Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,098
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka Warbaahinta Puntland Post ay ka heleeyso Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa ay xabsiga ka sii daayeen Cabdiraxmaan Cabduullaahi Xaaji oo Magac Dheeree Dabcasar. Sheekh Dabcasar ayaa dhowaan ciidamada amaanka waxa ay ka ka xeeysteen Hoteel ku yaala Magaalada Hargeysa halkaasi oo ciidamada amaanka ay xoog ku galeen kadibna ay u dhaadhiciyeen xabsiga Hargeysa. Ciidamada ayaa u geeystay jirdil aad u xoogan waxaana la dhigay isbitaal ku yaala Hargeysa Todobaadkii la soo dhaafay inkastoo markii dambana xabsiga dib loogu ciliyay. Dabcsar oo Jirdil Ay u geeysteen Ciidamada Soomaaliland isbitaal koo Jiifiyayugu dambeeyntii Soomaaliland ayaa sii deeysay Sheikh Dabcasar oo ah nin caan ka ah aaladaha Social Media . Dhanka kale isla maanta waxaa la geeyay laanta socdaalka Soomaaliya si Dabcasar iyada oo dibna loogu ciliyay dalka Mareykanka oo markii hore uu ka yimid. Dabcasar ayaa lagu eedeeyay in uu Aflagaado u geeystay madaxweynaha cusub ee Soomaaliland Maamulka Soomaaliland oo sheegtay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa ka dhaca tacadiyo ka dhan Xuquuqda aadanaha. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Soomaaliand oo Sii Deeysay Dabcasar Kana Musaafurisay Soomaaliland appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu deeqaha ka jaran doono dalalka taageeray qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagaga soo horjeedsaday in uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil. Bishan horraanteedii ayuu Trump gaaray go’aankaas iyadoo caalaamka aad looga dhaliilay. “Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta. “codkooda hanagu mucaaradaan, lacag badan baa anagana noo baaqan doonta.” Haddalkiisan ayaa yimid ka hor codaynta loo qaadayo qaraarka ka dhanka ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ee uu qabanayo Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay. Qaraarkan qabyada ah ma xusayo Maraykan balse wuxuu leeyahay go’aankaste oo Qudus ku saabsan waa in meesha laga saaro. Bishan horraanteedii ayay safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley uga digtay dalalka xubnaha ka ah in madaxweyne Trump uu waydiistay in ay la soo wadaagto dalalka aan codkooda siinin Khamiista. Diidmada oogu daran waxay si aan qaadansho waa lahayn uga imanaysaa dalalka Maraykanka ka soo horjeeda. Dhanka kalana dalal xulafo la ah Maraykanka ayaa goodinta Maraykanka ku tilmaamay hanjabaad maran ama aan meelna gaarsiisnayn. Dublamaasi sare ayaana ii sheegay in ay caddahay in Maraykanka ay ka go’antahay in uu Israa’iil ku garab istaago Qaramada Midoobay, laakiin uu ka shakisan yahay in Washington ay gargaarka ka jari doonto Masar oo soo dhigtay qaraarkii Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhicisoobay kaas oo ku qotama midkan Golaha loo dhan yahayna. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Trump” Ciddii Ka Soo Horjeesata Go’aanka Qudus Waxaan Ka Jari Doonaa Gargaarka” appeared first on Puntland Post.
  3. Ciidanka Aminiga Puntland (PSF) oo maalmahan hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka waday Buuraleyda deegaanada madarshoon, Karin Xagarood iyo Mariidleee Buuraha CalMadow oo saldhigyo ay ku dhuumaalaystaan ay ku leeyihiin Al Shabaab, ayaa waxay ciidanka PSF ku dileen hawlgalladan in ka badan 20 ka tirsan argagixisada Al Shabaab. Dhanka kale, ciidanka PSF waxay ka tacsiyeynayaan geerida laba sarkaal oo ciidanka PSF kaga shahiiday miino shalay kula kacday waddada u dhexaysa Madarshoon iyo Galgala iyaga oo ku jira waajib qaran oo ay ku difaacayeen diintooda, dalkooda iyo dadkooda,waxayna Ilaahay uga baryeen labadaas sarkaal ee ciidanka PSF ka shahiiday in Allah uu ka aqbalo shahaadada kana waraabiyo jannatul firdowsa qoyskoodii, qaraabadoodii, ciidankoodii ,dawladda iyo shacabka Puntland na samir iyo iimaan ka siiyo. Hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ciidamada PSF wadaan ayay sheegeen inay sii socon doonaan ilaa cadowga laga soo afjarayo lagana xoraynayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba. Puntlandi.com
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay nuqul kamid ah waraaqihii damiinta ahaa ee lagusii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sida ka muuqato Saxiixaha Waraaqaha waxaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur damiinta: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxeynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Seddexdaas mas’uul ayaa damiintay, waxayna waraaqdaan xeer ilaalinta guud ku caddeysay inay aqbashaday codsigaas isla markasna ay sidaas kusii deystay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Muqdisho ka socoto, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo laga soo saaro natiijo. Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda damiinta The post Akhriso Waraaqihii damiinta ahaa ee lagu sii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.
