-
Content Count
210,018 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishii May ee 2018 marti galisay dilalkii ugu badnaa oo loo geystay dadka shacab iyo kuwa la shaqeeya dowlada. Dilalka bishii May ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si siman u geystay Xagjiriinta Somalia Al-Shabaab iyo Daacish oo qeyb ka ah dhinacyada ku loolamaaya dhiiga shacabka. Dilalka bishii May ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan dhan 39 dil, waxaana xusid mudan inay jiraan kiisas dilal ah oo aan weli la helin raadraacooda. Dilalka ugu badan ayaa waxaa loo geystay Askar iyo Shacab, waxa ayna dilalka ugu badan ka dhaceen Degmooyinka Hodan, Xamarweyne iyo Wada jir , Dharkiinleey, Boondheere iyo Degmooyin kale. HOOS KA AKHRISO DILALKA MUQDISHO KA DHACAY BISHII MAY 2018 1-May, 1, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Askari ka tirsan Dowlada ku dilay Koontarool ciidan oo ku yaal Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. 2-May, 1, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada xasilinta Muqdisho, waxa uuna dilkiisa dhacay xili uu kusii jeeday Hooygiisa. 3-May, 1, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa Suuqa-bakaaraha ee Degmada Howlwadaag ku dilay Gabar u shaqeyn jirtay Hay’ada Caafimaadka Aduunka Qaramada Midoobey WHO, oo lagu Magacaabi jiray Maryan C/llaahi Maxamuud. 4- May, 2, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado kana tirsanaa al-shabaab ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda xili uu ku sugnaa Isgooska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho. 5- May, 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Haweeney iibin jirtay qaad, oo ku ganacsan jirtay Isgooska Baar Ubax. 6- May, 3, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa eeryada Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho ku toogtay Dable Axmed Jimcaale oo ka tirsanaa ciidamada Militeriga. 7- May 3, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Boondheere ee Gobolka ku toogtay wiil lagu magacaabo Cabdullahi xili uu horfadhiyay Maqaaxi ka soo horjeeda Isbitaalka lagu Magacaabo Kulmiye oo ku yaalla degmada Boondheere. 8-May 3, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysna Bastoolado ayaa eeryada Degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa ilaalada Xarunta Degmada, waxa uuna dilkiisa dhacay xili uu kusii jeeday Hooygiisa. 9-May 5, 2018, Ruux ku hubeysnaa qori AK47 ayaa Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay haweeney lagu magacaabi jiray Xaliimo Xuseen Cali Kowshe. 10-May 5, 2018,Nin madaxa looga jiray oo ku hubeysnaa qori ayaa toogasho ku dilay ruux laga magacaabo Maxamed Tuur-yare oo kamid ahaa dadka Degmada Wadajir. 11-May 5, 2018, Ruux hubeysnaa ayaa xaafada sifeeynta badroolka oo ku taalla duleedka degmada wadajir ku dilay Xaawo Maxamuud Caddaan. 12-May 5, 2018, Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Wadajir lagu dilay C/llaahi Maxamed Yalaxow oo kamid ahaa dadka deeganka, waxaana dilay ruux ku hubeysnaa qori. 13- May 7, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho ku dilay nin ka mid ahaa dadka ku nool Xaafadaas, waxaana lagu magacaabi jiray Shooble kana ka mid ahaa ilaalada Jaamacadda Shabeelle. 14- May 10, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa xaafada Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ku dilay Askari la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada NISA xili ay weerar ku qaaden Hooygiisa. 15- May 10, 2018, Kooxo ku hubeysnaa Hubka fudud ayaa Degmada Wadajir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada NISA, gaar ahaan kuwa loo yaqaan ‘’Waji-duubta’’ xili uu ku guda jiray fasax shaqo. 16- May 10, 2018, Maleeshiyada al-shabaab ayaa weerar gaadma ah oo ka dhacay xaafada Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ku dishay Askari ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka xili uu ku sugnaa Hooygiisa oo ku yaala isla Xaafada. 