-
Content Count
205,956 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
In October 2103, Norwegian-Somali teenagers Ayan and Leila Juma left their home near Oslo to travel to Syria. They wanted, they later told their parents in an email, to “help down there” as best they could. The sisters’ departure and the subsequent revelations about the extent of their radicalisation shocked their mother and father, who had come to Norway from Somalia 13 years before to make a better life. In Two Sisters, Norwegian journalist Åsne Seierstad uses her considerable investigative prowess to trace how Ayan and Leila – resourceful young women with seemingly bright futures – came to embrace the ideology of Isis. She paints a comprehensive portrait of their parents – their mother Sara, who never fully adjusted to life in Norway, and their father Sadiq, more liberal than many of his peers, encouraging his daughters to play sport and deeply unhappy when they first began to wear the niqab or face veil. As well as examining the sisters’ friendships and experiences in the school system, Seierstad zooms in on developments that may have led to their journey to Syria. Ayan became heavily involved with authoritarian Muslim youth organisation Islam Net and was influenced by the teachings of a Koran tutor hired by a group of Somali mothers – including Sara. Ayan in turn seems to have influenced Leila, though Seierstad does not present either sister as naïve or a victim of brainwashing – rather they seem to have sought out others who agreed with their evolving beliefs. It’s a complicated, expansive story with multiple locations and a large cast of characters. Seierstad does an excellent job of weaving the different strands of her narrative together, moving backwards and forwards in time and jumping between Oslo, Somalia and Syria so cohesively and so strategically that the book often reads like a thriller. Determined to get his daughters back, Sadiq travels to the Turkish-Syrian border and, with the help of a middleman, makes it into Syria. The sisters are tracked down and he is allowed five minutes with Ayan, who is already married to an Isis fighter. Sadiq asks her to come home; she refuses. He is imprisoned, interrogated and tortured, cellmate after cellmate is taken away, but he gets out. Like in The Bookseller of Kabul – Seierstad’s hugely successful account of daily life in an Afghan household following the fall of the Taliban – Two Sisters adopts a novelistic form. The writer does not appear on the page. Instead she tells the story in a third person voice, entering into the minds of her subjects as though they are fictional characters. The form has plenty of literary forebears – not least Truman Capote’s seminal In Cold Blood – and is partly what makes the book so compelling. Nevertheless, it’s a distinctive and unsettling choice, as Seierstad knows. Published in English in 2003, The Bookseller of Kabul generated almost as much controversy as fame for its author when the book’s central figure objected to how he and his family were portrayed; his second wife sued Seierstad for defamation. In a chapter at the end of Two Sisters, Seierstad emphasises that Sara and Sadiq reviewed the finished manuscript. She details her research methods and her copious sources. She also asks a question that will be in many of her readers’ minds. “Is it ethically defensible to focus on the lives of two girls when they have not granted their consent?” Her answer is yes. “The entire world is trying to understand the reasons for radicalisation among Muslim youth,” she says. She believes that as a journalist, it’s her task to put her finger “on problematic aspects of society”. This same sense of purpose informed One of Us, her 2013 book about Anders Breivik’s 2011 terrorist attacks in which 77 Norwegians were murdered, and in many ways – in its investigation of the relationship between public and private spheres for example, in how it contextualises the war in Syria as adeptly as it captures the realities of the Juma’s domestic lives – the book realises the breadth of its ambition. But although Seierstad opens a window on to different worlds, the fact that Ayan and Leila are simultaneously present in, and absent from, the narrative is problematic. The story can’t really end. By necessity, several questions are left unanswered. Do the sisters still endorse Isis? What will happen to them and their young children? Seierstad goes as far as she can to get at the truth but despite her exhaustive efforts to understand the sisters’ departure, it’s still not fully clear why they went. Source: Independente The post True story of two sisters who became jihadi brides appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dhanka baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya inuu sii kordhay Khilaafka ka dhex aloosan Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia. Khilaafka ayaa la sheegay inuu sii kordhay kadib markii Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu is hortaagay inay wada kulmaan Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu ku eedeeyay hareer marka Dastuurka dalka. Kheyre ayaa la sheegayaa in Seddex kulan ay ku kala boodeen Guddoomiye Jawaari, halka laba kulan oo mid kamid ah ay soo agaasintay Beesha Caalamka uu diiday inuu la qaato Guddoomiye Jawaari, waxa uuna sabab ka dhigay in Jawaari uu doonaayo in dalka uu ku maamulo rabitaankiisa, isagoo ka talaabay Dastuurka. Mid kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa inoo xaqiijiyay inuu fashilmay Seddex kulan oo ay isku arkeen RW Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari, kadib markii ay isku fahmi waayeen hannaanka loo wajahaayo xalka. Xildhibaanka ayaa sheegay in Ra’isul wasaare Kheyre uu ka biya diiday laba kulan oo midi ay soo abaabushay Beesha caalamka, kadib markii Ra’isul wasaaraha uu ka cudur daartay in howlihiisa uu u baajiyo kulan aan mirro dhal laheyn, sida uu sheegay Xildhibaanka. