Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,958
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa kordhay Xildhibaanada ku biiraya Mooshinka xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, wararkii ugu dambeeyey oo aan ka helnay Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka ayaa xaqiijinaya in hadda ay soo baxeen Xildhibaano cusub oo ku biiray mooshinka. Waxaa sidoo kale la helay tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada Sixiixay ilaa iyo hadda iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan, iyada oo laga yaabo in tiradu ay sii kororto saacadaha soosocda, hannaanka beelaha lagu qeybsaday kuraasta baarlamaanka marka loo eego ayay Xildhibaanadu uga kala yimaadaan sidan. 1) Beesha Shanaand 22 Xildhibaan. 2) Mogadishu Clan 32 Xildhibaan. 3) Digil iyo Mirifle 47 Xildhibaan. 4) Daarood 29 Xildhibaan. 5) Dir 43 Xildhibaan. Wadarta guud ee Xildhibaanada ayaana noqoneysa 173 Xildhibaan, Guddoomiye Jawaari ayaana si uu Xilkiisa u waayo u baahan 184 Xildhibaan waxaana sida ay hadda wax usocdaan u muuqataa in Mudane Jawaari oo uu weyn doono Kalsoonida Baarlamaanka. Culeyska ugu badan ee ku yimid dhinaca Guddoomiyaha ayaa soo baxay kadib markii shalay iyo habeen hore ay Saxaafadda la hadleen Xubno Golaha shacabka galangal fiican ku leh oo ay Ka mid tahay Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay meesha kasaaraan Jawaari oo ay ku eedeeyeen Xil gudasho la’aan. Jawaari oo dhinaca kale ku tashanayay Xubnaha Xildhibaanada ee Qabyo iyo Daljir ee Baarlamaanka ku jira ayaa ku hungoobay in u keenaan Xildhibaano difaaci kara. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Beelaha ay kasoo kala jeedaan Xildhibaanada saxiixay Mooshinka Jawaari iyo tirada oo cirka isku shareertay appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo ay dhawaan mooshin ka keeneen xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markale si kulul uga hadlay xiisadda taagan. Jawaari ayaa waxaa uu sheegay in xeer hoosaadka Golaha shacabka uu qabo in toban maalmood gudaheed mooshin hadii la keeno la horgeeyo xubnaha waxaana uu sidaas awgeed gudiga joogtada ah ka dalbaday in ay dhowraan xeer hoosaadka mooshinkana ay horgeeyaan Golaha shacabka. Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in waqti loo baahanyahay in loo qabto mooshinka kaas oo xubnaha golaha lagu horgeeyo kulamada caadiga ah. dhinaca Prof Jawaari ayaa soo hadal qaaday ciidamada lagu biiriyay ilaalada xarunta Golaha shacabka waxaana uu dalbaday in laga dulqaado oo lagu soo celiyo kuwi marki hore ilaalin jiray. mar uu soo hadalqaaday xildhibaano shalay ugu baaqay inuu is casilo ayuu sheegay inuu ku yimid sharci islamarkaana uu ku baxayo oo kali ah wado sharci ah oo uusan iscasili doonin. “Khilaafka mooshin kalsoonida kala noqoshada waa uu dhammaaday, waa la ogolaaday in mooshinkaas uu jiro, loona baahan yahay tallaabadii habooneyd si waafaqsan heer hoosaadka, kaas oo sheegaya in 10 beri gudhaood lagu hor-geeyo golaha shacabka oo ay u codeeyaan” Guddoomiye Jawaari ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay la soo geliyay baraha bulshada, kaasoo ahaa inuu is casilayo, isagoo hadalkaas ku tilmaamay mid riyo ah. “Cod ayaa ku imid oo aan xilka Guddoonka Baarlamaanka ku hayaa, haddii aan baxayana cod ayaa ku baxayaa”ayuu yiri Jawaari. Sidoo kale Jawaari ayaa mar kale sheegay in ciidamo ay heystaan xarunta Golaha shacabka, waxaana uu ku baaqay in laga baxo qaabkii maleeshiyaadka iyo jabhadeynta Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa meesha ka saaraya waan waan socotay oo la doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed, waxaana muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya lagu kala bixi doono cod. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Guddoomiye Jawaari oo aqbalay mooshinka, kuna baaqay in muddo 10 cisho gudahood cod loogu qaado appeared first on Caasimada Online.
  3. Maal qabayn Soomaliyeed oo ku sugan dalka Qadar oo lagu magacaabo Cabdla Yuusuf ayaa Xaflad So dhawayn ah waxa uu dalkaasi Qadar ugu sameeyay Wafdi uu hogaaminayay Taliyaha Ciidamada Booliska ee Soomaaliya Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod. Halkan ka daawo .
