-
Content Count
210,678 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Egyptian President Abdel-Fattah el-Sisi will meet in Cairo on Sunday with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed Ali to discuss regional issues namely Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) which Ethiopia is building and Cairo fears its effects on its share of the Nile waters. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Iran ayaa daboolka ka qaaday in gudaha Somalia ay ka fulisay howlgal lagu soo furtay Kalluumeysato Iiraaniyiin oo afduub loo haystay tan iyo sannadkii 2015-ka. Dowlada ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay fuliyeen ciidamadooda gaarka ah kuwaa oo khasaaro la’aan soo furtay Kaluumeysatada. Mahmoud Alavi oo ah Wasiirka Sirdoonka Iran ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysnaa isla markaana ay ciidamadooda kaashanayeen xogo ay ka hayeen halka ay ku xirnaayen burcada, sida ay qoreen wargeysyada kasoo baha magaalada Dahran. Mahmoud Alavi, waxa uu tilmaamay in ciiddankiisa qaaden hawlgal ay ka fuliyeen gudaha Somalia, kuna soo furteen kalluumeysatada Iran ee taargeedka ahaa. Mahmoud Alavi, oo ah Wasiirka Sirdoonka Iran oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa carrabka ku dhuftay inay ilaalo dhinaac Sirdoonka ah ku haayen Badmaaxiintaasi, tan iyo markii ay Burcad-baddeeda afduubteen sannadkii 2015-kii. Sidoo kale, waxa uu Wasiirku tilmaamay in amarka lagu soo furtay burcada uu bixiyay Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani sidaana uu howlgalka ku fulay. Sidoo kale, muwaadiniinta lagu furtay howlgalka ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mascuud Baluuji, Axmed Baluuji, Aadam Baluuji iyo Shermad Tabax Zeer. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaan lagu soo wargalin howlgalada ay Sirdoonka shisheeye ka dhex fuliyaan Gudaha Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Federaalka iyo kuwa Mareykanka ay gabi ahaan faarujiyeen fariisimo ay ku lahaayen deegaanka Baar Sanguuni oo ku dhow magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada ayaa shalay ilaa saaka baneynaayay fariisimaha oo Jimcihii ina dhaaftay ay weerareen maleeshiyaadka al-Shabaab kaa oo dhaliyay khasaaro kala duwan. Talaabada ay ciidamada ku faarujiyeen deegaanka ayaa waxa ay soo degdegtay wixii ka danbeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab lagu qaaday xerada. Ciidamada ayaa lagu daad gureynayaa diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca, waxa ayna dadka deegaanka sheegayaan in inta badan deegaanka lagu soo daadiyay ciidamo farabadan oo dusha ka ilaalinaya diyaaradaha ciidamada guraaya iyo gaadiidka ciidamada oo qaarkood isticmaalaya dhulka. Ciidamada Soomaalida oo tiradooda ay gaareyso 480 askari ayaa iyaguna intooda badan xalay baneeyay deegaankaasi, waxayna uga soo baxeen safar dhanka dhulka ah. Ciidamadan waxa ay saqdii dhexe ee xalay ku hoydeen meel u dhow Degaanka Yoontooy, oo 20-KM dhanka waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo. Sidoo kale, Ciidamadan ayaan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada al-Shabaab, oo isla xalayba dib ula wareegay gacan ku haynta qeybo kamid ah deegaankaasi. Dhinaca kale, Shabaabka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay culeys soo saaray Baar Sanguuni, shalay oo ugu dambeysayna waxaa ay ka gaysteen weerar ismiidaamin ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maalinimadii shalay ugu baaqay hay’adaha amniga DFS in shacabka ay u fududeeyaan isku socodka islamarkaasna la furo waddooyinka xiran. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in nabadgelyadu ay ku timaado wadashaqeyn dhexmarta Shacabka iyo ciidamada isaga oo ka dalbaday Shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada. Amarka Madaxweyne Farmaajo ayaan weli si buuxda u dhaqan galin, inkastoo ay furan yihiin qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, hadana waxaa jira waddooyin weli xiran. Waddooyinka amarka Madaxweyne Farmaajo kadib xiran ayaa waxaa kamid ah Danwadaagta, qeybo kamid ah Tarabuunka iyo Isgooska faralonsa oo weli ay ku sugan yihiin ciidamada isla markaana ku adkeynayaan gaadiidka shacabka qaarkood. Amarka Madaxweyne Farmaajo oo qafiifiyay xirnaanshiyada Waddooyinka oo markii hore adkaa ayaa waxaa ka mahadceliyay dadka shacabka ah, wallow ay weli ku baaqayaan in si rasmi ah loo wada furo wadooyinka. Saraakiisha hay, addaha ammaanka dowladda ayaa sheegay iyadoo la fulinaayo amarka Madaxweynaha in la furay wadooyinka qaar oo ciidamada laga qaaday, halka qaarna ay weli ku sugan yihiin arrimo amni oowgeed. Dhinaca kale, Dadka reer Muqdisho ayaa dhibaato xooggan ku qabay xirnaanshaha wadooyinka oo wado illaa jidcad ay xireen laamaha ammaanka dowladda oo ka cabsi qaba weeraro Shabaab ay gaystaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)- Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in askari kooda ah lagu dilay dagaalkii Ciiddanka Maraykanka iyo Alshabaab ku dhex maray duleedka Kismaayo. Qoraal kasoo baxay waaxda Difaaca Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in magaca Askarigii looga dilay dagaalkii al-Shabaab, kaa oo lagu dhaawacay tirro kale. Waaxdu waxa ay magaca askarigaasi ku sheegtay Alexander W. Conrad, oo 26-jir ah, kaasi oo ku dhintay rasaas noolnool oo ay ku dhufteen maleeshiyaadka al-Shabaab oo ay wada galeen dagaal toosa. Waxaa lagu sheegay in darajo ahaan uu ahaa 3-alifle, hase ahaatee uu sababsaday rasaasta al-qaacidada Somalia ee al-Shabaab. Alexander W. Conrad, ayaa ka tirsanaa Guutadda 1-aad, Kooxda 3-aad ee Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee uu fadhigooda dhexe ku yaallo North Carolina, sida ay qortay waaxda. Si kastaba ha ahaatee, waaxdu weli kama aysan hadal dhaawacyada iyo magacyada afarta Askari ee ciiddanka Maraykanka looga dhawaacay dagaalkii ay al-Shabaab kula galeen Deegaanka Sanguuni oo uu maro dhul-baraha Adduunka.
-
CHANDLER, AZ – The Department of Defense announced the death of a U.S Army soldier from Chandler, Arizona on Saturday. Defense officials said 26-year-old Staff Sergeant Alexander W. Conrad died on June 8 after sustaining injuries from indirect enemy fire. Conrad was serving in Somalia supporting Operation Octave Shield. He was a member of the 3rd Special Forces Group based out of Fort Bragg, North Carolina.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia ayaa soo bandhigtay nashqada la doonaayo in lagu soo saaro lacagta cusub oo ay dhawaan isticmaali doonto Somalia. Xukuumada ayaa sheegtay in lacagta cusub ee shilin Soomaaliga ah ay noqon doonto mid ka shaqeysa dhammaan dalka taas oo la filayo in dhawaan dowladdu soo daabacdo. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo ah Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, oo maalinimadii shalay ka hadlay lacagtaan ayaa sheegay inay tahay nooc Cusub oo la doonayo in lagu badalo lacagta Kunka Shillin ee hadda la isticmaalo. Beyle waxa uu sheegay in lacagtaan sidoo kale ay ka koobnaan doonto 10,00 , 50,000 iyada oo sidoo kale qeybo kale yeelan doonto. ‘’Lacagtaan waxaa ugu tallo galnay inaan warshad kale aysan daabicin, waxa uu qorshuhu yahay inay ka dhaqan gasho dalka oo dhan’’ Waxa uu sheegay in suuqyada dalka oo idil laga saari doono lacagta Sh/So ee hadda la isticmaalo.