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay inay kordheen Xildhibaanada Mooshinka kasoo gudbiyay Guddoomiye Jawaari, isla markaana Guddoomiyaha koowaad ee baarlamaanka uu qabtay ilaa 14 Xildhibaan oo ku biiray Mooshinka laga wado Jawaari. ‘’Dabcan inta uu socdo khilaafka garabka Mooshinka wado waxa ay kusii dadaalayaan inay kordhiyaan tirade Mooshinka wada, hadda waxaa ku biiray Mooshinka 14 Xildhibaan, waxaana sidaa kusii kordhaaya cadadka Mooshin wadayaasha’’ Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa ku baaqay inaan la carqaladeyn nidaamka uu iminka ku dhisan yahay dalka, isla markaana la doonaayo in laga tanaasulo khilaafka. Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa qiray in meelxun uu gaarsiisan yahay khilaafka ka dhextaagan Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog cusub: Tirada Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari oo korortay & Khilaafka oo meel xun gaaray appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo uu khilaaf xoogan ka dhextaagan yahay Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia ayaa waxaa arrinta Khilaafkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Gudoomiyaha Aqalka Sare, ayaa sheegay in dhankooda ay kawadaan dhexdhexaadinta labada dhinac, basle waxa uu sheegay in meesha ay ka maqantahay kaalinta Warbaahinta Soomalida. Gudoomiyaha Aqalka Sare, waxa uu sheegay in Warbaahinta Soomaalida laga doonaayo inay xaal qaatan isla markaana ka fogaadan inay iska horkeenaan dhinacyada isku haya Siyaasada. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa uu qiray in Warbaahinta Soomaalida ay kaalin weyn ka qaadaneyso sii kala fogeynta Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia, hase ahaatee ay doonayaan in laga wada shaqeeyo qaboojinta xiisada taagan. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa uu Warbaahinta iyo bulshadda Soomaaliyeed ugu baaqay in si degan loo wajaho xaaladda cakiran ee Xukuumada iyo golaha Shacabka Soomaaliyeed. Waxaa uu warbaahinta ugu baaqay in ay ka fekaraan sidii si nabadgaliyo loogu dhameyn lahaa Khilaafka taagan waxa uuna cadeeyay in Warbaahinta ay kaalin weyn ka qaadan karto daminta xiisada. Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa sheegay in haddii warbaahinta Soomaaliyeed ay buunbuuniyaan Khilaafka uu sameyn weyn ku yeelan doono dalka oo dhan. Waxa uu Cabdi Xaashi Cabdullaahi intaa kusii daray haddalkiisa in jirto xaalad adag oo loo baahan yahay in loo wajaho si degan oo ay ku dheehan tahay wadaniyad, si loo afjaro Khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda. Haddalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa imaanaya xili khilaafka Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia uu maraayo meel xun. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gudoomiyaha Aqalka Sare oo shaaciyay kaalinta ay warbahinta ku leedahay hurinta Khilaafka Kheyre & Jawaari appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Qadar ay caqabad ku tahay dhammaan qorshayaasha maamulka ee dhanka Hormarineed. Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muse Bixi Cabdi oo la hadlay warbaahinta caalamka ah ayaa sheegay in adduunka ay u muujinayaan inay la socdaan dhibta ay dowlada Qadar ku heyso Somaliland. Waxa uu Mr Biixi sheegay In dowladda Qatar ay carqaladeynayso heshiiska maamulkiisa Somaliland kala dhexeeyay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka iyo Ethiopia. Waxa uu Hoggaamiye Biixi sheegay in qorshaha ugu weyn ee Qadar uu yahay in meesha laga saaro guud ahaan Heshiiska Seddex geesoodka ee u dhexeeya DP World, Somaliland iyo Ethiopia. ‘’Dowlada Qadar waxa ay dhaqaale iyo maskaxba ku bixineysaa sida loo laali lahaa Heshiiska Dekadda Berbera, waxaan adduunka u sheegeynaa in Qadar ay caqabad ku tahay Horumarka Somaliland’’ ‘’Qadar waxa ay dhaqaale ku bixineysaa DFS si ay u fashiliso Heshiiska, haddii talaabada ceynkaasi ah adduunka u muuqan waayo waxaan qaadi doonaa tallaabo waliba oo lagu badbaadinaayo Heshiiska Berbera’’ Biixi ayaa sheegay in dowladda Qatar ay ka shaqeenayso sidii meesha looga saari lahaa Heshiiska maalgashi ay la saxiixdeen shirkadda DP world, waxa uuna cadeeyay in dowlada Imaaraadka talaabadaasi ka qaaday niyad jab xoogan. ‘’Qadar waxaan u sheegeynaa inay naga joojiso faragalinta ay ku heyso Heshiiska, faragalintooda waxa ay niyad jab iyo saameynba ku yeelatay Imaaraadka iyo Somaliland oo lahaa aasaaska Heshiiska’’ Sidoo kale, Biixi waxa uu tilmaamay inaysan jirin wax xiriir maalgashi ah oo maamulkiisa kala dhaxeeya dowladda Qatar marka loo eego Sacuudiga iyo Imaaradka oo xiriir dhow ah ay leeyihiin. Biixi ayaa ugu baaqay Qatar inay joojiso faragalinta tooska ah ee kadhanka Heshiiska Shirkada DP World iyo maamulka, kaa oo ku qotoma Dekadda Berbera. Geesta kale, Dowladda Qatar ayaan ilaa iyo hadda ka jawaab eedeynta kaga timid maamulka Somaliland oo xiligaan faragalin lixaad leh kala kulmeysa Qadar. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com The post Muuse Biixi oo banaanka soo dhigay kaalinta ay Qadar ku leedahay fashilinta Heshiiska Berbera & Imaaraadka oo weli qaati taagan appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxa uu Ciidamada dowladda Fadaraalka Soomaaliya uu ku Amray in ay bilaaban howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee Weerarada ka gaysta Gobolada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Mursal Sheekh C/raxmaan oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in Abaabulka haatan ay samaynayaa uu ka duwan yahay Abaabuladii hore oo ahaa kuwo aad ujililic sanaa ,waxaan uu sheegay in Abaabulkan uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya uuna hogaaminayo . Wasiirka ayaa sheegay in dagaalkan ay ka qayb qaadan doonaan Ciidamo isku dhaf ah, wuxuuna sheegay in isbadal lagu sameeyay hogaanadii Ciidanka . Wasiirka ayaa sheegay in meelaha laga Xoreeyo kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab lagayn doono Ciidan sii jooga oo goobta laxoreeyay ka howlgali doona. Hadaba halkan ka dhagayso hadalka Wasiirka Gaashaan dhiga. Wasiirka gaashaan dhiga