17- May 10, 2018, Weerar ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku qaaden xaafada Seybiyaano ee Degmada Wadajir ayaa waxaa lagu dilay Askari ka tirsanaa ciidamada NISA ee loo yaqaan Alpha Group. 18- May 10, 2018, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xaafada Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ka shaqeynayay Maqaaxi kadib markii uu diiday Mobil laga dhacaayay. 19- May 12, 2018, Rag ku labisnaa dareeska Ciidamada dowladda ayaa toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa degmada Dharkenley ee gobolkan Banaadir, gaar ahaan Xaafadda Suuqyaraha, waxa uuna dilka wiilkaasi dhacay kadib markii uu diiday in laga qaato Moobil uu watay. 20- May 14, 2018, Ciidamo ka tirsan Militeriga Dowlada ayaa ruux Mooto Bajaajle ah ku dilay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana dilka kadib goobta si xarago leh uga baxsaday Gaariga uu la socday Askariga dilka Geystay oo ahaa Cabdi Bile. 21- May 14, 2018, Maleeshiyaad ka tirsanaa Alshabaab ayaa Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Cabdul Shideeye ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay inuu Naafo ka ahaa Gacanta, waxaana dilkiisa kadib ay maleeshiyaadka ka qaateen Muuqaal. 22- May 17, 2018, Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa qof dumar ah wuxuu ku dilay degmada Hawlwadaag, gaar ahaan xaafadda Ceel-hindi, kadib markii marxuumada iyo Haween kale oo la socday ay ka dul dhaceen Hooy uu ilaalo ka ahaa Askariga. 23- May 18, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa meel aan ka fogeyn Isgooska Shibis ee magaalada Muqdisho ku toogtay Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska kaa oo lagu magacaabi jiray Qataatow. 24- May 19, 2018, Kooxo hubeysnaa ayaa qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir, gaar ahaan meel u dhow Masjidka C/raxmaan Bin Coof ku dilay Ganacsade Sarifle ahaa oo magaciisa lagu soo gaabiyey Aw Aadan, waxa uuna kamid ahaa Ergada soo xushay Xildhibaanada BFS. 25- May 20, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Yaaqshiid ku dilay mid ka mid ah maamulka Shirkada dhismaha Kulmiye, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday maleeshiyaadka. 26- May 20, 2018, Maleeshiyada al-Shabaab ayaa toogasho ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia, kaa oo magaciisa lagu sheegay Aweys Cabdi Cumar oo uu dilkiisa ka dhacay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodon. 27- May 21, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir gaar ahaan halka loo yaqaano Dabaqeynka ku dilay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Xasan Sulub oo Kaabe u ahaa dadka loo yaqaano Dalaaleyda. 28- May 21, 2018, Maleeshiyaad hubaysnaa oo ka tirsan Daacishta Somalia ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada Taraafikada xili uu ku sugnaa nawaaxiga Isgoyska Bakaaraha qaybta xigta dhanka Degmada Hodan. 29- May 24, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Ceelasha-Biyaha ku dilay Askari ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka. 30- May 26, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa bakaaraha, gaar ahaan eeryada Masjidka Shuhadada ku toogtay wiil dhalinyaro ahaa kaa oo aan la cadeyn waxa uu ahaa. 31- May 26, 2018, Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir, gaar ahaan Xaafada suuq Boocle ku toogtay Sarifle lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Xariir. 32-May 27, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku toogtay Askari naaniistiisa lagu sheegay Caana boore oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga. 33-May 27, 2018, Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa waaxda Saddexaad ee Xaafada dabaqeynka degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ku diley Nabadoon Caan ka ahaa degmadaas oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Saleemaan Abiikar Fooldheere. 34- May 28, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa isgosyka Maana booliyo ee degmada Shibis ee gobolkan Banaadir ku toogtay nin la sheegay in uu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada Minashiibiyada. 