-
Content Count
205,958 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Maxamed Faraxweyne ayaa maanta magacaabay guddiga uqareemida dhismaha garoonka kubada cagta Garowe, kadib kulan maanta ka dhacay xafiiska maamulka gobolka. Guddigaan ka kooban 20 xubnood ayaa isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ganacsatada, ururada maxaliga ah, bahda ciyaaraha, haweenka iyo warbaahinta. Guddigaan waxay ka shaqayndoonan sidii garoonka kubada Garowe ee Mire-awaare looga dhigi lahaa garoon casri ah oo leh Cawyska cagaaran. Guddigaan guddi ka horeeyay oo ay magacowday wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa fashilmay oo shaqayn waayay. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maalmahaan jirto siyaasad cakiran oo u dhaxeyso Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Xildhibaano gaarayo ilaa 107 Xildhibaan ayaa mooshin ka gudbiyey guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliy Jawaari kadib markii lagu soo eedeeyey inuu ku xadgudbay Dastuurka dalka u yaalo iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya. Haddaba waxaa is waydiin mudan hadda ka hor ma dhacay in Guddoomiye Baarlamaanka Mooshin laga keeno isla markaasna lagu guuleysto. Arrintaas waxay Soomaaliya ka dhacday hal mar, waxayna xilligaas aheyd 1965. Dowladdii Kacaanka nama quseyso waayo ma jirin Gole Shacab oo rasmi ah, sidoo kale kuwii KMG ahaa kama hadli doono. Dowladihii rayidka ahaa ayaan dul istaagi doonnaa bal in arinta maanta taagan ay soo martay iyo in kale….. 1965, waxaa codka kalsoonida lagala laabtay gudoomiye baarlamaanka ee waqtigaas Axmed Shiikh Cabsiye waxaana lagu bedelay Shiekh Mukhtaar oo ku xigeenkiisii ahaa. Shiikh Mukhtaar waxaa la tartamay Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal – Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Doontii ku gubanaysay meel ku dhow dekeda Bosaso, ayaa lagu guulaysan waayay in la badbaadiyo hantida ku raran, iyadoo guud ahaanba basbeeshay. Weriyaha Puntlandi ayaa kusoo warramaya in dab xoogan uu ka kacay gudaha Doonta, iyadoo loo maleynayo inuu saaran yahay Shidaal, waxaana adkaatay in loo dhawaado. Wasaaradda dekedaha ayaa goor dhow saxaafada u qabanaya shir jaraa’id, iyadoo faahfaahin ka bixinaysa shilkaan dhacay iyo macluumaadka Doonta. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ka dhigo Jaamacadaha dalka Mareykanka ayaa sheegay arrin yaab badan oo ku saabsan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Pro. Maxamed Sh. Cismaan jawaari. Prof. Cabdi ayaa jawaari ku tilmaamay inuu yahay mid aan laheyn karti uu ku hoggaamiyo Baarlamaanka Soomaaliya isagoo soo qaatay arrin dhex martay labadooda. Prof. Samatar oo la hadlay BBC qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu jawaari lasoo xiriiray markii la sameeyey Baarlamaanka isla markaasna uu usoo diray waraaq fasax qaadasho jaamacadeed ah. Wuxuu sheegay in waraaqda Jaamacadda Fasaxa looga soo qaadayey ay ku qorneyd inuu kamid noqon doono guddi madax banaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu sheegay markii uu Xamar imaaday inuu la kulmay Guddoomiye Jawaari isla markaasna ay iska wareysteen guddigaan uu kamid ah yahay ee looga soo fasax qaaday Jaamacadda. Wuxuu tilmaamay inuu Jawaari u sheegay inuusan guddigaan aheyn mid madax banaan isla markaasna ay isaga la shaqeenayaan. Prof-ka ayaa markaas sheegay inuu Jawaari waydiiyey sababta waraaqda loogu soo qoray inuu kamid noqon doono guddi madax banaan. jawaari ayuu sheegay inuu ugu jawaabay in waraaqdaas ay aheyd kaliya mid been loogu sheegayey Jaamacadda balse ay isaga la shaqeyn doonaan oo aysan jirin wax la yiraahdo guddi Madax banaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Prof Samatar ayaa sheegay inuu ugu dambeyn Jawaari u sheegay inaysan Jaamacadiisa been ku shaqeysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dooni ayaa ku gubanaysa meel aan ka fogayn dekeda magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, sida uu kusoo waramayo weriyaha Puntlandi ee gobolka Bari. Doontaan oo uraran ganacsato reer Puntland ayaa waxaa ku raran badeecado kala duwan, waxayna doonaysay inay kusoo xirato dekeda Bosaso. Illaa iyo hadda ma jirto wax gurmad ah oo loo sameeyay, inkastoo ay socdaan dadaalo loogu gurmanayo sidii loo badbaadin lahaa hantida Doonta saaraan. Lama garanayo waxa sababay gubashada Doonida. Wixii faahfaahin ah oo soo kordha kala socda Puntlandi.
