-
Content Count
210,026 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa ka digay in lasii fogeeyo Khilaaf Siyaasadeedka ka dhexeeya Dowladah Somalia iyo Imaaraadka Carabta. Hailemariam Desalegn, waxa uu sheegay in Khilaafka laba dowladood uu yahay mid u baahan in lasiiyo wakhti badan, hasee ahaatee aanu ku xalismeynin maalmo kooban. Khilaafka ayuu sheegay inaanu aheyn mid dhow, waxa uuna cadeeyay inay gacmaha kula jiraan dowlado Siyaasad ahaan khilaafsan labada dal. Khilaafka ayuu carab ***** mar uu Hailemariam Desalegn la hadlaayay warbaahinta maxaliga inuu yahay mid salka ku haya faragalin dhan Siyaasadeed iyo mid dhaqaale, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in marka hore labada dal ay kawada hadlaan Khilaafkooda. Dowlada Somalia ayuu sheegay Mr Hailemariam Desalegn inay xaq u leedahay inay difaacato Qaranimadeeda sidaa aawgeed ay ku baaqeyso in fursad lasiiyo Somalia oo Khilaafka xalkiisa ku jiro gacanteeda. Hailemariam Desalegn, oo aan kusii fogaan arrimaha labada dal, ayaa ku taliyay in Dowladaha xalka u raadinaaya Khilaafka ay ka shaqeeyan sida marka hore leysku horfadhiisin lahaa labada dale e uu Khilaafka ka dhexeeyo ka hor inta aan laga hordhicin. Sidoo kale, Dowlada Ethiopia ayuu sheegay inay kaalin weyn ka qaadan doonto dadaalka xalka loogu raadinaayo Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta, si buu yiri loosii ambaqaado xiriirka labada dal. Si kastaba ha ahaatee, Ethiopia oo marti galisay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, ayaa waxaa marti galintooda kamid ahaa in xal loo raadiyo Khilaafka sii fogaaday, waxaana xusid mudan inay kamid tahay wadamada xalka raadinaaya, hadana qeyb ka ah Heshiiska Dekadda Berbera. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
The economic numbers say Turkey is booming. The financial markets seem to think it’s on the verge of a crash. In the streets and shops of Mersin, a large city on Turkey’s Mediterranean coast, there’s little evidence of either extreme. Business-owners are feeling the squeeze from double-digit inflation and a currency that’s slumped 25 percent this year. But many say they’re inclined to stick with the government of President Recep Tayyip Erdogan, who’s seeking re-election in what may prove a knife-edge vote next month. “Yes, prices are higher and our profit margin is falling,” said Mehmet Kurt, 38, a kitchenware wholesaler. About a third of the items in his large store come from China, and the rest are getting more expensive too because their local producers use imported steel and plastics. “But this is temporary,” said Kurt. “The government can’t make things better, but it’s stopping them from getting worse. If we change Erdogan, will whoever comes in do any better? That’s the concern.” Rate Surrender With an economic growth rate of 7.4 percent last year, Turkey has been racing ahead of its peers. In recent weeks, investors have begun to worry that the wheels could come off. All the fragilities of the Erdogan economy came into focus. Bloomberg’s Chief Middle East Economist Ziad Daoud expects economic growth to slow to 3.7 percent next year, while inflation remains firmly above 10 percent, more than twice the central bank’s 5 percent target. A widening trade deficit has to be plugged with foreign cash. Turkish companies have racked up debts in dollars and euros that are now much more expensive to repay. And the president has fiercely opposed the higher interest rates that most economists prescribe — though he had to give way last week, green-lighting an emergency hike to halt a run on the lira. But even if the economy is headed for trouble, the crunch probably won’t come before Turks cast their ballots on June 24, according to Mert Yildiz, founder of Istanbul-based economic consultancy Foresight. Only about 2 percent of the electorate is directly hit by market volatility, Yildiz estimates. “For the opposition to defeat Erdogan, at least 8 percent of voters should swing sides,” he said. “There needs to be a severe impact from financial markets to the real economy for that kind of voter shift.” Running Hot Most polls show the president far ahead of rivals but short of the 50 percent needed for a first-round win — opening the way for a risky runoff, in which an “anyone-but-Erdogan” candidate would stand a chance. Surveys like the one by Ankara-based MAK this month rank the economy as the top voter concern. Erdogan and his AK Party came to power after the financial crisis and recession of 2001, which swept away Turkey’s established