Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,091
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo yaqaan ‘’Africom’’, ayaa war kasoo saaray duqeyn cirka ah oo ay ku qaaden degaanka Beerxaani oo dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose. Deegaanka la duqeeyay ee lagu magacaabo Beerxaani ayaa 60km dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo, waxaana halkaa ku sugnaa Horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsan al-Shabaab. Warbixinta Taliska ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan isla markaana laga gaaray dantii laga lahaa, sida lagu sheegay warbixinta. Taliska waxa uu sheegay in weerarkaas aan lagu waxyeeleyn qof shacab ah, waxaana ujeedka rasmiga ah lagu sheegay ka hortaga weeraro argagixiso oo laga qorsheynayay degaankaas iyo in dowlada Somalia iyo AMISOM ay kala shaqeeyaan amaanka. Warbixinta Taliska ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay 8 xubnood oo ka tirsan al-Shabaab, sidoo kalena ay ku burburiyeen Gaari dagaal. Warbixinta kasoo baxday Taliska Mareykanka ee Africom ayaa kusoo beegmaya xili saraakiisha Ciidamada dowladda ay sheegeen in duqeyntaasi lagu dilay Saraakiil ka tirsan al-Shabaab. Dhinaca kale, waxaan jirin wax war ah oo kasoo baxay al-Shabaab oo ku aadan Khasaaraha dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay gaarsiisay maleeshiyadooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mareykanka oo warbixin kasoo saaray Tirada al-Shabaabka lagu dilay duqeynta Beerxaani & Gaadiidka laga gubay appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Puntlandi) Xulka kubada cagta Jubbaland ayaa sannadkii labaad oo is xiga ku guulaystay inay Final ama kama dambeys gaaraan tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kadib markii ay galabta kasoo guulaysteen kooxdii koonfur galbeed. Ciyaarta labadaan kooxood dhexmartay oo ahayd mid awood sheegasho ah, ayaa xulka Jubbaland waxay labo iyo eber ku garaaceen kooxda Koonfur galbeed oo sannadkaan naawilaysay inay meel sare ka gaarto tartanka. Markii ay dhammaatay Ciyaarta ayaa Ciyaartooyda Jubbaland iyo Taageereyaashooda waxaa ay bilaabeen Dabaaldagyo ku aadan Guusha Muhiimada leh ee ay galabta ka gaareen Kooxda Koonfur galbeed. Jubbaland ayaa maalinta jimcaha oo ay taariikhda ku beegan tahay 22 bisha december waxay kulanka kama dambeysta ah la ciyaaridoonaan kooxda kubada cagta ee Puntland oo koobkaan difaacanaysa, kooxdaas oo maalintii shalay soo garaacday kooxda Banaadir. Puntlandi.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo habeen hore ay xabsiga u taxaabeen Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa galabta lasoo taagay xarunta maxkamadda gobolka Banaadir ee Muqdisho. Keenista Cabdiraxmaan ee maxkamadda ayaa dhacday, ayada oo la eegayo sharciga dhigaya in muwaadin aan wax shuruud l’aan xabsi lagu hayn kairn, haddii aan maxkamad lasoo taagin. Waxaa inta badan maxkmaadda ku wehliyey qaar ka mid ah xildhibaanada beesha Habar-Gudir oo tagey iyo siyaasiyiin kale oo ka mid ah xubaha ay aadka isugu dhow yihiin. Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale la sheegay iuu joogay maxkamadda. Warar aan ka helay maxkamadda ayaa sheegay in Cabdiramxaan Cabdishakuur uu diiday in dammaanad lagu sii daayo, isaga oo ku adkjeystay in toos loo soo daayo ama dambi lagu caddeeyo. Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Xeer Ilaalinta ay dooneyso in muddo dheeraad ah loo siiyo baaritaanka, isla markaana maalmo xabsiga lagu sii haayo, si kiis rasmi ah loogu soo oogoo. Xeer ilaalinta ayaa codsata 5illaa 7 maalmood oo dheeri ah, waxaase la siiyye kaliya saddex maalmood, si aan xogta ku helnay. Xaalado siyaasadeed ayaa ka dhashay xariga C/raxmaan C/shakuur iyo weerarkii habeen hore lagu qaaday hoygiisa, waxaana magaalada Muqdisho ka jiray dareen amni iyo mid siyaasadeed oo aan kala joogsi laheyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post CC Shakuur oo maxkamad lasoo taagay galabta iyo hal arrin oo uu iska diiday appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,ayaa Maanta magaalada Nairobi ku marti-qaaday madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka kenya. Labada Hoggaamiye ee kulmay ayaa ka wada-hadlay qodobo ay kamid yihiin xiriirka laba-geesoodka ah ee Kenya iyo Uganda,arrimaha gobolka,dhaqaalaha iyo maalgeshiga. Sidoo kale waxay isla-gorfeeyeen arrimaha ku saabsan xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya,iyagoo bogaadiyey hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ay ku tilmaameen“mid kaalin weyn ka qaatay soo celinta amniga iyo xasiloonida Soomaliya”. Labada madaxweyne ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay mudnaanta siiso dhismaha ciidan qaran oo la wareega amniga dalkooda,markii ay baxaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa goobta kaga dhawaaqay in uu shir-guddoomin doono kulan ay isugu imaanayaan taliyaasha Ciidamada dalalka ay ku midaysan yiihiin AMISOM,kaasoo looga arrinsanayo horumarka laga sameeyey dagaalka Al-shabaab. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda oo baaq wadajir ah u diray Dowladda Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  5. https://youtu.be/Ch770gKoi1M
