Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,091
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Kenya ayaa uga jawaabtay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ,muranka xuduudda badda ee Soomaaliya ay soo gudbisay. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Kenya Githu Muigai,ayaa lagu sheegay in mowqifka kenya muranka soohdinta badda uu weli yahay sidiisi iyo in khilaafka lagu xallinayo wada-xaajood. “Mowqifkaan wuxuu waafaqsanyahay heshiiska Qaramada Midoobay ee xeerka badaha iyo dhowr axdi iyo qaraarro ay samaysteen madaxda iyo xukuumadaha Midowga Afrika tan iyo 1964“,ayaa qoraalka lagu yiri. Kaydadka Shidaalka. Maxkamadda Hague ayaa la filaya in ay arintaan go’aan ka gaarto horraanta sannadka 2018. Caadiyan,go’aannada Maxkamaddu waxay noqonayaan kuwa lagama maarmaan iyo kama dambays ah. Sannadkii 2014 Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Maxkamadda ,waxayna dalbatay in si sax ah loo xaddido soohdinta badda ee labada dal,iyadoo doonaysay in la siiyo qayb weyn oo u ceegaago shidaalka badan(Daily Nation). Heshiisyada. Baaxadda lagu muransanyahay ayaa gaaraysa 1000 km oo wareeg ah ,waxaana ku jira lix harawo oo shidaal ah,kuwaasoo Soomaaliya ku doodayso, in Kenya heshiis kula gashay shirkado ajnabi,inkastoo“dhammaan ama inta badan qaybtaasi ay ku taallo dhinaca Soomaaliya”. Soomaliya ayaa cuskanaysa qodobada 15,74 iyo 83 ee heshiiska Qaramada Midoobay ee xeerka badaha ee sannadkii 1982,kaasoo labada dalba ay ansixiyeen sannadkii 1989. Laakiin Kenya ayaa sheeganaysa in aan waxba laga baddelin soohdinta badda ee ay la wadagto Soomaaliya sidii ay ahayd sanadkii 1979. Labada dal ayaa sannadkii 2009 gaaray heshiis is-afgarad ah,kaasoo markii dambe loo bandhigay Qaramada Midoobay sannadkii 2011. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Intee le’eg tahay Soohdinta badda ay ku muransanyihiin Kenya iyo Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  2. Gaalkacy (Puntlandi) Laba boqol oo askari oo loogu tala galay Xasilinta iyo adkaynta Nabadda Gobolka Mudug ayaa maanta tababar loogu soo xirayaa Magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudud. Ciidamadaan oo ah kuwo isku dhaf ah ayaa waxaa laga keenay Galmudug iyo Puntland iyadoona loo tabababray in ay ka shaqeyaan Guud ahaan Gobolka Mudug. Masuuliyiin dowladda Puntland iyo maamulka Galmudug iyo Puntland ayaa ka qeyb galaya xaritaanka tabababrka.
  3. Tuhun badan ayaa ka dhashay qorshihii lagu weeraray guriga siyaasiga af-maalka ah ee C/raxmaan Cabdishakur Warsame , dad ehelkiisa ah oo aan la hadlay ayaa qaba in la doonayay in la qaarijiyo kadib markii uu bulshadda u iftiimiyay aqoon daro badan oo hogaanka dalka ka muuqata. Xiliga weerarku uu dhacay oo saqdhexe aheyd, ciidankii Yaasiin Ganey watay ee duulanka loo diray ma’ahane ciidan kale oo goobta lagu arkay iyo sidda wiilasha yar yar loo xasuuqay ayaa bixineysa fasiraad cad. Yaasiin Ganey oo ay C/raxmaan qaraabo yihiin wuxuu dad asxaabtiisa ah u sheegay inuu la yaabay markii uu arkay ciidan aan kuwiisa aheyn oo dhar kale xiran oo howl galka dhinac ka wada, dadka amniga ka faalooda waxey qabaan inuu meesha uu ku jiray qorshe dil ah. Laakiin goobta oo ay joogeen xildhibaano iyo siyaasiyiin kale ayaa hor istaagtay qorshaha dilka ah, madaama loo heli lahaa marqaatiyaal waa weyn taasna ay ku ceeboobi laheyd Dowladda dhexe. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhowaan sheegay in qof aan ku xeel dheereyn diinta, taariikhda, suugaanta oo sidoo kalana aan waayo aragnimo dugaashan karin inuusan ummad hogaamin karin taas oo su’aalo badan ku keentay nuuca iyo xirfadda hogaaamiyaasha Somalia ee xiligaan. Rajadda laga qaba Dowladda cusub ee Somalia ayaa hoos usii dhaceysa waxaana sidoo kale ka muuqata dul-qaad yari baahsan iyo ineysan u adkeysan karin in la mucaarado. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com The post Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ma la qaarijin rabay mise waa la xiri rabay ? appeared first on Caasimada Online.
