Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,951
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Djibouti’s government will embrace greater Chinese involvement in the nation’s ports and sees no reasons for U.S. concern that its strategic interests may be threatened, Finance Minister Ilyas Dawaleh said. Source: Hiiraan Online
  2. Rwanda has banned mosques in the capital, Kigali, from using loudspeakers during the call to prayer. Source: Hiiraan Online
  3. A Court of Appeal hearing yesterday sought to determine whether the Wajir governor has a university degree. Source: Hiiraan Online
  4. Kenya's Teachers Service Commission (TSC) have started transfer of over 543 non-local teachers from Wajir Wajir county to other parts of the country. Source: Hiiraan Online
  5. Addis Ababa (Prensa Latina) The Cuban Embassy in Ethiopia paid homage to the 163 Cuban fighters killed in the battle of Ogaden, the victory of which occurred 40 years ago marking the end of the Somalian invasion into this neighboring country. Source: Hiiraan Online
  6. Nearly three decades, the Somalis endured civil wars and natural disasters, the latter instigated an alternate of drought (scarcity of water) and floods (abundance of water); Source: Hiiraan Online
  7. Somaliland’s labour and employment agency launched a registration campaign to promote government workers on Thursday. “We want to learn the exact number of the government employees that’s why we are making the registration, said Sharmarke Ahmed Muxumed Gelle,” Chairman of the labour and employment agency. The registration has already been started in the Administrative region in northern Somaliland and the same applies provinces and regions across Somaliland.
  8. Waxaa 27 sano ka dib si rasmiya shaqadeeda ula wareegtay Hay,adda socdaalka iyo Jinsiyadda dalka Soomaaliya oo ka mid ah afar qodob oo dastuurku awood u siinayo dowladda dhexe, Iyadoona magaalada Garoowe lagu daahfurey nidaam soo bandhigaya wixii hadda ka dambeeya in hal qorshe, siyaasad, iyo mid maamul-ba ku shaqeyn doonaan xafiisyadda hay,addu ku leedahay Gobolladda dalka. Hay,adda ayaa dhisme weyn laga xukumayo dhamaan laamaha ku yaala Bosaso,Gaalkacyo,Badhan iyo Buuhoodle ka hirgalisay magaalada Garoowe ka dib markey maalmo ka hor ka rartey qalabkii iyo shaqaalihii hay,adda oo 15-kii sano ee u dambeeyay ku shaqeyn jirey guri uga kireysnaa magaalada Garoowe. Maamulka Hay,adda ee qeybta Puntland ayaa si rasmiya u shaaciyay in la mideeyay guud ahaan dalka Soomaaliya nidaamkii shaqada hay,adda islamarkaana ay hadda isu diyaarinayaan sidii ay xarumo cusub uga samaysan lahaayeen Dekedaha iyo Garoomada diyaaradaha Puntland ka dib markey ku guulaysteen maamulladda ka jira dalka oo ku wareejiyay qeybo aan horey u hoos imaan jirin Hay,adda socdaalka. Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane ayaa warbixin maqal iyo muuqaal ah ka diyaariyay dhaqaajinta hawlaha shaqada mid ka mid ah hay,addaha dastuuriga ee dalka Soomaaliya. Daawo. Abshir Dhiirane PUNTLND POST The post Somalia:-27 sano kadib hay,adda socdaalka iyo jinsiyadda oo la wareegtay shaqadeeda appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Senator Muno Cumar Xasan oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamanaka Somalia, ayaa aad u dhaliishay talaabada ay Xildhiabaanada baarlamaanka ku caburinayaan shirkada DP World iyo Somaliland. Xildhibaan Muno Cumar Xasan oo u muuqatay mid taageersan Heshiiska Berbera ayaa aad uga soo horjeesatay in laga dodo Heshiiska Berbera. Waxa ay Xildhibaanadu ololo wakhti qaatay ku bixisay sida