Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,731
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ku kala saxiixay heshiis dhinaca amniga ah jasiirad ku taal dalka Singapore labo qalin oo kala duwan. Markii la saxiixayay heshiiska ayaa waxaa soo if baxday in hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim uusan aaminaynin dowlada Maraykanka kadib markii uu diiday in uu heshiiska ku saxiixo qalinkii uu isticmaalay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Madaxweyne Trump ayuu dhigey qalinkii uu ku saxiixay qoraalka heshiiska meel aan ka fogeyn hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi,hase yeeshee waxaa miiska si deg-deg ah ku yimid sarkaal ka tirsanaa wafdigii xukuumada Waqooyiga Kuuriya kaasoo gacmaha ay u duubnaayeen waxana uu si taxadar leh u qaaday qalinkii uu Trump isticmaalay, waxaana si dhaqso leh jeebka uga soo bixisay qalin gabadha ay walaalaha yihiin Kim Jong-un taasoo ka mid ahayd wafdigiisa isla markaana dhinac taagneyd marka uu saxiixayay heshiiska. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in uu aad isaga ilaalinayay in uu taabto shey wax u soo gudbin kara inkastoo uu si toos ah u gacan qaaday madaxweynaha Maraykanka markii uu gacanta u soo taagay daqiiqadii ugu horeysay ee kulanka. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo caafimaadkiisa isbedelayay sanadihii la soo dhaafay uu iska ilaalinayay in dhiigiisa ay Maraykanka ay aalad qarsoon ku qaadaan. Kim ayaa la sheegay in markii uu yimid dalka Singapore oo martigeliyay kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Maraykanka uu hore u soo qaatay wax walba uu u baahnaan karo waxaana la sheegay in musqul gaar ah ay ka mid ahayd waxyaalaha uu ka soo qaatay dalkiisa taasoo uu isticmaalayay intii uu joogay dalka Singapore. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa la socday markii uu imanayay dalka Singapore ilaaladiisa gaarka ah iyo gaadiid u gaar ah oo uu marwalba isticmaalo isagoo ku yimid dalka Singapore diyaarad laga leeyahay dalka Shiinaha. Maxaa kasoo baxay kulankii Kim iyo Trump? Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in kulanka uu la qaatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu ahaa mid wax ku ool ah oo kalsooni geliyay. Trump wuxuu sheegay inuu joojinaya dhoolatuska militari halka Kim uu ballan qaaday inuu burburin doono goobaha lagu tijaabiyo Nukliyerka. Sida ku cad heshiiska ay labada hogaamiye saxiixeen, waxaa ka go’an sidii Nukliyerka looga ciribtiri lahaa gacanka Kuuriya iyo ka shaqaynta nabadda gobolka. Mareykanka ayaa ka codsaday Kuuriyada Waqooyi in si dhamaystiran ay u xaqiijiso burburinta Nukliyerka. Madaxweyne Trump wuxuu yiri “Waxaan filaya in labada dhinac ay ku farxi doonaan natiijada kulanka” Kulanka kaddib hoggaamiyeyaasha waxay kala saxiixdeen dokumenti ku baaqayay in labda dal ay billowdaan xiriir cusub. Kulanka Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa noqday kii ugu horreeyay ay abid qaataan madaxweyne Mareykan ah iyo hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi ah. Waxay isku salaameen hoteel loo dalxiis taga oo ku yaalla Jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore ka hor inta ay u billaabanin wadahadallada. Trump oo saaxibtinimo dhaw u muujinaya hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu sheegay inuu Aqalka Cad ku marti qaadi doono Kim Jong-un. Hoggaaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu dhankiisa sheegay inay go’ansadeen in laiska illaawo wixii horay u dhacay, heshiiskaana ”uu adduunka u horseedi doono isbadello waaweyn.” Dadka falaanqeeya siyaasadda gobolka ayaa ku kala aragti duwan qodobada ugu dambayn kasoo baxay kulanka, qaarkood waxay u arkaan kulan aan wax wayn soo kordhinayn, halka qaar kalena ay rumasan yihiin in kulanka uu noqon karo dhabbihii nabadda loo qaadi lahaa. Heshiiska labada dhinac ay kala saxiixdeen ma ahaan mid faahfaahin ka bixiyay sida gacabka Kuuriya looga dhigi lahaa mid ka caagan niyukliyeer. Mareykanku wuxuu sheegay inuu dammaanad qaadi doono ammaanka Kuuriyada Waqooyi inkastoo aanan la sheegin waxaa ay ka dhigantahay arrintaasi. Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan wadahadallo kale oo looga hadlaya amniga gobolka. Sawirka lasoo qaaday ayaa muujinaya labada hoggaamiye oo is salaamaya, waxay astaan u noqonaysaa in labada dal ay xiriir wanaagsan yeeshaan kuwaaso muddo 20 sanno ah ay cadowtinnimo ka dhexeysay. Kulankii taariikhda galay Trump iyo Kim Jung-un waxaa la socday oo kaliya ah markii ay kulmayeen labo qof oo u kala turjumo, waxayna hadleen in ka yar 40 daqiiqo, kaddibna waxaa kusoo biiray wufuud la taliyeyaal ah oo kulankooda qadada qeyb ka ahaa. Waxaana ka mid ahaa mas’uliyiinta joogay kulanka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo la taliyaha ammaanka John Bolton, dhanka Kuuriyada Waqooyi waxaa joogay madaxii hore ee sirddoonka Kim Yong-chol iyo wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Ri Yong-ho. Kim iyo Trump ayaa ku qadeeyay cunnooyin isku dhaf ah oo laga keenay dalalka reer galbeedka iyo Kuuriya. Muxuu uga dhigan yahay kulanka labada dal? Kulanka taariikhiga ahwaxa alagu tilmaamay mid dan ugu jira labada dal inkastoo dhowr jeer oo hore uu qark u saarnaa inuu baaqdo. Dad badan ayaa rumaysan in natiijada kasoo baxday kulanka aysan waxtar noqon doonin. Inuu la kulmo Kim madaxweyne Mareykan waxay u tahay guul maadama aabihii iyo awoowgii aysan samaynin arrintaasi. Mareykanka ayaa cadaadis ku hayay Kuuriyada Waqooyi oo ay kamid ahayd cunaqabataynta dhaqaale uu dalkaasi kusoo rogay. ?????????????????????????????????????????????