-
Bosaso[Puntland Post]-Dooni ganacsi oo taagan meel Dekedda Bosaso dhanka Bari kaga beegan Badwaynta ayaa dab qabsaday, waxana la aaminsan yahay in dabku uu ka dhashay gudaha doonta. Sarkaal sare oo ka tirsan Dekada Bosaso oo Warbaahinta Puntland Post la hadlay ayaa sheegay in Doontu ay waday shidaal iyo Gadiid waxana ay ka timid dalka Imaaraadka Carabta. Magaca doonta ayaa la iigu sheegay Nuur Saabir, waxayna u rarnayd Ganacsato reer Puntland ah. waxa socda dadaalo lagu bad baadinayo doonta dabku qabsaday. Wixii soo kordha la soco Puntland Post insha allah Cabdiqani Boos Puntland Post The post Deg Deg Dooni Ganacsi oo dab ku qabsaday Nawaaxiga Dekada Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
The Office of the President of European Council on Tourism and Trade announced that President of Djibouti Ismail Omar Guelleh has been selected as a World Leader of Tourism and a member of European Tourism Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia, ayaa mar kale ka hadlay khilaafka ka dhashay Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, oo khilaafkaan uga hadlay qoraal kooban oo uu kusoo daabacay bartiisa Facebooka, ayaa sheegay in ahmiyada koowaad ay siin doonaan badbaadinta baarlamaanka. Fiqi, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in dhammaan Xildhibaanada BFS ay isku raaceen sidii loo badbaadin lahaa baarlamaanka, oo uu ugala jeeday Guddoomiye Jawaari. Axmed Fiqi, waxa uu tilmaamay in Xukuumada Somalia ay weerar kusoo qaaday baarlamaanka Somalia, waxa uuna qoraalkiisa ku muujiyay Fiqi inay ka go’an tahay sidii looga hortagi lahaa weerar ay Xukuumadda ku soo qaaday baarlamaanka. Nuqul kamid ah qoraalka Fiqi ayaa ahaa “Xildhibaanada golaha shacabku aqlabiyadoodu waxey isku dhaarsaadeen in la badbaadiyo barlamaanka, lagana hortago weerarka sharci-darrada iyo awood sheegadka isugu jira ee xukuumaddu ku soo qaaday” Waxa uu intaa raaciyay “Dhammaan isku dayadii iyo dadaaladii daba socday ee aan kala harka lahayn waa soo shiiqeen, waxaa dhiman oo qura shirka khamiislaha ah ama shir aan caadi ahayn oo golaha wasiiradu yeeshaan in lagu soo magacaabo guddoomiyaha golaha shacabka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, madaxweynuhuna dikereeto ku soo saaro” Geesta kale, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan garabka mucaaradka dowlada Federaalka ayaa u muuqda in xiisadaani uu uga dhex faa’iideysanaayo qorshihiisa Siyaasadeed. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa xildhibaanada ka dalbaday in ay badbaadiyaan Baarlamaanka 10-aad, wuxuuna tilmaamay in Xukuumadda ay isku dayeyso in ay burburiso Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli sii xoogeysanaaya khilaaf Siyaasadeedka ka dhashay Mooshinka ay Xildhibanada baarlamaanka ka gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia. Khilaafka ugu xoogan ee ka dhashay Mooshinka ayaa ka dhextaagan Ra’isul wasaare Kheyre, Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada baarlamaanka oo dhinac ah. Mooshinka oo khilaafka ka dhashay uu yahay mid aad u sareeya, ayaa waxaa ku kala aragti duwan Xildhibaanada oo ku kala qeybsamay wadada loo maray mooshinka. Xildhibaanada qaar ayaa qaba in Mooshinka ay ka danbeyso Xukuumada Somalia oo iyadu dooneysa inay la imaado Guddoomiye cusub oo la doonaayo in lagu bedelo Jawaari. Xildhibaanada garabka kale ayaa qaba in mooshinka uusan khuseyn Xukuumada, balse ay ka danbeysay dowlada Imaaraadka Carabta, kaa oo lagu badbaadinaayo shirkada DP World oo dhawaan laga diiday inay ku shaqeyso heshiiska Dekadda Berbera. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ah mudane ka tirsan Golaha shacabka oo wareysi siinaayay Idaacada Knn ee magaalada Muqdisho, ayaa kamid ah Xildhibaanada aaminsan in Mooshinka ay ka danbeyso shirkada WP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta. Xildhibaan Khaliif Cabdi, waxaa uu sheegay in shirkadda Dp Wolrd ee 12-kii bishan baarlamaanka kasoo saaray xeer dalka looga mamnuucayo ay tahay tan u sababta ah Mooshinka isla markaana ka dambeysay Mooshinka. Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Dp World ay gadaal ka riixeyso mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawari sidoo kalena ay ka dambeyso ciidanka la geeyay xarunta golaha Shacabka. ‘’Waxaan qirayaa in Mooshinka ay ka danbeyso shirkada DP World ee imaaraadka, waxaanu la socnaa qaabka ay mooshinka u dajisay iyo sida ay u agaasimeysay in ciidamo la geeyo xarunta Golaha shacabka’’ ‘’Mooshinkaan waxa uu kasoo bilowday Imaaraadka, waxa uuna kusoo dhammaan doonaa Imaaraadka, waxaana qabaa in si dhab ah loo wajaho xiisada ka dhalatay Mooshinka’’ Sidoo kale, Xildhibaan Khaliif Cabdi ayaa sheegay in dowlada Imaaraadka carabta iyo kuwa la shaqeeya ay halis muuqata ku yihiin Qaranimada Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in lala imaado isla xisaabtan. Geesta kale, waxa uu Xildhibaan Khaliif Cabdi ku baaqay in laga runsheego aasaaska Mooshinka iyo cida ka danbeyso, si loo gaaro xal degdeg ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaar kamid ah dadkii xoolo dhaqatada ahaa oo Xoolihii ay dhaqan jireena ay Abaartu ka idlaysay, kuna sugan Tuulooyin hoos yimaada Gobolka Nugaal ayaa ka cabanaya Xaalad nolol xumo oo soo wajahday . Dadkan ayaa sheegay in raashinkii ay siin jireen Hay,adaha gargaarka ay ka joojiyeen ,maadaama xoolihii ay iibsan jireen aysan lahayn wax laga cuno ama laga iibsado . Qoysaskan ayaa qiyaastii waxaa la sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo 400 oo qoys oo Xoolo dhaqato ah. Dowladda Puntland iyo Hay,adaha caalamiga ah ayaya ugu baaqeen in ay gar gaar deg deg ah ay la soo gaaraan dadkan oo isgujiray Haween ,Caruur, iyo dad da,ah. Halkan ka dhgayso. Xoolo dhaqatada Nugaal
-
Mandera Govenor Ali Roba with delegates from Somalia. [Photo/Ali Roba] Mandera County Boss Governor Ali Roba with Mandera East security team hosted delegates from Gedo region Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa guryo si casri ah loo dhisay lagu wareejiyay hormuudkii maxaabiistii lagasoo daayay xabsiyada dhaqan celinta Jigjiga, kuwaas oo dhawaan madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida uu cafiska ufiska ufidiyay. Maxaabiista xarumaha dhaqantoosinta lagasoo daayay ee xukuumadu cafiska ufidisay ayaa waxaa kadib markii tababaro kusoo qaateen kulayadaha deegaanka guryahan sida casriga loo dhisay furayaashooda ku wareejiyay taliyaha ciidanka booliska gaarka ah ee deegaanka ahna kusimaha hogaanka nabadgalyada iyo cadaalada DDSI general Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale. Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay hormuudkii maxaabiistii ay xukuumadu cafiska ufidisay oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin marka koobaad cafiska ay xukuumadu u fidisay iyo inay cafiska kadib intii tababaro kaladuwan lagu siiyay kuliyadaha deegaanka hadana maanta lagu wareejiyay guryihii ay ku noolaanlahayeen oo si rasmi ah loogu wareejiyay, waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada deegaanka oo run ahaantii si wanaag iyo sharaf ku dheehantahay ula dhaqmay mudadii ay ku jireen xeryaha dhaqan toosinta iyo hada oo ay kasoo baxeen.