  4. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayaan dhaqdhaqaaqyadii ay Dowladdu ku difaacaysay damaca shirkadda DP-world ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Dubai ee Dalka isu tagga Imaaraad-ka Carabta. Muqtaar oo u warramayay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegay inay howluhu yihiin kuwo siyaasasadeed balse uusan ka hor dhacayn, isagoo xusay mar kale inaysan marnaba ka gor-gortamayn midnimada iyo wada jirka Soomaaliyeed oo uu yahay lama taabtaan. “Markii ugu horreysay ee ay arrintani soo baxday wuxuu Wasiirka wasaaradda aaday Qaahira, jaamacatul Carab ayuu qudbad ka jeediyay fekerka Soomaaliya iyo mabaadii’da Soomaaliyana ayadoo qoraal ah ayuu u gudbiyay arrintaasi way socotaa Dublomaasiyad weeye kama hordhacayo laakiin arrinta Soomaaliya waa lama taabtaan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka. Wuxuu sheegay wasiirkuxigeenku inay Diblomaasiyaddu tahay siyaasad iyo deggenaasho, balse aysan adeegsan doonin laab la kacnimo, balse taa dhiggeeda ay adeegsan doonaan deggenaasho iyo ka fiirsasho, wuxuuna ku cel-celiyay inaysan Soomaaliya marna taako ka mid ah Dhulkeeda ay ka tagayn, Dowladdana ay howshaasi waddo. Wasiir ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay xurgufta soo kala dhex gashay Dowladda Federaalka iyo Shirkadda DP World inaysan wax u dhimi doonin wada hadalladii kala dhexeeyay maamulka Soomaaliland wuxuuna intaa raaciyay inay wada hadalkan ay gar wadeen ka tahay Dowladda Turkiga. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyay xeerka dhowridda midnimada iyo gobannimada geyiga Soomaaliyeed, kaasoo Dalka ka mamnuucaya shirkadda DP-World ee laga leeyahay Dalka Imaaraad-ka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dowladda Soomaaliya oo mar kale ka hadashay damaca dhanka Dakadaha ee shirkadda DP World appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho-(Caasimadda Online)-wararka lagahelayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay hub kalasoo dageen kooxda alshabaab . Ilo lagu kalsoonyahay ayaasheegay in Shabaab saanad Militari ay kala soo dageen Dakadda macmalka ah ee deegaanka Faax oo ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug. hubkaan ayaa waxaa lagasoo dajiyay doomo ku soo xirtay Dakadda deegaanka Faax waxaana la aaminsan yahay in doomahan saanada Militari ay ka keeneen dalka Yemen oo Somaliya daris la’ah. gaadiidkii dagaalka ee saanada Militari lagu soo qaaday ayaa ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere waxayna sii mareen Degmada Jowle iyaga oo u sii gudbay dhanka Gobolka Galgaduud. shabaab ayaa saanadaan ugu talagalay deegaano ka tirsan Gobolada Mudug, Galgaduud iyo Shabellaha dhexe si ay dagaalo ugu qaadaan. Inta badan hubka ay ku dagaalamaan Ururka Al Shabaab ayaa la sheegayaa inuu uga yimaado dhanka dalka Yemen halkaas oo ay ka dagaalamaan Xoogag ka tirsan Ururka Al-Qacida oo Shabaab ay ka mid yihiin. Sidoo kale Shabaab ayaa hub ka hela xeryaha ciidamada Amisom ee weerarada ay ku qaadaan iyo Saldhigyada ciidamada dowladda ee ay weeraraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kooxda shabaab oo Hub farabadan kala soo degay xeebaha Gobolka Mudug appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo goor dhow la hadlayay Warbaahinta ayaa aqbalay mooshinka laga keenay, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay in cod lagu kala baxo. Jawaari ayaa waxaa uu xildhibaannada ku jira Guddiga joogtada ah ugu baaqay in ay dhowraan xeer hoosaadka Baaralamaanka islamarkaana mooshinkan inta aysan dhamaan toban maalmood oo uu xeer hoosaadka farayo la horgeeyo Golaha shacabka. waxaa jiray Xildhibaanno ay ka mid ahaayeen Aadan Maxamed Nuur Madoobe,Xildhibaan Afaraale iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ugu baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu is casilo. Afhayeenka golaha shacabka oo ay ku furanyihiin mowjado siyaasadeed oo ka dhashay muranka xoogeystay ee u dhaxeeya isaga iyo Ra”iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay yihiin wararka lagu faafiyay Baraha Bulshada. “Waxaan u sheegayaa dadka faafinaya in aan iscasilayo riyo ayay ku jiraan waxaan soo maamulay Madaxweynayaal hore Ra’isulwasaarayaal marka waxaan idiin sheegayaa in uu sharcigu sareeyo isagana lagu kala baxayo” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari “Dadka Dhahaya Wuu Is Casilayaa Riyo Ayay Ku Jiraan” appeared first on Caasimada Online.
