar ahaan kuwa kusoo noqnoqday deegaannada hoostaga degmada Balcad ee Shabellaha Dhexe. Guddoomiyaha gobolkaasi Axmed Mayre Makaraan ayaa kormeer ku tagay deegaannadan oo sanad kahor si aad ah loogu dagaallamay, wuxuuna la kulmay qaar kamid ah shacabka ku dhaqan deegaannadaasi. Mayre ayaa sheegay in aysan usii dulqaadan doonin sii socoshada xiisadahan, ka maamul ahaanna ay diyaar u yihiin in nabad laga dhigo guud ahaan Shabellaha Dhexe. “Waxaan ballanqaadnay in bisha January 2018 aan dhigno gogol nabadeed oo ah in lagu xaliyo xiisadahan jira gaar ahaan deegaannada hoostaga degmada Balcad, si loo helo dad walaalo ah oo wada shaqeysta” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe. Ma jirto weli xal rasmi ah oo laga gaaray dagaalladii ka dhacay deegaannada hoostaga degmada Balcad, marka laga soo tago heshiis xabad joojin ah oo maamulka Hirshabelle ka kala saxiixay beelihii dagaallamay. Goobjoog News Source
  19. Waxgaradka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geella Xaaf inuu ka dhabeeyo dedaallada nabadeed ee uu ka wado magaaladaasi. Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed oo kamid ah waxgaradkan ayaa Goobjoog News u sheegay in tallaabo wanaagsan ay tahay in markaan uu madaxweyne Xaaf u istaago sidii uu isugu keeni lahaa shacabka Gaalkacyo. Wuxuu sheegay Suldaanka iney muhiim tahay oo kaliya in la wada fahmo ulajeedka madaxweyne Xaaf ee ah in la arko Gaalkacyo oo nabad ah. “Waa dedaal wanaagsan oo madaxweyne Xaaf wada, waan la kulannay, walibana Labada dhinac ayuu la kulmay, waxaana laga wada hadlay sidii Gaalkacyo nabad looga dhigi lahaa, wuxuu madaxweynaha inoo soo jeediyey in la dhameeyo wax walbo oo jira, Labada dhinac wuxuu ka codsaday in nabad lagu soo celiyo Gaalkacyo lagana wada shaqeeyo in laga wada faa’ideysto kheyraadka” ayuu yiri Suldaanka. Madaxweyne Xaaf ayaa Magaalada Gaalkacyo ka wada dedaallo badan oo ku aadan sidii loo nabadeyn lahaa magaalada Gaalkacyo, loona furi lahaa waddooyinka colaadaha ku xirmay ee magaaladaasi. Goobjoog News Source
  20. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo sidoo kale taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa kulan looga hadlayey amniga Gaalkacyo waxay la yeesheen waxgaradka kasoo jeeda Puntland iyo Galmudug. Madaxweyne Xaaf oo kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay iney furi doonaan waddooyinkii ku xirmay colaadda Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in aan loo dulqaadan karin waddooyinka oo shacabka laga xiro. “Reer Gaalkacyow sidan caqli shaqeynaya ma ahan, wax sii socon kara ma ahan, aniga waxaan rabaa in degdeg lagu furo jidadka xiran, haddii aan wax kale weynno kuwa na fitneenaya waan habaareynaa weyna dhimanayaan, walaalayaalow maxaan isku dileynaa, waxaan codsanayaa in qof dambi galay aanu suuqa ku xaragoon” ayuu yiri madaxweyne Xaaf. Dhanka kale, taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed C/weli Jaamac Gorod ayaa dhankiisa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka Mudug iney ka shaqeeyaan midnimada si loo gaaro xasilooni iyo amni. Gaalkacyo oo ay wada maamulaan Puntland iyo Galmudug ayaa hadda waxaa ka soconaya dedaallo badan oo lagu doonayo in lagu soo celiyo nabadda magaaladaasi. Goobjoog News Source