-
Dowladda Ethiopia ayaa sharuudo ku xirtay inay sii dayso Cabdikariin Sheikh Muuse Qalbi dhagax oo katirsan jabhadda hubaysan ee ONLF ee ka dagaalanta dalka Ethiopia, kaasoo haatan ku xiran xabsi ammaankiisa aad loo ilaaliyo oo kuyaala Addis Ababa. Cabdikariin Qalbi Dhagax ayaa bishii August ee sanadkii tagay waxaa dowladda Ethiopia gacanta u galiyay dowladda federalka Soomaaliya, kadib markii ay ku sifaystay inuu katirsan yahay urur argigixo oo qatar ku ah ammaanka labada waddan. Afhayeen u hadlay jabhadda oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Xasan Hirmooge, ayaa warbaahinta u sheegay in wada hadaladii u dhexeeyay dowladda Ethiopia iyo jabhaddooda ay u fashilmeen sii daynta Qalbi Dhagax, iyagoo tilmaamay inay Ethiopia dalbatay inuu sarkaalkaas warbaahinta ka hor hadlo islamarkaana uu sheego inuu kasoo laabtay fikirkiisii xafjirnimo. Waxa uu sheegay Afhayeenku inay jabhaddu arrintaas ka biyo diiday islamarkaana ay wada hadaladii halkaas ku hakadeen, inkastoo uu shegay in mar kale la iskusoo laabandoono, iyadoo qalo waliba laga doonayo inay kasoo dibacdo mowqifkeeda. Puntlandi.com Ururka ONLF ayaa mar kale ku baaqay in si nabad ah lagu sii daayo Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax oo ka mid ag Madaxda Ururkaas, kaas oo ay dawladda Soomaaliya ugu gacan gelisay Itoobiya. Ururka ONLF ayaa sheeegtay in sii daynta Qal-bi-dhagax lagu xidhay shuruudo ay ka mid tahay inuu ka laabto mowqifkiisa siyaasadeed. Afhayeenka Jabhada hubeysan ee ONLF Cabdulqaadir Xasan HIRMOOGE oo Wareysi siiyay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay in wadahadalladii dhawaan ka dhacay dalka Kenya aan wax natiijo ah laga soo saarin marka laga reebo in waqtiyo kale la balamay. Waxa uu sheegay in siideynta dowladda Itoobiya dhawaan Maxaabiistii faraha badneyd ay ku timid banaanbaxyo ka dhacay deegaanada Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo baaqyo kala duwan oo ka yimid Caalamka. Waxa uu hadalkiisa intaas ku adray in Cabdi Kariin Muuse QALBI-Dhagax cadaadis lagu saaray in uu Saxaafada la hadlo isaga oo Shacabka dowlad
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan toddoba qof ayaa xalay ku geeriyooday dab ka kacay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, sida ay u sheegeen warbaahinta dadka deegaanka. Toddobada qof ee ku dhintay dabka ayaa waxay kala ahaayeen; Hooyo iyo shan caruur ah oo ay dhashay iyo qof la sheegay inuu marti u ahaa, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa dabkan. Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in aabaha dhalay qoyska oo uu dhaawac kasoo gaaray dabkan uu ku guuleysan waayay inuu qoyskiisa ka badbaadiyo dabkii xalay qabsaday gurigooda. “Walaaloow waxaa gubtay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid, waxaana ku naf-waayay hooyo, shan carruur ah oo ay dhashay oo aad u yar-yaraa iyo qof marti u ahaa qosyka, abbahihii qoyskana dhaawac ayaa soo gaaray,” ayaa laga soo xigtay goobjoogayaal ku nool xaafadda ay musiibadan ka dhacday, Sidoo kale, shacabka deegaanka ayaa sheegay in arrintan ay aad u naxeen , isla markaana ay tahay musiibadii ugu xumayd ee xaafadooda ka dhacda tan iyo inta la xusuusto oo uu dab geystay. Dabkan oo kacay xalay saqdii dhexe ayaa waxaa damintiisa qayb ka qaatay gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee maamulka gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale gacan ka geystay shacabka ku nool xaafadihii ku dhawaa gurigaas. Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay xilliyadii ugu dmabeeyay oo hooyo iyo shan carruur ah oo ay dhashay uu dab ku dilo Muqdisho, waxaana tani ay walaac xooggan ku abuurtay shacabka ka dhaw xaafadda uu dabkaani ka kacay. PUNTLAND POST The post Hooyo iyo shan Carruur ah oo ay dhashay oo xalay ku dhintay Dab ka kacay Gurigooda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu habbeenimadii xalay kulan khaas ah la qaatay Gudoomiyaha Golaha shacabka BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari ayaa waxa uu kulankooda qaatay ku dhawaad laba saac iyo bar, kaa oo ku saleysnaa khilaafka kala dhexeeya baarlamaanka Somalia. Madaxweyne Farmaajo, ayaa marka hore Guddoomiye Jawaari ugu baaqay xasilinta xasaradda siyaasadeed ee maalmahaan taagan, waxa uuna sheegay in xasarada ceynkaasi ah ay qalqal u abuureyso dalka. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Guddoomiye Jawaari ka dalbaday in la qaboojiyo xiisada Siyaasadeed, iyadoo dib loo eegaayo mas’uuliyada baarlamaanka ka saaran xal u helida khilaafyada noocaan ah. Madaxweynuhu waxa uu Jawaari u cadeeyay in shaqsi ahaantiisa uusan raali ka noqon doonin in xiisado siyaasadeed laga dhex abuuro baarlamaanka dalka,hadana uu diyaar u noqonaayo in wax waliba lagu kala saaro sharciga. Farmaajo waxa uu tilmaamay in aasaaska xeerka uu yahay cadaalad iyo sinaan sidaa aawgeed aysan u kala eexan doonin labada dhinac, hase ahaatee ay wax waliba ku meelmarin doonaan waxa uu ka qabo sharciga. Guddoomiye Jawaari ayaa aad usoo dhaweeyay dalabka Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna cadeeyay in qudhiisa uu aad ugu qanci doono wixii sharci ah, iyadoo aan si gaara loogu asxaan faleynin. Jawaari ayaa Farmaajo u xaqiijiyay in iminka uu diyaar u yahay in Mooshinka la horgeeyo baarlamaanka isla markaana uu qaato wixii kasoo baxa oo sharci ah. Sidoo kale, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo kamid ah mudanayaasha taageersan Guddoomiye Jawaari oo u waramaayay Idaacada VOA ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari ay isku fahmeen in la dajiyo xasarada taagan. Beene Beene, waxa uu sheegay in kulanka labada mas’uul uu xal u noqonaayo xiisada ka dhalatay Mooshinka, isagoo sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu imaado xal wanaagsan. Beene Beene, waxa uu intaa ku daray in labada mas’uul ay xalay isku raaceen in Mooshinka si daah furnaan ah loo horgeyo kulanka xildhibaanada islamarkaana ay uga soo qeybgali lahaayeen xubno kamid ah Aqalka sare ee Baarlamaanka iyo goob joogayaal kale oo lasocda sida ay u dhaceyso codeynta mooshinka. Si kastaba ha ahaatee, Mooshinka Guddoomiye Jawaari ka yaalla baarlamaanka ayaa la sheegay in cadadka mooshin wadayaasha uu sii kordhay, waxa ayna taa daaqada ka saari kartaa rajada Jawaari uu kusii joogi lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kaasoo ay uga hadleen xiisadaha siyaasadeed ee taagan. Farmaajo iyo Jawaari ayaa kulankoodii xalay ku jeex-jeexay xiisadda dalka ka taagan, taasoo ka dhalatay mooshinka laga keenay Jawaari oo la sheegay inay xukuumadda federaalku dabada ka riixayso. Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildibaanno dhawr ah iyadoo saxaafaddana loo diiday inay ka qayb-gasho, laakiinse ma jiraan qodobbo kasoo baxay kulanka labada mas’uul oo ay isku af-garteen. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Jawaari ayaa la sheegay inuu madaxweynaha u gudbiyay codsi ah in mooshinka laga keenay codka kalsoonida loo qaado, isagoo dalbaday in ciidamada laga qaado xarunta ay baarlamaanku ku shiraan, haddii kale codeynta lagu qaban doono meel kale oo ammaan ah. Guddoomiye Jawaari ayaa dhanka kale dalbaday in kulanka codka lagu qaadi doono ay goobjoogayaal ka noqdaan xubno ka socda Beesha Caalamka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Somalia, si codeyntu ay u noqoto mid hufan oo ka madax-bannaan wax-is-daba-marin. Xlidhibaanno