  6. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa la xiri karaa, waa la maxkamadeyn karaa, waana la xukumi karaa oo waa muwaadin Soomaali ah, mana jiro qof sharciga ka weyn. Cabdiraxmaan looma xiri karo amar Dowladd shisheeye ka yimid oo waxaa ay taasi sharaf dhac ku tahay qayimka Soomaalidda, TV-ga Al-Jazeera ee Qatar wuxuu yiri Somalia waxey qabatay siyaasi xiriir laleh Emirate-ka wuxuuna ku tilmaamay guul, marka hadii xariga Cabdiraxmaan uu Qatar guul u yahay waa qiyaano laga galay ummadda Soomaaliyeed. Cabdiraxmaan 1:00 habeenimo in gurigiisa loo daato ,askartiisiina la laayo xaq uma lahan muwaadin ahaan, sidoo kale qaanuunka Somalia u dagsan waa kasoo horjeedaa in xiligaas qof muwaadin ah gurigiisa la galo, maalin cad ayaa loo tagi karay oo loo geyn karay hadii ay jirtay warqad lagu soo xiraayo ,sidoo kale in gurigiisii la baarto oo wixii yaalay la qaato waa gaf kale. C/raxmaan waxaa igu maqaalo ah inuu diiday cuntadii Dowladdu u keentay sidaa darteed loo keenay cunto ay ehelkiisa iyo dad uu ku kalsoon yahay ay u keeneen. Su’aalo weydiintiisa waxaa xaq uleh sirdoonka Somalia, warar ayaa sheegaya in sirdoon Qatar u dhashay loo geeyay oo ay wareysteen taasina waa niyad jab hadii ay dhacday, inkastoo Villa Somalia oo aan la hadlay ay arintaas beenisay. Kulankii Ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaanadda Hawiye ee loo fadhiyay xalay ilaa saakay waxaa lagu go’aamiyay in arinta C/raxmaan loo dhaafo Ra’iisul wasaare Kheyre, xildhibaan Dhagey Geele iyo xildhibaan C/laahi Goodax Bare. C/raxmaan Cabdishakuur oo Soomaali British ah waxaa igu maqaalo ah in ragii duulanka ku qaaday gurigiisa iyo naftiisa iney hadda diyaarinayan Documents been abuur ah oo ay rabaan iney sabab uga dhigaan xarigiisa, inkastoo ay dadku ka dharagsan yihiin in lagu heysto afkaartiisa oo kulul. Yuusuf Indhacade oo ay qaraabo yihiin C/raxmaan Cabdishakuur ayaa saakay tagay Muqdisho isagoo kasoo dhoofay Kampala markii uu casuumay madaxweyne Farmaajo, lagama garanaayo waxa uu doorkiisu noqon doono laakiin waxaa loogu yeeray arintaan taagan. Dowladda Somalia oo dareemeysa iney culees badan iyo fadeexad kala kulantay arintaan ayaa ka codsatay waaxda garsoorka in la dadajiyo kiiska C/raxmaan Cabdishakuur. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa la xiri karaa laakiin rabitaan shisheeye in lagu xiro Somalia waa ku ceeb appeared first on Caasimada Online.
  7. Riyadh (Caasimadda Online) – Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay in ay qabteen gantaal caan ka sameysan oo ku sii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga dowladda Sacuudiga. Telefishinka Sacuudiga ayaa sheegay in Gantaalkan lagu bur buriyay hawada, intii uu ku soo socday magaalada Riyadh. Goob joogayaal ayaa sheegaya in qiiq iyo uuro cirka laga arkayay, markii gantaalka hawada lagu bur buriyay. Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo garanayo Burkan-2 ay u rideen dhanka qasriga Yamama. Bishii la soo dhaafay, gantaal kaa la mid ah ayaa ku dhowaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh. Xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa wali wada dagaalka ka dhan ah Kooxaha Xuutiyiinta ee maamula magaalada Sanca iyo qeybo ka mid ah dalka Yemen. Iraan ayaa beenisay in ay hubeysan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta oo dagaal kula jira isbeheysiga Sacuudiga iyo dowladda Yaman tan iyo 2015-kii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sacuudiga oo hawada ku burburiyey Gantaal Xuutiyiinta Yemen ku soo rideen Riyadh appeared first on Caasimada Online.
  8. Dowladda Kenya ayaa shalay ka jawaabtay kiiska dacwad badeedka ay Soomaaliya hor-dhigtay maxkamadda cadliga adduunka ee Hague, Netherlands. Dacwada ayaa ku saabsan in la xadeeyo badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee badweynta Hindiya, iyada oo la oogay 28 August 2014. Kiiskan, Soomaaliya waxaa ay rabtaa in xadka noqdo “equidistant line” oo masaafo simman loo jirsado. Sida ay Kenya ku doodeyso in xadka badda ee Soomaaliya kala dhaxeeya uu yahay qaab u sameysay (along a parallel of latitude) ama khad balac ah taas oo leeyihiin waxaa ay ku soo baxday Dekereeto madaxweyne markii ugu horeysay 1979 iyo mar kale 2005. Kenya waxaa ay sheegtay in uu muranka bilowday markii Kenya ka codsatay Qaramada Midoobey xaqeeda Continental Shelf 2009-kii, ee ka baxsan biyaha 200 Mayl. Soomaaliya ayaa dacwada badda bilowday 2014-kii, iyada oo dacwada hadda gaartay maxkamadda cadliga adduunka Kenya waxaa ay ku doodeysaa in dhul badeedka lagu muran-san yahay ay ka sameyn karto roondo, kaluumeysi, cilmi-baaris la xiriirta badda iyo in ay ka qodi karto nafto iyo gaas. ” Iyada oo Kenya xushmeyneysa kaalinta muhiimka ah ee maxkamadda cadliga adduunka ee xalinta murannada iyo horumarinta nabadda hadana Kenya waxaa ay rumeysan tahay in uu yahay xalka keliya ee muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya”Sidaasi waxaa yiri Githu Muigai Muigai waxaa uu intaasi ku daray in ay Kenya sii wadi-doonto taageerada ay siiyo Soomaaliya balse ay Kenya xuduudaheeda ka difaaci-doonto wax walbo oo dhib ah. Maxaa La Isku Heystaa? Dalka Kenya ayaa ku doodaya lahaanshiyaha dhul badeed lagu qiyaasay ilaa 100,000km2 oo ku dhaw berriga Soomaaliya, halka Soomaliyana ay isla dhulkaas sheeganeyso in ay biyaheeda ka mid yihiin. Dhulkan la isku heysto ayaa la sheegay in ay ku jiraan Gaas iyo Saliid, dowladda Kenya ayaa dhulkaas heshiis kula gashay shirkado shisheeye in ay ka baaraan shidaal, ilaa 44 jeer ayaa Gaas iyo Saliid laga baaray goobtaas lagu murnasan yahay, shirkadaha baaritaanka ka sameeyay ee Kenya ay heshiiska la gashay waxaa ka mid ah Total, Eni iyo PanContinental. . Soomaaliya ayaa ka carrootay heshiisyada dalka Kenya iyo shirkadaha shidaalka la gashay ee baddeena lagu baaryo, waxaa ay dacwad u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka, labada dal ayaa isla gartay in koox weliba ay dacwadeeda hordhigto qareennada maxkamadda cadliga adduunka. Soomaaliya ujeedadeeda waa in la xadeeyo badda iyo dhulka ku dhaw halka Kenya ay dooneyso in sameeyo xariiqin badda ah. Goobjoog News Source
