Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,298
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kooxda dawladda islaamiga ayaa “canshuur xad-dhaaf ah” ku soo rogtay ganacsatada iyo shirkadaha waqooyiga bari ee Soomaaliya, wax u muuqda isku day ay kula xafiiltamayaan farsamooyinka canshuur uruurinta ee Al Shabaab. Kooxdu waxay kaloo kordhisay weerarrada ka dhanka ah ciidanka dawladda ee koofurta Soomaaliya, talaabo loo arko inay wargelin u noqotay canshuurta ay ku soo rogeen maamul goboleedka waqooyiga bari ee Puntland. IS waxay farriimo hanjabaad ah u direen ganacsatada iyo meheradaha, ayagoo amar ku siiyey “inay si joogto ah u bixiyaan lacago canshuur ah” ama ay khatar u galaan dhimasho. “Ganacasatada iyo meheradaha Boosaaso weli waxay ku shaqeeyaan jawi cabsi leh, ka dib markii lacag aad u badan ay weydiisteen kooxda dawladda Islaamiga qaybteeda gobolka” Garowe Online ayaa sidaa ka soo xigatay qof ganacsade ah. Inta ay le’eg tahay lacagta ay tahay in qof walba ama shirkad walba ay dhiibto ayaan la cayimin. Beenin dhif ah oo Al Shabaab sameeyeen 7dii Agoosto, Cabdullaahi Cali Cumar, oo shirkad isgaarsiineed wakiil uga ahaa Boosaaso, ayaa lagu soo warramay in la khaarajiyey, ka dib markii uu canshuur siin waayey Al Shabaab. Si degdeg ah oo aan caado u ahayn ayey Al Shabaab durbaba u beeniyeen mas’uuliyadda falkaas, taasoo muujisay in kooxda IS ay dhici karto inay mas’uul ka ahayd. Dhaqan lagu yaqaano Al Shabaab ma ahayn,kuwaasoo bartilmaameedsada saraakiisha ciidanka iyo xukuumadda, inay beeniyaan dilka ay gaystaan dadka aan la aqoonsan. Wararku waxay sheegayaan in kooxda IS ay burburiyeen birta dheer ee siinka ah oo ay shirkadda Golis ku lahayd Qandala, ka hor inta aan Cabdullaahi la dilin. Mareegta wararka ee Dhacdo waxay sheegtay in dilka “lala xiriirinayo lacago ay IS uruuriyeen, lana arkay farriimo lagu cabsi galinayo dad kale”. Hanaanka canshuuraha ee IS (Daacish) IS waxaa la sheegayaa in boqollaal dagaallamayaal ay u joogaan Puntland, tiro aan la cayimin oo dilayaal ahna ay u joogaan koofurta Soomaaliya. Lacagaha ay iminka canshuur ahaanta uga qaadayaan ganacsatada inay ku kabaan lacagta ay ka helaan dibadaha ee aan la garanayn ayaa muujinaysa in kooxda ay dhibaato ka haysato sidii ay dhaqdhaqaaqyadeeda u joogtayn lahayd. Waxay kaloo astaan u noqon kartaa inay ku haminayaan in hawlahooda ay ku baahiyaan Soomaaliya. 2dii Agoosto, maxkamad ku taalla Muqdisho waxay xukun ku ridday laba shakhsi oo lagu helay inay IS la shaqaynayeen, ayna isku dayayeen inay ka furaan qaybta kooxdaas ee koofurta Soomaaliya. Mid ka mid ah dadka la eedeeyey, Maxamed Daa’uud daahir Warsame, wuxuu mas’uul ka ahaa uruurinta lacagta dibadda laga soo xawilo ee la soo mariyo shirkadaha xawaaladaha, sida lagu xusay caddaymaha maxkamadda. Bishii Febraayo, Maraykanku wuxuu liiska madow galiyey ku xigeenka hogaamiyaha IS ee Soomaaliya, Mahad Macallin. Qoraal ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Mahad uu fududeeyey in hub iyo dagaallamayaal laga keeno Yemen. Maraykanku wuxuu kaloo xayiraad ku soo rogay Maxamed Mire Cali Yuusuf iyo shirkadihiisa, Liibaan Trading iyo Al Mutafaq Commercial Company – ayagoo lagu eedeeyey inay dhaqaale ku siiyaan IS (Daacish) Soomaaliya. Maxamed waxaa markii dambe Muqdisho ku qabtay ciidanka sirdoonka ee Soomaaliya. Wuxuu beeniyey inuu xiriir la leeyahay IS. Hanaanka Canshuuraha ee Al Shabaab Al Shabaab waxay leeyihiin hanaan isku xiran oo ay canshuurta uga qaadaan badeecadaha iyo adeegyada qaybo badan oo ka tirsan Soomaaliya. Kooxdu waxay kaloo leedahay koox maaliyadeed oo qiimaysa qiimaha badeecadaha iyo adeegyada, ka hor inta aan canshuur lagu soo rogin. Waxay kaloo qaadaan canshuurta maridda waddada, waxayna lacago ka qadaan dadka hodanka ah ee u shaqeeya hay’adaha iyo shirkadaha. Sida uu sheegayo machadka Hiraal, Al Shabaab waxay sannad