  4. Xulalka Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa maanta ku balansan afar dhamaadka koobka maamul goboleedyada oo galabta ka dhacaya garoonka Konis ee magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa soo geli doonna saacada geeska Afrika marka ay tahay 3:00 PM galabnimo. Kulankaan ayaa ah mid aad u xiiso badan oo ay u soo daawasho tagi doonaan kumanaan dadka reer Muqdisho ah. Kooxdii galabta soo gudubtay waxay finalka la ciyaari doonan kooxda Puntland oo shalay 0-1 ku garaacday kooxda gobolka Banaadir. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ku Balansan Semifinalaha Koobka Mamaul Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  5. Warar lagu kalsoonaan karno oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in xalay xafiiska Ra’isilwasaaraha Soomaaliya uu ka dhacay kulan u dhaxeeyay Xildhibaano katirsan Labada Aqal iyo Ra’isilwasaaraha Soomaaliya. Kulankaan oo ah mid ay ka codsadeen Ra’isilwasaaraha ayaa looga hadlayay Weerarkii lagu qaaday Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xildhibaanada ayaa Ra’isilwasaraaha ka codsaday in lagu soo wareejiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isaga oo dhaawac ah ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen. Ra’isilwasaaraha ayaa ka biyo diiday in Dowlada ay Xildhibaanada ku wareejiso Cabdiraxmaan Cabdishakuur. ugu dambeeyntii kulankaasi ayaa ku dhamaaday fashil iyo is fahanwaa u dhaxeeyay xildhibaanadaan labada aqal iyo Ra’isilwasaaraha. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Shir u dhaxeeyay Xildhibaano iyo Rw Kheyre oo Fashil ku Dhamaaday appeared first on Puntland Post.
  6. The government of Somali will do all it can to pay salaries and buy equipment for its soldiers as it begins to lose international support, the country’s president said on Monday. The statement came several days after Reuters reported that the United States was suspending food and fuel aid for most of Somalia’s armed forces over corruption concerns. That announcement was a blow to the military, who will begin losing the support of African peacekeepers when they start to withdraw this month. Islamist insurgents are striking with ever-larger and more deadly attacks in the capital and major towns. ”I hereby certify that if a thing is halted, as a government we shall put effort five hundred percent so that the suspension does not affect anyone, President Mohamed Abdullahi Mohamed said in an address to military officials at the defence ministry that was broadcast on local radio. ”Whether it is salary or equipment, the government will bring what it can, he said. “I am telling you that we should depend on ourselves. We thank the foreigners who were supporting us. If they mentioned criticism, we are required to rectify.” The president did not mention a specific donor’s support, but added: “If you have someone who is ready to lend you a hand, you have to avoid things that can bring suspicion.” Reuters reported that the U.S. has grown frustrated that successive governments have failed to build a capable national army. Documents seen by Reuters paint a stark picture of a military hollowed out by corruption, unable to feed, pay or arm its soldiers, despite hundreds of millions of dollars of support. Source: – Reuters The post Somali president vows extra efforts after U.S. suspends aid to military appeared first on Caasimada Online.
  7. Kenya has filed its response at the International Court of Justice in the Indian Ocean border dispute case filed by Somalia. A statement from the Office of the Attorney-General Githu Muigai has said Kenya’s position is that the maritime border remains as it is and the dispute be solved through negotiations. “This position is entrenched in the United Nations Convention on the Law of the Sea and several resolutions and decisions of the African Union Heads of State and Government adopted since 1964,” the statement said. OIL DEPOSITS The Hague-based court is expected to give direction on the matter in early 2018. The court’s decisions are normally binding and final. Somalia’s petition was filed on July 13, 2015. It sought to have the maritime border redrawn to extend diagonally to the south at Kiunga into the sea, and not eastwards as it is. Somalia sued Kenya in 2014 asking for proper determination of the sea boundary between the two countries and wanted it adjusted to give Mogadishu a huge chunk of the sea, which has oil deposits. CONVENTION The area in contest is about 100,000 square kilometres and there are six oil blocks, which Somalia argues Kenya has awarded contracts to foreign prospecting firms for even though they “lie entirely or predominantly on the Somali side”. Somalia is basing its arguments on Articles 15, 74 and 83 of the 1982 United Nations Convention on the Law of the Sea, which both countries ratified in 1989. But Kenya submits that the maritime border with Somalia is as was decreed in the Presidential Proclamation of 1979. LEGAL ACTION The countries in 2009 reached a memorandum of understanding, which was then deposited with the UN in 2011. Kenya maintains that all her activities, which include naval patrols, fishery, marine and scientific research as well as oil and gas exploration are within the maritime border established by Kenya and recognised and respected by both parties since 1979. “Kenya is fully committed to protecting her boundaries in order to safeguard her territorial integrity,” the AG said. Source: Daily Nation The post Kenya stands its ground in sea row with Somalia appeared first on Caasimada Online.