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo tan iyo markii la galay bisha ramadaan la xiray dhammaan isu socodka waddooyink magaalada Muqdisho, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo ka jawaabaya qeyla dhaanta ka dhalatay waddooyinka laga xiray shacabka ayaa sheegay in ujeedka loo xiray ay tahay adkeynta amniga caasimada. Kheyre waxa uu sheegay in xirnaanshaha wadooyinka iyo baaritaanada wakhtiga dheer qaata looga gol leeyahay sugida amniga caasimadda,isla markaana Shacabka dhankooda looga baahan yahay in ay dul qaataan. Ra’isul wasaaruhu waxa uu cadeeyay in amni la’aantii aysan suuragal aheyn, waxa uuna sababta ugu weyn ee xirista waddooyinka ku sheegay dhagar ay xagjiriinta Al-Shabaab u maleegayaan dadka shacabka ah. Kheyre ayaa yiri “Waxan shacabka uga mahad celinayaa dulqaadka ay muujiyeen waan ogahay in ay dhibtahay in waqtiyo badan qaadato meeshii la aadi jiray sababtoo ah in baaritan badan baabuurta lagu sameeyo’’ Waxa uu intaa raaciyay Kheyre ‘’Waxan idiin ballan qaadayaa in aan sii dardar gelin doono howlaha baaritaanada inta laga gaarayo in aan loo baahan baaritaan badan oo uu amniga soo hagaago’’ Shacabka ayuu ugu baaqay inaysan dhaliilin ciidamada amaanka ee ku howlan sugida amniga, waxa uuna taa bedelkeeda ku taliyay in si dhow loola shaqeeyo. Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dadka shacabka gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho ay dhibaatooyin badan ka qabaan sida ay ciidamada ula dhaqmaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Garoowe (Caasimada Online0 – Wararka naga soo gaaraya degaanada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in saacaddihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen Afduubyo loo geystay dhalinyaro kasoo kala jeedda labada maamul. Labo dhalinyaro ah oo kasoo jeedda degaanada maamulka Puntland ayaa lagu Afduubtay degmada Caynabo, waxaana sidoo kale la sheegay in meel u dhow degaanka Tukaraq lagu Afduubtay dhalinyaro kasoo jeedda maamulka Somaliland. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan gobolka Sool dhalinyaradda kasoo jeedda maamulka Somaliland ayaa kusoo jeeday Magaalada Garowe, waxaana ay doonaayeen in halkaasi ka qaataan Passapoorka Soomaaliga. Sidoo kale dhalinyaradda kasoo jeedda degaanada maamulka Puntland ayaa ku sugnaa degmada Caynabo ayaa la sheegay in ay halkaasi u joogeen howlo shaqo. Afduubka ayaa waxaa geystay Maleeshiyo Beeledyo sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka. Waxgaradka labada dhinac ayaa wadda dadaallo ay ku doonayaan in ay dib xoriyadooda ugu soo celiyaan dhalinyaradaasi. Dhawaan ayay aheyd Markii Magaalada Garowe lagu Afduubtay dhalinyaro kasoo jeeda Somaliland,kuwaasoo markii dambe ay ku guuleysteen in ay soo daayaan waxgaradka labada dhinac.