kasta ka qaadaan 8 Malyan oo Doollar sakawaatka xoolaha ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Waxay kaloo lacag aad u badan ka qaadaan dhuxusha laga dhoofiyo koofurta Soomaaliya. Tan iyo 2017, Al Shabaab waxay sare u qaadeen canshuuraha ay ka qaadaan ganacsatada Muqdisho, kuwaasoo badidood ka shaqaysta suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad oo ah labada suuq ee dalka ugu waaweyn. Mararka qaarkood saraakiisha maaliyadda u qaabilsan Al Shabaab waxay u yeeraan milkiilayaasha ganacsiyada inay yimaadaan meelaha ay xoogga ku leeyihiin, oo ay zakawaatka si kaash ah u bixiyaan. Xukuumadda Federaalka iyo maamulayaasha gobollada waa ay ka warqabaan nidaamka canshuuraha ee Al Shabaab. Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Max’ed Cali Gaas wuxuu sheegay in ganacsatada Boosaaso ay canshuur siiyaan Al Shabaab ayagoo ka baqaya in la ciqaabo, halkii ay maamulkiisa siin lahaayeen. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa isna ku eedeeyey ganacsatada inay lacag badan oo canshuur ah siiyaan Al Shabaab halkii ay ka siin lahaayeen xukuumadda Federaalka. Kooxda waxaa lagu qiyaasaa in ay uruuriyaan ilaa 27 Malyan oo Doollar oo canbshuur ah sannadkiiba. Laakinse lacagtaas badankeed – 25 malyan oo ka mid ah waa la kharash gareeyaa. Waxaa la sheegay in aysan ku guuldarraysan inay dagaallamayaashooda mushaar siiyaan. Xafiiltanka u dhaxeeya Al Shabaab iyo IS (Daacish) Fiditaanka Daacish ay ku fidayso koofurta Soomaaliya ayaa ka dhigay iska hor imaad dhex mara ayaga iyo Al Shabaab mid aan laga fursan karin. Inkastoo IS ay juhdi badan galiyeen sidii ay dhul u qabsan lahaayeen, waxay haddana sare u qaadeen weerarrada ay ka sameeyaan Soomaaliya bilihii u dambeeyey, gaar ahaan meelaha ay Al Shabaab ku xooggan yihiin ee koofurta. Talaabada ay canshuuraha ugu soo rogeen Puntland waxay iftiiminaysaa isku dayga aan gambashada lahayn ee Daacish ay ku doonayso inay ku kala dhantaasho nidaamka maaliyadda ee Al Shabaab. Mareegta wararka Garowe Online ee u janjeerta dhanka dawladda waxay sheegtay in dagaallamayaasha IS ay si baad ah bil walba ganacsatada iyo dadka ladan ee ku nool Garowe uga qaadaan lacag lagu qiyaasay 72,000 oo Doollar. Waxay u muuqataa in aysan noqon doonin wakhti dheer goorta Al Shabaab ay cusboonaysiin doonto weerar ay ku qaaddo IS, oo si isa sii taraysa uga qaraabanaysa meelaha Al Shabaab ay ku xooggan yihiin ee koofurta, billaabayna inay canshuuro ku soo rogaan ganacsiyada. Markii IS ay joogitaanka ku yeelatay Puntland sannadkii 2015, Al Shabaab waxay dhegta dhiigga u dareen dhowr dagaallame oo kooxdaas ka tirsan, dhowr kalena way xireen. Waxay kaloo darajada ka xayuubiyeen rag lagu tuhmay inay taageersan yihiin IS. Olole kaas la mid ah ayaa dhici kara in mar kale la arko. ISHA BBC Somali
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Doorashooyinka Puntland waxaa la filayaa iney dhacaan bisha Janayo ee sanadka soo aadan. Waxey Puntland isku tilmaantaa iney tahay hooyada Federaalka Somalia balse taas kasow waxaa ay Puntland cashir kale u dhigeysa maamulada kale ee Somalia. Wax ka yar 7 bilood ayaa ka dhiman doorashada Puntland hada ayeyna musharaxiintu bilaabeen ololahooda doorashada. Qaar ayaa bisha dambe bilaabi doona halka madaxweyne Gaas uusan wali ku dhawaaqin inuu musharax yahay balse waxaa la filaayo inuu ku dhawaaqi doono. Siyaasada Somalia waxaa ka maqan in qofka loo ogolado inuu waqtigiisa dhameysto isagoo aan la colaadin, mooshin laga keenin, oo aan xukunka lagu qabsan. Sida caadiga ah mucaaradku waxey ololahooda doorashada bilaaban sanadka u dambeeya balse Dowlda hada jirta ee uu Farmaajo hogaamiyo waxa ay dagaal iyo mucaaarad la kulantay sanadkeedii koowaad. Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegaya iney taasi tahay dhaqankii siyaasada oo la gadiyay. Siyaasiyiinta reer Puntland waxey u muuqdaan kuwo la jaan qaadaya hanaanka doorashooyinka iyo dhaqmada siyaasadeed ee caalamiga ah. Aqoonyahan Nuur Cali oo lahadlay saxaafadda wuxuu sheegay in ay wacan tahay in Puntland iyo siyaasiyiinteeda lagu amaano inaan la hungriyeyn hogaamiyaha xiligaas jooga oo laga barto in qofku waqtigiisa dhameysto, ayna musharaxiinta mucaaradku yimadaan oo ay ololahooda bilaaban sanadka ugu dambeeya. Waa adagtahay inaad aragto siyaasi reer Puntland ah oo ka hadlaya inuu kursiga ka xoogo madaxweynaha xiligaas jooga, arrintaan waxaa xitaa u baahan iney bartaan madxda dowlada dhexe ayuu yiri Nuur Cali. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Jiddah (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaaday gudashada acmaasha Xajda oo Malaayiin Muslimiin ah ay sanadkan guteen, waxaana lasoo sheegaya in halkaa ay ku geeriyooden dad Soomaali ah. Dhimashada qaar ka mid ah xujeyda Soomaalida ee Sanadkaan iyo dhaawaca tiro kale ayaa timid kadib isbuurasho shalay ka dhacday Magalada Mina. Laba Xujeyda Soomaaliyeed ka mid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay Magalada Mina. Tiro kale ayaa ku dhaawacantay kadib markii ay shalay isbuurasho ka dhacday Mina, oo qiyaastii 5-KM u jirta magaalada barakaysan ee Makka. Xujeydan geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xaaji Axmed Maxamed Saalax oo ku geeriyooday Buurta Carafa iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale oo ku geeriyooday Mina. Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in Laba qof oo Soomaali ah geeriyootay, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka, geeridooduna ay ka dhalatay isbuurasho ka dhacday Mina. Sanad kasta ayaa waxaa jirta in ay dad ku dhintaan isbuurasho ka dhacda Xajka,waxaana dadkaasi ka mid noqda Soomaali ka mid ah dadka xajinaya. Martida illaahay ee gudanaysa Xajka ayaa ku guda jira Jamraadka, maalmo ayaana uga harsan dhameystirka Acmaasha Xajka. Caasimada Online Xafiiska Jiddaha Caasimada@live.com
  4. The Kenyan police said on Wednesday that they are interrogating four suspects who were arrested in separate incidents for carrying contraband sugar and cigarettes from two neighboring countries. Source: Hiiraan Online
  5. Fadumo Dayib's announcement of her candidacy for president of Somalia in 2016 drew as much admiration as it did ridicule. Source: Hiiraan Online
  6. Representative of the Djibouti Ports and Free Zones Authority Hassan Abdillahi Waberi said that Djibouti has sufficient capacity to handle Ethiopia’s import-export shipment and provide seamless service for the existing traffic. Source: Hiiraan Online
  7. India on Wednesday rejected an offer by the United Arab Emirates government to give $100 million to a special fund for Kerala state after its floods which killed more than 400 people. Source: Hiiraan Online
  8. Detectives are investigating the shooting of former Garissa Finance executive Idris Mkutar in Keleleshwa, Nairobi. Source: Hiiraan Online
  9. Islamic groups criticise blasphemy sentence imposed on ethnic Chinese Buddhist who asked mosque to turn it down Source: Hiiraan Online
  10. One afternoon in 1993, as Carolyn Treadway looked out through her house window, she caught the sight of a woman in a traditional Islamic garment practicing parallel parking between mobile cones beside Faribault's Central Park. Source: Hiiraan Online
  11. The international airport in Bangui, the capital of the Central African Republic, is a grim, dusty little installation in a country all but destroyed by generations of tyranny and war. Source: Hiiraan Online
  12. The international airport in Bangui, the capital of the Central African Republic, is a grim, dusty little installation in a country all but destroyed by generations of tyranny and war. Source: Hiiraan Online