  8. Waxaa magaalada Galkacyo lagu qabtay kulan looga hadlayey ganacsiga, horumarinta iyo midnimada labada dhinac kaasi oo ka dhacay magaaladaasi, waxaana soo qaban-qaabisay kulankaani rugta ganacsiga iyo warshadaha Galmudug. Kulankaani ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka degmada Gaalkacyo ganacsatada odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada ee ku nool halkaasi. Deeqo Axmed Ducaale oo ka mida dadkii kulanka soo qaban-qaabiyey ayaa faafaahin ka bixisay muhiimadda kulanka uu u leeyahay ganacsatada Galkacyo. “Ujeedkeennu waxaa uu ahaa in la mideeyo rugta ganacsiga galmudug iyo Puntland si ay ganacsatadu uga qeyb qaadato xalka dib u heshiisiinta iyo in xal waara loo helo deegaanka”. Duqa degmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa soo dhaweeyay kulankaan looga hadlayey is dhexgalka gobolka. “ Waxaan aad iyo aad u soo dhaweyneynaa kulankaani ganacsatadu waa xubin muhiim ah waxaana looga baahanyahay in nabadda xageeda ay wax u riixaan “. Qaar ka mida ganacsatada magaalada Galkacyo ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan kulanka looga hadlayo midnimada ganacsiga isla markaana lagu horumarinayo ganacsiga gobolka. Goobjoog News Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan ka xiganay mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaanka Somalia waxaa dib u dhac ku imaaday Safar la sheegay in magaalada Muqdisho uu kusoo gaari lahaa Ex Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali. Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in Cumar C/rashiid oo iminka ku sugan dalka Isutaga Imaaraadka Carabta uu baajiyay Safarkiisa Muqdisho, isla markaana la filaayo inuu ka degi doono magaalada Garoowe ama Bosaso. Qorshaha Cumar C/rashiid ayaa ahaa in ilaa Khamiistii uu kusoo gaaro magaalada Muqdisho si uu usii guda galo Mooshinka iyo carqaladeynta Dowlada, balse wixii ka danbeeyay howlgalka lagu qaaday Hooyga C/raxmaan C/shakuur uu dib uga laabtay go’aankiisa Muqdisho. Ilo ku dhow dhow Cumar C/rashiid oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa inoo xaqiijiyay in isbedelkaan uu sabab u yahay baqdin xoogan oo soo wajahday maadaama mataankiisa CC Sharmaarke lagu dhaawacay Howlgalka. Dowlada Somalia ayaa Xildhibaan Cumar C/rashiid u aaneyneysa inuu ka danbeeyay keenista dhaqaalaha la doonaayay in lagu dumiyo Qaranka, isla markaana lagu qabtay howlgalkii ka dhacay Hooyga CC Shakuur taa oo ka badneyd 18 Milyan. Sidoo kale, Xildhibaan Cumar C/rashiid ayaa la sheegay inuu ku eedeysan yahay inuu lahaa fekerka isku xirka Xildhibaanada Mucaaradka iyo dowlada Imaaraadka carabta oo kawada siman mabda’a lagu carqaladeynaayo Qaranka. Dhinaca kale, Dowlada Federaalka ayaa weli ku guda jirta baaritaanka kiiska Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka kaa oo la sheegay inuu cagaha la galay shaqsiyaad badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog cusub: Ma dhabaa in Cumar C/Rashiid uu baqdin aawgii u joojiyay safarkiisa Muqdisho (Halkee ayuu kusii jeeda?) appeared first on Caasimada Online.
  10. Yuusuf Geelle oo ah Senator ka tirsan aqalka sare oo ka hadlayey xariga Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa sheegay in Soomaaliya loo celiyay meel ay ka soo tagtay isaga oo yiri “Sidaad la socotaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waa nin siyaasi ah waa nin ay ku filneyd in warqad loo geeyo oo la yiraahdo meeshaas imow arrinkaasi meeshii laga keenay dalka Soomaaliya iyo isku tanaasulkii tirada badnaa iyo meesha maanta loo celinayo waxaan is leenahay inaysan ku habooney” Senator Yuusuf Geelle oo sii hadlaya waxaa uu yiri” Arrinkaasi markaan maqalnay sidii ayaan weli u taagannahnay, waxaanu tagnay madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha anagoo ka codsannay in meydkii nalu ku wareejiyo ciidamadana guriga laga dulqaado, waxaan codsannay in muwaadinkaas nalu ku wareejiyo taasina ma dhicin. Ciidamada ammaanka ayaa xabsiga u taxaabay aroornimadii Isniinta siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur kadib markii amar laga soo saaray. Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatay xilliga uu howl-galka socday, 3 kale oo Cabdiraxmaan ku jiro ayaa sidoo kale ku dhaawacantay. Source