  9. Guddoomiyaha hey’adda cilmi -baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Gaas Faarax Axmed Qare ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku guuleysan-doonto muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Faarax ayaa tilmaamay in dowladda Kenya markey gudbisay jawaabtii laga sugayey December 17 ka dib ay tahay inay guuleysan doonto dowladda Soomaaliya . “Dacwadii waa ay socotaa go’aanka dacwada waxaa uu ahaa Kenya inay keento Disember jawaabtii ay ka bixineysay dacwadii Soomaaliya ay u gudbisay maxkamadda iyada ayaa laga sugaa waxay ku jawaabto dacawada waxaan rajeyneynaa inaan ku guuleysanno maxaa yeelay xaqbaan leenahay”. Dhanka kale Admiral Gaas Faarax Axmed Cumar Qare waxaa uu sheegay in maamul goboleedyada dalka aysan wax awood ah aysan u laheyn inay bixiyaan shatiyada kalluumeysi ee la siiyo hay’adaha ajaanibta ah. “Shatiga kalluumeysiga ah ee la siiyo ajanabiga dowladda dhexe kaliya ayaa bixin karto “. Hadalkaani ayuu ka sheegay Admiral Gaas Faarax Qare kulan looga hadlayey sidii looga faa’ideysan lahaa qeyraadka ku jira biyaha Soomaaliya gaar ahaan xeebaha waxaana kulankaani ka qeyb galay dad aqoon u leh sida looga faa’ideysto qeyraadka ku jira badda. Source
  10. Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland ka furmay madasha wada-xaajoodka arrimaha maaliyadda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Wasiirka Wasaaradda maaliyadda oo furay shirka ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in uu maanta si rasmi ah u furmay shirkaas. “Waxaa saaka magaalada Kismaayo noogu furmay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee Maamul Gobaleedyada taas oo ah horumarinta dhaqaalaha iyo canshuuraha so gela sidii kor loogu qaadi lahaa” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Shirka ayaa u dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Wasiirada Maaliyadda ee maamul goboleedyada dalka, waxaana shirka uu ku saabsan yahay mideynta canshuuraha, kobcinta dhaqaalaha iyo dakhliga dalka. Wasiirada maaliyadda ee dowaladda federaalka iyo maamul goboleedyada Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa laba mar oo hore sidan oo kale ugu kulmay magaalada Garowe iyadoo kulamadaasi ay kasoo saareen qodobo ay isla garteen labada dhinac. “ Waxaa maanta sharaf weyn noo ah hadaan nahay maamul goboleedka galmudug inaan ku qabano shirkii looga hadlayey horumarinta maaliyadda iyo mideynya canshuuraha ee Soomaaliya, shirkaan waa kii saddexaad oo nuucaan oo kale ah waxaana ka horreyay kuwii muqdisho iyo garoowe uuna heshiis dhaxal gal ah uu ka soo baxay”. Goobjoog News Source
  11. Waxaa maanta Muqdisho lagu soo gagababeeyay shirweynaha Qaran ee siyaasadda dhallinyarada Soomaaliyeed, kaas oo furmay 17-kii bishan. Hadaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasha la wadaageysaa war murtiyeedka oo dhameystiran. In si wada jir ah looga qeyb qaato dhaqan galinta siyaasada qaran ee dhalinyarada. In la howl-geliyo golaha dhainyarada qaran KMG ah,si uu unoqdo meel ay hogaamiyaasha dhalinyarada ku sameeystaan, kuna bartaan hogaaminta wanaagsan looguna olaleeyo danaha dhalinyarada Soomaaliyeed. In dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo. In loo sameeyo kulamo joogta ah si loo xoojiyo iska warqabka dhalinyarada loona helo dhalinyaro u ababulan horumarka dalka. In dhalinyaradu hesho adeegyada aasaasiga u ah sida waxbarasho tayo leh caafimaad In culimadu ay ku yeeshaan door muhiim u ah jiheynta maskaxda dhalinyarada lagana wacyi geliyo figradaha xagjirnimada. In qof walba oo dhalinyaro ah lagu dhiiri galiyo waxyaabaha hibada gaarka ah uu leeyahay. In aqoonta dhallinyarada diini iyo mid maaddiba ah kor loo qaado. In mudnaanta 1aad la siiyo dhallinyada dalka wax u baratay, si ay u buuxiyaan fursadaha ajanaiibta heysato. In la helo goobo lagu madadaalliyo dhallinyarada. In dastuurka JFS ee KMG ah lagu cadeeyo xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed xiliga lagu jiro dib u eegista. In ay helaan caddaalad iyo nidaam dowladnimo oo kala haga. In a baro waddaniyadda iyo qiimaha dalku leeyahay. In kaalin muhiim ah ay ku yeeshaan siyaasadda iyo dowladda qeybaheeda kala duwan. In loo muujiyo kalsooni iyo tixgalin waxyaabaha ay qaban karaan. In la ilaaliyo manhajka waxbarashada tayadiisa laga wada tashto arimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga lagana qeyb galiyo dhalinyarada. In garab istaag iyo dhiiri galin loo sameeyo dhalinyarada ku tiirsan kheeyraadka dalka (beeraha kallumeysiga iyo xanaanada xoolaha) In la isku xiro ganacsatada iyo dhalinyarada si ay u helaan fursado shaqo loona abuuro sanduuqa horumarinta dalka. Waa in dhalinyaradu isku kaashato sidii dalka loo hormarin lahaa qof kastana xil is kaga saaro sugidda ammaanka daka iyo tagaeerida dowladnimada si aan u gaarno Nabad iyo Nolal hormarsan. Waa in dhaliyaradu kaalin mug le ka qaataan caafimaadka, faaya dhowrka, Nadaafadda waxbarashada , fanka iyo suugaanta , ciyaaraha. caawinta dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba ,bilic soo celinta magaalooyinka iyo guud ahaan dalka soomaaliya. In dhalinyarada loo sameeyo xarumo ay ku kulmaan ayna fikradooda ku kala qaataan. In dhallinyaradu bartaan taariikhda ummadda soomaaliyeed si ay wax uga bartaan isagana jiraan qalalaadkii hore iyo fikradaha guracan ee xagjirnimada ah. Goobjoog News Source