loo dib dhigi lahaa dooda, hase ahaatee waxa ay carro kala duldhacday Xildhibaanada kale ee meelmarinaayay go’aanka DP World looga eryay guud ahaan Somalia. Muno Cumar Xasan, waxa ay sheegtay in kursiga ay ku fadhiso ay ku mataleyso Somaliland, isla markaana dooneyso in leysku soo dhawaado, hase ahaatee waxaa haddalka iyo qeyla dhaanta Muno aan dhag jalaq usiin Xildhibaanada kale oo aad uga careysnaa falka ay ku kaceen Somaliland iyo DP World. Senator Muno Cumar Xasan, waxa ay Xildhibaanada Aqalka Sare ku tilmaantay inay yihiin kuwo aad u caadifeysan isla markana u taagan in mar waliba lagu degdego go’aanada horyaal. Waxa ay Muno Cumar Xasan dood u muuqata mid ka ilmeysiisay ka keentay sababta dowlada Ethiopia looga reebay doodaha laga qabo Heshiiska DP World, waxa ayna cod dheer ku sheegtay in go’aanka uu Aqalka Sare ku taageeray baarlamaanka Somalia ay tahay mid mugdi badan ku jira. Muno Cumar Xasan, oo u muuqata mid il meyneysa ayaa aad u dhaliishay go’aanka ay Xildhibaanada Aqalka Sare ku taageereen laalida Heshiiska Dekadda Berbera, waxa ayna dalbatay in la cadeeyo sababta doodaha ka dhashay Heshiiska looga saaray dowlada Ethiopia. 28 ka mid ah xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa ogolaatay in dalka laga saaro shirkadda DP World, 6 ka mid ah xubanaha Aqalka Sare ayaa diiday, halka 2 Mudane ay ka aamuseen, taasi oo ka dhigan in kulanka ay soo xaadireen 36 xildhibaan. Mar haddii xildhibaanada Aqalka Sare u codeeyaan xeerkii Baarlamaanka Golaha Shacabka, waxa uu xeerkan u gudbay Madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo intaasi kadibna lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka, xilligaasi wixii ka dambeeya waxaa bilaaban doona fulinta in dalka laga eryo DP World. SAWIRRO SENATOR MUNO CUMAR The post Daawo: Senetor Muno Cumar oo ka ilmeysay go’aanka uu Aqalka Sare dalka uga eryay Shirkada DP World appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ayaa Caawa joojisay Muxaadaro siyaasadeedoo uu qaban lahaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, taasoo ay soo qabanqaabisay ay Madasha Wadatashi . Madashan oo ka dhici lahayd Hotelka Saxaf ee magaalada Muqdisho kadib maqribka Caawa ayaa waxaa la sheegay in NISA ay maamulka Hotelka amar ku siisay inaan la qaban karin madashaasi oo ahayd mid uu muxaadaro ka jeedin lahaa C/raxmaan c/shakuur, loogana hadli lahaa xaaladda ay wajaheyso siyaasadda Soomaaliya. Mid kamid ah Mas’uuliyiinta Hotel Sahafi oo diiday in magaciisa la xuso ayaa caasimadda Online u sheegay inay lasoo xiriireen Nabad Sugidda isla markaasna lagu wargeliyey inuusan kulankaas ka dhici karin Hotelka. Sidoo kale waxaa Arrintan goor dhoweyd shaaciyey C/raxmaan C/shakuur oo farriin uu soo diray ku sheegay sida soo socota: Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa caawa baajiyey Muxaadaro aan uga hadli lahaa loolanka Siyaasadeed ee Gobolka ka jira iyo saamaynta uu Soomaaliya ku yeelan karo. Maamulka Hotel Saxafi oo ah halka ay Muxaadaradu ka dhici lahayd ayaa nagu wargeliyey in NISA ay ku amartay in la baajiyo kulankaas. Maamulka Hoteelka oo hay’adda ka codsaday sababta baajinta ayaan loo sheegin wax sabab ah, laakiin lagu amray in ay joojiyaan kulankaas. Falkani wuxuu si cad u jebinayaa Dastuurka iyo shuruucda dalka. Waxaa kaloo ayaan daro ah in iyadoo amarka Al- shabaab uu Muqdisho ka hir gelayo ay NISA ku mashquulsan tahay caburinta ra’yiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka. The post Hay’adda NISA oo Caawa joojisay Madal Siyaasadeed uu qaban lahaa C/raxmaan C/shakuur appeared first on Caasimada Online.
