-
Content Count
205,958 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Kigale ee caasimada Rwanda. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa uu hogaaminayo ayaa ka qayb galaya shir muhiim ah oo looga hadlayo Ganasiga xorta ah, kaas oo ka dhici doono caasimada dalka Rwanda ee Kigale. Shirkaan waxaa sidoo kale ka qeeybgalaya Madaxweynayaasha Wadamada Uganda, chad, jabuuti , gabon, mali Senegal, Kenya, Soomaaliya iyo wadamo kale. Waxaa xusid mudan in shirkaasi uu ka baaqan doono Madaxwaynaha dalka Nigeria mohamadu Buhari hayeeshee shirkaasi ku yeelan doonaan matalayaal. Shirkaan ayaa bari oo arbaco ah ka furmi doono caasimada dalka Ruwanda ee Kigali waxaana madaxda Afrika ay kala saxiixan doonaan heshiis Ganacsi. ugu dambeeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi kula kulmi doono Qaar kamid ah madaxda wadamada Afrika. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Rwanda appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa kaga qeybgalay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda Kulanka gaarka ah ee 18,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo unko hal suuq oo Afrika ay leedahay. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka Wasiira arrima dibadeedka Afrika waxa uu ka sheegay qiimaha weyn ee ay ummadaha Afrika ugu fadhido inay ku midoobaan hal aragti oo horumar hiigsanaysa, si saboolnimada iyo colaadda u soo afjaranto, isagoo xusay in Soomaaliya oo ah dal dadkiisu ku firfircoonyihiin ganacsiga ay u tahay fursad weyn abuuridda suuqa Afrika. Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika. Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa la filayaa intooda badan inay gaaraan Magaalada Kigali March 21, 2018 si ay daaha uga rogaan mashruuca taariikhiga ah ee Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Dhiggiisa wadamada South Africa Ms. Lindiwe Sisulu, Djibouti Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo danaha Soomaaliya kala dhexeeya wadamadaasi. __DHAMMAAD__ The post Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika. appeared first on Puntland Post.
-
After escaping the horrors of war and persecution in countries like Syria, Iran and Eritrea, refugees and asylum seekers are using the healing power of gardening in Tyneside. Source: Hiiraan Online
-
Dalladaha SOSCENSA iyo PUNSAA oo ay ku midaysan yihiin qeybaha ugu badan ururada bulshada rayidka ah ee ka jira Soomaaliya ayaa War-murtiyeed ka kooban 9 qodob ka soo saaray xaaladda cakiran ee ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka dhex jira xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya. War-murtiyeedka dalladaha ayaa loogu baaqay Madaxda Dawladda Federaalka in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo sida ugu haboon ee danta shacabka Soomaaliyeed ku jirto, danta gaar ahaaneedna laga hormariyo danta guud. Sidoo kale dalladaha ayaa sheegay in ay xal u arkaan in si daah-furan loo qabto kulanka codka kalsoonida u qaadidda ee Guddoomiyaha Baarlamaanka sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya, waxayna ka digeen in hantida Qaranka lagu sii huriyo khilaafka u dhaxeeya Golayaasha Dowladda. Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka Dalladaha PUNSAA iyo SOSCENSA PUNTLAND POST The post Dalladaha bulshada rayidka ah ee Soomaaliya oo War ka soo saaray khilaafka Dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshinka laga wado Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo lagu eedeynaayo xad gudubyo ka dhan ah qodobada Dastuurka dalka. Xildhibaanada Mooshinka saxiixay oo dib loo soo cusbooneysiiyay ayaa waxaa saaka lasoo sheegayaa inay gaareen heerkii ugu sareeyay marka loo eego Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari, ee doonaaya inay difaacaan Mooshinka socda. Mooshin wadayaasha taabacsan Xukuumada Somalia ee doonaaya in la rido Guddoomiye Jawaari oo tiradooda gaareysay 198 ayaa waxaa iminka ku biiray 10 Xildhibaan oo dheeri ah,kuwaa oo kasoo go’ay garabka Jawaari. Xildhibaanada guud ee iminka taabacsan Xukuumada ayaa gaaraya 208 Xildhibaan oo si rasmi ah u saxiixay Mooshinka, kuwaa oo intooda badan xalay hooyday Hooyga Ra’isul wasaare Kheyre, sida aan xogta ugu danbeysay ku helnay. Xildhibaanada cusub ee ku biiray Mooshin wadayaasha ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu ku goodinaayo inaanu xilka uga dagi doonin cod la’aan. Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari ayaa waxaa xiligaan u badan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia oo iyagu u muuqda kuwo ilaalsanaaya xilalka ay ka hayaan Xukuumada waxaana ku jira Wasiirka Maaliyada iyo wasiirka Amniga Qaranka. Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada labada garab ayaa marba dhinac u badanaaya, waxaana la khiyaasi Karin sida uu arinku noqon doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A dream of establishing a continental free trade area in Africa has slipped back again after a last-minute decision by Nigerian president Muhammadu Buhari not to attend the summit in Rwanda where an agreement was set to be finalised. Source: Hiiraan Online
-
Eritrea says Ethiopia must move to deal with its chronic internal security crisis instead of finding scapegoats from outside. This is the position of Information Minister Yemane Gebremeskel in a response to an email query by the Bloomberg magazine. Ethiopian authorities were reported over the weekend to have said neighbouring Eritrea was partly to blame for its internal security headache. “The regime is desperately trying to deflect attention from its intractable domestic crisis — of its own making — and find external scapegoats,” Yemane said describing the claims as false and one that did not merit a serious response. The state-owned Ethiopia Broadcasting Corporation late last week quoted the federal police chief as saying Eritrea was trying to destabilize the country by sponsoring anti-peace forces. Ethiopia is currently under a six-month state of emergency imposed on February 16, 2018. It followed the resignation of Prime Minisiter Hailemariam Desalegn, barely 24-hours earlier. The government said it was necessary in the wake of spreading violence across the country. The measure was controversially ratified by the parliament in early March in a vote fraught with claims of rigging. It is not the first time that Ethiopia has accused Eritrea of such acts, neither is it the first time Eritrea is rejecting such claims. The two continue to trade blows over a border demarcation process which dates back to 2002. Eritrea achieved independence from Ethiopia in 1993 after decades of armed struggle. In 1998, the two neighbouring countries fought a two-year long war over their disputed border which claimed the lives of at least 70,000. The two countries have had tense relations as a peace deal signed in 2000 to end the war has never been fully implemented. Source: – Africanews
-
Two crew members have been killed and two others sustained injuries after commercial boat caught fire near Bossaso port, 1,388 km northeast of Somali capital, Mogadishu. The vessel which was carrying fuel, cars and food had sailed from Dubai Port of United Arab Emirates (UAE). Puntland Marine Police Force (PMPF) commander, Abdirisack Diriye said the fire killed two crew and destroyed all the goods that were onboard. ” The fire burnt down all goods onboard, Our forces fortunately rescued two crew members. The rescue mission is still underway,” Diriye added. The rescued crew members who are said to be Indian Nationals are now undergoing treatment at Bosasso General Hospital. The Fire is suspected to have been caused by a short circuit in the engine room of the boat. It is not the first time that a boat bursts into flames near Bosasso port. In June 2015, a fire broke out on the deck of a commercial boat which was carrying livestock from Puntland to Gulf countries. All 1000 livestock on the boat were burned before the boat sank.