  13. Saudi Arabian prosecutors were seeking the death penalty for a human rights activist who may be the first woman in the country's history to face execution over her cause, human rights campaigners said. Source: Hiiraan Online
  14. The International Committee of the Red Cross (ICRC) on Wednesday called for swift measures to meet the humanitarian needs of nearly one million people who are displaced due to inter-communal violence in Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  15. The closure of most dispensaries and health centres in areas earmarked for the ongoing multi-agency security Operation Linda Boni has subjected expectant mothers and children to immense suffering. Source: Hiiraan Online
  16. Addis Ababa (HOL) - Local media in Ethiopia have announced that council members from the Ethiopian Somali People Democratic Party (ESPDP) have unanimously decided to appoint Mustafa Muhumed Omer as the acting president of the Somali Regional State (SRS) in Ethiopia. There will be regional state elections in 2020. Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) - Five Al-Shabaab militants were killed in a fierce fighting with the Somali National Army (SNA) on Tuesday evening, Somali officials said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  18. NAIROBI (Reuters) - United States forces conducted an air strike in coordination with Somalia’s army that killed two al Shabaab fighters, the U.S. military said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  19. Kismaayo (Caasimada Online)-Al-Shabaab ayaa maleeshiyaad hor leh kusoo bandhigtay Fagaare ku yaal Degmada Jilib kuwaa oo ku hubeysnaa hubka noocyadooda kala duwan. Maleeshiyaadka lasoo bandhigay oo ku howlanaa ciida ayaa waxaa ka dhexmuuqday carruur yaryar oo la sheegay inay dhaleen Saraakiil iyo dadka deegaanka. Maleeshiyaadka lasoo bandhigay ayaa waxaa ka dhexmuuqday dagaalyahaano wata tuutihii ugu dambeeyay ee dhawaan loo qeybiyay ciidamada 14-October. Dareeska ay watan maleeshiyaadka ayaa waxaa qeybiyay taliska ciidamada Militeriga waxaana la siiyay ciidamada 14-October oo dhawaan lagu wareejiyay amniga magaalada Muqdisho. Dareeska ciidamada 14-October ee hadda ay heystaan Al-Shabaab ayaa waxaa 14-Bishii July lagu weeraray barkoontarool oo ku yaala afafka hore ee beertanabada weerarkaa oo ay fuliyeen rag hubaysnaa kana tirsanaa Al-Shabaab. Horjoogayaasha ku labisan dareeska ayaa waxaa kamid ah Wakiilka Al-Shabaab u qaabilsan Jubbooyinka Maxamed Abuu Cabdalla. Sidoo kale, Shabaab waxa ay soo bandhigeen gaadiid leh astaamaha milateriga dawladda Soomaaliya kuwaa oo iyaguna laga furtay ciidamada Dowlada. CIIDAMADA DOWLADA OO KU LABISAN DAREESKA CUSUB
  20. Addis Ababa (PP) ─ Kulan Addis Ababa ay ku yeesheen xisbiga hoggaamiya DDSI iyo Odayaasha dhaqanka maamulkan, ayaa waxaa la iskula gartay in madaxweyne KMG ah loo sameeyo maamulka Soomaalida-Itoobiya, kaasoo xilka hayn doona tan iyo sannadka 2020-ka. Madaxweynaha KMG ah ee Maamulkan ayaa waxaa loo magacaabay Mustafa Muxumed Cumar oo loo yaqaan [Cagjar], isagoo maamulkan hoggaaminaya tan iyo inta doorasho laga qabanyo sannadka 2020-ka, doorashadaa oo lagu soo xuli doono mas’uulkii xilka ka beddeli lahaa. Sidoo kale, Madaxweynahan KMG ah ayaa xilka kala wareegi doona, Axmed Cabdi Maxamed oo xilka lo magacaabay markii ay rabshado ka dhaceen DDSI, kuwaasoo ka dhashay cadaadis la sheegay inuu deegaannadaas ka geystay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar. Dhanka kale, Madaxweynahaan cusub oo la isku raacay in uu xilkaas qabto ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn ugu kacsan madaxweynihii hore DDSI, isla markaana cambaareyn jiray xad-gudubyada ciidamadii maamulkaas ay kula kici jireen shacabka. Ugu dambeyn, Mustafa Cag-jar, ayaa bartay dhaqaalaha dhinaca beeraha, waana 45-jir ku dhashay Magaalada Dhagax-buur, isagoo lagu wado xilkan loo caleemo saaro, sida ay xubnaha xisbigu