-
Jowhar (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha gudaha ee Maamulka Hirshabeelle, ayaa waxaa lagu magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka dhanka arimaha Bulshada degmada Gamboole ee Gobolka Sh/Dhexe. Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Faysal Cabdulaahi Cumar oo ah 16 sano jir dhigta fasalka 4aad ee Dugsi sare oo ku yaal Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle. Magacaabista wiilkaan aadka u yar, isla markaana dhigta Iskuulka ayaa waxaa aad looga hadal hayaa dhamman deegaanada maamulka HirShabelle. Faysal Cabdulaahi Cumar, oo la hadlaayay warbaahinta Muqdisho, ayaa sheegay in magacaabista ay ku dhacday isaga oo aan lagu wargalin, isla markaana waxba kala socon, balse ay asxaabtiisa kusoo wargaliyeen xili uu ku mashquulsanaa waxbarashadiisa. Faysal Cabdulaahi Cumar, oo qudhiisa aad ula yaabay magacaabidiisa ayaa sheegay in qaab ay degdeg ku jirto uu ku helay magacaabida, sidaa aawgeedna uu ku qancay inuu hoggaamiye ku-xigeen u noqdo dadka degmadaas. Sidoo kale, dhalinyarada asaagiisa ah ayuu ku dhiirigaliyay inay indhaha kala qaadan isla markaana ka faa’iideystaan wakhtigooda. Geesta kale, Faysal Cabdulaahi Cumar, ayaa sheegay in uu xilkaas iska Casili doono maalmaha soo socda, kadib markii uu sheegay in uusan awoodin gudashada xilkaas loo magacaabay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com The post HirShabelle oo markii ugu horeysay 16 sano jir iskuul dhigta u magacawday Guddoomiye Degmo appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminaayay oo malmahanba qorshaynayay in ay safar shaqo ku tagaan dalka Qadar ayaa safarkooda waxa u baajiyeen khilaafka udhexeeya Gudoonka Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Madaxweyne Farmaajo oo maanta oo Axad ah qorshaynayay Safarkaasi , ayaa go,aansaday in uu san dlka ka Ambabixin iyadoo wali ay taagantahay Xiisada siyaasadeed ee ka dhex taagan Baarlamaanka. Madaxweyne Farmaajo ayaa ilaa iyo shalay waxaa saarnaa cadaadi uga imanayay Xildhibaanada Barlamanka qaarkood kuwaas oo Madaxweynaha ku booqrinayay in uu shaaciyo Mowqifkiisa ku aadan khilaafka, waxayna wararku ay sheegayaan in Madaxweynaha uu doonayo in uu dhex dhaxaadiyo Gudoomiyaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ka hor inta aan Mooshinka cod lagalin . Madaxweynaha ayaa ku sugan haatan Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya halkaas oo uu maalmahanba uu ka waday howlihii shaqo ee dalka , tan iyo wixii kadambeeyay markii uu soo ifbaxay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay Golayaasha Fulinta iyo Sharci dajinta ee dalka. lama oga ilaa iyo hada sida uu xaalku ku dambayn doono ,waxayna Xildhibaanadii Baarlamaanka ee Mooshinka ka Gudbiyay Guudoomiye jawaari ay sheegeen shalay in Mooshinkaasi loo qaadi doono cod ,kadibna hadii uu gudoonku dhaco Mudo 15 maalmood gudahood ay ku soo dooran doonaan Gudoon Cusub. Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay Xaalada Siyaasadee ee cakiran ee dalka Soomaaliya ka taagan , waxaana haatan xaruntii Golaha shacabka Amnigeeda gacanta kuhaya Ciidamada Amisom.
-
Xarunta Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland magaalada Garoowe ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayey dajinta imtixaamadka kama danbaysta Shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2017-2018. Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, gaar ahaan Xafiiska Guddiga Imtixaanaadka. Kullankaan ayaa waxaa kasoo qaybglay macalimiinta ka hawlgala Dugsiyada dhaxe iyo kuwa dugsiyada sare , shaqaallaha xafiiska imtixaanaadka iyo shaqaallaha kale ee ka mid ka ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Agaasimaha Waaxda imtixaamadka ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Axmed Maxamud Warasame ayaa hadalo daah fur ah ka sheegay maddashaas, isaga oo sheegay in kulankaani uu yahay mid ku aadan dejinta iyo diyaarinta Imtixaanaadka sanadka 2018. Waxaa sidoo kale Agaasimuhu waxaa kalo sheegay in dhaqalihii imtixaanka sidii horay ahayn balse lagu shaqaynayo daruufaha jira awgeed. Agaasime Ahmed waxa uu macallimiinta dejinaysa imtixaanka kula dardaaray in ay shaqada loo igmaday ay ka soo baxaan iyaga oo tixgelin siinaya duruufaha waxbarasho ee wadankeena. Sidoo kale waxaa goob joog ahaa Madaxa shahadooyinka Waaxda Imtixaamaadka Mudane Maxamud Si Maxamed siciid (Caynsane) waxaa uu sheegay in 66 macallin ay sanadkan dejinayaan imtixaamaadka Puntland. Sidoo kale madaxa shahadooyinka Imtixaamaadka Puntland ayaa xusay in tirrada macallimiinta dejin jirtay imtixaamaadka sannadihii la soo dhaafay ay intaa ka badnaayeen; balse, sannadkan ay hoos u dhac ku yimid taageeradii dhaqaalle ee lagu kabi jiray imtixaamaadka oo yaraatay. Shaqada macalimiinmta dajinaya imtixamaadka ayaa ah in ay diyaariyaan imtixaanka ay u fariisan lahaayeen Ardayda dhigata fasalka 8aad (Dugsiyada Dhexe) iyo sidoo kale fasalka 12aad (Dugsiyada Sare). Dajintaas oo Soconaysa Mudo 5 maalmood ah, waxaana ka qeyb qaadanaya 24 macalin Hubiyaal, 42 macalin dejiyaal, 6 Macalin Turjumayaal. Ugu danbayntii Agaasimaha imtixaamadka Axmed Maxamud Warsame ayaa si wadajir ah ugu mahad celiyeen macalimiinta ka soo qayb galay kulankaas khaas ahaan Gabadhaha oo tiradooda oo aad u badnayd.