  12. Kenya has filed its response at the International Court of Justice in the Indian Ocean border dispute case filed by Somalia. A statement from the Office of the Attorney-General Githu Muigai has said Kenya’s position is that the maritime border remains as it is and the dispute be solved through negotiations. “This position is entrenched in the United Nations Convention on the Law of the Sea and several resolutions and decisions of the African Union Heads of State and Government adopted since 1964,” the statement said. OIL DEPOSITS The Hague-based court is expected to give direction on the matter in early 2018. The court’s decisions are normally binding and final. Somalia’s petition was filed on July 13, 2015. It sought to have the maritime border redrawn to extend diagonally to the south at Kiunga into the sea, and not eastwards as it is. Somalia sued Kenya in 2014 asking for proper determination of the sea boundary between the two countries and wanted it adjusted to give Mogadishu a huge chunk of the sea, which has oil deposits. CONVENTION The area in contest is about 100,000 square kilometres and there are six oil blocks, which Somalia argues Kenya has awarded contracts to foreign prospecting firms for even though they “lie entirely or predominantly on the Somali side”. Somalia is basing its arguments on Articles 15, 74 and 83 of the 1982 United Nations Convention on the Law of the Sea, which both countries ratified in 1989. But Kenya submits that the maritime border with Somalia is as was decreed in the Presidential Proclamation of 1979. LEGAL ACTION The countries in 2009 reached a memorandum of understanding, which was then deposited with the UN in 2011. Kenya maintains that all her activities, which include naval patrols, fishery, marine and scientific research as well as oil and gas exploration are within the maritime border established by Kenya and recognised and respected by both parties since 1979. “Kenya is fully committed to protecting her boundaries in order to safeguard her territorial integrity,” the AG said. Standard
  13. “People know how to be given fish, we need to teach them how to catch fish,” Farmajo said. On Monday, United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) issued a release stating the agency had repatriated 74,141 Somali refugees from Kenya as at Nov. 15. A total of 71,792 Somalis from northern Kenya’s Dadaab refugee camp reportedly elected for voluntary repatriation on December 8, 2014. “As at Nov. 15, there were 18,140 refugees registered in our database willing to return to Somalia, with 12,874 being registered in 2017 alone,” the UN agency said. UN High Commissioner for Refugees, Filippo Grandi, said the agency will continue to invest in housing, education and the overall quality of life of refugees. The UN official made the declaration during a visit to Kismayo, Somalia. Some 4,949 non-Somali refugees were relocated to Kakuma refugee camp. “The relocation is currently suspended due to the limited absorption capacity and services in Kalobeyei,” the agency’s release detailed. Approximately 32,478 refugees will return to Somalia in 2017 alone, the UNHCR said. About two million Somalis have been displaced; 1.1 million internally and another 900,000 regionally. Grandi remarked that the UNHCR had programs in place to reintegrate Somalis who chose voluntary repatriation. One such initiative is a joint UNHCR-Mercy Corps project which provides homes, on government-issued land, to returnees. “Refugees should be a force to rebuild the country when they decide to come back,” Grandi said, noting that agency, assisted over 100,000 over the past two years. “We see refugees not as a humanitarian problem, but as an asset into which we need to invest,” he added. President of the State of Jubaland, Ahmed Mohamed Islam, highlighted the importance of the return of educated and trained refugees. “When you want to build a state, you need human resources. Those coming back can fill that gap,” he explained. Grandi, from a newly erected school, commented: “The boys and girls around me are people that have grown up in a refugee camp. They are not refugees anymore. What a great result to see young people go from being refugees to being back in their country, contributing to their country.” Grandi and Mogadishu Mayor Thabit Abdi Mohamed inaugurated the school, which is located near the site of the single deadliest attack in Somali history. “The best response to violence is education so what can be better than building a school,” the high commissioner said. Drought originally forced over one million Somalis to flee their homes and move to other parts of the country or neighboring nations. And, though famine has been largely averted, one in two Somalis face food insecurity. But, about 19,000 refugees in the Dadaab cited security concerns as the major downside to repatriation. Somalia’s Federal President, Mohamed Farmajo, told Grandi at a meeting on Saturday in Mogadishu, “We want our people back. This is their home,” adding that they need to exercise caution to ensure that returning refugees are not yet again internally displaced. “People know how to be given fish, we need to teach them how to catch fish,” Farmajo said. Telesurtv