  7. Guddoomiyaha barlamaanka federalka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa maanta ogolaaday in cod loo qaado mooshinka lagasoo gudbiyay. Wuxuu sheegay Jawaari inuu cod ku yimid, codna ku baxayo, waxaa uu beeniyay warar baraha bulshada qabsaday oo sheegayay inuu is casilayo. Sidoo kale waxaa uu dalbaday in muddo 10 cisho gudahood mooshinka cod loogu qaado, isla markaana meel munaasib ah lagu qabto, waxaa uu mar kale ku celiyay in xarunta golaha shacabka ay ciidamo heystaan. Puntlandi.com
  8. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gellinkii dambe ee maanta la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inuu aqbalay mooshinka laga keenay, isgaoo sheegay inuu u u yahay diyaar in cod lagu kala baxo. Prof. Jawaari ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay la soo geliyay baraha bulshada, kaasoo ahaa inuu is-casilayo, isagoo riyo ku tilmaamay hadalkaas. “Waxaan ku imid cod, kaasoo aan ku qabtay xilka Guddoonka Baarlamaanka Somalia, haddii aan baxayana cod ayaa ku baxayaa,” ayuu yiri Prof. Jawaari ku yiri hadalkii uu siiyay warbaahinta. Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka hoose ee baarlamaanka Somalia ayaa mar kale sheegay in ciidammo ay heystaan xarunta golaha shacabka. Wuxuuna ka dalbaday Xildhibaanada in muddo toban maalmood gudahood ah in codka mooshinka loogu qaado. Dhanka kale, Hadalka kasoo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa meesha ka saaraya waan-waan socotay oo la doonayay in lagu xaliyo xiisada taagan ee khatarta gelisay hawlaha Dowladda Somalia, Waxaana muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya lagu kala bixi doono cod. Ugu dambeyn, Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Jawaari ayaa u baahan si ay u ridaan Guddoomiye Jawaari 184-cod, taasoo ah arrin aan sahlaneyn oo u baahan olole la mid ah kii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Jawaari oo Aqbalay Mooshinkii laga keenay kuna baaqay in cod lagu geliyo… appeared first on Puntland Post.
  9. Ciidamada Amniga ee Magaalada Boosaaso ayaa maanta Wadooyinka Waawayn ee dhexmaray Magaalada Bosaaso waxa ay ka sameeyeen Howlgal lagu Xaqiijinayo Amaanka Magaalada Bosaaso oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen falal lidi ku ah Amniga. Ciidamo Farabadan oo isugu jira Boolis iyo Milatari ayaa la soo dhoobay Wadooyinkaaasi dhexmara Magaalada Bosaaso , waxayna Baaritaan ay ku samaynayeen dadka iyo Gaadiidka isticmaalayay Wadooyinkaasi . Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay Garawaarida ay ka fiiqayeen Bacaha Madoow , kuwaas oo sida ay Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen qab ka aha Amaan xumida Magaalada ka jirta. Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya maalin uun kadib markii kooxo hubaysan ay gudha Magaalada Bosaaso ka gaysteen weerar Ban Baano oo ay ku dhinteen labo qof oo midi uu yahay Askari Ciidamada ka tirsanaa iyo Wiilyar oo ka ag dhawaa halkii uu weerarkan ka dhacay oo ku dhawayd dekeda Magaalada Bosaaso , waxaana weerarkaasi ka horeeyay dilal qorshaysnaa oo maalmahanba ka dhacayay Magaalada Bosaaso, taas oo lala beefsaday Askar ka tirsan Ciidamada Booliska oo siyaabo kala duwan loogu dilay bartamaha Magaalada Bosaaso .