  11. As the FBI and local enforcement zeroed in on a group of central Illinois men suspected of bombing a Bloomington mosque, the men pleaded for other militia members to help "guard" their rural town of a few dozen people. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Sanad kadib doorashadii dadbaneed ee Barlamaanka 10 aad ayaa laga filayey in uu gaaray bisayl iyo qaangaar Siyaasadeed kadib markii uu dhaxlay waaya aragnimo 9 Barlamaan in ka badan 60 sano laga soo bilaabo 1956 ilaa 2018, xilligaas oo gudoomiye Jawaari kasoo bilaabay dawladda Agaasime ilaa Gudoomiye Barlamaan. Abwaan Cadbdi Shire ayaa Barlamaankii 9 aad u tiriyey hees cinwaankeedu ahaa “Xildhibaanow xaal qaado” anigana xaal ayaan ka bixiyey qoraalkii habeen hore aan ku sheegay in Barlamaanka 10-aad ka fiicanyahay kuwii ka horeeyey. Laakin Maah maah Carbeed ayaa aheyd “ilmihii aabihiis u ekaada danbi ma gelin”. Dadka Somaaliyeed ee u riyaaqay furitaanka kalfadhiga 3 aad iyo qorshaha qaran ee la soo bandhigay, Qaraarkii taariikhiga ahaa ee Xukuumada iyo Barlamaanku ka gaaren DP World, heshiiskii dawladda Federaalka iyo dawlad gobaleedyada iyo shirka Baydhabo loo balansanyahay 28 bishaan, qodobadaas oo muujiyey yedidiilo Siyaasadeed iyo Rajo mustaqbal Somaliyeed ayaa nasiib darro shalay lagu waa bariistay Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Barlamaanka oo galab-nimadii la sheegay in uu Saqiiray, hadana Subaxaan la sheegay in uu noolyahay, kuwa kalena ku jiraan jeebabka Xildhibaanada, arrintaas oo dilaysa kalsoonidii lagu qabay Barlamaanka iyo rajadii laga qabay dalka iyo dawladu in ay horey u socdaan. Su’aashu waxa ay tahay maxaa xilligaan keenay Mooshinada kala duwan ee Barlamaanka? Maxaase ka maqan Xildhibaanada oo ay ka rabaan Mooshinada Madaxda? 1-Mooshinada iyo is bedelada waxaa laga sameeyaa dhaqaale, waxaana la kala kacsadaa kuraasta. 2-Mooshinada waxaa lagu muujiyaa awooda Barlamaanka iyo joogteynta cabsi gelinta madaxda. 3-Baqdin Barlamaanka in awooda ay ka qaataan golaha amniga qaranka ama madasha madaxda Federaalka iyo Gobalada. 4-Ciyaarta Mooshinka oo u baahan Garoon iyo Cayaartoy sida; garoonka khilaafka madaxda ugu sareysa balse sanadkaan laga quustay khilaaf Madaxweynaha iyo R/wasaaraha. Laakin waxaa muuqata in lagu guuleystay khilaafka Guddoonka Barlamaanka oo u sahlaya ciyaarta Xildhibaanada. Hadii aad wareysato Xildhibaanada iyo Madaxda waxa kala haysta oo ay Mooshin ku muteysteen waxey kuu sheegayaan: Qaabilaad ayaa la ii diiday, Telefon ayaa la iga qaban waayey, Xubin guddi ayaa la iga reebay, Lacag ka baxsan mushaarka ayaa la ii diiday, Kursi aan xaq u lahaa ama aan mudnaa ayaa qof kale la siiyey, Beesheyda ayaa la dulmiyey iwm. Waxaana muuqata in dadka Somaliyeed ay ka hor mareen Xildhibaanadii hoggaaminayey, ayna ka sugayaan arrimo waaweyn oo qaran halka ay ku mashquulsan-yihiin dano yar yar. Hadaba waxaa Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Gudoomiya Aqalka Sare la gudboon in ay deg deg u fidiyaan gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo Goddoonka Golaha Shacabka iyo xubnaha Barlamaanka inta uusan daadka Mooshinadu soo gaarin “Balaayo madax la qabto ayey leedahay ee ma laha majo la qabto”. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaanoow xaal qaado! ‘’Maxaa la iiga farxaa! Berri ayaan lumiye’’! appeared first on Caasimada Online.