-
Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo wafdi xidlhibaano ah oo uu hogaaminayo oo Muqdisho uga qeyb galay furitaanka kalfadhigii saddexaad ee barlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta dib ugusoo laababanaya Garowe. Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa casuumaad ka helay guddoomiye Jawaari oo haatan uu ku furan yahay mooshin la doonayo in xilka lagaga tuuro. Axmed Cali Xaashi ayaa saxaafada kula hadlaya Garowe marka uu soo dago, waxaana la filayaa inuu ka warramo safarkiisa Muqdisho iyo khilaafka siyaasadeed ee haatan ka dhex taagan barlamaanka Soomaaliya iyo mowqifka barlamaanka Puntland uga aadan arrintaas. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Jabhada ONLF ee sida aadka ah uga soo horjeeda maamulka DDSI ayaa shaaca ka qaaday in si fool-xun loola dhaqmo Sarkaalka Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo dhawaan ay dowlada Somalia u gacan galisay Ethiopia. Cabduqaadir Hirmooge, oo ah Afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in dowlada Ethiopia aysan waxba u yareysan Qalbi-Dhagax, hase ahaatee ay falalkaasi kula xisaabtami doonaan dowlada Ethiopia iyo inta garabka kusiisay dhiibista Sarkaalka. Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Hirmooge oo u waramaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in oogada Qalbi-Dhagax ay qarisay calaamadaha jir dilka ay u geysteen ciidamada Ethiopia ee ku dhex haya Xabsiga. Hirmooge, waxa uu sheegay in Sarkaalka lagu amray in uu la hadlayo warbaahinta sheegana in uu ka tanaasulay fikirkii uu horay u qabay. Waxa uu intaa ku daray Hirmooge, in Qalbi-Dhagax lagu amray in mudada uu ku guda jiri doono la hadalka warbaahinta uusan muujinkarin jir dilka loo geystay iyo waxyaabaha uu kala kulmay xabsiga dhexdiisa. ‘’Waxaan aad uga xunahay sida loo jirdilay Qalbi-Dhagax, waxaan naga daadagi doonin waxyaabaha ay qarineyso Ethiopia, waxaana inoo balan ah aargoosiga jir dilka iyo tacadiga Qalbi-Dhagax’’ Hirmooge, waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in weli ay dhibaato culus heysato Qalbi-Dhagax maalin walbana Xabsiga lagu jirdilo sida uu hadalka u dhigay, isagoo lagu khasbaayo inuu sheego waxyaabo dhaawici kara sharafka ONLF. Geesta kale, dowlada Ethiopia ayuu sheegay in Qalbi-Dhagax ay ku cadaadineyso in dib uga laabto fekerka Jabhada ay ku xoreyneyso dhulka DDSI, oo iminka ay hantisay Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa digniin culus u diray Xubnaha Beesha caalamka u jooga Somalia. Xildhibaanada ayaa Xubnaha beesha caalamka uga dugay inay faraha kula sii jiraan Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari. Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Beesha caalamka ay kasoo talaabtay xadkii loogu tallo galay, sidaa aawgeed laga doonaayo inay faraha kala baxdo howlaha Mooshinka. Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa sheegay in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay faragelin toosa ku hayaan howlaha Mooshinka, waxa ayna ku baaqeen inaysan culeyska kusii kordhin Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia. Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada saxiixay Mooshinka laga keenay Guddoomiye (Jawaari) kana mid ahaa Xildhibaanada kulanka ka yeeshay faragalinta xubnaha Beesha caalamka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baarlamaanka la siiyo madax banaani ku aadan inay qabsadaan hawlahooda. Jeesow waxa uu sidoo kale sheegay in Xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya looga baahan yahay inay fara kala baxaan arrimaha siyaasadeed ee maalmahaan ka dhex taagan Golaha shacabka. Si kastaba ha ahaatee, kulanka Xildhibaanada ku baaqay in Beesha Caalamka ay faraha kala baxdo Mooshinka ayaa kusoo beegmaaya xili labada maalin un ka hor ay wakiilada ku baaqeen in la joojiyo Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa kaga qeybgalay kulan Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagu qabtay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda Kulanka gaarka ah ee 18,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo aas aaso hal suuq oo Afrika ay leedahay. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka Wasiirada arrima dibadeedka Afrika waxa uu ka sheegay in ay qiimaha weyn ay ugu fadhido Afrika inay ku midoobaan hal aragti oo horumar hiigsanaysa, si saboolnimada iyo colaadda u soo afjaranto, isagoo xusay in Soomaaliya oo ah dal dadkiisu ku firfircoonyihiin ganacsiga ay u tahay fursad weyn abuuridda suuqa Afrika. Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika. Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa la filayaa intooda badan inay gaaraan Magaalada Kigali March 21, 2018 si ay daaha uga rogaan mashruuca taariikhiga ah ee Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Dhiggiisa wadamada South Africa Ms. Lindiwe Sisulu, Djibouti Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo danaha Soomaaliya kala dhexeeya wadamadaasi.