sheegeen. Gaba-gabadii, Deegaannada Maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa toddobaadyadii u dambeeyay ka socday rabshado sababay dhimasho, dhaawac, boob iyo burbur hantiyeed oo loo geystay Soomaalida iyo dadka aan Soomaalida ahayn ee deegaannadaas ku nool. PUNTLAND POST The post Madaxweyne MEEL-KU-GAAR AH oo Maanta loo Magacaabay Maamulka Soomaalida Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Somalida,ayaa Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar). Ninkaan la doortay ayaa ka mid ahaa xubnihii Mucaaradka, waxaana Guddiga Fulinta ay u doorteen hoggaanka Dowlad deegaanka inta laga soo dooranaayo Madaxweyne. Golaha dhexe ee xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Itoobiya oo dhawaanahan kulan ku lahaa magaalada Addis ababa ayaa Mustafa Muxumed Cumar u doortay inuu noqdo madaxweynaha kumeel gaarka ah ee u yeelanayo maamulkaasi. Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaasna xilkaas loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed. Axmed Cabdi Maxamed ayaa isna bartiisa Facebook soo dhigay Fiidiyow uu ku sheegayo in ay iyagu ka dambeeyeen in Mustafe Cagjar oo aan xubin ka ahayn xisbiga mar qura loo doorto labada xil ee kala ah ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga iyo sii hayaha jagada madaxweynaha DDSI. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. MOGADISHU (Caasimada Online) – Somali MP Abdirizak Mohamed has strongly protested against country’s plan to pay a US lobbying firm $400,000 through the end of this year. Hon. Mohamed called paying Sonoran Policy Group (SPG) amounts to corruption. SPG based in Arizona signed a lobbying contract with the FGS to help Somalia to gain renewed funding for the country’s army and lifting ban on Somalis’ travel to America imposed by US president Donald Trump. “This is corruption at its ugliest form by our government. We can not afford to pay such egregious amount to US lobbying firm, while our government relies on foreign aid to sustain itself and feed its people. This is outrageous and unacceptable” he said. Hon. Mohamed added “ mismanaging aid and donor support constitutes corruption, and affects economic development as well as aid effectiveness”. He stressed there has been a growing consensus that these activities threatens development and may reverse hard gained progress. He called for increased efforts from International partners to help fight corruption, and other illicit activities that derail economic development and affect accountability and public transparancy. AGREEMENT The US lobbying firm agreement was signed jointly by Somalia’s UN envoy Abukar Osman and Christian Bourge, executive director of the SPG in earlier this month. The SPG firm commits to arrange talks with White House officials and lawmakers aimed at ending a partial of US suspension of funding for the Somali National Army forces. The firm will also facilitate a future visit to the US by Somalia President Mohamed Abdullahi Mohamed, the agreement stipulates. The payments to SPG of Sh 10 million ($100,000) per month for four months, entails other general work by the lobbying group to enhance Somalia’s image in the US, the agreement said. Last year, US suspened food and fuel aid to Somali government’s military forces over alleged rampant corruption scandal. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  23. Cabdiwali Gaas, Madaxweynaha Puntland Madaxweynaha Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas ayaa si qarsoodi ah u magacaabay Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (Puntland intelligence and security agency “PISA”), sida ay ogaatay PUNTLAND POST. Xog ay heshay PUNTLAND POST, ayaan ku ogaanay in Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland bilowgii bishan August, 2018 Agaasimaha hay’adda PISA u magacaabay nin lagu magacaabo Cabdiqafaar Yaasiin Yacquub oo ay heyb wadaagaan, kaas oo muddo dheer ka shaqeynayay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dhanka amniga. Sidoo kale xogta ayaan ku ogaanay in Cabdiqafaar Yaasiin Yacquub oo muddo ka cudur daaranayay in loo magacaabo xilkan, uu markii dambe ogolaaday in la magacaabo, wuxuuna hadda musuulkani ku sugan yahay magaalada Muqdsho oo uu horey uga shaqeynayay. Ha’yadda PISA ayaa timid kadib markii 28, June 2018 Golaha Xukuumadda Puntland isku raaceen in la mideeyo hay’adihii sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (Puntland Intelligence Service “PIA”) and Puntland Security Service” PSS”), iyadoo loo bixiyay magacan cusub ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (Puntland intelligence and security agency “PISA”). Madaxweynaha Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas ayaa Digreeto uu soo saaray 13 June 2018 xilalkii ka qaaday Agaasimayaashii hay’adaha PIA iyo PSS, Cabdirasaaq Ciise Xuseen(Khaatumo) iyo Cabdullaahi Aadan Maxammed (Ulle). Hay’adaha PIA iyo PSS ayaa sanadihii u dambeeyay ahaa kuwo howl-gab ah oo aan sidii loogu talagay u shaqeynayn, lamana ogo mideyntoodu waxa ay ku soo kordhin doonto amniga Puntland. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo muddo xilliyeedkiisu sii dhamaanayo ayaa in dhawaale waday isbedelo uu ku sameynayay saraakiisha hay’adaha Puntland, kuwaas oo uu in badan u magacaabay shakhsiyaad ay heyb wadaagaan. PUNTLAND POST The post Xog:- Yaa loo magacaabay Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (PISA)? appeared first on Puntland Post.
  24. War-saxaafadeed ka maanta ka soo baxay madaxtooyada dowladda Puntland ayaa lagu shaaciyay magacyada arday ay Puntland sheegtay in ciidamada Somaliland ku dileen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Somaliland dil iyo bara-kicin joogta ah ku hayso shacabka gobolka Sool,gaar ahaanna degmada Laascaanood,waxaana ku xusan magacyada laba qof oo Puntland sheegtay in ciidamada Somaliland ku dileen halkaasi iyo kuwa ay sheegtay in la dhaawacay. Puntland waxay sheegtay in 20-kii bishaan August ciidamo ka amar qaata Somaliland ay magaalada Laascaanood ku dileen laba arday oo kala ah,Shaafici Cabdi Goox iyo Barwaaqo Cabdirashiid Warsame,islamarkaana dhaawacyo culus la gaarsiiyay arday kale. Puntland waxay sidoo kale war-saxaafadeedka ku wargelisay dowladda Soomaaliya,hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo beesha caalamka in Somaliland dhibaato dil, cabudhin iyo bara-kicin ku hayso shacabka dedgmada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool,sida hadalka loo dhigay PUNTLAND POST The post Puntland oo war ka soo saartay dad Laascaanood lagu laayay appeared first on Puntland Post.
  25. MARKA, Somalia (Caasimada Online) – Heavy fighting broke out last night between Somali army forces and Al-Shabaab fighters in Marka town, some 91km southwest of the capital Mogadishu. The clash flared up in Jilib-Marka area after heavily armed fighters launched gun attack on police station and military base, a policeman Mohamed Hussein said. Hussein says the Al-Shabaab fighters raided bases manned by government soldiers, leaving 3 people dead. Up to 7 other people were reportedly sustained injuries from the latest fighting in the coastal town of Marka. The group’s fighters also fired several mortar rockets at military bases, according to a witness, who asked to be anonymous. He told Caasimada Online that the skirmish had lasted for an hour, saying both sides used heavy and slight weapons during the fighting. Neither Somali military nor Al-Shabaab has commented on the gun battle that took place in the coastal town in south of Somalia. The militant group has lost the coastal town of Marka to Somali army forces following joint military offensive earlier this week. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com