  13. The United Nations annual World Happiness Report has named Mauritius the most happiest country in Africa , while naming Burundi the saddest country in Africa. Source: Hiiraan Online
  14. Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada iyo Xubno ka socda Maaamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku shirsan magaalada Baydhabo iyaga oo isugu yimid ka qaybgalka shirka afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo sedexdii bilba mar qabsooma. Shirka Madasha oo uu maanta furay Ku-Simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen ayaa beri soo xirmi doona inta uu socdana waxaa looga hadli doonaa qodobo badan oo ay kamid yihiin horumarka laga sameeyay arrimaha Dastuurka. Wasiir Cabdi Xoosh oo shirka Khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay waxqabadka Wasaaradda Dawladda Federaalka ee sedexdii bil ee la soo dhaafay. “Runtii boqolkii maalin ee la soo dhaafay waxaa inoo qabsoomay waxqabad ballaaran oo ay kamid yihiin inaanu xoojinay wadashaqeynta inagala dhaxeysa Guddiyada heer Federaal ee aan shaqo wadaaganahay, Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Hawl adag oo badan ayaa inaga horeysa diyaar ayaana u nahay inaan wajahanno inaga oo isla tashaneyna” ayuu yiri Wasiirka. Dhankooda Wasiirada Arrimaha Dasturka ee Dawlad Goboleedyada iyo Agaasimaha Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyeynta ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay ka warbixiyeen horumarkii ay sameeyeen sedexdii bilood ee ugu dambeysay. Ugu dambayn, shirkan ayaa beri la soo xiri doonaa waxaana lagu wadaa in laga soo saaro War-murtiyeed. —–DHAMAAD—–
  15. Muqdisho, March, 15, 2018—- Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha Amniga, Midaynta canshuurta dalka, Qorshaha horumarineed ee qaxootiga soo laabanaya, soo wareejinta astaanta Qaranka ee SO iyo arrimo kale oo muhiim ah. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa goloha u soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku saabsan sidii loo midayn lahaa guud ahaan canshuuraha dalka, isagoona qeexay in ay wadaan qorshe lagu midaynayo canshuuraha dalkeena Soomaaliya. Sidoo kalena waxuu sheegay in ay wasaaradu ku howlan-tahay qaban qaabada shir looga doodi doono habka ugu wanaagsan ee loo midayn karo canshuuraha, taas oo ay ka soo qayb-gali doonaan madax ka kala socota Maamul Goboleedyadda iyo dawladda dhexe ee Soomaaliya, si loo sameeyo sharci hagi-doona canshuuraha dalka. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse, ayaa sheegay in howl-galada ciidanka Qaranku uu meel fiican marayo, dhawaana ay ciidanku deegaano badan ka saareen kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab, haatana wali lagu daba jiro haraadigooda si dalka oo dhan looga sifeeyo, waxuu kaloo sheegay wasiirku in amniga dalka uu haatan yahay mid aad u fiican la iskuna halayn karo. Dhanka kale waxuu tilmaamay in Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullah Farmaajo uu wado dar-dargalin iyo dhiirigalin dhinaca Ciidanka ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ka warbixiyay qorshaha horumarineed ee qaxootiga iyo barakacayaasha ku soo laabanaya dalka kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 3,000,000 oo qof ( Sadex Million), si wax loogu qabto sadexda sano ee soo socota. Wasiir Sabriye ayaa cadeeyay in dawladdu ay ku dadaalayso ilaalinta iyo ka warqabka xaaladda dadka shacabkaah ee ku soo laabanaya dalkooda, taasin ay tahay mas’uuliyad saaran dawladda. Ugu dambayntii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa laga dhagaystay warbxin ku saabsan soo wareejinta astaanta Qaranka Soomaaliyeed ee SO, oo si buuxda ay dawladda federaalka ula soo wareegtay. Intaas ka dibna Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda iyo mas’uuliyiintii Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyay soo celinta mid ka mid ah astaamaha Qaranka Soomaaliyeed. DHAMMAAD