-
Baladweyne (PP) ─ Ugu yaraan 32 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaallo ka dhacay bartamaha Somalia 24-kii saac ee aynu kasoo gudubnay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka. Axmed Maxamed Tareerdisho oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Warbaahinta in dagaalkan khasaaraha badan dhaliyay uu yimid kaddib markii Al-shabaab ay shacabka deegaanka Maxaas kusoo rogeen canshuur. “Waxaanu dilnay 32 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, kaddib dagaal aad u culus oo ka dhacay deegaanka 28-km u jira deegaanka Maxaas. Dagaalku wuxuu u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo shacabka deegaanka oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab oo dhinaca kale ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Tareedishe. Sidoo kale, sarkaalku ma sheegin khasaaraha dhankooda dagaalkaas kasoo gaartay, sidoo kalena lama oga khasaaraha shacabkii dagaalkaas qaybta ka ahaa kasoo gaaray. Balse, goobjoogayaal ku sugan deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta inuu dhacay dagaal socday muddo lix saacadood ah maalintii Sabtida, isla markaana ay arkeen dhimasho iyo dhaawac badan. Kooxda Al-shabaab ayaan iyadu ka hadlin guusha ay ciidamada Dowladdu ka sheegteen dagaalka ka dhacay gobolka Hiiraan. Balse goobjoogayaasha ku sugan deegaankaas ayaa sheegaya in Al-shabaab looga adkaaday dagaalka. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sannad walba lacago ay ugu yeerto Zako ka qaada Soomaalida xoolo dhaqatada ah, mana ahan markii u horreysay oo ay dagaalkaan ciidamada dowladda iyo shacab isku dhan ah iyo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Saraakiisha Ciidamada DF oo sheegay inay 32 Al-shabaab ah ku dileen bartamaha Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Kulamadii Kalfadhiga barlamaanka Soomaaliya ayaa dib loo dhigay illaa iyo todobaadka soo socda, kadib jahwareerka siyaasadeed ee ka dhex taagan barlamaanka iyo xukuumada. Xubno katirsan barlamaanka ayaa warsidaha Puntlandi u xaqiijiyay in xaalada ammaan ee xarunta barlamaanka ay noqotay mid aan hubanti ahayn, iyadoo laga cabsi inuu gacan ka hadal dhex maro xildhibaanada mooshinka kasoo gudbiyay Jawaari iyo kuwa taageersan. Xildhibaanada mooshinka ayaa sheegay inuusan Jawaari shir guddoomindoonin golaha barlamanka ayna ka hor istaagidoonaan tilaabo kasta oo uu sameeyo. Amamanka xarunta barlamaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagusoo daad gureeyay ciidamo ka socda Amisom oo guud ahaanba la wareegay amamanka golaha barlamaanka. Guddoomiye Jawaari ayaa lagasoo xigtay inuu ammaankiisa halis ku jiro islamarkaana uu dalbaday in xarunta barlamaanka laga wareejiyo ciidamada Raysal Wasaare Kheyre ka amar qaata, kuwaas oo horey loo xasuusto inay weeraro toos ah ku qaadeen siyaasiyiin caan ah. Puntlandi.com
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire la yeeshay kulan ku aaddan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa Gobolka Benaadir iyo AMISOM. Kulankan oo ka dhacay xarunta dawladda Hoose ee (Xamar) ayuu Guddoomiye Yarisow ku ammaanay Midowga Afrika doorka ay ka ciyaartay horumarka iyo ammaanka Caasimadda. Waxaa kaloo intii uu kulanku socday lagaga hadlay ka bixitaanka AMISOM ee Stadium Muqdisho oo dhallinyaradu u baahan tahay, si loogu qabto ciyaaraha gobollada ee soo socda. Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo xubin ka ah Golaha Amniga Qaran ayaa AMISOM ka codsaday in la dardargeliyo howlgallada xoreynta labada Shabeelle taas oo muhiim u ah xasilloonida amniga Caasimadda. “Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM waxay naftooda u hurayaan inay nabadda iyo noloshii caadiga ahayd dib ugu soo celiyaan dalka, waana uga mahadcelinaynaa kaalintooda muhiimka ah, kulankanna waxuu dhabaha u xaarayaa in aan si wadajir uga shaqeyno amniga iyo horumarka magaalada Caasimadda ah oo ka soo kabanaysa dhibaatooyinkii dagaalladu reebeen”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow. Ugu dambeyn, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay garab istaagaan Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Benaadir si ay gacan uga geystaan dardargelinta hannaanka xasilinta iyo in dalka dib looga hirgeliyo nabad waarta iyo amni. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir iyo AMISOM oo isku Af-gartay inay Xoojiyaan Xiriirkooda appeared first on Puntland Post.
-
Kenyans, and East Africans in general, are among the most unhappy people in the world, a United Nations report has revealed. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta oo Axad ah ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Magaalada Dooxa ee dalka Qadar. Madaxweyne Farmaajo ayaa u baaqday sababo la xariira qilaafaadka u dhaxeeya Xukuumada iyo Gudoonka Baarlamaanka. Casuumaad ayuu kal hore ka helay Boqorka dalka Qadar kaasi oo uu u soo diray Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Farmaajo ayaa hadda ku hoowlan xalinta qilaafaadkaasi siyaasadeed ee u dhaxeeyo Ra’isilwasaare Kheyre iyo Gudoomiye Jawaari. Madaxweynah ayaa isku dayaya in uu xaliyo khilaafkaasi islamarkaasina uu la kulmo labada dhinac. Khilaaf baahsan ayaa ka dhexjira Baarlamaanka Soomaaliya taasi oo ka dambeeysay kadib markii Xildhibaano ay Mooshin ka soo gudbiyeen Gudoomiye Jawaari. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday Safar uu ku tagi lahaa Qadar appeared first on Puntland Post.
-
Ra’isul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa xalay kormeer kedis ah ugu tagay Ciidamo gaar ah oo loo diyaariyey in ay fuliyaan howlgalo qorshaysan oo Al-shabaab looga saaraayo deegaanada dalka ay kaga sugan yihiin. Ciidankaan oo lagu diyaariyey degmooyinka Dayniile iyo Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa ka kooban Booliis iyo Nabad sugida kuwaa oo u diyaarsan howlgal lagu cirib tirayo maleeshiyada Al-shabaab. Ra’isul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali ayaa warbixin ku aadan diyaar garowga ciidanka waxa ka dhageystay Sarakiisha hogaaminaysa waxaa uuna uu muujiyey tageero isagoo ku hadlayey magaca Madaxwaynaha. Ra’iisul wasaaraha xukumadda oo wali ku guda jira kormeerka amniga ayaa waxa uu booqday saldhigga degmada Hodan oo uu horay uga soo shaqeeyey waxa uuna kormeeray qaybaha kale duwan ee saldhiga isagoo qaabka uu ku shaqeeyo saldhiga ka wareystay Taliyaha saldhiga degmada Hodan C/fitaax. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in saraakiisha ciidamada ay si hufan u gudanayaan waajibka Saaraan ee ah Suggida Amniga. The post Sawirro: Sidee ayey u dhacday booqashada kediska ah ee RW Kheyre uu ku tagay Degmooyinka Dayniile iyo Hodan appeared first on Caasimada Online.