-
A suicide car bomb explosion at a military base in Somalia injured seven soldiers late Saturday, a military official said, and Islamist group al Shabaab claimed responsibility for the attack. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa bilowday qorsho lagu doonaayo in lagu adkeeyo dhoofka Soomaalida ku sugan gudaha dalka. Dowlada ayaa sheegtay in dhoofka ay ka adkeyn doonto dhanka Garoomada iyo Dekkada kuwooda ay gacanta ku heyso Dowlada Somalia. Dowlada ayaa waxaa adkeynta dhoofka kala shaqeyn doona hay’adda socdaalka caalamiga ee IOM, taa oo bixineysa qalabka lagu koontarooli lahaa dadka dhoofka ah. Mas’uul u hadlay hay’adad ayaa sheegay inay bilaawen hirgalinta qalabka dijitalka ee akhriya faraha dhoofayaasha. Waxa uu mas’uulkaani sheegay inay hadda wadaan sida ay Garoonka Aadan Cadde ugu rakibi lahaayen qalabka, waxa uuna intaa raaciyay in Garoonka kadib ay ku xirayaan Dekkada Muqdisho. Sidoo kale, waxa uu sheegay in qalabka ay gaarsiin doonaan dhammaan Garoomada iyo Dekadaha ay gacanta ku heyso dowlada Somalia, si loola socdo dhaqdhaqaaqa dadka dhoofka ah. Hay’adda IOM waxay kaloo sheegtay in qalabkaasi muhiim u yahay kontoroolka si looga hortago kiisaska Tahriibka iyo fal kasta oo isku day oo la isticmaali karo. Dhinaca akle, hay’adda IOM ayaa cadeysay inay is garab taagi doonto Dowlada Somalia oo iminka kasoo kabaneysa burburka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa shacabkeeda ugu baaqday inay ka feejignaadan weeraro argagixiso oo kaga imaada dhanka maleeshiyaadka al-Shabaab. Dowlada ayaa sheegtay inay jiraan maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo gudaha u galay deegaano ka tirsan Gobolada Kenya, sidaa aawgeed la doonayo in lala shaqeeyo ciidamada amaanka. Charles Owino, oo ah Afhayeen u hadlay Boliiska Kenya ayaa sheegay in al-Shabaab ay si gaar ah u beegsanayaan xarumaha maamulka iyo Saraakiisha muhiimka ah. Waxa uu afhayeenka sheegay inay ka war hayaan damac al-Shabaab iyaguna ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqyada ay kaga hor tagayaan falalka argagixisada. Sidoo kale, dowladda Kenya ayaa marar badan ka digtay weerarrada al-Shabaab gaar ahaan Bisha barakaysan ee Ramadaan, markaas oo ay kordheen weerarrada iyo dilalka qorsheysan. Dhinaca akle, dhawaan ayay ahayd markii Shan Sarkaal oo ka tirsanayd Ciidanka la dagaallanka argagixisada ee GSU loo yaqaan ay u dhinteen Miino kula qaraxday Gaadiidkii ay wateen degaanka Xaar-xaar oo ka tirsan Libooya Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donold Trump ayaa ku sii jeeda dalka Singapore halkaasi oo lagu wado in uu ka dhaco kulanka isaga iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un. Kulanka ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo maalinta Talaadada ee soo socota. Mr Trump ayaa sheegay in ay tahay hal fursad oo la siinayo heshiis nabadeed oo labada dhinac ay gaaraan. Waxa uu intaa ku daray in muddo daqiiqad gudaheed ah uu ku ogaan doono in natiijo ay ka soo baxayso kulanka iyo in kale. Kuuriyada Waqooyi ayaa dhankeeda diiday fikirka ku saabsan in ay ka talabaxdo hubkeeda niyukleerka iyo gantaalada. Mr Trump ayaa balanqaaday In uusan doonayn in uu waqtiga iska lumiyo ama uu ka lumiyo Mr Kim balse uu wadaxaajoodka rajo wanaagsan ka qabo. Madaxwayne Trump ayaa marar badan shaki galiyay qabsoomida kulanka isaga iyo hogaamiyaha Kuuryada Waqooyi Kim Jong-un. ISHA BBC
-
GENEVA — The U.N. children's fund warns that heavy rains and flooding in Somalia are putting hundreds of thousands of children at high risk of disease and death. Source: Hiiraan Online
-