-
Sida ku qoran Qodobka 65aad ee dastuurka, faqrada 4aad, guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka ee federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha golaha shacabka federaalka ah. Qaabkan, waxaa ay ka duwan tahay xukuumadda, oo qodobka 69aad, faqrada (d) iyo (e) ayaa qeexaya qaabka loo maro meel-marinta iyo ceyrintaba, tusaale ahaan faqrada(d): Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1, iyo faqrada (e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku-xigeenka/kuxigeennada Ra’iisul-Wasaaraha. Si loo sii adkeeyo nooca codeynta golaha shacabka, qodobka 5-aad ee xeer-hoosaadka waxaa ku xusan, Qaabka loo dooranayo guddoomiyaha golaha iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana la adkeeyay shuruudda ku qoran qodobadka 65aad ee dastuurka, oo ah cod qarsoodi ah. Dhinaca kale, sida aan ku arki-doontaan noocyada cod-bixinta golaha, waxaa jirta mar haddii ay timaado duruuf gaar ah ay xildhibaannadu soo jeedin karaan cod gacan taag ah in loo bedelo qarsoodi, markaas oo loo baahanayo 20 Xildhibaan, qodobkan xeer-hoosaadka laguma darin in cod qarsoodi ah, loo badalo gacan taag. Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka Iyo Noocyada Codeynta Cod bixinta waxay u dhaceysaa siyaabaha soo socda: Gacan taag Cod qarsoodi ah Cod-bixin qoraal ah magac u yeerid. Cod bixinta qarsoodiga ah waxaa loo sameynayaa sida soo socota: Guddoomiyaha Golaha waa in uu diyaariyaa sanduuqa cod bixinta Guddoomiyaha Golaha waa in uu sharaxaa habraaca codeeynta. Guddoomiyaha Golaha waa inuu amraa yeerista magacyada xubnaha iyo u qeybinta xubnaha xaashida lagu codeeyo. Guddoomiyaha waa inuu xaqiijiyaa xubnaha codeeyay , kuwa ka aamusay iyo kuwa xumaaday , ka dibna ku dhawaaqaa Natiijada codbixinta. Cod-bixin qoraal ah (magac u yeerid), waxaa la qabanayaa markuu guddoomiyaha ama ugu yaraan 10 xubnood sidaas codsadaan, goluhuna go’aankaa qaato. Marka la qaadayo cod-bixin qoraal ah magac u yeerid, xubin kasta oo codeysa magaceeda hosrtiisa ayaa lagu qorayaa codkeeda haa/ maya ama maqnaashaheeda waana in lagu hor qoraa magaciisa/ magaceeda oo buuxa. Haddii ay timaado duruuf gaar ah, waxey xildhibaannadu soo jeedin karaan cod gacan taag ah in loo bedelo qarsoodi. Soo jeedinta waxaa keeni kara ugu yaraan (20) Xubnood oo golaha shacabka ah. Sharci ahaan haddii codeynta Mooshin la hor keenay Golaha ay barbar dhac noqoto, mooshinkas ma meel marayo. Haddii cod bixinta ay gacan tag tahay, guddoomiyaha ayaa codeynayo si uu u kala saaro labada dhinac markay is barbar dhac noqdaan. Marka laga reebo cod-bixinnada qarsoodiga ah iyo cod bixin magac u yeerid ah oo Goluhu ogolaaday sida ku qeexan Dastuurka ama xeer-hoosaadkan dhammaan cod-bixinnada kale ee caadiga ah waaa gacan tag, loona tiriyaa safba mar. Xubnaha jooga fadhiga balse aan ka qeyb qaadan cod-bixinta waxaa loo xisaabinayaa sida codadka xubnaha aamusay oo kale. Inta looga dhawaaqayo natiijada cod-bixint, xubin