-
Content Count
205,956 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaarada Amniga Gudaha xukumada Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Booliska oo Goordhow wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay in ciidamo ay la wareegeen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. kusimaha wasiirka Amniga ahna Wasiiru dowlaha wasaarada Amniga Xasan Macalin Xuseen iyo Taliyaha Booliska Bashiir Cabdi Maxamed ayaa arintaasi been abuur ku tilmaamay. Labada masuul ayaa sheegay in ciidamadaasi ay yihiin ciidamo katirsan kuwa booliska islamarkaasina sugaya amniga Baarlamaanka. Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in amarkaasi lagu sugayo Baarlamaanka uu ka soo baxay wasaarada amniga islamarkaasina sare loogu qaadayo amniga Baarlamaanka maadaama uu furmay Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka. “Majirto barlaman la qabsaday waa waxba kama jiraan, ciidamo boolisa oo amniga xoojiya ayaa la geyay Xarunta Barlamanka Somaaliya” ayuu yiri wasiiru dowladaha Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay in Taliska amniga aanay quseeynin siyaasadaha kala duwan ee dalka hayeeshee iyaga ay waajib ka saarantahay sugida amniga masuuliyiinta iyo xarumaha dowlada. Hoos ka Dhageyso Codka Labada Masuul http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/Wasaarada-amniga-Cowke-Pp-Muqdisho.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasaarada Amniga oo Beenisay in ciidamo ay la wareegeen Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, UK, iyo Mareykanka ayaa walaac ka muujiyey xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegeen inay halis ku yihiin guulihii siyaasadeed, dhaqaale iyo kuwii amni ee la gaaray, islamarkaana ay dhaawacayaan sumcadda Soomaaliya. Beesha caalamka ayaa ugu baaqday dhammaan hogaamiyayaasha Soomaalida iyo siyaasiyiinta inay ixtiraamaan sharciga dalka iyo dastuurka, ayna u adeegsadaan xalinta khilaafyada jira. Beesha caalamka ayaa ugu baaqday hogaamiyayaasha baarlamanka iyo xukuumadda inay wada-hadal yeeshaan maalmaha soo socda ayna hab nabdoon oo dastuuri ah u adeegsadaan xalinta khilaafyada jira. Beesha caalamka ayaa bogaadisay kooxaha iyo shaqsiyaadka isku dayaya inay xaliyaan khilaafyada jira, ayna garab taagan yihiin. Hadalkan ayaa imanaya ayada oo xildhibaano ka tirsan baarlamanka ay wadaan mooshin xilka looga qaadayo guddoomiye Jawaari, kaasi oo uu gadaal ka riixayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. The post Beesha caalamka oo war kasoo saartay xiisadda Kheyre iyo Jawaari appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in shaqsi ahaantiisa uu ka baxay Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari. Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud, oo kulan uga qeybgalaayay xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegay in sababta uu mooshinka uu u saxiixay ay aheyd in uu ka carooday Go’aano ay mudo laba bil ka hor ah ka soo saaren shirkii Madaxda maamul goboleedyada kaas oo uu u arkay in ay ku xadgudbeen xuquuqda dastuuriga iyo midda Umadda Soomaaliyeed. Xildhibaan Zakariye Xaaji, oo kamid ahaa Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Jawaari, ayaa hadana sheegay inuu dib uga laabtay Mooshinka, isagoo sababta ku sheegay inuu ku qanacsan yahay in Golaha Shacabka ay ansixiyeen xeerkii dalka looga mamnuucay Shiradda DP World. Xildhibaanku waxa uu cod dheer ku sheegay in xiligaan aan lagu tirinkarin Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari, sidaa aawgeedna uu xal raadin ugu jiro sida lagu qaboojin lahaa mooshinka taagan. Wuxuu sheegay in iminka uu ogaaday in Xukuumaddu ay weerar iyo culeys soo saartay Golaha Shacabka, balse mooshinku uusan aheyn mid ku socda Jawaari sidaasna uu uga laabtay mooshinkii uu saxiixay. ‘’Anigu waxaan halkaan ka qirayaa inaanu qeyb ka aheyn Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Jawaari, waxaan kamid ahay samadoonada ka shaqeynaaya in la qaboojiyo Mooshinka’’ Si kastaba ha ahaatee, hadalka Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud ayaa cadeynaya mad madowgii ku jiray mooshinka Jawaari laga keenay in ay ku lug leedahay Xukuumadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Zakariye oo cadeeyay sababta uu uga laabtay