  16. Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal C/llaahi Cali Caanood ayaa cutubyo ka tirsan Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka tababar mudo hal sano u socday ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Generaal Dhega-badan ee magaalada Muqdisho. Gaadi ciyaar iyo dhoolatus Ciidanka oo ku aadan Tababarka ay qaateen ayay Goobta ku soo bandhigeen Ciidamada, Waxaana Tababarkaas Bixiniyay Macallimiin Soomaaliyeed oo la siiyay qibrado ku aadan Difaac dalka. Taliyaha Dugsiga Generaal Dhega-badan Generaal Maxamed Maxamuud Saneey ayaa sharxaad kooban ka bixiyay mar Xaladihii ay soo Mareen Mudadii Tababrka u socday. “Tababar aad iyo aad u fiican bey qaateen,waxaan aad iyo aad ugu mahad celineynaa macallimiintii tababartay iyo sida ay awaamiirta ay u qaateen,waxay ahaayeen 200,inta badan dipishiliin iyo Aqlaalq xumaa meesha looga ceyriyay,waxaan u rajeynayaa ciidanka DANAB iney ku guuleystaan hadafka ay leeyihiin una gutaan waajibkooda, Shabaabna meel walba ay joogaan ugu tagi doonaan,’’ Ayuu Yiri Generaal Maxamed Maxamuud saneey. Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal C/laahi Cali Canood oo ka Hadlay Munaasabada ayaa Ku ammaaney macallimiintaTababrkaasi Bixiniyay sida ay u diyaariyaan Ciidamada kuwaaso ka qeyba qaadan doona Howlagalada dalka looga si feynayo maleeshiyaadka Al- Shabab. Wuxuu sheegay Ciidanka hadda tababarka dhameystay ee DANAB iney yihiin cutubkii shanaad,wuxuuna ku ammaanay Ciidamada DANAB sida geesinimada leh ee Al-Shabaab ula dagaalamayaan ugana saareen deegaano badan oo dalka. Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo soo xirey Tababarkan ayaa kula dardaarmey Cutubyadii qaatey Tababrka ee katirsan DANAB iney u diyaar-garowbaan Difaac Dalka. “Waxaad ka mid noqoteen Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku faanto Bulshada Soomaaliyeed,waxaad ka mid noqoteen ciidamada DANAB oo ah ragga safka hore ugu jira sidii loo difaaci lahaa shacabka Soomaaliyeed loogana Difaaci lahaa Argagixisada gudaha” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan. Waa Dufcadii 5-aad ee Ururka DANAB ee Ciidanka Xoogga Dalka oo Tababar ku qaata Dugsiga Janeraal Dhaga-Badan ee Maqaalada Muqdidho. The post Sawirro: Ciidamo cusub ka tirsan Danab oo tababar loo soo xiray appeared first on Caasimada Online.
  17. Somali Senate House on Thursday has followed suit of Lower House members to ban DP World Company from Somalia. Source: Hiiraan Online
  18. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland oo maalmahan ku sugnaa dalka Imaaradka Carabta ayaa waxaa uu lakulmay maanta Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Imaaraadka Carabta ahna Wasiirka Madaxtooyada Sheekh Mansoor Bin Zayed. labada Mas,uul ayaa kawada hadlaya Mashaariicda Imaaradka uu ka fulinayo Soomaaliland , heshiiskii dekeda Ber bera, iyo dhismaha Saldhiga Imaraadka uu ka dhisanayo isla Magaalo Xeebeedka Maamulkaasi ee Ber bera. Imaaradka Carabta ayaa u balan qaaday Muuse biixin in sida ugu dhaqsaha badan ay ku bilaabi doonaan Mashaariic daas oo idil inta aan lagaari dhamaadka Sanadkan 2018 ka. Halkan ka daawo .