golaha ka tirsan looma ogola in ay hadal u jeedisa Golaha. Haddii la ogaado in ay jiraan khalad ku yimid cod-bixinta qarsoodiga ah ama codadka la riday aya ka badan yihiin tirada xubnaha jooga , guddoomiyaha wuxuu burinayaa natiijada cod-bixinta wuxuuna isla markiiba qabanayaa cod-bixin kaloo cusub . natiijada cod-bixin kasta waxaa ku dhawaaqaya guddoomiyaha Golaha isaga oo sheegaya tirada codadka ogolaaday ama diiday iyo codadka hallaabay. Axaddii, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aqbalay in aqalka sida ugu dhaqsaha badan uu ugu qaado codka kalsoonida kadib markii Mooshin laga gudbiyay, arrintan waxaa ay keentay khilaaf iyo xasilooni-darro siyaasadeed oo u dhaxeysa xukuumadda iyo golaha shacabka, qaabkan loogu codeynayo xil ka qaadista guddoomiyaha waxaa ay ka mid tahay hadal-heynta taagan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaaya Mooshinka ay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia kawadaan Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari ayaa saacadihii ugu danbeeyay ay sii korortay tiradooda, waxa ayna iminka gaarayaan ilaa 198-Xildhibaan oo saxiixay Mooshinka. Mooshin wadayaasha ayaa waxaa u badan Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Xildhibaano aan xilal ka heyn Xukuumada jirta, waxa ayna ka siman yihiin in meesha laga tuuro Guddoomiye Jawaari. Wasiirada iyo Xildhibaanadaka tirsan baarlamaanka ayaa waxaa horboodaya Ra’isul wasaare Kheye oo isagu wacad ku maray in Guddoomiye Jawaari uusan lasii shaqeyn doonin dowlada ‘’Nabad iyo Nolol’’. Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu Mooshin wadayaasha ku dhiirigaliyay inay ka takhluusiyaan Guddoomiyaha baarlamaanka iyadoo la eegaayo isbedel ka dhex curta baarlamaanka Somalia waxa uuna hal hees ka dhigtay ‘’Jawaari uma uusan dhalan xil heynta’’ Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Guddoomiye Jawaari uu ballanqaadyo u sameeyay Xildhibaanada ugu badan, halka qaarna uu uga ballanqaaday dhaqaale xoogan oo abaalmarin ah, haddii ay xilka ka tuuraan Jawaari. Xildhibaanada qaar ayaa ololo ugu jira in riditaanka Jawaari ay ku gaaran mansabyo kale, waxaana jira qaar badan oo uu wato shaqsiga imaan doona oo lawada ogyahay. Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa waxaa jira qaar iminka ka tirsan garabka taabacsan Jawaari, kuwaa oo saacadaha ugu danbeeya kusoo biiri doona Mooshinka. Si kastaba ha ahaatee, Mooshinka ayaa u muuqanaaya mid ay isugu hanjabayaan Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari, wallow aan la ogeyn sida uu xaalku noqon doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mooshin waa kalimad qalaad oo loo fahmay loona adeegsaday si ka duwan ujeedkeeda asalka ah sida uu ku fasiray Gudoomiye Jawaari “Mooshin iyo Xasaanad waa agabka kaliya ee Xildhibaanku leeyahay”. Mooshin waa; soo jeedin, la xisaabtan, dhaliil, canaan iwm, waxaana u baahan dawlad kasta oo dimoqraadi ah. Lkn dadka Somaaliyeed markii ay arkeen