-
In October 2103, Norwegian-Somali teenagers Ayan and Leila Juma left their home near Oslo to travel to Syria. They wanted, they later told their parents in an email, to "help down there" as best they could. Source: Hiiraan Online
-
Ra’isilwasaare Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer ku tagay saldhiga Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Kormeerkaan oo ahaa u guurgalid qaabka uu u shaqeeyo Saldhiga Degmadaasi iyo xaalada amaanka ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho. Ra’isilwasaaraha ayaa saldhiga degmadaasi Hodan waxaa ku soo dhoweeyay Taliyaha ciidamada Booliska ee degmadaasi iyo saraakiil katirsan Booliska. Ra’isilwasaare kheyre Ayaa dhowr iyo labaatan sano ka hor ka ahaa saldhiga Degmada Hodan askari qoro Oobiiga ayaa sheegay in hormar badan laga dareemayo Saldhiga. Ra’isilwasaaraha ayaa kormeeray qeeybaha kala duwan ee Saldhiga Hodan isaga oo soo arkay howsha ka socoto Saldhiga Degmada Hodan. Hoos ka Daawo Sawirada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isilwasaare Kheyre oo kormeeray Saldhiga Degmada Hodan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafkii Golaha Shacabka ayaa Cirka isku sii shareeray kadib markii Gudoomiye Jawaari xalay hadal u jeediyey Xubnaha golaha iyo Shacabka una sheegay in la qabsaday Xaruntii Barlamaanka. Khudbada Gudoomiyaha waxaa laga akhri karaa 3 qodob oo rajo leh iyo 3 qodob oo khatar ku ah dawlad-nimada: A-In la badbaadiyo, lagana ilaaliyo fara-gelinta Golaha, ayna midoobaan kuwa Mooshinka ka keenay iyo kuwa taageersan isaga. B-In isagu uu tanaazulay, Mooshinkiina aqbalay, Gacantiisana uusan ku burbirinayn Barlamaankii uu wax ka dhisay. C-In lagu barbaariyey Jawi nabad ah, Dagaal la’aan ah, Khilaaf la’aan ah, Dawlad jaceyl iyo Madax jaceyl ah. Arimaha khatarta leh ee Khudbadiisa ku jirtay waxaa ka mid ah: 1-Mooshinku Sharci ma aheyn waana aqbalay! Xildhibaano keenay ayaa ka laabtay ee Xildhibaan cusub hala keeno! Waa Xaq ay Xildhibaanadu leeyihiin lkn Gar ma ahan. 2-Xukuumada ayaa ka danbeysay Mooshinka! Xaruntii Barlamaankana qabsatay! Waxaan diiday in aan Saxiixo arrimo khatar ku ahaa Qaranka. 3-Dooda iyo Codeynta Mooshinka hala geeyo meel dhex-dhexaad ah; taas oo loola jeedo Xarunta Xalane ee Beesha Caalamka. Waxaan xasuustay laba dhacdo oo horey noosoo martay: A- R/wasaare Saacid ayaa 100% kalsooni ah siiyey Madaxweyne Xasan, kadibna arkay in la khiyaamay markaas ayuu ka codsaday Guddoonka Barlamaanka in ay siiyaan fursad uu isku difaaco, lkn waa loo diiday, codkiina waa loo qaaday, kadib ayuu Khudbad jeediyey kuna xusay in uu aqbalay go’aanka Barlamaanka lkn uusan aheen Gar iyo Sharci! B-Doorashadii Madaxweynaha 2017 ayey Mucaaradkii dareemeen; hadii doorashada lagu qabto School Policea in laga adkaan karo, waxey codsadeen in Xalane loo geeyo Beesha Xalane-na culeys ku saarto Madaxweyne Xasan in uu aqbalo, sidaas ayaana looga adkaaday. Hadaba waxaa muuqata: 1-In khilaafkii Barlamaanka uu gaaray Xukuumada Khayre, lagana rabo in ay ka dabaalato, nabad-doona aysan ka noqon karin Khilaafkaan. 2-In Gudoomiye Jawaari oo lagu barbaariyey Madax jaceyl uusan kalsooni badan ku qabin Madaxweyne Farmaajo in uu arinta ka odayeeyo. 3-In Gudoonka Aqalka Sare oo mugdi ku kala dhex-jiray Gudoomiye Jawasri uusan weli soo gelin arrinta. 4-In sababtii Khilaafka iyo Mooshinka dhalisay Gudoomiye Jawaari ka raray Guddoonka Barlamaanka iyo Xubnihiisa una raray Xukuumada Khayre. 5-In la bixi rabo fursad fara-gelin oo dhici jirtay mar kasta oo la is khilaafo ayna fursad u tahay Beesha Xalane oo awood yarada dawladda Somaliya sanad kasta ku qaadata adduun ka badan 2 Billion. Hadaba waxaan ku talin lahaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi ay talaab deg deg ah qaadaan oo Barlamaanka iyo Guddoonkiisa lagu badbaadinayo, lagana hor tago fursada fara gelinta, lala xisaabtamo Xukuumadda. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal) The post Maxaa laga bartay khudbadii gudoomiye Jawaari iyo baaqa beesha Xalane? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho ( Caasimadda Online)- Wararka hadda kusoo dhacayo xafiiska warqabadka Caasimadda Online ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu dib u dhac ku yimid safar uu madaxweyne Farmaajo ku aadi lahaa dalka Qadar maalinta Berri ah. Sida xogta sheegeyso Madaxweyne Farmaajoo ayaa dib u dhigay safarkiisa maadaama uu jiro khilaaf weyn oo uu dhaxeeyi xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii lasoo gudbiyey mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku mashquulsan yahay sidii loo xallin lahaa khilaafka soo kala dhex galay Baarlamaanka Soomaaliya waxaana arrintaaa darteed dib loogu dhibay safar uu Madaxweynaha Berri ku tagi lahaa dalka Qadar. Madaxweynaha ayaa dowladda Qadar la qaadan lahaa kulamo looga hadlayo xiriirka labada dowladood iyo sidii loo hormarin lahaa. Khilaafkaan uu doonayo madaxweynaha ayaa yimid kadib markii Guddoomiye jawaari ay 107 xildhibaan ka gudbiyeen mooshin xil ka qaadis ah kadib markii lagu soo eedeeyey inuu ku tuntay dastuurka Dalka u yaalo. Maanta ayey aheyd markii ku dhawaad 100 xildhibaan ay Jawaari usoo jeediyeen inuu is casilo lamana ogo haddii uu aqbali doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Safar uu Madaxweyne Farmaajo Berri ku aadi lahaa Qadar oo baaqday si uu u xaliyo khilaafka Baarlamaanka appeared first on Caasimada Online.