  21. Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay habeenkii xalay ahaa ay diyaarado dagaal, gaar ahaan nooca aan duuliyaha lahayn ay ka fuliyeen saldhig ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen deegaan ku dhow magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose. Diyaaradahan ayaa la sheegay in dhowr gantaal ku dhufteen saldhiggan oo ku yaalla deegaanka Beerxaani, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan, walow inta uu la egyhaya aan la ogeyn. Saraakiil u hadashay ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in duqeyntan xilliga ay dhacaysa uu shir ka socday saldhigga la weeraray. Sidoo kale saraakiishan ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen saraakiil sarsare oo ka tirsan Al-shabaab, waliba howlo muhiim ah uga qaban jiray gobolka Jubada Hoose. Al-shabaab kama aysan hadal duqeyntan iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray, waxaana xaaladda ay tahay saakay mid deggan. Goobjoog News Source
  22. Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Degaanka lagu Magacaabo Beer-xaano oo u dhow Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Xalay Fiidkii Diyaarado dagaal ay duqeeyeen Fariisimo Xarakada Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaankaas. Duqeynta ayaa la sheegay in Diyaaradahu ay la Bartilmaameedsadeen Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Beer-xaano,waxaana dadka Degaanka laga soo xigtay in Dhowr Gantaal ay ku dhufteen halkaas Diyaaradaha Wax Duqeeyay Degaanka Beer-xaano. Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in Duqeyntaas lagu dilay 15 Dagaalame oo Labo kamida ay yihiin Saraakiil Xilal ka hayay Al-shabaab. Sidoo kale general Saxardiid ayaa xaqiijiyay Duqeynta xiliga ay dhacay say ay saldhiga uu shir ugu socday Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ee gobolka jubbada hoose. Taliyaha Qeybta 43 Aad ee ciidanka Xoogga Dalka Ggeneral Ismaciil Saxardiid ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in Labada Sargaal ee Shabaabka ah ay kala ahaayeen Madaxii Sakawaadka Degaanka Beer-xaano iyo kii Amniyaadka Degaankaasi. Taliyaha waxa uu tibaaxay in 2 km ay ugu baxeey Al-shabaab Degaanka beer-xaani Magacyada iyo sawirrada Saraakiisha Al-shabaab ee lagu dilay duqeynta ay sheegeen Saraakiisha xoogga dalka iyo mareykanka in ay soo gubbin doonaan. Duqeynta Diyaaradeed ayaa loo maleynayaa in ay Fuliyeen Diyaaradaha aan Duuliyaha la heyn Ee laga leeyahay Wadanka Mareykanka,mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka oo ku aadan Duqeynta Xalay ka dhacday Degaanka Beer-xaano ee Gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Duqeyn ay amartay Dowladda oo Xalay lagu dilay Saraakiil ka tirsan Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiicay ayaa gaaray dalka Mareykanka ka dib markii laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Biljamka. Waxaa loo heystay falal la xariira Burcadbadeednimo, waxaana loo sheegay in uu ka qeyb qaadan doono filin looga hadlayay Burcadbadeeda kadibna xabsiga ayaa la dhigay. Mudda Afar sano ah ayuu xabsi ku jiray, waxaana uu dhowr jeer kasoo hormuuqday Maxkamad ku taalla dalkaasi. Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximan & Xeeb, Maxamed Macalin Aadan (Tiicey), ayaa afar sano iyo laba bilood ka dib waxaa laga sii daayay xabsi ku yaala dalka Belgium-ka, markii lagu waayay eedeymihii loo haystay ee burcad badeednimada. Madaxweynihii hore ee Ximan & Xeeb, ayaa sanadkii 2013-kii waxaa lala xiray Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo mar madax u ahaa kooxihii burcad badeeda ee ka hana qaaday Gobolada Dhexe, kaasoo loo haystay in uu ka masuul ahaa markab laga leeyahay dalkaasi