  4. Around 3,500 fishermen in Somaliland have been put out of a living by the tropical cyclone Sagar that struck northern parts of Somalia on 18 May. Source: Hiiraan Online
  5. Wasiirka warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta,Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland,Cabdi Xirsi Cali(Qarjab) ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Garoowe uga hadlay,saddex arrimood oo ku saabsan colaadda Puntland iyo Somaliland ee ka aloosan gobolka Sool. Wasiirka ayaa ugu horrayn sheegay, in Puntland ay ku jirto dagaal xaq ah oo lagu difaacayo sharafta iyo karaamada shacabka,sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna dadweynaha reer Puntland ee gudaha iyo debadda ku boorriyay in ay ciidamada difaaca ku garab istaagan dagaalka. Cabdi Xirsi Cali(Qarjab),Wasiirka Warfaafinta ayaa dhinaca kale caddeeyay in Puntland aysan wax wada-hadal ah ka geli doonin xuduudaheeda Dastuuriga ah,islamarkaana aysan jirin wax laga wada-hadlo inta Somaliland ku sugantahay taako kamid ah degaannada Puntland. Qarjab oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in khasaare ka ballaaran kii hore uu ka dhalan doono colaadda gobolka Sool,haddii aysan Somaliland si deg deg ah uga bixin dhammaan degaannada ay ka joogto gobolkaasi. Halkaan ka daawo muuqaalka Wasiirka. PUNTLAND POST The post Qarjab: Puntland maxay Somaliland kala hadlaysaa! appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa lagu mamnuucay in Ganacsatada ay soo dejiyaan Qalabka ay Carruurta ku Ciyaaraan Maalmaha Ciida. Wasiirku waxa uu sheegay in qalabkaasi ay ka sameysan yihiin walxaha baaruuda ah ee Qaraxa sameeya kuwaa oo ka kooban Bustoolado iyo Qoryo dhammaantooda feeg ah. Waxaa lagu sheegay wareegtada in qalabkaasi ay qalqal amni ku keeni karaan dadka shacabka, sidaa aawgeed ay Wasaaradu mamnuucday. Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa muujineysa in Wasiirka uu gabay howlaha Wasaarada, waxaana xusid mudan in warqadaasi ay kusoo beegmeyso xili hal maalin ay ka harsan tahay Ciida. Qalabka la mamnuucay ayaa magaalada Muqdisho soo galay ku dhawaad laba bil ka hor, hase yeeshee waxa uu Wasiirka iyo Wasaaradiisaba kusoo baraarugen xili qoysaska carruurta leh ay goor hore iibsadeen. Dadka qaar ayaa wareegtada Wasiirka ku tilmaamay mid ifineysa howl xumo iyo ka warqab la’aan ka dhex jirta Wasaarada, iyagoo u sababeeyay soo daahista wareegtada. Wareegtada ayaa looga digay Ganacsatada in ay soo dejiyaan Qalabkaas,oo Wasaaradu sheegtay in ay yihiin kuwo dhibaato amni u keenaya dalka,isla markaana Carruuta oo horay ugu dhashay Wadan amnidarro ka jirto sii dhiiragelinaya. Sidoo kale Ganacsatada ayaa loogu baaqay in Maalmaha Ciida kale ee soo socota in ay dalka keenaan Qalab kan ka duwan kaas oo Carruurta baraya waxyaabaha wanagsan.
  7. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali (Gaas) ayaa xilka looga qaaday agaasimayaashii hay’adaha PSS IYO PIA ee Puntland. Halkaan hoose ka akhriso wareegtada Madaxweynaha Puntland oo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA. Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA. Madaxweynaha Dawladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha Amniga. Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Wuxuu Xeeriyey: 1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo). Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle). Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD=
  8. Dubai’s JW Marriott Marquis Hotel has terminated its agreement with the head chef of the Rang Mahal Indian restaurant following his “anti-Islam” tweet on June 10. Source: Hiiraan Online
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa beeniyey war kasoo baxay Somaliland oo ah in wadahadallo la leeyihiin maamulkaasi, lagana wadahadlayo arrimaha gobolka Sool. C/laahi Jaamac Quraan Jecel oo ah afhayeenka Puntland ayaa sheegay in warka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda maamulkaasi aanu waxbo ka jirin, islamarkaana Puntland ay ka go’an tahay iney la wareegto gobolka Sool. “Waan maqlay warkaa kasoo yeeray wasiir Sacad Cali Shire oo uu leeyahay waxaa inoo socda annaga iyo Puntland wadahadallo, warkaasi waa mid aan waxbo ka jirin waa war siyaasi…Laascaano iyo gobolka Sool waa la xoreynayaa waa arrin dastuuri ah, haddii in muddo ah Somaliland ay dhex socotay micnaheedu ma ahan iney leedahay” ayuu yiri afhayeenka. Dhanka kale, Afhayeen Quraan Jecel oo hadalkiisa si wata ayaa sheegay in aanu jirin wax lagu wadahadlo oo meesha yaalla, sababtuna wuxuu ku sheegay in Sool ay ka tirsan tahay Puntland. Lama oga sida ay wax ku dambeyn doonaan, waxaana jirin illaa hadda dedaal rasmi ah oo muuqda misane lagu kala dhexgalay dhinacyadan.