  11. Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay arimaha Musuq maasuqa iyo Hakadka la sheegay in Dowlada Mareykanka ay galineyso macaawinadii ay siineysay qaar ka mid ah ciidamada dowladda. “Arimaha Musuq maasuqa mar walbo si sahal ah ayaa dusha nalooga tuuraa, oo wixii xumaado anagaa nala dulsaaraa, arintii u dambeysay ee la leeyahay qaar ciidamadeena ka mid ah in macaawinadii la siinayay in hakad la gelinaayo waxaan idin sheegayaa anaga inaan isku tashano anaga inaan wax qabsano, dadkan Ajnabiga ee na taageera way mahadsan yihiin, ciidan geesiyiin ah ayaad tihiin waad soo halganteen wax kasta oo nalaga sheego, waxa weeye dadka u taagan dalkaan difaaciisa oo u diyaar ah inay ka saaraan cadowga umadda dhibaya intaas inay ku joogsato lama rabo, waxaa la rabaa dadka na caawinaya in kalsooni la galiyo” ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sidoo kale balanqaaday hadii hakad la galiyo taageerada la siiyo ciidamada in dowlada Soomaaliya ay ku dadaaleyso in aysan saameyn ciidamada oo Mushaaraadkooda iyo wixii kale oo ay u baahan yihiin ay helaan. “Waxaan cadeyneynaa in hadii wax hakad ah la galiyo anaga dowlad ahaan waxaan ku dadaaleynaa in hakadkaas la galiyay Boqolkiiba Shan Boqol aysan qofna taaban, oo mushaar haday tahay iyo wixii kale oo agab ah oo looga baahan dowlada wixii karaankeeda ah inaan keeno taas oo aasaas u ah inaan isku tashano, hadii la yiraahdo ciidan ayaa halkaan ka baxaaya waa inaan walwalin oo aan isku tashano” ayuu yiri Mudane Farmaajo. Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan saadkii ka Jartay Cutubyo ka Tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed sababo la xiriira Musuq-maasuq iyo wax isdaba-marin. PUNTLAND POST The post Farmaajo:-“Musuq maasuqa Mar Walbo Si Sahal ah Ayaa Dusha Nalooga Tuuraa”, appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay deegaanada maamulka Galmudug ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii qorsheysnaa ee lagu qaaday C/raxmaan C/shakuur iyo qaabka uu u dhacay weerarkaas. Xildhibaanada ayaa sheegay in marka hore uu weerarkaas ahaa mid aan xiligaan munaasib aheyn, isla markaana loogu gafay Siyaasiga iyadoo la heli karo in looga yeero xafiiska Xeer ilaalinta ama Maxkamada halka laga qaaday weerarka. Xildhibaanada waxa ay sheegen in dowlada Federaalka ah ee Somalia laga doonaayo inay sii deyso C/raxmaan C/shakuur, ka hor inta aan laga falcelin, waxa ayna cadeeyen inaan laga aamusi doonin falkaas. Mid kamida Xildhibaanada oo la hadlay Saxaafada ayaa yiri ‘’Waxaan ka simanahay in lasii daayo Cabdiraxmaan C/Shakuur. Waxaan qireynaa inaan nidaam loo marin xarigiisa waxaan fareynaa dowlada inay jawaab cad ka bixiso falka ay geysatay’’ ‘’Waxaan ku baaqeynaa oo aan ku celcelineynaa in lasii daayo C/raxmaan, isla markaana cadeyn nalaga siiyo sababta loogu xadgudbay’’ ayuu yiri. Waxa uu tilmaamay C/raxmaan uu xor u yahay inuu dhaliilo dowlada Federaalka, balse aanu suuragal aheyn in lagu xadgudbo xili uu ku sugnaa Hooygiisa. Waxa uu sheegay in arrintaan aawgeed ay dib u furi doonaan fadhiga baarlamaanka iyadoo laga jawaab celinaayo waxa uu ku sheegay khaladka ay ku dhacday dowlada Federaalka. Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa isku raacay in guddoonka Golaha Shacabka ka codsanayaan in si deg deg ah loo furo kal-fadhiga baarlamaanka Golaha Shacabka si looga hadlo xaaladaha soo kordhay. Dhinaca kale, dowlada Federaalka ayaa dhankeeda ka xaqiijisay kiiska ay u xirtay C/raxmaan C/Shakuur, isla markaana ugu weerartay Hooygiisa, xili ay la joogeen Xildhibaano dhowr ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Galmudug oo baaq u diray DFS (Muxuu yahay?) appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maalintii labaad xiran inta badan waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho oo qaarkood lagu soo daadiyay ciidamo cusub oo ka kala tirsan Booliska iyo NISA. Ciidamada ayaa waddooyinka u diidaaya Gaadiidka waxa ayna ku wargalinayaan inay maraan waddooyinka qaar ee gala Xaafadaha magaalada. Wadooyinka maalintii labaad ay xireen ciidamada ayaa waxaa ka mida wadada gasha Garoonka Diyaaradaha, Tarabuunka, Isgooyska Farolonsa iyo qeybo kamid ah Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan. Ciidamadan ayaa gaadiid dhif ah weydiinaaya aqoonsi, waxa ayna tani kusoo beegmeysaa xili shalay ay Tarabuunka dhoobteen ciidamo ka tirsan Militeriga oo qaswday. Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo xiray waddooyinka magaalada Muqdisho, wallow ciidamada qaar ay sheegayaan in amarka xiritaanka uu yahay mid guud, isla markaana uu socon doono muddo 3 maalin ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho oo xiran maalintii labaad & Ciidamo cusub oo lasoo tubay appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ugu baaqay inay la imaadan qorsho lagu wajahaayo duulaanka ka dhanka ah al-Shabaab. Madaxweynaha waxa uu Saraakiisha faray inay u diyaar garoowan dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka al-Shabaab, iyadoo la adeegsan doono qaabab ka duwan kuwii lagu duulaan tagi jiray. Waxa uu Saraakiisha u sheegay in maslaxada dalka ay tahay mid ku jirta in weerar jihooyin badan leh lagu qaado dhammaan Saldhigyada ay Shabaabka ku leeyihiin Gobolka Shabellaha Hoose iyo Gobolada kale. Wuxuu sheegay Shabaab mar walba in ay soo qaadan dagaal iyo weeraro, maalin walbana ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, taas bedelkeeda ayuu sheegay in Ciidanka xoogga dalka markan wixii ka dambeeya ay noqdaan kuwo dagaalka qaada. Farmaajo waxa uu tilmaamay in 8-da bilood ee Xukuumadda ay jirto in wax badan la qabtay, howlo kalena ay harsan yihiin, wuxuuna saraakiisha ka dalbaday in ay adkeeyaan shuruucda Ciidamada. Weerarka ka dhanka ah al-Shabaab ayuu sheegay inay ku wehlin doonaan Saraakiil iyo ciidamo ka kala tirsan Mareykanka iyo AMISOM, si looga takhluusiyo rajada ay al-Shabaab ka qabto inay kusii nagaato Somalia. Dhinaca kale, Farmaajo oo shalay booqasho ku tagay xarunta Wasaaradda Difaaca, ayaa hoosta ka xariiqay inay wax ka bedeli doonaan hawlgalada lagula dagaalamayo Shabaabka, oo sida uu qiray ay Shabaabku markastaba weerarada soo qaadaan, halka iyaguna ay difaac yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo mar kale ku dhawaaqay dagaal & Taatikada duulaanka ka dhanka ah Shabaab oo la bedelay appeared first on Caasimada Online.
  15. Kenya ayaa mar kale ka hadashay kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyo jawaabta ay arrintaasi ka bixisay. Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai ayaa sheegay in weli Kenya ay ka taagan tahay kiiska muranka badda eek ala dhaxeeya Soomaaliya meeshii ay horay uga taagneed. Githu Muigai waxaa uu intaasi ku daray in ay Kenya rumeysan tahay in wadahal wax lagu xaliyo oo aan maxkamad loo baahneen. “Mowqifkeenna waxaa uu ku jiraa heshiiska qaramada midoobey ee xeerka badaha iyo heshiisyo kale oo caalami ah iyo sidoo kale heshiisyada ay gaareen dalalka Afrika tan iyo 1964tii. Soomaaliya iyo Kenya ayaa 3dii sano ugu dambeysay ku murmayey badda, Soomaaliya ayaa sheegeysa in Kenya ay xoog ku heysato dhul uu shidaal ku jiro, oo ah xadka labada dal ee dhanka badda. Source
  16. Dowladda Mareykanka ayaa adeegsatay codka Vitowga(“veto power” ) ee golaha ammaanka si meesha looga saaro mashruuc go’aameed ay soo gudbisay Masar oo lagu ridinayey go’aankii madaxweyne Donald Trump ee aqoonsiga Qudus ee caasimadda Israel. Dowlado dhan 14 dowladood ayaa taageertay go’aankii ay soo gudbisay Masar, kuna saabsanaa in dowladahaani aysan u rarin safaaradahooda magaalada Qudus. Balse dowladda Mareykanka waxay adeegsatay codka Vitowga waa ayna diiday. Diblomaasiyadda Mareykanka u fadhisa qaramada midoobay Nikki Nimrata Haley ayaa ku tilmaantay codeyntaan inay tahay mid ihaano ah. Goobjoog News Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadashay sababta loo xiray siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaas oo wali xiran. Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow iyo xeer illaaliyaha guud Axmed Daahir ayaa laga akhriyay war qoraal ah oo lagu faahfaahinayo sidii ay wax u dhaceen. Afhayeenka wasaaradda amniga Cabdicasiis Cali Ibraahim, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay dhameystiri doonto kiiska lagu baarayo danbiyada loo heysto C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaanada kale. Wasaarada oo kaashaneysa macluumaad ku aadan kiiska lagu oogay Siyaasiga, ayaa tabaneysa dhowr qodob oo muujinaaya in C/raxmaan C/shakuur loo adeegsanaayay burburka dalka, isagoo eeganaayay dhaqaale oo qura. Dowlada Federaalka ayaa si gaara C/raxmaan C/shakuur ugu eedeysay dhowr qodob, waxaana sidoo kale jira eedeymo kale oo ay qarineyso dowlada. Eedeymaha hoose oo ay qarineyso dowlada ayaa waxaa kamid ah: 1-In dhanka maaliyada uu u qaabilsanaa mucaaradka garabka Cumar C/rashiid, isagoo loo adeegsanaaya dowlada. 