  5. Golaha Iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa war ka soo saaray xariggii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo xalay dowladda damiin ku sii deysay iyo xaaladihii ka dhashay xarigiisa, kaddib howl gal dhiig u daatay oo habeenkii Axadii Ciidamo ka tirsan NISA ku qaadeen guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho. HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo maanta mar kale maxkamad la soo taagayo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo u xiran dowladda Federaalka ayaa waxaa soo baxaya caddeymaha loo hayo denbiyada lagu soo oogay. Xogta la helayo ayaa qeexeysa in xeer ilaalinta ay u gacan galeen macluumaad ku saabsan qorshihii afgembiga siyaasadeed ee ay ku howlanaayeen xubno ku xiran Imaaraadka oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin, xidhibaanno iyo madax hore. Caddeynaha ugu muhiiimsan waxaa ka mida: 1 – Codad muujinaya abaabulka ridista dowladda oo ku saabsan dhaqaale la bixinayo iyo kharash dibadda looga helay in lagu laaluusho xildhibaannada. 2- Marqaati iyo caddeyn xildhibaanno lacag lagu siiyay inay saxiixaan mooshin lagu ridayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. 3- Qoraallo iyo dokuments la xiriira mooshin oo ku taxan yihiin liiska xildhibaanno lacag la siiyay. 4- Wadahadal codad ku saabsan tirada lacagta la siinayo xildhibaannada oo dhex maraya laba xildhibaan oo xeer ilaalinta soo eedeysay iyo C/raxmmaan C/shakuur. Lama oga in Xeer ilaalinta ay adeegsan doono caddeymahan oo dhan iyo in qaarkeed ay soo bandhigi doonto, inkastoo xildhibaannada kiiskan ku jira ay weli xasaanad heystaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog culus: Akhriso caddeymaha Xeer ilaalinta u heysato kiiska C/raxmaan C/shakuur iyo xildhibaanno la shaqeeya appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka AMniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa raalli gelin ka bixiyay weerarkii 17kii Bishan Ciidamada dowladda ay ku qaadeen Guriga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame. Wasiir Islow oo ka hadlayay madashii xalay lagu siideynayay C/Raxmaan C/Shakuur ayaa yiri “Naga raalli ahaada,waxaan nahay wiilashiina oo wax ku dheelay,raalli gelin ayaana bixineynaa”. Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa weerar ay ku dhinteen 5; Qof ku qaaday Guriga Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo xalay la sii daayay. Maanta ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u fariisaneysaa kiiska C/Raxmaan iyada oo Xarunta Maxkamadda ay ku wada suganyihiin Xeer ilaalinta dowladda iyo Qareennada Difaacaya C/Raxmaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiirka Amniga ” Naga raalli ahaada,waxaan nahay wiilashiina oo wax ku dheelay,raalli gelin ayaana ka bixineynaa weerarkii..”. appeared first on Caasimada Online.
  8. Booliiska Magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegay in ugu yaraan 15 ruux ku dhaawacantay gaari dad ku der-deray isgooys mashquul badan oo ku yaalla bartamaha magaaladaasi. Booliiska ayaa intaasi ku daray in xabsiga la dhigay dareewalkii gaariga iyo nin kale oo la socday,islamarkaana baaritaan ku socdo,balse faahfaahin dheeri ah ma bixin. Mas’uuliyiinta gawaarida gurmadka deg degga ah ee gobolka Victoria ayaa sheegay in ay isbitaalka geeyeen 13 ruux oo dhaawac ah,kuwaasoo ay ku jiraan carruur aad u da’yar. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ay arkayeen dadweyne kala cararay iyo dhaawacyo dhulka yaalla ,kadib markii gaariga oo xawli ku socdaa isgoyska soo galay. Ilaa iyo hadda ma cadda in weerarkaan ahaa mid argagixiso iyo in kale. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntlandpost.net The post Ugu yaraan 15 ruux oo ku dhaawacmay gaari la jiirsiiyey. appeared first on Puntland Post.