  10. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa xilka looga qaaday agaasimayaashii hay’adaha PSS IYO PIA ee Puntland. Wareegtadaan oo ku taariikhaysan 13 June 2018 ee ku beegan Arbacada maanta ah,ayaa xilka looga qaaday agaasimihi guud ee hay’adda Sirdoonka Puntland Intelligence Service( PIA),Cabdirasaaq Ciise Xuseen(Khaatumo) iyo agaasimihi guud ee hay’adda Nabad Sugidda Puntland Security Service(PSS),Cabdullaahi Aadan Maxammed. Halkaan hoose ka akhriso wareegtada. Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA. Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA. Madaxweynaha Dawladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha Amniga. Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Wuxuu Xeeriyey: 1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo). 2. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle). 3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD= PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo xilalkii ka qaaday agaasimayaashii hay’adaha PIA iyo PSS appeared first on Puntland Post.
  11. Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa lagu amray shirkadda DSAT in ay sida ugu dhakhsaha badan Sanduuqa kannaallada uga saarto, TV-ga ku hadla Afka Somaliland. Qoraalka laguma faahfaahin arrimaha keenay in shirkadda DSAT amarkaan la siiyo,balse waxaa lagu soo koobay,sababa jira awgood, in TV-ga Somaliland looga saarayo Sanduuqa kannaalada ee DSAT,waxaana go’aankan saamaynaya keliya ah dadweynaha ku nool degaannada Puntland oo aan hadda wixii ka dambeeya fursad u heli doonin daawashada TV-ga ku hadla Afka Somaliland. Dagaalka warbaahinta ee u dhexeeya maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa maalmahan dambe kordhay,xilli weli ciidamada labada dhinac ay isku horfadhiyaan degaanka Tukaraq ee gobolka Sool,halkaasoo ay ka taagantahay xiisadda colaadeed ee ka dhalatay dagaalladii ka dhacay degaankasi. Halkaan ka akhriso Wareegtada. PUNTLAND POST The post Puntland amartay in degaannadeeda laga xannibo SNLTV appeared first on Puntland Post.
  12. Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa si adag uga hadlay xayiraada la saaray shacabka Muqdisho iyo dilalka isi soo taraya ee lagu hayo dhallinyarada ku xamaalata gaadiidka Bajaajta. Maalmihii lasoo dhaafay, Muqdisho waxey aheyd magaalo kala xiran waxaana intaas dheer dilal ay ciidanka Dowladu ku hayaan shacabka. Wuxuu Taabit Cabdi Dowladda ka codsaday in ay cadaalad helaan qoysaska caruurtooda la laayay. Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir ayaa qaba in Muqdisho oo aan heysan mataalad siyaasadeed in aaney xamili karin caburin joogto ah isagoo yiri “Xamar Xuquuq la’aan iyo Xorriyad la’aan ma wada qabato”. Hoos ka Aqriso qoraal uu Taabit soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Facebook. Xaaladda shacabka Muqdisho waa sii adkaaneysa maalinba maalinka xiga. Jidadka xiran waxaa ku biiray dilalka joogtada ah ee wiilasha dhallinyarada ah ee Bajaajta ku xamaasha. Aad baan uga murugoonayaa aqbaarta nuucaas ah. Bajaajleydu dhaqaale ayey magaalada u yihiin, waxay sahlaan isu-socodka bulshada, waxayna u badan yihiin dhallinyaro. Sidaa darteed waa inaan la dabar jarin jiilka Caasimadda. Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay dilalka lagu hayo Bajaajleyda wuu batay mana jirto sabab cad oo loo aaneyn karo iyo wax ay galabsadeen toona. Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qoysaskii ay ka baxeen dhallinyaradaas gardarada lagu dilay. Dowladda waxaan ka codsanaya in ay cadaalad helaan ehelada marxuumintaas iyo in talaabo adag laga qaado askarta dhaqankaas caadeysatay. Waxaa fooda inagu soo heysa Ciidul-Fidrigii, weli Muqdisho waa kala xiran tahay, waxaana jira ganacsato badan oo aan weli suuq u helin agabkii ay u keeneen Ciida awgeed, sidoo kale waalidiin iyo caruur badan ayaan weli helin fursad ay ku tagaan goobaha ganacsiga jidadka xiran awgood. Dowladdu waa iney fududeysa isu-socodka magaalada, waa in ay raadisaa xal fudud oo amniga lagu sugi karo, bulshada Muqdishana ay ku ganacsan karto kuna noolan karto bilaa caburin. Xamar Xuquuq la’aan iyo Xorriyad la’aan ma wada qabato! Mahad-badan Thaabit Cabdi Maxamed