35- May 28, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Waaxda Horseed degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku dilay Cumar Dhalaxow Muudeey oo ka mid ahaa shaqaalaha Golaha Shacabka, waxaana lagu rasaaseeyay gaarigiisa. 36- May 29, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir, gaar ahaan meel aan ka fogeyn Xarunta Cumar Finish ku dilay Muxudiin Cosoble oo kamid ahaa Ganacsada Hilibka. 37- May 29, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Macalin Dugsi qur’aan oo loogu dhex galay hooygiisa. 38- May 29, 2018, Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan nawaaxiga Ansalooti ku toogtay qof shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka. 39- May 31, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay Guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley) Marxuum C/weli Ahmed Mohamed. Dowlada Somalia ayaa mar waliba ku goodisa inay ka jawaab celineyso dilalkaasi, hase ahaatee waxa ay Hanjabaadaha dowlada u muuqdaan kuwo sii kordhinaaya daadashada dhiiga shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Attacks by young Islamist militants in northern Mozambique are fuelled by a mix of poverty and corruption, writes Joseph Hanlon. Source: Hiiraan Online
-
Years after George W. Bush created a secret “kill list” of alleged terrorism suspects, it remains murky how one gets on the list, and just as complicated to try to get off it, as Marjorie Cohn explains. Source: Hiiraan Online
-
Istanbul, Turkey - When President Recep Tayyip Erdogan called snap elections last month, he cited foreign policy concerns as the principal reason behind his decision. Source: Hiiraan Online
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has started mobilising the youth through soccer as a unifying factor among the warring clans. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, June 1 (Xinhua) -- A prominent youth leader was shot dead on Thursday evening by suspected Somali militant group al-Shabab as he walked home after evening prayers in Mogadishu, police said. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hogaamiyayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ay kulan aan horay loo shaacin ku yeeshen Magaalada Garowe ee maamulka Puntland. Axmed Ducaale ‘’Xaaf’’ oo socdaalkiisa magaalada Garoowe u kireystay diyarad gaara ayaa ka duulay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la socday ciidamo isaga ilaalo u ah iyo qaar ka mid ah Xoghayntiisa, Safarkiisa kuma aysan wehlinayn Siyaasiyiin ama Xildhibaano. Kulanka oo si gaara ugu dhexeeyay Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas iyo Axmed Ducaale Xaaf oo ah Hogaamiyaha maamulka Galmudug, waxa ayna si qoto dheer uga wada hadleen degnaanshiyaha laga dareemayo magaalada Gaalkacyo, Nabadda iyo Daris wanaaga ka dhexeeya labada maamul. C/weli Gaas iyo Xaaf ayaa isla soo hadal qaaday Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug iyo Kaalinta ay ka qaadankaraan Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda oo mas’uuliyada koowaad ay ka saran tahay xalinteeda. C/weli Gaas oo casuumaada u sameeyay Xaaf, ayaa sheegay in Puntland ay daris la tahay Galmudug, sidaa aawgeed ay mas’uuliyad gaara ka saran tahay xalinta Khilaaf Siyaasadeedka ka dhextaagan Madaxda Galmudug. Illo wareedyo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa xaqiijiyay in Hogaamiye Xaaf uu xalay ku hoyday Magaalada Garowe, waxaana lagu waddaa in uu maanta soo gaaro Magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Illo wareedka ayaa intaa kusii daraaya in Hogaamiye Gaas iyo Xaaf ay isla fahmeen in kulamo gaara lala qaato Madaxda Galmudug ee iminka carada la fadhiya magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudu, waxa uuna arrin muhiima ku sheegay in si dhaqsi ah lagu qaboojiyo khilafka. Dhinaca kale, Xaaf ayaa safarkiisa Garoowe loo badinayaa inuu la xariiro sidii Puntland fara galin ugu samayn lahayd maadama Madaxweyne Gaas Guddoomiye u yahay madasha maamul goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