parties, and they’re working hard to avoid a repeat. With the economy running hot, elections were brought forward by 18 months. The government has enacted a series of stimulus programs, mostly aimed at merchants and small-to-medium businesses, a key chunk of the party’s base. State-guaranteed loans made it easier for entrepreneurs and farmers to borrow. Arguments over those policies are raging in Mersin, a competitive constituency where all four main parties won seats in the last election in 2015. ‘The People Know’ Abdullah Baser, a 58-year-old AK Party official, points to a cap on gasoline and diesel prices that cushioned the impact of the lira’s slide. “At the gas pump it’s been bypassed, thanks to the government’s precautions,” he said. “The people know this.” Nedim Karakas doesn’t think such measures are enough. “They’re all save-the-day solutions,” said Karakas, whose tobacco and liquor store is across the street from an AK Party branch office. “The problems will come back.” Karakas says business is terrible: the Islamist-rooted AK Party has raised taxes on alcohol, and the lira’s slump has made it impossible to renew stocks of imported whisky. He’s sometimes tempted to shut up shop and look for work, “but there are no factories in Mersin to work in.” Karakas said he’s always voted for Erdogan, but is undecided this time. “On the economy, the government is doing something wrong.” ‘Cases of Fear’ The AK Party’s line on the lira is that foreign manipulation has caused its decline. That argument resonates with voters, pollster MAK said in a summary of its recent survey. One reason is Turkey’s government-dominated media, which means that “all the information about the economy is channeled through a filter,” said Ozgehan Senyuva, an associate professor at the Middle East Technical University in Ankara. There’s another factor that may count in Erdogan’s favor. The crash of 2001 showed that Turkish voters deal out severe punishment for economic mismanagement once its full impact is felt. But when a collapse is something feared in the future, instead of a present reality, they may prefer to stick with the rulers they know, according to Senyuva. “In cases of fear, people tend to repeat the last decision that worked,” he said. “You don’t take risks.” Source: – Bloomberg
-
The chairperson of the African Union (AU) Commission, Moussa Faki Mahamat, expressed concern on Sunday over increasing instances of external interference by non-African actors in Somalia’s internal affairs. This threatens to disrupt the peace-building and state-building efforts currently underway in Somalia, Faki said during his meeting at the AU headquarters in the Ethiopian capital with Prime Minister Hassan Ali Khaire of Somalia, according to an AU statement. The interference also risks reversing the hard-won gains made through joint efforts of the AU mission in Somalia (AMISOM) and Somali security forces, he said, urging all concerned external actors to refrain from any action that may undermine Somalia’s progress. The two leaders discussed the progress made so far by the Somali federal government in implementing a reform agenda in the political, economic and security spheres, the statement said. The chairperson of the AU Commission commended the Somali government for its efforts to establish cohesive and inclusive politics, deepen federalism, resolve the conflicts affecting the country and advance peace-building and reconciliation. Faki called on all Somali stakeholders to spare no efforts in ensuring a successful implementation of the agreed political roadmap. Noting the economic reforms undertaken by Somalia, the AUC chairperson urged Mogadishu to continue with the efforts underway to rejoin the international financial institutions and set the country on the pathway to debt relief. Khaire, for his part, paid tribute to the bravery of AMISOM forces, and expressed gratitude to the troop and police contributing countries for their efforts and sacrifices in the pursuit of peace and security for Somalia, the AU statement said. Their commitment has been essential to Somalia’s progress, and AMISOM’s presence remains critical as the country moves in earnest toward full ownership of security responsibility over Somalia, Khaire said. Source: – Xinhua net