  14. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 19 December 2017 dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xidhidoonta Garoowe iyoTaleex, taas oo dherer keedu dhan-yahay 90Km. Dhagax dhigga waddadani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada dawladda Puntland, Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, nabaddoono, waxgarad iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay ka xuukuumad ahaan ka go’an-tahay in si siman degaanada Puntland loo wada gaadhsiiyo horumarka iyo mashaariicda wax ku oolka ah ee kaabayaasha dhaqaalaha. ‘’Waxaan rabnaa in degaanada Puntland ay u sinaadaan xuquuqda, horumarka iyo waajibaadkaba, waxaa laga yaabaa mashriic badan oo dalka laga hirgeliyey aan soonkan waxbadan illaa iminka laga qabanin, ka cudurdaaran mayno laakiin waxaan sheegayaa oo aan rabaa inaan halkan ka cadeeyo in waddadani ay dhismi doonto Alle idinkii Insha Alla” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. “ Waddada Garoowe Taleex waxay ku dhismi doontaa isku tashiga dawladda Puntland iyo shacabkeeda iyo sidoo kale ciddii kale oo aanu la kaashan karnoba, laakiin waxaan rajaynayaa in sanadka bilawgiisa ay billaabato si deg degana u bilaabato Insha Alla” ayuu yiri Madaxweynuhu. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in dawladdu si deg dega wax uga qabanayso kaabidda arrimaha bulshada ee degmada Taleex, waxaana uu cadeeyey Madaxweynuhu in hadda ay dawladdu $200,000 oo Dollar gaadhsiin doonto maamulka degmada iyo waxgaradka magaaladaasi si wax looga qabto baahida markaasi ay sheegtaan bulshada magaaladaasi. “ Waxaan rabnaa inaan ka jawaabno baahiyaadka ay noo-sheegeen waxgaradka magaalada Taleex kaasi oo ah wax ka qabashada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, waxaanna rabaa inaan halkan ka cadeeyo inaan $200,000 [ laba boqol oo kun oo dollar] gaadhsiin doono degmada Taleex kaasi oo aanu ugu tala galay inaanu wax kaga qabano adeegga bulshada ee magaaladaasi barnaamijkaas waxaa iska kaashan doona dawladda Puntland iyo hay’adda TIS-PLUS”. ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka magaalada Taleex kula dardaarmay inay ilaashadaan nabadgelyada, xasiloonida iyo kala debaynta, waxaana uu ku booriyey shacabka magaaladaasi inay ka shaqeeyaan horumarka degmadooda iyo dhammaan degaanada hoosyimaada. Puntlandi.com
  15. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 19 December 2017 dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xidhidoonta Garoowe iyoTaleex, taas oo dherer keedu dhan-yahay 90Km. Dhagax dhigga waddadani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada dawladda Puntland, Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, nabaddoono, waxgarad iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay ka xuukuumad ahaan ka go’an-tahay in si siman degaanada Puntland loo wada gaadhsiiyo horumarka iyo mashaariicda wax ku oolka ah ee kaabayaasha dhaqaalaha. ‘’Waxaan rabnaa in degaanada Puntland ay u sinaadaan xuquuqda, horumarka iyo waajibaadkaba, waxaa laga yaabaa mashriic badan oo dalka laga hirgeliyey aan soonkan waxbadan illaa iminka laga qabanin, ka cudurdaaran mayno laakiin waxaan sheegayaa oo aan rabaa inaan halkan ka cadeeyo in waddadani ay dhismi doonto Alle idinkii Insha Alla” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. “ Waddada Garoowe Taleex waxay ku dhismi doontaa isku tashiga dawladda Puntland iyo shacabkeeda iyo sidoo kale ciddii kale oo aanu la kaashan karnoba, laakiin waxaan rajaynayaa in sanadka bilawgiisa ay billaabato si deg degana u bilaabato Insha Alla” ayuu yiri Madaxweynuhu. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in dawladdu si deg dega wax uga qabanayso kaabidda arrimaha bulshada ee degmada Taleex, waxaana uu cadeeyey Madaxweynuhu in hadda ay dawladdu $200,000 oo Dollar gaadhsiin doonto maamulka degmada iyo waxgaradka magaaladaasi si wax looga qabto baahida markaasi ay sheegtaan bulshada magaaladaasi. “ Waxaan rabnaa inaan ka jawaabno baahiyaadka ay noo-sheegeen waxgaradka magaalada Taleex kaasi oo ah wax ka qabashada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, waxaanna rabaa inaan halkan ka cadeeyo inaan $200,000 [ laba boqol oo kun oo dollar] gaadhsiin doono degmada Taleex kaasi oo aanu ugu tala galay inaanu wax kaga qabano adeegga bulshada ee magaaladaasi barnaamijkaas waxaa iska kaashan doona dawladda Puntland iyo hay’adda TIS-PLUS”. ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka magaalada Taleex kula dardaarmay inay ilaashadaan nabadgelyada, xasiloonida iyo kala debaynta, waxaana uu ku booriyey shacabka magaaladaasi inay ka shaqeeyaan horumarka degmadooda iyo dhammaan degaanada hoosyimaada. =DHAMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo Dhax dhigay Waddo Laami ah oo isku Xidhidoonta Garowe iyo Taleex appeared first on Puntland Post.