  10. Muqdisho-(Caasimadda Online)-sarkaal katirsan kooxda alshabaab ayaa ayaa isku soo dhiibay ciidamadda xoogga dalka Horjoogahaan oo Al-shabaab u qaabilsanaa sameynta miinooyinka iyo qaraxyada waaweyn ayaa lagu magacaabaa Caddow Macalin Isxaaq. Horjoogahaan ayaa si gaar ah Alshabaab ugu qaabilsanaa gobolada Jubbada Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Banaadir iyo deegaano kamid ah gobolada dhexe ee dalka sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Dowladda.. Caddow Macalin Isxaaq ayaa sheegay in isaga iyo dhalinyaro kale oo ka bar bar dagaalamaysey Al-shabaab si gaar ah ay u taabatay weerarkii 14-October ee Isgoyska Zoobe, taasina ay keentay in dhalinyaro badan ay go’aansadaan in ay isaga soo baxaan Maleeshiyaadkaasi. “Waxaan marqaati kasoo noqday in ay been abuur tahay in Al-shabaab ay diin u dagaalamayaan, si arxan daro ah ayey u laayaan dadka Soomaaliyeed, taas ayaana garanay aniga iyo dhalinyaro kale oo hadda isku dayaya iney isaga soo tagaan”ayuu yiri Caddow Macalin Isxaaq. Ismaaciil Khaliif Shire Abaanduulaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa uga baaqey dhalinta laqaldey in ay ku daydaan Caddow oo ay isoo dhiibaan . waxaana u balan qaadey in si wanaagsan loo soo dhaweyn doono. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowr jeer sheegay in dowladdu ay cafis u fidinayso dhalinyarada ay qaldeen Alshabaab,haddii ay isku soo dhiibaan Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Horjooge Al-Shabaab ahaa oo isku dhiibay Ciidanka Dowladda & Xilkii uu Shabaab u hayey oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  11. Ethiopia has accused neighbouring Eritrea of attempting to destabilise its security by supporting "destructive" groups while the country continues to be under a state of emergency. Source: Hiiraan Online
  12. DOHA: Qatar Charity has opened a model primary school in the town of Hudur, the southwestern Bakool region of Somalia near the border with Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  13. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Abdullahi Farmajo has cancelled a three-day state visit to Qatar after dispute sparked between the leaders of executive and Lower House. Source: Hiiraan Online
  14. President Mohamed Abdullahi Farmajo has cancelled three day state visit to Qatar after dispute sparked betweel the leaders of executive and Lower House. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in dib u habeyn lagu sameeyay saraakiisha ciidammada milateriga Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah qorsha cusub ee lagu wajahayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyay Hogaanada Ciidanka oo markii hore ahaa 23 Hogaan, balse haatan lagu soo Koobay 13 Hogaan, Waxaana lagu soo biiriyay dhalinyaro Saraakiil ah oo dibada wax lagu soo baray. Wasiir Mursal ayaa caddeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu degay xarunta Taliska Ciidanka ee Dhismaha Wasaarada Gaashaandhiga, halkaas oo Todobaadkii udanbeeyay Madaxweynaha u ehayd Hoy iyo Xarun Shaqo. Isbedelka hoggaannada taliska ciidamada xoogga dalka ayaa saameyn ku yeesay 9 sarkaal oo u badan Jeneraallo kuwasoo shaqada laga fariisiyey, kadib markii waaxyihii ay ku magacawnaayeen la baabi’iyey, taasoo ahayd tallaabadii ugu weyneyd ee isku shaandheyn lagu sameeyo taliska ciidamada Qalabka sida. Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo todobaadkii la soo dhaafay uu howl maalmeedkiisa u wareejiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan is bedelada ciidan iyo abaabulka dagaal ee ka dhaka ah Al-Shabaab. Wasiir Mursal ayaa sheegay in abaabulkan socda uu ka duwan yahay kuwii hore, isla markaana darajo ahaan ay ka hooseeyeen, isla markaana abaabulka hada socda uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo. “Ciidamo isku dhaf ah ayaa ka qeyb qaadan doona dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, Ciidamada xoogga dalka kala ma ahan, abaabulka aan hada sameyneynno wuu ka duwan yahay kii hore, darajo ahaan wey ka hooseeyeen, laakiin abaabulkan waxaa hoggaaminaya Madaxweynaha Jamhuuriyada”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga. Waxaa uu sheegay in horay looga bartay in ciidamada dowladda marka ay deegaan xoreeyaan dib isaga soo baxaan, isagoo tilmaamay in tani ay ka duwan tahay, isla markaana ciidan kale loo diyaariyay, marka la qabto deegaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka oo dib u habeyn lagu sameeyay [9 Sarkaal oo xilalkoodii la baabi’iyey] appeared first on Caasimada Online.
  16. Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta qaadday imtixaan toos ah ama (Interview) ee loogu tartamayey dhowr boos/jago oo ka bannaan qaybo kamid ah hay’adaha dawladda ee ka faa’iideysanaya mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda ee uu Baanka adduunku ka caawinayo dawladda. Boosaskaan oo aad u badnaa isla markaana dhowrkii toddobaad ee ugu dambeeyey la qaadayey imtixaanadooda ayaa si loo kala saaro dadkii isugu soo haray imtixaankii qoraalka ahaa waxaa lala yeeshay waraysiyo afka ah ama toos ah, taas oo lagu kala ogaanayey khibraddooda iyo waayo aragnimadooda la xiriirta shaqooyinka ay u tartamayaan. Imtixaankaan tooska ah ayaa waxaa qaadayey guddi kala duwan oo loo xilsaaray inay ilaaliyaan bed-qabka imxaanka, dhowraanna kalsoonida bulshada, isla markaana ay daacad ka ahaadaan habsami usocodka imtixaanka. Heerka shaqo ee boosaskaana ayaa isugu jirey agaami waaxeeddo iyo Madaxqaybeeddo taas oo looga golleeyahay in la dar-dargeliyo hawlaha shaqo ee muhimka u ah xarumaha dawladda. The post hay’adda shaqaalaha rayidka ha ee Puntland oo qaadday Imtixaan toos ah (Interview) appeared first on Puntland Post.