ka qayb-galay kulankii xalay ayaa qaarkood warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalya go’aanka uu soo jeediyay Jawaari, isagoo sheegay inay wanaagsan tahay in codka kalsoonida ah lagu kala baxo. “Madaxweynuhu wuxuu ogolaaday in mooshinka laga keenay Jawaari cod loo qaado, isla markaana ay wanaagsan tahay inuu sharcigu sarreeyo,” ayay u sheegeen xildhibaannadu warbaahinta gudaha iyo tan dibadda. Ugu dambeyn, Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka ayaa sababay inay curyaamaan shaqooyinkii dowladda qaarkood, waxaana khilaafkan uu salka ku hayaa awood kala riixasho, wayna adag tahay in khliaafkan si fudud lagu cirib-tiro. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan gaar ah la qatay Guddoomiyaha Baarlamaanka DF appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya inuu is casilay Taliye ku-xigeenka ciidanka ciidamada Daraawiishta Puntland General Dayr Xaaji Cabdi. Taliye ku-xigeenka oo tabanaaya maamul xumo ayaa warqada is casilada u gudbiyay Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas. Taliye ku-xigeenka, ayaa la sheegay inuu ka cabanaaya faragalin lagu hayo shaqadiisa iyo in howlaha loo igmaday ay ku shaqeeyaan shaqsiyaad kale oo uu wato Taliyaha isaga ka sareeya. Waxyaabaha uu isku casilay Taliye ku-xigeenka, ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Mushaar la’aan ka heysata dhanka maamulka, sidaa aawgeedna ay u cuntami weyday inuu isku darsado faragalin shaqo iyo mushaarla’aan. Hoggaamiyaha maamulka C/weli Gaas oo ay gaartay warqada ayaan weli ka gaarin wax go’aan ah oo ku aadan aqbalaada is casilaada Taliye ku-xigeenka General Dayr Xaaji Cabdi. Talaabada uu isku casilay General Dayr Xaaji Cabdi, ayaa caado u ah Taliyayaasha maamulka Puntland, waxaana ayaan darro lagu tilmaamay in Taliyayaasha waday howlaha maamulka ay saaxiib u noqdaan Mushaar la’aan. Caasimada Online Xafiiska Bosaso Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar madaxbanaan oo aan ka helnay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Aqalka Sare. Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Cumar C/rashiid uu dalka ugu soo laabtay sida uu uga qeybqaadan lahaa isgarabtaaga Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay ku furan tahay mowjado Siyaasadeed. Cumar C/rashiid, ayaa la sheegay in saacado un kadib imaanshihiisa Somalia ay wada xiriireen Guddoomiye Jawaari, isagoo u ballanqaaday dhaqaale xoogan oo lagu kala furfuraayo culeyska ka heysta dhanka Xildhibaanada, wallow qadiyada lagu heysto Jawaari ay tahay mid aan lagu doorankarin dhaqaale. Cumar C/rashiid, ayaa dhaqaale xoogan kala imaaday dalka Imaaraadka Carabta taa oo loogu tallo galay in lagu kala daadiyo Mooshinka ay tiradiisa sii kordheyso, waxaana lasoo sheegayaa in Cumar C/rashiid uu wado kulamo kala duwan. Cumar C/rashiid, ayaa arrintaan waxaa kala shaqeynaaya Xildhibaano garab ku ah, inkastoo Xildhibaanada ugu badan ay cabsi gaara ka muujinayaan in lagu ag sawirro Cumar C/rashiid oo il gaara ay ku heyso dowlada Somalia. Sidoo kale, wararka aan heleyno ayaa intaa kusii daraaya in Cumar C/rashiid ay wada ballameen Guddoomiye Jawaari oo aan xiligaan ka faruqin kulamo joogta ah, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn qaabka uu ku dhici doono kulankooda. Cumar C/rashiid, ayaa waayadan ka caaganaa imaanshiyaha magaalada Muqdisho, tan iyo markii ay dowlada Somalia ka warheshay in isaga iyo C/raxmaan C/shakuur ay wadeen afganbin dhicisoobay oo lala damacsanaa dowlada. Dhinaca kale, waxaan cadeyn sida uu xaalku noqon doono waxaana xusid mudan in imaanshiyaha Cumar C/rashiid kadib uu Jawaari sheegay inuu jiro Mooshinka, uuna codsanayo in 10 maalmooda gudahooda lagu