dhaqanka Xildhibaanadooda waxey u fahameen Mooshin; dumin, dib-u dhac, dibin-daabyo, khilaaf, loolan, xaalad-abuur, xasilooni-darro iwm. Beryahaan waxaa dood badan ka jirtay sababta iyo waxa uu salka ku hayo Mooshinka GudoomiyeJawaari; Khilaaf Jawaari iyo Khayre miyaa? Jawaari iyo Farmaajo miyaa? Jawaari iyo Muudey miyaa? Jawaari iyo Sharif Xasan miyaa? Qabyo iyo Xukuumadda miyaa? Qatar iyo Emaaraat miyaa? DP World iyo Somaliland miyaa? IGAD iyo Khaliij miyaa? Beesha Xalane iyo dawlada Federaalka miyaa? Su’aalahaas iyo kuwa kale ayey dadka Somaliyeed is weydiiyeen kadib markii ay ku soo kaceen aroortii 14 kii bishaan Mooshin aysan filayn, iyada oo laga hor-tegay laba Mooshin oo ka horeysay, Culimaduna uga digtay Xildhibaanada in ay Mooshin danbe keenaan, Sanadkaana loogu magac daray; “Sanadkii Xasiloonida Siyaasadeed” Mucaarad, Muxaafid iyo dadweyne intuba waxa ay ku wareereen sababta Mooshinka. Lkn waxaa jira Su’aal ama Jawaab aan weli la is weydiin oo ah; Mooshinka Jawaari wuxuu bilawday 6 bil ka hor, mana jirin xilligaas khilaaf u dhaxeeyay Jawaari, ku xigeenkiisa, M/weyaha iyo R/wasaaraha, hadda ayuu banaanka usoo baxay sababta? Xildhibaanadii Mooshinka ka qoray Jawaari 6 bil ka hor qaar ayaa hadda difaacaya Jawaari sababta? kuwii 2 bil ka hor difaacayey M/weynaha iyo R/wasaaraha ayaa hadda difaacaya Jawaari iyaga oo ku xumeynaya Khayre iyo Farmaajo sababta?, xagey Ciyaartu iska qaban la’dahay??? Dadka indha indheeya ama qiimeeya Siyaasada Somaliya waxey Biya dhaca Jawaabta ku tilmaameen hal qodob kaliya: Tartan iyo Loolan u dhaxeeya 40 Xildhibaan oo Wasiirro ah iyo 40 Xildhibaan oo Wariirro rabta! Mushkiladuna waxey ka soo bilaabatay 2004 markii Qabqable-yaashii hore iyo dawladaha IGAD ay ku heshiiyeen in Xildhibaanka iyo Wasiirka hal qof isku qaadan karo, kana dhigeen qodob Dastuuri ah, Odoyaasha iyo Bulshaduna nasasho heli-mayaan inta uu qodobkaasi noolyahay. Hadii aad u fiirsado Diinimada dhaqaajinaysa Mooshinka labada dhinac waa Xildhibaanada Wasiirada ah oo ku difaacaya kuraastooda iyo Xildhibaanada aan ku qanacsaneyn kursiga Xildhibaanka ee u hanqal taagaya kurassta Wasiirada. Waxaana muuqata in ay guul-dareysteen baaqyadii Bulshada iyo dadaaladii M/weynaha, Aqalka Sare, Culimada, MadashaTalo-wadaag, Bulshada Rayidka, Dhaqanka ee lagu doonayey in arinta lagu qaboojiyo lana joojiyo Mooshinka. Gudoomiye Jawaarina waxaa ka muuqata kalsooni uu ku qabo in la wada tago Sanduuqa Codka, lkn waxaa horyaal arrimo badan oo mugdi ku jiro; goorta Sanduuqa la tegayo, goobta la dhigayo Sanduuqa, cCdda leh go’aanka Sanduuqa, Cidda goobjooga ka noqoneysa, Tirada Xildhibaanada ka qeyb-gelaysa, Ciidamada ilaalinaya, cidda maamuleysa iwm. Hadii xalkii siyaasadeed la diiday! Xalkii sharcigana u baahanyahay Tafsiir iyo is faham dhexmara 80 Xildhibaan oo isku haysta, oo wada doonaya 40 Kursi Wasiir, Dastuur iyo xeerar qabyo ah, Maxkamad fasirtana aysan jirin! Armaa loo baahdaa oo fursad kale la siiyaa Kampala Accord iyo Beesha Xalane??? W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)