  9. Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay Maanta war ka soo saaray xasaradda ka dhalatay xarigga siyaasi cabdiraxmaan cabdishakuur oo xabeenkii Axadda Ciidanka Nabad Sugidda Qaranku ay soo qabteen,kadib weerar dhiig ku daatay oo lagu qaaday hoygiisa magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Madasha ay ku midaysan yihiin Dowlad Goboleedyada ayaa ugu horrayn tacsi loogu diray dhamaan intii wax ku noqotay weerarkaas,sidoo kale golaha ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalatay weerarka,taasoo haddii aan si deg deg deg ah loo xallin saamayn xooggan ku yeelan karta deganaanshaha iyo xasiloonida. Golaha ayaa ka digay in denbi laga dhigo ra’yiga siyaasiyiinta iyo in awoood ciidan loo adeegsado dadka afkaartooda u cabbiraya sida Dastuurku qabo,wuxuuna si gaar ah uga digay in Ciidamada Nabad Sugidda iyo Militariga loo adeegsado arrimaha madaniga ah. Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhamaystiran. The post Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyda oo war ka soo saaray Xiisadda ka dhalatay xarigga Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maxkamadda Gobalka Banaadir goor-dhaw ka furmay Maxkamadeynta Siyaasiga Mucaaradka ah ee C/raxmaan C/shakuur Warsame oo xalay si Damaanad ah lagu sii daayay. Xeer ilaalinta ama Dacwad ogayaasha C/raxmaan ayaa maanta laga sugayaa in ay Maxkamadda hor keenaan Cadeymo la xariiro Dacwada C/raxmaan waxaana Goobta ku sugan Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Barlaamanka Soomaaliya. Sawirada laga soo qaaday Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muujinayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay garabkiisa fadhiyaan xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ku heybta ah. Warar aan la hubin ayaa sheegayo inuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur diiday qaab xeer jajab ah oo la doonayay in kiiskiisa lagu xaliyo, iyadoo aan Maxkamad la aadin, balse waxaa uu ku adkeystay in Maxkamad lagu kala baxo. Odayaal, siyaasiyiin, Madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Duqa Caasimadda Muqdisho ayaa dadaal u galay sidii loo sii deyn lahaa, kaddib is afagarad laga gaaray xaaladihii ku wareegsanaa eedeyntiisa. Dhageysiga dacwadda ayaa waxaa kuu biirtay Safaaradda dalka Ingiriiska ee Magaalada Muqdisho, waxaana maxkamadda Gobolka Banaadir soo gaaray xubno kamid ah Safaaradaas. Qarreenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay Maxkamadda ay furantay maantana ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay dhinac u dhacdo dooda taagan. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah The post MaxkamadeyntaC/raxmaan C/shakuur oo bilaabatay iyo Safaaradda Ingiriiska oo Maxkamadda…. appeared first on Caasimada Online.
  11. Waxaa Goordhow xarunta Maxkmada Gobolka Banaadir soo gaaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sugaya go’aankii u dambeeyay ee maxkamadeeyntiisa. Xuranta waxaa sidoo kale ku sugan Xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo Siyaasiin. Xarunta Maxkmada waxaa ku sugan hadda Gudoomiye ku xigeenka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari iyo Mahad Maxamed Salaad oo ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa hadda la sugayaa in ay soo xaadiraan dhamaan qareenada iyo dadka dhageeysanaya xukunka Maxkmada Abdiraxmaan Abdishakuur. Go’aankaan ayaa noqon doono kii ugu dambeeyay oo ay soo saareeyso maxkmada iyada oo la wada sugayo go’aanka maxkamada. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Go’aankii ugu Dambeeyay ee Maxkmada Abdiraxmaan Abdishakuur oo Goordhow Bilaabaneeysa appeared first on Puntland Post.