  19. Magaalada Bosaaso waxaa maanta kulan ku yeesha Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, iyo qaybaha Bushada ee ku dhaqan Magaalo Madaxda Ganacsiga Puntland ee Bosaaso ,waxayna soo dhaweeyeen Go,aankii ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya dalka ay kaga Mamnuuceen Shirkada P World. Waxa ay sheegeen Odayaasha in ay sugayeen go,aano sidan oo kale ah oo ka soo baxa Xukuumada iyo Baarlamaanka Soomaaliya , waxayna ku baaqeen in lafuliyo Go,aanadan . Hadalka ka soo baxay waxgaradka ku dhaqan Magaalada Bosaaso ayaa ku soo beegmaya xili maanta ay Aqalka Sare iyana ay Ansixiyeen Xeerkii lagu mamnuucay Shirkada P World. Halkan ka dhagayso. shacabka Bosaaso
  20. Nairobi (Caasimada Online ): Saraakiil ka tirsan doowladda Itoobiya oo uu hoggaaminaayo Jeneraal Gabre ayaa kulamo gooni gooni ah oo qarsoodi ah toddobaadkan Nairobi kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada Soomaaliya. Kulamada ayaa inta badan diiradda lagu saaraayay sidii maamul goboleedyada ay uga hor imaan lahaayeen qorshaha dowladda dhexe ay ku joojisay heshiiskii DP World iyo Itoobiya ee dekadda Barbara. Wararka qarsoodiga ah ee laga helay kulamadan ayaa sheegaya in Gabre iyo Axmed Madoobe ay si gaar ah uga wada hadleen sidii Itoobiya ay u taageeri lahayd maamulkiisa, xilli sanadka dambe doorasho ka dhici doonto Jubbaland. Gabre ayaa la sheegay in uu u ballan qaaday Axmed Madoobe in uu ka caawin doono sidii loo cirib tiri lahaa mucaaradka maamulkiisa oo lala macaamili doono sida ONLF, taa beddelkeedana Jubbaland ay qeyb ka qaadato cadaadiska la saaraayo dowladda dhexe. Dhammaan kulamadan ayaa muujinaya sida ay Itoobiya muhimad u siineyso in dowladda dhexe cadaadis ay ka dareento dhanka maamul goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com The post Itoobiya iyo Axmed Madoobe oo ka shiray arimaha DP WORLD appeared first on Caasimada Online.
  21. Shrkii Golaha Wasiirada ee Puntland oo uu maanta Shir Gudoominayay Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin 1- Xaalada Amniga ee dalka. 2- Udiyaar garowga shirka wada- Madasha Xubnaha ka ah dowladda Fadaraalka soomaaliya. 3- Xalada Abaarta ee dalka . Halkan ka Akhriso nuxurkii shirka .
  22. iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo waxa uu bilaabay in uu dhex dhaxaadiyo labada Mas,uul. Madaxweyne Farmaajo ayaa Xarunta Wasaaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya kula kulmay Gudoomiyaha Baarlmaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre. Waxa uu kulankan uu daaranaa sidii xal waara loogu heli laahaa khilaafka hareeyay Xukuumada iyo Baarlamaanka oo keenay in Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya Mooshin laga keeno. Madaxweyne Farmaajo ayaa labadan Mas,uul waxa uu kula taliyay in ay raadiyaan xal looga baxo xiisada ka dhex taagan labadooda oo saamaysay howlihii loo qaban lahaa Shacabka Soomaaliyeed. Tan iyo maalin nimadii shalay waxaa xarumaha dowladda iyo Golaha shacabkaba ka dhex taagneed hadal haynta khilaafka soo ifbaxay ee u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka. lama oga halka uu xaalku ku dambayn doonta arintan, iyadoo uu Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Muudeey uu Saxaafada u sheegay xalay in Mooshinkaasi uu yahay mid shar ci ah.