In less than two weeks, thirty-two national teams from around the world will begin the month-long soccer pageant known as the FIFA World Cup. Astonishing athletic feats will be performed by astonishingly wealthy players—Messi, Ronaldo, Neymar. There will be showboating and fakery. (Ronaldo again, almost certainly.) There will be a golden trophy, millions of dollars in sponsorship and advertising revenue, and the vague scent of corruption that follows FIFA everywhere. And, of course, there won’t be any Americans this time around, the men’s national team having bombed out in qualifiers. Source: Hiiraan Online
-
The U.N. refugee agency says more than a dozen Africans who were held captive by human traffickers in Libya have been killed and many others wounded while trying to escape.The UNHCR says victims were among a group of some 200 Eritrean, Ethiopian and Somali migrants and refugees. Source: Hiiraan Online
-
The sport is also used to make the youth busy and discourage them from joining the al Shabaab militants who have continued to recruit young people to fight against the peace keeping forces. Source: Hiiraan Online
-
A new video released by Shabaab, al Qaeda’s branch in East Africa, details one of the jihadist group’s hit squads. The unit, dubbed the Muhammad bin Maslamah Battalion, appears to mainly operate within Somalia’s capital Mogadishu and in the Lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi gaar ah ay la yeelatay majalada caanka ah ee Faransiiska ku soo baxda ee Jeune Afrique, ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu uga baxay heshiiskii shirkadda DP World ee Imaaraadka ee dekadda Dooraaleh. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxa uu yiri “DP World weligeedna si run ah uma ay doonayn in ay horumariso dekedda Dooraaleh – Oo shaqada ay qabataa boqolkiiba 40 keliya ka noqonaysay inta ay qaban kari lahayd – sababta ay sidaas u yeelayaanna waa in ay xoojiyaan soo shaacbixidda dekedda Dubai, ee Jabal Cali. Waxa ay ku socotay in ay meesha ka saarto tartankii dekeddu ku jirtay iyada oo xakamaynaysa, iskuna soo koobaysa suuqa maxalliga ah iyo Itoobiya. Xitaa haddii ay noqonayo in markableyda shisheeyaha ee aadka u badan laga niyadjebiyo in ay dekeddayada soo booqdaan” Hadalka madaxweyne Geelle, waxa uu shaaca ka qaaday arrimaha soo socda:- 1 – In heshiisyada Imaaraadka ee dekedaha Soomaaliya, sida Berbera iyo Boosaaso ay yihiin kuwa marnaba ujeedkoodu uusan ahayn in dekedahaas lagu hormariyo, balse ay yihiin kuwa lagu wiiqayo inay iskood ama dal kale hormariyo, si dekedda Jabal Cali ee Dubai usii ahaato tan ugu xooggan gobolka. 2 – In Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku saxneyd inay iska diido heshiiska dekedahaas iyo inay Imaaraadka kala safato Qatar, waayo waxaa cad in Imaaraadku ay Soomaaliya u joogaan kaliya inay wiiqaan Soomaaliya, balse aysan marnaba dan ka lahayn inay Soomaaliya ka caawiyaan inay cagaheedi isku taagto. 3 – In hoggaamiyayaasha maamullada Soomaaliya, si gaar ah Cabdi Weli Gaas iyo Muuse Biixi ay yihiin khaa’inu waddaniyiin aan wax dan ah ka lahayn dalka, una muuqdo kaliya dollar-ka Imaaraadkaa Carabta, sababtoo ah ayaga oo og hagar-daamada Imaaraadka, ayay haddana weli heshiis kula yihiin inay Soomaaliya dhibaateyso, una saxiixeen heshiisyo 30 sano ah, oo cawaaqibkooda aan laga soo kaban doonin muddo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Saudi Arabia ayaa ku hajnabtay tallaabo miltari oo ka dhan ah Qatar, haddii dalkaas uu soo iibsado barnaamijka difaaca gantaalaha ee S-400, oo Ruushka uu sameeyo, sida uu daabacay wargeyska Le Monde ee dalka France. Warqad uu u diray madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron, ayaa boqor Salman waxa uu walaac kaga muujiyey wada-hadallo u socda Moscow iyo Doha, oo ku saabsan iibka barnaamijka difaaca ee horumarsan. Dowladda Sacuudiga oo ka codsatay France, inay cadaadiso Qatar, ayaa sheegtay inay ka cabsi qabto cawaaqibka ka iman kara haddii Qatar ay hesho barnaamijkan, ayna halis gelin karto