horgeyo Golaha Shacabka, si xeer hoosaadka loo ilaaliyo, taa oo muujineysa inay soo gaartay lacag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xafiiska Kheyre ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu soo dhaweeyay go’aanka uu Guddoomiye Jawaari ku codsanaayo in Mooshinka la horgeeyo Golaha Shacabka. Ra’isul wasaare Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa ka dalbaday in la fuliyo codsiga uu Jawaari ku dalbaday in Mooshinka 10 maalmooda gudahooda lagu horgeyo Golaha Shacabka, si xeer hoosaadka loo ilaaliyo. Kheyre waxa uu Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari ku wargaliyay inay muhiim tahay in mar waliba la dhowro Dastuurka dalka isla markaana laga dhabeeyo dhaarta lagu dhaartay Kitaabka. Waxa uu Kheyre, Xildhibaanada u cadeeyay inaan loo dulqaadan doonin qalad dhanka Dastuurka ah, sidaa aawgeed Xildhibaanada laga doonaayo in Mooshinka ay horgeeyan Golaha Shacabka si dastuurka loo mariyo eedeymaha lagu heysto Jawaari. Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in shaqsiga sida tooska ah dagaalka kula jira uu yahay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, hase ahaatee uu doonaayo in lagu kala baxo sharciga. Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa xiligaan u kala dabqaadaaya Xildhibaano iyo Wasiiro ka kala tirsan labada Gole. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaaya Khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia, kaa oo ka dhashay Mooshin ay Xildhibaanada kasoo gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Khilaafka ayaa sii xoogeystay kadib markii Guddoomiye Jawaari uu iska fogeeyay eedeymo ka dhanka ahaa ku dhaqanka Dastuurka, waxaana la sheegay in Dastuurka uu ka dhigay ‘’lajiifshaa banaan la joojiyaa banaan’’. Khilaafka oo gaaray heerkii ugu xumaa ayaa waxaa xalintiisa u kacay Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, waxaana arrintaas ku hormaray Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramda Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating. Ergayga Michael Keating, ayaa la sheegay in khilaafka taagan uu si hordhac ah kala hadlay Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Michael Keating, ayaa Jawaari u sheegay inaanu xalka Somalia aheyn in la abuuro xaalado colaadeed oo ka dhex dhasha labada Gole ee dowlada. Michael Keating, waxa uu Jawaari u sheegay in Beesha caalamka aysan ka raali noqon doonin Khilaaf iyo is jiidjiid xiligaan ka dhex dhasha labada Gole, gaar ahaan Xildhibaanada iyo Guddoonka sare ee baarlamaanka. Nuqul kamid ah haddalka Michael Keating ayaa ahaa ‘’Waa arrin aan fileynin inuu ku dhaqmikaro baarlamaanka hadda jira oo aan isleenahay wey ka duwanyihiin kuwii hore, waxaan dooneynaa in si dhab ah loo xaliyo khilaafka, waa in ka guddoomiye ahaan qiimo gaara siisaa dalabkeena ku aadan in xal laga gaaro mooshinka’’ ‘’Ma fileyno inaad ku gacanseeri doonto soo jeedinteena waxaana dooneynaa in lagu dhaqsado xalinta khilaafka jirta, waayo waxa uu khilaafkaan noqday mid ka duwan kuwii hore’’ ‘’Adduunku raali kama noqon doono in Somalia dib loogu celsho halkii ay kasoo dhaqaajisay sanado badan ka hor, waxaan ku rajo weynahay inaad naga aqbali doontaa baaqeena’’ Guddoomiye Jawaari ayaa Mr Michael Keating, u ballanqaaday inay la imaandoonaan xal, si looga fogaado in Somalia ay dib ugu laabato halkii ay kasoo tagtay, waxa uuna u xaqiijiyay in taa uu ka doorbidi doono inuu muujiyo tanaasul. Docda kale, Is araga Guddoomiye Jawaari iyo Michael Keating, ayaa kusoo beegmaaya xili dhammaan wakiilada Beesha Caalamka ee Somalia ay qeylo dhaan kasoo saaren Khilaafka labada dhinac ee sii butaacaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com