  12. Qoraal uu maanta soo saaray Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeyada (GIDG) ayaa lagu soo dhoweeyay sii-deynta shuruudeysneyd ee la sii daayey Siyaasi Abdirahmaan Abdishakuur Warsame iyaga oo dhinaca kale ka dhigay in la bartilmaameedsado siyaasiyiinta lagu tuhmo in ay mucaarad. Ugu horeyn Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeyada (GIDG) wuxuu tacsi u dirayaa elehelkii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday hawlgalkii bishan 18keedii ka dhacay Guriga Siyaasiga Abdirahman Abdishakuur Warsame, intii ku dhimatayna waxaan ilaahay uga baryeynaa in u naxariisto. Sidoo kale waxan ilaayah uga baryayaan in intii ku dhaawacantayna cafimaad degdega siiyo Amiin. Labadii bari ee la soo dhaafey, Goluhu waxuu si dhow isha ugu hayey xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka soo cusboonaatey Magaalo Madaxda Dalka ee Muqdisho kuwaas oo hadii aan xal siyaasadeed oo degdega laga gaarin saameyn xoogan ku yeelan kara deganaanshaha iyo xasiloonida dalka, sidaas darteed Goluhu waxuu: Soo dhoweynayaa sii deyntii shuruudeysneyd ee la sii daayey Siyaasi Abdirahmaan Abdishakuur Warsame, ka dib dadaalo ay u galeen Golaha Iskaashiga (GIDG), Wasiirro, Xildhibaanno, Duubab, Odoyaal, iyo Xubno kale oo bulshada ka tirsan. Waxaan ku baaqynaa in arrimaha weli dhimana lagu dhameeyo si degdega oo waafaqsan sharciga, lana dhowro xasiloonida guud, amniga, iyo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta.. Ka digayaa in dambi laga dhigo khilaafyada siyaasadeed ee mar walba jiri kara, lana bartilmaameedsado siyaasiyiinta lagu tuhmo in ay mucaaradaan siyaasada dowladda, madaama oo sharicigu u ogolyahay in mucaarad iyo muxaafidba ay ku cabiraan fikirkooda siyaasadeed ee ku aadan hadba xaalada siyaasadeed ee taagan si waafaqsan dastruurka, kaas oo ogol xoriyaadda kulanka iyo qowlka. Soo jeedinyaa in laga foojignaado in dariiqa loo marayo xalinta kala duwanaashaha xaga afkaarta siyaasadeed ee lakala qabi karo loo adeegsado awood ciidan iyadoo wadanku wali ku jiro marxalad aad u nugul oo lagama maar maan ka dhigaysa in wax walba lagu gaaro dib u heshiisiin iyo is qancin, hadii la waayana ay tani sababi karto kala qaybsanaan hor leh iyo in dib loogu noqdo meel fog oo laga yimid. Mar labaad sidii horey la isugu raacay aan ciidamada nabad sugida iyo xooga dalka midkoodna loo isticmaalin arrimaha madaniga ah oo boolisku leeyahay. Qoraalka Oo Dhameystiran halkan Ka Akhri: Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa dhex dabaalaneysa mowjado Siyaasadeed oo ay ku kicinayaan dowlado dhowr ah kuwaa oo is garabtaagaya dhinacyada Mucaaradka. Mowjadaha ku furan dowlada ayaa waxaa qeyb ka ah dhinacyo mucaarad ah oo ka kooban labada Baarlamaanada ee dalka iyo Siyaasiyiin miisaan leh, waxaana adkaaneysa in la kala dilo. Dhinacyadan ayaa waxaa fangareynaaya dowlado dhowr ah oo dhaqaalaha u marinaaya dowlada Imaaraadka oo iyadu cadeysatay dagaalka ay kula jirto dowlada Somalia. Dowladaha dhaqaalaha ku bixinaaya mucaaradka oo qaarkood daaha gadaashii ka qasaaya Siyaasada Somalia, ayaa waxaa kamid ah: Dowlada Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Mareykanka, Ethiopia iyo Kenya oo dhamaantooda dhaqaalaha loo adeegsanaayo dhibaateynta Somalia u marinaaya Imaaraadka Carabta. Dhaqaalaha ay bixiyeen dowladahan ayaa waxaa kamid ah tan la sheegay in laga soo saaray Hooyga CC Shakuur oo dhawaan ay gudaha u galeen ciidamo ka tirsan dowlada. Dowlada Somalia ayaa ka gaashamaneysa faragalin kaga imaada dowlada Imaaraadka iyo Sacuudiga oo iyagu qaska Somalia u sameynaaya Kheyraadka ku jira dhulka aawgii. Dhinaca kale, Dukumiintiyo ay heshay dowlada Somalia ayaa muujinaaya in dowlada Imaaraadka ay shaqsiyaad gaara u ballanqaaday inay gaarsiin doonto heer Madaxweyne. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Liiska dowladaha bixiyay dhaqaalaha ay Mucaaradka ku qasayaan Siyaasada Somalia appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii deynta xalay saqdii dhex damiinka lagu sii daayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Waesame ayaa dhalisay farxad aan hore loo arag. Odayaal dhaqameed, siyaasiyiinta labada gole iyo xubno kala duwan oo ka soo jeeda beesha Hawiye ayaa dadaalkanka dambeeyay sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad, waxayse natiijadii noqotay in damiin lagu sii daayo iyadoo dacwadu socon doonto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sawiro: Farxadii siyaasiyiinta Hawiye ee ka dhalatay sii deynta C/raxmaan C/shakuur appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo,waxaana uu xusay in hadda ay heystaan Xildhibaano ku filan mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha. Waxaa uu sheegay in 96 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ay