2-In Wasaarada amniga loo gudbiyay muuqaal laga duubay CC Shakuur oo lacago gudoonsiinaaya Xildhibaano hirgalin lahaa qorsho lagu carqaladeynaayay dowlada. 3-In qaab aan munaasib aheyn uu uga falceliyay dacwad loo gudbiyay oo looga dalbanaayay inuu kusoo gaaro mid kamida xarumaha Hay’adaha amaanka, taa oo markii danbe dadajisay in Hooygiisa lagu weeraro. 4-In hanjabaado aan munaasib aheyn uu u diray mas’uuliyiin gaara oo xilal sare ka haya dowlada kuwaa oo ku howlanaa xalinta xiisada CC Shakuur kala dhexeysay. 5-In Sirta Qaranka iyo natiijooyinka kasoo baxaaya talaabooyinka lagu dhabar jabinaayay Qaranka uu si toosa ula wadaagayay Safaarada Imaaraadka ee ku taala magaalada Muqdisho, halkaa oo la sheegay inay Saldhig u noqotay goob ay Siyaasiyiinta mucaaradka ku iibiyaan sirta Qaranka. Xeer ilaaliyaha ayaa saacadihii ugu danbeeyay Wasaarada Amniga la wadaagay dhammaan cadeymaha ‘’Qaran dumiska’’ ee loo heysta CC Shakuur, Xildhibaan Xasan Macalin iyo Saabir. Sidoo kale, Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Daahir ayaa sheegay in aysan jirin cid sharciga ka saraysa, islamarkaasna socoto baaris daah furnaan ah oo “ay cid kasta ku qanci doonto” sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale, warbaahinta lama tusin Cabdiraxmaan ama wax sawirro ah oo muujinaya muuqaalkiisa tan iyo intii la xiray, balse waxa ay mas’uuliyiinta sheegeen in uu badqabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog cusub: Maxaa kala soctaa 5-ta Qodob ee loo sababeynaayo weerarka & Xariga CC Shakuur ee dhiiga ku daatay (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garad Cumar ayaa mudo Saacado kadib waxa uu ka hadlay weerarkii Hoyga Cabdirxmaan Cabdi Shakuur isaga oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkaas. Wr Qoraal ah uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ugu baaqay cid alaalla iyo cidii uu saameeyay weerarkii dhacay iyo khasaaraha ka dhashay in ay isdejiyaan. “Waxaan ehelkooda uga tacsiyeynayaa wiilasha ilaalada u ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xalay ku dhintay gacanta ciidammada ammaanka ee Dowladda. Waxaan leeyahay Allah ha u naxariisto, qoysaskooda iyo ehelkoodana Samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo. Waxaan ehelka wiilasha, ehelka Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo dadweynaha Muqdisho ee howlgalkii xalay uu toos ama si dadban u saameeyay ugu baaqayaa degganaan. Dhib iyo gef kasta oo la tirsanayo waxaan ku baaqayaa in xalkooda lagu doono dariiq sharciga waafaqsan” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Yuusuf Garaad oo ka hadlay weerarkii Hoyga C/Cabdishakuur iyo Khasaarihii ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre oo kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka ayaa ka digay in la dayaco amniga iyo mas’uuliyada ka saran difaaca dalka. Kheyre waxa uu Saraakiisha ku amray inay gutaan waajibaadkooda, waxa uuna uga digay inay ku lug yeeshan Siyaasadaha iska soo horjeeda ee ka taagan dalka. Waxa uu uga digay in Sarkaal waliba lagula xisaabtami doono qeybta uu mas’uulka ka yahay waxa uuna u cadeeyay in Hay’adaha amaanka aysan xiriir la laheyn arrimaha khabiilka iyo Siyaasad waliba oo ka jirta dalka. Howsha Hay’adaha iyo Saraakiisha amaanka ayuu sheegay inay tahay keliya wixii ku xeeran amniga dalka iyo inay gutaan waajibaadkooda. Kheyre waxa uu Saraakiisha uga digay laba qodob oo inta badan dhaqan u noqday Hay’adaha iyo Saraakiisha amaanka kuwaa oo kala ah: 1-Inaan howsha Qaranka loo dayicin howlo gaara oo la xiriirta dano qabiil ama mid shaqsiyadeed. 