  13. Sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi, Maamulka Somaliland ayaa aqbalay qorshe ay wadeen Qaramada Midoobay iyo IGAD oo ah in marka koowaad laga sameeyo xabad joojin rasmi ah Tukaraq islamarkaana la bilaabo in la wada hadlo. Hase yeeshee Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa qorshahaas diiday islamarkaana shuruud ku xidhay. Warku wuxuu sheegay in Mr. Gaas uu shuruud ka dhigay in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo Sool, ka dibna la bilaabo xabad joojin iyo wada hadal. Talaabadan Puntland, ayaa warku wuxuu sheegay in beesha caalamka uu ku noqday caqabad islamarkaana ay ku cuslaatay shuruudaas uu Cabdiweli Gaas ku xidhay xabad joojinta,
  14. ADDIS ABABA, Ethiopia -A total of 33,300 people have been killed in Africa between 2011 and 2016 due to violent extremism, according to a UN Development Programme-sponsored study released on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  15. A senior officials of the African Union Mission in Somalia and partners, are meeting in Kenya’s capital Nairobi to reflect on the Mission’s Quick Impact Projects (QIPs), aimed at improving the quality of life of communities in recovered areas. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) The highest denomination of banknotes will be 10,000 and 5,000 Somali Shilling note, the Country's Central Bank confirmed on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  17. URBANA, ILLINOIS – In late March, Africa’s leading scientists, innovators, and policymakers met in Kigali, Rwanda, to brainstorm solutions to an increasingly pressing problem: the low quality of science on the continent. Source: Hiiraan Online
  18. HARGEISA (Thomson Reuters Foundation) - When Hanab Ahmed’s 18-year-old son Mohammed did not come home for lunch or answer his phone, she feared that he - like several other teenagers who had disappeared from their neighborhood - had set off for Europe, risking kidnapping and death. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dhibaatooyin la sheegay in Dowlada Imaaraadka carabta ay u maleegto guud ahaan Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Dhibaatooyinka uu Imaaraadka ku hayo Somalia ayaa isugu jira qeybo kala duwan sida Ganacsiga, Siyaasada, Amniga iyo Kala gudbinta hubka sharci darada ah. Dadka Soomaalida ah ayaa dhibaatooyinkan uu Imaaraadka ku hayo Somalia ku baraarugay wixii ka danbeeyay Heshiiska magaalada Abu Dabai ku dhexmaray Imaaraadka iyo Somaliland kaa oo u muuqday mid si dadban loogu kala iibsanaayay Dekadda Berbera, inkastoo ay fashilisay dowlada Somalia. Dowlada Imaaraadka ayaa fashilka ay kala kulantay Heshiiska Dekadda Berbera ka qaaday cadaawad hor leh oo ay u muujineysay Somalia, iyadoo wixii intaa ka danbeeyay ay bilowday inay qafiifiso xiriirka Somalia, sidaana looga eryo dalka. Dhibaatada GANACSI ee uu imaaraadka ku hayo Somalia 1-Dowlada Imaaraadka waxa ay Somalia 20kii sano ee ugu danbeysay u iibkeentaa Dawooyin dhacay. 2-IIbkeenka Rashiin dhacay oo dunida laga waayay goob loo safriyo. 3-IIbkeenka gaadiid raqiis ah oo tayo ahaan aad uga hooseeya kuwa kale oo ay ka iibiso adduunka kale. 4-Ka macaashida dhaqaalaha iyo ganacsiga ka socda Dekadaha Somalia. 5-IIbkeenka dharka Hidaha iyo dhaqanka u ah, si dhaqan ahaan ay saameyn ugu yeeshaan Somalia. 6-IIbkeenka Hubka sharci darada ah, iyadoo laga faa’iideysanaaya burburka weli ku danbeeya Somalia. Dhibaatada SIYAASADA ee uu imaaraadka ku hayo Somalia 1-Aasaaska Xisbiyo mucaarad oo aan horay looga aqoon Somalia. 2-Sameynta Siyaasiyiin cusub oo ka shaqeynaaya danahooda gaarka ah iyo tan Imaaraadka. 3-Bixinta dhaqaale joogta ah oo lagu bixiyo qaska Somalia taa kor u dhaafeysa 2 Milyan, oo si joogta ah u gaarta dhammaan Xisbiyada mucaaradka Somalia min caasimad ilaa Gobol. 4-Sameynta casuumaado qarsoodi ah oo lagu indha sarcaadinayo Siyaasiyiinta mucaaradka ah, kuwaa oo ka dhaca Dubai iyo Nairobi. 5-Ka qeybqaadashada riditaanka Xukuumadaha aysan ka dhex arag danahooda gaarka ah. 6-Fashilinta dowlad waliba oo caqabad ku ah danaheeda Siyaasadeed ee Somalia. 7-Sameynta Siyaasiyiin khaas ah oo si joogta ah madaxda dalka uga dhaliila Warbaahinta madaxa-banaan. Dhibaatada AMNI ee uu imaaraadka ku hayo Somalia 1-Sameynta ciidamo gaara oo calooshood u shaqeystayaal ah, kuwaa oo ka dhex shaqeeya Gudaha iyo Gobolada dalka. 