Belgium-ka oo madax furasho loogu haystay Gobolada Dhexe. Maxamed Macalin Aadan (Tiicey) iyo Afweyne oo ka baxay burcad badeeda, ayaa ka hor intii aan lagu xirin dalkaasi waxaa Afweyne loo sheegay in uu wax ka jili doono filim ku saabsan burcad badeednimada, balse ay taasi ahayd shirqool la doonaayay in lagu soo xiro. Maxkamad ku taala Belgium-ka, ayaa xabsi ku xukuntay labadaasi nin, markii Xafiiska Xeer Ilaalinta uu ku soo oogay in ay ku lug lahaayeen markabka ay burcad badeedu ku haysatay Gobolada Dhexe. Dacwad oogayaasha, ayaa Tiicey ku soo oogay in maamulkiisii uu la macaamil la lahaa burcad badeeda, isla-markaana uu gabaadsiin jiray, intii uu ahaa Madaxweynihii Ximan & Xeeb. Maxkamad hubisa xukunada ay Maxkamadaha kale ridaan oo markii dambe dib u eegis ku sameysay xukunka Tiicey, ayaa fadhiyo badan ka dib ogaatay inaanu ku lug lahayn wixii lagu soo eedeeyay, iyadoona ugu dambeen amartay in dib xoriyadiisa loo siiyo. Dhanka kale Tiicey, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii gaaray Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Wadanka Mareykanka, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay. Tiicey oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay in uu hadda qorsheynayo maxkamad uu la tiigsado dalka Belgium-ka, si uu mag-dhow uga helo sumcad xumidii uu dalkaasi kala kulmay, sida uu yiri. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/hhhhhhhhhhhhhhhhh.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan Madaxweynihii hore ee Ximan & Xeeb oo xabsiga laga sii daayay appeared first on Caasimada Online.
  24. Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta oo jimcaha sheegay in dalkiisa uu Qaramada Midoobey ka dhex-bilaabi-doono hindise la xiriira sidii lagu baa’bin lahaa go’aanka Donald John Trump ee Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’il. Madaxweyne Erdoğan waxaa uu sidoo kale ka hadlay in marka hore Turkiga keliya isku dayi-doono sidii uu u baabi’in lahaa go’aanka Trump, haddii ay u suuro-geli-weysana waxaa ay aadi-doonaan Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa. Waa dadaal kale uu sameynayo Erdoğan kadib markii todobaadkan uu shir Qudus looga hadlayo, oo ururka iskaashiga Islaamka ahaa, isla markaana ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 50 hoggaamiye oo dunida Muslimka ay ka soo qeyb-galeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Erdogan: QM ayaan ka bilaabeynaa Hindise lagu laalayo go’aanka Trump ee Qudus appeared first on Caasimada Online.
  25. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka digay in la dayaco magaalda Bareysan ee Qudus isaga oo ku tilmaamay dayacaada Qudus inay la mid tahay Kacbada oo la dayacay iyo magaalo madaxyada kale ee dowladaha Islaamka. Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu bambo ku tuurtay bariga dhexe. Recep Tayyip Erdoğan oo jimcadii shalay qudbad ka jeedinayey Istanpul ayaa yiri “Hadii aan weyne Qudus, nooma suurto galeyso inaan ilaalino madiinatu munawarah, hadii aan weyno madiina ma awoodno inaan ilaalino makka, hadii aan weyno Makah waxay weyn doonaa Kacbada”. Recep Tayyip Erdoğan ayaa intaai ku daray in weerar cusub lala beegsano bariga dhexe iyo dhammaan umadda muslimiint ah ka dib aqoonsigii Mareykanka uu u aqoonsaday in ay Qudus tahay magaalo madaxda Isarel, waxaa uuna hoosta ka xariiqay in dalkiisa uu sii wadi doono qaadashada tallaabooyin kale oo looga hortagayo go’aanka maamulka Mareykanka. Goobjoog News Source