saxiixeen Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanno ka mid ah Golaha shacabka oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayuu sheegay in ay Guddoonka Golaha shacabka ka codsadeen in uu kalfadhiga Baarlamaanka dib u furo si ay howlaha hadda taagan u dhameystiraan. Mahad,ayaa sheegay in Warqadda codsiga in guddonka dib u furo fadhiga Baarlamaanka ay diyaariyeen walina aysan u gudbin Guddoonka,waxaana uu intaas raaciyay in ay gudbin doonaan. Mooshinka ayaa xoogeystay kaddib markii Axaddii Ciidanka amaanka ay weerar ku qaadeen Guriga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadajir. C/Raxmaan C/Shakuur ayaa xalay laga siidaayay Xabsiga iyada oo maanta la filayo in Maxkamadda gobolka Banaadir uu mar kale ka soo hormuuqdo. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters ku sheegay in ay filayaan in kalfahdiga Baarlamaanka uu dib u furmo mooshinka xilka qaadista Madaxweynahanaha ay fuliyaan. Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmajo ayaa ku soo beegmay, kaddib weerar dhiig uu ku daatay oo ay ciidamada ammaanka ku qaadeen guri uu degen yahay mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo ka mid ahaa musharaxiin u tartantay xilka Madaxweynaha, waxayna ciidamadu ku dileen shan ka mid ah ilaalada siyaasiga. Wasiirka Amniga ayaa sheegay in Cabdishakur uu diiday in sharciga uu horyimaado waxana uu horyimid maxkamada shalay balse lama soo bandhigin warqadii lagu amrayay soo xiridiisa,waxaana loo ballansan yahay in Khamiista la horkeeno markale maxkamada. Reuters ayaa daabacday in Warsame uu ka soo jeedo mid ka mid ah beelaha waa weyn ee dega Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hase yeeshee taageerayaashiisa iyo dowladaba waxa ay sheegeen in xiritaankiisa uusan sal ku lahayn khilaaf dhinaca beelaha ah. “Xildhibaano badan ayaa ka careysan in dowladda oo sheegata inay sare u qaadeyso dib u habeynta dalka isla markaana xireysa siyaasiyiinta mucaaradka ku ah sida Cabdishakur Cabdiraxmaan,”sidaa waxaa u sheegay wakaalada wararka Reuters Xildhibaan Cabdirisaq Maxamed oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga, ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mahad Salaad: “96 Xildhibaan ayaa saxiixday mooshinka Madaxweyne Farmaajo” appeared first on Caasimada Online.
  16. Ugandan lawmakers have voted overwhelmingly to remove presidential age limits, paving the way for President Yoweri Museveni to serve a sixth term in office. The highly controversial bill passed on Wednesday with 315 votes for, 62 against and two abstentions, after three days of chaotic debates in which some opposition MPs were suspended, while others walked out. REACTIONS The bill will pass into law once it is signed by Museveni. Under current laws Museveni, 73, would not be eligible to run for office again in 2021 as candidates over 75 are not allowed. The new bill re-introduces presidential term limits, which were scrapped with the introduction of multi-party politics in 2005, however this will only come into force following the next election — meaning Museveni could serve two more terms. And in a move widely viewed as a quid pro quo for lawmakers backing the unpopular age limit bill, the terms of MPs and local government officials were extended from five to seven years, pushing parliamentary elections to 2023. Human rights lawyer Nicholas Opiyo told AFP the moves were “a reversal of Uganda’s democratic process”. “To remove the age limit — one of the most important safe guards — will entrench a dictatorial and autocratic regime in Uganda, ” Opiyo said. “In a country where — according to international observers — elections do not represent the free will of the people… the age limit was the only safety valve left which will allow the peaceful transfer of power from Museveni.” Opiyo called the move to reintroduce term limits a “facade”. 1986 “It’s not being made in good faith — it’s being made to mask a broader scheme to remove the age limits.” Spokesman for the ruling National Resistance Movement (NRM) party Rogers Mulindwa denied that the law was designed to benefit Museveni personally. “The NRM can choose President Museveni or someone else to stand in the next elections. If he happens to be one of the first beneficiaries then there is no problem. We have also seen that people above 75 are celebrating,” Mulindwa said. “Lifting the age limit opens opportunities to all ages — young, middle aged and old ones so they can contest the presidency. It should not be limited to 35 to 75 year olds — that’s discriminatory.” On the move to extend parliamentary term Mulindwa said that would benefit everyone “even the opposition.” Source: – AFP The post Ugandan MPs vote to scrap presidential age limit appeared first on Caasimada Online.