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka maamulka Somaliland Cabdullaahi Abuukar Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in Hawada Somalia aan weli laga maamulin magaalada Muqdisho. Wasiirka oo warbixin kooban siinaayay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa beeniyay wararka sheegaya in guud ahaan Hawada Somalia xiligaan laga xakumo magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in weli uu socdo Heshiiska la xiriira hawada. Wuxuu sheegay inaan dowlada Somalia lagu wada wareejin Hawada, balse ka maamul ahaan ay u furan tahay inay dhacsadaan xuquuqdooda ku aadan Hawada Somalia, si qeybtooda looga maamulo magaalada Hargeysa. ‘’Ma jiraan wax la yiraahda hawada Somalia waxaa lagu wareejiyay dowlada Somalia, waxaa arrinteena ku mashquulsan Wasiirka arrimaha dibadda iyo Maareeyaha Garoonka maadaama aan anigu howlahaasi aan weli gacanta ku heyn’’ ‘’Waxaan qirayaa in wafdi ka socda Somaliland ay dhawaan shir uga qeybgaleen Nairobi UN-kana waan u sheegnay qorshaheena la xiriira inaan helno maamulka Hawadeena marka waxaa weli socda dadaalka’’ ayuu yiri Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay inuu wali socdo wadahadal kala dhexeeya Somalia oo ku saabsan Hawada iyo hanaanka loo maraayo maamulkiisa, taa oo uu ku micneeyay mid muhiim ah oo aan weli la’isku marin. Sidoo kale, Cabdullaahi Abuukar Cismaan waxa uu intaa raaciyay in xitaa dowlada Somalia aan wali loo dhameystirin qalabka Hawada laga maamuli lahaa, sida uu hadalka u dhigay. Haddalka Cabdullaahi Abuukar Cismaan, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay Dowlada Somalia ku adkeysaneyso in Somalia ay hal tahay isla markaana Hawadeeda laga maamulaayo caasimada dalka ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed oo maalmahaani arimo caafimaad u joogay dalka India ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaal dhiiga ku daatay ee u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland. Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo uu ku sifeeyay mid aan horay loo arag. Waxa uu Shariif Sheekh Axmed, tilmaamay inaan loo dulqaadan Karin dagaalo soo laalaabtay oo lagu daadiyo dhiiga dhalinyaro Soomaaliyeed, iyadoo la helikara xalin. Waxa uu intaa raaciyay in wax wanaagsan aysan aheyn iyada oo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan in la daadiyo dhiiggga qofka muslimka sooman. Waxa uu Shariif Sheekh Axmed soo jeediyay in hakinta dagaalka ay si wada jira u gaaran Hogaamiyayaasha maamulada Puntland iyo Somaliland oo uu sheegay in laga doonaayo inay eegan dhibta ay Shacabka ka dhexlayaan dagaalka. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaan rabaa inaan halkan baaq nabadeed uga jeediyo walaalaha Puntland iyo Somaliland, dagaalada ku soo laab laabtay Tukaraq darteeda, oo ay ku dhinteen dad badan, waxaan joognaa bil Ramadaan, waxaan naha dad muslimiin ah, waxaa lagama maarmaan ah inaan fiirino in aysan habooneyn in dhiig muslim ah la daadiyo.” Sidoo kale, dagaalkan ayaa waxaa horay uga hadlay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka iyadoo la fiirinaayo danaha shacabka. Si kastaba ha ahaatee, hadalada kasoo yeeraaya madaxda ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Hogaamiyayaasha Puntland iyo Somaliland ay hawada isku marinayaan hanjabaado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xildhibaan Mustaf Shiikh Ali Dhuxuloow ayaa xalay Afur mahad celin ah u sameeyay guddigii CaawinQaran oo ahaa wariyaal is abaabulay oo lacago iyo abaalmarino kale u aruuriyay xulka 17 jirrada Somalia. Afurka oo ka dhacay Hotel-ka Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay wariyaashii guddiga CaawinQaran, duqa Muqdisho Eng Yariisow, xubno ka socday bulshada rayidka ah iyo qeybaha dhaqanka. Wariyaashu waxey bogaadiyeen cid walba oo gacan ka geysatay lacag aruurintaan oo xildhibaan Mustaf uu ka mid ahaa, waxeyna ka sheekeyeen caqbadihii ay la kulmeen intii ay howsha wadeen. “Waxaan la kulanay culeesyo badan, waxaan aragnay dad saacad walba naqdiya howshaan wanaagsan, laakiin mar walba waxaan noo muuqatay inaan ka dhabeyno arrintaan, waxeyna aheyd waajib nasaaran ayuu yiri Burhaan Diini Faarax agaasimaha Radio Kulmiye oo ka tirsanaa guddiga CaawinQaran. “Waxaa farxad ii ah inaan arko saxafiyiin ama dhallinyaro Soomaaliyeed oo dan guud isugu timid hadanna ka dhabeeyay, waxaan jecleystay inaan idin kaga mahad celiyo dadaalkiina iyo inaan idiin muujiyo kaalinta aad dalkaan ku lee dihiin, waxaan ku baaqaya in aadan kala tagin oo aad mar walba bulshada caawiseen ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow. Duqa Muqdisho Eng Yariisow oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wariyaashu ay is badal dhab ah muujiyeen uuna bogaadinaayo, isagoo ka codsaday saxafiyiinta iney ka qeyb qaataan howlaha kale ee dalka. Kulanka ayaa u badnaa isu mahad celin, is bogaadin iyo dar daaran.