mooshinka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa laga keenay mooshin la doonayo in xilka looga qaado, waxaana baaritaan ay sameysay Caasimada Online ay ku ogaatay sababta. Ilo wareedyo lagu kalsoo yahay ayaa sheegay in saddex tobbaad ka hor ay shireen Jawaari iyo ku xigeenkiisa Cabdi Weli Muudeey iyo guddiga joogtada ah ee baarlamanka. Kulankaas ayaa waxaa Jawaari looga codsaday inuu soo gudbiyo xisaab xir ku saabsan qarashaadka soo gala baarlamanka, taasi oo la sheegay inuu diiday. Waxaa sidoo kale jirta in Jawaari uu ku guul darreystay inuu bixiyo lacag gunno ah guddiga joogtada loogu talo-galay muddo sanad ah, isaga oo hal bil kaliya ka bixiyey. Wararka ayaa sheegaya in Jawaari ay ku maqan tahay lacag gaareysa afar Milyan oo Dollar, oo uu baarlamanka ka qaatay tan iyo labadii xil ee uu ahaa guddoomiyaha baarlamanka, oo ay ku jirto dowladdii Xasan Sheikh. Waxa uu laba guri oo aad u qurux badan ka dhistay agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo magaalada Baydhaba, taasi oo ah waxyaabaha ke carreysiiyey xildhibaanada qaar. The post Xog cusub: Maxay isku hayaan Jawaari iyo C/Weli Muudeey? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan khilaaf ka dhashay Mooshin la sheegay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay kasoo gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku kala qeybsamay Mooshinka, waxaana soo baxaaya Xildhibaano sheegaya in Mooshinka uu gaaray tiradii looga baahnaa, halka qaarna ay sheegayaan inuu burburay Mooshinka. Xildhibaanada qaar ayaa siyaabo kala duwan warbaahinta maxaliga ah uga sheegaya in looga been abuurtay Mooshinka laga wado Guddoomiye Jawaari. Xildhibaanada sheegay in laga been abuurtay ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandhi oo ka tirsan golaha shacabka oo sheegay in uusan saxiixin mooshin ka dhan ah guddoomiyaha golaha shacabka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari. Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siinaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaannada wada mooshinka ay is kaga darsadeen magaciisa, isaga oo dhanka kale tilmaamay in weligiis uusan ka qeyb-galin mooshinnada la gudbiyo. Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaan Gaandhi ayaa ahaa ‘’waxaa leygu soo wargaliyay dhawaq aan ku farxin, taas oo ah in magaceyga uu ku jiro dadka saxiixay mooshinka, waxaan caddeynayaa in arrintaasi aysan waxba ka jirin’’ ‘’Waxaan qirayaa in ka Gaandhi ahaan aan waligey ka qeybqaadan Mooshin lagu saxiixayo magaca Xildhibaanada ama laga wado”. Sidoo kale, Xildhibaan Gaandhi ayaa ku nuux-nuuxsaday in laga been abuurtay isla markaana uu qiraayo inaanu kamid aheyn Xildhibaanada ku dhagan Jawaari. Geesta kale, hadalka Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandhi ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli qaar ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ay wadaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Prof Gaandhi oo sheegay in saxiixiisa looga been abuurtay mooshinka appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa dad badan oo Soomaali ah ka yaabisay hadalo faan, yasid iyo mala awaal isugu jira oo ka soo burqanaya xildhibaano ku abtirsafa qabiil ka mid ah dadka dega waqooyiga Soomaliya. Waxaa in muddo ahba caaadi ahaa hadalo nasab cay, faan iyo liidnimo ah oo koox u horkacayo ninka aan waxba xeerin ee Faysakl waraabe oo magaalada Hargaysa ka soo lalinayay magaalada Hargaysa. Dad badan ayaa isku qanciyey in ninkaa iyo kooxdiisa aanay mudanayn in loo jawaabo. Waxaa malaha ku filan ereyada ay ka mid yihiin waa Faysalow waa faaruqoo waa Filim kartoon oo ay ku hadaaqaan caruurta magaalada Hargaysa. Faysal waa nin doorasho walba isa soo mutaxa oo tii ugu danbaysay ee muranka badnayd ka helay 4%, welina indha adagaygaysa waa hadlayaa oo dad buu xagxaganayaa. Hadda waxaa Faysal ku soo biiray qolo kale oo sheegata inay aqalka sare ku Matalan Somaliland. Runtii waxaa ah in ayan cidina matalin, bale ay la qaylinayaan caadifad qabiil iyo ha lagaa sheego. Waxaa kooxdan cusub oo uuhorkacayaa nin aan wax badan laga aqoon oo la yiraahdo Mustafe Qodax oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka dawladda Federaalka. Ninkaasi waxa uu la soo shirtegay