  23. Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta ee Mashruuca tayaynta shaqaalaha (Capacity Injection Project) ayaa maanta lagu qabtay Wasaaradda Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee dawladda Puntland, iyadoona ay kasoo qayb galeen xubno matalayey dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha ka faa’iidaysanaya Mashruuca tayaynta shaqaalaha. Shirkaan oo dhowrkii biloodba mar la qabto ayaa waxaa sannad walba xoogga lagu saaraa qaabkii loosii horumarin lahaa mashruuca isla markaana loo dejin lahaa qorshe hawleedka sannadka xiga iyo sidii wax laysaga weydiin lahaa guulihii la gaarey sannadkii hore iyo caqabadaha lasoo gudboonaadey. Muddadii uu shirku socdey ayaa waxaa looga doodey qodobbo dhowr ah oo la xiriira dar-dargelinta mashruuca kuwaas oo ugu muhimsanaayeen shaqaale qorista hay’adaha dawladda oo dhowaan ay hay’adaha dawladdu qaadanayeen shaqaale cusub kuwaas ooh ab tartan furan ah loo qaadanyey ayaa shirka lagu sheegay in ay si wanaagsan u soconayso. Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay diyaarinta qorshe hawleedka sannadkaan cusub iyo sidii loo dhammaystiri lahaa barnaamijka shaqaalaysiinta dawlad, waxaa kale shirka lagu soo qaaday hannaankii dib u habaynta shaqaalaha dawladda kaas oo mashruuca CIP uu door weyn ku lahaa. Waxaa sidoo kale looga doodey shirka dib u habayntii iyo dib u qaabayntii qaab dhismeedka hay’adaha dawladda Puntland kuwaas oo wax weyn laga beddeley isla markaana qaybtood lasoo koobay halka qayb kalena la ballaariyey iyadoo loo eegayo marwalba baahida shaqo. Geba gebadii shirka waxaa laysla meel dhigay in mashruucu uu noqday mid wax weyn oo la taaban karo ka beddeley hay’adaha dawladda isla markaana loo baahan yahay in lasii dar-dargeliyo maadaama uu noqday mid siweyn wax uga beddeley dardargelinta shaqada hay’adaha dawladda. The post SHIRKII BILLAHA AHAA EE GUDDIGA FULINTA MASHRUUCA CIP OO GAROOWE KA FURMAY MAANTA appeared first on Puntland Post.
  24. Maxamad Cusmaan Jawaari, ayaa mooshin laga geeyey, in kasta oo tiro ahaan uu ku baaqday, haddana guux badan ayey dhalisay, oo waxaan arkay dad badan, oo taageero u haya Jawaari, haddaba, waxaan is weydiiyey sidan: – Guddigii u dambeeyey, ee DALTUURKA naqdiimiyey, ka dib, markii uu ku soo falaaday Cabdi Xuush, haddana ah wasiirka dastuurka, ee magaciisu ahaa: GUDDIGA KHUBARADADA IYO DIYAARINTA DASTUURKA QABYO QORAALKA waxaa guddoomiye u ahaa Jawaari, waxaana la leeyahay waxaa ku baxay Soddon Milyan Dallar [30Milyan$], ee Jawaari ha ka jawaabo sida ay ku baxday?. – Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa Muqdisho noogu yimid, socdaalkii labaad ee sooyaalka soomaaliyeed, Turki iyo dunida galay. Wuxuu khudbo qurux badan ka jeediyey fadhi baarlamaanku lahaa, oo sida caadada u eheed ku shiray hool aad mooddo baar JILBAJABSI oo kale. Ordodan, oo ka xumaaday madax xeer dejin, in ay jilbojabsi ku shaqeeyaan, ayaa bulshada Soomaaliyeed u ballanqaaday, in uu dayactir iyo dib u habayn ku samayndoono xarunta baarlamaanka, guga xigana furitaankeeda uu isagu xarigga ka jari doono! Jawaari weydiiya meesha ay ka baxday ballanqaadkii Ordgan? In uusan ka baaqan dhanka Turki ani waan hubaa. – Madasha Qaranka ee dawladdii hore ka marooqsatay go’aan ka gaaridda agaasinka