-
BOSTON—With another Game 7 victory at stake, LeBron James would not miss. He would not sit out. And he would not be denied an eighth straight trip to the NBA Final. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilka looga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Guddoomiyihii xilka laga qaaday. Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo wareysi siiyay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in qaab khaldan loo maray xil ka qaadista lagu sameeyay ee xilka loogu magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed. Waxa uu sheegay inuu kasoo horjeedo xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Somalia, isla markaana aysan sharciga waafaqsaneyn xil-ka qaadistiisa. Waxa uu Ibraahim Iidle sheegay in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, garsoorkana uu ka madax banaan yahay laamaha kale ee dowladda. Ibraahim waxa uu sidoo kale sheegay in xil ka qaadistiisa aanan loo marin sifo sharci ah, sidaasi darteedna uu wadan doono shaqadiisa, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa yiri ‘’Aniga oo ixtiraamaya Madaxweynaha, iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, waxaan halkan ka cadeynayaa in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, xilka qaadisteyda looma marin sifo sharci ah, sidaasi darteed shaqadeyda ayaan sii wadanayaa, Guddoomiyaha waxyaabaha uu xilkiisa kaga fariisan karo waxaa ka mid ah in da’diisa ay gaarto 65 sano.” Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in isaga iyo Madaxweynaha ay isugu dambeysay Khamiistii oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira garsoorka, wuxuuna tilmaamay in dhammaan laamaha garsoorka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ogeysiinayo in inuu shaqada ay sideeda ku socon doonto. ‘’Guddoomiyaha saxda ah waa aniga maadaama qaab khaldan loo maray xil ka qaadisteyda waxaan shacabka ugu baaqayaa inay sii wataan shaqooyinka uga xiran Xafiiskeyga’’ Sidoo kale, diidmada xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa muujin karta inuu dhici karo khilaaf xoogan oo dhexmara isaga iyo Madaxtooyada. Si kastaba ha ahaatee, xil ka qaadista Ibraahim Iidle ayaa timid kadib markii Madaxweynaha dalka uu raacay tallo soo jeedin iyo tixgalinta cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ethiopia's state-affiliated broadcaster reports that a landslide triggered by heavy rains has killed 23 people in the country's Oromia region. Source: Hiiraan Online
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa shalay mar kale u dhaqaaqday inay beeniso wararka sheegaya in dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salaman la dilay, xilli muddo ka badan bil aan lagu arag goobaha dadweynaha iyo warbaahinta. Wargeyska Arab News ayaa shalay daabacay sawirka cayaartoyda xulka Sacuudiga ee koobka adduunka, oo uu kasoo dhex muuqday Bin Salman, inkasta oo aan la xaqiijin karin xilliga sawirkaas la qaaday, balse la sheegay inuu isla shalay ahaa. Tallaabadan ayaa loo arkay mid lagu leeyahay “Dhaxal-sugaha ma dhiman” Markii ugu dambeysay ee la arko Maxamed Bin Salman ayaa ahayd 12-kii April, markaasi oo uu la kulmay qosyka boqortooyada dalka Spain. 21-kii April ayaa rasaas culus laga maqlay aqalka boqortooyada dalka Sacuudiga ee magaalada Riyadh. Inkasta oo Sacuudiga sheegeen in lasoo riday diyaarad Drone oo dul mareysay aqalka. Si kastaba warbaahinta qaarkeed iyo dadka Sacuudiga ayaa is-weydiiyey haddii rasaastu ahayd isku day afgambi oo la doonayo in xukunka looga tuuro boqor Salman, oo ay fuliyeen qaar ka mid isla boqortooyada Sacuudiga. Toddobaadkii tagey, wargeyska Iran ee Kayhan ayaa ku warramay in Maxamed Bin Salman ay ku dhaceen laba xabbad intii uu weerarka socday, lagana yaabo inuu dhintay. Waxay soo xigteen sirdoonka dal kale oo Carbeed, oo arrintan loo sheegay, sida ay yiraahdeen. Shakigan ayaa taagnaan doonta, inta Maxamed Bin Salman si rasmi ah looga arki doono goobaha dadweynaha, ama uu kasoo muuqdo muuqaal taleefishin. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida maamulka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay weli dhowreyso baaqyada kasoo baxaaya Beesha Caalamka. Xildhibaan Indho-Indho oo weriyayaasha la hadlay ayaa sheegay in Somaliland aysan ku adkeen in saacado kooban ay kula wareegto magaalada Garoowe, balse aysan qabin degdegtaasi. Xildhibaanka waxa uu tilmaamay inay aad u dhibsanayaan dhiiga ku qubanaaya deegaanka Tukaraq, balse ay muhiim yahay in dhinaca ay la dagaalamayaan ay garwaaqsadaan dhibta dagaalka. ‘’Dadka deeganka ayaa cadeynaaya cida laga jooji la’ yahay ee soo qaada duulaanka, balse waxaan dooneynaa inaan leesa soo fagin’’ Xildhibaanka oo laga diyaariyay Muuqaal ayaa sheegay in xiisada noocai ah ay sababi karto xitaa in Qabiilka Daarood qabsadaan Ethiopia, waxa uuna uga digay Dowlada Ethiopia. ‘’Dowladaha Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti waxaan uga baaqeynaa ka fiirsasho haddii Majeerteen uu leeyahay dhul-bahanto iyo warsangali waa qaba’iil, barina waxa ay Daaroodka qabsan doonaan Ethiopia’’ HOOS KA DAAWO WARBIXINTA OO DHAMEYSTIRAN