  17. Sualo u baahan jawaabo Maxaa saldhig u ah xariirka ka dhexeeya Somalia iyo dawladaha shisheeyaha? Dalka Somalia ma waxuu ka koobanyahay laga bilaabo Saylac ilaa iyo Raas Kaambooni, mise waxuu ku egyahay Xamar? Shacabka Soomaaliyeed, ma inta ku nool Xamar kaliya ayaa xaq u leh in ay helaan taageero shisheeye mise dhamaan meel uu joogaba xaq ayuu u leeyahay in uu helo taageero shisheeye? Waxaad moodaa in ayadoo ujeedooyin badan laga leeyahay si waaqaca iyo xaqiiqada ka fog loo adeegsanayo mediaha ayadoo lagu daboolayo daah been ah oo ah wadan jacayl iyo Soomaalinimo. Sidaynu uula socono dhamaanteen dalkeena Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaal sokeeyo oo sababay burbur badan iyo kala guur qof walba uu ku laabtay xaafadii uu asal ahaan uuga soo jeeday. Dawladii Soomaaliya intii ay jirtay waxay ahayd dawlad madax ka nool ah oo wax kasta ay ku xiranyihiin Caasimada. Dhamaan shacabka Soomaaliyeed, ma heli jirin services kii ay u baahanyihiin oo asaasiga u ah nolasha aadanaha; sida caafimaadka, tacliinta, cadaalada, dhisamaha, ganacsiga iyo in kale oo badan. Taas oo keentay in dhamaan tacabkii umada Soomaaliyeed mid dawldeed iyo mid gaar ahba uu ku ekaa Xamar oo kaliya. Waxuu ku khasbanaa qof kasta oo Soomaali ah oo intaa aan sheegnay u baahan in uu Xamar iska xaadiriyo hadii kale baadiyaha bahalku ku cuno. Markii dagaalkii sokeeye dhacay waxuu sababay kala carar iyo guryo noqod, taas uu dhib aad u badan kasoo gaartay dadkii aa nasal ahaan kasoo jeedin xamar laakiin ku dhaqmay oo ku dhashay oo aan aqoonin meel aan Xamar ahayn, sidaan u sheegnayna aysan jirin meel nolol ka jirto oo aan ahayn caasimada. Dadkaas waxaa ku baryey waa cusub oo aad u xanuun badan. Laakiin dhib kasta oo dhacda positive ayey leedahay hadii si fiican looga faaiidaysto. Hadaba faaiidada kaliya oo laga helay dagaalkii sokeeye ayaa ah in nolol laga sameeyo gobaladii iyo dagaamadii horay looga guuray oo maamulkii iyo shacabkiiba dayaceen. Taas waxay keentay in qof kastaa tuuladiisii uu ka aasaaso nolol hor leh oo cidina ku taageerayn ayagoo kaashanayo Ilaahii waynaa kadibna awoodiisa intii rabto ha gaarsiisee. Hadaba dhibkaas maxaa laga bartay? Waxaa loo haystay in dadkii ilbaxay oo daruustii dakaalka sokeeye laga faaiidaystay oo la ogaaday in aan dal hal magaalo oo kaliya ah in uusan umad dhan kaafin Karin, laakiin waxaad moodaa nasiib daro in dariiqii wali la hayo iyo mid kasii daran oo si aad u fool xun loo adeegsanyo saxaafada si dalka mar labaad loogu soo celiyo maamulkii foosha xumaa oo qarniyaalka dib u celiyey umada Soomaaliyeed. Example, deeqahii shacabka Soomaaliyeed lagu soo kabaayey waxaa la sharciyeey in dalkii Xamar wax ka qabta la dhahaayo shacabka Soomaaliyeed ayuu saaxiib la yahay, dalkii meel kale wax ka qabtana la dhahaayo shacabka Soomaaliyeed ayuu cadaw u yahay!!!. Waa wax aad loola yaabo in aan laga faaidaysan dhibaatooyinkii lasoo maray maamul iyo shacab intaba. Hadii aan usoo laabto mawduuca hada ka taagan saaxada Soomaalida oo ah dalalka Imaaraadka iyo Turkiga oo labaduba lug ku leh ama faragalin arimaha siyaasada ee dalka Soomaaliya. Laba dal ayaa uugu dhaqdhaqaaq badan dalalka muslimka ah oo ku lug leh siyaasada Soomaaliya. Mid waxaa lagu safeeyey in uu yahay badbaadiyihii dadka iyo dalka Soomaaliyeed, midna waxaa lagu safeeyey in uu yahay cadawgii dadka iyo dalka. Waxaa is waydiin leh ma sidaas