Salaadiin ka tirsan Issimadda Gobolladda Waqooyi Galbeed oo galabta shir jaraa,iid ku qabtay magaalada Boorame waxay raali galin u direen shacabka iyo dowladda Puntland, ka dib jawaab culus oo ay ka bixiyeen hadal maalmo ka hor kasoo yeeray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe. Salaadiinta la hadlay warbaahinta waxaa ka mid ah Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar,Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Suldaan Cabdi Ibraahim Riiraash waxay si wada jir ah raali galin uga siiyeen Ardeyda iyo Maamulka Jaamacadda Camuud hadalo kasoo yeerey Faysal Cali Waraabe Hogaamiyaha Xisbiga Saaxiibka dhaw la ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi. Odoyaasha ayaa sheegay inay magan u yihiin ardeyda iyo qof kasta oo jooga magaalada Boorame,waxaana ka mid ahaa hadalkooda” Hargeysa ninka ka hadlay hadalkiisu maaha mid idin quseeya,maaha mid aad dhagta u taagtaan,waa saad u deganaydeen weeye,waa saad u doorateen weeye ama Boorame deganaada ama Hargeysa deganaada,hadalkaas uu ku hadleyna wuxuu ahaa mid ka baxsan nidaamka” Ayuu yiri mid ka mid ah Issimadda saxaafadda kula hadlay magaalada Boorame. Salaadiinta ayaa fariin u direy shacabka iyo dowladda Puntland waxayna u sheegeen inaysan wax dhibaato ah la kulmi doonin cid kasta oo kaga sugan magaalada Boorame iyo Deegaanada kale ee Somaliland. Ugu dambeyntii Odoyaashu waxay hadalo dhaliil iyo cambaareyn isugu jirta u jeediyeen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ay ku tilmaameen hadalkiisu inuu ahaa mid wax u dhimaya nidaamka guud ee ka jira mandiqada Somaliland. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Issimo Somaliland oo xaal ka siiyay Shacabka Puntland hadalkii Faysal Cali Waraabe appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya Boorame ayaa sheegaya maalinta beri ah inay kusoo wajahan yihiin Caasimadda Puntland ee Garoowe ku dhawaad 20 qoys oo kasoo guuray deegaano ka tirsan Somaliland, ka dib hanjabaad iyo cabsi kasoo wajahdey hadalo ay warbaahinta ka jeediyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland. Guddiga Difaaca Puntland oo maanta Garoowe kula hadlay saxaafadda ayaa uga digey shacabku inay isticmaalaan garoomadda diyaaradaha Somaliland maamusho iyo 824 Ardey oo ay sheegeen inay jaamacaddo ka dhigtaan magaalooyinka Boorame iyo Hargeysa inay si deg deg ah uga soo baxaan goobahaas, ka dib jawaab ay ka bixiyeen guddigu hadal maalmo ka hor kasoo yeerey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe. Wariye madax banaan oo jooga Degmadda Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta PUNTLAND POST inay maanta halkaas soo gaareen tiradda ilaa 5 qoys oo uu sheegay inay kasoo guureen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Sidoo kale waxaa jira hadalo hanjabaad ah oo ay isdhaafsanayaan in badan oo ka mid ah bulshada labada dhinac iyo taakulo ay la garab taagan yihiin ciidamada weli isku horfadhiya deegaanka Tuko-raq oo dagaaladii ka dhacay ay ku dhinteen tiro ka badan 60 askari oo ka kala tirsan labada dhinac. Colaadda Puntland iyo Somaliland ayaa iminka u muuqaal ekaatay mid saameysay isdhexgalka bulshada labada dhinac sida arrimaha ganacsiga,waxbarashada iyo deegaanka. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Colaada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland oo saameysay bulshada labada dhinac. appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar Ismiidaamin ahaa oo galinkii danbe ee maanta ka dhacay Deegaanka Baar Sanguune ee duleedka Magaalada Kismaayo gaar ahaan Xerada ay halkaa ka degan yihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska. Weerarkaan oo loo adeegsaday Gaari Caasi ah ayaa waxaa fuliyay ruux isa soo miidaamiyay oo ka tirsanaa al-Shabaab kaa oo ka dhacay meel Qiyaastii 50 Km ujirta Xarunta Gobolka Jubada Hoose. Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlaayay rasaas xoogan oo aan la ogeyn hadii ay jirto Khasaare ka dhashay. Gaariga ayaa inta uusan Qarxin ka hor waxaa ka shakiyay ciidamada Kumaandooska ee ilaalada ka ahaa xerada kuwaa oo ooda kaga qaaday rasaas badan, waxaana xigay Qaraxa ismiidaaminta ah. Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in ku dhawaad 5 Askari uu waxyeelo kasoo gaaray Qaraxa, waxaana suuragal ah in Khasaaraha uu intaa kasii bato, sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha ciidamada dowlada ee ka howlgala Jubbooyinka. Wararkii u dambeeyey ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan,waxana xusid mudan in saldhigaas uu yahay kii shalay lagu dilay askar ka tirsaneyd Ciidamo Mareykan ah o Sldhigaasi ku sugan.
-
MOGADISHU, June 9 — One U. S. special forces soldier was killed and five others, including one partner force member, were injured in an al-Shabab attack in southwest Somalia on Friday, the U.S. military said. The U.S. Africa Command (Africom) said the incident took place during a joint operation in Jubaland in southern Somalia conducted by combined Somali National Security Forces (SNSF), Kenyan Defense Force (KDF) and the U.S. special forces. “One of the wounded U.S. service members received sufficient medical care in the field. Three U.S. service members and the one partner force wounded were medically evacuated to receive additional treatment,” Africom said in a statement issued on Friday night. Africom said a large force comprising of about 800 forces from Somali and allied forces came under mortar and small-arms fire while conducting a multi-day operation on Friday afternoon, about 350 kms southwest of Mogadishu. “The mission’s objectives were to clear al-Shabab from contested areas, liberate villages from al-Shabab control, and establish a permanent combat outpost designed to increase the span of Federal Government of Somalia (FGS) security and governance,” said Africom. The U.S. military said its special forces provided advice, assistance and aerial surveillance during the mission. Washington has stepped up operations in the Horn of African nation in the past one year, killing a number of members of the militant group. Xinhua
-
According to Puntland media outlets, both the Minister for Interior, Abdullahi Ali Hersi, and the official government Spokesperson, Abdullahi Quranjecel, today, ordered students and residents originally hailing from the Somalia Federal State but currently living in Somaliland to immediately go back to Puntland. The Puntland officials, heating up an already simmering situation between the Somalia federal state and the Republic of Somaliland told their subjects that their lives was in danger – a fact that mosr Somalilanders were not aware of. “Intelligence reaching us reveal that the Somaliland authorities planned retaliatory steps against Puntland-born residents and students,” Mr. Quranjecel asserted. The call, it is said, follows a reference Somaliland opposition leader, Faisal Ali Warabe, made on the hundreds of students currently studying in Somaliland to highlight that ethnic affinities do not work in real life. The leader was criticizing Puntland leaders for basing their territorial claims on large regions of Somaliland on a purely ethnic affiliation basis. The two sides engaged in military confrontation on several occasions in the Sool, Somaliland, area from January 2018 following a rumored visit of the Somalia Federal President, Mohamed Abdullahi Farmaajo, on Tukkaraq – some 70-plus kilometres on the Somaliland side of the borders both Somalia and Somaliland inherited from, respectively, the Italian and British colonial masters at time of independence in 1960. The United Nations and the United States have, of recent, been on shuttle diplomacy in an attempt to douse down the escalating hostilities between the two sides. The President of the Republic of Somaliland, Musa Bihi Abdi, has