amniga Sacuudiga. “Haddii tani ay dhacdo boqortooyada waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka muhiimka ah, si meesha looga saaro habkan difaaca gantaalaha, waxaana ku jira tallaabo milatari” ayuu boqor Salman ku yiri warqaddii uu u qoray Macron, oo uu helay wargeyska Le Monde. Bishii Janaayo, ayaa safiirka Qatar ee Ruushka uu sheegay in wada-hadallada ay kusoo iibsanayaan barnaamijkan ay gebo gebo yihiin. Labada dal ayaa bishii October ee 2017 kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn milatari iyo mid farsamo iyo inay kasii shaqeeyaan habka difaaca, intii uu wasiirka gaashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu booqashada ku joogay dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Doha Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhigga Ciidamada Badda Puntland ee ku yaalla degaanka Bali Qadar ee Gobolka Bari. Weerarka oo aad u xooganaa ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Puntland. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa Saldhiga ka weerartay dhowr Jiho waxa ayna dagaal kala kulmeen ciidamada maamulka, gaar ahaan kuwa degan Saldhiga. Khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ayaa ka dhashay weerarka, waxaana lasoo sheegayaa in khasaraha ugu badan uu gaaray ciidamada Puntland oo looga hormaray weerarka. Inta la ogyahay ilaa Lix qof ayaa ku dhintay weerarka, halka tirro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay dadka deegaanka. Maleeshiyada al-Shabaab oo dagaalkaan kasoo saaray warbixino kooban ayaa sheegay inay ka gaareen dantii ay ka lahaayen weerarka, isla markaana ay cagta mariyeen Saldhiggii ciidamada Puntland ee degaanka Balli qadar, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale, Maamulka iyo Saraakiisha Puntland ayaan weli ka hadal weerarka inkastoo ay ku howlan yihiin weerar rogaal celis ah. Dhinaca kale, weerarka ayaa kusoo beegmaaya xili gudaha asbuucii tagay ay al-Shabaab soo bandhigeen sida ay unugyadooda ku sugan Gobolka Bari u noolyihiin. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa habeen hore baahiyey muuqaallo ay ka duubeen dadka shacabka ah iyo kwa kale ee ay ku dilaan Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka. Wuxuu ahaa muuqaal aad u argagax badan. Dad badan oo Soomaali ah oo ka daawaday inta badan facebook, ayaa aad uga carrooday, oo dareenkooda muujiyey, waase sida ay Shabaab rabaan in dadka ka hadlaan ayaga, kadibna iska iloobaan oo aan waxba laga qaban karin. Markaan eegnay muuqaalka waxaa inooga baxay shanta arrin: 1 – In Al-Shabaab ay fahantay in hal qarax oo ay fuliso uu uga sahlan yahay inay 20 weerar oo dilal qorsheysan ah geysato. Xusuusnow, kooxdan waxay dooneysaa kaliya inay shacab disho, kalamana jeclo qaaabka ay u disho. Sidaas darted waxay garowsato in waqti iyo qarash badan ay u baahan tahay in qarax la fuliyo, lagana yaabo inaysan dad badan ku dhiman, waxayna u weecatay inay dadka hal hal u disho. Ramadaanka sidii u billowday waxay dileen ku dhowaad 60 qof. 2 – In Ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu faraha kasii baxayo, hay’adaha amniguna u miuuqdaan kuwa aan ka damqaneyn waxa socda, ama haddii dareen dhibayo uu jiro, aysna lahayn awood ay wax uga qabtaan dhibaatada socota. Sidaas darteed, isha un ayay ka daawanayaan. 3 – In Al-Shabaab ay maalinba maalinta ka dambeysa sii haleyso kalsooni xad dhaaf ah, oo maanta awooddoodu mareyso heer qof kasta oo ay dilayaan ay muuqaal kasoo duubaan, halka waagii hore ay orod inta wax ku dilaan carari jireen. 4 – In Al-Shabaab, oo sid ay sheegto dooneysa inay dalka qabsato maamusha, aysan wax rajo dambe ah ka lahayn inay taageero ka hesho shacabka. Xusuusnow waxaa jirtay waqti kooxdan dad badan taageeri jireen, hase yeeshee maanta xitaa haddii aan dhahno waxaa taageero 95% shacabka, waxay u badan tahay inaan been sheegeyno. Sababtoo ah, haddii ay shacab rajo ka leedahay, sidaan uma gumaadeen. 