-
Dalladaha bulshada rayidka ee SOSCENSA iyo PUNSAA oo ay ku midaysan-yihiin qeybaha ugu badan ururada bulshada rayidka ah ee kajira Puntland, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa dood adag ka yeeshaay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jra xubnaha baarlamaanka Soomaaliya. Dood dheer kadib, Laba Dalladood waxa ay si wadajir ah usoo saareen War-Murtiyeed ka kooban qoodbada soo socda :- 1. Dalladaha waxa ay aad uga walaacsan yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Hey’adaha Sharci dejinta iyo Fulinta iyadoo ay u arkaan in khilaafka xiligan ku soo beegmay uu yahay mid dhabar jab ku ah geedigga dowladnimo ee Soomaaliya 2. Ururada bulshada rayidka ah waxa ay ugu baaqayaan madaxda dawladda federaalka ah in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo sida ugu haboon ee danta shacabka Somaaliyeed ku jirto, danta gaar ahaaneedna laga hormariyo danta guud. 3. Waxa ay sidoo kale ugu baaqayaan golaha shacabka oo ah wakiilada ummadda Soomaaliyeed in ay waajibaadka saaran u gutaan si wadani- nimo ah, ALLE ka cabsina ku jirto 4. SOSCENSA iyo PUNSAA waxa ay xal u arkaan in si daah-furan loo qabto kulanka codka kalsoonida u qaadidda ee guddoomiyaha baarlamaanka sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya loona dhameeyo khilaafka taagan. 5. Dalladuhu waxa ay baaq u dirayaan Xukuumada iyo Golaha shacabka oo ku aadan tixgelinta iyo u hogaansanaanta Dastuurka Dalka. 6. Dalladuhu waxa ay usoo jeedinayaa in golaha shacabka iyo xukuumaduba ay u ogolaadaan bulshada rayidka in ay goob joog ka noqdaan qaabka hawsha ay u dhaceyso 7. Waxa ay ka digayaan in hantida qaranka lagu sii huriyo khilaafka u dhaxeeya Golayaasha Dowlada 8. Waxa ay xasuusinayaan madaxda qaranka in khilaafka hadda jira uu niyad- jab ku yahay himmilada ummada Soomaliyeed, sidoo kalena uu dhaawacaya horumarkii la gaaray muddadi lasoo dhaafay. 9. Ugu dambayntii waxa ay ugu baaqayaan mas’uuliyiinta dowlada in ay dhageystaan isla markaana ay qaataan tallooyinka bulshada rayidka Soomaaliyeed si loo xalliyo khilaafka taagan. Wabilaahi Towfiiq HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA OO PDF AH. War-murtiyeed ay soo saareen dalladaha bulshada rayidka ee SOSCENSA iyo PUNSAA.doc
-
Wasiirka Dekadaha Puntland Mudane Saciid Maxamed Raage iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Isutaga Emaaraatka. Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa Emaaraatka kalasoo hadlaya Xiriirka labada dhina iyo Hesiisadii labada dhinac kala galeen. Safarka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya safar aan la shaacin ee Madaxweyne Gaas ku aadi doono Emaaraatka laakiin macada in Madaxweyne Gaas uu badalkiisa diray Wasiirka iyo in qorshuhu wali ku jirto Safarka Madaxweynaha ee Emaaraatka. Wasiisirka iyo wafdigiisu waxay Galabta ka duuleen Bosaso. Puntlandi Bosaso