ayaa xaqiiqadu mise waxbaa ku hoos jira? Aragtidayda gaaban waxaan u arkaa in aysan arintaas sidaa dadka loogu sheegay oo campaign kaas xoogan loo isticmaalay aysan ahayn ee waxyaalo badan ku hoos jiraan dadka Soomaalinimda jecel oo u hiloobay in ay dawlad Soomaaliyeed helaana loogaga faaiidaystay dacaayado been ah. Dawlada Turkigu tan intii ay dalka Soomaaliya soo gashay hal meel ah xataa waab kamay dhisin oo aan ahayn magaalo madaxda Mogadisho oo ahayd meeshii horay hantadii nus qarniga dalku xorta ahaa kaligeed la galiyey. For example, safiirkii u fadhiyey dalka Turkiga Soomaalia mudo 3 sano ka hor ah, waxuu booqasho ku yimid magaalo madaxda dawlad goboleedka Puntland, waxuu dhagax dhigay skool farsamada gacanta ah oo balan qaaday in ay sanad gudihiis ku dhisayaan iyo mashaariic kale oo badan oo uu balan qaaday. Nasiib daro dhagaxii Meesha uu dhigay ayaa uugu danbeeyey hal shay oo kalana kama qaban. Puntland waa dalka uugu balaaran gayiga Soomaaliya ugu yaraan shan malyan oo qofna ku nooshahay. Sidaas oo kale dhamaan gobolada kale oo dalka hal meel ah maalin wax kama qaban. Dhinaca kale Imaaraadku waxuu mashaariic badan haba iska tabar yaraadaan uu ka wadaa Puntland iyo Soomalilaand. Ciidamada bada ee Puntland oo xeebta dhererkeedo yahay 960 Kilo meters ilaalisa asagaa kharashkooda bixiya. Waa isha kaliya oo dhamaan umada Soomaaliyeed ka ganacsato oo xariir soo jireen ah la leedahay. Waxaa lagu sheegay cadawgi Soomaaliyeed waayo dalka oo dhan ayuu fiirshay ee hal meel ah ma dhihin ayadaa dalka oo dhan matasha. Dawladii Xamar joogtay oo aan hal maalin ah kula talin saaxibkood Turkiga in uu il naxariis leh ku fiirsho dalka intiisa kale; waxay u aqoonsadeen halkii dal oo asagu dareemay in Soomaaliya Xamar ka wayntahay in lagu sheego cadaw soomaaliyeed!!!. Waa exploitation aad u fool xun oo laga faaiidaysanyo qalbiga fiican iyo soomaali jacaylka shacabka Soomaaliyeed ayadoo la marin habaabinayo ujeedooyinka wax ku oolka ah oo dalka wax looga qaban lahaa, lana doonayo in burburkii laga soo kabsaday dalka dib loogu celiyo lana xaasidayo gobalada ayago gacantooda ku dhistay baahiyahii asaasiga ahaa ayagoo aan sidii aan horay u sheegay Ilaahay maahee aan maamul wax kasoo gaaray jirin, ayadoo waxii aduunku u gartay dadka iyo dalka Soomaaliya hal meel ah lagu ekeysiiyey. Ugu danbayn: Waxaan kula talinayaa shucuubta iyo maamulada dalka ka jira, in uusan dariiqa Soomaalinimado marin burburinta gobaladooda iyo ka tanaazulka xaqooda. In uusan dariiqa Soomaalinimado marin in kii ayaga wax qabta am raba in uu wax u qabto lagu sheego cadaw, kii dhagaha ka furaysta oo caasimada dhisana la oranayo waa badbaadiyihii Soomaaliyeed. Taas waxaa lagu sheegi karaa afka qalaad “credulity” umad daciif ah oo waxii loo sheegaba rumaysata aana kala aqoon ka maslaxadooda wada iyo kan maslaxadooda ka soo hor jeeda. Qore/ Faisal Shire Cali alunun@gmail.com
  18. Raysal wasaare Xasan Kheyre ayaa Madaxweynaha ja codsadey inuu dib u dhigo safarkii uu maanta ku aadi lahaa Dalka Qatar. Qalalaasaha Sliyaasadeed ee u dhexeeya Raysal wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo meel aan wanazgsaneyn maraya ayaa Taysal wasaaruhu ka walwalsan yahay waxa ka imaankara gadii Madaxweynuhu Daæka ka dhoofo, Waayo haduu Madaxweynuhu dhoofo waxaa Dalka hogaaminaya Gudoomiye Jawaari oo si toosa u noqonaya ku simaha Madaxweynaha, taasna kuma faraxsane Raysal wasaare Kheyre. Dastuurku awood buuxda ayuu siinaya Kusimaha Madaxweynaha waana tan uu diidan yahay Raysalvwasaaruhu inuu Madaxweynu dhoofo si uusan Gudoomiye Kawaari u noqon ku simaha Madaxweynaha. Dublamaasi la hadley Puntandi ayaa xaqiijiyey in Madaxwehkuhu uu aqbakay codsigii Raysal wasaaraha uuna saas ku baajiyay Safarkii maanta uu ku aadi lahaa Dooxa. Puntlandi Muqdisho