5 – In Kooxdan tahay koox arxan darran, oo aan diin Islaam wax shaqo ah ku lahayn, hadafkooduna yahay inaysan dowlad la dagaalamin, balse ay gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland uu toogasho ku dilay Wiil iyo Aabihiis oo ku sugnaa Hotel ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo. Askarigaan ayaa la sheegay in mudo yar ka hor laga Ruqseeyay shaqada balse si caro leh uu u dilay Aabaha iyo wiilkiisa Askariga oo horay shaqadiisa ugu waayay Xanuunka Neerfaha oo ku dhacay ayaa xabado ku furay dad ku sugnaa Hoteel ku yaalla Bartamaha Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland, waxaana sidaa ugu dhintay Wiilka iyo Aabihiis. Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Puntland oo Hotelka ku sugnaa ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen Ninkii dilka gestay, waxaana faah faahin ka bixin doono Hay’adaha amaanka ee maamulka Puntland. Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay oo ah Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii falkaasi geystay. Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay, waxa uu dhankiisa ka qiray in ninkaan uu qabay Xanuunka Neerfaha, isla markaana horay looga qaaday Qorigii uu watay ,laakiin hadda ay barayaan Qoriga uu dadka ku dilay halka uu ka keenay. Dhinaca kale, waxaan si rasmi ah loo ogeyn halka uu hubkaan ka keenay ninkaan la sheegay inuu Xanuunka Neerbaha qabay ee laga ruqseeyay Shaqada Ciidanimo ee maamulka Puntland, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in aan hubka laga qaadin markii xanuunkaan lagu arkay oo shaqada laga soo diray oo kaliya, waxa ayna tani noqoneysaa dhacdo aad u fool xun oo dadka ka yaabisay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sida lagu baahiyay wargeysyada kasoo baxa dalka Sacuudiga Kooxda Al Qacida ee fadhigeedu yahay dalka Yemen ayaa digniin u dirtay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman. Kooxda ayaa Mohamed Bin Salman ku tilmaantay mid fasahaadinaaya Diinta Islaamka, isla markaana dhalanrogay dhaqanka wanaagsan ee Haweenka kasoo jeeda Sacuudiga. Qoraal kasoo baxay Al-Qacidada Yemen ee loo yaqaan AQAP, ayaa waxaa lagu sheegay in Mohamed Bin Salman uu hoos u dhigay wax waliba oo wanaagsan ee ka jira Sacuudiga, waxaana looga digay danbiga ay sheegeen inuu ka galayo diinta Islaamka. Nuqul kamid ah qoraalka digniinta ee al-Qacida u dirtay Mohamed Bin Salman ayaa ahaa ‘’Wuxuu doonayaa inuu Masaajidada ku bedalo Shaneemooyin, isla markaana uu dalka Sacuudiga u fasaxo kuwa aan diinta heysan ee looga kala yeeray daafaha caalamka’’ Qoraalka ayaa intaa kusii daraaya ‘’Rag waa weyn oo cawradooda muuqato oo gaalo ah ayuu ogolaaday inay usoo daawasho tagaan kumanaan shacab Muslimiin ah oo isugu jira haween iyo rag, taasi kama dhaqan gali doonto Sacuudiga oo u dhexeeya Muslimka oo dhan’’ Waxaa lagu sheegay qoraalka Al-Qacida in Maxamed Bin Salmaan uu gaf cad u geystay diinta islaamka, hase yeeshee waxa ay uga digeen inuu kusii dhegnaado hadafkiisa ku aadan raali galinta Dowlada Mareykanka. Waxaa mar kale lagu yiri qoraalka ‘’ Digniinteenu waxa ay tahay mid nabar ku noqon doonto Maxamed Bin Salmaan oo aan rumeysanahay inuu ka weecanaayo wadada toosan waa inuu ka waantooba dhuminta shacabka Muslimka ah’’ Sidoo kale, dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay inuu sanadkan isbedalo badan ka sameyn doono dalka Sacuudiga. Isagoo sheegay in bishan June haweenka dalkaasi markii ugu horeysay loo ogolaan doono inay gaadiidka gacantooda ku kaxeystaan. Wuxuu kaloo laalay sharuuc horey dalkaasi looga mamnuucayey shaneemooyinka iyo goobaha kale ee maaweelada. Kooxdan ayaa dalka Yemen ka dagalanta muddo badan, waxa ayn halkaa ka geystaan gumaad lixaad leh oo ay u geestaan shacabka iyo shaqaalaha maamulka Yemen. Geesta kale, Goobaha ay Al-Qacidada Yemen ee loo yaqaan AQAP kaga noolyihiin dalka Yemen ayaa waxaa sidoo kale ka dhaca duqeymo diyaaradeed oo ay geystaan Xulafada Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Kampala (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Canshuur ay dhawaan Dowlada Ugandha kusoo rogtay dadka shacabka ah ee isticmaala baraha bulshada. Dowlada Ugandha