sheeko qabiilkayga ayaa Soomaali ugu aqli badan iyo haddaan waxaan rabno sax iyo khaladba naloo yeelin waxba kala socon maayaan. Ninkaa iyo gabadh kale ee Muno Xasan ee senator-ka ah lama arag iyagoo waligood ka hadlayaa tacadiyada joogtada ay ku kaco maamulka Hargaysa. Weligood ma soo qaadin dhalinyarda xabsiyada ugu jirta Xamar baad tagteen, Suxufiyeenta lagu haysta dawladama madax baad wax ka sheeegteen, iyo tacadiyo badan ee loo gaysto dadka ku nool gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn. Malaha Somaliland waxay u haystaan dadka degan Togdheer iyo Waqooyi galbeed. Waxy hilmaameen in ay u dhaaarteen ilaalinta midnimada iyo wadjirka dadka iyo dalka Soomaliyeed. Xamarta Senator Mustafe Qodax uu dadkeeda sida dadban u weerarayo waa tan u ogolaatay isagoo fikradaha khaldan aaminsan uu sidoo doono u hadlo. Balk a warma qof Xamar ka tegay iska daaye, hadii nin rerr Laascanood ama Boorama ah u Hargaysa ka sheego in la ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Wixii dhici laha waxaan ka sugaynaa in labada Senator ay noo bidhaaamiyaan. Ugu danbayntii waxaa la gudboon Somali meel ay joogtaba in laga hortago beenta la buufinayo ee ah Qaran Somali land ayaa jiray iyo Somaliland iyo Somaliliya wax la yiraahdo ayaa is haysta. Runta biyo kama dhibcaanka ah waa in dadka mashruucan wataa ay yihiin qaar ka mid ah hal qabiil oo waqooyiga Somaliya dega oo weli ay ka guuxayaan fikradihii jabhadii SNM ee la wareegtay maamulka waqooyiga Somaliya. Waa in an cidina laga yeelin inay iibiyaan hantidii iyo magacii ummadda Somaliyeed meeeshay rabo ha joogtee. Waa in saxaaafadda madaxa banana aanay co baahiye u noqon kuwa sida Faysal Cali Warabe habeen iyo maalin cay iyo aflagaado ku haya dadka Soomaaliyeed ee jecel xornimada iyo isku duubnida. Labada senator waa inay raali gelin ka bixiyaan hadalkoodii meel ka dhaca ahaa ayna joojiyaan kala qaybinta iyo kala faquuqa ay ka dhex bilaabeen mid ka mid ah hay’adaha ugu saraysa maaamulka dadka. Waa inay dib u xasuustaan dhaartii ay mareen iyo xilka mudan ee lagu aaminay. W/Q:Yuusuf A. Geele Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Caydii iyo Faankii Faysal Cali waraabe oo loo xawilay Aqalka Sare ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulan khaas ah uu Villa Somalia ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Muudeey. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka uu si khaasa uga dhacay Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre waxaana ay labada mas’uul ay uga wadahadlayeen Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Muudeey, ayaa warbixin kooban Ra’isul wasaaraha kasiiyay heerka uu gaarsiisan yahay Mooshinka, waxa ayna laba mas’uul isla arkeen inay muhiim tahay in baarlamaanka laga hor wareejiyo Guddoomiye Jawaari oo lagu eedeeyay is hortaaga dhammaan howlaha Xukuumada ee lagu hormarin lahaa dalka. Muudeey ayaa Kheyre u sheegay in tan iyo markii la dhisay dowlada uu Hoggaamiyo Farmaajo uu Guddoomiye Jawaari is hortaag ku sameeyay inkabadan 12 barnaamij oo ahmiyad gaara u leh dalka. Waxaa kamid ah waxyaabaha uu damcay inuu is hortaaga ku sameeyo Mooshinka laga waday shirkada DP World ee sida sharci darada ah Heshiis ugu gashay Dekadda Berbera. Muudeey, waxa uu sidoo kale Kheyre u sheegay in Guddoomiye Jawaari oo garab u ah xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka uu ka danbeeyay ilaa Seddex Mooshin oo laga keenay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha qudhiisa, hase ahaatee ay si hoose u kala furfureen. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhankiisa ka sheegay inaan dhag jalaq loo siin doonin Mooshinka ay burburinayaan Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka Somaliya, waxa uuna u cadeeyay inaysan awood u laheyn burinta Mooshinkii laga soo gudbiyay Gudomiye Jawaari. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa C/wali Sheekh Axmed Muudey u sheegay Mooshinkaasi inuu yahay mid sharci ah oo Xildhibaanada ay ku soo gudbiyeen sifo waafaqsan Sharciga, sidaana lagu meelmarinaayo,sidauu hadalka u dhigay. Kulanka Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye C/wali Sheekh Axmed Muudey, ayaa sii fogeynaya khilaafka culus ee ka dhashay Mooshinkii laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). Dhinaca kale, labada mas’uul ayaa isku raacay in lameelmarin doono Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari, si loo xaqiijiyo rabitaanka Xildhibaanada baarlamaanka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Kheyre iyo Muudeey oo u shiray Jawaari appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Samatar oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa walaac gaara ka muujisay heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka ka dhex aloosan Guddoonka baarlamaanka Somalia. Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Samatar, ayaa sheegtay inaanu muuqan kaalinta Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna cod dheer ku sheegtay in Madaxweynaha laga doonaayo inuu soo faragaliyo Khilaafka sii xoogeysanaaya. ‘’Waxaan xaqiijinayaa in khilaafka Guddoonka baarlamaanka iyo kan Xukuumada uu gaarsiisan yahay meel adag, waxa aan Madaxweynaha Qaranka ugu baaqeynaa inuu sameeyo faragalin’’ Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Samatar waxa ay arrin aad u xun ku sheegtay in afka laga qabsado khilaafka ka dhex aloosan Guddoonka baarlamaanka Somalia, waxa ayna ku celcelisay in la doonaayo in xili hore wax laga qabto khilaafka taagan’’ Sidoo kale, Sacdiyo Xaaji Samatar, ayaa Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ugu baaqday inay muujiyaan sabar iyo tanaasul, maadaama ay tiri lawada arko halka uu khaladka ka taagan yahay. Haddalka Sacdiyo Xaaji Samatar, ayaa imaanaya iyadoo uu cirka isku sii shareeray Khilaafka ka dhextaagan Guddoomiye Jawaari iyo Muudeey oo kawada tirsa Guddoonka baarlamaanka Somalia, kaa oo ka dhashay Mooshin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo laga dalbaday inuu faragalin ku sameeyo xiisada ka dhextaagan BF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammad bin Salman ayaa lagu soo waramayaa inuu hooyadiis ka qarinayay aabihiis, Boqor Salman, labadii sano ee la soo dhaafay, isaga oo ka baqaya inay isticmaasho saameynteeda oo ay khalkhal galiso boqortooyada uu doonayo inuu taladeeda la wareego. Warbaahinta NBC News ee laga leeyahay Mareykanka oo soo xigtay 14 xubnood oo ka tirsan saraakiisha Mareykanka ee hadda iyo kuwii hore, ayaa sheegay in Bin Salman uu ka xannibay hooyadiis, Princess Fahda bin Falah al-Hathleen, laba sano ka hor inay la kulanto aabihiis, oo tan iyo markaas uu ka fogeeyay boqorka isaga oo u sii anba qaadaya si uu u xoojiyo awoodiisa. Saraakiisha Mareykanka ayaa ku hadlay xaalad qarsoon sababta oo ah nooca xasaasiga ah ee sirta ay la wadaageen NBS News. Waxay intaa raaciyeen in 32-jirkan uu soo bandhigay marmarsiiyo kala duwan si uu u caddeeyo maqnaanshaha hooyadiis isla markaana uu ku hayaa meel qarsoodi ah. Waxa uu xita mar u sheegay boqorka in ay dibedda ugu maqantahay daaweyn caafimaad. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in uu hooyadiis uu ku hayo guri qarsoodi ah oo ku yaala gudaha dalkaas muddo aan la cayimin,. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga oo hooyadiis ka qarinayay aabihiis, boqor Salman appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaarada Amniga Gudaha xukumada Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Booliska oo Goordhow wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay in ciidamo ay la wareegeen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. kusimaha wasiirka Amniga ahna wasiiru dowlaha wasaarada Xasan Macalin Xuseen iyo Taliyaha Booliska Bashiir Cabdi Maxamed ayaa arintaasi been abuur ku tilmaamay. Labada masuul ayaa sheegay in ciidamadaasi ay yihiin ciidamo katirsan kuwa booliska islamarkaasina sugaya amniga Baarlamaanka. Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in amarka lagu sugayo Baarlamaanka uu kasoo baxay Wasaaradda Amniga islamarkaasna sare loo qaadayo amniga Baarlamaanka maadaama uu furmay Kalfadhiga 3-aad ee Gollaha.. “Majirto barlaman la qabsaday waa waxba kama jiraan, ciidamo boolisa oo amniga xoojiya ayaa la geyay Xarunta Barlamanka Somaaliya” ayuu yiri wasiiru dowladaha Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay in taliska amniga aanay quseeynin siyaasadaha kala duwan ee dalka hayeeshee iyaga ay waajib ka saarantahay sugida amniga masuuliyiinta iyo xarumaha dowlada.