  16. In an exclusive interview with Geeska Afrika, the Somaliland foreign minister Dr Saad Ali Shire speaks of his second stint in government, the transfer of power from President Silanyo to Muse a Behi and other issues. Below verbatim excerpts of the interview Geeska Afrika- You are one of the four ministers appointment by president Behi from the outgoing Cabinet of president Silanyo whom you served for seven years first as planning and later as foreign minister, hat is your take on this reappointKent? Dr Saad Ali Shire- first I thank ex-president Silanyo for giving me the opportunity to serve my people in the capacity of Minister in two very important ministries, planning and foreign affairs. Similarly I thank the president Muse Behi for giving the opportunity to serve as the Somaliland minister of foreign affairs. With the grace of Allah I hope to perform and accomplish my duties with diligence while always being ready to offer any relevant assistance. Q- As minister of foreign affairs what is your perception as per what was achieved and what changed policy wise? Did the country take any strides in foreign relations or was there a setback? A- In the last two years we concentrated on building international relations and having achieved this, as can be exemplified by the large number of foreign missions established, plans are now to change tack to actual realization of our major quest, International recognition of Somaliland as a sovereign nation So in a nutshell I would say that we only achieved success in our foreign policy devoid of any setbacks Q- What is the status of the citizens petition submitted to the IC for international recognition? A- In tandem with results of the 2001 referendum in which 97% of Somalilanders opted for withdrawal from union with Somaliland, we submitted a petition to the IC signed by over one million citizens. We are still in pursuit of outcome while also pursuing other avenues of this quest. Q- Having been a member of committee transferring power from Silanyo to Muse Behi, what did you peeve as different from such last functions? A- Somaliland is known for its peaceful transfer of authority from one administration to another, and this one occurred in this background but what was different from past such was the large number of foreign dignitaries witnessing among them ministers and diplomats from various friendly countries. At the same time we had the presence of two past and one current president of Somaliland at the 2017 function. Q- The UN and EU Acknowledged the successful election termed as apt democratically while applauding citizens peaceful participation but our very own AU, IGAD and Arab League are still to utter a word either in praise or condemnations , why so? A- First be informed that IGAD was represented by a delegation firing the swearing in ceremony while Somaliland is not a member of the Arab league though we maintain good relations. Q- Following recognition of Jerusalem as capital of Israel by US president Trump many Islamic countries have come out in Opposition what of Somaliland and what is our policy on this issue ? A- Somaliland in tandem with other Islamic countries perceives Jerusalem as an occupied territory and in this we are in adherence to the position of the United Nations. Horn
  17. HARGEISA– Members of the Opposition Wadani have been complemented for their performance during the just concluded Somaliland presidential elections held on the 13th November 2017. This was stated by the Opposition party leader Abdirahman Mohamed Abdillahi ‘Irro’ during an address to supporters at the Egal international airport where they had gone to receive their leader upon return from an abroad visit. According to the interim party leader Abdiqadir Jirde the returning politician was abroad on a personal visit that took him to a number of countries, which he embarked upon immediately after election results were released. Assembled here are various committees of Wadani party among them women and youth wings, executive and other leaders as well ordinary members and supporters , said Mr Jirde adding that the huge welcome was a measure of trust held for Irro. Stressing that their leader returns in the wake of a new government formed by his opponent and now president Muse Behi Abdi of Somaliland, the interim party chief said that Wadani having accepted the disputed election results shall now concentrate on Opposition politics. Taking the podium Abdirahman Irro who was second to now president Muse Behi said “You are all aware that we won the elections square though we are not in government” adding that acceptance of the disputed results was in pursuit of sustaining prevalence peace in the country. Thanking party members and supporters both in the country and in the Diaspora Irro said that having conceded it was now incumbent that Wadani become a strong but constructive Opposition to the administration of president Muse Behi. “We are now in the process of realigning internally towards ensuring that we provide constructive Opposition” said Abdirahman Irro stressing on the fact that to successfully achieve this objective a number of structural changes shall be effected. Said he “We shall not pursue Opposition for the sake of Opposition but with the objective of righting any wrongs within government” On the issue of the party chairmanship in which he currently holds of which interim leader Abdiqadir Jirde was supposed to officially ascend to of Wadani had won the presidency, Irro said plans are afoot within the party hierarchy as the next move forward. Abdirahman Irro and his Wadani party lost the Somaliland presidency following disputed election results that saw Muse Behi Abdi and his Kulmiye party declared winner courtesy of 55% of the total votes cast to Wadani’s 40%. Horn
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Beesha Hawiye ayaa Booqasho ugu tagay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku xiran Xabsiga NISA. Xildhibaanadaas oo markii hore Kulanka xasaasi ah la qaatay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka codsaday in la siiyo daayo Siyaasigaas, inkastoo arrintaas uu ka biyo diiday Ra’isulwasare Kheyre oo sheegay in arrintaan looga dambeenayo Hey’adaha Amniga. Kulankaas kadib Xildhibaano ka tirsan Beesha Hawiye ayaa booqday Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna sheegeen inay xaaladiisa tahay mid aad u fiican isla markaasna aysan jirin wax dhib ah oo heysto. Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inuu Ra’isulwasaare Kheyre si rasmi ah ugu sheegay inaan la sii deyn doonin Cabdiraxmaan Cabdishakuur isla markaasna ay arrintiisa u taalo hey’adaha Garsoorka iyo Amniga, wuxuuna ugu baaqay in iyaga laga warsugo. Shirkaan oo xalay qaatay Saacado badan ayaa ugu dambeyntii la isku fahmi waayey, wuxuuna Kheyre isku dayey inuu ku qanciyo Xildhibaanada inay ka war sugaan Hey’adaha Garsoorka, balse waxaa muuqatay inaysan Xildhibaanada arrntaas ku qancin sida uu noo xaqiijiyey mid kamid ah Xildhibaanada kulankaas ka qeybgalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Waa sidee Xaaladda Caafimaad ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur? appeared first on Caasimada Online.