  19. Saddex xubnood oo ka tirsan Koox xagjir ah ayaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago,iyagoo lagu eedaynayo in ay qorshaynayeen in ay qarxiyan masjid iyo xarun kale oo ay ku nool yihiin Qaxooti Soomaaliyeed,taasoo ku taalla Koonfurta galbeed gobolka Kansas ee dalka Maraykanka. Gavin Wright,Patrick Stein iyo Curtis Allen ayaa saddexduba iska difaacay eedaymaha loo jeediyay oo ay kamid yihiin maleegidda shirqool lagu isticmaalo hubka wax gumaada,kaasoo haddii lagu helo ay ku mutaysan karaan xabsi daa’im. Dacwaddooda ayaa lagu wadaa in ay talaadada ka bilaabato Wichita. Wakaaladda Wararka AP News ayaa ka soo xigatay xeer-ilaaliyaasha in xubin afraad oo ka tirsanaa kooxdan uu mas’uuliyiinta wargeliyay,kadib markii uu adkaysan waayey necaybka sii kordhaya ee ay faafinayaan saaxiibadiis. Kooxdan xagjirka ah ayaa Qaxootiga Soomaalida necayb daran u muujiyay,waxayna ku tilmaameen”baran-barooyin” Maraykanka soo galay. PUNTLAND POST The post Koox doonayey in ay Qaxooti Soomaaliyeed qarxiyaan oo maxkamad la soo taagayo. appeared first on Puntland Post.
  20. Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Muse Bixi Cabdi ayaa u sheegay Jariidad kaso baxda dalka Imaaradka Carabta in dowladda Qatar ay carqaladeynayso heshiiska Somaliland ay la gashay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaradka. Mr Bixi ayaa u waramay Jariidada Alceyn waxana uu u sheegay in dowladda Qatar ay ka shaqeenayso sidii meesha looga saari lahaa heshiiska maalgashi ay la saxiixdeen shirkadda DP world. Waxa uu tilmaamay inaysan jirin wax xiriir maalgashi ah oo kala dhaxeeya dowladda Qatar marka loo eego Sacuudiga iyo Imaaradka oo xiriir dhow ah ay leeyihiin. Madaxweynaha Somaliland ayaa uga digay Qatar inay joojiso faragalinta toos ah uu sheegay inay ku hayso heshiiskaasi inkastoo si dhab ah uusan u cadeen qaabka ay Qatar saameynta ugu leedahay heshiiska dhacay balse waxaa xusid mudan in Qatar ay colaad diplomasiyadeed kala dhaxeeyo dalka isku taga Imaaradka Carabta. “Qatar waxay u taagan tahay inay joojiso heshiiska, waa cadawga heshiiska maalgashiga Dekeda Berbera ee DP World”ayuu yiri Madaxweyne Biixi. Waxaa uu sheegay in Qatar aanay soomaali badan ku sugneyn, taa bedelkeed waxaa uu xusay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku nool yihiin maalgashadayaal fara badan. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ay wadaagaan xiriir dhanka badda ah, isagoo xusay in Berbera iyo magaalada Jeddah ay isu jiraan illaa 300KM dhanka Badda. Horaantii bishan March ayaa Shirkadda DP World heshiis ku saabsan maalgashiga Dekeda Berbera la saxiixatay Somaliland, waxaana heshiiskan uu ahaa mid saddex geesood ah oo lagu qeybsaday saamiga Dekeda, kaasoo u dhaxeeya Itoobiya, DP World iyo Somaliland. Dowladda Qatar ayaan ilaa iyo hadda ka jawaab eedeynta kaga timid Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Soomaaliland oo sheegtay in Qadar ay caqabad ku tahay heshiiska DP World. appeared first on Caasimada Online.