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya ayaa la filayaa in ay goor dhow kulmaan si ay u doortaan hogaamiyohooda xiga. Qofkaas oo noqon doona ra’isalwasaraha xiga ee wadanka. Qofka la doorta ayaa mas’uul adag qaadi doona iyadoo wadanka ay ka jiraan mudaaharaadyo rabshada wadata. Rai’salwasaarihii hore ee itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa 15-kii febaraayo ku Dhawaaqay in uu iska casilay xilka raisal-wasaaranimada iyo gudoomiyhii xisbig EPRDF, jagadaasi oo uu hayay tan iyo 2012-kii Xisbiga is bahaysiga EPRDF waxa uu ka koobanyahay afar xisbi siyaasadeed oo ku saleeysan qaar ka mid ah qowmiyadaha dega itoobiya. Balse khilaaf soo kala dhex galay isbahaysigaan ayaa adkeeyay in la saadaaliyo qofkii uu noqon lahaa ra’isalwasaaraha xiga ee dalka itoobiya. Isabahaysigan ayaa talada wadanka hahay tan 1991 kadib markii ay burburtay dowaladdi shuuciga ahayd. Waa kuwaan toddobada nin oo u sharaxan jagada ra’isal wasaaraha ee itoobiya. 1. Lemma Magersa Waa madaxweeynaha goblka Oromiya iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga OPDO. 47 jirkaan ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray bariga Welega ee gobolka oromiya. Bishiii Decembar ee la soo dhaafay waxa uu cambaareeyay dilka loo geeysanayo dadka dibedbaxayaasha ah. waxa uu sidoo kale ogolaaday in uu wadahal la yeesho ururada mucaaradaka ah. Waxaa loo arkaa in uu yahay musharax awooda in uu mideeyo wadanka balse waxa ku adag waddadii uu u mari lahaa in uu ku farsiito kurigaasi oo mahan xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka. 2. Abiy Ahmed Waa gudoomiya xisbiga OPDO, waxaana loo arkaa in uu yahay qofka loo saadaalinayo in uu bedelo ra’isalwasaarhii hore. Waa siyaasi caaqil ah sidoo kalana aqoontiisu sarreyso. Waxaa uu ku dhashay caasimadda Agaro ee gobolka Oromiya waxa uuna ka soo jeedaa qooys isugu jira muslimiin iyo masiixiyiin. 42 jirkan ayaa xisbiga OPDO ku biiray dabayaaaqadii Sideetameeyadii. Waxa uu la soo shaqeeyay Milatariga waxaa uuna gaaray jagada Colonel. 3. Debretsion G Michael Mr Debretsion waxa uu ku dhashay Shire oo ku taalla waqooyiga gobolka Tigeeryda. Waxa uu dhiganayay oo uu dhexda ku joojiyay jaamacadda Addis Ababa waxa uuna ku biiray koox hubeeysan oo ka soo hor jeedday dowladdi markaasi jirtay. Markii dambe waxa uu aaday dalka Talyaaniga halkaasi oo uu ku soo qaatay tababar ku saabsanaa technologi-yadda. Markii uu wadanka dib ugu soo laabatayna waxa uu gobolka Tigreeyda ka aasaasay raadiye lagu magacaabo “Dimtsi Weyane”. markii isbaheysiga EPRDF uu la wareegay talada wadanka waxa loo magaacabay ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka ee Qaranka. Haatan waa gudoomiyaha xisbiga TPLF iyo wasiirka warfaafinta. 4. Demeke Mekonen Waa ra’isalwasaare ku xigeenka ee wadanka. Waxaa uu xisbiga is bahaysiga ee EPRDF ku biiray kadib markiii uu dhameeyay jaamacadda, sanado yar kadibna waxa uu xubin ka noqday baarlamaanka gobolka Amxaarada. Bartamhii sanadkii 2000 waxa uu noqday madaxweeyne ku xigeenka gobolka Amxaarada, sanad ka dibna waxa uu ka mid noqday xubnaha sarsare ee xisbiga ANDM. Sanaddi 2013, waxaa loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka isbahaysiga EPRDF. Ka hor inta uusan siyaasadda ku soo biirin waxa uu ahaa macalin. Waxaa uu soo noqday Wasiirka Waxbarshada ee dalka Itoobiya. 5. Workneh Gebeyehu Waa xubin ka tirsan xisbiga OPDO iyo wasiirka arrimaha Dibedda ee Itoobiya. Waxa uu dhashay lixdameeydii waxa uuna sanado badan soo ahaa Taliyaha Booliska ee Federaalka. Dhamaadkii sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay wasiirka gaadidka jagadaas oo uu hayay muddo afar sanadood ah. 6. Siraj Fegessa Waa wasiirka difaaca ee itoobiya . Waxa uu inta badan ka soo muuqdaa warbaahinada marka ay dowladda ay ka hadleeyso xaaladaha amarka degdegga ah ee uu wadanka ku jiro. Waa xubin ka tirsan xisbiga SEPDM oo ah xisbiga uu iska casilay ra’isalwasaarahii hore waxaana loo magaacabay gudoomiye ku xigaanka xisbiga 7. Shiferaw Shigute Waa xoghayaha isbahaysiga EPRDF. Waxa uu soo noqday wasiirka Waxbarashada ee Itoobiya. Waa gudoomiyaha cusub ee xisbiga SEPDM waxa uu bedelay ra’isalwasaarihii xilka iska casilay. Waxa uu ku dhashay Haroressa oo ku taalla gobolka Galbeedka ee Itoobiya. Waxa uu ahaa macalin ku biiray siyaasadda. Dadka qaar ayaa sheegaya doorashada loo doortay in uu noqdo gudoomiyaha xisbiga SEPDM ayaa waxa ay gogol xaar u tahyay suurtagalnimada ah in uu noqdo ra’isulwasaaraha xiga ee itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa kala socotaa 7 Shakhsi oo uu midkood noqon doono Ra’isulwasaaraha xiga ee dalka Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.