  19. Dowladda Qatar iyo saxaafadeed ayaa aad u buun buuniyay xariga loo geystay siyaasiga hibaddu ka muuqato ee C/raxmaan Cabdishakuur Warsame, saxaafadda Qatar ayaa talaabo muhiim ah iyo guul iyaga u gaar ah u ekeysiiyay xarigii habeen hore loo geystay Shakuur, xili ilaaladiisina la laayay. TV-ga Al Jazeera ,majaladaha kasoo baxa Doxa iyo baraha Twitter-ka ee masuuliyiinta Qatar ayaa lagu jeex jeexay arintaan waxaana laga dareemayay iney aad ugu qanacsan yihiin. Oo waa maxay faa’iidada Qatar ugu jirta qof Soomaali ah oo Dowladdda Somalia ay xiratay ?, adigoo aan is daalin waxaa halkaas kaaga cad inuu jiro amar kore iyo in xariga Shakuur uu yahay dagaal u dhaxeeya wadamada Khaliijka, gaar ahaan Qatar iyo Emirate-ka. Cabdiraxmaan waxaa lagu tuhmaya inuu gacan saar la lee yahay Dowladda Emirate-ka oo sidoo kale lagu eedeeyo iney maal galiso maamul-goboleedyada Somalia, si aan qarsoodi ku jirana Dowladda madaxweyne Farmaajo waxey xiriir la leedahay Dowladda Qatar taas oo lagu eedeeyo iney maal galiso kooxaha xajirka ah iyo shirkaddo gaar ah oo dadka dila. Waxaa ayaan daro u ah Soomaalidda in Dowladdo shisheeye ay isku adeegsadaan kadibna sheekadda wadaniyad been ah lagu lifaaqo. Waxaa loo baahan doonaa baaris dheeri ah oo ka madax banaan labadda dhinac ee Dowladda iyo Mucaaradka si loo ogaado cidda shirqoolkaan maleegtay, cidna daah kama saarna iney arintaan gacmo shisheeye ku lifaaqan yihiin. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com The post Sidda ay saxaafadda Qatar uga hadashay xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shaki badan dhalisay appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa diiday in la sii daayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo muddo laba maalin ah u xiran dowladda Soomaaliya kadib markii xilli saq dhexe ah lagala soo baxay gurigiisa oo ku yaalo meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Xalay kulan xasaasi ah la qaatay Guddi Xildhibaano iyo Senator isugu jira oo ka soo jeeda Beesha Hawiye, kana koobnaa 11 Xildhibaan ayaa ka diiday dalab ay u gudbiyeen oo ahaa in lasii daayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inuu Ra’isulwasaare Kheyre si rasmi ah ugu sheegay inaan la sii deyn doonin Cabdiraxmaan Cabdishakuur isla markaasna ay arrintiisa u taalo hey’adaha Garsoorka iyo Amniga, wuxuuna ugu baaqay in iyaga laga warsugo. Shirkaan oo xalay qaatay Saacado badan ayaa ugu dambeyntii la isku fahmi waayey, wuxuuna Kheyre isku dayey inuu ku qanciyo Xildhibaanada inay ka war sugaan Hey’adaha Garsoorka, balse waxaa muuqatay inaysan Xildhibaanada arrntaas ku qancin sida uu noo xaqiijiyey mid kamid ah Xildhibaanada kulankaas ka qeybgalay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeystay in siyaasiga C/raxmaan C/shakuur arrintiisa ay gacanta ku hayaan Hey’addaha Garsoorka, isla markaana baarista socoto, isagoo xusay in hey’adaha uu ku amray in si degdeg ah baaritaankiisa loo soo gaba gabeeyo.. Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa kulanka ka jeediyay in xaalada ay ka sii dareyso hadii aan la soo deyn Siyaasiga, inkastoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku qanciyay in laga war sugo Hey’adaha sharciga, wuxuuna kulankaas kusoo dhamaaday fashil. Xildhibaano dhawr ah oo ay kamid ahaayeen kuwii Kheyre la kulmay ayaa la xaqiijiyey inay booqdeen Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku xiran xarunta NISA, waxaana ay sheegeen in xaaladiisa ay wanaagsan tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kheyre oo Xildhibaanada Hawiye ka diiday in lasii daayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo shuruud lasoo… appeared first on Caasimada Online.