  21. Gamboole (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay wiil 17 jir ah u magacawday Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Degmada Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Faysal Cabdullahu Cumar,waa wiilka loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Degmada Gamboole,wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal ayuu kaga hadlay xilka loo magacaabay,sida ay ku soo gaartay magacaabista iyo sida uu u arko. Faysal waxaa uu sheegay in Waalidkiis ay u keeneen Warqadda Magacaabidda Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gamboole,waxaana uu sheegay in uusan xilkaas qaban karin.. Waxaa uu sheegay inay layaab ku noqotay xilka loo magacaabay, kaddib markii uu arkay warqad uu ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isaga iyo labo qof kale loogu magacaabay xilka Guddoomiye kuxigeenka degmada Gamboole. Feysal ayaa sheegay in Ugaaska Beesha uu u yimid aabihiis, kuna wargeliyay inuu ka soo qeyb galo siminaar, intaas kaddibna uu aabihii u diray siminaarkaas, balse markii dambe uu ka war helay in loo magacaabo xilka Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gamboole. “Waa la yaabay xilka la ii magacaabay oo ah Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gamboole, mana la igala tashan, waxaa rabaa inaan caddeeyo in aan xilkaas qaadi karin, oo aan halkan ka cadeynayaa inaan iska casilay, maadaama dalka uu amnigiisa wanaagsaneyn”ayuu yiri Feysal C/llaahi Cumar oo sheegay inuu 17-sano jir yahay. Faysal oo dhinta fasalka 4aad ee Dugsiga Sare waxaa uu hadda isu diyaarinayaa Imtixaanka Guud ee Iskuulka Sheekh Xasan Barsane ee Magaalada Jowhar oo uu ku noolyahay. Wareysiga waxaa uu ku sheegay in arrimo amaan darteed uusan qaban karin xilkaas,sidoo kalena Wasiirka uusan wargelin isaga oo sheegay in warqadda uu Wasiirka u dhiibay waalidkiis sidaasna ay ku soo gaartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wiil 17 jir ah oo loo magacaabay Guddoomiye ku xigeen Degmo appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online|) – Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mida culimada waaweyn ee taageera dowladnimada ayaa muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada ku caddeeyay mowqifkiisa ku aadan mooshinka socda ee laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Sheekha ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo xaalad kasta oo qalalaase abuureysa, isla markaana aanu taageereynin mooshin xilligan lagu abuuro xasarad, wuxuuna ku hanjabay inaysan aqbali doonin oo ah shacabku ka hortegi doonaan dadka qalaalasaha wada. “Ninka mooshinka keenay isagaa ku baxaya..” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo arrinta ka socota Baarlamaanka ku tilmaamay inay timid xilli xasaasi ah oo Baarlamaanka go’aan weyn ka gaaray shirkadda DP World, dowladdana ay gaartay horumar. Hoos ka daawo Muuqaalka Shiikh Nuur Baaruud Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muuqaal: Sheekh Nuur Baaruud: “Ninkii Mooshinka socda keenay isagaa ku baxaya, mana aqbaleyno…” appeared first on Caasimada Online.
  23. Gudigii Nabadeynta ee Beelihii dhawaan lagu heshiisiiyay deegaanka Meegaagle ayaa waxa ay kulamo wacyigalin ah ay ka wadaan deegaanadii ay labadasi beelood ay kala suganyihiin si loosii xoojiyo Nabad galyada iyo wada noolaanshaha labada Beelood ee Cumar Maxamuud iyo Bahararsame. Nabadoon Xuseen C/raxmaan Xaaji oo kamid aha Gudigii Nabadeynta ayaa sheegay in sababta keentay in xiligan ay wacyi galinta ay sameeyaan ay ahayd in go’aanadii heshiiska lagu kala saxiixday Meegaagle ay kamid ahaayeen wixii lagu balamay in lakala fogeeyo dagsiimooyinka iyo meelaha ay xooluhu ay wada daaqaan si uusan markale isku dhac u iman. Nabadoonka ayaa sheegay in inatabada ay hirgaleen heshiiskii lakala saxiixday, balse wacyi galintaan ay tahay adkaynta iyo xoojinta heshiiskaasi si uu unoqdo mid mira dhal yeesha. Nabadoon Xuseen ayaa sheegay in aysan qabin wax cabsi ah oo markale dhalin karta dagaal dhexmara labadan Beelood ee wadadagan. 15- bishii February ayay ahayd Markii ay heshiiskaasi ay ku kala saxiixdeen labadan Beelood deegaanka Meegaagle ayna garwadeen ka ahaayeen Isimada dhaqanka ee labada dhinac iyo dowladda Puntland oo dhanka farsamada iyo Fududeenta kataageeraysan heshiiskaasi . Halkan ka dhagayso Waraysiga uu siiyay Warsidaha Puntlandi.com Xafiiskiisa Bosaaso. Nabadoon Xuseen Puntlandi.com
  24. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa bilowday dejinta Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2017-2018,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaraddda. Lixdan iyo lix macallin ayaa loo qorsheeyay in ay muddo 5 maalmood ah soo dejiyaan Imtixaankan Shahaadiga ah oo ay u fariisan doonaan ardayda fasalka 8 aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4 aad ee dugsiyada sare dhammaan degaannada Puntland. Macallimiinta soo diyaarinaya Imtixaankan sannadkan ayaa ka kooban 42 macallin deJiyaal ah,lix macallin turjumayaal ah,iyo 24 macallin oo hubiyaal ah,waxaana qoraalka lagu sheegay in dejiyaasha Imtixaanka sannadkaan ay ka yar yihiin sannadihii la soo dhaafay,kadib markii uu hoos u dhac ku yimid taageeradii dhaqaale ee lagu kabi jiray. Halkaan ka akhriso qoraalka Wasaaradda. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo bilowday dejinta Imtixaanka Shahaadiga ah. appeared first on Puntland Post.