-
Mudisho (Caasimadda Online) – Hay’adda culumada soomaaliyeed iyada oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta diinta iyo danaha ummadda kana duulaysa Axkaamta iyo ujeedooyinka Shareecada islaamka ,kana welwelsan, si gaar ah ,khilaafka xooggan ee ka dhex taagan barlamaanka , waxay soo saaraysaa bayaankan soo socda: Hay’adda culimadu waxay xasuusinayaan xibnaha barlamaanka ee sharafta leh in ay ku taagnaadaan kana run sheegaan dhaartii ay ku mareen magaca ilaahay in ay ilaaliyaan danta dadka, dalka iyo diinta. Hay’adda culumadu waxay ugu baaqayaan dhammaan xibnaha barlamaanka, guddiyadiisa iyo guddoonkiisa in ay ilaashadaan nidaamkii iyo xeer hoosaadkii ay dhigteen kuna heshiiyeen. Nabigu صلى الله عليه وسلم)wuxuu yiri( شروطھم على المسلمون.( Hay’adda culumadu waxay ugu baaqaysaa dhaamaan hay’adaha dastuuriga ah in ay is ixtiraamaan isna kaashadaan, wixii khilaaf ahna ku xallistaan si waafaqsan .(فاتقوا الله وأصلحوا ذات بینكم)(الأنفال:1: (yiri wuxuu ilaahay.sharciga Culimadu waxay ka digayaan falalka iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara In uu dalku dib ugu noqdo wixii dumiyay oo ahaa qabyaalad, dulmi, danaysi iyo qof .(ولا تنازعوا فتفشلوا وتذھب ریحكم)(الأنفال:46:(yiri wuxuu ilaahay . jeclaysi Culimadu waxay usoo jeedinayaan dhamaan siyaasiyiinta inay dalka ka ilaaliyaan faragelin shisheeye, dhowraana midnimadiisa iyo madax banaanidiisa. Culumadu waxay caddaynayaan inay diyaar u yihiin xallinta khilaafka taagan, waxay bogaadinayaan soona dhawaynayaan dadaalada socda ee lagu xallinayo khilaafka . culimadu waxay u dardaarmayaan dhamaan shacabka soomaaliyeed in ay ilaashadaan diintooda,dowladnimadooda iyo walaaltinimadooda, kana digtoonaadaan wax kasta oo dhaawici kara wadajirkooda keenina kara tafaraaruq iyo khilaaf. Wa bilaahi towfiiq Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso bayaan: Hay’ada Culimada oo war rasmi ah kasoo saartay xaaladda ka taagan Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somalia, ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa weerar afka ah ku qaaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in Xildhibaanada baarlamaanka aysan Guddoomiye Jawaari ka aqbali doonin in la arbusho Mooshinka. Khadiijo Maxamed Diiriye, oo goobjoog ka aheyd kulan ay yeesheen xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Jawaari ayaa sheegtay in mooshinkaas aan laga laaban karin ilaa baarlamaanka la horgeeyo,halkaasna lagu kala bixi doono. ‘’Waxaan kasoo horjeednaa in nalagu mashquuliyo Mooshin ka laabasho, waxaan halkaan ka qireynaa inaan laga laabankarin Mooshinka ilaa laga horgeeyo baarlamaanka’’ Khadiijo Maxamed Diiriye, waxa ay tilmaantay in xitaa Guddoomiye Jawaari uu waxbadan ku weynkaro haddii uu ka meermeero Mooshinka, waxa ayna soo jeedisay inuu soo dadajiyo in loo qaado codka ama uu ogolaado is casilaad. ‘’Mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari yuusan u muuqan in laga baxay, haddii uu kusii dhago adeego waxa ay dhibaato u keeneysaa karaamadiisa,aqoontiisa,laakin mooshinkaan uusan noqon doonin mid banaanka looga baxo’’ Waxa ay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye intaa ku dartay “Xaqiiqdii 184 xildhibaan hadii uu mooshinkan gaari waayo Jawaari waa gudoomiyaha Golaha Shacabka, laakin hadii uu gaaro waa wax cad,waxaana idin sheegayaa in mudo 15 cisho ah gudahood ay ku soo dooran doonaan Gudoomiye Baarlamaan’’ Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale sheegtay in Guddiyada joogtada Golaha shacabka ay ku tunteen sharciga dalka, isla markaana ay hareer mareen dastuurka iyagoo aan dhex dhexaad ka aheyn Mooshinka. Dhinaca kale, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Guddoomiye Jawaari ugu baaqday inuu qaato go’aan geesinimo leh ka hor inta aan lagu bahdilin baarlamaanka hortiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xil. Khadiijo Diiriye oo sii ololisay xiisada ka dhalatay Mooshinka Jawaari ‘’Jawaari codka 184 Xildhibaan ayuu ku baxaa’’ appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopia’s ruling coalition is due to meet soon to choose its next leader. That person will automatically become the prime minister. They will be taking on the role at a time of bitter internal wrangles and violent protests. Prime Minister Hailemariam Desalegn announced on 15 February that he would resign as both the chairperson of Ethiopia’s ruling coalition EPRDF and as prime minister – a position he had held since 2012. So that leaves the 180-strong EPRDF council to choose the next prime minister. The coalition is complex. EPRDF is made up of four ethnically based political parties: the Amhara National Democratic Movement (ANDM); the Oromo People’s Democratic Organisation (OPDO); the Southern Ethiopian People’s Democratic Movement (SEPDM) and the Tigrayan People’s Liberation Front (TPLF). While the ANDM and OPDO have roots in Oromia and Amhara regions, which together account for more than half of Ethiopia’s population, it is the minority TPLF from Tigray region that controls the military and security apparatus and is seen as the dominant party in the coalition. Bitter internal wrangles within the ruling coalition have however made it difficult to predict just who will become the next prime minister. To make matters worse, the government failed to quell anger when it declared a state of emergency. Demonstrators in the west defied a ban on protests and marches became violent. The coalition, which has been in power since 1991 after toppling the communist regime, is at a crossroads. The bitter infighting is between reformists who feel the country is headed the wrong way and conservatives keen on maintaining the status quo and the grip on power. Here’s a run down of the top seven contenders for prime minister. From left to right: Abiy Ahmed, Debretsion Gebremichael, Lema Mergessa, Workneh Gebeyehu, Demeke Mekonnen 1. Lemma Magersa He is the current President of the Oromia Regional State and deputy leader of the OPDO. The charismatic Mr Lemma is seen as a fearless and eloquent reformer. He was once quoted as saying he was ready to go out and join demonstrators if the government did not heed the demands of protesters especially from his region. The 47-year-old was born and raised in East Welega, Oromia. Last December he condemned the killings of protesters and the federal security forces’ intervention in the Oromia region without his region’s consent. He has also offered to hold dialogue with opposition groups. He is deemed as an acceptable candidate who can unify the country but his path to the top seat is complicated. He’s not a member of the federal parliament, the House of People’s Representatives, a requirement to become prime minister. Last December, a cartoon depicting Mr Lemma as the biblical Moses parting the Red Sea was widely shared on social media, showing just how his popularity “as a man with answers to the country’s problems” had soared. Despite his meteoric rise within the ruling party and Ethiopia’s complex politics, his critics believe he is too inexperienced to take on the intricacies of the EPRDF. 