repeatedly called for dialogue the absence of which he said Puntland leaves them no option but to defend Somaliland from what he called “naked, blind aggression”. Women driving speaker-mounted vehicles have been openly driving around GRowe, the capital seat of Puntland, shouting war, drumming up ethnic-based support for what they called “colonized regions”. In contrast, responding to the diplomatic shuttle of the UN and the US, Abdihakim Ammey, the Vice President of the Puntland State, vowed that neither he nor his troops will rest until they reached Oog district near Burao of Togdheer. His point was that he recognized only tribal boundaries and nothing more. The VP was just back from a blitz tour he made to his clan areas inside Somaliland to exhort clansmen of fighters to bolster his militias and for vehicles and material support. “Where is Sanaag? Where is Sool? Where is Las Anod?” They kept shouting from the blaring speakers. On the contrary, Somaliland stands behind its state army and does not encourage the kind of clan-based hue and cry taking momentum in Puntland. Neither is there any animosity against non-Somalilanders in Somaliland cities. If not checked, only more bloodshed and a protracted hostility between the de facto Republic of Somaliland and Somalia cannot be ruled out. Somtribune
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in galabnimadii maanta uu weerar Ismiidaamin ahaa ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo. Weerarka oo uu fuliyay dhagarqabe naftii halige ah ayaa waxaa lagu qaaday xero duleedka Kismaayo ay ku leeyihiin Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Danab ee Xooga dalka. Dhagarqabaha weerarka fuliyay ayaa la xaqiijiyay inuu kaxeynaayay Gaari Caasi ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa kaa oo uu ku dhuftayxerada. Wadaha aya markii hore la sheegay inuu isku dayay inuu gudaha u galo xerada oo ay ku sugnaayen Saraakiil iyo ciidamo Mareykan ah, waxaana xusid mudan in ciidamada ku dhamaaday weerarka ay yihiin kuwa Kumaandooska Soomaalida oo ilaalo ka ahaa goobta uu gaariga ku Qarxay. Gaariga ayaa inta uusan Qarxin ka hor waxaa ka shakiyay ciidamada Kumaandooska ee ilaalada ka ahaa xerada kuwaa oo ooda kaga qaaday rasaas badan, waxaana xigay Qaraxa ismiidaaminta ah. Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in ku dhawaad 5 Askari uu waxyeelo kasoo gaaray Qaraxa, waxaana suuragal ah in Khasaaraha uu intaa kasii bato, sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha ciidamada dowlada ee ka howlgala Jubbooyinka. Saraakiisha waxa ay sheegen in Jugta Qaraxa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Gobolka Jubada Hoose, waxaana jira warar sheegaya in duleedyada Kismaayo laga arkayay uurada uu sameeyay Qaraxa oo markaliya Qiiq hawada isku shareertay. Dhinaca kale, halka weerarka ismiidaaminta ah uu ka dhacay ayaa aheyd meeshii shalay Dowladda Mareykanka looga dilay halka askari iyo dhaawaca Afarta kale. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
HARGEISA— Somaliland Journalist Association (SOLJA) has sent stern warning to local reporters not to cover stories from individuals who are instigating the war between clans in Eil Afwein in Sanaag region. SOLJA sent a text message via local phones appealing practising journalists to do their utmost not to fuel the raging war between the brotherly clans that had skirmishes.