-
MOGADISHU (HOL) - Somali Lower house Speaker, Mohamed Sheikh Osman Jawari said the government forces have taken over parliament amid looming poltical crisis. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) - Somali Lower house Speaker, Mohamed Sheikh Osman Jawari said the government forces have taken over parliament amid looming poltical crisis. Source: Hiiraan Online
-
War kasoo baxay Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriika iyo Mareykanka ayay kaga hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay Soomaaliya. Madaxda Dowladda waxa ay usoo jeediyeen in ay dhowraan Shuruucda dalka u taalla, sidoo kalane ay ka shaqeeyaan Xasilooni siyaasadeed in dalka lagu wajaho in aanan u dhabarka ugu jabin Hormarka Soomaaliya. Si gaar ah waxa ay ugu baaqeen Hay’adaha Fulinta iyo Sharci Dajinta in aysan u horseedin is qab-qabsigooda Foodo iyo kala dambeyn la’aan dalka uu galo. Beesha Caalamka ayaa ku baadqay in Xal siyaasadeed in lakala dhex dhigo labadaan Hay’adood ee fulinta iyo Xeer dajinta oo kamid ah Tiirarka ugu waa weyn ee Dowladda. Waxaana warka kasoo baxay lagu sheegay in ay maqlayeen kulamada iska soo horjeeda ay yeelanayeen Xubnaha Mooshinka wada iyo kuwa kasoo horjeeda, wax walibana lagu xaliyo Sharciga oo loo hogaansanaado. Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan Cid waliba oo u istaagta daminta Xiisadaha Siyaasadeed, una saldhigta Nidaamka iyo kala dambeynta Soomaaliya. Walaaca Beesha Caalamka ayaa imaanaya Xilli Guuxa Magaalada uu yahay Mooshinka ka dhanka Gudoomiye Jawaari, Ciidamada Hay’adda Fulinta ay geysay Xarunta Baarlamaanka iyo isbadalka Daqiiqad waliba dhici kara. Puntland Post The post Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay Xasarada Siyaasadeed ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu – IOM, the UN Migration Agency, with support from the Government of Japan has completed the distribution of 150 solar lanterns to survivors of sexual and gender-based violence (SGBV) in Galkayo, a district in the north-central Mudug region of Somalia, and Mogadishu, Somalia’s capital city. According to IOM’s Displacement Tracking Matrix (DTM), there are over two million internally displaced persons (IDPs) throughout Somalia. As a result of both protracted and acute displacement, women and girls may be more exposed to protection risks including gender-based violence (GBV), combined with a potential dearth of health and social support services. With support from the Government of Japan, IOM is coordinating GBV prevention and response efforts, with a focus on raising awareness and providing survivors with comprehensive psychosocial support, medical referrals and legal aid, where feasible. Last September, IOM trained staff from non-governmental organizations (NGOs) in Mogadishu to build their capacity in GBV case management and GBV information management systems (GBVIMS). In early February 2018, IOM Somalia hosted a Psychological First Aid (PFA) training of Trainers (ToT) and a GBV Mainstreaming ToT in Dolow, Gedo in collaboration with the GBV working group. Facilitated by a Mental Health and Psychosocial Support Specialist (MHPSS), the training aimed to build a multi-sectoral capacity among implementing partners from the Health, DTM, WASH and CCCM sectors on concepts around GBV, risks, the role of humanitarian actors from various sectors in prevention and mitigation and to build the capacity of field workers in crisis situations. PFA provides humane, supportive and practical assistance for people who are distressed, in ways that respect their dignity, culture and abilities. This week in Galkayo, female-headed households and 18 GBV survivors in Sawade, Bulo and Afarta Tanngi IDP sites received 75 solar lanterns. In Mogadishu, GBV survivors, people with disabilities and newly displaced female-headed households in Dagahweyne IDP site received the remaining 75 lanterns. Fadumo*, one of the recipients of a solar lantern at the Gadahweyne IDP settlement, said with a smile: “I am happy to have received the lights; it will go far to supporting my family and allow me to do my chores easily at night. With the solar lantern I will have more time to study at night and early in the morning after prayers; this has brightened our nights and we are hoping for more opportunities to brighten our lives.” To date IOM has distributed over 7,508 solar lanterns to drought-affected communities across Somalia since 2013, prioritizing female- and child-headed households. * Name changed to protect her identity IOM
-
Somaliland was attacked by the second generation of the perpetrators of those who executed the ethnic cleansing in Somaliland! The entity in Mogadishu declared two things: 1} that Somaliland is their colony regardless of Somaliland’s claim that they are a de-facto state independent of Somalia which indeed they are! 2} they don’t want Somaliland to develop their country, thrive and even exist and that is not acceptable as far as Somaliland is sane. Somaliland refused to expire and go away against what Mogadishu regime intended them for. Somaliland instead triumphed over Mogadishu’s powerful military machine. Now Somaliland is an independent de-facto state. Somaliland practices democratic system of governance with all institutions elected by its people. In Somalia they accepted to be colony of foreign countries who don’t want them to be independent despite the empty recognition they are given. That is said the rulers in Mogadishu are threatening Somaliland! Therefore it is time to wrap-up and conclude our differences emanated from the presidential election in 2017. And defend our Motherland once again against the same perpetrators! Together we resisted to be annihilated by Mogadishu genocidal regime. We die together, we survived