-
Dhowr baare oo u dhashay dalka Masar ayaa soo saaray baaritaan cusub oo ay ku doodayaan in “Puntland” oo ah dhul uu xiriir ganacsi kala dhaxeyn jiray dalka Masar xilligii hore ee Faraaciinta aanay ku oolin Soomaaliya ee ay ku taallo dhulka Itoobiya. Baare xagga raad-raaca shucuubta ah oo u dhalatay dalka Masar, laguna magacaabo Inaas Al-shaafici kuna fiican sida loo akhriyo fartii hore ee Masaariga qadiimta ah ee Hieroglyphics-ka iyo afafka kale carabiga iyo Talyaaniga ayaa arrintan ka sheegtay xarunta “Jimciyadda Taariikhda Masar” oo ah jimciyad la aasaasay 1945tii, shaqadeedana tahay inay baarto taariikhdii hore ee Masar. Qoraaga maqaalkan shalay uun ku soo baxay wargeyska maalinlaha ah El Masri El Youm ee Wasiim Al-sisi oo doodda gabadha soo qaatay, waxaa uu leeyahay sheekadan markii ugu horreysay waxaa soo shaac-bixiyay Dr. Cabdi Caziz Saalax, oo ku sheegay dhawaaqeeda saxda ah “Bo-Win-t”, xarfaheedana Hieroglyphics ahaan waxaa loo qoraa “B square ah” oo ujeedka yahay “xarun” iyo Weyn” oo micnaheedu yahay” xaalad ahaansho” iyo “T”-da oo ah shaqal wax suga marka la fiiriyo luqada ay isticmaali jireen Masaaridii hore ee Hieroglyphics-ka. Marka erayga sida ay qoreen waa labo kelimad oo kala ah ‘Goob’ iyo fasiraad ah“3 buur”, aragtidan waxaa Dr. Cabdi Caziz Saalax la qabto gabadha Inaas Al-shaafici , waxaa ay ku doodayaan in Soomaaliya aaney buuro laheyn ee buuraha laga hadlayo ay ku yaalaan Itoobiya gaar ahaan ’ Lake Tana” oo ah badyarta ay ka yimaadaan 80% biyaha Nile-ka ee Masar laga cabo. Baaritaankan cusub waxaa ay culimada soo qaadanayaan in mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii boqor Psamtik oo isaga oo jooga “Puntland” u diray fariin boqorkiisa, sheegana in roobab badan ay ka da’ayaan buuraleyda “Punt”, oo daadad ka geysan kara gudaha Masar. Qoraaga maqaalka wargeyska El Masri El Youm waxaa uu isweydiinaa haddii Soomaaliya ay ku yaallaan buuro daadadka ka baxa ay waxyeello u geysan karaan Masar? Sidaa darteed daraasaddan waxaa ay ku talineysaa in ergadii boqoradda Hatshepsut oo ka tirsaneed boqoraddii Faraaciinta aaney tagin Soomaaliya ee ay tageen dhulka Itoobiya halkaasna ay tahay Puntland. Inta badan, qoraallada iyo baaritaannada arrintan la xiriira ee horay loo sameeyay waxaa ay lahaayeen Puntland waa dhul Soomaaliyeed, waxaana loo cuskan jiray xiriirka qotto dheraa ee Faraacina gaar ahaan boqoradda Hatshepsut oo ergo iyo ganacsi u soo diri jirtay kala dhxaeeyay geeska Afrika gaar ahaan Puntland. Lama oga waxa hadda ku soo beegay baaritaankan cusub, laakin waxaa muuqata in taariikhyannada Masar ay doonayaan isu soo dhowaanshiyo iyaga iyo Itoobiya ah, xataa haddii laga dib loo qoro taariikhda ama laga been sheego. Akhriso: Maqaalka Oo Carabi Ah
-
Asalaamu calaykum, Aqriste waa ku mahadsantahay aqrinta aad aqrinaysid Qormadaan marka xigta waxaan ku rajo weynahay inuu ku soo jiitay Cinwaanka laakiin waa arrin aad ila garwaaqsan doonto markaad wada qriso Qormada. Marka hore, sug bal! Inta aadan bilaabin aqrinta qoraalkaan /maqaalkaan, ka warran hadduu qoraalkaan si toos ah ama aan toos ahayn kuu saameeyo? Haddana intaad aqriso aadan dan ka galin waliba adoo awooda inaad ficil u badasho. Gar waaqsiga aad ila garwaaqsan doonto qoraalkaan. Waxaan hubaa in arrinta aan ka hadlaayo ay tahay mid adiga ku saameyn doonta, ama inta ku gu xeeran ee xigto iyo xigaal leh ay saameyn doonto. Haddii ay ku samaayso oo aad tahay qof ku sugan Dagaalka maskaxaysan ee Kenya ku hayso Soomaaliya bal dib u fakar, waayo Dagaal-kaan wuxuu kaa saameyn doonaa 3-dex meelood oo ah, saddexda ugu muhiimsan noolaha Bani-Aadamka ah, waxayna kala yihiin: 1 Caafimaadka, 2 Waqtiga, 3 Dhaqaalaha. Marka Saddexdaa lagaa weeraray waxaan hubaa inaan Dagaal kuu laaban uu san jirin ee bal dib u fakar, oo ka bilaw Naftaada, Xaafaddaada, Ehelkaaga iyo Asxaabtaada, waa hubaal Warbixin muhiim ah ayaa kuu soo bixi doonta markaad dib u xisaabiso Caafimaadka, lacagta iyo waqtiga lagaaga