2-Keenista Hubka sharci darada ah ee lagu qalqal galiyo amniga Somalia. 3-Keenista Gaadiidka ciidanka si ay u iibsadaan xitaa dhinacyada kasoo horjeeda dowlada sida Shabaab iyo Daacishta Somalia. 4-Keenista Kiimikada halista ah ee laga sameeyo Qaraxyada tanka culus, oo si qarsoodi ah loogu dhex iibin jiray xerada Gordon ee uu Imaaraadka ku tababari jiray ciidamada. 5-In Somalia ay u iibkeenaan Dareeska ciidanka si ay u adeegsadaan dhinacyada halista ku ah amniga dalka sida Shabaab iyo Daacish. 6-In Somalia ay u iibkeenaan Hubka feega ah oo ay ku cayaaran carruurta kuwaa oo halis ah, isla markaana xiliyada habbeenkii lagu geysto dhaca. Dhibaatada Kala gudbinta hubka sharci darada ah ee uu imaaraadka ku hayo Somalia 1-Kala gudbinta hubka sharci darada ah oo si toosa u gaara dhammaan Gobolada dalka. 2-Hubka oo sifo sharci daro ah loogu keeno Somalia Diyaarado iyo Maraakiib kolkaa u raran Imaaraadka. 3-Keenista Hubka sharci darada ah oo heshiis lagala galo Burcad-badeeda si ay ugu safriyaan Biyaha badda ah. 4-Hubka oo si rasmi ah loogu ganacsi keeno Muqdisho iyo guud ahaan Gobolada dalka. 5-Hubka oo laga kala gudbiyo Xerooyinka uu Imaaraadka ku lahaa Muqdisho, waxaana xusid mudan in xiligaan laga kala gudbiyo Puntland iyo Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa u muuqaneysa mid ku guuleysatay inay cuuryaamiso danaha gaarka uu Imaaraadka ka leeyahay Somalia, wallow ay weli jirto halis badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. It has proven nearly impossible for the Kenyan government to quickly close the third largest refugee camp in the world. Meanwhile, fewer people have chosen to return to Somalia so far in 2018 Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay dadka shacabka ah ku qabaan xirnaanshiyaha waddooyinka magaalada Muqdisho. Xildhibaan Mahad ayaa xernaanshiyada daba dheeraaday ku eedeeyay Dowlada Somalia, gaar ahaan madaxda ugu sareysa. Xildhibaan Mahad Salaad oo arrintaan ku cabiray qoraal uu kusoo daabacay boggiisa Facebook, ayaa su’aal ka keenay sababta ay Hay’adaha amniga u dhaqan galin la’yihiin amarka kasoo baxay Madaxweynaha dalka. Waxa uu sheegay inay garan la’yihiin waxa u sababta ah in amarka Madaxweynaha dalka ahna Taliyaha Guud ee ciidamada Qalabka sida uu ka dhaqan gali la’yahay keliya magaalada Muqdisho. Mahad waxa uu qoraalkiisa ku sheegay inuu garan la’ yahay in dalka uu leeyahay laba Madaxweyne oo talooyinkooda siyaabo kala duwan u fula. Hoos ka akhriso qoraalka mahad salaad: Madaxweyne Farmaajo maalintii Sabtiga qoraal uu soo dhigay bogiisa Twitter ka waxa uu ku sheegay “in uu farayo hay’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo”. Ilaa hada magaaladu sidii ayay ciriiri ugu jirtaa, cabashada shacabkana waa sii labo jibaarantay! Sida ku cad Qodobka 90aad, Farqadiisa (b, c) ee Dastuurka KMG, Madaxweynahu waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida. Wuxuuna magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal xilkana waa ka qaadaa. Haddaba, hadii Madaxweynuhu amray in la furo wadooyinka xiran, waa su’aale: – Yey u xiranyihiin wadooyinka magaalada Mogadishu ilaa hada? – Hadiise Madaxweynuhu amar bixiyay maxay u fuli la’yihiin amaradiisu? – Mise magaaladii Mogadishu ayaa labo Madaxweyne yeelatay oo jidadka la gooyay Dowlad kale ayaa ka talisa?! Mudane Madaxweyne bil Ramadaan ayaa lagu jiraa, maalmihii ciidana afka ayay nagu soo hayaan ee dadka shacabka ah ciqaabta Ciidammada Amnigu ku hayaan halaga dul qaado. Mahadsanid. Hon. Mahad Salad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Wadanka Imaaraadka ayaa u qabtay kooxaha Xuutiyinta Yemen waqti kama dambays ah oo ay ciidamadooda ugala baxaan magaalada dekadda leh ee Xudeydah. Imaaraadka ayaa waxa ay ku hanjabeen in haddii aysan Xutiyiinta ciidamadooda halkaasi kala bixin ay weerari doonaan. Gargaarka bina’aadanimo ee muhimka ah ee la gaarsiiyo Yemen ayaa waxa uu ka degaa dekadaasi. Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa BBC u sheegay in isbahaysiga uu dulqaadkii ka dhamaaday gaar ahaan marka ay timaado in arrintan lagu xaliyo qaab dublamaasiyadeed. Xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa waxa ay horey Xuutiyinta ugu qabteen in muddo 48 saacadood ah ay uga baxaaan Xudeydah. Horey ayay dowladda Britain u sheegtay in ay isku dayi doonto in ay ku qanciso xulufadada uu Sacuudiga hogaamiyo in aysan weerarin magaalada dekadda leh ee Xudeydah ee dalka Yamen. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 250,000 ay naftooda halis galaayso haddii xulufada Sacuudiga ay ku dhaqaaqaan weerar ay ku qadaan dekadda magaaladaasi. ISHA BBC