2-In Sarkaal waliba si joogta ah lagula xisaabtami doono howsha loo igmaday ee dhanka amaanka, isla markaana la doonaayo in xisaabta uu ku darsado in talaabooyinka khaldan uu ku muteysan doono ciqaab. Kheyre waxa uu sheegay in dhawaan ay waxbadan ka bedeli doonaan xaaladaha uu ku jiro dalka, waxa uuna cadeeyay inay dareemayaan inay jirto tabashooyin badan oo ay muujinayaan Talisyada ciidamada balse la doonaayo in loo sabro xaalada jirta. Sidoo kale, Kheyre waxa uu ku baaqay in Saraakiisha ay ciidamada culeyska ku saran inay la dhaqmaan dadka shacabka oo ay sugayaan amnigooda. Haddalka Kheyre waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo Madaxweynaha dalka uu ku goodiyay la xisaabtanka cid waliba oo ka tirsan Hay’adaha amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kheyre oo saraakiisha Hay’daha amniga uga digay 2 arrin oo dhaqan ka noqotay dalka (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay wararku sheegayaan waxaa cabsi weyn ay lasoo daristay Siyaasiyiinta sida aadka ah kaga soo horjeeda dowlada Federaalka ah ee Somalia. Siyaasiyiinta qaar ayaa la sheegayaa in cabsi aawgeed ay kaga carareen Hooygooda kadib markii dowlada Federaalka ah ay bilowday inay weerar ku qaado guryaha ay degan yihiin mucaradka. Siyaasiyiinta baqdinta uga cararay Hooygooda ayaa deegaan ka dhigtay Hoteelada waaweyn ee magaalada, gaar ahaan kuwa sida aadka ah loo sugay amnigooda. Mid kamid ah Siyaasiyiinta xisbiga Wadajir ee mucaaradka ah ayaa xaqiijiyay in weerarkii lagu qaaday C/raxmaan C/shakuur uu qalqal galiyay Siyaasiyiinta kale. Waxa uu Siyaasigaan qiray in qaarkood ay baqdin uga carareen Hooygooda isla markaana ay dageen Hoteelada, waxa uuna ku baaqay in la tixgaliyo fikirka mucaaradka. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Siyaasiyiinta ay ku jiraan kuwo aan ka bixikarin Hoteelada sababo la xiriira cabsi dhanka dowlada ah, waxa uuna taa ku micneeyay mid lagu dhabar jabinaayo Mucaaradka. Si kastaba ha ahaatee, cabsidaan ayaa soo ifbaxday wixii ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday Hooyga C/raxmaan C/shakuur ee uu ku daatay dhiiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Siyaasiyiinta Mucaaradka oo faarujiyay guryaha ay ka deganyihiin magaalada Muqdisho (Sababta) appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goor-dhaw soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad ay Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka ku soo oogtay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kaasoo habeen hore ciidamada amniga Dowladdu ay gurigiisa ku weerareen kana soo qabteen. Xeer-ilaalinta ayaa ku eedeysay C/raxmaan C/shakuur dambiyo ay ka mid yihiin, Qiyaano qaran, Inqilaab iyo kuwa kale, laakiinse Maxkamadda ayaa dalbatay in caddeeymo loo keeno eedeymahaas. iyadoo la diiday in damiin lagu sii daayo siyaasigan oo weli ku xiran xabsiga NISA ee Muqdisho. Sidoo kale, XeerIlaalinta ayaa la sheegay inay dalbatay in muddo shan casho ah loo siiyo inay ku keento caddeymaha dacwadda loo haysto siyaasigan oo si aad ah u dhaliila xukuumadda hadda jirta. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ka diiday dalabka Xeer-ilaalinta, waxaana uu u qabtay in muddo 24-saac gudahooda h ay ay kusoo gudbiyaan caddeymaha ay u hayaan eedeynta siyaasigan. Dhanka kale, C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa u doodayay Qarreenno, kuwaasoo Maxkamadda ka sheegay in qaabkii loo maray xarigiisa ay ahayd mid sharci darro ah. Ugu dambeyn, Arbacada Berri ah ayaa lagu wadaa in Maxkamadda la isugu soo noqdo, iyadoo laga sugayo Xee-ilaalinta Qaranka inay caddeymo u keento eedeymaha ay ku soo oogtay C/raxmaan C/shakuur. PUNTLAND POST The post C/raxmaan C/shakuur oo Maxkamad lasoo taagay iyo Caddeymo dheeraad ah oo la dalbaday appeared first on Puntland Post.
  22. Dowladda Maraykanka ayaa Codka qayaxan u adeegsatay qaraar ay Masar soo diyaarisay oo ku saabsan go’aanka madaxweyne Donald Trump ee magaalada Qudus,kaasoo la horkeenay Golaha Amniga Qaramada Midoobay. Qaraarkan qabyo-qoraalka ah oo dhigaya in“waxba kama jiraan” laga soo qaado go’aankii maadxweyne Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil,ayaa waxaa taageeray 14-ka xubnood ee kale Golaha Amniga. Xubnaha ayaa si wadajir ah u sheegay in xalka Israa’iil iyo Falastiin ku jiro wada-hadal,si loogu guulaysto in ay nabad ka dhalato labada dhinac,waxayna ku baaqeen in la ixtiraamo baaqyada caalamiga ah ku aaddan arrimaha Qudus,inkastoo aysan magacaabin madaxweyne Trump. Laakiin safiirka dowladda Maraykanka ee Qaramada Midoobay,Nikki Haley ayaa weerar afka ah ku qaadday 14-ka xubnood ee kale Golaha Amniga,waxayna taageeradooda ku tilmaantay“bahdil lama illaawaan ah”. Haley ayaa tiri”ma aqbalaynno in naloo yeeriyo halka aan safaaradda ka dhiganeyno”. PUNTLAND POST The post Dowladda Maraykanka oo codka veto u adeegsatay qaraarkii Qudus. appeared first on Puntland Post.