  17. Ethiopian Airlines, the national flag carrier of Ethiopia made history on Saturday when it deployed an all-female crew for a special flight from Bole International Airport in Addis Ababa, Ethiopia to Murtala Mohammed International Airport in Lagos, Nigeria. The historic airlift, which is the airline’s first flight to Nigeria in the hands of an all-female crew, has grabbed headlines across the world, with some people lauding it as a major milestone for the womenfolk. Under the supervision of Captain Amsale Gualu and First Officer Tigist Kibret, the 13-member crew flew 391 passengers to the Nigerian capital on Boeing B777-300 ER, an exciting journey that took approximately four and a half hours. Speaking at the reception party in Lagos, the chairperson of the Nigerian House Committee on Aviation Mrs Nkiru Onyejeocha thanked Captain Gualu and the rest of her crew for the successful flight, saying it was enough proof that women can achieve great things when given the chance. Onyejeocha added that the historic flight is an inspiration to Nigerian women to venture into the aviation sector and have the courage to hold key positions in the lucrative industry. Speaking at the event, Captain Gualu, who called on women to have passion in what they do, said flying aeroplanes was her childhood dream. “Since I was a child, I wanted to be a pilot. After my University education, I joined Ethiopian Airlines as a first officer and flew the Fokker 50 and the Boeing B737 and then became a captain,” Captain Gualu was quoted by Nigerian news portal This Day. Since the momentous flight on Saturday, many people have taken to social media to congratulate Ethiopian Airlines, which is the most profitable airline in Africa, for giving women an opportunity to prove their potential. My girls! thank you for making us all proud and thank you @flyethiopian for being the ambassador of Ethiopian… https://t.co/InsCUZYipH — Tirsit Yetbarek (@tirsity) December 18, 2017 Some are even calling on other airlines, especially in countries and regions with a reputation of clamping down on women’s rights to follow suit. I wish Saudi Arabia would also have all Women airlines. They were pioneers in promoting all women everything but never made all women airlines hospitals etc — s patel (@mathewbigface) December 18, 2017 Lately, the Ethiopian carrier, which commands the biggest share of the pan-African passenger and cargo network, has been making major changes to its processes, including fully digitizing its operations and providing free Wi-Fi to all customers using its main hub. Source: Face Africa The post All-female Ethiopian airline crew breaks gender barriers with historic flight to Nigeria appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimadda onlne) – Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saaray Xarigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur. GOlaha ayaa ugu horreyn soo dhaweeyey soo deynta Siyaasigaas iyagoo sheegay in arrintaas lagu keenay dadaal dheer oo ay sameeyeen odayaasha, Xildhibaano iyo Wasiiro. Sidoo kale Golaha ayaa ka digay in Khilaafyada siyaasadeed ee ka dhici karo dalka laga dhigo dambi sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale golaha ayaa ka dhigay wadada ay sheegeen in loo marayo xaslinta Khilaafyada siyaasadeed ee ka jiro Soomaaliya. Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedkaas oo dhameystiran: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo warbixin xasaasi ah kasoo saaray Xarigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ‘’Xaaf’’, ayaa ka hadlay go’aanka lagu sii daayay C/raxmaan C/Shakuur oo u xirnaa dowlada Somalia. Xaaf oo u waramaayay Idaacada KKN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wakhti badan ay ku bixiyeen deysmada C/raxmaan C/Shakuur, waxa uuna cadeeyay in deysmadiisu tahay damaanad. Xaaf waxa uu sheegay in deysmada C/raxmaan C/Shakuur ay ka qeybqaaten Mas’uuliyiin dhowr ah oo ay wehlinayaan Hogaamiyayaasha qaar ee ka tirsan maamul Goboleedyada dalka. Hogaamiye Xaaf waxa uu intaa ku daray in C/raxmaan C/Shakuur aan lagu sii adkeyn shuruudaha, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in laga mamnuucay shirarka. Sidoo kale, Xaaf ayaa sheegay inay u badan tahay in manta oo khamiis ah C/raxmaan C/Shakuur lasoo taago Maxkamada, isagoo cadeeyay in inta badan howlaha hoose ay sii socon doonaan. Haddalka Xaaf ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia ay ku adkeysaneyso in C/raxmaan C/Shakuur uusan ka safri Karin dalka inta ay kasoo dhamaaneyso dacwadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Hogaamiye Xaaf oo si cajiiba uga hadlay qaabka ay kusoo damiinteen CC Shakuur (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  20. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xalay ay dammaanad ku siidaysay dowladda Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah maxkamad la soo taagaya,sidauu xaqiijiyey guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir oo uu ka tirsanaa. Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Kamal Guutaale ayaa u sheegay VOA-da in saaka oo Khamiis ah maxkamad la horgeyn doono Cabdiraxmaan cabdishakuur oo loo haysto dacwad ku saabsan Khiyaano qaran. Dhinaca kale qareenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur oo lagu magacaabo Avv. Tahliil Xaaji ayaa sheegay in lagu soo war geliyay in Maanta oo khamiis ah la maxkamadeynayo,wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in lagu waayi doono denbiyada loo haysto. PUNTLAND POST The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maanta mar kale la maxkamadeynayo. appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Baarlamaanka dalka Uganda ayaa cod aqlabiyad xoog leh ku ansixiyay sharci meesha ka saaraya xaddidaada da’da musharaxiinta doorashada madaxweynaha. Laalida xadidaada ayaa waddada u xaareysa in mid ka mid ah madaxweynayaasha Africa ugu muddada dheer uu Uganda sii xakumo ilaa 2031-ka. Xildhibaanada baarlamaanka Uganda ayaa qodobada dastuurka ka baddalay qof walba oo ka yar da’da 35 sano ama ka weyn 75 aanu u tartami karin doorashada madaxweynaha. Guddoonka iyo Xildhibaanada baarlamaanka ayaa isla gartay in sharcigan uu dhaqangalayo xiligii uu madaxweyne Yoweri Museveni oo 73 jir ah uu qalinka ku duugo. Xildhibaano farabadan oo ka tirsan baarlamanaka ayaa ku amaanay xukinkiisa 30 ka sano, waxa ayna sheegeen inuu isbeddel ku sameeyay dhaqaalaha dalka uuna nabad kusoo dabaalay wadankaan uu mar halakeeyay dagaal sokeeye. Xubnaha baarlamaanka ayaa sidoo kale u codeeyay in la kordhiyo muddada ay mudanayaasha baarlmaanka xilka hayn karaan taasi oo haatan ah 5 sano lagana dhigo ilaa 7 sano. Docda kale, Tallaabadan ayaana looo arkaa mid lagu dalaalay xubnaha baarlamaanka si ay u meel mariyaan sharcigan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaanada Ugandha oo la imaaday sharci ka yaabsaday Yoweri Museveni (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa lagu wadaa in Maxkamada Gobolka Banaadir ay maanta oo Khamiis ah mar kale furto kiiska Dacwada Siyaasiga CC Shakuur oo lagu eedeeyay inuu faraha kula jiray dadaal lagu duminaayay Qaranimada Somalia. Maxkamadda Gobalka Banaadir oo laga sugaayay in kiiskaas ay furto Arbacada ayaa dib u dhigtay iyadoo iclaamisay in kiiska ay qaadi doonto maanta oo Khamiis ah. Xafiiska Xeer ilaalinta Somalia ayaa lagu wadaa in maanta ay Maxkamada horgeyso cadeymo ku filan kiiska Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame, maadaama eedeyntiisa ay tahay mid culus isla markaana ay dacwadaan dib u dhacday shalay oo Arbaco aheyd. Maanta oo khamiis ah ayaa lagu madalsan yahay maxkamadda Gobolka Banaadir in Xeer ilaalinta ay horgeyso Cadeymaha eedeynta C/raxmaan C/Shakuur Warsame, waxaa isla manta loo guda gali doonaa dacwada, waa haddii ay Xeer ilaalintu soo dhameystirto cadeymaha la doonaayo. Sababaha ay Maxkamada shalay dib ugu dhacday ayaa ah in warqadii amarka Maxkamada ee lagu faray in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo in loo geeyay Xeer Ilaalinta Shalay 8-dii subaxnimo, sidaas darteed ay muddada waqtiga loo geeyay ay ka bilaabaneyso 24-ka saac, kuna egtahay manta 8-da subaxnimo. Hadal haynta Bulshada ayaa noqotay Kiiska C/raxmaan C/Shakuur, waxaana si wayn indhaha loogu haayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo maanta oo khamiis ah waxa ka soo bixi doona, maadaama xeer ilaalinta laga sugaayo gudbinta cadeymo dhameystiran. Dowlada Somalia ayaa Xalay damaanad kusii deysay C/raxmaan C/shakuur Warsame oo habeenkii Axada lagu xiray Xabsi ku yaalada Muqdisho. Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho saacadihii ugu danbeeyay ka socday kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanaayo arrimaha CC Shakuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxkamadeynta CC Shakuur oo maanta dhaceysa & Xeer ilaalinta oo laga sugaayo dhameystirka Cadeymaha appeared first on Caasimada Online.