hannaan socodka dawladnimo iyo aayaha dalka, muxuu ka yiri intii ay dhisneed?. – Intii mooshin uu qabtay dawladdii hore, ee labo hirgahsay, laguna riday laba xukuumad, midna uu dhicisoobay, kii Xasan Sheekh Maxamuud laga gudbiyey, muxuu kaga duwan yahay kan isaga maanta laga gudbiyey?. – Inta uusan mar labaad isu sharrixin xildhibaannimada, ayuu isaga oo dhallinyaro la hadlaa ku yiri: “DHALLINYARADA SOOMAALIYEEDEEY NAGA RAALLI AHAADA!” isagoo raaciyey “FACII NAGA HORREYEY, WIXII AY NAGU BARBAARSHEEN, IDIN KU MA BARBAARIN KARNO!” wax yar ka dibna wuxuu ahaa xildhibaan, haddana, guddoomiyaha baarlamaanka. Hadalkan wuxuu ka hormarshay, in uu fariistay, ee uu ka fekeray! Haddii uuusan ka fiirsan, kana fekerin, muxuu dhihi lahaa dhallinyarada? I cafi, ma feker iyo ka fiirsasho ayey u baahan tahay, adoo og, in aad gef gashay, welibana aad ku laabanee, falkii aad gefka ku gashay?. – Sidii ay u billaabatay dawladdan guga iyo labada bil jirta, dalka waxay galisay fawdo iyo fadqalallo, Jawaari ma ka hadlay?. – Ciidan iyo rayid ayey dawladdu dishay, qaarkoodna Shabaab ku sheegtay, Jawaari ma ka hadlay?. – Waxaa la weeraray xarunta militeriga ee Haanta Dheer, ayna ku dhinteen lix askari, oo dawladdu magtooda bixisay, Jawaari ma ka hadlay?. – Waxaa la weeraray seq dhexe iyo habeen madow guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan mucaaradka, Jawaari ma ka hadlay?. – Weerarkaa waxaa lagu dilay shan askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, illaa haddana aan maydkooda la hayn meel lagu xabaalay, Jawaari ma ka hadlay?. – Afduubka loo gaystay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ee uu saddax maalin ku qafaalnaa magaalada Muqdisho xeer iyo xukun la’aan, Jawaari ma ka hadlay?. – Weerarkii har cad iyo maalin cadday guriga senotar Cabdi Cawaale Qaybdiid lagu weeraray, oo ah guddoomiyaha Guddiga labada aqal ee Dastuurka, Jawaari ma ka hadlay?. – Wixii dhibaato ka dhacay dalkan, intii uu xilka hayey Jawaari meel uu mawqif muuqda ku yiri ani waa ii dhimman tahay, marka mooshinkiisu, in kasta oo banjaray, haddana, waxba ii ma ahayn. Giraantu ha wareegto. Bashiir M. Xersi brdiraac@hotmail.com https://bilediraac.wordpress.com/ The post Inta aadan ka hor imaan Mooshinka Jawaari bal Su’aalahaan hala waydiiyo!! appeared first on Caasimada Online.
  25. Guddoomiyaah Shirkadda DP World ayaa Khamiista maanta ah mar kale xaqiijiyay in ay shirkaddiisa ka go’antahay maal-gelinta Somaliland,kadib Baarlamanka Soomaaliya dalka ka mamnuucay shirkaddaas,sida lagu daabacay Wargeeska Gulf News. Wargeeska ayaa ka soo xigtay guddoomiyaha DP World,Sultan Bin Sulayem in Somaliland ay dal madax-bannaan tahay muddo 28 sano ah,islamarkaana ay heshiisyo gaar ah kula jirto shirkado iyo dalal dhowr ah. Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id ayuu sidoo kale sheegay in go’aanka dowladda Djibouti dalkeeda uga mamnucday shirkadda DP World uu yahay”mid nasiib-darro iyo sharci-darro ah“,wuxuuna adkeeyay in shirkaddiisu ay hadda ka shaqeynayso in ay u xukun-dhiibato maxkamad ku taalla magaalada London. Halkan ka akhriso qoraalka Gulf News oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha DP World oo mar kale ku celiyay in Somaliland dal madax-banaantahay. appeared first on Puntland Post.