lumiyay inta ay le’egyihiin. Haddii aad sameyn weydo intaas aan kor ku soo xusay aadna tahay dhibbanaha Dagaal kaan lagu haayo haddana Jecel inuusan xisaabtamin oo ka fal celin, waxaan ku leeyahay Allaha ku fahansiiyo goor ay ahaataba, waayo intaas aan kuu soo sheegay haddaad Dagaalka maskaxaysan ee lagula jiro aad ka badbaadin weydo, Soomaalida kalana Dagaalka lagu haayo ee maskaxaysan waxba ugama awoodid. Waxaa lagayaabaa in badan marka ay arkaan cinwaanka oo uu ku jiro DAGAAL inay u qaataan Dagaalkii rasmiga ahaa oo madaafiicda inta la isku rakibto la isku dagaali jiray, kooxna guushu raaci jirtay, laakiin kani waa ka dugan yahay aan rabaa inaan ka hadlo, waa mid aan qarsan waayay markaan arkay sida Dalkaygi iyo dadkaygi loo dhagraayo/khayaanayo. Bal aan tusaale u soo qaato Waddanka Shiinaha iyo Ingiriiska oo uu dhex maray dagaalkaan oo kale. Waxaa jirtay xilli uu Shiinuhu isku filnaan ka gaaray Dunidda inteeda kale, inuusan waxba uga baahan, laakiin Dunidda inteeda kale ay u baahnaayeen Shiinaha gaar ahaan reer Yurub. Dhawr waddan oo ka mid ah Yurub iyo Aasiya, ayaa go’aan ku gaaray inay Shiine qeybsadaan waxaana ka mid ahaa waddamadaa Ingiriiska, Jarmalka iyo Jabbaan. Ugu danbayntii Ingiriisku wuxuu la galay dagaal maskaxaysan Shiinaha, haddaba muxuu ahaa?? Ingiriis wuxuu go’aan saday inuu Shiine la dagaalamo kalana dagaalo dhinaca maskaxda wuxuuna ka iibiyay Daroogo loo yaqaan ”Opium.” Opium waa daawo loo yaqaan ”Afyuum” oo dajisa dadka kuna dajisa daroogo ahaan, una keenta qofka dhibaato aan baaxaddeeda 10-Qormo lagu soo koobi karin. Ingiriisku wuxuu ka dal dashay wax Allaale iyo wixii uu ka rabay Dalka Shiinaha, wuxuuna ka gaaray dan kasta oo uu ka lahaa Shiinaha. Dadkii udhashay dalka Shiinaha waxa ay noqdeen darbiyo jiifyo, Guryo la’aan, hoy la’aan iyo dad ma shaqeystayaal ah, wax kastana ku badasha Opium. Aan u soo dago dulucda Qormada! Kenya waxay ka iibisaa Soomaaliya Qaad/Jaad. Aqristow adiga nafsad ahaantaada macuntaa Qaad? Ehelkaaga ma cunaan, tusaale-ahaan: carruurtaada, walaalahaaga iyo waalidkaaga? Saaxiibbadaa ama dadka aad macrifada tihiin ma cunaan? Waa hubaal qaar un kamid ah dadkaan kore inay cunaan Qaad!! Intaas ka dib bal xisaabi ama qiyaasba tallaabooyin kaan :- 1- Caafimaad darrida uu u keeno 2- Qarashka uga baxa 3- Waqtiga uga baxa!! Waxaa kuu soo bixi doona Dagaalka maskaxeysan ee Kenya ay ku heyso Soomaaliya. Ma doonaayo inaan ka hadlo Qaad iyo dhibaatada uu leeyahay waxaana ka hadlay dad iiga cilmi badan oo Abwaanno leh, Waxgarad leh, Aqoonyahanno iyo bulsho kale oo badan. Waxaana Qaadka lagu daray Daraagiska ugu dhibka badan Caalamka oo halligay Naf, Waqti iyo Maalba. Bal kharashka uga baxa Soomaaliya ee Kenya ku dhaca, aan ka soo qaado xasuusin yar. Kharashka ka soo baxa Qaadka nuuca loo yaqaan Miirow-ga waxa uu si toos ah ugu xaroodaa dalka Kenya, Wasaarada Beeraha Kenya waxa ay caddaysay in wax-soo-saarka ugu badan ee dhinaca Beeraha uu ka soo galo Qaadka Mirrowga. 2011 waxaa la diyaariyay Warbixin lamagac baxday Untold Stories waxaana laga diyaariyay Qaadka loo yaqaan Mirrowga cadadka loo kala dhofiyaa waa sidaan:- 16 Tan! Garoonka loo yaqaan Wilson Airport iyo 4 Tan oo laga dhoofiyo Jomo Kenyata. 20-kaan Ton iyo ka badan oo si qal-qallooc ah lagu dhoofiyo waxay aadaan Soomaaliya, Qarashka maalin kasta Soomaaliya ka aada Kenya waxay warbixintu ku sheegaysaa 30 milyan oo lacagta Kenya ah, oo u dhiganta in ka badan $315,000 Doolar maalin kasta. Taa soo noqonaysa Bishii $9.450.000/Month (Sagaal milyan afar boqol iyo konton kun oo doolar) bil kasta! Sannadkii ma is weydiisay aqristow? Waa $113.400.000! (boqol, saddex iyo toban milyan iyo afar boqol oo kun, oo doolar.) Haddaba markaan Sannakiiba $113.400.000 aan siinno Kenya oo aan ku badalano Caafimaad darro, Mustaqabal La’aan iyo Waqti lumin. Waa sidee Dadkeenni, Dalkeenni iyo Damiirkeenni? Waad mahadsantihiin isku daya in fikir laga dhiibto Su’aalahaan Hoose. Sidee looga hor tagi karaa Dagaalkaan Maskaxeysan? Oo lagu joojin karaa Qaadka? Maxaa lagu xallin karaa dhibaatada intaa le’eg? Sideese loo xallin karaa dhibkaan ka yimaada Qaadka? Oo looga maaran siin karaa Hooyooyinka ilmaha ka biisha, ayadoo qasaaradiisu ka baaxad weyntahay, sida uu u la muuqdo, Hooyooyinka ilamaha ka biisha. Ku soo Hagaaji Fikirkaaga: caasimada@live.com F.G: Qormadaan waxaa la qoray 2012-kii sarrifku hadda intaas wuu ka sii badanyahay. W/Q: Cabdirashid Shiikh Cali Cilmi Yare