  21. Bosaso (Puntlandi) Warbixinada dhaqdhaqaaqyada burcad badeeda Soomaalida ay ka sameynayaan xeebaha Soomaaliya iyo Yemen ayaa kordhay shan jibaar 12 bilood ee ugu dambeysay, marka loo barbar dhigo sannadihii 2015 iyo 2016. Iskudayada afduubashada burcad badeeda, ayaa si xoogan kor ugu kacay kadib afduubashadii markabkii Aris 13 bunkering tanker, kaasoo bishii march lagu afduubtay xeebaha Puntland. Dhacdooyinka iskudayada burcad badeeda ayaa inta ugu badan waxay ka dhaceen gacanka Cadan iyo marinka Bab el Mandeb, halkaasoo maraakiibtu ugu badan ay isaga kala gudbaan. Laakiin, weli warbixinta laguma sheegin in illaa iyo bishii Abril ee sannadkaan la afduubtay wax markab ah. Puntlandi.com
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa soo bandhigtay xog ku saabsan in uu khilaaf ka dhexjiro hoggaanka ugu sareeya Al-Shabaab,kaas oo sababay qarixii khasaaraha badan geystay ee 14,kii Octoper ee Sanadkaan ka dhacay Isgoyska zoobe ee Muqdisho. Khilaafkaas ayay Wasaarada amnigu ku sheegtay in uu sababay in qeybo ka mid ah gobolka Gedo uu u baxsado hoggaamiyahooda Axmed Diiriye,Sidaasi Waxaa Warbaahinta u sheegay Afhayeenk Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Xildhibaan,waxa uuna sheegay in saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Shabaab ay la soo xiriirayaan Wadaadka Muqtaar Roobow. Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in madax ka tirsan Shabaab ay kulan ay yeesheen ku go’aamiyeen in dil toogasho ah lagu fuliyo hogaamiyahooda ee Axmed Diiriye Dhowaan ayey aheed markii dadka ku dhaqan Gobolka Gedo ay sheegeen in Gobolkaa lagu arkay Axmed Diiriye Abuu Cubeyda oo ah Hogaamiyaha Alshabaab. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/cabdicasiis-xildhibaaan.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inuu baxsad yahay Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kenya ayaa mar kale ka hadashay kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyo jawaabta ay arrintaasi ka bixisay. Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai ayaa sheegay in wali Kenya ay ka taagan tahay kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya meeshii ay horay uga taagneyd. Githu Muigai waxa uu intaasi ku daray in ay Kenya rumeysan tahay in wada hadal wax lagu xaliyo oo aan maxkamad loo baahneen, marka la eego qaabka ay u wada hadli karaan Somaliya iyo Kenya. “Mowqifkeenna waxaa uu ku jiraa heshiiska Qaramada Midoobay ee xeerka badaha iyo heshiisyo kale oo caalami ah iyo sidoo kale heshiisyada ay gaareen dalalka Afrika tan iyo 1964-tii. Soomaaliya iyo Kenya ayaa 3-dii sano ugu dambeysay ku murmaayey badda, Soomaaliya ayaa sheegeysa in Kenya ay xoog ku heysato dhul uu shidaal ku jiro, oo ah xadka labada dal ee dhanka badda. “ Meesha aan Dacwadda ka taaganahay waxay ku qorantahay Sharciga Badaha ee QM iyo Go’aano kale oo Madaxda Wadamadda Midowga Africa ay qaateen 1964tii” ayuu Githu Muigai ku sheegay Warka ka soo baxay Xafiiskiisa oo lagu Daabacay Wargeeyska Nation ee Kenya kasoo baxa. Maxkamadda The The Hague ayaa la filayaa in ay Sheegto Qaabka Dacwadda looga hadlo bilowga Sanadka 2018. Dowladda Soomaaliya ayaa Dacwadda ka dhan ah Dowladda Kenya oo kasoo gudubtay Xuduud Badeedkii Soomaaliya iyo Kenya u gudbisay The Hague Bishii July 13 keedii 2015. Masaafadda Badda ee lagu Muransanyahay 100,000 oo labajibaaran, waxaana ku yaalla Lix Meelood oo Saliid laga bilaaabay in Saliid laga Qodo, Dolwadda Soomaaliya ayaa ku Doodeeysa in Kenya ay Masaafo dheer ka soo durugtay meelii uu ahaa Xuduud Badeedkii Saxda ahaa ee Soomaaliya iyo Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa Doodeeda waxay ku-saleeysay Qodobadda 15,74 iyo 83 aad ee Sharciga Badaha ee QM ee lasoo saaray 1982. Dowladda Kenya ayaa Doodeeda ku saleeyneeysa Hishiis Isfahan ah oo Labada Dowladood ay gaareen 2009 kii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muxuu yahay go’aankii ku saabsanaa Muranka Badda Soomaaliya oo ay Kenya u gudbisay Maxkamadda ICJ? appeared first on Caasimada Online.
  24. Kismaayo (Puntlandi) Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay dileen 8 kamid ah mintidiinta Shabaab, kadib duqayn cirka ah oo lala bartilmaameesaday gaari marayay meel 30 mayl waqooyi galbeed kaga beegan Kismaayo. War murtiyeed uu sii daayay howlgalka Maraykanka ee Afrika, ayaa sheegay in weerarkaan lagu burburiyay gaarigaas bartilmaameedka ah, mana jiraan wax khasaare ah oo shacabka gaaray. Maraykanka wuxuu sheegay inay sii wadayso inay isticmaalaan dhammaan tallaabooyinka la ansixiyay ee lagu ilaalinayo muwaadiniinta Mareykanka iyo in la joojiyo khataraha argaggixisada,” ayaa lagu yidhi war murtiyeedka. Maraykanku wuxuu sheegay inuu meel kasta ugu galidoono Alshabab, haday ahaan lahayd xarumaha tababarka iyo meelaha gabbaadka u ah. argigixisada ee gudaha Soomaaliya. Puntlandi.com
  25. Madaxa qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga aduunka Filippo Grandi ayaa inta ay Kismaayo joogeen waxaa ay kormeer ku tageen xeryaha ay degan yihiin dadka ka soo laabtay xeryahay qaxootiga ee Kenya. Dhinaca kale, Filippo Grandi, waxaa uu xarigga ka jaray Iskuul ay wax ku baran doonaan caruuta qaxootiga ah ee ka soo laabtay xeryahay Dhadhaab ee Kenya. Wafdigaan ayaa waxaa loo gudbiyey guriga martida ee Juboland halkaasi oo ay kulamo kula qaateen madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe. Kulanka markuu soo dhamaaday ayaa waxaa la hadlay warbaahinta madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uuna ka warbixiyey waxyaabaha ay isla afgarteen. “ Waxaa sharaf weyn noo ah inuu nooyimaado madaxa hay’adda qaxootiga aduunka waana booqashadii ugu horreysay oo mas’uul noocaas ah uu ku yimaado deegaanka aan hadda joogno waan uga mahadcelineynaa isaga iyo wafdigiisa”. Filippo Grandi oo dhankiisa sheegay in ay waajib tahay in la taageero dadka qaxootiga ee dalkooda ku laabanaya si beri iyagana ay umadda wax ugu taraan. Booqashada madaxa qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ku soo beegmeysa iyada oo deegaannada Jubbaland ay ku suganyihiin qoysas badan oo qaxooti ah kuwaasi oo ka soo laabtay kenya Source