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaalka Tukaraq oo bill-jirsaday, geystana khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo aan la ogeen inta ay gaarsiisantahay, saameyn balaarana ku yeeshay dhammaan Beelaha Waqooyi, Waqooyi Bari iyo Golayaasha Fedaraalka ee Muqdisho ayaan loo helin weli xal siyaasadeed iyo mid deegaan. Waxa uuna kashifay in 30 sano kadib aysan Somaliya weli ka guurin hayb iyo habar wacasho Qabiil, welina lagu murunsanyahay; Magaca dagaalka! Cida wada ama ka danbaysa! Sababta loo huriyey waqtigaan! Yey faa’iido ugu jirtaa! Yaa laga sugayaa joojintiisa iyo Xalkiisa!. Dagaal Sokeeye oo u dhexeeya beelaha deegaanka miyaa? Dagaal u dhexeeya dawladda Somaliland iyo dawladda Puntland miyaa? Maamulka Somaliland iyo Maamulka Puntland miyaa? Dawlada Federaalka iyo Maamulka Hargeysa miyaa? Midnimo-doon iyo Goosasha-doon miyaa? Harti iyo Isaaq miyaa? Jeegaan iyo Majeerteen miyaa? Siyaasiyiinta Sool ee kala jooga Hargeysa iyo Garoowe miyaa? Haddii aan Magaca, Sababka iyo cida wada dagaalka aan toos loo helin, runtana laga sheegin, loona kala fasirto siyaabo kala duwan, beena laga sheego u jeedka iyo xaqiiqda dagaalka xalkiisa lama gaarayo, lamana garano cida laga sugayo xalka? Dagaalka Tukaraq sabab kasta ha dhalisee waxa uu daaha ka qaaday dhawr arrimood; 1-Madaxweyne Biixi oo fulinaya talooyin ay siiyeen aqoon-yahanno reer galbeed ah oo Ictiraaf u raadinaya Somaliland iyo balan-qaadkiisii ahaa in uu Xuduuda Somaliland iyo Ictiraafkeeda keenayo. 2-Madaxweyne Gaas oo doorashada kusoo dhaw awgeed raba in uu dagaalka dhibco ka helo ama mudada ku kordhisto. 3-Khilaafka Khaliijka iyo taageerada Emaaraatka oo qeyb ka ah. 4-Labada Maamul oo ku fashilmay 28 sano kadib in ay ku qanciyaan labada Gobal ee Sool iyo Sanaag in ay midkood raacaan. 5-Labada Maamul oo ku fashilmay in ay ilaaliyaan Magacii iyo Nabaddii ka jirtay Gobaladaas mudada dheer kadib dagaalada Ceel-Afweyn iyo Tukataq. 6-Maamulka Hargeysa oo raba in uu dagaalka shaati Fedaraal u geliyo si uu taageero uga helo beelaha Somaliland. 7-Maamulka Garowe oo raba in uu arrinta beeleeyo si sheegashada Somaliland ee xuduuda Engriiska meesha uga baxdo. 8-Siyaasiyiinta Sool iyo Sanaag oo ku fashilmay in ay dadkooda maamul u sameeyaan ama labada maamul mid raaciyaan. 9-Wasiirada iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Gobalada Sool iyo Sanaag ee Golayaasha Fedaraalka oo ku fashilmay in ay joojiyaan dagaalada Ceel-Afweyn iyo Tukaraq, Nabad na ugu baaqaan ama u geeyaan, kadibna kala taageeray Hargeysa iyo Garowe. 10-Dawladda Fedaraalka oo eed ka carar awgiis ka gaabsatay dagaalka, markii laga reebo baaq nabadeed oo ay hawada marisay. Hadaba waxaa nasiib darro ah in Nabadda aan lagu raadi karin qaab dhaqameed loo adeegsado xeerarkii Colaada iyo Nabadda beelaha Somaliyeed, loona mari karin wadadii dagaalka dawladaha iyo qaabka loo dhexdhexaadiyo! Maa daama uu leeyahay muuqaal dawladeed, hoosna ka yahay dagaal Qabiil???. Dawlada Fedaraalka waxaa u furan: 1-In ay maamul gaar ah u dhisto Gobalada Sool iyo Sanaag kana saarto murankan labadaan Maamul oo daba dheeraaday. 2-In ay u dirto AMISOM oo ay kala dhex dhigto. 3-In ay gogol u fidiso dhaqanka Sool iyo Sanaag si ay aayahooda uga tashadaan. Haddiise Maamulka Somaliland oo taageero ka helayo Labada Gobal ee Togdheer iyo Waqooyi-galbeed ku adkaysto in uu qasab ku muuqiniyo Gobalada Sool iyo Sanaag taas waxaa ka dhalan kara in 16 ka Gobal ee kale u midoobaan oo iyana muuqiniyaan labada Gobal, si aysan taasi u dhicin waa in ay wadahadal iyo baryo wax ku raadiyaan, haddii ay waayaana Somalidooda iska iimaansadaan!. W/Q. mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay culumada diinta in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirnimada ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in wadajirka iyo wada-shaqeynta culamadu ay asaas u tahay qorsheyaasha cirib-tirka argagixisada iyo dabar-gooynta fikradaha dib u dhigay dowladnimadeenna, oo ay ka mid yihiin qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada. “Argagixisadu waxa ay ka macaashaan khilaafka ka dhex jira bulshada, gaar ahaan wada shaqeyn la’aanta culummada Diinta iyo Hormuudka Bulshada. Sidaas darteed, waa in idinka oo mideysan mar kasta aad u iftiimisaan bulshada in dagaalka aan kula jirno argagixisada uu yahay jihaad waajib nagu wada ah,” ayuu yiri Farmaajo. Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Shacabka Soomaaliyeed waxay leeyihiin dhaqan sharaf leh oo waafaqsan diinteena suubban ee Islaamka, balse waxaa ku soo duulay kuwo ujeedkoodu yahay in ay tirtiraan cid kasta oo ku abtirsata magaceenna. Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan.” Dhanka kale, Culumada oo la wadaagay Madaxweynaha aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Culumada ayaa sheegay in ay kalsooni ku qabaan dadaallada ay dowladdu ku bixineyso dib-u-habeynta garsoorka, ilaalinta madax-bannaanida dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u soo-celinta boqolaalka dhallinyarada ah ee ku dhibaateysan xabsiyada shisheeye. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa uga mahad celiyey culamadii ka soo qayb gashay kulankan sida ay u ajiibeen marti qaadkan, isagoona tilmaamay sooyaalka ay culumada Soomaaliyeed ku leeyihiin gobonnimo doonkii dalka iyo dadaallada ay haatan ku bixiyaan wacyigelinta, faafinta cilmiga, xoojinta amniga iyo toosinta dhaqanka bulshada. PUNTLAND POST The post Culumada Soomaaliyeed oo laga dalbaday in ay ifiyaan Afkaaraha Guracan ee Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ay waheliyaan Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyayaasha Booliska iyo Asluubta, ayaa xalay kormeer ku tagay Xarunta dembi baatista (CID), Taliska Booliska, Dugsiga tababarka Gen. Kaahiye, Xarunta Gaadiidka Ciidanka Booliska, Taliska Ciidanka ilaalada Nabad gelyada wadooyinka iyo qaar ka mid ah isgoysyada Ciidamadu ka wadaaan Hawl-gallada ammaanka lagu sugayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo indho indheeyay sida ay u socdaan howlaha sugida amniga caasimdda iyo qaabka ay ciidamadu ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed, waxuuna bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay hayaan ciidamada Qaranka iyo sida ay heeganka ugu yihiin habeen iyo maalin dalkooda iyo dadkooda, isagoo kula dardaarmay in ay shacabka kula dhaqmaan macaamil wanaagsan iyo Ixtiraam, shacbkana ka codsaday in la shaqeeyaan ciidanka amniga. “Waxa aan aad ugu mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed oo aad dulqaad u muujiyay lana shaqeeya ciidamada sugidda Amniga. La shaqeynta ciidamada waxa ay qeyb weyn ka tahay in nolosha magaalada wax laga bedelo. Waxaan idiin ballan qaadeynaa in aan sii dardar gelin doonno oo aan gaari doonno waqti aan baaritaan badan loo baahneyn. Ciidamadu waxa ay ka shaqeeyaan in ay badbaadiyaan nafta dadka Soomaaliyeed, waxa aan idinka codsaneynaa in aad u dul qaadataan oo aad kala shaqeysaan dadaaalkaas,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre. “Waxa aan u mahadcelinaya ciidanka oo qabtay shaqo wanaagsan oo ay ku difaacayaan dadka Soomaaliyeed. Waa in aad si sharaf leh ula dhaqantaan oo aad ixtiraamtaan shacabka Soomaaliyeed ee aad amnigooda sugeysaan. Ciidanku waa astaanta qaranka ee Fadlan Muujiya astaantaas”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay ciidanka. Kormeerka xalay ayaa qeyb ka ah Socdaallada uu Ra’iisul Wasaare Khayre sida joogtada ah ugu tago xarumaha ciidanka iyo goobaha ay ku suganyihiin ciidanka sugaya amaanka shacabka, si loogu dhiirri geliyo shaqada wanaagsan ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo shalay ay ciidamada amniga ee ay u xiran yihiin waddooyinka Muqdisho ay toogasho bareer ah ku dileen laba wiil oo waday mooto bajaaj, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda sababta keentay inay askartu toogtaan dhallinyaradaas bajaajleyda ah oo dhawaan xad-gudubyo ka dhan ah meheradooda ka dhigay Muqdisho. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka dhawaajiyay hadal uu ku difaacayo ciidamada Xasilinta appeared first on Puntland Post.