2. Abiy Ahmed The current leader of the OPDO, Mr Abiy, is seen as the front-runner in the race to succeed the outgoing prime minister having just been elected to head the party. He is an astute politician with impressive academic and military credentials. He was born in the city of Agaro in Oromia and comes from a mixed Christian-Muslim family. The 42-year-old joined the OPDO in the late 1980s. He has served in the military and rose to the rank of Lieutenant Colonel. He also took part in the UN peacekeeping mission to Rwanda. He was the founder and director of the country’s Internet Security Agency between 2009 and 2012 after which he became the minister for science and technology. He is seen by many as outspoken and competent and a person who leans to a participatory leadership style. Mr Abiy is younger than the other potential leaders and is believed to have huge support among the Oromo youth as well as other ethnic groups. His critics however say that as an EPRDF insider, he won’t offer much of the change demanded by protesters. 3. Debretsion G Michael Mr Debretsion was born in Shire, located in the northern Tigray region. He dropped out of his studies at the University of Addis Ababa to join the armed struggle. During this time he travelled to Italy where he completed training in communications technology. After which he established the regional TPLF radio station known as “Dimtsi Weyane”. Soon after the EPRDF came into power in 1991, Mr Debretsion served as the deputy to the head of the intelligence bureau. He has been serving as the Director of the Information and Communication Development Agency since 2006 but also served as a deputy prime minister. He is the chairperson of the TPLF party and the deputy head of state for the Tigray region as well as the minister for information and communications. Activists and opposition political parties argue that the TPLF dominates the political power in the coalition, so his election as prime minster would be a controversial move that would be likely to deepen divisions within the coalition and further inflame feelings of exclusion among the Oromo and Amhara communities. Mr Debretsion is a member of the House of People’s Representatives. 4. Demeke Mekonen He is the current deputy prime minister. He joined the EPRDF after university and a few years later became a member of the Amhara region council. During the mid-2000s he became the deputy chief of the Amhara regional state and a year later became a member of the ANDM executive committee. While on duty as chair of the ANDM, in 2013, he was appointed the deputy chair of the EPRDF. Prior to coming to power, Mr Demeke was a teacher and served as the education minister. Mr Demeke, who is a member of the House of People’s Representatives, is known to be a low-key player in the federal government. It is unlikely the ANDM will take the prime minister’s position as the party has held the deputy prime minister position for so long. Ethiopia’s ethnic make-up: Oromo – 34.4% Amhara – 27% Somali – 6.2% Tigray – 6.1% Others – 26.3% Source: CIA World Factbook estimates from 2007 5. Workneh Gebeyehu He is a member of OPDO and is the current foreign affairs minister. Born in the late 1960s, Mr Workneh has served for many years as the commissioner for the federal police commission. In the late 2000s he was appointed as transport minister, a position he held for four years. A member of the OPDO since the late 1980s, Mr Workneh has since the late 2000s served as a member of the executive committee for both the OPDO and EPRDF. He is a member of the Addis Ababa city administration council but not a member of the House of People’s Representatives. 6. Siraj Fegessa Ethiopia’s current defence minister has been the face of the state of emergencies announced in October 2016 and again in February 2018. He has constantly appeared on state media articulating the conditions imposed by the state of emergency. The sharply dressed but straight-faced politician is seen as one of the least favourite to become the new prime minister. He is a member of the SEPDM, the same party as the recently resigned prime minister and has just been announced as its deputy leader, further complicating his ascendancy to power. Some analysts say his party might argue that Mr Hailemariam never finished his term and therefore might suggest that Mr Siraj or someone from within SEPDM for the premiership. This is however highly unlikely. 7. Shiferaw Shigute He is currently working with the secretariat of the EPRDF, previously he was the minister of education, and president of the southern Ethiopia regional state. Mr Shiferaw is the newly elected chairman of the SEPDM replacing the recently resigned prime minister who was also the chairman of the party. Born in Haroressa, in the southern Ethiopia region, Shiferaw was a teacher before joining politics. When the outgoing prime minister was still the region’s president, Mr Shiferaw was deputy president of the southern Ethiopia regional state government. When Mr Hailemariam became deputy prime minister and foreign minister under the late Meles Zenawi’s administration, Mr Shiferaw assumed the presidency of the region. Some people say his election as the chairman of the SEPDM was intended to enhance his chances of becoming prime minister. Mr Shiferaw is a member of the federal parliament from which the prime minister will be elected. Source: – BBC NEWS The post Who will be Ethiopia’s next prime minister? appeared first on Caasimada Online.