together and we developed a democratic government together. We are not flawless people. We have our moral-less embezzlers and thieves who have to be investigated and sacked from k-2 administration forthwith. Misappropriation is ‘ghulul. According to some lexicographers ‘ghoul’ denotes misappropriation of a property. ‘Ghulul’ applies to every kind of embezzlement according to Islamic scholars The almighty Allah (swt) says “…and he who eats unfaithfully shall bring that in respect of which he has acted unfaithfully on the Day of Resurrection; then every soul be paid fully what it has earned, and they shall not be dealt with unjustly. The Holy Prophet (S) says:“One who embezzles a property in his charge and does not deliver it to its owner and dies in such a condition, then he does not die in my community (he does not die a Muslim). When such a person meets Allah, He shall be infuriated with him. And one who purchases an embezzled property knowing that it is embezzled is just like the (actual) embezzler.”We also have our good people, but usual they are avoided!! It is not time to talk pass each other, it is time to talk to each other. It is time to feel each other’s pain and concerns thus address them. However it is time to be a unified force against the enemy of Somaliland who ever those enemies are. In this call of unity context I have to refer an annotation in my last article {how much k-2 be different than k-1} Note: Muj. Mohamed Kahin, hosted a dinner to a group of people who reside or resided in Imperial Hotel Hargeisa for the occasion of been nominated as Minister of Interior. The author was among those invited. In that occasion the author reminded the new Minister that “unified fore is the right way to move Somaliland forward” the author also asked him to pass this message to the new President, Mr.Beexi. Mr.Kahin seemed that he understood the core of the author’s message which was “Unite the people by listening them and by addressing their concern.” Observation: Has Mr. Musa set foot on the road where Siilanyo administration travelled by taking Faisal with him or is it an unintended first time mistake?! Siilanyonian time relapsed both in behaviour and practice in Mr. Musa’s trip to UAE. Whether he gate-crashed or otherwise Mr. Faisal Ali Waraabe was seen sitting beside Mr. Musa Biixi in a presidential visit to UAE. Aside from the undesirable behaviour on the part of the delegation in the private jet sent to the President of Somaliland by UAE government like taking photos from Mr. Musa and Mr. Faisal sitting side by side while others laughing and showing off reading what looks like Menu! The people in that executive jet were behaving like grade-5 students on a visit to a wonderland! That guy, Mr. Faisal sitting beside the President of Somaliland, badmouthed and uttered unkind remarks against Mr. Musa, the President, Three or four days ago before this trip and not only that; Faisal also offended shamelessly a “neighbouring nation called “Canfar’ as well as Clans we wrongly, unjustly and unkindly call them ‘Midgo” attributed these to a man he intended to insult him severely by calling him “Canfari and Midgaan” what an idiotic blunder the blunderer did! Mr. Faisal is unglued, unhinged, mercurial and well known political ‘hack’ for hire. Unethically, he obtains benefits from his obnoxious behaviour in kind and cash from the corrupted entities like Siilanyo oligarch government. Whether Faisal gate-crashed or not Faisal smells the kill like the shark smells the blood from miles away! Where is “draining the swamp mantra”! Has Mr. Musa set foot on the road where Siilanyo administration travelled or is this an unintended first time mistake?! Time will tell. However peace and prayers Ibrahim Mohamed Mead Ottawa, Canada meadgd@gmail.com
-
DUBAI–Sultan Ahmed bin Sulayem (born 1955 in Dubai,UAE) is the Group Chairman and CEO of DP World hosted a dinner banquet in honor of Somaliland visiting delegation to the UAE led by the incumbent president His Excellency Musa Bihi Abdi on Friday. The dinner banquet was held at Jumeirah Emirates Towers Hotel in Dubai. HE The chairperson of DPW Sultan Ahmed Bin Sulieman has said that he is pleased to have the president of the republic of Somaliland and his entourage in Dubai. He deeply stressed the significance of DPW investment to Berbera port which is vital for Ethiopia’s Imports and exports. Mr. Suleiman has expressed his commitment to deepen the bilateral ties between the UAE and Somaliland. Finally, Somaliland president has expressed his thanks to the DPW chairperson for hosting this banquet and for the invitation that he was extended. He urged the firm to live up to its expectations.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,Maxammed SH. Cismaan(Jawaari) oo shir jaraa’id qabtay ayaa Xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay weerar ku soo qaadday Baarlamanka,kadib markii Galabta ciidan cusub la wareegay xarunta Golaha shacabka. Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xassan cali Kheyrre uu awood ciidan kula wareegay xaruntii Golaha shacabka,islamarkaana xukumaddu ay doonayso in ay burburiso Baarlamanka,isagoo xildhibaannada ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan arrintaasi. Dhinaca kale Mudane. Jawaari ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka dambayso mooshinka laga gudbiyay,balse loo socdo in Baarlamanka la burburiyo ee aan loo socon Jawaari oo keliyah,wuxuuna codsaday in aan kulanka Golaha Shacabka lagu qaban xarunta ciidanku la wareegay,laakiin la raadiyo goob kale oo aamin ah. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee Jawaari. PUNTLAND POST The post Jawaari”Golihii gacan nooguma jiro waxaa la wareegay Ra’iisul wasaaraha”. appeared first on Puntland Post.