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Hay’adaha Amniga faray inay shacabka u sahlaan isku socodka magaalada oo maalmihii dambe ay shacabku dhib ku qabeen, kaddib markii ciidamadu xireen jidad muhiim ah. Wadooyinka xiran ayaa intooda badan ahaa kuwo muhiim u ah isku socodka guud ee shacabka Muqdisho, waxaana dadweynuhu ay dhibaatooyin kala duwan ku qabeen sidii ay ku gaari lahaayeen xaafadahooda iyo goobahooda shaqada. “Hay’adaha Amniga waxaan farayaa inay shacabka u sahlaan isku socodka magaalada, waddooyinka xiranna loo furo. Nabaddu waxay ku Timaaddaa wada-shaqeyn dhex-marta shacabka iyo ciidamada Amniga. Shacabkana waxaan ka codsanayaa inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan inay ka difaacaan kooxaha argagixisada,” ayuu Farmaajo iyo ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Sidoo kale, Baraha bulshada ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay hareeyay doodo ku aaddan Xirnaanshaha Waddooyinka oo dadka meelaha qaar laga celinayo, Gaadiidkana lagu amrayo inay kala wareegaan, waxaana cabashada shacabka ay timid iyadoo loo diyaar-garoobayo maalmaha Ciidul Fidriga ee foodda nagu soo haya. Madaxweyne Soomaaliya, Farmaajo ayaa la xusuustaa in markii uu ku jiray oloihiisii doorashada in khudbaddi uu ka jeediyay baarlamaanka Somalia uu ku ballan-qaaday inaan Waddooyinka la xiri doonin, Awoodda Dowladduna aysan shacabka ku caburin doonin awood, laakiinse waxaa la is-weydiinayaa waxa ka dhaqan-galay ballan-qaadkaas. Dhanka kale, Waxaa muuqata inay sii kordheen caburinta shacabka iyo in la xirayo jidadka markii la doono, iyadoo la xiray min jid cadde illaa Laami, waxaana dadka reer Muqdisho ku noqday magaalada xabsi kor ka xiran. Ugu dambeyn, Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ayaa xiray dhammaan Waddooyinka soo gala Waddada Maka Al-Mukarama iyo Isgoysyada Wadada Wadnaha, waxaana dadka ay lugeynayeen meelaha qaar ee loo diido in lagu maro gaadiid. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somalia oo amar ku bixiyay in la furo waddooyinka xiran ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhow uu ka dhacay qarax imiidaamin ah. Weerarkaan ayaa waxaa lagu fuliyay Gaariga soomaalida ay u taqaano Hoomeey ama caasi. Qaraxa ayaa ka dhacay saldhig ciidamada amaanka Jubbaland ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo. Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxaasi hayeeshee dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in uu jiro qasaare. Faah faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s al Shabaab claims attack in which US soldier died
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somalia’s Islamist group al Shabaab has claimed responsibility for an attack in which a U.S. commando was killed and four others were wounded when they came under fire in the country. The U.S. special operations forces were fighting alongside about 800 troops from the Somali National Security Forces and Kenyan Defence Forces when they were attacked late on Friday by mortars and small arms fire. “We attacked a military base … killed one U.S. soldier, two Kenyan soldiers and nine Somali soldiers from Jubbaland state. We also injured four U.S. soldiers,” Abdiasis Abu Musab, al Shabaabs military operations spokesman, told Reuters on late Friday. He said the attack was in the southern town of Kismayo. President Trump addressed the situation in a Saturday morning tweet, calling the U.S. soldiers heroes. In a separate statement, the U.S. military said on Friday one local soldier was also wounded in the attack that also involved Somali and Kenyan forces. The troops had been on a mission to clear al Shabaab from contested areas as well as villages the militants controlled, “and establish a permanent combat outpost” to expand the reach of the Somali state, according to the U.S. statement. Kenyan military spokesman David Obonyo told Reuters that its forces were not involved in any operations in Somalia on Friday About 500 U.S. troops are deployed in Somalia. Al Shabaab is fighting to overthrow Somalia’s central government and establish its own rule based on its interpretation of Islamic law. Source: Reuters