  23. Afgooye (Caasimadda Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay Ciidanka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegaya in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in Al-Shabaab ay habeenkii Labaad ay weerar ku soo qaadeyn qeyba ka mid ah degmada, weerarkii ugu dambeeyay ee xalay ayaa ka dhacay Buundada degmada Afgooye ee Sh/Hoose. Dagaalka ayaa ku bilaawday Bambooyinka gacanta laga tuuro kadibna waxaa xigay rasaas socotay muddo kooban, Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay tiro kalane ay ku dhaawacmeyn. Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobalka Shabeelaha Hoose C/raxmaan Dheere ayaa beeniyay in weerar lagu soo qaaday Saldhig ciidanka Soomaaliya ee ku leeyihiin Afgooye balse ay madaafiic rideyn Ciidamada AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-Shabaab oo habeenkii labaad oo xiriir ah weeraray Saldhig ay ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin Afgooye. appeared first on Caasimada Online.
  24. Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal habeenkii xalay ahaa ciidamada dowladda federaalka Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la xaqiijiyey iney qaadeen weerarka dagaalkaan, waxaana dagaalka xooggiisa uu ka dhacay Buunadada degmadaasi. Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. Waa habeenkii Labaad ee Al-shabaab ay soo weeraraan degmada Afgooye, iyadoo habeen kahor sidan oo kale usoo weerareen degmadaasi. Goob joogayaal ayaa Goobjoog News u sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan degmadaasi ay rideen madaafiic. Maamulka degmada Afgooye iyo kan gobolka Shabellaha Hoose weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi. Goobjoog News Source
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo Xalay xilli dambe xabsiga laga sii daayay ayaa farriintiisii ugu horeysay soo dhigay baraha bulshada. Farriinka oo afar xaraf ka koobneyd ayuu ku qoray luqada ingiriiska: “Cadaallada ayaa waareysa, Cadaalad darraduna waa fashilneysa. “Justices prevails. Injustices fails.” ayuu soo dhigay bartiisa twiterka. Wararka qaar ayaa sheegaya in damiinka lagu sii daayay ay ku jiraan shuruudo ay ka mid yihiin: Inuusan saxaafadda la hadli karin, isticmaali karin baraha bulshada, kana dhoofi karin dalka, laakiin waxaa muuqata inuu ugu yaraan dhowr erey ku cabiray xaaladiisa. Sii deynta siyaasiga ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen madaxda maamulka Gobolka Banaadir, Hirshabeelle iyo Galmudug. Ciidanka NISA, ayaa habeenkii Axada weerar qorsheysan ku qaaday hoyga uu C/raxmaan C/shakuur ka degan yahay Magaalada Muqdisho. Weerarkaasi waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid sharciga liddi ku ah. Garyaqaan Tahliil Xaaji oo ka mid ah qareenada difaaceysa C/raxmaan C/shakuur, ayaa sheegay Ciidanka NISA inaanay wadan warqad lagu soo xiri karay Siyaasigaasi. C/raxmaan C/shakuur oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa la sheegay inay aadeen Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf Cali. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Farriintii ugu horeysay ee C/raxmaan C/shakuur kadib markii Damiin lagu sii daayay appeared first on Caasimada Online.