  23. Militariga Maraykanka ayaa sheegay in 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen ,hal gaarina ay ku burburiyeen duqeyn ay dalka Soomaaliya ka fuliyeen maalintii jimcaha ee todobaadkii tegay. Qoraal uu Galabta soo saaray Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu caddeeyey in aan wax rayid khasaare ka soo gaarin duqeyntaas oo ka dhacday meel 30 mile waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo. Taliska ayaa sheegay in Ciidanka Mareykanka ay sii wadi doonaan in ay isticmaalaan “dhammaan tallaabooyinka la ansixiyay iyo kuwa ku habboon” si loo ilaaliyo muwaadiniinta Mareykanka loona joojiyo khataraha argagixisada. Maamulka Madaxweyne Trump ayaa bishii April ee sannadkaan ballaariyey hawlgallada ka dhanka ah mintidiinta xagjirka ah ee Soomaaliya,taasoo qayb ka ahayd ballan qaadkiisi ahaa dagaalka argagixisada. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo sheegay in uu laayey xubno ka tirsan Al-shabaab. appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay dowlada Federaalka ah ee Somalia weerar ku qaaday Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, ayaa waxaa arrinkaasi maanta ka hadlay Xildhibaano ka tirsan BFS. Kulan ay Xildhibaanada qaar ku yeesheen mid kamid ah Guryaha ay ka dagan yihiin magaalada Muqdisho oo aan la shaacin ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah. Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed oo kamid ahaa Xildhibaanada kulmay isla markaana u hadlaayay Xildhibaanadaasi ayaa sheegay in kulanka laga soo saaray go’aamo lid ku ah dowlada. Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed oo ku hormaray arrinta ku aadan xariga C/raxmaan C/shakuur ayaa yiri “Xildhibaanada markii ay isla fiiriyeen, isla qiimyeeyeen, sidii ay wax u dhaceen, dariiqada loo maray warqadii shalay iyo weerarkii xalay, waxaa u soo baxday: “Si aan leex-leexad laheyn waxaa u cambaareynayaan weerarkii xalay loo geystay guriga siyaasiga Cabdiraxmaan , weerarkaas oo 6 qof oo gabar iyo 5 wiil ku dhinteen, oo aan waxba galabsan, 3 qof oo Cabdiraxmaan ku jira lagu dhaawacay, isla markaana cabdiraxmaan oo dhaawac ah xabsiga loo taxaabay” Waxa uu intaa raaciyay “Weerarka gurigiisa lagu qaaday, oo ay NISA qaaday sida naloo sheegay, booliiska xagiisa aan ka imaanin, waxaa ay u arkeen Xildhibaannadu in ay tahay sharci-darro, in ay tahay khalad siyaasadeed, in xuriyadda ra’yiga, in uu cabiro ra’iyigiisa iyo sida uu aaminsan yahay, aragti ka soo horjeeda oo qaldan ayey u muuqatay, Xildhibaannada waxaa ay codsanayaan in Cabdiraxmaan xuriyadiisa dib loogu soo celiyo, sida ugu dhaqsiyaha badan’’. Xildhibaanka waxa uu intaa kadib sheegay in qodobada laga soo saaray shirka uu ka mid ahaa qodob ku saabsan arrinta xasaanadda iyo barista Xildhibaannada: Xildhibaan Xasan Macalin Maxamud iyo Xildhibaan Cabdisabir Nuur Shuuriye. “Labadii Xildhibaan ay shalay laga soo saaray decoments-ka, oo iyada oo aan la maxkamdeynin, oo xasaanaddii laga qaadin, uu ku dhawaaqay xeer-ilaaliyaha qaranka in ay dambiilayaal yihiin, iyagana in aan u arko in ay sharci darro tahay qaabka uu u wajahay xeer ilaaliyaha, labada xildhibaan ee la soo saaray waa Xildhibaan Xasan Macalin Maxamud iyo Xildhibaan Cabdisabir Nuur Shuuriye.’’ Iyagoo taa ka duulaaya ayey guddoonka ka codsadeen in golaha shacabka dib loo furo“Xildhibaannada waxaa ay isla garteen in baarlamaanka guddoonkiisa laga codsado in dib loo furo shirkii golaha shacabka, ajendayaashan iyo waxan soo kordhana dib looga hadlo.” Dhinaca kale, arrinta ugu dambeyso ee laga hadlay waa shirarka la diiday“Shirkii Jaraa’id ee manta waxaa lagu sheegay in Hotelada aan shir lagu qaban Karin, taa oo ay u arkeen Xildhibaannadu xuquuqda muwaadinka oo xad-gudub lagu sameynayo. In dadka sharafkooda iyo dhaqaalahooda ay dhaawac ku tahay, waxaa ay codsanayaan in tilaabadaasi aan waafaqsaneen sharciga laga laabto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaano ku kulmay Muqdisho oo qodobo kasoo saaray weerarka CC & Go’aanka lagu mamnuucay Shirarka (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.