-
The United Arab Emirates (UAE) will train Somaliland security forces as part of a deal to establish a military base in the semi-autonomous region, Somaliland’s president said. UAE government officials could not immediately be reached for comment – but UAE has committed to invest hundreds of million dollars in recent years in the territory on a strategically important stretch of coastline on the Gulf of Aden. UAE began construction last year of a base on a site at the airport of port city Berbera and will be allowed to maintain a presence for 30 years. Berbera is less than 300 km south of war-torn Yemen, where UAE troops are fighting rebels as part of a Saudi-backed coalition. President Muse Bihi Abdi said UAE would train police and military in Somaliland, which wants independence from war-torn Somalia but is not recognised internationally. He said he expected the agreement to be finalised within two months. “They have the resources and the knowledge,” Abdi told Reuters in an interview in Abu Dhabi UAE has become more assertive in its foreign policy in recent years. UAE Armed Forces have been fighting in the Yemen conflict since 2015 and in the past deployed in international operations in Kosovo and Afghanistan. Abdi said the military base, which he expects will be completed this year, will guarantee economic development and security for Somaliland and act as a deterrent to extremist groups in the region. Somaliland Foreign Minister, Saad Ali Shire, present during the interview, declined to disclose how many UAE soldiers would be at the base. “POLITICAL MISTAKE” Several regional powers set up military bases along the Horn of Africa coastline, including Turkey in Somalia’s capital. The United States, China, Japan and France have bases in neighbouring Djibouti. “It’s safer to have a lot of military in the area,” Abdi said. Abdi hoped UAE investments, including a new civilian airport and a road connecting Berbera to landlocked Ethiopia, will lead to a “huge creation of employment” in Somaliland where unemployment is rampant. “The biggest threat to Somaliland is poverty,” he said. Dubai’s DP World is developing Berbera port and building a free trade zone nearby. This week, Somalia’s parliament voted to ban DP World from the country, an act it said nullified the agreement. Abdi said the vote was a “joke” and a “political mistake” that would have no impact on the DP World agreement which includes the government of Ethiopia. Somaliland broke away from Somalia in 1991 and has acted as a de-facto state since then. Abdi expected UAE would make a hard currency deposit into Somaliland’s central bank but added there was no agreement between the two sides. Source: Reuters The post UAE to train Somaliland security forces appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in weerarka iyo inqilaabka lagu qaaday xarunta Golaha Shacabka aanu ahay mid sii socon kara. Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo diray ku caddeeyay inaan qabsashada xarunta Baarlamaanka lagu gaareynin ujeeddooyinka gurracan ee looga gol leeyahay, sida uu yiri, wuxuuna saadaaliyey inuu soo dedejin doono in ciddii sharci-darrada ku dhaqaaqday sharcigu ciqaabo. “Kacaanka 16 Maarso iyo inqilaabka hubaysan ee xarunta golaha shacabka lagula wareegay waxey muujinaysaa in madaxda dalku aysan naftooda iyo sharciga dalka aysan midna ku kalsoonayn, taas darteedna ay doorbideen in ay sharciyadda inqilaabaan ayadoo la joogo qarniga 21-aad iyo dal horey ugu soo hungoobay afganbi..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi Wuxu sheegay in Guddoomiyaha Golaha shacabka Prof. Jawaari uu jeediyey hadal taariikhi ah, isagoo DFaaha ka qaaday in heshiisyo qol mugdi ah hoostiis la yiri ku saxiix inuu diiday, taasna ay keentay in lagu soo duulo barlamaanka si guddoomiye macmal ah oo waxa xukuumaddu rabto oo kaliya ka dhex qabta golaha shacabka. Hoos ka aqriso farriin uu soo dhigay facebook Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Fiqi: “Inqilaabka 16-ka Maarso ma ahan mid barakaysan” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goordhow ogolaaday in loo qaado codka kalsoonida. Guddoomiye Jawaari, ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay in loo qaado codka kalsoonida kuwa mooshinka ka keenay si ay u helaan tijaabinta codkooda. Waxa uu Guddoomiye Jawaari hadalkiisa intaa ku daray inuu ku qanci doono codka loo qaadi doono, waxa uuna sidoo kale dalbaday in cod-bixinta ka dhacdo goob dhex-dhexaad ah mar haddii sida uu yiri aqalka golaha shacabka ay xukuumadda la wareegtay. Sidoo kale, Jawaari waxa uu sheegay inuusan aheyn shaqsi ku dhagaaya kursiga, balse uu doonaayo in kursiga uu kusii fadhiyo haddii ay raali ka yihiin Xildhibaanada amaba uu ka dago haddii laga soo horjeedo xilka uu hayo. Docda kale, waxaa uu guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ku eedeeyay Ra’isul wasaare Xasan Kheyre in ciidamo ku wareejiyay Guriga umadda, isla markaana uu mas’uuliyaddeeda qaadi doono wixii dhaca. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Jawaari oo shaaciyay inuu Ogolyahay In loo qaado codka Kalsoonida appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiye Jawaari ayaa xaqiijiyey in ciidamo Raysal wasaaraha Soomaaliya ka Amar qaata ay la wareegeen xaruntii Golaha Shacabka, isagoo ku tilmaamay tilaabo fool xun oo dhaawac ku ah qaranimada Soomaaliya iyo xad gudub ka dhan hay’adda sharci dajinta dalka. Guddoomiye Jawaari waxaa uu sheegay xukumadu inay weerar kusoo qaaday Barlamaanka, mooshinkiisana uu sabab iyahay Arimo Qaranimada ka hor imanaya oo uu diiday in uu saxiixo. “Raysal Wasaare Kheyre ayaa si toos ah ula wareegay xaruntii barlamaanka, ciidamadii difaaca xarunta golaha waa laga wareejiyay, waxaa la keenay ciidamo kale, waxaan halkaan ka cadeynayaa wixii masuuliyad ah oo arrintaan ka yimaada waxaa si toos ah u qaadanaya raysal Wasaare Kheyre,” ayuu yidhi Jawaari oo goor dhowayd shir jaraa’id saxaafada u qabtay. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in barlamaankii Soomaaliya uu gacantaydii ka baxay lana wareegay Raysal Wasaare Kheyre,” ayuu hadalkiisa kusii daray. Guddoomiyaha barlamaanka, ayaa dhinaca kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu wajo mooshinka lagasoo gudbiyay, inkastoo oo uu sheegay inay 99 xildhibaan kaliya saxiixeen, balse waxaa uu xildhibaanada soo abaabulay ugu baaqay inay soo buuxiyaan tirada ka dhiman mooshinka oo ah hal xildhibaan, si looga doodo, haddii kalsoonida lagala noqdona uu diyaar u yahay inuu aqbalo. Dhinaca kale, xiisad siyaasadeed oo aad u culus ayaa caawo ka taagan magaalada Muqdisho, xilli maalinta berrito barkamaanku iskusoo laabandoono. Wixii faahfaahin ah oo dambe kala socda Puntlandi
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Caaway shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa daaha ka qaaday waxyaabo badan oo qarsoonaa. Guddoomiyaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u taabtay waxyaabaha keena in mooshin laga keeno. Guddoomiye Jawaari oo caawa fiidkii Shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa sheegay in waxa loo socdo aanay aheyn isaga, balse la rabo in la burburiyo Baarlamaanka, shaqadiisana la fariisiyo. Waxaa uu sheegay in Baarlamaanka la doonayo in laga dhigo Baarlamaankii 8aad, isagoo xusay in sababta mooshinka loogu soo kiciyay ay tahay arrimo uu diiday inuu saxiixo oo dhaawacaya nidaamka, mabda’a iyo ammaanada ay shacabka u dhiibteen. “Jawaari ma ahan waxa loo socdo, ee waa Baarlamaanka oo la rabo in laga dhigo sida Baarlamaankii 8-aad oo kale, Mooshinada la keenay waxaa sabab u ahaa arrimo aan diiday inaan saxiixo oo dhaawacaya ammaanada shacabka u dhiibteen”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari. Guddoomiye jawaari ayaa sidoo kale sheegay inay xarunta la wareegeen ciidamo uu soo diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. ” Xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la wareegay ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre” ayuu yiri jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho. Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in la qabto mooshinka laga soo gudbiyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post jawaari ” Mooshinka la iga keenay waxaa sababay anigoo diiday inaan saxiixo arrimo dhaawacaya ammaanada shacabka” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay caddeysay mowqifkeeda rasmiga ah ee heshiiska dekadda Berbera oo ay dhowaan ku biirtay heshiis ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka iyadoo saami dhan 19% ka heshay maamulka Dekaddaasi. Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya Meles Alem ayaa sheegay in heshiiska ay wada saxiixdeen Itoobiya, DP World iyo Somaliland ee dekadda berbera aanu wax shaqo ah ku lahayn xaaladda Siyaasadda ee Soomaaliya, isla markaana uu yahay mid ganacsi oo qura. Afhayeenka ayaa caddeeyay in Itoobiya ay taageersan tahay midnimada iyo Madax-banaanideeda dhuleed ee Soomaaliya, xiriir wanaagsann kala dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay iska kaashadaan arrimo badan oo ay ugu weyn tahay dagaalka lagula jiro Alshabaab. Isagoo u warramay telefishanka Aljzeera ayuu Afhayeenka Meles Alem wuxuu sheegay in heshiiska Berbera uu salka ku hayo iskaashiga Ganacsi iyo arrimaha Logistics-ka kaliya. Iyadoo ay qeyb ka tahay dadaalka Itoobiya ugu jirto sidii ay u heli laheyd marino kala duwan oo badeed ee aysan marna ka horjeejin midnimada Soomaaliya. Wuxuu soo qaatay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo uu sheegay inuu horumar weyn sameeyay, tan iyo intii uu booqashada ku tegay Itoobiya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dowladda Itoobiya oo War Cad kasoo saartay Heshiiska Dekadda Berbera & Sababta ay ugu biirtay appeared first on Caasimada Online.