oo ka duuleysa isticmaalka baraha bulshada ee sii kordhaya ayaa iclaamisay inay bilowday qaadista lacagaha canshuurta. Lacagaha Canshuurta ee lagu soo rogay dadka shacabka ah ayaa waxaa meelmariyay Baarlamaanka Uganada oo canshuurta ka dhigay mid waajib ku ah dadka isticmaala baraha bulshada. Baarlamaanka ayaa sababta Canshuurta ku sheegay si dakhliga kor loogu qaado, dadka qaar ayaa sheegaya in arrintan loogu gol leeyahay in la yareeyo dhaleeceynta madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni. Lacagaha Canshuurta ee baarlamaanka kusoo rogay dadka isticmaala Baraha bulshada ayaa dhan 200 shillings ($0.0531) oo laga qaadi-doono dadka isticmaala Facebook, Twitter iyo WhatsApp. Lacagtan ayaa sanadkii gaareysa ilaa $19. Sidoo kale, ilaa 40% dadka reer Uganda oo guud ahaan gaaraya 40 million ayaa isticmaala baraha bulshada gaar ahaan Facebook iyo WhatsApp, waxa ayan Dowladu ku doodeysaa in halkaa ay ku jirto dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, go’aankaani ayaa hoos u dhigaaya qorshooyinka Xisbiyada mucaaradka ay baraha bulshada ugu dacaayadeen lahaayen madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo xukunka hayey tan iyo 1986. Caasimada Online Xafiiska Kampala Caasimada@live.com
-
Dagaal culus ayaa caawa ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Alshabab ku dhexmarey deegaanka Bali khaddar oo ku yaala buuraha ku teedhsan silsiladda Golis ee Gobolka Bari. Wararka soo gaaraya Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegaya dagaalka labada dhinac oo socday dhawr saacadood oo xiriir ah inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac-ba leh wallow aan si rasmiya loo ogeyn baaxadda uu le,eg yahay madaama dagaalku dhacay xilli habeen ah. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland oo telefonka kula hadlay warqabadka PUNTLAND POST ayaa u sheegay afurkii salaada maqrib ka dib inay soo weerareen maleeshiyo ka tirsan kooxaha ku dhuumalaysta buuraha Galgala islamarkaana ciidanku iska difaaceen. Saraakiisha ayaa ka gaabsadey inay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha dhinacooda soo gaarey,madaama xilligu habeen yahay, waxaana warar madax banaan sheegayaan dagaalka caawa dhacay inuu ahaa mid culus oo saacado xiriir ah socdey. Sanadkii hore 17-kii bishii Ramadaan oo ku beegan caawa oo kale Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah oo khasaare badan dhaliyay ku qaaday saldhig ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur. Puntland waxay in ka badan 20 saldhig oo ciidan ku leedahay deegaano badan oo ku teedhsan buuraha Silsiladda Golis, oo in muddo ah kooxo ka tirsan Alshabab iyo Daacish ay ku dhexmareen dagaalo iyo iska hor,imaadyo. Bosaso PUNTLAND POST The post Kooxo hubaysan oo weerarey saldhig ciidanka Puntland ku leeyahay buuraha Galgala appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn Shalay ka dhacday Duleedka Magaalada Muqdisho oo ay geysteen Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka. Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee Africom ayaa lagu sheegay in Gantaalo lagu dhuftay Meel Qiyaastii 30 Mile Muqdisho uga toosan Koofur Galbeed. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Duqeynta lagu dilay 12 Kamid ah Dagaalyahanada Shabaab oo ku sugnaa Goobta diyaaradaha ay Bartilmaameedsadeen, Waxa ay sidoo kale sheegeen in Weerarka ay kaalin ka qaateen Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee Dowladda Somaliya. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay iney qiimeyn ku sameysay bal in dad Shacab ah ay khasaare ka soo gaartay Duqeynta, Iyagoo sheegay ineysan jirin Cid Shacab ah oo waxyeelo ay soo gaartay. Mareykanka ayaa sheegay iney sii wadayaan Weerarada ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada, ayna u adeegsanayaan Awood kasta si meesha looga saaro, Loona ilaaliyo Muwaadiniinta Mareykanka ah ee Gobolka ku sugan. Waxa ay sheegeen in meelaha ay beegsadaan ay yihiin Saldhigyada iyo Xerooyinka ay Ciidankooda ku tababartaan Dagaalyahanada Shabaab iyo Daacish.