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay kulan gaara oo u dhexeeyay Hogaamiyaha maamulka iyo qaar kamid ah Odayaasha. Shirkaan ayaa la soo sheegayaa inuu ahaa mid uu dacwad ku gudbinaayay Hogaamiye Shariif Xasan oo dacwad ka ah tirro Xildhibaano ka tirsan baarlamaaka Somalia. Shariif Xasan ayaa Odayaasha u sheegay in laga doonaayo inay ka adkaadan Xildhibaanada ku matasha baarlamaanka oo uu sheegay in loo adeegsanaayo carqaladeynta maamulka Koonfur Galbeed. Waxa uu Shariif Xasan u sheegay Odayaasha beelaha Koonfur Galbeed in Xildhibaanadii ay soo saaren ay ka weecdeen axdigii lagu soo doortay, sidaa aawgeeda loo baahan yahay in la xusuusiyo ballamihii lagu soo xulay. Shariif Xasan waxa uu Odayaasha beelaha u sheegay inuusan aqbali doonin in burburka Koonfur Galbeed loo adeegsado Xildhibaanada ay usoo xusheen inay ku matalaan Dowlada. Shariif Xasan waxa uu sidoo kale Odayaasha u sheegay inay muhiim tahay in Xildhibaanadaasi ay si hufan u gutaan howlahooda, isla markaana ay ka fogaadan inay hormuud u noqdaan kuwa doonaaya inay gacantooda ku burburiyaan maamulka. Sidoo kale, waxa uu aad uga digay in Odayaasha dhaqanka ay garab u noqdaan Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada maamulka ee u tafa-xeydaneysa burburinta maamulka. Si kastaba ha ahaatee, shirka Shariif Xasan iyo Odayaasha beelaha Koonfur Galbeed, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo uu mugdi soo kala dhexgalay Hogaamiye Shariif iyo Xildhibaanada BF ee laga soo doortay deegaanada maamulka. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Deyniile ee Gobolka Baanaadir ayaa sheegaya in caawa weerar lagu qaaday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga. Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa la xaqiijiyay in loo adeegsaday Qaraxyo ka dhashay Bamgacmeedyo dhowr ah kuwaa oo inta badan ku qarxay Kontoroolka laga galo irida Koowaad ee Wasaarada Gaashaandhiga. Qaraxyada Bambaano kadib ayaa waxaa Wasaarada laga maqlaayay rasaas xoogan oo ay is weedarsanayeen ciidamada iyo Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday. Goobjoogayaal ayaa qiray in Qaraxyada kadib ay xigeen rasaas ay isweydaarsadeen Ciidankii ku sugnaa Goobta iyo dableydii weerarka soo qaaday. Sidoo kale, weerarka Qaraxyada iyo rasaasta ayaa waxaa ka dhashay Khasaare kala duwan inkastoo aan la xaqiijin heerka uu gaarayo khasaaraha. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waayadaani degnaa Xarunta la weeraray ee Wasaarada Gaashaandhiga, inkastoo uu isaga soo guuray. Geesta kale, Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa ah meel amnigeeda aad loo ilaaliyo, hase yeeshee waxaa ku badan weerarada lagu qaado xiliyada Habbeenkii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Koox Bastoolado ku hubeeysan ayaa Goordhow oo Caawa ah Degmada Dharkiinleey ee Muqdisho ku dilay mid kamid ah Nabadoonadii caanka ahaa ee soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya. Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Dabaqiinka Ayaa lagu dilay Allaha u naxariistee Nabadoon Sheekh Saleebaan Abiikar Fooldheere. Kooxihii dilka geeystay ayaa isaga baxsaday goobta dilka uu ka dhacay waxaana goobtaasi soo gaaray Ciidamo katirsan kuwa dowlada oo howlgal halkaasi ka wada. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca Dilal Qorsheeysan oo Masuuliyadeeda ay Sheegtaan Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Mid kamid ah Ergadii Soo Xulay Baarlmaanka oo Muqdisho lagu Dilay appeared first on Puntland Post.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Oromada ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in mar kale uu dib u qarxay dagaalkii u dhexeeyay Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Ethiopia ee deriska la ah. Maamulka Oromada ayaa xaqiijiyay inuu soo rogaal celiyay dagaalka Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida, kadib markii ay sheegen inuu kasoo bilowday dhanka Soomaalida. Maamulka Oromada ayaa intaa ku daray in dilka soo rogaal celiyay ay bilaabeen shaqsiyaad Soomaali ah oo gudaha bishaan dilay ilaa iyo afar qof, sida ay hadalka u dhigeen. Oromada la laayey ayuu maamulka sheegay inay deegaan ku ahaayen Sohdinta labada Maamul, iyadoo ay jiraan dad kale oo dhaawac loo dhigay goobaha caafimaadka. Maamulka Oromada ayaa sheegay in sidoo kale Soomaalida ay dab qabadsiiyeen in kabadan 250 Guri oo ay lahaayeen dadka Oromada ah,waxaana ismaamulka arrintaas ku eedeeyeen Ciidanka Liyuu Boolis loo yaqaan ee hoostaga dowlad Degaanka Soomalida Ethiopia. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada maamulk Oromada. Dagaalka soo rogaal celiyay ayaa sabab u noqday in al-baabada loo laabo ku dhawaad 30 Iskuul kaddib markii dadkii wax ka baranayay ay ka mid noqdeen Barakacayasha Oromada ee degaannadooda sohdina dhaca uga cararay colaadda Labada maamul u dhaxeysa. Sidoo kale, Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ayaan dhankooda weli ka hadal eedeymaha uga imaanaya maamulka Oromada, waxaana lasoo sheegayaa inay qafaal u heystaan Oromo badan. Dagaalkaan oo horay Dhiig uu ugu daatay ayaa qaboobay labadii bil ee ugu danbeysay, kdib markii Dowlada Ethiopia ay la imaaday isbedel xal u noqday colaada. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Qatar has ordered shops to remove goods originating from a group of Saudi Arabian-led countries. A directive from the economy ministry ordered shops to immediately strip shelves of products from Saudi Arabia, the UAE, Bahrain and Egypt. Inspectors will visit stores to ensure they comply with the order. The government will also try and stop products such as Saudi dairy goods from entering Qatar via a third country. Qatar’s Government Communications Office said it was trying to “protect the safety of consumers”. “Products originating from blockading states, which as a result of the blockade cannot pass the GCC customs territory, has to undergo proper import inspections and customs procedures,” GCO said in a statement. Source: – Al Jazeera
-
President Mohamed Abdullahi Farmajo has dismissed the country’s Chief Justice on Sunday, according to a statement from the Office of the President. Hassan Ibrahim Idle Suleiman, who served as the Chief Justice for two years, was dismissed as a part of Farmajo’s plan for judicial reform. Farmajo named Bashe Yusuf Ahmed as his replacement. “In response to our pledge provide transparent and equitable justice system, I have appointed Bashe Yusuf Ahmed as the Chief Justice of Somalia’s High Court,” said the President in a written Statement. “I hope the new justice will faithfully fulfill his duties, ” added the President. President Farmaajo called on the House of the People and the Somali government to complete the Judicial Service Commission and to adopt the provisional constitution and the legal framework for the judicial services to reform the country’s judicial system. Suleiman was appointed the chief justice in May 2016 by former president Hassan Sheikh Mohamud replacing Aided Ilkahanaf who served as chief justice since 2011. Since taking office last February, President Farmajo has promised to initiate drastic changes to many of Somalia’s vital institutions. Source: Hol
-
Garoowe waxaa lagu qabtey xil wareejinta mashruuc lagu qoday ceelka biyaha kaamka barakacayaasha ee Jilab oo ay qodey shirkaddaha biyaha ee NUWACO, waxaana kasoo qeybgalay xafladda loo sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland, Safiirka Dowladda Bostwana ee bariga Africa, Madax ka socota EU, Madax ka socota xafiiska Nayroobi ee Hay,adda Unicef, Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Puntland ee PSAWEN iyo Shirkadda NUWACO. Gudoomiyaha Shirkadda NUWACO Cabdisamad Islaan Maxamed oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhamaystirka ceelka shirkaddu ka qodey kaamka Jilab ee duleedka Koonfurta bariga magaalada Garoowe. Wuxuu u mahadceliyay masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha PSAWEN, Hay,adda Unicef iyo Deeq bixiyaashii ka qeybgalay qodista ceelkaan, Isagoona intaas ka dib ka gudoomay shahaado sharaf Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland iyo Safiirka Bariga Afrika ee Dowladda Bostwana. Agaasimaha Hay,adda Psawen oo ka hadlay goobta ayaa si weyn ugu mahadceliyay Shirkadda biyaha NUWACO iyo Dowladda Bostwana oo uu sheegay inay tahay dowladdii ugu horeysay oo Afrikaan ah oo mashruuc ka hirgalisay meel ka mid ah gudaha dalka Soomaaliya. Safiirka ka socday Dowladda Bostwana oo isna ka hadlay xafladda ayaa yiri “ Waxaan dareemayaa farxad weyn madaama calankii dalkeygu ka dul babanayo goobta mashruucaan laga hirgaliyay oo ku taala Garoowe iyo Meel walba oo ka mid ah Caalamka,Sidaas darteed waxaan u bandhigi doonaa safaaradaha dowladaha Afrika si aan ugu dhiirigaliyo inay arkaan miro dhalka wixii aanu ku deeqnay”. Ugu dambeyntii Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay ayaa uga mahadceliyay Shirkadda qodey ceelkan, Dowladda Bostwana, iyo Hay,adda Unicef dadaalka ay ku bixiyeen balaarinta mashruuca biyaha ee kaamamka barakacayaasha magaalada Garoowe. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Shirkadda NUWACO oo Garowe ka hirgalisay ceel biyood ay ku deeqday Dowlada Bostwana appeared first on Puntland Post.